-
Content Count
213,395 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Taliye ku xigeenka Qeybta Booliska Gobolka Nugaal G.dhexe Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) oo faahfaahin ka bixiyay cidda khamriga soo galisa magaalada Garoowe ayaa xaqiijiyay in ciidamo ka tirsan Puntland ay ka ganacsadaan maan-dooriyahaasi. Gaashaanle dhexe Fardafuul, waxa uu beeniyay in ciidanka Booliska ku lug lee yihiin soo gelinta Khamriga ee caasimadda Garoowe, balse wuxu xaqiijiyay in ay jiraan ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo ka ganacsada ama iibiya Khamriga, kuwaasi oo soo galiya magaalada. “Khamriga waxa soo galiya waa ciidamo warkaasi waa xaqiiq, waa ciidan dowladeed oo ka ganacsada oo iibiya oo qoryo sita, balse maaha ciidanka Booliska intaasi in aan idin caddeeyaan rabaa, waxa khamriga soo galiyaa waa ciidan ka tirsan Daraawiishta” ayuu yiri Taliye Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul). Warkan ayuu Fardafuul ka sheegay Kulan ku saabsan adkaynta Ammaanka iyo la-dagaallanka noocyada kala duwan ee maandooriyaha uu Khamriga u horreeyo, kaasi oo xalay lagu qabtay masaajid ku yaalla magaalada Garoowe. PUNTLAND POST The post Taliye Fardafuul oo sheegay in ciidamo ka tirsan Puntland khamriga soo galiyaan magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Bannaanbaxii mucaaridka Soomaaliya ee qorshaysnaa in uu maanta oo Sabti ah ka qabsoomo Muqdisho ayaa dib loo dhigay mudda sagaal cisho ah, kaddib markii la dhex-dhexaadiyay siyaasiyiinta Mucaaridka iyo dowladda Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud. Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo xildhibaannada ka soo jeeda magaalada Muqdisho oo dhex-dhexaadintan sameeyay ayaa ku guulaystay in ay Mucaaridka ku qanciyaan dib-u-dhigista bannaanbaxa, taasi oo horseeday is afgaradka ku saabsan in mudda sagaal cisho ah dib loo dhigo bannaan-baxii qorshaysnaa. Intaasi kaddib, waxaa la isku raacay oo shir jaraa’id oo wadajirka ah laga sheegay in bannaan baxu uu yahay mid dastuuri ah muddo 9 maalmood gudahood wixii farsamo ah looga shaqeeyo bannaan baxaas goobta iyo goorta uu dhici doono, si nabad ah oo dowladdu amnigeeda sugeyso uu u dhaco. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sida laga soo xigtay u caddeysay guddiga dhexdhexaadinta in ay raalli ka tahay xorriyadda kulamada, bannaanbaxyada iyo cabashooyinka, balse loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo goorta iyo goobta lagu qabanayo, si dowladda ay u xaqiijiso sugidda amniga. Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya waxay ku adkaysatay in ay mamnuuc tahay isku soo bixinta ciidan, wadashada gaadiidka dagaalka (tiknikada) iyo hubka culus, arrintaasna waxaa si cad loogu sheegay dhammaan xubnaha madasha. PUNTLAND POST The post Mucaaridka Soomaaliya oo lagu qanciyay in ay 9 cisho dib u dhigaan bannaan-bixi qorshaysnaa maanta oo Sabti ah appeared first on Puntland Post.
-
The Mayor of Mogadishu, Hassan Mohamed Hussein (Muungaab), speaking at Karaan District Town Hall, stated that the former Somali President has no authority either to call for public demonstrations or to designate locations in Mogadishu where such gatherings may take place. Mogadishu (PP News Desk) — The Federal Government of Somalia has put in place measures to prevent al-Shabaab from exploiting the controversial demonstrations called for by a wing of the Council of Salvation led by former Somali President Sharif Sheikh Ahmed. Sharif claimed that the planned demonstrations are aimed at challenging “land-grabbing by the government and the unlawful arrest of citizens”. A Somali Federal MP, Mohamed Ali Omar (Aananuug), who is allied with the Council of Salvation, said that “Al-Shabaab spokesman Ali Dheere has shown more empathy towards people displaced by the government”. Calls to bring him before the Parliamentary Ethics Committee are growing. “The vigilant style of incitement by the opposition endangers peace; it must project as issue-oriented. The portrayal of a terrorist (Ali Dheere) who murdered thousands of civilians as empathetic towards Mogadishu residents by the opposition is beyond rational behaviour – and now this…” Abdirizak Mohamed, an MP and the former Minister of Petroleum and Mineral Resources of the Federal Government of Somalia, tweeted about the Warta Nabadda Police Station incident. On Wednesday, Sharif and other members of the Council of Salvation, escorted by armed civilians, visited the Warta Nabadda Police Station in Mogadishu to secure the release of people detained by the police for alleged crimes. The security detail of Sharif opened fire at the police station gate and resulted in the escape of many suspects. The Mayor of Mogadishu, Hassan Mohamed Hussein (Muungaab), in a speech at Karaan District Town Hall, said that the former Somali President cannot call for popular demonstrations, nor can he designate areas in Mogadishu where demonstrations can be staged. The former Prime Minister of Somalia, Ali Mohamed Geeddi, accused the wing of the Council of Salvation of masterminding the attack on Warta Nabadda Police Station. “They were staying in a house near the police station before the attack. They were under surveillance,” he said.The Federal Security Minister yesterday issued guidelines discussed in an emergency meeting of the Council of Ministers to prevent the destabilisation of Mogadishu by “elements behind the attack on Warta Nabadda Police Station.” © Puntland Post, 2025 The post Mogadishu Mayor Rejects Former Somali President’s Call for Demonstrations appeared first on Puntland Post.
