-
Content Count
214,119 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Tehran)-Dowlada Iiraan ayaa sheegtay in Mareykanka uu muujiyay in uu taageero kooxaha Argagixisada, kadib duqeyn dhanka cirka ah oo lagu qaaday xarumo ay leedahay kooxda Shiicada ee Kataaib. Wasaarada difaaca Mareykanka ayaa Axadii sheegtay in duqeymo ay ka gaystay saldhigyo ku yaalla galbeedka Ciraaq iyo bariga Suuriya. Howlgalkaan ayaa jawaab u ahaa duqeyn lagu dilay qandaraasle Mareykan ah oo ka dhacay laba maalimood ka hor, xero millatari oo ku taalla duleedka magaalada Baqdaad. Dowlada Ciraaq ayaa dhanka kale ka cadhootay duqeynta Mareykanka oo ay ku dhinteen 25 dagaalyahan oo ka tirsanaa maleeshiyada Kataa’ib halka 55 kalena ay ku dhaawacmeen. Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Iiraan Jamaal Mousavi ayaa ku tilmaamay weerarka mid xadgudub ku ah madaxbanaanid Iiraan. Source
-
(SLT-Kabul)-Ururka Taalibaan ayaa diiday warar sheegaya in kooxda ay heshiis xabad joojin ah ogolaatay xilli ay socdaan wadahadallada Mareykanka. Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray warar aan sax aheyn oo laga baahinayay warbaahinta balse ma jiro qorshe xabad joojin ah oo kooxda gaadhay, sidaasi waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Isniintii shalay. Kooxda ayaa beenisay heshiiska arintaan oo lagu baahiyay fiidnimadii xalay waxaana ay sheegeen in guddiga sare ee Taalibaan ayna wax go’an ah gaadhin. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in afarta xubnood ee ugu sarreeya wadahadalada ay la kulmeen golaha sare ee ururka Taalibaan. Dhanka kale xubnaha u qaabilsan wadahadalka ururka Taalibaan ayaa Axadii shalay ku laabtay magaalada Dooxa oo ay ku leeyihiin xafiiska siyaasada dibada. Matalayaha Mareykanka ee wadahadalka Afghanistan Mr Zelmay Khalilzad iyo saraakiisha siyaasada arimaha dibada wuxuu wadahadal uga socday tan iyo bishii September ee sanadkii 2018-kii uga socday magaalada Dooxa. Ururka Taalibaan ayaa dhanka kale diiday in uu la hadlo xukuumada Kabul oo ay ku sheegeen in ay caamil u tahay dalalka reer galbeedka. Source
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo shalay gelinkii dambe ka dagay Dhuusamareeb ayaa xalay kulan la qaatay saraakiisha ammaanka magaaladaasi. Kulanka oo ahaa mid deg deg ah ayaa waxaa diirada lagu saaray israaseyntii xalay ka dhacday gudaha degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Wararka ayaa sheegaya in guddi gaar ah loo saaray shaqaaqadaasi, si ay baaritaan ugu soo sameeyaan, sida ay wax u dhaceen. Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ee ka wada howlgala halkaasi. View the full article
-
Xildhibaanada labada aqal ee BFS ayaa lagu wadaa in maanta kulan wadajir ah ku yeeshaabn magaalada Muqdisho. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa ay xildhibaanadu aqrintii u dambeysay ku marin doonaan miisaaniyadda dowladda ee 2020-ka. Labada aqal ayaa la filayaa inay si wadajir ah u ansixiyaan miisaaniyaddaan oo loo sii gudbin doono madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/laaahi Maxamed (Farmaajo). Muddooyinkii dambe xildhibaanada labada aqal oo ku jira Kalfadhigooda 6-aad ayaa dardar galinayey howlaha shaqo ee horyaallo, gaar ahaan meel marinta sharciyo muhiim ah View the full article
-
