-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Faah faahinno ka soo baxaya bam lagu weeraray dad shacab ah
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday bam gacmeed oo lagu qaaday mehrad ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ku taalla degmada Kaaraan. Weerarka ayaa si gaar ah xalay fiidkii hore uga dhacay xaafadda Kalluunka oo ka tirsan degmadaasi. Ugu yaraan illa todobo qof oo shacab aha ayaa ku dhaawacmay weerarkan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammanaka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka bixiyey weerarkaasi iyo khasaaraha ka dhashay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Cqani-1.mp3 View the full article -
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo uu weheliyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta booqday dekedda weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Labada madaxweyne; Axmed Maxamed Islaam iyo Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay dekedda magaalada Boosaaso iyo xarunta Wasaaradda Dekedaha Puntland ay ku leedahay magaalada Boosaaso. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland, ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada madaxweyne ay booqdeen Taliska saldhiga bartahama Boosaaso iyo xarumo kale oo dowladeed, islamarkaana ay u kuur-galeen sida ay shaqooyinku u socdaan. “Waxaa kale oo wafdigu ay booqdeen Xarunta Taliska saldhiga bartamaha ee Magaalada Boosaaso iyo Xarumo kale iyagoo u kuur galaya sida ay shaqooyinku u socdaan waxaana uu kormeerkan ayaa ahaa mid khibrad wadaag ah iyadoo Masuuliyiinta Kale ee Madaxweynaha la socotay ay la kulmeen dhigooda xarumahan ka howlgalaya” ayaa lagu yiri qoraalka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo booqday dekedda Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-saaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey Danjire James Swan uu farriin gaar ah gaadhsiiyey madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi. Wasaaradda ayaa warkan ku sheegtay warbixinta toddobaadlaha ah ee ‘Week In the Horn’ oo ay wasaaradu soo saarto jimce kasta, waxaanay sheegtay in James Swan, oo 10-kii bishan Jeenaweri booqasho ku yimid Somaliland uu madaxweynaha u sheegay farriin sheegaysa in Qaramada midoobey ay taageerayso hindise ujeedadiisu tahay; in kalsooni laba geesood ah laga dhex abuuro Somaliland iyo Soomaaliya. Isla markaana la dhiirrigeliyo wada hadalladii u dhexeeyey labada dhinac. Warbixin ay wasaaraddu kaga warramaysay xaaladihii u dambeeyey ee gobalka Geeska Afrika, ayaa waxay ku sheegtay in ergeyga gaarka ah ee qaramada Midoobey uu sida oo kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi gaadhsiiyey, in Qaramada Midoobay ay soo dhoweynayso hindiseyaashaas lagu dhisayo kalsoonida labada dhinac iyo wada hadallo ay bilaabaan Hargeysa iyo Muqdisho. Wakiilka gaarka ah ee Qaramada midoobey ayaa warsaxafaadeed uu soo saaray intii uu ku sugnaa magaalada Hargeysa, waxa uu kaga hadlay isla arrintan, laakiin tafaasiil kama uu bixin hindisaha wadahadallada cidda wadata iyo waqti cayiman oo la fili karo in ay bilowdaan, sida oo kale ma’ uu sheegin in Qaramada midoobey ay iyadu wadahadallada dambe maamuli doonto. Dhinaca kalana warka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa lagu sheegay lixdii nin ee ay xukuumadda Somaliland ku fulisay xukunka dilka ah toddobaadkan in ay ku jireen laba xubnood oo lagu helay dembiyo la xidhiidha argagaxiso, laguna eedeeyey in ay xubno ka ahaayeen ururka Alshabaab. Laakiin may sheegin magacyada labada nin iyo kiisaska tooska ah ee lagu eedeeyey. 