-
Content Count
213,708 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Majaladda Mirror ee dalka UK ayaa daabacday sheeko xanuun badan oo ku saabsan haweeney Ingiriis ah oo lagu magacaabo Mary Chater, 67 jir, taasoo sheegtay in nin isku sheegay inuu “Dani” yahay uu ku khiyaamay magac Soomaaliya, si uu lacag badan uga helo. Mary, oo ku nool magaalada Brighton, ayaa sheegtay in bishii December 2022 uu nin ka soo raacay sawir cunto karin oo ay Facebook ku baahisay, kaasi oo isku sheegay inuu yahay dhakhtar qalliinka dhaawacyada u shaqeeya Qaramada Midoobay, isla markaana ka howl-gala Soomaaliya. Mary waxay tiri: “Wuxuu iga dhigay qof rumaysta in uu yahay nin geesi ah oo caawinaya dadka dhibaateysan ee Soomaalida.” Waxay intaas ku dartay in “Dani” uu u sheegay inuu mashquul ku yahay daaweynta dhaawacyada dagaalka, taas oo ku kalliftay inay aaminto inuu dhab ahaan joogo Soomaaliya. Si tartiib ah ayaa xiriirka jacayl u beddelay khiyaano ninka ayaa bilaabay inuu codsado lacago uu sheegay in uu ku horumarinayo shaqadiisa caafimaad, iyo kuwo kale oo uu ku sheegay “diyaarinta hoy” ay Mary ugu imanayso Muqdisho. Laakiin Mary ayaa ugu dambeyn ku baraarugtay in ay la kulantay khiyaano, kadib markii ay samaysay baadhitaan u gaar ah, taas oo ay ku ogaatay in sawirradii uu isticmaalayay Dani ay ahaayeen kuwa laga xaday nin dhakhtar ah oo run ahaantii ka shaqeeya gudaha Muqdisho. Sheekada Mary waxay iftiimisay halis weyn oo ku fiday internet-ka, halkaas oo magacyada iyo sawirrada hay’adaha samafalka marar badan loo adeegsado khiyaanooyin lagu kasbado kalsoonida dadka reer Galbeedka. Soomaaliya ayaa xaaladdeeda bini’aadanimo marar badan loo adeegsadaa marmarsiinyo lagu khiyaaneeyo dadka doonaya inay caawiyaan dadka nugul. Dhacdadan ayaa mar kale muujisay sida ay muhiim u tahay in dadka isticmaala baraha bulshada ay feejignaan muujiyaan, gaar ahaan marka la soo jeediyo sheekooyin shucuur ku dhisan oo lagu xirayo magacyo hay’adeed ama dalal xaalad adag ku jira. Source: goobjoog.com
-
Tehraan – Dowladda Iiraan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ka “xorowday” xayiraadyihii saarnaa barnaamijkeeda Niyukleerka, kaddib markii uu dhammaaday muddadii uu ku eg-yahay heshiiskii caalamiga ahaa ee 2015, ee loo yaqaanay (JCPOA). Tallaabadan ayaa albaabka u fureysa waji cusub oo diblomaasiyadeed iyo dood sharciyeed oo ka dhex aloosantay Iiraan iyo quwadaha reer Galbeedka. Heshiiskii la saxiixay 2015-kii, oo ay Iiraan la galeen lixda quwadood ee adduunka (Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, UK, Faransiiska, iyo Jarmalka), ayaa dhigayay in Tehraan ay si weyn u xaddido howlaha barnaamijkeeda Niyukleerka ee xasaasiga ah, ayna ogolaato kormeerayaal caalami ah. Taa beddelkeeda, waxaa si tartiib tartiib ah looga qaaday cunaqabatayno dhaqaale oo caalami ah oo saarnaa. Hadda oo heshiiskaas uu gabagabo noqday, Iiraan waxay qaadday tallaabo diblomaasiyadeed oo muuqata. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iiraan waxay si rasmi ah uga dalbatay Qaramada Midoobay inay “saxdo macluomaad qaldan” oo ay sheegtay in lagu daabacay bogga internet-ka ee hay’adda. Macluumaadka ay Tehraan ka cabanayso ayaa la xiriira isku dayo lagu doonayo in “dib loogu soo celiyo go’aanno dhacay oo ka dhan ah Iiraan,” taasoo loola jeedo habraaca loo yaqaan “snapback” ee cunaqabataynta. Iiraan waxay ku doodaysaa in tallaabooyinka noocaas ah ay yihiin kuwo sharci-darro ah oo ay tahay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka hortago “jahawareer dheeri ah” oo ku yimaada habraacyadiisa sharciga ah. Bayaan ka soo baxay dowladda Iiraan, waxay ku adkaysatay in hadda wixii ka dambeeya loola macaamilo barnaamijkeeda Niyukleerka “sida barnaamijka dal kasta oo aan lahayn hub Niyukleer ah” oo xubin ka ah Heshiiska Xakameynta Faafidda Hubka Niyukleerka (NPT). Waxay intaas ku dartay in hadafkii asalka ahaa ee arrinta Iiraan loo geliyay ajandaha Golaha Ammaanka—oo ahaa “in la dammaanad qaado nabadda barnaamijka Niyukleerka Iiraan” iyo in laga hortago in loo weeciyo “dhanka samaynta hubka Niyukleerka”—uu hadda “si buuxda u hirgalay.” Mustaqbalka marka la eego, Iiraan waxay carabka ku adkeysay “sida ay uga go’an tahay diblimaasiyadda” iyo inay difaacan doonto “xuquuqdeeda sharciga ah ee isticmaalka nabadeed ee tamarta Niyukleerka.” Dhinaca kale, falanqeeyayaasha siyaasadda caalamiga ah ayaa si dhow ula socda xaaladdan. Cali Faa’is (Ali Vaez), oo ah Agaasimaha Mashruuca Iiraan ee Kooxda Caalamiga ah ee Xasaradaha (International Crisis Group), ayaa sheegay in dhammaanshaha heshiisku uu yahay “wax wanaagsan.” Mr. Vaez wuxuu ku sababeeyay aragtidiisa in xaaladdan cusub ay “labada dhinacba u oggolaanayso inay u gudbaan soo jeedinta fikrado cusub” si loo helo waddo kale oo lagu maareeyo arrinta Niyukleerka Iiraan, maaddaama heshiiskii hore uu muddo dheer ahaa mid aan si buuxda u shaqaynayn. Source: goobjoog.com
-
Soomaaliya ayaa sanadkan 2025 lagu wadaa inay jebiso rikoodhka dhoofinta xoolaha, iyadoo la filayo in dakhliga guud ee kasoo xaroonaya dhoofinta xoolaha uu dhaafo $1 bilyan oo doollar. Tani waxay Soomaaliya ka dhigaysaa mid ka mid ah dalalka ugu sarreeya caalamka ee dhoofiya xoolaha nool, sida lagu sheegay warbixin ay si wadajir ah u soo saareen Bloomberg iyo Wasaaradda Xoolaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Koror Joogto ah Afartii Sano ee Ugu Dambeysay Warbixintu waxay muujisay in Soomaaliya ay afartii sano ee la soo dhaafay si joogto ah u kordhisay dhoofinta xoolaha, iyadoo wadarta guud ee dhoofkeedu gaaray $2.9 bilyan oo doollar. Sanadkii 2021 waxaa la dhoofiyay xoolo qiimahoodu ahaa $523 milyan 2022 wuxuu gaaray $558 milyan 2023 wuxuu ku dhowaa $861 milyan 2024-na wuxuu kor u dhaafay $974 milyan Sannadkan 2025 ayaa la saadaalinayaa inuu noqdo kii ugu sarreeyay, iyadoo qiimaha dhoofka la filayo inuu dhaafo hal bilyan oo doollar. Australia iyo Suudaan oo Hoos U Dhacay – Soomaaliya oo Fursad Heshay Dalka Australia oo kamid ahaa suuqyada waaweyn ee xoolaha dhoofiya, iyo Suudaan oo dagaallo culus ay curyaamiyeen, ayaa labaduba hoos u dhigay dhoofkooda. Fursaddaas ayay Soomaaliya si wanaagsan uga faa’iidaysatay, iyadoo ah dal hodan ku ah xoolaha nool – lana qiyaaso inuu leeyahay in ka badan 60 milyan oo neef oo xoolo ah (geel, ari, lo’ iyo ido). Soomaaliya ayaa sanad kasta u dhoofisa 4 ilaa 6 milyan oo neef suuqyada Khaliijka, gaar ahaan Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Baxrayn