-
Content Count
214,119 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-31122019.mp3 View the full article
-
Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan wadajir ah oo ay yeesheen waxaa ay maanta ku ansixyeen miisaaniyadda 2020. Kulanka waxaa joogay guddoonka labada aqal oo markii ugu horeysay ka shaqeeyey iney dhacdo in si wadajir ah loo meelmariyo miisaaniyadda. Codeyntii dhacday waxaa ogolaaday ilaa 188 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay labo xildhibaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim salaad Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay qaraxii maalmo ka hor ka dhacay isgoyska Ex-Kontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho. Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yihiin qaraxii lagu laayayay dadka shacaka ah, islamarkaana waxaa uu ku baaqay in loo midoobo dagaalka lagula jiro dagaalamayaasha Al-Shabaab. Sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ka dalbaday in ay midoobaan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan horumarka dalka, isagoona u duceeyay dalka. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay dhexdooda is cafiyaan, sidoo kalana Al-Shabaab ay hal meel uga soo wada jeestaan. Qarixii dhawaan ka dhacay isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Magaalada muqdisho ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dad ku dhow 100 tira intaasi ka sii badanna ay ku dhaawacmeen. Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad ayaa kusoo aadayo xilli xalay Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas lagu dilay shacab badan. Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay inay ka xun yihiin dadkii Shacabka ahaa ee ku dhintay weerarkaas isla markaasna aysan ujeedkooda aheyn inay dilaan dad shacab ah balse ay ka maarmi waayeen hadalkaas oo ay dad badan la yaabeen.
-
Dhowr kun oo dibad-baxayaal ah ayaa maanta isugu soo baxay banaanka safaaradda Mareykanka ee Baghdad, si ay u cambaareeyeen duqeymo ay ciidamada Mareykanka la beegsadeen maleeshiyo Iran ay taageerto oo ku sugan dalalka Iraq iyo Syria. Duqeymahaas oo dhacay Axaddii ayaa dhaliyey cadho iyo cambaareyn ka timid saraakiisha sare ee Iraq, hase yeeshee dowladda Mareykanka ayaa difaacday ficilladeeda, waxaana ay ka digtay inay mar kale weerari doonto. “Uma ogolaan doonno Iran inay ku baxsato inay maleeshiyo hoos tagta u adeegstao inay ku weerarto danaha Mareykanka,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka. Duqeymaha Mareykanka ayaa beegsaday baqaarada hubka iyo goobaha looga taliyo kooxda Kataeb Hezbollah ee dalka Iraq iyo Syria, waxaana ku dhintay 25 qof, ayada oo tobaneeyo kale ay ku dhaawacmeen. Saraakiisha Mareykanka waxay sheegeen in duqeymaha ay jawab u ahaayeen gantaal lagu soo weeraray saldhig military oo Mareykanka uu ku leeyahay Iraq, kaasi oo lagu dilay qandaraasle Mareykan ah. Saraakiisha waxay intaas ku dareen in caddeymaha la helay ay muujiyeen in shaki la’aan ay weerarka ka dambeysay kooxda Kataeb Hezbollah. Ra’iisul wasaaraha Iraq, Adel Abdul Mahdi ayaa Isniintii cambaareeyey duqeymaha, waxaana bayaan uu soo saaray uu ka digay in ficillada Mareykanka ay yihiin kuwa aan la aqbali karin “oo yeelan doona caqaabih halis ah.” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Labada guddoomiye xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe ayaa dalka ka dhoofay. Socdaalka labada guddoomiye mucaarad oo kala duwan ayay wararku sheegayaan inuu la xidhiidho arrimo u gaar ah oo aan siyaasad ku salaysnayn, waxase uu socdaalkoodu ku soo beegmayaa iyadoo aanay weli dhammaan qaddiyadda guddiga doorashooyinka ee wakhtigan iyo dib u soo celinta kuwii hore oo ahaa qodobadii ay soo saareen ergadii dhexdhexaadintu oo aan weli si rasmi ah loo fulin. Labada guddoomiye mucaarad ayaa la sheegay inay dalka ku soo laaban doonaan ka hor inta aanay gaadhin 10 january oo uu Madaxweynuhu qabsaday inuu ku soo dhammeeyo sidii loo fulin lahaa labadaas qodob ee ergadu soo saartay ee kala dirista guddiga doorashada ee wakhtigan iyo soo celinta kuwii hore oo uu sheegay inuu sharciga soo waafajin doono. Source
