-
Content Count
214,195 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guutada 16aad ee kumaandoosta Danab oo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka ayaa la wareegay deegaanno ay Al-shabaab kaga sugnaayeen gobolka Shabellaha Hoose. Meelaha ciidanka ay la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Moradiinle, Buula Miskiin, Macallinka, Baladul Amiin, Raqayle, Sabriye iyo Buula Bashiir. Taliyaha Guutada 16aad ee Danab Cismaan Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in 20 kamid ah Al-shabaab lagu dilay intii uu socday howlgalka shacabka looga dul qaadayo nabad diidka. Taliye Ismaaciil ayaa caddeeyay inay sii wadayaan howl-gallada inta Al-shabaab laga saarayo dhammaan deegaannada ay ku dhibaateeyaan shacabka. Al-shabaab dhankooda wax war ah kama aanay soo saarin, wararkan sheegaya in ciidanka DFS ay la wareegeen deegaanno ay maamuli jireen, sidoo kalena looga diley dagaalyahanno dhowr ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu dhacay weerarkii xooganaa ee Ex-Control Afgooye waxaa soo badanayey qal qalka amni ee ka jira magaalada Muqdisho. Ciidanka ammaanka ee dowladda ayaa sidoo kale aad u adkeeyey amniga, gaar ahaan waddada Maka Al-Mukarama oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan ee Caasimada. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in goor dhow ciidamada amniga, gaar ahaan kuwa Booliska ay hareereeyeen gaari Saarif ah oo yaalla inta u dhexeysa isgoyska shaqaalaha iyo waddada Xaaji Baasto, halkaasi oo laga celinayo gaadiidka iyo dadweynaha intaba. Gaariga oo ay cidna saaryneyn ayaa looga shakisan yahay inay saaran yihiin walxaha qarxa, iyadoona hadda uu ku socda baaritaan dheeraad ah. Shalay galab sidaan oo kale ciidamada dowladda ayaa isku hareeyey gaari ku baakinaa waddada Maka Al-Mukarrama, gaar ahaan laamiga dhiniciisa, meel aan ka fogeyn halka loo yaqaano Xaaji Baasto, waxaana in muddo ah xirnaa dhaq dhaqaaqa waddadaasi. Ciidamada ayaa markii dambe furay waddada, kadib markii uu yimid qofkii lahaa gaariga oo su’aalo ay weydiiyeen saraakiisha hay’adaha amniga, laguna ogaaday in uusan sidin qarax. Arrintaan ayaa muujineysa, sida ay u feejigan yihiin ciidamada Booliska, kadib weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho. Wixii ka dambeeyey weerarkaasi dowladda federaalka ayaa loogu baaqay inay wax ka bedasho qorshaheeda amniga, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada.
-
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hoyga uu ka deganyahay magaalada Dhuusameeb ee xarunta Galmudug waxaa uu kula kulmay hoggaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud. Kulankooda ayey kaga wada hadleen dhammeystirka dhismaha Galmudug loo dhanyahay iyo sidoo kale in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo dhismaha maamulka Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in kulanka Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Hogaamiyaha Ahlu Sunna uu socday muddo, islamarkaana ay ka wada hadleen xaaladda Galmudug iyo dhismaheeda. Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey waxaana halkaas howgalo isdabajoog ah kawada Ciidanka qalabka sida. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa weli kulamo siyaasadeed ka wada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Kulamadaan oo uu Ra’iisul wasaaruhu la qaatay hoggaanka Ahlu Sunna ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashada Galmudug oo markale uu fashil ku yimid jadwalkeedii. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay hoygiisa kula kulmay hoggaamiyaha Ahlu Sunna, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, iyagoo ka wada hadlay khilaafka ka taagan soo xulista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labaad ee maamulka Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in Khayre uu Macalin Maxamuud ka dalbaday inay Ahlu-Sunna dib u dhigato 20-ka xildhibaan ee la siiyey, islamarkaana marka hore odayaasha dhaqanka fursad loo siiyo inay soo xulaan 69-ka xildhibaan ee kale, iyadoo beel kasta ay iska reebeyso labo kursi markaas kadibna ay Ahlu-Sunna soo xulato 20 keeda xubnood. Arrintaan ayaa waxaa ka biyo diidan Ahlu Sunna oo horay u shaacisay liiska xildhibaanadeeda, balse waxaa lagu ballamay kulamo kale oo maanta qabsoomaya. Shalay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo uu kala hadlay dib dhigista xildhibaanada Ahlu Sunna iyo arrimo kale. Xaaladda ayaa u muuqata inay sii cakirmeysa, waxaana tabashadaan ay ka dhalatay markii beelaha qaar ay ka hor yimaadeen 20-ka xildhibaan ee Ahlu Sunna. Sidoo kale doorashada ayaa markale waxaa ku yimid dib u dhac, kadib khilaaf hareeyay hannaanka ay ku socoto doorashadaasi. Lama oga sida ay xaaladdu noqon doonto, balse dowladda dhexe ee federaalka ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuuleysa, sidii ay xubno badan oo siyaasadeeda taageersan ugu yeelan laheyd baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
