-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar-____-Qumnaha-Wararka-15012020.mp3 View the full article
-
Magaalada Wardheer waxaa dhacay shir looga arrinsanayey adkaynta iskaashiga nabbada iyo xuduudaha dowladda Itoobiya, gaar ahaam dowlad deegaanka Soomaalida iyo dowladda Puntland ee Soomaaliyeed. Shirka ayaa looga wada hadlay sidii layskaga kaashan lahaa amniga iyo nabbadgalyada labada dhinac, horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha, waxaa sidoo kale looga hadlay ka hortaga iyo maaraynta qulqulka muhaajiriinta labada dhinac, gaar ahaan Itoobiyaanka u tahriibaya gudaha Puntland. Puntland shirkaas waxaa uga qeyb galay wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Maxamed C/raxman Dhabancad, ayna ka mid ahaayeen Cabdulaahi Cabdi Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Cabdiqafaar Cilmi Xaange Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta dhaqaalaha, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi, Mukhtaar Jayte oo ah Agaasimaha nabad sugida, Khalif Ciise Mudan oo ah Lataliye madaxweynaha Puntland, Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore iyo Gudoomooiyaha gobolka Cayn Mudane Guuleed. Dhanka Itoobiya waxaa uga qeyb galay wafdi uu hogaaminayay Taliyaha Ciidanka Militariga Federaalka ee qaybta Hararge ee Bari General Sawdu Balay, ayna kamid ahaayeen ku xigeenka hogaanka DDS, Taliyaha ciidanka gaarkaa ee DSS, Taliye ku xigeenka Booliska DDS, Qunsul dowladda Itoobiya u fadhiya Puntland General Mabratu, Gudoomiyaha gobolka Doollo iyo saraakiil maamul iyo hay’adaha Amniga ee heer Federaal iyo mid deegaanba ah. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Itoobiya oo shir ku yeeshay Wardheer appeared first on Puntland Post.
-
ADDIS ABABA (Reuters) - Ethiopia proposes to hold its national vote on Aug. 16, the electoral board said on Wednesday, the first poll under Prime Minister Abiy Ahmed who has eased political restrictions and taken steps to open the economy since taking office in 2018. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamanka labaad ee Galmudug ayaa sheegay in xubno ka mid ah xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay diideen in ay bixiyaan karaka Aqoonsiga, islamarkaana lagu xujeeyey inay u codeeyaan mid ka mid ah musharaxiinta guddoonka baarlamanka si karaka loo siiyo. Xildhibaanada ayaa sheegay in hadda aysan heysan wax aqoonsi oo caddeynaya in ay yihiin xildhibaano, si ay u codeeyaan. Xeeladdan ayaa sidoo kale laga yaabaa inay tahay mid la doonayo in lagu xaqiijiyo inaysan codeyn xildhibaanada aan taageeresaneyn musharaxa dowladda ee Dr. Maxamed Gacal. Walaac badan ayaa laga muujiyay sida lagu kala aqoonsan doono xildhibaanada iyo dadka caadiga ah xilliga doorashadda guddoonka baarlamaanka, waxaana suurta-gal ah inay codeeyaan dad aan xildhibaano ahayn. Dhinaca kale, wasiiru dowlahii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Wehliye Faarax, oo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha, ayaa sheegay in xubno ka mid ah dowladda dhexe ee Soomaaliya ay handaad ku hayaan xildhibaanada Galmudug ee dhawaan lasoo dhisay. Waxaa uu sheegay in lagu amray in aysan la kulmi karin musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimadda Galmudug, islamarkaana liiska laga saari doono shaqsigii salaama musharaxiinta aan ka aheyn midka dowladda. Cabdullaahi ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dhibaato badan ku heyso degaanada Galmudug, islamarkaana haddii aan wax laga qaban dhibaatooyin badan ay ka dhalan doonaan. Dowladda Soomaaliya ayaa awood ciidan iyo mid dhaqaale ku bixineysa sidii Galmudug madax looga dhigi lahaa shaqsiyaad ay wadato oo aan ku iman rabitaanka dadka deegaanka.
