Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,397
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. President Said Abdullahi Deni weighs his position amid growing divisions within the Somali Future Council. Mogadishu (Commentary) — Puntland President Said Abdullahi Deni has rejected pressure from the Somali Future Council to issue a congratulatory message to the former South West State President, Abdiaziz Laftagareen, who resigned today after forces aligned with the South West Salvation Council captured Baidoa, forcing the South West State President to resign. Laftagareen had organised a unilateral election in the city, which resulted in his controversial re-election as President of South West State. President Deni was reportedly angered by the hasty congratulatory messages sent by key members of the Somali Future Council to Laftagareen without prior consultation or agreement on a unified position. This election was widely viewed as even more contentious than the process that initially brought Laftagareen to national prominence in December 2018. Puntland and Jubaland have traditionally formed the institutional backbone of the Somali Future Council, while its Mogadishu-based members lack a comparable governing base at the Federal Member State level. The dispute over the unilateral election in South West State has exposed deeper divisions within the Council regarding how to respond to the electoral agenda of the incumbent Federal Government of Somalia. Once again, President Deni and Jubaland President Ahmed Mohamed Islam have taken divergent positions, reminiscent of the last-minute political manoeuvres seen during the election process on 15 May 2022. President Deni appears determined not to be utilised as a political “bulldozer” against the Federal Government, particularly at a time when the outcome of the indirect electoral model, advocated by the Somali Future Council as a means to halt the Federal Government’s one-person, one-vote agenda, remains uncertain. There are also indications that President Deni may reconsider Puntland’s membership in the Somali Future Council. This follows growing concerns over the links between the Haybad Qaran Alliance and Qatar, reportedly facilitated through Fahad Yasin, the former NISA Director. Both Fahad Yasin and Abdi Farah Shirdoon, Chairman of the Haybad Qaran Alliance, were among those who sent congratulatory messages to Laftagareen. The Somali Future Council had previously coalesced around the principle of ensuring a transparent electoral process in South West State. With that consensus now in tatters, President Deni is reportedly exploring the possibility of engaging directly with Villa Somalia. This approach would reduce reliance on Mogadishu-based politicians whose influence is perceived to rest more on clan affiliations than on formal institutional authority. © Puntland Post, 2026
  2. Cabdicasiis Laftagareen ayaa war uu soo saaray ku sheegay in uu iska casilay xilkii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaddib 7 sano oo xilkaas hayay. Hadal qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku yiri “Laga bilaabo maanta oo ay taarikkhdu tahay 30 march 2026 waxaan iska casilay xilka Madaxweynaha DGKS anigoo ah Md Cabdicasiis Xasan Maxamed Lagtagareen”. Cabdicasiis Laftagareen, mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkiisa iyo xildhibaano Federaalka ka tirsanaa oo taageersanaa ayaa diyaarad kaga baxay magaalada Baydhabo, iyaga oo u dhoofay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Magaalada Baydhabo oo ay maanta la wareegeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada muraacadka ee la magacbaxay Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa hadda xaaladeedu dagan tahay. Sidoo kale waxaa magaalada Baydhabo tagay mas’uuliyiinta ka tirsan dowadda Federaalka, kuwaas oo ka mid ahaa mucaaradka Laftagareen. PUNTLAND POST
  3. President Said Abdullahi Deni declined to send a congratulatory message following the unilateral election in South West State, signalling dissent within the Somali Future Council. Mogadishu (PP News Desk) — The unilateral election in South West State of Somalia, in which President Abdiaziz Laftagareen was re-elected, has exposed divisions within the Somali Future Council. The rift became evident when Puntland State of Somalia declined to send a congratulatory message to Laftagareen. Jubaland State, which conducted an election in 2024 that was disputed by the Federal Government of Somalia, issued congratulations to “South West State President Abdiaziz Laftagareen and the Speaker of the South West Parliament, Ali Faqi” following their election in Baidoa. Puntland State President Said Abdullahi Deni, a key member of the Council, had previously called for fair elections in South West State that would allow the opposition to participate. He proposed that such elections be administered by an independent electoral commission whose members would be trusted by both the opposition and the incumbent South West administration. President Ahmed Mohamed Islam issued a congratulatory message on the South West election without consulting Puntland, exposing divisions within the Somali Future Council. A senior Puntland government official, speaking to Puntland Post on condition of anonymity said: “Neither Jubaland President Ahmed Mohamed Islam nor other members of the Somali Future Council who sent congratulatory messages about the unilateral South West State elections consulted President Deni on the Council’s position. This marks the end of the Somali Future Council as we know it.” President Deni appeared deeply embarrassed two years ago in Garowe during his inauguration ceremony when South West State President Laftagareen urged him to rejoin the National Consultative Council and abandon what he described as rejectionist policies towards the Federal Government of Somalia. In February 2026, President Deni stated in Mogadishu that he had withdrawn from the National Consultative Council, described as largely ceremonial, in October 2022. Puntland has since invoked its constitution to operate with the autonomy of sovereign state, severing ties with the Federal Government of Somalia. The latest developments in South West State may compel President Deni to reconsider a future presidential bid, following his defeat in the May 2022 election. © Puntland Post, 2026
