Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UPDATE ON GALGALA FRONT

Recommended Posts

Puntland oo Dagaal isu Diyaarinaysa iyo Odayaasha Dhaqanka ee Degaanka oo ka Biyo Diidsan

 

Boosaaso : Wararka magaalada Boosaaso naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in qorshe wada hadal oo la rabey in lagu galo arinta Galgala uu burburay , kadib markii maamulka Puntland iyo odayaasha dhaqanka qaarkood ay isku af-garan waayeen sida loo wajahayo qadiyadaas.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in Madaxweyne ku xigeenka PL C/samad Cali Shire uu odayaasha u diidey iney u safraan Galgala , sidoo kale ku amray iney muddo 24 saac ah war xagga telefoonka ah kaga keenaan nabad ama colaad waa sida uu hadalka u dhigaye , arintaas oo odayaasha u cunnami weydey, taasoo keentay in lagu kala tago fikirkaas , dawladduna u diyaar garowdo iney dagaal ku qaaddo degaanka Galgala oo ka tirsan gobolka Bari.

 

Dareenka bulshada ayaa ka anfariirsan tallaabooyinka aan tashiga lahayn ee ay ku tallaabsanayso dawladda Puntland, gaar ahaan hadalada madaxda ee carabka ku dhufanaya qabiilooyinka PL qaarkood.

 

maalmaha soo socda ayaa la filayaa in PL dullaan ku qaaddo degaanka Galgala , waxana cabsi laga qabaa in cawaaqib xumo ay ka dhalato habka dagaalkan loo maamulayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DIYAAR GAROW DAGAAL IYO WARAR SHEEGAYA IN GURMAD KA ANBO BAXAY SANAAG

 

 

Warar lagu kalsoon yahay oo LaasqorayNET soo gaarey ayaa waxay sheegayaan in Deegaanka Galbeedka Gobolka Bari uu ku jiro xaalad dagaal iyadoo ciidamada Diifacaa deegaanka la geliyey heegankii ugu sareeyey iyadoo 3 gaari oo kuwa xamuulka ahi ay ka anbo bexeen Degmada Dhahar iyo Xingalool taasina ay tahey Gurmad loo gudbinayo ciidamada Jiida hore ee Galbeedka Bari ee gobolka Bari.

 

Shaleyto ayaa waxaa magaalada Bosaaso ay gacanta ugu jirto maamulka Puntland waxaa lagu xanibey iney ka baxaan Odayaasha Reer Maakhir iyadoo maleeshiyaadka beelaha Ciise Maxamuud iyo Nuur Axmed ee uu wato C/samad Cali SHire amar lagu siiyey odayaasha dib ugu ceshaan Magaalada Bosaaso.

 

Sidoo kale General Ilka jiir ayaa waxaa la wadaa inuu ka anbo baxo magaalada Bosaaso sida ugu dhakhsaha badan iyadoo uu ku wajahan yahay Magaalada Ceeldoofaar ama Ceel Daahir halkaas oo uu Saldhig ku meel gaar ah ay ka sameysteen Ciidamo isaga ka amar qaata.

 

Waxaan cadeyn Mawqifka General Ilkajiir iyadoo warar lagu kalsoon yahay ay sheegeen inuu ka careysan yahay sida Faroole iyo Cabdisamad Cali Shire wax u wadaan iyadoo ay gacanta isula tageen Cabdi Samad Cali Shire xili la isku maandhaafey albaabka hore ee Hotelka Ponarama iyadoo General Ilkajiir uu Cabdi Samad Cali shire ku yiri '' OROD OO LAASCAANOOD XOREYSO, HALKAAS AYAA AJINEBI JOOGAAN E''.

 

Dagaalka laga cabsi qabo inuu ka dilaaco goobaha u dhow Bosaaso ee tuulada Laag iyo Karin ayaa waxay ka dhalatey kadib markii Farole ku dhawaaqey inuu duulaan ku yahay Degmada Galgala dadkeediina ugu baaqey iney ka guuraan oo meelo kale uga guuraan waana mid loo fahmey ETHNIC CLEANSING.

 

Waxaa sidoo kale jira Degmada Dhahar qeylo dhaan iyadoo dhalin yaro badan oo careysan ay gaadiid kala dhaqaaqeen degmada kuna wajahan goobaha la isku hor fadhiyo ee Laag iyo Karin.

 

Waxaase dhibku ka jiraa qaxa iyo barakaca ku iman doona bulshada Reer Bosaaso iyadoo lagu jiro xili aad u kulul oo magaalada intii wax haysatey ay ka xagaa baxdey isla markaana ay ku hareen magaalada dadkii aan tabar safar haysan.

