-
Content Count
213,405 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wan Maraykan ah oo calanka Qadar harsanaya. Dooxa (Faallo) — Shalay diyaaradaha dagaalka Israa’iil waxay duqeeyeen Dooxa, caasimadda Qadar. Waxay beegsanayeen hoggaamiyayaal sarsare ee Xamaas. Dooxa waxaa ka socday shir ku saabsan xabbadjoojin ka dhacda Gaza. Waa yaab in Israa’iil weerartay dal Maraykanku ku leeyahay saldhig militari iyo in difaaca cirka Qadar ogaan waayay weerarka. Waa xaalad bannaanka soo dhigtay sida dalalka Qaliijku ugu nugul yihiin weerarro kaga iman kara Israa’iil. Dhowaan Amiirka Qadar wuxuu diyaarad joogta 400 milyan doollar hadiyad u siiyay Madaxweynaha Maraykanka. Wuxuu kale oo ballanqaaday in Qadar bixin doonto 500 bilyan doollar oo ay ku maalgelin doonto shirkadaha Maraykanka. Haddiyaddii Amiirka Qadar uu siiyay Madaxweyne Donald Trump sanadkan. Hadiyadda Qadar ay siisay madaxweyne Trump iyo ballanqaadka maalgelineed midna kama hortagin in Israa’iil shalay weerar gardarro ah ku soo qaaday Qadar. Hadiyad iyo lacag loo ballanqaado dal kaa weyn oo kaa hanti-badan waxay Soomaalidu u taqaannaa wan buuran badhi saar. Wan badhidiisa weyn maarayn la’ haddii badhi kale la saaro kama filan kartid mahadcelin. Amiir Tamiim Bin Hamad: “Raadaarka Qadar wuu ogaan waayay diyaaradaha Israa’iil oo isticmaalay hub cusub.” Diyaaradaha Qadar iyo Israa’iil oo sanadkan dhoollatus ciidan ka wada qeybgalay. Dalalka ka mid ah Golaha Iskaashiga Qaliijku waxay maanta qirsan yihiin in ku tiirsanaantooda Maraykanka aysan ka difaaci karin weerarro kaga iman kara Israa’iil oo doonaysa inay hor istaagto soo bixista dal ay dadka Falastiin leeyihiin. Maalgelinta sayniska iyo difaaca lacagaha ku bixi kara waxay aad uga yar yihiin lacagaha dowladaha Qaliijku ku bixiyaan sasabashada Maraykanka. Amiirka Qadar Tamiim Bin Hamad wuxuu sheegay “in raadaarku ogaan waayay diyaaradaha Israa’iil oo ay isticmaaleen hub cusub”, hubkaas oo Qadar lagu tijaabiyay inkastoo labada dal ay dhoollatus ka wada qeybgaleen sanadkan horraantiisii. © Puntland Post, 2025 … The post Siyaasadda Qadar ee ‘Wan Buuran Badhi Saar’ appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka Booliska Puntland oo qoraal soo saaray ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen eedaysane loo haysto in uu maanta xaaskiisi ku dilay degmada Galdogob ee Gobolka Mudug. Warkan oo ka soo baxay Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in ciidanka saldhiga Galdogob ay gacanta ku soo dhigeen eedaysane faarax xasan Aadan oo loo haysto dilka marxuumad Samsam Maxamed Xaashi oo ahayd xaaskiisa. “Ciidanka Booliska Gobolka Mudug, gaar ahaan Saldhigga Booliska degmada Galdogob ayaa gacanta ku soodhigay eedaysane faarax xasan Aadan oo ku eedaysan dilka Marxuumad Samsam Maxamed Xaashi oo ahayd xaaskiisa” ayuu u qornaa warkan ka soo baxay Booliska. Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa intaasi raaciyay in ay baaris kaddib sharciga horgeyn doonaan eedaysane faarax xasan Aadan oo loo haysto dilka xaaskiisi marxuumad Samsam Maxamed Xaashi “Waxaa la horgeyndoonaa Maxakamadda Awooda uleh” ayuu sii raaciyay qoraalka Boolisku. PUNTLAND POST The post Booliska Puntland oo qabtay eedaysane loo haysto in uu xaaskiisi ku dilay degmada Galdogob appeared first on Puntland Post.
