gooni

Nomad
  • Content Count

    2,277
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    36

Everything posted by gooni

  1. Muxuu yahay meeqaamku?! Ilaa iyo hadda wax noo fasira ma hayno si sax ah. Aragtidayda meeqaamka waxay ula jeedaan markaan dhagaystay in badan. Qofkii ku dhashay xarar dheere kii ku dhashay ceel-garas iyo haduu ku dhasho jawiil, kii ku dhasha matabaan. xamar isagaa iska leh, waana inuu helaa xaqiisii qabiilnimo oo dastuurka waafaqsan labada gole la mariyaa madaxweynuhuna saxiixaa. Meeqaamka ay doonayayaan waa sidaas garashadayda. Waa hagaag, anigu waxaan ku dhashay gobol, aabahayna wuxuu ku dhashay xamar. Waxaan isku guri ku dhalanay nin iga xiga muqdisho oo xaquuq qabiilnimo si dastuuri ah ku helay. Sidee xaqaas labo muwaadin caasimadoodii ugu kala yeelan karaan? Muqdisho markii iigu dambaysay waxay ahayd 13 degmo waa wakhti aad u fog waxaan daris la ahaa dad soomaaliyeed oo kala duwan guryaha ay degenaayeen ijaar ma ahayn ayagaa dhistay. Waligay madaxayga ma gelin reer baad marti ugu tahay. Muqdisho hadii reer yeeshay oo waabari, hodan iyo boondheere laga dhex doono gudoomiye usc ku abtirsada haduu doono hobyo haku dhasho caasimad ma noqon karto. Hadii xaafad walba degaan iyo wax qabad ay qofka ku doorataan qabiilna dhinac iska dhigaan tartamaan waa caasimad. Waa tan ugu fiican lagana yaabee aqlibiyada ugu badan inay yeelan lahaayeen wixii 90kii ka dambeeyay ayagoo jahli hadalka aamus ku badelaya. Hadii sanetoro qabyaalad iyo sad bursi ama "baad" lagu siiyo sida farmaajo codsaday, waligood waxay ahaanayaan isbaaro miinaysan meelna la gaari maayo. Waxaan dhagaystay dad ay ku sheegeen aqoonyahan, waxaan dhagaystay oday dhaqameed, waxaan dhagaystay culumo aragtidayda dad soo dhaw ma'ahan. Aqoonyahanku waa inuu yaqaan xisaabta ugu yaraan ku dar iyo ka jar dadka isu yimaada waxaa faa'iidada badan keena dadka yimid magaalo waa tan laga helo qabiil kasta asgoo xor ah la dooran karo waxna dooran karo dhisto kuna ilmo dhalo. Culimadu waa inay taqaano in la adeeco alle iyo rasuul iyo awlu-amri dadkana caqiidadooda hagaajiyaan Oday dhaqameed waa inuu kala saaraa fikirkiisa gaarka ah iyo kan beeshu hoos kasoo dhistay. Intaasu markay saxmaan waa la saxmayaa. Hadii kale dhul banaan ha la raadiyo oo cusub ha lagu dego 4.5 si loo helo caasumad loo wada dhan yahay.
  2. Axmed madoobe raguu jubaland usoo diray inay ku matalaan fedaraalka dhexe, waa xaabo dastuur iyo hadalna ma yaqaanaan. Gidaarka jig-jiga yaa lagasoo toosiyay ayagoo afar qad ah.
  3. Dadku markay mansab la yaqaan soo qabteen yaa la aqoon karaa. Dadkii la yaqaanay oo taariikhda fiican waqooyiga ku lahaa waa ka dhinteen alaha u naxariisto dhamaantood. Kuwaan qoraxdu hayso yaa iminka hor taagan taariikh iyo xigmadna loogu imaan maayo. Faysal waraabe haduu shaqo fiican hayn jiray asagaa laga maqli lahaa.
  4. Ninkaan hadalkiisa iyo madixiisu way kala hor maraan Soo ninkii lahaa inta saxaafada isugu yeeray muse biixi yaan maanta u tagay hooyadayna wuu caayay anigana waa isoo dhirbaaxay. Waa ku xumahay inuusan ogayn miisaanka taladuu bixiyo ay leedahay. Allaha caafiyo.
  5. Dadka degan hadii loo daayo aaway caasimadii dalka oo dadka ka dhaxaysay? Gaalnimo iyo caqlimo xumo haysku darsan. Ma waxaad doonaysaa in UUNSI caasumad kasta naloogu dirsado xataa tii aan u dhalanay?
