gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. waa soomaali, maraykankuna waa ogyahay inay soomaali tahay, waxaa u fiican inay diinteeda iyo dhaqankeeda ka iibiso caalamka. Ixtiraamku halkaasuu ka bilawdaa
  2. Markay saxaafadda soo hor istaagaan ma ogola in loogu yeero dawlad gobeleed waxay jecel yihiin in loogu yeero dawladda puntland. Waa nadaam daciifa oo alle shacab fiican siiyay si ay u labistaan. Tuko-raqna way isaga carareen xabsina ma ilaalin karaan.
  3. Walaale jubaland waa la boobay waxaa lala hoos galay kenya, caasimadii ku meel gaarka ahayd ee kismaayo gacan soomaaliyeedba kuma jirto. Madaxweyne islaan madoobe gedo iyo qabri dahare, qabri dahare yuu yaqaan oo ku dhashay, waligiis gedo ma tegin 8'da sano oo kenyaatiga kismaayo la joogay. Gedo iyo Zimbabwe waa isugu mid. Waxaa kasii yaab badan Dr.Deni asagoo tuko-raq aan ka hadli karin waxa gedo geeyay waa faduul iyo indho adayg. Dr.Deni reer gedo wuxuu u qaybiyay labo reer "guri" iyo "galti" Ma fahamsana farqiga u dhexeeye labaadaa eray. Galtida wuxuu u haystaa inay tageen bixintii siyaad barre ka dib. waligood waxay reer gedo u qaybsanaayeen labadaas siyaad barre ka hor. wixii tagay burburkii waxaa la dhahaa reer "mudug" ama reer bari. Asagoon dal iyo dad kala aqoon oo dhididsan inuu dadka soo hor istaago puntland ceeb wayn bay ku tahay, sababtoo ah waa hooyadii qabyaaladda federaalka asaastay.
  4. puntland Dawladii c/qaasim hoos halagasoo bilaabo Dawladii c/lahi yusuf hoos halagasoo bilaabo Tii shekh shariif hoos halagasoo bilaabo Tii xsan shekh hoos halagasoo bilaabo Tii farmaajo hoos halagasoo bilaabo gaalna ha joogo. Hoosta ay sheegayaan kacaankii barakaysnaa kaliya yaa yaqaanay meeshày ku taalo, asagiina allaa oofsaday.
  5. Aragtidayda Hadalka Dr.Deni, dhinaca siyaasadda waxba laga fahmi maayo. Mar waa garnaqsi aan la fahmayn,meesha nabarku uga dhacay asagoo dhibane sheeganaya. Mar waa af-hayeenka usc u guubaabo iyo mashxarad ula diyaara. Mar wuxuu isku dirayaa kala saarayaa reer jubaland, asagoo og in bari iyo nugaal mudug aysan isku lahjad ahayn hadana puntland loogu yeero. Mar asagaa hadalkiisa ka xanaaqaya oo is buuranaya. Mar waa nin aan xilkas ahayn oo aysan haboonayn in telefon loo diro. Anigu waxaan ka fiiriyay hadaladiisa dhinaca dhaqanka iyo dhinaca dhimirka. waxaa iisoo baxday in wax ka khaldan yihiin (ajar, wa caafiya) Shacabka puntland waligaa ka dhergi maysid waa shacab cadiim ah, ilaahay sanadkaan ha badbaadiyo iyo sanado badan oo dambe aamiin.
  6. Boosaaso waa kulayl milixdaa kaa dhamaanaysa guryo ganacsi ka dhiso oo ijaarkooda iisoo tuura dheh Qardho deg ama sanaag dhulka ciiryaamada iyo qabawga leh. koonfurta Mudug iyo garoowe saabuuntaa kugu go'ayso biyahoodu laguma qubaysto waa dhanaan. Galguduud waa dhulsan ciid udgoon oo fiican laakiin nabad ku seexan maysid, jinni iyo balaayo shaatiyo badan baa deggan. Hiiraan waa dhul wabiyeed fiican hawada iyo biyahoodana ma xumo cilado badana way leedahay. koonfurta oo dhan waa dhul shaqo ama tacab, dhul ahaana waa deegaan qani ah wabi iyo kaneeco leh sabur badan buu u baahanyahay iyo nin-karmeed. Hadii aad tahay nin soo shaqaystay oo aan duqsi arag waayahaan, xoolo kuusan haysta, nasasho raba, buurta sheekh duriyadda la deg oo la xidid si noloshu u fiicnaato. Haday ku dhahaan waa inankii faadumo ilko cas qabay waxba ha dhibsan markay caruur kuu dhasho bay kaa deynayaan insha-allah.