  4. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd gudaha u galay xaafado ka mid ah magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka maamulka Koonfur Galbeed. Sidoo kale dagaal goos goos ah ayaa ka socda qaybo ka mid ah magaalada iyo hareeraheeda, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka & ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta muraacadka ee la magacbaxay Badbaadada Koonfur Galbeed oo is-garabsanaya iyo kuwa maamulka Cabdicasiis Laftagareen. Xiisadda magaalada Baydhabo oo maalmihii la soo dhaafay taagnayd, islamarkaana lagu guuldareystay in xal loo helo ayaa sababtay barakac shacab. PUNTLAND POST
  5. Ciidamada Booliiska Puntland gaar ahaan Laanta Ilaalada Waddooyinka, ayaa soo saaray digniin la xiriirta xilli roobaadka gu’ga oo ka bilowday deegaannada Puntland. Booliska Puntland waxa uu shacabka uga digay xilliyada roobabku da’ayaan safarada meelaha khatarta keeni kara ee ku yaallaan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka. Sidoo kale wuxuu u soo jeediyay dadka degan meelaha ku dhow togagga iyo biyo-mareennada in ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, islamarkaana ilaaliyaan waayeelka, carruurta iyo xoolaha. Booliska Puntland ayaa faray dhammaan shacabka in ay raacaan tilmaamaha ciidamada booliska ee ku sugan waddooyinka. PUNTLAND POST
  6. Roobab lagu diirsaday ayaa 24 saac ee la soo dhaafay ka da’ay deegaanno ka tirsan Puntland. Roobabka ugu badan waxaa laga soo sheegayaa in ay ka da’een deegaanno ka tirsan gobollada Nugaal, Karkaar iyo Sanaag. Deegaannada ku xeeran magaalada Qardho waxaa ka da’ay roobab xoogan, kuwaas oo daadad ku soo rogay magaalada. Dhanka kale waxaa roobab ka da’een deegaannada howdka ee gobolka Nugaal, kuwaas biyo geliyay tuulooyinka Yoombays, Xamxamaa, Dudumaale, Laqlaajis, Birtadheer iyo deegaano kale. Roobabka ayaa ku soo beegmay xilli abaar iyo biya la’aan daran ka jirtay deegaannada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. PUNTLAND POST
  7. Cilmi-baadhis uu sameeyay Machadka The Nordic Africa Institute ayaa shaacisay in isbeddellada siyaasadda juqraafiyeed ee Geeska Afrika iyo colaadda Bariga Dhexe ay saamayn ballaadhan ku yeelanayaan dheelitirka awoodda gobolka. Warbixintu waxay tilmaamtay in arrintani kor u qaadeyso faa’iidooyinka istiraatiijiyadeed ee Somaliland, gaar ahaan dhinacyada dhaqaale iyo amni, isla markaana ay hoos u dhigaysa muhiimadda dekedda Djibouti. Sida ay sheegtay cilmi-baadhistu, khilaafka Bariga Dhexe iyo isbeddellada siyaasadeed ee Geeska Afrika ayaa khatar gelinaya doorka istiraatiijiyadeed ee Jabuuti, gaar ahaan dekeddeeda oo lagu qiyaasay in uu maro 90% ganacsiga Itoobiya. Mr. Redie Bereketeab, oo ah cilmi-baadhe sare, ayaa tilmaamay in isbeddellada dhinaca awoodda iyo horumarinta dekedaha kale ee gobolka, sida dekedda Berbera, ay wiiqayaan kalsoonida muddo dheer ee Jabuuti, gaar ahaan dhinacyada ganacsi, dhaqaale iyo amni. Warbixinta oo uu soo turjumay Wargeyska Dawan, waxay intaasi raacisay “Bishii Diseembar 2025, Israel waxay noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee aqoonsaday Somaliland. Tallaabadan waxaa khubaro badani u arkeen guul diblomaasiyadeed oo Somaliland gaadhay iyo isku day ay Israa’iil ku doonayso in lagu helo saldhig militari oo gobolka ah.” Sidoo kale, cilmi-baadhistan oo soo xiganaysa Mr. Redie Bereketeab oo ah khabiir sare oo ku takhakhusay daraasaadka iyo cilmi-baadhista ayaa intaasi ku dartay “Isku dayga Israa’iil ee ah inay saldhig milatari ka samaysato meel u dhow Dekedda Berbera, oo ku taalla Somaliland, wuxuu noqonayaa dhaawac dhaqaale oo weyn oo soo gaadha Jabuuti. Waxaa had iyo jeer jirtay khatar ah in Itoobiya ay raadinayso deked ammaan ah oo beddel u noqota dekedda Jabuuti.” Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Dekedda Berbera casriyayn iyo dib u habayn ballaadhan lagu sameeyay, loo diyaariyay inay noqoto albaab ganacsi oo muhiim u ah ganacsiga Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn, taasoo caqabad ku noqonaysa awoodda muddada-dheer ee Jabuuti. Waxaana lagu yidhi “Isbeddelladani waxay muujinayaan nuglaanta qaab dhismeedka-dhaqaale iyo siyaasadeed ee Jabuuti.” Warbixintu waxay intaasi raacisay “Sidoo kale, isbeddelladu waxay muujinayaan jilicsanaanta qaab-dhaqaale iyo siyaasadeed ee Jabuuti ku dhistay booskeeda istiraatiijiyadeed iyo joogitaanka ciidamada shisheeye. Jabuuti waxay ka faa’iidaysatay loolanka quwadaha shisheeye iyo booskeeda juqraafiyadeed, laakiin sida hadda muuqata, haddii dheelitirka awoodda ee Badda Cas, Gacanka Cadmeed, iyo Geeska Afrika uu isbeddelo, Jabuuti waxay si dhab ah u lumin doontaa doorkeeda istiraatiijiyadeed ee gobolka, waxayna noqon doontaa mid aad ugu nugul cawaaqib xumada ka dhalata arrimahaas.” Ahmed Saleebaan Qaran News
