Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,073
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle dhaawacyada 16 kamid ah dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeelloobay qaraxii isgooyska Ex-Kaantarool. Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadan oo xaaladdooda caafimaad ay aad u culus tahay, waxa uuna eheladooda u xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga taciseeyey labada muwaadin ee u dhashay dalka Turkiga ee ku dhintay qaraxa Ex-Kaantarool iyagoo ku garabsiinayey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dib u dhiska dalkooda, wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga gurmadkan caafimaad ee ay u soo direen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii shalay. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan gurmadka loo fidanayo qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle dhaawacyada 16 kamid ah dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeelloobay qaraxii bahalnimo ee argagixisadu ay ku laayeen shacabkii birmageydada ahaa ee isgooyska Ex-Kaantarool. Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadan oo xaaladdooda caafimaad ay aad u culus tahay, waxa uuna eheladooda u xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran, ayada oo dowladda Turkiga ay ballan-qaaday adeegooda caafimaad. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga taciseeyey labada muwaadin ee u dhashay dalka Turkiga ee ku shahiiday qaraxa Ex-Kaantarool iyagoo ku garabsiinayey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dib u dhiska dalkooda, wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga gurmadkan caafimaad ee ay u soo direen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan muwaadiniinteenna dhaawacyada ay kasoo gaareen qarixii wuxuushnimada ahaa ee ay soo abaabuleen aragixisada. Dhinaca kale, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ayaa isku diyaarineysaa inay shacabka dhaawaca ah ee laga soo qaaday magaalada Muqdisho ay kusoo dhoweeyaan dalka Turkiga, islamarkaana ay u fidiyaan wixii ay adeegyo ah ay ee ay awoodaan. Arrintan ayaa imaneysan ayada oo dalka Turkiga uu ka maqan yahay safiirka Soomaaliya u fadhiya halkaas, oo maalmihii tagay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida aan xogta ku helnay. Ma cadda sababta uu safiirkaas halkaas u tagay, inkasta oo ay u badan tahay dano shakhsi ah, hase yeeshee maqnaanshihiisa ayaa kusoo aaday xilli aad loogu bahnaa inuu ku sugnaado safaaradda Soomaaliya ee Ankara.
  3. Dowladaha Filibin iyo Imaaraadka ayaa si isku mid ah u cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay Ex-control Afgooye, kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 79 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 148 kale. Wasaaradaha arrimaha dibadda dalalkaan ayaa soo saarey war-saxaafadeed ay ku sheegeen inay garab taagan yihiin dowladdafFederaalka iyo shacabkeeda, islamarkaana ay la qeybsanayaan xaalada murugada. Imaaraadka Carabta ayaa dhankiisa sheegay inay ka caawin doonaan shacabka Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan dib usoo celinta nabadda iyo xasiloonida dalkooda muddada dheer dagaallada ku soo jiray. Filibiin ayaa xustay inay kala shaqeyn doonto dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah waxa ay ugu yeertay “argagaxisada” waxaana ay ballan qaaday taageero dhinaca amniga. Labadan dal ayaa qeyb ka ah dowlado dhowr ah oo cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho, kaas oo kamid noqday kuwii ugu dhimashada badnaa oo ka dhaca caasimadda tan iyo 2011, welina ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkii shacay ee Ex-control Afgooye. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-29122019.mp3 View the full article
  5. Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka ayaa Dagaal ku dhex maray Magaalada Muqdisho Dagaalka oo ah Dagaal Beeleed. Laba Qoys ayaa waxay isku qabsadeen Dhul [...] Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xalay booqday saqdii dhaxe (1:00am) booqasho ku tagay Isbitaalka Digfeer, oo la dhigay dhaawacyadii ugu badnaa ee qaraxii shalay ka dhacay Ex-Control Afgooye. Caasimadda Online ayaa xog ku heshay in qaar kamid ah wasiirrada xukuumadda ay Ra’iisul Wasaaraha kula taliyeen in shalay duhurkii uu booqasho ku tago isbitaallada ay yaallaan dhaawacyada, balse uu ka diiday, isaga oo oo sabab uga dhigay in xilligaas aysan habooneyn in culeys dhanka amniga ah la dul saaro isbitalka oo dad badan ay ku qul-qulayeen xiligaas. “Ehellada dadkii waxyeelloobay dhammaan iyo qof kasta oo qof ka maqan yahay wuxuu ku cararayaa Isbitaallada, haddii aan saddex saacadood jidadka xirno si aan u soo aragno, maxaan soo kordhineynaa?” Ayuu yiri Khayre sida aan ka soo xigannay mid ka mid ah wasiirradiisa. “Aan ka shaqeyno in aan gargaar u helno dadkan oo uusan dhiman qof la badbaadi karay” ayuu raaciayay isaga oo kasii istaagaya shirka arrintaan looga hadlayay, sida aan xogta ku helnay. Jidadka magaalada Muqdisho ayaa la xiraa xilliyada ay madaxweyanha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay booqshiiyinka ku dhex sameynayaan gudaha magaalada Muqdisho iyo marka ay ka dhoofayaan garoonka Aadan Cadde, taas oo caqabad ku noqota isu socodka magaalada.
