Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,195
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa saaka xiran qaar kamid ah wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyada oo la filayo in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka dhaco banaanbax uu soo qaban qaabiyey Maamulka Gobolka Banaadir. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xirey wadooyin ay kamid yihiin, agagaarka Taalada Dajirka Daahsoon, wadada ka baxda Suuqa Beerta ee aada dhinaca wadada Maka Al-mukarama, wadada ka baxda Isgoyska Ceelgaabta ee aadan dhinaca Isgoyska Xamar jajab iyo wadooyin kale, kuwaas oo loo doodayo inay Gadiidka noocyadiisa kala duwan isticmaalaan. Sababaha wadooyinka loo xirey ayaa ah in Maanta la qabanayo bannaanbax ballaaran oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab, ka dib qaraxii maalintii Sabtida ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho. Qaraxan oo ahaa kii saddexaad ee dadkii ugu badnaa ku dhintaan, kana dhaca Magaalada Muqdisho ayaa argagax-geliyay shacabka Soomaaliyeed, dal iyo dibadba. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Talaadadii iclaamiyay in dadweynaha reer Muqdisho ay Khamiistan isugu soo baxaan wadooyinka, iyadoo bannaanbaxaasi lagu muujinayo sida ay dadku uga soo horjeedaan Al Shabaab. Dadweyne fara-badan ayaa waxaa la fillayaa inay maanta ka qayb qaataan bannaanbaxani, oo dadweynaha reer Muqdisho ay dunida ugu iftiimin doonaan, sida ay uga daaleen falalka argagixiso. Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo Arbacadii dhagax dhigay Xarunta Degmada Warta Nabadda oo ku burburtay weerar ismiidaamin ahaa, oo Shabaabku ku qaadeen 14-kii bishii May ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay Shabaab ugu aqoonsadeen cadowgooda. Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in Somaliya ay ka gudubtay meeshii ay shalay ku dhacday, isla-markaana uu hubo in dadka Soomaaliyeed ay midnimadooda ilaashan doonaan. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa samirkooda, dulqaadkooda, isu duubnidooda iyo sida ay u garteen cadowgooda, meelna ay uga soo wada jeesteen. Waxaan hubaa Somaliya inay ka istaagtay meeshii ay shalay ku dhacday, waxaan hubaa dalkaan haddii uu Alle yiraahdo inuu horumarayo, waxaan hubaa dadka Soomaaliyeed oo ah kuwo waxbartay, oo shalay sidii ay ahaayeen aan maanta ahayn inay midnimadooda adkeysan doonaan.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.
  2. Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo war ka soo saartay qaraxii Muqdisho ee lagu eedeeyey Imaaraadka Shirkii Golaha Wasiirada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiyaa ayaa laga soo saaray war-murtiyeed looga hadlay xaaladaha ka taagan wadamada Islaamka sida Ciraaq, Soomaaliya, Liibiya iyo wadamo kale. Qeyb ka mid ah war saxaafadeedka laga soo saaray shirkaas ayaa si weyn loogu cambaareeyey weerarkii ay Kooxda Al-Shabaab ka fulisay Muqdisho 28 Bishii December ee sanadkii dhamaaday kaasoo ka dhacay Isgoyska Ex Control ee Afgooye. Golaha Wasiirada ayaa tacsi hawada usoo mariyey eheladii dadkii ku dhintay qaraxaas ay mas’uuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab, waxayna sidoo kale golaha u duceeyeen kuwii ku dhaawacmay weerarkaas oo ay u Sacuudiga ku tilmaamtay inuu ahaa mid argagixiso. Sacuudiga ayaa tilmaamtay inuu mowqifkeedu yahay in laga hor imaado falal kasta oo ah kuwa Rabshad, xagjirnimo iyo argagixiso ah. “Sacuudiga wuxuu diidan yahay nooc walba oo fowdo, xagjirnimo iyo argagixiso ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada. Shirka Golaha Wasiirada oo ka dhacay Magaalada Riyadh ayaa waxaa guddoominayey Boqorka Sacuudiga Salman Bin Cabdulcasiis. Warbixinta kasoo baxday Golaha Wasiirada ayaa kusoo aadeyso xilli Boqorka Sacuudiga iyo Dhaxalsuge Maxamed Bin Salman ay farriin tacsi ah soo gaarsiiyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qaraxii ka dhacay Ex Control Afgooye ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 100 qof waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 150 kale, wuxuuna afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere qiray inay fulisay qaraxaas Kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanto Soomaaliya iyo wadamo ku yaalo Geeska Afrika. Hay’adda NISA ayaa qaraxaas sheegtay inuu ka dambeeyey dal shisheeye, oo aysan magacaabin, hase yeeshee wargeys Turkish ah oo aad ugu dhow dowladda dalkaas ayaa qoray in dhaxal-sugaha Imaaraadka carabta Maxamed Bin Zayed uu bixiyey amarka lagu fuliyey qaraxa. Qaran News