  8. Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha (MoU) Shirkadda Somali Ship Register Limited mudane Çağdaş Oykun Saltaș heshiis kaas oo lagu dhisayo diiwaanka maraakiibta Soomaaliyeed, si maraakiibtu u qaataan Calanka Soomaaliya, taaso ah tallaabo weyn oo muujinaysa sida ay nooga go’an tahay horumarinta iyo casriyeynta arrimaha baddeenna. Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xusay in heshiiskani abuuri doono fursado cusub oo dhinaca maalgashiga ah, shaqo abuurka, iyo kor uqaadida sumcadda calanka Soomaaliyeed, annagoo ka faa’iideysanayna khibradda saaxiibo kale. Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa sheegay in Tani tahay tallaabo kale oo istiraatiiji ah oo Xukuumadda Dan-Qaran ku xoojineyso maamulka iyo sumcadda Soomaaliya, si ay uga mid noqoto dalalka ku tartama howlaha maraakiibta ee caalamka. Source: goobjoog.com
  9. African nation Somaliland tells US ‘say the word’ on extraditing Ilhan Omar after Vance fraud claim The Republic of Somaliland, a partially recognized state in the Horn of Africa, suggested in a social media post that Rep. Ilhan Omar be extradited after Vice President JD Vance claimed during an interview that the lawmaker committed immigration fraud. Omar’s office called the claim “a ridiculous lie.” WHAT TO KNOW Vice President JD Vance claimed in a podcast interview on Friday that the Trump administration believes Rep. Ilhan Omar, D-Minn., “definitely committed immigration fraud against the United States of America.” A spokesperson for Rep. Ilhan Omar told Fox News Digital in a statement that the claim is “a ridiculous lie” and “desperate attempt” from Republicans to distract the public from the Iran war, high gas prices and low poll numbers. Omar immigration fraud accusation ‘a ridiculous lie,’ spokesperson says Rep. Ilhan Omar, D-Minn., speaks at a forum held by the Democratic Women’s Caucus titled “Trump’s Report Card: Failing Working Women” on Capitol Hill in Washington, D.C., Feb. 4, 2026. (Reuters/Annabelle Gordon) The office of Rep. Ilhan Omar, D-Minn., has pushed back against Vice President JD Vance’s claim that the lawmaker committed immigration fraud. Connor McNutt, Omar’s chief of staff, told Fox News Digital in an emailed statement that the vice president’s claim is “a ridiculous lie.” “This is rich coming from someone who literally said they were willing to ‘create stories’ to redirect the media,” the statement said. “This is a ridiculous lie and desperate attempt to distract from the pedophile protection party’s unpopular war of choice, increasing gas prices, and rapidly dropping polling numbers.” Omar has previously denied accusations from President Donald Trump and the White House that she married her brother to enter the United States. In December, she called the accusations “bigoted lies,” writing on social media that Trump was obsessed with her. “He needs serious help,” Omar wrote on X at the time. “Since he has no economic policies to tout, he’s resorting to regurgitating bigoted lies instead.” Omar says Trump admin is ‘brazenly breaking the law’ at ‘No Kings’ rally Rep. Ilhan Omar, D-Minn., speaks during the “No Kings” protest Saturday, March 28, 2026, in St. Paul, Minn. (AP Photo/Tom Baker) Rep. Ilhan Omar spoke during a No Kings Rally at the Minnesota State Capitol on Saturday, accusing the Trump administration of “blatantly lying about every single thing they are doing.” Omar spoke to a large crowd, saying that America is staring down “creeping authoritarianism” after Trump has “taken a wrecking ball to the very foundation of what makes America great” “Operation Metro Surge was just the tip of the iceberg,” Omar said. “We are witnessing a full-scale assault on our rights, our institutions and the rule of law. We have an administration that is openly and brazenly breaking the law and acting like the Constitution is optional.” Omar said that the Trump administration has tried to intimidate and divide Minnesotans, but Minnesotans “never bent the knee.” “We do not cower to bullies,” she said. “We are Minnesota strong.” Posted by Stephen Sorace African nation calls for Ilhan Omar to be extradited after Vance’s fraud claim Rep. Ilhan Omar during a news conference ahead of the State of the Union address at the U.S. Capitol on Feb. 24, 2026. (Daniel Heuer/Bloomberg via Getty Images) An African nation is calling for Rep. Ilhan Omar, D-Minn., to be extradited after Vice President JD Vance claimed during an interview that the lawmaker committed immigration fraud. The Republic of Somaliland, a partially recognized state in the Horn of Africa, reacted in a post on X to the claim that Vance made in a podcast interview with conservative commentator Benny Johnson. “Deportation? Please you’re just sending the princess back to her kingdom. Extradition? Say the word …” the post read. In the interview, Vance said he has spoken with White House immigration advisor Stephen Miller about potential legal action against Omar, saying, “We think Ilhan Omar definitely committed immigration fraud against the United States of America.” “We’re trying to look at what the remedies are,” Vance said. “That’s the thing that we’re trying to figure out is what are the legal remedies now that we know that she’s committed immigration fraud — how do you go after her, how do you investigate her, how do you actually do the thing, how do you build a case necessary to get some justice for the American people?” Qaran News
