Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,073
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaan u maleynayaa cinwaanka mucjiso ayuu kugu noqday ama waad layaabtay markaad aragtay, hadaba waad ku saxantahay inaad sida u fakarto maxaa yeelay laga soo bilaabo dhamaadka sanadkii 2006 magaladan waxey ku dhacday god dheer oo ay adagtahay sidii looga soo saari lahaa. Waxba taariikh hore idinku daalin maayo qof waliba oo garaad leh da’adiisuna 30-sano gaarsii santahay waa la socdaa wixii dalkan iyo magaladan gaar ahaan ka dhacay. Marka hore waxaan rabaa inaad ogaataan Xamar ineey amaan noqoto waxaa hortaagan sadex qodob midkood ama iyagoo is biirsaday, qodobadaas waxey kala yihiin 1: In si ku Tala Gal ah Magaaladan Amni looga Rabin. 2: Ilaashiyo Daño Siyaasadeed, iyo 3: Aqoon Dari laamaha Amniga Heysata. Aan guda galee Xamar ineey amni hesho waxaan kusoo koobaya laba eray oo ah: ‘DAREEN LAHAANSHO’ ama waxa loo yaqaan ‘SENSE OF OWNERSHIP’. Caqliga ilaahey waxa uu noo siiyay inaan fakarno waxna ka barano waxyaalaha nagu haree’reysan, bal is weydii waxa Xamar ka badalay magaalooyinka kale ee amniga ah sida Hargeysa, Garowe, Cadaado iyo Kismaayo? Waxaan u maleynaya waa isku soo dhawaanay hadda, Farqiga u dhaxeeya magaalooyinkaas aan sheegay iyo Xamar qof waliba waa u sheegi karaa. Alshabab ineey magaaloyinkaas iskood isaga daayen miyay kula tahay? Jawaabtu waa maya, Shabab iskama aaney deeyn, dadku waa isku mid waana Soomali, waana isku diin oo diinta shabab ma heystaan. Waxaa ka hor istaagay waa dadka deeganka, maamulka, culimada, dhalinyarada iyo aqoon yahankooga oo isku duuban iyo saraakiisha degaanka u dhashay ooy ka go’antahay xaqiijinta amniga magaala’dooda. Xamar intaa aan soo sheegnay maka jirtaa, waa MAYA. Waase laga sameen karaa amnigeeduna 6-bilood oo kaliya ayuu u baahan yahay hadii si daacad ah loo hirgaliyo qodobada hoos ku xusan; AMNIGA IN GACANTA LAGA GALIYO DADKA DEGAN: Xamar waxaa wada degan soomali oo dhan, waana sababta ey caasimad u tahay, lkn waa lagu kala badanyahay dhibteeduna dadka dagan ayay si gaara u taabaneysa. Magaalada ganacsigeeda, deegankeeda iyo dhaq’dhaqaqeda guud waxaa hormuud u ah 3 beel oo ka tirsan beesha Mogadishu Clan. Dhib waliboo ka dhacda 3-daas beel ayuu si gaara u saameeya, dhimashada ugu badan iyaga ayuu gaara, hantida ugu badan dadka beelahas ku abtirsada ayuu ka bur’buraa, Iyaga laftoodu waxeey ugu kala badanyihiin hadba meesha dhibtu ka dhacdo. Tusaale qarax haduu Waqooyiga Xamar ka dhaco beesha Abgaal ayaa qasaaraha ugu badan kasoo gaaraa, hadii musiibo Xararyaale ama Daynile ka dhacdo beesha Murusade, hadii KM4 iyo Banadir dhibaato dhacdo Habargidir ayuu qasaaraha ugu badan ee naf iyo maalba leh gaara. Sidaa darteed, amniga iyo maamulka magaalada waa in qabaa’ilka dhibtu sida gaarka ah u taabaneyso gacanta loo galiyaa, faragalinta dowladda dhexana laga daaya. PÓLICE IYO NABAD SUGID GOBOLKA U GAAR AH LAGANA SAARO MILITARIGA IYO PÓLICE KA FEDERALKA: Si loo xaqiijiyo in dadka degaanku amnigooda xaqiijiyan, waa in ciidan ka madax banaan hay’adaha amniga federaalka loo sameeyaa sida magaalooyinka kale ee dalka. Waa in ciidanka federaalka ee leh Police, Nabad sugid iyo Military meelo cayiman la geeya oo aaney ku milmin laamaha amniga gobolka Banaadir. Ma aragteen dowlada dhexe oo faraha kula jirta amniga iyo howlaha pólice ka Puntland ama Jubaland? Mase aragteen taliyaha pólice-ka federaalka oo hor boodaya musiibo maamuladaas ka dhacday? Hadaba hadii larabo in gobolkaan amnigiisa la sugo halaga daayo faraha badan. Soomalidu waxeey ku maah’maahda “Dherigii gacma badan kariyaani waa fuud xaraarada” SARAAKIISHA HOGAAMIN DOONTA CIIDANKA WAA INEEY AQOON IYO KARTI KU YIMAADAN: Si loo xaqiijiyo hadafka guud ee amniga magaalada, saraakiisha hogaamin doonta laamaha amniga gobolka waa inaan la siyaasadeen, oon laga