Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,119
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa markale uu dib u dhac ku yimid doorashado lagu wado inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ka dib khilaaf hareeyay hannaanka ay ku socoto doorashadaasi. Guddiga Farsamada ee Maamulka Galmudug ayaa waxay bishii December ay soo saareen jadwal cusub oo doorasho, ka dib markii uu guuldareystay jadwalkii hore ee ay soo saareen bishii November. Sida ku cad jadwalkii ugu dambeeyay ee doorashada ayaa ahaa in soo xulista Xildhibaanada la soo geba-gabeeyo 30-kii December. 4-ta January in la doorto Guddoonka Baarlamaanka, doorashada Madaxtooyadana ay qabsoomto 9-ka January, taasoo aad arkeyso in wadadii laga beeray, haddii aan weli la soo afjarin soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka xigga, khilaaf xoogana uu ka taagan yahay. Dowladda Federaalka ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuuleysa, sidii ay xubno badan oo siyaasadeeda taageersan ugu yeelan laheyd Baarlamaanka Galmudug, tiiyoo aad arkeyso in culeys uu ka haysto, si kasta oo ay u musuq maasuqeyso soo xulista Golaha Wakiilada Galmudug. Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka reer Galmudug oo qaarkood ka shidaal qaata Siyaasiyiinta Xisbiyada KMG ee dalka ka jira ayaa ka biyo diidan dhabaha loo marayo soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka, iyagoo Guddiga Farsamada ku eedeeyay inay wax is daba-marinayan. Guddigan ayaa ah midkii ay soo magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, 8-dii bishii October. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Guddiga Farsamada ay isu diyaarinayan inay markale soo saaraan jadwal cusub, oo lagu soo muddayn doono xilliyada la qabanayo Doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada. Inkastoo Guddiga Farsamada aanay weli si rasmi ah ugu dhawaaqin inuu fashilmay jadwalkoodii labaad ayay hadana laba iska weydiin doonin in maalmaha soo socda ay jadwal kale daaha ka roggi doonaan. Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa ka wada kulamo uu xal ugu raadinayo khilaafkan jira. Doorashadan lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka adkaan doonto kuwii lagu soo dhisay maamuladii soo maray Galmudug.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka, kaddib markii ay ansixiyeen Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Madaxwenaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Gole oo wadajir u ansixiyey miisaaniyaddan sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa, iyagoona ku ansixiyey cod aqlabiyad leh. Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa adkeeyey qorsheyaasha heer Qaran ee lagu wajahayo musuqmaasuqa iyo dadaalka xooggan ee shacabka iyo dowladdu Soomaaliyeed ay ugu jiraan hirgelinta hannaan maaliyadeed oo hufan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhaqaalyahannada Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waxtar u leh dadka iyo dalka.
  3. Hargeysa (Caasimad Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta shaacisay inay dacwad ka gudbisay Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland. Xukuumada Biixi ayaa waxay dacwadaasi ka gudbisay Mas’uuliyiin ka tirsan labada xisbi ee mucaaridka ah, Waddani iyo Ucid, kuwaasi oo shalay booqday dhul la sheegay in si qasab ah looga qaaday dad danyar ah oo la siiyay Ciidamada Asluubta Somaliland Dacwadan ayaa si wada jira waxa u gudbiyay Wasiirka howlaha guud ee Somaliland, Maayirka Hargeysa iyo Taliyaha Ciidamada Asluubta, iyagoona si cad u sheegay in Maxkamad lagu soo taagi doono Mas’uuliyiintaasi hadalo aan run aheyn oo ay ka jeediyeen dhulkaasi ay booqdeen. Mas’uuliyiintaasi xisbiyada mucaaridka ah ee shalay booqday dhulkaasi ayaa waxay soo bandhigeen Dukumatiyo ay ku sheegeen in dad danyar ah leeyihiin dhulkaasi, kuwaasi oo Xukuumada Muuse Biixi ugu baaqay inay hoos u eegto shacabkaasi maatida ah, isla markaana ay u samaayso dhul badal ah haddii laga qaaday dhulkoodii. Wasiirka Hawlaha guud, Taliyaha Ciidammada Asluubta iyo Maayarka Hargeysa oo si wada-jir ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegen in Mas’uuliyiinta xisbiyada mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid ee booqday dhulkaasi ay soo bandhigeen cadeymo been abuur ah iyo hadalo aanay waxba ka jirin. Waxay sidoo kale sheegen in Mas’uuliyiintaasi booqday dhulka la isku haysto in Maxkamad lagu soo taagi doono hadaladoodii, kuwaasi oo ay ku sheegen kuwa been abuur ah oo aan waxba ka jirin. Ma aha markii u horeysay ee Xukuumada Muuse Biixi ay dacwad ka gudbiso Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid, kuwaasi oo eedeymo kala duwan u jeediya xukuumadooda.
