Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    173,742
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, isagoo la dardaarmay bulshada gobolka Hiiraan. Guddoomiye Cali Jeyte ayaa sidoo kale ka hadlay falal amni darro oo mararka qaar ka dhaca gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. “Shacabka waxaan leeyahay qoryihiina qaata oo ku dhiirada inaad iska qabataan Shabaab-ka ku jira gudaha magaaladaan, maamulku wuxuu idin sii doonaa fursad aad ku soo gaarsiidaan xogta nabad-diidka,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan. Gacan waxaan kula dagaalami doonaa Shabaab-ka qoryaha wata, gacana waxaan isaga qaba doonaa kuwa magaalada ku dhex dhuumanaya oo miinooyinka aasa, dadkana badda ka qaata,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha gobolka Hiiraan. Wuxuu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoo raadinaya qorshe lagu sugi karo amniga dadka ku nool gobolka Hiiraan. Sidoo kale wuxuu sheegay in qorshihiisa ay ku jirto in dib u heshiisiin dhab ah loo sameeyo beelaha gobolka wada dega, “Gudaha magaalada waxaa idin kula jira Shabaab, furintana waxaa ka dagaalamaya shacab qoryo wata, waa in lagu wada dhiirado dagaalka oo Al-Shabaab laga adkaado,” ayuu yiri. Guddoomiyaha ayaa balan qaaday in dhawaan uu bilaabi doono wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, isla markaana uu la imaan doono hoggaamin dhab ah. “Shacabka Soomaaliyeed waxaa u cadaatay in Shabaab aan ka adkaa karno, waxaan idinka rabaa in gabar iyo wiil aysan u kala harin markaan, natiijo muuqata ayaan ka gaarnay halgankii aan horay u soo galnay bilo ka hor,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte. Hoos ka daawo The post Daawo: Cali Jeyte oo go’aan cusub ka soo saaray dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha Kenya oo Jamhuuriyada Jabuuti ka dagay. Xoghayaha guud ee Urur-goboleedka Igad Wasiirada Arrimaha dibada iyo Maaliyada Jabuuti iyo Masuuliyiin kale ayaa Madaarka Caasimada Jabuuti ee Xumbuli ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Kenya Mudane William Ruto oo Safar ku soo gaadhay dalkaasi Jabuuti. Qaran News
  3. Dagaal laba beelood ku dhex maray Konfurta Magaalada Hargeysa . Deeganka Cunoqabad oo 7Km Hargeysa koonfur kaga beegan ayaa galabta waxaa ku dagaalmay laba beelood , waxaana shaqaaqadaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac . Labada beelood ee deegankaas galabta shaqaaqadu ku dhex martay ayaa ka soo kala jeeda Beesha Sacad Muuse & Beesha Arab Hal qof ayaa ku dhintay , laba kale-na waa dhaawac Khilaafka Labadan beelood ayaa murankoodu ku saleysan yahay khilaafka dhulka ah . Ciidamada amniga Somaliland ayaa gaadhey goobta shaqaaqadu ka dhacdey . Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada dalka kula kulmay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef. Sidoo kale danjiraha Midowga Afrika waxaa kulankaan uu la yeeshay Madaxweynaha ku wehliyey Taliyaha guud ee ciidamada ATMIS Sam Okiding. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiishaan kala ka wadahadlay habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024-ka. Sidoo kale masuuliyiintaan waxay kulankooda diiradda ku saareen qorshaha ay ciidanka ATMIS amniga qaranka ugu wareejinayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Ambasadoor Mohamed El-Amine Souef ayaa bogaadiyey dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku bixineyso dagaalka argagixisada looga xoreynayo dalka. Dhinaca kale kulankaan waxaa looga hadlay dardargelinta howlgallada wajiga labaad ee lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo khatar ku ah nolosha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee ciidanka Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka. Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee sidoo kale kulankaan looga hadlay waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka, si loo gaaro Soomaaliya nabad ah. The post Sawirro: Maxay Xasan Sheekh kala hadleen madaxda ugu sareysa ATMIS? appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirashiid Janan, wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland oo haddana kamid ah siyaasiyiinta sida weyn isku hayaan madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxa uu ku eedeeyay inuu ahaa qofkii u horreeyay ee qarax maleegay. Janan ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu 2006-dii uu maleegay qarax lala beegsaday madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf AUN, illaa haddana uu qaraxyo siyaasadeed ka rido deegaanada gobolka Gedo, sida uu ku sheegay wareysi cusub oo uu bixiyay. “Axmed Maxamed Islaam waxa uu ahaa shaqsigii u horreeyay ee Umadda Soomaaliyeed qarax ay ku dhintaan oo hantidooda ku burburtay, qalbigoodana ka naxo geystay illaa 2006-dii oo lagu fuliyay madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.” “Axmed warkayga waa dhageysanaya isaga ayaa marqaati u qabsanaya oo saddex berri gaarigaas qooqanta gacantiisu ku waday oo ka ilaalinayay inay dadka ku qaraxdo maalinkii dambena ninkii naftii haligaha usoo dhiibay.” Waxa uu intaas kusii daray “Waa qaraxii koowaad ee Umadda Soomaaliyeed ay dhagahooda maqlaan, dhiiggooda ku daato, oo ay hantidooda ku burburtay.” Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in qaraxyada ka dhaca gobolka Gedo ee fuliso Al-Shabaab, uu soo dhex-marsado Axmed Madoobe, si loo cabsi geliyo siyaasiyiinta is hayaan, sida uu hadalka u dhigay. “Qaraxyadan loo soo xawilay Gedo waxay Al-Shabaab noqdeen aalad la adeegsado, hadda aragtaan qarax lala raadsaday qof siyaasi ah ama ganacsada waxaa la yidhaahda; walaal muxsin ah ayaa waxa uu naga soo dalbaday in mujrim hebel loo dilo oo dhaqaalihiisana wuu la baxay.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in aan marnaba lagu argagaxeyn, laguna ogolaaneyn hoggaanka Kismaayo qaraxyada siyaasadeed ee uu soo maleego, sida uu ku eedeeyay madaxweynaha oo uu xilligaan kala dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed xooggan. “Waa la noolanayaa waxaan hubaa colaad iyo naceyb kaga siyaada adiga (Axmed Madoobe) mooyaane iyo waxa ku weyde wanaag kuma helaysid.” The post Daawo JANAN: Axmed Madoobe waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyay oo qarax maleegay, lana beegsaday… appeared first on Caasimada Online.
  6. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay. Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing, ayaa ugu hambalyeeyaysay Madaxweynaha iyo Guud ahaan Dowladda Goboleedka Puntland Doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomay Puntland, waxayna ku tilmaamtay jihada Saxda ee la rabo Soomaaliya in ay aado Mustaqbalka. Kulanka ayaa Sidoo kale waxaa looga hadlay xaaladda Laascaanood iyo Sidii loo xoojin laha gargaarka bani’aadanimo ee dadkii barakacay, dhinaca kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobey go’aankii Golaha Amnigu kasoo saaray xaaladda Laascaanood. Waxaa Madaxweynaha Kulanka ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirada Qorsheynta, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caafimaadka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo La-taliyeyaal Madaxweyne. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay bilaabashada wajiga koowaad ee ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee Soomaaliya, waxaan ka qayb galay wafdi Militari oo ka socda Midowga Afrika kuwaas oo dalka u jooga u kuur galida howsha bixitaanka ciidanka ATMIS. Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa sheegay in dhammaadka Bishan June dalka ay ka bixi doonaan qeybtii ugu horeysay ee ciidanka ATMIS kuwaas oo gaaraya 2,000 askari, iyagoo mas’uuliyadda amniga dalka ku wareejin doona Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed. Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohammed El-Amine Souef ayaa wasiirka uga mahad celiyay doorka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo guud ahaan Dowladda ay ugu qeyb qaateen fulinta qorshaha kala guurka iyo soo dhaweeynta saraakiisha u timid in ay uu kuur galaan hanaanka bixitaanka ciidanka ATMIS. Wasiir Difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa u mahadceliyay Ciidamada ka socda Midowga Afrika doorka ay ka qaateen Xasilinta iyo amniga dalka, wuxuu intaas raaciyey in tilaabo wanaagsan la gaaray maanta taas oo ah in Ciidanka Qalabka sida ay ku filan yihiin inay ATMIS kala wareegaan mas’uuliyadda amniga goobaha ay banaynayaan ciidanka baxaya,qorshaan ayaa socon doono ilaa uu dalka ka baxayo askariga u dambeeya ee ciidanka AMTIS kaas oo bixi doono dhammaadka Bisha December 2024 sida ku cad qaraarka UNSCR 2628. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Marxuum Maxamuud Maxamed Nuur. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka . Sidoo kale waxa uu tilmaamay in marxuum Maxamuud Maxamed Nuur uu u soo adeegay qaranka, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo heer qaran, kuwaas oo ay ka mid yihiin Gudoomiyihii Bankiga Horumarinta Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhaxe. Qoraalka madaxweynaha meelna loogama xusin shacabkii ku dhintay weerarkii ay xalay Al-Shabaab ku qaadeen xeebta Liido iyo carruurtii ku dhammaatay qaraxii isna ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee Sh/Hoose, taas oo ay ka dhalatay falcelin aad u xoogan. Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn arrintan ugu dhaliilay madaxweynaha iyo guud ahaan kooxda ka shaqeysa xafiiskiisa. Sidee looga fal-celiyay? “Waxii shacab dhamaaday ma ninkaan bas looga tacsiyayanayaa xitaa geerida wa la kala qiyamaa HSM,” ayey tiri gabar Facebook-ga kusoo gasha magaca Maria. “Qarixii xalay maxaa uga tacsiyeey weeysay?” ayuu isna yiri wiil kale oo lagu magacaabo Cali Sheekh Cabdi. “Carruurti Janaale ku dhinteen oo la gumaaday no Answer miyaa madaxweynow?” ayuu Cabdullaahi Xasan Yuusuf uga fal-celiyay qoraalka Villa Soomaaliya. “Villadaan waa meel habaar ku dhacay qofkii galaba horay ayuu iska beddelayaa, Alle ha u naxriisto Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe iyo dhammaan walaalihii xalay ku shahiidday qaraxii ay khawaarijta ku weerareen Pearl Beach” sidaasna waxaa yiri Cabdimaajid Cusman. “Mudane madaxweyne aaway shacabkii Pearl Beach lagu laayey ay ugu horreyso walasheen Nasro. Yaa masuul ah oo loo soo qabtay mise shaqadiisa looga ceeyriyey masuuliyad darradaas amniyeed ee dhacday xalay?” ayuu yiri Amb Aadan Ahmed. “Alle ha u naxaristo marxuumka kuwii xalay la xasuuqay masuliyadeeda cid lugula xisaabtamo lama yaqaano miyaa ilaa hadda?” ayuu isaguna yiri Ismaaciil Cabdi Maxamed. The post Fal-celin xooggan oo ka dhalatay qoraal uu maanta soo saaray madaxweyne Xasan appeared first on Caasimada Online.
  9. MOGADISHU, SOMALIA — The Somalia government says an attack launched Friday by al-Shabab militants on a Mogadishu hotel has ended. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka guud ee ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay eedo musuq oo ku wajahan wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige. Si gaar ah waxa ay isu-dul taageen Barnaamijka shaqo hufan ee dalka Soomaaliya oo ay tilmaameen in la musuq maasuqay. “Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (SOCOTU) waxa uu ka walaacsan yahay Barnaamijka shaqo hufan ee dalka Soomaaliya (DWCP) oo ay saxiixday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (MOLSA),” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay SOCOTU. Waxa ay soo bandhigeen wadahadal gaar ah oo meel ka baxsan dalka ku dhexmaray wasiir Biixi iyo xubno ka socday hay’ada shaqaalaha adduunka ee ILO, halkaas oo lagu saxiixay barnaamijkan, waxa ay intaas ku dareen in uu meesha ka maqnaa daraf sadexaad oo ay ahayd in uu goobjoog ka ahaado saxiixa garabkaas oo ah ururada Shaqalaha. Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa dhinaca kale soo jeediyay in baaris lagu sameeyo ergada uu wasiir Biixi u diray shirka caalamiga ah ee shaqada (ILC) iyagoo muujiyay in ergo aan sax aheyn loo diray shirkaasi, taasoo qeyb ka ah arrimaha uu u xiran yahay agaasimaha guud ee wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada. “Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa uu si weyn u taageersan yahay siyaasadda Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha JFS mudane Xamza Abdi Barre ee ciribtirka iyo la dagaalanka musuq maasuqa laamaha dawlada JFS,” ayay warkooda sii raaciyeen. Ugu danbeyntii, Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa u soo jeediyay reysal wasaare Xamza Cabdi Bare in uu si qoto dheer u baaro qaabkii ay wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada u wajahday mashruuca shaqo hufan ee Soomaaliya. The post Eed musuq-maasuq oo loo jeediyay wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  11. Cabdirisaaq Khaliif Axmed Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa xoggo hoose tibaxayaan onuu iska casilayo Xilka Gudoomiyaha iyo Xubinimada Barlamaanka Somaliland. Cabdirisaaq ayaa la filayaa inuu Saaxafada Laascanood kula hadlo waqti dhaw. Qaran News
