Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa hadda dhamaatay tirinta codadka doorashada guddoomiyaha baarlamaanka 2-aad ee Galmudug, waxaana codadka ugu badan helay Maxamed Nuur Gacal. Gacal oo horay uga tirsanaa xafiiska ra’isul wasaare Xasan Kheye ayaa waxaa uu ku guuleystay wareegga 1-aad ee doorashada. Natiijada: Maxamed Nuur Gacal: 54 cod Cabdinaasir Aden Cusmaan: 34 Iyo Cod Halaabey; La soco, doorashooyinka xiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. DHUSAMAREEB (HOL) - A former advisor at the Prime Minister’s office Dr.Mohamed Nur Gaa’l has been elected the new speaker of Galmudug parliament. Source: Hiiraan Online
  3. Waxaa hadda xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb ka socda tartanka doorashada guddoonka, dadka u tartamaya jagada guddoomiyaha waxaa ka mid ah Maxamed Nuur Gacal Dhalashada: 1966, ayuu ku dhashay Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud Waxbarashada: 1987, ayuu ka baxay Dugsiga Sare, Muqdisho 1988, ayaa qaatay Diblooma heer dhexe_ Machadka maamulka & maareynta Jaamacadda Carabta Ee Muqdisho 1995, ayuu shahaadada 1-aad ee Sharciga ka qaatay Jaamacadda Umudurmaan ee Sudaan 1999, ayuu ka qaatay Diblooma sare, Machadka maareynta masiobooyinka ee Jaamacadda Caalamigaa ee Afrika 2000, Ayuu Diblooma Sare ee Qaanuunka Guud ah ka qaatay Jaamacdda Al-neeleyn/Sudaan 2001, Ayuu Shahaadada 2-Aad oo maareynta Masiibooyinka ah ka qaatay Jaamacadda Caalimga ah ee afrika 2008, ayuu shahaadada 3-aad ee Sharciga ka qaatay Jaamacadda Umul darmaan ee Dalka Sudan. DHANKA SHAQADA: Wuxu kasoo shaqeeyay Jaamacadda Muqdisho, soo noqday hormuudka kuliyada sharciga 2013-2014 wuxu ahaa wasiru dowlaha arrimaha dibadda 2014-2016: wuxu soo noqday la taliye arrimaha dib u heshiisiinta Xafiiska PM Ugu danbeyn, 2019 kii xubin guddiga dib u heshiisiinta DGGM. Source: goobjoog.com
  4. Waxaa hadda xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb ka socda tartanka doorashada guddoonka, dadka u tartamaya jagada guddoomiyaha waxaa ka mid ah Cabdinaasir Aadan Cusmaan. Haddaba, Waa Kuma Cabdinaasir Cusmaan: Akhriso: Taariikh Nololeedka oo Kooban: Wuxu ku dhashay degmada ceel dheer 1973 Waxbarasho: Wuxuu waxbarashadiisa inta badan ku qaatay Muqdisho, Wuxuu heerka 1-aad uga baxay Jaamacadda SIMAD kulliyada maamulka iyo maareynta Wuxu ka qaatay sahaadada labaad ee (Master Degree-ga ) Jaamacadda JKUAT ee Dalka kenya, isagoo ka diyaariyey Culuumta Horumarinta ( Development Studies) Khibrad Shaqo: wuxuu kasoo shaqeeyay arrimaha bulshada iyo Horumarint wuxuu kaso shaqeeyay arrimaha gargaarka iyo bini aadanimada isagoo lasoo shaqeeyay hay’adda caalmi ah sida UNICEF, MSF iyo Islamic releif Somalia. Wuxu kasoo shaqeeyay arrimaha siyaasaadda iyo Diblomaasiyadda Source: goobjoog.com
  5. Athens (SMN) – Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu waramayaa in lagu dilay waddanka Gariiga gaar ahaan magaaladda Lesbos. Dilka marxuumka oo magaciisa lagu soo koobay Axmed ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen Soomaali kale. Ma cadda sababta ka dambeysa geerida Axmed. Hase ahaatee, wararku waxay sheegayaan in uu jiray khilaaf dhexdooda ahaa. Laamaha ammaanka Gariiga ayaanan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadaan, wallow aysan ka jawaabin dalabyo loo diray. Gariiga ayaa kamid ah dalalka ay dhibaatooyin kala duwna loogu geystaa Soomaalida ku nool, kuwaas oo aan badankood cadaalad helin. View the full article
