Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,813
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamada difaaca Puntland oo shalay bilaabay wejiga afraad ee Hawlgalka Calmiskaad ayaa maanta guud ahaan gacanta ku dhigay godadkii u danbeeyay ee firxadka mileeshiyaadka Daacish kaga dhuumanayeen togga Baallade. Hawlgal xooggan, oo ay jihooyin kala duwan ciidamadu kaga yimaadeen togga Baallade ayay guud ahaan kula wareegeen dhammaan ceelashii iyo goobihii ay ku harsanaayeen firxadkii ka baxsaday Miraale ee mileeshiyaadka Daacish, sida ay shaacisay dowladda Puntland. “Ciidamada ayaa ugu tagay maydadka qaar ka mid ah argagixisada, iyo sidoo kale ceelashi biyaha ay ku aasayeen ciid iyo mayd kooxda ay ka carareen. Waxaa sidoo kale la burburiyay dhismayaal iyo gabaadyo ay kooxdaasi si qarsoodi ah u isticmaali jireen ee ku yaalay togga baalade” ayay sheegtay dowladda Puntland. Ilo wareedyo amni oo ka tirsan Puntland ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadu weli ku raad-joogaan tiro yar oo ka tirsan firxadkii Daacish, kuwaasi oo ka fiigay Hawlgalka lagu qabtay togga Baallade. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo maanta guud ahaan togga Baallade ka saaray firxadkii mileeshiyaadka Daacish appeared first on Puntland Post.
  2. Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay xisbiga Mideeye ayaa sababay in uu u kala baxo laba garab oo mid taageersan yahay xukuumadda Siciid Deni, kaasi oo uu hoggaaminayo wasiir hore Abshir Cumar Huruuse. Bayaan ka soo baxay Garabka muxaafidka ah ee Xisbiga Mideeye oo taageersan xukuumadda Siciid Deni, kaasi oo uu hoggaaminayo Abshir Cumar Huruuse ayuu ku sheegay in xisbigoodu aysan qayb ka ahayn Shirarka Villa Somalia abaabushay ee ka socda magaalada Muqdisho. “Xisbi Siyaasadeedka MIDEEYE isagoo ka duulaya dastuurka iyo xeerarka xisbiga kuna dhaqmaya dastuurka iyo xeerka xisbiyada siyaasadda Puntland wuxuu bulshadda Puntland, bulshadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u cadaynayaa in aanu qayb ka ahayn shirka gogosha wadatashiga qaranka ee ka socda magaalada Muqdisho” ayuu bayaankaasi ku yiri garabka Abshir ee xisbiga Mideeye. Dhinaca kale, xubno ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga oo taageersan dhinaca Villa Somalia ayaa ka qeyb noqday Shirarka siyaasadeed ee magaalada Muqdisho ka socda, kuwaasi oo ku saabsan hirgelinta barnaamijka qof iyo cod ee dowladda Xasan Shiikh waddo. PUNTLAND POST The post Puntland: Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay xisbiga Mideeye oo laba garab noqday appeared first on Puntland Post.
  3. Dowladda Puntland ayaa sheegtay in guud ahaan Beesha Caalamku ka aamin-baxday Villa Somalia, islamarkaana sheegeen in ay ka guurayaan, kaddib markii ay ku fashilantahay dagaalkii Argagixisada, taasi oo keentay in ay lumiso Kalsoonidii Beesha Caalamka. “Beesha Caalamku maalin walba waa ka deyrinayaan Xasan Shiikh oo waxay lee yihiin waa ku khasaarnay, waan ka guuraynaa, laguma kalsoonaan karo, xog sirdoon laguma aamini karo” waxa sidaasi yir wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo xalay warbaahinta kula hadlay Garoowe. Dhinaca kale, wasiir Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in dowladda Puntland kalsooni buuxda ka heshay Beesha Caalamka, oo ay u horreeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska, islamarkaana loo aqoonsaday saaxiib dhab ah oo dunida kala shaqeynaya ka hortagga Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish. “Beesha Caalamka, oo ay ku jiraan Ingiriiska iyo Mareykanka waxay kalsooni buuxda ku qaadeen in Puntland tahay saaxiib dhab ah oo kala shaqeynaya ka hortagga Argagixisada Caalamiga ah. Waad arkaysay dorraad buurta halka ugu sarraysa in diyaaradaha Mareykanku ciidamada Puntland Raashin ugu daadinayeen” ayuu sii raaciyay wasiir Caydiid. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in Beesha Caalamku ka aamin-baxday Villa Somalia oo ka guurayaan appeared first on Puntland Post.
  4. Ajandaha Rasmiga ah ee Kal-fadhiga 56aad ee Baarlamaanka Puntland oo ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen xildhibaannada ayaa saaka la shaaciyay. Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa mid mid ugu codeeyay dhammaan qodobada Ajandaha, waxaana ogolaaday 42 mudane, waxaana diiday hal xildhibaan, halka ay ka aamuseen 7 mudane, sida uu shaaciyay golaha. Qodobada ku jira Ajandaha, waxaa kamid ah: La-xisaabtanka xukuumadda, ka doodista shaqa abuurka dhalinyarada, xasaanad siinta mas’uuliyiinta u baahan xasaanadda, Ogolaanshaha/diidmada Xisaab xirka Sannad-maaliyadeedka 2024 iyo qodoba kale. Halkaan ka akhriso Ajandaha Kal-fadhiga PUNTLAND POST The post Ajandaha Rasmiga ah ee Kal-fadhiga 56aad ee Baarlamaanka Puntland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  5. Xasan khasaarow, dillaac ama maryaha tuur Somaliland waa la aqoonsanayaa Bal eega Xasan Sheekh nacasnimadiisa waxa uu ku hadlayo. Dalka Soomaaliya ee uu sheegto inuu xukumo 34 sanno ayey nidaam dawladnimo ku samaysan kari waayeen. Wax awood iyo talo ah toona kuma laha maamul-goboleedyada Kismaayo, Garoowe, Baydhabo iyo Hiiraan. Xarunta Xalane ee diblomaasiyiinta caalamku ka deggan yihiin Xamar ma galin karo. Intaas oo fashil iyo foolxumo ah waxa uu ku darsaday been-sheegis qaawan, musuqmaasuq iyo qabyaalad tii ugu hoosaysay oo ah xukun qoys (Family rule). Aduunkii idin ogaa oo idin Naac Sidaa darteed, waxaan leeyahay Xasan khasaarow, dillaac ama waalo oo maryaha tuur waa la aqoonsanayaa Jamhuuriyadda Geeska Afrika, ( Republic Somaliland). adiga iyo cid kale oo joojin kartaana ma jirto. Faysal Csli Waraabe Qaran News
