Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,018
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku dhacday diyaarad ay leedahay shirkadda Star Sky, taas oo u socotay magaalooyinka Guriceel iyo Gaalkacyo. Diyaaradan oo ay saarnaayeen rakaab tiradoodu gaarayso 50 qof ayaa soo dhacday xilli ay markaas uun isku dayaysay inay hawada gasho, waxaana goobta si degdeg ah u gaaray baabuurta dab-damiska iyo kooxaha gurmadka ee garoonka. ​Mas’uuliyiinta shirkadda Star Sky ayaa xaqiijiyay in dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda ay nabad qabaan, iyadoo aaney jirin wax khasaare nafo ah oo ka dhashay dhacdadan. In kastoo diyaaraddu ay burbur la kulantay, haddana gurmadka degdegga ah ee lala gaaray ayaa ka hortagay in xaaladdu ka sii darto. Waxaa hadda socda baaritaanno ay sameynayaan mas’uuliyiinta duulista hawada si loo ogaado sababta rasmiga ah ee keentay in diyaaraddu ay soo dhacdo ka hor inta aysan si buuxda u kicin. Source: goobjoog.com
  2. Ankara, Türkiye – 10 Febraayo 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Hay’adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Türkiye (BTK) ayaa saxiixay Heshiis Is-Afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee dhinaca isgaarsiinta elektaroonigga ah. Heshiiskan, Hay’adaha HIQ iyo BTK waxay iska kaashan doonaan dhinacyada ay wada daneynayaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin nidaaminta isgaarsiinta dayax-gacmeedka, amniga saaybarka, maareynta hirarka, hirgelinta kaabeyaasha internet-ka baahsan (broadband), amniga iyo adkaysiga shabakadaha iyo adeegyada isgaarsiinta, nidaaminta internet-ka, iyo qoddobo kale oo nidaamineed oo la xiriira isgaarsiinta elektaroonigga ah. Heshiiska Is-Afgaradka waxaa xarunta dhexe ee Hay’adda BTK ee Ankara, ku saxiixay Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Soomaaliya, iyo Mudane Ömer Abdullah Karagözoğlu, Guddoomiyaha Hay’adda Teknolojiyadda Macluumaadka iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Türkiye. Isagoo ka hadlaya heshiiska is-afgaradka, Mudane Ömer Abdullah Karagözoğlu wuxuu yiri: “Annagoo u marayna iskaashigan, waxaan kor u qaadaynaa is-weydaarsiga aqoonta, khibradda nidaamin, si kor loogu qaado qeybaha isgaarsiinta ee mustaqbalka fog ee labada dal ee Türkiye iyo Soomaaliya.” Dhankiisa, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa ka hadlay muhiimadda heshiiska, isagoo xusay: “Heshiiskani wuxuu xoojinayaa wada-shaqeynta hay’adeed ee u dhexeysa HIQ iyo BTK, wuxuuna taageerayaa dhisidda awoodda shaqaalaha, is-weydaarsiga aqoonta, iyo horumarinta qaab-dhismeedka nidaamin oo wax ku ool ah, taas oo ka qeyb qaadan doonta kobaca iyo casriyeynta qeybaha isgaarsiinta dalkeena.” Kaddib saxiixa heshiiska, Maareeyaha Guud iyo wafdiga uu hoggaaminayo waxay la yeesheen kulammo gaar ah Hay’adda BTK iyo xarumo kale oo hoos yimaada, iyagoo ka qeybqaatay wadahadallo farsamo, aqoon-isweydaarsi, iyo wadaagis khibradeed oo la xiriira hab-dhaqannada nidaamineed, amniga saaybarka, ilaalinta macaamiisha, iyo hab-maamulka internet-ka. Source: goobjoog.com
  3. ​Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka magaalada Muqdisho ku fulisay xukunnadii dilka ahaa ee ay horey ugu ridday Cabdi Cabdiqaadir Maxamed (Xuseen) iyo Farxaan Maxamuud Cabdinuur Aadan (Xasan). Labadan nin, oo loo haystay dambiyo culus oo ka dhacay caasimadda, ayaa lagu helay inay si bareer ah u dileen afar muwaadin oo Soomaaliyeed, taas oo keentay in Maxkamadda Darajada 1-aad ay ku riddo xukun ah dil toogasho ah oo ugu dambeyn saaka lagu fuliyey. ​Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta maxkamadda, Cabdi Cabdiqaadir iyo Farxaan Maxamuud ayaa mid kastaaba gacantiisa ku dilay laba qof, taas oo tirada guud ee dhibbanayaasha ka dhigaysa afar qof. Ka dib markii la dhammaystiray hannaankii racfaanka iyo baaritaannada dhabta ah, waxaa lagu go’aamiyey in la fuliyo xukunkii caddaaladda si loogu tusaale qaato loona samata-bixiyo nafta muwaadiniinta kale ee rayidka ah. ​ Source: goobjoog.com
  4. Dawladda Soomaaliya ayaa Wada-hadallo wax ku ool ah kula jirta dhiggeeda Pakistan si ay u Hesho 24 Diyaaradaha Dagaalka ee JF-17 Thunder Block III ah, sida ay xaqiijiyeen ilo militari iyo kuwo warbaahineed oo labada dhinac ka ag dhowe. Inkastoo aysan Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah u shaacin haddana wararka ayaa sheegaya inay wada-hadalladu si heer sare ah u socdaan, ayadoo laga wada-xaajoonayo iibsiga 24 diyaaradaha dagaalka ee nooca JF-17 Thunder Block III ah, sida ay sheegtay shabakadda Defence Security Asia oo xiganaysa ilo xog-ogaal ah. Haddii heshiiskan la meel mariyo, wuxuu noqon doonaa tallaabadii ugu ballaarneyd ee casriyeyn ciidan ee ay Soomaaliya qaaddo tan iyo burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991. Heshiiskan ayaa sidoo kale la filaya inuu horseedo isbeddel istiraatiiji ah oo weyn, kaas oo Soomaaliya uga guureyso ku-tiirsanaanta taageero militari ee shisheeye, kuna wajahan dagaalka argagixisada, ayadoo xoogga saaraysa dhisidda ciidan cirka oo madax-bannaan, casri ah, kana shaqeeya ilaalinta hawada, badda iyo dhulka dalka. iibsiga JF-17 wuxuu si toos ah u saameyn doonaa dheelitirka awoodda cirka ee Geeska Afrika, maadaama Soomaaliya ay si rasmi ah dib ugu soo laabaneyso khariidadda dalalka leh awood dagaal oo cirka ah. Soomaaliya waxay leedahay hawada ugu ballaaran gobolka, taas oo gaaraysa (637,000 km²) iyo xeeb dheer oo ka badan 3,300 km, kuwaas oo muddo dheer aan lahayn ilaalin ku filan. Xogta Wada-hadalladan ayaa soo baxday ka dib booqasho uu bishan Febraayo dalka Pakistan ku tegay wafdi sare oo Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya, Janaraal Maxamuud Sheekh Cali (Dable Baylood), taas oo muujinaysa in arrintu ka gudubtay kaliya fikrad una gudubtay wada-xaajood rasmi ah oo dowlad-ila-dowlad ah. Maxaa JF-17 uga dhigaya mid ku habboon Soomaaliya? Sida laga soo xigtay Mas’uuliyiinta Pakistan JF-17 Thunder waa diyaarad leh qiime jaban, balse awood buuxda leh dhammaan noocyada howlgallada iyo hannaanka difaaca hawada ee casriga ah. Khubarada amniga ayaa tilmaamay in JF-17 ay leedahay faa’iidooyin ay ka mid yihiin dabacsanaan hub, tababar, dayactir fudud iyo shuruudo siyaasadeed oo ka yar kuwa la socda diyaaradaha Maraykanka ama Yurub. Sidoo kale diyaaradda Block III ee JF-17 waxay ku qalabeysan tahay: Raadaar AESA ah (KLJ-7A) oo leh awood ogaansho oo gaaraysa ilaa 170 km, Xawaare gaaraya Mach 1.6 oo Masaafada dagaalka ah, taas oo u dhiganta in ka badan 1,350 km, ayadoo sidoo kale ay ku rakibanyihiin gantaallo casri ah oo ay ku jiraan PL-15 (BVR) iyo hub kale. Awoodahan ayaa si gaar ah ugu habboon baahiyaha Soomaaliya ee la xiriira ilaalinta hawada, la-socodka badda, la-dagaallanka tahriibka, burcad-badeedda iyo khataraha amniga qaranka. Ciidanka Cirka Soomaaliya wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu xooggan Afrika xilligii dawladdii kacaanka(1969–1991), isagoo haystay diyaarado ay ka mid ahaayeen MiG-21, MiG-17 iyo Il-28, balse intii lagu jirey burburkii dowladnimada ayay awooddaas si buuxda u baaba’day. Muddo ka badan 30 sano, Soomaaliya waxay ku tiirsaneyd gargaar dibadeed, hayeeshee Qaadistii cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay Diseembar 2023 ayaa furtay bog cusub, iyadoo ay Soomaaliya Turkigu horey uga heshay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2, sidoo ay tiro diyaaradaha Qumaatiga u kaca ah dibedda ka keensatay. Si kastaba, JF-17 waxay noqan kartaa tiirka ugu weyn ee dib-u-dhiska awoodda cirka, ayadoo taasi ay Soomaaliya ka dhigi karto dal leh ciidan cirka oo u gaar ah, islamarkaana madax-bannaanidiisa ilaashan kara. Source: goobjoog.com