  7. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle dhaawacyada 16 kamid ah dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeelloobay Qaraxii shalay ka dhacay isgooyska Ex-Kaantarool ee magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu mid mid u dul istaagay dhaawacyadan oo xaaladdooda caafimaad ay aad u culus tahay, islamarkaana uu eheladooda u xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay labada muwaadin ee u dhashay dalka Turkiga ee ku dhintay qaraxa Ex-Kaantarool, wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka Turkiga gurmadkan caafimaad ee ay u soo direen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan muwaadiniinteenna dhaawacyada ay kasoo gaareen Qaraxii shalay. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan gurmadka loo fidanayo qoysaska ay dhibaatadu ka soo gaartay Qaraxii Ex Kantarool. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo saagootiyay Dhaawacyada loo qaaday Turkiga appeared first on Puntland Post.
  8. Siyaasi Ramaax Oo Maxkamadda La Horkeenay Source
  9. Diyaarad Militari oo laga leeyahay waddanka Turkiga ayaa maanta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka qaadday qaar kamid ah dadkii shalay ku dhaawacmay Qaraxii Ex Kantarool oo xaaladoodu liidato. Diyaraadda oo subaxnimadii hore ee saaka keentay daawooyin iyo dhaqaatiir Caafimaad oo Turkigu ku deeqay ayaa qaaday 16-ruux oo qaba dhaawacyo culus oo u baahan isbitaalo ka casrisan kuwa Magaalada Muqdisho si looga soo daweeyo dalka Turkiga. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sii sagootiyay dhaawacyada laga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, Waxa uuna Madaxweyne Farmaajo Alle uga baryay Dhaawacyadaas in Cafimaad taam ah ay helaan. Dhaawacyadda la qaaday ayaa waxaa wehliyo Dhakaatiir u dhashay dalka Turkiga oo kula sii tacaali doono Gudaha Diyaaradda inta ay ka gaarayaan Dalka Turkiga. PUNTLAND POST The post Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Shalay oo Turkiga loo qaaday appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo u abaabulan qaab beeleed, ayaa ka socda magaalada Muqdisho. Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu salka ku hayo dhul sharci darro ah oo ku yaalla Xaafada Tarabuunka, oo ay isku hayaan, waxaana dagalka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Rasaasta ay is dhaafsanayaan ciidamadaan ka tirsan dowladda, balse u dagaalamayo hab Beeleed ayaa waxaa laga maqlayaa qeybo badan oo ka tirsan Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa inay ku dhinteen dad gaarayo illaa 5 Qof oo u badan dad shacab ah. Sidoo kale dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 7 qof oo shacab ah, wuxuuna Isgoyska Tarabuunka kamid yahay isgoysyada ugu mashquulka badan Magaalada Muqdisho. Hay’adaha Amniga Soomaaliya weli kama hadlin dagaalka Maanta Xaafada Tarabuubka ku dhex-marayo ciidamo ka wada tirsan dowladda una abaabulan hab beeleed. Maahan markii ugu horeysay oo ay ciidamadaan ku dagaalamaan Tarabuunka, wuxuuna dagaalkooda noqday mid mar kasta soo noq noqdo iyadoo la isku hayo guryo halkaas ku yaalo. Wixii warar ah ee kusoo kordha dagaalkaan kala soco Caasimadda Online