  3. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirka arrimaha gudaha iyo xubno ka tirsan Baarlamanka Labada Gole ee dalka ayaa kulan wadashi ah la qaatay, qaar kamid ah Odayaasha dhaqan Galmudug ee ku sugan Magaaladda Dhuusamareeb. Wakaaladda SONNA ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda kale ay Odayaasha kala hadleen sidii loo dadajin lahaa dhismaha maamulka Galmudug loo dhan yahay, iyagoo isku Afgartay dhammaan qodobbadii laysla soo qaaday. Wafdiga uu hoggaaminaya Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa Magaalada Dhuusamareeb u jooga sidii loo dar-dar gelin lahaa dhismaha maamulka Galmudug loo dhan yahay iyo turxaan bixinta tabashooyinka Bulshada degaannadaasi ku dhaqan. Muranka iyo khilaafka ugu badan ayaa ka taagan xulista xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Galmudug kadib markii is maan-dhaaf ka dhashay 20 xubnood oo Ahlusunna laga siiyay saamiga Baarlamanka. PUNTLAND POST The post Khayre oo Odayaasha Galmudug kala hadlay de-dejinta dhismaha Maamulka Galmudug appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed, ayaa soo saaray amar adag oo ku wajahan inta badan shaqalaha dowladda Hoose ee gobalka Banaadir iyo maamulada degmooyinka qaar. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in inta badan degmooyinka gobolka Banaadir lagu amray in maanta dhamaan shaqaalaha ka shaqeeya ay isugu yimaadaan Dugsiga tababarka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Janaraal Kaahiye. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in warqad loo qaybiyay guddoomiyaasha, ku xigeenadooda iyo Xoghayaasha degmooyinka, waxaana lagu amray in ay soo gudbiyaan qofkii degmada ka tirsan ee maanta imaan waayo Janaraal Kaahiye. Ujeedada dadkaan loo wacay ayaa lagu sheegay in ay tahay, ka qaybgalka Banaanbax looga soo horjeedo Al-Shabaab, gaar ahaan qaraxii 28-kii bishii December ka dhacay Ex Kontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad ka badan 80 qof. Hore waxaa jirtay warar soo baxayay oo ku saabsanaa Banaanbaxa, kaas oo la qorsheynayay inuu ka dhaco Garoonka Kubadda Cagta ee Eng Yariisow balse saacadihii dambe ee shalay ayaa qorshahaasi la badalay.
  5. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Deni ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Birmadka Madaxtooyada oo muddo 5 Bilood ah tababar uga socday xerada Ciidamada Daraawiishta ee 54-aad. Deni oo ugu horeyn salaan sharaf ka qaatey Ciidanka Difaaca Puntland ayaa bogaadiyey dhoolatus ay Ciidamada la tababaray soo bandhigeen. Wuxuu sheegay in tayeynta Ciidamada iyo inay helaan Mushaharaadkooda si joogto ah ay tahay waxyaabihii ay ku guuleysatay Dowladdu sanadka dhammaada ee 2019. Waa qeybtii saddexaad ee Ciidamada Birmadka oo tababar loo soo xiro. Tani waxay qayb ka tahay dib-u-habeynta ay dowladda ku waddo hay’addaha ammaanka. Madaxweynaha oo caddeeyay in ay ka go’an tahay tayadda askarta ayaa kula dardaarmay Ciidamada la tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran. “Waxa ballan nagu ah in aan dalka madax-furasho dambe loo haysan doonin, mid meel istaaga, mid is-madoobeeya, iyo mid reer soo kaxaystaba, cidna kama aqbali doono,” ayuu raaciyey. Isagoo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa carabka ku adkeeyay in ay ka go’an tahay in Puntland hormuud u noqoto kacdoon dowladnimo oo ka bilowda guud ahaan Soomaaliya. “Dadka Soomaaliyeed nasiib darada iyo hogaan xumada ku dhacdey waxaad moodaa in wixii yaraa ee la amaamudey mudadii yaraa ee dadku dowlad ahaa in la rabo in la burburiyo,” ayuu xusay. Wuxuu tibaaxay: “Waxaan rajeynayaa dowladda Puntland siday marar badan hormuud ugu ahaan-jirtay dalka Soomaaliya in ay mar labaad ay hormuud ugu noqoto kacdoon dowladnimo oo ku saleysan ammaan sugan, nidaam maaliyadeed oo sugan, adeeg bulsho oo dhinacyadeeda kala duwan iyo kala dambeyn midnimo lagu tiigsanayo”. Ugu dambeyntii, madaxweyne Deni ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadiisa ay xoojin doonto tiirarka Puntland lagu aas-aasey oo ah adkeynta federaalka iyo midnimadda iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed. Xigasho: Garowe Online
  6. Hargeysa (Caasimad Online) ― Isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa waxa maalmo yar ka hor ugu geeriyooday Oxygen la’aan Wiil yar oo kamid ahaa Bukaanka ku jiray isbitaalkaasi, sida uu inoo sheegay Aabaha dhalay wiilka geeriyooday. Aabaha dhalay Wiilka ku geeriyooday Isbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa sheegay in Wiilkiisu u geeriyooday Oxygen la’aan baahsan oo uu kala kulmay Isbitaalkaasi Hargeysa, xili uu xaalad caafimaad daro Wiilkiisu ugu jiray Isbitaalkaasi. Waxa sidoo kale uu Aabahaasi sheegay in markii uu Isbitaalka ka waayay Oxygen uu raadco tagay, midaasi oo sababtay dhimashada Wiilkiisa ku jiray Isbitaalkasi Hargeysa, wuxuuna yiri isagoo ka warbixinaya sidey wax u dhaceen: “Wiil aan dhalay Allaha u naxariiste oo xaalad caafimaad daro u geeyay Isbitaalka, waxaana dhigay qeybta Emergency, Waxayna ii sheegen in uu yarku fiican yahay markii ay eegeen, wuxuuna igu yiri ilaa berri subaxa inuu ka soo roonaado ayaa rajeynaynaa laakiin waxa loo baahan yahay saddex haamood oo Oxygen ah, Afartii saacba hal haan ah ayuu u baahan-yahay, Isbitaalkana ma jirto wax Oxygen ah” “Wuxuuna igu yidhi ‘waxaad ka heli kartaa Isbitaalada bareefadka ah’, muddo ayeyna igu qaadatay raadinta goobahaasi, markii aan helayna waxay iisheegen inay siin karin Oxygen qof ku jira Isbitaalka guud, balse ay iigu shubi karaan hadaan soo qaato ‘Haan’. Kadib Isbitaalkii ayaan ku laabtay waxayna yidhaahdeen ma hayno mid faaruq ah”. Wuxuuna intaas kusii daray “Goor sagaalkii ah ban soo helay Oxygen-tii waxana keenay isagoo Wiilkeygu naftii ka baxday ilaahay ha u naxariistee. Waana nasiib daro in isbitaalka Hargeysa oo hore Oxygen-ta ugu qeybin jiray Isbitaalada uu maanta bilaa Oxygen ahaado”. “Waxqabadka aan ku faaneyno kow aan ka dhigno adeega Caafimaadka. Xukuumadana waxan u soo jeedin lahaa in howshaa culeys xoogan iska saarto. Raad weyn ayuuna kaga tagay dareenkaygii sanadkaasi dhamadka ah”. Isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo ay gacanta ku hayso Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi, gaar ahaan Wasaarada Caafimaadku ayaa waxa muddooyinkii dambe laga deyrinayey tayada adeegyada caafimaad ee uu bixiyo, xili Miisaaniyada xukuumada Somaliland loogu daray lacago badan oo kaabis ah.
