Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,776
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sida ay baahisay warbaahinta CCTV7 oo ah kanaalka rasmiga ah ee telefishanka Shiinaha u qaabilsan wararka militariga ciidamada Shiinaha ay si guul ah u soo gabagabeeyeen dhoolatuska ballaaran oo ay ka wadeen agagaarka badda Taiwan. Dhaqdhaqaaqan militari ayaa dhacay saddex maalmood ka dib markii la caleemasaaray madaxweynaha cusub ee jasiiradda Taiwan Lai Ching-ti oo uu Shiinuhu uu ku tilmaamay gooni-goosad halis ah. Xukuumadda Beijing ayaa sheegtay in dhoolatuskan oo ah kii ugu weyn ee ay muddooyinkaan ciidankeedu sameeyaani uu isugu jiro dhulka, badda, cirka, iyo qaybta istiraatiijiga ah ee gantaallada. Taiwan dhankeeda waxay dhaqdhaqaaqyada Shiinaha ku tilmaamay daandaansi qaawan oo ku wajahan nidaamka adduunka, sida uu sheegtay Af hayeenka madaxweynaha Karen Kuo. “Daandaansiga Shiinuhu ma aha oo kaliya in uu wiiqo xaaladda nabadda iyo xasilloonida ee marin biyoodka Taiwan, laakiin sidoo kale waa daandaansi bareer ah oo ka dhan ah nidaamka adduunka, kaas oo keenaya cabsi weyn iyo cambaareyn caalami ah” ayay tiri Karen Kuo. Madaxweynaha cusub ee Taiwan ayaamunaasabaddii caleemasaarkiisa kasheegay inuu garab istaagi doono ciidamada maamulkiisa si loo difaaco amniga jasiiradda. Taiwan ayaa maamul ay dalal badan oo uu Mareykanku ku jiraahi ay sida dowlad madax-bannaan ula dhaqmaan, balse Shiinuhu wuxuu sheegtaa inay tahay gobolka kamida dhul weynihiisa. Source: goobjoog.com
  2. Waxaa Magaalada Swakopmund ee Dalka Namibia lagu soo gabo gabeeyay Shirkii Furdooyinka 30-aad ee Dalalka Bariga iyo Koofurta Africa WCO-ESA. 23rd& 24th May 2024 Shirkani oo ahaa meertadii 30aad ee Furdooyinka Bariga iyo Koofurta Africa waxaa daah furay Wasiirka Maaliyadda dalka Namibia H.E. Ipumbu Shiimi. Dhinaca Soomaaliya oo ku matalayay Agaasimaha Furdooyinka dalka ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane. Abukar Sh Ahmed Mursal ayaa madasha ka jeediyay khudbad ku saabsan guulaha iyo horumarada shaqo ee ka socda Waaxda Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda. Sidoo kale waxaa Khudbad ka jeediyay Xoghayaha Guud ee Hey’adda Furdooyinka Caalamka H.E. Ian Sounders, isagoo bogaadiyay dadaalada shaqo ee ka socda Furdooyinka Soomaaliyeed, wuxuuna balan qaaday in ay Hey’adda si gaar ah u garab taagan tahay xoojinta Furdooyinka ee dhinacyada khibradda iyo farsamada. Source: goobjoog.com
  3. Kulan balaadhan oo ay xisbiga Waddani ee Burco isugu yimaadeen magaalada Burco oo uu hor kacaayay gudoomiyaha xisbiga Waddani iyo qaar ka mida waxgaradka xisbiga ayaa Burco soo dhawayn iyo.mahad naq ugu sameeyay siyaasi Maxamed Salebaan Wayne iyo siyaasi Ramaax oo ka mid ahaan jiray xisbi xaakimka Kulmiye oo dhawaan ku soo biiray xisbiga Waddani. Siyaasi Ramaax ayaa masuliyiinta Waddani ku wareejiyay guri uu siyay Xisbiga Waddani oo ku yaala magaaladda Burco Qaran News
  4. Adis Ababa, (Qaran news)- Nebyu Tedla, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, ayaa Khamiistii wax laga weydiiyay arrintan xafiiskii Itoobiya ee Somaliland loo bedelay Safaarad oo la dalacsiiyay mar uu shir jaraa’id ku qabtay AddisAbeba. Wuxuu yidhi “kama hadli karo,” sida ay soo xigatay warbixinta DW Amxaariga. Waxaa la xusuustaa in dowladda Federaalka Soomaaliya ay bishii hore amartay in la xidho qunsuliyada Itoobiya ee Hargeysa xaga Somaliland ay diiday amarkii dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, Itoobiya kama aysan hadlin arrintaas Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in Itoobiya ay kor u qaadayso xafiiskeeda qunsuliyadda ee Hargeysa oo ay gaadhsiisay heer safaarad. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Hanuuninta Qaranka Somaliland – Cali Xasan Maxamed- oo ka hadlay isaga oo soo xiganaya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo la sheegay inuu ka hadlay munaasibadda 33-guurada ka soo wareegtay Xornimada Somaliland Qaran News