  5. Doon cinjir ka sameysan oo siday 55 rakaab ah, oo ay ku jiraan laba carruur ah, ayaa ku qallibantay xeebta Liibiya, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay. Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa Isniintii ku dhawaaqday in doonta ay siday muhaajiriin iyo qaxooti ka kala yimid dalal kala duwan oo Afrikaan ah, iyadoo la soo badbaadiyay keliya laba haween ah oo u dhashay dalka Nigeria. Doonta ayaa degtay ka dib markii ay biyaha ku socotay qiyaastii lix saacadood iyadoo ka soo baxday magaalada xeebta ku taal ee al-Zawiya ee waqooyi-galbeed Liibiya. Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay, in sanadkan 2026 keliya, ku dhawaad ​​500 oo muhaajiriin ah la soo sheegay inay dhinteen ama la la’yahay iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan Badda Mediterranean-ka iyagoo ka soo tallaabaya dalka Liibiya. Liibiya waxay noqotay goob muhiim u ah muhaajiriinta ka soo jeeda dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika, ee doonaya inay gaaraan Yurub tan iyo markii la dilay hoggaamiyihii muddada dheer xukunka hayay, Muammar Gaddafi sanadkii 2011-kii. Mid ka mid ah labada haween ee badbaaday ayaa waxay sheegtay in ninkeedu kamid ahaa dadka dhintay, halka tan kalena ay sheegtay in labadeeda carruur ah ay dhinteen, sida laga so xigtay hay’addu. Kooxaha IOM waxay labada dumar ah siiyeen daryeel caafimaad oo degdeg ah. Iyadoo la soo weriyo masiibooyin soo noqnoqda, haddana muhaajiriintu waxay sii wadaan inay isku dayaan inay ka gudbaan badda. Horaantii sanadkan, hay’adaha amniga ee Liibiya ayaa sii daayay in ka badan 200 oo muhaajiriin ah oo ku xirnaa meel ay ku tilmaameen xabsi qarsoodi ah oo ku yaalla magaalada Kufra ee koonfur bari dalkaas, ka dib markii lagu hayay xaalado bini-aadanimada ka baxsan, sida ay labo ilo-wareed oo dhanka amniga ah u sheegeen wakaaladda Reuters. Source Bbcsomali Qaran News
  6. America First Global Health Strategy – Bilateral Agreements on Global Health Cooperation Fact Sheet Office of the Spokesperson December 4, 2025 As outlined in the America First Global Health Strategy, the United States will sign multi-year Bilateral Agreements on Global Health Cooperation with dozens of countries receiving U.S. health assistance in the coming weeks. These landmark agreements will advance a comprehensive and shared vision directly between the United States and recipient country governments for continued future cooperation on global health issues. The agreements will also maximize the impact of our global health assistance and strengthen our bilateral relationships while simultaneously saving millions of lives, stopping the spread of diseases globally, and helping countries move toward more resilient and durable health systems. These bilateral global health agreements will continue to build on decades of global health investment by fully transitioning U.S. technical assistance and other key functions, including financial responsibility, to countries currently receiving U.S. health assistance. A key component of each bilateral agreement will be staying committed to the ambitious goals that we have set over the past decades for combatting the spread of HIV/AIDS, tuberculosis, malaria, and polio, while prioritizing maternal and child health, disease surveillance, and infectious disease outbreak preparedness. Our guiding principles in these agreements will include streamlining performance monitoring, reducing non-frontline investment by integrating U.S., programming within a country’s broader health system, mobilizing the private sector and faith-based organizations, and requiring increased co-investment from receipt countries for healthcare workers and commodities. Each agreement will contain important and innovative provisions that facilitate long-term sustainability such as: Commodities: The procurement of commodities will be transitioned from the U.S. government to partner governments gradually over the established period of the agreement. The United States has committed to covering 100 percent of frontline healthcare workers and commodities for the next fiscal year and will work with countries to co-invest in these efforts over time. Frontline Health Workers: Frontline health workers currently funded by the U.S. government will be mapped to the cadres of health workers that can be employed by partner governments, and those cadres of health workers will be transitioned to the partner government payroll over a multi-year period as jointly agreed to. Data Systems: Funding will support the scale up of partner governments’ health data systems to ensure key programmatic data for HIV/AIDS, TB, malaria, polio, and disease outbreaks can be tracked at scale long-term. Co-Investment: Partner governments will increase their domestic health expenditures over the agreement period, a critical step in ensuring partner governments have the resources they need to sustain their health response long-term without support from the U.S. government. Performance Incentives and Transition Assistance: U.S. government financial support will be linked to countries’ ability to meet or exceed key health metrics with financial incentives for countries who exceed those metrics. Since 2001, the United States has invested more than $204 billion to bolster other governments’ health sectors, supporting programs that have saved lives, strengthened health systems, and improved global health cooperation. Through these new bilateral health cooperation agreements, we preserve what works in our health foreign assistance programs while rapidly fixing what is broken. This is another example of the Trump Administration’s America First Global Health Strategy ensuring America is safer, stronger, and more prosperous. Qaran News
  7. Riyaad (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kor u qaadaysa taageeradeeda ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-dhiska iyo tayeynta hay’adaha amniga dalka. Sida looga wada-hadlay kulan ka dhacay Riyaad, labada dal ayaa xoojinaya iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga khibradaha amni, iyo horumarinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee labada dal. Kulankan ayaa dhexmaray Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo safar shaqo ku jooga Sacuudi Carabiya, iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Abdulaziz bin Ayyaf. Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray horumarinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee Soomaaliya iyo Sacuudiga. Wasiir Fartaag oo kulanka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga doorka ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xasillinta dalka. Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo wax ku ool ah. Amiir Abdulaziz bin Ayyaf ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Boqortooyada Sacuudiga ay ka go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada ay siiso hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka. Sidoo kale, dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah, kaas oo ay qalinka ku duugeen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Khaalid bin Salmaan. Heshiiskan ayaa sii xoojinaya iskaashiga dhinacyada difaaca iyo milatariga ee labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Difaaca. Sidoo kale, wuxuu daboolayaa dhinacyo kala duwan oo ay labada dal si wadajir ah u danaynayaan. Tallaabadan ayaa sii xoojinaysa iskaashiga difaaca, is-weydaarsiga khibradaha, iyo la socodka tiknoolajiyada casriga ah ee amniga iyo warshadaha militariga. Si kastaba, Sacuudiga ayaa u muuqda inuu buuxinayo booska Imaaraadka Carabta, oo dhawaan Soomaaliya ay ka cayrisay gudaha dalka, sidoo kalena ay baabi’isay dhammaan heshiisyadii horay loola galay, oo ay ku jiraan kuwa difaaca. The post Sacuudiga oo kor u qaadaya taageerada Soomaaliya, si uu u buuxiyo booska… appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safarro shaqo oo rasmi ah oo uu ku kala bixiyay dalalka Qatar iyo Masar. Madaxweynaha ayaa muddadii uu safarradaasi ku guda jiray, waxa uu kulammo miro-dhal ah la yeeshay madaxda sare ee dalalkaas, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in safarradan Madaxweynaha qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso inay ku xoojiso doorka dalka ee arrimaha gobolka iyo caalamka, isla markaana ku kasbato taageero caalami ah oo lagu garab istaago midnimada iyo madax-bannaanida dalka. Madaxweynaha ayaa haatan guda galaya wada-hadalladii loo ballansanaa ee uu la yeelanayo Golaha Mustaqbalka toddobaadkan, iyadoo magaalada Muqdisho ay kusoo wajahan yihiin madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland. Horay waxaa magaalada u soo gaaray saraakiil iyo la-taliyaal amni oo ka socda Jubbaland iyo Puntland, iyadoo berri la filayo in caasimadda yimaadan ilaalada madaxweynayaasha labada maamul. Shirka ayaa lagu wadaa in ka hor maalinta Khamiista uu ka furmo gudaha Xalane, maadaama hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland ay ka biyo diideen inay tagaan Villa Somalia, iyagoo Xalane u arka goob dhexdhexaad ah oo amnigeeda lagu kalsoonaan karo. Ajendaha shirka ayaa noqonaya arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaallada ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha, sida lagu gaaray kulamadii guddiyada farsamo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka. Si kastaba, shirkan oo hore uga dib dhacay waqtigiisa ayaa haatan imanaya xilli ay kasii dareyso xiisadda dastuurka, kadib markii Villa Somalia ay dardar-gelisay wax ka beddelkiisa, iyadoo adeegsaneysa guddoonka baarlamaanka, si loo meelmariyo dastuurka lagu muransan yahay. Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa u arka qorshaha wax ka beddelka dastuurka mid uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga dan leeyahay damac muddo-kororsi, taas oo ay si adag uga horyimaadeen. The post Xasan oo dalka kusoo laabtay iyo xogtii ugu dambeeyay wada-hadallada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  9. Shan qof ayaa ku geeriyooday, tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib shil gaari oo aad u naxdin badani uu maanta ka dhacay jidka iskuxira magaalooyinka Jigjiga iyo Qabribayax. Shilkan oo si gaar ah uga dhacay degaanka Xoodhkay ayaa la sheegay inuu ka dhashay iskudhac gaadiid, inkastoo faahfaahinta rasmiga ah ee sababta shilka ay weli socdaan baaritaanno lagu ogaanayo. Wararka hordhaca ah ee laga helayo goobta shilka ayaa sheegaya in ay jiraan dad dhaawac ah oo xaaladdoodu kala duwan tahay, kuwaas oo hadda lagu dabiibayo xarumo caafimaad. Sawirro goobta shilka laga soo qaaday ayaa muujinaya gaari rakaab ah oo uu burbur xooggani soo gaaray iyo gaadiid kale oo meesha ku sugan. Shilalka baabuurta ayaa ka mid ah musiibooyinka ugu khasaaraha badan ee ka dhaca degaannada Soomaalida, iyadoo sababta loo aaneeyo burburka waddooyinka iyo wadayaasha oo xawaare sare ku kaxeeya gaadiidka. Source: goobjoog.com
  10. Somaliland leader seeks broader recognition following Israel diplomatic breakthrough Somaliland leader seeks broader recognition following Israel diplomatic breakthroughSomaliland leader seeks broader recognition following Israel diplomatic breakthrough / bne IntelliNews FacebookTwitterLinkedInTelegramFlipboardFeedly By bnm Gulf bureau February 9, 2026 Somaliland’s president said the territory will capitalise on Israel’s recent diplomatic recognition to pursue acceptance from Washington and other major powers, presenting the Horn of Africa state as a mineral-rich ally to US President Donald Trump, Semafor reported on February 8. The push to develop the pseudo-state into an actual country comes amid international outrage from Somalia, which does not recognise the breakaway republic. By aligning itself with Israel, Berbera inherits both opportunity and exposure. While recognition opens diplomatic and strategic doors that have long remained closed, it also places Somaliland firmly within a web of regional rivalries and potential security risks. President Abdirahman Mohamed Abdilahi, speaking in Dubai, described Israel’s December decision to become the first country to formally recognise Somaliland as a transformative development for the territory, which has operated as a self-governing entity since its 1991 break from Somalia. “More people will pay attention,” Abdilahi said, noting the global discussion now surrounding Somaliland’s status. Israel’s announcement drew sharp criticism from the African Union, European Union and several governments, including China, Egypt and Saudi Arabia. Tensions over Somaliland’s growing relationship with the United Arab Emirates have complicated relations between Abu Dhabi and Riyadh. The president dismissed the negative responses as primarily driven by political interests or insufficient understanding of Somaliland’s history. He noted the territory predates modern Somalia and initially joined the union voluntarily to unite Somali-speaking regions. Abdilahi said Somaliland’s campaign for international recognition will proceed carefully, given increased opposition. “We have more enemies than before, so everything has to be done discreetly,” he said. Plans to strengthen Israeli ties include establishing embassies and commercial exchanges. The president cited Israel’s technological expertise in education, agriculture, science and water management as areas for cooperation. In courting US support, Abdilahi pointed to Somaliland’s Red Sea and Horn of Africa coastline alongside its natural resource deposits including oil, gas and minerals. “We have the best beaches in the world,” he added. Washington observers view Somaliland as a potential security partner for monitoring weapons trafficking, Yemen’s Houthi movement and China’s expanding presence, including Beijing’s military installation in nearby Djibouti. The UAE remains Somaliland’s largest investor. Port operator DP World has committed over $400mn to expand Berbera’s port infrastructure for major cargo vessels and to develop an adjacent manufacturing and trade zone. Following the UAE’s investment, Somalia scrapped all cooperation agreements with the Emirates, including port concessions and defence arrangements, accusing Abu Dhabi of actions that threaten its sovereignty. Officials in Somaliland said their agreements, including those linked to Berbera port, remain valid, while Puntland and Jubbaland reaffirmed security and development partnerships