-
Content Count
215,287 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxkamadd ku taalla Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta xabsi daa’in ku xukuntay madaxweynihii hore ee dalkaasi, Yoon Suk Yeol, kadib markii lagu helay danbi ah inuu hoggaaminayay kacdoon ka dhan ah dowladda, isagoo ku dhawaaqay sanadkii 2024-kii xaalad degdeg ah oo sababtay qalalaase siyaasadeed. Yoon Suk Yeol wuxuu xilka qabtay sanadkii 2022, isagoo laba sano kadib wajahay dacwado iyo cadaadis siyaasadeed oo ugu dambeyn sababay in xilka laga qaado, iyadoo talaabada Maxkamadayntu noqonayso mid ka mid ah go’aannadii ugu cusla ee taariikhda casriga ah ee Kuuriyada Koonfureed. Source
-
Waxaa soo gabagabeebay shirkii ay maanta xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia ku yeesheen madaxda Dowadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kaas oo qaatay saacado. Kulanka waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, sida uu sheegay xildhibaan Cabdullaahi Carab oo ah xoghayaha Golaha Mustaqbalka. Wuxuu intaas ku daray in uu shirku berri sii socon doono, isagoo xusay in aan isu soo dhawaansho iyo kala fogaansho midna uusan lahayn kulankii maanta. Golaha Mustaqbalka ayaa markii ay ka soo baxeen shirkii Villa Somalia waxay shir dhexdooda ah ku yeesheen xarunta Xalane, iyaga oo shirka berri loo ballamay u diraariyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdisahkuur iyo xoghayaha Golaha xildhibaan Cabdullaahi Carab, kuwaas oo doonaya in ay keliya la xaajoodaan madaxweyne Xasan Sheekh. Lama saadaalin karo najiitada ka soo bixi karta wadahadallada Muqdisho, maadaama Golaha Mustaqbalka doonayaan in ay dalka ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo heshiis lagu yahay, halka Dowladda Federaalka ku adkaysanayso in ay dalka ka qabanayso doorasho qof iyo cod ah. PUNTLAND POST
-
Baarlaamanka dalka Peru ayaa xilkii ka qaaday madaxweynihiu talada hayey afartii bilood ee la soo dhaafay ee José Jerí kaas oo lagu eedeeyey dastuur jebin, musuq maasuq, iyo in uu dhegaha ka furaystay baaqyadiii uga yimi xildhibaannada dalkaas. Ninkan oo 39 jir ah ayaa xilka loo dhiibay bishii October ee sannadkii hore balse waxa lagu eedeeyey in uu sannadkii hore bishii December uu kulan la qaatay nin Ganacsade ah oo Shiinaha u dhashay kaas oo la tuhunsan yahay in uu ka helay dhaqaale aad u badan oo uu mashaariic ku siiyey isaga oo aan soo marin dhinaca Baarlaamanka. Waxana hadda José Jerí lagu samayn doonaa baadhis dheeraad ah oo ku wajahan falalka uu ku kacay. Dalkan oo bisha April doorasho looga dareerayo ayaa si weyn ula dagaallama fara gelinta shisheeye iyo in la sameeyo musuq maasuq baahsan. Source
-
Golaha Mustaqbalka ayaa gaaray xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, haalkaas oo goordhow uu ka furmay shirkii ay ku balansanaayeen iyaga iyo madaxda Dowadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada ku soo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka oo ka kooban Madaxweyneyaasha Puntland & Jubaland, iyo Madasha Samatabixinta oo ay ku jiraan qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka. Qodobka ugu weyn ee shirka looga hadlayo waa arrimaha doorashooyinka oo ay Golaha Mustaqbalka doonayaan in ay dalka ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo heshiis lagu yahay, halka Dowladda Federaalka ku adkaysanayso doorasho qof iyo cod ah. Shirkan oo muddo la sugayay ayaa la saadaalin karin natiijada ka soo bixi karta, maadaama uu yahay shirkii ugu horreeyay oo yeeshaan Golaha Mustaqbalka iyo madaxda Dowldda Federaalka. PUNTLAND POST
-
Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay xalay saqdii dhexe deegaanka Tasjiic ee buuraha Calmiskaad ku qabteen nin ka mid ah kooxda Daacish. Saraakiisha ciidamada Puntland ee halkaas ka hawlgala ayaa xusay in ay gacanta ku dhigeen ninkan oo lagu magacaabo Bishaar Maaxamed, kaas oo u dhashay dalka Yemen. Ciidanka waxay intaas ku dareen in ninkan oo aan wax hub ah wadan uu ka soo baxsaday taliska Shankaala ee togga Baalade, halkaas oo ah meel ay talis ku leedahay kooxda Daacish. Dhanka kale Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in uu 16-kii bishan Febraayo uu duqeyn cirka ah ku qaaday kooxda Daacish ee Soomaaliya. AFRICOM waxay tilmaantay in duqeyntaasi ka dhacday buuraha Calmiskaad, gaar ahaan meel qiyaastii 70 km koonfur-bari ka xigta magaalada Boosaaso, hase ahaatee waxay ka gaabsatay in ay faahfaahin intaas dheer ka bixiyo hawlgalkaas. Muddooyinkii u dambeeyay waxaa dhowr jeer ciidamada Puntland isu soo dhiibay xubno ka tirsan kooxda Daacish ah oo u badan ajaaniib. Puntland waxay dhawaan sheegtay in ay baddeshay taatikada dagaalka Daacish, islamarkaana dagaalkii ka fool ka fool ka ahaa ka dhigtay go’doomin. PUNTLAND POST
