-
Content Count
214,195 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Khalkhal Amni oo ka jira magaalada Muqdisho Tan iyo markii uu dhacay weerarkii xooganaa ee Ex-Control Afgooye waxaa soo badanayey qal qalka amni ee ka jira magaalada Muqdisho. Ciidanka ammaanka ee dowladda ayaa sidoo kale aad u adkeeyey amniga, gaar ahaan waddada Maka Al-Mukarama oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan ee Caasimada. Sidoo kale ciidamada amniga, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa barqadii maanta isku hareereeyey gaari Saarif ah oo yaallay inta u dhexeysa shaqaalaha iyo waddada Xaaji Baasto, halkaasi oo muddo hakad la galiyey isku socodka dadka iyo gaadiidka. Gaariga oo ay cidna saaryneyn ayaa looga shakiyey inay saaran yihiin walxaha qarxa, balse waxaa markii dambe yimid qofkii lahaa, iyadoona ay xaalada caadi ku soo noqotay. Shalay galab sidaan oo kale ciidamada dowladda ayaa isku hareeyey gaari ku baakinaa waddada Maka Al-Mukarrama, gaar ahaan laamiga dhiniciisa, meel aan ka fogeyn halka loo yaqaano Xaaji Baasto, waxaana in muddo ah xirnaa dhaq dhaqaaqa waddadaasi. Ciidamada ayaa markii dambe furay waddada, kadib markii uu yimid qofkii lahaa gaariga oo su’aalo ay weydiiyeen saraakiisha hay’adaha amniga, laguna ogaaday in uusan sidin qarax. Arrintaan ayaa muujineysa, sida ay u feejigan yihiin ciidamada Booliska, kadib weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho. Wixii ka dambeeyey weerarkaasi dowladda federaalka ayaa loogu baaqayey inay wax ka bedasho qorshaheeda amniga, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada. Qaran News
-
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax waxa uu bulshada reer Somaliland Gudo iyo dibedba ugu Hambalyaynayaa curashada Sannadka Cusub ee miilaadiga 2020-ka. Oo Maalinta Beri Arbacada bilaabmaya. Gudoomiyuhu waxa uu Rabbi uga baryay inuu Inooga dhigo sanad badhaadhe, Nabad, Aqoonsi iyo horumar buuxa uu qarankeena Jamhuuriyada Somaliland gaadho isla markaana wadajir siyaasadeed iyo mid bulshoba inoo horseeda. Shaqaale weynaha iyo Dhamaan qoysaskoodana waxa uu u rajeey Farxad iyo fantasiyo Sanadkaas sanadkiisana ay caafimaadsan, Cimri dherer iyo cibaado suuban ku gaadhsiiyo. ALLAA MAHAD LEH Suleymaan Cabdisitaar Dubad Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Golaha Wakiilada JSL. Qaran News
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin culus oo ku aadan weerar ay kooxda Al-Shabaab damacsan tahay inay la beegsato diyaaradaha isticmaalo Hawada Dalka Kenya. Digniintaan ayaa waxaa soo saartay Hay’adda Duullimaadka Hawada Mareykanka ee loo yaqaan FAA kadib markii ay heshay xog ku saabsan qorshaha ay Al-Shabaab ku dooneyso inay ku weerarto diyaaradaha kala duwan ee adgeesada Hawada dalka Kenya. Warbixinta ay soo saartay FAA ayaa lagu sheegay inay kooxda Al-Shabaab qorsheeneyso inay fuliso weeraro ka dhan ah Diyaaradaha isticmaalo Hawada Kenya iyadoo adeegsaneyso lidka diyaaradaha, Hoobiyayaasha iyo hubka fudud ee gaari kara Fl260 joogga dhulka. Warbixinta ayaa lagu sheegay in weeraradaan ay dhici karaan marka diyaaradaha ay degayaan ama duulayaan oo ay dhulka aad ugu dhowyihiin. Hey’adda FAA ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo adkeeyo ammaanka hawada Kenya si looga fogaado weerrada ay qorsheeneyso kooxda Al-Shabaab. Hey’adda ayaa ku baaqday sidoo kale inay diyaaradaha muujiyaan taxadar dheeraad ah isla markaasna ay iska ilaaliyaan inay ku duulaan jawi hoose si looga fogaado weeraradaas qatar ah ee kusoo fool leh. Hey’adda ayaa xustay inay digniintaan dib u eegis ku sameyn doonto 26ka Bisha February ee sanadkan 2020. Digniinta kasoo baxday hey’adda FAA ayaa kusoo aadeyso xilli ay Al-Shabaab laba jibaareen weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya. Al-Shabaab ayaa horey wacad ugu martay inay joojin doonin weerarada ay ka fuliyaan gudaha Kenya inta ay ciidamada Kenya isaga baxayaan gudaha Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo badan oo ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM kaasoo Soomaaliya ka socdo in ka badan 10 sano, waxayna dowladda Kenya sheegtay inaysan ciidamadeeda kala bixi doonin Soomaaliya inta laga ciribtirayo Al-Shabaab.