  7. By Harun Maruf VOA NEWS A college teacher who is the son of a senior police officer has been found guilty of leading al-Shabab’s operations in Mogadishu for several years. A military court in Mogadishu sentenced Mohamed Haji Ahmed to death on Tuesday. Prosecutors wanted to file charges connecting Ahmed to the death of more than 180 people. But in the end, he was convicted for being behind the assassination of three generals, a police corporal and a deputy attorney general. In a video recorded and released by the court, Ahmed confessed to working as head of operations for al-Shabab in Mogadishu. “I was head of operation of the city, the region,” he said in the video. “There was nothing more nerve-wracking than sending out someone to do something…what will happen to them? Have they been killed?” He said after an operation, al-Shabab bosses would call him to learn details about how it went, who fired the shots, and how many bullets were fired. He would also send information to al-Shabab’s radio station, Radio Andalus, so the group could claim responsibility for attacks and use it as propaganda. The court sentenced six other al-Shabab members to death, four of them in absentia. An eighth Shabab member was given life imprisonment. A woman who worked at the Somali Women’s Headquarters was also convicted for passing information about the movement of government officials to al-Shabab. Fadumo Hussein Ali, also known as “Fadumo Colonel,” was sentenced to 15 years in prison. The hunt Ahmed, 27, from Bulomarer town in the Lower Shabelle region, has used multiple aliases over the years to evade authorities. Somali security forces said they have been hearing his name since 2014, when al-Shabab suspects arrested for carrying pistols in Mogadishu’s Hamarweyne district said a man they identified as “Hudeyfi” gave them the guns to carry out assassinations. The following year, more detained al-Shabab suspects mentioned the same name. In January 2016, authorities arrested a man whose phone they had tracked because of contacts with known al-Shabab figures. He told the court he was a college teacher, which was verified, and he was released on bail. At the time, the officials did not realize that the man they arrested, Ahmed, was indeed Hudeyfi. Over the following years, Ahmed used several other aliases. On November 2, 2016, a traditional elder was killed in Mogadishu. Two men arrested by the police in connection with the killing named their supervisor as “Dahir.” On December 2018, twin blasts near the National Theater in Mogadishu killed at least ten people including prominent television journalist Awil Dahir Salad. The two men captured in connection with the bombing named “Ilkacase” as co-conspirator. Police have since established that Hudeyfi, Dahir, Ilkacase and Ahmed are the same person. On Tuesday, Ahmed confirmed this information to the court. “I was originally known as Hudeyfi, but I worked with different groups and I gave a different name to each group,” he said. On Tuesday, Ahmed was convicted for the murder of police corporal Mohamed Omar Sheikh Osman, killed in a mosque on February 24 2017; the assassination of military General Abdullahi Mohamed Sheikh Qururuh, killed September 24, 2017; the assassination of Somali deputy attorney general Mohamed Abdirahman Mohamud on February 20, 2019; and the assassination of police General Mohamud Haji Alow on April 27, 2019. He was also convicted for the assassination of police General Ismail Ahmed Osman on October 28, 2016. Ironically, Ahmed lived in Osman’s house in the town of Marka when he was a high school student, after his father asked Osman to help his son, security officials say. Military courts’ prosecutor General Abdullahi Bule Kamey described Ahmed as a “merciless killer.” “His crimes are unmeasurable,” General Kamey said. “He killed the man who raised him, the hand that fed him, General Ismail,” Gen. Kamey said. The prosecution said Ahmed spared his father’s life only because he wanted to use him as a cover. “He let him live so that he bails him out when captured,” Kamey said. Ahmed’s lawyers argued that their client should only be punished for the cases that can be proven before a court. VOA Somali contacted an official at a Mogadishu college where Ahmed taught. The official, who asked that the college not be identified for fear of reprisal, says Ahmed taught English for two years as a part-time teacher. He left in March 2019, two months before he was arrested. The official says the college did not know about his connections with al-Shabab.
