Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UPDATE ON GALGALA FRONT

Recommended Posts

Ibtisam   

Originally posted by Sayid*Somal:

Jacaylbaro your gleening at this unforunate events is noticed - becareful what you wish for the others - especially when it effects you too.

 

 

:rolleyes: @ Sayid Maxamed Atam

Considering he has not said anything other than post articles from other sites, I doubt you can notice any gleening. Don't be so paranoid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^keep up the glee!!

 

it would also not suprise me if you glittered the stories you copied and pasted here since you deliberately do not show the sources.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka soo goostay C/samed Cali Shire iyo Puntland oo soo gaadhay Sarmaanyo

 

 

Ciidan gaadhaya 150 askari oo ahaa kuwo ka soo jeeda degmada Taleex ee gobolka Sool,oo qayb ka ahaa ciidanka ka dagaalamaya buuraleyda Galgala,oo uu C/samed Cali Shire u kaxaystay dagaalkaas ayaa soo gaadhay tuulada Sarmaanyo ee degmada Taleex ee gobolka Sool,iyaga oo ku hubaysan gaadhi iyo hub kala duwan,kuwaasoo ka mid ahaa ciidanka Puntland.

 

Ciidankan ka soo goostay jiida hore ee Puntland ayaa sheegay in markii hore loo sheegay in lacago badan la siin doono,oo ilaa iyo hada aan mushahar la siin,oo dagaalka loo sheegay in Alshabaab lala dagaalamayo,balse markii danbe uu noqday dagaal u dhexeeya laba beelood oo deegaankaas wada dega.

 

Ciidankan oo maanta afur loogu sameeyey degmada Xingalool,intaanay soo gaadhin Sarmaanyo ayaan la garan karin meel ay u gudbi doonaan,iyada oo la hadal hayo inay ku biiri doonaan ciidanka SSC ee ku sugan dhinaca hawdka ama nugaasha.

 

C/samed Cali Shire ayaa dagaalka Galgala u kaxaystay ciidan ka soo jeeda beeshiisa oo keliya,kuwaasoo ay hada badankoodii soo goosteen.

 

Maamulka Puntland ayaan ilaa iyo hada wax war ah ka soo saarin ciiankan ka soo goostay,iyada oo dagaalkii uu sii xumaaday oo uu faraha ka sii baxayo.

 

 

Afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidama PL ah u dhashey gobolka Sool oo kasoo goostey dagaaladii galbeedka Bari oo u goostey dhanka Degmada Xudun ee gobolka Sool

 

Xingalool (SPR): Goob joogayaal nagala soo xiriirey tuulooyinka Toro-bora iyo Wardheer ayaa waxay la soo xiriireen idaacada SPR una sheegeen in ay ciidama kasoo goostey deegaankaasi ay soo dhaafeen, ciidankan oo sheegey in ay ku dhintaan dagaalada ka socda galbeedka Bari.

 

Sidoo kale gudoomiyaha degmada Xingalool ayaa sheegay in ay ciidamadan soo mareen Xingalool ayan laakiin soo galin, isagoo sheegey in ay ka goosteen siduu filayo Puntland laakiin uusan garaneyn waxa ay usoo goosteen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

WARAR FAAH FAAHSAN OO KASOO BAXAAYA DAGAALADII GALGALA IYO KHASAARAHA AY GAYSTEEN

 

 

Warar faah faahsan oo kasoo baxaaya dagaaladii maanta dib uga qarxay Deegaanka Buurolayda ah Galgala ayaa waxa ay sheegayaan in uu dagaalkii maanta kamid ahaa kuwii ugu xumaa ee halkaasi ka dhaca Muddooyinkan uuna bilowday Saaka waaberigii markii ay dagaal gaadmo soo qaaden kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Puntland.

 

Wasiirka amniga ee Dawladda Puntland oo dagaalka ka hadlay ayaa waxa u sheegay in dagaalku ahaa mid gaadmo ah ayna soo qaadeen kooxaha kasoo horjeeda Puntland waxaana uu intaasi ku daray in dagaalka ay ku jebiyeen dhinacii soo qaaday ee Ciidamada Shiikh Maxamed Siciid Attam.

 

Wasiirka ayaa waxa uu intaasi ku daray in dagaalka ay ku laayeen qaar kamid ah kooxaha kasoo horjeeda isaga oo sidoo kale sheegay in kooxaha dagaalka la galay ay hadda baacsanaayaan Ciidamada Puntland waxaana uu sheegay in dagaalku socon doono ilaa inta laga soo afjaraayo kooxaha ku jira Buuraha Galgala sida uu sheegay Gen Yuusuf Axmed Khayr Wasiirka Amniga Dawladda Puntland.

