-
Content Count
214,195 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Golaha Amaanka ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii 28-kii Disembar 2019 ka dhacay Isgoyska Ex-control Afgooye ee Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac farabadan. War-saxaafadeed ka soo baxay xubnaha Golaha Amaanka ayaa tacsi dareen xambaarsan loogu diray qoysaskii dadkii ay dhibtu soo gaartay, iyo sidoo kale Dadka iyo dowladda Somaaliyeed. Sidoo kale Golaha Amaanka ayaa baaq u diray dowladda Federaalka iyo dowladaha taageera. War-saxaafadeedka Golaha Amaanka ayaa u qornaa sidatan. Xubnaha Golaha Amaanku waxay sida ugu kulul u cambaaraynayaan weerarkii argagixiso ee 28kii Disembar 2019 ka dhacay isgoyska Ex-control Afgoye ee Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad aan waxba galabsan. Xubnaha Golaha Amaanka waxay tacsi tiiraanyo iyo dareen xambaarsan u dirayaan qoysaska dadkii ay dhibtu soo gaartay, iyo sidoo kale Dadka iyo Dowladda Somaaliyeed. Xubnaha Golaha Amaanku waxay dadka dhaawaca ah u rajaynayaan inay si dhakhso leh u bogsadaan. Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale xaqiijiyeen in dhammaan noocyada iyo wajiyada kala duwan ee argagaxisadu ay yihiin qayb ka mid ah khataraha ugu culus ee soo foodsaartay amniga iyo nabadda caalamiga ah. Xubnaha Golaha Amaanku waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in cadaaladda la horkeeno dhagarqabayaashii geystay, kuwii soo abaabulay, kuwii maalgaliyay iyo kuwii mas’uulka ka ahaa falalkan foosha xun ee argagaxisada ah, waxayna ugu baaqeen dhammaan Dowladaha inay si firfircoon ula shaqeeyaan Dowlada Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha ay khusayso arrintani, si waafaqsan waajibaadkooda ka saaran sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Golaha Amaanka ee khuseeya arrimahan. Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale ku celiyeen in falal kasta ee aragagaxiso ay yihiin faldembiyeedyo aan loo cudur daari karin, iyadoon loo eegeyn ujeedkooda, goob kasta oo ay ka dhacaan, goor kasta oo ay dhacaan iyo cid walba oo geysata. Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale xaqiijiyeen baahida loo qabo in dhammaan Dowladuhu ay si walba ula dagaallamaan khataraha ay weerarada argagaxisadu ku hayaan amniga iyo nabadda caalamiga ah, si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay iyo waajibaadyada kale ee uu dhigayo sharchiga caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, sharciga caalamiga ah ee qaxootiga iyo sharciga caalamiga ah ee xilliyada dagaallada. Xubnaha Golaha Amaanku waxay ammaan u soo jeediyeen dhammaan daneeyaasha caalamiga ah ee ku hawlan sidii nabad iyo xasillooni loogusoo dabbaali lahaa Soomaaliya. Xubnaha Golaha Amaanka ayaa mar kale ku celiyay sida ay uga go’antahay inay taageeraan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya. Waxay hoosta ka xariiqeen in weerarkan iyo weerar kasta oo kale ee argagaxiso aanu wiiqi doonin u heellanaantaas. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Golaha Amaanka oo war ka soo saaray qaraxii Ex-control Afgooye appeared first on Puntland Post.
