-
Content Count
215,287 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
About Deeq A.
-
Rank
Contributor
- Birthday 02/08/1985
Recent Profile Visitors
22,259 profile views
-
Charleston (Caasimada Online) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Jimcaha shaacisay inay heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga macdanta muhiimka ah (critical minerals) la saxiixatay gobolka West Virginia ee dalka Mareykanka. Tallaabadan ayaa qayb ka ah olole weyn oo ay Muqdisho ku doonayso inay dalka ku soo jiidato raasamaal iyo khibrad farsamo oo Mareykan ah, si loo horumariyo waaxdan oo ay u aragto mid udub-dhexaad u ah kobaca dhaqaalaha ee mustaqbalka. Heshiiskan cusub ayaa daboolaya hawlo isugu jira baarista, soo-saarista, sifeynta iyo kordhinta tayada iyo qiimaha macdanta muhiimka ah. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa heshiiskan u saxiixay dhanka Soomaaliya, halka Kris Warner, oo ah xoghayaha arrimaha dibedda West Virginia uu u matalayay dhanka Mareykanka, munaasabad ka dhacday magaalada Charleston. Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, ayaa waxaa halkaas ku qaabilay Guddoomiyaha Aqalka Senate-ka ahna Ku-simaha Barasaabka gobolkaas, Randy Smith. Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa xusay in heshiiskani uusan ku koobnayn oo keliya helitaanka qalabka ceyriin, balse ujeedka ugu weyni uu yahay wixii laga dhisi lahaa hareerihiisa. Is-afgaradkan ayaa loogu talagalay in lagu taageero is-dhaafsiga teknoolajiyada, dhisidda awoodda xirfadeed ee shaqaalaha, iyo sameynta kaabayaal dhaqaale oo macdanta lagu sifeeyo gudaha dalka. Tallaabadan diblomaasiyadeed ayaa imanaysa waxyar uun kadib markii 4-tii bishan Maarso ay magaalada Muqdisho ka dhaceen wada-hadalladii ugu horreeyay ee rasmi ah oo ku saabsan ganacsiga iyo maalgashiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka. Kulankaas oo diiradda lagu saaray macdanta muhiimka ah, shidaalka iyo gaaska, ayaa labada dhinacba ay isku raaceen in la sameeyo guddiyo farsamo oo wadajir ah. Sidoo kale, saxiixan ayaa daba-socda ansixintii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay bishii Ogosto ee sanadkii 2025 ku meel-mariyeen sharciga macdanta, kaas oo ujeedkiisu ahaa in la abuuro qaab-dhismeed sharci oo hufan. Waqtiga uu heshiiskan ku soo beegmay ayaa sidoo kale xambaarsan weji siyaasad-juquraafiyeed (geopolitical) oo aad u xasaasi ah. Dabayaaqadii bishii Febraayo, mas’uuliyiinta maamulka gooni-isu-taagga raadinaya ee Somaliland ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Mareykanka siiyaan fursad ay ku helaan macdanta iyo saldhigyo milatari, si beddelkeeda loo aqoonsado. Arrintaas ayaa waxaa xigay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay iyaduna si gooni ah xukuumadda Washington ugu yaboohday in ay gacan ka siiso helitaanka dekedaha, garoomada diyaaradaha iyo macdanta muhiimka ah. Tani waxay si cad u muujinaysaa sida diblomaasiyadda kheyraadka dabiiciga ah iyo loolanka amnigu ay si xawli ah isugu milmeen gobolka Geeska Afrika. Waxay sidoo kale tani qeyb ka tahay loolan weyn oo caalami ah oo ujeedkiisu yahay in la kala duwoo silsiladaha saadka ee macdanta muhiimka ah, si looga weecdo suuq ay haatan in muddo ah gacanta ku hayeen tiro yar oo waddamo ah oo soo saara, sifeeyana macdantaas. Dowladda Soomaaliya ayaa fariin cad dirtay oo ah in iskaashi kasta oo mustaqbalka la galayo uusan ku ekaan doonin oo keliya qodista macdanta, balse uu noqdo mid dalka ku reeba faa’iidada ugu badan isagoo loo marayo warshadayn iyo dhismo kaabayaal dhaqaale. Soomaaliya ahaan, heshiiskan ayaa ka turjumaya olole ballaaran oo lagu doonayo in caalamka loo tuso in horumarinta kheyraadka dabiiciga ah la hoos geyn karo nidaam maalgashi iyo maamul-wanaag oo rasmi ah, kadib sanado badan oo amni-darro, kala-qaybsanaan siyaasadeed iyo nidaam daciif ah ay curyaamiyeen kobacii waaxdan. Inkastoo aan weli la hubin in is-afgaradka gobolka West Virginia uu si dhaqso ah isugu beddeli doono mashaariic dhab ah iyo maalgelin toos ah, haddana tallaabadani waxay caddeyn u tahay in xukuumadda Muqdisho ay isku dayayso in macdanta ay garab-dhigto shidaalka iyo gaaska, kana dhigto xudunta diblomaasiyadda dhaqaale ee ay la leedahay dowladda Mareykanka. The post DF oo heshiis la gashay gobol ka tirsan Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Iyadoo ay sii kordhayso xiisadda ka aloosan gobolka Bariga Dhexe, warbaahinta Israa’iil ayaa bilowday olole ballaaran oo loogu baaqayo xukuumadda Benjamin Netanyahu inay dib u habayn ku sameyso xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Turkiga. Ololahan ayaa yimid ka dib markii Turkigu la kulmay weerarro gantaallo oo laga soo tuuray dhinaca Iiraan, taas oo khubarada amniga iyo siyaasadda ee Israa’iil ay u arkaan “fursad dahabi ah” oo u baahan in laga faa’iideysto. Wargeyska caanka ah