-
Sawirro: Dhismaha xarunta Warta Nabadda oo la dhagax dhigay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xarunta degmada Warta Nabada oo 14-kii bishii May ee sanadkii hore qarax lagu burburiyey. Guddomiyaha ayaa sheegay in xaruntan loo dhisi doono qaab casri ah, si dib bulshada ay ugu shaqeeyso. Sidoo kale Cumar Filish ayaa tilmamay in mamulka gobolka Banaadir uu diyaar u yahay inuu dhiso xarumaha muhiimka u ah bulshadda. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article -
Taliyihii xabsiga dhexe ee Xamar, Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile ayaa si rasmi ah xil ka looga qaaday, kadib markii dhowaan dib loogu celiyey shaqada. Wararka ayaa sheegaya in taliyaha ciidanka Asluubta, Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu gabi ahaan xil ka ka xayuubiyey Xirsiile. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xil kaasi loo magacaabay, Gaashaanle Sare Aadan Xuseen Kulmiye oo bedalaya, Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile. Taliyihii hore ee xabsiga dhexe ayaa dhowaan mid ka mid ah isbitaalada magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho kala soo baxay bukaan xabsiga dhexe ku xanuunsaday oo markii dambe geeriyooday, kaas oo lagu macaabayey, Xasan Kurtun Calasow. Arrintaan ayaa waxaa si aad ah uga xumaaday dad badan, kadib markii muuqaal laga duubay xilligaasi taliye Xirsiile la soo dhigay baraha bulshada ee Internet-ka. View the full article
-
Somali forces on Wednesday carried out an operation against the al-Qaeda-affiliated terror group al-Shabaab in southern Somali, killing 20 al-Shabaab terrorists and liberating seven villages, said an army commander. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Siyaasiga caanka ee Muuse Cali Jaamac iyo qaar ka mid odayaashii dhaqanka ee dhowaan lagu xiray magaalada Boosaaso ayaa maanta dowlad goboleedka Puntland waxa ay soo taagtay maxkamadda darajada koowaad ee G/Bari. Maxkamadda ayaa u fariisatay dacwadda loo heysto siyaasigaan iyo odayaasha kala ah, Nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe, Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax, Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble iyo Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo), kuwaas oo lagu eedeeyey arrimo la xariira kicin dadweyne Ugu horreyn maxkamada ayaa dhageysatay eedaha xeer ilaalinta, iyadoona intaasi kadib ku dhawaaqday in markale la’isugu soo laaban doono dhageysiga dacwadda maalinta Axada ee todobaadka dambe. Siyaasiga Muuse Cali Jaamac iyo odayaasha dhaqanka ee la xiran ayaa xabsiga ku jira ku dhowaad muddo bil ah. Xarigooda ayaa sidoo kale Boosaaso ka abuuray xiisad xoogan oo u dhexeysa xukuumadda Siciid Deni iyo waxgaradka ku dhaqan magaaladaasi. View the full article
-