  6. Addis Ababa — Ethiopia’s army chief warned on Saturday that the deployment of Egyptian troops to neighbouring Somalia poses a growing threat to Ethiopia’s national security, amid heightened regional tensions. Speaking before the Ethiopian parliament, Field Marshal Berhanu Jula said that the presence of foreign forces in Somalia, while officially framed as cooperation, could undermine Ethiopia’s sovereignty and regional stability. “Foreign military deployments in Somalia under the guise of partnerships must be scrutinized carefully,” Berhanu told lawmakers, in remarks widely interpreted as directed at Egypt. His comments come months after Egypt and Somalia signed a controversial military agreement in August 2024, allowing up to 10,000 Egyptian troops to be stationed in Somalia. Part of the Egyptian contingent is expected to operate under the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), while the rest will be directly under Egyptian command. The deal also includes provisions for arms transfers to Somalia. Ethiopia has voiced growing concern over what it sees as a strategic encirclement by Egypt, particularly as the two countries remain at odds over the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) on the Nile River. While Ethiopia views the dam as a cornerstone of its development, Egypt fears it will threaten its vital water supply. Berhanu said the changing security landscape compels Ethiopia to reassess its military and strategic posture in Somalia, where Ethiopian forces have long operated as part of efforts to stabilize the country and combat the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab group. The Egypt-Somalia pact comes in the wake of a separate agreement between Ethiopia and Somaliland earlier this year, granting Ethiopia access to the Red Sea through the breakaway region – a move that angered Somalia’s federal government and sparked regional diplomatic tensions. Despite Turkish-mediated talks aimed at easing tensions, Ethiopia has not formally backed away from the Somaliland deal. Read the original article on Shabelle. Qaran News
  7. Madaxweyne, Siciid Deni oo maanta khudbad ka jeediyay shir ku saabsan horumarinta Maaliyadda oo ka qabsoomay Garoowe ayaa sheegay in dowladda Puntland aysan wakhti danbe ku lumin doonin Soomaaliya oo uu ku tilmaamay ‘dal’ siyaasaddii ka wareertay in ku dhaw 40 sanno. Madaxweyne Siciid Deni ayaa tilmaamay in ay hadda kaddib xoogga saarayaan horumarinta Arrimaha Puntland, oo aysan wakhti danbe isaga lumin doonin Soomaaliya oo siyaasaddii ka wareertay in ku dhaw 40 sanno, sidaasi darteedna xukuumaddiisu u soo jeensatay ammaanka iyo horumarinta degaannada Puntland. “Markan wax badan milicsanay oo dhinacyo kala duwan ka eegnay, Puntland waxay go’aansatay in aysan wakhti ku lumin Soomaaliya oo 40 sanno siyaasadii ka wareertay, hadda kaddib, waxaan xoogga saaraynaa wixii annaga (Puntland) ah qabsan karno in aan qabsano, waxaa la yiri: ninkii tiisa daryeela tu’ kale ku daraya” ayuu yiri madaxweyne Deni. PUNTLAND POST The post Deni: Puntland waxay go’aansatay in aysan wakhti danbe ku lumin Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qayb galay Shirweynaha 1-aad ee Carruurta Somaliland, oo ku soo beegantay Xuska Maalinta Carruurta Afrika oo la xuso 16-ka Bisha 6-aad sannad walba. Shirweynaha 1-aad ee Carruurta Somaliland oo ah kii ugu horreeyey ee dalkeena lagu qabto, waxa si aad u qiimo badan u soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, iyada oo kaashanaysa Hay’adaha Qaranka JSL iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ay wada shaqaynta la leh Wasaaradda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaa ka jeediyey khudbad aad u qiimo badan, ayaa sheegay in Maalinta Carruurta Somaliland ay tahay maalin loo asteeyey is xasuusinta muhimadda uu ubadku inoo leeyahay iyo xilka culus ee dhammaan bulshada JSL ka saaran ilaalinta xuquuqda carruurta iyo sharaftooda, isla markaana aynu maal-gashano mustaqbalkooda, isaga oo yidhi: “Waa Masuuliyad Diini ah, waa Waajib Sharci ah, waana Xil Waddaniyadeed oo qof kasta saaran.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in aanay suurto gal ahayn in Qarankeenu uu sameeyo horumar, haddii aynaan xoogga saarin daryeelka iyo wanaagga carruurteena. In aynaan Caddaalad ka hadli karin haddii carruurteenu aanay haysan xuquuqihii aasaasiga oo ay ugu horreeyaan Waxbarashada iyo Caafimaadku. Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Waxbarashada, Caafimaadka iyo Nafaqada ay yihiin Tiirarka Koritaanka ubadkeenna, si ay u gutaan waajibaadka Qarannimo ee Mustaqbalka, waxana uu yidhi: “Carruurta Somaliland waxa aan ugu bishaaraynayaa in ay udub dhexaad u yihiin Qarankooda, in Codkooda la maqlayo, in laga caawinayo gudashada waajibaadkooda, iyo sidii ay riyooyinkooda u rumayn lahaayeen.” 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  9. Ciidamada Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay xubin kamid ah firxadkii mileeshiyaadka Daacish oo u dhashay dalka Itoobiya, sida uu shaaciyay Taliska Ciidamada difaaca Puntland oo warbixin soo saaray. Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Taliska Ciidamada difaaca Puntland oo xaqiijiyay warkan ayaa sheegay in ciidanku soo qabteen ninkan firxadka ah ee u dhashay dalka Itoobiya oo magaciisu yahay Hakiimi, isagoo ku dhuumanayay togga Baallade. “Ciidanku waxay soo qabteen maanta, xubin ka mid ah firxadka Argagixisada Daacish ee lagu sifeynayo Calmiskaad, ninkan oo u dhashay Ethiopia wuxuu magaciisa ku sheegay Hakiimi , waxaa Ciidanku kasoo qabteen isagoo ku dhuumanaya Togga Baallade” ayuu yiri Hawlgalka Calmiskaad. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo maanta qabtay xubin ka tirsan firxadkii mileeshiyaadka Daacish appeared first on Puntland Post.