-
Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) oo warbixin kooban soo saaray ayaa shaaciyay in uu fuliyay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday buuraha Golis, gaar ahaan Calmiskaad, taasi oo uu la beegsaday kooxda ISIS. Warkan ka soo baxay Taliska AFRICOM ayuu ku xaqiijiyay in uu duqeyntani oo ka dhacday togga Baallade oo ka tirsan buuraha Golis, gaar ahaanna Calmiskaad, islamarkaana dhinaca Koonfur Bari ka xiga magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay weli ku dhuumanayaan firxad ka tirsan kooxda ISIS, oo ay ku hareeraysan yihiin ciidamada difaaca Puntland. Balse, Taliska AFRICOM wax faahfaahin ah kama bixin haddii uu jiro khasaare gaaray kooxda ISIS ee bartilmaameedka duqeyntaasi ahaa, waxaase uu ballan-qaaday in uu sii wadi soono tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda kooxdaasi u yeelan karto in ay khatar geliso Amniga Maraykanka, Ciidamadiisa iyo muwaadiniintooda ku sugan dibadda. PUNTLAND POST The post Puntland: Maraykanka oo warbixin ka soo saaray duqeyn uu la beegsaday kooxda ISIS ee buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
-
The Speaker of the Somali Federal Parliament, Sheikh Adan Mohamed Nur (right) with the Commander of Somali Police Force Brigadier General Asad Abdullahi at Warta Nabadda Police Station today. Mogadishu (PP News Desk) — The Speaker of the Somali Federal Parliament, Sheikh Adan Mohamed Nur (Madobe), today visited Warta Nabadda Police Station today, where members of the Salvation Council led by former Somali President Sharif Sheikh Ahmed, three former Prime Ministers and their armed security personnel visited yesterday gone. “I have just seen the marks of bullets on the police station, which remind us of how houses were destroyed during urban conflict in the civil war. It is deplorable that such an incident has happened. I never expected that people who once held high positions in our country would be responsible for committing such actions. I sincerely hope that nothing like this will ever occur again,” said the Parliamentary Speaker. Armed security guards accompanying members of the Salvation Council reportedly fired bullets at police officers at Warta Nabadda Police Station. A video clip shared on social media shows an armed civilian calling for the storming of the station. Members of the Salvation Alliance claimed that their visit to Warta Nabadda Police Station was intended to secure the release of individuals they allege were “unlawfully detained.” Former Somali President Sharif Sheikh Ahmed has also called for public demonstrations on Saturday, a call rejected by the Mayor of Mogadishu, Hassan Mohamed Hussein (Muungaab). “The former President cannot call for demonstrations, nor can he designate any part of Mogadishu for protests without the permission of the Mogadishu local government. If he is vying for the position of Mayor of Mogadishu, he should contest the upcoming local elections in December 2025,” said the Mayor of Mogadishu. © Puntland Post, 2025 The post Adan Madobe: ‘Deplorable’ Attack at Warta Nabadda Police Station Evokes Civil War Memories appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — The Somalia Salvation Forum and lawmakers from both houses of parliament said Tuesday they will file lawsuits against President Hassan Sheikh Mohamud, his government, and senior officials, accusing them of constitutional violations, corruption, and human rights abuses, including forced evictions of poor families. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha ShacabkaSheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta wax ka beddelka dastuurka KMG ah, waxayna soo xireen kulan banbax ah oo xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa uga socday guddiga lasocodka iyo dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka. Waxaa kale oo kulanka ka qayb-galay guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka, habdhowrka, guddoonnada guddiyada dib-u-eegista, xoghayeyaasha guud ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo sidoo kale guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal. Ujeedka kulankan oo socday laba cisho ayaa waxaa uu daarnaa dardargelinta howlaha dib-u-eegista iyo dhammaystirka dastuurk, si cutubyada harsan loogu gudbiyo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isla markaana uu uga guto waajibaadkiisa shaqo. Labada guddoomiye oo madasha ka haday ayaa sidoo kale bogaadiyey kuna ammaanay guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka shaqada adag ay u hayaan qaranka. Sidoo kale, waxa ay kula dardaarmeen inay sii laba jibaaraan shaqooyinkooda, si loo dhameystiro wax ka beddelka dastuurka iyo guud ahaan sidii loo dhammeystiri lahaa qodobada harsan. Dowladda ayaa qorsheynaysa in kalfadhiga 7-aad la meelmariyo wax ka beddelka cutubyada dhiman ee dastuurka KMG ah, iyadoo hay’addaha u qaabilsan dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya ay soo gaba-gabeeyen la-tashiyo ku saabsan wax ka beddelka cutubyada 10 ilaa 15 ee Dastuurka, oo ay gadaal ka riixayso Villa Soomaaliya. Ansixinta afarta cutub ee ugu horreeya ee Dastuurka ayey weli taagan tahay dood, gaar ahaan cutubka 4-aad ee ku saabsan nidaamka doorashooyinka, taas oo qaar kamid ah mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyadu ka muujiyeen walaac. Baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan furmi doono ayaa waxaa la filayaa inuu khudbad u jeediyo madaxweynaha JFS oo ka hadli doono arrimo xasaasi ah, sidoo kale dalabaad culus u gudbin doono labada gole oo ay ugu muhiimsan tahay Dastuurka iyo doorashooyinka. Mucaaradka ayaa weli dhankooda dood adag la fadhiya bannaanka, waxaana ay kasoo horjeedaan, sida ay wax ku wadaan hoggaanka Villa Soomaaliya. Si kastaba, Baarlamaanka Federaalka oo muddo xirnaa ayaa furitaankiisa isha lagu wada hayaan, maadaama uu kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xaalad siyaasadeed, sidoo kale waxaa jira guusha mooshin xildhibaanno ay ka wadaan Xamza.