  6. Soomaliyeey toosooy waxay ula jeedaan baarlamaanka waxaa ku jira khaa'imiin Kenya u shaqeeya.
  7. Cadaalad afrika kama jirto hadii xoog iyo fawdo lagu raadiyo wax kasii fool-xun yaa loo tagaa. Maamul xun maamul la'aan buu dhaamaa.
  8. Walaal reer miyigu markii xalaashoodu ka lunto sida geella, ariga, lo'da, iwm. ma taqaan siday u baadi goobaan? Waxay fiiriyaan dhulka iyo cirka labadaba. Hagaag dhulka waa la gartay oo waxay ka eegaan raad, maxay cirka ka eegaan? Cirka waxay ka eegaan "haad" ama gorgor iska daba wareega oo samada fog laga arko, meesha uu ku dhacayo ama ku degayo yaa la beegsadaa waxaad ugu tagaysaa xalaashii intii ka fiigtay ama ka hartay. Qabiil iyo qabyaaladaysi way isaga kaana qasmeen, waxaan maanta kor taaganahay waa "raq" waxa soo haray in yar oo neef tuuraysa oo aad u daallan. DNA, waa la joojiyay marka laga reebo arimo kooban dhibkiisa yaa aad u badan qoysas badan baa ku dumay. Aragtidayda waxaa ila fiican is xulafaysiga DNA'gu waa nasii qasayaa. Afartan sano niman isku saxan ahaa oo qayb isku raacay, waa amaano isku raagtay oo dhigmaysa inay is leeyihiin, xaqiiqdiina waan is wada nahay.
  9. Walaale suldaan. Qabiilku wax xun ma'ahan hadii dad caqiido iyo caqli leh isticmaalaan. Waan kugu raacsanahay in reer waqooyigu ay ku yarayd wax is daba marintu markii loo fiiriyo koonfurta. Mawduucu halkaa ma'ahan. Reer jabuuti iyo duriyadu isku jufo ma'ahan. Reer boorame iyo duriyaduna isku jufo ma'ahan. Hablaha buraanburaya iyo duriyadu shaqo iskuma leh Biyo maal iyo duriyaddu isma lahan. Dadkaan waxaa laysugu daray xulafaysi siyaasadeed, doorashooyinkii kacaanka ka horeeyay, laakiin dhalasho ahaan isma galaan. Intaa miyaad igu diidantahay? Waaba ka fac wayn yihiin soomaalida kale sida taariikhda iyo marxafka noo taal. Wiilka ina haashim ah oo duriya loo bixiyay ma dhalan markay ayagu jireen waa qabiilo guun ah oo soo jireena, beel yar oo shalay labisatay abtikooda meelna isagama soo dhacaan. Hadii la samaynayo taariikh dhalasho oo cusub waxaa fiican inaan soomaalida qaar laga tagin, qaybna laga qaadan wali dad badan baa jira .5 ku dulman.
  10. Magacaan beeshe dhexe yaa lagu badiyay asal ahaan berigii ina cigaal wasiirka koowaad iyo musuq maasuqa laysku dooran jiray. Jabuuti ilaa qoryeelay ilaa saylac burco ilaa gabiley maroodi jeex ilaa boorame ilaa maashaa-alaah. Balse xaqiiqdu sidaa ma'ahan waa khariidad siyaasadeed oo aad u wanaagsan dhaqanka soomaalida beelaha yar looma ogola inay goonidooda u istaagaan ama waxay ka dhigaan .5 waa dhaqan hore oo jaahilaydii kasoo jeeda. Faa'iidada meeshaan ku jirta waxay tahay beel yar oo aan iskeed u istaagi karin yaa meel ay ku istaagto loo helay tii lagu darayna macnawi ahaan waa sii hagaagaysaa. Social mediaha yaan waxaan ku arkay in badan jiil dhalin yaro ah oo qabyaaladdu madax martay oo sax ahaan u aaminay beelihii lagu daray sida beesha dhexe iyo usc. Aragtidayda waa arin lagu farxo runtii maalin waxaa imaan doonta kuligeen aan isku darsami doono.
  11. Madaxdaan, mudane farmaajo yaa na baray waxayna si fiican nooga iibiyeen kartidooda ayagoo madax banaan. Waa arrin wanaagsan inay xoriyadooda ku meel maraan dalkooda iyo dadkoodana horay usii wadaan.
