Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. GAROWE (HOL) - Puntland president Abdullahi Dani has appointed a new manager for Bosaso airport. Source: Hiiraan Online
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Milatariga Somaliland ayaa maanta magaalada Laacsaanood ee xarunta gobolka Sool ku soo dhaweeyey ciidamo la sheegay inay ka soo goosteen Puntland, kuna biiray kuwa maamulka Somaliland. Ciidamadaan oo warbaahinta loo soo bandhigay ayaa waxa ay tiradooda Somaliland ku sheegtay illaa 30 askari oo uu ku jiro taliyaha hoggaaminayey. Sidoo kale saraakiisha Somaliland ee la hadashay warbaahinta ayaa sheegay in ciidankan ay Puntland uga howlgalayeen deegaanka Boocame oo ka tirsan isla gobolka Sool, balse haatan wixii ka dambeeya ay ka mid yihiin ciidanka Qaranka Somaliland. Dhankiisa taliyaha hoggaaminayey ciidamada ka soo goostay maamulka Puntland oo ugu horreyn ka mahaceliyay soo dhoweynta loo sameeyey ayaa xusay inay ka shaqeyn doonaan nabad galyada, sidoo kalena ay xoojin doonaan howlaha lagu sugayo amniga. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiihsa ciidanka Puntland ee ka howlgala gobolka Sool, kuna aadan goosashada ciidamadaasi. Somaliland iyo Puntland oo isku haya Sool iyo Sanaag ayaa waxa ay inta badan soo bandhigaan ciidamo uu midba mid ka kale sheeganayo inay dhankiisa u soo goosteen.
  3. (SLT-Yeman)-Weerar xoog leh oo kooxda xuutiyiinta ay ku qaadeen xero millateri oo ku taalla dalka Yemen ayaa lasoo sheegayaa inay ku khaarijiyeen in ka badan 60 askari, tobanaan kalena ay dhaawacmeen sida uu baahiyay telefeshinka Al-Ekhbariya oo laga leeyahay dalka Sucuudiga. Xerada militeri ee la weeraray ayaa waxa ay ku taallaa magaalada Maarib ee dalka Yemen, iyadoona weerarka la xaqiijiyay in loo adeegsaday gantaallo iyo dayaarado aan cidina wadin. Dowladda Sucuudiga ayaa ku eedaysay weerarkan in Xuutiyiinta ay ku garab siisay dowladda Iran. Sanadkii 2014-kii, Xuutiyiinta ayaa xukunka ka tuurtay dowladdi uu caalamku aqoonsanaa, waxayna la wareegeen caasimada dalkaas ee Sanca iyo inta badan waqooyiga wadanka Yemen. Sucuudiga oo hoggaan ka ah isbaheysiga la dagaalanka Xuutiyiinta ayaa si joogto ah weerarro khasaare gaysta kala kulma kooxaha Xuutitiyiinta Source
  4. (SLT-Lubnaan)-Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Bayruut ee caasimada dalka Lubnaan waxaa sii xoogaysanaya dibad-baxyo shacabka dalkaasi ay ku doonayaan isbadalo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale. Ciidamada ammaanka oo isku dayaya inay kala eryaan dibadbaxayaasha ayaa adeegsanaya sunta dadka ka ilmaysiisa iyo biiyo kulul. Inta la xqiijiyey 12 ruux ayaa dhaawacyo culus ay ka soo gaadheen faageereyaasha isu soo baxyada ay ka socdaan. dowladda ayaa lagu eedaynayaa inay awood u adeegsaneyso shacabka. Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in Internet-ka iyo korontada dalka oo dhan la jari doono, hadii shacabka aysan dib ugu laaban guryahooda. Source
  5. The leader of the Puntland State of Somalia Saed Abdullahi Deni has appointed a new manager for Bosaso airport on Sunday. A signed decree from President Saed Abdullahi Deni’s office named Ahmed Saed Yussuf a new airport manager for Bosaso. “Following the review of article 80 of the state constitution, consultation from aviation authorities and the need for new management for airport development, I have an appointed Mr. Ahmed Saed Yussuf a new airport manager for Bosaso.” President Deni said in the statement. Bosaso airport also known as Bandar Qassim International Airport was newly built by China Engineering and Construction Corporation company (CCECC) and was officially opened in early 2016. The facility receives direct flights from Gulf states and other Asian countries boosting business activities between the horn of the African and the rest of the world. Bandar Qassim International Airport also serves as the only diversion option for the Somali aviation department airport apart from Egal International in Hargeisa in case of an emergency at Aden Abdulle International Airport in Mogadishu. View the full article