-
A press release issued by the Ministry of Civil Aviation and Airports Development of the Republic of Somaliland announced the implementation and strengthening of the Visa on Arrival policy. This policy enables all travelers to Somaliland to obtain visas upon arrival at Egal International Airport in Hargeisa and other airports across the country. The main objective of this policy is to facilitate business travel, tourism, humanitarian activities, and to boost the national economy. The statement also clarified that entry into Somaliland will not be permitted with visas or entry permits issued by entities outside the official Immigration Authorities of the Republic of Somaliland. Finally, all airlines operating in Somaliland have been instructed to disseminate this policy to all their stations and inform all incoming passengers accordingly. Qaran News
-
Doorashadii guddoonka ururka Al-Gabbal oo ay ku midaysan yihiin dowladaha hoose ee degmooyinka Puntland ayaa lagu wadaa in ay maanta ka qabsoonto magaalada Garoowe. Is-marin-waa ka taagnaa qabsoomidda doorashada ururkan ayaa Todobaadkan la xalliyay, kaddib markii duqa Caasimadda Garoowe, Geeddi Tuurre oo si KMG ah u hayay xilkan uu isku dayay in uu dib u dhig ku sameeyo doorashada, balse isku daygaasi laga diiday. Doorashadan oo noqon lahayd tartan adag ayaa waxa samaynteedii hoos u dhigay, kaddib markii Madaxtooyada Puntland oo soo fara-gelisay, islamarkaana tartankii ka reebtay guddoomiyaasha saddex degmo oo raadinayay in ay qabtaan hoggaanka ururka al-Gabbal, kuwaasi oo lagu qanciyay in ay doorashada ka tanaasulaan. Guddoomiyaasha degmooyinka Boosaaso, Qardho iyo Dhahar ayay Madaxtooyada Puntland si cad uga dalbatay in ay tartanka ka haraan, islamarkaana u tanaasulaan duqa caasimadda Garoowe oo hadda si KMG ah u haya xilkan, si mar kale maanta loogu doorto guddoomiyaha rasmiga ah ee ururka Al-Gabbal. Tan ayaa ka dhigan in la sii saadaalin karo natiijada doorashada guddoonka ururka Al-Gabbal oo uu ku soo baxayo maayirka Garoowe, Geeddi Axmed Tuurre, maadaama laga reebay tartamayaal culus oo doorashada ka dhigi lahaa mid adag. PUNTLAND POST The post Doorasho la sii ogyahay natiijadeeda oo maanta ka dhacaysa magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Kenya aims to carry out a pioneering $1 billion debt-for-food security swap by March next year, a finance ministry document showed on Tuesday, as the country looks to novel solutions to ease its hefty debt burden. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi kooban bixiyay ayaa ku eedeeyay wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi in uu kamid ahaan jiray Argagixisadii kala danbeeyay ee Maxaakiinta iyo Al-shabaab. Falcelintan ayaa timid kaddib markii wasiir Fiqi uu ku tilmaamay labada wasiir oo ka tirsan Puntland (Juxa&Caydiid) Rag gaajeysan oo aan gob ahayn, isagoo ku dhaliilay in ay ka qeyb galeen xaflad loogu dabaal-degayay Biya-xireenka Itoobiya oo Garoowe lagu qabtay. Wasiir Caydiid oo si caro leh uga falceliyay hadalkaasi ayaa Fiqi ku tilmaamay nin gaajaysan oo qabuuraha faagta, islamarkaana hore uga tirsanaa Argagixisadii kala danbeeyay ee Maxaakiinta iyo Al-shabaab. ” Fiqi isagaa gaajaysan oo qabuuraha faagta si uu lacag uga helo, ha iska daayo qabuuraha uu qodanayo. Awalna Al-shabaab buu ahaa oo waa la garanayaa asalkiisa in uu argagixiso ahaa, isagoo koofiyad xun oo maxaakiintii taagan sawirkiisu meel walba waa yaal. Fiqi danbas walba wa soo fadhistay mid Maxaakiin iyo mid Al-shabaab intaba” ayuu yiri wasiir Caydiid Dirir. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Puntland oo argagixiso ku tilmaamay wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
It was the night when Thomas Tuchel located the ignition point for his England tenure, when all of the grumbling that had followed him to Belgrade seemed to float away. The head coach needed a result to allow his team to take control of this World Cup qualifying group – and a performance, too, after the flatness of much of what had gone before. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo uu maanta Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qeyb-galay xaflada furitaanka biyo-xireenka ay Itoobiya ka hirgelisay wabiga Nile ayaa waxaa soo baxaya inuu kasii gaashaantay dhinaca Masar oo ay hadda yihiin xulafo dhow, isla markaana si weyn u diidan tallaabada ay qaaday Addis Ababa. Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow Villa Somalia, Xasan Sheekh ayaa qorshihiisa lasii wadaagay Masar, gaar ahaan go’aankeeda ka qeyb-galka daah furka biya xireenka GERD oo maanta qabsoomay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Masar u sheegtay in ay weli u hayso ixtiraam, uuna iskaashigooda sii socon doono, kaas oo sii xoogeystay markii Itoobiya ay soo damaaa hhhcisay badda, markaas oo ay Qaahira garab istaag buuxa u muujisay Muqdisho. Sidoo kale, inta ay socotay munaasabadda furitaanka biyo-xireenka wabiga Nile oo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen madaxweynayaasha dalalka Jabuuti, Kenya iyo South Sudan ayaa waxaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu goobta ka sheegay in loo baahan yahay in la helo hab cadaalad iyo is ixtiraam ku dhisan maadaama Kheyraadka biyaha dalalka qaarna uu u yahay bad baado, kuwa kalena uu tamar iyo horumar u yahay. Marka la eego duruufaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee xiligan iyo danaha diplomaasiyadeedba ma sahlaneyn in Madaxweyne Xasan Sheekh diido casuumaada itoobiya, maadaama maamulkiisu uu doonayo inuu u umuujiyo saaxiibtinmo iyo kalsooni. Masar oo xilligan ay si weyn isku hayaan Itoobiya waxa ay biyo-xireenkan u aragtaa khad cas oo halis ku ah amni qarankeeda iyo kan Suudaan. Dowladda Masar ayaa sidoo kale muddo dheer kasoo horjeedday biyo-xireenka, sababo la xiriira walaac ay ka qabto inuu yareyn karo saamigeeda biyaha Wabiga Nile. Qaahira ayaa ku tilmaantay biyo-xireenka oo loo yaqaan “biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya” mid khatar ku ah jiritaankeeda, maadaama dalku uu si buuxda ugu tiirsan yahay Wabiga Nile si uu biyo ugu helo beeraha iyo dadka ka badan 100 milyan.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in go’aanka Israel ay ku weerartay Qatar Talaadadii uu ahaa mid uu si iskiis ah u gaaray Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, oo uusan ahayn go’aan uu isagu la qabay. “In si keligii-talisnimo ah loo duqeeyo gudaha Qatar, oo ah qaran madax-bannaan oo saaxiib dhow la ah Mareykanka, isla markaana si adag oo geesinimo leh noogala shaqeyneysa sidii nabad loo dhex dhigi lahaa, ma hormarinayso danaha Israel iyo kuwa Mareykanka,” ayuu Trump ku qoray bartiisa bulshada. Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegay in Trump, uu “aad uga xun yahay” weerarkii Israel ay la beegsatay bartilmaameedyo ay leedahay Xamaas oo ku yaalla dalka Qatar, uuna faray la-taliyihiisa sare, Steve Witkoff, inuu uga digo Qatar weerarkaas soo socda. Ururka Xamaas, oo mas’uul ka ahaa weerarkii 7-dii Oktoobar, 2023, ee lagu qaaday koonfurta Israel kaasoo laga soo abaabulay Gaza, ayaa sheegay in shan ka mid ah xubnihiisa lagu dilay weerarka Israel ee ka dhacay magaalada Doha, waxaana ka mid ahaa wiil uu dhalay hoggaamiyaha Xamaas ee Gaza ee masaafuriska ku maqan, Khalil al-Hayya. Dowladda Mareykanka waxay Qatar u aragtaa saaxiib muhiim ah oo ay ku leedahay Khaliijka, waxayna ku tiirsanayd doorka dhexdhexaadinta ah ee ay Qatar ka qaadanaysay wada-xaajoodyada lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin dagaalka Gaza. Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in ciidanka Mareykanka ay subaxnimadii Talaadada maamulka ku wargeliyeen in weerarka Israa’iil uu dhici doono. Waxayse ka gaabsatay inay ka jawaabto su’aal laga weydiiyey ciddii wargelisay ciidanka Mareykanka. Markii uu Trump arrintaas ka war helay, wuxuu faray Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka, Witkoff, inuu uga digo Qatar weerarka soo socda, sida ay sheegtay. Si kastaba, Qatar ayaa sheegtay in weerarka lagu soo wargeliyey markii uu socday 10 daqiiqo kadib. Weerarka kaddib, Trump wuxuu la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, iyo sidoo kale Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, ayay tiri. Wuxuu u xaqiijiyey hoggaamiyaha Qatar in “arrintan oo kale aysan mar dambe ka dhici doonin dhulkooda.” Waxay ku tilmaantay weerarka “dhacdo nasiib-darro ah” waxayna sheegtay in Trump uu “aad uga xun yahay” goobta uu weerarku ka dhacay. Mareykanka ayaa isku dayayay inuu dhexdhexaadiyo heshiis xabbad-joojin ah oo lagu sii deynayo la haystayaasha, si loo helo sii deynta maxaabiista harsan loona eego qorshaha mustaqbalka Gaza ee xilliga dagaalka kaddib.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Guba kaga qeyb-galay shir heer sare ah oo shan-geesood ah, kaas oo looga hadlay maalgelinta iyo taageerada howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM. Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya William Ruto, iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, kuwaas oo dhammaantood isku raacay muhiimadda ay leedahay joogteynta taageerada dhaqaalaha iyo midda farsamo ee howlgalka AUSSOM. Madaxda ayaa falanqeeyey caqabadaha taagan iyo sida loo heli karo iskaashi mideysan oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilinta Geeska Afrika. Waxaa shirka lagu adkeeyay in howlgalka AUSSOM uu door weyn ka qaato la dagaallanka kooxaha khawaarijta ah iyo ilaalinta guulaha ciidamada qaranka Soomaaliya ka gaareen dagaalka argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku nuuxnuuxsaday in AUSSOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu difaacayo nabadda iyo xasilloonida, isagoo ugu baaqay beesha caalamka in ay sii laba-laabaan taageerada dhaqaale iyo tan farsamo. Shirka ayaa lagu soo gabagabeeyay ballanqaad mideysan oo ku aaddan in dalalka gobolka iyo Midowga Afrika ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amni iyo horumarineed ee gobolka, loona heli lahaa taageero joogto ah oo lagu xaqiijinayo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Sheikh Tamiim bin Xamad Aal Thaani, isagoo ku muujiyey taageerada buuxda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed la garab istaagayaan Qatar. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si kulul u cambaareeyay duqeynta Israel oo lagu beegsaday guryaha ay deggan yihiin qaar ka mid ah madaxda Xamaas ee magaalada Doha, isagoo ku tilmaamay weerarkaasi mid fulaynimo ah oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah iyo qiyamka bini’aadantinimo. Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in weerarradan ay yihiin xadgudub cad oo ka dhan ah dhammaan heshiisyada iyo qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana ay horseedi karaan khalkhal amni oo baahsan. Soomaaliya, ayuu yiri, waxay garab taagan tahay Qatar iyo shacabka reer Qadar xilligan adag. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ay kaga jawaabeyso siyaasadda iyo nidaamka dal ku galka E-Visa oo dhawaan dowlada Soomaliya ay hirgalisay, kaas oo caqabad ku noqday muwaadiniinta qurbo joogta ah ee reer Somaliland iyo cid kasta oo soo galaysa dalka. Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in Somaliland aan lagu soo geli karin Visa ama oggolaansho dal-ku-gal oo ka soo baxay meel ka baxsan Hay’addaha Socdaalka ee Somaliland. Sidoo kale wasaaradda ayaa qoraalkan ku caddeysay in la sii xoojiyey siyaasadda dal-ku-galka furan, taasi oo u sahlaysa dhammaan dadka u safraya Somaliland inay dal-ku-galka ka qaataan Madaarka Cigaal ee Hargeysa iyo garoomada kale ee maamulka Somaliland. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in siyaasaddan ay ka timid xukuumada, ugana dan leedahay fududaynta safarrada ganacsiga, dalxiiska, arrimaha bina’aadamnimada iyo kobcinta dhaqaalaha. Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa sidoo kale shirkadaha diyaaradaha ee ka hawl-gala Somaliland fartay in ay siyaasaddan la wadaagaan dhammaan xafiisyadooda iyo Rakaabka soo raacaya. Dhankeeda, Puntland ayaa si rasmi u diiday go’aanka kasoo baxay dowladda dhexe, iyadoo si cad u sheegtay in aysan u hoggaansami doonin nidaamka cusub ee dal-ku-galka Soomaaliya ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid oo mowqifka maamulka la wadaagay warbaahinta ayaa nidaamkan cusub ku tilmaamay “isbaato ay hawada dhigatay” Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo haatan uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo maamulka Puntland. Wasiir Caydiid ayaa sheegay in lacag dal ku gal ah laga doonayo qof kasta oo ka soo dega garoomada Puntland, taas oo ka dhigan in shacabka u socdaalaya Puntland ay laba jeer bixin doonaan lacagta fiisaha, midaas oo culeyska kusii siyaadinaysa shacabka. Dhawaan, Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah uga dhawaaqday in qof kasta oo wata baasaboor shisheeye oo dalka imanaya looga baahan yahay in uu dal-ku-galka ku goosto online. Nidaamkan ayay sheegtay inuu yahay hanaan casri ah oo lagu mideynayo nidaamka socdaalka dalka. Hase yeeshee go’aankan ayaa durba dhibaato ku noqday dadka ka yimaada Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo laga rabo inay bixiyaan dal ku gal kale marka ay ka dagaan garoomada Garoowe iyo Hargeysa.
