gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Maakhir Dawladda waxaa laga rabaa hadii qaarka dambe mayd noqday inay madaxa dhaq-dhaqaajiso. Intee curyaan oo wax gal ah yaa aduunka ku nool?
  2. Aragtidayda Somaaliya waxay noqotay meel looga dabaal-dego maalinta waallida kaliya. Kuwii dhibka keenay taalo bay naga sugayaan kuwii wax bartay waxay garan la'yihiin waxa ay barteen waxa ay ahayd ama takhasuskoodu wuxuu ahaa. Anigu kuma jiro dadka waalan waxaan dugsiga kusoo qaatay in badda soomaaliya tahay 3333km... ma inteediibaa mise waxbaa ka jarmay? Hadii wax ka jarmeen hal taako ha noqotee dabaal-deg nooma banaana. Arrintaan badda qof walba aqoonyahan uma noqon karo, qof deggan oo aan balwad lahayn barashadiisu tahay aqoonta badda kana qayb qaadan kara tiknoolijiyadda cusub iyo sida maanta caalamku u shaqeeyo shacabka ha la hadlo hadii habar kastoo madax xiiran aqoonyahan noo sheegato waa ku waalanaynaa shacabkuna beeluu usii kala baxayaa.
  3. Guud ahaan dadka laysma raaciyo waa sax, laakiin inta badan yaa hogaamisa inta yar. Way ku gawracanyihiin inta wanaagsan waxa dimuquraadiyadda beeshu u keento. Tusaale Hadii qof wax dilo kii u dhaw jufo ahaan yaa soomaalidu dishaa, asagoo qof wanaagsana yaa lasoo aasaa, mid kale oo kasii wanaagsana loogu aar gudaa. inta yar ee wanaagsan badweyn biyo dhanaan kama cabbi karaan, wabigana yaxaas dad cuna yaa ku sugaya. Erayga horseed macnihiisa wax garanaya maydinku jiraa iyo asal ahaan meesha uu ka yimid? Erayga horseed wuxuu ka yimid reer guuraaga markay awrta raraan oo meel kale u guuraan waxay galaan socod dheer inta badan. Awrta waxaa la saaraa maxasta jilicsan oo aan socod dheer awoodin dad iyo xoolo intaba. Markii lagu soo dhawaado meeshii la degi lahaa waxaa horay u dhaafa hayaanka geediga ah, "ragga" ama nimanka la socda. Nimankaas waxaa lagu magacaabaa horseed. Waxay sameeyaan sahan degdeg ah, ayagoo dhulka eegaya iyo rati walba meeshii lagu furi lahaa, isla markaana diidan inay istaajiyaan geediga oo ay daal badan ku ogyihiin ama aan xamili karin in la istaajiyo. Waxaa meeshaas kasoo baxday maah-maahda oranaysa (Horseed Hagar Kuma Maqna) Macneheedu waxuu yahay raggaas way ogyihiin inay la daalan yahay, warwareeg uma yaalo waa inay reerka ku furaan "barrin" wanaagsan. USC horseed kama dhalan kamana dhalan doono qarinyada soo socda. Sodon sano dad soo hayaamayay bay isbaaro iyo qabyaalad wali la hor taagan yihiin. Tan kale.... cabdi qaasim nin wanaagsan buu ahaa haday adeeci lahaayeen waxbaa laga faa'iidi lahaa aragtidayda, haybadiina way ka muuqaataa ilaa maanta allaha xafido.