ee Yedioth Ahronot, oo ka mid ah ilaha ugu saamaynta badan warbaahinta Israa’iil, ayaa daabacay maqaal falanqayn xeeldheer ah oo lagu lafaguray isbeddelka jawiga gobolka. Wargeysku wuxuu is-weydiiyey: “Ma suuragalbaa in weerarka gantaallada ee Iiraan ku qaaday Turkiga uu dhiirrigeliyo dib u heshiisiin u dhexeysa Tel Aviv iyo Ankara, isla markaana xoojiyo iskaashi dhex mara labada dhinac oo ka dhan ah cadow ay wadaagaan, kaas oo ah Iiraan?” Iskaashi ka dhan ah ‘cadowga wadajirka ah’ Khubaro dhanka amniga iyo xiriirka caalamiga ah oo la hadlay wargeyska ayaa aaminsan in, inkastoo sanadihii u dambeeyey uu jiray khilaaf xooggan oo u dhexeeyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu, haddana danta guud ee labada dal ay haatan ku jirto iskaashi amni. Danta Israa’iil: Waxay u baahan tahay xulafo xooggan oo gobolka ah si loo xakameeyo saamaynta Iiraan iyo hawlgalada militari ee ay ku lug leedahay. Danta Turkiga: Weerarkii gantaallada ee Iiraan ayaa muujiyey nuglaanta amni ee Turkiga, taas oo keeni karta in Ankara ay raadiso iskaashi dhanka gaashaandhigga ah oo lala yeesho quwadaha gobolka. Khubarada ayaa ku boorriyey xukuumadda Tel Aviv in aysan seegin fursaddan taariikhiga ah, iyagoo soo jeediyey in si degdeg ah loo bilaabo wadahadal hoose oo lagu qaboojinayo khilaafkii hore, laguna dhisayo isbaahaysi cusub oo ku qotoma amniga Bariga Dhexe. Ilaa hadda, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu oo ku aaddan baaqan ka soo yeeraya warbaahinta iyo khubarada dalkaas. The post Netanyahu oo lagu riixayo heshiiska Erdogan xilli Iran weerar ku hayso Turkiga appeared first on Caasimada Online.
-
Paris (Caasimada Online) – Dowladaha Faransiiska iyo Talyaaniga ayaa xiriirro diblomaasiyadeed la sameeyay xukuumadda Iran, iyagoo doonaya inay dammaanad ka helaan maraakiibtooda ganacsi ee adeegsada marinka muhiimka ah ee Hormuz. Sida uu baahiyay wargeyska Financial Times, oo soo xiganaya ilo xog-ogaal u ah arrintan, dadaalkan ayaa ku soo aadaya xilli uu ismari-waa weyn ka jiro gobolka ka dib weeraradii United States iyo Israel ay ku qaadeen Iran 28-kii bishii Febraayo. Tan ayaa muujinaysa isku day ay reer Yurub ku doonayaan inay kaga nabadgalaan saameynta colaadda baaxadda leh ee ka aloosan Galbeedka Aasiya, taas oo curyaamisay dhaq-dhaqaaqii ganacsiga ee marinkaas. Marinka Hormuz oo ah halbowlaha ay marto ku dhowaad shan meelood oo ka mid ah (20%) saliidda dunida laga isticmaalo, ayaa ku dhowaaday inuu gabi ahaanba xirmo kadib markii uu weerar dhex maray isbaheysiga Mareykanka iyo Israa’iil iyo dalka Iran dabayaaqadii bishii hore. Inkasta oo warbixintu ay tilmaamayso in Talyaanigu uu xiriir la sameeyay Iran, haddana xukuumadda Rome ayaa si kulul u beenisay jiritaanka wada-hadallo qarsoodi ah oo ay la leeyihiin Tehran. Ilo-wareed u hadlay dowladda Talyaaniga ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in hoggaankoodu uu ka shaqeynayo dejinta xiisadda milatari ee guud, balse aysan marnaba jirin heshiis hoose oo lagu badbaadinayo maraakiib gaar ah iyadoo kuwa kale khatar looga tegayo. Dhinaca kale, saraakiil u hadlay Faransiiska ayaa xaqiijiyay inay weli furan yihiin marinno isgaarsiineed oo ay la leeyihiin Iran, inkasta oo ay ka gaabsadeen inay xaqiijiyaan ama beeniyaan jiritaanka wada-hadal gaar ah oo ku saabsan marinka Hormuz. Faransiiska ayaa dhanka kale sii kordhiyay joogitaankiisa milatari ee gobolka, isagoo geeyay ilaa 12 markab oo dagaal iyo guuto diyaaradaha xambaara, kuwaas oo ka howlgala badaha Mediterranean Sea iyo Red Sea si ay u difaacaan xulafadooda ka dib weeraradii ay Tehran ku jawaabtay. Xaaladda ayaa gaartay meel xasaasi ah kadib markii Tehran ay ku hanjabtay inay “dab qabadsiin doonto” markab kasta oo fasax la’aan ku mara marinka Hormuz, taas oo keentay in halkaas ku go’doomaan maraakiib waaweyn oo shidaal u siday caalamka. Tan iyo markii uu qaraxay dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran bishii hore, marinkan istiraatiijiga ah ayaa noqday meel ay adag tahay in lagu dhiirado, taas oo keentay khalkhal xooggan oo laga dareemayo suuqyada tamarta ee dunida. The post 2 dal oo Yurub ah oo wada-hadal qarsoodi ah la furay Iran appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa howlo biyo-dhaamin ah u sameeyay qoysas badan oo ku nool deegaanka Maraay-Suuleey ee ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaas oo si weyn ay u saameeyeen abaaraha ka jira deegaanka. Howlahan biyo-dhaaminta ah ayaa lagu gaarsiiyay biyo nadiif ah qoysas badan oo muddo la daalaa-dhacayay biyo la’aan. Howlgalka gargaarka ah waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 8-aad ee Guutada 18-aad, Qaybta 1-aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Dhexe Maxamed Macalin Abuukar (Shaarib). Saraakiisha ciidanka ee ku sugan deegaanada bariga Masagawaay ayaa sheegay in howlahan biyo-dhaaminta ah