15-kii bishan Jeenaweri ayaa ay xukuumadda Somaliland xukun dil qisaas ah ku fulisay lixda marxuum. War ay xeerilaalinta guud ee Somaliland isla maalintaas ka soo saartay dilka xukunsaneyaashaas, ayaa ay ku sheegtay magacyadooda iyo magacyada lixda qof ee ay maxkamaddu ku heshay in ay dileen. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug ee xulafada ah Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Cabdullaahi Faarax Wehliye iyo Kamaal Daahir Gutaale ayaa soo saaray baaq ku saabsan mowqifkooda ku aadan hannaanka doorashada Madaxweynaha. Baaqa ay soo saareen oo ka koobnaa 6 qodob ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socdeen tallaabooyinkii iyo geeddi socodka arrimaha doorashooyinka, iyadoo ay bannaanka u soo baxeen xadgudubyo lagula kacay Odayaasha dhaqanka Galmudug, ayna jirtay wax is daba marin la xiriira hannaankii loo soo xulay Xildhibaannada, dhinac u janjeerka Guddiga Farsamada iyo Guddigii Baarlamaaniga ahaa ee maamulay doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka ee dhacday 17-kii bishan Janaayo ee shalay, iyo faragelinta muuqata ee ka imaaneysa Madaxda dowladda Federaalka oo masiirka Galmudug ku jaangooyay rabitaankooda iyo sidii ay u soo saari lahaayeen Musharaxiin ay wataan. Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Dhuusamareeb la dhigay jidoogooyin lagu xanibayo isu socodka taageerayaasha iyo ololayaasha Musharaxiinta iyo dhibaatooyin lagala kulmo qabashada kulamada ololaha doorashada taasoo loo adeegsanayo ciidamada ammaanka. Musharaxiinta ayaa sheegay in haddii sida ay wax u socdaan waxba laga bedelin xanibaadda iyo is hor-taagga Xildhibaanada lagu sameynayo inay arkaan Musharaxiinta si xor ah, waxaa adkaaneysa in aanay marqaati beenaale ka noqdaan doorasho ku shubasho ah oo aan reer Galmudug u hosaasino, dhismaha maamul gacan ku rimis ah oo aan ka turjumeyn hankooda. Waxaa ay ku baaqeen in la joojiyo handadaada iyo xanibaada Xildhibaanada, lana siiyo fursad, sidoo kale waxay ku baaqeen in la joojiyo waqti dedejinta doorashada lana siiyo Xildhibaanada muddo 21 maalmood, si ay ula kulmaan si xor ahna una kala bartaan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha. Halkaan hoose ka akhriso baaqa iyo hanjabaada kasoo baxay musharixiinta
-
(SLT-Hargeysa)-Abwaan Weedhsame Oo Ka Hadlay Dacwad Laga Gudbiyey, halkan hoose ka DAAWO Source
-
Qaar ka mid ah musharraxiinta u taagan hoggaanka Galmudug ayaa walaac xoogan ka muujiyey hanaanka ay ku socoto doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi. Musharraxiintaan oo kala ah C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), C/laahi Faarax Wehliye iyo Kamaal Daahir Guutaale ayaa sheegay inay cabsi ka qabaan ku shabasho. Sidoo kale waxa ay dalbadeen in dib loo dhigo doorashada ugu yaraan muddo 21 cisho ah, si ay ula kulmaan xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Galmudug. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Axsaabta Mucaaridka ah ee Somaliland ee WADDANI iyo UCID oo kulan ku yeeshay magaalada Hargaysa, ayaa ugu baaqay Xubnaha Cusub ee Komashinka doorashooyinka Somaliland in ay is casilaan si meesha looga saaro bay yidhaahdeen muranka hor taagan qabsoomida doorashooyinka. Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku hadlay afka labada xisbi ayaa sidoo kale farriin u diray Madaxweyne Biixi, halkan hoose DAAWO Source
-