  10. REER LONDON MADAXDHAQAMEEDKA MEEQAAM ISKU MID AH AYAY KU QAABILI JIREEN EE MAXAA DHACAY. S/Land waxay ku soo nabad iyo caano maashay dadkeeda oo ay hogaaminayaan madaxdhaqameedku waxay ka soo saareen duruufo adag. Madaxda dhaqanku waxay ku shaqeeyaan tuburuc bilaa mushahaaro, waxay galaan deyn fara badan oo aan loo ogayn, guryahooda (xaasasmooda) waxa ku dhaca cag iyo culays farabadan oo dabiiciya. Reer london isku meeqaam ayay guud ahaan ula dhaqmi jireen iyagoo jifooyinkooda hoosena gaar u yihiin iminka waxa soo dhexgalay sooryadoodii shaqsiyaad uu ibleys ku shaqaysto oo leh xiisaha nin jeclaysiga iyagoo caaqilna caashaqaya oo jeebabka u buuxiyay Sulddaan weynna yasay sooryadiisii, taasina waa dhaqan xumo godob wadata oo innagu soo korodhay, martidoo la xumeeyaa waa caadkoyinkii reer qoomuluud ee halla ilaaliyo martida. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
  11. Dunida oo dhan waxa isha lagu hayaa xiisadda dib uga soo cusboonaatay gobolka Bariga Dhexe ee ka dhex aloosantay Iiraan iyo Israa’iil. Meelo badan waxa durtaba laga dareemay saamayn cabsi dhaqaale oo caalami ah. Qiimaha shidaalka ayaa sare u sii kacaya. Waxa la is weyddiinayaa waxa dhici kara haddii ay Iiraan xidho gacanka muhiimka ah ee Hormuz oo saliidda marta lagu qiyaaso 17.2 million oo foosto maalintii. Cabsi amni oo barbar socoto tan dhaqaalaha ayaa waddamo badani ay qabaan. Dalalka ku yaalla Gacanka Cadmeed oo Soomaalidu ka mid tahay ayaana ugu horreeya, sida ay qabaan aqoonyahanka Soomaaliyeed oo arrintan BBC-da uga warramay. Waxa ka mid ah Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo muddo dheer culuumta dhaqaalaha iyo siyaasadda ka dhigayay jaamacado ku yaalla Maraykanka. “Deegaan ahaan, aniga iima muuqato dhibaato soo gaadhi karta Soomaalida, maaddaama ay juqraafi ahaan kala fog yihiin. Iima muuqato hub soo faniinay in uu soo gaadhi karo Geeska Afrika. Ma garan karo haddii ay wax kale dhacaan, sida in la isu adeegsado nukliyeer, taasina dunida oo dhan ayay aafaynaysaa. “Dhibaatada ugu weyni waxa ay ka imanaysaa dhinaca dhaqaalaha. Maraakiibta maraysa xeebaha Soomaalida, Marinka Suweys iyo Gacanka Cadmeed ayaa laga yaabaa in ay arrintani saamayn ku yeelato, sida in ay joogsadaan ama uu sicir-barar ku yimaaddo. Saamayn kale waa in dagaalku u gudbo Gacanka Hormuz iyo waqooyiga Badweynta Hindiya,” ayaa uu yidhi. Aragti taas la mid ah waxa qaba barafasoor Maxamed Xaaji Ingiriis oo cilmiga taariikhda ka bartay Jaamacadda Oxford, haatanna cilmi-baadhe ka ah Akademiyadda Hoggaaminta Afrika ee Jaamacadda King’s College London. “Soomaaliya waxa ay halbowle u tahay saliidda ka soo baxda Bariga Dhexe ee maraysa Gacanka Cadmeed iyo Marin-biyoodka Baab Al Mandab. Saamaynta ugu horraysa waa tan dhaqan-dhaaqalaha iyo ganacsiga Soomaalidu la leedahay waddmada bariga-fog. Saamayn kale, waa dhanka hawada oo durba diyaaradaha caalamku ay joojiyeen in ay isticmaalaan hawada waddamada qaar.” Shidaalka iyo soo dejinta badeecadaha kale Markab taagan dekadda Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Markab taagan dekadda Inta badan wax-soo-saarka Geeska Afrika oo hooseeya. Si gaar ah, colaadaha iyo caqabadaha amniga ee Soomaaliya waxa uu hoos u dhigay beeralayda oo ay u dheer tahay abaaro soo noqnoqda iyo fathaado meelaha qaarkood ka jira. Inkasta oo dhinaca dhoofka xoolaha qiyaaso la sameeyay sannadkii 2023 lagu sheegay in ilaa 70% xoolaha Soomaalida oo isugu jira geela, lo’da iyo adhiga qiimahooda sannadkii lagu qiyaasay $1 Bilyan loo dhoofiyo Boqortooyada Sacuudiga, haddana waxa jira caqabado ay wajahayaan oo ah in dalalka qaar sida Shiinuhu uu joojiyay xoolo ay kuwa Soomaalidu ku jiraan. Taas beddelkeeda, maciishadda inteeda badan oo ay ku jiraan cuntooyinka maalinlaha ahi waxa ay ka yimaaddaan waddamada dibadda. Haddii colaaddu ay ku baahdo gobolka waxa la filan karaa saamayn ku timaadda helitaanka badeecadaha raashinku ugu horreeyo ee ka Soomaaliya ka soo gala dibadda. Professor Ingiriis oo arrintan ka hadlaya ayaa yidhi: “dhaqaalaheenna iyo waxa laga cuno waddanka gudihiisuba waxa uu ku tiirsan yahay wax laga soo waarido dalalka dibadda, sida Shiinaha iyo Thailand oo soo mara Dubia. Waxa kici doona maciishadda quutal-daruuriga ah iyo shidaalka. Saamaynta waxa keenaya goobta ay Soomaaliya ku taallo oo istiraatijia ah.” Sidee ayay u saamaynaysaa amniga? SoomaaliyaXigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Nin qori ku hubaysan, Xuddur Soomaaliya Arrin kale oo muhiim ah waa midda amniga. Iiraan waxa ay taageertaa xoogag hubaysan oo ay ku jiraan Xuutiyiinta oo masaafo aan badnayn u jira Soomaaliya, gudaheedana waxa ka dagaallama kooxo hubaysan. “Haddii dunidu ay gasho dagaal saddexaad waxa ay Soomaalida ku yeelan kartaa saamayn togan iyo mid taban. Tan ugu horraysa waa in Soomaaliya ay noqon karto goob ay quwadaha waaweyn ee dunidu ku dagaallamaan. Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee gudaha ka jirta ayaa sababi karta in la la kala safto awoodaha hirdamaya ee galbeedka iyo kuwa ku bahoobay BRICS,” barafasoor Cabdiwahaab Cabdisamad oo ah cilmi-baadhe madax ka ah Mac’hadka Daraasaadka iyo Istaraatijiyadda ee Afro-Asia. “Kooxaha ka dagaallama Soomaaliya sida Daacish ama al-Shabaab waxa ay [xiisaddani] u abuuri kartaa isbahaysi cusub oo ay helaan. Waxaa dhici karta in ay la safato Iiraan iyaguna ay taageero u muujiyaan. Haddii ay xukuumaddu la safato Reer Galbeedka oo saldhig laga siiyo Soomaaliya waxa dhici karta in ay iyaguna taageeraan ururrada Islaamiga ah oo ay Soomaaliya ku kiciyaan. Taasina waa dhibaato hor leh. Waxa dhici karta in ay soo baxaan dad Soomaali ‘waddaniyiin ah’ oo arrintan ka faa’iidaysanaya. Haddii ay xukuumaddu la safato waxa dhici karta in [kooxahaasi] ay is abaabulaan si ay xukuumadda u ridaan lana saftaan BRICS,” ayaa uu