Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UPDATE ON GALGALA FRONT

Recommended Posts

Poliska Togdheer Oo Guryaha Ka Badhey Dad lala Xidhidhiyey Shek ATAM

 

Booliska oo guri-guri u baadhay xaafadaha Burco, ujeeddada hawlgalkooda & weedha masuuliyiinta

 

“Waxa jira rag xidhiidh la leh kooxaha rabshadaha ka wada wadamada aynu xuduudka la leenahay oo…” Hoggaanka Booliska Togdheer

 

 

- Ciidamada amaanka ee gobolka Togdheer, ayaa hawlgal baadhis ah ka fuliyay guryo ku yaala inta badan xaafaddaha magaalada Burco ee xarunta gobolkaas.

 

Sida uu Wargeyska Ogaal u xaqiijiyay hoggaanka Booliska gobolka Togdheer Mr. Cabdiraxmaan Axmed Liibaan (Cabdiraxmaan Fooxle), hawlgalkaas waxa ka qaybqaatay boqolaal ka tirsan ciidanka amaanka, kuwaasoo ku hawlanaayeen saddexdii habeen ee u dambeeyay. “Waxa jira rag xidhiidh la leh kooxaha rabshadaha ka wada wadamada aynu xuduudka la leenahay sida Soomaaliya iyo maamul-gobolleedka Puntland oo soo galay magaalada (Burco), kuwaasoo horena inaga dhaawacyo inoo gaadhsiiyay. Markaa hawlgalo balaadhan ayay ciidamada amnigu ka fuliyeen xaafadaha magaalada,” ayuu yidhi Taliyaha oo u waramay weriyaha Wargeyska Ogaal ee magaalada Burco Mr, Mahad Faarax. “Waxaanu baadhnay guryo tiradoodu gaadhayaan sideed guri, baadhistiina way socotaa, markaa cid aanu qabanay oo aan hadda kuu sheegi karaa ma jirto, maadaama ay baadhistii socoto,” ayuu raaciyay Cabdiraxmaan-Fooxle.

 

Taliyuhu waxa uu sheegay in goobahaa ay baadheen ay ku tuhmeen raadad ay daba joogaan, isla markaana uu hawlgalkani la xidhiidho mid lagu sugayo amaanka magaaladaas.

 

Hoggaanka Booliska ee Togdheer waxa uu dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco u soo jeediyay inay Booliska kala shaqeeyaan arrimaha lagu xoojinayo nabadgalyada.

 

Sidoo kale, waxa uu dadweynaha u soo jeediyay in fiiro gaar ah u yeeshaan dadka ay guryaha ka kiraynayaan, isla markaana wixii ay ka shakiyaan la soo socodsiiyaan ciidanka Booliska.

 

Maaha markii u horaysay ee ciidamada Booliska Burco ay hawlgalo la xidhiidha adkaynta amaanka ka fuliyaan magaaladaas, iyadoo ay dhawr jeer oo hore hawlgalo ay fuliyeen ku soo qabteen rag falal amaan-darro lagu tuhmay.

 

Ciidanka Booliska Burco waxay 10/06/2010 hawlgal baadhis ah ka fuliyeen guri ku yaala magaaladaas oo sida la sheegay ay degenaayeen niman lala xidhiidhiyay kooxda Al-Shabaab ee dagaalka ka wada Soomaaliya, iyadoo hawlgalkaas oo iska horimaad hubaysan sababay uu ku dhintay sarkaal ciidanka ka tirsanaa, isla markaana ay ku dhaawacmeen laba Taliye oo kala haystay qaybta Booliska Bariga Burco iyo saldhiga dhexe ee Booliska magaaladaas.

 

 

Source: ogaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its reasonable to check if people who have come to visit the city dont have any weapons with them. That is the work of the Police, maintaining law and order.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo xoogan oo gaystay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay gobolka Bari.

 

 

Galgala: (Sh. M. Network) Dagaalo xoogan oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay buuralayda Galgala ee gobolka Bari waxaa uu ku dhexmaray ciidamad maamul gobaleedka Puntland iyo kuwa uu hogaamiyo Max’ed Saciid Atam.

