-
Content Count
214,195 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
A South African photojournalist has returned home after spending three years in captivity with the Islamic State in Syria, his family said Friday in Johannesburg. Source: Hiiraan Online
-
Tensions between the United States and Iran escalated on Friday after a US air raid killed Qassem Soleimani, head of Iran's elite Quds Force, and Abu Mahdi al-Muhandis, deputy commander of Iran-backed militias known as the Popular Mobilisation Forces, or PMF. Source: Hiiraan Online
-
The Somali Government has confirmed that its commandos killed 30 militants and destroyed vehicles packed with explosives during a raid in the Lower Shabelle province. Source: Hiiraan Online
-
Trump oo sheegay sabab yaab leh oo ay u dileen Jeneral Qassem Soleimani Ayada oo laga cabsi qabo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe, ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu sheegay in sababta loo dilay Jeneralkii sare ee Iran ee Qassem Soleimani ay tahay in laga hortago dagaal ka dhaco Bariga Dhexe. “Waxaan ficilkan u qaadnay inaan joojinno dagaal, uma qaadin inaan billowno dagaal” ayuu yiri Trump oo wax laga weydiiyey cabsida laga qabo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe. Trump waxa uu sheegay in Soleimani uu qorsheynayey “weerar xun” oo ka dhan shaqaalaha Mareykanka ee Bariga Dhexe, ayna ku qasbanaayeen inay ka hortagaan. “Jeneral Qassem Soleimani waxa uu dilay ama si xun u dhaawacay kumanaan Mareykan ah, wuxuuna hadda qorsheynayey inuu kuwo hor leh dilo, balse waan ku qabanay” ayuu yiri madaxweyne Donald Trump. “Waxa uu sidoo kale si toos ama aan toos ahayn uga mas’uul ahaa dhimashada malaayiin qof, oo ay ku jiraan tiro badan oo banaan-baxayaal ah oo dhowaan lagu dilay dalka Iran.” Ayuu yiri Trump. “Muddadii argagixisanimo ee Soleimani waa ay dhammaatay” ayuu yiri Trump. Madaxweyne Donald Trumo waxa uu sidoo kale sheegay in Mareykanka uusan dooneyn in taliska Iran la beddelo. “Ma dooneyno inaan is-beddel talis ku sameyno Iran” ayuu yiri. Iran ayaa ku hanjabtay “aargudasho darran”, waxaana ay sheegtay in Mareykanka uu qaadi doono mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhasha dilka Jeneral Qasem Soleimani. Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku hanjabay “aargudasho darran”, oo ka dhan ah “dambiilayaasha gacmahooda dhiigga la galay,” isaga oo wacad ku maray in “shaqadiisa iyo waddadii uu hayey aan la joojin doonin.” Dhinaca kale, hoggaamiyaha kooxda Tehran ay taageerto ee dalka Lubnaan ee Xizbullah ayaa maanta ku baaqay in loo aargudo dilka Qasem Soleimani. “In la fuliyo ciqaabta ku habbon dambiilayaashan wax khaarijiyey, waxay noqon doontaa mas’uuliyadda dhammaan dagaal-yahanada wax iska caabinta ee caalamka.” Ayuu bayaan uu soo saaray ku yiri Hassan Nasrallah. Qaran News
-
Qaasim Suleeymaan: Sida ay dunida uga falcelineyso dilka janaraalka ugu caansan Iran Janaraal Qaasim Suleeymaan Janaraal Qaasim Suleymaan oo ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iran oo lagu magacaabo Quds ayaa waxaa lagu dilay gantaallo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku rideen elaboorka magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq waxaana dilkiisa xaqiijisay dowladda Mareykanka. Ciidamada Qudus ayaa ah ciidan qaabilsan hawlgalada dibadda, kana tirsan ciidamada dalka Iran. Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in dilka Qaasim Sulaymaani uu amray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump. 62 jirkan hogaaminhyayay ciidamada Qudus ayaa waxaa loo arkayay inuu ahaa qofka labaad ee ugu awoodda badan dalkaasi Iran marka laga oo tago hogaamiyaha maxkamadda ugu sareyso dalkaasi Ayatollah Khamenei. Gudaha dalka Iran waxaa uu ka ahaa geesi qaran balse Mareykanka ayaa Janaraal Suleeymaan iyo ciidamadiisa Qudus waxay u yaqaaneen argagixiso. Sidan ayay dunida uga falcelisay dilka Qaasim Suleeymaan. ‘Argoosi xanuun badan’ Hogaamiyaha Maxkamadda ugu sareyso dalkaasi Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in ”aargoosi xanuun badan uu sugayo dambiileyaasha” ka dambeeyay weerarka, iyadoona dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Iran Javad Zarif weerarkaasi ku tilmaamay ”ficil argagixiso caalami ah” Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @JZarif 21.4K people are talking about this Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @JZarif Madaxweyne Xassan Rowxaani ayaa ku hanjabay in ”dalka weyn ee Iran uu aargoosan doono”. Geerida janaraalka ayaa qabsatay warbaajinta Iran. Getty Images Severe revenge awaits the criminals (behind the strike) Ayatollah Ali Khamenei Supreme Leader of the Islamic Republic of Iran Ka dib markii uu dhacay weerarka, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku baahiyay sawirka calanka Mareykanka. Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @realDonaldTrump 308K people are talking about this Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @realDonaldTrump Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in Suleeymaani uu qorsheynayay weerarro dheeraad ah oo lagu bartilmaameedsanayo diblomaasiyiinta Mareykanka ee ku sugan Ciraaq ka dib dilkii qandaraaslihii Mareykanka iyo weerarkii safaaradda Mareykanka ee Baqdaad. Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa baahiyay muuqaal muujinayay shacab Ciraaqiyiin ah oo wado calanka Ciraaq oo weyn kuwaasi marayay waddooyinka. Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @SecPompeo 68.4K people are talking about this Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @SecPompeo Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga Elizabeth Warren ayaa sheegtay in Janaraal Suleeymaan uu ahaa”dilaa”, go’aankii lagu dilayna uu ahaa ”mid aan laga fiirsan” Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ayaa muwaadiniinta Mareykanka ku boorrisay iney ”sida ugu dhakhsiyaha badan uga baxaan dalka Ciraaq”, weeraka ka dib. Waa kuma Qaasim Suleymaani, Jeneraalka laf-dhabarka u ahaa Iran ee Mareykanka uu dilay? Maxaa ka dhalan karo dilka Suleymaani, maxaase hadda loo dilay? ‘Khatarta sare u kacidda xasaradda’ Raysal-Wasaaraha Iran Caadil Cabdul Mahdi ayaa cambaareeyay dilka Janraal Suleeymaan iyo Talihii maleeshiyada Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis oo isagana lgu dilay isla weerakaasi. Waxa uu sheegay in weeraka uu ahaa ”mid sare u sii qaadaya khatarta ah in Ciraaq uu ka dhaco dagaal ba’an,” sidaasi waxaa soo weriyay warbaahinta dowladda Ciraaq ee Ciraaqiya News. Raysal Wasaaraha ayaa intaasi ku sii daray in weerarkaasi uu baalmaray shuruucdii milatariga Mareykanka ku sugan Ciraaq, waxa uuna ku baaqay in baarlamaanka ay isugu yimaadan kulan aan caadi ahayn. Madixii hore ee sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa sheegeey ineysan u muuqan, si Iran aysan u qaadi karin tallabo argoosi ah oo loogu aarayo Janaraal Suleeymaani, uuna aaminsan yahay in muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan gobolka ay khatar ku jiraan. Wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa sheegay in dilka Sulkeeymaani ee Mareykanka uu u muuqdo tallaabo aan laga fiirsan taasi oo horseedi karto iney sare u sii kacdo xasaradda gobolka. “Suleeymani waxa uu si hagar la’aan ah u difaacayay danaha qaranka Iran. Waxaan u tacsiyeyneynaa shacabka reer Iran,” ayuu intaasi ku sii daray wasiirka. Shiinaha ayaa dhammaan dhinacyada is haya ugu baaqay, gaar ahaan mareykanka iney dejiyaan xaaladda ka dib geeridii Janaraal Suleeymaan. Shiinuhu waxa uu xubin joogto ah ka yahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waana mid ka mid ah dalalka ugu iibsashada badan shidaalka Iran. Wasiirka Midowga Yurub u qaabilsan faransiiska Amelie de Montchalin ayaa iyadana ka hadashay dhacdadan: ”Waxaanu ku waa bariisanay duni ay khatarteedu sii kordheyso”. Qaran News