-
Said Abdullahi Deni: President of Puntland State In 2019 Puntland celebrated its 21st anniversary. The federal member state founded as an autonomous administration in August 1998 chose a middle path between secession proclaimed in Burao in 1991 and the perpetual strife Southern parts of Somalia were undergoing during the 1990s. This policy choice reflects how Puntland articulated a vision of a new Somalia based on federalism. President Said Abdullahi Deni is the sixth President of Puntland State. In January 2019 when he won Puntland Presidency against an incumbent, Dr Abdiweli Mohamed Ali, Deni had no illusions about the enormity of challenges his administration is facing partly because of the outmoded system of governance Puntland has been utilising since 1998. Pragmatism is the path Deni has taken to show the mettle to face myriad challenges ranging from a politically hostile, Mogadishu- based Federal Government, a threat of war from Somaliland administration insisting on the sanctity of colonial borders to threats of ISIS and Al-shabaab in mountainous areas in Puntland. President Deni adopted a policy different from his predecessors’. He extended an olive branch to Somaliland Administration by not questioning the right of Somaliland Ministers to visit their district of origin in Sool. Deni understands better that Somaliland’s sovereignty claim does not amount to a break-up of Somalia. Since Somalia is still one country in the eyes of the United Nations President, President Deni’s policy has the potential to become a conflict resolution example to be followed by other Somali political actors. President Deni has reiterated he is committed to rectifying governance flaws without blaming his predecessors. He took upon himself the responsibility to conduct a pilot local elections in Puntland. This gradualist approach is in sharp contrast with the policy to introduce political parties in a society where clan identity, rather than ideas, matters. If locals have the right to elect their representatives, they will be able hold their representatives at state and federal levels accountable for not honouring their campaign promises. The second advantage local elections will have lies in reducing the powers of the executive. In essence, President Deni seeks to cede more powers for the sake of accountability at all levels in Puntland. The Federal Government of Somalia spent a lot of political capital to undermine Puntland by denying the Federal Member State its share in training for the army despite President Deni heading a new administration that has committed itself to security reforms to address common security challenges posed by transnational terrorists and their allies. As a former Minister of the Federal Ministry of Planning under President Hassan Sheikh Mohamud, President Deni is aware that collaboration between Federal Member States and the Federal Government is a key aspect of maintaining the progress made towards reconstituting the Somali state. His focus on genuine accountability and conflict resolution are bedrocks of the strategy that his administration seeks to operationalise in bid to revitalise Puntland State of Somalia. Deni has praised Somalis from the Southwest State for their entrepreneurship and active citizenship to contribute to the economy of Puntland. Our choice for 2019 Person of the Year falls on President Said Abdullahi Deni of Puntland State of Somalia. © 2020 Puntland Post Monthly Click here to download a full webzine The post PUNTLAND POST 2019 PERSON OF THE YEAR: Said Abdullahi Deni appeared first on Puntland Post.
-
Jilib (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka Shabeellada Hoose iyo Bay, kaasi oo lagu beegsaday dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab. Duqeymahan ayaa ka kala dhacay deegaannada iyo degmooyinka kala ah, Jilib, Salagle, Buula Fulay, Hargeysa Yarey iyo kuwo kale. Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqeynta ka dhacday Salagle la beegsaday xarun ka socotay munaasabad oo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la sheegay in halkaasi uu khasaaro lixaad leh uu ka soo gaaray weerarkaasi. Degmada Jilib ayaa sidoo kale la sheegay in duqeynta kale ay ka dhacday, waxaana lala beegsaday xubno Al-shabaab ah oo ku wajahnaa dhanka Jubbada Dhexe, waxaana ay isugu jireen saraakiil Ajaaniib ah oo ka dhinac dagaallama Al-shabaab, kuwo Soomaali ah iyo ciidankii ilaalinayey, welina faah faahin lagama helin dhanka khasaaraha. Duqeymaha kale ee ka kala dhacay Buula Fulay, Hargeysa Yareey iyo deegaannada kale ayaa iyana lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen ugu yaraan 10 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab. Weli dhanka Al-shabaab lagama hayo faah faahin rasmi ah oo ku saabsan duqeyntan iyo sidoo kale khasaaraha dhankooda soo gaaray. Tan iyo Weerarkii ka dhacay isgoyska Ex-kontorool Afgooye ayaa waxaa kordhay duqeymaha lala beegsanayo dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab.