hadalkiisa raaciyay. Midda togan ayaa barafasoor Cabdiwahaab uu ku sheegay adeegga dekadaha Soomaalida qaarkood oo kor u kici kara, haddii ay maraakiib badan ka caagaan marinnadii ay hore u isticmaali jireen. “Midda la is dhihi karo Soomaalidu way ka faa’oiidaysan kartaa, waa haddii ay dhexdhexaad ka noqoto waxa dhacaya. Taasi waxa ay keenaysaa in Soomaaliya la nabadeeyo si maraakiibta shixnadaha wada ay nabadgalyo ugu maraan. Faa’iidada ay Soomaaliya heli karto waa in dekadaha Boosaaso, Berbera, Muqdisho iyo Kismaayo ay dhismaan. Haddii dagaalku uu xoogaysto oo ay dhacdo in Dubia, Qadar iyo Cummaan alaab laga keeni waayo, waxay keenaysaa in dhaqaalaha Soomaliya uu kobco,” ayaa uu yidhi barafasoor Cabdiwahaab Cabdisamad. Walaac kale oo laga qabo haddii aan xal loo helin colaadda bariga dhexe waa in qaxooti tiro badan oo ka firxanaya dagaalku ay ku soo qulqulaan gobolka Geeska Afrika, sida uu ku doodayo barafasoor Samatar. “Xagga nabadgalyada dhibaato badan ayuu keeni doonaa. Waxa dhici karta in dad badan oo qaxooti ah ay Geeska soo galaan, sidii hadda ka horba ka dhacday dalka Yaman.” Gargaarka la siiyo Soomaalida oo halis gali kara Barakacayaal Xigashada Sawirka,UNSOM Waxaa hoos-u-dhac weyni ku yimid hawlihii mucaawinooyinka ee Soomaaliya islamarkaana hay’ado badan ayaa ka digaya cunno yaraan soo wajihi karta malaayiin Soomaali ah. Dhawaan ayay ahayd markii hay’adaha gargaarka bani’aadamnimo ay dib u qiimeyn ku sameeyeen mudnaanta shaqadooda, iyada oo Qaramada Midoobay iyo hay’adaha bahwadaagta la ah ee ka hawlgala Soomaaliya ay hadda bartilmaameedsanayaan 1.3 milyan oo qof. Taasi waxa ay la macne tahay in uu jiro hoos-u-dhac 70% ah, marka loo eego dadkii la rabay in ay gargaar helaan oo gaadhay 4.6 milyan oo qof. “Wax-soo-saarka beeraha iyo dhoofka xoolaha iyo wax kasta oo dibadda loo dhoofiyo waxa laga yaabaa in ay socon waayaan ama dadkii iibsanayay ay badeecaduhu ay gaadhi waayaan. Soomaalidu intooda badan waa dad ku nool wax dibadda laga keeno. Taasi waxa ay keenaysaa in sicirka maciishadda uu sare-u-kac ku yimaaddo ama maciishadda gebi ahaanteeedba la waayo. Haddii taasi dhacdo, jaago ayaa la filan karaas.” Ayaa uu yidhi barafasoor Axmed Ismaaciil Samatar. Xiisadda ka dhex aloosan Iiraan iyo Israa’iil ayaa gashay maalintii afraad iyada oo dhinacyadu ay is dhaafanayaan weerarro dhanka hawada ah. Baaqyo caalami ah oo la rabo arrimahan lagu soo afjaro ayaa socda, ha se ahaatee, lama oga sida ay wax uga tari karaan colaadda Bariga Dhexe oo muddo dheer ahayd mid aan maaro loo helin. Nimaan Osman BBC Somali Qaran News
  12. Kani waa sawirka Argagixiye Xasan Atar Dowladda Puntland ayaa shaacisay xog kooban oo ku saabsan argagixiye caalami ah oo ka tirsanaa mileeshiyaadka Daacish, kaasi oo ay maalmo ka hor ciidamada difaaca Puntland ku qabteen Calmiskaad. Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad oo shaaciyay xogtan kooban ayaa si rasmi ah u soo bandhigay magaca iyo dalka uu ka soo jeedo argagixiyahan ka tirsanaa Daacish oo lagu qabtay hawlgal ciidanka difaaca Puntland ka sameeyay togga Baallade (Calmiskaad). Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ayaa xaqiijiyay in argagixiyahaasi uu ka soo jeedo dalka Turkiga, waxaana ay magaciisa ku sheegeen Xasan Atar, sida ku xusan bayaan uu soo saaray Xafiiska, balse ma bixin faahfaahin intaasi ka baxsan oo ku saabsan argagixiyahaasi. “Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee hawlgalada ka wada Calmiskaad, waxay soo bandhigeen xubin ka tirsan firxadka Argagixisada Daacish oo ay ku qabteen hawlgaladii u danbeeyay, ninkan oo u dhashay Turkiga ayaa ku sheegay magaciisa Xasan Atar” ayuu yiri Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad. PUNTLAND POST The post Puntland oo si kooban u shaacisay xogta argagixiye Caalami ah oo ay ku qabatay Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
  13. Hogaamiyayaasha G7 ayaa gaaraya magaalada Alberta ee dalka Canada, ka hor jadwalka shirar badan oo qaabayn kara sida dalalka adduunka ugu qanisan ay uga jawaabaan iskahorimaadkan. Laakiin indhaha oo dhami waxay eegayaan inay dhab ahaantii ku heshiin karaan mowqif guud. Dhammaan wadamada halkaas jooga ma rabaan in Iran ay yeelato hub nukliyeer ah. Laakiin kala qaybsanaantu waxay si dhakhso ah u soo bixi kartaa marka ay timaaddo sidii taas loo heli lahaa – iyo ilaa xadka G7 ay riixayaan in la xakameeyo Israa’iil. Mawqifka xubin ka mid ah, Japan, wuxuu caddayn karaa inuu yahay qodob la isku mari la’yahay. Dalkan oo dhaqan ahaan aad ugu dhow Tehraan marka loo eego xubnaha kale ee G7, wuxuu si toos ah u cambaareeyay duqeymaha Israel, halka kuwa kale ay ku doodeen xaqa ay Israel u leedahay inay is difaacdo. Shirkan waxa uu noqonayaa tijaabo weyn oo lagu tijaabinayo xirfadaha dublamaasiyadeed ee Mark Carney, waa raysal wasaaraha cusub ee Canada. Isagoo guddoominaya kulankiisii ugu horreeyay ee caalami ah isagoo ah ra’iisul wasaaraha cusub ee Canada, wuxuu wajahayaa arrimo isku dhafan oo adag – ugu yaraan la macaamilkiisa Mareykanka, oo weli ah xubinta ugu awoodda badan G7. Canshuuraha ganacsiga ee Donald Trump iyo hadalka ku saabsan ku darista Canada ayaa kaliya ka sii dara xiisadda. Iyada oo hubanti la’aan badani ay jirto hawada, waxaa jira dareen sii kordhaya oo ah in hoggaamiyeyaashu ay tahay inay shirwaynahan u adeegsadaan si ay u soo bandhigaan mowqifkooda – ama ay khatar geliyaan inay wiiqaan muhiimadda G7 lafteeda. Saddex qof ayaa ku dhintay duqeymaha Iiraan ee bartamaha Iisraa’iil. Labo haween ah iyo hal nin oo da’da 70-meeyada ku jiray ayaa geeriyooday. Ugu yaraan 74 qof oo dhaawac ah ayaa iyaguna la geeyay dhowr isbitaal oo goobo kala duwan ku yaalla oo bartamaha Israa’iil ah, sida ay sheegtay hay’adda gargaarka qaranka Israa’iil ee magaceedu yahay Magen David Adom Bbcsomali Qaran News