DP World has won a further legal hearing against the Government of Djibouti over the Doraleh Container Terminal lease it terminated in 2018. A Tribunal of the London Court of International Arbitration ordered Djibouti to restore the rights and benefits under the 2006 Concession Agreement to DP World and Doraleh Container Terminal SA within two months, or pay damages. An independent expert has estimated the losses to DP World at more than $1 billion. The ruling by the Tribunal said Djibouti had acted illegally when it forcibly removed DP World from management of the terminal in February 2018, claimed it had terminated the Concession Agreement and transferred the Terminal assets to a state-owned entity. The latest tribunal ruling is the sixth substantive ruling in DP World’s favor in the London Court of International Arbitration and the High Court of England and Wales. To date, all have been ignored by Djibouti despite the original contract for the concession being written under and governed by English law. The Doraleh Container Terminal is the largest employer and biggest source of revenue in the country and has operated at a profit every year since it opened. The Doraleh Container Terminal was found by an English court to have been a “great success” for Djibouti under DP World’s management. DP World now awaits proposals from Djibouti about how it intends to comply with the latest legal ruling. If Djibouti does not comply with the ruling, the Tribunal has stated it will proceed to issue an award of damages. The Republic of Djibouti has issued a statement saying the ruling comes as no surprise. “It is merely the outcome of the iniquitous provisions of the concession, which could force a sovereign State to set aside and disregard its own national law, in order to revive a concession that was terminated on the grounds of the higher interest of the Djiboutian nation, and for the exclusive benefit of a foreign-owned company. “Under no circumstances can the Republic of Djibouti accept such a ruling, which was handed down in an arbitration in which it did not take part and which flouts the rules of international law. These rules allow a sovereign State to terminate any contract for reasons of higher national interest subject to the payment of fair compensation.” The Republic of Djibouti has reasserted its position, saying: • The termination of the Concession Agreement for the Doraleh Container Terminal, awarded in 2006 to DCT (Doraleh Container Terminal), a joint venture between the Djibouti International Port Authority and DP World, was decided in the context of a legal framework that had previously been adopted by the Djiboutian parliament on November 8, 2017. • DP World’s operation of the terminal had proved to be contrary to the fundamental interests of the nation. Its continuation would have seriously harmed Djibouti’s economic and social priorities by placing unacceptable restrictions on its development policy and giving a foreign-owned company total control over one of its most strategic infrastructure. • The Doraleh container terminal had not been operated to its full potential by DCT in order, obviously, to protect DP World’s operations in Dubai. Since the concession ended, the port’s activity has increased by 30 percent. • Despite several attempts to renegotiate the concession, initiated by the government in accordance with Djiboutian law, DP World persistently refused to consider the government’s legitimate demands to redress an inherently asymmetrical relationship in order to allow its citizens to enjoy the benefits of the efficient operation of the terminal. • Rather than comply with Djiboutian law and accept the Government’s proposals (at both the contract renegotiation and post-termination compensation stages), the DP World group preferred to initiate a full-scale judicial and media battle against the Republic of Djibouti and its partners. • To this end, DP World had no qualms about using DCT, of which it is only a minority shareholder, to serve its own interests