  7. Galbeedi Aad baan uga xumahay inaad mulxid aan diin aaminsanayn u dhaarato. Qoraaladaada yaa laga garan karaa inaadan cidna caano ka daadin waligaa, xataa reer boorama oo dhan waa la oran karaa. Siyaad barre dadkii lasoo shaqeeyay waxay ku faanaan,inay yihiin dadka kaliya oo nadaam, kala dambayn iyo sharaf soo arkay. ka waran kuwa maanta masiirka soomaaliya lagu-lug xiray? Deni muxuu ahaan jiray berigaas? ma garanayo, allahu aclam. Laakiin waxaan u malaynayaa inuu doomaha garaasayn jiray meel laga talinayana uusan ag istaagin. Axmad madoobe go'iisa yuu saldhaysan jiray dugsi quraan iyo makiinad bulikeeti samaysa yuu hor fadhiyi jiray cadaado, maantana waxaa la waydiinayaa masiir umadeed geopolitics, gedo iyo gudi farsamo. usoo noqo mawduuca ciidamada goodir, haramcad,danab,gorgor, shabeel, ma inay cambuulo kariyaan yaa loosoo tababaray? Waa inay xuduudka, kala dambaynta iyo sharciga dalka ilaaliyaan. Odayaashii wadanka soo xukumay wax kale yaa u sawirnaa, waxay aaminsanaayeen in ciidanka iyo ururada bulshadu markay hadlaan darbiga madaxtooyada ku boodi doonaan. Waa arrin wanaagsan inay xaqiiqda ay fahmi waayeen si taabasho ah wax uga bartaan. CCShakuur wuxuu ku calaacalay asagoo surweelka dhiiqo ku wata, tolbeelay.... Aaway rooble? Aaway guud-laawe? Aaway cumar finish? Aaway qoor-qoor? Aaway odowaa? Aaway ragaygii Ma caydiidbaa god lagu hubsaday, tola'ay.! Xataa Deni iyo madoobihii kabaha usoo geliyay qabyaalad darteed buu uga tagey.
  8. Allaha u naxariisto suldaanka. Suldaanka looma doorto sida duqa hargaysa. Waa dhaqan soo jireena oo sida boqortooyada laysaga dhaxlo, waa maamuus lagu qadariyo awoowayaashii hore, oo ahayd talada ay wada gaaraan si madax banaan inuu asagu gudoonka yeesho waa dhaqan qurux badan oo sida baarlamaanka oo kale ah. Waa la maal-geliyaa oo qabiilkoo dhan yaa xoolo siiya si uu kaligii mas'uuliyad wayn u qaado, mararka qaarna, waxaa dhacda inuu kaligiis mag bixiyo. dictator meelna kamasoo galo hoosna looma dhigo ugaaska, boqorka, malaaqa, suldaanka, beel,-daajaha, waberka Iwm. Waxaa dhacda in mararka qaar dhimashadiisa ka dib, wiilashiisa la kala doorto oo laga yaabee in qaarkood fudud yihiin ama balwad leeyihiin xanuunsan yihiin, taasna waxaa kala saara qabiilka wax dooranaya. Waa loo duceeyaa haday dhintaan haday nool yihiin labadaba waana laga ducaystaa. baryahan danbe waxaa soo baxay dhaqan xumo aflagaado loo gaysto waxaana filayaa inay sabab u tahay gaalada lagu fidnoobay iyo dhaqan guurka ku dhacay awlaadii saalaxa ahayd. Mar labaad naxariistii jano allaha ka waraabiyo wuxuu ahaa sidaan maqlay, suldaan fac wayn oo soo jireena. Eed laga waayi maayo soomaali macawis jiidanaysa.
  9. farmaajo meelna kamasoo galo qadiyaddaan waa qowmi Kenya waxa u doodaya waa soomaali dhul baa nooga maqan soomaaliya waxa dhahaya waa soomaali Doorasho iyo dadnimo waxa diiddan waa soomaali waxa doonaya in hawadii soomaaliya in kenya dib loogu celiyo waa soomaali Mucaaradka ha la waydiiyo kenya warkeedu waa cadyahaye, maxaa adinka kenya idinkaga maqan? Waan hubaa inay oranayaan farmaajo.