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay aad uga xun tahay Warka ka soo Baxay Hay’adaha Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC &SRCS) Soomaaliya, oo weerarkii iyo Xasuuqii 28 Dec 2019 Argagixisadu kusoo qaaday shacabka Soomaaliyeed ku tilmaamay Iska hor imaad u dhexeeyay laba Dhinac. Warka ka soo baxay ICRC iyo SRCS wuxuu meel ka dhac iyo xadgudub ku yahay guud ahaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Argagixisadu soo weerartay gaar ahaana dadkii ku Waxyeeloobay oo u badnaa Arday, caruur iyo hooyooyin iyagoo aan waxba galabsan Argagixisadu Xasuuq u geysatay. Hay’adaha ICRC iyo SRCS iyo hay’adaha lamidka ah waxaan usoo jeedineynaa inay kala saaraan Ereyada dhiirrigelinta u ah Argagixisada iyo ka hadalka dhibaatooyinka dhaca, maxaa yeelay hadalka Kasoo baxay labadaas hay’adood wuxuu marin habaabin ku sameynayaa muuqaalkii uu lahaa Weerarkii Argagixiso ee 28/12/2019, Labada Hay’adood aan kor ku soo sheegnay iyo kuwa la midka ah ee ka hawlgala Soomaaliya Waxaan la socodsiinaynaa in Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dagaal kula jiraan Argagixiso duullaan ku ah Dadkooda, Dalkooda iyo Diintooda. Sidaas daraadeedna ay xadgudub tahay in argagixiso u taagan xasuuqa shacabka la barbar dhigo Dawladda Soomaaliya oo ficilla dooda loo yeelo waji wanaagsan. Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya waxa ay dhinaca kale soo dhaweyneysaa War-Murtiyeedkii Kasoo baxay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo 30-kii Dec. 2019 Kulan dag dag ah ka Yeeshay Weerarkii Argagixisada Al Shabaab ay ka geysteen Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu laayay Dad Shacab ah oo aan waxba galaybsan. DHAMAAD View the full article
-
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye oo weli ku sugan Dhuusamareeb ayaa kulan isugu yeeray odayaasha dhaqanka ee Galmudug. Kulanka oo ah mid deg deg ah ayaa waxaa looga arrinsanayaa qorshaha soo xulista xildhibaanada cusub ee maamulkaasi,sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in beelaha qaar ay tabasho ka ka keeneen 20-tankii xubnood ee ay dhowaan soo xushay Ahlu Sunna, taas oo kulankaan soo dadajisay. Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa kulamo gooni gooni ah ka wada Dhuusamareeb, kuwaas oo uu la leeyahay hoggaanka Ahlu Sunna. Intooda badan kulamadaan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Dowladda federaalka ayaa waqti badan ku bixisay Dhismaha maamulkaan oo muddo dheer soo jiitamayey, inkastoo haatan uu marayo wejigiisii ugu dambeeyey. View the full article
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo saaka ka dhacay gudaha degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala eegtay ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ka holwgala degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore saldhig milatari oo ciidamadaasi ku leeyihiin halkaasi. Ugu yaraan labo askari oo ka kala tirsanaa labada dhinac ayaa ku dhintay qaraxaan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana ay xaqiijisay inay ku dishay labo askari oo uu mid ka mida ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Itoobiya. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxaasi. Xaaladd ayaa hadda degan, waxaana baaritaano kooban ciidamada huwanta ay ka sameeyeen gudaha degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay. View the full article
-