and to disrespect, unscrupulously, the decisions handed down by the Djiboutian courts in strict compliance with the adversarial principle. These courts appointed a provisional administrator in place of DCT’s corporate bodies and annulled the resolution of the Board of Directors which, under pressure applied by DP World, authorised DCT to initiate the arbitration procedure whose decisions today have been obtained on the basis of the DP World’ unilateral actions. • In any case, the concession contract has been terminated, a public enterprise specifically created for this purpose now manages this infrastructure, and there can obviously be no question of imposing any contracting party on a sovereign State, especially in order to operate its strategic infrastructure. • As the Republic of Djibouti has consistently indicated since the termination of the concession, the only possible outcome is allocation of fair compensation in accordance with international law. The State of Djibouti remains, as it has done so from the outset of this process, willing to negotiate the terms of a mutually satisfactory solution, but cannot accept arbitrary “convictions” that disregard the interests of the country and so-called “independent” expertise that can in no way serve as a financial “basis” for an agreement between the parties. Qaran News
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay bar koontarool oo ku taalla degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu soo warramayaa inuu geystay khasaare kala duwan. Wararka qaar ayaa sheegaya in lala eegtay Injineero Turki ah oo dhismo ka wada waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin warkaasi. Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay isku geedaamay ciidamo ka tirsan kua Milatariga Soomaaliya View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-18012020.mp3 View the full article
-
Murashaxiinta madaxtinnimada Galmudug ee kala ah: Cabdiraxmaan Odowaa, Kamaal Guuaate iyo Cabdullahi Weheliye oo maanta soo saaray baaq ayaa ku dalbaday in la siiyo saddex todobaad oo olole ah. Saddexdan murashax ayaa ka hadlay sidoo kale iney arkeen dhinac u janjeerka guddiga farsamada iyo guddigii baarlamaaniga ahaa ee maamulay doorashooyinka guddoonka baarlamaanka ee dhacday 17-ka Janaayo ee shalay, iyo faragelinta muuqata ee ka imaaneysa dhanka madaxda dowladda Federaalka oo masiirka Galmudug ku jaangooyay rabitaankooda iyo sidii ay u soo saari lahaayeen musharaxiin ay iyagu wataan. Haddaba Halkan Ka Akhriso Qoraalka: Source: goobjoog.com
-
Afgooye (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax goor dhow uu ka dhacay Agagaarka Isgoyska Baar Ismaaciil . Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa si weyn looga maqlay Xaafaddaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Sida ay sarakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda u xaqiijiyeen Caasimadda Online, Qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Ciidanka Haramcad ee Gobolka Banaadir Cabdiwali Fanax iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa. Meesha uu Qarax ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa Injineero Turki ah oo ku howlanaa dhismaha wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho, wuxuuna qaraxa ahaa mid ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari Homey (Caasi ah) . Qaraxa ayaa la sheegay inuusan wax khasaaro ah u geysan Injineeradii Turkiga ahaa ee la rumeysan yahay in loola dan lahaa Qaraxa inkastoo ay dhibaato kasoo gaartay Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo dad Shacab ah. Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa xirtay meesha uu qaraxa ka dhacay waxaana hakad la geliyay gaadiidka u kala safra Muqdisho iyo Afgooye. Dhaawaca Taliye ku xigeenka ayaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho, waxaana weli si rasmi ah loo ogeyn nooca uu yahay dhaawaca soo gaaray. Bil ka hor ayey aheyd markii Kooxda Al-Shabaab ay qarax xooggan Isgoyska Ex Control kula beegsatay saraakiil Turki ah oo ka tirsan kuwa dhisayo wadada isku xirto Muqdisho iyo Afgooye, waxaana qaraxaas ku dhintay ku dhawaad 100 qof oo Shacab ah iyo 2 Injineer oo Turki ah.