-
President Abdirahman Irro Unveils Key Healthcare Initiatives in Borama His Excellency, Dr. Abdirahman Mohamed Abdilahi (Irro), President of the Republic of Somaliland, today officially inaugurated a cutting-edge Oxygen Production Plant at Borama General Hospital, marking a significant milestone in the government’s commitment to enhancing healthcare infrastructure and life-saving medical services across the region. In conjunction with this, President Irro laid the foundation stone for a new Mental Health Hospital in Borama, designed to provide specialized care for individuals suffering from mental and neurological disorders. This project underscores the administration’s strategic focus on broadening access to comprehensive healthcare services, while addressing critical public health needs with innovation and compassion. The inauguration ceremony was attended by senior government officials, including the Minister and Director General of the Ministry of Health Development, representatives from the Awdal Regional Administration, Borama District authorities, and medical personnel from Borama General Hospital. The gathering highlighted the shared commitment of government and community stakeholders to advancing the well-being of Somaliland’s citizens. President Irro emphasized that the new Oxygen Plant will deliver immediate, life-saving benefits by ensuring timely access to medical oxygen, while significantly reducing the costs and logistical challenges previously associated with its supply. He further highlighted that the Mental Health Hospital will serve as a pivotal center for the region, advancing mental healthcare and reinforcing the government’s dedication to the holistic development of public health services. These initiatives form part of the broader vision of the Somaliland government to strengthen healthcare infrastructure, enhance the quality of services, and improve the health and resilience of communities nationwide. All praise is due to Allah. Hussein Adan Igeh (Deyr) Spokesman for the President of the Republic of Somaliland Qaran News
-
Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa durbadii qaaday tallaabo deg-deg ah oo ku aadan furitaanka biya xireenka Itoobiya ee wabiga Nile, iyada oo dacwo culus ka gudbisay Addis Ababa. Masar ayaa dacwadeeda u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana ay sheegtay inuu halis yahay furitaanka biya xireenka wabiga Nile ee ay maanta ku dhaqaaqday Itoobiya. Qaahira aya sidoo kale Addis Ababa ku eedeysay inay diiday heshiisyo caalami ah oo nidaaminayay qaybinta biyaha Nile oo ay si weyn isugu hayaan labada dowladood. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in tallaabada ay qaaday Itoobiya ay khatar wayn ku tahay amniga biyaha iyo jiritaanka shacbiga Masar. Waxaa kale oo ay Masar intaasi kusii dartay in aysan marnaba oggolaan doonin in xuquuqdeeda lagu xadgudbo, ayna sii wadi doonto difaaca danaha ay leedahay iyadoo adeegsanaysa hababka diblomaasiyadeed iyo sharci ee caalamiga ah. Warqadda ay Masar u dirtay Goaha Ammaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in golaha iyo beesha caalamka looga baahan yahay in ay qaadaan mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta xeerarka caalamiga ah iyo ka hortagga xiisadd cusub oo ka dhalata biyo xireenka Nile. Masar ayaa biyo-xireenkan u aragta khad cas ah oo halis ku ah amni qarankeeda iyo kan Suudaan. Sidoo kale waxay muddo dheer kasoo horjeedday biyo-xireenka, sababo la xiriira walaac ay ka qabto inuu yareyn karo saamigeeda biyaha Wabiga Nile. Waxaa kale oo ay Qaahira ku tilmaantay biyo-xireenka oo loo yaqaan “biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya” mid khatar ku ah jiritaankeeda, maadaama dalku uu si buuxda ugu tiirsan yahay Wabiga Nile si uu biyo ugu helo beeraha iyo dadka ka badan 100 milyan.