eegin inuu xisbiga markaa talada haya taagero u yahay. Dad badan waxeey aaminsan yihiin sababta hay’adaha amnigu ugu fashilmeen shaqadooda ineey tahay aqoon dari iyo karti la’aan heysata shaqsiyaadka loo magacaabo. Xilalka la magcaabayo ee masiirka umadda soomaliyeed loo dhiibayaahi waa ineey karti iyo mudnaan ku yimaadan, si gaara laamaha amniga waa inaaney siyaasad lug ku yeelan. ASKARTA IYO SARAAKISHA KA SHAQEEYNEYSA AMNIGA GOBOLKA WAA IN XAAFADAHA LAGA QORAA: Mida u danbeeysa lkn muhiimad gaara lihi waa soo xulista iyo qorista askarta iyo saraakiisha amniga gobolka waa in fiiro gaara loo yeesha. Xaafad waliba waa in dhalinyarada degan ee aan balwada laheyn ama aan hore falal danbiya usoo galin laga qoraa. Pólice aan xaafada uu ka shaqeeynaya kala aqooni amni ma sugi karo, askarta degma kastaahi waa ineey dadka xaafada kala yaqaanan ogaan karaana qofkii cusub ee kusoo biira xaafada. Talaabo walba iyo go’aan waliba oo loo qaato in wax lagu wanaajiyo wuxuu u baahan yahay geesinimo iyo dhiiranaan. Qodobada aan kor kusoo xusay waa hubaal dowlada dhexe inaanu u cuntameen, sababtuna waa iska cadahay oo Xamar waa magaalada kaliya ee dowlada dhexe gacanta ku heeyso dhinac waliba. Waxaana laga yaaba ineey is ku fakareyso hadaad xamar dadka dagan gacanta u galisaan armaad waxaad maamushan weysaan!!! Waxaan aamin sanahay in marka hore bad’baadada iyo dhiig joojinta shacabka xamar wax waliba laga hormariyo, marka labaadna dowladu xooga saarto dhismaha ciidan qaran oo dalka dhan ku baahsan iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Dowladda madaxweyne Farmaajo hogaamiyo waxaa magac iyo taarikh ugu filan ineey xamar nabad ka dhigto. WQ: Axmed A. Aden Falanqeeye arimaha dhaqaalaha iyo amniga Email: aawsac@gmail.com Twitter: /AhmedKarjab AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Md. Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa ka hadlay saddex Arday oo uu sheegay in lagu dhaawacay deegaanka Middi-gale oo ka tirsan Gobolka Badhan. Wasiirka oo Maanta saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dhallinyarada Ardayda ah oo midkood dhaawaciisu culus yahay ay dhaawaceen Dad aan Somaliland ah. Wasiirku wuxuu sheegay oo kale inay Maamulka Badhan amreen in Saddexda Arday loo qaado Cisbitaallada Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo hadba kii Xaaladdooda Caafimaad lagula tacaali karo. Wasiir Toorno oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa Maanta deegaanka Midi-gale oo ku yaalla bariga Gobolka Badhan ku yaalla lagu dhaawacay Saddex Arday oo aan waxba gaysan, kuwaasi oo dareenkooda muujinayey, waxaana dhaawacay Dad aan Somaliland ahayn.” Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu amarnay Maamulka Gobolka Badhan iyo Hawl-wadeennada Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolkaa in la soo qaado saddexda Arday oo midkood qabo dhaawac halis ah oo la geeyo Cisbitaalka ugu dhow, hadduu yahay Cisbitaalka Ceerigaabo ama Ka Burco ama ka Hargeysa, haddii dibed loo qaadayana aanu ku dedaallo..” ayuu yidhi. Wasiirka Waxbarashada Somaliland Md. Toorno si cad uma sheegin Cidda dhaawacday Ardayda, waxa dhaawacooda loo adeegsaday iyo sababta keentay midna, laakiin Ardayda ayaa la dhaawacay xilli ay ku sugnaayeen Dugsigooda. Source
  3. Guddiga Wanaag-farista iyo xumaan reebista Somaliland ayaa ka digay in dalka laga sameeyo xaflado looga dabaal-degayo sanadka cusub ee Miilaadiga ee 2020-ka, kaasi oo Foodda innagu soo haya. Guddigu waxay Xukuumadda Somaliland iyo ciidamada ammaanka ugu baaqeen in laga hor tago in aanay dhallinyaradu qabsan xaflado loogu dabaal-degayo sanadka cusub ee 2020-ka. Xubno ka mid ah Guddigaasi oo uu wehelinayay guddoomiyaha guud ee guddigaasi sheekh Muuse Jaamac, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskoodda Magaaladda, ayaa waxay Bulshada kula dar-daarmay in dadka