-
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka qayb-gelay furitaanka meertada 80-aad ee Golaha Guud ee QM oo ay isugu tageen inta badan xubnaha ku jira golaha. Shirkan oo sanadle ah ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saarayaa sidii loo qaadi lahaa tallaabo wadajir ah oo ku aadan isbeddelka cimilada iyo saameynta taban ee uu ku leeyahay dunida, si xal loogu helo. Waxaa kale shirka looga hadli doonaa xoojinta nabadda, amniga, dib-u-habeynta hay’adaha caalamiga ah, wax ka qabashada saboolnimada, iyo horumarinta dhaqaalaha guud. Sida qorshuhu yahay madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo madasha, isaga oo kaga hadli doono arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya, xaaladaha ka jira gobolka iyo caalamka. Sidoo kale madaxweynaha ayaa golaha la wadaagi doono guulaha ay dowladdiisa ku tallaabsatay, gaar ahaan horumarrada laga sameeyay dagaalka lagula jiro argagixisada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya oo looga hadlay doorka Xasan. Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha uu ka hadli doono qorshaha dowladdiisa ee ku aadan hirgelinta doorashooyinka tooska ah oo ay haatan isku hayaan dhinacyada siyaasadda, gaar ahaan Villada Somalia, mucaaradka, Puntland iyo Jubbaland. “Madaxweynaha ayaa Golaha ka jeedin doona kalmad ku saabsan xaaladda dalka, isagoo soo bandhigi doona guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dib u habaynta dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo hirgelinta doorashooyinka tooska ah” ayaa lagu yiri qoraalka. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale inta uu joogo New York, kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda tageysa shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo kala hadli doono danaha labada dhinac, xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya. Si kastaba, hirka ayaa sanadkan kusoo aaday, iyada oo caalamka uu wahayo qataro waa wayn, sida xiisadda bariga dhexe ee kasii dareysa kadib markii uu sii xoogeystay dagaalka ka socda gobolka ee hormuudka ay u tahay Israel oo weerarradeeda sii laba jibaartay.
-
ASMARA, Eritrea — Eritrean President Isaias Afwerki has warned that Somalia has become a frontline in the Red Sea’s growing power rivalries, accusing the United Arab Emirates and other foreign powers of exploiting fragile states to advance their own interests. The veteran leader, speaking in a televised interview, said Ethiopia’s controversial maritime pact with Somaliland — granting Addis Ababa access to the Red Sea in exchange for recognition — risked tearing Somalia apart. “Somalia’s sovereignty must not be a bargaining chip,” Isaias said. “The needs of their peoples do not drive these conflicts in Somalia and Ethiopia, but by outsiders who see the Red Sea as a prize.” UAE ambitions in the Horn At the heart of the crisis, Isaias said, lies the UAE’s long-standing ambition to dominate the Red Sea corridor. He accused Abu Dhabi of pursuing influence since the 1970s under Sheikh Zayed, and of steadily expanding its influence through port deals, military bases, and direct intervention. “Sudan has become a victim of foreign interference,” Isaias said, pointing to Emirati involvement on both sides of the war between rival generals. He said Abu Dhabi’s ambitions stretch from the Suez Canal down through Djibouti, Berbera, Lamu, and Dar es Salaam, reflecting a drive to control the region’s maritime lifelines. “The turmoil in Sudan and the disputes in the Horn are part of one picture,” he said. Isaias linked Somalia’s crisis and Sudan’s war to the wider Red Sea, describing it as a new global battleground where great powers are clashing for influence. “The Red Sea has become a proxy arena,” he said. “The United States, Russia, China, India, Latin America, Japan, South Korea, and others are all competing for control. But the future of this region must be decided by its own people.” He dismissed the idea that imported models or aid could bring stability. “True security will not come from Washington, Abu Dhabi, or any other capital,” he said. “It will only come through cooperation among the peoples of the Horn of Africa and the Red Sea.” Ethiopia’s instability Turning to Ethiopia, Isaias warned that its internal turmoil posed a direct threat to the Horn. While Eritrea normalized ties with its neighbor in 2018, he said Addis Ababa’s repeated crises — from Tigray to Amhara and Oromia — risked spilling across borders. “For eighty years, Ethiopia’s rulers have pursued expansionist policies,” Isaias said. “We never sought their land, but they constantly sought to undermine ours. Though we paid heavily, we also learned important lessons.” He rejected Ethiopia’s claim that its maritime deal with Somaliland was a matter of “existential survival,” arguing instead that it reflected desperation. “These are not strategies for development,” he said. “They are reckless ambitions, driven by outsiders who want to exploit Ethiopia’s weakness.” “Ethiopia’s instability is a danger to the wider region,” he concluded. Despite the dangers, Isaias insisted that the Horn of Africa still has the capacity to shape its own future. “True stability will not come from Washington, Abu Dhabi, or any other capital,” he said. “It will only come through cooperation among the peoples of the Horn of Africa and the Red Sea.” He called for renewed regional dialogue, linking the futures of Somalia, Ethiopia, Sudan, and Eritrea, and urged African states to resist what he described as “divide-and-rule tactics” from external powers. “The peoples of this region share history, culture, and destiny,” Isaias said. “If they stand together, no outside actor can impose its will.”