with Abu Dhabi Source Intellinews Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya keentay nidaamka difaaca hawada, xilli ay Ankara dalka ka bilaabayso qodista shidaalka, isla markaana ay ka hirgelinayso saldhig hawada sare ah oo laga ganayo dayax-gacmeedka. Ankara ayaa maalmihii dambe dalka keenaysay nidaamkan difaaca, iyadoo maanta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ay kasoo degtay diyaarad xamuul millatari oo nooca Airbus A400M Atlas ah. Diyaaraddan oo ay leeyihiin ciidamada cirka Turkiga ayaa ka soo kacday saldhigga cirka ee Kayseri Erkilet ee Turkiga, waxaana la rumeysan yahay in imaanshaheedu la xiriiri karo iskaashi milatari oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Ankara ay dhawaan Soomaaliya keentay diyaaradaha casriga ah ee dagaalka F-16. Sidoo kale, Turkiga ayaa Soomaaliya u soo diray saraakiil ka kala socda ciidamada Cirka, Badda iyo Dhulka, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada-shaqeynta milatari ee labada dhinac. Ankara ayaa sidoo kale xoojisay joogitaankeeda milatari ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka. Maraakiibtaasi ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka la soo saarayo, xeryaha la dhisayo, iyo xarunta dayax-gacmeedka ee haatan lagu howlan yahay. Si kastaba, Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyey ka waday shaqooyin diyaarin ah gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta bakhaarro lagu keydinayo diyaaradaha, qalabka dayactirka, iyo joogitaanka khubaro ku howlan hawl-gelinta iyo taageerada farsamo. Waxaa la sheegaya in keenista nidaamkan difaaca iyo diyaaradaha dagaalka ay si dhow ula xiriirto qorshayaasha qodista shidaalka badda, oo la filayo inay billowdaan dabayaaqada sannadkan, iyo hindisaha kale ee dhismaha saldhig dayax-gacmeed oo laga hirgelinayo waqooyiga Muqdisho. The post Xog: Turkiga oo Soomaaliya keenay nidaamka difaaca hawada + Qorshaha socda appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhoweysay go’aanka ay Dowladda Suudaan dib ugu billowday ka-qaybgalkeedii buuxda ee Urur-goboleedka IGAD. Dowladdu waxay sheegtay inay arrintan u aragto tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo wada-shaqeynta dalalka gobolka, si loo helo nabad iyo xasillooni waarta. Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaantay inay si gaar ah u tixgelinayso adkeynta xiriirka heer gobol ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Suudaan, kaas oo tiir-dhexaad u ah xoojinta wada-shaqeynta caalamiga ah, isla markaana laf-dhabar u ah ilaalinta nabadda iyo amniga heer gobol iyo heer caalami. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadinaysaa dadaallada diblomaasiyadeed ee ay hormuudka ka ahayd Jamhuuriyadda walaalaha ah ee Jabuuti,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhaweynaysaa go’aanka ay Dowladda walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Suudaan dib ugu billowday ka-qaybgalkeedii buuxda ee Urur-Goboleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD). Soomaaliya waxay si gaar ah u tixgelinaysaa adkeynta iskaashiga heer gobol ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Suudaan, kaas oo tiir-dhexaad u ah xoojinta wada-shaqeynta wax-ku-oolka ah ee caalamiga ah, isla markaana laf-dhabar u ah ilaalinta nabadda iyo amniga heer gobol iyo heer caalami. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadinaysaa dadaallada diblomaasiyadeed ee ay hormuudka ka ahayd Jamhuuriyadda walaalaha ah ee Jabuuti, iyada oo hoos imanaysa hoggaanka xikmadda leh ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Guddoomiyaha Shir-Madaxeedka IGAD ee xilka haya. Dadaalladan ayaa door muuqda ka qaatay fududeynta dib-u-soo-laabashada guuleysatay ee Jamhuuriyadda Suudaan, taas oo ka tarjumaysa isku-duubnida goboleed iyo masuuliyadda wadajirka ah. The post Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aanka… appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee dowladda Jarmalka, Mr. Niels Annen ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Wafdiga ka socda dowladda Jarmalka ayaa waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Jarmalka, Sebastian Groth. Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, oo ay ka mid yihiin abaarta ba’an ee jirta iy guulaha laga gaaray furimaha dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, dhammaystirka dastuurka iyo gogosha wada-hadal ee ay dowladda u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Dhankiisa, Wasiir Niels Annen ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay qaabilaadda diirran iyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda uu leeyahay iskaashiga ku dhisan dano-wanaagga ee labada dowladood ka dhaxeeya. Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay doorkeeda ka qaadan doonto dadaallada xalka loogu raadinayo nabadda iyo xasiloonida adduunka marka la joogo goleyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ay Soomaaliya ka tahay xubin aan joogto ahayn. Booqashada wafdigan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu horumar wanaagsan sameynayo xiriirka Soomaaliya iyo Jarmalka. Dowladda Jarmalka ayaa dhawaan si buuxda u aqoonsatay baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya, taas oo sii xoojinaysa xiriirka diblomaasiyadeed, isla markaana fududeynaysa socdaalka labada dal. The post Wafdi ka socda Jarmalka oo Muqdisho wada-hadallo kula yeeshay DF + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Cosoble oo qoraal soo saaray ayaa ka fal-celiyay dhaq-dhaqaaqa mucaaradka, isaga oo si gaar ah uga digay qorshe uu sheegay in ay ku doonayaan in lagu beddalo Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre. Cali Cosoble ayaa shaaca ka qaaday in arrintan oo kale ay horay u dhacday, isla markaana ay ku khasaareen madaxweynayaashii sameeyay, sida uu hadalka u dhigay. “Xamse hadduu baxo miyey dowladda iyo mucaaradka heshiinayaan? Bal dulmiga iyo beenta qaawan arka. Warkii mucaaradka ma Xamse ha la baddalo ayuu ku soo aruuray? Filimkaan iney Somali hore u daawatay sow lama ogga? Madaxweyneyaashii dalka soo maray ee qaatay taladii mucaaradka kuna khasaaray sidaana ku waayay xilkii madaxweyne ee ay hayeen waxaa ka mid ah: Cabdulqasim Salad Xasan, Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo” ayuu yiri Cali Cosoble. Madaxweynihii hore ee Maamul-Goboleedka HirShabelle ayaa xusay in xilligan aan loo baahneyn in meesha laga saaro Ra’iisul wasaaraha, isaga oo ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu uusan qaadan talada mucaaradka.. “Waxaa xaqiiqo ah in eysan waqtigan la joogo munaasab aheyn inuu Mad Xasan Shekh Maxamud qaato talada mucaaradka” ayuu mar kale yiri madaxweynihii hore ee HirShabelle. Sidoo kale intaas ku daray “Waxaan si buuxda u diidanahay talada ah Xamse hadduu baxo ayey Somali heshiineysa. Oo Xamse oo jooga lama heshiin karo?”. Waxaa kale oo uu soo jeediyay talo muhiim ah, isaga oo yiri “Laba qolo ayaa lala heshiiyaa: 1) qolo jabtay oo isi soo dhiibtay waa lala heshiiyaa, 2) qolo guuleysatay ayadana waxbaa lagu darsadaa oo waa lala heshiiyaa, 3) qolo saddexaad ma jirto”. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana madaxtooyada iyo mucaaradka ay isku hayaan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah oo xaalad ka abuuray Baarlamaanka. The post Xasan Sheekh oo looga digay inuu beddalo R/W Xamza appeared first on Caasimada Online.