-
Muqdisho (SMN) – Kalfadhiga 6-aad kulankiisa 31-aad ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15/01/2020 uu Golaha Shacabka ku yeeshay xarunta Golaha, kaasoo Ajendahiisu ahaa u codeynta Wax-ka bedelka Sharciga iibka Qaranka iyo u Codeynta Wax-ka bedelka Sharciga Furdooyinka. kulanka waxaa Shir-guddoominaayey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, Warbixinta Guddiga Maaliyadda waxaa soo jeediyey Xog-hayaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Mudane Xildhibaan Aadan Cali Xasan. Wax-ka bedelka Sharciga iibka Qaranka waxaa u codeysay 141 Xildhibaan. Wax-ka bedelka Sharciga Furdooyinka Waxaa u codeysay 141 Xildhibaan. Labada Sharci sidaas ayaa Golaha Shacab ku ansixiyeen. Shacigani wuxu abuurayaa hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliya oo ilaalin doonta tayada alaabooyinka la dhoofinayo iyo kuwa loo soo dhoofinayo dalka. Waxa kale oo uu fududeynayaa in Ganacsigeena si fudud loogga aqbalo suuqyada Gobalka, kuwa Carabta iyo Caalamka ba. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaaho Cali Xassan ayaa uga mahad celiyay xildhibaanadda Golaha Shacabka u codeynta sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhawrka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay mashruuc degmada Kaxda loogu dhisaayo xarun Caafimaad oo bulshada si bilaash loogu adeego, mashruucan ayaa qeyb ka ah mid lagu hirgalinaayo school ay carruurta si bilaash ah wax ugu bartaan iyo sidoo kale Masjid lagu cibaadeesto. Mashaariicdan la dhagax dhigay waxaa ka warbixiyay guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed. Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Aadan Sheikh Cali Fiidow waxa uu tilmaamay in muhiimad gaar ah ay siin doonaan hirgalinta adeegyada aas aasiga ah. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa balan qaaday in maamulkiisa uu xoojin doono mashaariicda kor loogu qaadayo dib udhiska Caasimadda. View the full article
-
Washington (Caasimada Online) – Militariga Mareykanka ayaa qirtay inay baxsadeen qaar ka mid ah raggii fuliyey weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya. Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay saddex qof oo Mareykan ah, oo ka kooban askari iyo laba qanadaraasle, halka laba kalena lagu dhaawacay. Afhayeenka taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM, Col. Christopher Karns ayaa email uu u diray wargeyska Washington Post ku qirtay inay baxsadeen qaar ka mid ah raggii weerarka soo qaaday. Qirashadan ayaa imaneysa ayada oo dowladda Kenya ay horey u sheegtay in la wada dilay raggii weerarkaas fuliyey. AFRICOM ayaa sidoo kale saraakiil sare u dirtay saldhigga Manda Bay, si ay baaritaan ugu sameeyaan weerarkaas, iyo sida ay Al-Shabaab ugu suurta-gashay inay soo galaan saldhigga. “Al-Shabaab waa koox aan arxan lahayn, waana in wax laga qabtaa ka hor inta aysan gaarin goobo kale, oo ay ka mid tahay damacooda ah inay weeraraan muwaadiniinta Mareykanka iyo gudaha dalka Mareykanka,” waxaa sidaas yiri taliyaha AFRICOM Gen. Stephen J. Townsend.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-15012020.mp3 View the full article
-
(SLT-Addis ababa)-Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya (Ethiopian Airlines) ayaa daboolka ka qaadday in ay dhisayso madaarka diyaaradaha ee ugu weyn Afrika. Waxa uu ka weynaan doona madaarka Dubai waxaanu leegaan ama ka weynaan doona madaarka cusub ee Istanbuul(Turkey). Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines Mr Tewolde Gebremariam ayaa sheegay in madaarkan laga dhisi doono duleedka magaalada Bishoftu oo dhanka Koonfur Bari ka xigta magaalada Addis Ababa. Waxa uu dhulka loo qorsheeyay cabirkiisu yahay 34KM oo isku wareeg ah waxaana ku baxaysa lacag dhan 5 Bilyan oo doollar, islamarkaana uu u adeegi doono rakaab dhan 100 milyan sanadkii. Madaarkan oo ka mid ah qorshaha shirkadda ee 2035 ayaa lagu tilmaamay madaar caasimad ah oo leh adeegyada bulshadu u baahan tahay sida meelaha laga dukaamaysto, hotellada, xarumo tababar iyo meelaha alaabooyinka Source