  5. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/05/446182903_776549454250650_4397856314257374674_n.mp4 Qaran News
  6. Tens of thousands of people fled their homes in a camp in the Sudanese city of al-Fashir, activists said, after a raid by Rapid Support Forces paramilitary forces who are fighting to seize the last army stronghold in the western Darfur region. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) - The Somali government has applauded the UN Security Council's decision to sanction three al-Shabab leaders at the Somali government’s request. Source: Hiiraan Online
  8. Garsoorayaasha Maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay ayaa Jimcihi ku amray Israa’iil, in ay si deg deg ah u joojiso weerarka ay ku qaadday magaalada Rafax ee Marinka Gaza, hase ahaatee Isra’il waxay sheegtay in ay sii wadi doonto weerarka ay ku qaadday Rafax. Xukunka deg degga ah ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa ka danbeeyay kaddib marki ay ay dowladda Koofur Afrcia todobaadki hore maxkamadda geystay dacwad ka dhan ah duullaanka ay Is’aril ku qaadday Rafax, si loo badbaadiyo bay tiri nolosha boqollaal kun oo Falastiiniyiin rayid ah. Isaga oo aqrinayay xakunka kasoo baxay maxkamadda, ayuu guddoomiyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaalada, Nawaf Salaam sheegay in xaaladda dhulka Falastiiniyiinta ee Gaza ay sii xumaanaysay tan iyo xakunki ugu danbeeyay ee maxkamadda ee Isra’iil ku amray in ay qaaddo tallaabooyin ay ku joojineyso masiibada ka jirta Gaza. “Dowladda Israel waa in ay (….) si deg deg ah u joojiso duullaanka millatari, iyo tallaabo kale oo kasta oo ay u qaaddo gobolka Rafax, taasoo ku sababi karta dadka Falastiiniyiinta ee Gaza xaalado nololeed oo ku keeni kara burbur jireed guud ahaan iyo gaar ahaanba,” ayuu yiri Nawaf. Inkasta oo ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ aysan laheyn awood ay ku fuliso xakunnadeeda, haddana kiiskan ayaa calaamad weyn u noqonaya go’doominta caalamiga ah ee Isra’il ee ku aaddan dagaalka ay ku qaadday Gaza, gaar ahaan weerarka ay hadda ka waddo Rafax. Mareykanka oo ah saaxibka ugu dhaw xulufada Isra’il ayaa horay dhowr jeed uga digay weerarka Rafax. Maamulka Biden ayaa sidoo kale horay ugu dhawaaqay inuu hakiyay shixnado hub ah oo loo daabuli lahaa Isra’il, kaas oo ay ku sababeeyeen in ay uga baqayaan in loo adeegsado rayidka Rafax. Maxkamadda ICJ ayaa sidoo kale ku amartay Isra’il in ay furto marinka isku xiro Rafax iyo Masar, si gargaarka bani’aadannimo loo geliyo Gaza. Ciidanka Isra’il ayaa xiray Marinka Rafax dhawaan. Amarka Maxkamadda ayaa waxaa ansixiyay 13 ka mid ah 15-ka garsoore ee qaadiyaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay. Waxaa diiday, garoore u dhashay Ugana iyo garsoore kasoo jeeda Isra’il. Isra’il si adag ayay uga hortimid go’aanka maxkamadda, sidoo kalana been iyo wax lagu yaaq-yaaqsado ku tilmaantay eedda ay u jeedisay South Africa ee ah in Isra’il ay Gaza ka waddo xasuuq. South Africa ayaase go’aanka maxkamadda soo dhaweysay. Waxaa sidoo kale soo dhaweeyay maamulka Falastiiniyiinta. Xamaas oo maamusha Gaza ayaa qeyb ahaan soo dhaweysay go’aanka ICJ, balse sheegtay in qeyb ahaan dhameystirneyn, mar haddii bay yiraahdeen ay Isra’il wali dagaal ka waddo qeybo kale oo ka mid ah Gaza. Source