islaamka ah aanay u banaanayn in ay xusaan sanadka cusub ee Miilaadiga, isla markaana diinta islaamku ay dadka muslimiinta ah u banaysay in ay u dabaal-degaan labadda Ciiddood ee Adxa iyo Fidriga. Sheekh Muuse Jaamac, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Xiligan aan maalmaha soo socda gelaynaa, waa xili uu sanadkii Miilaadiga ahaa dhamaanayo, waxaan markaa ummada islaamka ah uga digaynaa, in aanay wax Ciid ahina inoogu jirin, wax farax ahina inoogu jirin, wax dabaal-deg ahina inoogu jirin, Innaga (Islaamka), Ciiddaheenu waa labadda Ciidood, ee ILLAAHAY SWT cibaado inooga dhigay, kuwaasi oo kala ah Ciiddal Adxaa iyo Ciiddul Fidri. Labadaas ciiddood ayay shareecadeena islaamku amartay, Ciid kale oo ILLAAHAY diintiisa inoogu soo dejiyay ma jirto”. Sheekh Muuse Jaamac, ayaa ugu bulshadda reer Somaliland gaar ahaana dhalinyarada in aanay qabsan karin wax munaasibado ah oo loogu dabaal-degayo sanadka Miilaadiga ah, isla markaana aan Badaha loo tamashle tegi karin “Markaa waxaan u soo jeedinayaa bulshada islaamka ah, in aan ciid laga dhiganin, la isku-na hambalyaynin, la isku-na xafladaynin, hudheellada-na aan la isugu soo bixin, Badaha-na aan lagu yaacin. Wax Ajri ahna aan laga helaynin”ayuu yidhi sheekhu. Sheekh Muuse waxa uu sheegay in xukuumadda looga baahan yahay in ay tallaabo ka qaado haddii ay bulshadu qaadan waayaan fariintooda. Source
  4. EDITORIAL Al-shabaab, though has not claimed responsibility, has obviously masterminded the attack that left more than 75 people near Ex-checkpoint in Mogadishu. The suicide bomber targeted a large number of university students, making it as deadly and devastating as the Shamo Hotel suicide bombing ten years ago. Mogadishu security chiefs were lulled into a sense of security owing to a remarkable decrease in the number Al-shabaab attacks carried in the capital for the last six months. The Saturday’s attack had all the hallmarks of Zope Junction attack of October 14 in 2017. Al-shabaab has changed tactics and aims for maximum casualties of civilians to shake citizens’ confidence in the security organisations in Mogadishu. The security reform conducted by the Federal Government of Somalia earlier this year had not addressed the root cause of security flaws exploited by Al-shabaab. In a recent meeting with a Somali political party leaders, the US Ambassador to Somalia, Donald Yamamoto, deplored the make-up of the Somali National Army. He said that the majority of the soldiers of the Somali National Army belongs to one clan. The former UNSOM Chief, Micheal Keating, expressed a similar sentiment three years ago. He used Marka city of Lower Shabelle region as an example about the unrepresentativeness of the Army. The implication for this situation is wider. Puntland State of Somalia does not benefit from training despite facing threats from ISIS and Al-shabaab. President Mohamed Abdullahi Mohamed and Prime Minister Hassan Ali Kheire, both from Galmudug technically, have opted for the policy to isolate federal members states they think are not keen on toeing a resurgent centralism line they brazenly promote.The United Kingdom is commendable for opposing the lifting of the arms embargo against Somalia. Somalia does not have an inclusive National Army. Army weapons end up in Al-shabaab hands. The Security Architecture proposed in London in May 2017 has faced opposition from Mogadishu-based politicians, who condone the Federal Governments policy to recruit soldiers from Mogadishu and nearby regions. It is increasingly becoming absurd to talk of Somali National Army. A review of the recruitment policy, training and remuneration of the Mogadishu-based Somali Army remains an urgent task. An army that is dominated by one social group in a war-torn country cannot respond to the threat posed by Al-shabaab and other transnational terrorist organisations. © Puntland Post Monthly (to appear in January 2020 edition) The post A CLAN ARMY CANNOT DEFEAT AL-SHABAAB appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay qaabkii uu u wajahay dhaawacyada qaraxii Ex-Control iyo inuu ugu tagay diyaaraddii maanta u qaadday dalka Turkiga. Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa yiri “CEEB LOOMA DHINTO! . Madaxweyne Farmaajo amnigoodii markii uu ilaalin waayay, Isbitaaladii la dhigayna amni ahaan uga cabsaday in uu ku soo booqdo ayuu diyaaradii dhaawacyadooda Turkiga loogu qaadayay inta uga daba tagay isku soo sawiray. Madaxweynaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed sugayaan waa midkaas!” Dhinaca kale xildhibaan Fiqi ayaa isna sheegay in laba saacad dib loo dhigay in bukaanada loo qaado Turkiga sababo la xiriira wax uu ku sheegay “in madaxweynaha doonayey inuu isku sawiro.” “Shaqaalaha caafimaafka ee Soomaalida iyo Walaalaha Turkida isugu jira waxaa wajiyadooda ka muuqda In ay dhibsanayaan bukaan dhaawiciisu daran yahay oo sawir In madaxweynuhu la galo 2 saacadood loo daahiyey!” ayuu yiri Fiqi. Fiqi ayaa intaas ku dara “Madaxweynuhu ayadoon diyaaradi taagnayn waqti ka badan 24 saac ayuu heystay In uu dhaawaca qaraxii shaley isbitaalada ama goobtii lagu qarxiyey uu ugu tago balse wuxuu ka doorbidey In uusan xitaa diyaaradii ugu tagin waqtigii munaasabka ahaa oo saacado loo hakiyey bukaankaas in gaadiidka Ambulane-ga lagu dhex haayo!” “Madaxweynaha waxaan xusuusinaynaa dhaawaca intiisa badnayn In ay isbitaalada MUQDISHO ku jiraan, Lagana yaabo In booqashadiisu ay waxyaalo ka dhiman ay u tarto, ayaga ha booqdo, waxna ha u taro inta naga daayo igu sawirta dhaawacyada walaalaha Turkidu ay u soo gurmadeen!” Madaxweyne Farmaajo ayaa aad u adkeeyey ammaankiisa iyo kan Villa Somalia, tan iyo markii weerar lagu qaaday hotel SYL oo aad ugu dhow xarunta madaxtooyada, waxaana uu gaabiyey socodkiisa. Wuxuu ka baaqday xuskii maalinta booliska ee lagu qabtay garoonka Injineer Yariisow, wuxuuna diiday inuu tahay wasaaradda qorsheynta, isaga oo door-biday in daahfurka qorshaha qaranka ee shanta sano lagu dhex-qabto Villa Somalia. Ugu dambeynna, shalay wuxuu dhaawacyada qaraxa ugu tagi waayey isbitalka, isagoo ka doorbiday inuu maanta ku booqdo garoonka Aadan Cadde, oo ka amni wanaagsan isbitalka.
  6. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka waxaa kula soo xiriiray Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan. Madaxweyne Ordogan ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay qaraxii argagixisanimada ahaa ee Ex-Kaantarool, waxa uuna tilmaamay in Turkigu shacab iyo dowladba ay la qaybsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed dhibaatada soo gaartay. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey dhigiisa Turkiga, xukuumadda iyo shacabka dalkaas garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in ficillada wuxuushnimada ah ee noocaan oo kale ah aysan marna ka horjoogsanayn shacabka iyo dowladda Soomaaliya hayaanka dib u dhiska iyo horumarinta dalka. Sidoo kale, Madaxweyne waxa uu uga tacsiyeeyay Madaxweyne Ordogan iyo shacabka dalkiisa labadii halyeey ee u dhashay dalka Turkiga ee ku geeriyooday qaraxaas, kuwaas oo ,Alle ha u naxariistee, ku hawlanaa ka qeyb qaadashada dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaale ee dalkeenna. Dhanka kale, Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiye Axmed ayaa khadka taleefanka kula soo xiriiray Madaxweyneha Jamhuuriyadda, isagoo uga tacsiyeeyay muwaadiniinta birmageydada ahaa ee argagixisadu ay ku xasuuqeen isgooyska Ex-Kaantarool. Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Abiy ayaa ka wada hadlay qorsheyaasha wadajirka ah ee lagu dabar gooynayo argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolku ay dardar geliyaan dagaalka wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-29122019-sAX.