-
Content Count
214,119 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kenyan security forces have launched a manhunt for al-Shabab militants behind the abduction of two Kenyans in Liboi area along the Kenya-Somalia border. Garissa County police commander Alfred Angengo said the two businessmen, Abdullahi Issack Harun and Abdi Hassan Ilkaase, who were kidnapped by about 20 al-Shabab militants on Dec. 26, were traced and taken to Liboi police station on Sunday. He said only three militants boarded the vehicle in which the two businessmen were traveling in and proceeded with the captives to neighboring Somalia. “Only three of the al-Shabab militia proceeded with the captives to Somalia at a place called Bagdad, 60 km from Hosingo, to the east where they have established a camp and hosted black flag,” Angengo said in a statement. The two businessmen, who were freed on Dec. 27, appeared in good health though tired, he said. The two were ferrying miraa (khat) to Liboi when they were ambushed by al-Shabab militants and taken to Somalia, Angengo said. He said security forces will conduct operations along the border areas to flush out militants believed to be planning to stage attacks in the region. The abduction came two weeks after militants ambushed a Garissa-bound commuter bus and killed 11 people, including eight police officers. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, Maayarka Hargeysa iyo Taliyaha Ciidammada Asluubta ayaa sheegay inay Dacwad ka gudbinayaan Masuuliyiin ka mid ah Xisbiyada Mucaaradka ah oo Maalintii Shalay booqday dhul ku yaalla Bariga Magaalada Hargeysa, kaasi oo lagu muransan yahay. Wasiirka Hawlaha guud Cabdirashiid-qambi, Taliyaha Ciidammada Asluubta iyo Maayarka Hargeysa oo si wada-jir ah Shir-saxaafadeed ugu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Masuuliyiinta UCID iyo WADDANI ee booqday Dhulka bariga Hargeysa oo Dawladda hoose siisay Ciidammada Asluubta, balse ay dad danyari ahi sheegteen inay iyagu leeyihiin, ay jeediyeen Hadallo aanay waxba ka jirin. Masuuliyiinta hadlay waxay sheegeen inay doonayaan in Xubnaha Xisbiyada Mucaaradka ah ee booqday Dhulka la isku haysto ay Maxkamad ku soo taagaan hadallada ay jeediyeen oo ay sheegeen in aanay sax ahayn. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukuno dil iyo xabsi isugu jira ku kala xukuntay xubno Shabaab oo Maxkamadda goobjoog ka ahaa iyo kuwo kaloo ka maqnaaba. Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Nuur Shuute ayaa dil ku xukumay saddex nin oo Maxkamadda goobjoog ka ahaa, kuwaa oo lagu kala magacaabo Maxamed Xaaji Axmed (Ilkacase), Saalim Saciid Maxamed (Salmaan) iyo Axmed Maxamed Haashim (Carab). Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xukun dil ah ku xukumay Shabaab maqanayaal ah, waxaana lagu kala magacaabaa Sharmaarke Cumar Axmed Xuseen (Ugaaska/Ganey), Axmed Faarax Iidle (Shuuriye/Madoobe), Cabdiraxmaan Mustaf Sheekh Cabdullaahi (Faarax **********ka) iyo Ramadan Cabdiraxiin Mursal (Saalax). Faadumo Xuseen Cali Cadaawe oo loo yaqaano (Faadumo Korneyl iyo Cosobo) oo Maxkamadda ku sugneyd ayaa waxaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ciidan ah. Maxkamadda ayaa xukun xabsi daa’in ah ku xukuntay nin lagu magacaabo Cabdinaasir Axmed Cabdulqaadir (Carabey), kaasoo maqane ah. Dhammaan xubnahan ayaa waxaa lagu helay inay ka masuul ahaayeen dilal qorsheysan oo loo gaystay Saraakiil Militariga iyo Booliska ka tirsanaa iyo weliba dad shacab ah. Xukunada ay riday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo aadaya, maalmo ka dib qaraxii ay dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
-