 

Shacabka Gobalada Bari, Haylaan, Sanaag iyo Karkaar ayaa waxaa Faroole ku khasbayaa iney dagaal wiilashoodu ku dhintaan iyadoo Garowe ay ka fogtahey goobaha dagaalku ka dhacayo taasina ay tahey mid siyaasad xumo ah.

 

Waxaa kaloo jira warar sheegaya in Faroole ay ku eedeeyeen dad jufadiisa ka dhashey inuu qas wado iyadoo ay ugu yeereen inuu xilka sida ugu dhaqsaha badan ka dego iyadoo ay ku eedeeyeen inuu xil kas yahay isla markaana uusan awoodin inuu wax maamulo waa sida wararku nagu soo gaareen e.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Israsasayn galabta ka dhacday aaga is isku horfadhiyaan ciidanka deegaanka galbeed bari iyoCiidamada dawlada soomaaliya ee puntland

 

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helayno magalada Karin ee ku taal duleedka magalada boosaso ayaa waax ay sheegayaan in galabta halkaa laga maqlayey hubka nooca waawayn oo ay is waydaarsanayeen labada ciidan ee isku horfadhiya aagaa waa kuwa dawlada puntland iyo ciidanka deegaanka galbeed bari ee ka amar qaata wadaadka sheikh maxamed sicii Atam

 

Is rasaasayntan oo la sheegay inay bilaabatay saacadu marka ay ahayd 5:30 ayaa waxa ya socotay sida lasheegay 30daqiiqo waxana lays waydaarsaday hubka nooca loo yaqaan hoobiyaha iyo suuga

 

Wararkuna waxa ay intaa ku darayaa in aanay jirin wax qasaaraa oo halkaa ka dhacay isla markana la arkayey oo kaliya olalaka rasasta oo ka baxaya buurta sida ay noo xaqiiyey qof goob jogaa oo ku sugan magalada Karin ee gobolka bari

 

Waxaan deganaan laga sheegayaa goobahasi yadoo xabadu joogsatay ka gadaal markuu uu gabalku dhacay ,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gadiidka Bosaso ka baxaya oo Caawa la joojinayo iyo Rasaas Cuslus oo ka dhacaysa Buurahaasi

 

Bosaso:-Waxaa caawa xayiran wadooyinka ka baxa Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari,iyadoo la soo celiyey gadiid farabadan oo u socdaalayey Buurlayda Nawaaxiga Degmada celaayo ,iyo Duleedka calmadow kuwasi oo aan ilaa iminka kabixn wadda Magaalada Bosaso ka dibna galabta laga soo celiyey Isla koonayaasha Magaalada Bosaso.

 

Wararka aan ka helayno Magaalada Galgala qaar ka mida shacabkeeda waxay shegayaan in imika rasaasta ay maqlayaan isla markaasina ay ciidamada Daacada u ah Faroole ay si baqdinle u ridayaan rasaas,Hase ahatee wararka ayaa sheegaya in ciidanka Shiikha ay Halis ku tahay Awooda ciidamada Puntland inay hal mar oo keliya Wiqaan.

 

Warar rasmi ah ma jiraan oo ka turjumaya Madafiic iyo Hobiyaal ka dhacay nawaxigaasi ,Waxaan ciidanka dowlada Puntland ay joojiyeen gadiidkii waddada laamiga marayey iyo Wadooyinka kale ee Degaanada Galbeedka Bari sabab la xiriira cabsi ka soo foodsaartay dagaalkan ay ka baqsanyihiin oo Faroole ku dhawaaqay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warar hoose oo galabta laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland ayaa kusoo waramaya In guud ahaanba ay burbureen islamarkaasna lagu kala dareeray Wadahadalo sadex Gees ahaa oo lagu xalinayey Colaada ka taagan Deegaanka Buuraleyda ah ee Galgala kuwaas oo ay Odayaal dhexdhexaadinayeen islamarkaasna ay Dawlada & Mucaaradkuba ka qeybqaadanayeen.

 

Midkamid ah Odayaashii ka qeybqaadanayey Dhexdhexaadintan ayaa goordhaweyd APL u sheegey in wadahadaladaasi ay maanta Burbureen,waxaana uu taas ku macneeyey kadib markii Madaxda sar sare ee Puntland ay ku dhawaaqeen guluf colaadeed oo lagu qaado Buurta Galgala oo maalmihii lasoo dhaafay ay Ciidamo badani ku hareeraysnaayeen.

 

“Adeer Wadahadaladii waa ay Burbureen!..Waayo shalay (Jimacadii) waad maqlaysay in Madaxweynuhu uu dagaal ku dhawaaqay,maantana markii aanu isku nimid waxba waa socon waayeen oo dhalinyaradii galgala waxay ka caroodeen Hadalkii Madaxweynaha”Ayuu yiri midkamid ah Odayaashan oo caro ka muuqatay islamarkaasna APL ka codsaday in aanan magaciisa soo daabicin sababo dhanka Amaankiisa ah.