-
(SLT-Jabuuti)-Wargeyska caanka ah ee Washington post oo ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa shalay qormo dheer ka qoray saamaynta uu dalka Shiinuhu ku yeeshay Afrika, gaar ahaan dalka Djibouti iyo doorkii Maraykanka oo sii laad-laada. Warbixinta, oo uu diyaariyay Max Bearak wuxuu waraysi kula yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf, safiir hore oo Maraykan ah, isagoo weriyuhu booqday goobta ay yaalaan khadadka Internetka ee Djibouti oo uu ka mid yahay midka Somaliland. Warbixinta oo uu Geeska Afrika soo turjumay waxay u dhignayd sidan “Dhulka guudkiisa, dalkan yar balse istiraajiyad ahaan dhaca meesha muhiimka ah, calaamadaha muujinaya joogitaanka Shiinuhu meel walba way ka muuqdaan. Shirkadaha Shiinihu waxa ay maalgeliyeen oo ay dhiseen dekedda ugu wayn Afrika, dhabo tareen oo ku xidha Itoobiya iyo saldhigga ciidanka badda ee dalku [Shiinuhu] ku leeyahay dalka debediisa. Badda hoosteeda, waxa ay ka dhisayaan xadhig isaga gudbiya xogta gobolka oo dhan oo ilaa Yemen ilaa Kiiniya ah. xadhiga waxa lagu xidhiidhinayaa xog-kaydshe internet oo ay maamulaan shirkadaha is-gaadhsiinta ee dawladda Shiinuhu leedahay. Maalgelilnta balaadhan ee Beijing ku samaysay Jibuuti waxa ay tusaale u tahay sida degdegga ah ee Shiinuhu uga helay joogitaan istiraaji ah qaaradda oo dhan. Dalalka Galbeedka, oo ay ku jiraan gumaystayaashii hore, waxa ay tobonaan sanadood u isticmaalayeen xidhmooyin deeqo ah oo buuran inay ku helaan oo dhaafsadaan heshiisyo ganacsi iyo amni, balse mashaariicda Shiinuhu maalgeliyo waxa ay ku keeneen horumar kaabayaasha dhaqaalaha ah oo balaadhan jiil gudihiisa. Dhismayaasha inta badan waxa lagu sameeyaa lacag dayn ah oo ay bixiyaan bangiyada dawladda Shiinuhu leedahay. Qaarada oo dhan waxa teedsan biraha wadooyinka laamiga ah ee uu dhisay Shiinuhu, oo ay la socdaan buundooyin waawayn, garoonada diyaaradaha oo cusub, biyo xidheeno iyo wershadaha korontada dhaliya, taa oo qayb ka ah qoshaha wadooyinka ee madaxwayna Shiinaha Xi Jinping uu ka wado 152 dal. Guud ahaan, shirkadaha Shiinuhu waxa ay geliyeen Afrika sanadihii u dhexeeyey 2014 ilaa 2018 lacag laba jeer ka badan ta ay geliyeen shirkadaha Maraykanka, iyaga oo geliyay [shirkadaha Shiinuhu] lacag dhan 72 Bilyan oo Doolar, sida ay sheegtay xarunta daraasaadka ee Ernst and Young. “Shiinuhu waxa ay ka fekerayaan mudada dheer ee Jibuutiyo iyo Afrika guud ahaan,” ayuu yidh David Shinn, safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyay Itoobiya oo sidoo kale ahaa lixdanaadkii sarkaalka Wasaaradda Arimaha Debedda ee Maraykanka u qaabilsan Jibuuti. “Jibuuti waa guntimo silsilad dhaqaale oo fidsan dhinaca woqooyi ee Badwaynta Hindiya, ka soo bilaw Cambodia ilaa Sri Lanka ilaa Pakistan. Waxa ay leeyihiin qorshe istiraajiyadeed oo baaxad wayn. Inagu ma lih.” Qorshaha istiraajiyadeed si cad ayuu uga muuqda Jibuuti sababta oo ah halka uu dalku ku yaal oo ah iridka Badda Cas, halkaas oo ilaa 10% oo shidaalka la dhoofiyo iyo 20% alaabta ganacsi ay maraan iyaga oo sii dhexmaraya marin biyoodka dhuban ee xeebta Jibuuti iyaga oo ku sii jeeda ama ka soo socda Kanaalka Suez. Halka ay ku taal ayaa ka dhigtay meel muhiim u ah xadhigga badda hoostiisa marae ee isaga gudbiya xogta qaaradaha. Xabiiba Daauud Cumar, oo ah injiner maamusha goobta, oo furaysa albaabka qol yar oo ay yaaliin saddex xog kaydshe, “Waxa aad aragtaa waa dhamaan interneetkii Somaliland.” Qol kale waxa yaal khadka Yemen. 