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warkii ka soo baxay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qarankaa ee NISA, kaas oo ku aadanaa in qarixii isgoyska Ex-Control uu ka dambeeyey dal shisheeye. Fiqi ayaa tilmaamay inuu la yaabay in 48 saac kadib NISA ku dhawaaqdo hadalkaasi, iyadoo aan fah faahin ka bixin. Sidoo kale wuxuu sheegay in taliyaha Booliska, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxda kale ee dowladda ay qaraxaasi horay ugu eedeeyeen Al-Shabaab. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Faadumo-Wiilo.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in saaka xaaladdu ay tahay mid degan, kadib markii xalay ay isku rasaaseeyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo ilaalada hoggaanka Ahlu Sunna. Isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa hadda caadi ku soo laabtay, inkastoo ay weli socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan shaqaaqadaasi. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ku sugan Dhuusamareeb, islamarkaana uu iska hor imaadka ku soo aaday markii uu ka degay degmadaasi ayaa kulan deg deg ah xalay la qaatay wasiirka arrimaha gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye iyo saraakiisha ciidanka dowladda, isagoo wax ka weydiiyey dhacdadaasi iyo waxa sababay. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kiiskaasi loo saaray guddi gaar ah oo soo baara, sida ay wax u dhaceen. Dhinaca kale Ahlu Sunna ayaa sheegtay in weerar lagu soo qaaday, sida ay hadalka u dhigtay, islamarkaana la damacsanaa in la waxyeelo xildhibaanada ay soo xushay. Saraakiisha dowladda ayaase dhankooda iska fogeeyey eedeyntaasi, waxaana ay sheegeen in ciidanka Ahlu Sunna Waljamaaca ay rasaas ku fureen gawaari ay la socdeen askar ka tirsan kuwa dowladda federaalka, xilli ay marayeen agagaarka xarunta Inji. Ma’ahan markii ugu horreysay oo labada dhinac ay isku rasaaseeyaan Dhuusamareeb, tan iyo markii ciidamada dowladda la geeyey gudaha magaaladaasi
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-31122019.mp3 View the full article
-
Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan iney deggan tahay xaaladda magaaladaasi, kadib markii xalay halkaasi dagaal kooban uu ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo ciidan ilaalo u ahaa hoggaanka Ahlu-sunna Waljameeca. Waxaa dib usoo noqday isku socodkii magaalada, ganacsigii iyo sidoo kale dhammaan adeegyada bulshada oo xalay hakad galay. Dhuusamareeb waxaa ku sugan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana uu xalay la kulmay saraakiisha ammaanka magaaladaasi, isaga oo ka wareystay wixii dhacay. Dhanka kale, waxaa jira guddi baaris ah oo loo saaray shaqaaqadii ka dhacday Dhuusamareeb, gaar ahaan nawaaxiga xarunta Inji. Mas’uuliyiin Ahlu-sunna ah ayaa sheegay in dagaalkii xalay dhacay uu ahaa weerar dhankooda lagu soo qaaday, lana damacsanaa in waxyeello la gaarsiiyo mas’uuliyiin iyaga kamid ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah ay kulan wadajir ah magaalada Muqdisho ku yeeshaan mudanayaasha Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Kulankan oo noqonaya midkoodii Labaad oo xiriir ah, maadaama shalay ay sidan oo kale u kulmeen, ayaa looga doodayaa miisaaniyadda dowladda federaalka ee Sanadka 2020. Ajendaha kulankan ayaa loogu sheegay mudanayaasha inuu yahay akhrinta Saddexaad ee miisaaniyadda dowladda, waxaana la filayaa in mudanayaasha ay si aad ah u lafa guraan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gabiley, ayaa shalay dhagax dhigay Garoon Diyaaradeed oo laga hirgelin doono magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dhagax-dhiga Garoonka waxaa wasiirka ku weheliyay, , Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax, Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta Puntland Axmed Bashiir Muuse, Maamulka gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo iyo xubno kale. Garoonkan cusub ee laga dhagax-dhigay magaalada Gaalkacyo oo ay dhisayso Shirkadda China Civil Engineering Construction Corporation (CCECC), ayaa laga hirgelin doona dhul cusub oo loo