  12. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay. Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing, ayaa ugu hambalyeeyaysay Madaxweynaha iyo Guud ahaan Dowladda Puntland Doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomay Puntland, waxayna ku tilmaamtay jihada Saxda ee la rabo Soomaaliya in ay aado Mustaqbalka. Sidoo kale waxaa Kulanka looga hadlay xaaladda Laascaanood iyo Sidii loo xoojin laha gargaarka bani’aadanimo ee dadkii barakacay, dhinaca kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobey go’aankii Golaha Amnigu kasoo saaray xaaladda Laascaanood. Waxaa Madaxweynaha Kulanka ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirada Qorsheynta, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caafimaadka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo La-taliyeyaal Madaxweyne. PUNTLAND POST The post Madaxtooyada Puntland oo ka warbixisay Socdaalkii Garoowe ee Ergeyga Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdishakuur Warsame, sidoo kalena ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa ka hadlay weerarkii ay xalay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen agagaarka xeebta Liido. War qoraal oo ah oo uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu ku sheegay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa inay beegsadaan shacabka u Dalxiis tegay halkaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xoogaga Al-Shabaab ay duulaan ku yihiin farxadda iyo quruxda noloshada, sida uu hadalka u dhigay. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la gar-naqsaday Al-Shabaab ayaa yiri “War haddii aad xukun doonaysaan maxaad dadkii aad xukumi lahaydeen u xasuuqdeen?”. Ugu dambeyn wuxuu boggaadiyay ciidamada ammaanka ee soo afjaray weerarkaas, isaga oo sidoo kale tacsi u diray dhammaan ehallada ay dadkooda ku dhinteen weerarka lagu qaaday hoteelka Pearl Beach oo ku yaalla agagaarka xeebta ee degmada Cabdcasiis. Halkan hoose ka aqriso:- Waxay u dileen maxaad ugu soo baxdeen jawiga deggan ee quruxda badan oo ay hirka badda iyo hawada neecawda leh is haleelayaan? Waxay duullaan ku yihiin farxadda iyo quruxda nolosha, nabadda, iyo xasilloonida. Sida keli ah ee ay jiritaankooda ku muujin karaan waa in ay weeraro argagaxisnimo, dil iyo xasuuq geystaan, haddii kale waa la iloobayaa, dadkuna amarkooda u hoggaansami mayaan. Waa duul ka qalbi adag, ka arxan iyo naxariis daran, ka bahalsan maafiyada caalamiga ah iyo kooxaha ku hawllan danbiyada abaabulan. Waxa keli ah ee la mid ah waa odayadii Carbeed ee xiligii jaahiliga hablaha ay dhalaan nolosha ku aasi jiray ee maalinta qiyaamaha iyaga iyo hablihii la is hor keenayo ka dibna inantii la nolol aasay la su’aalayo danbi caynkee ah ayaad galabsatay oo laguu dilay? Dabcan inanta jawaab laga sugi mayo ee waxaa la doonayaa oo muuqaalkaa xanuunka iyo murugta badan loo keenayaa in la soo bandhigo naxariis la’aanta, qalbi adayga, caqli darrida iyo bahalnimada odayadii gabdhahooda nolosha ku aasay. Waxaa taa la mid ah Argagexisada Shabaab oo ay hubaal tahay in la horkeenayo dadkii ay xalay ku laayeen Hoteelka Pearl Beach iyagoo neecawda iyo jawiga deggan si nabdoon ugu cawaynaya iyo kumanaankii kale oo ay hoteellada, iskuullada, maqaayadaha, suuqyada iyo jidadka ku dileen ama ku gawraceen. War haddii aad xukun doonaysaan maxaad dadkii aad xukumi lahaydeen u xasuuqdeen? haddii aad gaalo la diririyseen dadkani waa muslimiin ehelkiina ah, haddii aad dawlad la dagaalayseen dadkani waa rayad aan cidna wax u gaysan. Waxaa boggaadin mudan ciidamada amniga. Allaha u naxariiso intii xalay weerarkaas argagexiso ku nafwaayey, marka laga reebo kuwii weerarka soo qaaday. The post CC Shakuur oo shaaciyey ujeed ay AL-SHABAAB ka lahaayeen weerarkii Liido appeared first on Caasimada Online.