-
The Al-Qaeda-linked militant group Al-Shabaab said it has launched an attack against African Union troops’ military base in Lower Shabelle region, south of Somalia. The raid has sparked a heavy gunfight between the two sides, who exchanged artillery shells and mortar rounds that inflicted casualties upon civilians in Marka town. Local residents said Al-Shabaab militants encountered resistance as they tried to storm AMISOM – African Union Mission in Somalia base at Bufow area, near the port city. The region has been the scene of a battle between the Al-Shabaab and the Somali army backed by AU and US troops in the past few years. View the full article
-
Waxaan kugula talinayaa in liis akhrintaada sanadkan 2020 (reading list) aad ku darsato buuggaagtan hoos ku xusan. Waayo akhrinta buuggaagtan oo kale waxaad ka helaysaa xikmad weyn oo ku saabsan hoggaaminta, indheergaradnimada, dhaqan siyaasiga Afrika iyo nolosha guud ee bulshada. Julius Nyerere by Pual Bjerk Buuggan waa muhiim! Wuxuu ka sheekeynayaa taariikh nololeedka madaxweynahii ugu horreeyey dalka Tanzania, Mwalimu Julius Nyrerere. Wuxuu ahaa hoggaamiye ruuxi ah, qaran-dhise baal dahab kaga qoran taariikhda Afrika. Shakhsiyan, waxaan ka dhigtay tusaallahayga siyaasadda iyo macallinkayga falsafadda. Buuggan waxaan kula talinayaa in ay akhriyaan siyaasiyiinta Soomaalida, dhallinyarada jecel in mustaqbalka dhow ay madax ka noqdaan dalka iyo ardayda xiiseysa mowduucyada la xiriira qaran-dhiska, fekerka hantiwadaagga Afrikaannimo iwm. BECOMING by Michelle Obama Waa buug ka sheekeynaya taariikh nololeedka Michelle; yaraanteedii iyo dhallinyarannimadeedii. Waa buug ay ku kaydisay xusuusteeda jacayl. Waxaa aad ii soojiitay cutubka siddeedaad oo ku saabsan isbarashada Obama iyo Michelle. Mar waa iyada oo jaamacadlay ah; marna waa iyada oo saaxiibkeed Obama “mentor” u ah. Haddii aad tahay qof rumaysan awoodda dumarnimo, buuggan waa buuggaagii ee ku raaxayso akhriskiisa. Introduction to African Politics by Alex Thomson Buuggan innaba caadi ma aha! Wuxuu ku dulwareeganayaa saddex fekradood oo lafdhabar u ah fahamka siyaasadda Afrika, waxayna kala yihiin: Dowladnimo, ururada rayidka iyo farogelinta shisheeyaha. Waa buug ka hadlaya mowduucyada hay’adaha dowliga, eesha gumeysiga, dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo-doonka, dowrka ururada rayidka, gumeysiga ka dib afgambiyadii militari, fekerka Maaksiisimka iwm. Haddii aad rabto in faham qotodheer aad u yeelato dhaqan siyaasadeedka Afrika; buuggan wuu ku caawinayaa. Ku darso liiska akhriska sanadkan, kuna raaxayso akhriskiisa. Why Nations Fail by Daron Acemogle iyo James A Robinson Waa buug cajiib ah! Wuxuu sahminaya sababta keentay in dalalku fashilmaan. Waa buug soo bandhigaya doodda ah, in bini’aadamku u baahan yahay hay’ado xoog badan oo ku dhiirriggeliya waxsoosaarkooda dhaqaale. Define and Rule by Mahmood Mamdani Waa buug yar oo xiiso badan, kama badna 165 bog. Waxa uu xambaarsan yahay aqoon macne leh oo ku saabsan sida gumeystaha Ingiriisku u xukumay Afrika. Mamdani, buuggiisan wuxuu diiradda ku saarayaa taariikhda xukunka dadban iyo isbeddeladii ku yimid qorshaha xukun ee gumeysiga. IDENTITY by Francis Fukuyama Waa buuggii ugu dambeeyay ee uu qoray. Wuxuu diiradda ku saaray hab dhaqanka bini’aadamka iyo waxa dhiirrigeliya marka la joogo siyaasadda. Waa buug sharxaya fashilka fekerka libaraalka iyo dimuqoraaddiga, ee ku aaddan haqabtirka baahida bini’aadamka. Akhriso buuggan haddii aad rabto in aad fahamto