Haatu

Nomad
  • Content Count

    6,880
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    3

About Haatu

  • Rank
    Gaarisa, Waamo

Recent Profile Visitors

The recent visitors block is disabled and is not being shown to other users.

  1. Very good points. Somalis were and will always be outsiders when it comes to Ethiopian centres of power. So we should therefore focus on how we can leave as soon as possible. This is where Abtigiis failed. Geed uusan dhakadiisa gaari karin ayuu isku dayay in uu fuula. Wuu is dulleeyay.
  2. What is this thief saying? Can somebody summarise
  3. I think their aim is to declare independence. Everything they've done so far points towards that.
  4. He hates to say 'Soomaali' due to the connotations that word holds. He thinks secession means giving up soomaalinimo. What a lost fool.
  5. Heesaa weligiisba qiima ma lahayn, laakiin kan wuu ka sii liitaa. Wixiisa waa Soomaali nacayb, qadiyadda S/land oo keliya ma aha. Asaga, Faysal Cali Waraabe, iyo Oodweyne dhammaantood isku cudur bay qabaan.
  6. I don't believe this was a simple Al Shabaab attack. Whoever is behind it must be severely punished.
  7. I don't believe in colonial borders That avatar was bothering me for a long time. I hope the admin had a nice laugh when he chose that one. Galbeedi, Those "stories" are verifiable Somali history. The wardey we were talking about are the historical wardey who owned the land before us. They were gaalo oromo ah oo markii dambe dhulka laga kiciyay oo la addoonsaday. Kama hadlayn kuwa hadda walaalaheen ah ee Islaamay, Soomaalina iska noqday. Hadda waa dad fiifiican oo inaga mid ah. Ijaar bayba ii yihiin kuwa wardey ah oo xoolahayga ayay ii raacaan (me personally speaking that is). As for who is majority, that was never the topic of our conversation. We all know where O live and where the other clans live. My only argument is, intayda la ii aqoonsan yahay ha la ii daayo oo sheegashada ha la iga daayo. Dad baa maanta Badhaadhe igu haastaa wax kaleeto iskaba daayee. Laakiinse nin kale dhulkiisa ma sheeganin, anaa majoritu ahna ma dhihin. As a side note, the O of the area historically did not treat the NFD and Jubbaland as separate areas, to them it was one area known as Waamo. Haraha Waamo in Jubbadda Hoose all thr way till Dhasheeg Waamo on the Jubba river was dry season grazing. Come the rains, the O would move to Wajeer and the Tana river basin. So the land and the people are one and the same which is why the colonial border is so illogical. That might explain why the population was low during the 60s (tbf the whole of Waamo has a low population density due to the fact that it is a relatively newly conquered land). Things are different today due to viligisation. Nin walba dhulkiisa degmad ayuu maanta ka samaystay. Another side note, Waamo is really the western banks of the Jubba and beyond, not the Eastern banks facing shabeellaha and koonfur galbeed. That area has a totally different demographic. Don't confuse Waamo with Jubbaland. I am done with educating you guys on Waamo history. I see rag badan baa iska daa in ay dhulkayga ii oggolaadaan ee diidanba taariikhdayda. Illeen wixii aan maqli jiray beense moodi jiray baa run ah oo dad badan baa O arki karin.