  10. ​Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed xasaasi ah oo ay si adag ugu cambaareysay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cali Saciid Faqi. Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in labadan mas’uul ay xiriir toos ah la leeyihiin kooxda Al-Shabaab, iyagoo fulinaya heshiisyo ay horey ula galeen. Dowladda ayaa ku eedeysay inay maanta baahiyeen warar been abuur ah oo ka dhan ah saaxiibada caalamiga ah ee taageera Ciidanka Qaranka, ujeedkuna yahay in lagu difaaco maleeshiyaadka Al-Shabaab ee lagu jebiyay dagaalka. ​dhinaca kale, dowladda ayaa faahfaahin ka bixisay hawlgal ay Ciidanka Qalabka Sida ka fuliyeen deegaanka Daynuunay ee Gobolka Bay, halkaas oo ay cagta ku mariyeen jidgooyooyin u yaallay kooxda. Hawlgalkaas ayaa lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo lagu guulaystay in la burburiyo isbaarooyinkii ay halkaas ku lahaayeen. Dowladda Federaalka ayaa hoosta ka xariiqday in lala xisaabtami doono shaqsiyaadkaas iyo cid kasta oo ku lug yeelata falalka argagixisada, iyadoo isla markaana u mahadcelisay saaxiibada caalamka ee garabka weyn ka siiya Ciidanka Qaranka dagaalka ay kula jiraan kooxaha nabad-diidka ah. ​ Source: goobjoog.com
  11. Ururka Midowga Yurub ee qaabilsan ilaalinta badaha ayaa uga digaya maraakiibta in ay ka fogaadaan in ay soo galaan badda Yemen maaddaama Xuutiyiinta ay Iran taageerto ay dib u bilaabi karaan “weerarrada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga” gaar ahaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Arrintan ayaa timid kadib markii kooxda Xuutiyiinta ay Sabtidii gantaalo ku garaaceen Israa’iil, waxayna wacad ku mareen in ay qaadi doonaan weerarro kale. Xuuthiyiinta, oo gacanta ku haya waqooyiga galbeed ee Yemen, ayaan ilaa hadda isticmaalin hubkooda ugu awoodda badan – awoodda ay u leeyihiin in ay carqaladeeyaan isu socodka Bab al-Mandeb, oo ah marinka badda ee isku xira Badda Cas iyo waddooyinka ganacsiga caalamiga ah, sida ay qortay weriyeheenna arrimaha caalamka Lyse Doucet. Hawlgalka Ciidanka Bada ee Midowga Yurub wuxuu intaas ku darayaa in maraakiibta ganacsiga ee ku xiran Mareykanka ama Israa’iil ay tahay inay ka fogaadaan biyaha Yemen ilaa “khatarta ay ka noqoneyso mid aan darneyn”. Warbixinta, oo la daabacay Sabtidii, ayaa ku qiimeysay heerka khatarta ah “mid sare” ee maraakiibta xiriirka la leh danaha Israa’iil. Waxaa jira heer “dhexdhexaad” ah oo halis ah oo ay wajihi karaan maraakiibta “aan ku xirnayn Israa’iil ama Maraykanka”. Marka loo eego macnaha guud, Xuutiyiinta ay Iran taageerto ayaa bilaabay inay weeraraan maraakiibta mareysa Badda Cas bishii Novembar 2023, iyagoo sheegay inay sidaa u sameynayaan si ay garab u siiyaan Falastiiniyiinta. Xigashada Sawirka,Getty Images Kooxda fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegtay shalay inay fulisay weerar labaad oo ka dhacay qaybo ka mid ah koonfurta Israa’iil. Yahya Saree, oo ah afhayeenka ciidmada milatari ee Xuutiyiinta, ayaa sheegay in kooxda ay qaadday “duqeymo isdaba joog ah oo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ” kuwaas oo lagu beegsaday “goobo militari oo muhiim ah” oo ay leedahay Israa’iil. Wuxuu intaas ku daray in weerarradu ay “isku beegmeen” kuwa ay fuliyeen Iran iyo Xisbullah , isla markaana ay “si guul leh u gaareen ujeeddooyinkooda.” Qoraalkan oo lagu daabacay akoonkiisa Telegram ayaa imaanaya kadib warar ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil iyo Maraykanka oo ku saabsan wareeg labaad oo weerarro ah oo ay Xuutiyiintu qaadeen saacado kadib markii ay xaqiijiyeen inay rideen gantaalkoodii ugu horreeyay ee ay ku beegsadaan Israa’iil tan iyo markii uu qarxay dagaalka Iran. Mar sii horreysay oo shalay ah, Israa’iil ayaa sheegtay inay qabatay gantaal ka yimid Yemen Dhanka kale, xukuumadda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa cambaaraysay waxa ay ku tilmaantay “isku dayga isdaba joogga ah ee Iiraan ay ku doonayso inay Yemen” iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe ku soo jiidato colaadda “iyaga oo adeegsanaya maleeshiyaadkeeda argagixisada ah”. Dhanka kale, Yemen waxaa hareeyay dagaalladii sokeeye oo socday tan iyo 2015-kii markii kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan ay kala wareegeen maamulka caalamku aqoonsan yahay, taasoo keentay in ay soo fara galiyaan xulafada uu Sucuudigu hoggaaminayey ee uu taageeray Mareykanka. War qoraal ah oo uu soo saaray Golaha Hoggaanka Madaxtooyada, oo ka taliya magaalada dekedda leh ee Cadan, balse inta badan hawlgallada ka sameeya magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga, ayaa lagu yiri “ku lug lahaanshaha maleeshiyada Xuutiyiinta ee difaaca taliska Iiraan” waxay muujinaysaa in Iiraan ay “ku riixayso wakiiladeeda inay furto wejiyo kale” si ay u yarayso cadaadiska siyaasadeed ee nafteeda saaran. Waxay ka digaysaa in tani ay uga sii dari doonto saboolnimada “xaaladaha bini’aadantinimo iyo tan nololeed… ee waddan horay u soo maray mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ugu xun adduunka”. Xuutiyiintu waxay isu haystaan ​​inay qayb ka yihiin ” dhidibka iska caabbinta” ee ay Iiraan hoggaamiso ee ka dhanka ah Israa’iil, Maraykanka iyo guud ahaan Galbeedka – oo ay weheliyaan kooxaha hubaysan sida Xamaas iyo dhaqdhaqaaqa Xisbullah ee Lubnaan. Qaran News