  9. Arday gaaraysa 21,801 oo isugu jira fasalka 12-aad iyo fasalka 8-aad ee dugsiyada sare iyo dhexe ayaa maanta oo sabti ah u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goordhaweyd jaamacadda PSU ee magaalada Garowe ka daahfuray imtixaanka shahaadiga ah, iyada oo sannadkana ay ardaydu imtixaanka ku geleyaan xarumaha jaamacadaha. Waxaa jirtay arday ka cabanaysay in laga joojiyey gelitaanka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad, waxaana maalin ka hor arrintaas go’aan ka soo saartay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland. Wasaaradda ayaa go’aamisay in ardaydaasi aysan ka qaybgalin imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee sannad dugsiyeedka 2023 – 2024, iyo in ay dhameystirtaan waxbarashada sanad dugsiyeedka 2024-2025. PUNTLAND POST The post Puntland: 21,801 oo arday oo u fariistay imtixaanka shahaadiga appeared first on Puntland Post.
  10. Hindiya iyo Iran ayaa saxeexay heshiis 10 sanno ah oo lagu horumarinayo laguna maamulayo dekedda Chabahar ee Iran, taas oo New Delhi u aragto waddo ganacsi oo istiraatiiji ah oo loogu maro jamhuuriyada Badhtamaha Aasiya ee aan bad lahayn, taas oo u oggolaanaysa inay dhaafto Pakistan oo ay xafiiltamaan. Hindiya ayaa sheegtay in heshiiska uu furay waddooyin cusub oo ganacsi. Balse Maraykanka oo xidhiidhkii uu la lahaa Iran sii xumaaday ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta cunaqabatayn la saaro cid kasta oo ka fikiraysa heshiisyo ganacsi oo lala galo Tehran. Heshiiskan ayaa todobaadkii hore lagu saxeexay magaalada Chabahar ee dalka Iran waxa saxeexay wasiirka maraakiibta Hindiya, Sarbananda Sonawal iyo wasiirka horumarinta magaalooyinka Iran Mehrdad Bazrpash. “Muhiimadda Dekedda Chabahar waxay dhaafsiisan tahay doorka marinka u dhaxeeya India iyo Iran, waa halbowle ganacsi oo muhiim ah oo isku xidha India iyo Afgaanistaan ​​iyo wadamada Aasiyada dhexe,” Sonawal ayaa tidhi saxeexa ka dib. Heshiiska ayaa Hindiya siinaya in 10 sano ay ku isticmaasho dekedda. “Waan ku faraxsanahay heshiiskan, waxaana kalsooni buuxda ku qabnaa Hindiya,” ayuu yidhi wasiirka Iran Bazrpash. Hindiya waxay bilawday inay gacan ka geysato horumarinta dekedda Chabahar iyada oo dhistay goobo cusub oo xamuul iyo marinno 2016 ka dib markii Washington ay khafiifisay cunaqabataynta Iran – ka dib intaanu dib u soo celin cunaqabatayn maamulka Trump 2018. Kadib markii Hindiya iyo Iran ay kala saxeexdeen heshiiska 10-ka sano ah, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, Vedant Patel, ayaa u sheegay warfidiyeenka in cunaqabateynta Maraykanka ee Iran ay weli sii jirto, isla markaana Washington ay sii wadi doonto dhaqan gelinta. “Qof kasta oo tixgelinaya heshiisyada ganacsi ee Iran, waxay u baahan yihiin inay ogaadaan khatarta ka iman karta inay naftooda u furayaan iyo khatarta suurtagalka ah ee cunaqabataynta,” ayuu yidhi. Chabahar waa mashruucii ugu horeeyay ee India ee dekedaha dibada ah iyo New Delhi, waa qayb muhiim ah oo ka mid ah istaraatijiyaddeeda si ay u wanaajiso xidhiidhka ay la leedahay khayraadka hodanka ku ah jamhuuriyada Aasiyada dhexe iyo Afgaanistaan, helitaanka