-
Content Count
214,195 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhalinyaro Soomaali ah oo ku nool dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa lagu soo warramaya in la dilay, kuwaas oo aan la garaneynin sababta loo dilay iyo cida dishay. Xaafad ku taala Waqooyiga Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka waxaa saacidhii lasoo dhaafay lagu dhaawacay laba wiil oo Soomali ah. Dhaawaca wiilashaasi ayaa laga helay baabuur ay ku jireen, waxaana markii dambe dhaawaca u geeriyooday mid ka mid ah wiilashaas. Weerarka lagu qaadaya wiilashan ayaa la sheegay in loo adeegsaday mindi, welina lama shaacin magacyadooda. Inkastoo aan la ogeyn cidda ka dambeysay dilkaas, welina lama oga in uu xiriir la leeyahay dilalkii horay uga dhici jiray Mareykanka ee ay dhalinyarada dhexdooda isu geysan jireen, waxaana booliiska ay sheegeen in ay wadaan baaritaan ku aadan falkaas. “Baabuur ay wateen ayaa laga helay, lamana oga waxa sababay dilka iyo dhaawaca, balse booliska waxay shegeen in wiilashaas la tooriyeeyay, waxayan ay dalbadeen in ciddii wax akhbaar ah ka heysa falkan ay kusoo wargeliyaan”, ayuu yiri Cabdiraxman Mukhtaar oo ah wariye madax banaan oo ku sugan Magaalada Minneapolis. Waxaa kale oo uu Mukhtaar sheegay in meel aan ka fogeyn halka lagu weerary dhalinyarada uu ka dhacay shil baabuur oo aan la garaneyn in arrimahaas ay isla xiriiraan, laakiin hadda, booliska waxay wadaan baaritaan. Dhanka kale, Saddex dhalinyaro Soomaali ah ayaa todobaadkaan lagu dilay Magaalooyiinka Edmanton, Ontario iyo Alberto ee dalka Canada. Dilalkan oo ah kuwa dhalinyarada ay iyagu isu geystaan iyo kuwa loo geysto ayaa waalidiinta dhashay carruurtaas waxay sheegeen “in aysan helin wax caddaalad ah oo la xiriirta dilak carruurtooda”. “Waxaan ku waayay wiilkeyga curudka ah oo 25 sano jir ah, waxaan ka mid ahay koox is abaabushay, una is-taagay in aan wax ka qabano dhalinyarada ku nool Magaalada Edmanton ee is dilaya, waxyaabaha aan qabanay waxaa ka mid ah in qaarkood aan xabsiga kasii deynay, qaarna aan xabsiga ku booqanay, kuwa kalena waxaan u raadinay meel ay ku noolaadaan. Sida dhibaatadaas lagu istaajin karana waxay tahay in aan isu tagno oo aan dowladdana la kaashano”, ayay tiri Aamina Xusseen. Yaa dila dhalinyarada? Maxaase loo dilaa? Waa su’aalaha aan wali la helin jawaabtooda, balse Isnina Cali oo ka mid ah hoyooyiinka Soomaalida ee ku nool Canada ayaa BBC-da u sheegtay in dowladda ay ka gaabisay wax ka qabashada arrintan. “Markaan sheegno oo aan dowladda la wadaagno sida ay wax u dhaceen, wax naga hoos qaado malahan, waxay ila tahay in dhanka Dowladda aanay wax caddaalad ah ka jirin, sababtoo ah dowladda waxay ka koobaan tahay dhowr hay’adood, Soomaalidana kama muuqaato hey’adaas oo ay ka mid tahay maxkamadaha ama caddaaladda, qeybta booliska iyo baaritanaada Soomaalida kama dhex muqato, sidaas awgeed ayaan u maleynaya in ilmaheenna aysan cadaalad u helin”, ayay tiri Isniina Cali. Balse, Liiban Gabeyre oo ka shaqeeya arrimaha bulshada, kuna nool dalka Canada ayaa sheegay in wax ka qabashada arrintan ay tahay mas’uuliyad wadareed oo cid gaar ah aanan lagu eedeyn karin. “Ma jirto cid si gooni ah farta loogu fiiqo, waana ayaan darro. Dilalka noocan ah ee Soomaalida badankooda (dadka ka dambeeya) lama soo qabto.” Inkastoo aan la garaneynin sababta ka dmabeysay dilalkii ugu dmabeeyay ayaa haddana waxaa marar hore dhacday in dhalinyarada qaar ay isdilaan, mararka qaara ay dhibaatooyin kala kulmaan dhalinyaro kale, waxaana falalkan oo muddooyinki dambe aad usoo badanaya kadhahsya in xabsiga loo taxaabo dhalinyaro badan oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu helay in fal geysteen ama booliska ay baaritaan ku wadaan. