Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    191,859
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

1 Follower

About Deeq A.

  • Rank
    Contributor
  • Birthday 02/08/1985

Recent Profile Visitors

10,964 profile views
  1. PRESS RELEASE Water for the future: Tangiers takes steps to secure its blue gold Overlooking the Strait of Gibraltar at the northern tip of Morocco, Tangiers is a cosmopolitan place and gateway to the great continent of Africa Access Multimedia Content ABIDJAN, Ivory Coast, April 26, 2024/ — The white city of Tangiers wakes gently at daybreak. Schoolchildren mill up and down the main streets of the old town, the medina, crossing paths with the crowd heading to offices and a few morning tourists. Overlooking the Strait of Gibraltar at the northern tip of Morocco, Tangiers is a cosmopolitan place and gateway to the great continent of Africa. Every year, its timeless atmosphere attracts millions of tourists, who come to criss-cross its narrow paved streets. The guest house “Riad Saba”, in the heart of the medina, welcomes holidaymakers with immense care. On the terrace, guests are treated to the view over the port while enjoying a tasty breakfast prepared by Ibrahim Jallouli. Originally from Oujda, this young chef came to Tangiers to take advantage of the opportunities the city could offer him. “I came here because it’s a city full of opportunities, which attracts tourists from all over the world with its cultural and gastronomic heritage,” he comments. For this young professional, the city guarantees access to essential services, particularly the availability of water. “Water is essential in my line of business. I use it every day, either for cooking, drinking or washing ingredients. I couldn’t manage without it. But I’m conscious that having continuous, daily access to water is a real challenge in Morocco.” Like many of the Kingdom’s citizens, Ibrahim is concerned about the effects of climate change on this vital resource. The region enjoys a warm Mediterranean climate, with the influence of the ocean keeping it damp and temperate. However, its meteorological profile has been disrupted for several decades: temperatures are rising and rainfall decreasing, affecting the availability of water for millions of the city’s residents. The region’s economy is expanding rapidly, attracting numerous industries, as well as experiencing a real population explosion. The need for water is increasing and placing heavy pressure on those who manage this precious resource. The Moroccan government realised the scale of the situation several years ago and responded by launching the National Drinking Water Supply and Irrigation Programme (PNAEPI) 2020-2027. Through the National Office of Electricity and Drinking Water (ONEE), the government is investing in a range of infrastructure projects to secure, strengthen and optimize water resources, with support from the African Development Bank. The city of Tangiers has benefited from a project completed in 2023: a raw water supply from the Ibn Battouta dam. Built in the late 1970s, the reservoir has seen its level drop for several years. With raw water supplies decreasing in volume, it was time to optimize the resource. Until now, raw water from the dam used to flow to the Mharhar treatment plant via the riverbed of the same name. This open-air journey resulted in losses, mainly due to evaporation. An 11-kilometre water pipe has now been built to optimize the resource and remedy the situation. The message is clear: water in Morocco needs to be conserved at any price in light of current and future climatic conditions. This philosophy is shared by the African Development Bank, which is helping Morocco to maintain its momentum. As a result, Africa’s premier development finance institution has supported the ONEE by providing EUR 10 million in funding for the project. This is in addition to the overall amount of EUR 1.2 billion already invested in the water sector in Morocco. These investments are essential for improving the living conditions of the beneficiary populations and supporting the region’s long-term socioeconomic development. As Ibrahim, our young chef, recalls, “For me, water is life. If there were no water, there would be no life.” This project, among many others, points to Morocco’s forward-looking vision for the water sector: one of progress and shared growth. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