  12. Muqdisho waa isbaaradii igu dambaysay wax walbana wakhti ay dhamaadaan bay leeyihiin. Anagaa marti naloo yahay iyo thuma walaahi waxay ka dhalatay dagaaladii sokeeye. Berigii hore dameer aan daba gelis lahayn kuma socon karin muqdisho, amarkana xasan abshir oo garoowe ku dhashay baa iska lahaa, taa macnaheedu waxaa weeye soomaaliya yaa caasimadeeda lahayd. Lahaanshaha ay sheegayaan waxay ula jeedaan markii dadkii soomaliyeed oo dhan qaxeen oo usc' isku dishay, xaafaduhu waxay noqdeen dhufays ay ku kala gabadaan. Macnaha ninka hobyo ka yimid hawl-wadaag asaga iska leh maanta oo waa dhufayskii aabihiis ku dhintay Ninka ceel-dheer oo galgaduud ka tirsana, kaaraan asagaa iska leh oo waxaa ku yaal dhufayskii cali mahdi qoday. Dayniile beel baa iska leh waana degomo cusub oo xeryihii military'ga laga bililaqaystay. Kaxda waligay ma maqal waxaa la ii sheegay inay xoosh kasii dambayso, ayadana beel lahjada somali galbeed ku hadlaysa yaa wax laga waydiinayaa. Qaymihii xamar lahayd dhulkay geliyeen bi-macnaa kalima. Si kastaba Muqdisho meeqaam m'oryaan lagu abaal mariyo ma istaahisho waa magaalo madax soomaaliyeed. Hadii dad la abaal marinayo dadkii guryahooda laga dhacay ha loo soo celiyo, kuwii laga dumiyayna ha loo dhiso, balse ninkii wax dhacay oo wax dumiyay ha la abaal mariyo waa arrin caqliga kasoo noqonaysa. Ha la waydiiyo imaamka iyo aqoonyahanka usc maxaa laydinku abaal mariyaa oo aad wadanka iyo muqdisho u qabateen?
  13. 4.5, waa waxaan la qaadan karin, doorasho shacabna kuma imaan. dastuurna wali soomaali ma yeelan. Sidaa daraadeed nimanka puntland ku matala federaalka waa sharci daro, aan masiirka reer puntland wax shaqo ah ku lahayn.!! Arintaasu waxay iila muuqataa aragtidayda, inuu ula jeedo nadaamkii puntland iyo federaalka horay uga dhexeeyay waa burburay dhamaantiis. Wixii hadda ka dambeeyana waxaa laygu imaanayaa jabhad cusub oo gacan saar la leh snm. Wuxuu hadalkiisa kusoo xiray tacsi uu u diray muuse suudi asagoo uga tacsiyeeyay wiilashii gololey ku dhintay allaha u naxariisto dhamaantood shakina geliyay cidda ka dambaysay. Macnahiisoo dhan markii lasoo koobo waa mar labaad aan siyaad barre iska xorayno anagoo inteenii ah oo isku duuban.
  14. Shaki kuma jiro inay snm 5km horay u sii soconayso markastoo khilaaf dhex galo nadaamka puntlad. Mida maxaad ka oran lahayd snm iyo ssc. Waxaa ila fool-xun inaan arko nin darwiish ah oo soomaaliya cadaw ku sheegaya, aamus yar ka dibna snm ka sugaya inay u sacabiso,biyuhu markay dhuunta mar waayaan waa laguu yaabaa. Hablaha quruxdoodu waa nabad iyo guri-samo been yaan lagu dhaarin tuutahana halaga bixiyo.
  15. Suldaan Waxaad qiyaastaa adigoo Australia jooga oo wax qabaw koob ku shubtay, iyo adigoo soo kor istaagay wiil tuutaha snm labisan, xuduud qabiil kale kusoo dhaawacmay, isbitaalkiina ka buuxsamay oo hooyadii geed hoostiis dhareerka uga tirayso, bal qiyaas labadaas intaad koobka miiska saarto.