  4. Arrintaan theater'ka eedaynta koowaad waxay siiyeen farmaajo Arrinta doorashada eedaynta koowaad waxay siiyeen farmaajo Farmaajo siduu u lahaa owoodii waan wareejiyay bay waxay ka dhigteen tiir meel iska yaala oo ay ku shiish bartaan, ilaa ay gaarsiiyaan makhaayad theater'ka ku dhex taala yuu naga iibsanayaa.!! Tanaasulka inaan wiil soomaaliyeed mid kale dilin dhaqankooda waa ku ceeb inay farmaajo ka bartaana warkeedaba daa. Walaalayaal waxaad u baahan tihiin intaadnan eedayn wasiir dubbe inaad wax ka barataan dhaqanada Usc iyo taariikhda fog. Intaan awoow ka awoow ka maqlay iyo intaan usoo joogay oo is waafaqay aan idiin sheego. Kow... afar usc lama darsaan ama jaar lama noqon karaan. 1- Dadka nool 2- Dadka dhintay 3- Dhirta 4- Dhulka Tusaale dadka nool waxay qaxooti ku noqdeen aduunkoo dhan ayagoo ka cararaya dhibkooda. Dadka dhintay waxaa ka mida aabahay oo meeshii ku aasnaa ay batrool iyo nafto ku iibinayaan dhulkana la simeen waa qabuurihii jeneral daa'uud. Dhirta way jaraan meeshay miyiga ka degaana in yar bay ku xaalufiyaan, geed uu mooye ka qoro iyo mid uu dhiil ku saabiyo iwm. Dhulku kuma filla haduu boos gato meel kan ku xiga inuu bililaqaysto yaa dhacda. Tusaale. Abwaan guure iyo kooxdiisu waxay xoog ku deggan yihiin gurigii haweenka soomaaliyeed. Muuse labo jeer yuu soo xajiyay waana taqaanaan neeshuu deggan yahay. Xasan sheekh aabihiis culumuu ahaa jardiino iyo xeeb midna muqdisho ugama tagin. Nabadoon axmed diiriye allaha u naxariistee, asagoo toban makarafoon hor taagan yuu qirtay inaysan xaq ahayn oo lagula hadlo wasaaradii gaashaandhigga, sadex ilmood oo uu awoowe u yahayna ay ku dhex cayaarayaan oo gabdhuu ku dhalay ay ugu dhashay. Shareecada Usc waxay qabtaa in wixii hanti qarana oo muqdisho ku yaala ay ayagu gaar u leeyihiin. Waxaan maqlay gabadha makhaayadda in laga kireeyo loo diiday xataa farmaajo isku qabiil ma'ahan, axmed madoobe yaa adeer u ah waxay kasoo jeedaa killinka shanaad. Waa makhaayad kiro ah waxa culimada usc fadwada loo waydiinayo. Farmaajo soo tuu shalay xaaqayay ma'ahan ma dameerkaa bini aadamka ka fadli badan. Talo ku socota walaalkeen miskiin-macruuf. Odayga lafihiisa xuddur ha lageeyo, cabdulaahi ciise yuu la aasan yahay nimankaanu yeeli maayaan hotel toban dabaq ah bay beri ka dhisi. Clipka si fiican u dhagayso islaanta ilaahay ka baqaysa waxaa la waydiiyay xagee deggan tahay? waxay ku jawaabtay tarabuunka Goormaa tarbuunka la degay? tarabuunka waxaa ku dhawaa meel la seexdo hotel taleex iyo qorax kasoo baxa African village oo waliba ka durugsanaa. Qabuuraha waxaa ku dheganaa isbitaalkii xoogga waxaana kasoo horjeeday garoonkii tababarka ciyaartoyda horseed.
  5. dhagaxtuur intaad ogtahay wax ka badan ma ogi... Rooble niman kenyatiga la shaqaysta oo ilaa kismaayo iyo Nairobi isku xiran yaa u takhdiiday, cabitaan qunbe yaa la dhuuqsiiyay, waxaa lagu yiri farmaajo waa dhaawacanyahay ee is raaci intaan gabalku dhicin waxaan kaloo lagaa doonayaa inaad masterkeena macawis u xirto saxaafadda horteeda. Rooble ma oran war arintaasu ima qabato ee cimaamad iigu badala. Waxa sidaa loo bahdilayo soo usc ma'ahan? intee u dhaxaysay maalinkii siyaad barre baxay iyo maalinkii farmaajo la doortay? wali ma aragtay ayagoo inta shira dhaha maxaa naga khaldan? waligood indho cadays bay ku jirayaan umadda oo dhana shaati daahira oo ay ku tukadaan u reebi maayaan. iga raali ahaw hadaad usc lasoo halgantay ama aad ka mid tahay runtu ragga waa u door....