  12. Members of the Haybad Qaran alliance, a coalition of prominent Somali political figures positioning itself within the evolving power landscape in Somalia. Mogadishu and Garowe (PP Report) — Haybad Qaran (meaning National Stature in Somali), the new political alliance led by Abdi Farah Shirdoon, has a penchant for alliterative taglines, as shown by the two phrases the alliance chose to portray itself in the Somali political landscape: Han Sare iyo Hufnaan (High Ambition and Integrity). The intention to contest for the highest office in Somalia, the presidency, reflects this high ambition, but integrity is a quality that many analysts regard as lacking in Haybad Qaran. Members of Haybad Qaran are addressed as Haybadle (a person of status) or Haybadlayaal (people of status), a term that can also be interpreted more broadly as “citizens”, as Shirdoon used it in his congratulatory message marking the end of Ramadan in 2026. The public face of Haybad Qaran is Fahad Yasin, the former Director of the National Intelligence and Security Agency ( NISA), who fell out with the former Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo a few years after the latter lost the Somali presidential elections in 2022. Both Fahad and Farmaajo live in Qatar. Fahad was a former correspondent for Al Jazeera before he found a way to run the 2016 campaign of President Farmaajo, who was elected President of Somalia in February 2017. Abdi Farah Shirdoon, former Prime Minister, leading the Haybad Qaran alliance. Shirdoon managed to cobble together an alliance made up of diverse political figures, including Abdikarim Guled, a former Federal Interior Minister and co-founder of Damuljadiid, to which the President of Somalia Hassan Sheikh Mohamud belongs or has belonged; Dr Guled Salah, the former Chairman of the Puntland Electoral Commission and founder of SIDRA, a think tank in Garowe; Farah Ali Jama, a former Finance Minister of Puntland State of Somalia and Thabit Abdi Mohamed, a former Mayor of Mogadishu. Dr Guled Salah is the political ideologue of Haybad Qaran. He is tasked with formulating a political programme based on an exhaustive study of the institutional bottlenecks that plague the federal system of Somalia. His 2024 book, Federalism Imperative in Post-Conflict Africa: The Case of Somalia, is based on his doctoral dissertation at University for Peace (UPEACE). Dr Guled Salah, policy thinker behind Haybad Qaran’s approach to Somalia’s federal challenges. Dr Guled argues that lack of conceptual clarity affects the federal system, given the ambiguities in the Provisional Constitution. No one made a stronger case for entrenching this ambiguity than the former President of Puntland State of Somalia, Abdirahman Farole, who, during the drafting of the Provisional Constitution in 2012, contended that “since Puntland is the leading federal member state and originator of the federal system, the Provisional Constitution should never contradict the Constitution of Puntland State of Somalia.” “The slow progress of the federal system in Somalia has partly resulted from centralised systems in the periphery, a trend of which Villa Somalia continuously takes advantage. This centralised structure in several Federal Member States comes in the form of a legislature controlled by the executive branch of government” a political scientist in Boosaaso told Puntland Post. Dr Guled’s experience in the democratisation process in Puntland informs his perspective on addressing the problems pushing Somalia towards centralisation. In his book, Dr Guled lauds the role of Puntland State in its earlier days in peace-building and advocacy for a federal system for Somalia before Puntland fell victim to a winner-takes-all presidency and failed to foresee how the emerging Federal Member States would undercut the influence of Puntland State, which stands accused of reneging on its promises on institution-building and fiscal federalism. Shirdoon, an avowedly anti-federalism politician, aims to strike a balance between the sober analysis of the causes of the tug-of-war between the Federal Government of Somalia and some Federal Member States, which Dr Guled presented in a recent political strategy meeting in Mogadishu, and the commitment to the agendas of other members of Haybad Qaran who do not want to see the new alliance as an opportunity to politically rebrand Puntland State of Somalia at a time when the Garowe-based administration is counting the costs of self-imposed political isolation from national institution-building initiatives in the Federal Republic of Somalia. Nothing to say of the perceptions among many political circles that Haybad Qaran is an attempt by Qatar to have another shot at controlling Villa Somalia by installing a favoured politician. © Puntland Post, 2026
  13. That’s what lies beneath the Republic of Somaliland. It would rank roughly around 11th–12th in the world. Just above: Kazakhstan (~30 billion barrels) Just below: Nigeria (~37 billion barrels) Have you ever wondered why countries like Saudi Arabia, Qatar, Egypt, and Turkey resist recognition? It’s not just only about a free democracy in the Horn of Africa; it’s also about energy, positioning, and control. “Workers drilling for water accidentally struck oil a few years go…” and now the story is unfolding. Genel Energy (listed on the London Stock Exchange) and state-owned CPC Corporation Taiwan will drill the first well, targeting an estimated 650 million barrels, with drilling scheduled for 2026. With oil prices high and the Red Sea serving as a global shortcut, Somaliland is geographically closer to key markets in Europe, America, and Asia than many Gulf producers. This proximity allows Somaliland to unlock faster and more strategic exports through its Berbera port. Prime Red Sea access = shorter export routes Small population, massive wealth Strategic edge over traditional Gulf routes Emerging energy powerhouse in the Horn Opportunity for first-mover advantage Taiwan Israel Greece India USA RepOfSomaliland Qaran News