-
(SLT-China)-Dowlada Shiinaha ayaa lagu eedeeyay inay kordhisay dhibaatada ay ku heyso Muslimiinta laga tirada badan yahay ee ku dhaqan dalkaas. Haweenka u dhashay qowmiyada Kazakh ayaa sheegay in caruurta si khasab ah lagaga soo xaaqo marka ay uurka Qaadaan. Ms Gulsira Modgyn oo ka mid ah haween laga sii daayay xaryaha ay ciidanka Shiinaha ku oodeen dadka Muslimiinta ayaa xaqiijisay in si khasab ah daawo loo siiyay deetana ay sidaasi ku weydo cunuga ay caloosha ku Waday. Qowmiyada Kazakh ayaa helin xuquuqda kala duwan oo ay dalka ku leeyihiin oo ay ka mid tahay aqoonsiga Muwaadinimo. Iskander Akylbeyav oo ah gudoomiyaha gudiga xidhiidhka caalamiga ah ee arrimaha dibadda baarlamaanka Kazakhastan ayaa u sheegay warbaahinta in tacadigan uu mugdi soo galin karo xidhiidhka labada Waddan. Dalalkan oo wadaaga xuduud dhararkeedu yahay 117 kiilo mitir ayaan la ogeyn halka uu xaalkooda ku danbeyn Doono. Bishii September ee sanadkaan ayay aheyd markii dibadbaxyo xooggan oo lagaga soo horjeedo tacadiyada qowmiyada Kazakh ee dalka shiinaha ay kala kulmaan ciidanka amniga uu ka dhacay wadanka Kazakhastan. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa si kulul u weeraray Dowladda Federaalka Somaliya, oo sida uu muujiyay ku guuldareysatay inay dalka ka dhigto mid ammaan ah. Ka dib weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, kuna dhinteen 87 qof oo arday u badneyd ayuu afka furtay Sheekh Maxamed Idiris oo lagu tiriyo Culimada Soomaaliyeed ee lala xidhiidhiyo Villa Somalia. Sheekh Maxamed Idiris oo la hadlay Universaltv ayaa yidhi “Saddexdii sano ee dowladda ay jirtay, afartii sano oo ka horeysay iyo afartii kale ee ka horeysay, kuli Madaxdii soo martay waajibkooda waxaa weeye inay waxaan soo afjaraan, waajibka loo doortay maaha wax kale. Haddii qofka uusan qaban karin waa inuu yiraahdaa anigu xilkaa ma qaban karo, cid kale ha qaabto, laakiin inaanan la dareemin masuuliyadda iyo xilkeeda, arrin gaabis weeye.” Waxa uu intaa ku daray “Midda labaad waxa la qabanayo waa nabadgelyaa la rabaa soo maaha? Nabadgelyadii Ilaahay baa bixiya oo qaddar Ilaahay ayay ku timaadaa, laakiin sabab bay leedahay. Sababtaas waxaa weeye ciidan xoog leh oo hanan kara amniga in la helo.” Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi “Magaaladada ayno ka hadleeno waa Magaalada Muqdisho, Caasimadaha adduunka ugu yar yar bay ka mid tahay, iyadoo dhan waxaa weeye lix iyo toban kiilo mitir oo square ah. 16km oo square ah baa laba iyo toban sano ammaankeeda la suggi la’yahay, irbadda dhulka ku dhacdana la soo qaban kari waayay wax la aqbali karo maaha, haddii runta iyo xaqa u hadleeno.” Su’aal ahayd sababta looga gudbi la’yahay qaraxyada ku soo laab laabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu yidhi “Sababta waxaa weeye way muuqataa dadkoo dhan bay u muuqataa ma indho li’in. Askariga loo xilsaaray oo la leeyahay nabadgelyada laba iyo toban sano, lix iyo toban sano wuu suggayaa oo boqol dollar ama laba boqol oo dollar buu la’yahay uu ku daryeelo reerkiisii iyo ilmihiisii wax la qaadan karo maaha.” Waxa kaloo uu yidhi “Ninkaas oo aan si fiican u tababarnayn oo surwaalka uu ka dhacaayo, kabahana ka dhibaateesan yihiin, labiskiisa iyo qoriga suu u haysto aad arkeyso, mushaarkiisna uu laba boqol yahay oo isgoysyada taagan, halka dollar loo tuuraayo ayaa waxaa la leeyahay inuu nabadgelyada suggaa la rabaa, wax soconayo maaha.” Sheekh Maxamed Idiris oo caro xoogan laga dhadhansan karay ayaa yidhi “Halka dhinaca kale aynu siino lixdan Wasiir ama sideetan Wasiir midkiiba toban kun oo dollar, Xildhibaanimana uu ku qaato, Wasiirnimana uu ku qaato, 275 Xildhibaan-na uu midkiiba qaato shan illaa lix kun oo dollar. Shaqaale iyo Agaasimiye-yaal tirada ka batay oo kumanaan la siiyo, askarigii amni suggaayayna uu laba boqol heli karin, dowladahaasu ama tan hadda joogto ha noqoto ama kuwii ka horeeyay ha noqdaan, runta haddii ay noqoto uma socdaan inay ammaan suggaan.” Isaga oo xoojinayay daruufaha ku gadaaman Ciidamada Dowladda ayaa waxaa uu yidhi “Laba boqol nin aan heli karin baa waxaad leedahay ammaan buu suggayaa, tababarkiisii iyo wixii kalena la la’yahay. Anigu waxaan ku dhalleeceenayaa dhammaan wixii nidaamkan soo maray Madaxweyne-yaal hore ha ahaadaan, kuwo hadda joogga ha ahaadaan iyo Xildhibaanada ha ahaadaan, sidee damiirka u oggolaan karaa, caqliguse sidee u oggolaan karaa askari aan daryeelba haysan oo hal dollar ama dollar ay celiso isgoysyada uu taagan yahay, sidee loo oran karaa ammaan buu suggayaa? Miisaanka dhinaca kalena dad waxay qabanayan iyo waxay u soo kordhinayan dalka aan la garanayn tobonaan kun iyo boqolaal kun oo dollar ay qaataan.” Sheekh Maxamed Idiris oo aan waxba reeban ayaa yidhi “Saan kuu sheegay askari baa amniga sugga, dowladnimadaa sugta, dowladnimadii waa in la xoojiyaa aas aaskeedii, oo ah booliskii, sirdoonkii iyo ciidankii baa waxaa