  8. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar-____-Qumanaha-Wararka-01012019.mp3 View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa nin shalay ay maxkamadda milatariga ee Soomaaliya ku xukuntay dil toogasho ah, isagoo lagu helay inuu ka tirsan yahay ururka Al-Shabaab isla markaana uu gaystay falal argagixiso iyo dil ah. Maxamed Xaaji Axmed oo loo yaqaano Ilkacase ayaa ka mid ahaa toddoba nin oo maxkamadda milatariga ay ku xukuntay dil, waxaase mas’uuliyiinta amniga iyo maxkamaddaba uu u sheegay inuu ururka Al-Shabaab u qaabilsanaa hawlgallada magaalada Muqdisho. Ninkan ayaa haddaba la sheegay inuu macalin ka ahaa kulliyado ku yaalla magaalada iyo weliba dugsiyo sare, isagoo dhigi jira luuqadda Ingiriiska. Mid ka mid ah kulliyadaha uu wax ka dhigi jraay ayaa VOA u sheegtay inuu ka tagay bishii Maarso ee sannadkii hadda dhammaaday ee 2019-ka, isla markaana aysan ka war haynin inuu xiriiir la lahaa ururka Al-Shabaab. Maxamed Xaaji Axmed ayaa waxaa dhalay sarkaal ka tirsan booliiska, balse dacwad-oogista ayaa sheegtay in sababta uusan u dilin aabihii ay ahayd inuu gabbaad ka dhigto si loo dammiinto. Maxamed waxaa lagu helay inuu ka dambeeyey dilka saddex Jeneraal oo ka tirsan booliiska iyo milatiriga iyo sarkaal kale oo ka tirsan booliiska. Saraakiisha lagu helay dilkooda ayaa kala ah: Jeneraal Ismaaciil Axmed Cusmaan iyo Jeneraal Maxamuud Xaaji Calow oo ka tirsanaa booliiska; waxaa kaloo lagu helay inuu dilay Jeneraal Cabdullaahi Maxamed Sheekh Quruurux oo ka tirsanaa milatariga. Sidoo kale waxay maxkamaddu ku heshay inuu dilay laba-alifle ka tirsanaa ciidamada booliiska oo lagu magacaabay Maxamed Cumar Sheekh Cusmaan. Sidoo kale waxaa lagu helay dilka ku xigeenkii xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Maxamed Cabdiraxman Maxamuud. Maxamed ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa weerarkii ka dhacay agagaarka tiyaatarka 22-kii December sannadkii 2018-ka oo ay ku dhinteen toban qof oo uu ku jiro weriye Cawil Daahir Salaad. Maxamed Xaaji Axmed waxa uu u sheegay maxkamadda inuusan ahayn nin aan dambi lahayn, isgaoo yidhi nin kasta oo ka tirsan ururka Al-Shabaab qof ayuu dilay. Haddaba sidee ayaa ugu dambayn lagu qabtay Ilkacase? Warar aan ka helnay ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in ninkan magaciiisa ay ugu horrayn maqleen laamaha amnigu sannadkii 2014-ka kadib markii rag wata bastoolado oo lagu qabtay degmada Xamar Weyne ay sheegeen inuu bastooladaha usoo dhiibay nin lagu magacaabo Xudeyfi. Sannadkii ku xigay xubno kale oo loo qabtay falal la xiriira Al-Shabaabnino ayaa sidoo kale xusay isla magaca Xudeyfi. Bishii Janaayo ee sannadki 2016-ka waxaa qabtay laamaha amniga oo la xiririinayey Al-Shabaab, hase yeeshee waxa la sii daayey bishii April 2016-ka kadib markii uu sheegay inuu yahay macallin jaamacadeed, taasi oo xilligaas la caddeeyey. Xilligaas ciidamada amnigu ma aysan fahamsanayn in Maxamed Xaaji Axmed uu yahay Xudeyfi. Waxa uu billaabay inuu adeegsado magacyo kale. Maxamed oo ka hadlaya magacyada kala duwan ee uu istcimaalayey waxa uu maxkamadda u sheegay inay ka mid ahaayeen Cadaawe, Ilkacase, iyo Xudayfi, isaga oo intaas ku daray in mar kasta oo koox cusub madax loogu dhigo uu magac cusub sheegan jiray. Rag loo qabtay inay ka dambeeyeen qaraxii ka dhacay tiyaatarka qaranka 22-kii December 2018-ka oo uu ku dhintay weriye Cawil Daahir Salaaad iyo sagaal qof oo kale ayaa ku eedeeyey inuu ku lug lahaa qaraxaasi Maxamed Xaaji Axmed Ilkacase. Bishii May ee sannadkii hadda dhammaaday 2019-ka ayaa ciidamada amnigu ay qabteen Ilkacase. Waxaana shalay ay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah. Xigasho: VOA
  10. A college teacher who is the son of a senior police officer has been found guilty of leading al-Shabab's operations in Mogadishu for several years. Source: Hiiraan Online