  14. Doodaha uu Garsoore Cabduqawi Axmed Yuusuf ku soo gudbiyay maqaalkii uu qoray 1980kii waxay sal u noqdeen mabda’a in heshiis uusan ku qotomin sharci marka la eego Sharciga Caalamiga Ah haddii dhul dadyow ay leeyihiin la wareejiyo iyaga oo aan oggolaansho laga haysanin. Maqaalka uu Dr Cabdiqawi qoray 1980kii wuxuu ka horreeyay doodda saamynta weyn yeelatay uu Mohamud Mamdani ku soo gudbiyay buuggiisa Citizen and Subject. Contemporary Africa and the legacy of late colonialism. Boosaaso (Faallo) — Dr Cabdulqawi Axmed Yuusuf, oo toddobaadkii hore si rasmi iskaga casilay jagada Garsoore ee Maxkamadda Caalamiga Ah ee Cadaaladda, waa sharciyaqaanka keliya oo si shacri ah ugu dooday dhulka Soomaaliyeed uu Biritishku si sharcidarro ah ugu daray Itoobiya kaddib markuu jebiyay heshiisyadii ilaalinta uu la galay beelaha Soomaaliyeed qaarkood. Inkastoo siyaasadda arrimmaha dibedda Soomaaliya midowgii 1960kii kaddib ay qeyb ahaan ku salaysnayd raadinta dhulka Soomaalidu leeyihiin oo Itoobiya si sharcidarro ah ku haysato, waa Dr Cabdiqawi sharciyaqaanka si cilmiyaysan u soo bandhigay xaqa ayaa-ka talinta ee Soomaalida ku nool Soomalli Galbeed (hadda loo yaqaanno Dowlad-deegaanka Soomaalida). Maqaal uu ku qoray wargeys-xilliyeedkii Horn of Africa cinwaakiisuna ahaa The Anglo-Abyssinian Treaty of 1897 and the Somali-Ethiopian Dispute, wuxuu ku lafaguray heshiiyadii Imbaradoodiyaddii Biritishku la gashay Xabashida, oo markaas loo yiqiin Abisiiniya si Xabashidu uga caawiso Biritishka in Daraawiishtii aysan dagaal kaga furin dhanka Jigjiga. Heshiisku wuxuu Mililiq (Menelik) awood u siiyay inuu sheegto oo maamulo dhulka Soomaalidu degto hase ahatee uu oggolaado inay xoolahdooda daqsadaan halkaas marka ay ka yimaadaan dhulka kale ee Biritishku maamulayay. Khariidadda waxaa loo qoray si awood Xabashida loogu siiyo in dhulkaas ay qaadato. Cabduqawi wuxuu ku dooday in heshiiskii 1897kii uu jebiyay heshiisyadii ilaalinta ay beelaha Soomaalidu la galeen Biritishka, heshiisyadaas oo ku waajibinayay Soomaalida inaysan dhulkooda ka kireynin ama siinin dalal kale. Heshiiskii Xabashida iyo Biritishka dhexmaray wuxuu socday intii uu jiray Ururkii Qaramada (League of Nations) iyo kaddib markii la asaasay Qaramada Midoobay (1945kii). Maqaalka uu Dr Cabdiqawi qoray wuxuu ka horreeyay doodda saamynta weyn yeelatay uu Mohamud Mamdani ku soo gudbiyay buuggiisa Citizen and Subject. Contemporary Africa and the legacy of late colonialism. Mamdani wuxuu ku dooday in Imbaradooriyaddii Biritishku dadka la gumeysanayo ku dhaqi jirtay xeerarka dadka la gumeysnayo dhigteen (customary law), halka dadka u dhashay dalka wax gumeysanaya lagu xukumo Common Law (Sharciga Guud) oo garsoorayaal maxkamado fadhiya ay dacwada qaadaan. Madaxwene Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doodda sharciyeed uu Dr Cabdiqawi soo bandhigay 1980kii si dadban u xigtay markuu 2024kii sheegay in Soomaaliya ay iska dhaaftay dhul Soomaaliyeed oo Itoobiya haysato, sidaas darteedna aysan aqbali karin in Itoobiya isku daydo qaadashada dhul ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu Cabdiqawi ku tilmaamay jebinta heshiisyadii Imbaradooriyaddii Biritishku la gashay beelaha Soomaaliyeed xadgudub sababay colaado dhul ku salaysan inay dhexmareen Itoobiya iyo Soomaaliya. Dooddaas waxaa aad uga faa’iiday qowmiyadaha Itoobiya oo samaystay jabhado ay kaga soo horjeedaan Amxaarada oo dowlad dhisidda Itoobiya udub-dhexaad u ah kaddib markuu Mililiq qowmiyadaha kale ku qasbay inay ku hadlaan oo dadka kale kula xiriiraan afka Amxaariga, ka sokow in barakicin iyo adoonsi lagula kala kacay qowmiyadaha Soomaalida, Oromada, Sidamo iyo Canfarta. Xitaa taliskii Tigreega (TPLF) ayaa ka hor yimid taariikhda dowlad-dhisidda Itoobiya oo ay ku tilmaameen mid xuquuq siyaasadeed loogu diiday qowmiyadaha kale ee Itoobiya oo Mililiq uu dhulkooda xoog ku qabsaday dhammaadii qarniigii 19aad iyo billowgii qarnigii 20aad. Waa sababta taallada Sayid Maxamed Cabdulle Xasan looga dhisay Jigjiga, sidoo Kalena taallada Anoole looga dhisay gobolka Oromiya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doodda sharciyeed uu Dr Cabdiqawi soo bandhigay 1980kii si dadban u xigtay markuu 2024kii sheegay in Soomaaliya ay iska dhaaftay dhul Soomaaliyeed oo Itoobiya haysato, sidaas darteedna aysan aqbali karin in Itoobiya isku daydo qaadashada dhul ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waa kaddib markii Muuse Biixi Cabdi, madaxweynihii maamulka Somaliland, uu Heshiis is Afgarad oo aan sharci ahayn la galay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Janaayo 2024kii si Itoobiya saldhig badeed looga siiyo Lughaya. Doodaha uu Garsoore Cabduqawi ku soo gudbiyay maqaalkii uu qoray 1980kii waxay sal u noqdeen mabda’a in heshiis uusan sharci ku salaysnayn marka la eego Sharciga Caalamiga Ah haddii dhul dadyow ay leeyihiin la wareejiyo iyaga oo aan oggolaansho bixinin. Mabda’aas hadda wuxuu ka mid yahay Baaqa Xuquuqda Dadyowga Dhul u Dhashay (The UN Declaration on the Rights of Indigenous Peoples), oo uu Fadhiga Guud ee Qaramada Midoobay ansixay bishii Sebteembar 2007dii (UNDRIP). Shaki kuma jiro inay soo bixi doonaan cilmibaarayaal u kuurgala sida Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf ugu dooday Soomaalida ay Imbaradooriyaddii Biritishku u ballan-furtay una sababtay colaado muddo dheer socday oo dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya. Tixraac Yusuf, A.A., 1980. The anglo-abyssinian treaty of 1897 and the somali-ethiopian dispute. Horn of Africa, an Indipendent Journal. Mamdani, M., 1992. Citizen and Subject. Contemporary Africa and the legacy of late colonialism. © Puntland Post, 2025 The post Cabdulqawi Axmed Yuusuf Waa Sharciyaqaan Qarankiisa Qalin Ugu Hiilliyay appeared first on Puntland Post.