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saartay ku tiro-koobtay khasaaraha guud ee dhimasho iyo dhaawaca ee ka dhashay qaraxii shalay ka dhacay Ex-Control Afgooye. Warbixinta ayaa lagu sheegay in tirada guud ee dhimashada qaraxa ay tahay 79 qof, halka dhaawacana uu yahay 148 qof, oo 16 ka mid ah dhaawacyadooda laga saaray isbitaallada. Haddaba hoos ka aqriso warbixinta wasaaradda Xog kooban: Dadkii ku waxyeeloobay musiibadii ka dhacday Ex-Kontorool, Afgooye, 28 December 2019. Tirada guud ee dhaawaca Isbitaallada la geeyey: 148 Tirada la dhigay/jiifiyey Isbitaallada: 132 Tirada isbitaallada laga saaray: 16 Tirada guud ee dhimatay: 79 Wasaaradda Caafimaadka waxay dhaawacyadii u kala saartay kuwo daran iyo kuwo roon, waxaana kuwa daran la geeyey Isbitaalka Digfer/Erdugan oo tiradoodu ahayd: 51 Waxaa maanta dalka Turkiga loo qaaday intii ugu darnayd oo dhan: 15 qof Waxaa hadda socota dib u qiimeynta intii hartay si berri dalka Qadar loogu qaado Waxaa kaloo Wasaaraddu ku howlantahay raadinta magacyada dadkii ku dhintay qaraxii shalay Raadinta dadka la la’yahay oo Wasaaraddu la kaashanayso Wasaaradda Gargaarka Waxay Dawladda Turkiga noo keentay Takhaatiir iyo Daawooyin Waxaa Wasaaraddu ka codsatay Dowladda Qadar Daawooyin Gurmad caafimaad Gudiga Gurmadka Wasaaradda Caafimaadka wuxuu la falgalay Gudiga Gurmad Qaran oo saldhigoodu yahay Wasaaraada Gargaarka Wixii soo kordha waa idin la socodsiin doonaa.
  9. Kooxo Mitidiin ah oo xidhiidh la leh Daacish ayaa baahiyey Muuqaal ama Fiidiyoow ay ku sheegayaan inay gawraceen 11 Qof oo kiristaan ah. Weerarka lagu laayey dadka Kiristaanka ah ayaa ka dhacay Waqooyi-bari dalka Nigeria. Muuqaalka oo la baahiyey xilli dambe oo khamiistii ah ayaa muujinaya kooxo xidhiidh la leh Daacish oo tooganaya isla-markaana Gawracaya Rag Indhaha laga xidhay. “Tani waa Farriin ku socoto dhammaan Dadka Kiristaanka ah ee ku nool Dunida..” ayuu yidhi, Nin wejigiisu qarsoon yahay oo ka hadlayey Muuqaalka la baahiyey Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay Kooxaha hubaysan ee Waqooyiga Dalka Nigeria ka wada weerarrada ay ku beegsanayaan Dadka Rayidka ah. Weerarkan lagu gawracay dadka Kiristaanka ah ayaa lagu soo beegay Dabbaal-degga Kirismaska. Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaaka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay qaatay go’aan ka badalan midka Golaha Shacabka iyo masuuliyiinta kale ee dowladda, kadib qaraxii shalay ka dhacay Ex-Control Afgooye. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa baajiyay kulankii Golaha, waxa uuna Senatoradii soo xaadiray ku yiri “Ma awoodno inaa maanta kulano waxaa naga baxay dad badan, qaar kalane waxay yaalaan Isbitaalada, ee aan ka qayb qaadano gurmadka, cidii aan awoodina ha u duceyso, kulankayna waxaa ku balami doonaa maalin kale.” Golaha Aqalka Sare ayaa shalay ku balansanaa in Aqrinta 1-aad ay marsiiyaan Hindise Sharciyeedka Sharciga Saxaafadda, balse waxaa loo baajiyay musiibadii ka dhacday magaalada Muqdisho. Inkastoo Golaha Aqalka Sare la fasaxay hadane waxaa jirtay in kulankooda ay si caadi ah u wateen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xafiisyada kale ee dowladda, taas oo ay dad badan dhaliileen. Baraha bulshada ayaa lagu arkayey dadweyne badan oo dhaliilaya xildhibaanada golaha shacabka, kuwaas oo cod u qaaday sharciga doorashooyinka, xilli dad badan ay magaalada ku dhamaadeen qaarna ku dhaawacmeen. Dadka qaar ayaa qabayey inay habooneyd in xildhibaanada golaha shacabka ay joojiyaan kulankooda, kana qeyb qaataan gurmadka iyo wax u qabashada dhibanayaasha qaraxa, balse taas ma dhicin. Waxaa sidoo kale dhaliil loo jeediyey madaxweyne Farmaajo, oo lagu cambaareeyey inuusan booqan dhaawacyada, balse ka door biday inuu muuqaal tacsi ah kasoo dhex duubo Villa Somalia.