90% interneetka Itoobiya oo aan bad lahayni wuxuu dhex maraa qaybtan. Joogitaanka Shiinuhu wuxuu debciyay ku tiirsanaantii dalalka Afrika ay ku tiirsanaayeen wadamada Galbeedka marka ay noqoto horumarka. Daymaha Shiinaha lama socoto dalab ah in la horumariyo xaaladda xuquuqal insaan sida deeeqda Maraykanka oo kale. Wadooyinka dalalka dhexdooda mara ee Shiinuhu dhisay waxa ay abuureen Shiinaha marino lagu gaadho khayraadka macdanaha, suuq balaadhan oo uu geeyo alaabtiisa jaban, iyo taageero uu isku hallayn karoo o uu ka helo hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay. Dadka se dhaliilaa waxa ay sheegayaan in daynta Shiinuhu ay bartilmaameedsato dalal nugul oo soo koraya dabadeed ay geliso dabin dayn ah kaas oo nuuga khayraadka dawladda islamarkaana jiilal dhan ku soo dalaca lacagta looga ururinayo daynta la galay. Shiinuhu 70% waxsoosaarka guud ee Jibuuti waxa uu haystaa dan ahaan. Maamulka Trump ayaa doonaya inuu wax ka qabto saamaynta sii kordhaysa ee Shiinaha isaga oo dabada ka riixay in maalgelin gaar ah oo loo bixiyay Barwaaqo Ka Dhig Afrika loo marinayo. Dalka Jibuuti xitaa taliyaha Maraykanka ee ciidamada Afrika u jooga ayaa ugu baaqay inay taxadar badan ka yeeshaan macaamilka ay la leeyihin Shiinaha. Iyada oo dalalka Afrika oo ay ka mid tahay Jibuuti ay ka muujiyaan rajo maalgelinta Maraykanka, Beijing waxa ay lacagta ku shubaysaa halka afkeedu yahay, islamarkaana dalalka lacag la’aantu haysto ee Afrika waxa ay si midaysan ugu jihaysteen dhinaca bari. “Haa, daynta shiinuhu nagu leeyaha waa 71% waxsoo saarka guud ee dalka, balse waxaanu ugu baahanahay kaabayaasha dhaqaale,” Maxamed Cali Yuusuf, wasiirka arimaha debedda ee Jibuuti ayaa yidh sidan. “Waa wax dabiici ah inaanu kor u qaadno iskaashiga aanu la leenahay China. Yurub iyo Maraykan midkoodna diyaar uma ahayn inay dhisaan kaabayaasha dhaqaale ee aanu u baahnayn. Waxaanu u wadnaa dalkayaga xagga mustaqbalka, oo waxaanu daryeelaynaa badqabka dadkayaga. Xitaa Maraykanka ayaa Shiinuhu ku leeyahay dayn tiriliyanno ah, waad og tahay adba,” ayuu wasiirku ku daray. Source
-
Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) shalay waxay sheegtay in qarixii Ex-Koontarool ay ka danbeeyeen dowlado shisheeye. Xogta ay hayaana ay la wadaagi doonaan Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkood. Saacado kadibna Alshabaab ayaa sheegatay in ay ka danbeeyeen qaraxaas shacabka lagu xasuuqay. Soomaaliya waa dowlad madaxbanaan, hay’ado daatuuri ahna leh. Hay’adda Nabad Sugida waxaa korjoogteyn iyo la xisaabtan ku leh Goleyaasha Barlamaanka ee shacabka Soomaaliyeed matela hadii ay hayaan macluumaad la xiriira qaraxa iyo cidii ku lug lahayd na waxay ahayd in ay la wadaagaan hay’adaha dowlada ee ma ahayn in la yiraahdo waxaan la wadaagaynaa hay’ado iyo dawlado shisheeye. Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed waalid, walaal, ehel, xigto, xigaalo, qaraabo iyo deris ee la barooranaya dhibaatadii soo gaartay uma baahna in dhibkooda la siyaadadeeyo. Mana aqbali karno in Mogadishu laga dhigto fagaare dawlado shisheeye isku baacsadaan iyadoo mar walba dhibanahu yahay muwaadinka Soomaaliyeed. Arintan waxay meesha ka saaraysaa kalsooni lagu qabi karo hay’adda Nabad Sugida hadiiba loo isticmaalayo fulinta ajandeyaal iyo dano dowlado shisheeye leeyihiin! Waxaa qoray Xildhibaan: Mahad Salaad Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gudaha magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inuu haatan kulan gaar ah xarunta madaxtooyada Galmudug uga socdo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali iyo Khayre iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca. Kulanka oo uu