 

Wasiirka oo kahadlaayey dhinaca khasaaraha dagaalka kasoo gaaray Dawladda Puntland ayaa waxa uu timaamay in dagaalka ay uga dhinteen saddex askari halka ay uga dhaawacmeen 7-kale hase yeeshee Wasiirka ayaa waxa uu xusay in khasaaraha soo gaaray mid ka badan ay u gaysteen kooxaha dagaalka kusoo qaaday ee Shiikh Maxamed Siciid Attam.

 

Dhinaca kale Shiikh Maxamed Siciid Attam hoggaaminyaha kooxaha dagaalka la galay Ciidamada Dawladda Puntland ayaa waxa uu dhinaciisa guullo ka sheegtay dagaalka maanta waxaana uu sheegay in ay khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ay u gaysteen Ciidamada Puntland.

 

Shiikh Attam ayaa sheegay in aan dhinacooda wax khasaare ah kasoo gaarin dagaalka ay la galeen Ciidamada Puntland waxaana uu intaasi ku daray in dagaalka maanta ay uga guulaysteen Ciidamada Puntland.

 

Sidoo kale Shiikh Maxamed Siciid Attam ayaa waxa uu sheegay in kooxdiisu ahayd difaac halka Ciidamada Puntland ay ahaayeen weerar taasina ay sababtay in khasaasrahu ku bato sida uu sheegay Attam.

 

Dagaalkii maanta ayaa waxa uu kamdi ahaa dagaaladii ugu cuslaa ee halkaasi ka dhaca Muddooyinkan waxaana uu qayb ka yahay dagaallo is daba joog ah oo muddooyinkan ka jiray Buuraha Galgala una dhexeeyey Ciidamada Puntland iyo Kooxaha kale ee Buuraha ku jira.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada oo ka baxay aagagii Madarshoon oo uu dagaalka ka dhacay

 

 

waxaa saaka aroortoo ka soo baxay deegaanka madarshoon ciidamada dawlada puntland waxaana la sheegayaa in ay dhamaan ciidanka isugu soo urureen galgala gudaheeda

 

lama garanayo sababta ka danbeesay in ay ka soo baxaan ,waxana lala xidhiidhinayaa xaalad dagaal , qaar kalena xaalad amaan ayey ku tirinayaan yadoo halkaa uu dhowaan qasaara baahsan ka soo gaadhay dawlada. bixitaanka ciidanka dawlada madarshoon ayaa imanaya xili ay dawlada puntland sheegaty aysan joojin doonin dagaalak ilaa ay soo afjaraan attam iyo ragiisa,

 

sikastaba arimahaan oo dhan ayaa imnaya yadoo dhowaan dagaala cul culus ka dhaceen deeganadaa kuwaas oo dhexmarayey dawlada puntland iyo wadadka maxamed siciid attam,isla markaana ay yagu galgala isaga bxeen isagoo ku macneeyey xeelad dagaal,

 

Dagaalkaana ayaa isna noqday mid ay hadal hayaan dhamaan warbaahinta caalamak iyo tan gudaa xili ay dawlaad puntland cabudhisay saxaafada xortaa yadoo ku eedaysay in aanay dhinaca yada ka soo horjeeda aanay war kaqaadi karin

 

 

Dhahar online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Maamulka Puntland oo Degaanka galgala isaga baxay

 

 

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa badankoodu isaga bexeen Magaalada Galgala ka Gadaal markii ay sii akaysan wayeen dagaal joogto an iyo qaar ka mida Masuuliyiinta Maamulka dowlada Puntland oo shaqooyin gobolada kale ee Maamulka Puntland u dhaqaaqay,Wararkii u damayey ee Degaanada Galgala iyo buuraha ay ku suganyihiin ciidanka uu Hogaaminayo Shiikh Maxamed Siciid Atam ayaa lugu soo waramayaa inay iminka xaaladu deganaansho ka tahay.

 

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Qaybootidii ugu horeysey dib uga soo laabatay Gudaha Magaalada Galgala oo beryihii u damayey ay ku sugnayeen Ciidamada Amaanka Maamulka Puntland oo dhinacyada ay ka fadhiyeen kuwa Maamulka Dowlada Puntland oo uu horkacyo Wasiir ku-Xigeenka 3aad ee Wasaarada Amaanka 2 Gaari oo tigniko ah oo uu leeyahay Co-C/jamaal.