  6. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa goordhow ka bilaabatay doorashada guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug,waxaana ku sugan inta badan Xildhibaannada Cusub ee Maamulka Galmudug. 7 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka Guddoonka,waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka u tartamaya Saddex Musharax oo kala ah,Dr. Maxamed Nur Gacal, Cabdinasir Aaden Cismaan iyo Cabdullaahi Axmed Calasow. Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa waxaa u taratamaya Saadaq Sheekh yuusuf & Cabdullaahi Xersi Maxamed,halka kuxigeenka labaad ay ku tartami doonaan,Axmed Maxamed Maalin iyo faadumo Cabdi Cali. Hoos ka daawo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug 
  7. Waxaa goordhow xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb ka bilaaban-doona doorashada guddoonka baarlamaanka 2-aad ee maamulka. Guddoonka waxaa u taagan musharaxiinta kala ah Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Cabdinaasir Aadan Cusmaan oo labaduba doonaya jagada guddoomiyaha, waxaa la sheegayaa inuu tanaasulay Cabdullaahi Axmed Calasow Shiine. Guddoomiyaha Gudiga Doorashada Maxamed Tahliil ayaa hadda sharaxaya habraaca cod bixinta iyadoo dhamaan 89 xildhibaan ee Golaha wakiilada Galmudugna ay diyaar u yihiin doorashada manta. Xildhibaannada baarlamaanka ayaa kaararka laga siiyey shalay kadib markii muddo laga heystay, waxaana la rumeysan yahay in ay jirto faragelinta xafiiska ra’isul wasaare Xasan Kheyre. Wararka doorashada iyo natiijada halkan kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (SMN) – Iyaddoo lagu waddo in uu Boosaaso shir uga furmo Puntland iyo Jubbaland, Senator ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay. Axmed Macalin Nadiir, gudoomiyaha Guddiga arrimaha bulshada ee Aqalka Sare, ayaa sheegay in kulankaas uu yahay “khiyaano Qaran”. Mudanaha ayaa daliishaday in madaxweyne Deni iyo dhigiisa Axmed Madoobe, aysan xaq u lahayn in ay ka hadlaan ajendaha ay shaaciyeen in ay ka tashanayaan. Madaxda kulanka ku yeelaneysa magaalo madaxda gobolka Bari ayaa tilmaamay in ay ka hadli doonan doorashooyinka 2020 iyo arrimaha ammaanka waddanka. Senator Nadiir oo degaan doorashadiisu tahay Jubaland ayaa shacabka ku waaniyey in aysan dhageysan qodobo kasta oo kasoo baxay shirkaas laba geesoodka. View the full article
  9. Hargeysa (SMN) – Beesha Caalamka ayaa si rasmi ah waxay u faragelisay khilaafka siyaasadeed ee xisbiyadda Somaliland. Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fendar, ayaa kulamo la yeeshay dhinacyadda, kadib socdaal uu shalay ku tegay Hargeysa. Ismaandhaafka ayaa ku saabsan doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka maamul goboleedkaas. Fendar ayaa mas’uuliyiinta ku tartarsiiyey in ay si wadajir ah u raadiyaan xal ku saabsan sidii doorashooyinka u dhici lahaayeen. Talaabada saaxiibada caalamka ayaa imaaneysa xili xisbiyadda mucaaradka ku eedeeyeen xukuumada in ay diidan tahay arrintaas. Doorashooyinka ayaa lix jeer dib u dhacay lixdii sano ee lasoo dhaafay, waxaana maamulka talada haya uu cuskaday “xaalado farsamo”. View the full article