albaada u xiran yahay ayaa waxaa looga hadlayaa israsaaseyntii xalay ka dhacday magaaladaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo ku dhow shirkaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in hoggaamiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljamaaca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo iska diiday ka qeyb galka kulankaasi, waxaana la sheegay inuu dalbaday in dowladda federaalka ay jawaab ka bixiso shaqaaqadii xalay. Ahlu Sunna ayaa horay u sheegtay in weerar lagu soo qaaday, sida ay hadalka u dhigtay, islamarkaana la damacsanaa in la waxyeelo xildhibaanada ay soo xushay. Dhankooda saraakiisha dowladda oo iska fogeeyey eedeyntaasi ayaa tilmaamay in ciidamada Ahlu Sunna ay rasaas ku fureen gawaari ay la socdeen askar ka tirsan kuwa dowladda iyo xildhibaano federaalka ah, xilli ay marayeen agagaarka xarunta Inji. Xaaladda ayaa maanta dagan, balse waxaa Dhuusamareeb laga dareemayaa raad uu reebay iska hor imaadkii xalay oo ku soo aaday, xilli uu markiiba Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Khayre uu ka degay magaaladaasi. Tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya la wareegtay degmadaan ayaa waxaa sii badanayey isku dhacyada labada ciidan oo marar badan isku rasaaseeyey halkaasi.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku leh magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay aqrintii ugu dambeysay ku mariyaan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020-ka. Haddii aysan maanta meel marin xildhibaanada baarlamaanka miisaaniyaddan waxa ay saameyn guud ku yeelan doontaa shaqooyinka hay’adaha kala duwan dowladda, taas oo sidoo kale saameyn doonta mushaaraadka shaqalaha rayidka iyo ciidamada qalabka sida. Sidoo kale muhiimada kulankaan wadajirka ayaa ah, si looga baaqsado ‘Shutdown” ku yimaada hay’adaha dowladda federaalka, maadaama uu beri bilaabanayo sanadka cusub. Maxaa Loola Jeedaa Shutdown? Haddii uu baarlamaanka federaalka ah anisixin waayo miisaaniyadda ka hor 1-da Janaayo 2020-ka amaba iska diido oo xukuumadda federaalka ah dib ugu celiyo, hey’adaha dowliga ah waxaa ay galayaan “Shutdown”, waxaa shaqo la’aan noqonaya xafiisyo badan oo hey’adaha dowliga ah, waxaa mushaar la’aan noqon-doono shaqaalaha rayidka iyo ciidamada, waxaa ugu daran ciidamada waxaa ka go’i-doonna raashiinka, saadka iyo waxyaabaha kale, waxaana ay wasaaradaha xukuumadda federaalka ah waayi-doonaan qarashkii howlaha lagu socod-siin lahaa ee “running costs”, qarashkan intooda badan 6 bil ayuu horay uga maqnaa. Saameynta ugu weyn, waa baarlamaanka federaalka ah oo fasax geli-doono mushaar la’aan, waxaa intaas dheer macalimiin iyo adeegyo gaar ah saameyn weyn soo gaari-doonto. Xal Ma Jiraa? Haddii kahor caawa aan la ansixin miisaaniyadda 2020-ka, oo dalku galo “shutdown”, waxaa qasab noqoneysa in saddexda bil ee ugu horeysa lagu shaqeeyo miisaaniyaddii 2019-ka, taasi oo qalqal maaliyadeed abuuri karta, waxna ka badali karta qoondada iyo ku-tagalka miisaaniyadda 2020-ka. Tallaabta maanta isugu yimaadeen waa qorshe looga badbaadi karo “Shutdown” ku yimaada hey’adaha dowladda waase haddii la ansixiyo. Kulanka Maanta: Xildhibaannada Baarlamaanka labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah waxa ay Magaalada muqdisho ku yeelan doonaan kulan wadajir ah. Ajandaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 3aad Miisaaniyadda Dowladda ee sanada 2020,iyada oo Xildhibaannada labada Aqal xalay lagu wargeliyey in uu jiro kulanka wadajirka ah ee labada Aqal. Xigasho: Goobjoog FM.