asteeyay, kaasi oo ka baxsan dhulkii Garoonkii hore ku yaallay. Garoonka oo sida mas’uuliyiintu sheegeen loo dhisi doono hab Casriyaysan oo heer caalamiya, ayaa shalay la bilaabay Wejigiisa kowaad ay kamid yihiin bannaynta dhulka Garoonka, wareejinta Siliga Garoonka, dhisidda 8 Taawer oo Amniga Garoonka laga ilaasho iyo Astaynta dhulka uu garoonku sida gaarka ah u yeelan doono oo ka caaganaan doona in cid shacab ah ay dhismayaal ka samaystan. PUNTLAND POST The post Puntland oo Garoon Diyaaradeed ka dhagax dhigtay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxa hay’adda cilmi-baarista ee Sahan Research, Matthew Bryden ayaa sheegay in kheyraad badan oo lagu taageero dowladda Soomaaliya, aan loo adeegsan halkii loogu talo-galay ee ahayd in lagula dagaalamo kooxda Al-Shabaab. Bryden oo la hadlay taleefishinka FRANCE24 ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qarashkii loogu talo-galay dagaalka Shabaab ay u weecisay khilaafyada gudaha, iyo sidii ay awood ugu muquunin lahayd maamul goboleedyada. “Inta badan ciidamadii iyo hay’adihii amniga waxaa lagu daa-gureeyey maamul goboleedyo xulufo la ah dowladda, lamana dagaalamayaan Al-Shabaab – Sidaas darteed dareenka dowladda kuma sii jeedo ka adkaanta Al-Shabaab oo ka dambeysay qaraxan [Ex-Control Afgooye],” ayuu yiri Matt Bryden. Matt Bryden ayaa sheegay in qarashkii dowladda oo dhan uu ku dhammaanayo Muqdisho, islamarkaana aan waxba laga gaarsiin gobolladii looga baahnaa taageeradeeda ee dagaalka Al-Shabaab uu ka socdo. “Inta badan Koonfurta Soomaaliya waxaa ka jir gab dhinaca maamulka ah, inkastoona Al-Shabaab aysan wada maamulin dhulkaas, haddana waxay xor u tahay in sida ay doonto ay ugu dhaq-dhaqaaqdo, ugana howl-gasho” ayuu yiri Bryden. “Al-Shabaab waxay joogtaa magaalooyinka waa weyn oo Muqdisho ay ku jirto, kuwaas oo caadiyan ay dowladda maamusho, halkaas oo ay dowlado dadban ku leedahay, kana ururiso canshuurta, garsoorna ka fuliso” ayuu yiri Bryden. Dowladda Soomaaliya ayaa horey dalka uga mamnuucday hay’adda Matthew Bryden ee Sahan Research, ayada oo la rumeysan yahay in sababta ay ahayd dhaliilaha ka dhanka ah ee uu u jeediyo.
-
After several years during which younger leaders have come to power across Africa, 2020 could hold challenges that may force many of the newcomers to take a step back. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud halkaasi oo uu gaaray gelinkii dambe ee shalay. Socdaalka Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira sidii loo dhammayn lahaa khilaaf weli ka dhex aloosan Ahlusunna iyo dowladda Federaalka kaasi oo salka ku haya xildhibaanno ay soo xusheen Ahlusunna oo dowladdu diidantaahy. Sidoo kale iska hor-imaad u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlusunna ayaa xalay ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb oo ay ku wada-sugan yihiin labada ciidan. Ilaa saddex ruux ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen is rasaasaynta dhexmartay labada ciidan ee kala taabacsan Ahlusunna iyo dowladda Federaalka. Wararku waxay sheegayaan in guddi saraakiil ah loo saaray xallinta khilaafka ka dhashay shaqaaqadii xalay ka dhacday gudaha Dhuusamareeb kadib markii Ra’iisul wasaaruhu kulan la qaatay saraakiisha hay’adaha Amniga magaalada. Sidoo kale waxa la sheegaya in khilaaf xooggan ka taaganyahay xulista xildhibaannada cusub ee Galmudug gaar ahaanna xildhibaannada ay saamiga u heleen Ahlsunna oo qaarkood dowladdu diiddantahay. PUNTLAND POST The post Guddi loo saaray xallinta Shaqaaqo xalay ka dhacday Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Machadka cilmi barista siyaasadda ee Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo la hadlay VOA ayaa