  10. Dhuusamareeb (SMN) – Gudoonka ku meel gaarka ah ee baarlamaanka Galmudug ayaa digniin culus wuxuu hawada u mariyey Axmed Ducaale Geelle [Xaaf]. Xasan Keynaan Xalane, afhayeenka ku meel gaarka ah ee Golaha Wakiilada maamulkaas, ayaa sheegay Xaaf uu yahay madaxweyne waqtigu ka dhamaadey. Mr Xalane oo hadalkiisa sii wata ayaa uga digay Xaaf in uu soo cusbooneysiiyo khilaafka iyo mucaarida dhismaha Galmudug loo dhan yahay. Mudanaha ayaa carabka ku dhuftay in Xaaf ay muhiim tahay in uu u hogaan-samo heshiiska uu la galay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sikastaba ha ahaatee, Xildhibaanka ayaa hadalkaan sheegay xili uu khadka telefoonka kula hadlay idaacadda Shabelle ee Muqdisho isla markaana uu siiyey wareysi. View the full article
  11. Dhuusamareeb (SMN) – Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta lagu wadaa in uu doorto guddoon cusub. Doorashadda oo ka qabsoomeysa xarunta Shiir-kole ee magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qeybgalaya todoba murashax. Murashaxiinta ayaa u kala tartamaya xilalka gudoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen, iyaddoo si toos ah looga baahinayo warbaahintada. Dhinaca kale, waxaa xalay magaalada ka socday kulamo siyaasadeed oo loogu gogol xaarayo doorashadan oo aad loogu xifaaltamayo. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-17012020.mp3 View the full article
  13. Afgooye (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kunyo Barrow ee Gobolka shabeellada hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen. Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqayntan lala beegsaday laba saldhig oo Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Kuunyo barrow. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa dhankooda sheegay in duqeynta lala bartilmaameedsaday Xubno ka tirsan Al-Shabaab balse aysan shaacin Magacyadooda. Ma jiraan xog intaasi ka dheer oo laga helayo duqeymaha ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka shabeelada Hoose. Mudooyinkii dambe ayaa diyaarado dagaal waxaa ay duqeymo ka fulinayeen deegaano ka tirsan gobolada dalka qaar oo ay maamulaan dagaalamayaasha Al-Shabaab. Diyaaradaha Soomaaliya duqeynta ka geysto ayaa la rumeysan yahay inay kala leeyihiin wadamada Mareykanka, France iyo Kenya kuwaas oo bartilmaameysado meelaha ay ku sugan yihiin ciidamada Al-Shabaab iyo madaxdooda. Dowladda Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha ay ka geysato gudaha Soomaaliya tan iyo markii xilka madaxweynimo loo doortay Trump oo dhawaan saxiixay go’aan kor loogu sii qaadayo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab.
  14. Haweeneyda Afrika ugu taajirsan oo dooneysa in ay madaxweyne noqoto Isabel dos Santos Isabel dos Santos, oo ah haweeney u dhalatay dalka Angola, ahna haweeneyda ugu taajirsan qaaradda Afrika ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay u tartanto xilka madaxweynenimo ee dalka Angola. Haweeneydan oo hataan loo heysto fadeexo musuqmaasuq ayaa waxaa dhalay madaxweynihii hore ee dalka Angola José Eduardo dos Santos, kaas oo Angola xukumayay 38 sano. Xafiiska dacwad oogaha dalkaas ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan lacag dhan hal bilyan oo doolar oo ay shegeen in ay doonayaan inay kala soo wareegaan haweeneydaas, lacagtaas oo Dowladda Angola sheegtay in laga dhacay dowladda, haseyeeshee eedeymahaas waa ay beenisay Isabel. Ms Dos Santos, oo da’deedu tahay 46 sano jir ayaa waxay kamid tahay haweenka ugu taajirsan dunida, waxaana wargeyska the Forbes uu hantideeda ku qiimeeyay lacag dhan 2.2 bilyan oo doolar, taas oo ka dhigan in ay tahay haweeneyda ugu taajirsan qaaradda Afrika. Sanadkii 2016-ka, aabaheed