  11. Shalay waxay Dawlada Federaalka Somaaliyeed ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku fashilantay in ay ka hortagto Qaraxii Argagisada ee waxyeelada baaxada weyn ugu [...] Source
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa kala dhex-galay ciidamo hab beeleed u abaabulan oo maanta ku dagaalamay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Dagaalka ayaa saacado qaatay, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, waxa uuna u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan dawladda Soomaaliya balse u hubaysnaa qaab beeleed. Dagaalka ayaa waxaa uu salka ku haayey isku qabsiga dhula sharci darro ah oo ku yaalla xaafadaas, waxaana la sheegay inay ku geeriyoodeen 5 Ruux oo uu ku jirey ruux ku shaqeysanayey Gaari Gacan. Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in Ciidamo la kala dhex dhigay, isla markaasina uu joogsaday dagaalkaasi. Dagaalka inta uu socday ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay isku socodka Ganacsiga iyo Gaadiidka, basle haatan las oo sheegayo in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana Goobaha Ganacsiga dib loo furey. Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan dagaalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Tarabuunka. Maleeshiyaadkaan oo sidoo kale shalay ku dagaalamay halkaasi, wuxuuna dagaalkooda noqday mid soo laalaabto.
  13. Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha mudane Farxaan Adan Haybe oo maanta ka qaybgalay kulan balaadhan oo lagu qiimaynaayay shaqaalaha wasaarada horumarinta maalgashiga, gudoomiyaha oo kulankaasi faah faahinaaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidani. Waxaanu maanta kala qaybgalay wasiirka, Agaasimaha guud iyo shaqaalaha wasaarada horumarinta Maalgashiga xaflada Qiimaynta Shaqaalaha ee sanadka galbaday ee 2019. Waa wasaaradii 3aad ee ilaa imika iyagoo raacaya Habraacyada sharciga ee Maamulka iyo Maaraynta cudduda Shaqaalaha gaar ahaa siyaasada Qiimaynta Shaqaalaha iyagoo qiimayn ka dib abaalmarin siiyay 13 shaqaalahooda ka mid ah oo mid kasta shahaado shaqo wanaagiisa lagu aqoonsaday iyo abaal Marin lacageed. Waa waajib in cidii mutaysata loo mahad celiyo loona abaal celiyo dabcan cidii gaabisana waynu soo kabaynaa si ay iyaduna u noqoto mid dadaalka lagu abaal mariyo oo guulaystay balse cida gadaal Ku hadha ee caadayste noqota sharciga ayaynu u raacaynaa waana nasinaynaa si badalkiis dhalinyarada kale ee jecel inay qaranka u adeegaan loo siiyo fursado shaqo. Ugu danbayn Waxaan u mahad celinayaa Shaqaalaha wasaarada si gaar ahna Waxaan amaan ugu jeedin ayaa wasiir cawad iyo Agaasime Deeqa oo aan leeyahay waad ka soo baxdeen xaqii Shaqaalaha inaad ka farxisaan, inta kalena dhiiri gelin ayay u tahay. Qaran News
  14. Turkish President Recep Tayyip Erdogan on Saturday condemned the deadly terror attack in Somalia, and expressed the nation’s sympathy for the East African country. “I condemn the terror attack in Mogadishu, I wish Allah’s mercy upon two Turkish citizens and Somalian brothers who lost their lives and speedy recovery for those who were injured,” Erdogan wrote on Twitter. Offering his condolences to the Turkish nation and Somali people, Erdogan said: “Turkey always stands by Somalia.” Almost 80 people, including two Turkish nationals, were killed and many more wounded in a suicide truck bomb attack on a security checkpoint in the Somali capital Mogadishu on early Saturday.
