-
Content Count
214,073 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maleeshiyaad ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dagaallameen deegaanka Wisil ee Koonfurta gobolka Mudug. Inta la xaqiijiyey Laba qof ayaa ku dhimatay dagaalkan, waxaana ku dhaawacmay qof kale, sidey sheegeen dadka deegaanka. Dagaalka Maleeshiyadan ayaa ku bilowday kadib markii ay isticmaaleen Maandooriye, taasina ay keentay iney isku dhacaan. Xaaladdu waa mid deggan, waxaana kala dhexgalay waxgaradka iyo culimada deegaanka, waxaana socota xallinta wixii dhacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka madasha xisbiyada Qaran ayaa xalay shir gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay weerarkii xooganaa ee maalin ka hor ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho. Kulanka oo uu shir guddoomiyey, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha madashaasi ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray, sidii taageerayaasha xisbiyada dalka, gaar ahaan kuwa madasha ay door uga qaadan lahaayeen gurmadka socda. Sidoo kale madasha ayaa ku baaqday in la xoojiyo amniga Caasimada, waxna laga bedalo qorshaha hadda ay ku shaqeeyaan ciidamada Booliska, is looga hortago weerarada khasaaraha geysta ee mararka qaara ka dhaca magaalada Muqdisho. Madaxweynayaashii hore ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo hormuud u ah madasha xisbiyada Qaran ayaa dhowaan booqday isbitaallada Muqdisho ee la dhigay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii maalin ka dhacay Ex-Control Afgooye. Dhinaca kale kulankaan ayaa waxaa lagu soo qaaday arrimo ku aadan shirciga doorashooyinka Qaranka oo sabtidii ay meel-mariyeen xildhibaanada golaha shacabka. Madasha oo saluugsan qodobada qaar ee sharcigan oo hadda loo gudbiyey aqalka sare ayaa shaacisay inay muhiim in la sameeyo aragti ku biiris ku aadan sharciga doorashooyinka. Inta badan hoggaanka xisbiyada mucaaradka ayaa ku eedeynaya madaxda dowladda federaalka iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay ku sameystaan muddo kororsi hor leh, iyadoo dib loo dhigayo doorashada soo socota ee 2020-2021.
-
Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa (AFRICOM) ayaa waxaa lagu faah faahiyey duqeyn ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose. Waxaa lagu sheegay qoraalkan, in iyaga oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka, ay 29-kii bishan ay Saddex duqeyn fuliyeen, Labo ka mid ahna la beegsadeen Xarumo ay Al-shabaab ku leeyihiin Kuunya Barow iyo Cali Barrow. AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntay ku burburiyeen Laba gaari, kuna dileen Labo ka mid ah saraakiisha Al-shabaab, iyaga oo tilmaamay in aanay jirin waxyeello soo gaartay dadka shacabka ah. William Gayler, madaxa howlgalada Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid ay soo qorsheeyeen, kana soo baaraandageen, isaga oo tilmaamay in ay xoojin doonaan howlgallada sidan oo kale ah. Al-shabaab weli kama aanay hadal duqeyntan la sheegay in saraakiisha looga diley, balse AFRICOM iyo xoogga dalka ayaa kordhiyey sanadkan dhammaanaya ee 2019 weerarada ka dhanka ah Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xaafad Muqdisho ka mid ah oo si maalinle ah dad loogu dilo iyo sababta Dad badan iyo ma’suuliyiinta qaranka qaarkood ayaan ku baraarugsaneyn in xaafad ku taallo magaalada Muqdisho si maalinle ah dad loogu dilo, oo xaaladdeeda ay faraha ka baxday. Xaafadda Tarabuunka ilaa Haanta dheer ee degmooyinka Hodan iyo qayb kamid ah Deyniile, waxaa maalin walba lagu dilaa dad, sidoo kalane waxaa ka dhaca dagaal beeleed muddo dheer soo taagnaa. Sabtidii oo kaliya waxaa lagu dilay 5 qof, waxaana lagu dhaawacay 7 kale. Dadka la dilay qaarkood waxaa lagala dagay gaadiid ay saarnaayeen waxaana loo beegsanaya aanooyin qabiil. Sidoo kale axaddii shalay waxaa mar kale halkaas ka dhacay dagaal dhex-maray labada beel ee isku haye halkaas, kaasi oo ay ku dhinteen 5 qof. Dorraad iyo maalintii ka sii horeysay waxaa sidoo kale Haanta dheer iyo Tarabuunka lagu dilay laba qof oo la isu aaray. Beelaha ku dagaalamaya Tarabuunka iyo Haanta dheer oo ah hal beel oo dhawaan Guddoomiye iyo Golahiisa ku doortay magaalada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa jirin ilaa hadda qof isku dayday in uu wax qabto. Xaafadaha ay dhibaatadaan ka jirto waa adagtahay in ay tagaan Ciidamada Amniga, waxaana dhowr halkaas kala kulmeen dagaal kadib markii ay isku dayeen in ay kala dhax galaan maleeshiyada dagaalamaya. Dad badan ayaa is weydiinaya ilaa goorma ayey dowladda Soomaaliya ka aamusnaan doontaa dhibaatada ka taagan xaafadaasi. Qaran News