la leeyahay waxaa la dhisi kari la’yahay xilligii Carta illaa iyo maanta oo ay tahay 2020. Labaatan sano siyaasiyiintu waxay ka hadlayan gobol iyo dowlad federaalaa is khilaafsan. War umaddiinii dhamaatay, way idinku hoos baaba’day. Kuwii hore ayay ku hoos baaba’day oo kuwaan ayay ku hoos baaba’day.” Sheekh Maxamed Idiris ayaa wax iska weydiiyay askari uu ka mushaar badan yahay Agaasime Waaxeed, amniga la doonayo inuu wax ka qabto. “Askari uu ka mushaar badan yahay Agaasimiye Waaxeed, amniga laga suggayo muxuu yahay? Halkaasee bahasha ka dhacsan tahay. Askari miskiinoo labadii boqol dollar waayay baa nabadgelyo samaynaya, cid ka yeeli mayno, ma aqbaleyno, caqliguna ma aqbali karo, adduunka meel laga aqbalaayana ma jirto. Adduunkaa inagu qoslaya oo inala yaabaya.” Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Idiris. Hadalka Sheekh Maxamed Idiris ayaa wuxuu xoojinaya dhaliilaha maalmihii ugu dambeeyay, ee ay Culimada Soomaaliyeed u jeedinayeen Madaxda Qaranka, ka dib qaraxii dadka badani ku dhinteen ee maalintii Sabtida ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho. Source
-
(SLT-Pyongyang)-Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay inuu soo afjarayo hakinta nukliyeerka iyo tijaabada gantaallada riddada dheer, sidii la isku afgartay wadahadalladii uu dalkiisa la yeeshay Mareykanka. Mr Kim ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisa uu dhowaan soo saari doono “hub cusub”. Balse wuxuu albaabbada u furay wada xaajood, isagoo sheegay in xaddiga tijaabada hubkiisa ay ku xirnaan doonto sida uu Mareykanku u dhaqmo. Wadahadalladii Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa burburay iyadoo xukuumadda Washington ay ka biya diidday inay cunaqabateynta ka qaaddo Kuuriyada Waqooyi ilaa ay Pyongyang si buuxda u joojiso barnaamijkeeda nukliyeerka. Kuuriyada Waqooyi ayaa dhowr gantaallo tijaabisay dabayaaqadii sanadkii tegay ee 2019, tijaabadaas oo loo arkayay inay cadaadis ku saareyso Mareykanka. Balse joojinta tijaabada nukliyeerka iyo gantaallada riddada dheer ee gaari kara dhulka Mareykanka, waxay aasaas u ahaayeen wada xaajoodyadii uu dalkaasi la yeeshay Mareykanka. Pyongyang ma aysan fulin tijaabooyin noocan ah tan iyo sanadkii 2017. Tijaabo dheeraad ah oo ay sameyso ayaa laga yaabaa inay caro geliso madaxweyne Donald Trump, iyadoo Mareykanku uu galayo sanad doorasho. Source
-
Faa faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn xoogan oo xalay ka dhacday qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Duqeynta oo ay geysteen diyaarado aan heybtooda la garan ayaa waxaa laga fuliyey agagaarka degmada Dhoobley ee gobolkaasi. Ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay ayaa Shabelle u sheegay inay maqlayeen daryanka gantaallo culus oo ay ridayeen diyaaradahaasi dagaal. Ma cadda illaa iyo hadda khadaaraha ka dhashay duqeyntaan, waxaana aad u xun qadka isgaarsiinta deegaanada la duqeeyey. Gobolka Jubbada Hoose oo ay weli meelo badan kaga sugan yihiin Al-Shabaab ayaa waxa inta badan ka dhaca weeraro dhanka cirka ah. View the full article
-
Marwada Koowaad ee dalka, Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa xalay booqatay qaar ka mid ah dhaawacyada ku waxyeeloobay qaraxii xooganaa ee Ex-Kaantarool. Marwo Seynab ayaa warbixin ku saabsan xaaladda caafimaad ee dhaawacyadan ka dhageysatay dhakhaatiirta iyo maamulka Cusbitalka Ordogaan, iyagoona faahfaahin ka siiyay hannaanka ay u maareeyeen dhaawacyadii halista ahaa ee loo qaaday dalka dibaddiisa. Sidoo kale, Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa la kulantay qaar ka mid ah qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta ku dhaawacmay qaraxii Ex-Kaantarool, waxa ayna u sheegtay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay garab taagan yihiin. Ugu dambeyn, Marwada koowaad ee dalka ayaa u mahadcelisay dowladaha aan walaalaha nahay ee gurmadka caafimaad ee degdega ah lasoo gaaray muwaadiniinteenna ku dhaawacmay qaraxaas, waxa ayna tilmaamtay in garab istaaggoodu aanu ka go’ayn xusuusta dadka Soomaaliyeed. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab ay howlgallo ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku gaareen deegaano cusub oo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab. Taliyaha guutada 16-aad ee Danab, Cismaan Cabdimaalik Maalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dileen ugu yaraan 20 ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la wareegeen gacan ku heynta tuulooyinka Moradiinle, Buula Miskiin, Macallinka, Baladul Amiin, Raqayle, Sabriye iyo Buula Bashiir. Ugu dambeyn taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in howlgalladu ay sii socon doonaan, inta Al-Shabaab laga saarayo gobolkaasi. Xaaladda ayaa saaka ah mid yara degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi. Maalmihii dambe ciidanka huwanta ayaa xoojiyey howlgallada ka socda koonfurta Soomaaliya.