  15. As the New Year begins in 2020, the Federation of Somali Journalists (FESOJ) has begun consultations with journalists in different parts of the country for the key strategic priorities of next year to raise their voices in concern about the fast-shrinking space for the free expression of ideas and opinions and increasingly limited access to information for the media and citizens of Somalia Members of the FESOJ leadership reached to Garowe, the capital of Puntland State, where they held private and public meetings with journalists and managers of private media to study the existing challenges and recommendations FESOJ should focus on during the beginning new year soon. The main general meeting took place at the City View hotel in Garowe on the evening of December 25th where journalists, leaders of Puntland Media Association MAP and the biggest Puntland civil society umbrella, Puntland Non-State Actors (PUNSAA) attended. First of all, FESOJ Secretary General Mohamed Ibrahim Moalimuu thanked to journalists for the warm welcome in Garowe, pointed out that there is good working relationship and cooperation between the Media Association of Puntland (MAP) and FESOJ. Moalimuu said the purpose of their trip was to listen to Somali journalists, especially those in Puntland for their recommendations on where to focus in the year 2020. He also called on journalists to register and take the membership card, especially journalists who registered but not yet taken the card. Faysal Ahmed Warsame Chairman of Puntland Non-State Actors (PUNSAA) said the civil society groups fully support journalists and their leaders to overcome constraints to serve the public, it is therefore so important to establish a system of direct cooperation and continuous communication between journalist organizations and civil society. Mohamed Dahir Ceysane, chairman of the MAP, who spoke at the event, noted that in the year 2019 journalists have experienced various forms of violence throughout Somalia but now it is necessary to think about that those violations shouldn’t return in 2020. After long brainstorming and discussion Journalists summarized the main challenges for the year 2019 the following points • Difficulty in obtaining facts and information in the absence of access to information • Use of criminal libel or criminal defamation laws against journalists or media organizations that write on sensitive topics. • Use of sedition laws to punish journalists or media organizations that write stories or articles critical of government officials. • Less-payment of salaries to journalists or excessively long delays in the payment of salaries resulting in financial pressures on them to be vulnerable for bribes. • Prohibitive costs of defending libel cases against journalists and media organizations. • Possibility of assassination or torture of media professionals who investigate or report cases of corruption or write other negative stories or articles. • Forcing journalists to flee or go into exile or underground for writing negative or critical stories or articles. • Arrests and detention of journalists for writing negative or critical articles or stories. • Online harassment and other forms of intimidation of journalists and media organizations. • Closure of media organizations or facilities by security agents for writing critical or negative stories or articles. • Withdrawal of accreditation to enter or cover government departments and offices • Denial of access to news conferences and other events, etc. • Death threats and other threats of physical attack for investigating or reporting on sensitive issues or for writing critical or negative articles • Placing journalists under surveillance, etc. Recommendations There are no easy answers or solutions to the challenges However, journalists and media workers proposed the following strategies, ideas and approaches for consideration: • Media organizations and individual journalists should campaign for adoption of access of information law in Somalia since Provisional Federal Constitution guarantees it. • FESOJ and other journalist organizations to monitor attacks on journalists, issue local and international alerts on the attacks as well as provide other forms of support. • Journalists should be trained on how to ensure their safety while on dangerous assignments. • Journalists should be better trained to equip them for the challenge of covering corruption and other socio-political issues more effectively. Since most media houses cannot send their journalists for further training • Journalists should be trained on how to ensure their safety while on dangerous assignments. • Media organizations and companies should explore creative ways of reducing their operational costs and increasing revenue to strengthen their financial base. • In order to recognize and reward journalists and media organizations that have shown courage, creativity, resourcefulness, etc • The training currently available to journalists is limited to a few days, long-term training or diploma are needed On the other hand, FESOJ team conducted meetings with three local media administrators and fellow journalists based in Garowe. This initiative is part of the second implementation phase of a joint VIKES and FESOJ project, launched last year and funded by the EU in which were trained around 200 journalists and media administrators. The main objective of the advocacy campaign for Somali journalists’ labor rights was: To discuss with the journalist employees and make a baseline assessment of the situation at each media house and their challenges. To discuss with the employee how they can get better organized to start campaigning for their rights to collective bargaining, winning better working conditions and extending social justice and professional rights.
  16. Warbaahinta Puntland Post, ayaa dadaal ku bixisay in ay xog dhammaystiran ka hesho, Khasaaraha ka dhashay shaqaaqo maanta ka dhacday degaanka Midigale ee gobolka Sanaag, halkaasi oo dad caraysan ay mudaharaad kala hor-tageen wefdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo ku sii jeeday magaalada Badhan. Goob-joogayaal ayaa sheegay, in shaqaaqada ay bilaabeen dad hubaysan oo ku soo dhex-dhuuntay mudaharaadka, kuwaasi oo rasaas ku furay Wefdiga Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, taasi oo ay ku dhaawacmeen Taliye ku xigeenka labaad ee Booliiska Puntland Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur iyo saddex askari oo kale. Sidoo kale, rasaas ay fureen Ilaalada Wefdiga Guddoomiyaha ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen saddex qof oo shacab ah, kuwaasi oo dhammaantood ahaa Arday ka qeyb-qaadanaysay mudaharaadka looga horjeeday Socdaalka Wefdiga. Ilaalada la socotay Wefdiga, ayaa sida la sheegay xoog ku kala eryay dadka mudaharaadka ka sameeyay Midigale, oo ka caraysnaa xilka qaadistii Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhooba-daareed, islamarkaana diidanaa Guddoomiyaha cusub Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Wefiga Guddoomiyaha ayaa u sii gudbay dhinaca degmada Badhan, halkaasi oo soo dhaweyn loogu sameeyay, inkastoo xaafado ka tirsan Badhan ay ka dhaceen mudaharaad kale oo ka horjeeda socdaalka Wefdiga. PUNTLAND POST The post Maxaa maanta ka dhacay degaanka Midigale? appeared first on Puntland Post.