  6. Hadaad maqasho c/lahi ciise yaa warqad sir ah liqay waa been Hadaad maqasho c/laahi yuusuf yaa ka carooday calanka Ethiopia oo laga taagay balanbale iyo goldogob waa been Hadaad maqasho caydiid macangag buu ahaa balse wadani buu ahaa waa been. Hadaad maqasho ONLF waa gobonimo u dirir waa been. Hadaad maqasho aqoon baa wax tar u leh soomaaliya waa been. intaas oo beena waxaan u sheegaynaa si qabyaaladda loo naaxiyo, taariikhdana looga been sheego. Mudane rooble wuxuu garan waayay ilmaha soomaaliyeed oo oo firirka diyaaradaha kenya madaxa uga jiro oo xamar loogu keenay inay yihiin ubadkiisii. USC siyaasiyiintooda waa ku ceeb inay u tartamaan hogaaminta dalka, xaqiir ma ahi qabiilaystana ma ahi. sodon sano oo dayac ah ayagoo soo maray bay u sacabinayaan mid bakhti u sujuuday iyo mid isu quuray inuu u gunti xiro gaal madaw waa ceeb aad u wayn, inaad faraha la gasho nin kale wixii xuduntiisa ka hooseeya. Rooble ceeb ka wayn buu soo wataa damac iyo qabna ma laha.
  7. Cumar geelle waxuu soomaaliya ku haystaa arimaheeda dibadda kaliya asagoo doonaya inaysan cilaaqaad la yeelan dawlado uusan asagu raali ka ahyn. Wuxuu ogaa walaalkiis ka wayn oo xanuunsan sariirtana u jiifa, ma ogola inuu socdo, inuu asagu maamulo mooyee, waa dhaqanka lagu yaqaan hiil walaal.
  8. gooni

    Wa lala helay

    Puntland waa jamhuuriyad madax banaan, sida jamhuuriyadda somaliland, waligeedna way ku dayan jirtay wax cusub ma'ahan. Kaliya waysan ku dhawaaqin gooni isu taag, laakiinse waa fool sanadkan, sida ka muuqata dhididkooda. Hadaan farmaajo xukunka ka degin sida ugu dhaqso badan, way ku khasban yihiin inay jamhuuriyadda hargaysa waydiistaan jidka aqoonsiga loo maro.
  9. Dagaal haduu dhaco shilin soomaaligii yaa dib uga shaqayn doona garoowe
  10. Waraysigan aad muhiim ugu yahay shacabka soomaaliyeed qofkii caqli xoogaa ah uu ku jiro. Anaga waxa ceebta nala ah ayagu caadi bay u arkaan, xataa ka xishoon maayaan erayga garantor Deni iyo madoobe waa laqdamo miiran,qalbigoodana shisheeye, yaa madoobeeyay. Daacadu ma hungowdo, hadalka farmaajo qof kastaa wuu garan karaa inuusan ahayn mid af-miinshaar.
  11. Wuu soo daahay dubbe waa dhaqan yaqaan hor joogsi iyo hadal xisaabsan isku darsaday. Waxaan aad uga helay markuu ugu maah-maahay Faras ninkii dabadiisa ka degay meel uga toolmoon buu waayay. Maah-maahduna waxay ahayd asalkeedu, dameer nin dabadiisa ka degay meel uga toolmoon buu waayay. Si uu xaal isaga ilaaliyo wuu yaqaan in hadal amaano yahay intuusan dibnahaaga soo dhaafin. Halka dani dhiiqo iska dhex fariisto markuu hadlaba ama uu fiiriyo labiska dharka ragga wax ka dhexeeyaan. Ceeb intaa ka badan yuusan reer puntland usoo jiidin meeshu waa 4.5 wax kasta waa xisaabsanyihiin. Haday leeyihiin odaygii carabka ahaa oo doonta kasoo degay wuxuu ku dardaarmay, in markuu dhinto ka dib wixii doon ku yimaada uu asagu dhalay, ha noo cadeeyeen, si dhaqanka iyo qawlka labadaba looga cafiyo.
  12. Hadii soomaali heshiin wayday? War caruurtaan xagee ku noolyihiin? soomaali waa heshiis gobol ilaa tuulo waa dad nabad iyo colaad yaqaan. Waxa shisheeyaha laga furfuri la'yahay waa adeeradiin soomaali kale hakula gal-galinina. Ash-hadu bilaah gaal waxaa idinkaga fiican usc oo idinka adkaata.