ay qeyb ka yihiin dadaallada ay ciidamada ku garab taagan yihiin shacabka, gaar ahaan kuwa ay saameeyeen abaaraha daran. Dadka ku dhaqan deegaanka Maraay-Suuleey ayaa si weyn u soo dhoweeyay adeegga biyo-dhaaminta, iyagoo uga mahadceliyay ciidamada Gorgor kaalinta ay ka qaateen caawinta bulshada ku nool guud ahaan gobolka Galgaduud. Dhawaan ayay ahayd markii Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gargaar u qeybiyeen qoysas danyar ah oo ay saameeyeen xaalado nololeed oo adag. Deeqdaas ayaa qeyb ka ahayd dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ku taageerayaan bulshada, isla markaana ka tarjumaysa xiriirka dhow ee u dhexeeya shacabka iyo ciidamada geesiyaasha ah. The post Ciidanka Gorgor oo arrin naf hur ah maanta ka sameeyay Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Maraykanka ayaa qabtay farriimo isgaarsiineed oo sir ah, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay ka yimaadeen dalka Iiraan. Farriimahan ayaa la sheegay in ay noqon karaan “fure hawlgaleed” oo lagu kicinayo “unugyo hurda” (sleeper assets) oo ku sugan meelo ka baxsan dalkaas, sida lagu xusay digniin ka soo baxday dowladda federaalka oo loo diray hay’adaha fulinta sharciga. Digniintan oo ay dib-u-eegis ku sameysay shabakadda wararka ee ABC News, ayaa soo xiganaysa “falanqayn horudhac ah oo lagu sameeyay ishaarooyinka,” taasoo muujinaysa in farriintu “ay u badan tahay mid ka timid Iiraan,” isla markaana la sii marsiiyay dalal dhowr ah wax yar uun kaddib dhimashadii Aayatullaahi Cali Khumeyni. Khumeyni oo ahaa hogaamiyihii ugu sarreeyay Iiraan, ayaa lagu dilay weerar ay iska kaashadeen Maraykanka iyo Israa’iil 28-kii Febraayo. Farriimahan la dhexgalay ayaa ahaa kuwo koodaysan (sir ah), waxayna u muuqdeen kuwo ku socday “qaateyaal qarsoon” oo haysta furihii lagu furi lahaa sirtaas. Tani waa nooc ka mid ah farriimaha loogu talagalay in amarro iyo tilmaamo lagu siiyo “hawlwadeeno qarsoon ama unugyo hurda,” iyada oo aan la isticmaalin aaladaha internet-ka ama shabakadaha isgaarsiinta ee taleefannada gacanta. “Waxaa suurtagal ah in farriimahan loola jeedo in lagu hawlgeliyo ama tilmaamo lagu siiyo unugyada hurday ee horay loo sii diyaariyay, kuwaas oo ka hawlgala meelo ka baxsan dalkii ay farriintu ka soo bilaabatay,” ayaa lagu yiri digniinta. Inkasta oo xilligan aan la xaqiijin karin waxa dhabta ah ee ku dhex jira farriimahan, soo bixitaanka kediska ah ee saldhig cusub oo leh astaamaha dib-u-tebinta caalamiga ah ayaa keenaya in kor loo qaado feejignaanta xaaladeed,” ayay raacisay digniintu. Iyadoo digniintu ay si taxaddar leh u xusayso in aysan jirin “khatar hawlgal oo si toos ah loola xiriiriyay goob gaar ah,” haddana waxay faraysaa hay’adaha fulinta sharciga in ay kordhiyaan la socodkooda dhaq-dhaqaaqyada hirarka raadiyaha (radio-frequency) ee shakiga dhallin kara. Haddii xogta ku xusan digniintan ay dhab noqoto, waxay xaqiijin doontaa cabsidii ay hore u muujiyeen saraakiisha hay’adaha amniga iyo fulinta sharciga, kaddib markii Maraykanka iyo Israa’iil ay weerareen Iiraan, taas oo ahayd in unugyada hurda ee la soo dhoobay daafaha waddamada Reer Galbeedka loo adeegsan karo hawlgalo aargoosi ah. The post Iiraan oo kicisay unugyada qarsoon ee u jooga Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa biyaha Soomaaliya u soo dirtay afar markab oo dagaal, kuwaas oo loogu talagalay ilaalinta amniga badda iyo ka hortagga xadgudub kasta oo ka dhici kara xeebaha Soomaaliya. Howl-galkan ayaa wuxuu qayb ka yahay dadaallada Ankara ay ku xoojinayso amniga badda Soomaaliya iyo kan gobolka, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, Admiral Zeki Aktürk. Maraakiibtan dagaal ayaa lagu kala magacaabaa TCG Göksu, TCG Bayraktar, TCG Bartın iyo TCG Yzb. Güngör Durmuş. Sida la qorsheeyay, maraakiibtan ayaa la filayaa inay soo gaaraan biyaha Soomaaliya 16-ka Maarso 2026, oo ku beegan Isniinta toddobaadka soo socda, si ay u bilaabaan howlgallo amni oo la xiriira ilaalinta xeebaha iyo la socodka dhaq-dhaqaaqyada ka socda badda. Howl-galkan cusub ayaa la sheegay inuu yahay mid muhiim u ah xoojinta amniga badda Soomaaliya, gaar ahaan xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira budhcad-badeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo falalka kale ee amniga khatar gelin kara. Dowladda Turkiga ayaa horey u muujisay sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay ka taageerto dhinacyada amniga iyo horumarinta awoodda ciidanka badda. Sidoo kale, Turkiga ayaa horey Soomaaliya ugu soo diray markab loogu talagalay sahminta iyo baarista shidaalka badda ku jira, kaas oo ka shaqeynayay meelaha sahminta laga bilaabay sanadkii 2024. Tallaabadaasi waxay qayb ka ahayd iskaashiga dhinaca tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee u dhexeeya labada dal. Maraakiibta cusub ee imaanaya ayaa waxaa la shaqeyn doona ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada ciidamada Soomaaliyeed ee ku biiraya howlgalka. Waxaa la filayaa in ciidamadan ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada badda Turkiga si loo xaqiijiyo fulinta howlgalka. Mas’uuliyiin kala duwan iyo warbaahinta caalamiga ah oo sidoo kale xaqiijiyay xogtan ayaa tilmaamay in howl-galkan uu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo amniga badda Soomaaliya iyo ilaalinta kheyraadka ku jira xeebaha dalka. Turkiga ayaa horey Soomaaliya ugu soo diray in ka badan toban markab oo dagaal iyo kuwo taageero ah, kuwaas oo ka qeyb qaatay howlgallo kala duwan oo la xiriira tababarka, ilaalinta amniga badda iyo la-dagaallanka falalka sharci-darrada ah ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya. Dhaq-dhaqaaqan militari ee Ankara ka waddo Soomaaliya ayaa muujinaya xiriirka istaraatiijiga ah ee sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada dal. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa horey u kala saxiixday heshiisyo muhiim ah oo la xiriira amniga badda, difaaca iyo iskaashiga milatari, kuwaas oo la filayo in ay sii xoojiyaan awoodda Soomaaliya ee ilaalinta biyaha iyo kheyraadka ku jira. The post Maraakiib dagaal oo kusoo wajahan Soomaaliya + Dalka soo diray iyo ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga digtay in dhulkeeda aan loo adeegsan karin meel laga qaado howl-gallo milateri, kadib markii warbixino warbaahineed ay muujiyeen in Israa’iil ay qorsheyneyso inay saldhig ka sameysato gobolka Somaliland oo sheegata inay ka go’day Soomaaliya. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, oo Khamiistii u warramayay telefishinka Al Jazeera, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan dooneyn in dhulkeeda lagu soo jiido loolan iyo isku-dhacyo shisheeye, ama loo adeegsado qaab sii wiiqi kara xasilloonida gobolka oo markiisii horeba ahaa mid xasaasi ah. Digniintan ka soo baxday Muqdisho ayaa imaaneysa xilli warbaahinta Bloomberg iyo Idaacadda Dowladda Iswiidhan ee Ekot ay todobaadkan baahiyeen xog ku saabsan qorshe la sheegay in Israa’iil ay saldhig milateri uga furaneyso meel u dhow magaalada istaraatiijiga ah ee Berbera. Xaaladdan ayaa soo shaac baxaysa iyadoo dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan uu galayo todobaadkii labaad. Sidoo kale, marinka muhiimka ah ee Hormuz ayaa si dadban u xirmay, halka kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ku hanjabeen inay diyaar u yihiin in ay si toos ah dagaalka u soo galaan. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, oo la hadlay Bloomberg, ayaa xusay in Somaliland ay baadi-goobayso “xiriir istaraatiijiyadeed” oo ay la yeelato Israa’iil, kaas oo uu ku tilmaamay mid dhinacyo badan taabanaya. Wuxuu intaas ku daray in suurta-galnimada saldhig ay Israa’iil yeelato aan weli si dhab ah looga wada hadlin, balse ay tahay arrin la falanqeyn doono waqtiyada soo socda. Isagoo arrimahaas ka jawaabaya, Wasiir Cali Cumar ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay awoodda kaliya ee sharci ahaan dalka ku matali karta heshiisyada amniga iyo kuwa milateri ee caalamiga ah. Wuxuu intaas raaciyay in wadahadal kasta oo ku saabsan saldhigyo shisheeye oo laga hirgeliyo gudaha Soomaaliya, kaas oo hareermarsan dowladda dhexe, uusan lahayn wax sal ah oo sharci ah. Mas’uuliyiinta Somaliland ilaa hadda ma aysan shaacin waxa rasmiga ah ee lagu heshiiyay markii ay Israa’iil la sameysteen xiriir diblamaasiyadeed oo buuxa bishii December. Kowdii bishii Janaayo, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa gaashaanka ku dhufatay eedeymaha dowladda Soomaaliya, iyadoo ku dooday in xiriirka ay la leeyihiin Israa’iil uu yahay “mid diblamaasiyadeed oo kaliya.” Balse wax yar kadib, sarkaal ka tirsan wasaaradda ayaa telefishinka Channel 12 ee Israa’iil u sheegay in arrinta saldhigga ay tahay mid miiska saaran oo laga wada hadlayo. Bishii Febraayo ee xigtay, wasiir Khadar ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay inuusan meesha ka saarayn in Israa’iil loo oggolaado joogitaan milateri. Hadallada ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda Bariga Dhexe ay marayso heerkii ugu sarreeyay. Marinka Hormuz, oo ay marto qiyaastii boqolkiiba 20 shidaalka iyo gaaska adduunka, ayaa xanniban kadib markii Iiraan ay ku hanjabtay inay beegsan doonto maraakiibta. Dhinaca kale, Israa’iil ayaa kordhisay weerarada ba’an ee ay ku hayso dalka Lubnaan, halkaas oo ay ku dishay ugu yaraan 687 qof, kuna dhaawacday in ka badan 1,500 oo kale, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas. Weeraradan ayaa yimid kadib markii kooxda Xisbullah, oo gacan saar dhow la leh Iiraan, ay gantaalo ku garaacday Israa’iil, iyadoo u aargudaysa hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, oo ay si wadajir ah u dileen Mareykanka iyo Israa’iil. Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo ah xulafo kale oo muhiim u ah Tehran ayaan weli si toos ah u soo gelin dagaalka, balse waxay dhowr jeer sheegeen inay diyaar u yihiin in ay qeyb ka noqdaan colaadda. Kooxdan oo maamusha waqooyiga, galbeedka iyo bartamaha Yemen ayaa horey uga digtay joogitaanka Israa’iil ee Somaliland, iyagoo ku tilmaamay arrintaas “tallaabo cadowtinimo” iyo mid u fasaxaysa inay beegsadaan oo ay ka dhigtaan “bartilmaameed sharci ah.” Xilli isha lagu wada hayo waddooyinka ganacsiga badda ee Bariga Dhexe, diiradda ayaa sidoo kale saaran marinka Bab al-Mandeb, oo ah marin-biyood ciriiri ah oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo ay marto boqolkiiba 12 ganacsiga adduunka. Xuutiyiinta ayaa horey u xayiray maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee mara aaggaas, tillaabadaas oo ay ku micneeyeen mid ay ku taageerayaan Falastiiniyiinta Gaza inta lagu guda jiro dagaalka gumaadka ah ee Israa’iil. Cabsida laga qabo in dagaalku uu ku fido gobolka ayaa keentay in Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti ay todobaadkan mar kale uga digto muwaadiniinteeda inay u dhawaadaan xerada Camp Lemmonier, oo ah saldhigga milateri ee ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay qaaradda Afrika. Wasiir Cali Cumar ayaa xaaladdan isku milan ku soo afmeeray farriin digniin ah, isagoo yiri: “Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waa marino si weyn ugu muhiim ah ganacsiga caalamka iyo amniga gobolka, degenaansho la’aanta halkaas ka dhacdana waxay si toos ah u saameyneysaa guud ahaan Geeska Afrika.” Wuxuu intaas ku daray in xilliyada ay xiisaduhu koraan ay dadka rayidka ah yihiin kuwa ugu nugul ee dhibaatadu gaarto, isagoo caddeeyay in tallaabo kasta oo bulshada Soomaaliyeed u horseedi karta khatar aan loo baahnayn ama gelin karta loolan juquraafiyadeed aysan dan u ahayn dalka iyo dadkaba. The post DF oo war ka soo saartay saldhigga militari ee Israa’iil ay ka dhiseyso Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Buundada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ka tirsan dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa qayb ka mid ah ku duntay gaari xamuul ah oo dul marayay. Buundadan oo dib u dhis lagu sameeyay sannadkii hore ayaa si rasmi ah xarigga looga jaray 6-dii December 2025, hase yeeshee maanta ayaa la sheegay in ay duntay xilli uu dul marayay gaari nooca TM-ka ah oo ka mid ah kuwa xamuulka qaada. Ilo wareedyo ayaa sheegay in gaariga xamuulka ah uu gaaray bartamaha buundada markii ay si lama filaan ah u duntay qayb ka mid ah. Ilaa hadda lama soo sheegin khasaare naf oo ka dhashay dhacdadan. Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya gaariga oo ku sugan bartamaha buundada xilli ay qayb ka mid ah dhismaheedu duntay, taasoo keentay in gebi ahaanba uu hakad galo isu socodkii gaadiidka iyo dadka ee labada dhinac ee deegaanka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in cabsi xooggan ay soo wajahday dadka isticmaala buundada, maadaama ay ahayd marin muhiim ah oo isku xira labada dhinac ee Sabiid iyo Caanoole. Dhacdadan ayaa sidoo kale sababtay in xayirmaan gaadiidkii iyo dadkii isticmaali jiray waddadan, iyadoo dad badan ay ka walaacsan yihiin tayada dhismaha buundada oo dhawaan la dhisay. Ilaa hadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed kama aysan hadlin burburka buundadan, waxaana la sugayaa faah-faahin rasmi ah oo ay ka bixiyaan mas’uuliyiinta ay khuseyso. Si kastaba, arrintan ayaa dhalisay hadal-hayn xooggan oo ka dhex taagan bulshada, kuwaas oo su’aalo ka keenay sababta ay buundo dhawaan dib loo dhisay ay u duntay muddo kooban kadib xarig-jarkeeda. The post Sawirro: Buundada Sabiid iyo Caanoole oo maanta duntay appeared first on Caasimada Online.
-
Dubai (Caasimada Online) — Magaalada xudunta u ah ganacsiga iyo dalxiiska Khaliijka ee Dubai ayaa wajaheysa khatartii ugu weyneyd ee abid soo marta jiritaankeeda, kadib markii dagaalka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan uu ruxay aasaaskii magaaladaas, taas oo sababtay in kumannaan ajaanib ah iyo dalxiiseyaal ay si xawli ah isaga cararaan dalkaas. Imaaraadka Carabta ayaa la kulmay in ka badan saddex-meelood labo ka mid ah gantaallada aargoosiga ah ee ay dhowaan riday xukuumadda Tehran. Falanqeeyayaasha siyaasadda iyo amniga ayaa aaminsan in sababta Imaaraadka loo beegsanayo ay tahay xiriirka qotada dheer ee dhanka sirdoonka iyo milateriga ee uu la leeyahay Yahuuda, quwadaha reer Galbeedka, iyo maqaamkiisa caalamiga ah ee xarun ganacsi iyo dalxiis. “Xaqiiqdii, dhalaalkii magaalada Meesha ayuu ka baxay,” ayuu yiri John Trudinger, oo ah maamule iskuul oo u dhashay Ingiriiska, kuna noolaa Dubai muddo 16 sano ah. Trudinger oo shaqaaleysiiya in ka badan 100 macallimiin ah ayaa xusay in inta badan shaqaalihiisu ay la kulmeen argagax weyn oo ka dhashay dagaalka lama filaanka ah, taasina ay ku riixday inay dalka isaga baxaan iyagoo aan qorsheynaynin inay dib u soo laabtaan. Dadkan ayaa qayb ka ah tobannaan kun oo qof oo Dubai isaga qaxay tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay duqeymaha wadajirka ah ku qaadeen Iiraan ku dhawaad laba toddobaad ka hor. Maalin kasta, fariimo digniin ah ayaa ku dhaca taleefannada gacanta ee dadka deegaanka, kuwaas oo looga digayo khataro gantaallo oo suurtagal ah, laguna amrayo in ay gabaad raadsadaan kana fogaadaan daaqadaha. Nidaamyada casriga ah ee difaaca hawada Imaaraadka ayaa ka hortagay in ka badan boqolkiiba 90 ka mid ah 1,700 oo gantaal oo ay Iiraan riday. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah gantaalladaas ayaa dhaafay gaashaanka difaaca, iyagoo ku dhuftay goobo muhiim ah sida saldhigyo milateri, xarumo warshadeed, iyo Madaarka Caalamiga ah ee Dubai, taas oo curyaamisay mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ugu mashquulka badan adduunka. Duqeymo lala beegsaday laba xarun oo kaydiya xogta ayaa in muddo ah sababay in dadku awoodi waayaan inay isticmaalaan taleefannadooda si ay lacagaha u bixiyaan, waana dhabar-jab weyn oo ku dhacay bulsho inta badan aan adeegsan lacagta caddaanka ah. Saameynta burburka ayaa sidoo kale gaartay goobaha ugu qaalisan ee magaalada. Hoteelka caanka ah ee Fairmont ee ku yaalla jasiiradda macmalka ah ee u eg geedka timirta, oo hoy u ah daaro waaweyn iyo goobo tamashle, ayaa la kulmay duqeyn lixaad leh. Zain Anwar, oo ah darawal taksi oo u dhashay dalka Pakistan, ayaa indhihiisa ku arkay gaarigiisa oo lagu burburiyay duqeyntii hoteelka Fairmont xilli uu dhigtay si uu u soo tukado. Wuxuu warbaahinta u sheegay inuu yahay qofka ugu nasiibka badan adduunka maadaama uu badbaaday, balse qoyskiisu ay hadda ugu yeerayaan inuu dalka dib ugu laabto. Wuxuu ku cawday in ganacsigii uu istaagay, wax dhaqaale ahna aysan soo gelin tan iyo markii dagaalku bilowday, isagoo hadalkiisa kusoo xiray in qof walba uu ogyahay in xilligii Dubai uu dhammaaday. Cawaaqib-xumada dhaqaale ee ka dhalan karta dagaalkan ayaa la filayaa inay noqoto mid aad u culus, gaar ahaan Dubai oo dalxiisku uu sanadkii kasoo xareeyo dakhli gaaraya 30 bilyan oo doolar. In ka badan boqolkiiba 90 dadka ku nool Dubai waa ajaanib, waxaana ku jira maalqabeeno badan oo adduunka ah, kuwaas oo ay soo jiidatay canshuur dhaafka dalkaas. Si ka duwan deriskeeda Abu Dhabi, Dubai ma haysato saliid badan oo ay ku tiirsanaato. Khubarada ayaa ka digaya in khasaaruhu uu noqon doono mid aad u weyn haddii dagaalku daba-dheeraado. Arbacadii, hay’ado maaliyadeed oo waaweyn, sida Citibank iyo Standard Chartered, ayaa daadgureeyay shaqaalahoodii sababo la xiriira khataro amni oo sii kordhaya. Madaxda dalkaas ayaa isku dayaya inay xakameeyaan xaaladda oo ay muujiyaan in wax walba ay caadi yihiin. Booliska Dubai ayaa ku hanjabay inay xiri doonaan shakhsiyaadka baraha bulshada caanka ka ah ee faafiya muuqaalo muujinaya argagax oo ka hor imaanaya warbixinnada dowladda. Farriimaha rasmiga ah ayaa dadka u xaqiijinaya in jugta weyn ee hawada laga maqlayo ay tahay uun dhawaqa nidaamyada badbaadada dalka. Qaxan baaxadda leh ee ajaanibta taajiriinta ah ayaa sidoo kale sababay in waddooyinka lagu daadiyo boqolaal xayawaan rabaayad ah, sida eeyo iyo bisado, xaaladdaas oo ay xarumaha xanaanada xayawaanku ku tilmaameen mid laga yaxyaxo. Halka maalqabeenadu ay dalka isaga baxayaan, malaayiin shaqaale xoogsato ah oo u badan Aasiyaan iyo Afrikaan ayaan haysan waddo ay ku baxsadaan. Shaqaalahan oo u badan kuwa qabta shaqooyinka dhismaha iyo gaadiidka, ayaa bixinaya qiimihii ugu qaalisaa ee dagaalka. Afarta qof ee ilaa hadda ku dhintay Imaaraadka tan iyo markii duqeymuhu bilowdeen, saddex ka mid ah waxay ahaayeen shaqaale u dhashay Koonfurta Aasiya. Sidoo kale, duqeymo Arbacadii ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Dubai ayaa dhaawacay shaqaale u dhashay dalalka Ghana, Hindiya iyo Bangladesh. Dadkan xoogsatada ah qaar ka mid ah ayaa aaminsan in xog la’aanta rasmiga ah ee dowladda ay sababtay geerida eheladooda. Zakir Hussein, oo walaalkiis Saleh Ahmed lagu dilay haraadiga gantaal ku dhacay goobtiisa shaqada, ayaa sheegay inuu xaaladda dhabta ah fahmay uun markii uu meydka walaalkiis la aaday dalkiisa hooyo ee Bangladesh, kana daawaday wararka. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay inuu dib ugu laaban doono Dubai inkastoo ay adag tahay inuu halkaas ku noolaado walaalkiis la’aan, maadaama aysan qoysaskoodu haysan ilo dhaqaale oo kale oo ay ku tiirsanaadaan. The post Riyadii Dubai oo burburtay iyo qax ballaaran oo ka socda appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa qiratay in mid ka mid ah diyaaradaheeda ay ku burburtay galbeedka dalka Ciraaq, xilli uu socdo dagaalka wadajirka ah ee ay iyaga iyo Israa’iil kula jiraan Iiraan. Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa xaqiijiyay inay afar xubnood oo ka tirsanaa shaqaalaha diyaarad nooca shidaalka lagu shubo oo ahaa askar ay ku dhinteen, kadib markii diyaaraddaas oo ah nooca KC-135 ay Khamiistii ku burburtay galbeedka dalka Ciraaq. Warbixinta ka soo baxday taliska ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay saarnaayeen lix qof, iyadoo weli ay socdaan dedaallo gurmad ah oo lagu baadi-goobayo inta dhiman. Qoraalka kasok baxay Taliska Dhexe ayaa lagu caddeeyay inay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo waxa sababay masiibadan, balse ay meesha ka saareen in diyaaradda lagu soo riday weerar cadaw ama ay ku dhacday rasaas qaldan oo ay fureen ciidammada xulafada ah. Wararka hordhaca ah ee laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in shilkan uu yimid kadib markii ay hawada ku isku dhaceen laba diyaaradood. Saraakiil u hadlay dowladda Mareykanka ayaa xaqiijiyay in diyaaraddii labaad, oo iyaduna ahayd nooca KC-135, ay si nabad ah ku degtay ka dib dhacdadaas. Khasaarahan ugu dambeeyay ayaa kusoo beegmaya xilli ay horey u jireen todobo askari oo Mareykan ah oo lagu dilay dagaalka hadda ka socda gobolka, halka ku dhowaad 150 kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo bilowgii colaadda. Si kastaba ha ahaatee, kooxda Iska-caabinta Islaamiga ah ee Ciraaq (Islamic Resistance in Iraq) ayaa sheegatay mas’uuliyadda soo ridka diyaaradda, iyagoo ku dhawaaqay inay ku soo rideen diyaarad nooceedu yahay KC-135 oo uu leeyahay Mareykanka galbeedka Ciraaq, iyagoo adeegsanaya “hub ku habboon.” Khasaaraha iyo shilalkii hore ee dagaalka Ka hor shilkan diyaaradeed, milatariga Mareykanka ayaa soo wariyay in toddoba xubnood oo ka tirsan ciidamada ay ku dhinteen ololaha milatari ee socda, halka mid siddeedaadna uu ku dhintay dalka Kuweyt sababo la xiriira “xaalad caafimaad” intii lagu guda jiray xaalad degdeg ah oo caafimaad. Guud ahaan, 140 kale ayaa la dhaawacay. Afhayeenka Waaxda Difaaca (Pentagon), Sean Parnell ayaa sheegay in siddeed ka mid ah ay soo gaareen dhaawacyo halis ah. Shilkan dhacay Khamiistii ayaa ah kii ugu dambeeyay ee ku yimaada milatariga Mareykanka tan iyo markii ay bilaabeen hawlgallada ka dhanka ah Iiraan 28-kii Febraayo. Waxaa horay u dhacday in saddex diyaaradood oo nooca dagaalka ah la soo riday, taas oo loo maleynayo inay ahayd rasaas saaxiib 1-dii Maarso, maalin un ka dib markii uu dagaalku bilowday. CENTCOM ayaa sharaxday in diyaaradahaas oo ahaa saddex F-15E Strike Eagles ay “si qalad ah u soo rideen nidaamyada difaaca hawada ee Kuweyt” intii lagu guda jiray xaalad dagaal oo firfircoon, xilli Iiraan ay qaadday weerarro aargudasho ah oo ku baahsan inta badan Bariga Dhexe. Shilkaas dhexdiisa, lixdii shaqaale ee saarnaa diyaaradaha ayaa si nabad ah uga booday, waxaana la soo badbaadiyay iyagoo xaaladoodu deggan tahay. Ra’yiga dadweynaha oo diiddan dagaalka Si kastaba ha ahaatee, dagaalka ka dhanka ah Iiraan ayaa diidmo kala kulmaya shacabka Mareykanka, iyadoo ra’yi-ururinadu muujinayaan inuu yahay iska horimaadkii ugu horreeyay ee tobannaankii sano ee la soo dhaafay oo la kulma diidmo tan iyo bilowgiisii. Sahan la daabacay 9-kii Maarso oo ay samaysay Jaamacadda Quinnipiac ayaa muujiyay in 53% codbixiyeyaasha ay diiddan yihiin gulufka milatari ee ka dhanka ah Iiraan. Qayb intaas ka sii badan oo ah 74%, ayaa diiday fikradda ah in la bilaabo hawlgallo dhulka ah oo ciidamo Mareykan ah la geeyo goobaha dagaalka (boots on the ground). Natiijooyinkaas waxaa xoojiyay ra’yi-ururino kale. Shirkadda cilmi-baarista Ipsos ayaa ogaatay in aqlabiyadda Mareykanka la wareystay, oo ah 43%, aysan oggolaan duqeymaha Mareykanka, taas oo aad uga badan boqolkiiba 29-ka taageeray. Inta hartay waxay muujiyeen hubanti la’aan. Khilaafka siyaasadeed iyo sababaha maamulka Dagaalka ka dhanka ah Iiraan ayaa khilaaf ka dhex abuuray xitaa taageerayaasha Madaxweyne Donald Trump, kaas oo marar badan ku difaacay weerarka milatari inuu lagama maarmaan u yahay ammaanka qaranka Mareykanka. Shakhsiyaadka caanka ah ee muxaafidka ah, sida soo-jeediyaha barnaamijyada Tucker Carlson, ayaa su’aal geliyay sababtaas. Carlson ayaa xitaa soo jeediyay in laga yaabo in la-taliyeyaashiisu ay habaabiyeen Trump. “Waxaa loo tusayaa ra’yi-ururino sheegaya in dagaalkani uu isaga u yahay guul u dhiganta 90-10,” ayuu Carlson ka yiri Trump. Wareysi uu siiyay ABC News, Carlson wuxuu gaaray heer uu dagaalka ku tilmaamo mid “gebi ahaanba ah wax laga yaqyaqsado iyo shar.” Trump ayaa uga jawaabay isagoo iska fogeeyay naqdiyayaashiisa, xitaa kuwa sida Carlson oo kale, kuwaas oo isu arka inay ka mid yihiin dhaq-dhaqaaqiisa “Make America Great Again” (MAGA). “MAGA waa ‘America First’, Tucker-na midna ma aha waxyaabahaas,” ayuu Trump u sheegay ABC News. Si kastaba, maamulka madaxweyne Trump ayaa ku