  17. Turkey has airlifted 16 badly wounded Somalis with a military plane to its country for proper treatment following Saturday’s deadly attack in Mogadishu’s Ex-control Afgoye. The president of Somalia Mohamed Abdullahi Farmajo and other government officials have bidden farewell to the victims on Sunday at Aden Adde International airport. The cargo plane brought medical supplies and doctors on Saturday evening to help the wounded people in local hospitals in Mogadishu. The embassy said Turkey emphasizes the importance of international cooperation in the fight against terrorism on every platform and having lost two citizens in this attack. No group has so far claimed responsibility for the attack, however, Somali president blamed Al-Shabaab for being orchestrating the menace. View the full article
  18. Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethopia Md.Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa tacsi tiiraanyo leh, u diray shacabka iyo xukuumada Soomaaliya, isagoo uga tacsiyeeyay dadkii Shacbaka ahaa ee ku waxyeeloobay qarixii shalay ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Madaxwaynaha D.D.S ee Ethopia ayaa cambaareeyay qaraxaas oo dhibaato baaxad leh ka soo gaartay dad rayid oo aan waxba galabsan. Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar wuxuu Alle uga baryay dadkii ku dhintay qaraxaasi in uu Janadiisa fardawsa ka waraabiyo inta dhaawacantayna uu caafimaad deg deg ah uu siiyo. Qaraxaan oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 100 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, kuwaas oo u badnaa dad rayid ah. View the full article
  19. Inta badan ma jecli qoraal si toosa wax looga sheegayo Madaxda Sar sare ee wadanka balse marka ay Masiibo dhacdo waxaa muhiima in dareenka la wada wadaago. Mas’uuliyadda Wadanka waxay saaran tahay Madaxweynaha ,oo asaga ayaa dhabarka u dhigtay una dhaartay Wadankan inuu xaaladii markaas jirtay uu ka samata bixiyo, balse taas ma aysan wada dhicin iyo Balanqaadyadii u kusoo galay Kambeenka ma wada fulin oo ugu horeeyo Amniga . Amniga waa u tiir Nolosha Bini’adamka, waa dhibka ugu weyn ee maanta Ina haystaa, waa mid u baahan in habeen iyo maalin ay usoo jedaaan dhamaan Madaxda wadanka, waa arin mudan in Maanka la Shiilo Maskaxdana laga shaqaysiiyo. Waxaan aragnaa inta badan marka Masiibo dhacdo inaan meel walba isaga soo gurmano, juhdi iyo dadaal badan aan galiyo, waxaa sababa inta badan wiil yar oo 18 sano jir ah wali maan arag Wacyi galin Bulsho oo lagu suulinayo Afkaaraha qaloocan. Hadaan labada Shabelle Amni noqon mar walba waay adkaanaysa Caasimadda in Amni sugan lagu naaloodo, madaama waqtiga Dowladdu gabaabsi yahay waxaa badan doona beegsiga wAxaana yaraan doona in goobo hor leh Dowladdu qabsato taasina waa (jug jug meeshada joog) .Tan Ciidamadda waxaa maalmahan soo ifbaxaya in Ciidamadda laftooda si yaabo guracan la isaga horkeenayo iyo Madax isku galin halka lagu jahayn lahayd la dagaalan Cadawga walibana ay qeeb ka yihiin rag mas’uuliyiina. W/Q: Abdullahi Mahdi
  20. Waxaa maanta isbitaallada magaalada Muqdisho buux dhaafiyey shacab fara badan oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir. Dadkaan ayaa baadi goobaya ama raadinaya qaar ka mid ah ehelladooda oo la waayey, kadib qaraxii xooganaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Inta badan dadweynahaan ayaa isugu tagay isbitaallada Madiina iyo Digfer oo la dhigay dhaawacyadii ugu badnaa ee shalay waxyeeladu soo gaartay. Sidoo kale waxaa isbitaalladaasi tagay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo dhiig u shabaya dadka qaba dhaawacyada daran. Ku dhowaad 100 qof ayaa ku dhintay weerarkii ismiidaamiinta ee shalay ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo intaasi ka badan, kuwaas oo qaarkood maanta loo qaaday dalka dibaddiisa, gaar ahaan wadanka Turkiga. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxa ay u badnaayeen dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan, kuwaas oo ay ku jireen arday jaamacadeed. View the full article