  15. Kalluunka Badaha Somaliland ee sida heerka sare ah loogu warshadeeyo Berbera ee Dahabshiil Group maalgeliyey, ayaa noqday wax soo saarka Wershadaha Somaliland ee caalamka ku faafay. Masuuliyin matalaya Wershada Somtuna oo qayb ka ah Dahabshiil Group ayaana China kaga qayb gashay shirka Ganacsiga Shiinaha iyo Afrika ee ka qabsoomay magaalada Beijing. Cabdirashiid Dahabshiil Maamulaha guud ee Dahabshiil Group oo ka hadlaya guusha ay xaqjiisay Somtuna oo uu xusay inay la jaanqaadayso wax soo saarka dhiggeeda caalamka. “Ka-qaybgalka Somtuna ee madashani waxa uu qayb ka yahay dadaalka aanu ugu jirno horumarinta warshadaha dalka, kor u qaadista dhoofinta, iyo kobcinta wax soo saarka dalka, oo la jaanqaadaya tartanka suuqyadda caalamka, iyadoo qayb ka ah himilada Dahabshiil Group ee horumarinta dhaqaale iyo shaqo abuurka.” sidaa ayuu yidhi Maamulaha guud ee Dahabshiil Group Cabdirashiid Dahabshiil. Qaran News
  16. DADKA REER S/LAND WAQTI TACAB IYO MAALBBA LEH AYAA KAGA BAXA BUUQ IYO ISMAANDHAAF SIYAASADEED. Dawladihii kala danbeeyay ee s/Land waxa dabada hayay ama ragaadiyay buuq iyo xaalad abuur siyaasadeed u salka ku haya aamin darro dadka dhexdiisa iyadoo loo adeegsaday awooddii la Wada laha dano shaqsi oo qabiil dabada ku haya waana mushkilad lagaga bixi karo dastuurka oo ay dawladdu dhaqan geliso. Aaminkii hantida ummadda iyo sharcigoo lays waafajiyaa weli wuu laalanyay, waa sababta keentay madaxweyneyaashu inay meelaha muhiimka gaar ahaan ilaha dhaqaalaha inay u dhiibaan qof ay ku kalsoonyihiin, bal u fiirsada berbera oo ah meesha dhaqaalaha ugu badani uu ka soo baxo markasta waxa loo dhiibaa qof ay dawladdu ku kalsoontay si aanay hantidu u lumin oo ay dawladdu lacag u hesho. Arrimahaas waxa lagaga bixi karaa waddaniyad muslinimo salka ku haysa iyo xaalad abuurka qabyaaladaysan oo ay dawladdu keeno qorshe lagu yareeyo, ninkaasi waa qoloma waxa ka qiimo roon isagu waa kuma. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
  17. Madaxweyne, Siciid Cabdullaahi Deni oo saaka khudbad ka jeediyay furitaanka Kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in 98% dowladda Puntland ku guulaysatay ciribtirka mileeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish. Madaxweyne Deni oo ka warbixinayay hawlka uu marayo Hawlgalka Calmiskaad ayaa sheegay in la dhammaystiray wejigii saddexaad ew Hawlgalkaasi, halka wejigii afraad oo sifayn guud ah uu bilaabanayo maalinta berri ah, si loo soo afjaro firxadka yar ee ku go’doonsan meelaha qaar, kuwaasi oo ay ku hareeraysan yihiin ciidamada dowladdu. “Waxaan maanta halkaan uga dhawaawayaa in uu dhammaaday wejigii saddexaad ee Hawlgalka Calmiskaad, waxaana maalinta berri ah bilaabanaya wejiga afraad, si meelaha yar ee ciidamadu ku hareeraysan yihiin looga nadiifiyo argagixisada waxaana oron karaa in buuraha Calmiskaad 98% laga xoreeyay argagixisada Daacish” ayuu yiri Siciid Deni. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Hawlgalka Calmiskaad ee Ciribtirka Daacish, kaddib uu bilaabanayo Hawlgalka Calmadow ee burburinta mileeshiyaadka argagixisada ah ee Al-shabaab oo ku dhuumanaya degaanno ka tirsan Bari iyo Sanaag oo dhaca buuraha Calmadow ee silsiladda Golis. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Puntland 98% ciribtirtay mileeshiyaadkii Daacish appeared first on Puntland Post.
  18. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhawaan dowladda Puntland dib u farsamayn doonto gantaallo horay loo qabtay argagixisada Daacish, kuwaasi oo gacanta lagu dhigay ka hor inta aysan kooxdu ku guulaysan dhammaystirka farsamayntooda. Ilo wareedyo madax-bannaan ayaa tilmaamay dowladdu hawsha gantaalaha u xilsaari doonto khubaro ku takhakhusay farsamayntooda si looga faa’idaysto, balse saraakiil ka tirsan ciidamada oo aan xiriir la samaynay way ka gaabsadeen in ay ka hadlaan wararka ku saabsan hawshaasi. Gantaalladan waa kuwa qiime ahaan ku kacaya dhaqaale aan badnayn, balse haddii la farsameeyo loo adeegsan karo masaafo aad u fog, waxaana qaarkood garaaci karaan ilaa 700km, siday muujinayaan macluumaadka laga helayo qalabkaasi. PUNTLAND POST The post Puntland oo la sheegay in ay dib u farsamayn doonto gantaallo laga qabtay Daacish appeared first on Puntland Post.