-
Howlgallo ay iska kaashadeen Ciidamada DFS iyo Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu dilay saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-shabaab, waxaana laga fuliyey Shabellaha Hoose. Howlgaladaan oo laba qeybood ahaa kan Koowaad waxa shalay oo Sabti ahayd laga fuliyay deegaanka Cali Barrow waxaana lagu dilay Laba horjooge oo ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalka xigay oo ay ciidanku ka fuliyeen deegaanka Kuunya Barroow waxaa lagu dilay Horjooge kale oo wadarta xubnahan la dilay waxay gaareysaa Saddex, waa sida lagu daabacay warbaahinta dowladda. Ma jirin wax Khasaare ah oo shacabka ka soo gaaray intii lagu jiray howlagadaasi lagu dilay xubnahan ka tirsan Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in mid ka mid ah dhaawacyadii shalay laga qaaday magaalada Muqdisho oo aheyd dumar ay geeriyootay, Aamina Cusmaan Kheyre oo dhaawaceeda ahaa mid culus ayaa la sheegay inay geeriyootay intii loo sii waday Isbitaalka. Illaa afar Isbitaal oo ku yaalla magaalada Ankara ayaa loo kala gudbiyay dhaawacyada, waxaana Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga ka qeyb qaadanayaan sidii ehelada la socda dhaawacyada ay uga caawin lahaayeen dhanka turjumaada. Dowladda Turkiga ayaa dadaal xooggan ku bixineysa gurmadka dhaawacyada iyo sidii xaaladooda loola tacaali lahaa, waxaana shalay u soo dirtay Muqdisho diyaarad qaas ah oo loogu tala galay in xaalada dhaawacyada lagula tacaalo. Source: goobjoog.com
-
Magaalda Ankara ee dalka Turkiga waxaa la gaarsiiyay 16 kamid ahaa dhaawacyadii ku waxyeelloobay qaraxii argagaxiso ee ka dhacay Ex koontarool Afgooye ee magaalda Muqdisho. Dhaawacyadaan oo ahaa kuwii ugu liitay dadka dhaawacmay ayaa waxaa la gaarsiiyay dalka Turkiga si loogu dabiibo halkaas,hayeeshee wararka naga soo gaaraya Turkiga ayaa sheegaya in Aamina Cusmaan Kheyre oo ka mid aheed dhaawacyada culus ee dalkaas loo qaaday ay geeriyootay intii loo sii waday Isbitaalka. Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Jaamac Cabdullaahi Maxamed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay garoonka uga hortageen dhaawacyada iyaga iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalkaas. Safiirka ayaa intaas ku daray in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ay u diyaar garowday sidii ay uga qeyb qaadan la haayeen caawinta dhaawacyada,isagoo tilmaamay in Jaaliyaddu ay lacag iska aruurisay si ay gurmadka qeyb uga noqdaan. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka waxaa kula soo xiriiray Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan. Madaxweyne Ordogan ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay qaraxii argagixisanimada ahaa ee Ex-Kaantarool, waxa uuna tilmaamay in Turkigu shacab iyo dowladba ay la qaybsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed dhibaatada soo gaartay. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey dhiggiisa Turkiga, xukuumadda iyo shacabka dalkaas garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in ficillada wuxuushnimada ah ee noocaan oo kale ah aysan marna ka horjoogsanayn shacabka iyo dowladda Soomaaliya hayaanka dib u dhiska iyo horumarinta dalka. Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu uga tacsiyeeyay Madaxweyne Ordogan iyo shacabka dalkiisa labadii halyeey ee u dhashay dalka Turkiga ee ku geeriyooday qaraxaas, kuwaas oo ,Alle ha u naxariistee, ku hawlanaa ka qeyb qaadashada dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaale ee dalkeenna. Dhanka kale, Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiye Axmed ayaa khadka taleefanka kula soo xiriiray Madaxweyneha Jamhuuriyadda, isagoo uga tacsiyeeyay muwaadiniinta birmageydada ahaa ee argagixisadu ay ku xasuuqeen isgooyska Ex-Kaantarool. Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Abiye ayaa ka wada hadlay qorsheyaasha wadajirka ah ee lagu dabar gooynayo argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolku ay dardar geliyaan dagaalka wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada. Source: goobjoog.com