XF oo ka warbixisay Kalluun ku soo caariyey xeebta Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasaaradda Kallumeysiga ee Soomaaliya ayaa faah-faahin hor dhac ah ka bixisay kalluun shalay kasoo caariyay Xeebta Magaalada Muqdisho. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kallumeysiga, Maxamuud Sheekh Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kalluunkaas uu kusoo caariyey Xeebta u dhaw Xerada Xalane, isla markaana aysan jirin meel kale oo lagu arkay. Kalluunkaas oo aad u badnaa ayaa subaxii hore ee shalay lagu arkay Xeebta, waxuuna sheegay Agaasimuhu inuu yahay hal nooc oo yar-yar laguna magacaabo Ceydi, kaas oo kalluumeysatadu ay ku dabtaan kalluunka kale ee waaweyn oo uu sheegay inuu cuno. Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in ay Wasaaradda Kalluumaysigu waddo baaritaan ku aaddan waxa sababay in kalluun intaas la’eg uu bannaanka u soo baxo. Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in ay Kalluunka ku jira Xeebaha Soomaaliya ka qaadayaan DNA-ga, si looga hor tago jillaabshada qarsoodiga ah, iyadoo sharciga lala tiigsan doono Dalkii lagu arko Dekadihiisa. View the full article -
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-01012019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor-timid warbixin ay Hay’adda Laan-qeyrta Cas ee caalamiga ah iyo hay’adda Bisha cas ee Soomaaliyeed, (ICRC iyo SRCS), kasoo saareen qaraxii 28-kii December ka dhacay isgoyska Ex-Control ee magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu ka xun tahay in in Bisha Cas iyo laan-qeyrta Cas ay weerarkaas “ku qeexeen iska hor imaad u dhexeeyay laba Dhinac.” Qoraalka ay ka hor-timid dowladda ee kasoo baxay labadan hay’ad ayaa u dhignaa sidan: “Dhab ahaantii aad ayaan uga naxnay weerarkan [Ex-Control]. Mar labaad, shacabka ayaa ah kuwa ku dhacaya cawaaqibka iska-horimaadka mana ahan wax la aqbali karo. Waxaan jecel nahay inaan xusuusino dhammaan dhinacyada ku lugta leh iska-horimaadka inay ka digtoonaadaan dadka rayidka ah. Waa in la dhowraa. Waa in la badbaadiyo.” ayuu yiri Maxamed Ibraahim oo ah kormeera hawlgallada ICRC ee caasimadda Soomaaliya. “Warka ka soo baxay ICRC iyo SRCS wuxuu meel ka dhac iyo xadgudub ku yahay guud ahaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Argagixisadu soo weerartay gaar ahaana dadkii ku Waxyeeloobay oo u badnaa Arday, caruur iyo hooyooyin iyagoo aan waxba galabsan Argagixisadu Xasuuq u geysatay.” Wasaaradda warfafainta ayaa ugu baaqday Hay’adaha ICRC iyo SRCS “inay kala saaraan Ereyada dhiirrigelinta u ah Argagixisada iyo ka hadalka dhibaatooyinka dhaca”, sababtoo ah bay tiri wasaaradda “hadalka Kasoo baxay labadaas hay’adood wuxuu marin habaabin ku sameynayaa muuqaalkii uu lahaa Weerarkii Argagixiso ee 28/12/2019,” “Qoraalka ayaan intaas ku daray “Labada Hay’adood aan kor ku soo sheegnay iyo kuwa la midka ah ee ka hawlgala Soomaaliya Waxaan la socodsiinaynaa in Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dagaal kula jiraan Argagixiso duullaan ku ah Dadkooda, Dalkooda iyo Diintooda.” Sidaas daraadeedna, baa la yiri “ay xadgudub tahay in argagixiso u taagan xasuuqa shacabka la barbar dhigo Dawladda Soomaaliya oo ficilla dooda loo yeelo waji wanaagsan.” Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay war-murtiyeedkii kasoo baxay golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo 30-kii dec. 2019 kulan dag dag ah ka yeeshay weerarkii argagixisada Al-Shabaab ay ka geysteen magaalada Muqdisho, kaasoo lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galaybsan.