  19. Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen dagaalyahan ajnabi ah oo ka tirsan kooxda Daacish, kaasoo ay ku andacoodeen inuu u dhashay dalka Turkiga. Sheegashadan ayaa durba dhalisay diidmo ka timid dhanka Turkida. Sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidamada ammaanka, ninkan ayaa la qabtay intii lagu guda jiray howlgal ammaanka lagu xaqiijinayay oo ka dhacay dooxada Baalade ee gobolka Bari — degaan buuraley ah oo fog — halkaasoo ciidamada Puntland ay muddooyinkii la soo dhaafay dagaallo uga wadeen firxadka kooxda Daacish. Warbixinta milatari ayaa sheegtay in ninka la qabtay uu watay qori AK-47 ah, isla markaana lagu qabtay isagoo kaligiis biyo ka dhaansanayay ceel. Ciidanka Guutada 3-aad ee Puntland, oo qabtay ninkan, ayaa ku sifeeyay inuu yahay dagaalyahan hore uga fakaday howlgallo lagu burburiyay xarumo ay Daacish ku lahayd buuraleyda Cal Miskaad. Inkastoo aan la shaacin magaciisa, haddana mas’uuliyiinta Puntland waxay sheegeen in uu haysto jinsiyadda Turkiga isla markaana uu bixiyay xog muhiim ah intii lagu guda jiray wareysiyo hordhac ah. “Eedeysanuhu ma uusan la socon wax koox ah xilligii la qabtay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. “Wuxuu ka fakaday intii lagu guda jiray howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu wiiqay awoodda Daacish ee gobolka.” Howlgalladaas, oo ay garab ka siiyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka iyo duqeymaha cirka ee Imaaraadka Carabta, ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 15 dagaalyahan oo looga shakisan yahay Daacish, iyadoo la burburiyay saldhigyo istiraatiiji ah oo kooxda ay ku lahayd deegaannada Cadayle iyo Sadow. Mas’uuliyiinta Puntland ayaa ku tilmaamay hawlgalkan mid jab weyn ku ah Daacish ee waqooyiga-bari Soomaaliya. Sheegashada Puntland oo la diiday Umut Çağrı Sarı, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo Turki ah kana faalooda arrimaha Geeska Afrika, ayaa si adag u beeniyay sheegashada Puntland, isagoo ku tilmaamay “propaganda liidata” oo loogu talagalay in lagu marin habaabiyo dadweynaha looguna waxyeelleeyo sumcadda dowladda Turkiga. “Qaar ka mid ah warbaahinta Puntland mar kale waxay isku dayayaan inay khaldaan aragtida dadweynaha, iyagoo baahinaya sawirka qof aan la garanayn dhalashadiisa, kadibna sheegaya inuu yahay Turki u dagaalamaya Daacish,” ayuu Sarı ku qoray bartiisa X (hore Twitter). “Waxaan hore u aragnay sheekooyin been abuur ah oo sidan oo kale ah – mar walba waa lagu fashilmaa marka xaqiiqooyinku soo baxaan,” ayuu raaciyay. Sarı wuxuu xusay in Turkigu uu door hoggaamineed ka qaatay la dagaalanka Daacish, gaar ahaan howlgalladii uu ka fuliyay waqooyiga Suuriya ee lagu cirib tiray kunno dagaalyahanno ah, laguna burburiyay saldhigyo muhiim ah. “Turkigu si dhab ah ayuu ula dagaallamaa argagixisada, gudaha iyo dibaddaba,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray in haddii eedeymahan noocan ah lasii wado, uu shaacin doono “sheekada dhabta ah ee ka dambeysa ciyaarta wasakhda ah ee Daacish ee Puntland,” isagoo iftiimiyay suurta-galnimada xiriir u dhexeeya kooxda iyo madax sare oo ka tirsan Puntland. Wuxuu si gaar ah u magacaabay Abdulqadir Mumin — wadaad hore oo kasoo jeeda Soomaaliya kana yimis UK — haatanna ah hoggaamiyaha Daacish ee dalka. Sarı ayaa sidoo kale tilmaamay xiriir suurtagal ah oo gaaraya ilaa Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. “Xaqiiqooyinka waa muhiim. Turkigu argagixiso ma dhoofiyo — wuu la dagaallamaa,” ayuu yiri. “Tan iyo markii aad doorateen khilaaf, ha iftiinto runta dhabta ah ee ka dambeysa Puntland,” ayuu raaciyay — isagoo muujiyay in hoggaanka Puntland laga yaabo inuu si ka dheer sidii loo malaynayay ugu lug leeyahay arrimaha xagjirka. Laanta Daacish ee Soomaaliya ayaa la aasaasay sanadkii 2015, kadib markii ay ka go’day Al-Shabaab. Waxay saldhigyo ka samaysatay buuraha gobolka Bari ee Puntland, iyadoo uu hoggaamiyo Abdulqadir Mumin. Inkasta oo ay tahay koox yar, haddana waxay weli sii waddaa dilal bartilmaameed ah, qorista dagaalyahanno cusub, iyo falal baad ah. Maamulka Puntland ayaa hormuud u ah dagaalka ka dhanka ah kooxda, iyadoo taageero ka helaya Mareykanka iyo Imaaraadka. Howlgallo isugu jira dhulka iyo cirka ayaa si isdaba joog ah loogu beegsaday xarumaha kooxda, kuwaas oo ugu dambeeyay ka dhacay agagaarka Cadayle iyo Baalade.
  20. Garowe (HOL) – Puntland regional state leader Said Abdullahi Deni on Saturday reaffirmed that his administration would not allow development projects driven by political agendas to be implemented within Puntland territory. Source: Hiiraan Online
  21. BOOSAASO, Somalia — Authorities in Somalia’s Puntland region say they have captured a foreign Islamic State (ISIS) militant of Turkish origin — a claim now drawing sharp criticism from a Turkish political analyst who accuses Puntland of spreading disinformation. The arrest took place during a recent security operation in the Baalade valley, a remote area in the rugged Bari region, where Puntland forces have been battling ISIS remnants for months. According to a military statement, the suspect was armed with an AK-47 and apprehended alone while collecting water from a well. Puntland’s Third Brigade, which carried out the arrest, described the man as a fugitive from earlier counterterrorism raids that dismantled ISIS hideouts in the Cal Miskaad mountains. Authorities did not release his name but claimed he holds Turkish nationality and has provided intelligence during preliminary interrogations. “The suspect was not accompanied by any group at the time of his arrest,” the statement said. “He fled during recent operations that significantly weakened ISIS in the area.” The raids, supported by U.S. drones and UAE airpower, reportedly killed at least 15 suspected militants and destroyed several fortified ISIS positions near Cadayle and Sadow. Puntland officials have hailed the joint campaign as a significant blow to the extremist group’s presence in northeastern Somalia. Puntland claim disputed Umut Çağrı Sarı, a Turkish political analyst and frequent commentator on Horn of Africa affairs, strongly rejected Puntland’s assertion, calling it “clumsy propaganda” designed to manipulate public opinion and tarnish Türkiye’s reputation. “Some accounts in Puntland are once again trying to manipulate public perception by sharing a random photo of someone whose nationality is unclear, claiming he is Turkish and fighting for ISIS,” Sarı posted on X (formerly Twitter). “We’ve seen these fabricated narratives before. They always collapse under the weight of facts,” he added. Sarı emphasized that Türkiye has played a leading role in the global fight against ISIS, particularly through its operations in northern Syria that neutralized thousands of militants and dismantled major strongholds. “Türkiye takes terrorism — including extremism — very seriously, both inside and outside its borders,” he wrote. In a pointed warning, Sarı said if such accusations continue, he would expose what he described as “the real story behind the dirty ISIS game in Puntland” — alleging connections between ISIS elements and senior regional figures. He named Abdulqadir Mumin, the Somali-born former UK cleric who leads ISIS in Somalia, and hinted at links reaching as far as Puntland President Said Abdullahi Deni. “Facts matter. Türkiye fights terrorism — it doesn’t export it,” Sarı wrote. “Since you’ve chosen conflict, let the truth about Puntland now come to light,” he added, suggesting that Puntland’s leadership may have deeper entanglements with extremist elements than they publicly admit. ISIS’s Somali branch emerged in 2015 after splintering from Al-Shabaab and has maintained a foothold in the mountains of Puntland’s Bari region under Abdulqadir Mumin’s leadership. Though relatively small, the group has remained active through targeted killings, recruitment, and extortion. Puntland has led efforts to dismantle the group with support from U.S. and UAE partners. Air and ground campaigns have repeatedly targeted its strongholds, most recently near Cadayle and Baalade. However, the dispute over the arrested militant’s nationality threatens to overshadow those security gains, introducing a new layer of geopolitical tension between local Somali authorities and Turkish-affiliated voices who view such claims as politically motivated.
