-
Content Count
214,195 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Raage Ceelle (Caasimada Online) – Abaabul dagaal iyo xiisad culus oo u dhaxeysa dadka degaanka iyo Milateriga Soomaaliya ayaa ka taagan xaafado ka tirsan degmada Raaga Ceelle ee gobalka Shabeellada Dhexe. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Odayaasha degaanka ay ka digeen in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay soo galaan degmadaasi, haddii ay dhacdana ay u arki doonaan ciidan duulaan ayna iska difaaci doonaan. Sidoo kale Odayaasha muddo muddo 3 maalmood ah u qabtay ciidan dagan Iskuul ku yaala degmada, kuwaas oo diiday in ay ka baxaan Iskuulkaasi si waxbarashadooda usii wataan arday Iskuulka wax k abaran jirtay. Odayaasha degaanka ayaa la sheegay in ay degmada ku ilaalinayaan Sarkaal ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo sida la sheegay baxsad ah kadib markii uu sheegay in si cadaalad darro ah loola dhaqmay. Taliyaha ciidamada Milateriga Soomaaliya Gen Odowaa Yuusuf Raage, ayaa dhawaan amray in la soo qabto Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Korneel Masdile. Ciidankii amarka la siiyay ayaa todobaadkaan weeraray Kontarool degmada laga soo galo waxaana weerarkaas ku dhintay 2 qof, iyadoo ay ka qaateen 2 qori.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxda maamul gobalka Shabeelada Dhexe, ayaa la sheegay in ay dhamaantood ku fashilmeen wax ka qabashada Isbaarooyin tiro badan oo la dhigtay qaybo kamid ah gobalka Shabeellada Dhexe. Wadayaasha Gaadiidka ayaa sheegay in cabashadooda oo soo socotay ilaa saddexdii bil ee igu dambeysay, islamarkaana ay la kulmeen masuuliyiinta ugu sareysa HirShabelle ilaa hadana aysan jirin wax cid wax ka qabatay. Isbaarooyinka la soo dhigtay degmooyinka Warsheekh iyo Cadale ay yihiin kuwa ay ka dambeyso siyaasad iýo khilaaf u dhaxeeyo masuuliyiinta HirShabelle, sidoo kalane ay adagtahay in xal loo helo. “Waxaa cabashadeyna aan gaarsiinay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ilaa gobalka iyo wasaaradda amniga, qaarkood waxay noo sheegeen in aysan waxba ka qaban karin” ayuu yiri Xasan Eelaay oo ah guddoomiyaha isu tagga gaadiidka yar yar ee ku safra Shabeellada Dhexe. “Dadka aan u dacwoonay qaarkood Isbaarada iyaga ayey u taalaa waxayna ka helaan dhaqaalo fiican, marka kama go’na in ay joojiyaan ama ay qaadaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiye Xasan Eelaay. Caasimada Online waxay waqti badan ku bixisay in ay hesho masuuliyiinta HirShabelle si arintaan wax looga weydiiyo balse qaarkood waxay diideen in ay ka hadlaan arrintaan.
-
Sanadkii 2019-ka ee tagay waxa uu ahaa sanad ay hareeyeen ismaandhaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo axsaabta mucaraadka ah. Gudoomiyaha Xisbiga Midqaran Dr. CabdiNuur sheikh Maxamed waxa uu soo jeedinayaa in Dowladda Federaalku ay hormuud ka noqoto sidii xal looga gaari lahaa arimaha masiiriga ah mudada kooban ee doorashada ka harsan, inta aysan dhicin in awoodo kale ay soo faragaliyaan oona khasbaan dowladda sidii dhici jirtay. Sanadkii tagay dowladdu waxa ay u muuqatay mid dhagaha ka fureysatay talooyinka iyo qeyla dhaanta kasoo yeereysay waxgaradka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan si ay wax uga badasho siyaasadaha shaqeyn waayey ee la xiriira sida amniga iyo dhaqaalaha. Sanadkan ugu danbeeyo waxa looga fadhiyaa dowladda iyo ay noqoto mid u nugul dhageysiga muwaadiniinta kana jawaabto baahiyahooda iyada oo maanka ku heyso in dowladnimadu ay tahay muwaadinka oo loo khidmeeyo. Dowladda federaalka ahi waxa ka weecatay muhimadii ay laheyd la dagaalanka Alshabab iyo sidii looga dulqaadi lahaa umadda Soomaaliyeed, taasi oo sahashay in awoodda alshaabab ay khatar ugu geysan karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay baahday. Waa in aan awoodeena dowladnimo isugu geynaa sidii aan cawadga ashabaab umadda uga dulqaadi laheyn. Dowladdu waxa ay inoo sheegtaa in ay ka madax banaan tahay, banaankana ka taagan tahay khilaafka u dhaxeya wadamada Khaliijka ah, iyada oo ay xaqiiqadu u muuqato in aan ku milannay khilaafka u dhaxeeya wadamada khaliijka. Waa in aan la nimaadaa istiraatiijiyad dalkeenu uga baaqsan karo in ay saameyso dagaal u dhaxeeya wadamada aan xiriirka soo jireenka ah leenahay in uu dab hor leh ka huriyo dalkeena. Dowladdu waxa ay ka shaqeyneysaa sidii shidaal dalka looga soo saari lahaa. Dalkeenu waxa uu u baahanyahay in Amniga wax laga qabto, hay’adaha dowladda oo la xoojiyo iyada oo la sameynayo dhamaan shuruucaha loo baahanyahay si musuqa wax looga qabto, iyo maamul wanaag inta aan laga fakarin shidaal soo saarid si aysan u dhicin in kheyraadka dalkeena oo la iska gurto iyada oo shacabkeenu faqri u dhamaanayo. Sidaas darteed waa in aan la nimaadaa qorshe dhameystiran iyo qaabka loo wadaagayo khayraadka inta aan galin marxalad kale ee keenta dhibaato sii daba dheeraata. Faderaalku waa nidaamka ay ku dhisantahay dowladnimadeenu oo loo bahanyahay in la ilaaliyo, hadii ay noqotana la hagaajiyo iyada oo loo maraayo baarlamanka labada aqal ee Soomaaliya inta ay shacabka Soomaaliyeed cod uga qaadayaan. Dowladda Federalku waa in ay aqbashaa in dowlad goboleedyadu ay dooran karaan dadka ku matalaya nimaadkooda iyada oo aan ku sameyn wax faragalin ah, iyada oo dowladu maanka ku heyso in mandate-keedu yahay in ay ka shaqeyso in dalku hore u socdo ee laga fogaado wax kasto oo keeni kara dib u dhac. Xiliyada dalkeena uu galo khatar uga imaaneysa cadawga gudaha iyo dibeddaba, waa in aan u midownaa dhamaanteen in aan dalkeena difaaciisa u istaagno. Sidoo kale waa in Dowladda Federalku ay siisaa fursad ay mucaaradku ugu fushan karaan howlahooda iyada oo aan wax hor istaag ah lagu sameyn, mucaaradkuna ay ilaaliyaan dowladnimada iyo maslaxadda dalka aysan ku dhaqaaqin wax dhaawacaya nidaamka dowladnimada. Ugu danbeyn shacabkeenu waxa looga fadhiyaa in ay fahmaan in kooxda talada hayso iyo dowladnimadu ay labo kala