  11. OTTAWA (HOL) - Career diplomat and former mayor of Jigjiga in Ethiopia Ali Yusuf Isse (Cali Dhadac) has passed on in Canada while undergoing treatment. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay uga hadashay qoraalkii ay NISA soo dhigtay barta twitter-ka 30-kii December, kaasi oo lagu sheegay in dal shisheeye “uu lahaa qorshaha” weerarkii Ex-Control Afgooye. War-saxaafadeedka Madasha ayaa lagu sheegay inay ka xun tahay qoraalka NISA, oo ay ku sheegtay in ujeedkiisu ahaa “in lagu daboolo xaqiiqda weerarka.” Madasha ayaa sheegtay in qoraalkii NISA laga lahaa laba ujeedo oo kala ah: 1 – Tan koowaad, in lagu farxad geliyo dhinacyo shisheeye oo ku lug leh loolanka juqraafi siyaasadeed ee ka socda Soomaaliya. Madasha ma aysan magacaabin dhinacyadaas. 2 – Tan labaad, in si qiyaano ay ku dheehan tahay loogu niyad dejiyo carrada shacabka Soomaaliyeed ay ka qaadeen dhimashada, dhaawaca iyo burburka ka dhashay “fashilka hay’adda ee ah inay ururiso macluumaad sirdoon oo ka hortagi karay weerarkaas. Qoraalka Madasha ayaa lagu yiri “Labadaas ujeedada waa kuwo xaqiiqdii ah ceeb.” Madasha Xisbiyada Qaran ayaa muujisay “inay tahay niyadxumi iyo sharci-darro akhbaarta aan dhameystirneyn ee NISA ee looga dan leeyahay in mas’uuliyadda weerarka looga qaado kuwii weerarka gaystay ee sida cad u sheegtay.” Madasha ayaa ugu dambeyn ugu baaqday Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha Amniga inay “ka fogaadaan baahinta warar marin habaabin ah iyo abuurista cadow aan jirin oo lagu hurdisiiyo qaranka mar kasta oo ay dhacdo dhibaato weyn oo u baahan isla xisaabtan siyaasadeed iyo mid farsamo.” Hoos ka aqriso qoraalka Madasha Xisbiyada Qaran oo ku qoran English
  13. Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Dacwadda Laga Gudbiyay Source
  14. Jabhaddii Kornayl Caarre Oo La Soo Afjaray Iyo Heshiis La Galay, halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kulamo magaalada Dhuusamareeb ku dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Calki Kheyre, hoggaanka Ahlu-Sunna iyo odayaasha beelo tabasho ka qabay xildhibaanada Ahlu-Sunna ayaa waxaa ka soo baxay is fahan hor dhac ah, sida ay xogta ku heshay Casimada Online. Odayaasha beesha degta magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gurceel ee Ceyr ayaa tabashada ugu badan ka qabay 20-ka xildhibaan oo ay soo xushay Ahlu-Sunna, kuwaas oo ay ku lahaayeen shan xildhibaan. Kheyre oo Dhuusamareeb u tegay sidii uu u xalin lahaa khilaafka ka dhashay xildhibaanadii ay dowladdu u ogolaatay inay soo xusho Ahlu-Sunna ayaa odayaasha beeshaas ka dalbaday inay tanaasulaan oo Ahlu-Sunna u daayaan shantaas xildhibaan ama sabab ay u noqdaan horay u socod la’aanta dhismaha Galmudug. Xogta ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in odayaasha beesha Ceyr ay ogolaadeen dalabkii Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana Ahlu-Sunna u daayeen shan ka mid ah lix xildhibaan oo beeshaasi ay qoondo ahaan ku leedahay Galmudug. Xildhibaan Mahad Salaad, oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ee Galmudug laga soo doorto ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaa is afgarad ku soo dhamaaday kulan galabta ku dhex maray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug Ra’iisul Wasaaraha XFS, Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanada labada Gole Barlamaanka Federaalka ku metala deegaanadaan iyo Odoyaasha Dhaqanka degmooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan. “Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanada iyo Odoyaasha Dhaqanka oo si xilkasnimo leh isaga xilsaaray in meesha laga saaro madmadow ka dhashay xulista Xildhibaanada Galmudug.” Markii ay odayaashu tanaasuleen, ayaa wasiirka arrimaha gudaha waxa uu kulan iskugu yeeray odayaasha dhaqanka beelaha kale ee Galmudug oo uu u soo jeediyey inay joojiyaan tabashooyinka ay ka qabaan xildhibaanada ka yimid Ahlu-Sunna, isla markaana ay ku daydaan beesha Ceyr oo Ahlu-Sunna uga tanaasushay shan ka mid ah lix kursi oo ay ku lahaayeen baarlamaanka Galmudug. Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo hoggaamiyaha Ahlu-Sunna ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid yihiin in 20-ka Xildhibaan ee Ahlu-Sunna sidooda loo dhaafo codkoodana ay siiyaan musharaxa ay wadato dowladda, iyadoo xogta aan helnay ay sheegeyso in Ahlu-Sunna loo balan qaaday inay xukuumaddu kala shaqeyn doonto inay hesho guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug.