oo xilligaas xilka hayay ayaa waxaa uu u magacaabay madaxa shirkadda shidaalka ee Angola, waxaana ka dhashay buuq badan. Balse shaqadaasi waxaa sanadkii 2017-ka ka qaaday Joao Lourenço oo ahaa ninkii badelay aabaheed. Maxaa kale oo ay sheegtay? Wareysi ay BBC-da kula yeelatay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxay ku celcelisay in noolasheeda ay khatar ku jirto, haddii ay dib ugu laabato Angola. Waxay intaa raacisay in ay tahay qof wadani ah, waxbadanna ay ka qaban karto dalkeeda haddii ay madaxweyne noqoto. “Hogaaminta sideedaba waa in aad dadka u adeegtaa, waxaan sameynayaa waxwalba oo ay igu qaadato,”ayay tiri. In ay u tartanto xilka ugu sareeya ee dalka ay u dhalatay ayaa ah mid aan la fileynin, sababtoo ah waxaa inta badan looga bartay in ay tahay qof ganacsato ah oo aan dan ka lahayn siyaasadda. Maxkamad ku taala dalka Angola ayaa bishii lasoo dhaafay amartay in la xanibo akoonada ay ku leedahay bangiyada dalkaas, gaar ahaan “dhaqaalihii ay ka sameysay shidaalka Angola”, kadib markii lagu eedeeyay in ay lacag lunsatay. “Waxani waa been abuur, waxayna qeyb ka yihiin weerarada la igu hayo oo ay ka dambeyso dowladda hadda jirta, waana arrin siyaasadeysan,”ayay raacisay. Nin kale oo ay walaalo yihiin, laguna magacaabo, José Filomeno dos Santos, ayaa sidoo kale loo heysta in uu ku kacay musuqmaasuq, waxaana loo heysta lacago la sheegay in uu dhacay xilligii uu aabihii xilka hayay. Qaran News
  15. Nin telefishinka toos uga qirtay fal dil ah oo uu geystay Maninder Singh ayaa wariyaha u sheegay inuu telefishinka u tagay si uu u sameeyo “qiraal” Nin u dhashay dalka Hindiya oo si toos ah telefishinka uga qirtay inuu dilay saaxiibaddiis, oo lagu magacaabi jiray Sarbjit Kaur, ayaa lagu xiray studio-ga, ka dib markii ay shaqaalihii warbaahintaas waceen booliska. Maninder Singh, oo 27 jir ah, ayaa tagay xafiiska telefsihinka News18, oo ku yaalla magaalada Waqooyiga dhacda ee Chandigarh. Markii uu xafiiska tagay ayuu nin kooxda kaamirada ka shaqeyso ah u sheegay inuu doonayo inuu sameeyo “qiraal”. Shaqaalihii ayaa markaas ka dib u kaxeeyay studo-ga, waxaana si toos ah loo baahiyay “qiraalkiisa”. Dhacdadan oo siyaabo kala duwan loo fasirtay ayaa buuq ka dhex dhalisay shuruucda saxaafadda. Mr Singh ayaa wariyaha wareysiga ka qaadayay u sheegay inuu dilay Kaur, uuna falkaas u sameeyay sababo la xiriira inuu labada qoys soo kala dhex galay khilaaf salka ku haya guurkooda. Wuxuu intaas ku daray inuu “qiraalka” u sameynayo maadaama ay boolisku dhibaato ku hayaan qoyskiisa, tan iyo markii gabadha meydkeeda laga helay hoteel ay lamaanaha dageen, 30-kii bishii December, 2019. Ninkan ayaa ilaa xilligaas baxsad ahaa. “Wuxuu rabay inuu caanbaxo, naxariisna loo sameeyo, sidoo kalena uu kiiskiisa qabto qareen u dooda, maadaama uusan heysanin lacag uu isku difaaco”, waxaa sidaas BBC Punjabi u sheegay sarkaal ka tirsan booliska magaalada Chandigarh. Mr Singh wuxuu sheegay in qoyska Kaur ay kasoo hor-jeesteen guurkooda, maadaama uu isagu kasoo jeedo qabiil kale oo aysan isku dabaqad ahayn. Booliska gobolka Punjab ayaa BBC-da u sheegay in Mr Singh sidoo kale looga shakisan yahay inuu dilay gabar kale oo saaxiib la ahayd, taasoo kasoo jeedday gobolka dariska la ah ee Haryana. Ninkan ayaa lagu sii daayay dammaanad, waxaana ku socda baaritaanno. Qaran News