-
War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda AFRIKA ayaa faahfaahin looga bixiyay duqeymo shalay ka dhacay degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasi oo Maraylanku la beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab. Sida War-saxaafadeedka lagu sheegay duqeymaha ayaa ka kala dhacday degaanada Kuunyo Barrow iyo Caliyow Barrow oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo Maraykanku sheegay in uu ku dilay afar dagaalame ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sare. War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in saddex duqeyn oo ay laba goobood ka fuliyeen ay ku burburiyeen laba gaari, waxaana labo ka mid ah duqeynta ka dhacday Kuunyo Barrow, halka duqeynta 3aad ay ka dhacday Tuulada Caliyow Barrow. Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa beenisay in duqeymaha Maraykanka xubno looga dilay , waxaana ay sheegeen in duqeymaha midkood uu ku dhintay Ganacsade caana oo ay magaciisa ku sheegeen Kuusow Xaaji Maxamed, halka duqeymaha kalena lagu laayay ilaa 12 neef oo geel ah. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyay duqeymo uu ka gaystay gobolka Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in mid ka mid ah dhaawacyadii shalay laga qaaday magaalada Muqdisho oo aheyd dumar ay geeriyootay. Aamina Cusmaan Kheyre oo dhaawaceeda ahaa mid culus ayaa la sheegay inay geeriyootay intii loo sii waday Isbitaalka. Illaa afar Isbitaal oo ku yaalla magaalada Ankara ayaa loo kala gudbiyay dhaawacyada, waxaana Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga ka qeyb qaadanayaan sidii ehelada la socda dhaawacyada ay uga caawin lahaayeen dhanka turjumaada. Dowladda Turkiga ayaa dadaal xooggan ku bixineysa gurmadka dhaawacyada iyo sidii xaaladooda loola tacaali lahaa, waxaana shalay u soo dirtay Muqdisho diyaarad qaas ah oo loogu tala galay in xaalada dhaawacyada lagula tacaalo. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan guddigii uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa shaaciyey tirada dadka weli lagu la’yahay weerarkii ka dhacay Ex-Control Afgooye. Guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in haatan la la’yahay illaa 20 qof oo isugu jira caruur iyo sidoo kale dad waa weeyn oo leh rag iyo dumar intaba. Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in caruurta la waayey ay gaarayaan illaa sideed oo 6 ka mid ah ay lab yihiin, halka labada kale ay dheddig yihiin. Dhinaca kale guddiga ayaa sheegay in weli ay ku howlan yihiin raadinta dadkaasi iyo diiwan gelintooda. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in weli isbitaalka Madiina ay yaallaan meydad aan weli la aqoonsan oo la raadinayo ehelladooda, si loogu wareejiyo. Qarixii Ex-Control oo dhacay maalin ka hor ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 100 qof, halka ay ku dhaawacmeen 148 kale oo u badnaa dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan. Weli ma jirto cidsi sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo ka mid noqday kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Caasimada. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/Cod.mp3