  11. (SLT-Sanaag)-Wararka aanu ka heleyno deegaanka Midigale ee Gobolka Sanaag ayaa wxaa ay sheegayaan in maanta halkaas ay ka dhacday Israsaaseyn kooban oo Khasaaro geystay. Israaaseyntan ayaa dhexmartay dad Cadheysan iyo Ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo Maanta gaaray deegaanka Midigale ee Gobolka Dadka deegaanka ayaa sheegay in iska horimaadkan uu ka dambeeyay kadib markii dad Cadheysan kuna sugan Midigale ay banaanbax kaga hortegeen Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiye Cabdirashiid Jibriil, waxaana Ilaaladiisa ay rasaas ku fureen dadkii banaanbaxa waday, iyagoona iska caabiyay. Ugu yaraan Afar Askari uu kamid yahay Taliye ku xigeenka labaad ee Booliiska Maamulka Puntland sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa ku dhaawacmay Israsseyntii ka dhacday deegaanka Midigale ee Gobolka Sanaag. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibrii ayaa waxaa la sheegayaa inuu ku wajahan yahay Magaalada Badhan, waxaana ka socda Banaanbax xooggan oo loogaga soo horjeedo safarkiisa. Source
  12. The huge resources deployed to prop up Somalia’s central government are not being used where they are most needed in the fight against al Shabaab, says Horn of Africa expert Matthew Bryden, a day after Somalia’s deadliest attack in two years. Source: Hiiraan Online
  13. Midigale (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in iska hor imaad uu halkaasi ku dhex-marey dad Shacab ah oo careysan iyo ilaalada guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdi Rashiid Yuusuf Jibriil. Iska hor imaadka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Midigale ee gobalka Sanaag, kadib markii dad ka careysan imaatinka Gobolka Sanaag ay banaanbax kala hor yimaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka, hayeeshee ay ilaalada rasaas ku fureen. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Wafdigiisa ayaa waxaa ay booqasho ku joogaan Gobolka Sanaag iyada oo dadka Gobolkaasina aad uga careysanyihiin xilka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland. Dad ku sugan deegaanka Midigale ee gobalka Sanaag ayaa u sheegay Warbaahinta in rasaastaas ay ku dhaawacmeen ilaa 7 Ruux oo ay kamid yihiin qaar kamid ah ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland. Taliye ku xigeenka Booliska Maamul Goboleedka Puntland Caydiid Axmed Nuur iyo askar la socotay ayaa kamid ah dadka ku dhaawacmay degaanka Midigale ee Gobolka Sanaag. Dadka dhaawacmay ayaa guud ahaan tiradooda lagu sheegay 7 qof oo ay afar ka midyihiin Ciidanka iyo saddex Ardey oo ka qeyb qaadanayay banaanbaxa ka dhanka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland. Banaanbaxayaasha qaarkood ayaa la sheegayaa in ay adeegsadeen rasaas taas oo sababta in ay Ciidamada ka jawaabaan rasaastaas sababtayna in dhaawac uu halkaas ka dhasho. Sidoo kale wararka lahelayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Magaalada Badhan uu ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo imaatinka deegaano ka tirsan gobolka Sanaag uu ku tegay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdi Rashiid Yuusuf Jibriil.
