Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UPDATE ON GALGALA FRONT

Recommended Posts

Qasaaraha ka dhacay dagaalkii xalay ka dhacay gobolka Bari oo soo kordhey.

 

Boosaaso: (Sh. M. Network) Waxaa sii kordhey qasaaraha ka dhashay dagaalo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Galgala ee gobolka Bari kuwaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada PIS-ta Puntland iyo kuwa uu hogaamiyo Max’ed Saciid Atam.

 

Kadib Markii dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo kuwa Sheekh Max’ed Saciid Atam xalay uu ka dhacay nawaaxiga buurta Galgala ee gobolka Bari ayaa waxaa isasootaraya qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

 

Inta la ogyahay dhimashada ayaa sii caga cageynaysa 7 ruux halka dhaawacyaduna ay ka badanyihiin 10 kale kuwaasi oo dhamaantood ah dhinacyadii ku dagaalamayay buurta deegaanka Galgala ee gobolka Bari halkaasi oo maalmihii u dambeeyay ay isku heysteen Ciidamada Puntland iyo kuwa Max’ed Saciid Atam.

 

Dhaawacyada oo intooda badan la sheegay inay ahaayeen Ciidamada PIS-ta Puntland ayaa waxaa maanta la gaarsiiyay isbitaalka weyn ee Magaalada Boosaaso, waxaana 5 ka mid ah 10ka dhaawacantay laga deyrinayaa xaaladooda Caafimaad sida Idaacada Shabelle ay u sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha Caafimaad ee Boosaaso.

 

Xaalada goobihii xalay ay ku dagaalamayeen Ciidamada Puntland iyo kuwa Max’ed Saciid Atam ayaa degan walow wali ay is horfadhiyaan dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyihii Daraawiishta Puntland oo is Casilay

 

Barkulan: Garoowe- Taliyihii Ciidamda Daraawiishta Puntland Col Siciid Tuuta weyne, ayaa iska casilay xilkii uu hayay, maalin ka hor markii uu ka soo laabtay deegaanka Galgalo oo ay la wareegeen ciidamada Puntland kadib dagaal ay la galeen maleeshiyada Shiikh Attam.

 

Warar madax banaan ayaa sheegaya in taliyaha laga aqbalay iscasilaadiisa inkastoo wax war ah uusan wali ka soobixin Taliyaha is casilay iyo dhanka maamulka Puntland.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in xilkii uu hayay taliyihii Daraawiishta ee is casilay loo magacaabi doono Siciid Dheere, oo haatan ah Taliyaha Ciidamada guud ee maamulka Puntland.

 

Taliyihii Ciidamada Daraawiishta Puntland ee is casilay Col Siciid Tuuta weyne, ayaa hore Madaxtooyada Puntland uga diiday Istaqaalo uu u gudbiyay.

 

Lama oga sababta keenay inuu is casilo taliyihii ciidamada Daraawiishta Puntlad, balse warar hoose ayaa sheegay in iscasilaadiisa ay timid kadib markii uu dhowr jeer la kulmay faragalin xaga maamulka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Puntland oo gaadiid dagaal iyo ciidamo hor leh u diray Buuraha Galaglo iyo dagaal laga baqdin qabo mar kale.

 

 

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa ku waramaya maamulka Puntland saacadihii la soo dhaafay uu ciidamo iyo gadiiid dagaal oo aad u tiro badan uu u diray buuraleeyda Galgala oo maalmahii la soo dhaafay dagaal uu ku dhaxmaray ciidamada Maamulka Puntland iyo kuwa uu hogaamiye wadaadka diimeedka lagu magacaabo Maxamed Saciid Atam.

 

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamada uu diray maamulka Punland ay u badnaayeen kuwa PTS-ta inkastoo ay ku jireen kuwa daraawiisha , waxaan la xaqiijiyey in ay gabal dhiicii maanta ay ku dhowaayeen buuraha Galgala oo ay ku sugan yihiin ciidamada Atam iyadoona sidoo kale halkaasi ay joogaan ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Puntland oo dagaalka la galay kuwa Atam.

 

Waxaa la soo sheegayaa in laga yaabo in saacadaha soo aadan mar kale uu Nawaaxiga Buuraha Galgala ay ku dagaalamaan ciidamada Puntland iyo kuwa uu hogaamiye Sheekh Atam maadaama uu gurmad xoog leh uu gaaray ciidamada Puntland oo horay u jooay Nawaaxiga Buuraha Galgala.

 

Ciidamada uu hoogamiyo wadaad Diimaadka lagu magacaabo Maxamed Sacid Atam iyo ciidamada Maamulka puntland ayaa maalmahii ugu danbeeyey waxa ay ku dagalamayeen Buuraha Galgal ee Gobolka Bari iyadoona aysan jirin cida labada dhinac si toos ah looga awood roonaaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa maanta looga gudbay ciidamada Puntland hal gaari oo nooca dagaalka ah togga lagu magacaabo Sugure, halkaasoo ah meeshii uu ka bilowday dagaalka lagu qaaday Ciidamada uu horkacayo Maxamed Siciid Atam.