-
Doha (Caasimada Online) – Hoggaanka Xamaas ayaa ka badbaaday “isku day dil oo fulaynimo ah” oo Israel ay ka fulisay caasimadda Qatar ee Doha, sida uu Suhail al-Hindi, oo ah xubin ka tirsan xafiiska siyaasadda ee Xamaas, u sheegay taleefishinka Al Jazeera. Laakiin al-Hindi wuxuu xaqiijiyay in dad dhowr ah ay ku dhinteen duqeynta, oo ay ku jiraan wiilka iyo agaasimaha xafiiska hoggaamiyaha Xamaas, Khalil al-Hayya. Wuxuu sheegay in kooxda Falastiiniyiinta ay maamulka Mareykanka u arkaan inuu mas’uul ka yahay weerarka, kaasoo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar “sida ugu adag” u cambaaraysay. Doha waxay weerarka ku tilmaantay “xadgudub bareer ah oo ka dhan ah dhammaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah”. “Dowladda Qatar waxay caddaynaysaa in aanay u dulqaadan doonin dhaqankan taxadar la’aanta ah ee Israel iyo faragelinta joogtada ah ee ay ku hayso amniga gobolka, iyo sidoo kale tallaabo kasta oo lagu beegsanayo amnigeeda iyo madax-bannaanideeda,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda, Majed al-Ansari, bayaan uu soo saaray. Hoggaamiyeyaasha Xamaas, sida uu sheegay al-Hindi, waxay kulmayeen iyagoo rajo wanaagsan ka qaba hindisaha xabbad-joojinta ee Mareykanka ee lagu soo afjarayo dagaalka Gaza, kaasoo in ka yar labo sano ay ku dhinteen in ka badan 64,000 oo Falastiiniyiin ah. Weerarka Doha ayaa ahaa ugu horreeyay ee noociisa ah oo Israel ay ka fuliso dalka Qatar, oo ah dhexdhexaadiye muhiim ah oo ka shaqeeya wadahadallada xabbad-joojinta ee u dhexeeya Israel iyo Xamaas, sidoo kalena uu ku yaallo saldhigga milateri ee ugu weyn Mareykanka ee gobolka, Saldhigga Cirka ee Al Udeid (Al Udeid Air Base), oo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa war-saxaafadeed ku xaqiijiyay in milateriga Israel uu Talaadadii weerarka ka fuliyay Doha, uuna ku beegsaday hoggaamiyeyaasha Xamaas. Wariyaha Al Jazeera, Nida Ibrahim, oo ka soo warramaysa Doha, ayaa sheegtay in weerarkan aan noociisa horay loo arag ee lagu qaaday magaalada, oo martigelisay wadahadallada xabbad-joojin suurtagal ah oo ka dhacda Gaza, uu muujinayo sida ay Israel “ugu dhiirratay” inay “fuliso xasuuq haddana ay isaga baxsan karto cawaaqib la’aan”. Israel waxay duqeymo ka wadday Gaza, Lebanon, Yemen iyo Syria, sidoo kalena waxay weerarro maalinle ah ka fulinaysay Daanta Galbeed ee la haysto ee Falastiin. Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa weriyeyaasha u sheegtay in milateriga Mareykanka uu Trump ku wargeliyay in Israel ay weerarayso Xamaas, oo ku sugneyd xaafad ka tirsan Doha, caasimadda Qatar. “In si kali-talisnimo ah loo duqeeyo gudaha Qatar, oo ah dal madaxbannaan oo xulufo dhow la ah Mareykanka, kaasoo si hagar la’aan ah oo geesinimo leh khatar ugu jira sidii aan nabadda u dhexdhexaadin lahayn, ma horumarinayso danaha Israel iyo Mareykanka,” ayay tiri. “Si kastaba ha ahaatee, ciribtirka Xamaas, oo ka faa’iidaysatay dhibaatada dadka ku nool Gaza, waa hadaf qiimo leh.” Leavitt waxay sheegtay in Trump uu “si degdeg ah u amray” Ergeyga Gaarka ah Steve Witkoff inuu Qatar ku wargeliyo weerarka.
-
MOGADISHU, Somalia – Somalia’s intelligence agency announced Tuesday that a senior Al-Shabaab commander who masterminded a deadly attack on President Hassan Sheikh Mohamud’s convoy in March has been killed in a targeted airstrike. The strike, carried out on September 9 in southern Somalia, marks a significant victory in the government’s intensifying campaign against the al-Qaeda-linked militant group. In a statement issued Tuesday evening, the National Intelligence and Security Agency (NISA) confirmed that Mohamed Abdi Dhiblawe Afrah was killed in a joint operation with “international partners” in the Lower Shabelle region. “A planned operation killed the ringleader, Mohamed Abdi Dhiblawe Afrah,” NISA said. “He was the mastermind behind the March 18, 2025, bombing that targeted the President’s convoy.” Afrah was traveling in a vehicle in the Ugunji area, near Qoryooley, when the strike hit. He had been on the run since March, when a car bomb detonated near the presidential motorcade at Ceel-gaab junction in Mogadishu. President Mohamud escaped that attack unharmed. According to NISA, Afrah—also known by the alias Khaalid Dheere (“Khalid the Tall”)—had been under constant surveillance. “This ringleader was also behind other bombings and violent acts that harmed civilians and had been actively tracked since the Ceel-gaab attack,” the statement added. The killing of a key operational planner delivers a heavy blow to Al-Shabaab’s network in Lower Shabelle, a fertile agricultural hub that has long been central to the conflict. ‘All-out war’ continues The strike comes as part of a wider offensive launched by President Mohamud after returning to power in May 2022, when he declared an “all-out war” on Al-Shabaab. The campaign has paired military operations with efforts to cut off the group’s finances and weaken its ideology. Backed by clan militias, Somali forces have reclaimed swathes of territory in central regions such as Galmudug and Hirshabelle. Yet Al-Shabaab remains entrenched. For more than 15 years, the group has maintained control of large rural areas in southern and central Somalia, launching regular and deadly attacks on government, military, and civilian targets. Lower Shabelle, situated just south of the capital, has been strategically important as it controls key access routes into Mogadishu. U.S. military role Although NISA referred only to “international partners,” the phrase is widely understood to point to the United States military, which plays a central role in supporting Somali operations. The U.S. Africa Command (AFRICOM) regularly conducts drone strikes, aerial surveillance, and intelligence-sharing to support Somali-led ground offensives. These so-called “collective self-defense” strikes are carried out at the request of the Somali government to neutralize militants actively attacking Somali forces. Washington has designated Al-Shabaab as a terrorist group and views it as one of the most dangerous affiliates of al-Qaeda. The group’s core mission is to topple Somalia’s internationally backed government and impose its hardline version of Islamic law. The successful elimination of Afrah highlights the growing effectiveness of Somalia’s intelligence-led strategy to disrupt Al-Shabaab’s leadership and dismantle its operational capacity.