taas oo caqabad ku noqotay xidhiidhka colaadeed ee ka dhexeeya tobanaan sano ee u dhexeeya Hindiya iyo Pakistan. Laakin falanqeeyayaasha India ayaa sheegaya in cunaqabateynta Maraykanka ee Iran ay muddo dheer mugdi gelisay mashruucan, isla markaana ay caqabad ku noqotay New Delhi in ay ogaato awoodda dekedda. Iyada oo maamulka Trump uu ka dhaafay mashruuca Chabahar doorka India ee dib u dhiska Afgaanistaan, xidhiidhka Washington iyo Iran ayaa mar kale sii xumaaday sababta oo ah taageerada Tehraan ee Xamaas tan iyo markii dagaalka Israel iyo Hamas qarxay bishii October ee la soo dhaafay. “Chabahar waxa ay leedahay awood mustaqbalka fog ah. Laakiin shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Hindiya ayaa ka caga jiidaya isticmaalka dekedda, “sida uu sheegay Manoj Joshi, Fellow Heerarka Sare ee Mu’asasada Cilmi-badhista ee Observer New Delhi. Maalgelinta Beijing ee dekedaha iyo kaabayaasha oo qayb ka ah Hindisaha Belt iyo Road waxay walaac ku abuurtay New Delhi waxayna ku kalliftay inay ballaadhiso raadkeeda badda. Saraakiisha India ayaa rajo ka muujiyay heshiiska tobanka sano ah ee India iyo Iran ay qalinka ku duugeen. Hindiya waxay ku maalgelin doontaa $120 milyan horumarinta kaabayaasha waxayna kordhin doontaa $250 milyan oo khad deyn ah Iran. “Heshiiska muddada dheer wuxuu astaan ​​​​u yahay kalsoonida joogtada ah iyo iskaashiga wax ku oolka ah ee u dhexeeya India iyo Iran,” ayuu yidhi wasiirka India Sonawal. Source
  11. Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka budhcad badeeda ee ku sugan Badweynta Hindiya iyo Badda Cas ayaa sheegay in markabka ganacsi ee Basilisk oo ka babanayay calanka Liberia laga sii daayay xeebaha Soomaaliya, islamarkaana 17-shaqaale oo la socday ay bad qabaan. Markabkan ayaa waxaa Khamiistii weerar ku qaaday kooxo looga shakisan yahay inay yihiin budhcad-badeed Soomaali ah, isagoo marayay meel 380-mayl-badeed bari ka xigta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay bayaan ku sheegeen ciidamada badda Midowga Yurub. Midowga Yurub ayaa sheegay in ciidamadoodu ay u diray mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka ee Atalanta, si usoo badbaadiyo markabka iyo shaqaalihiisa oo gacanta u galay burcadbadeedda. Mid kamid ah shaqaalaha markabka oo ku dhaawacmay weerarka ay qaadeen kooxaha burcadbadeedda ayaa lagu sheegay in xaaladeeda ay aad u wanaagsan tahay, oo haatan la daweynayo. Source
  12. Wakiilka Somaliland ee Kenya ayaa sheegay in gobolka Sool aanu Somaliland ka go’i dooni, waxa kale oo uu sheegay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland uu horumar dhaqaale u horseedi doono gobolka. Wakiilka Maxamed A. Maxamuud oo waraysi gaar ah siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in Somaliland ay ka shaqaynayso nabada gobolka Sool, isaga oo kasoo horjeedsaday aqoonsiga Madaxweynaha Soomaaliya ee maamulka SSC Khaatumo. “Taasi waa fikirkiisa lakiin Somaliland dhul weeyaan, dhulkaana lama badali karo, aragti qof uu wato iyo qof Xamar joogaa midna waxba kama badali karo, Laascaanood iyo deegaankaasi Somaliland ayuu ka tirsanyahay wayna ka tirsanaan doonaa” ayuu yidhi Wakiil Maxamuud. Wakiilka oo ka hadlay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa sheegay in heshiiskani uu u taaganyahay isdhaxgalka dhaqaalaha Afrika, laguna gaadhi doono badhaadhee dhaqaale oo ay horseedi doonaan Itoobiya iyo Somaliland oo ku taala goob muhiim u ah ganacsiga gobolka. Wakiilka oo la waydiiyay hadii uu heshiiska Soomaaliya iyo Turkigu wax saamayn ah ku yeelan doono biyaha Somaliland, ayaa sheegay in Turkigu aanu Somaliland la galin wax heshiis ah sidaa darteedna aanu heshiiska Ankara iyo Muqdisho saamayn ku yeelan doonin. “Ogolaansho Somaliland uunbuu Turkigu ku iman karaa Somaliland, hadii aanu ogolaansho Somaliland ka haysan bada iyo dhulka midna ma iman karo” ayuu yidhi Wakiil Maxamuud. Source