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu ahaa mid aan hagaagsanayn tan iyo markii lagu dhawaaqay Somaliland inay dib ugala soo noqotay madaxbanaanidooda qaybaha kale ee Soomaaliya 1991-kii. Khilaafka siyaasadeed ayaa sii kululaaday tan iyo markii madaxweyne Farmaajo xafiiska la wareegey. Hadda, bilowga wadahadal kasta oo lala galo dowladda aan iskeed isu maamulin ee Soomaaliya waxay u baahantahay in la helo madaxweyne lagu kalsoonaan karo marka loo eego hogaaminta Farmaajo. Faallo qoraa Muuse Jeex ku qoray luuqada Ingiriiska laguna baahiyey mareegta HornDiplomat shalay oo wargeyska Dawan soo turjumay ayaa la raaciyey: Ka dib xiisadihii siyaasadeed ee ka dhex aloosmay labada dawladood labadii sanno ee la soo dhaafay waxay caddeeyeen in wadahadaladu u baahan yihiin inay lahaadaan hoggaan wanaagsan oo ka yimaada dowladda federaalka. Ujeeddadan awgeed, Somaliland waa dal maamulaya arrimaheeda iyada oo aan lahayn wax saameyn ah oo dibadda ah halka Soomaaliya ay wali dhexda kaga jirto siyaasadaha caalamiga ah ee kala duwan halkaas oo maamulka hadda ka jira Muqdisho uu lumiyay kalsoonida lagu mideynayo shanta dowlad goboleed isla markaana weli ku mashquulsan sidii loo carqaladeyn lahaa Somaliland oo nabad iyo xasilooni ku naaloonaysa. Waxaan rumeysanahay in Somaliland iyo Soomaaliya ay u baahan yihiin wada hadal dhab ah mustaqbalkooda si dhakhso ah gaar ahaan marka uu maamulka Farmaajo meesha ka baxo. Dawladda Somaliland ma aha inay wada hadal la gasho maamulka Muqdisho, illaa marka hore ay fuliyaan heshiisyadii lagu gaadhay shirarkii hore. Waan ku raacsanahay ergayga gaarka ah ee Somaliland ee wada hadalka Soomaaliya, Drs. Edna Aadan oo shaaca ka qaaday in Somaliland ay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Soomaaliya marka dowladda federaalka ay fuliso qodobbadii lagu heshiiyay shirarkii hore. Marka loo eego aragtidayda, Somaliland waxay soo dhawaysay wada hadalada labada dhinac, laakiin nasiib xumo, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa meesha ka saaray dhamaan qodobbadii lagu heshiiyay, maalin ayuu hurdada ka toosay wuxuuna sheegay in saxiixyadiisi madaxweynayaashii hore oo dhan la baabi’iyey. Su’aashu waxay tahay, wada hadaladaan loo baahan yahay dib maloogu soo celin doonaa heshiisyadii hore? Haddii heshiisyadii hore ay yihiin kuwa waxba kama jiraan ah, markaa wadahadal kasta oo cusubi uma qalmo dadaalkiisa. Wadahadalladu waxay u baahan yihiin madaxweyne macquul ah, oo ay doorteen dadka Soomaaliyeed, si ay u ixtiraamaan waxa ay madaxweynayaashii hore ku heshiiyeen, xushmeeyaan ayna leeyihiin awood ay ku hormariyaan wadahadallada. Somaliland ayaa ka baxday wada hadaladii ay la lahayd Soomaaliya iyaga oo ka mudaaharaadaya guddiga cusub ee uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo kaas oo u ku jiro madaxweynihii hore ee Siyaad Barre soddogii. Waxaa cadaatay in magacaabida General C/ qaadir Xuseen Guulwade ay dib u soo celinayso xasuusaha xasuuqii dadka reer Somaliland ee sannadahii 1980-yadii. Ugu dambayntii, waxaan ugu baaqayaa hoggaanka Somaliland inuu baajiyo wada hadal kasta, haddii aanay heshiisyadii hore meelmarinayn maamulka haatan jira ee Muqdisho, ama mid damboo mustaqbalka yimaada ba. Source
-