yihiin. Dowladnimadu ay tahay midda ay naga dhaxlayaan jiilka mustaqbalka kana mug weyntahay koox markaa xukunka ku fadhisa. Si dowladnimadu ku xoogeysato kuna sii jirtana laga ilaaliyo wax kasta oo dhaawacaya oo ka imaan kara mucaarad iyo kuwa talada hayaba. dowladnimadu waa sida matoorka oo mar walba u baahan in la dayac tiro oo la soo cusbooneeysiiyo qeybaha sida dhabta ah u shaqeyn waaya. Hadaba dowladdu waa in ay soo dhoweeysaa isbedelka hoggaan iyo mid shaqaale. In maskax cusub lagu soo biiriyo xukuumadda waxay labalaabeeysaa xawaaraha xukuaddu ku socoto si ay yoolkeeda u gaarto. Isbadal inuu dhaco waxa ay u wanaagsantahay mashiinka dowladnimo. Guusha iyo guuldarada hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka waxay ku xiran yahay sida ay u gudatay waajibaadkeeda una fulisay balanqaadyadii ay sameyeen madaxda dowladdu markii ay talada dalka in ay qabtaan u ordayeen. Sidoo kale waxa go’aaminaya sida qaab xasilooni ah ay doorashooyinku ugu qabsoomaan, awoodaha sare ee dalkana si xasilooni ah loogu kala wareego. W/Q: Dr. Abdinur Sheikh Mohamed, guddoomiyaha Xisbiga Midowga Qaranka Soomaaliyeed (Midqaran) www.midqaran.org Info@midqaran.org AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Xukuumadda Nabad iyo Nolol (N&N) ee uu hogaanka u hayo Mudane Xassan Cali Khayre iyo Ahlusunna waljamaaca (ASWJ) 11/12/2019 waxay gaareen heshiis u dan ah labadooda (N&N iyo ASWJ) kaasoo ay ku doonayaan in ay ku dhameeyaan khilaaf u dhexeeyay kooxda iyo xukuumadda N&N. Waxaan taxliilinaynaa waxa keenay in ay heshiiyaan ayadoo aan ognahay in ASWJ horay u diideen heshiisyo dhex mari lahaa maamulkii Cabdikariin Xusseen Guuleed iyo Xukuumaddii Madaxwayne Xassan Sh. Maxamuud, dhanka kalena waxaan eegaynaa waxa sababay in N&N oo aan jecelayn in ay cid kale wax ku darsadaan ay ASWJ wax ku darsadaan, sidoo kale waxaan eegaynaa miisaanka heshiiska iyo iskaashiga N&N iyo ASWJ. Ugu danbayn waxaan eegi doonnaa natiijada uu heshiiskaan ku keeni doono reer Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya. ASWJ Kooxdaan loo yaqaanno ASWJ waxay ahaayeen waayihii danbe xarako maamusha magaalooyinka kala ah Guraceel iyo Dhuusa mareeb, xarakada waxaa hor jooge ka ah wadaadka magaca dheer markii la joogo Dhuusa mareeb iy Gurecee ee loo yaqaano Macallin Maxamuud iyo laba wadaad oo asaga ay qaraabo yihiin. Taladda ASWJ ee ugu danbaysa waxay ka go’daa sedexdaas wadaad gaar ahaan macallin Maxamuud. Marka afka laga leeyahay ASWJ waa magac wayn oo huwan xasaanad xarako xoog badan oo saamayn ku leh Dhuusa mareeb laakiin waayihii danbe arrinku sidaas waa ka duwnaa oo ASWJ waxaa soo food saaray awood yari dhanka dhaqaalaha, ciidanka iyo siyaasadda ka dib markii waqtigii ku dheeraaday shacankii labadaas magaalana ay ka daaleen tuftooda aan lugu tanaadin iyo balan qaadyadooda aan bayr biyaa ka soo xasilin. ASWJ waxay gacanta ku dhigeen Madaxwayne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo heehaabaya waxayna ku soo dabeen N&N ayakoo ugu danbayntii 11/12/2019 wada gaaray heshiis ay labada dhinacba ku qasbanaayeen. Xukuumadda laga tiroda badanyahay Nabad iyo Nolol waa xukuumad laga tiro badanyahay: Marka aan leeyahay laga tiro badanyahay waxaan kala jeedaa; Nabad iyo Nolol waxay lumisay dhamaan saamileeydii siyaasadda dalka gaar ahaan maamuladdii iyo dadkii tayada lahaa ummadda Soomaaliyeedna sumcadda ku dhex lahaa, sidaas ayaan u isticmaalay erega ‘xukuumadda laga tiroda badanyahay’. Sida aan wada ognahay N&N waxaa iska casilay dad tayo iyo sumcad u saaxiib ah, dadkaas waxaan ka xusi karaa Drs. Maryan Qaasim oo is-casishay November 2017, iyo Amb. Daahir Maxamuud Geelle oo is-casilay May, 2019, waxaa asaguna December, 2018 iscasilay xildhibaan Cabdifittaax Geeseey dhamaantood N&N waxay waxay iscasilaadooda ku sababeeyeen in ay la cararayeen sharaftooda iyo sumcadooda dadkuna waxay u aqoon sanaayeen in ay haayeen dad waxaan u qaadmin diidi kara. Dhanka kale R. Xassan Cali Khayre wuxuu si iskiis ah xilka uga qaaday wasiirro la sheegay in aysan dhulyaal ku dhex ahayn xukuumadiisa, wasiiradaas waxaa ka mid ah wasiirkii wax barashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo xilka laga qaaday July, 2018, iyo wasiirkii arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar oo asna xilka laga qaaday January, 2018, labadaan shaqsi ee uu Raysulwasaaruhu xilka ka qaaday waxay ahaayeen kaadiriin tayo iyo magac u saaxiib ah lamana oga sababta Khayre xilka uga qaaday, sida badan waxaa la tuhunsanyahay in xilka looga qaaday in ay ahaayeen wasiirro aan u dabacsanayn raysul wasaaraha inta bandanna aan ka muuqan raysul wasaaraha agtiisa. In wasiir dal dhan xilka laga qaado sababtana aan la sheegin waxay caay iyo xadgudub ku tahay shacabka Soomaaliyeed. Xukuumadda N&N waxay xaafiiskii ka riixdeen April, 2018 gudoomiyihii hore ee baarlamaanka mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari oo ahaa rugcadaa dawlad yaqaan ah sababta ay uga reexiinna lama sheegin. Gabar aan asturnaan badanayn haddii lala soo dejiyo nin wadaad ah oo ajnabi ka ah shaki kuma jiro in uu hadba cawradeeda arkayo xalka kaliya oo gabadhaas iyo ninkaas lugu kala maarayn karaana waa in la kala raro oo ay laba irdood kala degaan, N&N waa ninman iska khaladaad badan waxayna ogaayeen in hadba Jawaari cawradooda arkayo sidaas ayayna iskaga rareen iridana uga xirteen si uu san cawradooda hadba u arkin. Jawaari wuxuu isku dayi jiray in u saxo N&N gaar ahaan markii wasiir Maareeye oo faraxsan oo kale uu u keeno baarlamaanka xeer uu san aad u soo fiirin Jawaari waa laadi jiray waana wax yaabaha ugu badan oo ay ku qoon sadeen. Dhanka kale waxaa ayakuna jira dad khubaro ah oo aan hayn xilal sare ku waasoo aan saaxada siyaasadda uga muuqan sida wasiirada aan soo sheegnay laakiin Nabad iyo Nolol u hayey hawlo aan la dheyelsan karin kalana shaqayn jiray daaha gadaashiisa, waxaan ka xusi karaa oo laysla wada ogyahay marqaatina laga wada yahay Muna Al-sharmaa oo