siyaasadda qabiilaysiga, kooxaysiga iwm. From Third World to First: The Singapore Story – 1965-2000 by Lee Kuan Yew Weligaa ma maqashay sheekada ku saabsan horumarka Singapore? Buuggan wuxuu ka sheekeynayaa taariikh nololeedka hoggaamiyahii dalka Singapore, Lee Kuan Yew. Iyo sida uu ugu guulaystay in dalkiisa uu ka dhigo mid ka mida dalalka ugu hodan caalamka. Haddii ay kaa go’an tahay in aad beddesho nolosha Soomaalida, oo aad ka dhigto dad leh dowlad-qaran (nation-state); buuggan akhri. THE LOOTING MACHINE by Tom Burgis Buuggan innaba caadi ma aha. Waa buug baaraya waxyaabaha sababay dibudhaca dhaqaalle ee dalalka Afrika. Iyo boobka shirkadaha reer galbeedka ay ku hayaan hantida khayraadka dabiiciga sida shidaalka, saliidda, dahabka, dhaymanka iwm. Akhri buuggan. Waa iga talo. Saaxiibo Kasbo by Cabdiraxman Xuseen Abuu Xamza Haddii aad rabto in sanadkan aad ku dhammaysato jacayl, raaxo, laabfurnaan, saaxiibtinnimo iyo dulqaad badan; akhriso buuggan. Waa iga talo. SOMALI PHOENIX by Jama Mohamed Ghalib Akhri buuggan si aad wax badan uga ogaato taariikhda siyaasiga ee Somalia, sanadyadii 1990 ilaa 2004. The Treason of the Intellectuals by Julien Benda Waa buug ka sheekeynaya khiyaanada uu indheergaradka ka galo bushadiisa. Waa kuma indheergarad? Marka la eego Benda, indheergaradku waa qofka runta ku gabya, garabna u noqda dhibbanaha ama kooxda dulman. Waa buug cajiib ah! Oo wax iska weyddiinaya dowrka indheergaradka, waajibaadka saaran iwm. I AM MALALA by Malala Yousafzai, Christina Lamb Waxaa ku qoran taariikh nololeedkeeda, Malala Yousafzai. Iyo safarkeedii dheeraa-ka soo bilow Pakistan ilaa Ingiriiska. Waa buug qoraya halganka nolosha, waxbarasho, diin iyo argagax. Waa sheeko dhab ah. Ugu dambeyn, sanadkan 2020 waa sanadkii akhriska. Ku raaxayso akhriska buuggaagtaas. WQ: Hassan Mudane Bare Jaamacadeed Mudanep5@gmail.com Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay magacyada iyo sawirada seddex xubin oo halis ku ah ammaanka Kenya kuwaas oo ka tirsan Kooxda ka dagaalanto gudaha Soomaaliya ee Al-Shabaab. Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in baaritaan dheer iyo xog sirdoon oo la helay kadib la ogaaday magacyada shakhsiyaadkaan iyo sawiradooda. Seddexda qof oo dowladda Kenya soo bandhigtay magacyadooda ayaa waxay kala yihiin Kyalo Masai, Juma Waziri iyo Salim Mohamed, waxayna dowladda Kenya ku tilmaamtay inay yihiin dagaalyahano halis badan ku ah ammaanka dalkooda. Booliska Kenya ayaa shacabka ka codsaday inay si deg deg ah ula soo wadaagaan macluumaad kasta oo la xiriira seddexdaan xubin si ay ugu suurta gasho in lasoo qabto ama la dilo. Wargeyska laga leeyahay dalka Kenya ee Daily Nation ayaa qoray in seddexdaan dagaalyahan ee ka tirsan Al-Shabaab fikradda xagjirnimada ah looga dhaadhacsiiyey magaalooyinka Mombasa iyo ismaamulka Kwale. Booliska Kenya ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay inay seddexdaan dagaalyahan xiriir dhow la leeyihiin Aboud Rogo iyo Abubakar Sharif oo ah wadaado Muslim ah oo kamid ahaa Al-Shabaab. Sirdoonka Kenya ayaa horey u sheegay inay duqeyn ku dileen Rogo sanadkii 2012 halka Axmed uu weli ku jiro dadka ay Dowladda Kenya dooneyso inay ka aargudato. Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo baxayey digniino ku aadan weeraro ay Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha Kenya waxayna taas keentay in heegan buuxa la geliyo laamaha Ammaanka si looga hortago falalka argagixisanimo oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.
