-
Content Count
215,287 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray war-murtiyeed ku taariikhaysan 27-ka Febraayo 2026, kaas oo ka kooban go’aanno la xiriira xaaladda dastuurka iyo doorashooyinka dalka. Goluhu wuxuu cambaareeyay wax-ka-beddelka hal-dhinnaca ah ee lagu sameeyay sharcidarrada dastuurka, isagoo madaxda Dawladda Federaalka uga digay tallaabooyinkaas maadaama lagula xisaabtami doono. Waxay ku adkaysteen in Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee 2012 uu yahay kan rasmiga ah ee dalka, isla markaana aan la samayn karin wax-ka-beddel aan waafaqsanayn sharciga. Dhinaca kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee muddo-dhaafk ah si degdeg ah loo qabto. Waxay sidoo kale ku dhawaaqeen inay gogol fidin doonaan 10-ka Abriil si looga shaqeeyo badbaadinta dawladnimada, maadaama muddo xileedka labada aqal ee Baarlamaanka uu ku ekaanayo 14-ka Abriil. Source: goobjoog.com
-
JAAMAC GAABUUSH WUXUU NOQDAY GUULEED XAAJOOW GURIGAA BA’. Waqti waqtiyada ka mid ah waxa carriga hawdka Burco iyo Oodweyne ka talin jiray nin suldaan ah oo la odhan jiray Guuleed Xaaji, waa intii aanuu Ingiriisku inoo iman, Guuleed wuxuu ahaa Sulddaan caadila oo talo wanaagsan xukunkiisuna uu deeqo dadka (caaddil). Haddaba xukunku dadka ma wada deeqee qof ku qanciwaayay oo laga gar helay ayaa yidhi Alla GUULEED XAAJOOW GURIGAA BA’ Maalin maalmaha ka mida ayay islaan adhi la joogta adhigii ka diday dabadeed waxay tidhi guuleed xaajoow gurigaa ba’ waanuu ag marayaa, Guuleed islaantii wuxuu ku yidhi naa maxaad ii habaaraysaa intay naaxday ayay tidhi adeer dadkuba wuu lahaaye raalli ahoow. Waxaan maalin kasta arkaa dad waaweyn oo laga dhex hadlaayo oo hal’hays ka dhigtay Jaamac Gaabuush oo ah hormood waddanka horumarka ka socda qayb ka ah guulo badanna soo hooyay waxaan leeyay NINKEED CUNAAY kala baro nacabka iyo nasteexa. Siyaasiyiinta wax ma garatada soo dirayana waxaan leeyay godka ka soo baxa oo is caddeeya. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Taliban oo shaacisay tirada ciidamada ay ka dileen Pakistan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Maamulka Taliban ee Afghanistan ayaa sheegay inay qaadeen weeraro aargoosi ah oo ka dhan ah saldhigyada xuduudaha Pakistan ee bariga iyo koonfurta bari ee dalkaas. Afhayeen u hadlay dowladda Taliban, Zabiullah Mujahid, ayaa BBC-da u sheegay, in ciidamada Afghanistan ay burburiyeen 19 saldhig oo xuduudda Pakistan ah, isla markaana ay xireen tiro ka mid ah askarta Pakistan. Wuxuu sidoo kale sheegay in in ka badan 50 askari oo Pakistan ah la dilay. Ma jirin xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirooyinkaas. Dhanka kale, Pakistan waxay sheegtay inay burburisay 27 saldhig xuduudeed oo ay lahaayeen Taliban-ka Afgaanistaan, waxayna sheegtay inay khasaare xooggan gaarsiisay ciidamada Taliban. Bbcsomali Qaran News -
Waxaa cirka isku shareertay xiisadda u dhaxeysa dowladaha Pakistan iyo Afghanistan kaddib iska horimaadyo iyo weerarro is-daba joog ah oo ka dhacay aagga xadka, gaar ahaan hareeraha Khadka Durand Line. Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa sheegay in shacabka iyo ciidamada qalabka sida ay heegan buuxa ugu jiraan difaaca amniga, madaxbannaanida iyo midnimada dhulka dalkiisa. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamada qalabka sida ay go’aansadeen in aysan oggolaan doonin wax khatar ah oo loo geysto badqabka iyo amniga qaranka, islamarkaana aan la muujin doonin wax tanaasul ah marka ay timaaddo difaaca dalka, iyadoo la ballanqaaday in si habboon looga jawaabi doono weerar kasta oo dhaca. Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Pakistan ayaa sheegay in 133 ka tirsan dagaalyahannada Taliban-ta Afgaanistaan lagu dilay howlgallo milatari, halka in ka badan 200 kalena la dhaawacay, wuxuuna intaas ku daray in weerarrada ka jawaabista ah ee Pakistan ay weli socdaan. Wasaaradda Difaaca ee Afghanistan ayaa dhankeeda sheegtay in 55 askari oo ka tirsan ciidamada Pakistan lagu dilay howlgallo laga fuliyay daanta kale ee Khadka Durand, isla markaana ay la wareegeen laba saldhig iyo 19 bar-kontorool oo ay lahaayeen ciidamada Pakistan. Dawladda Afghanistan waxay sidoo kale qiratay in 8 askari oo ka tirsan ciidamadooda la dilay, 11 kalena la dhaawacay intii ay socdeen iska horimaadyada. Sidoo kale, ilo amni oo Afgaani ah ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada Afghanistan ay weerar ku qaadeen fariisimo xuduudeed oo ay leeyihiin ciidamada Pakistan, taasoo jawaab u ahayd duqeyn dhinaca cirka ah oo horey u dhacday. Xiisaddan cusub ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo suurtagalnimada dagaal ballaaran oo ka qarxa xadka labada dal, iyadoo beesha caalamka ay indhaha ku heyso xaaladda sii kacsaneysa. Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Booliska gobolka Mudug oo kaashanaya bulshada degmada Galdogob ayaa fuliyay howlgal ka dhan ah nin maalin ka hor dad safar ah dil iyo dhaawac ugu gaystay gudaha magaalada Galdogob. Ninkan oo u baxsaday dhanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ka dabatagay ciidamada ammaanka, kuwaas oo dilay, kaddib markii uu diiday in uu isa soo dhiibo, sida uu sheegay taliyaha qaybta booliska gobalka Mudug Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf. Meydka ninkan waxaa la keenay gudaha magaalada Galdogob iyo goobtii uu ku dilay nin darawal ah oo safar ah, uuna ku dhaawacay labo qof oo kale, waxaana meydkiisa u soo daawasho tagay boqolaal qof. Ninkaan howlgalkiisa waxaa saxiixay odayaasha dhaqanka beeshiisa, kuwaas oo bixiyay amar ah in nolol iyo geeri mid uun lagu keeno. Howlgalkan waxaa soo dhaweeyay bulshada degmada Galdogob iyo tan gobolka Mudug, waxaana loo arkaa mid xal u noqon karta dilalka faraha badan ee ka dhaca gobolka. PUNTLAND POST
-
95df7474cb5247c975e49bcab8365552_1772157861646 Qaran News
-
Koox burcad-badeed ah oo ka baxay deegaanka Maraya ee degmada Eyl ayaa maanta xeebaha degmadaas ku weeraray dooni kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan, iyaga oo weerarkaas kala kulmay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac. Kooxda burcad-badeedka ah ayaa rasaas looga soo furay doonta ay weerareen, waxaana rasaastaas ku dhintay hal nin, halka ay ku dhaawacmeen labo kale. Meydka ninka dhintay iyo labada dhaawaca ah ayaa ka soo caaryay xeebta magaalada Eyl, halkaas oo hadda lagu daawaynayo dhaawacyada. Ciidamada ammaanka Puntland ayaa la wareegay labada nin ee dhaawaca ah iyo ninkii waday saxiimadii keentay Eyl, waxaana sidoo kale talaagad la geliyay meydka ninkii dhintay. Burcad-badeeda oo markii hore la sheegay in ay ka koobnayd 10 nin, ayaa waxaa baxsaday intii ka badbaaday rasaasta looga soo furay doonta ay weerareen. Weeraro ka dhan ah doonyaha iyo maraakiibta ayaa muddooyinkii dambe ka dhacayay xeebaha Puntland, taas oo muujinaysa in ay dib u soo laabteen falalkii burcad-badeedka. Xeebaha Puntland, gaar ahaan agagaarka degmada Bandarbeyla waxaa ku afduubtay markab kalluumeysi oo leeyahay Shiinaha luguna magacaabo Liao Dong Yu 578, kaas oo koox burcad-badeed ah ay qabsadeen 31-kii Diseembar 2025. PUNTLAND POST
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa caawa kulan Afur iyo Casho-sharaf isugu jira Qasriga Madaxtooyada ugu sameeyey Culimada kala duwan ee Dalka. Kulankan oo ah mid sannadle ah oo Madaxweynuhu Bisha Barakaysan ee ku qabto Madaxtooyada JSL ayey ujeeddadiisu ahayd maamuus, is xog-waraysi iyo dhiirrigelinta doorka Culimadu ay ku leeyihiin nolosha bulshada, waxana halkaas hadallo wacdi, waano iyo wax-u-sheeg isugu jira ka jeediyey qaar ka mid ah Culimada ugu magaca weyn dalka, kuwaas oo Madaxweynaha Qaranka ku bogaadiyey mudnaanta iyo kaalinta mugga leh ee uu Madaxweynuhu mar kasta siiyo Culimada Dalka. Culimadu waxa ay ganacsatada iyo muxsiniinta ugu baaqeen in ay qayb ka qaataan Gurmadka iyo Taakulaynta taakulaynta dadka iyo duunyada ku tabaalaysan abaarta baahsan jirta Dalka oo dhan. Sidoo kale, Culimadu waxa ay sheegeen in ay si buuxda u garab taagan yihiin Dawladnimada iyo Qarannimada, iyaga oo si weyn u soo dhaweeyey Ictiraafka ay dhawaan Dawladda Dalka Israa’iil ina siisay. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Cabdilaahi-Baashe Daahir Jaamac oo halkaasi ka hadlay, ayaa Culimada si weyn u soo dhaweeyey, waxana uu ku ammaanay sida xilkasnimada leh ee ay uga soo dhalaaleen kaalintoodii bulshada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo kulanka soo afmeeray, ayaa Culimada Dalka si weyn ugu ammaanay doorkooda ilaalinta qarannimada, nabadda, xasilloonida dalka iyo ka hor tagga khal-khal gelinta iyo dacaayado cadaawaysan oo lagu furo Ictiraafka ay Dawladda Israa’iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland 26.12.2025-kii. Qaran News
-
Maamulka Waqooyi Bari ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland dagaal maanta ka dhacay deegaanka Shidan ee waqooyiga gobolka Sanaag. Waqooyi Bari waxay sheegtay in maamulka Somaliland uu weerar ku soo qaaday dadka shacabka ah ee degan deegaanka Shidan oo hoostaga degmadda Laasqoray, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhaawac iyo dhimasho. Hadal qoraal ah oo ka baxay wasaaradda amniga Waqooyi Bari ayaa lagu yiri “saaka abbaaro 8:30 subaxnimo maamulka gooni-goosadka ah ee Waqooyi Galbeed waxay weerar qaawan ku soo qaadeen dadka shacabka ah ee degan deegaan xeebeedka Shidan oo hoostaga degmadda Laasqoray ee gobolka Sanaag, kaas oo sababay khasaare isugu jirta dhaawac iyo dhimasho”. Dhanka kale ma jiraan warar ka soo baxay Somaliland iyo Puntland oo looga hadlay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Shidan ee waqooyiga gobolka Sanaag. Warar madaxbannaan waxay sheegayaan in dagaalkaas uu u dhexeeyo labo beeleed oo halkaas wada dega, uuna salka ku hayo arrimo la xiriira macdan qodis. Deegaanka Shidan ee gobolka Sanaag ayaa ah deegaano caan ku ah qodista dahabka, waxaana mudda sanado ah ka jirtay colaad u dhexaysa laba beelood. PUNTLAND POST