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta tababar usoo xiray ciidamo cusub oo kamid noqonayo kuwa Daraawiishta maamulkaasi, kuwaas oo soo dhammeystay tababarkooda. Ciidamadan oo si gaar ah loo tababaray ayaa bilihii lasoo dhaafay Layli uga socday xero ku taalla magaalada Dhuusamareeb halkaas oo uu maanta madaxweynuhu tegay, kuna soo xiray tababarka. Munaasabad ka dhacday goobta ayaa ciidamadu waxa ay ku soo bandhigeen dhoolatus la xiriira cashirradii ay barteen ee dhinaca amniga iyo ka hortagga walxaha qarxa. Qoor Qoor oo madasha ka hadlay ayaa u hambalyeeyay ciidammada maanta tababarka dhammeystay, waxaana uu kula dardaarmay in dalkooda iyo dadkooda ay ugu shaqeeyaan casharradii iyo tababarkii ay qaateen, iyagoo kaalin muhim ah ka qaadanaya sugida amniga, xoreynta deegaannada cadowgu haysto iyo ilaalinta Dowladnimada. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidankan ay qeyb ka qaadan doonaan dagaalka lagua jiro Al-Shabaab iyo sidii looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin maamulkaasi oo haatan ay ka socdaan howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo Galmudug. Howlgalladii ugu dambeeyay oo ka dhacay gobolka Galgaduud ayaa jab lagu gaarsiiyay argagaxisada, waxaana kamid ahaa duqeyn shalay ka dhacday deegaanka Nooleye ee gobolkaasi, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan illaa 4 xubnood, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. “Ugu yaraan 4 ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalka. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka” ayaa lagu yiri qoraalka. Howlalkaas waxaa ka horreeyay dagaal kale oo dhawaan lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay degmada Ceedheer ee isla gobolka Galgaduud. Khasaaraha dhimashada ee kooxda Al-Shabaab ayaa gaaray illaa 70 xubnood, halka ay dhaawacmeen 50 kale, sida uu horay u shaaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaalkii shalay ka dhacay Ceeldheer. “Khasaaraha dagaalka kusoo gaaray kooxda Khawaarijta, qiyaastii meydadka hadda la hayo waa soddomeeyo, laakiin waxay qaateen oo la hubaa maydad kale iyo dhaawacyo kale, illaa 60 ayuu gaaraya khasaarahooda dhimashada, dhaawacoodana illaa 50 ayuu kor u dhaafay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale abaal-marisay ciidanka jilibka u dhigay argagixisada ee guusha wayn kasoo hooyay dagaalkii Ceeldheer ee cashirka loogu dhigay Khawaarijta
-
Jeneraal Qalyare iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa oo la dilay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax culus oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah aagga buuraha Calmiskaad, kaas oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa maamul-goboleedka Puntland. Qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Dhasaan oo ka tirsan meelihii horey looga xoreeyay maleeshiyada kooxda Daacish, waxaana lagu dilay taliyihii guutada 2-aad ee ciidanka difaaca Puntland ee wax ka hoggaaminayay dagaalka ka socda halkaasi. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Jeneraal Axmed Cabdi Cali-Qarjab (Qalyare), ayaa ku dhintay qaraxa oo lala helay gaarigiisa, waxaana sidoo kale dhimasho iyo dhaawac kale uu gaaray qaar kamid ah ciidankii la socda taliyaha, xilliga la qarxinayay. AUN Jeneraal Qalyare ayaa ah sarkaal firfircoon oo ka dhex muquday ciidanka Puntland, wuxuuna horay ugu dhaawacmay dagaalka Calmiskaad, isaga oo dibadda loo qaaday, kadibna markii uu kasoo laabtay dib ugu laabtay difaaca hore oo maanta lagu dilay. Qaraxa kadib ciidamada ayaa sameeyay howlgal, si ay u baadi goobaan xubnihii Daacish ee ka dambeeyay, kuwaas oo inta badan qaraxyo u aaso kolonyada ciidamada Puntland. Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan qaraxa lagu dilay sarkaalkaasi iyo qaa kamid ah ilaaladiisa ee dhintay, iyaga oo ku jiro shaqadooda, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee Calmiskaad. Horay kooxda Daacish ayaa sidaan oo kale u qarxisay ciidanka Puntland, waxaana weerarkii ug dambeeyay uu ka dhacay deegaanka Markadaan, oo u dhow halka loo yaqaano Turmusaale oo kamid ah meelihii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay Daacish. Qaraxaas oo isna ahaa miino ayaa haleelay gaari ambalaas ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Puntland, waxaana ku dhintay ugu yaraan 3 askari oo uu ku jiro sarkaal sare, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Sidoo kale, waxaa qaraxa ku dhaawacmay askar kale oo la socotay baabuurka la beegsaday, iyada oo miinada loogu aasay waddada dhinaceeda. Kooxda Daacish ayaa marar badan aagga Calmiskaad ka fulisay weerarro noocan oo kale ah, kuwaas oo sababay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac. Weerarradan cusub ayaa sidoo kale muujinayo in weli Daacish ay awood u leedahay inay qaraxyo ka fuliso halkaasi, waxaana inta badan ay adeegsataa kooxo guur guura oo ka dhuumaaleysanaya ciidamada, maadaama Daacish lagu jabiyay howlgallada haatan socda. -