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xariga ka jaray xarunta Haamaha Keydka Shidaalka ee Ocean Petroleum iyo Isbitaalka AYAAN oo labadaba laga hirgeliyay Boosaaso. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey dadkii kasoo shaqeeyay hirgelinta xarumahan oo muhiim u ah Bulshada gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray Xabsiga weyn ee magaaladda Boosaaso, halkaasi oo uu warbixin kaga dhegaystay masuuliyiinta Xabsiga, oo uga warbixiyey xaaladda Xabsiga iyo maxaabiista ku jirta. Waxaa Madaxweyne Deni kormeerka ku weheliyay, xubno ka mid ah goleyaasha kala duwan ee dowladda, maamulka gobolka iyo kan degmada iyo qaar ka mid ah saraakiisha laamaha amniga ee dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray xarumo ganacsi oo cusub appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Saddex ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta isbahaysi uga dhowaaqay magaalada Dhuusomareeb kadib kulan ay yeesheen. Isbahaysigan ayaa waxaa ku midoobay C/raxmaan Odawaa oo ka tirsan Xisbiga UPD, Kamaal Dahir Guutaale oo ka tirsan Xisbiga Wadajir iyo C/llaahi Faarax Wehliye oo horey u ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya. C/llaahi Faarax Wehliye kama tirsana xisbiyada mucaaradka, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu haysto taageerada kooxda Ahlu-Sunna, oo 20 xildhibaan ku leh baarlamanka Galmudug. Isbaheysiga saddexdan musharax ayaa ujeedkiisu yahay inay u midoobaan musharaxa ay dowladdu wadato ee Qoor Qoor, una xaqiijiyaan in midkood uu guuleysto. Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale xooggan iyo awood iyo ciidan isugu gaynaysa sidii ay madaxweyne uga dhigi lahayd Qoor Qoor. Saddexdan musharax ayaa isbahaysiga sameystay kadib markii ay arkeen ficillada dowladda, howsha ka socota Dhuusamareeb iyo in dowladdu ay dhex dhexaad ka aheyn hanaanka doorasho. Isbahaysigooda ayaa halis ku ah rajada Qoor Qoor, waxaana la rumeysan yahay inay haddii ay isku geeyeen awooddooda ay haystaan taageero ku filan in midkood uu noqdo madaxweyne, kana adkaadaan madaxweyne la wato ee Qoor Qoor.
-
Buulo Burte (Caasimada Online) – Odoyaasha Dhaqanka degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan ayaa eedeyn kulul u jeediyay madaxweynaha Hirshabelle iyo wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle, iyaga oo ku eedeeyay in ay hurinayaan colaado sokeeye oo ka qarxa magaaladaas. Odoyaasha oo shir ku qabtay maanta degmada ayaa sheegay in madaxweynaha iyo wasiirka ay ku khasbayaan dadka deegaanka in la dhiso Gole Deegaan oo aan laga sameynin meel kale oo ka mid ah Hirshabelle. Sidoo kale, odoyaasha ayaa sheegay inay aad ula yaabeen in dhismaha gole deegaan laga billaabo Buulo Burte, iyada oo degmada ay ku jirto go’doon, halka aan loo sameynin gole deegaan magaalooyinkii nabadda ahaa sida Jowhar, Balcad, Beledweyne iyo Jalalaqsi, taasina ay tahay wax aan la fahmi karin. Odoyaasha ayaa sheegay in cabashadooda ay kala hadleen Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle iyo Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, balse ay dhagaha ka fureysteen, iyadoo madaxweynaha oo ka dhoofay magaalada iyadoo ay taagan tahay xiisaddii uu abuuray wasiirkiisa arrimaha gudaha. Odoyaasha ayaa ugu baaqay madaxda Hirshabelle in ay waqti galiyaan sidii gole deegaan looga sameyn lahaa magaalooyinka nabadda ah ee xorta ah, halkii ay khasbi lahaayeen dadweynah Buulo Burte oo ka sugayay madaxda Hirshabelle inay go’doonka ka qaadaan. Waxay sidoo kale ugu baaqeen Hay’adda CRD inay qeyb ka noqon colaaddaas laga hurinayo magaalada Buulo Burte. Ugu dambeyntii odoyaasha ayaa ugu baaqay madaxda sare ee Dawladda Federaalka, sida madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha inay soo fara-galiyaan arrintan si loo xaliyo. Waxay sidoo kale odoyaasha ugu baaqeen Dowlad goboleedka Hirshabeelle in lagala shaqeeyo waxyaabaha muhiimadda degdegta ah u leh degmada oo ay ka mid tahay furitaanka wadooyinka xiran oo saameeyey nolosha deegaanka iyo dadka.