dhibtooday inuu shacabka ka dhaadhiciyo ujeedada dagaalka, isagoo soo xiganaya sababo kala duwan oo ku aaddan sababta ay hawlgallada milatari u ahaayeen kuwa lagama maarmaan ah. Fagaare uu ka soo muuqday, Trump wuxuu ka digay in “dagaal nukliyeer ah” uu qarxi lahaa haddii aan Iiraan laga hortagin. Dhacdo kale, wuxuu ku dooday in wada-hadaladii lala yeeshay Iiraan ee lagu dhimayay barnaamijkeeda nukliyeerka ay noqdeen kuwo aan miro dhalin, inkastoo mas’uuliyiintu ay si isdaba-joog ah u sheegeen inay qarka u saarnaayeen inay heshiis gaaraan. Horraantii bishan, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio ayaa soo jeediyay in weerarka Mareykanka la qaaday sababtoo ah “waxaan ogayn inuu jiri doono tallaabo dhanka Israa’iil ah” oo ka dhan ah Iiraan, inkastoo markii dambe uu dib uga noqday hadalladaas. Khasaaraha guud Marka laga soo tago toddobada xubnood ee dhintay ee milatariga Mareykanka, qiyaastii 1,348 Iiraaniyiin ah ayaa la dilay tan iyo markii uu bilowday dagaalku, iyo sidoo kale 15 u dhashay Israa’iil. Sidoo kale, 17 qof ayaa ku dhintay waddamada Khaliijka ee u dhow, iyadoo rabshaduhu ay ku sii baahayaan gobolka. The post Diyaarad Mareykanka uu leeyahay oo burburtay iyo askar ku dhimatay appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha wasiirrada Puntland oo maanta yeeshay shirkoodii todobaad laha ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin saameynta dagaalka Bariga Dhexe uu ku yeelan karo maciishada deegaannada Puntland. Shirka oo guddoomiyey madaxweyne Deni ayaa sidoo kale looga hadlay dhameystirka dagaalka Calmiskaad, iyada oo wasiirka amniga Xaaji Bakiin uu warbixin dagaalkaas ku saabsan la wadaagay Golaha. Shirka waxaa kaloo looga hadlay dagaal beeleedyada ku soo noqnoqday gobolka Mudug iyo sidii xal loogu heli lahaa arrintaas. Wasaaradda deegaanka ayaa Golaha la wadaagtay baahinta sharciga deegaanka Puntland, kaas oo la sheegay in uu qayb weyn ka qaadanayo isku dhacyada ka dhasha isku qabsiga deegaanka. PUNTLAND POST
-
Muuqaalka Jifo-jabsade Guddoomiyaha gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali (Jifo-jabsade) ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyey in uu hubeeyay ciidamo beeleed wax u dhimaya amniga deegaannada Puntland. Guddoomiye Jifo-jabsade oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa yiri “Xasan wuxuu diiday mushaarkii iyo mashaariicdii ciidamada ammaanka Puntland ee Daraawiishta iyo Booliska, wuxuuna nagu hubeeyay ciidamo beeleedyo uu doonayo in uu nagu burburiyo”. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha in uu hor-istaagay maashriicdii loogu talagalay Puntland, gaar ahaan mashruucii dhismaha wadada Gaalkacyo iyo Bacaadweyn. Guddoomiye Jifo-jabsade waxa uu sidoo kale ka hadlay dastuurka cusub ee Soomaaliya oo ku tilmaamay shaati uu toshay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. PUNTLAND POST
-
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ku qabatay kulan lagu horumarinayo wadahadallada xal u helidda colaadda deegaanka Roox ee gobolka Mudug. Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen isimada gobolka Mudug oo ah marjaca iyo hoggaanka geeddi-socodka nabadaynta ayaa labada dhinac ku soo gudbiyeen min 17 xubnood oo matalaya beelahooda. Intii uu socday kulanka maanta, waxaa la dhisay guddi dhexdhexaadin ah oo ka kooban lix xubnood, kuwaas oo ka shaqeyn doona hagidda iyo fududeynta wada-xaajoodyada. Guddigan waxaa soo gudbiyey isimada gobolka Mudug, waxaana si rasmi ah u aqbalay labada dhinac ee khilaafku ka dhexeeyo, iyadoo la rajeynayo in tallaabadani ay dedejin doonto xal waara oo laga gaaro colaadda ka taagan deegaanka Roox. PUNTLAND POST
-
Kulan saddex geesood ah oo u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa caawa ka dhacay magaalada Jabuuti. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, kulanka waxaa looga hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi wadajirka ah oo ay yeeshaan saddexda dal. Sidoo kale madaxda saddexda dalka ayaa la sheegay in ay ka wadahadleen fursadaha lagu horumarin karo maalgashiga, isu-socodka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, si loo xoojiyo isdhexgalka iyo horumarka dalalka gobolka. Kulankan waxa uu ku soo aadayaa, xilli ay Itoobiya si weyn u raadinayso marin badeed ay ka hesho Gacanka Cadmeed. PUNTLAND POST
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti. Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay in ay salka ku hayso aragti wadaag ku saleysan xaaladda gobolka, iskaashiga, wadajirka, danwadaagga iyo xiriirka ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay dalka Jabuuti, waxa uu la kulmi doona, dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka arrinsan doonaan xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee gobolka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia. PUNTLAND POST
