Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,119
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The militant group, Al-Shabaab, has officially claimed responsibility for Saturday’s deadly truck bombing in the Somali capital, Mogadishu, which killed almost 90 people and injured many more. The claim came through its spokesman, Ali Dhere, via the Al-Qaeda-linked group’s Radio Andalus. The claim comes hours after the National Intelligence and Security Agency (NISA) accused a foreign country of planning the attack. It is not yet known why the group waited for almost three days before claiming responsibility for the deadly attack that was widely condemned across the world. View the full article
  2. Dhuusamareeb-(Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa caawa shir deg-deg ah isugu yeeray saraakiisha ciidamada ciidamada ka howlgala magaalada Dhuusamareeb. Kulanka oo hadda ka socda xurunta guriga gobolka ee magaalada Dhuusamareeb ayuu Ra’iisul Wasaare Kheyre saraakiisha wax uga weydiinayaa cida bixisay amarka iyo waxa sababay is-rasaaseyn caawa afaafka hore ee INJI ku dhex martay ciidamo kala taabacsan dowladda federaalka iyo hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna. Saraakiil ka tirsan Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in seddax ruux ay dhanka Ahlu-Sunna uga dhaawacmeen israsaaseyntii caawa fiidkii ka dhacday bartamaha magaalada Dhuusamareeb. Seddaxda ruux ee dhaawacyadu soo gaareen ayaa la sheegay inay kala yihiin labo askari oo ka tirsan ilaalada hoggaamiyaasha Ahlu-Sunna ee ku sugan xarunta Inji iyo haweeney shacab ah oo goobta mareysay. Isku dhaca ciidamadaas ayaa ka bilaawday kadib markii sida la sheegay gaari marayey wadada hor marta xarunta Inji oo ay wateen ciidamada dowladda ay rasaas ku fureen kuwa Ahlu-Sunna ee ilaalada ka hayey halkaas, waxaana goobta ka dhacday is rasaaseyn mudo socotay. Shaqaaqadan ayaa ku soo aadeysa iyadoo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu makhribnimadii hore ee caawa gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu u tagay sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan xaafiiskiisa sii amba qaadidda dhismaha maamulka Galmudug.
  3. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Shiekh Xasan faarax, oo kulan qarsoodiya ku yeeshay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, ayaa ku heshiiyay in la fashiliyo doorashada qorshaysan in laga qabto dowlad goboleedka Galmudug oo ay dabada ka riixayso xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Sida ilo’ xog-ogaal ah u xaqiijiyeen Puntland Post, Macallin Maxamuud oo todobaadkan safar aan la shaacin ku yimid magaalada Garoowe, ayaa xarunta madaxtooyada kulan qarsoodiya kula yeeshay madaxweynaha Puntland, waxaana kulankaasi looga wada-hadlay laba qodob oo kala ah; in la fashiliyo qabsoomidda doorashada Galmudug ee Villa Somalia waddo iyo in la sameeyo isbaheysi ka dhan ah Khayre iyo Farmaajo oo ku wajahan doorashada heer Federaal ee 2020/2021. Kulanka labada mas’uul oo saacado badan qaatay, ayaa lagu gorfeeyay tallaabooyinka ay tahay in la qaado, si loo fashiliyo doorashada Xukuumadda Federaalku ka waddo Galmudug, waxaana ay markii dambe ku heshiiyeen in Ahlusunna qaaddacdo doorashada Galmudug,kuna baaqaan in dadka Reer Galmudug loo madax-banneeyo masiirkooda. Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa Macallin Maxamuud ku daray is-bahaysi siyaasadeed oo ka dhan ah Farmaajo iyo Khayre, kaasi oo ka kooban Madasha Xisbiga Muqdisho, Puntland, Jubaland, iyo Ahlusunna kuna jihaysan doorashada 2020/2021. Isbaheysiga doorashada 2020/2021-ka ayaa waxa gadaal ka taagan siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo maalmo ka hor Garoowe ka dhoofay, kadib markii uu madaxweyne Deni ku qanciyay in la as’aaso Isbaheysi siyaasadeed oo ku salaysan doorashada soo socota. Madaxweyne Deni ayaa ka qabsi qaba in doorashada Galmudug uu ku soo baxo siyaasi Villa Somalia wadato, kadib markii sida la sheegay uu ogaaday in guddiga doorashada Galmudug ay musuq maasuq ku sameeyeen saxiixa odayaasha dhaqanka, islamarkaana ay meesha ka saareen odayaal-dhaqameed soo jireen ah oo saxiixi jiray xildhibaannada Galmudug. Sidoo kale, Deni ayaa walaac ka qaba lacago malaayiin Dollar ah oo Xukuumadda Federaalku ku bixinayso, sidii uu dooorashada madaxtinimada Galmudug ugu soo bixi lahaa nin lagu magacaabo Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo maqaar-saar ah. PUNTLAND POST The post XOG: Deni iyo Macallin Maxamuud oo ku heshiiyay in la fashiliyo doorashada Villa Somalia ka waddo Galmudug appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar___Qubanaha-30122019-sax.mp3 View the full article
  5. Former Lagdera MP Farah Maalim has warned against any plans by Kenya to invade Somalia. This is after Prof Makau Mutua called for dismemberment of Somalia following Saturday's horrific... Source: Hiiraan Online
  6. Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa Casumaad heer sare ah caawa u sameeyey Madaxda Xisbiyada Qaran. Sheikh Shariif iyo Xasan Sheikh ayaa hogaaminaya Martida [...] Source
  7. Somalia said an unnamed country helped plan Saturday’s bomb explosion in Mogadishu that killed at least 90 people, and added it would investigate the assault with help from a foreign intelligence agency. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (SMN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay weerarkii dhimashadda dhaliyey ee ka dhacay Ex-kontarool Afgooye. Cali Maxamuud Raage [Cali Dheere] ayaa xusay in bartilmaameedkooda uu ahaa kolanyo ay la socdeen Injineero Turki ah. Cali Raage ayaa carabka ku adkeeyay ay ka xun yihiin khasaaraha shacabka kasoo gaarey, ayna tacsi u dirayaan eheladda dadkoodka ku waayey falkaas. Ugu dambeyntii, afhayeenka Al-Shabaab ayaa wacad ku maray in ay sii laba jibaarayaan dagaalka ka dhanka ah saraakiisha Turkida ah ee dalka ku sugan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in weerarkaas lagu dilay ku dhowaad 90 qof, ayna ku dhaawacmeen 130 kale, ayna jiraan tirro kale oo la la’yahay. View the full article
  9. Muqdisho-(Caasimada Online)-Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay war ka soo saaray qaraxii dadka badan lagu laayey ee ka dhacay isgoyska Ex koontorol Afgooye ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka guud ee Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage ayaa oo iska soo duubay khudbad soconaysa in kabadan 20 daqiiqo ayaa sheegay in qaraxaas ay iyagu ka danbeeyeen isla markaana ay la beegsadeen saraakiil Turkish ah iyo wax uu ku sheegay maleeshiyaad Soomaali ah. Waxa uu qiray in dad shacab ah ay wax yeelo ka soo gaartay qaraxaas, kuwaas oo uu sheegay inay goobta marayeen. Faah-faahin dheeri ah goor dhaw kala soco Caasimada Online.
  10. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay Qaraxii lagu hoobtay ee maalin ka hor ka dhacay Isgoyska Ex-Kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Af-hayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay weerarkaasi ay la beegsadeen kolonyo ay la socdeen Ajaaniib Turkish ah iyo ciidadamo Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu qiray in qaraxaasi xooggan uu khasaaare ballaaran ka soo gaaray shacabka magaalada Muqdisho. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Al-shabaab oo sheegatay Qaraxii lagu hoobtay ee Ex Kantarool Afgooye appeared first on Puntland Post.