  16. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan ciidamada madaxtooyada oo tababar loo soo xiray, ayaa ballan-qaaday in uu Puntland ka sifayn doono dadka loo yaqaanno CAAGLAYAASHA oo ku mushahar qaata magaca ciidamada. “ waxaa nasiib-darro ah, in dad sidaas u soo taagan oo habeen iyo maalin xabbad iyo dhufays ku jira, ay la xaquuq noqdaan kuwa dibadaha jira sidaan warka ku haynno, kuwa magaalaca iska laafyoonayan iyo kuwa gidaaarada isaga qayilaya, wax la aqbali karo maaha runtii.” Ayuu yiri madaxweyne Deni. Mudane Deni, ayaa sheegay in uu tallaabo cad ka qaadi doono askarta ku shaqeysta habka CAAGLAYAASHA ee mar walba hor-taagan in ciidamada la diiwaan-geliyo, islamarkaana jidgooyada dhigta ama xarumaha dowladda qabsada, markii sida ay wax u rabaan loo yeeli waayo ama la siin waayo mushahaaraad iyo xuquuq aysan lahayn. “ Waxaa annaga ballan nagu ah, in aan dalkaan Madax-furasho loo haysan doonin mar dambe, haddaa idinku nagu garab istaagtaan, mid meel istaagay, mid ismadoobeeyay iyo mid reero soo kaxaystay, intaba kama aqbalayno horumarinta dalkan in aan uga baqno.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Halkaan ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Deni: Waxa ballan nagu ah in aan Puntland Madax-furasho dambe loo haysan doonin appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-01012019.mp3 View the full article
  18. Riyadh (Caasimadda Online) – Shirkii Golaha Wasiirada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiyaa ayaa laga soo saaray war-murtiyeed looga hadlay xaaladaha ka taagan wadamada Islaamka sida Ciraaq, Soomaaliya, Liibiya iyo wadamo kale. Qeyb ka mid ah war saxaafadeedka laga soo saaray shirkaas ayaa si weyn loogu cambaareeyey weerarkii ay Kooxda Al-Shabaab ka fulisay Muqdisho 28 Bishii December ee sanadkii dhamaaday kaasoo ka dhacay Isgoyska Ex Control ee Afgooye. Golaha Wasiirada ayaa tacsi hawada usoo mariyey eheladii dadkii ku dhintay qaraxaas ay mas’uuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab, waxayna sidoo kale golaha u duceeyeen kuwii ku dhaawacmay weerarkaas oo ay u Sacuudiga ku tilmaamtay inuu ahaa mid argagixiso. Sacuudiga ayaa tilmaamtay inuu mowqifkeedu yahay in laga hor imaado falal kasta oo ah kuwa Rabshad, xagjirnimo iyo argagixiso ah. “Sacuudiga wuxuu diidan yahay nooc walba oo fowdo, xagjirnimo iyo argagixiso ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada. Shirka Golaha Wasiirada oo ka dhacay Magaalada Riyadh ayaa waxaa guddoominayey Boqorka Sacuudiga Salman Bin Cabdulcasiis. Warbixinta kasoo baxday Golaha Wasiirada ayaa kusoo aadeyso xilli Boqorka Sacuudiga iyo Dhaxalsuge Maxamed Bin Salman ay farriin tacsi ah soo gaarsiiyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qaraxii ka dhacay Ex Control Afgooye ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 100 qof waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 150 kale, wuxuuna afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere qiray inay fulisay qaraxaas Kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanto Soomaaliya iyo wadamo ku yaalo Geeska Afrika. Hay’adda NISA ayaa qaraxaas sheegtay inuu ka dambeeyey dal shisheeye, oo aysan magacaabin, hase yeeshee wargeys Turkish ah oo aad ugu dhow dowladda dalkaas ayaa qoray in dhaxal-sugaha Imaaraadka carabta Maxamed Bin Zayed uu bixiyey amarka lagu fuliyey qaraxa.