iyo Cumaan, kuwaas oo xoolaha Soomaaliyeed ugu ixtiraama tayadooda iyo caafimaadkooda. Dakhliga Xoolaha oo Dhaafay Miisaaniyadda Dowladda Warbixinta ayaa tilmaantay in dakhliga dhoofinta xoolaha uu hadda dhaafay dakhliga gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhan $430 milyan sanadkii, taasoo muujineysa awoodda dhaqaale ee ku jirta khayraadka dabiiciga ah ee dalka, haddii si habboon loo maareeyo. Xoolaha nool ayaa noqday laf-dhabarka dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo boqolkiiba weyn oo kamid ah bulshada Soomaaliyeed ay ku tiirsan yihiin ganacsigan si toos ah ama si dadban. Ma Ka Maarmi Karaan Soomaaliya Deeqaha Dibadda? Iyadoo xoolaha keliya ay dalka u keenayaan balaayiin doollar sannad kasta, ayaa haddana su’aal muhiim ah taagan tahay: Soomaaliya ma ka maarmi doontaa deeqaha caalamka haddii ay si hufan u maamusho dhoofkeeda xoolaha iyo kheyraadkeeda kale? Khubarada dhaqaalaha ayaa sheegaya in haddii la xoojiyo nidaamyada caafimaadka xoolaha, shahaadooyinka caalamiga ah, iyo kaabeyaasha dekedaha, Soomaaliya ay awoodi karto inay laba-laabto dakhligeeda dhoofinta xoolaha. Source: goobjoog.com
-
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta shaaciyay in, isagoo kaashanaya Booliska Soomaaliyeed iyo qeybta Booliska Caalamiga ah (Interpol), uu dalka Rwanda kasoo qabtay Jaamac Cabdi Maxamuud Ina Maryan Maxamed Cismaan, oo muddo baxsad ahaa kadib markii lagu eedeeyay falal kufsi, duubis iyo faafinta muuqaallo anshax-xumo ah, iyo tacaddi loo geystay gabdho Soomaaliyeed. War-saxaafadeed uu soo saaray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in baaritaan dheer kadib la ogaaday in eedeysanuhu uu ku dhuumaaleysanayay dalka Rwanda, halkaas oo lagu qabtay kadib howlgal ay iska kaashadeen hay’adaha Booliska Soomaaliya iyo Interpol. Eedeysanaha ayaa shalay lagu soo celiyay magaalada Muqdisho, waxaana lagu wareejiyay xabsiga Qeybta Baarista Dambiyada Booliiska (CID), halkaas oo baaritaanno dheeraad ah lagu wado, iyadoo lagu wado in si degdeg ah loo horkeeno Maxkamadda awoodda u leh si uu u wajaho cadaaladda. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa uga mahadceliyay hay’adaha Booliska Soomaaliya iyo kuwa Rwanda kaalintii ay ka qaateen soo qabashada eedeysanaha, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay la-dagaallanka dambiyada tacaddiyada jinsiga iyo ilaalinta sharafta haweenka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Garasbaaley ayaa soo qabtay nin lagu magacaabo Abshir Sheekh Cabdisalaan Maxamed oo lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku dilay toorey. Falka dilka ah ayaa galabnimadii Jimcaha ka dhacay degmadaasi Garasbaaley, iyadoo ay isla markiiba ciidamadu billaabeen baadi-goobka dilaaga,kadib markii dad deegaanku ku soo wargeliyeen dhacdada. Sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed qeybta gobolka Banaadir eeysanaha ayaa hadda ku jira gacanta booliska, halka meydka marxuumadda la geeyay isbitaal si baaritaan caafimaad lagu sameeyo. Boolisku waxay sheegeen in kiiskan loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loogu waafajiyo, iyagoo shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan rabshadaha xilliyada khilaafaadka qoysaska, isla markaana ay adeegsan karaan hay’adaha sharciga iyo wada-hadal nabadeed. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in haatan garoonka Muqdisho laga soo dajiyay Jaamac Cabdi Maxamuud (Ildab) oo ahaa agaasimihii hore ee isbitaalka guud ee Qardho, kaas oo ku eedeysan kufsi uu u gaystay gabdho iyo muuqaallo anshax xumo ah oo uu ka duubay. Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ayaa sheegay in eedeysanaha, isaga oo baxsad ah laga soo qabtay dalka Rwanda, isla markaana haatan laga soo dajiyay garoonka Aadan Cadde. Eedeysanaha ayaa sidoo kale loo gudbiyay xabsiga qaybta baarista dambiyada Booliska ee CID, iyada oo haatan ay ku socoto baaris dheeraad ah. “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa baaris uu sameeyay waxa uu ku ogaaday Eedaysane Jamac Cabdi Maxamuud Ina Maryan Maxamed Cismaan oo baxsad ahaa uu ku suganyahay wadanka Ruwanda, kaas oo ku eedaysan Kufsi, Duubis iyo Baahin Muuqaalo Anshax xumo oo ku sameeyay Gabdho Soomaaliyeed kana gaystay Magaalada Qardho” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka. Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa intaasi kusii daray “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliiska Caalamiga ah ee Interpol ayaa ku guulaystay in eedaysane Jamac Cabdi Maxamuud lagasoo dajiyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cade shalay galab oo taariikhdu ahay 18/10/2025, waxaana eedaysanaha lagu wareejiyay laguna xiray xabsiga Qaybta Baarista Dambiyada Booliiska ee CID”. Xeer-ilaalinta ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in agaasimihii hore isbitaalka guud ee Qardho uu wajihi doono Maxkamadeyn, lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. “Eedaysanaha ayaa sida ugu dhakhsaha badan loo gudbin doona Maxkamadda Awooda uleh, si uu uwajaho cadaaladda” ayaa ma kale lagu yiqi warqadda. Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sidoo kale mahadceliyay hay’adaha dowladda Rwanda iyo Booliiska Soomaaliya, gaar ahaa qaybta Interpol oo qayb lixaadleh ka qaadatay in eedaysanaha lasoo galiyo gacanta hay’adaha dowladda Soomaaliya. Ugu dambeyn Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, wuxuu sheegay inay ka go’an tahay inay la dagaalaan dambiyada tacaddiga Jinsiga iyo ilaalinta sharafta iyo sumcada dumarka Soomaaliyeed. Puntland ayaa dhankeeda horay u shaacisay in la qabtay eedeysanaha isaga oo baxsad ah, waxayna markaa sheegtay in dalka lagu soo celin doono, kadibna la Maxkamadeyn doono. Si kastaba, Kiiskan ayaa dhaliyay hadal heyn xoogan waxaana laga war dhowrayaa sida loo xakameeyo, maadaama lasoo qabtay eedeysanaha oo mudo ka dhuumanayay cadaaladda. The post Agaasimihii ‘kufsiga gaystay’ oo laga soo dajiyay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Carab iyo Jaceelow oo halyeeyo loo aqoonsaday kadib markii…