  14. Italian Prime Minister Giuseppe Conte has warned Turkey against military intervention in Libya, as a deal between Ankara and the internationally-recognized government in Tripoli continues to draw criticism. Source: Hiiraan Online
  15. Abaarihii 1:00 Duhurnimo waxaa Muqdisho ka duushay Diyaarad sida Dhaawac loo qaadey Istanbul si halkaas loogusoo daweeye. Dowlada Turkiga ayaa waxay Xalay soo dirtay Diyaarad [...] Source
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax loo adeegsaday gaari weyn oo xamuul ah, lagana soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa aroortii 28-ka Disembar 2019 sababay mid ka mida qasaarihii ugu badnaa ee dad shacab ah lagu laayo magaalada Muqdisho. Weerarkan oo ka dhacay Ex. Kontrol Afgooye oo ah goob gawaarida lagu baaro, laguna qaado canshuuraha waxaa ku dhintay dad ka badan 100 qof oo u badan shacab, ayna ugu horeeyaan ardayda Jaamacadaha Muqdisho, dhaawacuna wuxuu gaaray in ka badan 120 kale. Al-shabaab oo lagu yiqiin inay sheegtaan Qaraxyada Muqdisho way ka xishoodeen inay sheegtaan mas’uuliyadda qaraxa dadka badan galaaftay ee shalay, waxayna ka door bideen inay ka aamusaan sida qaraxii Soope, iyadoo la wada ogyahay inay soo abaabuleen, kana dambeeyeen xasuuqa dadka faraha badan ee shacabka ah. Ma jirto cid uu shaki uga jiro in Shabaab ay qaraxan kasoo abaabuleen gobolka Shabeelada Hoose oo ah goobta lagu diyaariyo qaraxyada iyo is-miidaamiyeyaasha, ayna tahay kooxda kaliya oo khibrada iyo dad fuliya u heysata qaraxyadan oo kale, laakiin waxaa la is-weydiinayaa sababta ay Alshabaab u sheegan weyday qaraxyada qasaaraha badan dhaliya ee dadka badan dhintaan…? Waxaa jira laba qodob oo loo aaneyn karo in Alshabaab ay ka gaabsadaan qaraxyada ay abaabulaan ee dhaliya qasaaraha fara badan, waxayna kala yihiin: SHABAAB -MA AL-QAACIDAA MISE DAACISH..? Al-shabaab oo ah urur ku xiran Alqaacida oo mabda’ ahaan caddeeyay inuu hoos tago hoggaanka ururkaasi ee uu hoggaamin jiray Usaama Bin Laaden, haddana uu madax u yahay Ayman Aldawahiri waxaa khalad ku ah inay beegsadaan dadweynaha, iyagoo dagaalkoodu ku dhisan yahay inay iska ilaaliyaan qasaare badan oo shacabka soo gaara. Mabda’aasi waxaa muuqata inay Al-shabaab ka baxday, iyadoo dano kale ka leh inay qaraxyo waaweyn soo abaabusho, waxayna sidaasi ku feker noqotay Daacish oo iyaduna aaminsan in dadka oo dhan la leyn karo marka ay ku hoos nool yihiin dowlado ay aamisan tahay inay gaalo-raac yihiin ama Gaalo. Sidaas waxay hadda Al-shabaab ku noqotay mid raacsan Alqaacida, balse u dhaqanta sida Daacish, waxaana ugu wacan inay Alqaacida ay dunidoo dhan awoodeedii ku yaraatay oo keligeed kusoo hartay Somalia iyo inay isu bedeleyso urur dhaqaale u dirir ah. KACDOON DADWEYNE Al-shabaab waxaa kaloo ku qasbay inay ficilkooda ka gaabsadaan iyagoo ka cabsi qaba kacdoon dadweyne iyo in carada iyo murugada umadda ay keento in lagu kaco oo la iska qabto; taasina waxa y ka muuqataa sidii dhalinyarrada Soomaaliyeed ay uga falceliyeen qaraxii weynaa ee Zoope iyo kacdoonkii ay dhigeen oo dowladda Somalia ka faa’iideysan weyday, marka laga reebo in Guuto ciidamo ah lagu dhisay magaca xasuuqii Soope. Qaraxyada waaweyn ee dadka badan lagu xasuuqay oo ay Al-shabaab ka gaabsadeen inay sheegtaan, waxaa ka mida Qaraxii Hotel Shaamow sanadkii 2009 oo lagu laayay arday qalin jebineysay iyo madax u badan wasiiro ka tirsanaa dowladii xilligaasi. Waxay kaloo ka gaabsadeen Qaraxii Zoope ee Oktoobar 2017 oo in ka badaa 600 qof ay ku laayeen, waxaana ku soo xigay qaraxii shalay ee 28 Dec 2019 ee hadda dhiigiisu qoyan yahay. Qarixii Hargaha iyo Saamaha ka dhacay ee sanadkii 2011 Alshabaab ku laayeen Arday fara badan oo 100 gaaraya, wuxuu ahaa qaraxa kaliya ee qasaaraha badan dhaliyey, basle Alshabaab ay sheegatay iyadoo ku doodeysa inay dileen ciidamo ka tirsan dowladda, waxayna taasi keentay in dad badan ay Alshabaab ka horjeestaan ayna ku ogaadeen xaqiiqada Alshabaab.