  10. Maakhir Puntland nin ay lageday waa nin naagu legeday farmaajo caaqibo ma leh saaxiib. Puntland haday helaan hogaamiye daacada, isaga kaca lagama karo intaa ka badan ciidda haku camcaminine. Hadii la helo halyay siyaad barre oo kale ah waxay u qaybsami lahaayeen wax la shaqeeya iyo wax carara. Ninkaan waxaan laga qaniinay godkii uu khayre qoday aragtidayda. khayre reer "mundul" buu gaadaashooda fariistay, ayadoo camera'du in yar wajigiisa ka qabanayso hadalna looma ogola tol waynaha dhexdiisa. Arrinta la yaabka leh waxaa weeye shacbiyad badan yuu farmaajo leeyahay wali, cid la tartami kartaa ma muuqato doorasho dadban iyo mid toosa intaba. Musharixiintii waxay noqdeen qabiilaystayaal is bahaystay. Halka farmaajo qabiilkiisii aakhiro u dirayaan, waana arrinta mucjisada lagu arkay soomaaliya. Waxay kaliya oo ay naawilayaan, in fowdo timaado odoyaashii xalkana ayagu noqdaan, si kale kuma wajihi karaan farmaajo, intaas iga qor. Hadii usc sida yementu qabiilka u nacday ayaguna u nici lahaayeen wadanku waa noo hagaagi lahaa aragtidayda.
  11. Arinta gedo yaan dhagaystay dad badan oo siyaabo kala duwan uga hadlaya, waxaa ugu darnaa qaar badan oo ay professoro noogu sheegeen. Jaamacadaha gaaladu markay shaqo siinayso qofka waraaqaha aqooneed wata, waxay u dooraan inuu wuxuu bartay ardayda i dhigo kaliya. Hadii saxaafadda reer galbeedka u baahato inay wax ka waydiiso taariikhda afrika waan hubaa inaysan mar labaad wax waydiin doonin. Cabdi ismaaciilidu soomaalidu waxay uga qancday waa professor, wax alle, wixii saxaafaddu waydiiso wuu ka jawaabayaa, marnaba oran maayo anigu kaluunka waxba kama aqaano iyo noocyadiisa. xataa dariiqada loo hadlo ma yaqaano dhaqAn ahaan. Gedo waa "dal" gobol ma'ahan markii shisheeye soo faro geliyo. Wax kasta farmaajo haka tanaasulo laakiin arrinta gedo waa xad dhuleed, lagumana wareejin karo axmad madoobe iyo deni oo dhiigga shacabka gedo daadiyay, iskuna diray dad faqiira oo walaalo ah ayagoo adeegsanay lacago shisheeye ugu talo galay dagaalka farmaajo.
  12. How you compare somalia to jabuti egypt and Uganda, don't you know somalia no exist therty years in this planet. dictator better than chaos and brainless traitors.
  13. Geedkii quuluhu ka buxi jiray axmed madoobe yaa dhuxul ka dhigtay, gasaca caano boiraha yaa la isugu imaan mar dhaw. Adeer cumar jees maxaad u waydiin wayday laandheerenimadu markay kabaha ka bixisay?
  14. Cabdi xaashi waxay doodiisu fiicnaan lahay hadii muuse biixi hadli lahaa si ugu muujiyo tolnimo waa wax laga xumaado inuu oday wayn uu illinta ku dhawrto.
  15. Nin gaalnimo ku filnaan wayday oo mulxid noqday si loogu jawaabo ma aqaan. laandheerenimadu doqonimo unbay siyaadisaa wax macno ah ma leh aragtidayda.
  16. Allaha u naxariisto laandheere kasta wuu dhiman asagoo kaligiiis ah yuu su'aalo badan ka jawaabi.
  17. Allaha u naxariisto waa shuhadaa.
  18. Aqalka sare awood malaha, waxaana awoodii ka qaatay maamul goboleedka oo ka dhigay waxaan jirin talo u goyn karin oo aan macno lahayn. Abdi xaashi wuxuu ka dhiganayaa inuu yahay aqalka sare tuul uu kula dagaalamo dawladda federaalka. D@ir waa afarta qabiil ee qaybsaday awoodda dalka waxayna leeyihiin dhawr iyo lixdan sida kuwa kale. maamulkii waqooyigu waa falaago gooni u go'day, maxay tahay sababta ay agoonta isaga dhigayaan marka?
  19. Ninkaan waa nin dhalinyaro ah maxaa loo dawayn waayay intaysan xaaladiisu kasii daran?
  20. Useless Farmaajo baad weli rajo ka qabtaa miyaa? Lol Gooni, saaxiib, stop deluding yourself! That Cheese is toast! talo mooge Saaxiib farmaajo waa nin sabur badan qab soomaalinimo leh xaq baan u leeyahay inaan iska ag fariisto, ilaahay indhaha iyo caqliga ima tirin mid ka fiican hadaan helno waa alle mahadi. Adigu wax yar banaanka usoo bax si aad hawo fiican u hesho oo indhahaagu wax fiican u arkaan. Waa markii ugu horaysay oo aan arko taariikhda, soomaali kala qabiil ah oo madaxweynahooda difaacanaysa. Walaale tolmooge. Hadii aad doorato inaad qabiilka iska ag fadhido, reerkii dib ugu noqo, noo keena boqortooyo noo eg, nagu dhaqan ah oo dadkoodana u diir naxaya iskuna dirayn. Dr. Deni markii gaalka UN'ku, u tagay, yaa fahamkii diinta iyo dhaqankiiba kusoo noqday, luuqadda ingiriiska iyo nin cad kaliya yaa wax fahamsiin kara. ka warran haduu madaxweynaha soomaaliya noqon lahaa? soo gurigiisa kurshiinka kaliya kama seexdeen, sida ka muuqata hab-dhaqankiisa?