 

APL ayaa illo ay ku kalsoontahay kasoo xigatay in Wadahadaladani ay si toos ah u burbureen waxyar un kadib markii Madaxweyne Faroole dagaal ku dhawaaqay islamarkaasna la ogaadey in Madaxweyne Xigeenka Puntland oo Boosaaso kusugan uu Sahankii u danbeeyey Galgala u diray islamarkaasna ay Dawladu qorshaynayso dagaal rasmi ah oo ay kusoo afjarto Colaada ka taagan Galgala.

 

Wasiirka Arimaha Gudaha ee dawlada Puntland oo kasoojeeda deegaanka Colaadani ka taagantahay oo ay APL la xiriirtay ayaa ka gaabsaday in uu wax faahfaahin ah ka bixin Nabadeyntii uu wax ka waday oo Burburtay,waxaana warar hoose ay sheegayaan in Wasiirku uusan ku farxin islamarkaaasna uusan diyaar u ahayn in waqtigan awood lagu xaliyo Colaada Galgala.

 

Midkamid ah Howlwadeena Xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha ee Puntland islamarkaasna Wasiirka ka agdhow ayaa sheegey in Wasiirku uu aad uga xumaaday markii ay Wadahadaladani burbureen,waxaana uu Sarkaalkani sheegey in Wasiirku uu doonayo in xaalada la qaboojiyo islamarkaasna xaalada Galgala lagadaayo Tiknikada lagu sii wado.

 

Burburka Wadahadalkan oo ahaa mid siweyn dhagaha shacabka reer Puntland uga nixiyey ayaa yimid markii uu Madaxweynaha dawlada Puntland oo shalay ka hadlay Masjidka Saxaabada ee magaalada Garoowe uu sheegey in aysan ishorfadhiyi doonin Kooxda Galgala,waxana sidoo kale Madaxtooyada Labaad ee Puntland ee Boosaaso ay ka bilowday Diyaar garowga Dagaalkan oo uu Majaraha u hayo Madaxweyne Xigeenka dawlada Puntland.

 

 

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Midkamid ah Odayaashii ka qeybqaadanayey Dhexdhexaadintan ayaa goordhaweyd APL u sheegey in wadahadaladaasi ay maanta Burbureen,waxaana uu taas ku macneeyey kadib markii Madaxda sar sare ee Puntland ay ku dhawaaqeen guluf colaadeed oo lagu qaado Buurta Galgala oo maalmihii lasoo dhaafay ay Ciidamo badani ku hareeraysnaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why is this of interest to you?

 

We wouldn't care if your people were fighting in Borama against unionists.

 

As this is none of your concern. Stick with your NW posts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Degdega Dagaal Qaraar oo Saaka Waaberkii ka bilaabmay Nawaaxiga Degaanka Maraje

 

 

Maraje:-Dagaalkan oo ay dulaankiisa markii hore soo qadeen ciidamada PSTa iyo kuwa Puntland ayaa Saaka 5Aroornimo si dhab ah uga bilaabma buuralayda Nawaaxigaasi ah,Waxaana Bosaso la soo gaadhsiiyey ilaa 30 Askari oo Dhaawacyo liita ah kuwaasi oo lugu dabiibayo cisbitalka Bosaso.

 

Dagalka ayaa ilaa iminka soconaya waxaana dhacaya Hubka nociisa waawayn Ciidamada Puntland ee ku sugnaa Waddada Laamiga ayaa Qoryohooda iyagoo watakala baxay xaraaraha ama qararka buuraha ah ,Hase ahatee Waxaa Iyana Laamiga afka soo saaray oo Werarkooda xoojiyey kooxda shiikha oo iyagu wacad kumaray inay Buurta ay dagaal noocwalba ah oo lagaga soo qaado iska difaacayaan.

 

Guud ahaan Magaalada Bosaso ayaa iyana Maanta Allbaabada loo laabay ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqii gadiidka ee waddada laamiga gaar ahaan gudaha Magaalada Bosaso iyo Wadooyinka ka baxa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rain   

so puntland's 12th birthday kicks off with a bang.

 

"War does not determine who is right - only who is left."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa Saaka markale uu dagaal xoogani ka qarxay Buuraha gobolka Bari gaar ahaan Deegaanka Galgala oo aanan waxbadan ujirin halkii uu Dagaalka culusi ka dhacay Labo todobaad ka hor,waxaana dagaalkani u dhexeeya Ciidamo xoogan oo katirsan kuwa dawlada Puntland & Malayshiyada Sheekh Atam oo in mudo ah halkaas ku dhuumaalaysanaysay.