  11. Ururka ku macaashka magaca dhalinta reer Somaliland ee Sonyo Ururka dalinyarada Sonyo wuxuu ka leexday dhabihii horumarka lagu gaadhsiin lahaa dhalinyarada somaliland,wuxuuna noqday mid ay ku qadhaabtaan dhalinyaro aan damiirkoodu sida saxda ah u shaqaynayn oo dhaammeel raac ah,isla markaana macaash uun kaligood ka raadsada .waxa kale oo halkaaas ka dareemaysaa inay ururkan curyaamisay caadifad ku dhisan nidaam kooxaysi oo ah halbeega ay ku cabiraan cida ay danaynayaan ama ay ku meel marsan karaan musuq maasuqa iyo hantida ay ku boobayaan magaca dhalinta somaliland guud ahaan. Ururkan sonyo maaha mid ku dhisan caddaalad iyo sinnaan waayo gobolada somaliland dhalinyaradeedu maaha mid ay ku midoobeen balse waxa muuqata inay cid gaari ku kooban tahay ama hadba ciday u arkeen in ay la shaqeyn karto ay raadiyaan si ay ugu meel mariyan danahooga . micnaha iyo nuxurka uu ururkani xambaaarsan yahay oo ah nidaam sifo khaldan taladiisa loo maroorsday iyo meherad dad gaari ay dheeftiisa manaafacaadsadaan. Marka laga hadlayo urur dhalinyarada somaliland magacood huwan waa yaabe ma wuxuu noqon karaa mid ay koox yari uga faa’iidaysato daneheedda gaarka ah? Mise damal hadhweynoo ay ku midaysan yihiin dhalinyarada s/land bari ilaa galbeed? Hashu maankayga gadaye ma maansaar bay liqday! Ururka sonyo waa magac u yaal bahdilay magacii iyo milgihii ay lahaayeen dhalinyarada somaliland waxay ku fashilmeen inay wax muuqda u qabtaan dhalinyarada somaliland ee ay magacooda huwan yihiin. Ma qabtaan doodo cilmiyeed oo dhalinta lagu dhiirigelinayo si ay hammigooda uga midho dhaliyaan Kamana qayb qaataan dhinaca ciyaaraha oo furre u noqon lahaa isdhexgalka bulshada iyo baraarujinta dhalinyarada lagaga wacyi gelinayo caadooyinka xunxun iyo masiibada tahriibka oo noqotay aafo saamayn taban ku yeelatay mujtamaceenna da’yartiisa oo u hanqaltaagaysa dibeddaha ama qurbaha inay u tacabiraan.Ma jiraan waxqabad taabbo gal ah oo ay ka sameeyeen gobolada somaliland balse marka laga yimaado qaab dhismeedka ururkan ayaa noqday mid u janjeedhsaday nidaam ka duwan kan uu magaciisa huwan laakiin markaad dhab ahaan u kuur xusho ayaa fahmi kartaa karti darada iyo aqoon la’aanta baahsan ee hadhaysay sonyo. Waxaana ragaadiyey musuq maasuq iyo maamul xumo waayo ma jirto guddoon lagu midaysan yahay oo si hufan loo doortay oo ku dhisan aqoon, hufnaan iyo karti lagu xulan karo shakhsiga hoggaaminaya urur xambaarsan dhalinyarada s/land magaceeda,waxaynu maqalaa guddoomiyaha ururka sonyo ayaa la doortay iyadoo aanay jirin tartan adag oo dhex maray dhalinta iyo cid sharaxan toona sido kale waxa jirtay in sifooyinka loo soo xalay (selection) oo khaladad badan hadheeyey madama dhalinyaradii so xareysatay araajida aan loo sheegin halka dhabta ah ay ku xareyaan cv yadooda oo email khaldan loo sheegay si loo dhaafiyo fursada oo cid ay danoga marsadan ay so cumaamadaan taasina waxay marag ma doon u tahay isu dheelli tirnaan la’aanta ka dhex jirta ururkan sonyo ay ku dhisan yahay kooxaysi iyo shakhsiyaad kaligood isku camiraWaxaanay maax dumisay kumanaan dhalinyaro ah oo hammigoodu gaadhsiisan yahay inay hoggaamiyeyaal lagu hirto noqon lahaa Ururkani waxa ku midoobay dhalinyaro ******** ah oo isbaaro u dhigtay horumarkii iyo hilinkii toosnaa ee ay dhalinyaradu ku meel marin lahaayeen hammigooda maskaxdoodana ku tuujin lahaayeen dalkana uga faaiidayn lahaayeen, haday noqoto waayo aragnimada balaadhan ee ay leeyihiin