sheegay inuu saluugsan yahay qoraalkii shalay ka soo baxay hey’adda Nabad sugidda Qaranka ee NISA oo lagu sheegay in qaraxii 28-kii bishan Muqdisho ka dhacay ay ka danbeysay dowlad shisheeye. Cabdirashiid ayaa sheegay in haddii ay wax ka jiraan qoraalka ka soo baxay NISA, ay aheyd inay soo bandhigto macluumaad dhameystiran, si cidda lagu tuhmo ama ay ku caddaato loogu jaheeyo eedaha iyo tuhunka laga qabo Al-Shabaab oo xataa madaxda dowladdu ay ku eedeysay. Cabdirashiid Khaliif ayaa sheegay in qoraalka uu ula muuqday mid uu gadaal ka riixaayey dal kale oo maagaya sida Turkiga oo dad ay uga dhinteen qaraxaas, sidoo kalena uu khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo Imaaraadka Carabta. Agaasimaha ayaa sheegay in ka hortaga qaraxaas ay mas’uuliyadda koowaad ka saarneyd dowladda, isla markaana ay aheyd in hadii fashil amni oo intaas la’eg uu dhacay dad shaqada looga ceyriyo, ama iyagu is casilaan, balse taas bedelkeed dad aan khibrad u laheyn shaqooyinkii loo dhiibayo. Agaasimaha Machadka Heritage Cabdirashiid Khaliif ayaa sheegay, in haddii si ay NISA qoraalka u dhigtay ay wax jiraan, ay ku habooneed in kulan degdega ay iskugu yimaadaan madaxda sare ee dowladda sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Gudoomiyaha Baaarlamaanka, si warbixin iyo xog dhameystiran loola wadaago shacabka iyo caalmakaba. Sidoo kale waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee Shabaab in ka badan 10 sano ay xasuuqa uga wadaan dalka ay tahay ganacsatada oo si xowli ah kharash badan ugu taageeraysa, si walbaba ha uga qaadeene iyo kala daadsanaan weyn oo ka dhex jirta dowladda iyo shacabka. Ugu danbeyntii Agaasimaha ayaa sheegay in warbixinta NISA ay tahay mid macquul noqon karta maadaama mudo dheer ay dalkaan faragalin ku haayeen dalal shisheeye sida uu hadalka u dhigay. In wax la qarxiyo ayuu sheegay in looga bartay Al-Shabaab, balse hadii ay soo kordhaan wax kale dowladda looga fadhiyo inay cadeyso. Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.
-
Kenyan security forces have launched a manhunt for al-Shabaab militants behind the abduction of two Kenyans in Liboi area along the Kenya-Somalia border. Source: Hiiraan Online
-
Residents of Wajir and Mandera counties have raised the alarm after swarms of desert locusts invaded parts of northern Kenya from neighbouring countries on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa shaqada ku soo celiyay taliyihii Xabsiga dhexe Janaraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile, oo bartamihii bishaan shaqada laga joojiyay kadib markii uu xanuun u dhintay mid ka mid ah maxaabiista. Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaysa in Janaraal Xirsiile, shalay loo geeyay warqad ka timid taliyaha Asluubta, taas oo faraysa in uu maanta shaqada ku soo laabto islamarkaana laga qaaday xayiraadii saarneyd, kadib markii la sheegay in uu dhamaaday baaritaankii ku socday. Wararku waxay intaas ku darayaan, in sababta xayiraadda looga qaaday Janaraal Xirsiile ay ka dambeysay kadib markii uu soo baxay tuhun ah in la iibsaday xubnihii Shabaabka ahaa ee shalay galab xabsiga ka baxsaday. Dadka yaqaana Xabsiga dhexe, iyo kuwa ka soo shaqeeyay, qaarkoodna ay hadda joogaan waxay aaminsan yihiin in aysan jirin maxbuus ka baxsan kara Xabsiga dhexe, oo ah aag aad loo ilaaliyo, sidoo kalane ay joogaan ciidan aan tiro yareen oo qaarkood ilaaliyo Maxkamadaha dalka oo halkaas ku yaalla. Janaraal Xirsiile waxaa shaqada laga joojiyay 18-kii bishaan, kadib markii maxbuus la geeyey isbital uu kala soo baxay, kadibna uu maalmo kadib dhintay. Geeridaas ayaa sababtay dood badan oo ku saleesneed dayacaad la sheegay in ay ka timid taliska Xabsiga dhexe.