-
Taliyaha qeybta Booliska gobolka Baay, Amiin Maxamed Daruur oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ka warbixiyey ammaanka guud ee gobolkaasi. Daruur ayaa sheegay in sanadkii tagay ee 2019-kii ay wax badan ka qabteen arrimaha ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka K/ Galbeed. Sidoo kale wuxuu sheegay inay wada shaqeyn fiican la leeyhiin shacabka, islamarkaana ay hormarin doonaan nabad gelyada deegaanka. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in sanadkaan cusub ee 2020-ka ay u qorsheysan yihiin howlgallo cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab, si looga saaro gobolka Baay. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab oo inta badan weeraro xoogan ka fuliya deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka, kaddib markii ay ansixiyeen Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Madaxwenaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Gole oo wadajir u ansixiyey miisaaniyaddan sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa, iyagoona ku ansixiyey cod aqlabiyad leh. Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa adkeeyey qorsheyaasha heer Qaran ee lagu wajahayo musuqmaasuqa iyo dadaalka xooggan ee shacabka iyo dowladdu Soomaaliyeed ay ugu jiraan hirgelinta hannaan maaliyadeed oo hufan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhaqaalyahannada Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waxtar u leh dadka iyo dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-010120.mp3 View the full article
-
Taariikhda ugu weyn ee caalamku ku xisaabtamo kal-tirsiga ee la yiraado miilaadiga ayaa saacado ka hor qaar kamid ah dunida gashay curashada sanadka cusub ee 2020. Sannad waliba waxa uu leeyahay sumado iyo waxyaabo lagu xasuusto oo dhib iyo dheefba noqon kara, Soomaaliya sanadkii tegay 2019 waxaa ka dhacay is-badalo siyaasadeed iyo amniga iyo sidoo kale dhacdooyin kale oo murugo iyo farxadba xambaarsan. Taxanaha dhacdooyinkii ugu waaweynaa Puntland 2019 January 1, 2019: Waxaa maanta oo kale sanadkii tegay la dhaariyey xubnaha Baarlamaanka shanaad ee Puntland, Golaha oo ahaa 65 nin iyo hal gabadh,waxaa ku jiray 49 weji oo cusub, halka 17 xubnood oo kale ay ka soo laabteen Baarlamaankii hore, waxayna Guddooomiye ku meel gaar ah u doorteen Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye oo ahaa ninka ugu da’da weynaa. January 4, 2019: Baarlamaanka Puntland ayaa Guddoomiye u doortay Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed), kadib markii uu wareegga labaad helay 43-cod. halka musharaxii wareegaas ula gudbay Cabdijamaal Cismaan uu helay 23-cod, sidoo kale waxaa Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan loo doortay Guddoomiye ku xigeen, halka Abuukaate Ismaciil maxamed Warsame loo doortay Guddoomoye ku xigeenka labaad. January 8, 2019: Siciid Cabdullaahi Deni ayaa loo doortay madaxweynaha Puntland ee 5 sano, kadib markii uu 35-cod ka helay wareeggii seddaxaad ee doorashada, Asad Cismaan Diyaano oo kula tartamayay wareegga saddexaad ayaa isna helay 31-cod, sidoo kale Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka Puntland, kadib markii uu wareegii u dambeeyay 47-cod kaga guuleystay Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan oo la tartamayay, madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ayaana maalintaas oo Talaado ahayd la mariyey dhaarta Dastuuriga ah. January 14, 2019: Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa si toos ah xilka ugala wareegay madaxweynihii hore, Cabdiweli Gaas iyo Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Camey). January 26, 2019: Waxaa la caleema-saaray madaxda Puntland, waxaana ka qeybgalay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh, madaxda dowlad goboleedyada dalka, Ra’ iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, madaxweynayaashii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenadoodii, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Baarlamanka iyo wasiirada heer Federaal iyo maamul goboleed, safaaradaha dalalka qaarkood, xubno ka socda IGAD, Midowga Afrika, UNSOM iyo marti sharaf kale. February 4, 2019: Magaalada Boosaaso, ayaa lagu toogtay maamulihii dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Mr. Paul Anthony Farmosa oo u dhashay dalka Talyaaniga, xili subax ah oo u socday shaqada, sidoo kale weerarkaas waxaa lagu