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Sshalay 15 sano oo xabsi ah ku xukuntay Faadumo Xuseen Cali balse loo yaqaan Faadumo Korneyl oo ka tirsaneyd ururka Al-Shabaab. Faadumo waxay aheyd Shaqaale ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hooyooyinka Qaranka, waxaana lasoo xiriiray ururka Al-Shabaab oo ka dalbaday inay la shaqeyso, isla markaasna la hoos geeyo madaxii howlgallada Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir Axmed Maxamed Xaaji (Ilka-case) oo isna dil toogasho ah shalay lagu xukumay. Haweeneydaan oo la hadleysay warbaahinta dowladda ayaa sheegtay inay aqbashay dalabka Al-Shabaab waxayna dhahday “Al-Shabaab waxay i dhaheyn qori kuu dhiibi meyno, qarax samey kuma dhaheyno, hub noo kala wareeji kuma dhaheyno kaliya waxaa kaa rabnaa macluumaadka madaxda degmada, xilliga ay xafladaha jiraan iyo waqtiyada ay imaanayaan xarunta”. Faadumo ayaa Ururka Al-Shabaab u gudbisay macluumaad badan oo ku saabsan Gobolka iyo degmada ay dagnayed, waxayna laheyd magacyo badan oo afgarasho ah waxaana ka mid ah Faadumo Korneyl iyo Cosobo. Faadumo inay ku biirto Al-Shabaab waxaa sabab u ahaa Cabdullaahi Cabdi Biya-maaxo oo ah nin ay dhashay islaan eedo u ah Faadumo, waxayna deegaan ahaan kasoo jeedaa Gobolka Hiiraan waana 24 jir, sida ay sheegeen hey’adaha Ammaanka ee Dowladda Soomaaliya. Shaqada ugu badan oo ay Faadumo qaban jirtay ayaa aheyd inay is tusiso dableyda Khaarijiyeyaasha ah ee Al-shabaab ka tirsan iyo dadka ay dilayaan. Faadumo ayaa fududeysay isla markaasna kooxaha Al-Shabaab u qaabilsan dilka kala shaqeysay shirqoolo lagu dilay saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska iyo Mas’uuliyiin kale sida laga hor caddeeyey maxkamadda Ciidamada Qalabka sida. Faadumo ayaa qirtay inay shaqada ay ka heysay Maamulka Gobolka Banaadir u adeegsan jirtay sidii ay Al-Shabaab uga caawin laheyd dilalka madaxda Dowladda. Ururka Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe haweenka u isticmaalayey fulinta shirqoolada iyo qaraxyada ay ka fuliyaan Muqdisho, waxaana qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir ka dhacay fulisay haweeney Indhoole ah oo Gobolka ka shaqeyn jirtay. Hey’adaha Ammaanka ayaa sheegay inay ku daba joogaan Liiska Haweenka Al-Shabaab la shaqeeyo oo ay kamid aheyd Faadumo.
  20. (SLT-Hargeysa)-Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa Maxkamad hor-geeyay Madax-dhaqameed la sheegay inay ka soo horjeedsadeen Mashaariicda Horumarineed ee Dawladda Imaaraadka Carabtu ka waddo Deegaannada Puntland. Odayaal dhaqameedka Maxkamadda Boosaaso la hor-geeyay Maanta ayaa marmar kala duwan Warbaahinta mariyey Hadallo ay ku muujiyeen inay ka soo horjeedaan Hawlaha Horumarineed ee Imaaraadku ka wado Gudaha Puntland, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Maamulka Dekedda Boosaaso oo lagu wareejiyey Shirkadda DP World oo Imaaraadka laga leeyahay. Maxkamadda Degmada Boosaaso oo Maanta la horgeeyay Odayaasha oo xidhnaa ayaa Dhageysiga Dacwaddooda u mudday Maalinta Axadda ee Toddobaadka soo socda, si dhegaysiga Dacwaddooda loo sii ambo-qaado. Imaaraadka oo Mashaariicda uu ka wado Puntland ay Odayaashani ka soo horjeedsadeen ayaa halkaa ka fuliyey Mashaariic ay ka mid yihiin Ballaadhinta Garoonka diyaaradaha ee Garoowe iyo Maalgelin uu ku samaynayo Dekedda Boosaaso. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Maraykanka ayaa ka digtay in Diyaaradaha isticmaala Hawada Dalka Kenya ay Kooxaha Argagixisadu Weerarro la beegsadaan. Waaxda Duulista Hawada ee Maraykanka ayaa soo saartay digniin ah inay labada Bilood ee soo socda ay suurto-gal tahay in Argagixisadu ay weerarro la beegsadaan Diyaaradaha Isticmaala Hawada Kenya, gaar ahaan kuwa Maraykanku markay ku jiraan hawada Dalka Kenya. Waaxda Duulista hawada ee Maraykanku waxay sheegtay in Kooxaha Xag-jirka ahi ay Weerarradaa u adeegsan karaan noocyada Hubka oo uu ku jiro Hubka lidka diyaaradaha, Gantaallada iyo Hubka yaryar xilliyada ay hawada ku jiraan Diyaaraduhu ama fadhiyaan Garoomada. Waaxda Duulista oo digniintan soo saartay Toddobaadkii hore ayaa si gaar ah uga digtay in la weerarro Diyaaradaha qaada Rakaabka Rayidka ah ee ka diwaangashan Dalka Maraykanka, waxaana si gaar ah Digniin ay ugu dirtay Dadka raaca diyaaradahaasi “Dadkaas waxa lagula talinayaa inay taxadaraan markay ku duulayaan Gudaha ama waa inay ka wareegaan hawada Bariga Dalka..” ayaa lagu sheegay Digniinta ka soo baxday Hay’adda Federaalka Maraykanka u qaabilsan Duulista hawada ee loo yaqaanno FAA. Digniintan ayaa Hay’addu sheegtay inay dib u eegis ku samayn doonto 26-ka February, 2020. Source
  22. Jaamac Shabeel ayaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in aanu waxba dalka ka qaban labadii sannadood ee uu xilka hayay, sidoo kalena sharciga iska laabay oo uu wixii uu doonayo dalka ku maamulayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Baghdad (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee safaaradda Mareykanka ee Baghdad ayaa maanta u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa inay kala eryaan dibad-baxayaal Iran taageersan oo xalay oo dhan ku sugnaa irdaha safaaradda. Kumanaan banaan-baxayaal ah oo taageersan maleeshiyooyinka hubeysan ee Iraq, ayaa ku xoomay safaaradda, ayaga oo ka carreysan duqeymo Mareykanka uu fuliyey oo lagu dilay 25 ka mid ah dagaal-yahanada taageersan Iran. Dibad-baxayaasha ayaa ka gudbay barta laga kontoroolo safaaradda oo ku dhex-taalla Aagga Cagaaran ee amnigiisa aadka loo ilaaliyo, si ay u gaaraan safaaradda. Dibad-baxayaasha ayaa dibadda safaaradda ka dhistay qiyaastii 50 teendho iyo musqulo guura, waxayna ku dhowaaqeen inay ku sugnaan doonaan halkaas illaa ciidamada Mareykanka ay ka baxaan Iraq. Dibad-baxayaasha ayaa maanta ku dhowaaday darbiga kaliya ee u dhaxeeya ayaga iyo dhismaha weyn ee safaaradda, waxaana ay gubeen calanka Mareykanka. Ayaga oo u jawaabaya, ayaa ciidamada amniga waxay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa, waxaana lagu soo warramayaa inay dhowr qof ku dhaawacmeen. Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay Iran inay mas’uul ka tahay dibad-baxayaasha weerarka ku ah safaaradda, waxayna ku cadaadisay dowladda Iraq inay sare u qaaddo ciidamada sugaya amniga safaaradda. Balse Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inaysan u muuqan in Mareykanka uu dagaal la geli doono Iran. “Uma malaynayo in Iran ay dooneyso in taas ay dhacdo. Si deg deg ah ayay ku bixi lahayd.” Ayuu Trump u sheegay weriyayaasha. Trump ayaa shalay soo tweet gareeyey in Iran ay qaadi doonto mas’uuliyadda waxyeello kasta ama dhaawac kasta oo ka dhaca safaaradda. “Waxay bixin doontaa qiimo weyn. Tani ma ahan digniin. Waa hanjabaad.” Ayuu yiri Trump. Madaxweynaha Mareykanka ayaa Talaadadii kala hadlay ra’iisul wasaaraha Iraq Adel Abdul Mahdi inay ilaaliyaan shaqaalaha iyo xarumaha Mareykanka ee Iraq, waxaana uu xalay u mahad-celiyey dowladda Iraq. “Si deg deg ah ayey uga soo baxeen.” Ayuu yiri Trump. Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa dhacdadii Talaadada uga jawaabeysa inay ciidamo 750 askari oo dheeraad ah u dirto Bariga Dhexe. “Daad-gureynta ciidamadan waa talalabo taxaddar ah oo habboon oo la qaadayo, si looga jawaabo halis sare usii kaceysa oo ay wajahayaan shaqaalaha iyo xarumaha Mareykanka.” Waxaa sidaas yiri wasiirka difaaca Mareykanka Mark Esper. Dibad-baxayaasha isku dayaya inay galaan safaaradda Mareykanka ee Iraq oo dhowr kun ah, ayaa ka carreysan duqeymo ay ciidamada Mareykanka la beegsadeen maleeshiyo Iran ay taageerto oo ku sugan dalalka Iraq iyo Syria.