Khartuum (Caasimada Online) — Dhulka saxaraha ah ee Sudan ee ay cadceeddu dubtay, waxaa dhex maraya gawaari ciidan oo duugoobay, iyadoo raadiye gaari ay ka baxayaan heeso dhaqameedka vallenato — oo ah cod laga yaqaan Latin America balse aan laga aqoon Bariga Afrika. Heesahan aan la fileynin inay halkaas ka baxaan ayaa ah kuwa ay dhageysanayaan calooshood-u-shaaqeystayaal u dhashay dalka Colombia, kuwaas oo doorkooda sii kordhaya ee dagaalka sokeeye ee Sudan uu hadda isu beddelay fadeexad caalami ah. Dowladda Khartuum ayaa dhowaan dacwad rasmi ah u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo ku eedaysay Imaaraadka Carabta inay maalgelisay ayna geysay calooshood-u-shaaqeystayaal Colombian ah si ay u garab dagaallamaan Ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF), oo ah maleeshiyo awood badan oo la dagaallamaysa ciidanka qaranka Sudan. Mas’uuliyiinta Sudan ayaa sheegay inay hayaan “caddeymo ballaaran” oo ku saabsan olole abaabulan oo ay Abu Dhabi ku doonayso inay ku wiiqdo madaxbannaanida Sudan. Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa iska fogeeyay eedeymahan. Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii ciidanka cirka ee Sudan ay 7-dii August gobolka Darfur ku soo rideen diyaarad laga leeyahay Imaaraadka. Waxaa diyaaradda saarnaa 40 calooshood-u-shaaqeystayaal u dhashay Colombia iyo shixnad hub ah oo la sheegay inay ku socotay ciidanka RSF, waxaana halkaas ku dhintay dhammaan dadkii saarnaa. Abu Dhabi ayaa mar kale beenisay inay lug ku lahayd arrintan, halka wasaaradda arrimaha dibadda ee Colombia ay ka aamustay. Inkastoo ay arrintani tahay mid naxdin leh, haddana ka qaybgalka dagaalyahannada Colombia ee Sudan waxaa horraantii sanadkan lagu xaqiijiyay warbixin ay soo saareen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay. Joogitaankoodu wuxuu qayb ka yahay ganacsi caalami ah oo dahsoon oo ku saleysan askarta la kiraysto. Dalka Sudan waxaa hareeyay dagaal sokeeye tan iyo bishii April 2023, markaasoo loollan muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeyay ciidanka qaranka iyo kuwa RSF uu isku beddelay dagaal fool-ka-fool ah oo dhan walba ah. Qiyaasuhu waxay sheegayaan in la dilay dad u dhexeeya 20,000 ilaa 150,000 oo qof. Waxaa sidoo kale barakacay in ka badan 14 milyan oo qof, iyadoo macluul ay halis ugu jirto gobollo dhowr ah, waxaana Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (International Criminal Court) ay baareysaa dembiyo naxdin leh oo isugu jira xasuuq wadareed iyo tacaddiyo xagga galmada ah. Colombia ilaa Boosaaso: Silsiladda isu-gudbinta Way adag tahay in lala socdo dhaqdhaqaaqa ganacsiga calooshood-u-shaqeysiga, laakiin warbaahin laga leeyahay Colombia oo lagu magacaabo La Silla Vacía ayaa ku qiyaastay in ilaa 380 Colombian ah la qoray tan iyo sanadkii 2024 si ay ugu biiraan ciidanka RSF. Intooda badan waxay ka tirsan yihiin guuto loo yaqaan Yeeyda Saxaraha (Desert Wolves), taasoo u kala baxda afar cutub oo ay hoggaamiyaan askar howlgab ah. “Askarta Colombia waa kuwa qiimo jaban balse tayo leh,” ayuu yiri Sean McFate, oo ah aqoonyahan Mareykan ah oo ku takhasusay arrimaha difaaca. “Waa dad anshax leh, dagaal soo maray, kharashkooduna wuxuu aad uga yar yahay kan ku baxaya askari Mareykan ah.” Tobanaan sano oo dagaal lala galay jabhado iyo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ayaa sababtay in Colombia ay yeelato kumanaan askari oo ruug-caddaa ah oo dagaal ku soo tababartay. Si kastaba ha ahaatee, qaar badan oo ka mid ah waxay ku nool yihiin gunno howlgabnimo oo yar oo u dhexeysa $400 ilaa $600 bishii. Taas beddelkeeda, shaqada calooshood-u-shaaqeysiga waxay bixisaa lacag u dhexeysa $2,600 ilaa $6,000, taasoo inta badan lagu xayeysiiyo WhatsApp-ka. “Marka aysan dowladdu u abuurin fursado, askartu waxay aadaan meelo kale,” ayuu yiri Jose Angel Espinosa, oo ah sarreeye howlgab ah oo hadda maamula urur ay ku mideysan yihiin askartii hore. “Ciidanka waxaan kaga soo tagnaa maskax dagaal ku dhisan—waana waxa kaliya ee aan aqoonno.” Tan iyo markii uu Madaxweyne Gustavo Petro xafiiska la wareegay sanadkii 2022, waxaa howlgab noqday in ka badan 22,000 oo xubnood oo ka tirsan ciidanka ammaanka Colombia. Tallaabadan ayaa qayb ahaan loo aaneynayaa is-maandhaaf ka dhashay kadib markii uu madaxweynuhu beddelay dhammaan hoggaankii sare ee militariga. Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in carada ka dhalatay arrintan ay sii kordhisay helitaanka calooshood-u-shaaqeystayaasha. Inta badan dadka la qoro waxaa la soo marsiiyaa shirkado amni oo gaar loo leeyahay oo Colombian ah, kuwaasoo u shaqeeya shirkado Imaaraati ah. Hawlgallada qaarkood waxaa xitaa hoggaaminayay janaraal howlgab ah oo u dhashay Colombia oo fadhigiisu yahay Dubai. Dagaalyahanno badan ayaa la marin-habaabiyay—waxaa loo sheegay inay ilaalin doonaan xarumaha shidaalka ama ay ciidamo tababari doonaan—balse waxay is arkeen iyagoo lagu qasbay inay galaan jiidda hore ee dagaalka Sudan. Jidadka loo maro safarradan ayaa muujinaya baaxadda caalamiga ah ee ganacsigan. Markii hore, calooshood-u-shaaqeystayaashu waxay ka duuli jireen Abu Dhabi iyagoo u socda magaalada Benghazi ee dalka Libya, halkaasoo lagala wareegi jiray baasaboorradooda ka hor inta aan loo daabulin Sudan. Si kastaba ha ahaatee, markii ay waddadaasi noqotay mid halis badan, waxaa soo baxay waddooyin cusub. Mid ka mid ah jidadkaas wuxuu si toos ah u soo marayay Geeska Afrika. Dagaalyahannadu waxay ka dhoofi jireen Madrid iyagoo u socda Ethiopia, kadibna waxay usii gudbayeen magaalada dekadda ah ee Boosaaso ee Soomaaliya, halkaasoo ay diyaarad uga sii raacayeen caasimadda Chad ee N’Djamena, ka hor inta aysan ugu dambeyn gaarin magaalada Nyala ee gobolka Darfur—oo fariisin muhiim u ah RSF. “Xaaladdu halkan waa mid xun, maxaabiis ahaan baa naloo haystaa,” ayuu yiri mid ka mid ah askarta la qoray oo Colombian ah, sida laga maqlay duubis cod ah oo ay heshay warbaahinta La Silla Vacía. Mid kale ayaa isna si aan gabasho lahayn u raaciyay: “Tani waa ka ganacsi dad. Shaqo gaar ah ayaa naloo soo kireystay, balse mid kale ayaa nalagu qasbay.” Dhaqan caalami ah oo aan xal fudud lahayn Tani maaha markii ugu horreysay ee dagaalyahanno Colombian ah lagu arko fagaarayaal dagaal oo shisheeye. Ku dhawaad 20 ka mid ah ayaa ku lug lahaa dilkii madaxweynihii Haiti, Jovenel Moïse, sanadkii 2021. Qaar kale waxay hadda ka dagaallamayaan Ukraine, halka ay horey uga soo shaqeeyeen Ciraaq, Afghanistan, iyo Libya. Imaaraadka Carabta laftiisa ayaa sanadkii 2015 boqollaal Colombian ah u kireystay inay la-dagaallamaan Xuutiyiinta Yemen. “Imaaraadku waa mid ka mid ah macaamiisha ugu waaweyn ee calooshood-u-shaaqeystayaasha adduunka,” ayuu yiri McFate. “Waxay leeyihiin lacag iyo damac siyaasadeed oo caalami ah, calooshood-u-shaaqeystayaashuna waa hab raqiis ah oo ay ku gaari karaan himilooyinkooda. Sudan waxay abuuraysaa baahida, Imaaraadku wuxuu bixinayaa maalgelinta, Colombia-na waxay bixisaa sahayda.” Ka dib markii diyaaraddii Imaaraadka la soo riday, Madaxweyne Petro wuxuu ballanqaaday inuu soo saari doono sharci mamnuucaya in dibadda laga qorto calooshood-u-shaaqeystayaasha Colombia, wuxuuna sidoo kale furay baaritaan ku saabsan arrintan. Wuxuu ku tilmaamay dhaqankan mid ah “ka ganacsiga dad loo beddelay badeecooyin la doonayo in la laayo.” Hase yeeshee, khubaradu waxay ka digayaan in dadaallada noocan ahi aysan xallin doonin sababaha asalka u ah dhibaatadan. “Sharcigu waxba kama qabanayo sababaha ay askartu u aqbalaan shaqooyinkan—kuwaasoo ah mushahar yarida, dib-u-laqabsiga bulshada oo aan jirin, iyo dhibaatooyinka nafsaaniga ah ee uu dagaalku ka tago,” ayay tiri Katherin Galindo, oo ah falanqeeye siyaasadeed. McFate ayaa fikraddaas ku raacay: “Ganacsigan waa mid ku dhowaad aan suurtagal ahayn in la xakameeyo. Qaramada Midoobay waxay caddaysay awood-darro ay ka qabto arrimaha calooshood-u-shaaqeystayaasha.” Adeegsiga dagaalyahannada Colombia wuxuu iftiiminayaa sida ay danaha shisheeye u sii murjinayaan dhibaatada Sudan. Calooshood-u-shaaqeystayaashu waxay dowladaha sida Imaaraadka siinayaan fursad ay isaga fogeeyaan mas’uuliyadda tooska ah, iyagoo isla markaasna sii hurinaya colaadaha, taasoo ka dhigaysa la-xisaabtanka dambiyada naxdinta leh mid aad u sii adag. Dhanka kale, askarta ruug-caddaaga ah ee Colombia, saboolnimada iyo dayacaadda ka jirta dalkooda ayaa ku khasbaysa inay u hayaamaan dagaallo ka socda meelo aad u fog—xitaa iyagoo soo maraya magaalooyin sida Boosaaso—halkaasoo aan loola dhaqmin sidii askar oo kale, balse loola macaamilo sidii badeecad la isticmaali karo oo la iska fogeyn karo.