-
Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta wadajir ah u ansixiyaan odoroska Miisaaniyadda dowladda ee Sanadka 2020-ka. Kulanka labada Gole ee maanta ayaa la filataa in ay si degdeg ah u ansixinaya odoroska Miisaaniyadda, si loo dhaqan-geliyo sannadka cusub ee 2020-ka oo bilaabanaya maalinta berriya. Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamanka ayaa horay wasiirka Maaliyadda su’aalo uga weydiiyay odoroska Miisaaniyadda 2020, waxaana su’aalaha u badnaa sida loo isticmaalayo kharashaadka loo qoondeeyay hay’adaha dowladda. Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020 ayaa oo gaaraysa $459.5 Milyan oo Dollar waxaa ku jira in mushahaarka loo kordhiyay ciidamada Qalabka sida lana gaarsiiyay $200 Dollar bil kasta. PUNTLAND POST The post Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo si wadajir ah u ansixinaya Miisaaniyada 2020-ka appeared first on Puntland Post.
-
Warsheekh (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya iyo kuwa Maleeshiyo ah ayaa 7 isbaaro dhigtay degmada Warsheekh ee gobalka Shabeellaha Dhexe. Caasimada Online ayaa ogaatay in isbaarooyinkaan oo dhan la soo dhigtay kadib markii degmadaasi ka baxeen Ciidamada AMISOM, islamarkaana ammaanka degmada lagu wareejiyay ciidan Milateri ah. Milaterigii lagu wareejiyay ammaanka degmada waxay ceel degmada ku yaalla ka furteen Matoor biyaha sifeeya. Sidoo kalane waxay baliliqeesteen agabyo ciidan iyo kuwa difaac oo ay ka tageen ciidanka AMISOM. Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in ciidankii Milateriga ee degmada lagu wareejiyay ay dhamaantood dib uga baxeen, waxayna arrintaas sabab u noqotay in maleeshiyaad iyo ciidan dowladeed oo aan la ogeen cidda ay ka amar qaataan ay isbaarooyin soo dhigtaan degmada. In ka badan 30 gaari ayaa hadda ku xanniban degmada Warsheekh duleedkeeda, kuwaas oo laga rabo lacag kumanaan dollar ah, oo aysan awoodin inay iska bixiyaan. Wali dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin arrintaan waxayna saameyn ku yeelatay gaadiid isaga kala goosha Muqdisho iyo gobollada, ee qaarkood halkaas mara.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa maalmihii dambe aad u wareegayay warar sheegaya in Dacwad ka dhan ah Faysal Cali Waraabe ay gudbiyeen Qoyska Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ka cabanaya dhaliilo uu u jeediyay. Sida Caasimada Online ogaatay dacwadaasi ayaan weli si rasmi ah u gaadhin Hay’addaha garsoorka, iyadoona wax ogeysiin ahna loo dirin Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe. Faysal ayaa hore wuxuu Muuse Biixi iyo Qoyskiisa ugu eedeyay inay dhaqaalihii Somaliland gacanta ku haystaan, isla markaana la wareegeen mashaariicdii, kuwaasi oo ka dhigtay Tukaan ay leeyihiin Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Muuse Biixi qoyskiisii, carruurtii uu abtiga u ahaa, walaalladii iyo dadkiisii oo dhana waxay galeen ganacsigii oo waddanka dhaqaalihiisii ayuu gacanta ku haystaa, Waa la caddaynayaa