dhaawacay ku xigeenkiisii Mohamed Osman, ninkii weerarkaas geystay oo magaciisa ku sheegay Cabdullaahi Ibraahim Maxamed ayaa isagoo dhaawac ah islamarkiiba la qabtay, balse saacado kadib ayuu geeriyooday, masuuliyadda dilka Paul waxaa sheegtay ururka Al-shabaab oo koox ka tirsan ay ka dagaalamaan buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari. February 10, 2019: Madaxweyne Deni ayaa magacaabay Gole xukuumad cusub oo ka kooban 48 xubnood, oo isugu jira wasiiro, wasiiro-ku xigeenno iyo wasiiru-dowlayaal, waxaana ku jiray 4 haween ah, xukuumadda Deni waxba kama badalnayn qaab-dhismeedkii xukuumadihii hore, wuxuuna la maqnaa 33 berri, sida Dastuuriga ah waa 21 berri, balse Baarlamaanka ayuu hortegay oo muddo kordhin u sameeyey. February 24, 2019: Gabar da’yar oo lagu magacaabi jiray Caasho Ilayaas Aadan ayaa la afduubay, kufsi wadereed iyo dil ayaa la isugu daray, saacado badan kadidbna maydkeeda ayaa la soo dhigay albaabka hore ee gurigooda oo ku yaallay xaafada Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo, dhacdadaas foosha xun aad ayaa looga coroodey, waxaana magaalooyin badan oo Puntland ah ka dhacay mudaharaadyo looga soo horjeedo islamarkaana lagu dalbanayo in caddaalad loo raadiyo marxuumad Caasha Ilyaas oo si banii’aanimada ka baxsan kufsi iyo dil loogu geystay Gaalkacyo, dowladduna waxay sheegtay in goob fagaare ah lagu ciqaabi doono cid kasta oo ay ku caddaato jariimadaas. Kiisa Caasha waxaa loo soo qabtay 10 qof, 7qof waxba waa lagu waayey, halka 3 nin lagu helay kiiskan ayna maxkmadaha Darjada kowaad Nugaal, Racfaan iyo maxkamada sare ku rideen xukun dil toogasho ah, balse wali lama fulin go’aanka maxkmadda. March 8, 2019: Magaalada Boosaaso waxaa maalin Jamce ah lagu dilay Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo kamid ahaa isimada dhaqanka Puntland, suldaanka ayaa nin hubaysan ku dhex dilay masjidka Mubaarak oo ku yaalla xaafadda Laanta-hawada, waxaana suldaanka oo dhaawac culus soo gaaray loola cararay isbitaal, halkaas oo uu ku geeriyooday. May 5, 2019: Magaalada Garowe, waxaa ka furmay shir wada-tashi ah oo u dhexeeyey xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada, waxaana ka qeyb galay madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre, madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo duqa Muqdisho, nasiib darro muddo shan berri ah oo shirkaasi socday wuxuu ku dhamaaday fashil iyo iyadoo aan waxba laysku afgaran. May 27, 2019: Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay, guud ahaan wada-shaqeyntii kala dhexasyay dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga heshiinayo arrimaha ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac. May 31 iyo June 1, 2019: Roobab mahiigaana oo ka da’ay deegaanada Puntland ayaa burbur xooggan u geystay wadada isku xirta magaalooyinka waaaweyn ee Puntland. July 15, 2019: Garoonkadiyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe, waxaa laga daahfuray duulimaadyada shirkadda caalamiga ah ee Ethiopian Airlines, wuxuu ahaa duulimaadkii ugu horreyey ee Puntland iyo caalamka isku xira, waxayna sahashay in dad badan oo muddo dalka ka maqnaa ay dib ugu soo laabtaan. Ethiopian Airlines ayaa hadda maalin walba duulimaad ka sameysa caasimada Puntland ee Garowe. September 15, 2019: Magaalada Garowe ayaa laga furay shirkii Maalgashiga Puntland oo lagu soo bandhigay fursadaha Maal-geshi ee ka jira Puntland, waxaana ka qeyb-galay ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa Ajnabiya oo ka kala socda dalal ka tirsan Afrika, wadamada Carabta, Shiinaha iyo Eeshiyada kale, kuwaasi oo muddo saddex berri loo soo bandhigayey fursadaha maal-geshi iyo kuwa ganacsi ee ka bannaan gudaha Puntland. October 13, 2019: Puntland ayaa xoriyadda hadalka ku xirtay siyaasi Muuse Cali Jaamac, siyaasiga ayaa inta aan la xirin wareysi uu siiyey Puntland Post ku faahfaahiyay shir ay ku dhaliileen xukuumadda Puntland oo ay war-murtiyeed ka soo saareen. Muuse saddex maalmood kadib ayaa la sheegay in lagu sii daayay cafis-maxkamadeed. October 26, 2019: Khilaaf huursanaa oo u dhexeeyey labada Gole ee sharci-dejinta iyo fullin Puntland ayaa banaanka u soo baxay furitaanka kalfadhigii 45-aad ee Golaha Wakiilada Puntland, waxaa xafladii daafurka ka dhashay hadalo kulul iyo buuq lagu kala tagay, Xildhibaan Cawil Daad ayaa su’aal ay dad badani dhaliileen hab anshaxeeda