 

Waxaa weerarkaas ku dhintay Hal Askeri oo ka tirsan ciidamada Puntalnd, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen, iyadoo uu shuf beelay gaarigaas oo lala beegsaday madfaca loo yaqaan hoobiyaha.

 

dhinaca kalena waxaa maanta tuulooyinka u dhow dhow tuulada galgala soo gaaray ciidamo daacad u ah u ah Maxamed Siciid Atam oo raxan raxan u socda, waxayna ugaarsanayeen tiknikada Maamulka Puntland ee maraya wadada laamiga ah, iyagoo ku dagaalamaya xeeladaha Ku Dhifo Oo Ka Dhaqaaq.

 

Wararka ka imaanaya deegaanka Galgala ayaa sheegaya in ciidamada Sheekhu ay intoodii badneyd ka soo degeen buuraleyda Madar Shoon, kuwaasoo iminka ku sugan goobihii horay loogu dagaalamay iyo agagaarka wadada laamiga ah.

Meesha Maanta Iska Hor imaadku ka dhacay ayaa ah Meel lagu Magcaabo sida warku sheegayo La Helow oo u dhexaysa Madarshoon iyo GalGala.

In Warka aan la ogaan ayaa keentay ka dib markii Agaasimhii Horseed-Media ee Magaalada Bosaaso Lagu xukumay Lix Sano oo xadhiga ah taasinay ay Keentay inaanay Wariyaashu ka Munaaqishoon Colaada Salka ku Haysa Khayraad iyo Dhaqaale ee u dhexaysa Ciidamada Pl iyo Kuwa Ilaalinta Khayraadka Galbeedka Bari.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa maanta dagaal ku dhex maray degaanka Suqure Ciidanka Puntland iyo Ciidanka ilaaliya Khayraadka Buuraha Cal madow.

 

Dagaalkii maanta ayaa sida la xaqiijiyey waxa Ciidanka Puntland looga gubay labo gaari oo kuwa dagaalka ah oo mid meeshii ku gubtay oo ahaa kuwa loo yaqaan Cabdi Bile kan kalena khasaare xun ayaa soo gaaray , Ciidanka Puntland ay goobtii dagaalka waxay uga carareen lix askari oo mayd ah oo ka mid ahaa Ciidanka puntland, sidoo kalena waxa jiray dhaawac badan oo ay horay u sii qaateen markii dagaalkii ay soo qaadeen looga awood roonaaday. Dhinaca ciidanaka degaanka ilaa hada ma sheegin khasaaraha dhinacooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Jaceylbaro,

 

Based on the updates you are posting here at SOL, it seems that you are very interested in the Galgala news.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^ :D:D

 

No seriously, are u worried for Gal-galians? They are fellow neighbors after all. Or are you just indicating your support for brother Atom? I am not sure if you are wishing that Puntland gets defeated in this war or something.

 

Just wondering, you know.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Zack, JB is enjoying or rather exploiting the little Galgala conflict.

But SL aint alone among the excited audience/viewers of this Galgala movie. Add analysts like Adan Makin and others.

 

They don't know that Puntlanders are one sub-clan of a larger ethnic group (settlers of 75% of Greater Somalia) and that they can sort out their political differences in one single day.

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Nassir LOOL

 

That is the motivation of these daily updates and 10's of posts dheh. I knew something cheesy was going on there but I was giving JB the benefit of the doubt and was assuming that he was worried of what is happening on that part of Somalia.

 

Hopefully, this war will fully stop and the pirates and Makhirs will agree on something.

 

:D @75% of Somalia, is that number really realistic?

Share this post


Link to post
Share on other sites

DAGAAL MAANTA DIB UGA QARXAY BUURAHA GALGALA IYO WARAR KALA DUWAN OO KASAA BAXAAYA GOOBAHA DAGAALKA

 

Buuraha Degmada qadiimiga ah ee Galgala ee Gobolka Bari isla markaana u dhow magaalada Bosaaso ayaa waxaa maanta uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada Dawladda Puntland iyo kooxaha Buurahaasi ku jira oo uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Siciid Attam.

 

Dagaalka oo ka dhacay Buurolayda Galgala ayaan war faah faahin ah laga ahayn cidda qaaday iyo khasaaraha ka dhashay iyo weliba natiijada laga dhaxlay dagaalka maanta oo ahaa mid dhacay saaka hiirtii Waaberi.

 

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaaya sida uu dagaalku kubilowday wararka qaar ayaa waxa ay sheegaayaan in dagaalka bilowday kadib markii ay saaka waaberigii fariisimada Ciidamada Puntland ay soo weerareen kooxaha dagaalka kaga jira Buuraha Galgala halka warar kale ay sheegaayaan in dagaalka ay saaka qaadeen Ciidamada Puntland.

 

Xaddidista wararka dagaalka ayaa ka dambaysay kadib markii Dawladda Puntland ay gebi ahaanba ka mamnuucday warbaahinta in ay tebiso wararka qeexaaya dagaalada u dhexaaya Ciidamada Puntland iyo kooxaha dagaalka kula jiro ee kusugan Buuraha Galgala.