  2. Maka (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa loogu digay shirkadaha ku shaqeysta hanaanka been abuurka dal ku galka, kuwaasi oo baraha bulshada ku xayeysiiya adeegyadooda been abuurka ah. “Dadka Muslimiinta ee sanadkan 1445/2024 doonaya inay xajiyaan waa inay adeegyadooda ay u doontaan xafiisyada rasmiga ah ee la siiyay ogalaasha bixinta Xajka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda. Xafiisyadan ayaa ah cidda keli ah ee xaqa u leh bixinta adeegyo sax ah, sida ay sheegtay wasaaradda, iyada oo uga digtay inay ku dhacaan kuwa dadka dhaca ee bixinaya adeegyo sax aanan aheyn. Shirkadaha been abuurka ah ayey sheegtay inay ku shaqeystaan baraha bulshada, iyaga oo dadka la wadaagaya macluumaad been abuur ah, islamarkaana sheeganaya inay ogalaasha rasmi ah ka heystaan wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, taasi oo ah mid aanan waxba ka jirin. Sidoo kale wasaaradda ayaa ku boggaadisay dadaalka ay hay’adda sare ee arrimaha Xajka iyo Cumrada dalka Ciraaq kaga hortagtay qaar kamid ah shirkadaha been abuurka ku shaqeysta. Shirkadahaas oo la xiray ayaa tiradooda lagu sheegay in ka badan 25 shirkadood oo been abuur ah. Wasaaradda arrimaha Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxay ugu baaqday dalalka Islaamka inay la dagaalamaan kuwa caadeystay ku shaqeysiga been abuurka. Sidoo kalena waxay dadyoowga adduunka ee doonaya inay xajiyaan sanadkaan ku adkeysay ka fejignaanta halista shirkadahaas ku shaqeysta hanaanka qaldan ee dadka lagu dhacayo. The post Sacuudi Carabiyaoo digniin culus kasoo saartay arrimaha Xajka kadib arrin soo korortay appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Sanadihii iyo bilihii ugu dambeeyey waxaa aad u batay masuuliyiinta dowladda dowladda, shaqaalaha iyo saraakiisha ciidamada ee isaga tegaya dalka, iyagoo adeegsanaya hal wado ama hal qorshe. Ugu horeyn qof kasta oo shaqaalaha dowladda ah wuxuu raadsaday baasaboorka Service-ka, taas oo ka tixgin badan kan shacabka, markii la eego guud ahaan caalamka, maadaama qofka sita lagu tixgelinayo inuu xubin ka yahay dowladda Soomaaliya. Shaqaale iyo saraakiil badan oo ku baxay baasaboorkaas ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay galay dalalka Yurub, iyagoo qaarkood u sii tahriibay dalka Mareykanka. Caasimada Online, waxay ogaatay inta badan dadkaasi inay ku baxeen Visa dalxiis oo dalka Talyaaniga ah, waxaana u fududeysa wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Ma ogin in safaradaan batay ee dalka looga baxayo ay qolo gaar ah dhaqaale ka sameyso, balse waxaa la yaab noqotay in dadkii ugu muhiimsanaa dalka oo qaarkood ay ahaayeen agaasimayaal, shaqaale muhiim ah iyo saraakiil ka tirsan hey’adaha ammaanka ay dalka isaga baxeen. Inta badan hey’adaha kala duwan ee dowladda ayey ka baxeen dadka ilaa hadda la ogyahay inay galeen Yurub iyo America, xafiisyada ra’iisul wasaaraha, golaha shacabka, NISA, booliska, hey’adda socdaalka iyo inta badan wasaaradaha dowladda ayey ku jireen xubnaha baxay iyagoo adeegsanaya baasaboorka Service-ka iyo Visa dalxiis. Soomaaliya oo hadda u muuqata inay ka soo kabaneyso qarankabkii ku dhacay in dhalinyaradii waxbaratay ay dalka isaga tegayaan weli waa arrin la yaab leh oo quus gelineysa qofkii xog ogaal ah, kumana baraarugsana dowladda Soomaaliya khatarta ka dhalan karta arrintaan. Inta badan dalka Talyaaniga ayaa la sheegay in dadka baxaya ay ka degaan, iyagoo kadibna uga sii gudba, iskana dhiiba dalalka kale ee Yurub, waxaana ogaanay inay badankood isticmaaleen Visa dalxiis iyo baasaboorka Service-ka ee la siiyo shaqaalaha dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa jira dad safaro u raacay masuuliyiinta sare ee dowladda federaalka, kuwaas oo ka soo haray, kadibna iska dhiibay dalalkii ay ku soo hareen, dadkaasi waxaa ku jira masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedyada dalka, waxayna u badan yihiin kuwo ka tirsanaa dowladda federaalka, maadaama ay ka fursado badan yihiin. The post Xog: Masuuliyiin, shaqaale iyo saraakiil dalka ka tegay iyagoo adeegsanaya xeelado yaab leh appeared first on Caasimada Online.