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta hotelka Decale oo ku yaalla afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kulan kula qaatay safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan safaarada. Kulanka waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo bani’aadantinimada, sida lagu sheegay bayaan kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan safaarada, Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo bani’aadantinimada” ayaa lagu yiri bayaanka. Kulanka ay qaateen madaxweyne Deni iyo safiirka Turkiga waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah golaha xukuumadda Puntland iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada. PUNTLAND POST
-
Wasaaradda Gaashaandhiga ee dalka Turkiga ayaa beenisay in gantaalaha difaaca ee S-400 la geeyey dalka Soomaaliya ama lagu wareejiyey dawladda Soomaaliya. Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhiga ee Turkiga Zeki Aktürk ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toonna aan lahayn isla markaana aanu jirin wax qorshe ah oo Turkigu ku doonayo in uu nidaam difaac ku keeno Soomaaliya. Beenintan ka timi Ankara ayaa daba socota warar ayaa maalmihii la soo dhaafay daabaceen Warbaahinta ka ag dhow xukuumadda Xasan Sheekh kuwaas oo sheegay in Soomaaliya heshay nidaamka S-400. Turkiga ayaa dhowaan sidoo kale beeniyey in uu Soomaaliya siiyey diyaaradaha F-16 ka dib warkii ka yimi wasiirka Gaashaandhiga ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi. Source
-
Sida ay baahisay warbaahinta Clash Report oo soo xiganaysa Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, dowladda Turkiga ayaa si adag u beenisay wararka sheegayay in nidaamka difaaca hawada ee S-400 loo wareejinayo dalka Soomaaliya. Wasaaraddu waxay caddeysay inaysan jirin wax qorshe ah oo gantaalladaas lagu geynayo Soomaaliya, iyadoo xustay in qalabkan loo soo iibsaday baahida gaarka ah ee Ciidanka Qalabka Sida ee Turkiga, xilliganna ay ku jiraan xaalad diyaargarow buuxa ah oo ay ku ilaalinayaan amniga qarankooda. Qoraalkan lagu daabacay Clash Report ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta Turkiga ay uga digeen dadweynaha inay rumeystaan wararka la isla dhexmarayo ee aan ka imaan ilaha rasmiga ah, maadaama marar badan oo hore ay jireen sheegashooyin noocan oo kale ah oo ku saabsan nidaamka S-400. In kasta oo warkan la beeniyay, haddana warbixintu waxay xaqiijisay in Turkigu uu sii wadayo iskaashiga dhanka difaaca iyo amniga ee uu la leeyahay Soomaaliya, kaas oo ay ka mid yihiin dhismaha ciidanka, la dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta khayraadka badda iyo dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo la ilaalinayo danaha istiraatiijiyadeed ee labada dal. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Turkiga, Yaşar Güler, ayaa kulan rasmi ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Difaaca Qaranka Turkiga Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Qoraal kooban oo lagu daabacay barta rasmiga ah ee Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa lagu sheegay in kulanka uu ka dhacay xarunta wasaaradda, islamarkaana looga hadlay arrimo la xiriira iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga badda. Kulankan ayaa qeyb ka ah xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo labada dhinac ay marar badan adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashiga istiraatiijiga ah, tababarrada ciidamada, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha iyo gaadiidka badda. Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya, waxayna door muuqda ka qaadatay dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo taageerada dhinacyada amniga iyo horumarinta. Source: goobjoog.com
-
Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Azerbaijan, Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah nuqul ka mid ah waraaqihiisa aqoonsiga danjirenimo ugu wareejiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas, Jeyhun Bayramov. Munaasabaddan oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Baku, ayaa labada mas’uul waxay si qoto dheer uga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal. Safiir Cabdinuur ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay inuu ka shaqeeyo horumarinta xiriirka dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, iyo amniga, isagoo xoogga saaraya fulinta heshiisyadii ay labada dal horay u galeen bishii Febraayo ee sannadkii 2025. Dhankiisa, Wasiir Bayramov ayaa soo dhoweeyay safiirka cusub, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso iskaashi waara oo miro-dhal ah, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo cilmi-baarista oo ah meelaha ay labada waddan iska kaashan karaan. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku ballaarinayso saaxiibadeeda caalamiga ah iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa fursadaha horumarineed ee ka jira gobolka Eurasia. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xildhibaan Cabdiqaadir Cali Cosoble iyo Khaliif Cabdiqaadir Macallin Nuur ayaa maanta kulan gaar ah Villa Somalia kula qaadanaya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Saddex musharax oo ay isku hayb yihiin madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in ay kala hadli doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan wadahadaladii fashilmay ee u dhaxeeyay madaxda dowladda Federaalka iyo Golaha. Waxay doonayaan in ay si ehelnimo ah ugala hadlaan madaxweynaha sidii loo gaari lahaa heshiis loo dhan yahay oo dalka looga badbaadiyo hubanti la’aan siyaasadeed iyo qalalaase amni. Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiqaadir Cali Cosoble waxay ka tirsan yihiin Golaha Mustaqbalka, halka Khaliif Cabdiqaadir Macallin Nuur uu ka mid yahay musharaxiinta mucaaradka ah, hase ahaatee aan ku jirin Golaha. PUNTLAND POST
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa la filayaa inuu daboyaaqada bisha March ee fooda innagu soo haysa uu socdaal rasmi ah ugu boqooli doono dalka Israel, sida ay Jerusalem Post u sheegeen ilo xog-ogaal ah oo booqashan si dhow la socdaa. Socdaalkan ayaa noqon doona kii u horreeyay ee rasmi ah, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku tago dalkaasi, Iyadoo Madaxweynuhu uu booqasho ceelalyo ahayd uu hore ugu tagay Israel, taasi oo wada-hadalladii uu la soo yeeshay ay Somaliland u horseedeen aqoonsiga dalkaasi siiyay Somaliland bishii December 2025. Waxaanay wada xaajoodyadaasi dhiddibada u taageen iskaashiga labada dal yeesheen. Warku wuxuu intaas ku daray in waxyaabaha xidhiidhka Somaliland iyo Israel uu xoogga saari doono ay ka mid yihiin dhinacyada tiknoolajiyadda, beeraha iyo hal-abuurka, kuwaas oo Israa’iil ku jirto wadammada hormuudka ugu ah caalamka. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa lagu martiqaaday munaasabad heer caalami ah oo ay martigelinayso Westminster Africa Business Group, taasoo ka qabsoomi doonta Aqalka Baarlamaanka UK. Madaxweynaha Somaliland ayaa fadhigaas ka jeedin doona khudbad muhiim ah oo diiradda saaraysa fursadaha maalgashi ee Somaliland, horumarinta ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta iyo koboca gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu kulamo gaar ah la qaadan doonaa maalgashadeyaal, shirkado waaweyn oo caalami ah iyo masuuliyiin heer sare ah. Kulankan ayaa xoojinaya sumcadda iyo muuqaalka caalamiga ah ee Somaliland, isla markaana furaya albaabo cusub oo maalgashi iyo iskaashi ganacsi. Waxa la filayaa in fursadahani ay si toos ah uga faa’iidaystaan muwaadiniin badan oo reer Somaliland ah, iyada oo la abuuri doono fursado dhaqaale oo waara. Source
-
Madaxweynaha dalka Israel Isaaq Herzog ayaa ka degay magaaalada Addis ababa ee caasimadda dalka Ethiopia. Waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gedion Timothewos. Herzog ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxda ugu sarraysa Ethiopia gaar ahaanna Abiy Axmed kuwaas oo uu kala hadlayo danaha labada dhinac iyo xaaladaha badda cas iyo Geeska Afrika. Source
-
Waraysi uu bixiyey wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Khadar Xuseen Cabdi ayaa noqday mid si weyn u qabsaday warbaahinta Caalamka sida AFP, The Sun, Al jazeeera, Daily Sabah, France24, DW, BBC, Sky news Arabic, Al Arabiya, First Post, Press Tv, Times of Israel, Step news iyo qaar kale. Warbaahinta ayaa si gaar ah uga faallootay qodob ay Somaliland u soo bandhigtay dalka Maraykanka kaas oo ah in ay doonayaan is dhaafsi dhex mara labada dhinac oo laysku beddelayo aqoonsi iyo macdanaha qaaliga ah. Haddaba maxay yihiin macdanaha ay Somaliland aqoonsiga ku doonayso ee soo jiitay warbaahinta Caalamka? Somaliland ka sokow in ay dhacdo gacan muhiim u ah ganacsiga adduunka, waxa ciideeda ku duugan macdno qaali ah oo dunidu xilligan si weyn ugu baahan tahay kuwaas oo aynu ka xusi karino, Copper, Lithium, Uranium,coltan iyo Gold. Macdanahan oo si dabiic ah looga helo Somaliland lagama faa’iidaysan marka laga reebo dahabka oo ay qotaan dad iskood u xamaasha iyo shirkado aan lahayn awood aad u balaadhan. Dhammaanaba macdanaha ay Somaliland soo bandhigtay waa kuwo muhiim u ah dunida wakhtigan la jooga iyaga oo looga baahan yahay wershadaha sameeya Bayteriyada cadceedda ku shaqeeya, hubka halista sida Nuclear-ka iyo gawaadhida casriga ee aan shidaalka loo adeegsan. Dalka Maraykanka oo Somaliland hadda u soo bandhigtay waxa uu si weyn u raadinaya macndaha naadirka ah isaga oo heshiisyo la galay dalal ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. In Somaliland kaadhkan miiska soo saartay ayaa ka dhigan in ay doonayso soo dhowaynta luuqadda uu wax ku fahmo madaxweyne Trump sidoo kale in warbaahinta dunidu arrinkan si weyn uga faallootay ayaa ah mid muujinaysa waynaanta gor gortanka Somaliland ku doonayso aqoonsi Caalami ah. Source
-