miriqdeeda la waayay ka dib markii Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Maxamed uu dhawr habeen ku dhaxay Nayroobi. Yaanan ka tegin in aan xuso in uu san raysulwasaare Khayre ku bedelan dad u dhigma dadkii uu xilka ka qaaday iyo dadkii iska casilay dhamaantood, dad ayaa ku dooda raysulwasaaruhu sidaas wuxuu u yeelay in uu ka dhigo saalootada golaha wasiiradda mid ka caagan xifaaltanka hal abuurka, kana dhigo goob aan si madaxbanaan loo fekerin, arrintaas waxay keentay in ay ku sii kordhaan xukuumadda culaysyada uga imaanaya quursiga iyo ku digashada ka imaanaysa siyaasiyiintii ka soo hor jeeda ee isu arka in ay ayaku bedeli doonaan. Waxaa bilaabatay in N&N lugu tilmaamo xukuumad naxsan oo isku dhex yaacsan oo aan lahayn tayo iyo khibrad ay ku maarayso arrimaha dalka, madaxweyne Deni oo khudbad ka jeedinaya Garoowe 8/8/2919 ayaa ku tilmaamay madaxda xukuumadda dalka ka jirtaa in ay la mid yihiin ardo hadda jaamacad ka soo qalinjebiyay oo la yiri dad qalliin ku sameeya, hadalkaan wuxuu muujinayaa sida loo quursanayo N&N. Raysul wasaare Khayre asagaa xukuumadiisa u nuglaysay siyaasiyiinta ka soo hor jeeda markuu wasiiradiisa ka dhigiwaayay kuwo sumcad iyo tayo leh magacna bulshada ku dhex leh. N&N waxay gabtay in ay dood iyo garaysi ku goosato cadkeeda waxayna caado ka dhigatay in ay ciidansato ciidanka sharafta badan ee Soomaaliya oo mushaarku uu u soo maro N&N. Xukuumadda raysulwasaare Khayre meeshii ay muraadka yeelato waxay gaysataa midiyo badan halkii ay gaysan leheed maskax iyo maan badan, N&N waxay muraad ka yeelatay Baydhabo sanadii 2018kii waxayna ciidan ku guraysay November illaa December oo doorashadu dhacday, sidoo kale N&N waxay muraad ka yeelatay Dhuusa mareeb waxayna ku gurtaa ciidamada Gorgor iyo Haramcaska oo ay hogaaminayaan taliyayaal wax ka gala goobaha gardarada ee aysan gartu oolin. Dhanka kale xukuumadda N&N waxaa ka maqan Maamullo mug iyo miisaan ku leh siyaasadda Soomalaiya sida Puntiland iyo Jubaland taasina waxay ku keentay in N&N ay dareemaan xasilooni la’aan iyo xulufo la’aan siyaasadeed ayna ismoodaan in aysan dalka ka wada arrimin. Labada dhinac waxaa heshiiska ku riixay midba arrin u gooniya, sida aan soo sheegnay ASWJ waxaa heshiiska ku riixay awood darri soo wajahday haday ahaan leheed dhinac dhaqaale iyo dhinac siyaasadeed intaba. Dhanka kale N&N ayaka waxaa ku riixay heshiiska, waxay dareemeen in aysan haysan garbo badan sidaas darteed waxay ka raadinayaan miisaan xulufaysi iyo in ay iska yareeyaan culayska siyaasadeed ee ka haysta in loo arko xukuumad laga tiro badanyahay. Nuxurka Heshiiska Xukuumadda laga tiroda badan yahay iyo Xarakada Xoogyaraysay ASWJ heshiiska waxay bideen miciin waayo waqtiga ayaa ku dheeraaday waxayna lumiyeen awoodoodii dhaqaale, siyaasadeed iyo middii rabitaan ka bulshada, sidoo kale waxay lumiyeen cududoodii ciidan waayo dhallinyaradii caqiidada ugu dagaalami jirtay Macalin Maxamuud way baraarugeen oo waxaa soo gaaray xaqiiqadii taalay miiska gorgortanka Macalinka iyo Xukuumadda waxayna garteen in waxa loo dagaalamayaa aysan ahayn caqiido ee ay meesha ku jirto dan. Sida la sheego Macalin Maxamuud markii uu la gorgortamayo Nabad iyo Nolol wuxuu kalla hadlaa ilmihiisa iyo danaha xididkiisa iyo xigaaladiisa. Arrimahaan aan soo sheegnay waxay keeneen in ASWJ ay wiiqanto kuna qasbanaadaan in ay ka tanaasulaan waxyaabo badan oo aysan horay uga tanaasuli jirin waxayna qaateen 20xildhibaan, ayada lafteedu ma fududo oo gacan maran waydhaantaa waana meel ay ka gacan togaalaysan karaan maamulka loo soo dhisidoono Galmudug iyo dawladda dhexe. Xukuumadda Nabad iyo Nolol cidna wax kuma darsato waliba waxay jeceshay in ay ka adkaato ciddii ay is qabtaan, wax xeelad ku soo galay waligood ma quudan sida uu sheegay wasiir hore Amb. Daahir Geelle, goobaha tartankana iskuma fiicna, intaas oo dhan ayadoo lugu yaqaanno in ay heshiis la gasho kooxda ASWJ waxbaa ku qasbay waana laba arrimood 1) Beesha caalamku ASWJ waxay u taqaanaa xarako qun-yar-socda ah oo aan ahayn xag-jir sidaas darteed cadaadis ayay ku saareen N&N in ay la heshiiyaan maadaaba ASWJ horay loo la galay dhawr jeer heshiisyo sida kii jabuuti iyo kuwo kale oo dalka gudihiisa lugula galay ayna u ekaadeen garab siyaasya oo dalka ka jira, ogaada haddii uu san M. Xaaf heshiisyo iyo wadda hadllo la galeen beesha caalamku halla qadariyo ASWJ ma dhahdeen. 2) N&N waxaa magac xumo iyo waji gabax ka soo raacay Baydhabo oo markii ay maamulka ka dhiseen ka dib ay noqotay in aqoonsi loo raadiyo M. Cabdicasiis Lafta gareen loogana raadiyo beesha caalamka taas ayay maanka ku hayaan waxayna is lahaayeen markaan ka fogaada wixii Baydhabo oo kale. Nuxurka heshiisku waa sunno xun oo loo jidaynayo Galmudug iyo Soomaaliya waxaana galay xukuumad xeerinaysa wax horay u dhacay iyo xiriirka beesha caalamka iyo xarako xoog yaraysay waana mid ku salaysnayn dan gaara baahina aan loo qabin, Galmdug waxay ka dhexaysaa beelo, beelahaas ayayna tahay in lala galo heshiis. In N&N heshiis kula gasho sedex nin wax ay leeyihiin 11 beelood waxay ka turjumaysaa hab fekerka iyo aragtida madaxda manta jirta, waxaa xusid mudan in heshiiskaan Madaxwaynaha jamhuuriyaddu aad u la socday 20ka xidhibaanna asagu bixiyay halka raysulwasaaruhu muddo diidanaa Saamaynta halista heshiiska loo ekaysiiyay Heshiiskaan wuxuu halis ku yahay Galmudug iyo Soomaaliya oo idil wuxuuna ku yeelan doonaa Galmudug samayn xun, heshiiskaan waa sunno xun oo la jidaynayo waxaana daliishan doona cid kasta oo wax ku doonaysa si xun (dariiqanimo iyo jamhadnimo). Haddii ay Galmudug ama gobol kale oo Soomaaliyaa ay ka soo ifbaxaan xarakooyin kale ama kooxo kale ku waa soo isbidaya awood siyaasadeed waxay noqon doontaa in ay wax ku doonaan sidii ay wax ku dooneen ASWJ ka dibna loo yeelo wixii N&N ay u yeeleen xarakadaan ASWJ waayo waxay helayaan marmarsiyo iyo sunno xun oo horay loo jideeyay. Heshiiskaan ASWJ wuxuu siinayaa awood iyo fursad gorgortan waxayna ku