 

Dagaalada xalay ka dhacay deeganada buuralayda Galgala ayaa waxaa ahaa kuwa labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana la sheegayaa in halkaasi uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimahso iyod haawac.

 

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu biloowday kadib markii weerar gaadmo ah Mar kale ay halkaasi ku soo qaadeen ciidmada uu hogaamiyo Max’ed Saciid Atam, fariisimo ay ku lahaayeen ciidamada PIS-ta Puntland buurta Galgala, waxana dagaalkaasi ku geeriyootay 3 ruux halka 6 kalana ay ku dhaawcmeen kuwaasoo ka wada tirsan dhinacyadii dagaalamay..

 

Xalaad goobihii xalay dagaaladu ay ka dhaceen ayaa saakay degan iyadoo aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada ku dagaalamaya buuralayda Galgala.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo xalay Gobalka Bari ku dhaxmaray ciidamada Mujaahidiinta deegaanka Galgala iyo Maleeshiyaad hubaysan oo daacad u ah Cabdi Raxmaan Faroole.

 

 

Dagaallo culus ayaa xalay saqdii dhexe ilaa iyo saaka ka socday degmada Galgala waxaana jira khasaara xoogan oo soo gaaray Maleeshiyaadka PIS-ta Puntland oo dhibaata ku haysay shacabka degmadaasi.

 

 

 

Saraakiil katirsan Mujaahidiin oo lasoo xariiray Shabakadda SomaliMeMo ayaa faah faahin dheer ka bixiyay qaabkii uu dagaalku u dhacay iyo Natiijada ay kala gaareen labada dhinac.

 

 

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Ciidanka Mujaahidiinta deegaanka ay xalay saqdii dhexe weerar kusoo qaadeen Maleeshiyaad Fariisin ciidan ku lahaa Garoonka Kubadda cagta ee galgala waxaana halkaas ka dhacay Dagaal gacmaha layskula tegay.

 

 

Sida ay saraakiishu xaqiijiyeen dagaalka waxaa ka horeeyay Madaafiicda Hoobiyaha oo ay Dadka deegaanku ku garaaceen xerada ciidan kadibna waxaa u daatay dagaalyahanada deegaanka.

 

 

Markii uu dagaalku in Mudda ah socday ayaa la arkay maydad iyo dhaawacyada Maleeshiyaadka oo daadsan goobta, waxaa jira gaadiid dagaal oo laga gubay Maleeshiyaadka PIS.

 

 

Wararka ayaa intaasi raacinaya in Maleeshiyaadka intooda badan ay ka bexeen magaalada balse ay joogaan kuwa go'doon ah oo laba maalin ka hor gurmad ugu yimid Gaari Jeemis ah oo laga gubay Puntland.

 

 

Saraakiisha Mujaahidiinta waxay sheegayaan in Maleeshiyaadkaasi ay isdhiibi doonaan ama iyagoo dagaalamaya ay gacanta lagu dhigi doono maadaama aysan haysan meel ay gurmad ka helaan oo wadooyinka ayay Kamiino dhigeen xoogag deegaanka ah.

 

 

Ilaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka Faroole oo ku aadan Khasaaraha Ciidankiisa kasoo faaray dagaalada ka socda Buuralayda Galgala waxaana muuqanaysa in PIS ay ku jabeen dagaalka ay ku qaadeen dadka deegaanka ee qaatay shareecada alle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^The Falsehood of Al Shabaab & their supporters even in Ramadan is breathtaking..

 

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Ciidanka Mujaahidiinta deegaanka ay xalay saqdii dhexe weerar kusoo qaadeen
Maleeshiyaad Fariisin ciidan ku lahaa Garoonka Kubadda cagta ee galgala
waxaana halkaas ka dhacay Dagaal gacmaha layskula tegay.

 

:D Galgala has a football stadium that can be used to house troops?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

dawladdahoose.jpg

 

Galgala does have a football stadium and hosts one of the best teams in Bari region, this is a pic of team during finals game.