Puntland ayaa sheegtay in saadaasha xilli roobaadka gu’ga ee sannadkan 2026 ay tahay mid khayr badan laga fillayo, iyada oo deegaannada qaar heli doonaan roobab siyaado ah. Deegaannada ay ka midka yihiin Garoowe, Buuhoodle, Laascaanood, Burtinle, Xudun, Dhahar, Galdogob, Galkaacyo, Ceerigaabo, iyo Iskushuban ayaa laga filayaa fursad ka sarreysa 40% in ay helaan roobab ka badan xaddigii looga bartay, sida lagu sheegay sadaal ay soo saartay Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Puntland. Deegaannada kale ee Puntland waxaa loo saadaalinayaa 30% fursad ah roob caadi ah iyo 30% fursad ah roob ka yar sidii caadiga ahayd. Inta badan deegaannada Puntland waxaa laga filayaa kor u kac heer-kulka ah oo ka sarreeya sidii caadiga ahayd (in ka badan 60% fursad ah) sida lagu xusay saadaasha. Sidoo kale waxaa jiri kara uumi-bax xooggan oo ku dhaca ilaha biyaha iyo cowska, taas oo keeni karta in ay yaraadaan biyaha ceelasha iyo dhul daaqsimeedka. PUNTLAND POST
-
Shirkii madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa maantii labaad hakad ku jira, iyadoo aan wax wadahadallo ah dhicin tan iyo khimiistii oo kulankii u horreeyay ka dhacay xarunta Villa Somalia. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in uu diiday la kulanka xubnaha Golaha Mustaqbalka u soo xileen wadaxaajoodka, kuwaas oo doonaya in ay keliya la xaajoodaan madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dhankiisa doonayaa in xubno kale oo ka tirsan dowladda ay la xaajoodaan xubnaha ay soo xuleen Golaha Mustaqbalka ama in si guud loo wada kulmo, sida shirkii khimiistii dhacay. Golaha Mustaqbalka ayaa khamiis doortay xubno madaxweyne Xasan Sheekh kala hadla arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo kala ah madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdisahkuur iyo xoghayaha Golaha xildhibaan Cabdullaahi Carab. Golaha Mustaqbalka ayaa lagu waddaa in ay maanta shir dhexdooda ah ka yeeshaan arrintan, kaas oo laga yaabo in ay ka soo saaraan war-saxaafadeed. PUNTLAND POST
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay fulisay hawlgallo qorsheysan oo lagu dilay saddex nin oo ka tirsanaa garabka maaliyadda ee kooxda Al-shabaab. Hawlgalladan waxaa la tilmaamay in ay ka kala dhaceen gobollada Shabeellaha Hoose iyo jubadda dhaxe, kuwaas oo sida lagu xusay lagu beegsaday rag si gaar ah ugu lug lahaa ururinta lacaga ay qaadaan kooxda Al-shabaab. Cabdillaahi Xasan, oo loo yaqaanay Cabdillaahi Wadaad ayaa la sheegay in lagu dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Jubadda dhaxe, kaas oo Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka maaliyadda, isagoo ka soo howlagay gobolo kala duwan. Axmed Dhubad Xiddig oo loo yaqaanay Aadan Dheere, ayaa isna la sheegay in lagu dilay hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo cutubyo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya, hawlgalkaas oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Aadan Dheere ayaa ahaa madaxda maaliyadda gobolka Banaadir ee kooxda Al-shabaab. Sidoo kale, hawlgal gaar ah ayaa lagu dilay Maxamed Sahal oo loo yaqaanay Abu Usama, kaas oo xilal kala duwan ka soo qabtay kooxda Al-shabaab, oo ay ka mid ahaayeen waxa ay ugu yeeraan dabagalka maaliyadda. Waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa xubnaha ugu dhow hogaamiyaha kooxda Al-shabaab Axmed Diiriye. PUNTLAND POST
-
Hordhac Buugga Baadi-Goobka Nabada Geeska, waa buug dhigaal taariikheed ah, oo uu dhowaan qoray Danjire Maxamed Cabdi Afey. Buuggu waxa uu ka faaloonayaa shaqadadii uu Danjire Afey soo qabtay muddo ku dhow labaatan sanno. Buuggu waxa uu daboolka ka rogayaa dadaalkii loo soo maray dawlad-dhiska Soomaaliya iyo dabino badan oo loo qoolay. Qaybtaan waxa aan ku soo qaadanaynaa dhacdaayinka uu qoruhu kaga hadlayo magacaabistii raysul-wasaare Geedi, is-faro saarkii iyo kala qaybsankii baarlamaanka, xarigii Muuse Suudi, sahankii dib u celinta dawlada iyo degistii Jowhar, dhacdadii dhex martay Danjire Afey iyo Indha Cade, soo if-baxii burcad badeedka, heshiiskii Cabdullaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan, dawlada oo u guurtay Baydhabo, qabsoomidii kulankii baarlaamka ee guddaha Soomaaliya iyo taageeradii Keynta. Magacaabistii Raysul-Wasaaraha Qaybtii kowaad ee buugga Baadi-Goobka Nabada Geeska, waxa ay ku joogtay doorashadii Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo soo jeedintii khudbad dalka dibadiisa iyo gudihiisa si weyn looga soo dhoweeyey. Markii la doortay Madaxweynaha, durbadiiba waxaa bilowday hardankii loo galay doonista raysul-wasaaraha oo ay u tartamayeen beelaha Dir iyo Mogadishu Clan, maadaama wax lagu qaybsaday 4.5. Qoruhu waxa uu sheegay in ay maalin la kulmeen ergo ka socotay beesha Abgaal oo uu hogaaminayey Cali Geedi, Salaad Jeele, Bashiir Raage Shiiraar iyo rag kale oo u suxul duubayey in Maxamed Dheere laga dhigo raysul-wasaare. Cali Geedi oo furay hadalkii ayaa sharxay kartida Maxamed Dheere, sidoo kale waxa uu ka sheekeeyey taariikh nololeedkiisa. Danjire Afey oo la dhacay taariikh nololeedka Geedi ayaa si deg deg ah u yiri: “Adigu maxaad u raadin weydey raysul-wasaaraha.” Sida uu qoruhu sheegay arrintaas waxa ay Geedi ku riday damac ah in uu doono raysul-wasaaraha. Kenya waxa ay rabtay in Cabdullaahi Cadow laga dhigo raysul wasaare, maadaama