carqaladayn doonaan maamulka hadda loo soo dhisi doono Galmudug iyo maamulka ka sii danbeeya kan hadda wasiir qarafaan soo amaamudayo arrintooduna waligeed waa taagnaandootnaa, intaas kuma ekaan doonto saamaynta ASWJ waxay waligood kula dhex jiri doonaan Galmudug carqalad siyaasadeed iyo sad bursi aan dhamaan waayo 20 xildhibaan waxay wax ka bedeli karaan natiijada codayn ay sameeyaan xilli codayn laga rabo. Heshiiska waxaa ku cad in 20ka xildhibaan ee la siiyay ay ku ekaan doonaan maamulkaan hadda la soo dhisayo laakiin sidaas ma dhicidoonto. Heshiiskaan waxaa galay dad aan ogayn in waagu beryayo. Macalin Maxamuud hadduu helo 20xildhibaan wuxuu Dhuusa mareeb ka eryi doonaa madaxwaynihii uu rabo wuxuuna keeni doonaa kii uu doono. Macalin Maxamuud oo jooga Dhuusa mareeb waa aar jooga kayn bahgooyaa oo aan lahayn geed lugu maato. Soomaliya: Heshiiskaan Soomaaliya wuxuu u geli doonaa taariikhda wuxuuna ku yeelan doonaa saamayn xun. Soomaaliya waxaa ka jira xarakooyin badan wax badan ayayna ka baran doonaan heshiiskaan, marka ay arkaan in ASWJ loo yeelay damacyadoodii ay ku doonayeen saamaynta siyaasadeed ee Soomaaliya waxaa dhicidoonta in xarako walba iyo jamhad kasta uu galo hammi iyo damac la mid ah midka ASWJ u meel maray. Doodo waxaa jira yiraahda “ASWJ way u qalmaan in la siiyo miqaam siyaasadeed waayo waxay gobolada dhexe ka difaaceen Al-shabaab”, doodaas waa mid jaban ASWJ waxay maamuleen Dhuusa mareeb iyo Guraceel kaliya mana difaacayn degmooyinka kale iyo tuulooyinka u dhawdhaw sida Baxdo Godinlabe iyo Docoleey. Dadka gobolada dhexe deegaanadooda waxay u difaacdaan qabiil qabiil, tuulooyinka aan soo sheegay waxaa difaacday qabiilada dega ayakana ha lugu abaalmariyo miiqaamka la siisay ASWJ waayo ayakuba waxay defaaceen degmooyinkii ay ka soo jeedeen, jufooyin badan ayaa difaacday tuulooyinkooda iyo degmadeeda halla abaal mariyo yaan la abaal marin sedexda wadaad kaliya. Boosaaso waxaa 1991dii tagay uruka Al-itaxaad waxaana odoyaasha Boosaaso u dhiibeen dekedda Boosaaso waxaynaka qaadan jireen saami gaaraya 20% ururkaas oo ahaa mid aad u xoog badan oo dagaaladdii la ogaa la galay madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf maamulkii Puntland laga dhisay waxba lagama siin waxaana loo arkayay haddii kuraasbadan la siiyo in ay ayaku u arrimin doonaan Puntland, Soomaalilaan sidoo kale hadda waxaa ka jira jabhad uu hogaamiyo in la yiraahdo Janaraal Caarre madaxwayne Muuse Biixi kuma dhaco in uu kula heshiiyo saami siyaasadeed waayo maal ayka soo galaan maba jirto waxaan beelaa iska leh Galmudug waxay la mid tahay Puntland iyo Soomaalilaan mana ahan in loo gudoomiyo wax xun oo mustaqbalka ku keeni kara aafo siyaasadeed. Galmudug horay ayaa loogu sameeyay wax loogu yeeray raysul wasaare lugumana caano cabin oo waa la ogaa sidii beeluhu u sii kala fogaadeen in hadda waddo kale lugu sii furo waxay tusinaysaa sida aan wax wanaaga looga rabin Galmudug. Gunaanad: Nabad iyo Nolol waa in aysan ku adkaysan in ay maamulka Galmudug u jideeyaan sunno xun oo ay dhufaanaan (jabiyaan) ama aysan dhamaystirin halistaas lugu sheegay heshiiska, waana in arrinta Galmudug loo diro dad tayo leh loona madaxbaneeyo reer Galmudug arrimahooda lagana xishoodo dhaqanka reer Galmudug. Nabad iyo Nolol marin xumo iyo aqool xumo ayay isku darsadeen, dhaqankii reer Galmudug waxay ka adeejiyeen agaasimayaal aan xishoonayn. Raysul wasaare Xassan Cali Khayre markii la magacaabay wuxuu soo dhisay xukuumad tayo leh oo ay ku jiraan dhawr sawiir oo u soo jiiday sumcad iyo magac, dhawr jeer ayuu ka dib wax magacaabay dhamaan magacaabisyada uu sameeyay maahayn kuwo lala dhacay, waxaan kula talin lahaa in uu dib u eego tayada wasiirada u jooga hadda. R. Khayre qofka wasiirkaa waa in uu san ku qaymayn muxuu adiga kuu gala, waa in uu ku qaymeeyaa muxuu dalka u galaa, wasiiradda xukuumadda N&N sida badan dalka waxba u ma galaan waxay wax u galaan R. Khayre kaliya. Raysul wasaare Khayre waa in uu ka dhigo golaha wasiirada madal laysku naqdin karo ee uu san ka dhigin meel ka caagan wax iswaydiinta iyo ku tartanka fikirka hal abuurka iyo wax dhisidda. R. khayre waxaan kula talinlahaa in uu sanadaan soo socota isku dayo in uu ka khudbeeyo madal ay joogaan dad waxka diidi kara waxna su’aali kara, sedex sano ayuu ka soo khudbaynayay madal uu ogyahay in aysan jirin cid khudbadiisa waxka waydiin karta. Qore: Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam” Contact: cccimaam@gmail.com Www.Facebook.com/Honimaam www.twitter.com/HonImaam AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Khamiistii galinkii dambe soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa ka laabtay heshiiskii uu horey ula galay dowladda Federaalka. War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in uu ka laabtay Wakaalashadii uu wakiishay Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya, kadib sida la yiri markii uu arkay faragalinta ay dowladu ku heyso Guddiga doorashada Galmudug. Sidoo kale Xaaf ayaa kalsoonidii kala laabtay Guddiga farsamada maamul u sameynta Galmudug ee 8-dii Oktoober 2019 ay soo saartay Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya. Xaaf ayaa odayaasha dhaqanka iyo saamileyda siyaasadda Galmudug ugu baaqay in ay ka soo qeyb-galaan 25 Janaayo 2020, shir looga arrinsanayo aayaha Galmudug. Madaxweyne Xaaf oo markii uu yimid Gaalkacyo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegey in uu ka shaqeyn doono arimaha nabadeynta. Balse wararka Gaalkacyo ayaa sheegaya in socdaalka Xaaf ay ka dambeeyaan odayaasha iyo siyaasiyiinta gobolka Mudug oo ku doodaya saami qaybsiga Galmudug in meel looga dhacey oo aysan jirin boos kamid ah kuraasta sare oo loo reebey beel ahaan, maadaama awal ay hayeen kursiga madaxweynaha Galmudug. Galmudug ayaa mar kale wajahaysa khilaaf siyaasadeed iyo loolan horleh. PUNTLAND POST The post Xaaf oo ka degay Gaalkacyo, kana laabtay heshiiskii Federaalka appeared first on Puntland Post.