  15. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞-𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐤𝐚 𝐡𝐚𝐰𝐥-𝐠𝐚𝐥𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxda Sare ee Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay (UN) ee ka hawl-gala Jamhuuriyadda Somaliland, sida (Madaxa UN Coordination Office, UNICEF, WFP, UNOCHA, UNFPA, UNRCO), kuwaasi oo Booqasho Sharafeed ugu yimid Madaxweyne ku-xigeenka JSL. Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa Madaxda Hay’adaha UN-ta uga mahad naqay booqashada ay ugu yimaadeen, isaga oo ku bogaadiyey doorka muuqda iyo waxqabadka ay Hay’adaha Qaramada Midoobay ka fuliyaan Somaliland, gaar ahaan arrimaha bini’aadannimada, horumarka bulshada, iyo dhismaha kaabeyaasha Dawladnimada. Waxa uu xusay in iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hay’adaha UN-ta uu yahay mid ku dhisan kalsooni iyo wada-shaqayn soo jireen ah. Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu Madaxda Sare ee Hay’adaha UN-ta Somaliland si gaar ah ugala hadlay Xaaladda Abaaraha ba’an ee ka jira dhammaan Gobollada dalka, kuwaasi oo saameyn weyn ku yeeshay nolosha bulshada, gaar ahaan nolol-maalmeedka dadka reer miyiga ah iyo xoolo-dhaqatada, kuwaasi oo haatan noloshoodu ku jirto halis weyn. Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu carrabka ku adkeeyey in abaaruhu ay sababeen biyo-yari, cunto-la’aan, bara-kac weyn iyo khasaare baaxad leh oo soo gaadhay xoolaha nool oo ah laf-dhabarta uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha dalka Somaliland. Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha ayaa Hay’adaha Qaramada Midoobay ugu baaqay in ay door firfircoon ka qaataan Gurmadka abaaraha, isla markaana ay diyaariyaan gargaar bini’aadannimo oo degdeg ah, sida cunto, biyo nadiif ah, daawooyin, adeegyo caafimaad, iyo calafka xoolaha, si wax looga qabto dhibaatada maalin walba sii kordhaysa ee haysata dadka ay abaaruhu saameeyeen. Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu xusay in Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay diyaar u tahay in ay Hay’adaha UN-ta la yeelato wada-shaqayn buuxda iyo tallaabo kasta oo lagu dardar-gelinayo gaadhsiinta gargaarka, isaga oo adkeeyey in wax-ka-qabashada abaaruhu ay tahay mas’uuliyad wadareed u baahan jawaab degdeg ah iyo isku-dubbarid qorshaysan oo lagu xoojinayo Gurmadka Abaaraha. Iyaguna dhankooda, Madaxda Sare ee Hay’adaha UN-ta oo uu hoggaaminayey Madaxa Xafiiska Isku-dubba-ridka Qaramada Midoobay ee Somaliland, Mudane Tedla Damte ayaa Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Xukuumaddiisa ku bogaadiyey ka shaqaynta nabadda, xallinta khilaafaadka iyo Qaramaynta Ciidamadii Madaniga ahaa ee tirada badnaa, taasi oo wax badan ka tartay amniga iyo xasilloonida dalka. Mudane Tedla Damte waxa uu xusay in kasta oo Xaaladda Dhaqaale ee Dunidu aanay haatan wanaagsanayn, hawlihii Qaramada Midoobayna ay hoos-u-dhac weyni ku yimaadeen, haddana in Qaramada Midoobay ay Xukuumadda iyo Shacabka Somaliland ula shaqayn doonto sidii ay awalba ula shaqayn jirtay, isla markaana ay sii wadi doonto hawlaha gargaarka bani’aadannimada iyo horumarinta bulshada, hadba intii karaankeeda ah. Xagga Gurmadka Abaaraha, Mudane Tedla Damte waxa uu sheegay in Hay’adaha UN-ta ee ka hawl gala Somaliland ay ka qayb qaadan doonaan gargaarka abaaraha intii itaalkooda ah. Gabagabadii, Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale caddeeyey sida ay Dawladda Somaliland uga go’an tahay sii xoojinta wada-shaqaynta iyo iskaashiga kala duwan ee ay la leedahay Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawl-gala Jamhuuriyadda Somaliland. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay Villa Hargeysa ayaa mar kale ka dooday wax ka beddelka Dastuurka kumeel gaarka ah, xill weli ay tabasho ka qabaan mucaaradka diidan qorshaha Villa Soomaaliya. Xildhibaannada ayaa maanta soo gabagabeeyay doodooda ku aadan cutubka afaraad, gaar ahaan soo jeedinta wax ka beddalka qodobbada 49aad, 50aad iyo 54aad, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka. “Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa soo gabagabeeyay doodda soojeedintaa kooban ee wax-kabeddelka Qodobbada 49aad, 50aad iyo 54aad ee Cutubka 4aad” ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka. Sidoo kale, wuxuu guddigu intaasi ku daray in Baarlamaanka uu haatan guda galay cutubka 5-aad, iyagoo sii wadi doono ilaa 9-aad, sida uu qorshuhu yahay. “Waxay xildhibaannada gudagalayaan doodda soojeedimaha wax-kabeddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka, gaar ahaan cutubka 5aad” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka. Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, waxaana sii kala fogeyneysaa dhinacyada isku hayo arrimaha doorashooyinlka. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana dib u dhacay wada-hadalladii la filayay inay u bilowdaan Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka oo qorshuhu ahaa in heshiis ay ku garaan labada dhinac. The post Sawirro: BF Soomaaliya oo soo gaba-gabeeyay doodda cutubka 4-aad, una gudbay… appeared first on Caasimada Online.