-
Maxamed Abshir Muuse wuu ka horjeeday in Maxamed Siyaad Barre sii joogay Soomaaliya ilaa 1992kii. Baydhabo (Faallo) — Qeyb ka mid ah waraysiga afarta qeybood ka kooban, uu Ha Noolaato la yeeshay wariyihii hore ee Laanta af Soomaaliga ee BBC Yuusuf Xasan Mursal, wuxuu dhaliyay su’aalo ku saabsan macaluushii 1992kii ku dhufatay qeybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya. Xilligaas wargeysyada Galbeedku waxay macaluusha ku tilmaameen mid heer injiil ah (biblical proportions). Yuusuf Xasan Mursal wuxuu sheegay in laba waxyaabood ay sababeen macaluushii 1992kii: (1) ciidankii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre oo muddo haystay Baydhabo ka hor inta ururkii USC oo uu Jeneraal Caydiid hoggaaminayay ka saarin Soomaaliya billowgii 1992kii, iyo (2) ciidankii Jeneraal Caydiid oo ay weheliyeen ciidan u dhashay Baay oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Sare Maxamad Nuur Caliyow oo raalli ka ahaa in ciidammadii USC boobeen gargaarkii loogu talaggalay dadkii macaaluushu saamaysay. “Jeneraal Caydiid magaalada Baydhaba ayay culimada degmadu Quraan ku saareen” ayuu Yuusuf Xasan Mursal sheegay. Maxamed Siyaad Barre ciidammo u daacad ah ayaa 1991kii qabsaday Baydhabo. Jeneraal Caydiid wuu ka hor yimid faragelintii aadaminimo si loo yareeyo macaluushii 1992kii. Isku day badan ayaa jiray ku saabsan yaraynta kaalinta is hortaagga gargraarku ku lahayd macaaluushii sababtay in dad ka badan 300,000 geeriyoodeen. Yuusuf Wuxuu kale oo sheegay in Jeneraal Caydiid, uu dib u qabsaday Baydhaba 1995kii, isagoo sheeganayay inuu yahay Madaxweynaha Soomaaliya. Markii Maxamed Siyaad Barre Qabsaday Baydhaba 1991kii 1991kii, intii uu socday shirkii dib u heshiisiinta ay dowladda Jabuuti abaabushay, waxaa jiray dadaallo la doonayay in Maxamed Siyaad Barre dalka lagaga saaro. Ururkii Somali National Front oo uu hoggaaminyay Cumar Xaaji Masalle ayaa loo diiday inuu ka qeybgalo shirka Jabuuti halka ururkii SPM loo oggolaaday inuu ka qeybgalo shirka. Cabdirsiaaq Xaaji Xuseen (oo ra’isal wasaare ka ahaa Soomaaliya 1964-1967) iyo Maxamed Abshir Muuse (oo ka hor 1969kii mar ahaa taliyaha ciidanka booliska) waxay aad ugu ololeeyeen in Maxamed Siyaad Barre laga saaro Soomaaliya. Bishii Agoosto 1991kii ayay ciidammadii Siyaad Barre qabsadeen Baydhabo oo ay haysteen ku dhowaad sagaal bilood. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu shirkii Jabuuti dhigtay uga qeybgalay oday Soomaaliyeed ahaan halka Maxamed Abshir Muuse uu metelayay ururkiia SSDF isagoo Ra’iisal Wasaare ku xigeen ka ahaa dowladdii ururkii USC dhisay 1991kii. Cabdirisaaq iyo Maxamed Abshir waxay ogaayeen dhibaatada nin madaxweyne ahaa oo dib ugu noqday degmada uu ka soo jeedo geysan karo, waa ka hor inta uusan Siyaad Barre waraysi siinin telefihsin Talyaani ah qeybtii dambe ee 1991kii, waraysigaas oo ku sheegay inuu weli aamminsan yahay inuu yahay Madaxweynaha Soomaaliya. Mohamed Sahnoun waxaa siray qabqablayaashii 1992kii. Ka badan 300,000 oo qof ayaa u geeriyooday macaluushii 1992kii ku dhufatay Koonfurta Soomaaliya. Sanadkii 