-
By: Mohamed Garad Woodrow Wilson, the father who first coined the quintessential right of nations, the right to self-determination, famously stated: “No people must be forced under sovereignty under which it does not wish to live.” If one consciously observes Wilson’s grounding words of what later became the universal right that has been enshrined in the Declaration of the United Nations, it becomes a sunlight that the will of the people is the requirement to exercise the right and the former president had been granting the right to sovereignty to those who want to be sovereign. In that sense, the right to self-determination doesn’t apply to those forcefully occupied and still remain occupation. Decolonization is their remedy and that is exactly what case of the Somalis under Ethiopia proves to be and sturdily demands. Decolonization of nations had not been in the political literature before Europe had colonized nations. The concept is the aftermath of the European imperialism. In the case of Africa, it’s the redress that the partitioned Africans demanded. That’s why they say states in Africa was birthed by colonial wombs. However, Europeans weren’t the only ones who partitioned Africa. Ethiopia was a member of the colonial crusades. At the dawn of the scramble, Menelik, the builder of the Ethiopian empire, vowed “if powers at distance came forward to partition Africa, I don’t want to be an indifferent spectator,” then expanded massively by overrunning the medieval soldiers of his neighbor African nations in the Horn, confiscating their land and enslaving their people. Thus, as “a participant in the ‘scramble’ Ethiopia doubled its territory and population,” in the words of John Markakis. The Somali Ogaden/Somali Galbeed is one of the victims of such an expedition and is still in the hands of the aggressor. Just like any other colonial project, subjugate has been the guideline of the aggressor. Following the principle of Fetha Nagast (law of the kings), the intent was clear: if the city or the land to conquer its inhabitants offer “ peace and open their gates, the men who are there shall become subjects and give you tribute, but if they refuse the terms of peace and offer battle, go forward to assault and oppress them,” the law degreed. Strictly obeying the Fetha Nagast law, Abyssinians, builders of Ethiopia, obliterated indigenous African nations and reduced their inhabitants to slaves. They imposed a system called “gabbar-neftegna” which gave the land and resources to the gunmen, the conquering soldiers, and reduced the natives into slaves. The Wolamo proverbs of “Menelik gave the land to the Amahara and other people to the birds,” summarizes the economic blights which the citizens of the formerly independent African nations had suffered. Obedient to Frantz Fanon’s misery findings in the colonial world, inside the ‘neftenga-gabbar system’, the effect was consequential. One was rich because he/she was an Abyssinian, and one was poor and slave because he/she was a citizen of a conquered nation. It was only after when the danger of the struggle of the occupied nations had made the ‘neftegna-gabbar’ system obsolete and the privileged race felt threatened that the sons and daughters of the dominating race turned against their parents to abolish the system before things completely decimate. The acts of the offspring of the ‘neftegna’ veterans were an effort to prevent the “nouveau rich taking the chance of becoming poor,” to borrow the words of Albert Memmi. They declared the sacrosanct of the colonial empire they had inherited and mistakenly asserted that feudalism has no association with colonialism. “Ergo Ethiopia could not have been feudal and colonist at the same time,” they argued while “regarded center hegemony as the cornerstone of the project” of the state they had envisioned in the words of John Markakis. The post-feudal states the young generation has implemented proved the case further. Neither the socialist state of the Derge nor the ‘federal multicultural’ state of TPLF/EPRDF has relinquished the illegitimately assumed exclusive ‘right’ of the Abyssinians to dominate and exploit all other races. Imposing the burden to obsolete the unjust systems on that occupied nations. Burdened the task of obsoleting the so far immortal unjust systems of Abyssinians, Somali Galbeedis have been fighting long wars of liberations to decolonize their nation. Their struggle ranges from May 1900 when Sayid Mohammed A. Hassan with 6000 Daraweesh men attacked the ‘neftegna’ garrisons in Jijiga to the now struggle led by ONLF. However, obedient to the past norms, when Somali struggle along with that of other oppressed nations have debilitated the TPLF led unjust system which only theoretically acknowledged the historical fact of the nation-based oppression against the Somalis and their likes, the newly formulated successor system led by the TPLF disciples drops the recently inserted theoretical acknowledgment from the oppression mix to install new one. In other words, the Abiy Ahmed led successor system is alienating the Somalis and other occupied nations from their history of being colonized to accept colonization. Will they accept? Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta ka degay magaalada Gaalkacyo ayaa caawa war-saxaafadeed ka soo saaray xaalada Galmudug. Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in isagoo tix galinaya dastuurka dalka iyo kan u gaarka ah dowlad goboleedka Galmudug, uu dib ula laabtay awoodii uu horay ugu wareejiyey wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale Xaaf ayaa amray golihiisii wasiirrada iyo dhamaan howl-wadeenada kale ee maamulka inay ka shaqo bilaabaan xaafiisyadooda ugu dambeyn 15-ka bishan Janaayo 2020. Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa odayaasha dhaqanka ee beelaha ku bahoobey Galmudug, saamileyda siyaasadda dalka iyo dhamaan cid walba oo ay khuseyso waxa uu ugu baaqay in 25-ka bishan Janaayo ay iskugu yimaadaan shir looga tashanayo jiheynta iyo aaya ka talinta Galmudug bad qabta. Xaaf ayaa waxyaabaha ugu waaweyn ee uu u sababeeyey inuu qaato go’aankaas waxaa ka mid ah, dowladda federaalka uu ku eedeeyey in iyadoo adeegsanaysa awood ay bedeshay odayaashii saxda ahaa ee beelaha qaar iyo in saamileyda kale ee siyaasadda aysan doorkoodii u ogolaan. Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar___qubanaha-02012020-ok.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo u xiran dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa muddo saddex maalmood ah ka sooman cuntada, sida ay sheegeen ehelladiisa iyo xuno ku dhow. Cunto ka soomidda Roobow ayaa waxaa Caasimada Online u sheegay xubno ka tirsan Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda oo ee hoggaamiyo Abuu Mansuur. Sidoo kale, Nuunow Maxamed oo ka mid ah ehellada Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho u sheegay in maanta ku seddax uu wadaadku ka sooman yahay cuntada. “Sababta ma garan karno naloomana ogola inaan aragno balse waxaa nagula war geliyey in maalintii saddaxaad uu cuntada ka sooman yahay Sheekh Mukhtaar”. Ayuu yiri Nuunow. Nunow oo ka mid ah ehelada Mukhtaar oo sidoo kale la weydiiyey halka uu Roobow hadda ku xiran yahay ayaa “Ninkaas Farmaajo ayuu u afduuban yahay waxaana maqalnay inuu ku xiran yahay guri ku dhexyaala madaxtooyada”. Xubno ka tirsan Villa Somalia oo Caasimada Online ay xiriir la sameysay way beeniyeen in Roobow uu cuntada ka soomay. Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin sababta uu cuntada uga soomay, haddana waxaa la rumeysan yahay inay salka ku heyso fashil ku yimid isku day lagu doonayey in lagu sii daayo oo ay wadeen musharixiintii is-badal doonka ahaa ee doorashadii Koonfur Galbeed iyo xubno ka tirsan IGAD oo ku sugan Muqdisho. Musharixiintii isbadal doonka ahaa ee u tanaasulay Mukhtaar Roobow waqtigii doorashada Koonfur Galbeed ayaa u tagay Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal, waxaana loo diiday inay la kulmaan Roobow. Sida ay shegeeen xubno ka tirsan xisbiga Roobow, xubnaha IGAD ka socdo ayaa ballan qaaday inay bixin doonaan dhammaan diyada dadkii lagu laayey Baydhabo waqtigii lasoo xirayey Roobow, waxaana madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen si hordhac ah loogu wareejiyey diyada illaa 4 qof oo kamid ah dadkii lagu laayey Baydhabo. Balse arrintaas ayaa waxaa ka hor-yimid beesha Roobow, musharixiintii Isbadalka doonka iyo xisbiga Amni iyo Cadaalad oo doonayeyin marka hore lasoo daayo Roobow, kadibna si wadajir ah looga shaqeeyo bixinta diyada dadkii ku dhintay banaan-baxyadii ka dhacay Baydhabo ee looga soo horjeeday xariga Roobow. Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay inaan lasii deyneyn Mukhtaar Roobow balse ay xubnaha IGAD kala shaqeeneyso bixinta diyada dadkii la laayey, taasoo keentay inuu cuntada ka soomo Roomow muddo saddex maalin ah, sida loo sheegay Caasimadda Online. Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan kala soco Caasimadda Online, Insha Allah.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in fanaanka Khadar Ibraahim (Khadar Keeyow) lagu xiray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Laanta Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ee dowladda Itoobiya ayaa la sheegay in Khadar Keeyow ay ka qabatay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Xog dhameystiran weli lagama hayo waxa ay dowladda Itoobiya u xirtay fanaanka, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in lagu heysto khalad ku yimid Documents uu ku dhoofayey. Khadar Keeyow ayaa mudo saddex cisho ah ku xiran xabsi ku yaalla degmada Garrji ee magaalada Addis Ababa. Wararka aan ka heleyno xariga Fanaanka waxay intaas ku darayaan in maalmaha soo socda lasoo taagi doono maxkamad, waxaana loo qabtay qareenadii difaaci lahaa. Waxaa xusid mudan in seddaxdii cisho ee uu u xirnaa dowladda Itoobiya aan lasoo taagin wax maxkamad ah, sidoo kale weli lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee lasoo taagi doono, balse ilo ku dhaw dhaw ayaa sheegay in dowladdu qorsheynayso in lagu maxkamadeeyo Khadar magaalada Addis Ababa. Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa hadda wadda dadaallo lagu ogaanayo sababta loo xiray khaddar iyo sidii deg deg loogu sii deyn lahaa. Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Addis Ababa Cabdixakiin Xaaj Cumar (Camey) ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin sii deynta Khadar Keeyow.