-
Muse Bihi Abdi: “The Constitution of Somaliland does not support the victimisation of our co-religionists.” Hargeisa (PP Comment) — In a congratulatory message on the beginning of the holy month of Ramadan, Muse Bihi Abdi, the former President of the Somaliland administration, said that the Somaliland government has yet to present to the parliament the agreement with Israel. “No one can allow a plan to displace Palestinians [in Gaza]. The Constitution of Somaliland does not support the victimisation of our co-religionists,” said Bihi. Israel contrasted the recognition it granted to the Somaliland administration with the Palestinian state, which Israeli Foreign Minister Gideon Sa’ar described as “a virtual state compared to Somaliland”. Bihi said that the recognition of the Somaliland administration by Israel has brought together countries that were previously rivals. He views this trend as a threat that could damage the Somaliland administration if leaders do not navigate it carefully. In 2024, when Bihi signed a maritime Memorandum of Understanding with Abiy Ahmed the Prime Minister of Ethiopia, he claimed that the deal was an economic cooperation rooted in previous agreements with the Federal Government of Somalia. President Abdirahman Mohamed Abdullahi of the Somaliland administration, who was a presidential candidate in 2024, declined to support the maritime MoU. He mobilised strong anti-MoU sentiment in his constituencies. Last week, he granted an interview to a television network in which he claimed that any investors building factories in Somaliland territories would be given land free of charge. In 2017, President Abdullahi, then a leader of Waddani, a political party, opposed a plan to grant the United Arab Emirates a base in Berbera. The African Union, European Union, the Arab League, the USA, China and the United Kingdom have all fully supported the territorial integrity and political unity of Somalia in response to the unilateral recognition of the Somaliland administration by Israel. The message from Bihi is that the Somaliland administration has lost many friends over the new relationship between Somaliland and Israel. Although he cautiously welcomes the recognition of Somaliland by Israel, he has grown sceptical of the secessionist administration’s closeness to Israel at a time when Benjamin Netanyahu faces accusations of war crimes and crimes against humanity. Two weeks ago, Sheikh Mustafa Haji Ismail urged the Somaliland administration to rethink Israel’s decision to recognise Somaliland as a country. “Israel is a country whose army killed 70,000 Palestinians and committed genocide, and is widely rejected even in the West. If you, Somalilanders, feel mistreated, you should not be applauding the suffering of Palestinians,” Sheikh Mustafa said. The intervention of the former Somaliland President, drawing attention to the highly controversial issue of Israel promoting secession in Somalia despite the ongoing genocide in Palestine, is likely to place further pressure on President Abdullahi, who is believed to have dealt the Somaliland administration a setback by forming relations with a state accused of genocide. © Puntland Post, 2026
-
Wargeyska dalka Ethiopia ka soo baxa ee The Report ayaa xog dheeraad ah ka bixiyey safarkii maalintii shalay uu madaxweynaha dalka Turkiga Rejeb Dayyib Erdogan uu ku tegay magaalada Addis ababa ee caasimadda Ethiopia kaas oo la xidhiidhay hawlaha gobolka ka socda gaar ahaanna aqoonsiga Somaliland. Warbixinta waxa lagu sheegay in Turkigu uu dedaal ugu jiro sidii loo fashilin lahaa aqoonsiga Somaliland isaga oo culays saaray dalalka uu u arko in ay la jiraan dhinaca Somaliland. Ethiopia oo si weyn u raadinaysa marin badeed, waxa ay diidday in ay si cad uga soo hor jeesato aqoonsiga Somaliland, waxana warbixinta ku xusan in Addis ababa ciyaarayso laba arrimood oo noqonaya. In ay ilaashato Somaliland maaddama oo ay haysto heshiiskii is fahan ee Somaliland kaas oo ilaa hadda aanay si rasmi ah uga laaban. In ay haysto dhinacayda taageersan midnimada Soomaaliya sida Turkiga oo ay u muujiso in ay doonayso sidii marin badeed loola raadin lahaa. Erdogan oo dhowaan ku hungoobay safar uu ku tegi lahaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale fara madhan kala laabtay dalka Ethiopia isaga oo Abiy Axmed ku qancin kari waayey in uu si toos ah uga hor yimaaddo aqoonsiga Somaliland. Source