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay xoog ku soo furatay ganacsato Soomaali Kenyaan ah oo dhowaan ay afduubatay kooxda Al-Shabaab. Alfred Angengo oo ah sarkaal ka tirsan Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen Abdullahi Issack Harun iyo Abdi Hassan Ilkaase oo labaduba ahaa ganacsato, wuxuuna tilmaamay in laga afduubtay deegaanka Libooya ee dalkaasi. Sidoo kale sarkaalkan ayaa tilmaamay in ganacsatadaan lagu hayey deegaan lagu magacaabo Bagdad, kadibna ay weerar ku soo furteen raggaasi. “Kaliya seddex ka mid ah Al-Shabab ayaa kaxaystay labada ruux iyaga oo la’aaday dhinaca Soomaaliya deegaan lagu magacaabo Bagdad oo 60 KM ujira Hosingo.” ayuu yiri Alfred. Sarkaalkan oo sii hadlayey ayaa sheegaya in labada nin ee ganacsatada ah ay caafimaad qabaan, islamarkaana ay wanaagsan tahay xaaladooda. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay inay xoojin doonaan dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan xadka labada dal, si loo xaqiijiyo amniga deegaanada dhaca halkaasi. Inta badan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya gobolka Waqooyi Bari Kenya, kuwaas oo uu khasaare ka soo gaaro ciidamada dalkaasi.
-
Sawirro: Mursal oo qaabilay madaxweynayaashii hore ee dalka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xalay hoygiisa casho sharaf ugu sameeyey madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka jira magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa kulanka ka qeyb galay xubno ka tirsan madashada xisbiyada Qaran ee uu guddoomiyaha u yahay, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Intii uu socday kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday arrimo ku aadan doorashada dalka ee 2020/2021, gaar ahaan qodobo ku jira sharciga doorashooyinka ee la meelmariyey. Waa kulankii ugu horreeyey ee dhexmara labada dhinac, tan iyo markii la dhisay madasha xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan axsaab siyaasadeed. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article -
Fanaanka Maxamed Siciid Bk ayaa Ummadda Soomaaliyeed Raali-galin ka siiyey hadal gaf ah oo ka dhacay, xilli uu ka hadlayey xaflad uu uga qayb galay London. Bk ayaa sheegay in fanka iyo siyaasada ay iskaaga dhex milmeen muddooyinkii ugu dambeeyey, hase’ahaate wuxuu ballan qaaday in uu kala saari doono. Sidoo kale fanaankan ayaa tilmaamay in uu safarkiisa ugu horreeyo ku imaan doono Muqdisho, si uu waqti ula qaato taageerayaashiisa ku dhaqan Caasimadda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Soofe-1.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xalay gurigiisa kulan gaar ah kula qaatay madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheeekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Kulanka oo sidoo kale qeyb ka ahaayeen xubno ka tirsan madasha xisbiyada Qaran ayaa waxaa loo hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan sida ugu habboon ee looga guul-gaari karo caqabadaha siyaasadeed ee haatan jira dalka. Sidoo kale hoggaanka madasha xisbiyada ayaa afhaayeenka golaha shacabka kala hadlay arrimo ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka, iyaga oo u gudbiyey cabashadooda ku aadan qodobka muddo kororsiga ee ku jira sharcigaasi. Ilo ku dhow kulaankaasi ayaa Caasimada Onlin u xaqiijiyey inuu guddoomiye Mursal u ballan qaaday madaxweynayaashii hore in meesha laga saarayo qodobkaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in la’isku raacay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarka dalka, gaar ahaan doorashooyinkasoo socda ee 2020-2021. Waa kulankii ugu horreeyey ee labada dhinac yeeshaan, wuxuuna muujinayaa inuu xiriir cusub u bilowday madasha xisbiyada iyo guddoonka golaha shacabka. Shirkaan ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay hoggaanka xisbiyada dalka ay madaxda dowladda Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ay ku eedeynayeen inay ka shaqeynayaan muddo kororsi hor leh.