  17. The UAE has strongly condemned the terror attack by a car bomb on a security checkpoint in Somalia’s capital, Mogadishu, which resulted in the death of numerous innocent civilians and the wounding of others. According to the government, at least 79 have died in the attack. In a statement, the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation stressed that the UAE strongly condemns these criminal acts and fully rejects all forms of violence and terrorism aimed at destabilizing security and stability in contravention of religious and human values and principles. The Ministry expressed its condolences and sincere sympathy to the families of the victims of this heinous crime. It also wished a speedy recovery to those injured in the attack. View the full article
  18. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo and the United Nations on Saturday condemned the attack at a busy checkpoint in Somalia’s capital Mogadishu that has claimed at least 79 lives. Farmajo sent his condolences to those affected and wished the injured quick recovery. He said terrorists targeted innocent children, mothers and their fathers who were going about their activities. “Today is a sad day that shows how terrorism has targeted our people. I share our grief with the families…I hope Allah will heal us from the wounds,” he said in a statement issued after the attack at the checkpoint in Afgoye, about 30km west of Mogadishu. A medical charity said earlier that 76 people were killed and 70 others injured in the suicide truck bomb blast. Abdulkadir Adan, the founder and chairman of Aamin Ambulance told Xinhua that the death toll in Saturday’s car bomb blast has been rising since morning. “Our medical staffs on the scene confirmed they carried 76 people dead and 70 others injured, mostly civilians,” Aden said. There have been conflicting reports about the number of casualties. The death toll published by the Somalia government has remained at 30. However, a Somali MP tweeted earlier saying that he had been told the death toll stands at more than 90, including 17 police officers. Sources said among the dead included foreign nationals who were involved in road construction. It’s believed that the attack was targeted at a control checkpoint used to collect taxes in the area. Deputy UN Representative in Somalia Adam Abdelmoula condemned the attack, noting the world body stands with the people of Somalia during the difficult moments. “I condemn today’s barbaric attack in the strongest possible terms. My prayers are with all those affected. The UN stands firm in its continued solidarity with the people of Somalia and their government,” said Abdelmoula in a tweet. Omar Mohamud Filish, the Governor of Benadir Region and also Mayor of Mogadishu said in a press conference in Mogadishu that more than 90 people were injured in the attack and the officials are still following up on the casualty toll. According to Filish, the vehicle involved in the attack was a truck that blew up at a busy road near the checkpoint where there were several vehicles that waited for security check before they could proceed with their journey. Eyewitnesses told Xinhua they had seen many bodies scattered on the road. “I have seen people who lost their limbs screaming, it was a terrifying scene,” Lul Qali, an eyewitness said. At least 15 students from Banadir University who were traveling in a minivan were also killed, according to multiple sources. The loss came barely two months after the university marked a decade since the Shamo Hotel attack in Mogadishu which killed at least 20 graduands, teachers and government officials. On Dec. 10, al-Shabab extremists stormed a popular hotel in Mogadishu, which left at least four people dead and six others injured. No group has so far claimed responsibility for the latest attack but al-Shabab militants carried out such attacks in the past. The high civilian toll is likely to explain the group’s silence in claiming responsibility on Saturday. The latest attack could be the third deadliest one in the country’s history since a truck bombing in October 2017 in Mogadishu which left over 500 people dead and more than 300 others injured. The previous deadliest attack occurred on Oct. 4, 2011 at Hargaha and Saamahain in which around 100 people were killed. View the full article