-
MOGADISHU (HOL) - Security has been heightened in Mogadishu today following planned protests against the Al-Shabaab attack last week which killed over 80 people. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaciyay in xukuumaddiisu aysan ogolaan doonin ciidamo beeleedyada kala duwan ee ka dhisan gudaha Puntland, kuwaasi oo aan ka amar qaadan dowladda. “ Puntland, ma ogolaan doono Ciidan aan Ciidanka Puntland ahayn, magacu rabo ha sheegto, mid qabiil m ogolin mid argagixiso ma ogolin mid magacyo kale la baxa midna ma ogolin” ayuu yiri madaxweyne Deni oo shalay ka hadlayay Munaasabad ay ku qalin-jebinayeen cutubyo ka tirsan ciidanka madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha ayaa sheegay, in ay tallaabada ku habboon ka qaadi doonaan, cid kasta oo sheegata ciidan ka dhisan gudaha Puntland, oo aan ka hayn ciidamada dowladda ee diiwaan-gashan, taasi oo sida uu xusay ka horjeedda Nidaamka dowladnimo iyo Dastuurka Puntland. Mudane Deni , ayaa tilmaamay in uu dhisi doono ciidamo Puntland leedahay oo Nidaamsan, kuna shaqeeya awaaamiirta dowladda, islamarkaan tiradooda iyo tayadooda la hubo, si loo soo celiyo Sumcaddii iyo Sharaftii Ciidamada. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dayaca ay ka cowdaan ciidamada Puntland, ay qeyb-ahaan iyagu sabab u yihiin , maadaama ay qaarkood diiddan yihiin in la diiwaan-geliyo oo la helo tiradooda sugan, si loo tayeeyo. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Deni oo ku hanjabay in tallaabo ku habboon laga qaadi doono Ciidamada Beelaha appeared first on Puntland Post.
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn ay diyaarado dagaal ka geysteen deegaanno ka kala tirsan gobollada Jubbooyinka, Baay iyo Shabellaha Hoose. Duqeymahan ayaa ka kala dhacay deegaannada iyo degmooyinka kala ah, Jilib, Salagle, Buula Fulay, Hargeysa Yarey iyo kuwo kale. Diyaaradahan ayaa dhowr gantaal ku dhuftay goob munaasabad Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Salagle, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan, balse lama oga inta uu la egyahay. Degmada Jilib ayaa sidoo kale la sheegay in duqeynta kale ay ka dhacday, waxaana lala beegsaday xubno Al-shabaab ah oo ku wajahnaa dhanka Jubbada Dhexe, waxaana ay isugu jireen saraakiil Ajaaniib ah oo ka dhinac dagaallama Al-shabaab, kuwo Soomaali ah iyo ciidankii ilaalinayey, welina faah faahin lagama helin dhanka khasaaraha. Duqeymaha kale ee ka kala dhacay Buula Fulay, Hargeysa Yareey iyo deegaannada kale ayaa iyana lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen ugu yaraan 10 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab. Weli dhanka Al-shabaab lagama hayo faah faahin rasmi ah oo ku saabsan duqeyntan iyo sidoo kale khasaaraha dhankooda soo gaaray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Idlib)-Ugu yaraan 8 qof oo suuriyaan ah oo afar caruur tahay ayaa ku dhintay weerar ka dhacay dalka Suuriya kadib markii gantaal ay soo rideen ciidamada dawladda Suuriya uu ku soo dhacay Dugsi ku yaala gobolka Idlib oo ah meel ay ku xoogan yihiin Mucaaridka dawladda Suuriya. Dadka dhibaatadu soo gaadhay ayaa waxa ku jira Afar Caruur ah oo laba ay yihiin Haween. Waxaana Iskuulka ku dhamaa Ardayda iyo Macalimiinta xiliga weerarku dhacay sida ay sheegayaan kooxaha xuquuqal insaanka iyo la socodka dagaalka Suuriya ee SOHR. Sidoo kale weerarkan ayay ku dhaawacmeen 16 kale, waxaanu qayb ka yahay dagaalka bilaha socday ee ka dhacayey gobolka Idllib. Wariye ka tirsan wakaalada Wararka ee AFP oo ku sugan Sarmeen ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay hadhaaga gantaalada la soo ganay kaas oo dhawr mitir dherernaa. Sida ay sheegtay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubaridka arimaha aadamaha ee magaciisa loo soo gaabiyo (OCHA), ayaa sheegay in tiro ka badan 235,000 qof ay barakaceen intii u dhaxaysay December 12 ilaa 25, oo ay sabab u tahay dagaalada ka socda gobolkaasi. Waxaanay intaasi ku dareen in dagaalkan sokeeye ee mudada dheer ka socday dalka Suuriya ay ku dhinteen dad ka badan 370,000 qof tan iyo intii uu bilaabmay ee 2011. Source