weydiiyey Madaxweyne Deni, balse madaxweynaha ayaa si caro leh oo dulqaad-yari ka muuqato uga jawaabay weydiintaas, kadibna si deg deg ah uga baxay hoolka Baarlmaanka oo ay marti sharaf badan ku sugnayd. November 6, 2019: Khilaafkii sharci-dejinta iyo fulinta, wuxuu sababay in xili habeen ah ciidamo kawada tirsan Puntland ay ku dagaalamaan afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka Puntland, waxaana dhacdadaas ku dhintay, Ganacsade Cabdixakiim Maxamed Faarax (Dhagaweyne) oo caan ka ahaa Puntland, xarun ganacsina ku heystay meel u dhow xarunta Baarlamaanka iyo sidoo kale labo askari oo ka tirsanaa ciidamadii iska hor-imaadku dhexamray. November 7, 2019: Guddoomiyihii Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa xilkii Guddoomiye laga qaaday, 49 xubnood oo kamid xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah xilka kaga qaaday Dhoobo, mooshinka xilka qaadista waxaa lagu eedeeyey xukuumadda, bale Madaxweyne Deni oo su’aashaas xili dambe la weydiiyeyn ma dafirin ee waxa uu sheegay in xukuumaddu ay qorshe la iman-karto, balse aysan go’aanka codeynta la’hayn. November 13, 2019: Xili duhur ah waxaa kantaroolka laga soo galo magaalada Boosaaso ka dhacay iska hor-imaad kooban oo dhexmaray ciidamada Puntland ee halkaas ku sugan iyo ciidan kale oo ka soo ruqaansaday degmada Carmo, inta la xaqiijiyey hal askari ayaa dhintay, halka ay ku dhaawacmeen labo kale, ciidamadii ka soo ruqaansaday Carmo oo Tikniko farabadan watay waxaa hoggaaminayey Ciise Yulux oo ka mid ahaan jiray hoggaamiyaashii burcad badeedda Soomaalida kuwii ugu caansanaa, waxayna markii dambe si xooga gudaha ugu galeen magaalada Boosaaso, iyagoo fariisimo ka sameystay dhowr meelood oo ay ka mid tahay xarunta shirkadda PDG ee taakulaynta u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF, xiligaas waxaa taagnaa xiisad u dhaxaysey mulkiilayaasha shirkadaas iyo dowladda. November 14, 2019: Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland, ayaa Guddoomiye cusub u doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kadib 46-cod oo helay wareegii labaad, halka musharrixii ku soo xigay Cabdi jamaal Cismaan Maxamed uu helay 17-cod. November 15, 2019: Isimada dhaqanka gobolka Bari ayaa xal ka gaaray xiisad ka taagnayd magaalada Boosaaso oo u dhaxeysay madaxda PDG iyo dowladda, waxayna magaalada ka saareen ciidamdii soo galay 13-ki November. November 30, 2019: Puntland ayaa Boosaaso ku xiray Nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe, Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax, Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble iyo Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo), waxaana dhammaantood xabsiga la dhigay, kadib markii ay dhaliilo u jeediyeen heshiisyo xukuumadda Puntland kula jirto shirkado laga leeyahay dalka UAE, ilaa hadda waa xiran yihiin iyagoo aan caddaalada la geyn. December 2, 2019: Puntland ayaa mar kale xabsi dhigtay siyaasi Muuse Cali Jaamac, kadib markii isaga iyo odayaal kale ay shir ay qabteen dhaliilo kala duwan u jeediyeen xukuumadda madaxweyne Deni, wuxuuna xasbiga weyn ee Boosaaso ku jiraa hadda muddo 30 berri ah, isagoo aan wax maxkamad ah la geyn, waxaana na soo gaartay in uu mar ku xanuunsaday xabsiga. December 5-8, 2019: Roobab ka da’ay deegaano ku teedsan xeebaha Puntland, oo meelaha qaar dabeylo watey ayaa barakiciyey dad badan oo ku noolaa degmooyinka Eyl, Bandarbayla, Caluula iyo Laasqoray, kadib markii ay burburiyeen beero, guryo, waddooyin iyo kaabayaal kale oo ay ku tiirsaneyd noloshooda. December 10, 2019: Baarlamaanka Puntland ayaa xasaanaddii xildhibaanimo ka qaaday Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo-daareed Guddoomiyihii hore . Taxanaha dhacdooyinkii waaweynaa ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya January 2, 2019: Dowladda Soomaaliya ayaa xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u gudbisay in dalka aan looga baahneyn Nicholas Haysom, oo ahaa ergaygii gaarka ahaa ee arrimaha Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ku eedeeyay Haysom in uu ku xadgudbay qaranimada dalka Soomaaliya, islamarkaasina uu u dhaqmay sidii in uu dalka isaga maamulo. May 30, 2019: Qaramada Midoobay ayaa wakiilkii hore ee Soomaaliya Nicholas Haysom ku soo badeshay James Swan oo u dhashay Mareykanka. July 13, 2019: 26 qof ayaa dhintay, halka ay ku dhaawacmeen 56 