-
(SLT-Boocame)-Wararka aanu ka helayno deegaanka Boocame ee gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan ciidammada qaranka Somaliland ay goordhoweyd la wareegen Saldhigii deegaankaasi oo ciidamada Puntland ay hore ugu hayeen gacanta. Saldhigaasi Boocame ayaa waxa gacanta ku hayey Ciidamo ka tirsan Puntland kuwaasi oo ay kala wareegen Ciidamo kale ka mid ah kuwa qaranka Somaliland oo iyagu hore uga tirsanaa Ciidamada maamulka Puntland. Ciidamadan maanta la wareegay Saldhiga Boocame ayaa waxay calanka Somaliland ka taageen gudaha saldhigaasi, waxaana hor kacayay ciidamadaasi sida la sheegay Saraakiil caan ka ah deegaanada maamulka Puntland horena uga soo goostay. Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo ka soo baxaya maamulka Puntland iyo xukuumadda Somaliland. Source
-
According to the reports, the breakaway region of Somaliland has executed six men by firing squad at Mandheera prison in the capital, Hargeysa Wednesday. Two of the executed members were related to terror charges and alleged members of the armed group al-Shabaab. The other four were executed to various crimes. Somaliland enjoys relative peace since declaring unrecognized succession from greater Somalia and is safe from al-Shabaab terror activities but the region which is still part of Somalia under the international law executed first al-Shabaab member in 2016. Rights groups have previously accused President Muse Bihi Abdi administration of human rights violations mainly on the crackdown of Journalists seen as a threat to media freedom in the thriving democratic peaceful region View the full article
-
The United States through its Embassy in Kenya has reiterated its continued fight against terrorism and lauded its partnership with the country in the war on terror. In a statement to media houses on Wednesday, during the one-year anniversary of the Dusit terror attack, the US Embassy in Kenya said it remains committed in the fight against the al Shabaab threat. The attack at the Dusit D2 complex a year ago left 21 people killed during a 20-hour long siege. The embassy also lauded the multi-agency security team that took part in the rescuing of survivors from the hands of terrorists. “We again commend the speed and courage of the response by the Kenyan security services who rescued hundreds of innocent civilians and ended the assault,” read the statement. Over 700 were safely evacuated from the complex thanks to the team of security personnel. They added, “Al-Shabaab’s ongoing efforts to destabilize democratic, open societies represent a destructive threat in Kenya and East Africa. The United States and Kenya are training, sharing information, and fighting side by side to defeat this terrorist organization.” The US Federal Bureau of Investigation, FBI and Kenya’s DCI, weer in the front line during the investigations into the attack. Among the Americans killed was I-DEV International CEO, Jason Spindler. The siege at the complex started on Tuesday, January 15 and continued till around 10 am the following day. A group of four attackers from the al Shabaab militia group stormed the complex in two vehicles. One of the attackers blew himself up next to the Secret Garden restaurant. After the blast the remaining terrorists forced guards to open the gates of 14 Riverside Drive-by shooting at them and lobbing grenades as they made their way into the complex, setting ablaze some of the vehicles in the parking bay. The elite Recce squad, the anti-terrorism Police and the General Service Unit were sent in to rescue hostages and combat the militants. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Qoraal kasoo baxay Xafiiska xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa waxaa lagu faah-faahiyay xukunkii Dilka toogashada ahaa ee Maanta xukuumadda Somaliland ku fulisay Lix qof oo rag, kuwaasi oo sannadihii dambe u xidhnaa. Waxaa lagu sheegay Qoraalka kasoo baxay xeer ilaalinta Somaliland in 6-da Nin ee dilka toogashada ahaa lagu fuliyay ay hore dad kala duwan ugu geysteen dilal, isla markaana Maxkamadda Sare ee Somaliland ay ku xukuntay dil toogasho ah. Qoraalka Xafiiska xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa waxaa uu qoran sidan: Iyadoo la fulinaayo amarna maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan. 1: Gacan ku dhiigle Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay EX-ASK-pol marxuun maxamed Cabdi saleebaan. 2: Gacan ku dhiigle Xasan muxumad cismaan Ina shukri Yuusuf, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun ismaaciil faarax maxamad. 3: Gacan kudhiigle khadar Aleel xirsi Ina maryan cumar, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun siyaad Cabdi muxumad . 4: Gacan ku dhiigle Farxaan maxamad Xasan Ina khadiija khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse. 5: Gacan ku dhiigle Caydaruus khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac . 6: Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Garaad Aadan Maxamad. Goobta_Qisaasta Waxaa dilkaasToogashada Qisaasta ah lagu Fuliyey Goob fagaare ah Taas oo ka soo Horjeeda Xabsiga Mandheera. Source