uu xildhibaanada ka helay codad badan uuna ahaa diblumaasi rug caad ah. Sidoo kale waxa jirtay in hogaamiye kooxeedyada loo diidanaa inay noqdaan raysul wasaare. Afey oo xog-wareysi ugu tegay madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, ayaa arkay Cali Maxamed Geedi oo sugaya in uu la kulmo Cabdullaahi Yuusuf. Danjire Afey, waxa uu la hadlay qoladii qaabilsanayd hab-maamuuska madaxweynaha in ay siidaan Geedi. Waxa jiray sharci ah in raysul-wasaaraha laga soo dhex xulo baarlamaanka. Arrintaasi waxa ay keenay in Maxamed Dheere u baaneeyo Cali Maxamed Geedi xubintii baarlamaanka si loogu magacaabo reysul wasaare. Ugu danbayntii bishii Nofeember 2004, ayaa Cali Maxamed Geedi loo magacaabay raysul-wasaare. Ka dibna waxaa la dhisay dawladii. Khilaafkii Baarlamaanka Qoruhu waxa uu qorey in Cabdullaahi Yuusuf uu ciidamo ka codsaday shirkii Midowga Afrika ee ugu kaga qayb galay magaalada Addis Ababa, bishii Janaayo 2005. Bishi Maarso 2005, ayaa baarlamaanka la hor keenay codsigii ahaa in ciidamo shisheeye la keeno Soomaaliya. Arintaasi waxay ay keentay in baarlamaanki labo garan u kala jabo. Arrintaasi waxa ay yareysay kalsoonidii ay Kenya ka qabtay dawlada cusub, waxayna iftiimisay heerka uu le’eg yahay khilaafka bulshada Soomaaliyeed iyo waxayna keentay ceeb dunida oo dhan laga daawaday isgacan-saarkii xildhibaanada. Muuse Suudi ayaa ka mid ahaa xildhibaano la xiray. Danjire Afey ayaa ku booqday Suudi qol yar oo ciriiri ah oo lagu xiray. Muuse waxa uu ku yiri: “Ma garanaysaa waxa ay dawlada Kenya igu xirtay?”, intii aan jawaabin ayuu Muuse yiri: ”Sababta aan xabsiga u galay aad ayaan ugu faraxsanay, oo waxa aan diidanahay in ciidamo shisheeye dalkayga la keeno”. Muuse waxa uu sheegay in uu maanta ka dhigan yahay Mandela oo dalkiisa ku dhowaad 30 sanno xoriyad u raadinayey, uusana waxba ka qabin in jiritaanka iyo badbaadada dalkiisa loo xiro. Ugu dabnayntii Muuse waxa lagu soo daayey codsi uu sameeyey Danjire Afey. Taasi waxa ay keentay in Shariif Xasan, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan barlamaanka ay Muqdishu ka degaaan. Qoruhu waxa uu sheegay inay dawlada Kenya soo food saartay culays dhaqaale, niyad jab, iyo shacabka Kenya oo ku eedeeyey in ay dhaqaale ku bixinayaan dad dalkoodii soo burburiyey. Madaxdii Soomaaliyeed ee ku hartay Nayroobi uma arag arrintaas mid culus. Madaxweyne Kibaabi oo dareensanaa culayska arrintaas ayaa yiri: “Halkan ayay ku dhimanaysaa dawlada la dhisay, haddii aan ka taxadarin dawlada, oo aynaan kala shaqayn sidii loogu rari lahaa dalkooda”. Sahankii Rarista Dawlada 24-kii Bishii Abriil 2005, ayaa wafti ka koobnaa xubno dawlada ka tirsan oo uu hogaaminayey raysul-wasaare Geedi iyo xubno ka socday bulshada caalamka oo uu hogaaminayey Danjire Afey waxa ay ka degteen garoonka Number Konton si ay u soo sahmiyaan in dawlada loo rari karo Muqdisho. Waftigii waxa ay degeen Waqooyiga Muqdisho oo si wanaagsan loogu soo dhoweyey. Waftigu waxa ay la shireen xildhibaanadii iyo hoggaaminaayshii ka soo tegay Nayroobi. Afey waxa uu shirka ka sheegay in aysan dalka u wanaagsanayn kala jabka dawlada. Hogaamiyaashii gadoodsanaa waxa ay sheegeen in aysan diidanayn in dawladu Muqdisho timaado, laakiin ay diidan yihiin in dalka ciidamo shisheeye la keeno. Maxamed Qanyare, oo waftiga casumay, ayaa u sheegay in ay diidan yihiin keenista ciidamada shisheeye. Cali Geedi ayaa u akrey arrinta diidmada ciidanku in ay tahay boor isku qaris iyo in ay dawladiisu marayso jidkii ay martay dawladii Cabdiqaasim haddii aysan helin ciidamo shiheeye oo amniga ka gacan siiya. Shir lagu qabtay garoonka ciyaaradaha ee Muqdisho oo loogu talo galay inuu ka hadlo raysul-wasaare Geedi ayaa qarax ka dhacay, kaas oo ay dad badan ku dhinteen. Waftigii Muqdishu tegay waxa ay ku warbixiyeen in aysan dawladu ku shaqayn karin magaalada Muqdisho iyo in dawlada loo daayo in ay go’aan ka gaarto doorashada magaalada ay ku shaqayn karto. Dawlada Soomaaliya ayaa go’aansatay in ay u guurto magaalada Jowhar oo uu maamulayey Maxamed Dheere. Cabdullaahi Yuusuf waa uu soo dhoweeyey go’aankaas. Doodii Dhexmartay Indha Cade iyo Afey Garoonka Number Konton oo ay ka degteen waftigii qiimeenayey in dawlada Kenya lagu dhisay ay ku shaqayn karto magaalada Muqdisho. Waxaa yimi ciidamo farabadan, mana lahayn habmaamuus soo dhoweyn. Afey ayaa gacanta qabsaday safiirkii Al-Jeeriya oo waftiga ka mid ahaa, si aan looga tegin. Indha Cade ayaa arkay ninka carabka ah ee cidlada jooga, ka dibna gacanta ayuu soo qabtay, waxa uuna ku yiri Afey oo la taagnaa: “Adigu maxaad ahay?”, Afey ayaa ku jawaabay: “Waxa aan ahay safiir”, Indha Cade oo aad ula yaaban jawaabta Afey oo kor iyo hoos ka fiiriyey ayaa yiri: “Ma adigaa safiir ah?”, Ka dibna, wax uu saaray gaarigiisa. Wax yar markii la socday ayuu Indha Cade u jeensaday dhankii Afey oo ku yiri: ”Waryaa adigu maxaad ahayd?” Afey waxa uu yiri: “Waxa aan ahay safiirka dawlada Kenya ee Soomaaliya, Maxamed Cadi Afey”. Indha Cade oo kor u qaylinaya, dhankii Afeyna surka u soo leexiyey ayaa yiri: “Ma adigaa Afey ah?”, Afey ; “Haa, anigaa Afey ah”. Indha Cade ayaa yiri: “Oo maxaad naga soo doontay?, …Halkan dil ayaa kaaga qoran.” Afey: “Maxaa dhacay, maxaanse galabsaday?” Indha Cade oo codka kor u qaadaya oo xabeebsan ayaa yiri: “Ninka nagu soo dhisay Cabdullaahi Yuusuf oo Daarood ahaan ugu hiilinayey, sow ma tihid?