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo gabagabeysay kiis xasaasi oo loo haystay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku eedeysan inay qarxin rabeen boqolaal shacab ah oo dhawaan isugu soo baxay isgoyska Taleex ee Muqdisho, si ay ugu dabaal dagaaan diiwaangelinta 1 milyan qof ee la sameeyay. Kiiskan ayaa waxaa eedeysane ka ah Aadan Nuur Muuse oo habeenkaas lagu qabtay bam-gacmed uu rabay inuu ky beesado shacabka isugu yimid halkaasi, balse nasiib wanaag waxaa gacant ku dhigay laba dhalinyaro ah oo ka shakiyay kahor inta aanu goobta qarxin, waxayna kadib waeejiyeen laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya. Xeer ilaaliye Axmed Cabdalla oo ugu horreyn hadalka qaatay ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha uu rabay in goobta uu ka gaysto xasuuq, balse laga hortegay dhagartiisa. “Eedeysanaha waxaa uu rabay in madax iyo shacab isaga kala yimid 20 degmo oo u dabaal dagaya diiwaan galinta 1 milyan oo isgoyska Taleex lagu qabtay inuu dhameeyo balse ma dhicin taas”. ayuu yii Xeer-ilaaliyexmed Cabdalla. Inta ay soo socotay dooda dhinacyada, ayaa waxaa sidoo kale goobta lagu soo bandhigay muuqaal ay doobtay Camiro CC TV, halkaas oo laga arki karo eedeysanaha oo toos u dhex-galaya shacabka kadibna markii laga shakiyay isku dayaya inuu baxsado, balse la qabtay. Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur (Shuute) oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa si weyn u boggaadiyay naf-hurnimada labada wiil ee dhalinyarada ah ee qabtay eedeysanaha, kuwaas oo magacyadooda lagu soo koobay Carab iyo Jaceelow, kana soo muuqday Maxkamadda. “Marka hore labada muwaadin ee shacabka ah ee qaybtay eedeysanaha koowaad Aadan Nuur Muuse way mahadsan yihiin Carab iyo Jaceelow waxaad gudateen waajib aanu guda karin qof walba in aad hub la’aan qabataan qof wata bam qarxi kara waaxaad ku muujiseen dhiiranaan iyo naf-hurnimo” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida. Shuute ayaa sidoo kale sheegay in Carab iyo Jaceelow loo aqoonsaday inay yihiin halyeeyo Qaran, laguna dari doono hay’adaha amniga, si ay u helaan xuquuq iyo abaal-marin. “Maxkamadda horteeda waxaan idin kagag jeedinayaa amaan aad mudateen badbaadinta shacabka, waxaana sameyn doonaan qoraal aan hay’adaha amniga kaga dalbeyno inay fursad idin siiyaan oo aad heshaan tababar iyo xuquuq aad uga mid noqoneysaan halyeeyada nool ee hay’adaha amnig, waxaa tihiin Daljireyaal guuleysta” ayuu raaciyay. The post Carab iyo Jaceelow oo halyeeyo loo aqoonsaday kadib markii… appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ee ka howlgala degmada Garasbaaley oo xalay howlgal sameeyay ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu si arxan darro ah u dilay xaaskiisa. Qoraal kasoo baxay Taliska Qaybta Guud ee Goobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Abshir Sheekh Cabdisalaan Maxamed uu toorey ku dilay xaaskiisa, kaas oo ay isla markiiba soo qabteen Ciidamada Booliska ee Garasbaaley. “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Abshir Sheekh Cabdisalaan Maxamed, kaas oo ku eedeeysan in uu xaaskiisa ku dilay toorey” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska. Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in eedeysanaha ay haatan ku socoto baaris, isla markaana si deg deg ah loo horgeyn doono Maxkamad, si looga qaado tallaabo adag. “Eedeysanaha ayaa ku jira gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo”. ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Booliska Soomaaliya ayaa si weyn loogu boggaadiyay tallaabada uu qaaday, gaar ahaan soo qabashada eedeysanaha dilka arxan darrada ah u gaystay xaaskiisa oo uu mindi ku dilay. Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana sidoo kale walaac iyo murugo ay ku reebtay ehellada gabadha iyo dadka dariska la ah qoyskaasi. Dhacdooyinka argagaxa leh ee ka dhasha murannada qoyska ee u badan maseerka ayaa indhowaanahan kusoo badanayay Muqdisho iyo qaybo badan oo kamid ah dalka. The post Booliska oo soo qabtay nin si arxan darro ah xaaskiisa ugu dilay duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhaba (Caasimada Online) — Xaalad caafimaad darro oo aad u daran ayaa ka soo ifbaxaysa koonfurta Soomaaliya, iyadoo carruur la keenayo xarumaha caafimaadka oo ka xanuunsan kana caato badan sidii hore, sida uu warinayo wargeyska The New York Times. Hay’adaha gargaarka ayaa Arbacadii sheegay in kororka ba’an ee nafaqo-darrada uu si toos ah uga dhashay dhimis weyn oo lagu sameeyay dhaqaalihii gargaarka bini’aadannimo ee Mareykanka uu siin jiray Soomaaliya. Tobannaan xarumo caafimaad oo bulshada ah iyo goobo quudin ayaa xirmay, taasoo daryeel la’aan kaga tagtay boqollaal kun oo qof. Hay’adda Save the Children ayaa bishii Maarso xirtay 47 ka mid ah 128-kii xarumo ee ay ku lahayd Soomaaliya, iyadoo adeegyadii ka joojisay in ka badan 300,000 oo qof, oo ay ku jiraan qoysas badan oo barakacayaal ah oo ku nool Baydhaba. Colaadda daba dheeraatay ee Soomaaliya iyo dagaalka Al Shabab ayaa daciifiyay bulshooyinka. Bishii Sebtembar, nidaamka qiimeynta cuntada ee ay Qaramada Midoobay taageerto (IPC) ayaa ka digay in 3.4 milyan oo Soomaali ah ay wajahayaan heerar “halis ah” oo sugnaan darro cunto ah. Saraakiisha Qaramada Midoobay waxay sheegeen in farqiga sii kordhaya ee maalgelinta gargaarka—oo ay ugu wacan tahay taageerada oo ka yaraatay deeq-bixiyeyaasha waaweyn oo uu horkacayo Mareykanka—ay sii murjinayso xaaladda degdegga ah. Magaalada Baydhaba gudaheeda, cawaaqibka arrintan ayaa si cad u muuqda. Dr. Cabdullaahi Yuusuf, oo ah agaasimaha caafimaadka ee Isbitaalka Gobolka Bay, ayaa sheegay in tirada dadka nafaqo-darrada loo seexiyo isbitaalka ay kordheen 40 boqolkiiba bishii Luulyo marka la barbardhigo Janaayo. “Markii hore waxaa naloo soo gudbin jiray kiisas heer hore ah… hadda waxay yimaadaan iyagoo daahay, xaaladuhuna aad ayay u daran yihiin, taasina waxay keentay in dhimashadu ay badato,” ayuu yiri. Isbitaalkan oo ay taageerto hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa sidoo kale diiwaan-gelinaya koror ku yimid cudurka gowracatada, qiyaastii 50 xaaladood seddexdii bilood ee la soo dhaafay, marka loo eego hal ama labo xaaladood sannadkii caadiga ahaa. Tobankii sano ee la soo dhaafay, Mareykanku wuxuu ahaa deeq-bixiyaha bini’aadannimo ee ugu weyn Soomaaliya, isagoo celcelis ahaan bixinayay $450 milyan sannadkii, oo ay ku jirto $481 milyan sannadkii 2020, sida ay muujineyso xog gudaha ah oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka leedahay oo uu soo xigtay wargeyska The New York Times. Jawaabta Mareykanka Sannad-maaliyadeedka 2025, oo dhammaaday 30-kii Sebtembar, taageerada bini’aadannimo ee Mareykanka waxay gaartay qiyaastii $128 milyan. Bayaan soo baxay 9-kii Oktoobar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay sheegtay in