  16. Dowladda Norway oo haweeney ISIS ah iyo labo carruur ay dhashay kasoo kaxeynaysa Suuriya Dowladda Norway ayaa ogolaatay in ay dalka Suuriya kasoo waddo haweeney asal ahaan kasoo jeeda dalka Pakistan islamarkaana haysata dhalashada dalka Norway kaddib muddo bilooyin ah oo ay diidaneyd. Haweeneydan lasoo wado iyada iyo labo carruur oo ay Suuriya ugu dhashay mujaahid ISIS ah ayaa ka hayaantay dalka Norway xilli ay jirtay da`da tobaneeyada, waxaana ay ku biirtay dagaalyahannadii ku sugnaa dalka Suuriya ee khilaafada Islaamka. Markii kooxda ISIS lagu jabiyay dagaalkii Suuriya bartamihii sano hore ayaa waxaa ay haweeneydan iyo kuwo kale oo carruuro sita islamarkaana haysta dhalashooyin reer galbeed ah kasoo muuqdeen kaam loo sameeyay barakacayaasha. R/wasaaraha Norway Erna Solberg ayaa xilligaas sheegtay in wixii dad waaweyn ah ee dhalashada Norway haysta ee kaamkaasi ku sugan aan lasoo wadi doonin. Kaddib cadaadis uga yimid waddamo dhowr ah ayaa waxaa ay ku khasbanaatay dowladda Norway in ay ka laabato go`aankaasi islamarkaana ay kaxeysato muwaadiniinteeda. Si kastaba howlwadeeno ka socda wasaaradda arrimaha dibedda iyo booliska Norway ayaa loo diray in ay soo kexeeyaan haweeneydan iyo carruurteeda, iyadoona iminka uu barnaamijkeedu marayo gabo-gabo islamarkaana saacadaha soo socda ay Norway soo gaari doonto. Dhanka kale hay`adda daryeesha carruurta Norway ee loo yaqaa Barnevernet iyo booliska ayaa haweeneydan iyo carruurteeda ku sugeya garoonka diyaaradaha, waxaana uu qorshuhu yahay in haweeneyda ay boolisku la wareegaan, ilamahana ay hay`addaasi gacanta ku dhigto. Sida ay qorayaan saxaafadda Norway haweeneydan ayaa lagu soo oogi doonaa dacwad la xiriirta ku biirid iyo gacan-siin urur argagixiso. Qaran News
  17. Islamabad Ambassador of Federal Republic of Somalia to Pakistan, Khadija Mohamed Almakhzoumi and Comsats Executive Director (ED) S M Junaid Zaidi in a meeting held here Thursday discussed expansion of Comsats programmes to its relatively newer member states. Source: Hiiraan Online
  18. U.S. Africa Command officials believe that al-Shabab militants from Somalia crossed the border into Kenya to conduct an attack on U.S. and Kenyan forces earlier this month in Manda Bay — with the assistance of facilitators within Kenya. Source: Hiiraan Online
  19. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Waxaa Caawa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ka socdo ololihii ugu dambeeyey ee loogu jiro xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo loo tartami doono Maalinta Berri ah. Magaalada Dhuusamareeb ayaa Caawa marti gelineyso kulamo iska soo horjeedo oo ay wadaan xubnaha mucaaradka iyo kuwa Dowladda Soomaaliya, iyadoo ay socoto kala jiidasho dhanka Xildhibaanada ah. Guryaha ay Magaalada Dhuusamareeb ka dagan yihiin labada musharax ee ka kala socdo Dowladda iyo dhincyada mucaaradka ayaa laga dareemayaa saxmad aad u badan iyo kulamo aan loo kala kicin. Wararka ay Caasimadda Online ka heleyso Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in labada dhinac ay adeegsanayaan lacago la siinayo Xildhibaanada. Qiimaha halkii xildhibaan ayaa caawa marayo lacag u dhaxeyso 10 – 15 Kun oo Dollar, waxaana lacagta ugu badan bixineyso Dowladda Soomaaliya oo Xildhibaano badan ku xareysatay guryaha ay dagan yihiin xildhibaanada iyo Mas’uuliyiinta wado ololaha Doorashada. Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana qaar ka mid ah Musharaxiinta ay walaac ka muujiyeen sida dowladda Soomaaliya ay u maamuleyso doorashadda Galmudug.