 

Sidoo kale Wararka ka iminaya dhinaca buurta iyo shiikh Maxamuud siciid Atam ayaa waxay ku soo waramayaan inay dagaaladu dib uga bilaabmi donaan Nawaxigaasi

 

 

Laasqoray Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax Lala Eegtay Gaadhi Sahay u Siday Maleeshiyaadka Faroole Ee Ku Sugan Galgala

 

 

Boosaaso(Jidbaale.com) Qarax miino oo khasaare weyn geystay ayaa maanta barqadii waxaa lala eegtay gaadhi sahay u siday maleeshiyada Faroole ee dhawaan fadhiisimada ka sameystay Buuraleyda Galgala, iyadoo dhinaca kalena maleeshiyada Faroole ay baneeyeen saldhigiyo ay kaga sugnaayeen Galgala

 

 

 

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo nawaaxiga Buurta Galgala waxaa maanta barqadii qarax miino lala eegtay gaadhi nooca Jeemis loo yaqaan ah oo sahay u siday maleeshiyaadka Faraoole oo maalmihii u dambeeyay saldhigyo difaac ku lahaa Buurta Galgala. Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxaasi oo ka dhacay Dalcadda Buurta Galgala uu burburiyay gaariga lala eegtay islamarkaana khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu gaadhsiiyay maleeshiyadii Faroole, walow aan la ogeyn tirada saxda ah ee maleeshiyaadka Faroole ee Qaraxaasi ku waxyeelowdey, waxaase jira warar sheegaya in ugu yaraan sadex maleeshiyo ku naf waayeen qaraxa.

 

Dhanka kale sida ay ku waramayaan qaar ka mid ah goob joogayaasha buurta Galgala, maleeshiyada Faroole ayaa faaruqiyay dhowr fadhiisin oo maalmihii la soo dhaafay ay ku lahaayeen nawaaxiga Buurta Galgala kuwaasi oo iska horimaadyo kala kulmayay ciidamada uu hogaamiyo Sheekh Max’ed Saciid Atam oo buuraleyda gobolka kula dagaalamaya maleeshiyada Faroole.

 

 

Macadda sababaha maleeshiyada faroole u baneeyeen fadhiisimadii ay ku lahaayeen agagaarka Buurta Galgala hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya in guurista maleeshiyaadka Faroole ay ka dambeysay kadib markii dhowr jeer weeraro iyo qaraxyo loo geystay gaadiid sahay u siday maleeshiyada Faroole ee ku sugnaa nawaaxiga Buurta Galgala. Waxaa kaloo jirtay in maalmihii u danbeeyey maleeshiyaadka Faroole ka baxsanayeen goobta dagaalka iyagoo ku sheegay dagaalka mid xasuuq beeleed ah. Wararka ugu dabeeyey ee aanu ka helayno aaga lagu dagaalansanyahayna waxay sheegayaan in wixii ka hadhay maleeshiyadii Faroole ay isku soo urursadeen hareeraha wadada laamiga ee Boosaaso loo maro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Illaahada Madaxtooyada Puntland oo Sagaal Maxbuus ku Toogtay Duleedka Galgala

 

 

Boosaaso (Jidbaale.com)Ciidanka khaaska ah ee ilaalada madaxtooyada Puntland ee uu taliyaha ka yahay ninka Faroole adeerka u yahay ee lagu magacaabo Ina faraweyne ayaa maanta dil toogasho ah ku dilay sagaal maxbuus oo hore looga qabtay ciidamada deegaanka Galgal ee hogaamiyo Sh Atam

 

Arintan ayaa waxay ku keentay gadood iyo kala bax maleeshiyaadkii Faroole oo isugu jiray qabaa`ilo kala duwan. Taas oo markii danbe keentay in lagu kala dareereo goobihii difaaca ay kaga jireen. Qas iyo jaah wareer ku baahay maleeshiyaadkii faroole ka dib, ayaa waxaa goobtii yimi Cabdisamed Cali Shire oo isku dayay inuu dejiyo xaalada kacsan isagoo maleeshiyaadkii gadooday u sheegay in waajibaadka saarani ahaa inay wax ka laayaan maxaabiista. “Argagaxiso arxan inagama dhexeeyo.” Ayuu yidhi isagoo hadalkiisii sii wata.

 

Waxaa jira warar iska daba imanaya oo sheegaya in maleeshiyaadkii ka cadhooday maxaabiista soomanayd ee duhurka rasaasta lagu jarjaray ay wadada laamiga u soo qaadeen dhinaca galbeed iyadoo aan ilaa iyo hada la ogayn halka ay ku abaaranyihiin, halka kuwii dilka gesytay iyaga laftoodu u soo xidhxidhanyihiin dhanka Garoowe. Maaha markii ugu horeysay ee maleeshiyaadka Faroole dil u geystaan maxbuus gacantooda ku jira, waxaa dhacday intii uu socday dagaalka Galgala in nin lagu magacaabo Jaamac Ducaale la sheegay in Dhakhtarka gudidhiisa lagu dhaawac tiray. Arintan ayaa ah mid argagax gelisay dhamaan umada Somaliyeed oo aanay dhaqan iyo caado u ahayn in la dilo qof maxbuus ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this