  17. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro muddada sannadka ah ee uu caynaanka u hayo Somaliland waxa uu ka qayb galay kulamo Caalami ah sida , Kulankii Wakiilada Adduunka ee Nairobi 2025, shirkii Waddamada Adduunka ee Dubai ka dhacay 2025, shirka dhaqaalaha adduunka ee Davos ka dhacay 2026, shirka waddamada adduunka ee ka dhacay Dubai 2026. Sidoo kale waxa uu waraysi siiyey Warbaahinta Caalamiga ah sida Sky news Arabic, Reuters iyo The Guardain, isaga oo laftiisuna maqaallo ayuu ku daabacay Warbaahin ay ka mid tahay The Wall Street Journal. Dhammaanba shirarka, kulamada iyo saxaafadda uu la hadlay ama uu wax ku qoray madaxweyne Cirro waxa uu iska ilaaliyey in uu ka hadlo saddex arrimod. 1: Baahida Somaliland ka jirta iyo in uu dadka waxwaydiisto. Madaxweyne Cirro mar kasta oo uu la kulmayo wefti caalami ah ama uu ka qayb galayo shir Caalami ah, waxa uu carrabkiisa ka ilaaliyaa in uu ka hadlo baahi Somaliland ka jirta ama in uu sheegto duruuf nololeed oo dadkiisa haysta. Waxa uu hadalkiisa xoogga ku saaraa in uu sheego fursadaha maal gashi ee Somaliland ka jira sida Macdanta, Kalluumaysiga, dekedaha, marinka Berbera iyo Khayraadka kale ee dabiiciga ah. Waxa uu si cad wakiiladii beesha Caalamka ee Nairobi uu kula kulmay uu u sheegay in aanu ugu iman baryo iyo in uu gacanta hoos dhigto si wax loo siiyo balse uu u yimid waxwadaqabsi Shirarkii u dambeeyey ee Davos iyo Dubia waxa uu labada madaxweynuhu ku cel celiyey fursadaha dalkiisa ka jira iyo maal gashiga waddankiisa ka bannaan. 2: Is beddelka Cimilada. Qodobka is beddelka cimiladu waxa uu muddooyinkii dambe ahaa qodob ay la soo shir tagaan madaxda reer Afrika kuwaas oo hoggaamiyeyaasha iyo Haayaddaha Caalamiga ah waydiista in laga caawiyo is beddelka Cimilada. Tusaale ahaan madaxweynaha Soomaaliya oo sannadkii hore ka qayb galay shirka loo dhan yahay Qaramada Midoobay waxa uu bulshada Caalamka waydiistay in laga caawiyo abaaraha oo uu ku tilmaamay in ay tahay natiijada is beddelka Cimilada. Madaxweyne Cirro inkasta oo uu hoggaamiyo Somaliland oo ay abaaro ka jiraan haddana waxa uu meesha ka saaray in uu dunida kala hadlo is beddelka cimilada iyo in lagu caawiyo waxa ay kaga hor tagaan cimilada sii xumaanaysa. Waxana madaxweyne Cirro u muuqdaa in uu dusha kala socdo diidmada madaxweyne Trump ee barmaamijan maadaama oo Trump uu joojiyey maal gelintii la siin jirey arrimaha is beddelka Cimilada adduunka isla markaana uu ka baxay madashii Paris. 3: In laga soo bilaabo taariikhda Somaliland 1991. Muddo aad u dheer marka Somaliland laga sheekaynayo waxa taariikhdeeda laga soo bilaabi jirey 18 May 1991, markaas oo ahayd maalintii Burco lagaga dhawaaqay in ay Somaliland dib u soo ceshatay madax bannaanideedii 1960. Madaxweyne Cirro,waraysigii ugu dambeeyey ee uu siiyey Warbaahinta Sky news Carabi iyo kuwii ka horreeyeyba waxa uu soo bandhigay in Somaliland leedahay taariikh fac weyn oo ka horraysay 1991. Waxa uu xoogga saaray in uu ka hadlo taariikhdii Somaliland ee ka horraysay 1960-kii. Si gaar ah waa uu Cirro diiradda u saaray midnimada Soomaaliyeed in aanay ahayn Muqdisho iyo Hargeysa balse ay tahay shantii Soomaaliyeed oo isku dhan. Inqilaabkii fashilmay ee 1961 ay sameeyeen saraakiil u dhalatay Somaliland waxa uu madaxweyne Cirro ku fasiray in ay ahayd doonista Somaliland maanta jirta oo xilligaas la baadi goobayey dib u soo celinteeda. Dunida waxa uu tusay in Somaliland tahay dal la mid ah Afrikadii kale ee xornimada heshay 1960, iyo in xataa Somaliland ka taariikh horraysay Soomaaliya Gallaydh Qaran News
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisu aanu meesha ka saarayn suurta-galnimada in shirkad laga leeyahay Israa’iil ay maamusho ama saldhig ku yeelato mid ka mid ah dekedaha ku yaalla dhulka ay Somaliland ka arrimiso. Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in goobta juquraafi ahaan ay Somaliland kaga taallo Geeska Afrika ay tahay mid aad muhiim ugu ah amniga badaha caalamka. Waxa uu si gaar ah u xusay saameynta weerarada kooxda Xuutiyiinta ay ku hayaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil, kuwaas oo khal-khal geliyay ku dhawaad 12% ganacsigii caalamiga ahaa ee isaga gooshi jiray Badda Cas. Isagoo ka dhinac hadlayay shirweynaha Dowladaha Adduunka (World Government Summit) ee ka dhacay magaalada Dubai, ayuu Madaxweynuhu u sheegay wargeys ka soo baxa Israa’iil inuu soo dhoweynayo maalgashi kaga yimaada dhankaas. “Somaliland waa dal hodan ku ah kheyraadka, waana soo dhoweynaynaa maalgashiga,” ayuu yiri Madaxweynuhu, isagoo intaa ku daray, “Dhulkeena waa mid halbowle u ah ganacsiga badaha, sidaas darteed xiriirka aan la yeelanayno Israa’iil isna waa mid muhiimad gaar ah leh.” Cirro ayaa intaas ku daray in Somaliland ay leedahay kheyraad dabiici ah oo baaxad leh, sida macdanta, shidaalka, iyo gaaska, marka lagu daro xoolaha nool iyo dhul beereed ballaaran. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in kheyraadkani ay gacan ka geysan karaan sugidda amniga cunnada ee caalamka, gaar ahaan Israa’iil. “Waxaan dhiirrigelinayaa ganacsatada reer Israa’iil inay yimaadaan oo ay mashaariic ka hirgeliyaan qeybaha tamarta, dalxiiska, beeraha, daaqa, duulista iyo maaliyadda,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo bishii Janaayo uu sarkaal ka tirsan Somaliland sheegay in maamulku martigelin karo saldhig milatari oo ay leedahay Israa’iil. Warkaas ayaa soo baxay toddobaadyo uun kadib markii Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland. Hase yeeshee, mas’uuliyiinta Somaliland ayaa horey si rasmi ah u beeniyay eedeymo kaga yimid dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegayay in Somaliland ay aqbashay in dhulkeeda la dejiyo dad Falastiiniyiin ah oo laga soo barakiciyay Gaza, ama ay martigelinayso saldhig ciidan oo Israa’iil leedahay. Si kastaba ha ahaatee, Telefishinka Channel 12 ee laga leeyahay Israa’iil ayaa soo xigtay Deeqa Qaasim, oo ah sarkaalad ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hargeysa, taasoo sheegtay in wadahadallo ku saabsan saldhig milatari ay jiraan, balse hirgelintiisu ay ku xirnaan doonto waxa lagu heshiiyo marka la is-weydaarsado safaaradaha. Xiisadaha gobolka iyo saameynta Imaaraadka Somaliland ayaa maamusha dekedda istiraatiijiga ah ee Berbera oo ku taal Gacanka Cadmeed. Horraantii bishii Janaayo, markab siday hogaamiyaha gooni-u-goosadka Koonfurta Yemen, Aidarous al-Zubaidi, oo ay taageerto Imaaraadka Carabta, ayaa ku soo xirtay dekedda Berbera. Tallaabadaas ayaa dhalisay xiisad diblamaasiyadeed, iyadoo Sacuudi Carabiya ay ku eedeysay Imaaraadka—oo ay xurguf kala dhexeyso—inay Zubaidi si qarsoodi ah uga saareen Yemen una soo mariyeen Berbera si loo geeyo Abu Dhabi. Sacuudiga ayaa taageera Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen (PLC), halka Imaaraadku taageero kooxaha gooni-u-goosadka ah. Xaaladda Koonfurta Yemen ayaa si weyn isugu beddeshay bishii hore kadib markii Sacuudigu taageeray dalabka PLC ee ahaa in ciidamada Imaaraadku ka baxaan gobolka, kadib markii kooxda STC ay qabsatay dhul hor leh. Imaaraadka ayaa ku dhawaaqay inay ciidankooda kala baxayaan kadib markii duqeyn cirka ah oo Sacuudigu fuliyay ay beegsatay shixnad hub ah oo u socotay gooni-u-goosadka. Ciidamada Sacuudiga ayaa si degdeg ah u buuxiyay goobihii ay banneeyeen, oo ay ku jiraan Cadan iyo Xadramowt. Xiriirka Imaaraadka iyo Somaliland ayaa soo bilowday 2017-kii, markii Hargeysa aqbashay codsi Imaaraadku ku doonayay saldhig milatari oo laga hirgeliyo Berbera. Sawirro dayax-gacmeed oo ay falanqeysay shabakadda Middle East Eye ayaa muujinaya in saldhiggaas uu hadda yahay mid dhammaystiran oo leh kaabayaal casri ah, deked milatari oo biyo qoto dheer leh, iyo dhabaha dayuuradaha oo leh hangaaro. Berbera waa qeyb ka mid ah silsilad saldhigyo ah oo Imaaraadku ku leeyahay Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, halkaas oo ay maraan saddex-meeloodow meel ganacsiga dunida. Saldhigyadan ayaa la sheegay inay taageero ka helaan Mareykanka iyo Israa’iil, iyadoo Israa’iil ay hadda eegayso sidii ay u ballaarin lahayd joogitaankeeda gobolka. Dhabaha dayuuradaha ee Berbera oo dhererkiisu yahay 4km—kana mid ah kuwa ugu dhaadheer Afrika—ayaa awood u leh inuu qaabilo dayuuradaha xamuulka culus iyo kuwa dagaalka. Dekedda Berbera, oo si weyn loo ballaariyay wixii ka dambeeyay 2022, waxaa si wadajir ah u leh shirkadda DP World, xukuumadda Somaliland, iyo dowladda Ingiriiska. The post Cabdiraxmaan Cirro oo ku dhowaaqay in shirkad Israel laga leeyahay ay siinayaan…. appeared first on Caasimada Online.