  4. Gobolka Togdheerwaa gobol ka mid ah gobolada ugu mihiimsan Somaliland marka laga hadlaayo taariikh ahaan waa gobol ay ka soo jeedaan 3 madaxweyne oo soo maray Somaliland sida Cabdiraxmaan Axmed Cali, Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo muj. Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, waxa sidoo kale ay codkii ugu badnaa doorashadii madaxweynaha ee hore siiyeen oo soo saareen madaxweynaha hada Muuse Biixi Cabdi Madaxweyne Muuse Biixi codkii ugu badnaa ee uu ku guulaystay waxa uu ka helay gobolka Togdheer marka laga reebo gobolka Maroodijeex, nasiib daro se markii uu guulaystay intii aan la dhaarin Muuse waxa uu markiiba furtay afka waxana uu ku hanjabay in dadkii soo doortay ay fartooda eedi doonaan taasi oo af kala qaad ku noqotay dadkiinu codeeyay. Hadaba tan iyo todobadii sanadood ee uu Muuse Biixi uu dalka ka talinaayay waxa hoos u sii dhacaysay maalinba maalinta ka danbaysa nolosha iyo dhaqaalaha bulshada Somaliland inaga oo gobol gobol uga hadli doona qoraaladeena danbe waxa aynu hada ku eekaanaynaa gobolka Togdheer. Waxa gobolka Togdheer ay 7 sanadood ee ina soo dhaafayba la tacaalayeen dhaqaalo xumo, iyada oo ay istaageen dhaq dhaqaaqyadii ganacsiga, waxa taas u sii dheer iyada oo adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshadu uu noqday mid gaadha heerkii ugu hooseeyay. Waxa laga dayriyay cisbatalka magaalada Burco oo xataa dhakhaatiir laga waayay siiba qaybta gurmadka deg deg, iyada oo arintaasi ay ugub ku tahay cisbtalka magaalada Burco oo ayna xaaladani oo kale hore u soo marin Waxa xidhmay oo hawda ka baxay goobo badan oo ay dadku ku ganacsan jireen taasi oo timid intii uu Muuse xilka hayay, waxa haawanaaya Hotel-adii camirnaan jiray ee la saxeexan jiray ee magaalada Burco iwm. Gobolka waxa saamayn ku yeelatay colaadii ka dhacday bariga Sool, deegaan ahaanana gobolka Togdheer waxa uu noqday ka khasaaraha nafeed ee ugu badani uu soo gaadho iyada oo laga dareemay dagmo kasta oo ka tirsan gobolka Togdheer. Hadaba dhankasta oo aad eegto gobolka Togdheer uu eeday xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Muuse Biixi. Maanta waxa loo baahanyahay in uu gobolku isku tashado oo aanunmar danbe fartiisa eedin lalana xisaabtamo madaxweyne Muuse Biixi. Waxa maanta loo baahanyahay isku duubni iyo in la muujiyo muwaadnimo lana iloobo wixii tagay lagana shaqeeyo mustaqbalka dalka oo dhan iyo ta gobolkaba, taasina waxa kali ah ee ay ku iman kartaa in cod lagu keeno isbadal dhab ah si loo nasiyo xukuumadda hada oo gabtay shaqadeedii Aan mar kale Togdheer ka dhigno mid tusaale u noqota Somaliland iyo dhamaan wadamada Geeska Africa. La soco qaybaha kale ee barnaamijkeenani. Qaran News
  5. Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay ka dib markii uu dab ka kacay huteel ku yaalla magaalada Porto Alegre ee koonfurta dalka Brazil, sida ay saraakiisha dab damisku sheegeen. Shaqaalaha gurmadka degdega ee magaalada ayaa xaqiijiyay 10 oo ku sugnaa gudaha huteelka ay dhinteen , sida ay sheegtay waaxda dab damiska ee gobolka Rio Grande do Sul. Dabka ayaa kacay abaaro 2-dii aroornimo ee xiliga maxaliga ah, sida ay saraakiishu sheegeen, Ku dhawaad ​​saddex saacadood ayayna ku qaadatay dab-damiska in ay xakameeyaan. War qoraal ah oo ay soo saartay waaxda dab damiska ayaa lagu yiri “Khubarada dambi baarista ayaa ku sugan goobta si ay u aqoonsadaan dhibanayaasha oo ay baaraan waxa sababay dabka”. Duqa magaalada Porto Alegre Sebastiao Melo ayaa ku qoray bartiisa X in dad badan oo dhaawac ah la soo badbaadiyay dabka oo loo qaaday isbitaalka, laakiin ma uusan sheegin tirada. Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in tirada dhaawaca ay gaareyso 11 qof oo qaarkood xaaladoodu halis tahay, Sawirro la soo bandhigay ayaana muujinayay dhismaha oo uu holac ka kacayo, iyadoo kooxaha dab-damiska ay ku hawlan yihiin daminta dabka. Nin 56 jir ah oo lagu magacaabo Marcelo Wagner Schelech oo u waramayay wargeys maxalli ah ayaa yiri”Kaliya waxaan helay wakhti aan ku xirto kabahayga oo aan ordo, Walaashay oo ku noolayd dabaqa saddexaadna waxay ku basbeeshay dabka ilaa ay dhimato”. Si kasta ahaatee khasaaraha rasmiga ah ee dabka ka dhashay ayaa isi soo taraya, dhismaha intiisa badanina waa bas beelay. Source: goobjoog.com
  6. Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka qayb-galay shirweynaha Caalamiga ah ee “Connected Africa” kaas oo lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Ujeeddada shirka ayaa ahayd xaqiijinta kaalinta Teknoloojiyaddu ay ku leedahay kobaca iyo horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan dalalka Afrika. Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ahaa madaxdii madasha ka hadlay ayaa soo bandhigay istiraatijiyadda Dowalada Federalka Soomaaliya ee lagu dardargelinayo horumarinta hannaanka xogta iyo Isgaarsiinta Teknolojiyada ee ICT iyo guud ahaan Teknoloojiyadda. Danjire Jabriil ayaa soo hadal qaaday qaab-dhismeedka siyaasadda-sharciga ee lagu horumarinayo Teknoloojiyadda, gaarsiinta aaladaha Internetka qofkastaa oo Soomaali ah, ilaalinta xogta iyo sirta Qaranka. Sidoo kale waxaa uu diiradda saaray adeegyada ganacsiga iyo horumarinta Waxbarashada sida e-commerce iyo e-education, iyo baraarugga xooggan ee ay dad Soomaaliyeed ku wajahayaan ka faa’iidaysiga Teknoloojiyadda. Soomaaliya ayaa kamida dalalka hormarka feecan ka sameeyay dhanka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, sidoo kalena waxay haysataa adeegga Internet oo tayo leh. Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha Daladda Qaadka ee Nyamita oo ka dhisan dalka Kenya, Kimathi Munchuri oo toddobaadkan Muqdisho uga qayb galay Shirka Maalgashiga Soomaaliya ayaa sheegay in ay yihiin dunta isku xirta ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya. “Waxaan qorshaynay oo aan abaabulnay oo nalaga codsaday in aan kasoo qayb galo shirka maalgashiga Soomaaliya ee 2024, waayo dallad ahaan waxaan matalnaa danaha beeraleyda qaadka Kenya. Waxaana dareensanahay in aan nahay dunta isku xirta ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya. Sidaas darteed ayaanu shirka uga soo qaybgalay,” ayuu yiri guddoomiye Kimathi Munchuri. Guddoomiyaha ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay inay Soomaaliya la fududeeyaan, sidii ay dalkooda ugu dhoofi laheyd kalluunka, tallaabadaan ayaa fursad fiican u noqonaysa ganacsatada Soomaaliyeed, walow kalluunka Soomaaliya uu hadda tartiib-tartiib ah u gaaro suuqyada dalka Kenya. “Markay maciishadaada ganacsi tahay waxa loogu isticmaalka badan yahay, waa in aad xiisaysaa (maalgashiga Soomaali) waana sida gudashada masuuliyad bulsheed dhankayaga in aan qayb ka ahaano Soomaaliyada koreysa,” ayuu yiri guddoomiyaha dallada ganacsatada ka ganacsata qaadka Kenya. Kalluumaysatada Soomaaliyeed ma helaan fursad badan oo dalalka gobolka ay ugu iib geeyaan kalluunka ay ka heli karaan badda Soomaaliya oo ah tan ugu qeyb gobolka, waxaana xusid mudan in baahida loo qabo kalluunka ee gobolka taala ay ballaaran tahay. Markii tusaale loo soo qaato Itoobiya iyo Kenya oo deris la ah Soomaaliya dalabaadka ka yimaada ee kalluunka waa kuwo aad u badan, hadana ma jiro heshiisyo dhaqan galay oo ganacsatada Soomaaliyeed u ogolaanaya inay ka faa’iideystaan fursadaas. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu xukunka yimid dhiggiisa dalka Kenya la saxiixday heshiis wax isweydaarsi ah, kaas oo ka koobnaa 10 qodob ayna ugu muhiimsanaayeen in Soomaaliya ay dalka Kenya u dhoofi doonto kalluunka, halka Kenya loo ogolaaday inay Soomaaliya u soo dhoofiso qaadka oo markaas ku jiray hakad ay gelisay dowladdii Farmaajo. 4 maalmood kadib markii heshiishkaas la kala saxiixday Kenya waxay bilowday in ay Soomaaliya u soo daabusho qaadka, waxayna ka samaysay lacag dhan 221 milyan oo shilinka Kenya ah $1.9 Million, balse dhanka Soomaaliya wax faa’iido ah kama helin, maadaama uusan dhaqan gelin qodobkii ahaa in Kaluunka Soomaaliya si joogto ah loogu dhoofiyo Kenya. The post Beeraleyda Qaadka Kenya oo Muqdisho ka sheegay inay rabaan Kalluunka Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  8. Gudoomiye kuxigeenka Guddiga Difaaca Baarlamanka Soomaaliya, Xildhibaan Dhookir oo ka hadlay fadeexadda ka taagan lunsashada saadka ciidamada Qaranka: “Inagoo og in ciidamadeenna Xoogga dalka Soomaaliyeed ku shaqaynayaan duruufo adag oo dhinac walba leh, saadkooda iyo mushaarkooduna yahay mid ku tiirsan dawlado saaxibadeen ah. Adeegga iyo saadka ay ugu deeqaysay dawlada Mareykanku waa fadeexad aad u wayn loona bahan yahay in lagula xisaabtamo kuwa ku lug leh. Ayaandarada ugu foosha xun ayaa ah in wasaaradii gaashandhiga ee larabay inay baadhitaan sameyso sharcigana horkeento cidda leh masuuliyada musuq maasuqa , ayaa ku gaabsatay soo saaridda nuqulo qiraal ah. Dhacdadani waxa ay qireysa heerka musuq ee ka jira dalkeenna, iyo tayo-xumida hay’adaha dawladda ee loo igmadey dib-u-dhiska dalka. Waxaa la jogaa xilligiii aan muujin lahayn tayadeenna hogaamin oo ku laran-tahay dal jacayl iyo xilkasnimo. Muwaadininta Soomaliyeed, jaalayaashayada caalamiga ah, CXDS waxaan u xaqiijinaynaa in aan samayndoono falcelin ku habboon.” PUNTLAND POST. The post Guddiga Difaaca Baarlamaanka DFS oo ka hadlay lunsashada saadka ciidanka Danab. appeared first on Puntland Post.
  9. Mogadishu (HOL) — Somalia has been embroiled in a severe crisis this past month marked by political instability and increased militant activity. During this period, the Armed Conflict Location & Event Data Project (ACLED) reported over 205 incidents of political violence, resulting in at least 539 fatalities. Source: Hiiraan Online
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – Maayirka magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge iyo Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayey ka dhex tafatay. Maayir Mooge ayaa si adag uga jawaabay kacdoon shacab oo uu maanta ku baaqay Xildhibaan Barkhad Batuun, oo isagu ka horyimid go’aan ay maamulka dowladda Hoose qasab ugu bananeyso dhul, kaasi oo uu ku tilmaamay “dulmi ka dhan ah maatida”. Dhulkan ayaa hadda ah suuq ay ku ganacsadan dadkii uu ka gubtay suuqa Waaheen, ee weli dhismihiisu qabyada yahay, wuxuuna maamulka dowladda Hoose ee Hargeysa u asteeyay in laga dhiso xarun degmo. Maayir Mooge ayaa ku dhawaaqay in magaalada Hargeysa uusan ka dhici doonin wax kacdoon ah, islamarkaana ay dowladda Hoose la fariisan doonto dadka shacabka ah ee cabanaya, sida uu sheegay. “Shacabku