  14. Saudi Arabia has granted citizenship to 50,000 expats “Saudi Arabia has granted citizenship to more than 50,000 foreigners,” said Abdul Aziz Al-Khayal, deputy president of the Saudi Human Rights Commission. Saudi Citizenship to 50,000 people During his speech at UN High Commissioner’s Program, he made clear that Saudi Arabia has granted citizenship to more than 50,000 people along with their families. How to get Saudi Nationality? These people were displaced from their country and moved to the Kingdom during the social, economic, or political turmoil in their country. During the turmoil, the family planned to move to the Kingdom and get settled there. Saudi Iqama for 800,000 people He further highlighted that Iqama was issued to nearly 800,000 people who were living in the Kingdom without having proper documents and this will help them to move freely, and get proper education, healthcare, and work. Such people are also exempted from all the fees and fines. In the end, Al Khayal thanked the United Nations High Commissioner for Refugees for playing a significant role in protecting the refugees and also appreciated their efforts for showing keenness in promoting and protecting human rights. Qaran News
  15. Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya marwo Catriona Laing ayaa maanta oo Sabti ah booqasho ku tagtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa marwo Catriona Laing ku qaabilay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee UNSOM ayaa looga warbixiyay qodobada ay ka wada-hadleen labada dhinac. ” Doorashooyinkii tooska ahaa ee dhowaan ka dhacay Puntland, baahiyaha bini’aadantinimo, dadaallada nabadda iyo dowlad-dhisidda, iyo taageerada Qaramada Midoobay” ayay labada dhinac ka wada-hadleen sida ku xusan qoraalka UNSOM. ” Tani waa horumar weyn oo ay Puntland u qaaday dhinaca dimuqraadiyadda” ayay tiri Catriona Laing oo ka hadlaysay doorashooyinkii qof iyo cod ee dhawaan ka dhacay Puntland. PUNTLAND POST The post Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo la kulantay Madaxda Puntland appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo ka dhacday degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kadib markii wiil dhalinyaro ahaa lagu gowracay xaafadda Barwaaqo oo ka tirsan gudaha degmadaas. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Cabdicasiis Axmed Maxamuud ayaa kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana meydkiisa, isaga oo la bireeyay lagu arkay isla xaafaddaasi. Qaar kamid ah ehellada oo la hadlay Somali Cable Tv ayaa sheegay in Cabdicasiis uu ahaa wiil dhalinyaro ah, sidoo kalena uu ahaa xerow raacda Kutubada Cilmiga Diiniga ah. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in marxuumka la waayey labadii maalmood ee lasoo dhaafay, isla-markaana gelinkii dambe Jimcihii isag oo mayd ah laga helay meelo geedo ah oo ka tirsan isla xaafadda Barwaaqo ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Mid kamid ah ehellada oo la hadlay Telefishinka Somalia Cable ayaa shaaca ka qaaday in aysan garaneyn sababta loo dilay wiilkooda iyo sidoo kale cidda ka dambeysa intaba. “Ninkan hadda wax kale oo aan korkiisa ku aragnay malaha, laakiin mindi ayaa dhuunta ku tiilay ma la yaqaano waxa dilay iyo cid aan xitta shaki ka qabno ma jirto” ayuu yiri mid kamid ah ehellada marxuumka oo la hadlay Telefishinka Somalia Cable. Ehellada ayaa sidoo kale farriin u diray dowladda Soomaaliya, waxayna dalbadeen in baaris lagu sameeyo dhacdadaasn, si gacanta loogu soo dhigo dadkii ka dambeeya dilkaasi. “Waxaan dalbaneynaa in si cadaalad ah naloogu baaro wixii dhibkaas marxuumka u geystay,” ayay tiri hooyo kamid ah ehellada marxuumka la gowracay. Sidoo kale Macallin Axmed Sheekh oo ah Shiikha kitaabada cilmiga u aqrin jiray marxuumka ayaa ka sheekeeyay shaqsiyadda marxuum Cabdicasiis Axmed Maxamuud. “Ugu yaraan 5 sanno ayuu ila joogay oo aan wax u aqrinaayay nin wuxuu ahaa cilmiga heer fiican ka gaaray koley isagoo xaafadiisa iska jooga oo aan nabad-gelyo ku ognahay ayaa waxaan aragnay isaga oo meel yaalla oo la gowracay” ayuu yiri Macallin Axmed Sheekh. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa maanta lagu aasay, qabuuro ku yaalla magaalada Muqdisho, ayada oo dadweyne kala duwan oo ka xumaa dilkiisa ay ka qaybgaleen aaska. The post Daawo: Wiil dhalinyaro ah oo lagu gowracay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si faahfaahsan uga hadashay weerarkii ay xalay ku qaaday dhismaha hotel Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido ee gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac intaba. Al-Shabaab ayaa sheegatay inay si buuxda la wareegtay dhismaha, isla-markaana ay 10 saacadoo ay ka dagaalameysay hotelka, sidoo kalena ay fashilay illaa 7 weerar oo ay soo qaadeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay. Warka soo baxay Al-Shabaab waxaa kale oo ay ku sheegtay in hoteelka ay ku caweynayeen saraakiil iyo madax ka tirsan dowladda, sababtaasina ay ku beegsatay hotel Pearl Beach. Kooxda ayaa sidoo kale sheegatay inay weerarkan ku dishay ugu yaraan illaa 29 qof oo ay sheegtay inay isug jiraan saraakiil iyo madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Sheegashadan yaabka leh ee Al-Shabaab ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan lasoo afjaray weerarkii lagu qaaday xeebta Liido, kadib howlgal ay sameeyeen ciidanka amniga. Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda shaacisay in weerarkan lagu dilay 9 qof, oo 3 kamid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidanka amniga, halka lixda kalena ay ahaayeen rayid. Waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay 10 qof oo kale oo shacab ah, sida lagu caddeeyay qoraalka uu soo saaray Booliska Soomaaliyeed. “Weerarka Khawaarijta waxaa ku shahiiday 6 muwaadin oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 10 kale, intii ay badbaadintu socotay, waxaa ku shahiiday 3 ka mid ah Ciidamada geesiyaasha ee amniga oo u dagaalamayay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda. Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Muqdisho ay aheyd mid deggan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada Booliska iyo kuwa Boolis Milataaro ee lagu soo tababaray magaalada Kampala ee caasimada Uganda. The post Al-Shabaab oo sheegasho yaab leh kasoo saartay weerarkii hotel Pearl Beach appeared first on Caasimada Online.
  18. ” Dhacdadii ugu murugta badanayd xalay ee ka dhacday hotel liido ee muqdisho oo alshabaab weerar iyo qarax ku gashay. “Walaashey oo shalay ka timid dalka dibeddiisa ayaa kamid ahayd dadku ku dhintay qaraxii xalay. Weli isma aanan arag oo saakay ayaan ballansanayn.! Qaran News
  19. Ciidanka Booliiska Soomalaiyeed ayaa war kasoo saaray khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday dhismaha maqaayadda Pearl Beach ee ee degmada Cabdicasiis, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarkaas ay ku geeriyeedeen 6 ruux, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 10 ruux oo kale, dadka dhintay ayaa waxaa ku jira 3 ka tirsanaa ciidamada ammaanka. Howlgalka samatabixinta ayaa inta uu socday waxaa lasoo badbaadiyay 84 Muwaadin, waxaana howlgalkaan lasoo afjaray waabarigii hore ee saakay sida ay warbaahinta u sheegeen ciidamada ammaanka ee ku howlanaa. Weerarka lagu qaaday maqaayadda dhismaha maqaayadda Pearl Beach ee ee degmada Cabdicasiis ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii dambe caasimadda dalka ay aheyd mid xasiloon oo aan Qaraxyo laga maqli jirin. Goobjoog News Source: goobjoog.com