  4. Sawirka odayaasha Eedaysan Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari, ayaa maanta u fariisatay gar-maqalka dacwad loo haysto shan oday oo dowladda Puntland ku xirtay magaalada Boosaaso, kadib markii ay xukuumadda ku dhaliileen Heshiisyo Maalgeshi oo ay kula jirto shirkado laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta. Odayaasha oo magacyadoodu kala yihiin Nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe, Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax, Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble,Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo) iyo Siyaasi Muuse Cali Jaamac ayaa mudda bil ah lagu hayay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso. Maxkamadda ayaa kadib markii ay dhegaysatay dacwadda Xeer ilaalinta oo odayaasha ku eedaysay kicin-dadweyne iyo difaaca Qareennada u doodaya, waxay go’aamisay in mar kale kiiska loo fariisto maalinta Axadda ah ee todobaadka soo socda. PUNTLAND POST The post Puntland oo Maxkamad soo taagtay odayaal ku xirnaa Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  5. By: AFP NAIROBI – In the past decade, Somali Islamist group al-Shabab has lost territory, suffered defections and faced mounting U.S. air strikes, but analysts say the group is as strong a threat as ever, flourishing under the country’s weak government. Despite years of costly efforts to combat the group, al-Shabab managed once again to detonate a vehicle packed with explosives in Mogadishu, slaughtering 81 people on Saturday in one of the deadliest attacks of the decade. “The real hallmark of al-Shabab is its resilience,” said Matt Bryden, director of Nairobi-based think tank Sahan. “Leaders of the movement have been killed in drone strikes and commando raids, several master bombmakers have been killed and yet al-Shabab continues to wage conventional and guerilla warfare against enemy forces, build bombs, and build an effective underground financial and administrative infrastructure.” Bryden said the al-Qaida affiliate’s ability to inflict mass casualties in Somalia and elsewhere in the region highlights the fragility of a central government mired in feuds and more focused on staying in power than fighting the Islamists. Shifting fortunes At the start of this decade, al-Shabab was at its zenith. It controlled major urban centers including parts of Mogadishu while the internationally-backed government clung to a sliver of territory in the capital. Somalia had plunged into chaos after the 1991 overthrow of president Siad Barre’s military regime led to famine and decades of anarchic clan warfare. Al-Shabab emerged from the youth wing of the Islamic Courts Union, a rival to the internationally-backed government established in 2004, which briefly controlled large parts of Somalia. But in the second half of 2011 the group’s fortunes appeared to be waning, as African Union peacekeeping force AMISOM pushed them out of their last bastions in Mogadishu. Since then they have had to abandon most of their strongholds — but they still control vast rural areas and have maintained a presence in urban centers through an extensive intelligence network. “They win support through co-option or coercion. They have a steady supply of finances through a network of taxation and extortion,” Murithi Mutiga, a Horn of Africa expert with the International Crisis Group (ICG) think tank, told AFP. A report by a U.N. expert panel in November said the group’s “mafia-style” taxation system allowed it to generate revenue even in areas it does not control, such as Mogadishu port. In a sign of its capacity to infiltrate government institutions, a female suicide bomber who blew herself up in government offices in Mogadishu in July, killing the city’s mayor, turned out to have been an employee working under false identity, their report said. The militants have also turned to making home-made explosives and some of their deadliest attacks have been in recent years, such as the 2017 Mogadishu truck bombing which left 512 dead. Al-Shabab has also managed to expand its network in the region, especially in Kenya which has suffered several devastating attacks in retaliation for it sending troops into Somalia in 2011. Most recently in January 2019, 21 people were killed in a siege on an upscale Nairobi hotel, notably carried out by Kenyan-born Shabab operatives. Shabab not government priority Since the main AMISOM offensive ended in 2015, control of territory has largely remained stagnant. Mutiga said one of the biggest mistakes that had been made in the fight against al-Shabab was that they were often ousted from villages without “a viable plan for what would come next.” And with roughly 20,000 African Union peacekeepers set to leave in 2021, analysts say the ragtag national army is nowhere near ready, with a piecemeal approach seeing Britain, Turkey and the EU holding their own separate training programs. “We see no coherent security force emerging that can credibly challenge Shabab, especially if AU troops pull out,” said Bryden. However he said the main hurdle to fighting al-Shabab was that it was not a priority of the central government. Rather Mogadishu has engaged in political feuds with federal states, focused on gaining control in regional administrations in a bid to boost their chances for re-election with parliamentary polls due in 2020 and a presidential vote in 2021. “The Somalis are fighting this war with one hand and maybe one foot tied behind their backs,” said Bryden. He said more police and national army resources were currently deployed to secure an electoral process in the central region of Galmudug than to offensive operations against al-Shabab. “That means that the government that is receiving the vast majority of international support and resources to fight al-Shabab has at best ranked that battle as a second priority.” Somalia’s government is officially transitional, as the country still has an incomplete constitution. Negotiations had been initiated under previous governments on completing the constitution and agreeing the architecture of the country’s federation but the present government has halted the talks, said Bryden. “Somalia can’t be ruled only from the center — it is too decentralized politically and economically. There are too many powerful forces outside Mogadishu,” he said. Despite an increase of U.S. airstrikes under President Donald Trump that have killed more than 800 people since April 2017, observers believe al-Shabab will continue to wreak havoc well beyond 2020. “Al-Shabab appears to be closing the decade in as strong a position as it has been in in 10 years,” said Mutiga.
  6. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Birmadka Madaxtooyada Dowladda Puntland oo muddo 5 Bilood ah tababar uga socday xerada Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland ee 54-aad. Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey dhoolatus ay Ciidamada la tababaray soo bandhigeen, wuxuuna sheegay in tayeynta Ciidamada iyo inay helaan Mushaharaadkooda si joogto ah ay tahay waxyaabihii ay ku guuleysatay Dowladdu sanadka hadda dhammaaday. Waa qeybtii saddexaad ee Ciidamada Birmadka oo tababar loo soo xiro, Madaxweynaha ayaana dhammaadkii kulanka kula dardaarmay Ciidamada la tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.