 

Ciyaari waatii galinka dambe xiisa heedu ahaaye, ayaa markii laysku soo laabtey kooxda dowlada hoose (Galgala) ayaa waxay dhalisay gool, goolkaana waxaa u soo hanniyey cayaaryahanka lagu magacaabo Jibriil garmaqaate. Sikastaba ha ahaatee, markii ay cayaartu socotey mudo qadar aad u yar ayaa kooxda Tawakal (Dhahar) hanatey gool qaali ah waxaana goolkaa u dhaliyey cayaartoyga afka hore ee cayaarta wanaagsan laguna magacaabo Ciid Ducaale.

Duke, don't speak of a region that you know nothing about.

 

Maaday, thanks for the update.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol. Yeah right adeer, doctored old news from Dhahar is not as reliable as one thought. Considering how exaggerated, over the top these news outlets have been.

Even the report Maadey posted its straight out of a Mogadishu street battle but with the names of the combatants changed. Nonsense really.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^If things go in a direction you don't like then the news is fabricated!. Just think and check the news portals before you oppose an incident that really took place, mise Garoweonline & Allpuntland uun baa reliable source kuu ah? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Maadey did you even read what you posted ? that was one hell of a battle with heavy casualties, the only problem is it did not take place... :D You think I am joking right...ok

 

 

dagaalo.jpg

Sheekh Atam oo Dib ula wareegay GalGala

August 12, 2010

By Juuj

 

Dagaal Qadhaaq oo wali ka socda GalGala iyo Agagaarkeeda ayaa sheekh Maxamed Siciid Atam Dib Ugula wareegay Degmada GalGala ee
ay Horay Gudaha ugu Galeen Malayshiyaadka Faroole,warka aanu Helayno ayaa ah Mid sheegaya in Sheekhu uu weerar Culus
ku soo qaaday Saaka Waa Barigii
Afar Jiho
oo ah Magaalada GalGala Taasina ay Dhabada u xaadhay in GalGala ay Gudaha u Galaan Ciidamada Deegaanka Galbeeka Bari.

 

Ilo Wareed kale ayaa sheegaya in Toga Sugure oo ay Horay Dib uga Durkeen Ciidamada Deegaanka Sheekh Atam ay Saaka ku soo waa Bariisteen Ciidamo Cusub oo la sheegay inay ahaayeen Gurmad dhanka Bari Sheekha uga Yimi

 

Dagaalka ayaa wali ka socda Toga Sugure iyo Afka Hore ee Degmada Galgala.waxana
walaac xun laga Muujiyay Bad Baada Ciidamadii PL ee Gudaha GalGala Ku Jiray kuwaasi oo Go’doon Adag ku Jira.

 

Lama Sheegin wali Khasaare Laakiin Warar Hor dhac ah ayaa sheegaya inuu Dagaalku Socdo wali Xukuumada PL ay Gurmad Ka Dalbatay Ciidmaada Ku Sugan Xadka Gobolka Mudug.

 

Sheekh Maxamed Siciid iyo Ciidanka ayaa dadka Siyaasada Lafa Guraa sheegayaa ama Arimaha Daagaalada ku xeel dheeri, inuu Sheekhu Sameeyay Is Taraatiijiyad Cusub oo dhanka Dagaalka Madaaba ay Dib ula wareegeen Saldhigii Hore ee Dhanka Bari Xigay.

 

Faah Faahin Naga Suga

source

 

Now Maadey the news you so eagerly posted and defended here is as reliable as the above report, from [Galgalanews]if you check the date its Aug 12, more than 8 days ago, and this battle like the one you so eagerly posted out of hatred for a specefic people did not take place..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Its not about hatred for specific ppl (Galgala and Bosaso ppl are the same), we are only posting updates!. If any one doubts an article then one can argue its authenticity (including your articles). Marka, adoon waxba is waalin tartiib wixii qalad ah caddee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Maaddeey:

^Its not about hatred for specific ppl (Galgala and Bosaso ppl are the same),

lol. You are right the people of Galgala & Bossaso are the same and united, but you dont support the people but their collective enemy Al Shabaab. ;) As the example I gave highlights your side was hoping for a major bloody affair, instead its been a minor skirmish with death involving only combatants.

 

And no there is no varacity to what you posted..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this