-
Booyad nooca biyaha qaada oo maraysay wadada Warancadde Road ayaa markii ay wax yar uun dhaaftay guriga siyaasi Cali Maxamed Warancaade ay booyadaasi dib u soo noqotay kadib markii wadahii booyadaasi uu awoodi kariwaayay in booyada joojiyo kadib markii uu bireegu u shaqayn waayay. Booyada oo qaarka danbe la gashay dayrka hore ee Warancadde ayaanay wax khasaare ahi ka dhalan, marka laga reebo burbur soo gaadhay dayrka hore ee aqalka Warancadde. Shilkani ayaa dhacay wax yar uun ka hor salaadii makhrib. Booyadani ayaa hadii ayna dayrka Warancadde gali lahayn oo sii haynlahayd wadada gaysan lahayd khasaare balaadhan xiligaasi oo ay wadadaasi ay dadku ku badnaayeen. Mudo kooban ayaa laga joogaa markii isla wadadaasi booyad soo taraartay ay gaysatay khasaare balaadhan oo dhimasho lahaa. Waxa jira baabuur badan oo tayadoodu ay aad u hoosayso oo magaalooyinka Somaliland ka dhex shaqeeya kuwaasi oo loo baahanyahay in wax laga qabto. Qaran News
-
Hundreds of people have attended a local government-organised protest against militant group al-Shabab in Somalia's capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/warka-habeen-0202020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mehmet Yılmaz ayaa ka hadlay weerarkii 28-kii December ka dhacay Ex-Control Afgooye, una jawaabay ururka Al-Shabaab oo sheegtay in weerarkaas ay la beegsadeen Turkish-ka. Ugu horreyn safiirka ayaa tilmaamay in aysan u kala soocneyn Soomaalida iyo Turkida, islamarkaana uu aad uga xun yahay dhacdadaasi oo ay uga dhinteen labo Muwaadiniin oo ka shaqeynayey dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye. “Aadbaan uga xumahay waxaa naga dhintay laba qof oo muwaadiniin Turkish ahaa waxaan sidoo kale ku weynay walaalo badan oo Soomaaliyeed annaga nooma kala soocna Soomaalida iyo Turkishka.” ayuu yiri Mehmet Yılmaz oo la hadlaayey VOA. Sidoo kale wuxuu beeniyey tirada ay baahisay Al-Shabaab ee ah inay weerarkaas ku dishay 4 saraakiil Turkish ahaa, 4 qandaraasleyaal ahaa oo la shaqeynayey ciidamada Turkiga, hal Turjuman iyo 12 Waardiye. Danjiraha ayaa xaqiijiyey in weerarkii Ex-Control kaliya ay uga dhinteen labo muwaadiin oo ka shaqeynayey dhismaha jidka dheer ee isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, isagoo meesha ka saaray inay ahaayeen Injineero. “Ma hayo tirada Soomaalida u shaqeyneysay shirkadda dhismaha ee ku dhintay weerarkaasi waxaan xaqiijiiyey in laba muwaadin oo Turki ah ay dhinteen mid wuxuu ka shaqeynayey dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye, ka kalena wuxuu ku shaqenayey mashiinadii iyo qalabka dhismaha, sida Baldoosta, ma aheyn Injineero” ayuu markale yiri safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya. Mr. Yılmaz ayaa sidoo kale ka hadlay bartilmaameedka weerarkaan oo Al-Shabaab ay sheegatay inuu ahaa kolonyo ay la socdeen muwaadiniin Turki ah, wuxuuna sheegay in maalmaha soo socda ay heli doonaan sawirka iyo cida bartilmaameedka uu ahaa, islamarkaana ay ka war sugayaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed. ‘Waan maqalnay waan aqrinay hadalkaasi maalmaha soo socda ayaa sawirka heli doonaan cida bartilmaameedku ahaa mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ayaa dhacdadaas ka shaqeynaya waxaan qiyaasayaa inay ka gun gaari doonaan fikrad fiican ayaan markaas ka heysan doonaa bartilmaameedka.” ayuu sii raaciyey. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in Soomaaliya ay u joogaan kaliya inay wax u qabtaan dadka Soomaaliyeed, sidoo kalena howsha ay qabtaan ay ugu muhiimsan tahay arrimaha bani’aadanimada, tan iyo sanadkii 2011kii. “Waxaan anagu halkaan u joognaa inaan wax u qabano Soomaalida shirkaduhu waxa ay u shaqeynayaan walaalaha Soomaaliyeed sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha iyo kaabayaasha Soomaaliya howsheenu waxa ay aheyd mid bani’aadanimo, tan iyo 2011-kii sidaasi darteed aadbaan uga xunahay in Soomaali iyo Turki loo waxyeeleeyo dadaalkaasi.” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey. Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka, isagoo todobaadkan Muqdisho u soo diray diyaarad siday daawo iyo dhaqaatiir, sidoo kalena qaaday qaar ka mid ah dhaawacyadii darnaa ee ku waxyeeloobay weerarkii xoognaaa ee subaxdii Sabtida aheyd ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye.
-
Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka ee Aqalka Sare horyaala qodobkiisa 11(6) waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha JFS uu ka soo magacaabayo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xisbiga ama isbahaysiga doorashada ku guulaysta kuraasta ugu badan aqlabiyadda Baarlamaanka (50% +1). Haddaba qodobkaan aragtideeyda. 1- Firaaq qayb ka mid ah hay’adaha dowladda. Haddii uu xisbina heli waayo (50%+1) laguna guul daraysto in la helo isbahaysi waafaqsan qodobka 9 aad ee Sharci Lr:19 ee Axsaabta Siyaasada 2016, isbahaysigaaas oo buuxiya shuruudaha ku xusan jadwalka saddexaad ee isla shacigan helana (50%+1), waxa la filan karo waa in ay adkaato in la helo hab loo magacaabo ra’iisulwasaare natiijada ka dhalanaysana waa in uu firaaq ama marnaansho ku yimaado mid ka mid ah hay’adaha dastuuriga ah oo ah hay’adda fulinta taasoo udub dhexaad u ah dowladnimada. 2 – Go’aan ka gaarista is haysad ka dhasha magacaabista. Sharciga Lr:19 ee Axsaabta Siyaasadda 2016 waxaa uu ogol yahay in la unko isbahaysi kaas oo imaan kara ka hor iyo kadibba doorashada si waafaqsan qodobka 9aad ee sharcigi aan soo xusnay, laakin isbahaysiyada unkamay midkood in uu helo (50%+1), si looga magacaabo ra’iisul wasaare, waxaa caqabad ku noqon kara xubanaha aan xisbina raacsanayn ee sida madaxbanaan ku jooga baarlamanka si waafaqsan qodobka l2 aad (8) ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka sababtoo ah waxa ay keeni karaan in isbahysina heli waayo( 50% +1) taasina waxaa ka dhalan kara in si iskood ah marba ay xisbi qayb ka ah isbahaysi ugu biiraan, waxaana ka dhalan kara muran ah cidda heshay (50%+1). Haddii murankaas yimaado yaa leh go’aan ka gaaristiisa? Anagoo og in kaalinta Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka idlaanayso kadib doorashada madaxweynaha. Tusaale haddii labo isbahaysi ku wada doodaan in mid kasta helay aqlabiyadda (50%+1) sababta muranka dhalisayna ay tahay in xubno madaxbanaan ku kala biireen xisbiyo ka qayb ah isbahaysiyada unkamay, muranka noocaas ah yeey tahay cidda ka go’aan gaareeysa?. Ma Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka? Mise Gudoonka Baarlamaanka? Ma xisbiyada ayaa si iskood ah isku soo bandhigaya? Ma madaxweynaha ayaa isbahaysiga ku siyaasad dhow u garanya? Mise waxa jira habab kale oo go’aan looga gaari karo innaga oo waliba og in dooda noocaan ah ay timaado xiliga doorashada kadib sida ka dhacday wadamo kale. Haddii aan tusaale u soo qaadano doorashadii Ciraaq ka dhacday sanadki 2010 waxa ka dhashay dood ama muran noocaan oo kale ah, natiijada ka dhaltayna waxa ay noqotay in wadanku ahaado xukuumad la’aan muddo todoba bilood ah ilaa marki dambe ay go’aan ka gaartay Maxkamdda Sare ee fadaraalka xadidayna isbahaysiga soo magacaabaya ra’iisulwasaaraha. Arinka is weeydiinta mudan waxa uu yahay Maxkamadda Sare ma buuxin kartaa kaalintaan? Haddii aan sharcigan lagu xaddidin weey adag tahay in ay buuxiso. Waxaa suuragal ah in uu Baarlmaanku iska diido go’aanka kasta oo arrintan quseeya ee ka yimaada Maxkmadda Sare, tusaalana waxaa noogu filan doorashadi 2016 oo ay dhacday in siddeeddii xildhibaan ee Maxkamadda Sare diiday xubinnimadooda Baarlamaanka uu Golaha Shacabku cod uu qaaday ku ogalaaday xubinimada siddeeddaas xildhibaan isagoo meesha ka saaray go’aanki Maxkamadda Sare. In ay taas mid la mid ah dhacdo wax diidaya malahan haddii aan lagu caddayn sharciga doorashooyinka. Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka waxa uu qodobka 50 (3) ku xadiday dacwadaha u gudbi kara Maxkamadaha waxa uuna ku koobay saddexdaan: – Xaqa codbixinta – Xaqa ka qeybgalka doorashada iyo – Go’aanka kama dambeysta ah ee natiijada doorashada ma koobayo dhammaan dulduleelada ka dhalan kara magacaabista ra’iisulwasaaraha, qaybaha kale ee hindisahana laguma faahfaahin arrinkaan taasoo keeni karta arrimo la xariira muran iyo is qabqabsi, waxaana ku soo koobi doonaa qodobada soo socda. Sida muuqata marnaba laguma soo hadal qaadin is qabsiga ka dhasha magcaabista ra’iisal wasaaraha waana mid abuuri karta jahawareer siyaasadeed natiijada ka dhalan kartaana waa xasillooni daro siyaasadeed. 3-Magacaabista Xubin ka tirsan Xisbiga ama Isbahaysiga aqlabiyada Qodobka 11(6) ee Hindise Sharciyeedka sida uu u qoran yahay waxa ay madaxwaynaha siinaysaa fursad ah in uu magacaabo qof ka tirsan xisbiga ama isbhaysiga lakiin aan u ahayn murashax. Tusaale haddii madaxweynuhu soo magacaabo xubin ka mid ah isbahaysiga guuleeystay oo aan ahayn murashaxooda taasi waxaa ay keeni kartaa khilaaf isbahysiga dhexdiisa ah oo sababi kara in uu burburo isabahaysigaas taas oo keeni karta in uu lumiyo ahaanshahiisa isbahaysiga aqlabiyadda (50%+1). Kadibna la galo jahawareer siyaasaddeed. 4-Golaha Shacabka mise Baarlamaanka. Sida ku cad qodobka 69(2) xarafka D ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah (DKMG), ra’iisulwasaaraha iyo xukuumaddiisa waxaa kalsoonida siinaya Golaha Shacabka, sidaa daraadeed Aqalka Sare awoodihiisa kuma jirto in uu kalsooni siiyo xukuumadda. Su’aashu waxa ay tahay maxaa looga baahan yahay in la adeegsado aqlabiyadda Baarlmaanka soow kama haboona in la yiraahdo aqlabiyadda Golaha Shacabka maadaama Golaha Shacabku ansixinayo?. Haddii qodobkaan sidiisa loo dhaafo dalkuna galo jaha wareer siyaasaddeed waxaa lagu qasban yahay in loo dareero doorasho cusub laakiin is waydiintu waxay tahay wadanku maka bixi karaa culays intaa la eg? Waxaa hubaal ah in ay adagtahay sanad gudihiis in wadankaan laba doorasho ka qabsoonto marka la eego duruufaha amni, dhaqaale, bulsho ee jira iyo tabarta hay’adaheena dowladda. 1) Faqrada 6aad waxaa lagu siyaadin karaa murashaxa iyada oo aqlabiyadda Baarlamaanka lagu badalayo aqlabiyadda Golaha Shacabka sidaan ayaana loo qori karaa: “Madaxweynaha JFS ayaa u magacaabaya ra’iisulwasaaraha murashaxa xisbiga ama isbahaysiga doorashada ku guulaysta kuraasta ugu badan aqlabiyadda Golaha Shacabka (50% +1)” 2) Waxaa lagu siyaadin karaa faqro 7aad oo u qoran sidaan “Haddii xisbi ama isbahaysi heli waayo (50%+1), madaxwaynaha ayaa u magacaabaya ra’iisulwasaaraha murashaxa xisbiga ama isbahaysiga hela tirade xubnaha ugu badan Golaha Shcabka. Ra’iisulwasaaraha la magacaabay iyo Golihiisa wasiirada waa in ay kalsoonida ku waydiistaan Golaha shacabka muddo labaatan casho oo ka bilaabanaysa maalinta la magacaabay”. 3) Waxaa lagu siyaadin karaa faqro 8aad oo u qoran sidaan“Sida ku xusan faqrada 7aad, haddii uu heli waayo kalsoonida, Madaxwaynaha ayaa magacaabaya ra’iisulwasaare kadib marka uu la tashado xubnaha Golaha shacabka. Ra’iisulwasaaraha la magacaabay ayaa kalsooni u weeydiinaya golahiisa wasiirada Golaha shacabka si waafaqsan qodobka 100 (c) ee DKMG. 4) Waxaa lagu siyaadin karaa faqro 9aad oo u qoran sidaan “Hadii Golaha Shacabku awoodi waayo in uu ansixiyo Golaha Wasiirada sida ku cad qodobka 100 (c) DKMG, Madaxwaynaha JFS ayaa kala diraya si waafaqsan qodobka 67 aad ee DKMG waxaana la dooranyaa Golaha Shacabka muddo 90 casho ah oo ka bilaabanaysa maalinta la kala diray. Doorashada kadib, Golaha Shacabka ee la soo doortay iyo Aqalka Sare ayaa dooranya madaxwayne si waafaqsan qodobka 89aad ee DKMG. Goobjoog News W.Q: Siciid Cali Gurey Source: goobjoog.com
-
By: Dr. Abdinur Sheikh Mohamed, Leader of Midqaran Party www.midqaran.org 2019 was a year of unnecessary political conflict; reconcile your differences with opposition groups and Federal Member States before others force a resolution. Government was rigid, somewhat arrogant and often abusive last year. Work hard to make government flexible, responsive and visibly and honestly caring for the needs of its citizens. The FGS has taken its eyeball away from al-Shabab; We must put all our national energy and resources to get rid of this national enemy. We falsely claimed independence from the Gulf conflict! However, reality indicates that Somalia is knee deep in that conflict. We must strategize quickly and put of all our efforts to prevent another proxy war in our country. Security, strong institutions and good governance should come before oil exploration. We must develop collective plan, resource sharing and necessary local expertise before we engage in a long term consequential and conflict prone deals. Federalism is the law of the land; Embrace it and if necessary improve it through Parliament until Somalis themselves decide its fate in a national referendum. Allow Federal Member States to elect their own homegrown leadership and work with them. Your mandate is to help all of Somalia move forward. At a time of crisis, we all should unite against our enemy; Opposition groups must be allowed to function freely, however, they must also give a breathing space for government to act. Government is like a machine and its parts must be replaced. Embrace change in leadership and professional staff. Recruiting new talent is good for the machinery of government. Your success and failure will be judged in how peaceful Somalia remains in the election year and how smooth the transition will be. Midqaran Party info@midqaran.org www.midqaran.org