iyo aqoonta ku duugan intaba, waxaanu idinla wadaagi donaa habkii ay ku dhacday doorashada ururku iyo musuqmaasuqa baahsan ee ka jira isla ururka dhexdiisa la soco maalmaha soo socda hadii alle yidhahdo TALO SOO JEEDIN………..1:Waa inay dhalinyarada somaliland ka damqadaan kana dhiidhiyaan ururkan magacoodii iyo milgohoodiiba iyo karaamadii ay lahaayeen daciifiyey una horseeday nusqaanta.2:waa inay dhalinyaradu sameeyaan kacdoon ka dhan ah damiir laaweyaashan caadaystay inay ku guuraan magacooda kuna qadhaabsanaya sharafteenna iyagoo ka been sheegaya tubta toosan ee dhalinta lagu gaadhsiin karo horumar taabbogal ah oo ay dhalintu ku tallaabsdaan.3;inay xukuumadda iyo ururadda caalamiga ahi ka fiirsdaan ururkan sonyo kana joojiyaan lacagaha ay kaga qaadanayaan mashaariicda been abuurka ah ee aanay fulin.4:in ururkan sonyo guud ahaantiisba laga tirtiro saaxda ururada somaliland loona aqoonsado mid ku saqiiray dantii loo xilsaaray lana sameeyo urur heer caalami ah oo dhalinyarada u horseeda guul GUNAANAD…….Waxaan xukuumadda u sheegayaa kuna boorinayaa in ururka dhalinyarada sonyo uu noqday mid ka gaabiyey waajibaadkii iyo xilkuu dhalinyarada ugu magacwnaa sidaa daraadeed xukuumadda ayaa looga fadhiyaa inay xayiraad saaraan guud ahaan ururkan dhaqdhaqaaqiisa inta la helayo mid ay dhalinyarada somaliland oo dhammi ay ku midaysan yihiin oo dhexdhexaad ah haystana kalsoonida da’yarta. Insha allah qaybta labaad filo maalamaha soo socdoAhmed ismail leewar Hargeisa somaliland Axmedismail029@gmail.com Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah guddoomiyaha Xisbiga Wadajir, ayaa ka hadlay qoraalkii kasoo baxay Hey’adda Nabad-Sugidda ee NISA ee lagu sheegay in qaraxii ka dhacay Ex-Control Afgooye ay ku lug leedahay dowlad shisheeye. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa tilmaamay in ujeedka qoraalka “uu yahay mid la doonayo in lagu marin habaabiyo shacabka Soomaaliyeed laguna qarinayo fashilka hayy’adda Nabad-Sugidda ee NISA”, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale qoraalka uu Cabdiraxaman soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in qoraalka NISA laga leeyahay “ujeedo ah in Al-Shabaab laga leexiyo eeda xasuuqii ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed.” “Ujeedka qoraalkan laga leeyahay ma aha oo keli ah in shacabka lagu marin habaabiyo ama lagu qariyo fashilka hay’adda Nabadsugida, ee wuxuu kaloo ujeedkiisu yahay in argagexisada Alshabaab eeda xasuuqa laga leexiyo. Waxaa la oran karaa tani wadashaqayn Alshabaab way dhaafsiisan tahay” ayuu yiri Cabdiraxmaan. Hadalka Cabdiraxmaan ayaa imaanayo xilli Maanta Hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay sheegtay in qaraxii ka dhacay Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho “uu qorshayntiisa lahaa” dal shisheeye. Qoraal kooban oo NISA ay soo dhigtay barteeda twitter ayaa lagu yiri “Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye. Qoraalka NISA laguma magacaabin dalka qorsheeyey qaraxa, waana markii ugu horreysay ee ay dowladda Soomaaliya dal shisheeye ku eedeyso qarax ka dhacay Muqdisho. Wargeyska Yeni Safak ee dalka Turkiga, oo ah wargeys aad ugu dhow dowladda, ayaa qoray in dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Mohamed Bin Zayed Alnahyan uu amray qaraxaas, isaga oo beegsanaya Turkish-ka dhisayey waddada. Qoraalka ayaa intaas ku daray “Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka caalamka qaarkiis.”