PRESS RELEASE UAE Rulers congratulate Chairman of Sudan Sovereign Council on Independence Day ABU DHABI, United Arab Emirates, January 2, 2020/ — President His Highness Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, sent a cable of congratulations to Lieutenant General Abdul-Fattah Al-Burhan, Chairman of the Sudan Sovereign Council on his country’s Independence Day. His Highness Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Vice President, Prime Minister and Ruler of Dubai, His Highness Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Crown Prince of Abu Dhabi and Deputy Supreme Commander of the UAE Armed Forces, also dispatched similar congratulatory cables to Al-Burhan on the occasion. His Highness Sheikh Mohammed bin Rashid and His Highness Sheikh Mohamed bin Zayed also sent similar cables of congratulations to Prime Minister of Sudan, Dr. Abdalla Hamdok. Distributed by APO Group on behalf of United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation. SOURCE United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)- Ergayga Midowga Yurub danjire Nicolas Berlanga, ayaa sheegay in xafiiska Midowga Yurub ka shaqaynayo isu soo dhawaynta dadka iyo in masuuliyiintu noqdaan kuwo ay dadkoodu la xisaabtami karaan. Qoraal kooban oo uu danjire Nicolas soo dhigay bartiisa twitterka oo uu ugu tallo galay Soomaalida iyo sannadka cusub, wuxuu ku yidhi sidan “Diblumaasiyadda cusubi wax kasta jawaab umay haynin, laakiin waxa ay noqotay taayir gaadhsiiyey isbeddel togan.” Hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya waxa uu ka shaqeeyaa in uu dadka isu soo jiido, in uu dadeeyo kuwa gaarka u soocan iyo in uu taageero sidii ay masuuliyiintu u noqon lahaayeen kuwo ay muwaadiniintoodu la xisaabtami karaan.” Wuxuu intaas ku daray “Waxa aanu diiradda saaray horumarinta nolosha iyo in aan laga takhalusin.. sannad wanaagsan dhammaantiin.” Source
-
PRESS RELEASE New Year’s Babies: Over 3,900 children were born in Uganda on New Year’s Day In 2020, The Government of Uganda will invest in infrastructure and human resource capacity to improve access and quality of services for women and children KAMPALA, Uganda, January 2, 2020/ — UNICEF is calling for world leaders and nations to invest in health workers with the know-how and equipment to save every newborn. UNICEF estimates that 3,916 babies were born in Uganda on New Year’s Day. Ugandan babies accounted for approximately one per cent of the estimated 392,078 babies born worldwide on New Year’s Day. “The beginning of a new year and a new decade is an opportunity to reflect on our hopes and aspirations not only for our future, but the future of those who will come after us,” said Henrietta Fore, UNICEF Executive Director. “As the calendar flips each January, we are reminded of all the possibility and potential of each child embarking on her or his life’s journey—if they are just given that chance.” Each January, UNICEF celebrates babies born on New Year’s Day, an auspicious day for child birth around the world. Over the past three decades, the world has seen remarkable progress in child survival, cutting the number of children worldwide who die before their fifth birthday by more than half. But there has been slower progress for newborns. Babies dying in the first month accounted for 47 per cent of all deaths among children under five in 2018, up from 40 per cent in 1990. In Uganda, new born deaths have stagnated at 27 deaths per 1,000 live births. The leading causes of new born mortality are complications of prematurity, birth asphyxia and severe infections, while one third of under-five deaths is due to largely preventable or treatable conditions, such as malaria, pneumonia and diarrhoea. Nevertheless, the country continues to make progress in overall child mortality reduction by investing in delivery of essential and quality health services. Between 2011 and 2016 under-five mortality in Uganda reduced from 90 to 64 per 1,000 live births. “The Government of Uganda has invested in ensuring child survival through community and facility level interventions hence the reductions we see in child mortality. Additional