wey kala yaqaanaan siyaasiga khatallayaa, si uu ugu gaadho dano uu leeyahay isaga oo ka ganacsanayaa dareenkooda iyo ka habeen iyo maalinba u taagan dantooda, horumarkooda ee u diyaara in uu la fadhiisto maqlo dareenkooda, dhagaysto cabshooyinkooda si uu wax uga qabto,” ayuu yiri Maayir Mooge. Wax uu intaas kusii daray “Wax kacdoon ah oo Hargeysa ka dhacayaana ma jiro, DHH iyo shacabkeedu wey ka wada hadlayaan arimaha taagan ee furitaanka wadooyinka Suuqa-Waaheen, si aan uga taxadarno in markale masiibadii/dabka Waheen oo kale inagu soo noqoto.” Hadalka Maayirka ayaa imanaya kadib markii uu saaka warbaahinta la hadlay Xildhibaan Barkhad Batuun oo isagu sheegay in aan la aqbali karin in danyar ganacsato ah laga saaro dhulkaasi, isaggoo shaaciyay inuu kacdoon shacab hoggaamin doono. “Qofkii daruuf iyo dan ayaa soo saartay, haddana in lagaga daba tago meeshii yareyd oo la yiraahdo guura, wax milgaha iyo sharafta dowladnimo meel ka gala maaha,” ayuu yiri Xildhibaan Barkhad Batuun. “Suuqii Waaheen ayaa ka gubtay dadkan, haddii la doonayo oo Dooxii iyo dariiqyadii iyaga oo dhismihii dhamaan lagaga daba tago waxay aheyd in beddel loo sameeyo. Haddii ka ganacsadaha weyn ay dowladda tixgelinayso danyartana annaga ayaa tixgelineyna.” Maayirka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo tan iyo markii uu ku guuleystay xilkaan horumar muuqda ka sameeyay caasimadda Hargeysa, ayaa haddana waxaa dul hoganaya eedeymo dhowr ah, oo ay qeyb ka tahay middaan. The post Maayir Mooge iyo Barkhad Batuun oo ay ka dhex tafatay – Maxay isku hayaan? appeared first on Caasimada Online.
  11. Xilli ay roobab xooggani ka da’ayaan qaar kamida dalalka bariga Afrika ayaa waxaa magaalada Nairobi ee caasimadda kenya dhulka iyo cirkaba ka sameeyay Gu’ga oo si mug leh uga hooray, waxaana uu saameeyay isku socda. Ciiryaamo saa’ida iyo cirkoo daruura ku shaqlan ayaa sababay in duulimaadyadii maalin laha ahaa ee magaaladaas tagi jiray qaar kamida loo weeciyo Mombasa iyo meelo kale, waxaana kamida diyaaradda Daallo Airlines oo maanta ka duushay caasimadda Muqdisho ka dibnna ka degi kari weydey gegida Joma Kenyatta. Roobabka maalmihii la soo dhaafay halkaa ka da’ayay ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay daadad xoog leh iyo fahaado dhimasho iyo burbur sababay. Source: goobjoog.com
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzania ayaa madaxda sare ee dalkaas kala qayb galay munaasabadda maalinta midnimada dalkaasi. Madaxweynaha ayaa dowladda iyo shacabka Tanzania ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen ilaalinta midnimada iyo wadajirkoda, isaga oo dhiggiisa dalkaasi Marwo Samia Suluhu Hassan la wadaagay mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal oo uu sal-dhig u yahay xoojinta iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsiga. Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa booqasho ku joogaa magaalada Daaru-salaam ee dalkaasi Tanzania, waxaana la filayaa in muddada uu halkaa ku suganyahay ay labada dowladood kala saxiixan doonaan heshiishyo dhowr ah oo dhinacyada caddaaladda, Warfaafinta, iyo arrimaha dibadda ku saabsan. Source: goobjoog.com