… hadde Muqdisho dil ayaad uga qoran tahay ee ogsoonow” Afey oo garan la’ meesha uu kala hadlayo Indha Cade ayaa yiri: “Anigu safiir dal kale ka socda ayaan ahay, waxa aad ka hadlayso waxba kama sheegi karo, Cabdullaahi Yuusuf waxaa doortay hoggaamiyaashii iyo ergadii ka socotay Muqdihso, raysul-wasaaraha aad maanta soo dhoweysay, waxaa magacaabay madaxweynaha aad diidan tahay.” Indha Cade oo sii xanaaqay ayaa yiri : “Waa duli raysul-wasaaraha aad sheegayso iyo kuwa kale ee aad leedahay wax bay doorteen, idinka iyo Itoobiya ayaa ku cadaadiyey in ay Cabdullaahi Yuusuf madax noona dhigaan, mana suuro galayso in aan la shaqayno.” In yar ka dib, Indha Cade hadalkii ayuu bedelay oo waxa uu sheegay in uu yahay nin Soomaaliyeed, oo aan qabyaalad aqoon, ka dibna waxa la soo istaagay isbaaro. Indha Cade waxa salaamay nin dheer oo indha gaduudan oo qori silsilad leh wata. Indha Cade waxa uu Afey ku yiri: “Kan waa Ugaadeen, waa reerkaaga, ciidankayga ayuu ka tirsan yahay, ciidankayga qabiil kasta ayaa ku jira. Dood dheer ka dib, Indha Cade iyo Afey waa lays af gartay, oo Indha Cade waxa uu sheegay in inta ay Muqdisho joogaan ay marti u yihiin oo uu amaankooda uu ka masuul yahay, taas oo kalsooni ku abuurtay Afey. Afey intii uu joogay Muqdisho waxa meel kasta oo uu u baahdo geynayey Indha Cade oo ay aad isku fahmeen. Afey waxa uu gadaal ka ogaaday in ay Muqdisho taalay in uu Afey yahay qofka ka dambeeyey doorashada Cabdullaahi Yuusuf. Dawladii oo Jowhar u Guurtay Geedi ayaa u sii gogol xaaray degitaankii magaalada Jowhar, ka dibna 25-kii Juulay 2005 ayaa dawladii si rasmi ah ugu guurtay magaalada Jowhar. Cabdullaahi Yuusuf markii u tegay Jowhar waxa uu galay shaqab, oo ma xukumin dalka, xitaa magaalada uu joogo, waxaa wax laga weydiin jiray Maxamed Dheere, oo ay soo marijireen dhaqaalaha dawlada u socda. Afey waxa uu tegay magaalada Jowhar si uu xaalada u soo qiimeeyo. Waxa uu soo arkay magaalo kooban, oo aan hurumar lahayn oo nin keliya xukumo, hase yeeshee dadku ay niyad wanaagsan yihiin. Si loo muujiyo taageerada dawlada waxa lagu qabtay magaalada Jowhar shirkii golaha wasiirada ee IGAD. Shirka waxaa ka soo baxay in ciidan gaaraya 250 askari oo ilaaliya madaxda sare loo tababaro dawlada. Dawlada Kenya ayaa tababartay ciidankaas oo qaar ka mid ah markii dambe ay noqdeen taliyaasha ciidanka ee Soomaaliya. Dhalashadii Burcad Badeeda Waxaa xeebaha Soomaaliya ka bilowday afduubka iyo madax furasho laga qaato maraakiibta la qabsado. Arrinta Afey qusaysa waxa ay ahayd qabsashadii Markab (MU-Semlow) u rarnaa WFP oo ku socday Boosaaso. Markabku waxa uu ka soo shiraacday magaalada Mombasa, waxa uuna siday 850 tan oo raashin gargaar ah oo loo waday xeebaha Soomaaliya. Sideed ka mid ah shaqaalaha markabka waxa ay ahaayeen Kenyaan. Ehladii shaqaalaha Kenyaanka ah waxa ay la soo xiriireen Mwangu oo ahaa agaasimaha hawlaha badda ee Kenya. Xiriir uu la sameeyey xeebaha Soomaaliya waxa uu ku ogaaday in ay burcad-badeed qabsatay markabkii MU-Semlow. Burcad-badeedii waxa ay la xiriireen shirkadii lahayd markabka iyo eheladii shaqaalaha markabka saarnaa oo waxa ay weydiisteen madax-furasho dhan 500 kun oo doolar, taas oo ay diiday in ay bixiso shirkadii markabka lahayd. Cabashadii eheladii dadka Kenyaanka ah ee lagu haysto markabka ayaa warbaahinta Kenya qabsatay. Wasaarada arrimaha dibada Kenya oo aan doonay in ay madax-furasho bixiso, ayaa bilowday sidii wax looga qaban lahaa arrintaas. Afey oo arrintaas wax ka qabashadeeda lagala hadlay ayaa magaalada Nayroobi kula kulmay Mwangu oo ay si joogto ah ula soo xiriirayeen burcad badeedku. Afey waxa uu la hadalay Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne). Afweyne waxa uu gartay Afey oo waxa uu yiri: “Sow ninka dawlada Soomaaliya wax ka soo dhisay ma tihid”, Afey: “Haa waa aniga, … adiga ayaa reer Xaradheera ah ee maad naga caawisid siideynta markabka”. Afweyne: “Waxa aan isku dayayaa in aan u tago dhalinyarada markabka haysta oo aan la hadlo”. Waqti yar ka dib waxa uu Afweyne sheegay in uu ka quustay. Markabka oo ay ka go’een biyihii iyo raashinka, ayaa la qafaashay Markab kale (MV-Toglu) oo Soomaali u rarnaa, kaas oo laga helay biyo iyo raashin. Wada hadal ka dib waxaa la siidaayey markabkii Soomaalida u rarnaa oo u socday magaalada Berbera. Safar ay soo agaasintay WFP ayuu Afey ku tegay magaalada Jowhar, isaga oo la kulmay Juurile oo ahaa wasiirka qorsheynta. Qorshuhu waxa uu ahaa in uu Afey arrintaas kala hadlo dawlada Soomaaliya, hase yeeshee, waxa uu shir la galay odayaal reer Xaradheere ah si ay arrintaas waxa ugu qabtaan. Odayaashii waxa ay soo celiyeen in dhaliyarada markabka qabsatay la siiyo madaxfurasho oo ay iyagu ka