efforts will focus on bringing services closer to our people through infrastructural development, including advanced care for all newborns by establishing special care units in Hospitals and Health Centre IVs,” said Dr. Jane Ruth Aceng, Minister of Health. “The Ministry will also strengthen human resource availability and capacity to provide quality care for newborns especially the small and sick babies,” she added. With the support of UNICEF and other partners, other evidence based high impact interventions to improve access of mothers, newborns and children to timely and quality health care are being implemented across the country. The interventions include: ensuring availability of skilled, competent and motivated health workers through training and skills development, provision of essential equipment, commodities and supplies including blood, installation of water, sanitation and hygiene facilities in health centers to prevent infections and a functional referral system for mothers and children with danger signs, especially those in hard to reach areas. Globally, UNICEF’s Every Child Alive campaign calls for immediate investment in health workers with the right training, who are equipped with the right medicines to ensure every mother and newborn is cared for by a safe pair of hands to prevent and treat complications during pregnancy, delivery and birth. “Every year, every decade, lives of millions of children are cut short. Even one life lost is far too many,” said Ms. Noreen Prendiville, Deputy Representative, UNICEF Uganda. “Together, we can change this. With affordable and simple health interventions we can ensure more babies survive to celebrate the first month of life and live into this decade.” Distributed by APO Group on behalf of UNICEF Uganda. SOURCE UNICEF Uganda Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Nin Kufsaday Gabadh Yar Oo 9 Jir Ah Oo La Xakumay, halkan hoose ka DAAWO Source
-
Vosomwo oo Haweenka Somaliland ka Wacyigeliyey Aafada Tahriibta Ururada VOSOMWO iyo hay’adda SIHA Newtowk ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay shir dhalinyarada hablaha ah lagaga wacyigainayo dhibaatada ay tahriibtu leedahay. Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen dhalinyaro ku bahoobay shabakado maxali ah oo ay ka mid tahay Danjire Network oo ay ku bahoobeen dhalinyaro iskaga kala yimid degmooyinka Caasimada ee Hargeysa ayaa laga soo jeediyey mawduucyo ku saabsan dhibaatada tahriibku uu gaadhsiiso dhalinyarada gaar ahaana Hablaha. Ugu horayn waxa kulanka Shirkaasi ka hadashay Hibaaq oo ka socotay ururka Haweenka ee VOSOMWO, waxaanay ugu horayn ka warantay waxa uu u taagan yahay ururka VOSOMWO oo ku hadla codka Haweenka Beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland, waxaanay tidhi “Ururka VOSOMWO waxa uu u taagan yahay ururka codka haweenka Beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland, waa urur waddaniya oo la aasaasay 2004-tii, waxaana loo aasaasay sidii loo raadin lahaa xuquuqaadka iyo sidii ay ugu hadli lahaayeen. Mudadii uu ururkani jiray ururku waxa uu qabtay horumaro la taaban karo oo dhinac walba leh oo ay ka mid yihiin dhinaca Siyaasada iyo dhinaca waxbarashadaba, sidoo kale ururkani waxa uu ka shaqeeyaa sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen siyaasada. Ururku wuxuu khibradd u leeyahay bulshadan uu u shaqaynayo, waxaanu cilmi baadhiso farabadan uu ka sameeyey duruufaha dhaqan dhaqaale ee haysta bulshadan laga tirade badan yahay eek u dhaqan Somaliland. Intaa ka dib kulankeenu waxa uu daaran yahay, arinta tahriibka oo muddo dhan ay iska kaashanayeen ururka VOSOMWO iyo Daladda SIHA NETWORK oo ka shaqaysa Geeska Afrika, waa urur