inta mashruuc ee ay qaateen oo waa la hayaa wax qarsoona maaha”. Wuxuuna intaas kusii daray “Illaa iyo maantana inta qof ee ehelkiisa ah ee uu meel yar xanjo ugu dhajiyey waa la hayaa waanan ka xishoonaynay markii hore, laakiin haddii uu isagu xishoon waayey waa la is qaawinayaa waana lays kashifayaa.” Faysal Cali Waraabe oo wax laga weydiiyay dacwadaasi ayaa waxa uu sheegay in uu warkaasi suuqa ka maqlay, balse ay rasmi ah u soo gaarin, wuxuuna yiri “Waan maqlay arrintaasi oo suuqa ayaan ka maqlay”. Dhinaca kale Gaashaanle Sarre Faysal Xiis, Taliyaha ciidanka dembi baadhista Somaliland oo isaguna dacwadaasi jiritaankeeda wax laga weydiiyay ayaa sheegay inuusan maqlin dacwadaasi, wuxuuna yiri “Anigu ma maqlin mana ogi dacwadaasi aad sheegaysaan”. Cabashada ay Faysal Cali Waraabe ka qabaan qoyska Muuse Biixi ayaa waxa muuqata in wado kale oo ka gedisan midka tooska ah ay u marayaan, midaasi oo dhowaan iyadu soo shaac baxday kadib markii xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland ay shaaciyeen in dacwad ka dhan ah Faysal Cali ay gudbinayaan. Xukuumada Muuse Biixi ayaa inta badan isku deyda inaysan si toos ah u beegsan iyadu Mas’uuliyiinta ay wax ka tirsaneyso balse u soo dhex-marta kiisas kale iyo eedeymo ay kula tiigsaneyso sharciga.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland ayaa maanta shaaciyay shuruud uu ku xidhay sii deynta Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga Ucid, oo u xidhan hadalo deel-qaaf ah oo uu ka tirsanayo Guddoomiyuhu. Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in xadhiga Xoghaye Ramaax uu yimid kadib markii uu dacwad ka dhan ah ka gudbiyey, isagoona beeniyay eedeymo kale oo lala xidhiidhinayey in uu Ramaax u xidhan yahay. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay Ergo ahaan ugu tageen Odayaal ka tirsan beesha Xoghaye Ramaax, kuwaasi oo ka dalbanayey in uu cafis u fidiyo Guddoomiyuhu, isla markaana uu ka laabto dacwadiisa. Baashe ayaa shuruud ku xidhay Odayaashii dalabkaasi u gudbiyey, isagoona dalbaday in arrinkaasi laga raali-geliyo oo aysan dibna u dhicin eedeymo noocaasi ah oo uu Xoghaye Ramaax u mariyo Warbaahinta. “Ramaax Anigaa dacweeyay, waxaanan ku dacweeyay War uu iga sheegay, wuxuuna yidhi ‘Guddoomiyuhu wuxuu la shaqeeyaa Dad cadowga Somaliland ah’ aniguna waxaan ahay Guddoomiyihii baarlamaanka, haddaan Cadow la shaqaynayo waa inaan xilka ka dego, sidaas ayuu Ramaax ku xidhan yahay” ayuu yiri Guddoomiye Baashe. Wuxuuna intaas kusii daray “Waan maqlay inuu yidhi Meelo kale ayaa la iga xidhay, laakiin Anigu ma ogi Cid kale oo uu u xidhan yahay, laakiin waxaan ogahay inuu u xidhan yahay Dacwad aan Anigu ka gudbiyey”. “Ayaamahanba waxa ii imanayey Salaadiin iyo Odayaal xaggaa ka soo jeeda oo aanu arrinkaa ka wada-hadlaynay, Salaadiintu waxay i waydiisteen inaan Cafiyo (Ramaax) oo aan kiiska dib ula noqdo, Aniguna waxaan waydiistay in Raalli-gelina la iga siiyo, arrinkaasina aanu dib u dhicin”.
-
Popular Contributors