kale, weerar qaraxyo iyo dagaal toos ah wata oo Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Madiina ee magaalada Kismaayo, dadkii weerarkaas ku dhintay waxaa kamid ahaa Hodan Naaleeye oo ahayd wariye ka faaloota arrimaha bulshada iyo saygeedii oo horay u soo noqday wasiirka ganacsiga Jubbaland, Jaamac C/raxmaan Fariid, wariye Maxamed Sahal Cumar [Gacma-dheere] iyo madaxii hay’adda SAADO ee Koonfurta Soomaaliya, Deeq Ciise Webi. July 22, 2019: Ugu yaraan 17 ruux ayaa ku dhintay in ka badan 20 kalena waa ku dhaawacmeen qarax ka dhacay aga’gaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho July 24, 2019: Ugu yaraan 10-qof ayaa ku geeriyooday in ka badan 30-qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray qarax is-miidaamin lagu sheegay oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, waxaana mas’uuliyadda qarxaas sheegtay Al-shabaab. Dadka ku dhintay waxaa ka mid ah, afhayeenkii hore ee maamulka gobolka Banaadir, ahaana agaasimaha waaxda nadaafadda ee gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane iyo agaasimihii waaxda shaqada iyo shaqaalaha Gobolka Banaadir, C/llaahi Dheere.Waxaa kaloo ka mid ahaa xubnaha weerarkan naftooda ku waayay guddoomiyihii degmada Waaberi Mahad Cilmi Cali iyo guddoomiyihii C/casiis Safiya C/llaahi Asad, dadkii dhaawacyada culus ka soo gaareena waxaa kamid ahaa guddoomiyahi gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow. July 25, 2019: Diyaarad kuwa ciidamada ah oo ay leedahay dowladda Qadar ayaa dhaawacii Duqa Muqdisho Eng. Yariisow iyo xubnaha kale ka qaadday garoonka Muqdisho, iyadoo loo qaaday dalka Qadar. August 1, 2019: Guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqa magaaladda Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa ku geeridooday dalka Qadar, kadib dhaawacii cuslaa ee ka soo gaaray qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir July 24, 2019 . August 22, 2019: Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha Jubbaland, kadib markii uu helay 56 cod oo kamid ah 74-ta mudane ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland. Isla maalintaas iyaguna Cabdinaasir Seeraar iyo Xildhibaan Xidig ayaa mid walba sheegtay in loo doortay madaxweynaha Jubbaland. October 12, 2019: Axmed Madoobe ayaa Kismaayo lagu caleemo-saaray, waxaana ka qeybgalay madaxweyne Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, madaxda xisbiyada Muqdisho, siyaasiyiin iyo masuuliyiin Kenyaati ah. October 26, 2019: Webiga Shabelle ayaa ku fatahay magaalada Beledweyne, waxayna taasi sababtay in kumanaan qoys ay ka barakacaan guryahooda. November 20, 2019: Almaas Elman Cali Axmed oo la dhalatay gabadhii u sharraxnayd billadda Nabadda Nobelka ee Elwad Elman ayaa lagu dhex-dilay xarunta ay degan yihiin Safaaradaha iyo dibloomaasiyiinta reer Galbeedka ee loo yaqaanno XALANE, Muqdisho oo kamid ah meelaha sida weyn amnigooda loo ilaaliyo. December 21, 2019: In ka badan 10 qof ayaa ku dhintay 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ahaa oo lala beegsaday kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir, oo weerarkaas ka badbaaday. December 28, 2019: Qaraxa Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari xamuula oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa lala beegsaday goob canshuurta lagu qaado oo ku taalla Ex Kantarool Afgooye duleedka Muqdisho. Goobta qaraxu ka dhacay ayaa aad mashquul u ahayd, waxaana taagnaa gaadiid ay saarnaayeen dad u badan arday. In ka badan 100 qof oo shacab u badan ayaa ku dhintay musiibadaas, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan. Qaraxaas oo ahaa dhaawacii ugu weynaa ee Soomaaliya soo gaaray 2019, ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay labo Injineer oo Turki ah, kuwaas oo dhisayey wadada Afgooye iyo Muqdisho. December 30, 2019: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in qaraxii Ex-Control Afgooye ka dhacay uu qorshihiisa lahaa dal shisheeye, balse magaciisa masheegin dalkaas. December 30, 2019: Saacado kadib hadalkii NISA, Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxii lagu hoobtay Ex-Control Afgooye. Soomaaliya sanadkii tegay 2019 wuxuu ku sagootiyey murugo iyo qaraxyo maalmihii sanadka u dambeeyey dad badan oo bulshada laf-dhabar u ahaa ku hoobteen. PUNTLAND POST The post Maxaa dhacay sanadkii tegay? Maxaase ugu dhaawac weynaa? appeared first on Puntland Post.