ay ku midoobeen ururada Geeska Afrika, waliba Bariga Afrika ee Somaliland, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya, waxaana jiray Tababaro xidhiidh ah oo loo qabanayey Hablo dhalinyaro ah oo iskaga kala yimid Daami, Maxamed Mooge iyo Istaad-House-ka oo ku saabsanaa aafada ay tahriibtu leedahay, dhibaatooyinka laga dhaxlo. Sidoo kale waxa jiray balo la kulmay tahriibta oo tahriibay oo dhibaatooyin ku soo dhaceen, kuwaas oo la-talin la siinayey oo waxa la isku dayayey sidii bulshada ay ugu soo noqon lahaayeen oo mar kale ay bulshada ka dhex muuqan lahaayeen. Markaa waxa jiray laba urur oo aanu la wadnay hawlahaa oo daladan SIHA ay maalgaalinaysay mashruucan, mid waxa uu ahaa Isir oo ururkaasi waxa uu noqday urur guulaystay oo hawlihiisii waa loo dhameeyey,” ayay tidhi Hibaaq oo ka socotay ururka VOSOMWO. .waxa isaguna halkaasi ka hadlay Galaal oo ah Aqoonyahan dhalinyar ah, isla markaana u ololeeyaha arimaha dhalinyarada, kaas oo iftiimiyey waxyaalaha keena tahriibta, waxaanu yidhi “Marka aynu usoo jeedsano mawduuca aynu ka hadlayno ee Tahriibta, Tahriibta waxa keena baahi, markaa hadii qofka dhibaato haysata laga horistaago, tusaale ahaan Wiil ama Gabadh mudo geedi waxbarasho soo waday markaa haduu waayo wax uu geedigaa waxbarasho uu kaga nasto ama uu ku naaloodo ama uu ku nasanayo uu waayo, wuu tahriibayaa. Markaa dhinac walba waa la rogrogay oo Somaliland waa laga qiimeeyey waxa keenaya Tahriibta waliba ay hablo u badan yihiin waxa keenaysaa waa baahi, Baahidii hadii qofka laga joojin waayo wax markaa qofku uu soo kordhinaysaa ma jirto,” ayuu yidhi Aqoonyahan Galaal oo u ololeeya arimaha dhalinyarada. Dhinaca kale waxa isaguna madasha kulankaasi ay yeesheen ururada VOSOMWO iyo SIHA waxa ka hadlay Nuuradiin oo ah masuulka Dalada SIHA Network u qaabilsan Somaliland, waxaanu yidhi “Hawshani waxay ahayd hawl aynu inbadan soo wadnay anaga oo isla kaashanayna ururka VOSOMWO iyo hadda SIHA, waxaana aanu ku dooranay VOSOMWO in dadka inta dhibtu taabato ay la shaqayso, waxaana mashruucan loogu talo galay in dadkaasi Tahriibaya waxyigalin laga siiyo dhibaatada tahriibka. Maaha markii ugu horaysay oo hawshan oo kale aanu bilawnay, waxa kale oo jira urur kale oo la yidhaa Danjire Association oo 40 hablood ka kooban oo iyaguna shanta waaxood ee magaalada Hargeysa ka kala socda. Cilmi baadhis aanu samaynay waxa ay muujinaysaa oo mashruucani uu si gaar ah taxadir uga muujinayaa ama uu u khuseeyey inta badan dadkani waa hablahaha ay da’doodu ka hoosayso 14-22 jirka, waa kuwa inta badan u tahriiba xagaa iyo dalalka Carabaha. Carabaha marka ay dadkaasi tagayaan Puntland ayay maraan kadiban Yemen ayay tagaan waxaanay ku dambeeyaan Sucuudiga, sidaa marka ay tahayna dhibaato badan iyo tacadi badan ayay kala kulmaan,” ayuu yidhi Nuuradiin oo ah Masuulka u qaabilsan dalada SIHA Networka Somaliland. https://m.youtube.com/watch?feature=emb_title&v=etcGT38maKQ Qaran News
-
Lamu (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaaa lagu dilay weerar ay kooxda Al-Shabaab goor dhow ku qaadday bas marayey deegaanka Nyongoro ee Lamu ee dalka Kenya. Saddex qof oo kale ayaa lagu dhaawacay weerarka, sida uu xaqiijiyey madax booliska Lamu Count, Irungu Macharia. Baska la weeraray ayaa ka yimid Mombasa, wuxuuna u socday Lamu. Waxaa la hakiyey isu socodka dhammaan gawaarida isaga kala gooshta Lamu iyo Garsen, waxaana goobta lagu daad gureeyey ciidamada amniga iyo militariga. Weerarkan ayaa yimid toddobaad un kadib markii Al-Shabaab ay 10 qof ku dishay qarax miino oo ay bas kale kula beegsatay deegaanka Kotulo ee dalka Kenya. Wararka ku saabsan weerarkan ayaa weli isa soo taraya, naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah.