  7. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay war ku aadan weerarkii sabtidii ka dhacay Ex-Control Afgooye 28-kii December, oo kasoo baxay hay’adaha Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC & SRCS) Soomaaliya. Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in qoraalka ka soo baxay Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC & SRCS) Soomaaliya, uu weerarkii iyo Xasuuqii 28 Dec 2019 argagixisadu kusoo qaaday shacabka Soomaaliyeed ku tilmaamay Iska hor imaad u dhexeeyay laba dhinac. “Warka ka soo baxay ICRC iyo SRCS wuxuu meel ka dhac iyo xadgudub ku yahay guud ahaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Argagixisadu soo weerartay gaar ahaana dadkii ku Waxyeeloobay oo u badnaa Arday, caruur iyo hooyooyin iyagoo aan waxba galabsan Argagixisadu Xasuuq u geysatay.”ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Hoos ka akhriso qoraalka oo dhan PUNTLAND POST The post Dowlada oo meel ku dhac ku tilmaantay war ka soo baxay Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka, kaddib markii ay ansixiyeen Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Madaxwenaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Gole oo wadajir u ansixiyey miisaaniyaddan sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa, iyagoona ku ansixiyey cod aqlabiyad leh. Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa adkeeyey qorsheyaasha heer Qaran ee lagu wajahayo musuqmaasuqa iyo dadaalka xooggan ee shacabka iyo dowladdu Soomaaliyeed ay ugu jiraan hirgelinta hannaan maaliyadeed oo hufan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhaqaalyahannada Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waxtar u leh dadka iyo dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka appeared first on Puntland Post.
  9. Wasaaradda Kallumeysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin hor dhac ah ka bixisay kalluun shalay kasoo caariyay Xeebta Magaalada Muqdisho. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kallumeysiga dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Sheekh Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kalluunkaas uu kusoo caariyey Xeebta u dhaw Xerada Xalane, isla markaana aysan jirin meel kale oo lagu arkay. Kalluunkaas oo aad u badnaa ayaa subaxii hore ee shalay lagu arkay Xeebta, waxuuna sheegay Agaasimuhu inuu yahay hal nooc oo yar-yar laguna magacaabo Ceydi, kaas oo kalluumeysatadu ay ku dabtaan kalluunka kale ee waaweyn. Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in ay Wasaaradda Kalluumaysigu waddo baaritaan ku aaddan waxa sababay in kalluun intaas la’eg uu bannaanka u soo baxo. Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in ay Kalluunka ku jira Xeebaha Soomaaliya ka qaadayaan DNA-ga, si looga hor tago jillaabshada qarsoodiga ah, iyadoo sharciga lala tiigsan doono dalkii lagu arko dekedihiisa. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya oo ka war bixisay Kalluun ku soo caariyay Xeebta Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali khayre ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Hoggaamiyaha Kooxda Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheikh Xassan. Kulanka labada mas’uul ayaa sida la sheegay looga wada hadlay dhammeystirka dhismaha Galmudug loo dhanyahay iyo sidoo kale in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo dhismaha maamulka Galmudug. Wararkii u dambeeyay ee laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in weli khilaaf ka taaganyahay xulista xildhibaannada cusub ee dowlad goboleedka Galmudug kuwaasi oo qorshuhu ahaa in shalay lagu dhawaaqo balse mar kale dib u dhac ku yimid. Dowladda Federaalka iyo Ahlusunna ayaa ku heshiiyay in Ahlusunna xildhibaannada cusub laga siiyo saami dhan 20 xubnood iyadoo Ahlusunna durba soo gudbiyeen liiska xildhibaannada u matalaya Galmudug inkastoo la sheegayo in dowladdu diidantahay. PUNTLAND POST The post Khayre iyo Macallin Maxamuud oo ku kulmay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar___Qubanaha-31122019-sax.mp3 View the full article
  12. Raage-Ceelle (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto Sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga Soomaaliya oo la sheegay inuu ciidan la goostay kadib markii uu sheegay in cadaalad darro ay ku dhaqaaqeen taliska milateriga Soomaaliya. Genaral Odowaa Yuusuf Raage ayaa ciidanka Gorgor u geeyay gobalka Shabeellada Dhexe soo qabashada Korneel Masdile oo ka tirsan Guutada 1-da April, sidoo kalane ka tirsanaa madaxda ciidankii lagu weeraray degaanka Ceelsaliini ee gobalka Shabeelada Hoose. Guddoomiyaha degmada Raaga Ceelle Cumar Cali Nuur, oo la hadlay idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ayaa sheegay in Odowaa uu soo wacay una sheegay inuu soo dhiibo Korneyl Masdile. “Waxaa isoo wacay Jeneral Odowaa, wuxuuna igu yiri soo bixi sarkaalka baxsadka ee tuugga ah ee aad ku ku hayso degmada Raage Ceelle.” ayuu yiri Cumar Cali Nuur. Korneel Masdile ayaa isaga iyo ciidan uu hogaaminayo oo ku heyb ah waxay mudooyinkii la soo dhaafay ku sugnaayeen degmooyin ka tirsan gobalka Shabeelada Dhexe, waxayna hadda fariisin ka sameesten degmada Raage Ceelle ee gobalka Shabeelada Dhexe, oo ah degaanka uu ka soo jeedo. Abaabul dagaal iyo xaalad cabsi ah ayaa laga dareemaya degmada Raaga Ceelle, sida ay ku soo waramayaan dadka iyo maamulka degaanka. Guddoomiyaha degmada Raaga Ceelle Cumar Cali Nuur, ayaa sheegay in aysan jirin warar sheegaya in degmada ay ku soo wajahan yihiin Al-Shabaab balse la doonayo in lagu soo weeraro degmada. Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidanka Gorgor ay degmada ku dileen 2 habeen ka hor ciidan madani ah hubkiina ay ka qaateen, ilaa hadana aysan jirin cid wax iska wydiisay isagoo baaq u diray masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo Taliska Milatariga dalka. Caasimada Online oo isku dayday inay la xiriirto Jeneral Odowaa, si ay wax uga weydiiso arrintan, uma suurta-gelin.