  22. Mogadishu (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud on Saturday attended the official handover ceremony marking the transition of leadership at the National Intelligence and Security Agency (NISA), where Mahad Mohamed Salad assumed responsibilities as the new director, succeeding Abdullahi Mohamed Ali Sanbaloolshe. Source: Hiiraan Online
  23. Tehran (Caasimada Online) – Israa’iil iyo Iran ayaa Sabtidii is-dhaafsaday weerarro culus oo sababay dhimasho badan, iyadoo midkoodna uusan muujin wax dhegaysi ah baaqyada caalamiga ah ee loogu yeerayo in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda. Weerarro baaxad leh oo billowday aroortii Jimcaha, Israa’iil waxay beegsatay nidaamka Tehran, iyadoo weerarro ku qaaday goobaha nukliyeerka iyo kuwa milatari ee Iran. Weerarradaasi ayaa lagu dilay in ka badan 70 qof oo badnakood ah rayid balse ay ku jiraan afar sarkaal oo sare oo amni, waxaana sidoo kale waxyeello soo gaartay xarunta ugu weyn ee nukliyeerka Iran ee Natanz. Iran ayaa dhankeeda qaaday weerarro is-daba-joog ah oo ay ku adeegsatay gantaallo ballaastik ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn, kuwaas oo lagu qaaday Israa’iil. Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay weerarradaas, halka tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen, inkasta oo la rumeysan yahay in Israa’iil ay qarineyso khasaaraha dhabta ah. Gantaallada riddda dheer ee Iran ayaa sidoo kale si toos ah u beegsaday xarunta dhexe ee ciidanka Israel, oo loo yaqaan Kiryat—taasoo ah dhisme u dhigma Pentagon-ka Mareykanka ee wasaaradda gaashaandhigga. “Tani waa Pentagon-ka Israel – Kiryat. Dhismaha ku yaalla xaruntan ayaa si toos ah loo garaacay,” ayuu yiri Trey Yingst, wariyaha arrimaha dibadda ee Fox News, oo si toos ah uga soo warramayay magaalada Tel Aviv. Waa iska horimaadka ugu daran ee muddo tobannaan sano ah dhex mara labada waddan ee si xoog leh u hubeysan, waxayna abuurtay cabsi laga qabo in colaadda ay sii fido, taasoo keeni karta faragelin kaga timaadda Mareykanka iyo quwadaha kale ee caalamka. Weerarka Israa’iil ayaa yimid iyadoo Mareykanka iyo Iran ay wadeen wadahadallo ku saabsan heshiis diblomaasiyadeed oo cusub oo lagu xakameynayo barnaamijka nukliyeerka Iran. Israa’iil waxay ku doodeysay in Iran — oo ay u aragto cadowgeeda gobolka ugu weyn — ay ku socoto waddadii ay ku heli lahayd hub nukliyeer ah, arrintaas oo Israa’iil u aragto khatar halis gelin karta jiritaankeeda. Subaxnimadii Sabtida, dadka ku nool caasimadda Tehran ayaa soo sheegay inay maqleen qaraxyo xooggan, halkaas oo ay ka hawlgaleen nidaamyadii difaaca cirka ee Iran. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay fuliyeen weerarro xooggan oo lagu bartilmaameedsaday nidaamyada difaaca cirka ee ku hareeraysan Tehran. Warbaahinta dowladda Iran ayaa ku warrantay in bartilmaameedyada Israa’iil ee habeenkii ay ka mid ahayd hool diyaaradeed oo milatari oo ku yaalla garoonka Mehrabad ee Tehran. Dadka ku nool guud ahaan Israa’iil ayaa u cararay xarumo difaac oo dhisan, iyagoo uga dhuuntay gantaallada kusoo socday, iyadoo qaylo-dhaan digniin ah laga maqlayay bannaanka. Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlayay cirka xilli nidaamyada difaaca Israa’iil ay hawada ku burburinayeen gantaallada lasoo tuuray. Sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Israa’iil, labada maalmood ee la soo dhaafay, Israa’iil waxay qaaday illaa 150 weerar oo ka dhan ah Iran, halka ciidanka Iran ay ku rideen Israa’iil ku dhowaad 200 oo gantaal ballaastik ah iyo tobanaan diyaarado aan duuliye lahayn. Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa sheegay in Iran ay u ciqaabeyso Israa’iil weerarradii ay qaaday. Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), oo ah hay’ad milatari oo awood badan leh, ayaa sheegay in bartilmaameedyadoodu ay ahaayeen xarumo ciidan oo Israa’iil leedahay oo laga weeraray Iran. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku adkeystay in ololaha milatari uu socon doono “illaa inta loo baahdo”, wuxuuna shacabka Israa’iil ugu baaqay inay u diyaar garoobaan dagaal adag. Habeenkii Jimcaha, isagoo muuqaal kula hadlayay shacabka, ayuu ku sheegay in Iran ay “waligeed ka daciifsaneyn sida ay hadda tahay.” Qodobbada kale ee muhiimka ah: Dhimasho badan oo ka dhacday Iran: Inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada dhimashada, haddana danjiraha Iran u fadhiya Qaramada Midoobay, Amir Saeid Iravani, ayaa Golaha Ammaanka u sheegay in weerarrada Israa’iil ay dileen 78 qof ayna dhaawaceen ku dhowaad 300, oo badankood rayid ah. Bartamaha Israa’iil: Subaxnimadii Sabtida, ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay iyo 19 kalena waa ay ku dhaawacmeen bartamaha Israa’iil kaddib weerar gantaal ah oo Iran ku qaaday, sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka Israa’iil. Adeegga gurmadka degdegga ah ayaa baahiyay muuqaallo muujinaya guryo si daran u burburay. Booliisku waxay sheegeen in qof saddexaad uu ku dhintay weerarkii hore ee Iran ku qaadday Ramat Gan, oo ku taalla bariga Tel Aviv. Aragtida Washington: Doorka Mareykanka ee ku aaddan colaaddan sii fidaysa wali lama caddeyn. In kasta oo saraakiisha Israa’iil ay rajaynayeen in maamulka Trump uu qayb ka noqdo weerarka, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio ayaa beeniyay in Mareykanku ku lug leeyahay weerarrada. Hase yeeshee, Madaxweyne Trump ma uusan dalban in Israa’iil ay joojiso weerarka, waxaana saraakiisha Mareykanka ay sheegeen inay dhaq-dhaqaaqeen maraakiib dagaal iyo agab milatari si loo xoojiyo difaaca Israa’iil iyo ciidamada Mareykanka ee gobolka. Mas’uuliyiin sare oo Iran ah oo la dilay: Iran ayaa sheegtay in la dilay laba taliye milatari oo sare, Mohammad Bagheri iyo Gen. Hossein Salami, iyo sidoo kale Ali Shamkhani, oo hoggaaminayey wadahadalladii nukliyeerka ee Iran iyo Mareykanka. Goobaha Nukliyeerka: Rafael Grossi, oo ah madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka nukliyeerka (IAEA), ayaa Golaha Ammaanka u sheegay in weerarka Israa’iil uu burburiyey xarunta sare ee sifeynta nukliyeerka ee Natanz, taasoo keentay kiimiko qubatay. Balse wuxuu sheegay in daadashadaasi ay tahay “mid la xakameyn karo.” Wuxuu intaas ku daray in mas’uuliyiinta Iran ay sidoo kale soo warbixiyeen in weerarro lagu qaaday xarumaha nukliyeerka ee Fordo iyo Isfahan. Asi kastaba waxyeellada goobahaas gaartay ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa wax weyn u dhimeyn barnaamijka Nukliyeerka Iran.