  16. Mucaaradka puntland waa indho la'yahay, maqalka dhagihiisuna ma fiicna Dawlad waxaa la mucaaradaa markaad wax dhisto oo aad dadka wax isugu darto. Dawladda farmaajo puntland dawlad uma aha markaad ka cabir qaadato hab dhaqankooda Farmaajo wuxuu doonayaa in afar sano loogu daro si uu meesha uga saaro foolxumada puntland iyo jubaland umadda ku hayso. Siyaasiyiinta muqdisho waxaa kaliya oo u muuqda siday hanti gaara u samaysan lahaayeen gobolka banaadirna u helo xaquuq gaara oo lagu abaal mariyo beeshii dumisay. garaadkoodu "wadan" ma gaaro intii nasoo martay ilaa iyo hada, kuwa dhashayna cimri isku gaari mayno. Puntland labo wasiir koowaad iyo madaxweyne bay federaalka kasoo noqdeen, haday daacad ka yihiin hor u socod siyaasadeed, wax badan bay badeli kareen wakhti ku filana way haysteen, iskaa daa wax wayne. afartan wiil oo reer puntland ah iyo afartan reer koonfur ah ciidan kuma midayn mushaar iyo saxan isku egna raashin kuma siin. Senetorka iyo baarlamaaniga reer puntland oo fedaraalka ku jira waa cadaw marka laga reebo faroole oo wax duminaya. Dr. Cabdi wali waa nin ku cusub xaliimo yarey doorashadana ka baqsan in dib loo dhigo
  17. Waxba kama aqaan nolosha reer galbeedka, balse aduunka oo dhan ma jiro mujtamac jacayl kuwada nool. Cadaanka waxaa la noolaan kara "ey" waafi u ah oo sayntiisa ka tusa jacaylka uu u hayo way dhunkadaan isku saxana waxbay ku cunaan iyo mujtanac caqli iyo maskax isaga celiya oo gacan ka hadal tuugada ka xishooda. Labadaas nin madaw ah ma noqon karo, macno samayn mayso buuq iyo bililiqo. Intee afrikaan yaa badaha ku dhinta maalin walba siday dhul cadaan leeyahay u tegi lahaayeen? Soomaalida waxaan kula talin lahaa qaxooti baad tihiin wax kasta lama rumaysto wax barta caqiidadiina ilaaliya ayadaa wax walba oo xumaan ah idinka reebaysa.
  18. Nimankaanu mabda' maleh waligoodna ma yeelan. Madoobe iyo ayagu waxay isku qabteen qabiil ma'ahayn, waa doorasho khaldan oo aan sharciga waafaqsanayn, in badana way ku doodeen ayagoo beesha caalamka hor taagan. doorashadii lama sixin, waxaa kaliya oo ay saxeen in jufadu hal nin u dayso ku tumashada sharciga. Waa hadal sax ah waxa gudoomiye madeira sheegay wax ugasoo noqon karaa iima muuqato aragtidayda. Hadii ay qabiil ugu tanaasuleen walaalkood waxay ahayd inaysan mujtamaca soo hor istaagin mar danbe oo xoogaaga ay qaateen ku ganacsadaan. Nasiib daro garashadaas ma leh waxay u haystaan madoobe sharciguu ku xad-gudbay inuu beeshooda kaliya khuseeyay ama ayaga gaar ahaantooda taladii jubaland uu ka dhacay. Tan kukuyada Kuukuyadu waligood waxay isu keeni jireen warlord iyo qabiilo is haysta wax cusub kuma aha in soomaalidu uunsiga u shido. kaliya inay kismaayo ku joogaan rabsho la'aan inta la helayo madaxweyne soomaaliyeed oo ka wanaagsan farmaajo dacwadiina dib ulasoo noqda hadafkoodu waa cad yahay waa xagal toosan. Waxaa jira saxiix ay hore uga faa'iideen oo ina cigaal nfd ugu xalaaleeyay asagoo ku sheegay (memorandum of understanding) Shakhsiyadda xidig waxaan ka xasuustaa dawladii xasan shekh, yuu wuxuu ku noqday mucaarad microphone' kii kor loo taagaba qabsada. Waa markii ugu horaysay aragtidayda oo uu xasan shekh la taliye fiican helo, wuxuu u dhiibay ama madax uga dhigay gudi qaybiya raashinka barakacayaasha oo aan filayo inuu khibrad hore lahaa, hadal dambe maalinkii xilka loo dhiibay yaa ugu dambaysay. Waa dadka hungurigooda hadalka ku qooya wax principle malaha.
  19. Maamuladii puntland oo lagu dhex jiro kaliya yaa kasoo haray weeye hadalkiisu, hadaan tagana snm iga dambayn mayso, ha lays kaashado intaan gabalku dhicin. Mataano godkooda waa lays le'akaysiyaa. Aaway goboladii ssc oo laga sugayay inuu xoreeyo?