-
Waxyaabaha bulshada soo jiita ee inta badan dhiirra-gelintana u noqda ayaa waxaa ka mid ah isbeddellada dadka qaar ay sameeyaan, gaar ahaanna kuwa marka hore nolosha kala kulma caqabado hoos u dhiga rajada qofka. Dadkaasi isbeddelka cajiibka ah sameeyay waxaa ka mid ah Cabdinaasir Maxamuud Nuux oo ah wiil dhalinyaro ah oo ku nool magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, halkaas oo uu tegay isaga oo yar, iyadoo xilligaas aysan jirin cid uu ka garanayay magaalada Wuxuu sheegay in 12 sano jir uu ahaa markii uu magaalada imaanayay, isagoona gabbaad ka dhigan jiray gidaarrada ku yaalla magaalada, maaddaama uusan heysan hoy uu ka galo cadceedda maalinkii iyo dhaxanta habeenkii. Cabdinaasir oo reer miyi ahaa, ayaa wuxuu xusay in magaalada uu soo galay isagoo raaadinaya ilbaxnimo iyo in uu u arkayay in waxyaabo badan uu ka faa’iidi doono oo ay ugu horreyso waxbarasho, balse nasiib darro ay taas u suura-geli weysay, maaddaama uusan markaas heysan dhaqaalo uu wax ku baran karo iyo reer uu ku soo hagaagayo midna. Sidee ayuu heerkan u gaaray? Cabdinaasir, intii uu ku jiray nolosha adag ee derbi jiifnimada, haddana kama uusan rajo dhigin in wax uun uu noloshiisa ku maareyn karo uu qabsado, isagoo sheegay in shaqooyin yar yar uu qabanayay muddadaas, sida in uu ka shaqeeyo hoteellada. Carruurta derbi jiifka ah oo inta badan la ogyahay in ay isticmaalaan waxyaabaha maanka dooriya, ayaa Cabdinaasir waxa uu sheegay in uusan weligii isticmaalin koolada balse uu isagu khaadka iyo sigaarka isticmaali jiray, iyadoo weliba saaxiibbadiisna ay xabagta iyo koollada dhuuqi jireen. Cabdinaasir hadda waa aabbe heysta afar carruur ah, waxayna isaga iyo qoyskiisuba ku nool yihiin magaalada Hargeysa oo muddo kahor uu soo galay, noloshii adkeyd iyo duruufihii kala duwanaa ee uu soo maray kaddib, hadda waa milkiilaha shirkad la yiraahdo Al-kheyraad oo kireysa gawaarida takaasida. Wuxuu sheegay in shirkadda oo uu ku bilaabay hal gaari ay haatan yaallaan ilaa 14-gaari, isagoo noloshiisa ay aad isku beddeshay, kana mid ah ganacsatada magalaada Hargeysa. Xigasho: BBCSOMali Source
-
Saddex kamid ah musharrixiinta doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Galmudug oo kala ah; Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Cabdullaahi Faarax Wehliye iyo Kamaal Daahir Gutaale, ayaa qoraal ay soo saareen ku shaaciyay shuruudo ay ku xireen ka qeyb-galka doorashada Galmudug. Qoraalka ay soo saareen ayey ku sheegeen in Dhuusamareeb la dhigay jidoogooyin lagu xanibayo isu socodka taageerayaasha iyo ololayaasha Musharaxiinta iyo dhibaatooyin lagala kulmo qabashada kulamada ololaha doorashada taasoo loo adeegsanayo ciidamada ammaanka. Musharaxiinta ayaa sheegay in haddii sida ay wax u socdaan waxba laga bedelin xanibaadda iyo is hor-taagga Xildhibaanada lagu sameynayo in ay arkaan Musharaxiinta si xor ah, waxaa adkaaneysa in aanay marqaati beenaale ka noqdaan doorasho ku shubasho ah oo aan reer Galmudug u hosaasino, dhismaha maamul gacan ku rimis ah oo aan ka turjumeyn hankooda. Waxaa ay ku baaqeen in la joojiyo handadaada iyo xanibaada Xildhibaanada, lana siiyo fursad, sidoo kale waxay ku baaqeen in la joojiyo