  19. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Dowladda Jarmalka Mudane Niels Annen, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Jarmalka Mudane Sebastian Groth, waxa ayna si qotodheer uga wada hadleen danaha ka dhaxeeya labada dal iyo qodobo kale. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wafdiga uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, oo ay ka mid yihiin abaarta ba’an ee jirta, guulaha laga gaaray furimaha dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, dhaqaajinta howlaha doorashooyinka tooska ah ee goleyaasha deegaanka, dhammaystirka dastuurka, iyo gogosha wadahadal ee ay dowladda u fidisay Golaha Mustaqbalka. Dhankiisa, Mudane Niels Annen, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay qaabilaadda diirran iyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda uu leeyahay iskaashiga ku dhisan dano-wanaagga ee labada dowladood ka dhaxeeya. Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xaqiijiyay in Dowladda Soomaaliya ay doorkeeda ka qaadan doonto dadaallada xalka loogu raadinayo nabadda iyo xasiloonida adduunka marka la joogo goleyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ay Soomaaliya ka tahay xubin aan joogto ahayn. Source: goobjoog.com
  20. ​Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si diiran u soo dhoweynaysaa go’aanka walaalaha Jamhuuriyadda Suudaan ay dib ugu soo celiyeen ka-qaybgalkooda buuxa ee urur-goboleedka IGAD, iyadoo Soomaaliya ay si gaar ah u qiimeynayso sida Suudaan ay u caddeysay in iskaashiga gobolku uu yahay saldhigga guusha iskaashiga caalamiga ah iyo ilaalinta nabadda. Waxaa sidoo kale ammaan mudan dadaallada dublamaasiyadeed ee uu hormuudka ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, kuwaas oo sahlay soo laabashada Suudaan, taas oo muujinaysa dhab dhiska midnimada gobolka. ​Maadaama Suudaan ay tahay tiir muhiim u ah ururka dhinac kasta, soo laabashadeedu waxay kor u qaadaysaa awoodda IGAD ay u leedahay inay ka jawaabto caqabadaha horyaalla ee dhinaca amniga iyo horumarka. Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa inay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso Suudaan iyo dhammaan dalalka xubnaha ka ah ururka si loo gaaro himilooyinka iyo barwaaqada ay wadaagaan shucuubta gobolka. ​ Source: goobjoog.com
  21. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowaldaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad oo muhiim ah, kaas u dhexeeyay wasaaradaha waxbarashada labada dal, waxaana qalinka ku duugay Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo dhiggiisa Mudane Nabiil Maxamed Axmed Heshiiskan ayaa ah mid lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Jabuuti ee dhinaca tacliinta sare iyo cilmibaarista, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka,, Sidoo kale, ujeedada ugu wayn ayaa ah in ladhiso hannaan rasmi ah oo fududeynaya isweydaarsiga tacliimeed iyo cilmiyeed ee u dhexeeya jaamacadaha iyo hay’adaha tacliinta sare ee labada dal. Hoos ka akhriso nuxurka heshiiska;- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta si rasmi ah u kalasaxiixday Heshiis Isafgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinaca tacliinta sare iyo cilmibaarista. Heshiiskan oo maanta lagu saxiixay Magaalada Muqdisho, ayaa ujeeddadiisu tahay in ladhiso hannaan rasmi ah oo fududeynaya isweydaarsiga tacliimeed iyo cilmiyeed ee u dhexeeya jaamacadaha iyo hay’adaha tacliinta sare ee labada dal. Heshiisku wuxuu diiradda saarayaa qodobbada soo socda: Isweydaarsiga ardayda, macallimiinta jaamacadaha iyo cilmibaarayaasha; Taageeridda tababarro iyo barnaamijyo cilmibaaris oo muddo gaaban ah; Abaabulka shirar, aqoon-is-weydaarsiyo iyo siminaaro wadajir ah; Hirgelinta barnaamijyo shahaado-wadaag ah (Bachelor, Master iyo PhD); Fududeynta arrimaha deeqaha waxbarasho iyo aqoonsiga shahaadooyinka. Labada dal ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la ilaaliyo xuquuqda hantida aqooneed (Intellectual Property) ee ka dhalata cilmibaarista wadajirka ah, iyadoo la raacayo shuruucda qaran iyo heshiisyada caalamiga ah. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa sheegay in heshiiskani uu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, isla markaana uu kor u qaadayo tayada waxbarashada sare iyo horumarinta cilmi-baarista dalka. Dhankiisa, Mudane, Nabiil Maxamed Axmed, Wasiirka Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa carrabka ku adkeeyay in iskaashigan uu fursado ballaaran u abuuri doono ardayda iyo macallimiinta labada dal, islamarkaana uu gacan ka geysan doono kobcinta aqoonta iyo horumarka gobolka. Heshiiskan wuxuu ka tarjumayaa dadaalka joogtada ah ee labada dowladood ay ugu jiraan xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed iyo horumarinta mustaqbalka jiilasha soo koraya. The post Somalia iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu dhisayo… appeared first on Caasimada Online.