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay magacaabay guddi doorasho cusub, maalin kadib markii uu kasoo horjeestay dowladda federaalka. Qoraal uu soo saaray Xaaf, ayuu ku magacaabay guddigan oo ka kooban 11-xubnood, waxaana uu ku armay inay soo xaroodaan ugu dambeyn 10-ka bishan Janaayo. Xaaf ayaa sidoo kale guddiga faray in guddoomiye iyo ku xigeen doortaan ugu dambeyn 12-ka bisha Janaayo. Magacaabistan ayaa timid maalin un kadib markii Xaaf uu sheegay in isagoo tix galinaya dastuurka dalka iyo kan u gaarka ah dowlad goboleedka Galmudug, uu dib ula laabtay awoodii uu horay ugu wareejiyey wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale Xaaf ayaa amray golihiisii wasiirrada iyo dhamaan howl-wadeenada kale ee maamulka inay ka shaqo bilaabaan xaafiisyadooda ugu dambeyn 15-ka bishan Janaayo 2020. Guddiga maamul u dhisidda Galmudug ayaa shalay aqbalay 20-ka xildhibaan ee ay soo gudbisay Ahlu-Sunna, taasi oo u muuqata inay ugu dambeyn xalin doonto khilaafkii ka dhaxeeyey dowladda iyo Ahlu-Sunna, balse tallaabooyinka uu qaaday Xaaf ayaa mugdi cusub gelin kara xaaladda Galmudug, Hoos ka aqriso warqadda uu xalay soo saaray Xaaf
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka bilowday olole xoogan oo liddi ku ah hannaanka geedi-socodka Doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada Galmudug, ee ka socota Magaalada Dhuusamareeb. Iyadoo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre uu Magaalada Dhuusamareeb ka wado kulamo lagu dardar-gelinayo dhismaha maamulka cusub ayaa waxaa si lama fillaan ahayd u mucaaraday Madaxweynaha maamulka uu waqtigiisa sii dhammaanayo ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf). Madaxweynaha oo Khamiistii gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa bayaan uu habeen hore soo saaray waxaa uu ku sheegay inuu dib ugala soo laabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya wakiilashadii uu u wakiishay inay soo dhisto maamulka cusub. Madaxweynaha Galmudug oo muddooyinkii ugu dambeysay uu heshiis is faham ah kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka ayaa u muuqdo mid gebi ahaanba saluugsan dhabaha ay Guddiga Farsamada u marayaan dhismaha Galmudug loo dhan yahay. Madaxweynaha ayaa Golaha Wasiirada Galmudug iyo hawlwadeenadaba ku wargeliyay inay dib uga hawlgalaan xarumahooda, laga bilaabo 15-ka bishan January. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka ee beelaha Galmudug iyo saamileyda siyaasadda inay ka soo qaybgalaan 25-ka bishan shir looga hadlayo aayaha Galmudug iyo sidii talo mideysan loogu soo dhisi lahaa Galmudug bad-qabta. Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa Magaalada Gaalkacyo ka wada kulamo uu dadka kaga tashi gelinayo shirka uu doonayo in uu ka qabsoomo Magaalada Gaalkacyo toddobaadyada soo socda. Dowladda Federaalka Somaliya oo garowsan in hadalka Madaxweyne Xaaf uu caqabad ku noqon karo dardar-gelinta dhismaha Galmudug loo dhan yahay ayaan wax war ah ka soo saarin dhaqdhaqaaqa uu ka bilaabay Magaalada Gaalkacyo, inkastoo ay soo baxayan warar sheegaya in dowladdu qorsheynayso, sidii ay u fashilin laheyd shirka uu ku baaqay Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Madaxweynaha Galmudug. Warar kaloo aan la xaqiijina waxay sheegayan in dowladdu ay wada hadalo la bilowday Madaxweynaha Galmudug. Dhanka kale dadka reer Galmudug ayaa aad u hadalhaya hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Xaaf iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed, ee uu hormuudka ka yahay, kana socda Xarunta Gobolka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo. Doorashada Galmudug ayaa waxaa hareeyay khilaaf xoogan oo aad arki karto, sida uu dib u dhac ugu keeni karo dadaalada uu ujeedkoodu yahay in lagu soo dhiso maamul cusub, oo dadka reer Galmudug ay leeyihiin. Si kastaba ha-ahaatee khilaafka hareeyay doorashada Galmudug ayaa noqday mid soo ifbaxa, markasta oo mid laga gudbo.