 

Dhanka khasaaraha dagaalka ayaa sidoo kale waxaa kasoo baxaaya warar kala duwan hase yeeshee Magalada Bossaso ayaa waxaa lasoo gaarsiiyey tiro dhaawacyo inkastoo aan lahayn caddadooda kadib markii ay adkaatay raadinta wararka ku aadan dagaalka iyo khasaaraha ka dhasha.

 

Dhaawacyada Bossaso la geeyey ayaa waxa ay yihiin dhinaca Ciidamada Puntland iyadoo aan war laga hayn khasaaraha dagaalka ka gaaray dhinaca kooxaha Buuraha ku jiira waxaana gebi ahaanba hakad ku jirta Isgaarsiinta goobaha ay dagaalada ka dheceen taasi oo inta badan la sheego in Dawladda Puntland ay shiradaha isgaarsiinta ku khasabtay jarista Isgaarsiinta goobaha uu dagaalka ka socdo iyadoo markii horeba uu maqalka meelahaasi aad u hooseeyey.

 

Dagaalka Buuraha Galgala ee u dhexeeya Ciidamada Dawladda Puntland iyo kooxaha ku jira Buuraha Galgala ayaa waxa uu si toos ah halkaasi uga bilowday 26-dii bishii July iyadoo ilaa xilligaasna ay dagaaladu si xiriir ah uga socdeen Buuraha Galgala.

Share this post


Link to post
Share on other sites

GalGala Dagaal Qadhaadh oo ka Socda

 

Wararka ka imanaya Deegaanka Galgala aya sheegaya in Xalay Suxuurtii ka dib uu Dagaal qadhaadhe dhexmaray Ciidamada Ilaalinta Khayraadka iyo kuwa Maamulka Puntland ee doonaya inay Habeen Madow Gurtaan Macdanta Majiyahan ku Jirta, Warka ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu wali socdo isla markaana intii Badnayd ee Ciidamada PL ay Bananaka uga soobaxeen GalGala iyada oo aanay Wakhtigan GalGala ku Sugnayn Ciidamadii PL.

 

Qof ka mid ah Saraakiisha Deegaanka ee Galbeedka Bari aya noo sheegay inuu Arkayay Laba Gaadhi oo Nooca dagaalka kuwaasi oo Qarax lala eegtay in kastoo uu Diiday inuu Faah Faahiyo Khasaaraha dhimashada ah ee soo Gaadhay Gaadiidkaasi.

 

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in Ciidamadii PISta ee Puntland Intelgent Service ay Guud ahaan soo Gaadheen Laamiga degmada Laag halkaasi oo ay dhufays culus ka xidheen.

 

Magaalada Bosaso dadka ku sugani waxay sheegayaan in dhawaac Fara badan iyo la Geeyay Gudaha Rugaha Caafimaadka ee Bosaaso,waxana loo diiday Saxaafada inay Xog deheeraad ah arintaasi ka Ogaato.

 

Saraakiisha Ciidamada PL Qaarkood ayaa Gaadhay Jiida Hore ee Laag iyo Ceel-Doofaar kuwaasi oo ay ka Mid ahaayeen kuwa Garoowe iyo Bosaso ka Boqoolay.

 

Dhanka Ciidamada Deegaanka ee Gudoomiye Maxamed Atam ayaa la sheegay inay Saldhig wayn ka Samayteen Meelo badan oo ya ka Mid Yihiin la Helow iyo Madarshoon oo dib Looga Kiciyay PL.

 

Puntland ayaa Bishii Julay,26- ee aan soo dhaafnay Gudaha u Gashay deegaanka GalGala ka Gadaal markii Ciidamada Maxamed Atam Taabacsan ay Sheegeen inay Xeelad dagaal Uga Gureen GalGala oo ay Horay Ugu Sugnaa.

 

Taliyihii Guud ee Daraawiishta PL Tuuta Wayne ayaa is Casilay ka dib markii uu Guul daro wayn ka soo Hooyay Dagaalkii Galbeedka Bari, ilo lagu kalsooyahay ayaa sheegaya in Siciid Dheere loo Magcaabay Xilkaasi Bale uu diiday inuu qabto.

 

Coll Gurya Cawl oo ka mid ahaa Ragii C/laahi Yuusuf La Tashan Jiray Wakhtigii uu Dagaalka Adag kula Jiray Jabhadii GBB-da ayaa la sheegay inuu Garoowe ku Sugan yahay kaasi oo la Filayo inuu Shilimaad ku qaato Hogaaminta Ciidamada PL.

 

Gorya Cawl ayaa aad ula Shaqeeyay Gen Ilka Jiir Wakhtigii Doorashada Puntland uu Ugu Jiray Olalaha laakiin Gen-ka oo Marti Looga ahaa Dadka Xilalka Loo Magcaabayo markii Faroole Madaxwanimo Helay ayaan Liiska ku soo darayn Sarkaalkaasi taasina waxay Keentay inuu Cadhoodo oo Gaadho Dhooftinle oo uu ka soo Jeedo.

 

 

GalGalanews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this