  22. Xiisadda u dhexeysa dalalka deriska ah ee Itoobiya iyo Eritrea ayaa mar kale cirka isku shareertay, kaddib is-dhaafsi hadallo kulul iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo isa soo tarayay bilihii u dambeeyay. Khilaafkan oo ku saleysan taariikh, juqraafi iyo dano istaraatiiji ah ayaa laga cabsi qabaa inuu isku badelo gacan ka hadal, ayadoo labada dhinac ay maalmihii la soo dhaafay isku jeedinayeen eedeymo kul kulul. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gideon Timotheos, ayaa si cad uga dalbaday dowladda Eritrea inay kala baxdo ciidamadeeda dhulka Itoobiya, isla markaana ay joojiso waxa uu ku tilmaamay taageerada ay siiso kooxo hubeysan ee gobolka Tigray. Baaqan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan hadallada hanjabaadda iyo digniinta ah ee ay is-weydaarsanayaan Addis Ababa iyo Asmara oo muddo dheer ay cadaawadi ka dhexeysay. Khilaafka u dhexeeya labada dal ayaa leh aragti ka ballaaran muran siyaasadeed oo kaliya, waxaana saldhig u ah loollan ku saabsan xuduudaha iyo marin-biyoodka Badda Cas. Itoobiya, oo ah dal aan bad lahayn, ayaa muddo dheer ku doodayay baahida ay u qabto marin toos ah oo ay ku gaarto badda, ayadoo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, uu arrintan ku tilmaamay qadiyad jiritaan iyo xaq taariikhi ah oo aan laga laaban karin. Hadallo ay jeediyeen siyaasiyiin Itoobiyaan ah ayaa xusay suurtagalnimada in Itoobiya ay xoog kula wareegto dekedda Assab ee koonfurta Eritrea, taas oo ay Asmara u aragto is ballaarin iyo gardarro toos ah, isla markaana dib u soo nooleynaya xusuusta dagaalladii dhiigga badani ku daatay ee hore u dhex maray labada dal. Dhinaca kale, muranka xuduudaha iyo eedeymaha la xiriira tahriibinta hubka iyo taageeridda kooxaha hubeysan ayaa noqday furin kale oo khilaafka sii hurinaya. Addis Ababa waxay Eritrea ku eedeysay inay taageerto kooxo hubeysan oo gooni-u-goosad ah, gaar ahaan kuwa ka dagaalama gobollada Tigray iyo Amxaarada, halka Eritrea ay si adag u beenisay eedeymahaas, kuna tilmaantay marmarsiiyo lagu doonayo cadaadis ciidan iyo qorshe lagu weerarayo dekedda Casab. Tan iyo sannadkii 2025, labada dal ayaa waday uruurin ciidan oo ka socota xuduudaha ay wadaagaan, Inkastoo aan weli isku dhac dagaal oo toos ah xaaladdu gaarin, haddana hadallada siyaasadeed ee sii kululaanaya ayaa gobolka geliyay jawi u eg u diyaargarow dagaal. Itoobiya iyo Eritrea ayaa in ka badan 4 mar dagaal toos ah isku fara saaray taniyo sanadkii 1993-kii, xilligaas oo ay labo dal kala noqdeen, waxaa’se xusid mudan ka sokow dhimasho tira-beel ah iyo xaalad bini’aadantinimo aan labada dhinac midna guul wax ku ool ah ka gaarin colaadihii hore. Source: goobjoog.com
  23. Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku shaqo leh shaqaalaysiinta, horumarinta xirfadaha shaqaalaha iyo kaydinta xogta shaqaalaha si uu u mutaysto ganaax ama dallacsiin. Sidaas oo ay tahay, misana, nidaamka shaqaalaysiinta ee dawladda waa mid ay dhaliillo badani dul hoganayaan oo shacabku tabashooyin faro badan ka qabaan, gaar ahaan dhallinyarada oo wax ku waayay tacliintii ay jaamacadaha ka soo barteen. Si aad dawladda uga heshid shaqo, qofka aad taqaanno ayaa ka muhiimsan waxa aad taqaanno. Immisa qof ayaa xiriir la lahaan kara wasiir, xildhibaan, agaasime iwm, si ay dawladda shaqo uga helaan? Maxa hortaagan in shaqooyinka dadweynaha ee ay dawladdu garsooraha ka tahay qeybintoodu, si daahfuran loogu tartamo? Miyuu fuli doonaa ballanqaadkii Ra’iisulwasaaraha JFS, Xamse Cabdi Barre, ee ku aadanaa in 2026 shaqooyinka dawladda loo tartami doono? Hannaanka gurracan ee shaqaalaysiinta ee wejigarashada ku dhisani wuxuu abuuray dhaqamo silloon oo horseeday in la caadiyaysto. Haddaba, aan si kooban isu dultaagno dhaqamadaas laga dhaxlay habka shaqasiinta ee aan ku dhisnayn doorsoocnimo (meritocracy). DHIBAATOOYINKA LAGA DHAXLAY NIDAAMKA SHAQAALAYSIINTA EE KU DHISAN: ‘YAAD TAQAAN?’ Guulwadayn Waxaa godgalay aragtidii xorka ahayd. Qofku waxa uu ku qasban yahay in uu taageero u muujiyo mas’uulka ka caawiyay in uu helo shaqadan—ama uu u raxleeyo maamulka markaas jooga, si uu booska uu u garbinta ku helay loogu haayo. Halkaas kuma dhammaan xaajo, ee si aad uga gudubto meesha aad joogtid ama aad u dallacdid, mar kale waa in aad dib u baadi goobtaa qof ku riixa, si uu kaala shaqeeyo arrintaas, taas oo muujinaysa in aysan jirin qiimayn sax ah oo ku salaysan waxqabad, habboonaan, aqoon iyo hufnaan shaqo. Waxqabadyari Arrintan waxaa sabab u ah shaqada oo qofka ay u baahnayd aan lagu meelaynin. Shaqadu waxa ay u baahantahay qof si wanaagsan u qaban kara, aqoonteedana leh. Hasayeeshee, aalaaba waxaa shaqooyinka loo dhiibaa qof garabraaricin gaar ah ku yimid. Taas ayaana keentay shaqaxumo joogto ah. Goobaha lagu bixiyo adeegyada dawliga ah ayaad ka garan kartaa oo ka markhaatikici kara. Sidoo kale, waxaa jira shaqaalo shaqasugayaal ah oo la qaatay, iyaga oo aan wax baahi ah, haba yaraatee, loo qabin; iyo kuwa xafiisyada dheeri ku ah oo aan loo heyn wax ay qabtaan iyo, xitaa goob ay ku hawlgalaan! Tacaddi Dhallinyarada shaqadoonka ah ayaa kala kulma tacaddiyo kala duwan madaxda ay shaqada ka rabaan, gaar ahaan haweenka oo arrintaas si gaar ugu nugul. Ballan-ka-bax, meermeerin, iyo in ay ugu danbayn ka jartaan wadaxiriirka ayaa ugu yar tacaddiyada ay dhallinyaradu kala kulmaan madaxda ay shaqasiinta bidaan. Tacaddigas waxaa baday nidaamkan ku dhisan ninjeclaysiga, xaglin iyo xigtaysi. Waxyaabahaas oo la isugeeyay ayaa ku sababa dhallinyarada qaarkood in waddanka ka tahriiban oo badaha ku dhammaadaan; balwado yeeshaan oo nolosha ka dhacaan; xagjiroobaan oo figraha aafaysan u nuglaadaan. Kalsoonidii Shacabka oo Luntay Bulshada ayaa ka rejadhigay in ay si qumman oo eex-la’aan ah ku helaan shaqo(oyin). Waxaa dhacda marka hay’adaha dawladda qaarkood ay soo bandhigan boos shaqo oo bannaan, in ay dadku uga falceliyaan hadallo muujinaya niyadjab, quus iyo isdhiibid, sida: “booskan qofkii looga baahnaa, mar hore ayaad qaadateen ee ummadda ha daalinina!” In shacabku dawladdooda ka aaminbaxaan, rumaystaan in aysan u caddaaladfali karin waa boog ku taal dawladnimadeenna iyo shuruucda baaliyowday ee dalkeenna. GUNNAANAD Arrimaha noocan oo kale ah, waxaa ay sii kala fogeeyaan shacabka iyo dawladda. Sidoo kale, waxay dibudhigayaan dadaalladii dawladdhiska iyo hannaankii caddaaladeed ee ay ahayd in uu bulshada u dhexeeyo. Wax walba oo dhib ku ah bulshada oo uu nidaamkan ugu horreeyana waa in meesha laga saaro. Bulshada Soomaaliyeed waxa ay ka warsugaysaa go’aankii Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre, in uu fulo iyo in kale. Haddii uu dhaqangalo, waxaa meesha ka bixi doona dhammaan caqabadaha aan kor ku soo sheegnay, waana tallaabo dhanka wanaagga dawladnimo loo qaaday. Source: goobjoog.com