-
Mogadishu (HOL) — Somali government on Tuesday repatriated 173 citizens who had been held in prisons across Libya, where they endured harsh conditions and widespread human rights abuses. Source: Hiiraan Online
-
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ganaax lacageed ku xukuntay ganacsade Nuuradiin Ibraahim Mubaarak, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira jebinta shuruucda canshuuraha dalka. Ganacsadahan oo ku howlanaa qalabka dayactirka baabuurta ayaa lagu eedeeyay inuu si ula kac ah uga baalmaray bixinta canshuuraha iyo habraacyada sharciga ah ee ku xeeran caashuuraha. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maxkamadda u gudbiyay caddeymo lagu xaqiijiyay eedeynta, waxaana ugu dambeyn maxkamaddu ku xukuntay ganaax lacageed oo waafaqsan xeerarka dalka. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa war-saxaafadeedka ku adkeeyay in dambigaas uu ku diiwaan gashay diiwaanka dambiyada, isagoo digniin adag u diray ganacsatada isku daya inay baal maraan xeerarka canshuuraha. Waxaa lagu wargeliyay in cid kasta oo ku guul darreysata hogaansanaanta shuruucda canshuuraha la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh, taasoo dhibaato weyn ku noqon karta ganacsigooda. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ku booriyay ganacsatada dalka in ay si buuxda u gutaan waajibaadkooda canshuureed, si looga fogaado xukunno ganaax iyo dhibaatada sharciga. Source: goobjoog.com
-
New York (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud and his delegation attended a high-level international conference in New York on Monday on Palestinian statehood, where Somalia reaffirmed its longstanding support for the recognition of Palestine and the protection of the Palestinian people’s historical rights. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo celisay dalka 173 dhalinyaro Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya, kadib safar dheer oo khataro badan ay ku galeen iyagoo isku dayayay tahriib iyo marin-biyoodyo sharci-darro ah. Dadka dib loo soo celiyay ayaa kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay. Soo dhaweynta waxaa hormuud ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Soomaaliya, oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, hay’adaha socdaalka iyo xubno ka socday qoysaska dhalinyarada. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in tallaabadan ay muujineyso sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay badbaadinta muwaadiniinta ku dhibban waddamada shisheeye. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan tahriibka oo ah khatar naf iyo maalba leh, isla markaana ay ka faa’iideystaan fursadaha shaqo-abuurka iyo barnaamijyada dhalinyarada ee gudaha dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer horey dalka uga soo daadgureysay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirmay Libya iyo dalal kale oo ay ka dhacaan tahriibka iyo tacaddiyada la xiriira, iyadoo sheegtay in qorshahaasi uu sii socon doono si loo badbaadiyo dhalinyarada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa kulan ballaaran oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa bayaankii ay kasoo saartay qeyb ka ahaa khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka kala dhaxeeya maamullada Jubbaland iyo Puntland. Madasha ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay qalalaase ka wado gudaha labadaasi maamul, iyagoo Madaxweyaha Soomaaliya iyo xukuumaddiisa ugu baaqay inay meesha ka saaraan awoodda ciidan ee u adeegsanayso maamulka Jubbaland. Waxay si gaar ah madaxweyne Xasan Sheekh uga dalbadeen inuu si shuruud la’aan ah ula heshiiyo hoggaannada Jubbaland iyo Puntland, uuna ku aqbalo kaalinta muhiimka ah ee labada maamul uga jiraan dowlad dhiska dalka. “Madaxweynaha federaalka waxaa ugu baaqaynaa inuu ka gudbo arrimo shaqsiyeed, una gudbo kal umadeed, isla markaana uu si shuruud la’aan ah u aqbalo kaalinta muhiimka ah ee Jubbaland iyo Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay mucaaradka. Sidoo kale waxaa lagu yiri “Madaxweynaha waa inuu la furo wada-hadallo dhab ah labadaasi maamul, oo lagu soo celinayo wada-shaqeyntii labada heer dowladeed ee federaalka iyo dowlad-goboleedka.” Sidoo kale waxay madashu ugu baaqday madaxweynaha iyo xukuumadiisa in ay joojiyaan ku mashquulida tallaabooyinka siyaasadeed ee muranka dhaliyay, kuwaas oo dib u dhac ku keenay dagaalkii lagula jiray Khawaarijta, isla markaana dib loogu laabto dagaalka lagu xoreynayo waddanka. Baaqa mucaaradka ayaa imanaya xilli ay muddooyinkii dambe socdeen dadaallo la doonayo in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee gacan ka hadalka isku rogay ee dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan xaqiijiyey in dowladdiisu ay wada-hadallo la furtay maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu qaboojiyo khilaaf siyaasadeed oo qaraar oo curyaamiyay dib-u-habaynta qaran, isla markaana huriyay iska hor-imaadyo hubeysan. Is-mari-waaga daba-dheeraaday ee kala dhaxeeya labadan dowlad-goboleed ayaa wiiqay geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya ee jilicsan, isagoo halis ku ah inuu carqaladeeyo doorashooyin xasaasi ah. Madaxweynaha oo waraysi siiyay telefishinka Al-Carabiya ayaa xaqiijiyay in wada-hadalladu ay ka socdaan jihooyin kala duwan. “Weli waxaan wada-gadal kula jirnaa Puntland iyo Jubbaland, waxaana rajaynaynaa in arrinta Jubbaland la xalliyo doorashada ka hor,” ayuu yiri. “Wada-hadalka iyo is-aragyadu way sii socon doonaan.” Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuuxsaday in qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka ay tahay mudnaanta koowaad ee dowladdiisa, ayna ku xigi doonaan doorashooyinka qaranka. Sida ay horay u baahisay Caasimada Online, waxaa jira wada-hadallo hoose oo ay garwadeen ka tahay Kenya oo u bilowday Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Madoobe, si xal looga gaaro khilaafkooda. Xogo hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa xilligaas ku warramay in khadka telefoonka ay ku wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe. Wada-hadalkaas ayaa waxaa fududeeyay Taliyaha Sirdoonka Kenya Nuuradiin Yuusuf Xaaji. Nuuradiin ayaa markaas ka hor safar qarsoodi ah ku tagay Kismaayo. Labada mas’uul ayaa wada-hadalkooda u horeeyay ee ay ku qaateen taleefanka uu ahaa mid kooban, kaasi oo Taliyaha Sirdoonka Kenya ku doonayo inuu bilow u noqdo qaboojinta xiisada Jubbaland iyo Dowladda Federaalka. Khilaafka Xasan Sheekh iyo Madoobe ayaa kasoo bilowday shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee bishii October 2024, markaas oo la isku mari waayey guddiga doorashada iyo in doorashooyinka qof iyo cod lagu soo doorto madaxda maamullada. Axmed Madoobe ayaa xilligaas ku dooday in doorashooyinka maamullada ay gooni u qabsadaan, halka Villa Soomaaliya ay ku adkeysaneysay hal guddi doorasho oo ay dowladda dhexe gacanta ku hayso inay qabtaan doorashada labada heer. Tan iyo markaas wixii ka dambeeyay khhilaafka ayaa isku bedelay dagaallo culus oo ka dhacay Raaskambooni daba-yaaqadii 2024 iyo Beledxaawo Luuliyo 2025, taas oo keentay in ciidamo labada dhinac ah ay xadka Soomaaliya iyo Kenya ka tallaabaan. Si kastaba, dib-u-heshiisiin lala gaaro Puntland iyo Jubbaland ayaa loo arkaa mid muhiim u ah in geeddi-socod kasta oo doorasho uu noqdo mid lagu kalsoonaan karo dalka oo dhan.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Xogo cusub ayaa laga helaya qaabka ay u dhinteen horjoogayaasha kooxda Daacish-ta Soomaaliya oo u badan ajaanib, kuwaas oo maydadkooda looga tegay buuraha Calmiskaad. Xogaha amni ee soo baxaya ayaa muujinaya in tan iyo bilowgii wajigii labaad ee hawl-galka Calmiskaad ay is qarxiyeen horjoogayaal badan oo ka tirsanaa garabka ajaanibta ee Daacish, si looga hortago in nolol lagu qabto. Horjoogayaasha ajaanibta oo intooda badan ahaayeen cadaan ayaa is qarxinta ku bilaabay dagaalladii ka dhacay togga Jeceel, xilligii uu socday wajigii labaad ee hawl-galkan, gaar ahaan intii lagu jiray dagaalladii Haraaryo, taas oo socotay ilaa hawl-galladii Miraale iyo Baallade. Is-qarxinta dagaallamayaasha ajaanibta ayaa bilowday dagaalladii Dharjaale, halka horjoogayaasha kooxdu ay is qarxinta ka bilaabeen togga Jeceel wixii ka dambeeyay qabashadii Turmasaale, una sii gudbay ilaa deegaannada togga Baallade ee ku yaalla duleedka Boosaaso, sida ay sheegeen ilo-wareedyo amni. Xogtu waxay muujinaysaa in horjoogayaasha ugu muhiimsan kooxda Daacish ee ajnabiga ah ay si joogto ah u adeegsadeen is-qarxinta intii uu socday wajigii labaad ee hawl-galkan. Tallaabadan ayaa keentay in si weyn loo wiiqo awooddii hoggaamineed ee kooxda, maadaama inta badan saraakiishii ugu sarreeyay ee ajaanibta ahayd ay ka baxeen goobaha dagaalka. Marka la eego xogaha hadda la helayo, waxaa la qiyaasi karaa in horjoogayaashii ugu badnaa ee Daacish, kuwaas oo u badnaa ajaanib caddaan ah kana yimid in ka badan 20 dal oo kala duwan aysan maanta wax badan ka noolayn. Tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka Daacish waxa uu maamulka Puntland sheegay inuu dilay 700 dagaalyahan oo ajaanib ah, oo ka tirsanaa Daacish. Warbixinta Puntland ayaa intaas ku dartay in Soomaalida ku naf waayay howl-galkaasi ay ahaayeen shan qof oo keliya. Dagaal-yahannadan ayaa ka kala yimid qaaradda Yurub, Waqooyiga Ameerika, Afrika iyo Aasiya. Inta badan dagaal-yahannada ajaanibta ah waxay ku soo galeen dalka si sharci darro ah ama iyagoo iska dhigay qaxooti, gaar ahaan kuwa ka yimid Itoobiya oo markii dambe ku biiray Daacish, sida uu sheegay maamulka. Waxaa kaloo jiray kuwo si qarsoodi ah uga soo gudbay xeebaha Yemen, iyagoo adeegsanayay doomaha tahriibka, taas oo ka dhigan inay dalka soo galeen iyagoo aan haysan wax dukumeenti safar ah. Puntland ayaa ku andacootay in ilaa hadda la tirtiiray 70% dagaal-yahannadii Daacish ee ku sugnaa buuraha Calmiskaad, kuwaas oo badankood ahaa ajaanib. Si kastaba, tan ayaa ka dhigan tiradii ugu badneyd ee dagaal-yahano ajaanib ah muddo kooban lagu dilo gudaha Soomaaliya.
-
Wararka ka imaanaya degaanka Dhasaan ee degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa ayaa sheegay inuu geeriyooday Taliyihii Howlgelinta Ciidamada Puntland ee Howlgalka Calmiskaa, ahnaa Taliyihii Guutada Labaad & Ururka Duufaan, Jeneraal Axmed Cabdi Cali-Qarjab “Qalyare”. Mas’uuliyiinta ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ayaa xaqiijiyay in Jeneraalka uu ku dhintay qarax miino oo lala eegtay xilli uu ku guda jiray howlgal amni. Alle ha u naxariistee, Jeneraal Qalyare ayaa ahaa sarkaal khibrad dheer u leh dhismaha ciidamada, wuxuuna soo noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Awdal intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Dadkii yaqaanay ayaa ku sifeeyay inuu ahaa taliye geesi ah, had iyo jeerna u taagnaa dhismaha ciidamada iyo ilaalinta dowladnimada. Source: goobjoog.com