 

Dagaalkan oo saaka goor hore bilowday ayaanan weli lehelin Khasaaradiisa dhabta ah,balse Sarkiil katirsan Ciidamada dawlada Puntland ayaa APL u sheegey in Dagaalkan ay saaka iyagu qaadeen waxaana ay taas ku macneeyeen in laga fursan waayey islamarkaasna madaxda sare ee dawlada Puntland amartay Dagaalkan.

 

Warar hoose oo ay APL dagaalka saaka ka helayso ayaa sheegaya in Ciidamo gaaraya 10-Askari oo dhaawac ah oo katirsan kuwa Puntland laga sooqaaday jiida dagaalka islamarkaasna loo soo dhaadhiciyey dhanka magaalada Boosaaso,waxaana ay wararku intaas ku darayaan in Ciidamada dawlada Puntland ay hor’umar kasameeyeen dagaalkan oo markii hore la riixay ciidanka Puntland.

 

Taliye sare oo katirsan Ciidanka Daraawiishta ee dawlada Puntland ayaa APL u sheegey in Dagaalka saaka ka hor ay ka horeeyeen Madaafiic ay ciidanka Puntland shalay galab ilaa xalay ku asqeeyeen Halka Difaaca u ah Ciidanka Sheekh Atam oo uu sheegey inay khasaaro xoogan gaarsiiyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iyadoo Dagaal culus uu kasocda Deegaanka Galgala ee gobolka Bari ayaa halkaas waxaa kusii qulqulaya Boqolaal katirsan Ciidamada kaladuwan ee Puntland,waxaana magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga dawlada Puntland laga dareemayaa Dhaqdhaqaaq xoogan oo ay Dawlada Puntland halkaas ka wado.

 

Dagaalkan oo daqiiqad kasta sii kululaanaya kadib markii ay Dawlada Puntland kusii gurmayso goobta Dagaalka ayaa wararkii udanbeeyey ee laga helayo waxay sheegayaan in halkaas goordhawayd aygaareen Saraakiil Heer Madaxweyne ah oo aad u farabadan islamarkaasna Boqolaal Ciidamo ah & Tobonaan Gaadiidka dagaalka ah ay galbinayaan.

 

Saraakiishan oo uu horboodayo Madaxweyne xigeenka dawlada Puntland islamarkaasna ah Sarkaalka ugu sareeya Saraakiisha Ciidamada ee Howlgalka Sifaynta Galgala ayaa waxaa kamid ah Tiro Wasiiro ah,waxaana APL saraakiil kusugan goobta dagaalka ay kasoo xigatay in Madaxweyne Xigeenka dawlada Puntland uu labisnaa labiska ay gashadaa Ciidanka Daraawiishta ee dawlada Puntland ee loo yaqaano “Tuutaha”.

 

Jen,Cabdisamed Cali Shire ayaa sidoo kale waxaa ciidankiisa kamid ah Gurmad aad u badan & Taliyeyaal ciidan oo intoodabadani kasoo jeeda Gobolada Sanaag & Bari ee dawlada Puntland,waxaana uu Madaxweyne Xigeenku goordhaweyd gaaray goobta Dagaalka,isagoo tagay islamarkaasna Booqday Goobaha Ciidamada Puntland ee jiida Dagaalka kujira islamarkaasna dagaalku kusocda.

 

Sarkaal katirsan Malayshiyaadka Sheekh Maxamed Siciid Atam oo goordhaweyd APL lasoo xiriiray ayaa sheegey in Puntland ay dagaal gardaro cad ah kusoo qaaday,waxaana uu xaqiijiyey in dagaalku uu si baaxadleh usocdo,isagoo sheegey in ciidankoodu ay isdifaaci doonaan,Wuxuuna Sarkaalkani intaas ku daray in Ciidamo PIS ah oo aad u farabadani ay dagaalka kujiraan kuwaas oo uu kutilmaamay kuwo Diinta Islaamka Burburintooda lookeena waa sida uu APL u sheegay Sarkaalkaniye.

 

Dawlada Puntland & Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaanan weli wax war ah oo Rasmi ah kasoo saarin Dagaalkan oo saaka bilowday Welina kasocda halkii uu saaka ka bilowday,waxaana halkaas kusii qulqulaya Gurmad aad u farabadan oo Dhinacyo badan leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saraakiishan oo uu horboodayo Madaxweyne xigeenka dawlada Puntland islamarkaasna ah Sarkaalka ugu sareeya Saraakiisha Ciidamada ee Howlgalka Sifaynta Galgala ayaa waxaa kamid ah Tiro Wasiiro ah,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this