  8. You're right, Somalia belongs to all Somalis. Can we extend that notion to Puntland as well? Or is it just for Jubbaland? PS: Before others get other ideas, let me reiterate that I support and have always supported Soomaaliweyn and a strong centralized Somali state. I don't believe in federalism nor do I believe in any other foreign, imported notions of governance. That said, I refuse to stand by whilst others deny my existence and rights.
  9. Waxaaga waa un muran indhala'. Soo maan ku dhihin Wardeydii Talyaaniga ku hoos noola ma ogi goor la xoreeyay? Marka haddaad leedahay weli Jubbooyinka niman Wardey la dhahaa ku nool, dee waa uun kuwii la xoreeyay goor ay ahaydba. As for tixraaca sheekada, dad taariikhdooda haaya baanu nahay oo odayaasha gobolka ayaa weyddiin kartaa. Haddaadan taas ku kalsoonayna, buuggan akhri 'Herder Warfare in East Africa: A Social and Spatial History, by Gufu Oba'. Taariikhda waa la wada haayaa, ninna been kama sheegi karo. Reer Gedo beelihii xulufada ahaa ee dhulka xoreeyay ayay ka tirsan yihiin. Dadkaan u jeedo way isgaranaayiin, haddaad adiga garanayninna, xogogaal maba tihid ee hawlahan faraha kala bax. Ilaahow nimaan wax ogayn ha na cadaabin. Dad wada Samafal oo kale ah oo taariikhda Waamo aan xaraf ka garanaynin baa raba in ay maanta faalloodaan. Weger.
  10. You're mixing things. I never said Koonfur should be given a vote. I said the 3 main constituencies in the North should be free to give their own opinion through time-old Somali mechanisms, i.e. shir-beeleed. Anything other than that is nacnac iyo khiyaali.
  11. Niyow ninna ma xanaaqsana. Taariikhda dhulkayga uun baan ku barayaayee si deggan cashirka u dhuux. Nimankii Wardeyda ahaa waa la addoonsaday oo beelihii xulufada ahaa baa kala qaybsaday oo Wardey Soomaali baa loo bixiyay. Af Soomaali ayaa la baray, magacyo Soomaaliyeedna waa la siiyay. Addoon walboo wardey Soomaali ahna wuxuu sheegan jiray qabiilka ninka lahaa. Hase yeeshee waxaa dhacday in addoomo badan ay falaagoobeen, qaarne ay dileen nimankii lahaa. Markay in mudda ah socotay, beelihii xulufada ahaa way shireen, Afmadow in lagu shiray ayaan jeclahay, sifa looga arrinsado dhibka soo kordhay. Waxaa la isku raacay in addoomaha la wanaajiyo, gabdhaha wardeyda ahna uusan nin Soomali ah guursan iyo arrimo kale oo la doonayay in lagu sasabo. Waxaa go'aankaas diiddey duqeyda Reer Gedo oo ku adkaystay in saan uusan xaalka ku socon karin. Waxay yiraahdeen intey Wardeyda addooma yihiin aan nabad la heli doonin. Waxay soo jeediyeen in Wardeyda la xoreeyo, markaasna ay sheegtaan qabiilka xoreeyay. Laakiinse beelaha kale way diideen oo addoonsiga ayay ku adkaysteen. Taas waxay sababtay in Wardeyda Reer Gedo la degganaa ay MX wada noqotay (aqoonyahannada qaarkood waxay qabaan in 70% reer Gedo ay Wardey yihiin dhalasha ahaan, Allahu aclam). Kuwii kalana ama way baxsadeen, ama waxaa la xoreeyay 60kii markay Kenya xornimo heshay (kuwii dhanka Talyaaniga ma ogi markii la xoreeyay). Waxaa xusid mudan in Wardeydii Gedo degganayd uusan hal nin ah ka imaanin oo by that time ay Soomaalida ku wada milmeen, meesha beelihii kale dad badan ay ka soo baxeen. Kuwa badan markii la xoreeyay webiga Ganaane ayay ka tillaabeen oo maanta walaalahood Ormada ayay la degan yihiin aagga Bangal oo Gaarisa u dhow (waad u tegi kartaa oo wareysan kartaa haddaad beentay moodeyso). Marka nimankaas mar horaa dhulka laga qaadayee, maanta taaka ma sheegan karaan. Kuwa kale ee wadanka 90meeyadii daaqa ku yimid waa walaalaheen, xuquuqna way leeyihiin, laakiin ma aha in ay dhulka oo dhan sheegtaan, maantana ajnabi Kenya ka imid igu tilmaamaan. Taas waaye midda aan diiddanahay ee ma ila fahantay?