  21. Waxba uma kala saarna, markay barta madaw ee kubadda arkaan bay la yaabayaan. Farmaajo waa dal. dalkuna waa farmaajo.
  22. Xaaji siyaad barre ilaahay naxariista snm uguma dhiibin Adeerkaa cigaal baa sidaas oo kale yiri BBC geeridiisii ka dib, labadaba allaha u naxriisto.
  23. gooni

    Hiil Walaal

    Wax wayn ma'ahan, nin is qaawiyay soomaalida waa ku badnaa sanadahan danbe. Dadka jabuuti in badan baan sheegay waa shacab qalbi nadiif ah. Oday geelle wuxuu isu arkay inuu soomaaliya iska haysto markuu maqlay (hiil walaal) Waa wiil aabihiis ku yiri anigaa ku dhalay oo kale intaadan maslaxad kale yeelan isoo ogaysii. Gabdho heeso nagu guubaabiya ka waayi mayno hiil kalena awalba kumaanan haysan.
  24. gooni

    Hiil Walaal

    Jabuuti waxay u diray kenya snm'ta xag jirkaa oo u badan seediyadii waxay soo saareen in kenya laga gar daran yahay ayagoo xaqiraya dhiiigii caruurta iyo hooyada soomaaliyeed Ma waxaysan soo arag inuu indho-koray kenya dhex deggan yahay kana soo duulo. xataa ha ugu yeereen inuu yahay wasiirka amniga jubaland. Dhulka Eritrea ka haysato oo ay heesaha ku xorayn waayeen miyay farmaajo ugu caraysan yihiin xaqiiqdaba ku ag mareen? maxaabiistaan xakay baan mandheera kasoo gudubnay ma beenbaa
  25. Qaxooti siyaad barre cidna kama dhigin kuwii kasoo qaxay dhulka Ethiopia haysato 77 waxay ahaayeen muwaadiniin la xaquuq ah kuwa kale ama loogaba siyaadiyo. Dadku ayagaa doortay dagaal sokeeye ayagoo akhristay kitaabkii c/laahi yuusuf. Wuxuu ku dhihi jiray, beerihiina tabcada kaluunkiinana lasoo baxa caruurta iskool lacag la'aana geeya nabad ku seexda oo shaydaanka iska naara. Soomaaliya waxaa burburiyay waa "been" ay "addicted" "mudmin", ama balwad aysan ka maarmin u noqotay. Waxaan xasuustaa kuwa iga nolol fiicnaa oo guryahooda shimbiro ka dhex sharqami jireen, yaa koorso yurubtii shuuciga naloogu wada diray, intoodii badnayd shaatigay iska baxiyeen, ayagoo feero qaawan bay gaaladii yurubta waqooyi been u sheegeen. Dadka laga tirada badanyahay baan ahay kow Hooyaday buulkii baa siyaad barre ku duqeeyay. Caruurtaydii meel kuma sheego xaaskiina waa hore yaa layga kaxaystay. Warqad bay iisoo direen ay leeyihiin beentaas kusoo cid gal. Beentaas ay sheegeen maalintaas ilaa iyo maanta caruurtoodii bay ka goyn la'yihiin, masaajid kasta way geeyeen dhaqan celin kasta way u sameeyaan dhakhtaradii way kala quusteen. Daawadii wali way daba marsan yihiin. War bal beenta jooji si ducadaada loo aqbalo. Eedadaa aabahaa la dhalatay hadaad yurub ku gayso inaad qabto oo ay xaas kuu tahay, waa xaaskaaga shaydaan baa kugu meheriyay. Beentu waa dambiyada ugu waawayn shareecadeena suuban. Siyaad barre iyo farmaajo waa labo nin oo aad u kala fog Hadaad aragto nin kugu dhaha siyaad barre yaan la kulmay waa shilkiisii ka dib. Waligiis dawaco miis u fadhiyo kuma cayaarin sida farmaajo. Aragtidayda waxay ahayd maalin madaw oo dhashay sodon sano oo madaw, allaha u naxariisto zaciimkaas. (Allow yaa noo diga markaan duqa ku yaacaynay) Bacadle naxariistii jano allaha ka waraabiyo.