  6. (SLT-Dubai)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horreeysay waxaa ay si kulul uga hadashay Qaraxii shalay ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo lala eegtay Injineero Turki ah iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Soomaaliya oo ilaalo u ahaa. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa waxaa lagu Cambaareeyay qaraxii lala eegtay Injineero Turki ah oo dhisayay wadada isku xidha Degmada Afgooye iyo Muqdisho, waxaana qaraxa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa tacsi u dirtay dhammaan Ehelada dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxii shalay, iyagoona sheegay inay ka xun yihiin weerarkaas Ismiidaaminta ah. Ugu yaraan 15 qof oo 6 kamid ah ay yihiin Shaqaale Turki ah iyo 9-qof kale oo Soomaali ah ayaa ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Degmada Afgooye, isla markaana waxaa ku dhintay 4 ruux, waxaana Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab, iyagoona xusay inay ku dhaawaceen 4 qof oo Turki ah. Qaraxii ugu Khasaaraha badnaa ee 28-kii Bishii December sanadkii tegay ka dhacay Ex-koontarool Afgooey ayaa Wargeysto kasoo baxa dalka Turkiga waxaa ku eedeeyeen in qaraxaas ay ka dambeysay dowladda Imaaraadka Carabta, halka dowladda Soomaaliya gaar ahaan Hay’adda NISA ay sheegtay in qaraxaas uu ka dambeeyay dal shisheeye. Si kastaba Qaraxii Ex-Koontaraaol ayaa waxaa ku dhintay in badan 90 ruux, halka 150 qof kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab, iyagoona tilmaamay inay la eegteen Injineero Turkiga iyo Askar badan oo ka tirsan dowladda. Source
  7. (SLT-Washington)-Koox dhinaca sharciga u qaabilsan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bixisay jawaabtii ugu horreysay oo ku aaddan eedeymo loo jeediyay madaxweynaha, kuwaas oo sababay in madaxweynaha laga keeno dawcad xil ka qaadis ah. Sharci-yaqaannadan ayaa arrintaan ku tilmaamay weerar halis ah oo lagu qaaday dimuquraadiyadda. Dukumentiga kooxda oo ka kooban 111 bog ayaa lagu sheegay in qodobbada xil ka qaadista aysan ku jirin wax muujinaya in dembi uu galay madaxweynaha isla markaana looga gol leeyahay in lagu farageliyo doorashada madaxtinnimada ee sanadkan dalkaasi ka dhici doonta. Hadal jeedinta dacwad oogidda ayaa lagu wadaa inay bilaabato toddobaadka soo socda. Mr Trump waa madaxweynihii saddexaad inta la ogyahay taariikhda Mareykanka ee wajaha daxwad xil ka qaadis ah, waxaa lagu eedeeyay ku tumasho awood iyo inuu aqalka Congress-ka is hortaag ku sameeyay. Source
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in maanta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Galmudug kulankoodii ugu horreeyey ay ku leeyihiin magaaladaasi. Kulanka oo ah mid muhiim ah ayaa waxa wararku ay sheegayaan inuu isugu yeeray xildhibaanada guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Mudane Maxamed Nuur Gacal. Sidoo kale waxaa lagu wadaa xildhibaanadu in kulankaan ay isaga dhex doortaan guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Doorashada ayaa la filayaa in la qabto dhowaan, inkastoo shalay musharraxiinta qaar ay dalbadeen in dib loo dhigo illaa 21 cisho, si ay ula kulmaan xildhibaanada Galmudug. Saddexda musharrax ee kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), Kamaal Daahir Guutaale iyo Cabdullaahi Faarax Wehliye oo isbaheysi sameystay ayaa soo saaray qoraalkaasi iyaga oo walaac ka muujiyey sida ay haatan wax ku socdaan. Galmudug ayaa muddo dheer ku jirta is jiid jiid siyaasadeed oo saameyn ku yeeshay dhismaha loogu jiro maamul loo dhan yahay oo ay yeeshaan Galgaduud iyo Mudug.