  12. Call it foolish or whatever you want, but that is the Somali reality. Each tribe must get a say on the matter. What Quebec does is neither here nor there.
  13. War niyow doodda intay kaa martay. Meelna kuma dhihin beel fulaan baa magaalada Kismaayo ugu badan. Waxaan uun sheegay in qabaa'illada Waamo la garanaayo, meelaha ay degaanna la garanaayo. Waxa la isku haasto waxaa waaye niman wadanka 90meeyadii soo galay oo dad kale dhulkoodii rabaan. Waana ogahay in nimankii Reer Bariga ahaa ay Kismaayo ku badnaayeen, meesha qolooyinka Axmed Madoobe iyo Farmaajana ay baadiyaha u badnaayeen. Taasna waxaa ugu wacnayd markii wadanka lala wareegay, Wardeyda intay ka tagtay oo idil waa la kala qaybsaday, dhul, xoola, iyo addoomaba. Nimankii Reer Bariga ahaa magaalada Kismaayo ayay iska degeen, meesha kuwii kale ay baadiyaha Waamo kala qaybsadeen. Kismaayo iyo Waamana waxaa leh beelihii xulufada ahaa ee Wardeyda ka kiciyay. Nin kaloo maanta sheegan karo ma jiro. But I digress. I don't know why some people ay u xajiimoobaan markay Reer Waamo xaqooda sheegtaan.
  14. Walaal, dhulka waa la wada leeyahay, waana la kala leeyahay. Shakhsiga meel kasto in uu aado, ku noolaado, shakhsiyanna sheegto xor buu u leeyahay.Wixii oo ay saas tahayna, dhulka waa la kala leeyahay oo beel walba dhul ay ku tilmaaman tahay bay leedahay. Waa haddii xaqiiqada taagan aan la iska indhatiraynin. Kismaayo, iyo magaalooyinka kale waa magaalooyin soomaaliyeed, laakiin dhulka ay ku fadhiyaan qabaa'illo ayaa ab ka ab lahaa. Laakiin in qabiil loo nisbeeyo ma fiicna. Kaba soo qaad magaaladii yathrib ama madiinatu rasuul oo beelaha Aws iyo Khasraj ku tilmaannayd ka hor cahdigii rasuulka salalaahu calayhi wa sallam. Ama gobolkii Najd oo uu degaan ahaan lahaa Banuu Tamiim ayagana loo nisbayn jiray sida ku cad axaadiis farabadan. Marka haddaan maanta dhaha Gobolka Gedo waxaa degaa Beesha Farmaajo oo iyagaa degaan ahaan leh, been ma sheegin, ninna ma durin, balse xaqiiqada taagan uun baan ka hadlay. F.G.: Kismaayo tan iyo waagii la xoreeyay waxaa isla degnaa beelihii xulufada ahaa, haba loo kala badnaadee. Wixii ka dambaysayna waxay ahayd magaalo loo soo hirto oo beelal badan ay wada degnaayeen oo weligeed cosmopolitan bay ahayd. Laakiinse tuulooyinka kale ee Waamo way ka duwanaayeen, oo haddana hal beel ama laba uun baa tuulo walba degganayd.
  15. Soomaali baanu nahnay. Been ma isu sheegi karno. Haddii aan la is indhatiraynin, nin walba wuu ogyahay in bulshada Soomaaliyeed ay beel beel u dhisan tahay, beel walbana ay leedahay dhul ay ku tilmaaman tahay iyo garcas taladeeda looga dabafadhiyo. Marka dimuqraadiyad iyo xeerar caalami aan dhinac isaga dhigno, kuwaas waa beenbeentii aan Reer Galbeedka raaligelin jirnay. Waxaan uga golleeyahay, hadday beesha dhexe goosasha dooratay, beelaha kalana waa in taladooda loo xoreeyaa. Road trip waxba soo ma kordhinaayo. Waa in odayaasha beelahaas ay si xor ah u tashadaan oo go'aankooda caddeeyaan. Wixii taas ka horreyso waa iska sheeko uun. La jiifiyaana bannaan ma soconayso. Ama beel walbo aayakatashigeeda ha loo xoreeyo, ama ninna meel uma socdee weligeen waan isku dabranaan doonaa.