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka waxaa kula soo xiriiray Madaxweynaha waddankaTurkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan sida ay shaacisay Villa Somalia. Madaxweyne Ordogan ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay qaraxii argagixisanimada ahaa ee Ex-Kaantarool, waxa uuna tilmaamay in Turkigu shacab iyo dowladba ay la qaybsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed dhibaatada soo gaartay. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey dhigiisa Turkiga, xukuumadda iyo shacabka dalkaas garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in ficillada wuxuushnimada ah ee noocaan oo kale ah aysan marna ka horjoogsanayn shacabka iyo dowladda Soomaaliya hayaanka dib u dhiska iyo horumarinta dalka. Sidoo kale, Madaxweyne waxa uu uga tacsiyeeyay Madaxweyne Ordogan iyo shacabka dalkiisa labadii Muwaadin ee u dhashay dalka Turkiga ee ku geeriyooday qaraxaas, kuwaas oo ,Alle ha u naxariistee, ku hawlanaa ka qeyb qaadashada dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaale ee Soomaaliya. Dhanka kale, Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiye Axmed ayaa khadka taleefanka kula soo xiriiray Madaxweyneha Jamhuuriyadda, isagoo uga tacsiyeeyay muwaadiniinta birmageydada ahaa ee ku dhintay Qaraxii isgooyska Ex-Kaantarool. Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Abiye ayaa ka wada hadlay qorsheyaasha wadajirka ah ee lagu dabar gooynayo argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolku ay dardar geliyaan dagaalka wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada. PUNTLAND POST The post Ordogan iyo Abiye Axmed oo khadka Taleefonka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga gurmad Qaran ee oo dhowaan la magacaabay, kadib qarixii Ex-Kontrol Afgooye ayaa faah faahin guud ka bixiyey dhacdadaasi. Xubin ka tirsan guddiga, gaar ahaan kooxda qaabilsan xog uruurinta ayaa sheegay in musiibadaasi lagu waayey illaa 20 qof oo isugu jira caruur iyo dad waa weyn. Qarixii Ex-Control oo ismiidamin ahaa ayaa ka mid noqday kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho, tan iyo sabadkii 2011-kii. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-Cadaani.mp3 View the full article
-
Howlgalo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo howlgalka ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa lagu dilay xubno ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Howlgalladaan oo laba qeybood ahaa kan koowaad waxa shalay oo sabti aheyd laga fuliyay deegaanka Cali Barroow waxaana lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Howlgalka xigay oo isla shalay gelinkii dambe ciidanku ka fuliyeen deegaanka Kuunya Barroow waxaa lagu dilay sarkaal kale, sida ay xaqiijisay warbaahinta dowladda. Ma jirin wax khasaara ah oo shacabka ka soo gaaray intii lagu jiray howlagadaasi dhanka cirka ah. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada dhaca koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-301219.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Aamino Cumaan Kheyre oo ka mid aheyd dhaawacyadii cuslaa ee loo qaaday dalka Turkiga ayaa geeriyootay, kadib markii laga dajiyey garoon diyaaradeed oo ciidanka cirka dalkaasi ku leeyhiin magaalada Ankara. Marxuumada ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo lagu aaso Ankara, sida ay inoo xaqiijiyeel dad ku sugan magaaladaasi. Bukaanada kale ee la geeyey Turkiga oo gaaraya illaa 15 ruux ayaa waxaa loo qeybiyay saddexda isbitaal ee ugu waa weyn Ankara, halkaas oo lagu daaweyn doono. Dhaawacyadaan oo xaaladooda aad u liidato ayaa waxaa gurmad deg deg ah u soo dirtay dowladda Turlkiga oo qudheeda labo Injineero ahaa uga dhinteen weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho. Turkiga ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee ka soo jawaaba baaqa dowladda Soomaaliya, waxaana sidoo kale la filayaa in dhaawacyada kale qaarkood loo qaado dalka Qatar. Dhimashada weerarkii Ex-Control ayaa sii kordheysa, waxaana ay hadda sii caga cagayneysaa illaa 81 qof, sida uu xaqiijiyey guddiga gurmad Qaran ee dhowaan magacaabay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre. Qaraxaan oo ismiidaamiin ahaa, islamarkaana dhacay maalin ka hor ayaa ka mid noqday kuwii ugu khasaaraha badnaa ee Caasimada ka dhaca, tan iyo 2011-kii.