  9. Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.13 January 16, 2020, ku magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Wuxuu xeeriyey: Waxaa Axmed Siciid Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. =DHAMMAAD= View the full article
  10. Jowhar (Caasimada Online) – Wasaaradda qorsheynta maamulka HirShabelle ayaa amar culus dul-dhigtay hay’adaha Samafalka ee ka howlgalka deegaanada maamulkaasi. Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaraddaasi ayaa waxaa hay’adaha lagu faray in ugu dambeyn ay isa soo diiwaan-geliyaan 31-ka bishaan janaayo ee 2020-ka. Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay inay muhiim tahay in la helo tira-koobka saxda ah ee Hay’adaha samafalka ee ka howla gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Ugu dambeyn wasaaradda ayaa sheegtay in arrintaan looga gol leeyahay, sidii sanadkaan loo dardar gelin lahaa howlaha muhiimka ah ee u baahan in wax laga qabto. Sanadkii tegay HirShabelle ayaa waxaa saameyn ku yeeshay fatahaad uu wabiga Shabelle ka sameeyey magaalada Beledweyne iyo deegaano kale oo ka tirsan maamulkaasi. Halkan hoose ka aqriso:
  11. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo saaka wareysi gaar ah siinayey wargeeska Sharq Al-Awsat, ayaa si diblomaasiyadeed uga jawaabay su’aalo laga weydiiyay xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka Saudi Arabia iyo Imaaraatiga (UAE). Wasiirka oo la weydiiyay su’aaal ahayd ka warran xiriirka Soomaaliya iyo Saudi Arabia, ayaa ku jawaabay: Xiriirka Soomaaliya iyo Saudi Arabia, waa mid aad u sarreeya oo dhinacya kala duwan leh, soona jiray Qarniya badan, isagoo intaasi raaciyay ” waxaan rabaa in aan halkaan ka sheego arrin aan dad badani ogayn, taasi oo ah in dowladda Saudi Arabia,ay tahay taageeraha ugu weyn Soomaaliya tan iyo Xornimadii dalkeenna 60-sano ka hor ilaa iyo maanta”. Wasiir Cawad ayaa sheegay, in taageerada dowladda Saudi Arabia ay siiso Soomaaliya, aysan ku koobnayn oo keliya taageero maaliyadeed, balse ay sidoo kale ka caawiso dhammaan dhinacyada kala duwan oo ay ku jirto Arrimaha Siyaasadda, islamarkanaa ay tahay dowladda keliya ee Soomaaliya la leh xiriir dhow oo aan marnaba isbeddelin. “ Dowladda Sacuudiga, waxaan la leenahay xiriir dhow oo sugan, kaasi oo aan marnaba isbeddelin, waxaanna ku garab-istaagnay welina ku garab taagannahay, dhammaan mowqifyadeeda siyaasiga ah. Garab-istaaggeenna Sacuudiguna waa mabda’ siyaasadeed oo Soomaaliya leedahay, kaasi oo aan ku xirnayn hadba cidda xukunka haysa” ayuu sii raaciyay Ambassador Cawad. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay in hay’adda KHAYRIGA ah ee boqor SALMAN, ay kaalin laxaad leh ka qaadatay caawinta shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana hay’addaasi tan iyo markii la as’aasay, ay Soomaaliya ka fulisay in ka badan 40 mashruuc oo KHAYRIYA, kuwaasi oo ay ku baxday lacag dhan $184 malyan oo Dollar. wargeeska Sharq Al-Awsat, ayaa sidoo kale wasiirka weydiiyay sida uu hadda yahay xiriirka Soomaaliya iyo dalka Imaraadka Carabta? Waxaana wasiirku ku jawaabay: Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadku wuxuu mudda dheer ahaa mid hormarsan, waxaana dowladda Imaaraadka uga mahadcelinaynaa, garab-istaageeda iyo taageerada ay Soomaaliya mudadaasi ka saacidaysay dhinacyo badan, waa run in uu isfaham-waa naga dhexjiray bilihii la soo dhaafay, kaasi oo ku aaddanaa dhawr arrimood. “Waxaa jirtay isku dayo ay sameeyeen dowlado saaxiibo la’ah labadeenna dhinacba, si loo dhammeeyo isfaham-waaga naga dhex jira, waxanna ku dadaalaynaa in xiriirkeenna aan ku soo celinno sidiisi hore, waayo? Waxa naga kulmiya ayaa ka weyn waxa na kala geeya. Si cad waxaan u aaminsanahay in khilaafkeennu uu yahay ‘guulaamo Xagaa’ (daruur xagaa) oo suuli doonta dhowaan, haddii ilaahay idmo” ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Wasiir Cawad: Sacuudigu waa taageeraha ugu weyn ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  12. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta khudbad u jeediyay Dadweyne kala duwan oo uu kula hadlay Jaamacada bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso. Madaxweynaha ayaa amaanay dadaalka dadkii Aas Aasay Goobaha waxbarasho ee dalka gaar ahaan Jaamacada bariga Afrika oo wakhtiyo adag soo garab istaagay Shacabka Soomaaliyeed iyadoo dhinac walba uu dalku ka burburay waxa kaliyah ee shacabka Soomaaliyeed ay ku fara adaygeen ay tahay tacliinta sida uu Madaxweynahu sheegay. Waxaa Madaxweynahu uu xusay in Waxbarashada dalku uu Wali u baahan tahay in lasii hormariyo si dhalinyarada Soomaaliyeed ay u noqdaan kuwo dhisan oo aduunka la jaan qaada waxaa uu intaas ku daray in loo baahan yahay dadaalka dheeri ah si Dhalinyarada waxbaratay shaqo abuur loogu helo. Madaxweynahu wuxuu ka hadlay Xiriirka Puntland iyo Jubbaland isagoo sheegay in uu yahay mid taariikhi ah oo labada shacab ay waxyaabo badan wadaagan loona baahan yahay in taas lasii xoojiyo iyadoo xooga la saarayo Hormarka dhaqaalaha amaanka iyo Siyaasada. Shacabka Puntland ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay sida ay u garab istaageen walaalahood Jubbaland wakhtiyadii adkaa ee ay soo mareen taas oo ah wax looga baahan yahay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed inay ku midooban sidii ay gacmaha isku qabsan lahayeen. Arimaha Siyaasada ayuu Madaxweynahu sheegay in Puntland iyo Jubbaland labaduba ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Dowlada Federaalka ah balse taas ay ka horayso in la dhowro Dastuurka iyo sharciga dalka u yaala oo qofna aan laga ogolaan inuu siduu doono u dhigo Arimaha Siyaasada dalka ayuu Madaxweynahu sheegay inay u baahan tahay wadajir iyo aragti midaysan oo wax lagaga qabanayo baahiyaha taagan taasna lagu gaari karo wada hadal iyo isku tanaasul. Amaanka ayuu Madaxweynahu Shacabka Gobolka Bari ugu baaqay inay kala shaqeeyaan Xukuumada Puntland si dhibaatada Argagixisada meesha looga saaro taas oo lagu heli karo in Hay’adaha amaanku ay tageero k helaan shacabka. Ugu danbayn Madaxweynahu wuxuu xusay in nidaamka Federaalku uu xal u yahay dhibaatooyin badan oo maanta dalka ka jira hadii siduu yahay loo dhaqan galiyo waxaa uu intaas ku daray in hanaanka daadajinta maaamulka iyo in Adeegyada Dowlada meelaha Hoose la gaarsiiyo faa”iidadeeda ay arkeen Shacabka Puntland loogana baahan yahay inay ilaashadaan oo ay sii adkeeyaan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo khudbad u jeediyay dadweynaha Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  13. Caasimadda Puntland ee Garoowe, waxaa xalay laga daahfuray Golaha Xirfadlayaasha caafimaadka dowlada Puntland. Golahaan oo ah mid Dastuuri ah, waxaa magacaabay madaxweynaha dowlada Puntland Siciid Abdulaahi Deni,waxaana xeerkiisa meel mariyay Barlamaanka Puntland, Golaha la daahfuray waxa uu ka shaqayn doona Hubinta ,Ruqsad siinta diiwaangalinta ,kormeerka,tayaynta, dhawrista iyo Ilaalinta Xarumaha Caafimaadka. Munaasabadda daah-furka Golaha Xirfadlayaasha caafimaadka, waxaa ka qeyb-galay madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, oo ay weheliyaan wasiirka Caafimaadka Dr Jama Farax Xasan iyo mas’uuliyiin tirsan Goleyaasha dowladda, Xubnaha Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, Dhakhaatiir, aqoonyahano iyo marti sharaf kale. Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Jama Farax Xasan oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa si mugleh u soo dhaweeyay Golaha oo mid dowliya ah, islamarkaana hoostaga wasaaradda Caafimaadka, waxaana uu xusay in ka wasaaraddu ay la socon doonto shaqada Golaha sidoo kale ay ilaalin doonto xirfadlayaasha iyo xarumaha caafimaadka. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash, ayaa bogaadiyey oo dhiirigeliyey cid kasta oo kasoo shaqaysay Agaasinka xafladda iyo dhismaha Golaha Caafimaadka oo uu tilmaamay in uu yahay Guddi muhiim ah dowladda Puntland marka la eego shaqada baaxadda weyn ee uu qaban doono. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xaqiijiyey in dowladdu garab muuqda siindoonto, lana shaqayndoonto Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, si ay ugu fududaato shaqada muhiim ka ah ee ay u idman yihiin. Hoos ka eeg sawirada daah-furka PUNTLAND POST The post Warbixin: Golaha Xirfadlayaasha caafimaadka Puntland oo la daah-furay appeared first on Puntland Post.