  13. Ciidamada ilaalada xadka Azerbaijan ayaa Jimcihi si rasmi ah ula wareegay, afar tuulo oo ka tirsan degmada Gazakh ee dhacda xadka ay Armenia, tallaabadan oo qeyb ka ah heshiis ay labada waddan dhawaan kala saxeexdeen. Raysal wasaare ku xigeennka Azerbaijan Shahin Mustafayev, ayaa sheegay in baaxadda dhulka lagu soo celiyay Azerbaijan uu gaadhayo 6.5 kilomitir oo laba jibbaaran. Wuxuu sheegay in dhulkani loo maray heshiiski ay xukuumadaha Baku iyo Yerevan bishi April. Armenia ayaa bishi April sheegtay in ay Azerbaijan ku celineyso afar tuulo oo aanan la daganeyn. Labada dowladood ayaa arrintaasi ku sheegay mid tiir dhaxaad u noqon doonto nabad waarta oo ka hirgasha gobolka. Laakin go’aanka xukuumadda Armenia ayaa dhaliyay bannaanbaxyo arrintaasi looga soo horjeestay oo ka dhacay Armenia. Dibadbaxayaasha ayaana dalbaday inuu is casilo ra’isulwasaare Nikol Pashinyan. Armenia iyo Azernbaijan ayaa muddo tobnaan sano ah isku heystay lahaanshaha gobolka Nagorno-Karabakh ee ku yaalla xuduudda labada waddan. Labada dal ayaa dhowr jeer uu dhexmaray dagaal toos ah Source
  14. Musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa fariin uu warbaahinta u mariyay dhamaan shicibka reer Somaliland ee degan dhamaan gobolada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xasuusiyay in wakhtigii doorashadu uu fooda inagu soo hayo waxana uu dhamaan shicibka Somaliland oo dhan xasuusiyay in uu musharax u yahay oo aanu cid gaar ah u ahayn oo uu rabo dhamaan reer Somaliland oo dhan codkooda. Waxana uu qoraalkiisa oo koobnaa isla markaasina xanbaarsanaa xikmad badàn uu u qornaa sidan hoos ku xusan. Wakhti doorasho ayaynu galaynnaa, anniguna waxa aan ahay musharrax Madaxwayne oo Somaliland oo dhan u sharraxan, qolo gaar ah iyo deegaan gaar ah toonna uma sharraxni. Shacbigu awoodda ugu weyn ee uu haystaa waa codkiisa oo uu qof muwaadin ahna Madaxweyne kaga dhigi karo, midna kaga qaadi karo, waxa aan idin kula talinayaa inaad aad uga fiirsataan maanta ayaad fursaddaas haysataane. Qaran News
  15. The final witness for the prosecution in the Feeding Our Future trial told jurors how she traced the defendants’ alleged purchases of vehicles, property and airline tickets back to taxpayer-funded child nutrition programs. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu (HOL) — The Banadir Regional Police Force in the Dayniile District arrested a suspect on Friday for allegedly committing acts against national security. Source: Hiiraan Online
  17. Mogadishu (HOL) - The World Food Programme (WFP) and the Somali Disaster Management Agency (SODMA) have activated an Anticipatory Action (AA) plan to mitigate the effects of anticipated El Niño-induced floods in four districts of Somalia: Baardheere, Luuq, Jowhar, and Beletweyne. Source: Hiiraan Online