-
Chiefs of local police and militia in northwest Ethiopia were both arrested over their handling of last week's torching of mosques, a church, and shops owned by Muslims, local broadcaster FANA reported on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has conducted an induction training to orientate 37 newly deployed police officers. Source: Hiiraan Online
-
The US Federal Aviation Administration (FAA) has warned American air carriers to “exercise caution” when flying over Kenyan airspace, citing possible attacks by extremists. Source: Hiiraan Online
-
“Turkiga wuxuu ku guuleystay inuu dhiso ciidamo Soomaali ah oo dagaallo ba’an la galay Al-Shabaab, gaar ahaan howlgalladii ka dhacay Shabeellaha Hoose”, sidaas waxaa yiri Cabdiraxmaan Sahal Yuusuf, oo ah falanqeeye ka faallooda arrimaha amniga. Al-Shabaab ayaa si lama filaan ah maalmo ka dib u sheegatay mas’uuliyadda qarixii dad ka badan 80 ruux ay ku dhinteen ee Sabtidii ka dhacay isgoyska Ex-Control-Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxyo horay u dhacay oo khasaare weyn sababay ayeysan si cad u sheeganin Al-Shabaab, waxaana ay sidoo kale markii ugu horreysay ka dhawaajiyeen in markan bartilmaameedkoodu uu ahaa Turkiga. Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxaas lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay wateen dad u dhashay dalka Turkiga oo xulufo la ah dowladda Soomaaliya. Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in dadkii ku dhintay weerarkaas ay ka mid ahaayeen 2 muwaadin oo u dhashay dalkaas. Haddaba Al-Shabaab u beegsatay Turkiga? 9-kii sano ee ugu dambeysay dowladda Turkiga waxay galaangal toos ah ku lahayd Soomaaliya, waxayna dowladihii is xig-xigay la wadaageysay xiriir iskaashi, mid dhaqaale iyo mid dhinaca taageerada ah. Horay Al-Shabaab waxay u sheegtay inay la dagaallameyso dalalka shisheeye ee Soomaaliya ku sugan, hase ahaatee waxaa la sheegayaa inay tahay markii ugu horreysay oo ay ku dhawaaqeen cadaawadda ay u qabaan Turkiga. Cabdiraxmaan Sahal Yuusuf, oo ah falanqeeye ka faallooda arrimaha amniga ayaa BBC-da uga warramay waxyaabaha sababta u noqon kara in Al-Shabaab ay weerar la beegsato muwaadiniinta Turkiga. Wuxuu saheegay in sababaha ugu waaweyn ay ka mid tahay Turkiga oo xoojiyay cududda milatari ee ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo dagaal kula jira xoogagga Al-Shabaab. “Marka laga soo tago dhinaca Ciidamada, Turkiga wuxuu dhisay waddooyinka waaweyn, garoonka diyaaradaha iyo dekedda, taasina ma aha mid Al-Shabaab raalli ka tahay”, ayuu yiri Cabdiraxmaan. Dhinaca kale wuxuu sheegay in Ankara ay ku guuleysaneyso taageerada Soomaalida. “Turkiga wuxuu noqday dowlad xiriir adag la leh Dowladda Soomaaliya, oo u muuqata mid soo kabaneysa maalinba maalinta ka dambeysa, halka Al-Shabaab ay istiraatiijiyaddeedu tahay inay burburiso dowladda, oo ay ka hor joogsato in waddooyinka loo dhiso, waxayna doonayaan in Turkigu aysan xoojinin dowladda Soomaaliya, sababtoo ah sannadihii ugu dambeeyay waxaa muuqata in Turkiga uu kaalin cad ku leeyahay Soomaaliya uuna kasbaday quluubta iyo caqliga shacabka Soomaalida, waana midda keeneysa in Al-Shabaab ay ka hortagaan”, ayuu yiri. Turkiga ayaa in muddo ahba howlo kala duwan ka waday Soomaaliya, halkaasoo uu ka hirgaliyay xarumo caafimaad iyo mashaariic kale. Madaxweyne Rcep Tayyip Erdogan ayaa bishii June ee sanadkii 2016-kii gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna markii ugu horreysay xarigga uga jaray safaaradda Turkiga ee Soomaaliya. Turkiga ayaa saldhig milatari ku leh Soomaaliya, kaasoo tababarro iyo taageero kale lagu siiyo ciidamada dowladda Soomaaliya. Saldhiggan oo xarigga laga jaray sanadkii 2017-kii ayaa noqday xarunta tababar ee ugu weyn adduunka ee uu Turkiga ka hirgeliyo meel ka baxsan gudaha dalkiisa. Dowlada Turkigu waxaa ay sheegtay in saldhiggani halkii mar lagu tabababari karo inkabadan kun iyo shan boqol oo ah ciidammada dowladda Soomaaliya. Ula jeeedada saldhiggani ayaa la sheegay inay tahay sidii loo xoojin lahaa ciidammada milateriga ee Soomaaliya, si loo soo afjaro dagaalka ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya. Sidoo kale diyaaradda Turkish Airlines ayaa sanadkii 2012-kii noqotay diyaaraddii ugu horreysay ee duullimaadyo caalami ah ka billowday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991-kii. W/Q: Cabdishakuur Casoowe BBC Somali
-
Hambalyada Madaxweynaha JSL Ee Sanadka Cusub 2020-ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu curashada Sannadka Cusub ee miilaadiga 2020-ka awgeed, sannadka Hijriga 1441-ka kuna beegan Arbacada 01/01/2020-ka uu Hambalyo u dirayaa dhammaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta beesha caalamka. Madaxweynuhu mar labaad waxa uu Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed uu Hambalyo iyo Salaan u dirayaa dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda, Goleyaasha Qaranka iyo guud ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku kala nool yihiin. Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland Alle uga baryayaa inay Sannadka, sanadkiisa ku gaadhaan Nabadqab, Barwaaqo, bash-bash iyo Horumar, inta xanuusanaysana ka dulqaado xanuunka uguna bedelo caafimaad taama. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucuubta Caalamka u rajaynayaa in Sannadka 2020-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni buuxda. Qaran News
-
Popular Contributors