  14. Wasaaradda Qorsheynta ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa fartay Hey’adaha Samafalka ee ka howlgala Deegaanada Hirshabelle in ay iska soo diiwaan galiyaan Xafiiska Wasaaradda Qorsheynta ugu dambeyn 31-da bishaani janaayo ee sanadkaan 2020-ka. Wasaaradda ayaa sheegtay iney arrintaan uga gol leedahay dardar gelinta howlaha horyaala sanadka 2020,islamarkaana ay muhiim tahay in la helo tira-koobka saxda ah ee Hay’adaha samafalka ee ka howla deegaanada Hirshabeelle. Sanadkii la soo dhaafay ee 2019-kii ayaa deegaanada Hirshabeelle waxaa saameyn ku yeeshay Fatahadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle,taas oo Dowladda Federaalka Jawaab deg deg ah ay ka bixisay. Halkani hoose ka akhriso: View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga oo si weyn u taageerta dowladda federaalka ayaa ayaa ku dhawaaqday war farxad galiyey shacabka Soomaaliyeed, kadib weerarkii shalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu oo si adag kaga hadlay weerarkaas oo lala eegtay Injineero Turki ahaa ayaa sheegay inuu muujinayo markale wejiga foosha xun ee kooxda argagixisada, sida uu hadalka u dhigay. Mr. Cavusoglu ayaa sidoo kale tilmaamay in weeraradaan aysan hakin doonin howlaha ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, taas oo farxad galineysa shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay mar weliba garab taagnaan doonaan walaalahooda Soomaaliyeed. “Weerarkii argagixiso ee Soomaaliya ka dhacay waxa uu mar kale muujinayaa wajiga foosha xun ee argagixisada.Weerarrada bahalnimo marnaba nagama joojin doonaan la dagaallanka argagixisada. Waan garab taagnaan doonnaa walaaleheenna Soomaaliya. Waxaan walaalaha dhaawacmay u rajeynayaa dhaqso in ay bogsoodaan, si dhow ayaan ula socon doonnaa xaaladdooda ayuu yiri.” wasiirka arrimaha dibadda Turkiga. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe kooxda Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ka dhanka ah Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Bishii December ee sanadkii tegay ayey aheyd markii weerar ismiidaamin ahaa Al-Shabaab ay ka fulisay Ex-Control, kaas oo ay ku dhinteen labo ka mid ahaa Injineerada dalka Turkiga, waxaana sidoo kale qaraxaas ku naf waayey ku dhawaad 100 qof oo rayid ahaa.
  16. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, waxay kula wareegeen deegaanno markii hore Al-shabaab maamuli jireen. Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka xogga dalka, waxay ciidankan la wareegeen deegaanno dhowr ah oo ku dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana ay dagaal kala kulmeen Al-shabaab. Idiris Kuusow oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in meelaha ay la wareegeen ka mid tahay deegaannada Araare iyo Maleeley, waxaana muddo ku sugnaa halkaasi ururka Al-shabaab. Sidoo kale, sarkaalkan ayaa sheegay in ay dileen xubno ka mid ah Al-shabaab, kadib markii ay damceen iney dagaal kaga horyimaadaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland. Kuusow ayaa dhanka kale sheegay in ciidanku ay soo qabteen 10 ka mid ah dagaallamayaasha Al-shabaab, islamarkaana baaritaanno dheeraad ah lagu wado. Ururka Al-shabaab weli dhankooda kama aanay hadal howlgalkan looga qabsaday deegaannada ka tirsan Jubbada Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa maareeye cusub waxa uu u magacaabay dekadda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Wareegtada magacaabista ayaa sidan u qoran: Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.13 January 16, 2020, ku magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso. Madaxweynaha maamulka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Axmed Siciid Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ay ciidanka Danab iyo kuwa Jubbaland si wadajir ah uga fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaano ay heysatay Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in howlgalkaasi uu si gaar ah uga dhacay deegaano howd ah oo hoos yimaada magaalada Jamaame ee gobolkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in inta uu socday howlgalka ay dagaal la galeen Al-Shabaab, islamarkaana ay ka dileen ugu yaraan illaa 10 dagaalame. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanada Araare iyo Maleeleey oo muddo ay ka talineysay kooxda Al-Shabaab. Ugu dambeyn saraakiisha ayaa xusay in howlgalkaan ay sidoo kale ku soo qabteen waxyaabo qarxa oo la doonayey in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaliya.