  13. Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah si wadajir u ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen. 188 Xildhibaan ayaa ogolaatay Ansixinta Miisaaniyadda Sanadka 2020 , hal xildhibaan ayaa diiday halka ay labo xildhibaan oo kalena ka Aamuseen. Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka oo u codeeyay Miisaaniyadda Qaran ee 2020-ka oo cadad ahaan dhan $476,150,902 (Afar boqol todobaatan iyo lix milyan, boqol iyokonton kun,sagaal boqol iyo laba doolar) ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 188-Xildhibaan 1-Xildhibaan ayaa diiday sidoo kalena 2-Xildhibaan ayaa ka aamustay sida uu natiijadda codeynta ku dhawaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Sidoo kale Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa Xildhibaanadda uga mahad celiyay Ansixinta miisaaniyad sanadeedka 2020. Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkan oo tira ahaan la’eg $476,150,902 (Afar boqol todobaatan iyo lix milyan, boqol iyokonton kun,sagaal boqol iyo laba doolar) waxaa ka muuqda koror dhan 76-Million oo doolar marka loo eego miisaaniyadii sanadkan sii dhamaanaya ee 2019-ka ,waxaa kale oo miisaaniyadan ka muuqata in ay ku koobantahay Kharashaadka adeega maamulka iyo difaaca Qaranka taasoo loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah qadar dhan $369,751,045 una dhiganta 77.7%, Arrimaha Bulshada oo loo qoondeeyay 64,450,722 una dhiganta 13.5% halka haraaga oo dhan $41,949,135 oo u dhiganta 8.8% qoondada miisaaniyadda 2020-ka loogu talo galay Hay’adaha dhaqaalaha. Guddoomiyaha Golaha Shacaka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda labada Aqal uga mahad celiyay sida ay u ansixiyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020-ka. PUNTLAND POST The post Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo si wadajir ah u ansixiyay Miisaaniyadda 2020-ka appeared first on Puntland Post.
  14. Warbixin sanadeedka Xarunta Xuquuqal Insaanka ee 2019 Maanta oo bishu tahay 31 December 2019, Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay soo saartay warbixin sanadeedkeedii xuquuqal insaanka ee sanadka 2019. Warbixinta Xarunta Xuquuqal Iinsaanka madaxa banaan ee 2019 waxay koobsanaysaa arimo dhowra ah oo la xidhiidha tacadiyo xuquuqal insaan oo dhacay sanadka 2019, kuwaas oo ay diiwaangelisay Xaruntu. Xaalada xoriyatul qolwka oo sii xumaanaysa iyo xadhiga sharci darada ah oo sii badanaya. Somaliland dhexdeeda way adag tahay in qof ku si xora fikirkiisa u cabiri karo. Sanadkan 2019 waxay Xarunta Xuquuqal Insaanku diiwaan galisay xadhigii ugu badnaa ee tan iyo intii xaruntu jirtay. Waxa sanadkan laxidhay. Dad ah 88 qof oo dhamaan xadhigoodu sharci daro ahaa. Marka lays barbar dhigo sanadkan iyo sanadkii hore, waxa xadhigu aad uga badanyhay sanadkan. Tusaale ahaan, sanadkii hore waxa la xidhay 35 qof, waxa markaa aad u muuqata in korodh wayni jiro. 88 tankaa qof ee sanadkan laxidhay waxay isugu jiraan 29 suxufi iyo 59 qof oo kale oo aan suxufiyiin ahayn. 29 suxufi waxa xukun ku dhacay hal suxufi oo ah Cabdimaalik Muuse Coldoon, hadana waxay dacwad ciqaabihi ku socota fatirihii HCTV, Cabdiqaadir Cismaan Coday. Waxa sidoo kale sanadkan la xayiray afar warbaahinood. Dhanka kale waxa sanadkan xukuumada ka soo baxayay amaro isdaba jooga oo runtii caqabad iyo cabudhin ku ahaa warbaahinta madaxa banaan. Dadka kale ee aan suxufiyiinta ahayn ee xadhiga sharci darada ah waajahay waxa ka mid ahaa siyaasiyiin sarsare oo ka tirsan xisbiga mucaarad ka ah ee Wadani. Iyadoo waliba sanadkani ahaa markii ugu horaysay ee taariikhda Somaliland, la xidho siyaasiyiin miisaankaas leh oo ka tirsan xisbi mucaarad ah oo diiwaangashan. Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee la xdhay waxay kala yihiin Xoghayaha Guud ee xisbiga Wadani Khadar Xuseen Cabdi, af-hayeenka xisbiga, Barkhad Jaamac Batuun iyo hogaamiyihi garabka dhalin yarada Maxamed Sidiiq Dhame. Waxa sidoo kale xadhig xad gudub ah lagula kacay xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ah xildhibaan Barlamaanka ka tirsan, waxa laxidhay isagoo xasaanadiisii huwan, arinkaas oo runtii ahaa arin sharciga baal marsan. Dhinaca xadhigga sharcidarada ah ee mudo dhaafka ah waxa ka mid ah afar qof oo laba kamid ahi da’doodu aad u yarayd kuwaasoo Gobolka Sanaag lagasoo xidhay, moddo 13 bilood ahna sifo sharci daro ah Hargeysa ugu xidhnaa, wax maxkamad ahna aan halmar keliya xitaa la hor geynin. Dhamaan dadka waa lasii daayay wax magdhow ah na lama siin oo dowlada kamaysan helin. Sidoo kale warbixinta waxa ku jira, tacadiyada boolisku kula kacaan shacabka. Boolisku waxay had iyo jeer ku kacaan ooy caadaysteen, tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha. Waxay si daah furan u qaraacaan dad shacab ah oon waxba galabsan. Waxay xaruntu diiwaangalisay garaacis police kula keceen wiil dhalin yaro ah oo lagu xidhay saldhiga booliska ee Koodbuur. Wiil kaas oo ilig uu nin boolis ka tirsani ka riday, majirin wax eed ah oo laga gudbiyay askarigaas. Xilayada ay xadhigyada samaynayaan dad ka uma adeegsadaan, wax amar makamadeed oo qabasho ah oo sharciyaysan. Marar badana waxay xidhaan dad aan ahayn danbiilayaashii rasmiga ahaa. Waxa adag in booliska lala xisaabtamo ama loo raaco falalka qayrul sharciga ah ee ay galayaan. Xadhiga dadku wuu siibadanayaa, goobaha ama saldhigyada dalkuna uma qaabaysna meel cid lagu xidhi karo oo manidaamsana. Xaga nadaafada, cuntada iyo caafimaad kuba wuu liita. Majirto meel Booliska looga ashtakooda amaba laga dacweeya. Waxa lala wada socdaa in Xeerkii booliska ee dhawaanta lasameeyay la siyaasadeeyay oo laga tuuray saddexdii qodob ee muhimka u ahaa bulshada taasoo runtii nasiib daro wayn ah. Seddexdaa qodob oo kala ahaa : inaan Boolisku xabad nool u isticmaalin dadka rayidka ah, in lasameeye guddi booliska looga cowdo oo laga dacweeyo markay danbi galaan iyo in la civilian gareeyo booliska. Arintaasi waxay sababtay madaaa oo aanu jirin masuuliyad iyo la xisaabtan, booliisku in ay siday doonaan u dhaqmaan. Waxa kale oo xaruntu diiwaan galisay dil aan garsoorku jidayn oo Ceel afwayn ka dhacay. 27 bishii todobaad ee sanadakan sii dhamaanaya ee 2019, waxay ciidamada RRU du, magalaadada Ceel afwayn ku dileen marxuum Rooble Mahdi Eidle oo 22 jir ahaa, marxuumku muu hubaysnayn markii dilka loo gaysanayay. Waxa sidoo kale xabado aan loo meel dayin oo ciidamada RRU fureen ku dhimatay marxuumad Sucaad Abdilaahi Ducaale oo 32 ahayd. Sidoo kale waxa dhaawac soo gaadhay shan qof oo kale oo muwaadiniin ah, falkaa sharci darada ah, cidna looma maxkamadayn oodanbi lagumaso oogin, taasina waxay xad gudub cad oo wayn ku tahay dastuurka Somaliland. Sidoo kale waxa warbixin tan ku jira dad dhulkii ay daganayeen xoog iyo awood dowladu kaga saartay, kadib markii ay sheegtay in iyadu dhulkaa madaxtooyo u qoondaysay. arinkaasoo isna sharciga baal marsan. Waayo sida Dastuurkaba ku taal haddii dowladu hanti gaar ah lawareegayso waa in ay magdhow siisaa dadkii dhulka lahaa. Waxa kale oo waxbixintu koobsanaysaa tacadiyada aalaaba haweenku la kulmaan sida kufsiga, sababtuna waxa weeye ma jiro xeer dhaqan gal ah oo u gaara amaba lagula tacaalo tacadiyadaas. waxa kale oo warbixintan ku jira 2 qof oo ku dhintay xarumaha aan sharciga ahayn ee dawo dhaqameed yada dadka lagu daweeyo. Arinkaasoo runtii arin warwarkiisa leh ah. Talo Soojeedin: ü Waxaanu soo jeedinaynaa in booliska isbadal aad u balaadhan lagu sameeyo, iyadoo dastuurka dalka la waafajimayo. Sidoo kale in booliska mid madai ah (oo aan military ahayn) laga dhigo, oo ay hoostagaan maxkamadaha shacabka ee caadiga ah. ü In la abuuro gudi madax banaan oo indhaha ku haysa khaladaadka iyo gafefka sharci ee boolisku geystaan. ü In boolisku joojiyo awooda xad dhaaf ka ah ee uu u had iyo goor u is ticmaalo , mudaharaadayaasha ama dadka raba inay isusoo baxyo sameeyaan. ü Sidoo kale in lamagacaabo gudi madax banana oo baadha, siyaabaha iyo sifaha ay boolisku dadka ku xidhaan. ü In lamagacabo guddi madax banaan oo badhitaan ku samaysa xadgudubyada booliska laga tirsanayo ee kadhacay Ceel –Afwayn, gaar ahaan dilka aan garsoorku jidayn ee ciidamada RRU du ka gaysteen