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir oo maanta boqolaal dadweyne ah kula hadlayey xarunta tababarka genaraal Kaahiye ama Iskuul Buluusiya oo lagu qabtay banaanbax looga soo horjeeday Al-Shabaab, gaar ahaan weerarkii Ex-control ayaa sheegay in aysan ka hari doonin dadkii fuliyey qaraxaasi xooganaa. Cumar Filish ayaa tilmaamay in maanta aysan ilmeyn doonin, balse ay aarsan doonaan, sida uu hadalka u dhigay. “Kama hari doonno kuwa ubadkeenna iyo ciidamadeenna sidaas u galay, waanna ka hadlay oo waxaan iri ‘ma ilmeyneyno, ma oyeeyno ee waan aarsaneynaa,” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in maanta la joogo waqtigii lala dagaali lahaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana meel qura looga soo wada jeesan lahaa, si looga hortago weerarada iyo dilalka qorsheysan ee ay inta badan ka fuliso gudaha dalka. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed inay u midoobaan, sidii looga adkaan lahaa kooxdaasi. “Waa maalintii aan far mid ah ku tilmaami lahayn cadowgeenna. Waxa la baabi’inayo waa umadda cududdeeda, dhaqaalaheeda, aqoonyahannadeeda iyo dhalinyaradeeda. Kuwa sidaas ka shaqeynaya waa inaan u midowno”. ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cumar Filish. Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday ganacsatada Soomaaliyeed in aysan bixin lacagaha ay weydiisato kooxda Al-Shabaab, isagoo ku booriyey inay ka dhaga adeegaan amarkeeda, si aan dhaqaalahaasi loogu baabi’in u badkooda. “Dadka wax bartay iyo dadka hantida leh, waxaan rabaa inaan u sheego, kan wax bartay inuu dadka u sheego cadowgiisu inuu yahay Al-Shabaab, oo uusan ka baqin. Dadka hantida heystana handadaadda lacagaha baadda ah looga qaado waa inay iska diidaan, waayo ubadkooda ayaa lagu baabi’inayaa. Waxa aad ogtahay in haddii maanta lagaa qaado barrina ubadkaaga lagu baabi’inayo inaad bixiso soo doqonimo ma aha?”.
-
Armed assailants on Thursday killed three people and injured two others in Kenya’s Lamu county, a coastal region near the border with Somalia, police said. The county is part of a large swath of territory where Islamist group al Shabaab carries out gun and bomb attacks to pressure Kenya into withdrawing its forces from Somalia. A Kenyan military contingent forms part of an African Union peacekeeping force that helps defend Somalia’s government against the Islamists. According to a report by Lamu county police seen by Reuters, the attack took place in the early afternoon when armed men sprayed bullets into a passenger bus. “Three men were shot at close range,” the report said, adding they had died instantly, while two others were injured. The report did not give details of the bus’s route or say how many people it was carrying. In April 2015, al Shabaab fighters stormed Garissa University in the area and sought to kill Christian students. At least 148 people were killed. The al Qaeda-affiliated al Shabaab seeks to topple Somalia’s government and establish its own rule based on a strict interpretation of sharia law. Last week al Shabaab claimed responsibility for a bomb attack in Mogadishu in which at least 90 people died. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha rayidka ee dowladda ayaa dib ugu celiyey Wasiirka Wasaaradda Warfafainta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Agaasimayaal uu Magacaabey. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), ayaa sheegay in uu Bulshada Soomaaliyeed la qeybsanayo xanuunka iyo murugada haysta. Cumar Filish, oo ka hadlayay bannaanbax ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in aysan ka hari doonin kuwa Ciidamada iyo Ubadka Soomaaliyeed sidaa u galay. “Kama hari doonno kuwa Ubadkeenna iyo Ciidamadeenna sidaas u galay, waanan ka hadlay arrintaasi oo waxaan iri “ma ooyi doonnee waan aarsanaynaa. Dadka hantiilayaasha iyo ganacsatada ayuu sheegay in ay ogaadaan Lacagaha baadda ah ee laga qaado in lagu baabi’inayo Uabadkooda, wuxuuna ugu baaqay in ay iska diidaan dhaca ay ku hayaan Al-Shabaab. Guddoomiyaha ayaa sheegay in bur-burkii nagu dhacay ay u sahashay cadowga in ay Dalka Soomaaliya soo galaan, iskuna diraan Wiil iyo Waalidkiis, sidaa daraaddeedna loo baahan yahay wacyi gelin dheeraad ah, wuxuuna ballan qaaday in ay Shacabka ku saacidi doonaan ka hortagga Al-Shabaab. 28-kii Desembar 2019 ayay ahayd markii qarax xooggan oo galaaftan nolosha ku dhowaad 80 Qof ay Al-Shabaab ka geysatay Ex-Kontarool Afgooye, taas oo gil-gishay Quluubta Bulshada Soomaaliya iyo Caalamka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – War-Saxaafadeed kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa lagu cambaareeyey qarxii khasaaraha badan dhaliyey ee dhawaan ka dhacay Magaalada muqdisho, iyada oo baaq loogu direy Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha taageera. Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Qaramada Midoobey. Xubnaha Golaha Amaanku waxay sida ugu kulul u cambaaraynayaan weerarkii 28kii Disembar 2019 ka dhacay isgoyska Ex-control Afgoye ee Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad aan waxba galabsan. Xubnaha Golaha Amaanka waxay tacsi tiiraanyo iyo dareen xambaarsan u dirayaan qoysaska dadkii ay dhibtu soo gaartay, iyo sidoo kale Dadka iyo Dowladda Somaaliyeed. Xubnaha Golaha Amaanku waxay dadka dhaawaca ah u rajaynayaan inay si dhakhso leh u bogsadaan. Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale xaqiijiyeen in dhammaan noocyada iyo wajiyada kala duwan ee argagaxisadu ay yihiin qayb ka mid ah khataraha ugu culus ee soo foodsaartay amniga iyo nabadda caalamiga ah. Xubnaha Golaha Amaanku waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in cadaaladda la horkeeno dhagarqabayaashii geystay, kuwii soo abaabulay, kuwii maalgaliyay iyo kuwii mas’uulka ka ahaa falalkan foosha xun ee argagaxisada ah, waxayna ugu baaqeen dhammaan Dowladaha inay si firfircoon ula shaqeeyaan Dowlada Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha ay khusayso arrintani, si waafaqsan waajibaadkooda ka saaran sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Golaha Amaanka ee khuseeya arrimahan. Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale ku celiyeen in falal kasta ee aragagaxiso ay yihiin faldembiyeedyo aan loo cudur daari karin, iyadoon loo eegeyn ujeedkooda, goob kasta oo ay ka dhacaan, goor kasta oo ay dhacaan iyo cid walba oo geysata. Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale xaqiijiyeen baahida loo qabo in dhammaan Dowladuhu ay si walba ula dagaallamaan khataraha ay weerarada argagaxisadu ku hayaan amniga iyo nabadda caalamiga ah, si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay iyo waajibaadyada kale ee uu dhigayo sharchiga caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, sharciga caalamiga ah ee qaxootiga iyo sharciga caalamiga ah ee xilliyada dagaallada. Xubnaha Golaha Amaanku waxay ammaan u soo jeediyeen dhammaan daneeyaasha caalamiga ah ee ku hawlan sidii nabad iyo xasillooni loogusoo dabbaali lahaa Soomaaliya. Xubnaha Golaha Amaanka ayaa mar kale ku celiyay sida ay uga go’antahay inay taageeraan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya. Waxay hoosta ka xariiqeen in weerarkan iyo weerar kasta oo kale ee argagaxiso aanu wiiqi doonin u heellanaantaas.
-
Popular Contributors