(SLT-Hargeysa)-Shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa la fasaxay Maalinta Arbacada ah ee Berri, dhalashada Sannadka cusub ee 2020-ka ee Taariikhda Miilaadiga awgeed. Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu Maanta soo saaray Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Farxaan Aadan Haybe. Halkan Hoose ka akhri War-saxaafadeedka Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo loo bineeyey ciidanka dab-damiska Somaliland, kuwaas oo laga dhisay xarunta guud ee ciidanku ku leeyahay caasimadda Hargeysa. Munaasibad kooban oo loo qabtay xadhig-ka jariska dhismeyaasha cusub ee ciidanka, islamarkaana lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay ciidanka Dab-damiska sannadka sii gebogeboobay ee 2019-ka iyo qorsheyaasha sannadka soo socda, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay taliyaha ciidanka dab-damiska, sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda Hargeysa, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, hoggaanka ciidamada Booliska iyo Militeriga, qaar kamid ah dhallinyarada ciidanka Dab-damiska, salaadiin, haween iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay ciidanku u leeyihiin guud ahaanba bulshada reer Somaliland iyo badbaadinta nafta iyo hantida muwaadiniinta. Ugu horrayn taliyaha ciidanka dab-damiska Somaliland Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo warbixin qoto dheer munaasibadda ka jeediyey, ayaa si hufan u sharraxay kaalinta ay ciidanka dab-damisku kaga jiraan nolosha bulshada iyo horumarkoodaba, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay ciidan ahaan sannadihii lasoo dhaafay badbaadiyeen nafo iyo hanti badan oo ay leedahay bulshada reer Somaliland. Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Mudane Jaamac Xaaji Maxamed iyo ganacsade Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey ciidanka Dab-damiska iyo taliskoodaba, waxana ay bulshada ku boorriyeen inay si dhaw ula shaqeeyaan ciidanka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhinaciisa sharraxay kaalinta naf-hurnimada leh ee ay ciidanka Dab-damisku ka ciyaaraan noloshada bulshada iyo badbaadinta nafta iyo hantida muwaadiniinta, waxana uu xusay inay xukuumad ahaan ka go’an tahay in mudnaanta koowaad la siiyo ciidanka la dagaallanka dabka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Mudnaanta koowaad baynnu siinaynaa ciidanka dab-damiska, qarankuna waxba ka hagran maayo oo waa ciidan dagaal ku jira, waxana aan shacabka oo dhan ka codsanayaa inay la shaqeeyaan ciidanka dab-damiska, iyaga iyo qolada ambalaaskuba marka ay gurmadka yihiin waa in waddada loo banneeyaa.” Madaxweynaha, ayaa sidoo kale mid mid u kormeeray dhismeyaasha iyo xafiisyada kala duwan ee xarunta ciidanka damb-damisku ku leeyahay caasimadda Hargeysa, isaga oo sidoo kale indhihiisa ku arkay gaadiida casri ah oo xukuumaddu u iibisay ciidamadanka iyo agab casri ah oo lagula dagaallamo dabka. Sidoo kale, waxa madasha lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay ciidanka dab-damiska Jamhuuriyadda Somaliland sannadkii dhammaaday ee 2019-kii oo ay sameeyeen 942 hawlgal oo lagu badbaadiyey dad, xayawaan iyo hanti dadweyne oo dhibaatooyin kala duwani gaadheen. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Cali Warancadde la taliyaha arrimaha siyaasadda ee madaxweyne Biixi ayaa Maxamuud Xaashi Cabdi uga digay in uu xilligan isu taago jagada guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo madaxweyne Biixi hayo. Cali Warancadde oo la hadlaya Maxamuud Xaashi wuxuu yidhi “Aniga Iyo Maxamuud Xaashi-na Waxaan Leeyahay “Nin baa Kursiga Ku Fadhiya ee yeynaan daaqadaha Ku Garaacin ee aynu sugno”. Mar kale wuxuu Warancadde sheegay in uu leeyahay han ilaa heer madaxweyne ah “Nin Dhalinyaro ah baan ahay Timaha Ayuun baa I cadaaday mooye laakiin hankaygii Madaxwaynenimo wali waa taagan yahay, waxaan filayaa cid iga Dheereynaysaa Inaanay Jirin.” Warancadde ayaa sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay telefishanka Bulsho. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tartan iyo loolan adag ayaa loogu jiraa sidii xildhibaan kasta uu ku heli lahaa in shaqsi uu wato loogu magacaabo dhowr xafiis oo hadda dayactir ku socda, kuwaas oo ah dhul danguud oo ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya. Xildhibaano badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, wasiiro iyo shaqsiyaad kale, ayaa wasiiro ka tirsan Xukuumadda kala hadlay in shaqsiyaad ay wataan loo magacaabo guryaha dowladda ee dhismaha ku socdo, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online. Goobaha tartanka loogu jiro ee shaqsiyaadka loo rabo waxaa kamid ah, Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium, oo dib loo furay horaanta sanadka cusub, Maktabadda Qaranka, Madxafka iyo goobo kale oo muhiim ah. Wasiirada ayaa qaar lagu eedeeyay in ay ku heshiiyeen kala badalashada shaqsiyaad ay wataan. Xildhibaano badan ayaa la kulmay wasiirada qaar, halka qaarkoodna ay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha, si ay u helaan maamulka xafiisyadan muhiimka ah. Dad badan ayaa la aaminsan yahay in ay ka faa’ideysan doonaan haddii ay xafiisyadaan shaqeeyaan waxayna shaqo abuur u noqon doonaan tobaneeyo dhalinyaro ah.
-
Somali Parliament on Tuesday endorsed a 459.5 US dollar budget for 2020 to fund the conflict-torn country’s national recovery. The majority of the lawmakers from both Houses present in the session passed the budget that will fund key development projects and pay for civil servants’ salaries and the military. Finance Minister Abdirahman Beileh hailed the House approval as crucial to allow the government to meet its development priorities. “This is a great achievement for the government as we can now focus on delivering on some of our development projects,” said Beileh. The move comes after the International Monetary Fund (IMF) said Tuesday Somalia’s economy would grow in 2020 as the country recovers from a drought that has resulted in major livestock and crop losses. View the full article
-
A singer from Somaliland, Mohamed Said known as BK was forced to make a public response on Monday following public outcry over his remarks in the midst of bomb attack in Mogadishu. A video clip captured BK saying peace in Mogadishu depends on Somaliland’s recognition amid Somalia mourning the second deadliest attack in two years in Mogadishu which killed over people. “I would like to urge those in Mogadishu let go Somaliland to recognition and they (Somalia) will get peace. Even if I am to be beheaded, I will keep saying hail Somaliland. I don’t hate Somalis but let them respect my desire,” BK said a video which went viral on social media “I would like to urge Mogadishu to allow Somaliland to get recognition, because if they (Somalia) allow Somaliland get recognition then the bombs and challenges will end.” BK’s remarks attracted anger and rebuke with Somalis online condemning him. In an interview with Universal TV, BK made a public apology saying his sentiments were misrepresented. “I extend my condolences to the relatives of victims of the blast. Misrepresentation is worse than sorcery. I said good words and extended condolences but some people took advantage and misinterpreted. My fans and Somali people I love you, I apologize to you about what happened, I apologize for those who misunderstood my words,” the singer said. View the full article
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Diyaarado dagaal oo aan la ogayn dalka laga leeyahay oo weerar Cirka ah ku qaadey saldhigyo Al-Shabaab iyo Daacish ay ku leeyihiin degaano hoos yimaado gobolka Bari ee Puntland. Goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Daacish ayaa lala beegsaday duqeyntaas sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Maamulka Puntland. Sida ay saraakiishaas xaqiijiyeen Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday Madarshaan oo u dhaxeeya Magaalada Boosaaso iyo Galgala. Dadka degaanka ayaa sheegey in Diyaaradahaas Gantaallo ku garaaceen saldhig ay leeyihiin Daacish waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay. Ilaa hadda si rasmi ah ugama hadlin Maamulka Puntland duqeymaha lala beegsaday saldhigyada Daacish iyo khasaaraha ka dhashay. Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka, iyo kuwa Faransiiska ayaa inta badan ka fuliya weerarada cirka ah oo inta badan lala beegsado goobaha ay ka taliyaan Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya. Mareykanka ayaa sanadkaan maanta ay ugu dambeyso laba jibaaray duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya, waxayna ciidamada Mareykanka saldhig weyn ku leeyihiin garoonka Diyaaradaha ee Balidoogle.