waqti dedejinta doorashada lana siiyo Xildhibaanada muddo 21 maalmood, si ay ula kulmaan si xor ahna una kala bartaan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha. Hoos ka akhriso qoraalka PUNTLAND POST The post Musharrixiin shuruud ku xiray ka qeyb-galka doorashada Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Isabel dos Santos, oo ah haweeney u dhalatay dalka Angola, ahna haweeneyda ugu taajirsan qaaradda Africa ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay u tartanto xilka madaxweynenimo ee dalka Angola. Haweeneydan oo hataan loo heysto fadeexo musuq-maasuq ayaa waxaa dhalay madaxweynihii hore ee dalka Angola José Eduardo dos Santos, kaas oo Angola xukumayay 38 sano. Xafiiska dacwad oogaha dalkaas ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan lacag dhan 1 Bilyan oo doolar oo ay shegeen in ay doonayaan inay kala soo wareegaan haweeneydaas, lacagtaas oo Dowladda Angola sheegtay in laga dhacay dowladda, haseyeeshee eedeymahaas waa ay beenisay Isabel. Ms Dos Santos, oo da’deedu tahay 46 sano jir ayaa waxay kamid tahay haweenka ugu taajirsan dunida, waxaana wargeyska the Forbes uu hantideeda ku qiimeeyay lacag dhan 2.2 Bilyan oo doolar, taas oo ka dhigan in ay tahay haweeneyda ugu taajirsan qaaradda Africa. Sanadkii 2016-ka, aabaheed oo xilligaas xilka hayay ayaa waxaa uu u magacaabay madaxa shirkadda shidaalka ee Angola, waxaana ka dhashay buuq badan. Balse shaqadaasi waxaa sanadkii 2017-ka ka qaaday Joao Lourenço oo ahaa ninkii badelay aabaheed Source
-
Ninka ugu gaaban dunida ee socda, sida laga soo xigtay diiwaanka waxyaabaha mar la aragga ah ee Guinness World Records (GWR), ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla dalka Nepal isagoo jira 27 sano. Khagendra Thapa Magar, oo ka soo jeeda degmada Baglung ee dalka Nepal, ayaa cabiirka dhererkiisa uu yahay 67.08cm (2ft 2.41in). Walaalkiis ayaa shalay sheegay in ninkan uu u dhintay pneumonia. GWR ayaa ammaanay Mr Magar, iyagoo yidhi “Gaabnidiisa kama aysan hor istaagin inuu noloshiisa ku raaxeysto”. Mr Magar ayaa sanadkii 2010-kii oo uu 18 jir ahaa loo aqoonsaday ninka ugu gaaban dunida, kaddib xaflad dhalashadiisa loo dhigay oo ay ka qeyb galeen dadka deegaanka iyo wufuud kale oo caalami ah. “Iskuma maleeyo nin yar. Waxaan ahay nin weyn. Waxaan rajeynayaa in xilkan uu ii suurtogelin doono inaan taas xaqiijiyo oo aan guri fiican u helo nafteyda iyo qoyskeygaba,” ayuu yidhi xilligaas Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, midka howlaha guud iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho ayaa maanta saxiixay heshiis cusub oo ku kacayo 112 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah. Heshiiskaan ayaa waxaa la sheegay in lagu dhisi doono magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo iyo Garoowe. Sida uu sheegay wasiir Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ku dhowaad 28 Milyan oo ka mid ah lacgtaasi waxaa si casri ah loogu dhisi doonaa magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in mashruucaan uu qeyb ka yahay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo hadda maraya meel wanaagsan. Dhankiisa Duqa Muqdisho, Cumar Filish oo ka hadlay munaasabadda lagu saxiixay heshiiskaan ayaa sheegay inuu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka. Filish ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay tilaabo xaga hormarka loo qaaday, islamarkaana ay soo dhaweynayaan ka maamul ahaan Ugu dambeyn wasiirka wasaaradda howlaha guud ee xukuumadda federaalka, Cabdi Aadan Hoosoow ayaa sheegay in dowladda dhexe ay soo dhoweneyso mashruucaani, islamarkaana ay ka go’an tahay sidii dalka looga sameyn lahaa dib u dhis ballaaran.