maamulka Trump uu ansixiyay $14.9 milyan oo dhaqaale cusub ah, iyo in gargaarka milatari iyo kan bini’aadannimo labaduba ay “sii socdaan.” Bayaanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka “ay weli ka go’an tahay” amniga Soomaaliya, uu bixiyay “wax ka badan intii ku habboonayd,” uuna ku cadaadin doono deeq-bixiyeyaasha kale inay “la yimaadaan xalal waara.” Hay’adaha gargaarka ayaa ka warramay kala doorashooyin adag oo ay wajahayaan. Dr. Binyam Gebru, agaasimaha hay’adda Save the Children ee Soomaaliya, ayaa sheegay inaan dib loo cusboonaysiin deeq ay siddeed sano bixin jirtay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) ay ku qasabtay inay kala doortaan barnaamijyada quudinta bulshada iyo xarumaha gurmadka degdegga ah. “Dabcan, waxqabadka naf-badbaadinta waa in mudnaanta la siiyaa, taas ayaana samaynay,” ayuu yiri. “Laakiin waa arrin wax burburinaysa.” Wuxuu intaa ku daray, in bulshada dhexdeeda ilmaha goor hore lagula tacaalo nafaqo-darrada ay ku badbaadin karto “dhowr doollar oo keliya.” Qoysaska, dhimista dhaqaalaha waxay ula macno tahay rajo xumo. Xeryaha barakaca ee Baydhaba, Owliyo Cali ilmaheeda 18-ka bilood jira, oo markii hore cuntooyinka nafaqaysan ka heli jiray rug caafimaad oo u dhoweyd, ayaa hadda miisaankiisu aad u yar yahay. Markii uu cunugga ka soo baxay firiiric jadeeco ah isla markaana qandho sare ay qabatay, waxay soo deynsatey lacag $3 ah oo ay taksi ugu raacdo isbitaalka weyn, taasoo ah seddex jibaarka dakhliga maalinlaha ah ee caadiga ah ee ninkeeda. Ciriiriga dhaqaale wuxuu dhaafsiisan yahay Mareykanka. “Inta badan deeq-bixiyeyaasheenna muhiimka ah, sida Holland, Jarmalka, iyo Britain, dhammaantood way yaraanayaan,” ayuu yiri Crispen Rukasha oo ka tirsan Xafiiska Isuduwidda Arrimaha Bini’aadannimada ee Qaramada Midoobay (OCHA). Britain, oo ah deeq-bixiyaha labaad ee ugu weyn ee dhanka caafimaadka, ayaa joojin doonta maalgelinteeda caafimaad bisha Maarso. Sidoo kale, Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) wuxuu sheegay in gargaarka cuntada ee degdegga ah uu hoos ugu dhici doono 350,000 oo qof bisha soo socota, halka uu ka ahaa 1.1 milyan bishii Ogoosto. Dowladda Soomaaliya, oo sannadkii hore soo xareysay dakhli dhan $350 milyan oo ay inta badan ku bixiso amniga, ma laha awood ay ku buuxiso farqigaasi; deeq-bixiyeyaasha ayaa bixiya 60 boqolkiiba kharashaadka caafimaadka. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Ibraahim Aadan Soomow, ayaa dadaalka socda ku barbardhigay dib u dhis guri: “qof walba waa inuu leben keenaa.” Dr. Gebru ayaa ka digay in hal dhimis weyn oo gargaarka lagu sameeyo ay “dib u celin doonto wax kasta oo aan qabanaynay sannado badan.” The post Go’aankii maamulka Donald Trump oo xaalad halis ah ka horseeday Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf muddo si hoose u kar-soomayay oo u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, ayaa toddobaadkii tegey soo ifbaxay. Arrintani waxay ka dhigan tahay in Villa Somalia uu haatan khilaaf kala dhexeeyo saddex ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada: laba ay si cad isu hayaan oo kala ah madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), iyo khilaaf hoose oo Lafta-gareen la xiriira. Sida aan xogta ku helnay, in kasta khilaafka Xasan Sheekh iyo Lafta-gareen ay dibdda usoo saartay doorashadii Arbacadii ka dhacday xarunta baarlamaanka Soomaaliya, hadda waxaa jiray arrimo kale oo ka horreeyey oo xuddun u ah khilaafka. Doorashadan, oo lagu soo xulayay xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, ayaa waxaa ku soo baxay xubnihii ay wadatay Villa Somalia, halka laga adkaaday xubin uu watay Lafta-gareen, kaddib markii Xasan Sheekh uu ka hor yimid qorshaha hoggaamiyaha Koonfur Galbeed. Xubno ku dhow Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in muranka kursigu uu ka dhashay kala shaki dheer oo muddo ka dhex taagnaa Lafta-gareen iyo Xasan Sheekh. Madaxtooyada federaalka ayaa rumaysan in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu isbahaysi iyo heshiis sir ah la galay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya. Tani waxay imanaysaa iyadoo Lafta-gareen uu hore ugu ballanqaaday Xasan Sheekh inuu taageeri doono, balse kooxda Xasan ayaa hadda tuhmaysa in lagu wado khiyaano siyaasadeed. Lafra-gareen ayaa la aaminsan yahay inuu rumaysan yahay in Saacid uu leeyahay rajo sare, waxaana taas dheer in Saacid uu beel ahaan ka soo jeedo dhinaca abtiyaashiis, oo Lafta-gareen uu aad ugu dhow yahay. Sagaalkii xildhibaan ee loo xulay Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika intooda badan bannaanka ayaa lagaga heshiiyay, hase yeeshee xiisad siyaasadeed ayaa ka dhalatay mid ka mid ah labada kursi ee ka yimid Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Koonfur Galbeed wuxuu kursiga u rabay siyaasi dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Cali Cabdi Nuur, balse wuxuu tartan adag kala kulmay Abuukar Cabdi Cusmaan (Mardaadi), oo ah aqoonyahan iyo siyaasi ruugcaddaa ah, isla markaana si toos ah ugu xiran Madaxtooyada Soomaaliya. Labada nin waa isku deegaan, hase yeeshee waxaa kala watay Villa Somalia iyo Madaxtooyada Koonfur Galbeed. Shir arrintan ku saabsan oo Villa Somalia ka dhacay ka hor doorashada ayaan heshiis lagu gaarin. Soo-jeedintii Cabdicasiis Lafta-gareen waxaa diidmo kala horyimid Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, Ra’iisul Wasaare Xamse, iyo inta badan xildhibaannada iyo wasiirrada Koonfur Galbeed ku metela dowladda federaalka. Tartanka kursigan ayaa loo arkaa billowga khilaaf labada dhinac u dhexeeya oo sii xoogaysan kara. Xiisadda waxaa sii hurinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku saf noqday siyaasiyiin mucaarad ku ah Lafta-gareen oo ku jira ururkiisa JSP, oo uu ka mid yahay Xuseen Sheekh Maxamuud. Xuseen oo hore u ahaa agaasimaha madaxtooyada ee Xasan Sheekh ayaa caddeystay inuu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed. Iyada oo muddo-xileedka Xasan Sheekh ay ka harsan tahay kaliya 6 bilood, waxa la filan karo ayaa ah kaliya khilaafyo la dabooli jiray oo bannaanka yimaada, iyo isbahaysiyo sir ah oo is-muujiya. Warbixintan oo muuqaal ah hoos ka daawo. The post Xogta khilaafka Xasan Sheekh iyo Lafta-gareen iyo shakiga ka dhashay Saacid appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ayaa ku guuleystay in ay kaamirooyinka ku baahiyaan meel walba oo magaalada Muqdisho ah, iyadoo loo adeegsanayo arrimaha amniga la