noqdaan dhexdhexaadin. Afey waxa uu la noqday gacmo maran. Waxaa bilowday dadaal ay wadeen dad Soomaaliyeed oo qandaraasyada ka qaata WFP oo uu hogaaminayey Abuukar Cadaani oo burcad badeeda ku cadaadiyey in la siidaayo markabka. Burcad-badeedkii markii ay ka quusteen helitaankii madax-furashadii ay dalbadeen, waxa ay la degeen raashinkii markabka saarnaa, ka dibna waxa ay siidaayeen markabkii iyo shaqaalihii saarnaa. Afey waxa uu ku qaabilay shaqaalihii markabka magaalada Mombasa. Dawlada Kenya iyo eheladii dadkii la soo daayey ayaa Afey uga mahad celiyey dadaalka uu sameeyay. Madaxweyne Kibaaki waxa uu guddoonsiyay Afey bilad-sharaf. Muddo ka dibna, golaha amaanku waxa uu soo saaray qaraarka tirsigiisu yahay 1846 oo ka dhan ah burcad badeedka iyo in xeebaha Soomaaliya la geeyo ciidamo ilaaliya. Dawlada oo u Guurtay Baydhabo Markii ay dawladu ku shaqayn weyday magaalada Jowhar, ayna jirto kala qaybsanaanta u dhexaysa dawlada oo uu Shariif Xasan, xildhibaano iyo wasiiro ay jooga magaalada Muqdisho, ayaa waxaa bilaabatay in laga guuro magaalada Jowhar. Feebaraayo 2006, ayaa shir lagu heshiisiiyey Cabdullaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan lagu qabtay magaalada Sanca. Cali Cabdalla Saalax ayaa garwadeen ka ahaa dhexdhexaadinta, waxaana lagu heshiiyey in Baydhabo loo guuro. Hase yeeshee, hogaaamiye-kooxeedyada dawlada wasiirada ka ahaa ee joogay Muqdisho waxa ay diidanaayeen in Baydhabo loo raro dawlada. Bishii Feebaraayo 2006, ayey dawladii u guurtay magaalada Baydhabo. Waxa isla bishaas lagu qabtay Baydhabo shirkii Baarlamaanka ee ugu horreeyey, kaas oo ay ka soo qayb-galeen wafti caalami ah oo uu ka mid ahaa Afey. Qoruhu waxa uu sheegay in ay Baydhabo wax badan ay kaga duwanayd magaalada Jowhar oo nin keliya gacanta ugu jirtay, sida dhismayaasha iyo magaalada oo uusan xukumin hogaamiye kooxeed. Wafti ka socda dawlada Kenya oo uu ka mid yahay wasiir-ku-xigeenka arriamaha dibada iyo Afey ayaa tegay Muqdisho si ay xog uga helaan xoogaga maxkamadaha iyo si ay wasiiradii joogay magaalada Muqdisho ugu qanciyaan in ay Baydhabo tagaan. Hogaamiye-kooxeedyadii wasiirada ka ahaa dawlada waxa ay ku adkeyteen in Muqdisho lagu shaqayn karo oo ay haystaan ciidamo amniga sugi kara. Waxaa la qorsheeyey safaro bile ah in lagu tago magaalada Baydhabo si xaalada loola socdo. Safarkii ugu horreeyay oo Afey iyo safiirka Midoowga Yurub waxaa ay la kulmeen Cabadullaahi Yuusuf oo sheegay caqabadaha haysta dawalada, sida kala-qaybsanaata, dhaqaale xumo, abaabul dagaal oo Muqdisho ka socda iyo maqnaanshaha Somaliland. Qoraagu waxa uu sheegay in uu Cabdullaahi Yuusuf oo ay haysato xaladaas adag muujiyey calool adayg oo uu ahaa nin aad isugu kalsoon. Shirkii markii uu dhammaaday ayuu Cabdullaahi gacanta qabtay oo si gaar ah ugu sheegay dhaqaale la’aanta jirta iyo in ay xoogaa dhaqaale ah ka helaan Puntland oo aan ku filnay bixinta adeegyada, aysana jirin cashuur ay qaadaan, sidaa darteed uu dawlada Kenya ka codsaday taageero dhaqaale. Afey waxa uu weydiiyey waxa ay u baahan yihiin. Yuusuf waxa uu yiri raashin iyo shidaal ayaa ciidanku u baahan yahay. Afey markii uu Nayroobi ku noqday ee uu la kulmay guddiga amniga qaranka oo uu hogaaminayey xoghayaha joogtada ah ee xafiiska madaxweynaha Kenya, waxay go’aamiyeen in dawlada lagu taageero lacag dhan hal milyan oo doolar. Ka dib Afey waxa uu u sheegay Cabdullaahi Yuusuf go’aanka la gaaray. Yuusuf waxa uu u sheegay in uu soo dirayo Shaati-gaduud (Wasiirka Maaliyada) oo lacagtaas lagu wareejiyo. Hase yeeshee, waxaa si kadis ah u yimi Nayroobi, Cali Geedi oo la wareegay lacagtii, taas oo lagu shubay akoon ay wada maamulayeen Cali Geedi iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya. La Soco Qaybta Sadexaad
-
Wasiirka wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa heshiis dhanka dekadaha ah la saxiixday wasiirka gaadiidka ee Boqortooyada Sucuudiga Carabiya, Saleh bin Nasser Al-Jasser. Heshiiskan ayaa quseeya iskaashiga dhinacyada gaadiidka badda iyo horumarinta dekadaha, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee Soomaaliya. Heshiiskan ayaa la xusay in uu si gaar ah diiradda u saarayo horumarinta kaabeyaasha dekadaha, tayeynta adeegyada gaadiidka badda, dhiirrigelinta maalgashiga, iyo is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta farsamo. Sidoo kale waxaa la sheegay in uu kor u qaadayo hufnaanta iyo wax-soo-saarka dekadaha dalka, kordhinta isku xirka ganacsiga badda, iyo xoojinta doorka Soomaaliya ku leedahay marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee gobolka. Heshiiskan oo aan la faahfaahin ayaa la aaminsan yahay in uu hordhac u yahay heshiisyo ay dhawaan kala saxiixan doonaan madaxda sare ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, kuwaas oo qaar ka mid ah la xiriiraan difaaca, amniga iyo dekadaha. Heshiiskan wuxuu ku soo aaday, iyadoo dhawaan ay dowladda Soomaaliya laashay heshiisyo dhanka dekadaha ah oo ay hore u wada galeen Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. PUNTLAND POST