  14. Mohamud Shiddo criticised the speed and conduct of elections in South West State of Somalia. Garowe (PP News Desk) — Mohamud Shiddo, a prominent Puntland State politician, has strongly criticised what he described as a disgrace to Somalia after the President of South West State organised the election of both the Speaker of Parliament and the President on the same day in Baidoa. “Following the collapse of the state, a federal system was adopted in Somalia to strengthen unity. It is unfortunate that some Federal Member State leaders behave like commanders of armed factions or engage in electoral manipulation. What happened in South West State, where a Parliamentary Speaker and President were elected within hours, is a national disgrace,” Mohamud Shiddo said. There had been no prior plans to hold presidential elections in South West State after President Abdiaziz Laftagareen opted to remain in power indefinitely, reportedly as part of an agreement with Villa Somalia to suppress opposition calls for timely elections. An agreement between President Laftagareen and opposition groups, facilitated by Villa Somalia in 2023 and reinforced in 2024, remains in place. Under this arrangement, Jubaland, South West State, Hirshabelle and Galmudug agreed to delay presidential elections in order to harmonise Federal Member State elections with the national electoral process. © Puntland Post, 2026
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Daynuunaay, oo qiyaastii 18 KM u jira magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Dagaalkan oo u dhexeeyay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya kuwa deegaanka, iyo kooxda Al-Shabaab, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga sheegtay in ciidamadeedu si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Daynuunaay, oo ah marin muhiim ah oo isku xira waddada Baydhabo iyo Muqdisho. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaalkaasi uu sababay dhimashada 21 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, halka in ka badan 10 kalena ay ku dhaawacmeen. “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaarka Daynuunaay ee gobolka Baay, kadib markii ay isku dayeen inay weerar gaadmo ah ku qaadaan ciidamada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Dagaalka ayaa ahaa mid aad u culus, waxaana qayb ka ahaa duqeymo ay fuliyeen saaxiibada caalamka, kuwaas oo taageerayay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee la dagaallamayay Al-Shabaab. Dhanka kale, Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa haatan kusii wajahan magaalada Baydhabo, sida uu sheegay afhayeenka Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed, Maxamed Xuseen John. “Gacanta ayaan ku haynaa Daynuunaay, hadda waxaan u sii soconnaa dhanka magaalada Baydhabo,” ayuu yiri Afhayeen Maxamed Xuseen John. Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaa sidoo kale si weyn u hakaday isku socodkii dadweynaha ee deegaannada maamulka, gaar ahaan gaadiidkii geli jiray magaalada Baydhabo. The post DF oo la wareegtay deegaanka Daynuunaay ee duleedka Baydhabo appeared first on Caasimada Online.
  16. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Al-shabaab ku jabisay dagaal maanta ka dhacay agagaarka Daynuunaay ee gobolka Bay, sida lagu xusay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga. Dowladda Soomaaliya waxay tilmaantay in dagaalkaas lagu dilay 21 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana lagu dhaawacay in ka badan 10 xubnood. Sidoo kale dowladda Federaalka waxay sheegtay in ay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta deegaanka Daynuunaay, oo ah marin muhiim ah oo isku xira waddada Baydhabo iyo Muqdisho. Ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta muraacadka ee la magacbaxay Badbaadada Koonfur Galbeed oo is-garabsanaya ayaa qarka u saaran in ay la wareegaan Baydhabo, oo ah magaalada keliya ee gacanta ugu jirta maamulka Laftagareen. PUNTLAND POST
  17. Ethiopian migrants walking through Somaliland. More Ethiopians than Somalis are irregularly migrating to Kenya, according to a new report by IOM. (Photo: The New Humanitarian) By Mary Wambui According to the report, at the end of 2025, there were an estimated 400 stranded people in Djibouti, 6,600 in Somalia, and 132,300 in Yemen. 2025 was the deadliest year for migrants plying the eastern route, a report released by the International Organisation for Migration (IOM) this week has revealed. IOM tracking shows that in 2025, 922 deaths and disappearances were recorded along the eastern route, almost double the 558 reported in 2024. This makes 2025 the deadliest year on record for the Missing Migrants Project since its launch in 2014, with a minimum total of 4,368 cases on the route to date. In the fourth quarter of 2025, at least 32 people died or went missing along the route. Violence was the leading cause of death (14),” the report reveals. According to the report, at the end of 2025, there were an estimated 400 stranded people in Djibouti, 6,600 in Somalia, and 132,300 in Yemen. In Somalia, the stranded population was up by 55 per cent from 2024 (4,200). In the last quarter of the year, migrants were reportedly exposed to armed violence, arrests, floods, detention and mistreatment, deportation, hazardous transport, insecurity, and reduced support from local communities due to drought along the route. “A deteriorated humanitarian situation in Yemen has resulted in reports of stranded migrants and detention and mistreatment of women in smuggling dens,” IOM explains. IOM says the route remains one of the busiest and riskiest migration routes in the world, travelled by hundreds of thousands of migrants, most of whom travel irregularly, often relying on smugglers to facilitate movement. The migrants move through multiple states in the region, amongst them, Ethiopia, Djibouti, Somalia, and Yemen, to the Gulf states. The report notes that migrants and smugglers have devised new routes to circumvent police checkpoints in Ethiopia, Djibouti, Somalia, and Yemen. As such, tracked