  13. Muqdisho (SMN) – Saddex maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay baxsadeen. Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in mid ka mid ahaa maxaabiista dib loo soo qabtay, balse weli ay maqan yihiin labada kale. Xubnaha baxsaday ayaa la tilmaamay in loo xukumay Al-Shabaabnimo. Mid kamid ah labadda lagu raadjoogo ayaa ku xukumanaa xabsi daa’in, halka kan kale uu ku xukumanaa 15-sano oo xarig ah. Saraakiisha ciidanka Asluubta ayaanan wali fahfaahin rasmi ah ka bixin qaabka ay shaqsiyaadkan uga baxsadeen xabsiga. View the full article
  14. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Is-rasaaseyn socotay mudo daqiiqado ah ayaa goor dhaw magaalada Dhuusamareeb ku dhex martay ciidamo ka amar qaata hoggaanka Ahlu-Sunna iyo kuwa dowladda federaalka ee ku sugan magaalada. Isku dhacaan ayaa yimid kadib markii ciidanka Ahlu-Sunna ay rasaas ku fureen gaari Cabdi Bile ah oo ku socday wadada hor marta xarunta INJI, oo ay deganyihiin hoggaanka Ahlu-Sunna. Gaariga la rasaaseeyey waxaa watay ciidan Nabad sugid ah oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka, waxaana halkaas ka bilaabatay is-rasaaseyn mudo socotay. Wali lama ogaan karo khasaaraha ka dhashay is rasaaseyn taas u dhaxaysa ciidamadaas ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwa Ahlu-Sunna, waxayna ku soo aadeysaa iyadoo goor dhaw uu magaalada Dhuusamareeb soo gaaray Ra’iisul Wasaare Kheyre. Kheyre ayaa wax yar uun ka hor salaadii makhrib soo gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxuuna intii uusan ka soo amba bixin magaalada Muqdisho garoonka Aadan Cadde ku booqday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho oo loo qaaday dalka Qatar. Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa magaalada Dhuusamareeb u tagay sidii loo sii amba qaadi lahaa dhismaha maamulka Galmudug, oo soo maray dib yu dhacyo badan, waxaana maanta lagu waday in la shaaciyo liiska xildhibaanada cusub ee uu yeelanayo maamulkaas sida ku cadeed jadwalkii uu soo saaray guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug, balse ma dhicin oo markii labaad ayuu fashilmay jadwalka dhismaha maamulka Galmudug.
  15. The United Arab Emirates (UAE) is behind Saturday’s car bombing in Somalia's Mogadishu, which left at least 79 people dead, Yeni Şafak columnist İbrahim Karagül wrote on Sunday. Source: Hiiraan Online
  16. Waxaa maanta Muqdisho ka dhacay munaasibad lagu shaacinayey ahmiyada sharciga dakhliga iyo dhiirigalinta casnhuur bixiyayaaasha, taas oo ay soo agaasinatay wasaaradda Maaliyaddu Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya. Madaxda Wasaaradda Maaliyadaa, Culimo owdiinka, aqoonyahao, Ganacsatada, Haweenka iyo marti Sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa munaasabadan oo lagusoo bandhigayey faa’iidooyinka sharciga dakhligu uleeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Munasabaddan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay kororka uu sameeyay dakhliga gudaha muddooyinkii ugu dambeeyay taasi oo ay sheegtay wasaaradda Maaliyadda in ay sabab u tahay canshuuraha gudaha iyo ganacsatada oo fahmay. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdulaahi Sheekh Cali (Qolocoow) ayaa waxa si weyn uga hadlay heerarka kala duwan ee ay soo martay Wasaaradda iyo halka ay maanta joogto uu ku tilmaamay meel wanaagsan, waxaana u xusay dadaalka iyo taageerada madaxda ugu sareysa dalka la garab istaageen hogaanka Wasaaradda si loo xaqiijiyo waxyaaba maanta lagu faanayo. Sidoo kale howl wadeenada Dakhliga ee wasaarada maaliyadda ayaa uga mahadceliyey dadweynaha sida ay wanaagsan ee ay u bixyaan canshuuraha. Inta ay socotay munaasabadan ayaa waxaa hab sugaaneed loogu soo bandhigay ahmiyada ay bixinta canshuurtu u leedahay marka laga hadlayo wax ka qabashada dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin Amniga, Waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha. Munaasabada ayaa sidoo kale intii ay socotay waxaa shahaadooyin isku jiray abaalmarin iyo dhiirigalin lagu gudoonsiiyey qaar ka mida ah ganacsatada Soomaaliyeed, Agaasimiyaasha waaxaha dakhliga, canshuuraha iyo howlwadeenada ka shaqeeya qeybaha kale Maaliyadda dalka. Dabayaaqada Bishii Oktoobar ee sanadkaan ayuu Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u saxiixay Sharciga Maamulka Dakhliga dalka. Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Dhuusamareeb waxa uu kulamo wadatashi ah la qaadanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale waxuu u kuur geli doonaa arrimaha horumarinta bulshada, mashaariicda horumarineed iyo xaaladda amniga ee deegaanka. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-habeen-30122019.mp3 View the full article
  19. Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah oo boqol kor u dhaafaya ayaa guddoonka golaha u gudbiyey mooshin ku saabsan maqaamka caasimadda Muqdisho. Xildhibaannada ayaa qoraalkooda ku sheegay in arrintanay khuseyso dastuurka kmg ah qodobka 9aad taas oo lagu sheegay in caasimadda maqaamkeeda go’aan looga gaari-doonno dib u eegista dastuurka. Arrinta maqaamka Muqdisho ayaa waxaa muuqato iney galeyso weji cusub, xildhibaannada baarlamaanka ay kutlad u sameeyey arrinkan. Wararkan kala soco halkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga gurmadka Qaranka ayaa mar kale waxa ay warbixin ka soo saareen qaraxii sabtidii ka dhacay isgoyska Ex-kontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Warbixinta guddiga gurmadka qaranka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in 24 ruux oo la weysanaa, 6 ka mid ah la helay ayaga oo caafimaad qaba, halka qof kalena isaga oo dhaawac ah la helay. Guddiga ayaa sidoo ale sheegay in la helay meydadka shan qof, waxaana weli maqan oo nolo lama geeri aan lagu hayn 12 qof. Waxaa bilawday, sida gudiga ay sheegeen, wajiga labaad ee howlaha loogu gurmanayo shacabkii dhibaatada kasoo gaartay qaraxii Ex-kontorol Afgooye, islamarkaana ay shegeen in dalka Qatar loo qaadayo dhawacyo kale, si halkaas logu soo daaweeyo. Qaraxii ka dhacay isgoyska Ex-kontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed Weli ma jirto cidsi sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo ka mid noqday kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca caasimada. Si kastaba, hay’adda NISA oo maanta qoraal soo saartay ayaa ku eedeysay qaraxaas inuu ka dambeeyey dal shisheeye, oo aysan magacaabin.