-
BAGHDAD (AP) — Iran promised to seek revenge for a U.S. airstrike near Baghdad's airport that killed the mastermind of its interventions across the Middle East, and the U.S. said Friday it was sending thousands more troops to the region as tensions soared in the wake of the targeted killing. Source: Hiiraan Online
-
1. 2019 was a year of unnecessary political conflict; reconcile your differences with opposition groups and Federal Member States before others force a resolution. Source: Hiiraan Online
-
Axmed Ducaale Geelle Xaaf madaxweynaha Galmudug ayaa magacaabay Guddi uu ku sheegay Guddiga doorashada Galmudug. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxweyne Xaaf ayaa lagu magacaabay 11 xubnood, oo lagu sheegay Guddiga doorashada Galmudug. Xubnaha la magacaabay ayaa la faray in ay soo xaroodaan ugu dambeyn 10 Jannaayo 2020, sidoo kale Guddoomiye iyo ku xigeen doortaan 12 Jannaayo 2020. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Khamiistii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa war uu soo saaray kaga laabtay Wakaalashadii uu wakiishay Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya, kadib sida uu sheegay markuu arkay faragalin ay dowladu ku heyso Guddiga doorashada Galmudug. Sidoo kale Xaaf ayaa kalsoonidii kala laabtay Guddiga farsamada maamul u sameynta Galmudug ee 8-dii Oktoober 2019 ay soo saartay Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya. Xaaf ayaa odayaasha dhaqanka iyo saamileyda siyaasadda Galmudug ugu baaqay in ay ka soo qeyb-galaan 25 Janaayo 2020, shir looga arrinsanayo aayaha Galmudug. Madaxweyne Xaaf ayaa markii uu yimid Gaalkacyo wuxuu warbaahinta u sheegey in uu ka shaqeyn doono arimaha nabadeynta. Balse wararka Gaalkacyo ayaa sheegaya in socdaalka Xaaf ay ka dambeeyaan odayaasha iyo siyaasiyiinta gobolka Mudug oo ku doodaya saami qaybsiga Galmudug in meel looga dhacey oo aysan jirin boos kamid ah kuraasta sare oo loo reebey beel ahaan, maadaama awal ay hayeen kursiga madaxweynaha Galmudug. Galmudug ayaa sanadihii ugu dambeeyey ka dhammaan weyday qalalaaso siyaasadeed. PUNTLAND POST The post Xaaf oo Guddi doorasho magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Taliska Militariga Maraykanka ee Qaaradda AFRIKA ayaa ka warbixiyay duqeyn uu Jimcihii Shalay ka fuliyay gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaanno AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta oo lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya lagu dilay 3 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab. Sidoo kale qoraalka Maraykanka waxaa lagu sheegay in ay baaritaan ku samaynayaan haddii ay jiraan dad rayid ah oo khasaare ka soo gaaray duqeynta halkaasi Al-shabaab lagula beegsaday. Duqeyntaasi ayaa lagu tilmaamay middii u horraysay ee Militariga Maraykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya sannadkan 2020-ka. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo sheegay in uu xubno ka tirsan Al-shabaab ku laayay koonfurta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Ayada oo laga cabsi qabo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe, ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu sheegay in sababta loo dilay Jeneralkii sare ee Iran ee Qassem Soleimani ay tahay in laga hortago dagaal ka dhaco Bariga Dhexe. “Waxaan ficilkan u qaadnay inaan joojinno dagaal, uma qaadin inaan billowno dagaal” ayuu yiri Trump oo wax laga weydiiyey cabsida laga qabo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe. Trump waxa uu sheegay in Soleimani uu qorsheynayey “weerar xun” oo ka dhan shaqaalaha Mareykanka ee Bariga Dhexe, ayna ku qasbanaayeen inay ka hortagaan. “Jeneral Qassem Soleimani waxa uu dilay ama si xun u dhaawacay kumanaan Mareykan ah, wuxuuna hadda qorsheynayey inuu kuwo hor leh dilo, balse waan ku qabanay” ayuu yiri madaxweyne Donald Trump. “Waxa uu sidoo kale si toos ama aan toos ahayn uga mas’uul ahaa dhimashada malaayiin qof, oo ay ku jiraan tiro badan oo banaan-baxayaal ah oo dhowaan lagu dilay dalka Iran.” Ayuu yiri Trump. “Muddadii argagixisanimo ee Soleimani waa ay dhammaatay” ayuu yiri Trump. Madaxweyne Donald Trumo waxa uu sidoo kale sheegay in Mareykanka uusan dooneyn in taliska Iran la beddelo. “Ma dooneyno inaan is-beddel talis ku sameyno Iran” ayuu yiri. Iran ayaa ku hanjabtay “aargudasho darran”, waxaana ay sheegtay in Mareykanka uu qaadi doono mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhasha dilka Jeneral Qasem Soleimani. Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku hanjabay “aargudasho darran”, oo ka dhan ah “dambiilayaasha gacmahooda dhiigga la galay,” isaga oo wacad ku maray in “shaqadiisa iyo waddadii uu hayey aan la joojin doonin.” Dhinaca kale, hoggaamiyaha kooxda Tehran ay taageerto ee dalka Lubnaan ee Xizbullah ayaa maanta ku baaqay in loo aargudo dilka Qasem Soleimani. “In la fuliyo ciqaabta ku habbon dambiilayaashan wax khaarijiyey, waxay noqon doontaa mas’uuliyadda dhammaan dagaal-yahanada wax iska caabinta ee caalamka.” Ayuu bayaan uu soo saaray ku yiri Hassan Nasrallah.
-
Guddiga farsamada iyo maamul dhisidda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta shaaciyey liiska xildhibaannada maamulka Ahlu suuna ay ku yeelan doonaan dowlad gobaleedka afarta sano ee soo socota. Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu xusay magacyada 20 xildhibaannada oo Ahlu sunna uga mid noqonaya dowlad gobaleedka Galmudug oo hadda dhismihiisa ay ka socoto magaalada Dhuusamreeb ee caasimadda maamulkaasi. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-habeen-03012019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in weerar qorsheysan oo la fuliyey lagu dilay 30 ka mid ah dagaal-yahannada kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa gobolka Shabeellaha Hoose. Weerarka, oo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan guutada kumaandooska Xoogga dalka ee Danab, gaar ahaan Guutada 16-aad, ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Baloow Eylo ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Taliyaha guudata 16-aad, ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa warbaahinta ciidamadda qalabka sida u sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheeysan, islamarkaana xubnaha Shabaabka ah ee lala beegsaday ay diyaarinayaan gaadiid qaraxyo ah oo ay doonayeen inay kusoo weeraraan Muqdisho. Taliyaha ayaa intaas ku daray in gaadiidka qaraxyada lagu diyaarinayey ay ahaayeen nooca xamuulka, islamarkaana ay dhinaca cirka ka duqeeyeen taasi oo, sida uu sheegay, sahashay iyadoo cidna uu khasaare kasoo gaarin in la burburiyo. “Waxaa howl-galka lagu dilay ugu yaraan 30 maleeshiyo oo Shabaab ah oo ay ku jriaan saraakiil sare.” Ayuu yiri Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin . Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah howl-gallo ay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ku todobaadyadii lasoo dhaafay ay ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose. Maalma ka hor ayaa guudata 16-aad waxa ay Al-Shabaab kala wareegtay todoba tuulo oo ka tirsan Shabeellada Hoose, iyada oo Taliye Ismaaciil uu ballan qaaday inay sii wadayaan howl-gallada inta laga soo afjarayo jiritaanka Kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.
-
Somalia's Western-backed government forces beat and detained a record number of journalists last year, the journalists' syndicate told Reuters on Friday, prompting suggestions the government is suppressing scrutiny of its security record ahead of elections due this year. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa Magalaada Dhuusameeb kula kulmay Maanta Odayaasha dhaqanka degaanka Xeraale ka xog wareystay sida uu u dhaqan galay heshiiskii nabadeed ee Dadka reer Xeraale iyo Huurshe. Odaayasha ayaa Ra’iisul Wasaaraha Dalka u sheegay in heshiiskaas uu guulaystay, haatanna Dadku ay ku noolyihiin nabad iyo degganaasho. Mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa uga mahadceliyay Odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada sida wanaagsan ee ay uga shaqeeyeen howlaha nabadaynta, wuxuuna kula dardaarmay in la sii xoojiyo dib u heshiisiinta iyo wada noolaanshaha. View the full article
-
Click here to read more Qaran News
-
Popular Contributors