-
The Somali Special Forces (Danab Brigade) killed 20 al-Shabab extremists in the country’s southern region of Lower Shabelle on Tuesday, a military official said Wednesday. Ismail Abdi Malik, commander of the 16th Unit of Somali Special Forces, told journalists that “our forces have taken control of many villages during the operation, such as Mordinle, Bula Maskin, Faqayle, Bula Bashir and we inflicted heavy casualties on the militants, killing 20 of them during the offensive.” He added that the army will maintain operations until it drives the militants out of the whole region. Residents said there was an intense confrontation between the government army and al-Shabab militants. Al-Shabab is an Islamist militant group allied to al-Qaida. Based in Somalia, it seeks to establish an Islamic state in the country and reached its peak in 2011 when it controlled parts of the capital city of Mogadishu. The Somali army, with support of the African Union forces, drove all al-Shabab militants out of Mogadishu in August 2011. Since then, the army has been fighting with the militant group in the country’s southern and central regions. In retaliation, al-Shabab has launched a series of deadly terrorist attacks across the Eastern African country. View the full article
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Tuesday carried out induction for newly deployed police officers to strengthen law and order in the Horn of African State. A statement from AMISOM said that 37 police officers from Kenya, Ghana, Sierra Leone, Uganda, and Zambia underwent an eight-day induction process before commencing their tour of duty in Somalia. “During their time of service in AMISOM, the police officers will train, mentor, and advise their Somali police counterparts to help build their capacity in order for them to take effective charge of policing in the country,” said AMISOM. It said the training covered emerging issues in peacekeeping operations, human rights, Somalia culture and operational support to the country’s police force. Augustine Magnus Kailie, the AMISOM police commissioner urged the officers to respect diversity and work diligently to build the capacity of their Somalia counterparts amid myriad security threats. Emelia kyekye, a police officer from Ghana pledged to respect local customs and offer the much-needed expertise to boost law, order, and peace in Somalia. “We are now in a better position to train and mentor our Somalia counterparts on modern policing that is key to strengthen the rule of law and stability in the country,” said kyekye. Joseph Ongaya, a Kenyan police officer hailed the induction course, saying it broadened his world views and ability to interact with people from diverse cultural backgrounds. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Wasiirka Wasaardda Arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye uu kulan deg deg ah isugu yeeray Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jueeda degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel. Ujeedada kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in hoggaanka Ahlusunna lagala hadlo Xildhibaanada Ahlusunna soo xulatey iyo sidii Odayaasha looga heli lahaa aqbalaad. Qaar kamid ah Beelaha dega deegaannada Galmudug ayaa kasoo horjeestay 20 Xildhibaan ee Ahlusunna la siiyey sida ay beelaha ugu qeybiyeen taas oo curyaamisey dhismaha Maamulka Galmudug. 30-ka Bishii la soo dhaafay ee December Sanadkii 2019 ayaa qorshuhu ahaa in lagu dhawaaqo Xildhibaannada Cusub ee Galmudug,balse aan weli la xulin,waxaana taasi ay dib u dhigeysaa xilliga ay dhici lahaayeen doorashooyinka Guddoomiyaha Baarlamaanka,Madaxweynaha & kuxigeenkiisa. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Ra’iisul Wasaaraha dawlada Soomaaliya Xasan Cali khayre uu xalay guriga uu ka daganyahay magaalada Dhuusameeb ee xarunta maamul Goboleedka Galmudug kulan kula qaatay Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud. Kheyre iyo Macallin Maxamuud ayaa ka wada hadlay dardargelinta iyo dhameystirka dhismaha maamul loo dhanyahay oo ay Galmudug yeelato. Sidoo kale waxaa la sheegay in kulanka looga hadlay in wax kabadal lagu sameeyo beelaha ay kasoo xuleen xubnaha xilibaanada kamid noqonaya golaha wakiillada Galmudug. Kulanka ayaa kusoo dhamaaday isfaham, iyadoo ay goobjoog ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha dawlada fedralka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo xubno ka socday Ahlusunna.