-
Kornayl Siciid Cawil Caare oo hoggaamin jiray jabhad hubaysan ayaa heshiis la gaaray xukuumadda Somaliland. Kornayl Caare ayaa maanta oo Khamiis ah duleedka magaalada Ceerigaabo ciidankiisii iyo hubkoodii ku wareejiyey guddigii dhexdhexaadinta jabhaddiisa iyo xukuumadda Somaliland. Caare oo ka hadlay halkii uu ku wareejinayey jabhadiisa ayaa sheegay in uu wareejinayo 900 oo ciidan ah iyo hubkooda, sidoo kale waxa uu madaxweynaha iyo Taliyaha ciidamada Somaliland ugu baaqay in ay sameeyaan Caddaalad. Korneyl Caarre ayaa wararku sheegayaan in uu aadi doono dalka Ingiriisa, si uu cafis uga soo dalbado Somaliland, taas oo horey shuruud uga dhigay Muuse Biixi. Ergo ka kala socotay Beesha Caare iyo Xukuumadda Somaliland ayaa in dhawaale wadey wada-hadallo lagu xalinayo tabashada Caare, iyagoo ku guuleystay inay ciidamada Caare kasoo saaraan buurihii ay ku jireen ee duleedka magaalada Ceerigaabo. Kornayl Caarre ayaa bishii May sanadkii 2018-kii ka goostay ciidamada Somaliland, isagoo ku dhawaaqay jabhad ka dhan ah xukuumadda Muuse Biixi, waxaana xiligaas fariisin ciidan laga siiyey meel u dhow degmada Qardho Puntland, balse markii dambe wuxuu u wareegay buuraleyda Waqooyiga gobolka Sanaag. Caare ayaa markii hore ka carooday dagaal Beeleed ka socday Ceel-Afweyn, balse markii dambe ku dooday in uu u halgamayo sidii uu meesha uga saari lahaa Caddaalad darro uu sheegay in ay ka jirto qaab dhismeedka xukuumadda Somaliland. PUNTLAND POST The post Ceerigaabo: Kornayl Caare oo wareejiyey jabhadiisii appeared first on Puntland Post.
-
Three people were killed in a suspected Al-Shabaab attack on a bus Thursday at Nyongoro area, Lamu County. Source: Hiiraan Online
-
Kornayl Siciid Cawil Caarre, oo xidhan dharka madax-dhaqameedka ayaa maanta guddida dhexdhexaadinaysay Jabhaddiisa iyo xukuumadda ku wareejiyay ciidankiisa iyo hubkoodii. Buurta Daallo, ayaa lagu qabtay munaasabadda uu ku wareejinayay ciidamada. Caarre, ayaa isaga loo badinayaa in uu dalka ka bixi doono si uu cafis u soo dalbado. Arrintan soo afjarkeeda waxa kaalin weyn ka gaystay Odayaasha dhaqanka ee Beesha uu ka soo jeedo Kornayl Caarre. , halkan hoose ka DAAWO Source
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane; Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirka arrimaha gudaha iyo xubno ka tirsan Baarlamanka Labada Gole ee Dalka ayaa kulan wadashi ah la qaatay, qaar kamid ah Odayaasha dhaqan Galmudug ee ku sugan Magaaladda Dhuusamareeb. Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda kale ayaa waxay Odayaasha kala hadleen sidii loo dadajin lahaa dhismaha maamulka Galmudug loo dhan yahay, iyagoo isku Afgartay dhammaan qodobbadii laysla soo qaaday. Wafdiga uu hoggaaminaya Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa Magaalada Dhuusamareeb u jooga sidii loo dar-dar gelin lahaa dhismaha maamulka Galmudug loo dhan yahay iyo turxaan bixinta tabashooyinka Bulshada degaannadaasi ku dhaqan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-02012020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha rayidka ee dowladda ayaa dib ugu celiyey Wasiirka Wasaaradda Warfafainta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Agaasimayaal uu Magacaabey. Wasiirka ayaa horey xilka uga qaaday lix agaasime, waxaana warqad kasoo baxday Guddiga ay ku sheegeen in Guddiga dallaacada ee Wasaaradda aanay u dhameyn tirada (kooramka), go’aan ka qaadan kartay sida uu qabo sharciga Shaqaalaha. Sidoo kale Qoraalka Guddiga ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in dib loo eego nidaamka xilka qaadista iyo Magacaabista.