  18. “Waan soo dhaweynaynaa Heshiis kasta oo dani ugu jirto Somaliland iyo Itoobiya” Hargeysa-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa soo dhaweeyay heshiiskii is-faham ee ay dhawaan kala saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya. Sidaasna waxa daabacay wargeyska The Ethiopian Herald xog hayaha war faafinta ee xisbiga WADDANI, Maxamuud Aadan Jaamac ayaa sheegay in mowqifka xisbigoodu yahay inay soo dhaweynayaan heshiis kasta oo kor u qaadaya iskaashiga labada dal walaalaha ah ee Somaliland iyo Itoobiya. Waxa kaloo uu intaas ku daray in xisbiga WADDANI uu ku niyadsan yahay cilaaqaadka ay Itoobiya la leedahay dawladda Somaliland. Xoghayaha Warfaafinta WADDANI waxa kaloo uu ku dooday haddii xisbigoodu ku guulaysto doorashada madaxtinimada ay kor u sii qaadi doonaan cilaaqaadka iyo iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya. Maxamuud Aadan Jaamac waxa uu carabka ku dhuftay inuu dhiirigelinayo dawladda Itoobiya inay galangal ku yeellato badda Somaliland, isla markaana la dhiso kaabeyaasha dhaqaalaha. Waxaanu tilmaamay in soohdin nabdoon iyo xasiloonida xudduuduhu yihiin masaalixda ugu wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal. “Waxaanu soo dhaweynaynaa heshiis kasta oo labada dalba ay si wadajir ah faa’iido ugu jirto,”ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga WADDANI, waxaanu tilmaamay in Somaliland ay u dhoofin karto Itoobiya kalluunka, halka Itoobiyana ay bad ka heli karto Somaliland Qaran News
  19. The first group of Somali pilgrims to arrive in Mecca on Thursday was verified by Mukhtar Robow, the country's minister of endowment and religious affairs. For thousands of Somalis, this is the start of their Hajj pilgrimage journey. Source: Hiiraan Online
  20. The scientists said that climate change made the event twice as likely and warn heavy rainfall will continue to increase in the region. Source: Hiiraan Online
  21. Global maritime hotspots around the Red Sea, northern Indian Ocean, Gulf of Aden and East Africa experienced six incidents at sea that were reported during the last week of April. Source: Hiiraan Online
  22. ADDIS ABABA (Xinhua) -- Heavy rains and flooding have affected more than 560,000 people across Ethiopia, the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) has said. Source: Hiiraan Online
  23. The International Court of Justice on Friday ordered Israel to immediately halt its military offensive in the southern Gaza city of Rafah, but stopped short of ordering a ceasefire for the enclave. Source: Hiiraan Online
  24. Madaxweynaha cusub ee dalka Taiwan, William Lai ayaa shaaciyay in maamulkiisu sii wadayo xidhiidhka ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweyne William Lai oo kulan la yeeshay weftigii ka socday JSL ee Isniintii la soo dhaafay ka qaybgalay caleemo saarkiisii ee uu hoggaaminayey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Guurtidda Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa sheegay inuu maamulkiisu ahmiyad siinayo Afrika. Madaxweynaha Taiwan William Lai wuxuu kulankaas ka ballan-qaaday inuu sii wadayo iskaashiga iyo xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan. Guddoomiýe kuxigeenka koowaad ee Golaha Guurtidda Somaliland Mudane Siciid Jaamac Cali ayaa iftiimiyay in dhinacyo badan ay iskaashi ka leeyihiin Taiwan, isla markaana ay ka go’an tahay inay sii xoojiyaan cilaaqaadkooda. Guddoomiye Siciid Jaamac wuxuu bogaadiyay Madaxweynaha cusub ee Taiwan William Lai iyo madaxweyne kuxigeenkiisa Hsiao Bi-khim, waxaanu tilmaamay in cilaaqaadka Somaliland iyo Taiwan uu taabogalay isla markaana uu sannadihii la soo dhaafay aad u kordhay xidhiidhka saaxiibtinimo ee ay wadaagaan labada dal. Qaran News