-
The United Nations Security Council has strongly condemned the terrorist attack of 28 December 2019 at the Ex-control Afgoye Junction in Mogadishu, which killed at least 79 and injured 149 innocent people. Source: Hiiraan Online
-
Somalia trains 385 more police officers to enhance security
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Some 385 Somali police officers have completed a six-month training to help bolster security across the South West State, the African Union Mission in Somalia (AMISOM) said on Monday. Source: Hiiraan Online -
Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta xarunta golaha shacabka ku leh kukn wadajir ah si looga baaqsado Shutdown ku yimaada hey’adaha dowladda federaalka taasi oo saameyn ku leh mushaaraadka shaqalaha iyo qoondada miisaaniyadda 2020-ka. Maxaa Loola Jeedaa Shutdown? Haddii uu baarlamaanka federaalka ah anisixin waayo miisaaniyadda ka hor 1-da Janaayo 2020-ka amaba iska diido oo xukuumadda federaalka ah dib ugu celiyo, hey’adaha dowliga ah waxaa ay galayaan “Shutdown”, waxaa shaqo la’aan noqonaya xafiisyo badan oo hey’adaha dowliga ah, waxaa mushaar la’aan noqon-doono shaqaalaha rayidka iyo ciidamada, waxaa ugu daran ciidamada waxaa ka go’i-doonna raashiinka, saadka iyo waxyaabaha kale, waxaana ay wasaaradaha xukuumadda federaalka ah waayi-doonaan qarashkii howlaha lagu socod-siin lahaa ee “running costs”, qarashkan intooda badan 6 bil ayuu horay uga maqnaa. Saameynta ugu weyn, waa baarlamaanka federaalka ah oo fasax geli-doono mushaar la’aan, waxaa intaas dheer macalimiin iyo adeegyo gaar ah saameyn weyn soo gaari-doonto. Xal Ma Jiraa? Haddii kahor caawa aan la ansixin miisaaniyadda 2020-ka, oo dalku galo “shutdown”, waxaa qasab noqoneysa in saddexda bil ee ugu horeysa lagu shaqeeyo miisaaniyaddii 2019-ka, taasi oo qalqal maaliyadeed abuuri karta, waxna ka badali karta qoondada iyo ku-tagalka miisaaniyadda 2020-ka. Tallaabta maanta isugu yimaadeen waa qorshe looga badbaadi karo “Shutdown” ku yimaada hey’adaha dowladda waase haddii la ansixiyo. Kulanka Maanta: Xildhibaannada Baarlamaanka labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah waxa ay Magaalada muqdisho ku yeelan doonaan kulan wadajir ah. Ajandaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 3aad Miisaaniyadda Dowladda ee sanada 2020,iyada oo Xildhibaannada labada Aqal xalay lagu wargeliyey in uu jiro kulanka wadajirka ah ee labada Aqal. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Fannaanka Maxamed Saciid BK oo Raali-gelin Bixiyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa jira habab badan oo Bani-aadamku ku muujiyaan dareenkooda farxadeed ee ka tarjumaya Guulaha ay ka gaadhaan Ahdaaftooda. Laakiin, in indhahaaga ay ilmadu ka qubato ayaa ah habka ugu fiican ee dareenka Farxadeed lagu muujiyo sida Wasiirka Beeraha ee dalka Benin Cossi Gaston Dossouhoui, kaasi oo ilmada xajin waayay markii loo sheegay in Dalkiisu uu Dalalka Galbeedka Afrika ku hoggaaminayo Wax soo-saarka Cudbida. Wasiirka Beeraha ee Dalka Benin ayaa ilmeeyay markii lagu dhawaaqay in Dalkiisu uu kaalinta koowaad