  19. Mudaharaad lagala horyimid Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirshiid Yusuf Jabril ayaa isubadalay rabshado kadib markii Dadka Mudaharaadayay Dad kamid ah oo hubaysan ay Rasaas ku tiden [...] Source
  20. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga Wadani ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa si qiiro leh uga hadlay weerarkii khasaaraha badan geystay ee shalay ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdihsho. Cirro ayaa ugu horreyn tacsi u diray dhammaan ehellada ay dadkoodu ku dhinteen weerarkaasi, isagoo kuwa dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg deg ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jirin naxdin iyo tiiraanyo ka weyn in la gummaado shacab aan waxba galabsan, gaar ahaan arday iyo dad xoogsato ah. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Muqdisho in aysan is dhiibin, islamarkaana ay ka shaqeeyaan horumarkooda. Halkan hoose ka aqriso: Naxdin iyo tiiraanyo ka weyni ma jirto in la gummaado shacab aan waxba galabsan, ardaydii ahayd ubixii soo kacaayey, xoogsato shaqo tag ah, runtii waxa aan si weyn u tacsiyadeynayaa ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba qaraxii bahalnimada iyo ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Ilaahay inta dhimatay naxariistiisa janno haka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah ha siiyo, waxa aan leeyahay dadka reer Muqdisho ee dhibkaasi soo gaadhay, ha is dhiibina walaalayaal! Illaa iyo hadda ma jirto cid dhabarka u ridatay weerarkaan oo ay ku dhinteen ku dhowaad 100 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in maanta dhaawacyada halista ah loo qaadayo dalka dibaddiisa, gaar ahaan dalka Turkiga.
  21. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa Tacsi u Diray u Diray Shacabkii ku Dhintay Qaraxii Shalay ka Dhacay Muqdisho Source
  22. Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur Taliye ku xigeenka labaad ee Booliiska dowladda Puntland, sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur iyo saddex askari oo kale, ayaa ku dhaawacmay rabshado saaka ka dhacay degaanka Midigale ee gobolka Sanaag. Goob-joogayaal ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay, in Rabshadaha ay bilowdeen, kadib markii dad caraysan ay mudaharaad kala hortageen wefdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo halkaasi gaaray, kuna sii jeeday magaalada Badhan ee isla gobolkaasi. Saddex Arday oo qeyb- ka ahaa mudaharaadk,a ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku dhaawacmeen rasaas ay halkaasi ka dhacday, inkastoo aan weli xog dhammaystiran laga helin khasaaraha. Dadka mudaharaadka samaynayay, ayaa sida la sheegayo waxaa ku jiray qaar hubaysan oo rasaas ridayay, taasi oo keentay in ciidanka la socday wefdiga ay dhankooda rasaas ugu jawaaban. PUNTLAND POST The post Taliye xigeenka Booliiska Puntland oo ku dhaawacmay Rabshado ka dhacay Midigale appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta isbitaallada Muqdisho buux dhaafiyey boqolaal shacab ah oo ka kala yimid inta badan degmooyinka gobolka Banaadir. Dadkaan ayaa raadinaya qaar ka mid ah ehelladooda oo la waayey, kadib qaraxii ismiidaamiinta ee shalay ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdosho. Isbitaallada Madiina iyo Digfer ayey dadku isugu tageen, halkaas oo la dhigay dhaawacyadii ugu badnaa dadkii ay waxyeeladu soo gaartay. Sidoo kale waxaa jira dad badan badan oo nolol iyo geeri la waayey, maadaama qaraxu uu geystay dhibaato aad u ba’an, islamarkaana uu saameeyey dad badan oo rayid ahaa. Dhinaca kale wasiirka wasaarafadda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa faah faahin ka bixiyey xaaladda dadka dhaawacyada ah ee la dhigay isbitaallada waa weyn ee magaalada Muqdisho. Wasiir Maareeyey ayaa sheegay in dhaawacyada kuwa daran maanta loo qaadayo dalka dibaddiisa, gaar ahaan Turkiga. Sidoo kale wuxuuu tilmaamay inuu Turkiga uga mahadcelinayo sida deg dega ah oo uu ugu soo gurmaday dadkii ay waxyeelo ka soo gaarty qaraxii Ex-Koontarool Afgooye. Tan iyo shalay markii uu dhacay weerarkaan oo ismiidaamin ahaa ayaa waxaa socda gurmad xoogan, iyadoo xukuumadda Soomaaliya ay guddi u saartay dhacdadaasi.