Magaalada Ceel Afwayn, si maxkamed la horkeeno cidii dilka gaystay oo sharciga loomariyo. ü In dowladu ixtiraam weyn u muujiso cabirka rayiga xorta ah, oo aay joojiso xadhiga iyo cago juglaynta ay ku hayso dadka iyada dhaliila. ü In siyaasiyiinta loo ogalaado xuquuqqaha siyaasiga ah ee sharcigu siiyay. ü In dadka loo ogalaado mudaharaadyada sida uu dastuurkuba waajibinayo. ü In dowladu wax ka qabato xarumaha aan sharciga ahayn ee loo furtay dawo dhaqameedyada ee dadka lagu waxyeeleeyo. ü Ugu danbayn waxaan ku baaqaynaa in dowladu joojiso dadka ay sifaha xooga ah een sharciga ahayn dhulkooda uga rarayso ama ugu saarayso. Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Somaliland Qaran News
  15. (SLT-Muqdisho)-Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u Fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta Xarunta Safaaradda Imaaraadku ay ku leedahay Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Jemis Swan. Kulankaan lagama bixin faahfaahin dheeraad ah haseyeeshee Qoraal oo lagu daabacay barta rasmiga ah ee Twitterka Safaaradda Imaaraadka Carabta ayaa lagu baahiyay sawirro muujinayay kulanka. Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan ayaa dhowaan dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib muddo ku dhawaad sanad ah oo uu ka maqnaa magaalada Muqdisho, markii u horeysay ee uu soo muuqdo sanadkaas kadibna waxa ay ahyed furitaankii Machadka Tababarada Diblomaasiyadda kaas oo ay maalgelisay dwladda Qatar. Saameynta Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa aad hoos ugu dhac tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay xayiraadda saartay diyaarad ay laheyd dowladda Imaaraadkataas oo sidday ku dhawaad 10 milyan oo dollar, markii dambana ay la wareegtay dowladda Soomaaliya, iyada oo Imaaraadku ku eedeyeen Soomaaliya in ay meel uga dheceen arrimha diblumaasiyadda caalamka. Source
  16. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta toddoba nin oo ka tirsan Al-Shabaab ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii dhegaysiga kiisku socday mudda toddobaad ah. Saddex ka mid ah toddobada dilka lagu xukumay ayaa joogay maxkamadda, halka afar kalena weli aan gacanta lagu dhigin. Ragga dilka lagu xukumay waxa aku jira Maxamed Xaaji Axmed oo ku magac dheer Ilkacase, kaasi oo lagu eedeeyey inuu madax u ahaa amniyaatka dadka khaarajiya ee Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho. Mid siddeedaad ayaa lagu xukumay xabsi daa’im, halka gabadh lagu xukumay 15 sano oo xarig ah. Dhammaantood waxa lagu helay inay gaysteen falal argagaixiso iyo ka mid ahaansho ururka Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay rag lagu helay Shabaabnimo appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo saaray bayaan ay sheegeen inay ku faah-faahinayaan khasaaraha ka dhashay qaraxii 28-kii bishan ka dhacay isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho. Qoraalkan oo Al-Shabaab ka soo baxay goor dhaw, kuna qornaa luuqadaha English iyo Carabi ayey ku baahiyeen warbaahinta taageerta waxay dadkii ku dhintay qaraxaas u kala saareen shacab, askar iyo ajaanib. Tarada guud ee dhimashada uu sababay qaraxii Ex Control, ayey ku sheegeen 84 ruux, taasi oo ku dhow tiradii dowladda ay shaacisay oo ahayd 81. Si kastaba Al-Shabaab ayaa sheegay in tirada dadka shacabka ah ee weerarka ku dhintay ay yihiin 23, taasi oo xaqiiqda aad uga fog, maadaama dadka ku dhintay qaraxa ay badankood ahaayeen shacab. Al-Shabaab ayaa tirada kale ee dhimashada ku sheegay, 21 Boolis ah, 6 Militeri ah, 9 NISA ah, 4 qof oo ka mid ahaa shaqaalaha dowladda iyo 21 Turkish ah, sida loo dhigay qoraalkooda. Markii laga reebo 23-ka qof ee shacabka ay ku sheegeen inta kale waxay ku tilmaameen kuwii ay beegsanayeen. Al-Shabaab ayaa sidoo kale tirada dhaawaca ku sheegay 69 qof, taasi oo aad u yar tirada 148-ka ah ee dowladda ay shaacisay. Waxay faah-faahintaan ka soo baxday Al-Shabaab ku soo aadeysaa in ka badan 12-saac markii ay sheegteen mas’uuliyadda qaraxii dadka badan lagu laayey oo ay sheegashadiisa ka aamusnaayeen mudo labo maalmood ah.