-
After Somalia truck bombing, US airstrikes target militants
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
U.S. military officials say three airstrikes conducted Sunday against al-Shabaab militants in Somalia have killed four militants. Source: Hiiraan Online -
Mid kamid ah dhaawacyadii loo qaaday Turkiga oo geeriyootay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee waddanka Turkiga ayaa laga soo xigtay in mid ka mid ah dhaawacyadii Qaraxii Ex kantarool ee loo qaaday Turkiga ay geeriyootay intii isbitaalka loo sii waday. Aamina Cismaan Kheyre oo dhaawaceeda ahaa mid culus ayaa la sheegay in ay geeriyootay ka hor inta aan la gaarsiin isbitaallada dalka Turkiga. Illaa afar Isbitaal oo ku yaalla magaalada Ankara ayaa loo kala gudbiyay dhaawacyada, waxaana Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga ka qeyb qaadanayaan sidii ehelada la socda dhaawacyada ay uga caawin lahaayeen dhanka Turjumaada. Dowladda Turkiga ayaa dadaal xooggan ku bixineysa gurmadka dhaawacyada iyo sidii xaaladooda loola tacaali lahaa, waxaana ay horay u soo dirtay Muqdisho diyaarad Militari oo dhaawacyadii liitay ka qaadday Muqdisho. PUNTLAND POST The post Mid kamid ah dhaawacyadii loo qaaday Turkiga oo geeriyootay appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku guuleestay in uu maqaayad uu leeyahay ka hor leexiyo mid kamid ah Kontaroolada laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya. Kontaroolkaan oo ku yaallo agagaarka Xaawo Taako, ayaa dhagxaantiisa la dhigay ka soo horjeedka Maqaayadda Blue Sky ee uu leeyahay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, oo aan go’aansanay inaynan magacaabin. Xildhibaanka ayaa madaxtooyada Soomaaliya uga dacwooday Kontaroolkaan maadaama maqaayadda horteeda ay istaagi jireen gaadiidka, kadibna ay kasoo lugeen jireen dadka sita karaka aqoon siga dowladda, taas oo saameyn ku yeelatay shaqada maqaayadda. Inkastoo Xildhibaanka laga hor qaaday, ayaa hadane ciidamada ay kontaroolka hor dhigeen maqaayad kale oo ku dhagan oo uu leeyahay qof shacab ah. Milkiilaha maqaayadaan ayaa yiri “Aniga Xildhibaan ma’ahi wax walba oo aan sameeyayna waa layga qaadi waayay, mana jirto cadaalad darro ka weyn in Xildhibaan laga hor qaado, qof kale oo muwaadin ahna la hordhigo, canshuurna layga qaado.” ayuu yiri Milkiilaha Maqaayadda ee hada la hor dhigay Kontaroolka laga soo raray maqaayad kale ee uu leeyahay Xildhibaanka ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Wixii ka dambeeyey weerarkii horraantii bishan lagu qaaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, oo aad ugu dhow Villa Somalia, waxaa lasii adkeeyey amniga madaxtooyada, ayada oo la kordhiyey baraha control ee dalka lagu baaro.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan iyo ma’suuliyiinta qaranka qaarkood ayaan ku baraarugsaneyn in xaafad ku taallo magaalada Muqdisho si maalinle ah dad loogu dilo, oo xaaladdeeda ay faraha ka baxday. Xaafadda Tarabuunka ilaa Haanta dheer ee degmooyinka Hodan iyo qayb kamid ah Deyniile, waxaa maalin walba lagu dilaa dad, sidoo kalane waxaa ka dhaca dagaal beeleed muddo dheer soo taagnaa. Sabtidii oo kaliya waxaa lagu dilay 5 qof, waxaana lagu dhaawacay 7 kale. Dadka la dilay qaarkood waxaa lagala dagay gaadiid ay saarnaayeen waxaana loo beegsanaya aanooyin qabiil. Sidoo kale axaddii shalay waxaa mar kale halkaas ka dhacay dagaal dhex-maray labada beel ee isku haye halkaas, kaasi oo ay ku dhinteen 5 qof. Dorraad iyo maalintii ka sii horeysay