outgoing movements increased by around one‑fifth (+18 per cent) between 2024 (430,200) and 2025 (506,600). “This increase reflects new smuggling tactics that both bypassed checkpoints and accelerated flows, including the growing use of more remote routes across Djibouti alongside renewed enumerator access to landing sites along the Ta’iz coast, Yemen,” says the report. Economic factors continue to be the primary migration driver (95 per cent), with conflict, violence or persecution accounting for 4 per cent, mirroring trends observed in 2024. “Ethiopian (97 per cent) and Somali (3 per cent) nationals remained the primary nationalities reported, alongside smaller numbers of Eritrean (335), Democratic Republic of the Congo (144), Sudanese (3), and Yemeni (1) nationals. Movements from Central Africa, particularly from the Democratic Republic of the Congo, remain limited but have increased compared to previous years (24 in 2023),” the report adds. The report, however, projects that the projected growth in Ethiopia’s economy in 2026 may reduce some exit movements on the route by addressing livelihood‑related drivers. It notes that improved financial means may also enable individuals to pursue migration aspirations that were previously unattainable. Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa warqad ay u dirtay wakiillada beesha caalamka, casuumaad ugu fidisay dhammaan diblomaasiyiinta iyo ururrada caalamiga ee dalka ku sugan, si ay uga qeyb-galaan kulan warbixineed oo ka dhici doona xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya. Kulankan oo la qorsheeyay inuu qabsoomo maalinta berri ah, ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo saacaddu marka ay tahay 11:00 barqannimo, iyadoo ay kasoo qeyb-geli doonaan wakiillo ka socda safaaradaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in shirkan uu yahay mid ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso inay warbixin guud ku siiso beesha caalamka, gaar ahaan xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee dalka, xilli ay taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed. Warqadda casuumaadda ah ee ay dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu xusay in kulankan uu yahay mid muhiim ah, isla markaana laga sugayo dhammaan ergada caalamka inay soo wakiilaan mas’uuliyiin ka qeyb-gasha, si ay u dhageystaan warbixinta dowladda iyo qorshayaasha ay waddo. Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ergada diblomaasiyadeed ka codsatay inay si deg-deg ah u soo xaqiijiyaan ka qeyb-galkooda, si loo fududeeyo diyaarinta kulanka iyo hab-maamuuska la xiriira martigelinta shirkan. Ilo diblomaasiyadeed ayaa tilmaamaya in kulankan looga hadli doono arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, khilaafaadka haatan jira, arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda amni ee guud ahaan Soomaaliya. Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay meel adag mareyso xiisadda maamulka Koonfur Galbeed, ayna wakiilada beesha caalamka wadaan dadaallo lagu dajinayo xiisadda, si looga baaqsado dagaal ka dhaca Baydhabo. The post Xog: Madaxda DF iyo beesha caalamka oo yeelanaya kulan deg-deg ah oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  19. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta guul weyn ka soo hooyay dagaal culus oo ka dhacay agagaarka deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Bay, kadib markii ay iska caabiyeen weerar dhabagal ah oo ay isku dayeen maleeshiyaadka Shabaab. Dagaalkan ayaa horseeday in kooxda Shabaab lagu gaarsiiyo khasaare xooggan, waxaana goobta looga dilay 21 maleeshiyo halka in ka badan 10 kalena lagu dhaawacay. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya deegaanka Daynuunaay, kaas oo ah marin istaraatiiji ah oo isku xira wadada muhiimka ah ee Baydhabo iyo Muqdisho. Wasaaradda Gaashaandhigga oo soo saartay warkaan ayaa xaqiijisay in ciidamadu ay ku guuleysteen inay fashiliyaan qorshihii maleeshiyaadka, iyadoo lagu jiro xilli ay socdaan howlgalada lagu sugayo amniga wadooyinka waa weyn ee gobolka. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay inay dib ka soo gudbin doonto faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah iyo xaaladda guud ee deegaanka marka ay soo baxaan wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya aagga dagaalka. Source: goobjoog.com
  20. Buurhakaba (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka ruqaansaday degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa kusii siqaya magaalada Baydhabo, oo ah xarunta KMG ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan gobolka. Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamadan ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ballaaran, isla markaana ay ku wajahan yihiin duleedka magaalada Baydhabo. Ciidamada Federaalka ayaa la sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay u geli lahaayeen magaalada Baydhabo, inkasta oo magaalada ay ku sugan yihiin ciidamo daacad u ah madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen. Lafta-gareen ayaa shalay Baydhabo ku qabsaday doorasho uu mar kale kusoo baxay, taas oo si adag uga soo horjeeda Dowladda Federaalka. Arrintan ayaa sii hurisay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac. Cabsi dagaal ayaa laga dareemayaa duleedka magaalada Baydhabo, maadaama ay isku sii dhawaanayaan ciidamo iska soo horjeeda oo kala taabacsan dhinacyada isku haya maamulka Koonfur Galbeed. Qaar ka mid ah dadka shacabka ah ayaa bilaabay inay ka barakacaan gudaha Baydhabo iyo duleedka magaalada, iyaga oo ka cabsi qaba in dagaal uu ka qarxo halkaas. Si kastaba, Lafta-gareen ayaa doonaya inuu sii haysto sharciyadda uu