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa waxaa maanta ka soo muuqday siyaasiga Muuse Cali Jaamac iyo qaar ka mid odayaashii dhowaan lagu xir xiray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Maxkamadda ayaa u fariisatay dacwadda loo heysto siyaasigaan iyo odayaasha kala ah, Nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe, Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax, Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble iyo Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo). Odayaasha iyo siyaasigaan ayaa waxaa lagu eedeeyey kicin dadweyne oo ay ka wadeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Sidoo kale maxkamadda ayaa markii ay dhageysatay xeer ilaalinta ku dhawaaqday in markale la’isugu soo laaban doono dhageysiga dacwadda maalinta Axada ee soo socda. Siyaasiga Muuse Cali Jaamac iyo 4-ta oday ee kale ayaa ku dhowaad bil u xiran maamulka Puntland, waxaana loo heystaa shirar ka dhan ah xukuumadda oo ay qabteen. Tan iyo markii xabsiga la dhigay odayaashaan ayaa waxaa Boosaaso ka jiray xiisado xoogan oo ka dhashay xarigooda oo u dhexeeyey Siciid Deni iyo waxgaradka magaaladaasi.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii xabsiga dhexe ee Xamar, Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile ayaa si rasmi ah xil kii looga qaaday, kadib markii uu dhowaan shaqada dib ugu celiyey taliyaha ciidamada Asluubta, Mahad Cabdraxmaan Aadan. Dowladda federaalka ayaa soo faragelisay arrintaan, iyadoona ka hortagtay tallaabadii shaqada dib loogu soo celiyey taliyahaasi. Taliyaha cusub ee Xabsiga dhexe ayaa axaa loo magacaabay, Gaashaanle Sare Aadan Xuseen Kulmiye, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Xirsiile ayaa waxaa horay looga soo duubay muuqaal, isagoo mid kamid ah isbitaalada Muqdisho kala soo baxay bukaan xabsiga dhexe ku xanuunsaday oo ay dhakhaatiirta xabsiga sheegeen inaan wax looga qaban karin isbitaalka ku yaal gudaha xabsigaasi. Bukaankaas oo lagu magacaabi jiray, Xasan Kurtun Calasow oo ku jiray xaalad halis ayaa ugu dambeyn ku geeriyooday xabsiga dhexe ee Xamar. Arrintaas ayaa sababtay in dad badan oo daawaday muuqaalka la dhigay baraha bulshada ay ka caroodeen falkaan naxtinta leh , iyadoona sidoo kale ehelladada marxuumka ay dalbadeen in xil ka laga qaado taliyaha, misana la hor keeno cadaalada. Xil ka qaadistaan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan labo maxaabiis ah oo u xirnaa Al-Shabaabnimo ay ka baxsadeen xabsiga dhexe ee Xamar.
-
Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa lagu soo waramayaa in qarax lagula eegtay degmada Qansax Dheere ee gobolka Baay, kaasi oo khasaare uu ka dhashay. Qaraxan waxaa la sheegayaa inuu ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso, waxaana uu ka dhacay fariisin ay ciidankaan ku leeyihiin nawaaxiga saldhigga Booliiska Qansaxdheere. Labo Askari oo ka kala tirsanaa ciidanka Itoobiya iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa lagu soo waramayaa in qaraxan ay ku dhinteen, waxaana ku dhaawacmay Afar kale. Qaraxa kadib, ciidanka Itoobiya ayaa jihooyin badan u furay rasaas aad u badan, lamana oga khasaaraha ay rasaastaasi geysatay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka, kaddib markii ay ansixiyeen Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Madaxwenaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Gole oo wadajir u ansixiyey miisaaniyaddan sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa, iyagoona ku ansixiyey cod aqlabiyad leh. Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa adkeeyey qorsheyaasha heer Qaran ee lagu wajahayo musuqmaasuqa iyo dadaalka xooggan ee shacabka iyo dowladdu Soomaaliyeed ay ugu jiraan hirgelinta hannaan maaliyadeed oo hufan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhaqaalyahannada Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waxtar u leh dadka iyo dalka. Source: goobjoog.com
-
Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has signed a new budget for 2020, a day after it was passed by the country’s parliament. The members of both houses of the national assembly voted for the 2020 budget which is USD 459.5 million, which shows a little increase when compared to 2018’s 380USD million. The country is trying to reform its economy after decades of conflict. Somalia receives contributions from its donor nations towards its annual budget. The country is expected to be relieved from over USD 4.6 billion external debt which will pave way for new loans from the international financial institutions. View the full article
-
Wasaaradda kallumeysiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin horudhac ah ka bixisay kalluun shalay lagu arkay xeebta magaalada Muqdisho kaas oo soo caariyey. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kallumeysiga Maxamuud Sheekh Cabdullahi ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in kalluunkaas uu ku soo caariyey xeebta u dhaw xeradda Xalane, isla markaana aysan jirin meel kale oo lagu arkay. Kalluunkaas oo aad u badnaa ayaa subaxii hore ee shalay lagu arkay xeebta wuxuuna sheegay Agaasimuhu inuu yahay hal nuuc oo yar-yar laguna magacaabo Ceydi, kaas oo kalluumeysatadu ay ku dabtaan kalluunka kale ee waaweyn oo uu sheegay inuu cuno. Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay inay Wasaaradda Kalluumaysigu waddo baaritaan ku aaddan waxa sababay in kalluun intaas la’eg uu bannaanka u soo baxo. Dhinaca kalena Wasaaradda ayaa wada qorshe looga hor tegayo kalluumaysiga sharci darrada ah oo kalluunka ku jira xeebaha Soomaaliya ay wasaaraddu ka qaadeyso DNA si sharciga loola tiigsado dalkii lagu arko Dekadihiisa. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay xasuustiisii sanadkii tagay ee 2019-kii,isagoo sheegay inuu ahaa mid culeyskiisa wata. Taabid ayaa xusay in 2019-kii lagu waayey dad badan, kadib qaraxyadii ka dhacay Caasimada oo uu ugu dambeeyey kii Ex-Control. Sidoo kale wuxuu sanadkan cusub ee 2020-ka Ummadda Soomaaliyeed u rajeeyey inuu alle uga dhigo mid nabaddeed oo barwaaqo leh. Halkan hoose ka aqriso: Sanad wacan oo wanaagsan dhammaan. Waxaan Alle ka baryeynaa in sanadka 2020 uu inooga dhigo sanad nabaddeed oo horumar iyo barwaaqo leh. 2019 wuxuu ahaa sanad culeyskiisa wata oo ay ugu dambeysay xasuuqii Ex-kontrol Afgooye oo aan dad badan ku weynay, dadna dhaawac iyo culeys nololeed kasoo gaareen. Allaha u dhib yareeyo. Maanta waa maalintii shacabku gurmad&waxqabad ay sugayeen, waana in aan yoolkaas marna nalaga weecin. Mida labaad waxaa Hay’addaha amniga looga fadhiyaa in ay ummadda la wadaagaan dayaca amni ee dad intaas la eg galaaftay cida mas’uuliyaddeeda iska leh, lagulana xisaabtamo. Dhanka kale waxaa lama huraan ah in uu jiro dadaal ku aadan ka hortaga qatar kasta oo amni oo soo wajihi karta Shacabka. Dowladda iyada ayaa mas’uuliyadda amniga iska leh, Shacabkana waxay wada shaqeyn buuxda ka heli karaan marka si sax ah loola wadaago cida mas’uuliyadeeda leh dayicii amni ee sababay xasuuqii ka dhacay Ex-kontrol Afgoye iyo kuwii ka horeeyay. Hadii shacab iyo dowladba ay ku jirto su’aasha ah maxaa arrimaha amniga la iskaga kaashan la’yahay; jawaabtu waxay tahay wada shaqeynta shacabka waxaa sababi kara in mas’uuliyadda wixii dhaca cidu qaadato isla markaana cadaaladdu shaqeyso, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa qofka ku cuskanaya ayaa la istaajiyaa, sidaa darteed mas’uuliyadda dowladdu ha qaadato. Waan hubaa shacabka inuu istaajinayo Dowladdooda marka ay si mas’uuliyad leh u cuskato. Sanad wanaagsan 2020.
-
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre ayaa hoyga uu ka deganyahay magaalada Dhuusameeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa uu kula kulmay Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud. Kulankooda ayey kaga wada hadleen dhammeystirka dhismaha Galmudug loo dhanyahay iyo sidoo kale in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo dhismaha maamulka Galmudug. Waxyaabaha ay ka wadahaleen waxaa kaloo ka mid ah, sidii loo dardargelin lahaa howlaha dhisamaha ee dowlad goboleedka Galmudug. Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey waxaana halkaas howgalo isdabajoog ah kawada Ciidanka DFS. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