  20. Ciyaal dawladu koriso, wax barto, gacanta ku hayso, la ilaaliyo caafimaadka maskaxdooda iyo jirkooda, loo sameeyo meelo u gaara oo ay ku farxaan entertainment.waxaa samayn karay oo qudha kacaankii barakaysnaa. Waa maxay ubixii kacaanka? Ubixii kacaanka waa qof kasta oo yaraantiisii kacaankii wax soo baray xataa haduu qoys ladan ka dhashay. Waxaa la safi jiray Iskoolka hortiisa ayadoo caruurtu nadiif yihiin faqiir iyo qani aan lakala aqoon. Waxaa la qaadi jiray kow faataxada oo dhiganta oo u dhiganta magaca (allaah). Labo waxaa la qaadi jiray heesta calanka oo dhiganta (waddan) Sadex waxaa la qaadi jiray heestii guul-wadaw siyaad oo dhiganta (aabihii umadda) Waligiin xaqiir hadalkiis ha dhagaysan. Dhalintii kacaanka waa kuwii dayaca loo diiday sida dhalintii kacaanka ee lafoole oo u badnaa agoon, afgooye iwm. Laakiin maamuladaan maanta jooga oo mijinta jaadka ah isku haysta ma buuxin karaan kaalin dawladnimo haba yaraatee. Hadii maalinta ciidda kaliya loo qubeeyo oo funaanad cusub lagu sawiro isla caawa yuu darbigii la gal galan asagoo dhaxamaysan, farxadiisu waa maalinta ciidda gelinkeeda hore. Hargaysa oo gobolada kale ugu faanta qaran baan nahay iyo aqoonsigii wax yar baa nooga haray, been idiin sheegi maayee waa magaalada ugu darbi jiifka badan ee soomaaliya ku taal maanta. Waa markii iigu horaysay oo aan ogaado, in nabadda la dayaco ka darbi jiif badan tahay meelaha colaaduhu ka jiraan. Gidaarka qudhiisa nabadbaa lagu seexdaa, ee hanalagu aqoosado weeye shacaarka snm aqoonsiga ku doonayso.
  21. Waa taariikh ay doonayaan inay ubadka kusii ababiyaan, waana dhaxalkii awoowe caydiid iyo cali mahdi.
  22. Mr. Deni waa nin xanaaq dhaw oo dulqaadkiisu yar yahay. Wuxuu doonayaa nin markuu soo socdo akhrin kara oo asagu salaanta la doonta, haduu salaanta ridiyana markuu qaboobo albaabka xafiiskiisa tartiib u garaaca asagoo is gaabinaya. Dhaqan iyo dastuur labaduba waxay ku shaqeeyaan wada tashi iyo towfiiq. Balse u malayn maayo inuu mr.deni reer ssc dhaqanka zanzibar bari karo.
  23. Mahad salaad. Mar kasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ay Xukuumadda dhaliilaan ama Madaxweyne Farmaajo u soo jeediyaan arrimo jawaab uga baahan, waxaa si halhaleel ah ugu jawaaba siyaasiin ay isku hayb yihiin sida Salaad Cali Jeelle iyo kuwo kale. Marka waxaan iswaydiiyay waxaani dheef ka badan ee maxaa ku qasbaya siyaasiintaas in ay alalaas iyo ammaan ka daba sidaan Madaxweyne Farmaajo, walaalahoodna maalin walba la daba joogaan ceebeyn iyo canbaareyn aan loo meel dayin?! Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “habeenkii waxaa kortagga fogeeya qofkii og in waagu beryayo” kolley annaga ayaa qabashadiina leh ee walaaloyaaloow wax iskula hara oo haldoorkiinana hadimada iyo haadaamaha aad ku tuuraysaan ka daaya. WAANA LA DOOGIYE YAAN LA DACAROON. Hon. Mahad Salad Waa xildhibaan mucaarada waxa sidaa u fekeraya. Maalintii usc loo ducaynayay goob joog baan ahaa.
  24. Waxa ugu qaalisan oo reer galbeedku maanta hadiyad u bixiyo waa toilet paper coronavirus dartiis. Waxaysan aqoon dhaqankeena, in markaan toilet'ka galno biyo isticmaalno. Markaan makhaayadaha ka qadaynana joornaalka new York times afka iska marino.