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa lacag hal bilyan oo shilling ah ka dhintay qarashka ku baxa ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya, taasi oo ah astaan muujineysa inay billaabayaan ka bixitaan tartiib ah, oo ay uga soo tagayaan Soomaaliya, waxaa sidaas qoray wargeyska Business Daily Africa. Inkasta oo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu marar badan ku celiyey in ciidamada ay sii joogi doonaan Soomaaliya illaa ay ka noqoto dal nabdoon, haddana is-beddelka lagu sameeyey miisaaniyadda, ayaa muujinaya is-beddel siyaasadeed. Wasaaradda maaliyadda Kenya ayaa sheegtay in ka fileyso Amisom in uu muddo sanadeedka ku eg bisha June 2020 ay usoo celiso 4 bilyan oo shilling, oo ah lacagta uga baxday ciidankeeda jooga Soomaaliya. Tiradan ayaa 20% ka yar miisaaniyaddii horey ay u dejisayo dowladda Kenya oo ahayd 5 bilyan oo dollar. Dowladda Kenya weli wax war ah kama aysan soo saarin sababta loo dhimay miisaaniyadda ciidamada, iyo inay jirto in ciidamadeeda ay qeyb ahaan ka baxayaan Soomaaliya. Hase yeeshee, wargeyska ayaa qoray in sababta kaliya ee Kenya ay u dhimi karto qarashka uu yahay in la yareeyey ciidamadii joogay Soomaaliya, taasi oo muujineysa in ciidanka Kenya ay qeyb ahana kasoo baxayaan Soomaaliya. Ciidamada Kenya ayaa ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana xooggooda ay taageeraan maamulka Jubaland, oo xiisad ay kala dhaxeyso dowladda federaalka ee Muqdisho.
  19. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-31122019.mp3 View the full article
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho ayaa maanta Xarunta Safaaradda ee Muqdisho kula kulmay ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan. Qoraal lagu daabacay Barta twitter-ka Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa lagu soo bandhigey kulankaas labada dhinac, hase yeeshee laguma faah faahin waxyaabihii ay ka wada hadleen. Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa dhowaan dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib muddo sanad iyo bilo uu ka maqnaa, markii u horeysay oo uu soo muuqdo waxay aheyd furitaankii Machadka Tababarada Diblomaasiyadda oo dhowaan dib u dhis lagu sameeyay, kaasoo ay maalgelisay dowladda Qatar. Kulanka dhex maray James Swan iyo safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa kusoo aadayo waqti wargeys Turkish ah uu Imaaraadka Carabta ku eedeeyey inay ku lug leedahay qaraxii khasaaraha badan dhaliyey ee ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho. Sidoo kale, hay’adda NISA ayaa sheegtay in qaraxaas ku eedeysay dal shisheeye, balse ma aysan magacaabin. Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xilligaan xiriirkooda xumaa tan iyo markii uu xumaaday kadib markii Dowladda Soomaaliya ay Garoonka Muqdisho ku qabatay lacag dhan 10 Milyan oo Dollar oo laga lahaa Imaaraadka. Imaaraadka ayaa sidoo kale Xariir wanaagsan la leh Maamul Goboleedyada dalka Qaarkood sida Puntland, Jubbalnd iyo Somaliland oo iyadu tan 1991 raadinaysa Madaxbanaani ay ka qaadato Soomaaliya inteeda kale. Waxaa sidoo kale Baarlamaanka Soomaaliya ay cod u qaadeen qodob ku saabsanaa in dalka laga saaro Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ka caawin jirtay dhinaca tababarada Ciidamada.