-
Madaxtooyada dowlad goboleedka Jubaland, ayaa si kooban uga warbixisay, Shirka Iskaashiga Puntland iyo Jubaland oo Sabtida maanta ah ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Shirka waxaa ka qeyb-galaya madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo ay weheliyaan wasiiro ka socda labada dhinac, waxaana looga wada-hadlayaa iskaashiga labada dowlad goboleed, arrimaha doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-da, Sharciga Batroolka, dib u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka iyo khilaafka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada. Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Jubaland,loogana warbixiyay shirkaasi ayaa lagu sheegay in uu ku saabsanyahay arrimaha ku qotoma iskaashiga labada dowlad goboleed ee dhinacyada amaanka iyo horumarka, sidoo kalena looga hadlayo guud ahaan Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna dib u-eegista Dastuurka KMG ah iyo Sharciyada doorashooyinka iyo Batroolka. “Shirkan ayaa ah mid ku qotoma iskaashiga labada Dowlad Goboleed ee dhinacyada amaanka iyo Hormarka waxaa kale oo shirkan lagaga hadlayaa Arimaha Siyaasada gaar ahaan dib u eegista Dastuurka Sharciyada Doorashooyinka iyo qaybsiga khayraadka dalka” ayaa lagu yiri qoraalka. PUNTLAND POST The post Jubaland oo war ka soo saartay Shirka ka socda Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Kenya’s security forces have been directed to intensify their operations against al-Shabaab barely a week series attack by al-Shabaab. Speaking at a meeting with top security officials, Kenya President Uhuru Kenyatta directed security officers to mount operations to flush out terrorist operatives and all sleeper cells in North Eastern and Coast region. The President, who hosted top security chiefs in the highlight of annual security review and planning conference at State House in Mombasa Friday, said the tempo against terrorism must be high and aggressive, He stated that sponsors and recruiters of terrorists must be targeted and dealt with harshly. President Kenyatta told the security chiefs to be vigilant and bring to an end all means, such as smuggling of contrabands, through which terrorists receive funding. View the full article
-
100 families living in Dhobley town, Southern Somalia have received vital supplies distributed by AMISOM, as part of a civil-military cooperation initiative. The assistance comes after recent heavy rains that caused flash floods in the region. Mukhtar Ahmed Sahal, the deputy commissioner of the district thanked AMISOM for the humanitarian aid support to the families impacted by the floods and recent droughts. The regions in southern Somalia hit by recurrent floods and droughts in recent years that uprooted thousands of families who are now at IDP camps and in dire need of assistance. View the full article
-
Muqdisho ( Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay dagaal ay ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka ay kula gashay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka oo qaatay muddo saacad ah ayaa ka dhacay deegaanka Mashalaay oo hoos yimaada degmadaasi. Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahannadooda ay weerarka qaadeen, islamarkaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada huwanta. Ugu yaraan afar askari oo ka tirsanaa ciidanka Uganda iyo mid Soomaali ah ayey Al-Shabaab sheegtay inay ku dishay dagaalkasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Dhanka kale ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashada Al-Shabaab welina wax hadal ah kama soo bixin AMISOM iyo saraakiisha ciidanka dowladda. Xaaladda ayaa maanta yara dagan, basle ciidamada huwanta ayaa dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay nawaaxiga degmooyinka Afgooye iyo Qoryooley oo ay xalay weeraro ka dhaceen. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya deegaanada iyo degmooyinka gobolka Shabeelaha Hoose ee k/ Soomaaliya.
-
Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ( Cagjar) ayaa shaagay in ganacsiga u dhaxeeya Somaliland iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya uu aad sare ugu kacay isla markaasna ay rajaynayaan in ay kor u sii qaadaan. Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar waxa uu sheegay inay soo dhawaynayaan Soomaalida ay kala dalka yihiin si ay labada dhinacba isaga faa’idaan, waxaanu si qoto dheer uga hadlay arimaha amaanka ee ay Somaliland wadaagaan. Madaxweyen Mustafe Cagjar oo la hadlay tilifishanka Sahan waxa uu isaga oo ka hadlaayay xidhiidhka Somaliland iyo dawlad deegaanka uu yidhi “ Xidhiidhka ka dhaxeeya dawlada deegaanka Somaliland ee dhanka amaanku aad ayuu u fiican yahay, waad ogtahay in dhawaan wafti balaadhan oo Somaliland ka socday ay halkan yimadeen oo taliyaha ciidamada qaranku uu hogaaminayay oo ilaa heer fadaraal ay ka wada hadleen sidii loo adkayn lahaa amaanka xuduuda, taasi waxay qayb ka tahay iskaashiga joogtada ah ee maalin walba na dhex mara anaga iyo Somaliland, waxii dhib ku hayana in aanay xagayaga dhibaato kaga iman waxii dhib anaga nagu hayana in aanay xagooda dhibaato nagaga iman, isfahan mar walba soo jiray ayuu ahaa kii ayaanu sii wadnay, is fahamka siyaasadeed ee guud marba inaan ka wadahadalnaa waa uu sii caawiyay arinta,dhinaca dhaqaalaha dawlada fadaraalka Itoobiya Koridhoorka Berbera qayb ayay ka tahay shirar joogto ahna waa ay dhacaan, ganacsigii labada shacab u dhaxeeyay inuu aad isku badalay waad la socotaa wax gaar ah oo cid u xidhan ma jiraan hada, markaas dadkii labada dhinac kuwa xagan ka tagaana way qanacsadaan kuwa xagan ka tagaana way qanacsadaan, maadaama oo xaalad uu ku socon karo ganacsigii loo abuuray si aad u balaadhan ayuu u socdaa, xoogaa jihayntiisa inay daldaloolo ay ka jiraan ayaa laga yaabaa sidii kastamo loo abuuri lahaa meelaha qaarkood oo dawladuu ay uga faa’idi lahaayeen laakiin shacabka ganacsigiisii aad ayuu sare ugu kacay iskaashigaasina waa mid aanu sii xoojinayno, kooridhoorka aad sheegtayna waa mid caawin doona isbadalka laga rabo gobalkan maadaama oo gaadiidka maraaya halkaas iyo xawligiisu uu aad u kordhi doono, waa mid isaguna la iman doona isdhexgal bulsho oo balaadhan iyo mid ganacsiba.” Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa sheegay inay dadka Soomaalida ah ee ay kala dalka ay yihiin ay ku soo dhawaynayaan dhulkooda“ Fikirka aad sheegtay ee ah in dadka Soomaaliyeed ay deegaankan ganacsi iyo nolol u soo raadsadaan anaguna aan ka helno maalgashi xadaarad iyo waxii la kala korordhsan karo waa fikir aan ka simanahay oo aan rabno inuu socdo, wax dib loo celin karana maaha, wax kaliygay iga yimina maaha waa wax ay hogaaminta deegaanka oo dhami ay aaminsan yihiin inta aan imika wada shaqayno, waxaanu rabnaa Jigjiga,Goday,Qabridahar,Fiiq iyo Doolow iyo dhulkan oo dhami inay noqdaan dhul nololi ka jirto oo magaalooyin waaweyn leh oo madaaro leh oo Soomaalidu isda ay caruruta Nayroobi u gaysanayaan ay u gaystaan, anagana faa’ido noo ah Soomaalida kale ee walaalaha aan nahay ee wadan kale ka imanaysa ee siyaasiyan aanaan isku dalka ahayna faa’ido u ah, waxuunbaa noo soo kordhaaya anaga waxba naga dhici maayaan Source
-
At least two Somali soldiers were reported to have been killed and several others wounded in heavy fighting between Al-Shabaab and the country’s forces in a town outside Mogadishu. The battle erupted after hundreds of gun-toting militants tried to storm a military outpost in Afgoye on Lower Shabelle region on Friday night, according to the local villagers. The situation is calm this morning. The town has witnessed such attacks in the past by Al-Shabaab as Somali and AU troops continue their joint operations to retake areas still remaining under the Al-Qaeda-linked militant group. View the full article
-
Wasiirka Maaliyadda XFS, wasiirka howlaha guud XFS iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah u wada saxiixay heshiis ku kacaayo 112 Milyan oo lagu dhisi doono magaalooyinka dalka. Heshiiska ay mausuliyiinta wada saxiixdeen ayaa magaalooyinka lagu dhisidoono waxa ka mid ah Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe iyadoo qeybta magaalada Muqdisho uga soo aaday ay tahay ku dhawaad 28-Milyan. Wasiirka wasaarada Maaliyadda ee XFS mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa sharxay heshiiskan iyo qaabka dhismo ee magaalooyinka dalka laga hirgalin doono. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa ka hadlay ahmiyada mashruucani. Wasiirka howlaha guud ee XFS mudane Cabdi Aadan Hoosoow waxa uu tilmaamay in dowlada federaalka Soomaaliya ay gudaha dalka kawado mashaariic kala duwan oo lagu horumarinaayo dib udhiska dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