waxaa sidoo kale Haanta dheer iyo Tarabuunka lagu dilay laba qof oo la isu aaray. Beelaha ku dagaalamaya Tarabuunka iyo Haanta dheer oo ah hal beel oo dhawaan Guddoomiye iyo Golahiisa ku doortay magaalada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa jirin ilaa hadda qof isku dayday in uu wax qabto. Xaafadaha ay dhibaatadaan ka jirto waa adagtahay in ay tagaan Ciidamada Amniga, waxaana dhowr halkaas kala kulmeen dagaal kadib markii ay isku dayeen in ay kala dhax galaan maleeshiyada dagaalamaya. Dad badan ayaa is weydiinaya ilaa goorma ayey dowladda Soomaaliya ka aamusnaan doontaa dhibaatada ka taagan xaafadaasi.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa waxaa uu maanta haystaa fursad muhiim ah, oo dowladiisa u horseedi karta inay kaga adkaato dagaalka Ururka Al-Shabaab. Dadka Soomaaliyeed dal iyo dibadba ayaa waxay aad uga xumaadeen falkii argagixiso ee maalintii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, laguna laayay dad rayid ah oo arday u badneyd. Soomaalida meelkastoo dunida ka joogto ayaa waxay muujiyeen dareenkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin in dad aan waxba galabsan oo tiradooda ay intaa le’eg tahay lagu laayo Magaalada Muqdisho. Dadka Soomaaliyeed ayaa u muuqdo inay ka soo wada horjeedaan kooxaha argagixisada, balse aynaan haysan cid ku hoggaamisa, sidii dalka looga sifeen lahaa. Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa qaba inaanay Soomaalidu ka adkaan kari weynin Al-Shabaab, hase ahaatee uu gaabis ka jiro dhinaca hoggaanka dalka, haddiiba Shabaabka dalkeena laga ciribtiri lahaa. Dadka aragti fog leh ayaa waxay Madaxweynaha Somaliya kula talin lahaayeen inuu ku dhawaaqo dagaal loo dhan yahay oo ka dhan ah mintidiinta Al-Shabaab, si loo soo afjaro weerarada dhawrkii biloodba ay mar dadka ku leynayaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa iska lumiyay fursad hore oo dadka Soomaaliyeed ay ku muujiyeen midnimo iyo inay si wadajira ugu aqoonsadeen Al-Shabaab, cadowga keliya ee muuqdo ay maanta Soomaali leedahay, ka dib weerarkii boqolaalka qof ay ku gumaadeen ee ka dhacay Isgoyska 14-ka October (Ex Zoobe). Madaxweynaha ayay ahayd inuu xilligaa dareyska ciidanka xirto, kuna dhawaaqo dagaal uu horkacayo. Tan hadda taagan ayaa ah inay isa soo tareyso baaqyada ka soo yeeraya Culimada Soomaaliyeed, ee ku aadan in si wadajira loogu midoobo dagaalka Ururka Al-Shabaab, iyadoo markaasi laga gudbayo dheg xumida xilli kasta ka soo yeereysa falalka wuxuushnimada ah, ee ay dalka ka gaysanayaan. Baaqyada Culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa barbar socda farriimaha kale, ee ay Warbaahinta soo marinayaan Odayaasha Dhaqanka iyo dadka kale ee waxgalka u ah bulshada. Nabadoon Maxamed Xaashi oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Dhuusamareeb ka wada soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa Madaxda Dowladda u sheegay inay iminka haystaan fursad ay tahay in laga faa’iideysto. “Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhuba waa inay dadka tusaan inay diyaar u yihiin qaban qaabada dagaal loo dhan yahay, dadkana ay u sheegaan inay hoggaaminayaan dagaal u dhaxeeya Soomaali iyo Shabaab. Wayna cadahay inaan ka adkaan doono cadowga maalin kasta dadkeena iska leynaya.” Ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xaashi. Nabadoon Maxamed Xaashi ayaa tilmaamay inay fursaddu tahay mid aan markasta la helin, Madaxda Qarankana looga baahan yahay inay iclaamiyaan dagaal ay hormuud u yihiin. “Fursad waa mar ku soo martay, lamana khasaariyo. Hadda waa inay Madaxda Dalka ku dhawaaqaan dagaalka lala gelaayo cadowga. Dadka Soomaaliyeed waxaan leenahay qofkii maanta qarax ka badbaado, berri kama badbaadi doono. Hadduu Shabaab maanta ku dilin, wuu ogyahay inuu maalin kale ku dilayo, intuusan ku dilin iska horleexi cadowga.” Ayuu yiri Nabadoon Xaashi. Nabadoon Cabdi Cali Guure oo isna ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Galmudug ee kuna sugan Magaalada Dhuusamareeb, oo xoojiyay baaqa Nabadoon Maxamed Xaashi ayaa yiri “Umadda Soomaaliyeed waxaan leenahay Al-Shabaab haddeysan ku dilin, waxay dilayaan walaalkaa, walaashaa, hooyadaa, aabahaa, adeerkaa, habaryartaa, eedadaa iyo carruurtaada. Waxaas oo dhan inteysan kuugu imaan, kabaha u xirta dagaal aad la gashaan.” Nabadoon Guure ayaa waxaa uu yiri “Doorka ugu weyn ee dagaalkan waa inay qaataan bahda Warbaahinta. Warbaahinta iyadaa wax xumeysa, waxna hagaajisa. Intaas ayaan leeyahay.” Madaxda Qaranka ayaa waxaa lagu dhaliilaa markasta oo dhib dhaco inay cambaarayn oo keliya kaga soo hartay, oo aanu jirin ficil intaa dhaafsiisan. Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan bahalnimada ah, marka laga soo taggo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku eedeeyay mintidiinta Al-Shabaab. Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay 86 qof oo rayid u badan, halka in ku dhow 150 kalena ay ku dhaawacantay, waxaana uu noqonaya kii saddexaad ee ugu dhiig daadashada badnaa, kana dhaca Magaalada Muqdisho, taariikhda inta ay xuseyso.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar-___-Qumanah-Warraka-29122019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ansixiyay qorshaha iyo miisaaniyadda sanadka 2020-ka ee magaalada Muqdisho. Dhawaan ayuu guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho u magacaabay Guddi gaar ah in ay soo diyaariyaan Qorshaha maamulka iyo miisaaniyadda sanadka 2020-ka ee ku aadan caasimadda. Kulan maanta ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda, Cumar Maxamuud Maxamed ayaa lagu soo bandhigay Qorshaha iyo Miisaaniyadda sanadka 2020 iyadoo ay kulankaaasi qayb ka ahaayeen Guddoomiye Xigeenada Gobolka, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Agaasimayaasha guud, Agaasime Waaxyada iyo la taliyaal dhoowr ah waxaana looga dooday Qorshaha horumarinta Gobolka iyo Miisaaniyadda sanadka soo socda. Qorshaha uu Maamulka Gobolka soo bandhigay maanta ee looga dooday shirka wadatashiga ayaa waxa uu ka koobanyahay 6 tiir oo waawayn oo kala ah; 1. Amniga, Siyaasadda iyo Cadaaladda 2. Horumarinta adeegyada Bulshada 3. Dib u dhiska 4. Horumarinta Dhaqaalaha 5. Dib u habaynta Ciidanka ilaalinta Deegaanka Xamar 6. Maamul wanaagga Sidoo kale, waxa iyana shirka maanta looga dooday Miisaaniyadda sanadka 2020 ee Dowladda Hoose iyadoo dood dheer ka dib lagu ansixiyay Miisaaniyadda oo sandkaan noqonayso $32, 977,123 oo ah ku talagalka sanadkaa. Miisaaniyadaan ayaa aadi dootno qaybaha Mushaaraadka shaqaalaha, dib u dhiska magaalad, ADeegyada bulshada, iibka Agabka iyo kharaashaadka la xiriira maamulka. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay xeritaanka shrika ayaa sheegay in xilligaani ay muhiim tahay in Maamulka Gobolka la yimaado qorshe cad ee uu ku hagaayo horumarka magaalada Muqdisho waxa uuna balanqaaday in loo istaagi doono fulinta halbeegyada horumarineed ee loo dajiyay sanadka cusub in la fuliyo. View the full article
-
Popular Contributors