xiriira. Kaamirooyinka CCTV-ga ayaa lagu xiray dhammaan waddooyinka magaalada, goobaha ganacsiga iyo xaafadaha, iyadoo dhowrkii guriba oo la deggan yahay ay mid ka mid ah ku xiran tahay kaamiradaas. Laamaha amniga ayaa kaamirooyinkan u adeegsada tixraaca ugu weyn marka ay wax dhacaan magaalada, si looga jawaabo falalka ka dhanka ah amniga ee ka dhaca magaalada, laakiin kaamirooyinka ayaan weli gaarsiisneyn heerka ka hortagga ee weerar dhici rabo, taasna waxay ku iman kartaa haddii hay’adaha ammaanka ay sare u qaadaan heerka feejignaantooda. Marka la eego dal sida Soomaaliya oo kale ah oo weerarrada argagixisada ay ku badan yihiin, waxaa la dhihi karaa waa horumar weyn oo laga gaaray in Muqdisho laga hirgeliyo hannaanka CCTV-ga. Kaamirooyinka ayaa gacan ka geysanaya in ciidamada amniga ay daba joogaan maleeshiyada Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Federaalka, isla-markaana ku foogan in ay carqaladeeyaan amniga magaalada ugu weyn ee dalka. Shabaabku ayaa dhowr sano ka hor isku dayay in ay meesha ka saaraan hindisaha Maamulka Gobolka Banaadir oo Villa Somalia ay gadaal ka taagan tahay, ee ahaa in kaamiro laga heli karo meel walba oo Muqdisho ah, ka dib markii ay qarxiyeen meelo badan oo lagu xiray kaamirooyinka CCTV-ga, oo ay u arkayeen caqabad ka dhan ah hawlgaladooda magaalada. Shabaabku ayaa ku guuldarreystay in ay fashiliyaan hindisahaasi, ka dib markii laamaha amniga ay sharci ka dhigeen in dadku ay xirtaan kaamirooyinka, iyadoo aan loo joojinayn cabsigelinta shacabka uga imanaysa maleeshiyadaasi. Dadka reer Muqdisho ma ay dhageysan hanjabaadaha Al-Shabaab, waxayna ku dhiirradeen in, iyaga oo fulinaya amarka Dowladda Hoose ee Xamar, ay xirtaan kaamirooyinkaasi, taasoo guuldarro istaraatiiji ah ku noqotay Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaallama, waana farriin ay dadku ku muujiyeen in Shabaabku aanay la dagaalami karin shacabka oo dhan. Labadii sano ee la soo dhaafay, markii la ballaariyey qorshaha hirgelinta ee kaamirooyinka, ayaa si weyn hoos ugu dhaceen weerarradii ay Shabaabku ka geysanayeen magaalada. Maadaama ay maleeshiyada Shabaabku u badan yihiin kuwo isqariya, isla-markaana aan doonayn in wajiyada la aqoonsado, ayaa waxay taasi ku riixday in ay gaabsadaan, sababtoo ah waxay ka warqabaan inaysan magaalada isku dhex qarin karin, haddii ay joogteeyaan weerarrada ay ka geysanayaan, inkastoo marar dhif ah ay dilal iyo qaraxyo ka fuliyaan magaalada dhexdeeda. Inkasta oo isbeddelka amni ee ka jira Muqdisho ay door weyn ka qaadanayaan Ciidanka Dharcadka ee aad loo kordhiyey iyo ciidamada oo adkeeyay kantaroollada laga soo galayo magaalada, haddana kaamirooyinka ayaa noqday isha ugu muhiimsan ee laga la socdo dhaqdhaqaaqyada ka jira magaalada, gaar ahaan marka ay wax ka dhacaan. Kaamirooyinka loogama maarmi karo si laamaha amnigu u helaan xogaha dhacdooyinka ka dhaca meelaha aysan ciidamadu ku sugnayn, iyadoona muuqaallada ay kaamirooyinka duubaan laga helo macluumaad dheeraad ah, isla-markaana ay mararka qaarkood adag tahay in goobjoogayaasha ay laamaha amniga la wadaagaan faahfaahinta sida ay wax u dhaceen; laga yaabee in dadka qaar ay sidaasi u yeelayaan kalsooni aysan ku qabin ciidamada ama ba inay uga cabsanayaan amnigooda. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee xilliyada qaarkood ay kaamirooyinku qabtaan ayaa noqda il laga tixraaco fal-dambiyeedyo ay ku lug leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka, taasoo keenta in muddo yar ka dib loogu maxkamadeeyo, iyadoo la adeegsanayo caddeymaha muuqaalladii ay kaamirooyinku qabteen. Kaamirooyinka ayaa xitaa meesha ka saaray ama ba ay xakameeyey dhacii faraha badnaa ee ay kooxaha burcadda ka gaysanayeen dukaamada, kuwaas oo ka baxsanaya in la aqoonsado, bacdamaa ay ogyihiin in hadhow laga soo daba geli doono. Kaamirooyinka ayaa sahla ama fududeeya meelo ay laamaha amniga ka bilaabaan baaritaankooda, marka ay falal liddi ku ah amniga ka dhacaan magaalada. Saraakiisha ayaa marka ay dib u daawadaan muuqaalladii ay kaamirooyinka duubeen ka hela dhaqdhaqaaqyada, ka hor iyo ka dib-ba, ee meelihii ay wax ka dhaceen. Hay’adaha ammaanka iyo dadka reer Muqdisho ayaa kaamirooyinka u arka mid faa’iido u leh badbaadada naftooda iyo hantidoodaba. Dhammaan kaamirooyinkan ayaa laga maamulaa hal goob, taasoo ah Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Muqdisho. The post Sababta ugu weyn ee is-beddelka amni ee Muqdisho ee cabsi gelisay Shabaabka appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Turkiye ayaa dib u soo muujisay doorkeeda diblomaasiyadeed ee gobolka kaddib xabbad-joojintii Gaza ee 9-kii Oktoobar, iyadoo door muuqda ka qaadatay wadahadalladii Sharm el-Sheikh oo ay dhinacyada kale ka ahaayeen Masar, Qatar, iyo Mareykanka. Ujeeddada Ankara kaliya ma ahan mid bini’aadannimo: waxay raadineysaa door nidaamsan oo ay ku yeelato Gaza dagaalka kaddib, kaasoo sii maraya isku-duwidda amniga, dib-u-dhiska, iyo dhexdhexaadinta siyaasadeed. Diblomaasiyad xaddidan Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan wuxuu bilowgii dagaalka Turkiye u muujiyay inay tahay cod damiir leh, isagoo ku cambaareeyay tallaabooyinka Israel inay yihiin xasuuq, wuxuuna jaray marinkii hawada iyo ganacsiga—tallaabooyin u badnaa astaan laakiin waxtar u leh muujinta fogaanshaha mowqifka Reer Galbeedka ee taageersan Israel. Daaha gadaashiisa, Ankara waxay ka shaqeysay sidii ay qayb uga noqon lahayd qaab-dhismeedka xabbad-joojinta. Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan ayaa tilmaamay horumar dhow oo la gaarayo iyo isku-duwid dhow oo lala yeelanayo Masar, Qatar, iyo Mareykanka. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in Turkiye ay gacan ka gaysatay dejinta hababka kormeerka xabbad-joojinta ayna ku biirtay “Guddiga Hawl-fulinta ee Gaza (Gaza Task Force)” oo kormeeraya is-dhaafsiga maxaabiista iyo soo saarista meydadka. Wargeyska Haaretz wuxuu sheegay in Xamas ay ka codsatay Turkiye inay u noqoto “dammaanad-qaade lagu aamini karo” sii-deynta iyo gargaarka, halka The Jerusalem Post uu ku dooday in Ankara ay rajeyneyso inay kaga faa’iideysato doorkeeda Gaza si ay u ballaariso saameynteeda Ciraaq iyo Suuriya. Warbaahinta Al-Monitor ayaa ku tilmaantay hab-dhaqan aan muuqan oo loogu talagalay in looga fogaado isku dhac lala galo Washington ama Cairo. Madaxa sirdoonka Turkiga Ibrahim Kalin ayaa si toos ah uga qaybgalay wadahadallo ay Masar martigelisay, isagoo fariimo u gudbinayay Xamas, lana kulmaya dhammaan dhinacyada marka laga reebo Israel. Soo jeedinta ah in la keeno ciidamo caalami ah—Carab iyo Reer Galbeed—waxay qorsheynayaan in Turkiye ay xubin ka noqoto, in kasta oo Ankara ay u muuqato inay doorbideyso door goobjooge ah si looga fogaado falcelin uga timaada Tel Aviv ama NATO. Gelitaanka gargaarka bini’aadannimo ayaa weli ah meesha ugu weyn ee ay Turkiye ka soo gasho: sahaydii gargaarka ayaa dib uga billaabatay marinka Rafah, waxaana jira qorshayaal dib loogu dhisayo Isbitaalka Saaxiibtinimada ee Turkish-Palestinian. “Diblomaasiyaddan bini’aadannimo” waxay Ankara siinaysaa joogitaan goobta ah iyadoo aan la geyn ciidamo. Caqabado badan ayaa jira. Xiriirka Israel wuu xumaaday, taasoo la mid ah dhacdadii Mavi Marmara ee 2010, in kasta oo iska-hor-imaadyada oo laga fogaanayo ay weli ka socdaan Suuriya. Tartanka kala dhexeeya Masar ee ku aaddan hoggaaminta Falastiiniyiinta ayaa ah mid xooggan: Cairo waxay leedahay dhul-juquraafi, taariikh, iyo xiriiro ay la leedahay kooxaha oo aysan Ankara haysan. Caasimadaha Reer Galbeedka ayaa taageersan dhexdhexaadinta Turkiye laakiin waxay ka soo horjeedaan joogitaan muuqda oo NATO ay ku yeelato Gaza, gaar ahaan marka la eego khilaafaadka ka taagan Suuriya, Iran, iyo Bariga Badda Mediterraneanka. Khatarta Erdogan haysata waa farqi u dhexeeya hadalka iyo natiijada; haddii aan la helin guulo la taaban karo, sida guryeyn, adeegyo, iyo xadgudubyo yar, Ankara waxaa lagu eedeyn karaa ka faa’iideysiga dhibaatada. Dib-u-dhiska oo saameyn lagu raadinayo Si kastaba ha ahaatee, dib-u-dhiska, oo lagu qiyaasay $70 bilyan, wuxuu fursado waaweyn u fidinayaa shirkadaha Turkiga ee khibradda u leh Suuriya iyo Ciraaq. Turkiye waxay tababari kartaa booliiska, oo ay bixin kartaa taageero maamul iyadoo hoos imaneysa dallad Qaramada Midoobay ama Carabta ah, taasoo u dhisaysa joogitaan hay’adeed oo mustaqbalka fog ah. Istaraatiijiyaddeeda Gaza waxay ku dhisan tahay saddex waddo: dhexdhexaadin siyaasadeed (isku xirka Xamas iyo Reer Galbeedka), isku-duwid amni (kormeer iyadoo aan ‘ciidamo dhulka la dhigin’), iyo howlaha bini’aadannimo (gargaar iyo dib-u-dhis si loo sii qotodheereeyo saameynta). Washington waxay si xaqiiqo-raac ah u eegaysaa ka-qaybgalka Turkiye: waa dhexdhexaadiye NATO ah oo aqlabiyad Muslim ah kaasoo ka hortaggi kara Iran, isla markaana dheellitiri kara Masar, saameynna ku dhex yeelan kara kooxaha Falastiiniyiinta. Donald Trump wuxuu ammaanay doorka “cajiibka ah” ee Erdogan ee uu ku lahaa sugidda xabbad-joojinta, laakiin hab-raacyada Mareykanka ayaa weli xaddidaya madaxbannaanida Ankara. Sida aagagga colaad-dajinta ee Suuriya, Mareykanku wuxuu raadinayaa in culeyska lala qaybsado iyadoo aan laga tanaasulin gacan ku haynta. Sidaas darteed Gaza waxay noqonaysaa goob tijaabo ah oo lagu qiimeeyo himilada Turkiye: muuqasho aan lahayn awood go’aan leh. Ankara waxay u dhaq-dhaqaaqeysaa sidii ay muuqashadan ugu beddeli lahayd cudud siyaasadeed, laakiin hadda waxay ku shaqeysaa xariiqmo ay u jeexeen jilayaal istiraatiiji ah oo ka waaweyn. The post Qorshaha sirta ah ee Turkey ee Gaza iyo saddexda xeelad ee uu ka kooban yahay appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo wada daga deegaanka Dagaalka ayaa si gaar ah uga qarxay inta u dhexeysa deegaanada Maraayo iyo Baalaldheer waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, inkastoo aan la caddeyn karin inta uu la’egyahay. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo xaganaa uu yimid, kadib markii markii mid kamid ah maleeshiyaadka is haya ay weerar qaadeen, kadibna uu sidaas ku bilowday dagaal toos ah oo saacado qaatay, kaas oo saameyntiisa laga dareemay qaybo kamid ah gobolka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada beel ayaa isku haysta dhul daaqsimeed iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo horay uga dhacay deegaannadaasi. Xaaladda aya ayaa maanta kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa goobihii lagu dagaalamay oo ay isku horfadhiyaan labada dhinac. Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi dib uga qarxay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Galgaduud ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada iyo dilalka salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana ugu dambeysay dhacdadii argagaxa lahayd ee dhowaan ka dhacday agagaarka deegaanka Raxan-reeble, kadib markii halkaasi maleeshiyaad hubeysan ay ku dileen hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay. Eedeysanayaashii ka dambeeyay falkaasi argagaxa leh ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay ciidamada Galmudug, waxaana haatan maxkamadeyntooda ay ka socotaa Dhuuamareeb. Si kastaba, Gobollada dhexe oo ay ka socdaan howlgallo xorey ah ayaa waxaa haddana ka ka dhaca dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh oo saameyn ku yeeshay gobolladaasi. The post Faah-faahinta dagaal culus oo ka dhacay Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
-
Awdheegle (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cumar Cali Cabdi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta booqasho iyo kormeer ku tegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab. Ujeedka safarka labada mas’uul ayaa ah in ay soo qiimeeyaan xaaladda amni iyo tan bini’aadannimo ee degmadaas oo hadda ay si biixda gacanta ugu hayaan ciidanka Xoogga. Sidoo kale, Wasiiru Dowlaha iyo Taliye Odowaa ayaa kormeeray xaafadaha degmada Awdheegle oo ay burbur xoogan u gaysteen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kahor inta aanay ka bixin, iyaga oo inta bada gubay guryihii shacabka iyo goobaha muhiimka ah. Wasii Cumar Cali Cabdi oo goobta kula hadlay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa boggaadiyay guushooda, wuxuuna faray inay sii laba jibaaraan dadaalkooda, si looga hortago dhagarta kooxaha argagixisada ah. Sidoo kale, wuxuu ciidanka ugu baaqay in halka uu socdo, isla markaana ay naafiyaan Khawaarijta oo loo arko inay halis wayn ku tahay amniga dalka. “Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeedow waxaa tihiin ciidanka lagu jiifo waxaan rabnaa inaad cadowga naafeysaan sida aad u naafeyn jirteenna aad usii wadaan” ayuu yiri Cumar. “Waxaan aaminsanahay inaan ka guuleysan karo cadowga, waana ka guuleysaneynaa, Soomaaliya ha’is raacdo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Xaaladda Awdheegle ayaa hadda deggan, waxaana si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, kuwaas