  20. Young people trafficking in the drug, which is legal in Israel, arrested in Vienna, Copenhagen, London; were likely paid by criminal groups in Israel Source: Hiiraan Online
  21. TEHRAN, Iran (AP) — Iran’s supreme leader will deliver a Friday sermon in Tehran for the first time since 2012, Source: Hiiraan Online
  22. The 100 lawmakers of the US Senate were sworn in on Thursday as jurors for the impending impeachment trial of President Donald Trump. Source: Hiiraan Online
  23. Nuxurka Kulan dhexmaray Xisbiyada Mucaaridka (Waddani & Ucid) & Safiirka Dawlada UK u fadhiya Somalia Guddoomiyayaasha labada xisbi mucaarid Ee WADDANI iyo UCID C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro” Iyo Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa galabta Magaaladda Hargeysa kullan khaas ah kula yeeshay Safiirka Dawladda Ingriiska u qaabilsan Arimaha Somalia Ambassador, Ben Fender iyo Wakiilka Dawladda Somaliland Ee Arimaha Ingriiska Mr. Stuart Brown. Kullan ayaa ku soo afmeermay Jawi degan iyado waxa ugu weyn ee laga wada hadlayna aheyd sidii dalkan doorasho uga dhici laheyd 2020 taas oo bulshadda Somaliland iyo Beesha Caalamka u arkaan iney dalkan iyo dadkanba dan u tahay balse aaney xukumadda KULMIYE diyaar u aheyn. Qaran News
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Amran Xalane oo ah Hooyo Soomaaliyeed kuna nool magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in mudo ku siman labo bilood ay ka maqantahay gabar yar oo ay dhashay. Amran iyo hooyadeed oo ah ayeeyada gabadha maqan ayaa TV-ga Dalsan u sheegay in gabadhoodii ay ku tuhmayaan xubno ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya. Hooyo Amran waxa ay sheegtay in gabadheedu aysan qaan gaarin dhawaan laga keenay dalka dibaddisa, isla markaana iyadoo dugsi ka dhiganeysa magaalada ay wadeen gabdho kale, kuwaas oo ay sheegtay inay u geeyeen ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya. Hey’adda dembi barista booliska Soomaaliya ee CID-da ayey sheegtay inay u dacwoodeen, isla markaana lasoo qabtay gabdhihii ciidan u geeyey gabadha, wallow markii dambe lagu war geliyey in damiin lagu daayey, taas oo ay sheegtay inaysan raali ka aheyn. Sidoo kale waxay sheegtay in labo nin oo mid sarkaal yahay kana tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ay u soo direen fariimo ay uga dalbanayaan lacag madax furasho ah si loogu sii daayo gabadhooda. Amran oo ah hooyada dhashay gabadha la weysanyahay ayaa sheegtay inay lacagtaas oo gaareysay 2,000 oo dollar ay ogolaayeen in ay dhiibaan, balse markii dambe ragaasi ay u sheegeen inaysan maeel ku ogeyn gabadheeda. CID-da oo ah halkii ay cadaaladda u raadsatay ayey sheegtay inay iska daba wareejinaysay mudo labo bilood ah, iyadoo laga sii daayey gabdhihii ay ku tuhmaysay inay ka fogeeyeen gabadheeda oo ay sheegtay in lagu haayey fariimo cadeynaya inay lasoo hadashay gabadheedii oo oraneysa, “Heblaayoy ninkii aad ii geysay waxa uu isku dayaa inuu is kufsado” oo ku qoran af-Ingiriisi sida ay sheegtay hooyo Amran, maadaama aysan gabadheedu aad u aqoon af-Soomaali. Amran iyo hooyadeed oo xirnaa Indha-shareer ayaa ku cataabay in sarkaalka ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxtooyada uu ugu hanjabay dil hadii arintaas ay warbaahinta la wadaagaan. Ugu dambeyntii labadan maamo madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ayey ka dalbadeen inay ku gacan siiyaan sidii ay u heli laheeyeen gabadhoodii yareyd. Halkan ka Daawo