-
MOGADISHU (HOL) - Somalia Federal Parliament Tuesday a $459.5 million budget for the financial year 2020 before it proceeds for recess in the coming week. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah si wadajir u ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen. 188 Xildhibaan ayaa ogolaatay Ansixinta Miisaaniyadda Sanadka 2020 , hal xildhibaan ayaa diiday halka ay labo xildhibaan oo kalena ka Aamuseen. Sharcigaan ayaa waxaa gola Golaha Sharci dajinta ee labada aqal horgeeyay wasiirka Maaliyada Xukumada Faderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Miisaaniyadda dowladda ay ansax tahay, islamarkaana waxaa uu u mahadceliyay Xildhibaanada labadda Aqal. Ansixinta miisaaniyaddaan ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa maalintii ugu danbaysay sanadka 2019, si sanadka 2020 oo berri ka bilaabanaya loogu shaqeeyo miisaaniyadda cusub. Ansixinta Miisaaniyadda ayaa noqon doonta tii u horeysay oo ay wadajir u ansixiyaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo la xusuusta in horay ay Miisaaniyadda ay ansixin jireen oo kaliya Golaha Shacabka.
-
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulamo gooni gooni ah ka wada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyaga oo ka wada hadlay xaaladda Galmudug. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qaaday shaqaaqadii xalay Dhuusamareeb iyo arrimaha doorashooyinka ee maamulkaasi. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo shalay gelinkii dambe gaaray Dhuusamareeb ayaa ka qeyb galaya dadaallada loogu jiro dhismaha Galmudug. View the full article
-
Wararka ka imaanaya Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in maanta ciidanka Xoogga dalka ay howlgallo ballaaran ka wadaan gobolkaasi. Howlgallada ayaa la sheegay in looga hortagayo isbaarooyin la soo dhigay deegaano hoostaga degmooyinka Wanla-Weyn iyo Afgooye. Saraakiil ka tirsan ciidanka milatariga dowladda federaalka Soomaaliya oo Idaacadda Shabelle ay la xariirtay ayaa sheegay inay weli socdaan howlgallada, islamarkaana ay dib ka faah faahin doonaan natiijooyinka ka soo baxa. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in ciidamadu ay isku fidiyeen waddooyin muhiimka ah ee gobolka, si looga sifeeyo isbaarooyinkaasi.. Sh/ Hoose ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayey jidgooyooyin tiro badan oo cabasho ay ka muujiinayeen gaadiidleyda gobolkaasi. View the full article
-
Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay weerarkii ismiidaamiinta ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Cabdiqaasim Salaad ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay khasaaraha badan ee dadka rayidka ah ka soo gaaray qaraxaasi. Sidoo kale wuxuu Tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen dhacdadaasi, isagoo kuwa dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg deh ah. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay gacmaha is wada qabsadaan, kana shaqeeyaan midnimada, nabaddda iyo dib u dhiska dalka. Qarixii dhowaan ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye oo ka mid noqday kuwii ugu khasaaraha badnaa ayaa waxaa ku dhintay 100 qof oo u badnaa dad rayid ah. View the full article
-
Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah si wadajir u ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen. 188 Xildhibaan ayaa ogolaatay Ansixinta Miisaaniyadda Sanadka 2020 , hal xildhibaan ayaa diiday halka ay labo xildhibaan oo kalena ka Aamuseen. Ansixinta miisaaniyaddaan ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa maalintii ugu danbaysay sanadka 2019, si sanadka 2020 oo berri ka bilaabanaya loogu shaqeeyo miisaaniyadda cusub. View the full article
-
Popular Contributors