ugu jiro Wax soo-saarka Cudbida, waxaana mar keliya la arkay isagoo ku dul ilmaynaya Kursigii uu fadhiyey. Benin ayaa noqonaya Dalka soo saara Cudbida ugu badan ee Afrika sanadaha 2019 illaa 2020. Sannadkan dhamaanaya ee 2019-ka waxay Benin soo saartay 1,450 oo xidhmo, halka Maali ka soo saartay 1,425, sidoo kalena Dalka Burkina Faso uu saaray 1,200 xidhmo. Mali ayaa Sanadihii 2018 illaa 2019 ka kor martay Burkina Faso oo Kaalin wanaagsan ku jirtay, halka Benin ay Kaalinta koowaad gashay Sannadkan dhamaanaya ee 2019-ka. War-bixinta lagu sheegay in Benin ay noqotay Dalka soo saara Cudbida ugu badan ayaa waxa soo saartay Waaxda Beeraha ee Dalka Maraykanka, taasi oo sanad kasta soo saarta war-bixin la xidhiidha wax soo-saarka dhinaca Beeraha ee dalalka Adduunka. Waaxda Beeraha ee Maraykanku waxay saadaalisay in Benin ay sanadaha soo socda haysan doonto Kaalinta koowaad ee wax soo-saarka Cudbida. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Diyaarad Kaneecada Buufinaysa Oo Jabuuti Gaadhay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Paris)-Hoggaamiyeyaasha Faransiiska iyo Masar oo taageero u ah Janaraalka Mucaaradka ah ee ku sugan Bariga Liibiya ayaa ku baaqay in laga dheeraado wax walba oo keeni kara dagaal sokeeye lagana shaqeeyo Xasiloonida Liibiya. Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’isul wasaaraha Faransiiska Mr Emmanuel Macron ayaa looga digay dhibaatada ay keeni karto ciidanka dalka Turkiga ee loo daabulayo caasimada Tripoli. Mr Macron oo la kulmay dhiggiisa Masar Cabdifataax Al-Siisii ayaa waxay isla garteen sida loogu baahan yahay xiligaan xal siyaasadeed lagu maareeyo xoogaga iskaga soo horjeeda dalkaan ku yaal waqooyiga Afrika. Digniintan ayaa imaaneysa iyadoo Baarlamaanka Turkiga la filayo in maalinta Khamiista ah uu cod u qaado ciidanka loo daabulayo dalka Liibiya kadib markii maanta loo gudbiyay Mooshinka. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in uu diyaar u yahay daabulaada ciidankan kadib codsi taageero ah oo kaga yimid Liibiya. Xisbiga mucaaradka ah ee CHP ayaa ka hor yimid galaangalka xukuumada Ankara waxaana ay digeen dagaal kale oo Turkiga wajihi Karo. Gudoomiye ku xigeenka xisbiga CHP Mr Unal Cevikoz oo kulan la qaatay wasiirka arimaha dibada Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in aysan u codeyn doonin mooshinkaan. Mr Cevikoz ayaa intaa ku daray in Turkiga uu ciidan u diray Suuriya ayna adagtahay in dagaal dhan kale ah uu Wajaho. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Dagaalyahanada ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Ex koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Cod soconayay 20 daqiiqo oo laga baahiyay idaacada afkooda ku hadasha ee Andalus ayaa kooxda ku sheegatay in weerarka ay ka dambeysay. Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali dheere ayaa sheegay in ujeedkooda uu ahaa ciidammada Turkiga. Cali dheere ayaa dhanka kale digniin u diray xukuumada Turkiga oo uu sheegay in ay beegsan doonaan xarumaha ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho. Source
-
Popular Contributors