  24. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kulan Isla-Xisaabtan ah la yeeshay, laamaha kala duwan ee dakhli-uruurinta Jubbaland, si uu u hubiyo shaqada ay hayaan, isla markana looga wada hadlo qorshayaasha Sanadka soo socda lagu kobcinayo nidaamka Maaliyada Jubbaland. Wasaarada Maaliyada Jubbaland, Maamulka Garoonka Diyaaradaha iyo Dekeda Maamulka Degmada Kismaayo iyo Maamulka Hay’ada dhul bixinta, ayaa ka qaybgalay kulankan Isla-xisaabtanka ah oo uu goob joog ka ahaa Hanti dhowraha Guud ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Ugu horayn, Wasaarada Maaliyadda Jubaland,ayaa soo gudbisay Hanaanka Maaliyadda Jubaland iyo qaababkii uu u korayay Sadexdii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo caqabado ay jireen hadana wax badan oo wanaagsan la qabtay si gaar ahna ay dalalka caawiya Soomaaliya ay la dhacsan yihiin hanaanka Maaliyada Jubbaland, iyadoo waliba loo baahan yahay in dib u habayn baaxad leh lagu sameeyo hanaanka Maaliyada Jubbaland. Sidoo kale, darafyada ka qaybgalay kulankan ayaa soo bandhigay caqabadaha jira iyo sidii xal loogu heli lahaa, iyadoo waxyaabaha aad diirada loogu saaray ay kamid ahayd, sidii dib loogu habayn lahaa heshiisyada ay Dowladu kula jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka howlgala qaar kamid ah ilaha dhaqaalaha Dowlada iyo sidii isla Xisaabtankan loogu salayn lahaa meelaha ay habacsanaantu ka jirto. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hanaanka Maaliyada Jubbaland loo baahan yahay inuu noqdo mid aamin ah oo ka madaxbanaan musuq ,si taas loo Helena loo baahan yahay isla Xisaabtan joogto ah iyo in sharciga Maaliyada loo maro dhamaan shaqooyinka la xiriira arimaha dakhliga. Waxaa kulanka maanta kasoo baxay go’aamo wax badan ka badalay hanaanka Maaliyada Jubbaland waxaana kamid ah. in dib loogu noqdo dhamaan heshiisyada lagula jiro shirkadaha iyo Hay’adaha gaarka loo leeyahay iyadoo mudnaanta lasiinayo Faa’iidada Dowlada iyo Dadweynahu ay heshiisyadan ku qabaan. In bilowga Sanadkan la bilaabo canshuuraha dhiman ee aan hada la qaadin sida canshuurta bariga iyo kastamyada guud ahaan Jubbaland iyadoo Wasaarada Maaliyadu ay noqonayso mid qaadata masuuliyada uruurinta dakhliga guud isla markana ay si deg deg ah uga howlgasho dhamaan deeganada Jubbaland sidii canshuur mid ah looga qaadi lahaa bilowga Sanadkan. 3. In lala dagaalamo musuqa isla markana cidii lagu helo ay mudato ciqaab adag iyadoo loo marayo sharciga. 4. Dib u habaynta canshuuraha iyo in la kordhiyo ilaha canshuuraha laga qaado ayaa kamid ah go’aamada laga soo saaray kulanka maanta. PUNTLAND POST The post Jubaland oo ciqaab adag marinaysa mas’uulkii Musuq maasuq lagu helo appeared first on Puntland Post.
  25. As the New Year begins in 2020, the Federation of Somali Journalists (FESOJ) has begun consultations with journalists in different parts of the country for the key strategic priorities of next year to raise their voices in concern about the fast-shrinking space for the free expression of ideas and opinions and increasingly limited access to information for the media and citizens of Somalia Source: Hiiraan Online