oo haatan isku sii fidinaya dhamaan deegaannada iyo tuulooyinka hoos yimaada degmadaas. The post DF oo wafdi culus u dirtay degmo laga xoreeyay Al-Shabaab + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare Soomaaliya ayaa maanta ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xuquuqda gobolka Banaadir, xilli uu ka qayb-galayay dood culus oo ka dhacday xarunta Golaha. Muuse Suudi oo ka hadlayay aragtidiisa ku aadan hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka oo maanta akhrinta labaad ay mariyeen xubnaha Aqalka Sare ayaa soo hadal qaaday arrinta maqaamka Muqdisho iyo xuquuqaadka kale ee ka maqan dadka gobolka Banaadir. Senatorka ayaa caddeeyay in reer Muqdisho, si weyn loogu xad-gudbay, isla markaana la dudsiiyay xuquuqdooda, waxuuuna sidoo kale soo hadal qaaday arrimaha sharciga, gaar ahaan maxkamadaha oo uu qiray in lagu bahdilo shacabka ku dhaqan caasimada. “Gobolka Banaadir xad-gudub xun ayaa ku socda dhaqaalihiisa ayaa la iska guranayaa, Haddii qof maxkamad la geeyo cid difaacdo ma jirto waa la baah-dilayaa mana qaadaneyno” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowlad-goboleedyadu ay mar walba u doodaan dadkooda, isla markaana ay qareenno u qabtaan, balse reer Muqdisho, aysan lahayn metalaad, sida uu hadalka u dhigay. “Haddii dowlad-goboleedu dadkooda dambiyo galaan Xamar ay joogaan qareen ayaa loo qabanaa lacagtana waa laga bixinaa laakiin kuwa gobolkan Banaadir deggan xuquuq maleh, inta kalena xuuq ayay leedahay” ayuu mar kale yiri Senatorku. Waxaa kale oo uu Senatarku ku maah maahay” Waxaa la yiri ninkii geeda tiriyay ee Yaaq ka tegay waxba ma tirin”. Muuse Suudi Yalaxow oo caan ka ah Muqdisho iyo guud ahaan dalka ayaa inta badan u dooday xuquuda gobolka Banaadir, isaga oo marar badan doodo ka galay sidii loo heli lahaa maqaanka caasimada oo weli maqan, taas oo ilaa & hadda ay ka taagan tahay doodc culus. The post Senator Muuse Suudi oo shaaciyay xad-gudub xun oo ku socda reer Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadda Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa maanta mar kale u fariisatay dhageysiga dacwadda loo haysto saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen dilkii hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo carruurteedii yar-yaraa, kuwaas oo dhowaan lagu diley gobolka Galgaduud. Ragga la horgeeyay maxkamadda ayaa lagu kala magacaabay Ayuub Maxamed Cabdi, Galad Axmed Xuseen, iyo Cabdi Cismaan Cabdullaahi,Xeer Ilaalinta Galmudug ayaana soo bandhigtay caddaymo cusub oo la xiriira kiiska, kuwaas oo ay sheegeen in ay muujinayaan kaalinta eedeysaneyaasha ee dilkaas foosha xun. Sidoo kale, qaar ka mid ah ehellada marxuumiinta iyo dad goob-joogayaal ah ayaa maxkamadda horti ka marqaati furay, iyagoo sheegay in eedeysaneyaashu ay ahaayeen dadkii ugu dambeeyay ee lagu arkay hooyada iyo carruurteeda ka hor dilkooda. Dhageysiga dacwadda ayaa waxaa soo gebagebeeyay guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud, kaas oo sheegay in kiiska uu marayo meel xasaasi ah, isla markaana la filayo in fadhi kale oo dhawaan la isugu yimaado go’aan kama dambeys ah looga gaaro eedeysaneyaasha. Kiiskan ayaa si weyn u hadal hayn uga dhaliyay guud ahaan deegaannada Galmudug iyo dalkaba, maadaama uu ka mid yahay dhacdooyinkii ugu naxdinta badnaa ee ka dhaca gobolka sannadkan. Source: goobjoog.com
-
Kalfadhigii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dib u dhacay, kadib markii uu u baaqday kooram la’aan, sida ay xaqiijiyeen ilo ka tirsan Xoghaynta Golaha. Kulanka ayaa lagu waday in lagu sii amba-qaado dood ku saabsan hindise sharciyeedyo muhiim ah iyo warbixinno guddiyada qaarkood, balse tirada xildhibaanada soo xaadiray ayaa ku filnayn sharciga ku xusan Dastuurka, taas oo keentay in Guddoomiyaha uu ku dhawaaqo dib-u-dhigista kalfadhiga. Guddoonka ayaa sheegay in aan la aqbali doonin maqnaashaha Xildhibaanadaan kalfadhiyadda baarlamaanka, islamarkaana laga qaadi doono tilaabo. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay in kalfadhiga dib loo qaban doono toddobaadka soo socda, iyadoo la filayo in la hubiyo joogitaanka xubnaha si looga fogaado in mar kale uu fadhigu u baaqdo sababo la xiriira kooram la’aan. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga Garoonka Muqdisho iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu arkay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin masuuliyiintani shaqooyinka loo idmaday waxa uu u magacaabay: Mudane Cabdinaasir Maxamuud Gurey: Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga ee Garoonka Aadan Cadde. Mudane Cabdalla Xasan Cali: Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS. Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta doortay xildhibaanadda ilaa 2027 Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC). Xubnahan oo ka kooban sagaal, afar haween tahay ayaa isugu jiraan dublamaasiyiin, aqoonyahano iyo siyaasiyiin, kuwaas oo kala ah; 1. Xuseen Xasan Cabdi 2. Dr Cabdisalaan Hadliye 3. Pro. Faysal Cabdi Rooble 4. Amb. Faadumo Cabdullaahi Insaaniya 5. Fahma Axmed Nuur 6. Ilhaan Cali Gasar 7. Amb. Sahro Cali Xasan 8. Amb. Abuukar Cali Mardaadi, iyo 9. Cabdiraxmaan Bashiir Shariif. Soomaaliya ayaa ku biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika bishii Maarso ee sanadkan. Waddamada xubnaha ka ah EAC ayaa waxa ay iska kaashadaan dhinacyo quseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo dooratay xildhibaannada ku meteli doona EAC appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imanaya buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in todoba askari geeriyootay, shan kalena dhaawacmatay, kaddib markii gaari ay saarnaayeen oo nooca dagaal ah lala beegsaday qarax. Qaraxa oo sida lagu soo warramayo ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah, ayaa maanta barqanimadii ka dhacay deegaanka Dararmadoobe oo u dhexeeya tuulooyinka Tuurmasaale iyo Dhaadaar. Ma ahan markii ugu horreysay oo wadada qarax loogu aaso ciidanka Puntland ee ka dagaalamaya buuraleyda Calmiskaad. Qaraxa maanta ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmo ka hor uu guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland Maxamed Baarri Shire sheegay in deegaanno hore looga sifeeyay kooxda Daacish ay hadda dib ugu soo noqdeen. Guddoomiye Baarri wuxuu xusay in kooxda argagixisada Daacish ay ku milmeen dadka reer guuraaga ah ee degan buuraleyda Calmiskaad. PUNTLAND POST The post Puntland: Qarax ka dhacay Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