-
Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa waxay sheegayaan in xilligan, xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay soo wajahday qaxooti Soomaaliyeed oo ku nool dalka Yemen. Sababta ay xaaladdan usoo wajahday ayaa lagu sheegay kadib markii xerada Alqaras ee Koonfurta Yemen laga eryey hay’adihii gacanta ku hayey dadkan oo ay ugu weyn tahay UNHCR. Waxaan jirin cunto, Biyo, iyo waxbarasho halkaasi ka jirta, waxaana xeradan dadka ku nool ugu badan Soomaali, hadda u baahan in loo gurmado. Sababta hay’adaha loo eryey ayaa ah, kadib markii ay isku dhaceen dadka deegaanka, maadaama ay shaqada ka eryeen askar iyo macallimiin Yemeniyiin ah. Gooboog News Source: goobjoog.com
-
Ceerigaabo (Caasimadda Online) – Korneyl Siciid Jaamac Caare oo hoggaaminayey Jabhad dagaal kula jirta Soomalailand ayaa ogolaaday heshiis uu la galo Soomaaliland, kadib markii soo jeedin ay uga timid Xukuumadda Soomaaliland iyo Odayaasha Dhaqanka Beeshiisa. Ergo ka kala socotay Xukuumadda Somaliland iyo Beeshiisa ayaa wadey wada-hadallo lagu xalinyaayey labada dhinac,iyaga oo ku guuleystay inay Ciidamada Caare kasoo saaraan Buurihii ay ku jireen ee ku yaalla duleedka Magaalada Ceerigaabo. Sidoo kale wararka soo baxaya qodobadii lagu hehsiiyey ayaa waxaa ay sheegayaan inay kamid yihiin in Caare uu ogolaadey in uu aado dalka dibadiisa, sidoo kale la siiyo lacag laga soo qaaday Xukuumadda Somaliland taas oo dhan 300,00 oo Dollar. Ciidamada korneyl Caarre ayaa wararku sheegayaan in qaarkood dib loogu celiyay Ciidanka Somaliland halka kuwo kalena ay wali Odayaasha degaanka ka shaqeynayaan. Jabhadda Korneyl Caare ayaa waxaa ay Saldhigyo ku leeyihiin deegaano ka tirsan Waqooyiga Gobolka Sanaag, iyaga oo dhowr mar weeraro ku qaadey Xarumo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Soomaaliland. Mararbadan ayaa lagu guul daraysatay in heshiis la dhexdhigo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Taliyaha Jabhada Dulmidiid Col,Caare oo ka dagaalama Gobolka Sanaag oo ay ku maransanyihiin Somaliland iyo Puntland.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa digniin u diray ciidamada inta ay gadoodaan misane xira waddooyinka ama joojiya shaqooyinka ka socda xarumaha muhiimka ah ee maamulkaasi. Wuxuu sheegay in marnaba aan loo dulqaadan doonin ciidamo ku dhaqaaqa falalkaasi, tallaab adagna laga qaadi doono. Dani ayaa tilmaamay in laga soo gudbay waqtiyadii ciidanku rabitaankooda ku muujin lahaayeen carqaladeynta shacabka ama habsami u socodka nidaamka dowladnimada. “Looma dulqaadan doono ciidan xirta waddooyinka misane dhahaya waa in wax hebel naloo sameeyaa, ama wax hebel ayaan rabnaa” ayuu yiri Dani. Dhowr jeer, ciidamo Puntland ah ayaa xirtay waddooyin muhiim ah, iyaga oo ka carreysan sida ay sheegeen mushaar la’aan iyo wax la mid ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo qabanqaabiyey Banaanbax looga soo horjeedo Al-shabaab, kaasi oo la filayo in maanta uu ka dhacdo magaalada Muqdisho. Waxaa la xiray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in banaanbaxan uu ka dhacdo dugsiga tababarka ee Jeneraal Kaahiye. Waddooyinka xiran ayaa ah kuwa soo gala xarunta dugsigan iyo waddo walba oo halkaasi ku dhow, waxaana ku sugan ciidamada ammaanka. Banaanbaxan oo maalin kahor ballamiyey maamulka gobolka Banaadir ayaa la filayaa iney ka qeybgalaan madax ka tirsan dowladda federaalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarax ay ku dhinteen ku dhowaad 100 qof oo shacab ah, kaasi oo ka dhacay Isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee mudaaharaad looga soo horjeedo Al-Shabaab ayaa ka socota Muqdisho. Mudaaharaadka ayaa la sheegayaa in ay ka qeybgeli doonan madax ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda. Dibad-baxa ayaa ka dhashay qaraxii shacabka badan ku dhinteen ee isgoyska Ex-kontarool Afgooye kaasoo Al-Shabaab sheegatay. Ku dhowaad 90 qof ayaa ku naf-waayay falkaas, waxaana ku dhaawacmay tirro kale oo ka badan 100 qaarkoodna dibada looq aadey. Weerarkaas ayaa noqday midkii saddexaad ee ugu dhimashadda badnaa taariikhda casriga ah ee guud ahaan Soomaaliya. View the full article