  19. Madaxa Garsoorka jabhadda ONLF Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ,oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta lagu magacaabo SSTV, ayaa qeyb kamid ah wareysigiisa oo saaka la baahiyay, waxa uu kaga jawaabay su’aal la xiriirtay halka uu ku dambeeyay Ciidankii jabhadda ONLF, kadib Heshiiskii jabhaddaasi iyo dowladda Ethiopia. Qalbi Dhagax ayaa sheegay, in jabhadda ONLF iyo maamulka dowlad degaanka Soomaalida ee u hoggaamiyo Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, ay ku heshiiyeen in dib loo qarameeyo ciidanka jabadda, islamarkaana daryeel gaar ah loo sameeyo naafadii ciidankaasi ee ku waxyeelloobay halgankii ay la galeen ciidamada Ethiopia. Wuxuu sheegay in ciidanka ka badan saddex kun oo askari ay ku wareejiyeen maamulka Mustafe Cagjar, balse maamulkaasi uu dayacay ciidankii lagu wareejiyay, taasina ay keentay in ay kala firdhadeen oo qaarba meel ka dhacay. Sidoo kale, Qalbi Dhagax ayaa tilmaamay in ay qoraal cabasho ah u gudbiyeen maamulka dowlad degaanka Soomaalida, qoraalkaasi oo ay ku dalbanayaan in la fuliyo Heshiiskii Qaramaynta Ciidanka ONLF, inkastoo uu xusay in aysan weli jawaab ka helin. PUNTLAND POST The post ONLF oo shaacisay in maamulka Mustafe Cagjar uusan fulin Heshiis ay wada-galeen appeared first on Puntland Post.
  20. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa taageeray go’aankii uu Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ku hakiyey masharuucii shalay lagu saxiixay gudaha magaalada Muqdisho. Jeesow ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaruhu qaaday tallaabo geesinmo leh, islamarkaana uu kaga badbaaday qarax siyaasadeed oo lala damacsanaa xukuumaddiisa. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka, gaar ahaan wasiirada looga baahan yahay inay si cadaalad ah wax ugu qeybiyaan maamullada ka jira dalka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Jaamac-1.mp3 View the full article
  21. Xildhibaanada cusub ee maamulka Galmudug ayaa maanta la filayaa in kulankoodii ugu horreeyey ay ku yeeshaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulankaan oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa shir guddoomin doono, Maxamed Nuur Gacal oo ah guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka labaad ee Galmudug. Sidoo kale waxaa la filayaa in kulankaan xildhibaanadu ay ku doortaan guddiga qaban qaabada doorashada mmadaxweynaha ee dowlad goboleedka Galmudug. Dhisamaha Galmudug oo muddo dheer soo jiitamayey ayaa waxaa lagu wadaa in dhowaan la soo gabagabeeyo, lana qabto doorashada hoggaanka maamulkaasi. View the full article
  22. La-taliyaha sare ee dhanka warbaahinta Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Xasan Cabduqaadir Muudey oo lahadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa si kulul eedeyn ugu jeediyay labada wasiir ee kala ah maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya. Xasan C/qaadir Muudey ayaa madaxda sare ugu baaqay in baaritaan lagu sameeyo cadaawadda uu kula kacay Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle maamullada hir shabelle iyo Galmudug, taasi oo ku aadan in gabi ahaan uu ka reebay mushruuc ku kacayey 112 Milyan oo lagu dhisayo Caasimadaha maamul goboledyada iyo Muqdisho. La-taliyaha dhinaca warbaahinta madaxweyne Maxamed Cabdi Waare Waare ayaa tilmaamay in Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu cadaalad darro badan ku sameeyay inta uu xil ka wasaaraddaasi hayay dowlad goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/shardi-1.mp3 View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-190120-ww.mp3 View the full article
  24. Turkish president urges Europe to support Ankara's moves in Libya, days after he ordered deployment of troops there. Source: Hiiraan Online
  25. Nuxurka Qoraal Wasiirka Arimaha Debeda Turkigu ku baahiyey Bartiisa Twitterka Qaran News