-
Marka dal dayn laga cafiyo lacagta uu dulsaarka ku bixin lahaa waxay noqotaa kayd uu u isticmaali karo maalgelinta waxbarashada iyo caafimaadka. Garoowe (Faallo PP) — Maalmahan dalalka saboolka ah oo deynmaha lagu leeyahay waxaa soo foodsaaray cadaadis ku saabsan bixinta dulsaarka deynta. Dalalkaas lacagaha ay ku bixin lahaayeen caafimaadka iyo waxbarashada waxay ku bixiyaan dulsaarka deynta lagu leeyahay. Siddeetamaadkii qarnigii hore markii Soomaaliya qaadatay taladii Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) waxay yaraysay misaaniyadda ku bixi jirtay waxbarashada iyo caafimaadka. Sanad-dugsiyeedkii 1986-1987 Soomaaliya waxay hirgelisay hab waalidku ku bixinayaan qeyb ka mid ah mushaarka barayaasha. Arday kasta lacag ayay dowladdu ka qaadi jirtay waayo IMF ayaa dowladda ku amartay in qeyb badan oo ka mid ah miisaaniyadda waxbarashada iyo caafiimaadka u jiheyso bixinta dulsaarka deymaha lagu leeyahay Soomaaliya. Deyn cafinta loo sameeyay Soomaaliya waa guul u soo hoyatay dowlad-dhisidda. Haddii Soomaaliya aan laga cafin lahayn deynta waxaa dhici lahayd in ardayda, oo badankood maantaba bixiya lacag, ay ku waajib noqon lahayd inay lacag badan bixiyaan si ay wax ugu bartaan dugsiyada hoose iyo sare. David Milliband, oo mar ahaa Wasiirka Arriimaha Dibedda ee Biritayn, ayaa maqaal uu ku qoray Wargeyska Financial Times, wuxuu soo jeediyay in dib u habayn lagu sameeyo lacagaha lagu leeyahay dalalka saboolka ah si ay deynta laga cafiyo ugu isticmaalaan maalgelinta waxbarashada iyo caafimaadka. Haddii Soomaaliya ay ku sii jiri lahayd ku meelgaar ma dhici lahayn in deyn cafin loo sameeyo. © Puntland Post, 2025 The post Deyn cafintu waa guul u soo hoyatay dowlad-dhisidda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Booliiska dalka Hindiya ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga, uu geeriyooday isagoo jira 80 sano. Warar maxalli ah ayaa sheegay inuu ku sugnaa xarunta Ayuverdic ah oo ku taal gobolka Kerala ee koonfurta Hindiya. Raila waxaa lagu soo warramayaa inuu u geeriyooday wadno istaag. Odinga wuxuu sanado badan ku qaatay isagoo ah hogaamiye mucaarad ah, isagoo ku guuldareystay shan tartan oo madaxweyne, tan ugu dambeysayna ay ahayd saddex sano ka hor. Wuxuu raysal wasaare u ahaa mid ka mid ah ragga ka adkaaday, sida Mwai Kibaki laga bilaabo 2008-kii ilaa 2013. Waxaa jira warar sheegaya in xaaladdiisa caafimaad ay aad u liidatay, inkastoo ay qoyskiisu xaaladaas beeniyeen. Odinga ayaa saxiib dhow la ahaa Somaliland waxna uu kulan balaadhan oo soo dhawayn ah gurigiisa ugu sameeyay waftigii dhawaan tagey dalka Kiiniya ee uu hogaaminaayay madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Mohamed Abdullahi Qaran News
-
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Kenya, ahaana hoggaamiyihii xisbiga mucaaradka ee ODM, Raila Odinga ayaa maanta geeriyooday. Odinga oo ahaa 80 sano jir ayaa ku geeriyooday magaalada Kochi ee koonfurta Hindiya, kaddib markii uu sababsaday xanuun dhanka wadnaha. Raila Odinga ayaa in ka badan sodon sano ku jiray siyaasadda Kenya, wuxuuna guuldareystay shan jeer oo u tartamay doorashada madaxtinimada dalkaas, isagoo mar walba ku andacoonayay in la khiyaameeyay oo doorashada lagaga shubtay. PUNTLAND POST The post Raila Odinga oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
Suldaan Mowliid Sabbeyste. Laascaanood (Faallo) —Dhowaan Suldaan Mowliid Sabbayste ayaa ku tilmaamay Buurmaadow inuu yahay “cad xaaraan ah oo ku dhex jira Somaliland”. Suldaanku ujeeddadiisu ma ahayn inuu aflagaaddeeyo hooyada Buurmadnow, hase ahaatee si aan ula-kac ahayn ayuu ugu gefay hooyo Soomaaliyeed si la mid ah sidii Buurmadow ugu gefay hooyada Garaad Jaamac Garaac Cali. Qof marka Soomaalidu ku tilmaanto “xaaraan”, macnuhu waa “qofkaas xalaal kuma dhalanin”, “ waa garac” iwm. Fashilka wadaaddada Soomaaliyeed Markuu Buurmadow ku tilmaamay Garaad Jaamac Garaac Cali inuusan ahayn Ina Garaad Cali wuxuu ku kacay mid ka mid ah toddobbada dambi uu Nabi Maxamed (NNKH) naga waaniyay: in haweeney Muslimad ah oo wanaagsan lagu eedeeyo inay sinaysato/sinaysatay. Ma jiro ilaa hadda wadaad ka hadlay gefkaas. Toddobaadkii hore Buurmadow wuxuu mar kale meel uga dhacay gabdho Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay in Ceerigaabo “lagu haysto”. Diinta Islaamku maxay ka qabtaa gefefka soo noqnoqday ee Buurmadow? Waxaa xusid mudan in maamulka Puntland uu Buurmadow ku soo dhoweeyay Garoowe kaddib aflagaaddadii uu geystay Garaad Jaamac Garaad Cali hooyadiis. Suldaan Garaase ayaa soo dhoweyntaas ka soo horjeestay. Buurmadow wuxuu been ka sheegay Boqor Burhaan oo uusan wax xiriir telefoon ah la yeelanin. Buurmadow wuxuu ku kacay mid ka mid ah toddobbada dambi uu Nabi Maxamed (NNKH) naga waaniyay: in haweeney Muslimad ah oo wanaagsan lagu eedeeyo inay sinaysato/sinaysatay. Garaad Jaamac Garaad Cali isaguba gefef ayuu ku kacay uusan weli raalligelin ka bixinin. Marar kala duwan ayuu u gefay beelo Soomaaliyeed (mar aayado ayuu u daliishaday; mar nasabkooda ayuu wax ka sheegay). Ma jiro wadaad ka hadlay meel-ka-dhaca uu Garaadku geystay. Waa arrin muhiim ah in loo baahan yahay in laga hadlo xakamaynta madaxdhaqameedka Soomaalida qaarkood oo caadaystay meel-ka-dhac. Haddii laga aamuso colaado iyo is neceyb jiitama ayaa ka dhalan doona. Qof maskaxda lagaga jiro oo keliya ayaan lala hadlin ama la celinin markuu gefo. The post Suldaan Sabbayste iyo Buurmadow appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday xubno ka mid ah Madasha Samatabixinta ee mucaaradka. Wasiir Fiqi oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ku eedeeyay mucaaradka in ay dhaqaale ku soo qaateen si ay caasimadda uga sameeyaan bannaanbaxyo lagu carqaladeynayo amniga, isagoo ku tilmaamay in ay yihiin “xagjiriin siyaasadeed”. Fiqi wuxuu sheegay in dowladdu ogoshahay mudaharaad boorar la wato, halse aysan oggolaanayn in hub la soo qaato. Hadalka wasiir Fiqi wuxuu ku soo aaday, xilli dhawaan mucaaradka iyo dowladda isku afgarteen in dib loo dhigo mudaharaadka, iyadoo la tixgalinayo xaaladaha amniga ee Muqdisho, kaddib weerarkii Godka Jilacow. Fiqi ayaa inta badan jeediya hadalo kulul oo baasiin ku sii shubaya khilaafka u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh. PUNTLAND POST The post Fiqi oo mar kale weerar afka ah ku qaaday Madasha Samatabixinta appeared first on Puntland Post.