-
Ciidamada Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka xiray qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqddisho, halkaasi oo la filayo in saacadaha soo socda uu ka dhaco bannaan-bax uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir. Bannaan-baxa ayaa looga horjeedo Qaraxyada iyo dilalka malayshiyaadka Al-shabaab ka wadaan magaalada Muqdisho, gaar ahaanna Qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee 28-ki bishi December 2019 ka dhacay Isgoyska Ex-Kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Bannaan-baxa ayaa sida qorshaysan lagu qaban doonaa, Kulliyada Tababarka Ciidamada Booliiska Jeneraal Kaahiye, halkaasi maamulka gobolka Banaadir uu amray in la isugu geeyo dad laga soo uruuriyay degmooyinka iyo xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho, si ay bannaan-baxa uga qeyb qaataan. Sidoo kale Ammaanka Magaalada muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka lagu daadiyay Ciidamada Amniga si looga hortago weerarro kale oo Al-shabaab ka gaystaan Muqdisho xilliga bannaan-baxu socdo. PUNTLAND POST The post Bannaan-bax maanta ka dhacaya Muqdisho iyo waddooyinka oo xiran appeared first on Puntland Post.
-
Korneyl Saciid Jaamac Caarre ayaa lagu soo waramayaa in heshiis uu la gaaray xukuumadda Somaliland, kadib wadahadallo muddo badan qaatay. Wararku waxay sheegayaan in Korneelka uu aqbalay in jabhaddiisa laga soo saaro buuraha, sidoo kalena uu nabadda qaato. Waxgaradka beeshiisa iyo sidoo kale xukuumadda Muuse Biixi ayaa ka dalbaday Caarre in uu ciidankiisa kusoo daro kuwa Somaliland, isna la siiyo lacag dhan 300 Kun oo doolar, dalka dibaddiisana uu aado. Caarre ayaa intaasba aqbalay, waxaana la filayaa in saacadaha soo aaddan ciidankiisa ay dhanka Xukuumadda Biixi ku biiraan. Jabhadda Korneel Caarre ayaa saldhigyo waaweyn ku lahayd deegaanno ka mid ah Somaliland, waxaana dagaallo culus ay ka galeen deegaanno dhowr ah oo hoosta maamulka Biixi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaadey siyaasiyiinta mucaaradka. Cumar Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in hab-dhaqanka siyaasiyiinta uu yahay “munaafaqnimo”, sidda uu hadalka u yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata, Cumar Filish ayaa hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu qaadi doono talaabo ka dhan ah mucaaradka. Dhawaqa culus ayaa kusoo aadaya xili dalka la filayo in ay sanadka dambe ka dhacdo doorashooyin xasaasi ah. Hadalkan ayuu ka sheegay dhagax-dhiga dayac-tir lagu sameynayo xarunta degmada Warta Nabada oo 14-kii May, 2019, ay Al-Shabaab weerartay. View the full article
-
Marka (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaal oo leysku adeegsaday hub culus ayaa u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda garab ka helaya AMISOM. Xarakadda Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay beegsatay fariisin ay ciidamadda ku leeyihiin xarunta gobolka Shabeellaha Hoose. Khasaaro kala duwan ayaa la sheegay in uu ka dhashay iska hor-imaadka oo muddo saacado ah socday. Dhinaca kale, madaafiic ay ciidamadda AMISOM tuureen kadib weerarka ayaa la tilmaamay in uu rayid waxyeeleeyay. Inta badan gobolka waxaa dagaalo kharaar uu ku dhexmaraa ciidamadda AMISOM iyo kuwa dowladda oo isku dhaca iyo Al-Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-02012019.mp3 View the full article
-
Popular Contributors