  13. Beenta, baqdinta, fulaynimada saa'idkaa waxay ula jeedeen inay ku dulmaan farmaajo, laakiin ilaahay yaa run uga dhigay. Dr.Deniga puntland yaa u bilaabay, waa lay sumaynayaa haram-cad yaa jidka iga dafaysa, gaaladu dhinac farmaajo xiga ha'iga maraan. Waxaasoo dhan waxay ula jeedaan inay ku sifeeyaan dictator si ay u dulmaan Aduunkii iyo shacabkii soomaaliduna waa u jeedaan in farmaajo uu miskiin ama daacad ilaahay yahay, oo hadaad gacanta afka u geliso lagana yaabi inuu kaa qaniino. Miskaanbaa misko la fuulo leh bay soomaalidu ku maah-maahdaa. Ciidanka ay ka baqayaan waa kan ay ku faanayeen si ay qabiilka u difaacaan, waa wiilashii beeshooda.... thuma walaahi markay ku dhaaranayeen ma kumaandoos qabiilku leeyahay bay meel ku ogaayeen? Qofka hadaad ku dhahdo war qofyahow waan ku dulmay ee iga raali ahaw khaanad kasta oo qalbigiisa ku jirta waad furtay. Hadiise dulmi, been, iyo hagardaamo, aad dan shakhsi ah ku doonto waad ku qiimo beelaysaa sida nimankan ka muuqata.
  14. Puntland daciifnimo waxay u taqaan ninkii shisheeye diida oo madaxweynihiisa adeeca Dadnimana waxay y taqaan inay gaal garabka saarto oo kursiga ku dhawaysato. Maamul dadwladiisa dhexe la kora oo wax la qaybsada waa ku mustaqbal fiican yahay midka shisheeye camiil ama adeege u noqda, aragtidayda.
  15. ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo
  16. Puntland waa isbaaro siyaasiyiintooda lama tusi karo qof ixtiraama, jacaylkaad u qabto waa la qarsadaa waa la dhaqaa oo la dilaa
  17. wuxuu ula jeedaa baan filayaa, adeeradii yuu super power u haystaa, markuu daawaday ayagoo la jooga kenya iyo midawga musharixiinta.
  18. Adeer runta iyo cayda miyaadan kala aqoon? Deni ma doonayo inuu hogaamiye soomaaliyeed noqdo mana noqon karo sida hab dhaqankiisa ka muuqata. Wuxuu doonayaa ku xigeenka reer mundul, waana la dhagaystay khudbadiisii, waa nin hankiisu yaryahay koofiyadii boqortooyadu xiran jirtay gacantuu ku wataa, mana aha dhaqan reer puntland lagu yaqaanay. Madoobe ma joogi karo gobol xor ah oo soomaali walaalihiisa sharaf kula joogo, kamana talin kari tuulo xor ah, waa dhaqan gumaystuhu horay usoo baray inay la joogaan mooyee ma gam'i karo ilaa xataa xalane, waa dhaqan uu dhagaxbuur kala yimid. inta noo muuqata soo intaa ma'ahan? haddii aad wax kale ogtahay noo sheeg sababta farmaajo lagu nacay waan kaa gar-qaadan. Waa siyaad barre shaqayn wayday waa qabiilayste shaqayn wayday waa tuug shaqayn wayday waa maamul xun yahay shaqayn wayday. waa sabur yaryahay shaqayn wayday. inaad qabiilayste igu sheegto ma'ahayn, hadaan qabiilayste ahay nin foolxun oo aan cahdi iyo dhaqan lahayn oo u dhigma nimankan ku dhaggan farmaajo yaan beesha ka dhex raadsan lahaa.
  19. maakhir Aragtidayda D-block shaqo kuma leh shacab ahaan waa labo beelood oo in yar oo ka mida laga marin habaabiyay kuwo puntland jooga waxaa laga dhaadhiciyay subaggii xamar baa lagu dhuuqaa leef laydinma ogola, ee xaqiina farmaajo kasoo dhacsada. kuwo kismayo joogana waxaa laga dhaadhiciyay magacaga qaxootiga iska reeba oo kismaayo ku mintida, ilaahay amarkiisna meel kastoo ay xornimo ka doonaan waa inay gaal weheshadaan sokeeye ma ogola. Waa fikir maskaxda uga jira oo qaraw iyo dhalanteed ugu darsamay waa nala sunayn biyo aan cabno goor noogu dambaysay ma naqaan bitibiti. Waxaad tusaale kuugu filan muqdisho narkay yimaadeen ayagoo ciidankii gal-gala iyo kaambooni loogu talo galay wata waxay hoos galeen UN'ka. Haday dimiir iyo dadnimo wataan waxay degi lahaayeen labo hotel oo iskasoo horjeeda oo bartanka muqdisho ku yaal. Way isku hilbo diriri lahaayeen, libaax dad run u wada dhashay yaa dili kara. Hadiise gole musharax, gaalo afrikaan iyo balaayo dhex galaan naf iyo karaamo muqdisho kala bixi maayaan Taas iga qora maanta.