  21. The Federal Election Commission has asked for more detail about thousands of donors to Minnesota U.S. Rep. Ilhan Omar who gave less than $200 each, a group of contributors who poured more than $800,000 into her re-election bid over a three-month period. Agency staff sent a letter to the Minneapolis Democrat’s campaign in late November, seeking more information about the large share of cash from individuals giving $200 or less — the maximum allowed before triggering donor disclosure requirements — in her latest quarterly filing. Such contributions accounted for more than 75% of the $1.1 million Omar reported raising from July to September. The letter, sent Nov. 26, asked Omar to either amend the filing to identify any donors who exceeded the threshold or affirm that all $833,961.64 in unitemized contributions came from individuals who gave less than $200 over the course of the year. Failure to respond, the agency added, could result in an audit or enforcement action. Omar’s campaign responded in a letter sent last week, saying the committee is aware of the limits and “endeavors to fully comply” with the law. The response, signed by campaign treasurer Kate Wittenstein, adds that contribution tracking software used by the committee “flags and aggregates such contributions accordingly.” “If for any reason the Committee were to identify any clerical or other reporting errors the Committee will, of course, amend accordingly,” Wittenstein wrote. Politicians up and down the ballot are increasingly relying on donors who give just a few dollars at a time to boost their campaign accounts. Presidential candidates on both sides of the aisle point to small-dollar donor figures as a sign of grassroots support. An earlier analysis from OpenSecrets.org ranked Omar as one of the House’s top recipients of small-donor cash. Rep. Alexandria Ocasio-Cortez, another young Democrat, led the way at the time, with more than 80% of contributions from donors giving $200 or less. The surge in small donations reported by Omar in the third quarter coincided with an especially high-profile period for the freshman congresswoman, including a clash with President Donald Trump over his tweet saying Omar, a refugee from Somalia, and three other women of color in Congress should “go back” to where they came from. The campaign had previously said it received contributions from 55,577 donors during the fundraising quarter in question with an average donation of $14.55. More than 99% of contributions received during the period were under $200, the campaign said at the time of the October filing. Omar campaign spokesman Jeremy Slevin said in a statement that the reliance on small donors reflects the congresswoman’s belief that “putting people — not corporate PACS — at the center of our politics is the only way to create the transformative change we need.” “We’re proud to build a movement that does just that,” he said. An FEC spokeswoman confirmed receipt of the letter and said staff could follow up with the committee if they have additional questions or need clarification. The exchange wasn’t the first time Omar’s campaign fundraising has come under scrutiny. She was fined $500 by the Minnesota Campaign Finance Board in June for improperly using funds raised as a state legislator for travel. In August, a conservative group filed a complaint urging the FEC to investigate whether Omar illegally used federal campaign funds to pay for personal travel with a political consultant whose estranged wife alleged that he was having an affair with the Democratic congresswoman. An attorney representing Omar and the consultant’s firm dismissed the claims, saying any suggestion that his clients “acted to skirt the law in any way is absolutely false, and completely unfounded.” Source: Star Tribune
  22. Sida ku qoran jadwalkii cusbaa ee ay soo saareen Guddiga Doorashada Galmudug, maanta oo ah 31-ka December waxay aheyd in la dhaariyo xildhibaannada Galmudug laakin ma dhicin. Waxaa kale oo jadwalka ku qornaa in inta u dhaxeysa 24-30-ka bishan ay aheyd xulista iyo shaacinta xildhibaannada Galmudug taasina Sidoo kale ma dhicin. Guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug Cabdinadir Geelle oo horay wareysi u siiyey Goobjoog News ayaa xaqiijiyey inuu ku socon-doono jawdwalkan. Waa markii 2-aad ee uu guddigan ku fashilmo dhowrista jadwalka doorashada, lamana sida ay u fulin-doonaan hawlaha kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Somali PM Hassan Ali Khaire was reported to have held separate meetings in Dhusamareb town with leaders of Ahlu Sunna and local security chiefs ahead of Galmudug elections. The Prime Minister and Galmudug state chief minister Sheikh Mohamed Shakir discussed last night’s clashes between Ahlu Sunna and government soldiers in the town. The clash erupted shortly after the PM arrived in the city on Monday afternoon for talks over the upcoming parliamentary and presidential polls in the Galmudug State of Somalia. Galmudug state has been embroiled by political conflict in the past years over the power-sharing between the powerful Ahlu Sunna and the Federal Government of Somalia. View the full article
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ay dadka badan ku dhinteen ee maalintii sabtidii ka dhacay Ex-Kaantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Hadalka Al-Shabaab ayaa yimid saacado un kadib markii hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay barteeda twitter-ka ku sheegtay inay madaxda qaranka u gudbisay warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in dal shisheeye uu “qorsheeyey” qaraxa. Hadaba maxay ka dhigan tahay in Al-shabaab ay sheegato weerarkan oo ay ku dhinteen in ka badan 80 qof ?, muxuuse yahay xidhiidhka ka dhaxayn kara sheegashadooda iyo warkii ay hore NISA u soo saartay? Ismaaciil Daahir Cismaan oo hore u soo noqday taliye ku xigeenka hay’adda NISA, kuna sugan magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa arrintaan falanqeyn ku sameeyey. Ismaaciil ayaa ugu horeyn sheegay in sheegashada Al-Shabaab ee qaraxaas uu ka fahmay laba qodob oo kala ah: 1) – Markii ugu horeysay oo ay Al-Shabaab qirtaan khasaaro intaas la eg oo ay u geyteen dad shacab ah, iyadoo markii hore looga bartay inay ka aamusaan sida middii Zoobe iyo Shaamow oo aysan jirin ilaa hadda cid sheegatay 2) – Markii ugu horeysay Al-Shabaab oo la arkay iyagoo ka tacsiyeynayo dadkii Shacabka ahaa oo ay iyaga ku laayeen qaraxaas isla markaasna uu bar tilmaameedkooda ahaa labadii qof ee Turkida ahaa oo ay halkaas ku dileen. Mar la waydiiyey Ismaaciil waxa keenay in Al-Shabaab ay hadda sheegtaan Mas’uuliyadda weerarkaas 48 saac kadib, ayuu sheegay in Al-Shabaab lagu qasbay inay sheegtaan mas’uuliyadda weerarka isagoo taas sabab uga dhigay warbixintii uu qoray wargeyska dalka Turkiga kasoo baxa ee lagu sheegay in Imaaraadka Carabta ay ka dambeyso weerarkaas, iyo sidoo kale warbixintii ay soo saartay hey’adda nabad-sugidda Qaranka ee NISA ay iyadana lagu xusay in dal shisheeye uu ku lug leeyahay weerarkaas. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga uu siiyey VOA Soomaali oo dhamestiran https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/547439a2-8c59-4010-82e8-dc6349a38b77_48k.mp3