1992 ayuu Maxamed Abshir Muuse, oo maamulayay gobolladii la isku oran jiray Waqooyi bari (Waqooyiga Mudug, Nugaal iyo Bari) u sheegay Newsweek in sida keliya oo looga hortagi karo in macaluushu sii fiddo ay tahay faragelin aadaminimo. Wax qarsoon ma ahayn in ciidammadii Jeneraal Caydiid ay boobeen gargaarkii laga soo dejiyay dekedda Muqdisho looguna talaggalay in lala gaaro dadkii ay macaluushii 1992kii ay saamaysay. Boutros-Boutros Ghali: ”Hawlgalkii Sahnooun ahaa in sahayda gargaarka la gaarsiiyo meelaha dadka macaluushoonaya joogaan wuxuu gacanta u galay koox ganacsatada baad ka qaadda.” Haddii hub badan uu gacanta u galo ciidan beeleed sita magac siyaasadeed kaddidbna ay qabsadaan degmooyin dadka ku nool aysan hubaysnayn waxaa dhici karta macaluul. Gaashaanle Sare Axmed Cumar Jees ayaa Baydhabo haystay ka hor inta Halwgalkii Rajo Soo Celintu (Operation Restore Hope) uusan billaabanin Diseembar 1992kii. Macaluushii 1992kii waxay ahayd dambi dagaal oo ay galeen hoggaamiyayaashii hor istaagay in gaargaarka la gaarsiiyo dadka ku nool Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool iyo dadkii xoogga ku qabsaday Baay iyo Bakool 1991kii. Qabqablayaashii way sireen Mohamed Sahnoun Kooxaha hubaysan oo ka tirsanaa ururkii Isbahaysiga Qaranka Soomaaliyeed (Somali National Alliance), waxay sababeen in macaluushu sii fiidday, tirada dadka u dhimanayayna sii badatay. Khudbaddii Madaxweyne George Bush uu jeediyay markii uu ciidammada Maraykanka u soo diray Soomaaliya Diseembar 1992, wuxuu ku tilmaamay hawlgalka tallaabo lagu furayo waddooyinka xiran si gaargaarka loo gaarsiiyo Soomaalida “macaluushoonaysa”. Mohamad Sahnoun, Wakiilkii Qaramada Midoobay u joogay Soomaaliya 1992kii, wuxuu rumeystay hadalladii qabqablayaasha. “Warbixintiisii ugu dambaysay uu ii soo diray 12kii Oktoobar 1992kii, wuxuu qoray ‘inuu xiriir iskaashi oo ku salaysan marka loo baahdo la yeeshay la shaqeeyayaal Soomaaliyeed. Baabuurtooda tiknikada ah ayaa loo adeegsanayaa dhowrista amniga’. Wada xaajooyadan ayaa sababay dalabyada “kooxaha hubaysani” ay sii kordheen, oo waxay ku hanjabeen inay xoog adeegsan doonaan si ay danahooda u gaaraan. Hawlgalkii Sahnoun ahaa in sahayda gargaarka la gaarsiiyo meelaha dadka macaluushoonaya joogaan wuxuu gacanta u galay koox ganacsatada baad ka qaadda” ayuu Boutrus-Bourtrus Ghali Xoghayihii Guud ee Qaramada Midoobay, ku qoray buuggiisa Unvanquished: A U.S.-U.N. Saga. Kaddib Sahnoun wuu iska casilay xilkii Wakiika Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya. Boutrus Ghali wuxuu kale oo sheegay in Jeneraal Caydiid si cad uga hor yimid faragalin aadaminimo si loo yareeyo saamaynta macaluushii 1992kii. Dhegweynidii Mohamed Sahnoun, naxariisdarrdii Jeneraal Caydiid, Maxamed Siyaad Barre, Gaashaanle Sare Axmed Cumar Jees iyo Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Caliyow ayaa isku kaashaday dadkii ay macaaluushii 1992kii dhibaatada ba’an u geysatay iyo dadkii u geeriyooday. © Puntland Post, 2025 The post Saamayntii macaaluushii 1992 waa la yarayn karay appeared first on Puntland Post.