  21. Xasbiga dhexe ee magaalada Muqdisho waxaa la sheegay in maanta ay ka baxsadeen saddex maxbuus oo ku xukunaa. Saddexda maxbuus oo sida la sheegay lagu helay kamid ahaanshaha Al-shabaah ayaa mid kamid ah ku xukunaa xabsi daa’in, halka labada kalana ay ku xukunaayeen xasbi dheer. Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah maxaabtaas baxsatay dib loo soo qabtay isaga oo ku dhuumaalaysana gudaha magaalada, halka kuwii kalana wali la la’yahay, mana jirto cid ilaa hadda ka hadashay. Xabsiga Dhexe ee Muqdsho oo ku yaala degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa amaankiisa loo ilaaliyaa si weyn. PUNTLAND POST The post Shabaab ka baxsaday xabsiga dhexe ee Xamar appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Caasimadda Online ayaa ogaatay in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay gudbiyeen mooshin ku saabsan maqaamka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Sida aan xogta ku helnay Xildhibaanada mooshinka gudbiyey ayaa gaarayo illaa 126 Xildhibaan, waxaana hormuud u ah Cabdulqaadir Cosoble, oo soo diyaariyey mooshinka, kana saxiixay xildhibaanada kale. Mooshinkaan oo loo gudbiyey guddoonka Baarlamaanka ayaa waxaa la qabtay Maanta oo ay taariikhdu tahay 30/12/2019 sida ku cad waraaqda mooshinka ee la gudbiyey. Xildhibaanada Mooshinka gudbiyey ayaa sheegay in mooshinkooda uu waafsaqsan yahay qodobka 9-aad ee dastuurka Soomaaliya oo dhahayo: “Maqaamka Magaalada Madaxda Federaalka Soomaaliya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib u eegista Dastuurka, waxaana sharci gaar ah kasoo saari doono labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” Mooshinkaan ayaa waxaa ololahiisa waday muddo waday Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble, oo ay ka go’an tahay sidii ay Muqdisho u heli laheyd maqaamkeeda. Halkaan hoose ka akhriso waraaqda mooshinka ee loo gudbiyey guddoonka Baarlamaanka
  23. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in mudada uu Ra’iisul Wasaaruhu magaalada Dhuusamareeb joogo uu kulamo wadatashi ah la qaadanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug. Sidoo kale, Qoraalka ayaa lagu sheegat in Mudane Xasan Cali Khayre uu u kuur geli doonaa arrimaha horumarinta bulshada, mashaariicda horumarineed iyo xaaladda amniga ee degaanka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo dhuusamareeb gaaray appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xasan Cali Khayre iyo xubna ka tirsan guddiga gurmadka qaran ee dhawaan loo magacaabay isku dubba ridka howlaga gurmadka, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabulle kusoo dhaweeyay diyaarad dowladda Qatar, ay u soo dirtay qaadidda qaar kamid ah dhaawacyadii ku wax yeelloobay weerarkii Ex-Kaantarool Afgooye. Khayre ayaa dowladaha Qatar iyo Turkiga uga mahad celiyay gurmadka walaaltinnimo ee ballaaran oo ay u fidiyeed dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo qeybta wayn ee ka qaateen dadaallada daryeelka loogu fidinayo dhibbanayaasha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku celiyay in dowladda Soomaaliya ay muhiimadda koowaad siineyso bed-qabka iyo daryeelka mawaadiniinteeda, ayna ku dadaaleyso in bukaannadu ay helaan baxnaaninta ay u baahanyihiin. Diyaaradda Qatar ay soo dirtay maanta oo dowladda soo gaarsiiyay dawo ay qayb ka ah gurmadka, ayaa qaaday 22 mawaadin oo ku dhaawacmay weerarka argagaxiso, si xaaladooda caafimaad wax looga qabto. Shalay ayaa dowladda Turkigu waxa ay sidaan oo kale dalkeeda u qaaday mawaadiniin Soomaaliyeed oo qayb ka ahaa dhaawacyadii ka dhashay weerarka Isgoyska Ex-Kaantarool Afgooye. View the full article
  25. (SLT-Jigjiga)-Ciidamada amniga ee Dowlad Degaanka Soomaalida, ee ku sugan magaalada War-dheer ee xarunta gobolka Doolo, ayaa gacanta ku dhigay gaadhi noociisu yahay NOOHA, oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Gaadhigan oo la qabtay mar kii uu soo galayay magaalada War-dheer, ilaa hadana aanay cadayn meeshii uu ku wajahnaa, hase yeeshee ciidamada amaanka ayaa baadhis dheeriya wada si loo helo cadaymo dheeriya. Waxanay boolisku SRTV u sheegeen in 4 nin oo gaadhigan wadatay la qabtay islamar ahaantaasna ay gacanta booliska ku jiraan. SRTV Source