-
Qaran News
-
Hundreds of people took to the streets of Mogadishu on Thursday, condemning massive explosion that killed nearly 90 people and wounded more than 140 others. The protest came in response to a call from the city’s mayor for a massive rally to pray for those killed and injured in Saturday’s truck bombing at the Ex-control Afgoye On Dec 28. The militant group al-Shabab has claimed responsibility for the attack, saying it was targeting Turkish convoy escorting by Somali soldiers. The deadly bombing left two Turkish nationals dead who were working on a Qatar-funded road project on Mogadishu-Afgoye street. Al-Shabaab offered condolences to the families and friends who lost their loved ones in its attack, which has drawn global condemnations. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Bannanbax labaad oo rabshado wata ayaa kas ocda magaalada Muqdisho, kadib markii dadweyne careysan isugu soo baxeen isgoyska Ex. Kontrol Afgooye ee qaraxu ka dhacay. Dadka bannaanbaxaya ayaa xiray jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, waxayna dhagxaan ku shidayaan Gaarigii isku daya inuu wadadaasi maro, iyado gubaya lugaha baabuurta. Dadka banaanbaxa wada ayaa sheegay inay ka horjeedaan ciidamada dowladda oo Jiingad ku xiray goobtii ay ganacsiyada ku lahaayeen ee Ex. Koontrol Afgooye Qaraxa kadib, ayna tuhunsan yihin in dowladda ay la wareegeyso si ay ganacsato kale u siiso. Bannaanbaxayaasha ayaa markii dambe ku dhawaaqayay ereyo ay uga so horjeedaan madaxda Dowlada Soomaaliya, iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ay ka yihiin: “FARMAAJO DOONI MEYNO…” Bannaanbaxa ayaa weli kas ocda Ex. Kontrol Afgoye, wuxuuna kusoo beegmayaa iyadoo uu magaalada Muqdisho ka socdo bannaanbax kale oo ay soo abaabushay dowladda Soomaaliya, siiba maamulka Gobolka Banaadir kaasoo looga horjeedo Ashabaab.
-
Two terror suspects are among three wanted persons police associate with criminal gangs operating in Nairobi and Mombasa counties. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Xabsiga dhigay ilaa seddex sarkaal oo loo heysto seddex maxbuus oo maalmo ka hor ka baxsaday xabsiga Dhexe ee Muqdisho. Sidoo kale Taliska Asluubta ayaa xiray askar ka tirsan ilaalada Xabsiga oo lagu tuhunsan yahay inay la shaqeenayeen maxaabiistii xabsiga ka baxsatay ee xukunada kala duwan ku xukunaa. Ragga baxsaday ayaa la sheegay inay ku xakumanaayeen xabsiyo dhaadheer kaddib markii lagu eedeeyay kamid ahaanshiyaha Al-shabaab iyo dhibaatooyin ay ka geysteen gudaha dalka. Mid ka mid ah maxaabiista baxsaday ayaa ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen in la qabto, waxaana lagu qabtay agagaarka Kawaanka Xamar Weyne, balse weli waxaa la la’yahay laba ka mid ah maxaabiista. Labada maxbuus ee weli ka maqan gacanta dowladda ayaa mid ka mid ah wuxuu ku xukunnaa xabsi daa’in halka mid kale uu ku xukunnaa 15 sano. Saraakiisha la xiray ayaa la sheegay inuu ku jiray taliyaha heegganka heystay habeenkii ay baxsadeen saddexda maxbuus. Weli wax war ah kama aysan soo bixin Taliska asluubta Soomaaliyeed ee ku aaddan dhacdadaan, balse waxaa jiray isbeddel ay ku sameeyeen Taliska xabsiga dhexe ee xamar oo taliye cusub loo magacaabay.
-
Popular Contributors