shalay isu sameeyay, xilli siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo horjeeda ay ku doodayaan in doorashadu aysan ahayn mid sharciyeysan. Xiisadda ka taagan Baydhabo ayaa u muuqata mid faraha kasii baxaysa, iyadoo dhinacyadu hoos u dhigeen baaqyadii lagu doonayay in lagu joojiyo xiisadda lana raadiyo xal wada-hadal ah, si looga baaqsado dagaal ka dhaca Baydhabo. The post Ciidamada DF oo kusii dhawaanaya Baydhabo iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta la kulmay qunsulka dowladda Itoobiya ee Puntland, Major General Tagesse Lambamo Dimbore iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada dalka Itoobiya. Lama sheegin labada dhinac waxa ay ka wahadleen, hase ahaatee, hase ahaatee kulankan wuxuu yimid, xilli xiisad siyaasadeed iyo amni ay ka jirto qaybo ka mid ah Soomaaliya, iyada oo Itoobiya ay saameyn ku leedahay siyaasadda iyo amniga dalka. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu soo koobay “Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Qunsulka Dowladda Itoobiya ee Puntland, Major General Tagesse Lambamo Dimbore iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Dalka Itoobiya”. PUNTLAND POST
  22. Muqdisho, Soomaaliya – 29 Maarso 2026 — Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa daahfuray barnaamij tababar oo loogu talagalay shaqaalaha dowladda si ay u helaan aqoonta shahaadooyin caalami ah oo ku saabsan Amniga Saaybarka. Barnaamijku wuxuu diiradda saarayaa diyaarinta khubarada ICT-da ee hay’adaha dowladda si ay u helaan shahaadooyin caalami ah, taasoo kor u qaadaysa awooddooda ku aaddan ilaalinta xogta qaranka iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, weerarrada iyo burcada internet-ka. Maareeyaha Guud, oo ka hadlay daahfurka, ayaa yiri: “Tababarkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee lagu xoojinayo ilaalinta kaabayaasha dhijitaalka ah ee dalka, sugidda amniga xogta, iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, weerarrada iyo burcada internet-ka. ka. Sidoo kale, barnaamijku wuxuu gacan ka geysan doonaa dhisidda awoodda shaqaalaha dowladda si ay u ilaaliyaan nidaamyada iyo adeegyada dhijitaalka ah ee qaranka.” Maareeyaha Guud ayaa sidoo kale la dardaarmay ka-qaybgalayaasha, isagoo ku boorriyay inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursaddan, isla markaana u adeegsadaan aqoonta ay helaan horumarinta amniga dhijitaalka ah ee hay’adahooda. Tababarradani Amniga Saaybarka waxa ay ka kooban yihiin koorsooyin iyo shahaadooyin caalami ah, oo ay ka mid yihiin: CompTIA Security+ Certified Incident Handler – EC Council Cloud Security Essentials – GIAC ISMS (ISO/IEC 27001:2022) Lead Auditor Certified Information Security Manager (CISM) ISACA Certified Information Systems Security Professional (CISSP) – ISC2 Tababarrada waxaa lagu qaban doonaa Muqdisho, qaab fogaan-arag (online), iyo Nayroobi, muddada u dhaxaysa 28 Maarso ilaa 8 May 2026. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa hore ugu wargelisay hay’adaha dowladda inay soo magacaabaan shaqaale heysta ugu yaraan shahaadada koowaad ee jaamacadda (Bachelor’s Degree) ee Culuumta Kombuyuurtarka, IT-da, iyo Engineering-ka ama wax u dhigma. Sidoo kale, Musharraxiinta ka qeybgalaya waa inay leeyihiin ugu yaraan khibrad laba (2) sano ah ama ka shaqeeyaan Maamulka Nidaamyada (System Administration), Maamulka Shabakadaha (Network Administration). Si loo hubiyo tayada iyo horumarka barnaamijka, kaliya ka-qaybgalayaasha ku guuleysta imtixaannada koorsooyinka ayaa u gudbi doona heerarka xiga ee shahaadooyinka. Barnaamijkan tababarka waxaa taageeraya Bangiga Adduunka (World Bank Group) iyada oo loo marayo mashruuca SCALED-UP, waxaana fududeynaya Machadka Sare ee Isgaarsiinta ee Afrika (AFRALTI), tababarkan ayaa xoojinaya dadaallada lagu dhisayo awoodda amniga saaybarka iyo shaqaale dowladeed oo xirfad sare leh. Source: goobjoog.com
  23. ​Xaaladda gobolka Bay iyo magaalada Baydhabo ayaa gashay weji cusub oo xasaasi ah, ka dib markii ay isku biireen dhaqdhaqaaqyo ciidan, weeraro jid-gal ah iyo xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka. Saaka ciidamo ka tirsan kuwa “Badbaadada Koonfur Galbeed” oo ku sii jeeday magaalada Baydhabo ayaa la kulmay weerar gaadmo ah oo ay jidka u galeen kooxda Al-Shabaab, waxaana halkaas ka qarxay dagaal culus oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ka dhashay, inkastoo ciidamada la weeraray ay ku guuleysteen inay iska caabiyaan kooxdii soo duushay. ​Dhinaca kale, waxaa cirka isku sii shareeray xiisadda ka dib markii diyaaradaha dagaalka ay duqeymo ka fuliyeen agagaarka deegaanka Deynuunaay, kuwaas oo lala beegsaday goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen xoogagii weerarka soo qaaday. Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed ayaa si kulul u dhaliilay tallaabadan, isagoo ku sifeeyay ayaan darro weyn in diyaaradaha dowladda Turkiga loo adeegsado magaalooyinka Koonfur Galbeed, xilli ciidanka dowladda federaalka ay kaabiga ku hayaan Baydhabo si ay Madaxweyne Laftagareen ugu qasbaa in uu ka laabto hannaanka doorasho ee lagu muransan yahay. ​Magaalada Baydhabo ayaa hadda ku jirta xaalad go’doon ah, iyadoo boqolaal askari oo ka soo ruqaansaday dhanka Bardaale ay magaalada si ay uga hor yimaadaan muddo kororsiga maamulka ka jira, taas oo sii kicisay cabsida laga qabo in dagaal sokeeye uu ka dhex qarxo gudaha magaalada. Midowga Afrika ayaa iyagoo ka duulaya xaaladdan kakan soo saaray bayaan degdeg ah, iyagoo ku baaqay is-xakameyn buuxda iyo in khilaafka lagu xalliyo wadahadal iyo is-afgarad, si looga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta isku dhac hubeysan oo dhiig badani ku daato. Source: goobjoog.com