  13. Hawlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) oo in ka badan 20 sano dalkaa ku sugnaa, islamarkaana Xukuumadda kinshaaha ka taageerayay la dagaanka kooxaha hubaysan ayaa xiray mid ka mid ah saldhigyadii ugu muhiimsanaa, xilli ay isku diyaarinayaan inay ka baxaan dalkan qalalaasu daashadeen ee ku yaalla bartamaha Afrika. Hawlgalkan oo magiciisa loo gaabiyo MONUSCO, ayaa xirey saldhig weyn oo u dhow magaalada Bukavu, ayadoo Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobayna uu sheegay in nabad ilaaliyayaasha ugu badan ciidamada shisheeye ee dalkaa ku sugan oo ka soo jeeda Pakistan ay ka baxayaan gobolka Koonfurta ee Kivu, kadib in ka badan 20 sano oo ay halkaa ka howl-galayeen. Sidoo kale Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda new York ayaa sheegay in tan iyo sanadkii 2003 dalka Congo la geeyo in ka badan 100,000 oo nabad ilaalin ah oo intooda badani Pakistan ka soo jeedaan, kuwaa soo ka shaqeeyay Koonfurta Kivu, wuxuuna intaa ku daray in uu howl-galku socday ay 31 askari oo Pakistani ahi ku dhinteen gudashada waajibaadkooda, iyagoo u adeegaya Qaramada Midoobay iyo dadka Kongo. Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa ah ay qulqulatooyin iyo xasrado ka socdeen muddo ku dhow 60 sano, waxaana sanadkii 2003 ka dhacay mid kamida dagaalladii ugu waaweynaa ee qaaradda Afrika, xilligaa ayayna Qaramada Midoobay gaysay ciidankii ugu horreeyay oo nabad ilaalin ah. Source: goobjoog.com
  14. Wafuud ka kala socda baarlamaanada dunida oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow iyo Senator Cismaan Maxamuud Dubbe ayaa Soomaaliya uga qayb galay shirka xakamaynta iyo nabad u isticmaalidda Nukliyeerka,kaas oo ka dhacay caasimadda Austria ee Vienna. Xildhibaanada Soomaaliyeed ee shirka ka qayb galay intii ay ku jireen kulamada shirka waxa ay si gaar gaar ah ula kulmeen madaxda Qaramada Midoobay ee xaruntoodu tahay Vienna, sida Agaasimaha Guud ee hay’adda ka hortagga Nukliyeerka ee IAEA Mr. Rafael Mariano Grossi. Madaxa xakamaynta tijaabada nukliyeerka Dr Robert Floyd, madaxa hay’adda ka hortagga dembiyada qaramada midoobay ee UNODC qaybta dembiyada, madaxda booliska adduunka ee Interpol, safiirada dalalka Maraykanka, Norway, Ciraaq iyo madax badan oo ka kala socotay caalamka, kuwaas oo ay warbixin dhammaytiran ka siiyeen horumarka laga sameeyey la dagaalanka khawaarijta, dhammaystirka dastuurka iyo shaqooyinka u qabsoomay baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya labadii sano ee u dambeysay. Xildhibaanadaan ayaa sidoo kale waxa ay booqdeen shaybaarka Siebersdorf oo ah kan ugu weyn adduunka ee lagu horumariyo cilmiga nukliyeerka oo looga faaiideysanayo si nabad gelyo ah. Shaybaarkan oo ay maamusho hay’adda nukliyeerka adduunka ee IAEA, isla markaana ay hirgelintiisa ku baxday boqolaal malyuun oo dollar waxa durba lagu guuleystay cilmi baarisyo waxtar u leh aadamaha, iyada oo laga faaiideysanayo awoodda nukliyeerka. Xildhibaanada ayaa sidoo kale booqday Saddex labaratoori ,kuwaas oo qabta shaqooyin ay kamid yihiimn:- Xanuunka kansarka (cancer) oo la tilmaamay in lagu guleystay xakameynta iyo daawynta cudurkaasi,gaar ahaan marka uu cusub yahay.Illaa haddana mishiinka ama qalabka looga hortago cudurkaasi waxa la’ geeyey 8 waddan oo Afrikaan ah. 2-Shaybaar qaabilsan dhinaca beeraha waxaana lagu guuleystay in geedkii ku bixi jirey 6 bilood in laga dhigo 2 bilood Mashruucana waxa lagu tijaabiyey bariiska Thailand oo wax soosaarkiisii saddex laab kordhay sida uu mudanayaasha baarlamaanka u sheegay Agaasimaha Guud ee IAEA Rafael Mariano Grossi. 3-Shaybaarka qalab sii sheegaya qaraxa ama sunnaamiga ka dhasha dhulgariirka, 10 daqiiqo kahor inta uusan dhicin. Qalabkaas oo mustaqbalka wax weyn ka tari doona bedqabka iyo badbaadada shacabkeena. Source: goobjoog.com