  20. Nimankan shekh, wariye, ganacsade, siyaasi, isku midka noqday wax dharka u celiya ma la waayay?
  21. Allaha u naxariisto, alle kaligiis yaa naxariista iska leh, waana u wada noqonaynaa. Dawlada shisheeye yaa farmaajo usoo tacsiyeeyay iyo shacabka soomaaliyeed dhamaantiis, magaca madaxweyne soomaaliyeed dartiis. Asaguna wuxuu aaminsanaa inuu reer mundul qaran yahay qori cadna kusoo difaacay, walina gurigga u yaal. Waxaa laga yaabaa in sawirkiisa lagu ag dhejiyo aadan cadde, ayadoo aabihii midnimada umadda soomaaliyeed jaalle siyaad la inkirayo.
  22. Waryaa Mr. shabaab haday gedo go'doomiyaan naftooda iyo shacabka been uma sheegaan. Madaxweyne deni tuute yuu garoowe kasoo gashaday jeelkii oo faaruqa yuu dhex istaagay, ka dibna saxaafaduu isugu yeeray asagoo mujaahida. Farmaajo xukun iskuma dhejin hadaadan qayb ka ahayn ajandaha aaran-jaan. Mid dadban iyo mid toosa labada diyaar buu u uahay shacabkaba wuu soo hor istaagay beri aan dhawayn. Ma haysaan ciddii la tartami lahayd? mise waa ha iska tago si laysu dhex yaaco mar hadii wakhtigii aan ku dhamaynay?
  23. gooni

    Culumadeenii !!

    Walaalayaal, culimada fiican gadaal kama xasuustaan khaladka ilmo adeerood. Wixii indhahoodu arkaan yaa qalbigoodu hadlaa, hadalkana waxay ka bilaabaan ilaahay ha laga baqo. Axmed madoobe dad, duunyo, iyo duur waa dhameeyay. xaqna waligiis laguma dooran, waxay ahayd inuu jimco walba khudbada kusoo qaato khaladkiisa, asagaa u dhaw jufo ahaan. Mucaaradka muqdisho waa hal-qabsi meeshuu u socdo waa farmaajo oo uu ku nacay dhiibistii qalbi dhagax asagoon marnaba kenya wax ka sheegi karin, haday xasuuq gaysato iyo haddii kaleba. Ninka ay ka dhamaatay walaalayaalow aan heshiino, anagoo soomaali ah, aan is doorano anagoo soomaali ah, aan dalkeena wada difaacano anagoo soomaali ah, aan isku tashano, anagoo soomaali ah. yaan miiskaan wada fadhino luuqad kale looga hadlin maya, maya, sharuud, maya sharuud kale, gaalkii caddaa aaway? marka hore beesha caalamka ha la war geliyo, biyaha in sun naloogu daraan ka baqaynaa, anagu carab baan nahay, maamulada jale waan ka fadilanahay. Maya u kaadi sideedda February ha la gaaree biti biti aan dhamaad lahayn. Dhuuso- mareeb bay kaneecadeedu usbuucyo ku cunaysay farmaajo oo u fadhiyay bal inay wax un kasoo noqdaan dad laguma quustee. Deni iyo madoobe ayagoon wax ixtiraama u hayn bay ugu jawaabeen adeer meesha sii fadhi intaan timaha soo jaranayno. intaasu miyaysan khudba jumce ku filnayn? farmaajo waa dictator wuxuu la mid yahay qadaafi sadaam xuseen xaafid al asad, gacmaha kor u taaga in alle naga furfuro intii aamiin u dhahda alle ha u towbad keeneen asagana allaha soo hadeeyo.
  24. Dadka ma caayo awoowe ma beenbaa in puntland tuko-raq ka carartay xibsugiina xag-jirku dhawr boqol ka xoreeyay? jihaadkoodu waa ilaalinta federaal qabiil ku dhisan.
  25. Goor dhaw waxaa soo socota in dadku dhaho sheekha na tujinaya waa qoloma? ama waa qabiilkee? Bal sheekhaan dhagaysta sida uu jimcihii dadka ku tujiyay Axmed sulub kismaayo wuxuu ku maamulaa caqiido suubban, mucaaradkuna waa inay ilaahay ka baqaan farmaajana kursiga ka tanaasulaa.