-
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta kormeer ku tagay wasaaradda qorshaynta, horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga Caalamiga. Madaxweyne ku-xigeenka wuxuu kulan la qaatay ku-simaha wasiirka ahna wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maxamed Xasan Ibraahim oo uu weheliyo agaasimaha guud Cabdulqaadir Cabdidaahir Faarax. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa kala hadlay dardargelinta howlaha shaqo wasaaradda iyo xoojinta qorshayaasha horumarinta, sida lagu sheegay qoraal ka baxay madaxtooyada Puntland. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa 15-kii bishan soo saaray warqad u muuqatay mid xilka looga qaaday wasiirkii wasaaraddaas Daa’uud Maxamed Cumar (Bisle), isagoo ku eedeeyay xadgudub maamul, mas’uuliyad darro iyo ku tagri-fal awoodeed. Warqada waxaa lagu xusay in uu shaqada wasaaradda sii wadi doono wasiir ku-xigeenka inta laga soo magacaabo wasiir cusub. Sidoo kale xafiiska hanti-dhowrka guud ee Puntland ayaa la faray in uu wasiir Daa’uud Bisle ka wareejiyo hantida iyo gaadiidka ay wasaaraddu leedahay. PUNTLAND POST
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in horumar wanaagsan laga sameeyay wadahadallo aan tooska ahayn ee ku saabsan nukliyeerka ee u dhaxeeya Iran iyo Mareykanka, xili ay Washington ka digtay in tallaabo milatari ay weli tahay ikhtiyaar kale oo miiska saaran haddii diblomaasiyadda ay fashilanto. “Ugu dambeyntii, waxaan awoodnay inaan gaadhno heshiis ballaadgan oo ku saabsan mabaadi’da hagitaanka, kaas oo ku saleysan inaan horay u soconno oo aan ka shaqeyno qoraalka heshiis suurtagal ah,” ayuu Araghchi u sheegay telefishanka dawladda ka dib wadahadallada. “Horumar wanaagsan” ayaa la sameeyay, marka la barbar dhigo wareeggii hore ee Cumaan horraantii bishan, ayuu yidhi, isagoo raaciyay, “Hadda waxaan haysannaa waddo cad oo na hortaala, taas oo aan u maleynayo inay wanaagsan tahay.” Dhinaca Washington, Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sidoo kale u muuqday inuu tilmaamayo in waddankiisu uu doorbidayo in wax lagu xaliyo diblomaasiyadda, laakiin waxa uu sidoo kale bixiyey tilmaamo kale. Wadahadallada, oo ay dhexdhexaadinayso Cumaan, ayaa Talaadadii shalay lagu qabtay magaalada Geneva ee wadanka Switzerland iyadoo ay sii kordheen xiisadda colaad dhexmarta labada dhinac maraykanka iyo Iran. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay cafis guud oo loo fidinayo dhallinyarada ka tirsan kooxda al-Shabaab ee doonaya inay ka tanaasulaan fikirka xagjirnimada. Madaxweynaha ayaa sheegay in go’aankan uu qaatay bishan barakaysan awgeed, isagoo fursad u siinaya dhallinyarada Soomaaliyeed inay dib ugu soo laabtaan dalkooda iyo dadkooda si ay nabad ugu noolaadaan. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dhexda kooxdaas inay ka faa’iidaystaan cafiska, isdhiibaan, oo ay dib ula midoobaan bulshadooda iyo qoysaskooda. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha dawladda ee lagu dhiirrigelinayo dib-u-heshiisiinta iyo sidii loo wiiqi lahaa awoodda kooxda iyadoo la adeegsanayo cafis iyo wadahadal. Source: goobjoog.com
-
Abaaruhu waa masiibo dabiici ah oo muddo dheer la xiriirtay nolosha dadka Soomaaliyeed, balse sannadihii u danbeeyay waxay u muuqdeen kuwo noqday joogto, halkii ay ahaan lahaayeen dhacdooyin mararka qaarkood dhaca. Roobabkii oo baaqda ama dibdhaca, dhulkii oo sii qalala, xoolihii oo dabargo’a, iyo malaayiin qof oo wajahaya cunto yari iyo barakac ayaa noqday sawir ku soo noqnoqday ummadda Soomaaliyeed. Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxay abaaruhu u noqdeen wax caadi ah oo ku soo laalaabta Soomaaliya? Jawaabta su’aashan kuma koobna hal sabab oo kaliya, balse waa iskudhafka sababo badan oo isbiirsaday, sida: cimilada, qaabka oogo ee dhulka ama juqraafiga, dhaqaalaha, maamulka dawladnimo iyo arrimo bulsho oo ku xeeran. Soomaaliya iyo Degaanka Qallalan Soomaaliya waxay ku taallaa gobol ka mid ah dunida oo asal ahaan qallalan ama u nugul abaarta, gaar ahaan Geeska Afrika. Inta badan dhulka dalka waa “arid” iyo “semi-arid”, taasoo ka dhigan in roobku yahay mid xaddidan, ku yimaada xilliyo kooban, isla markaasna aad ugu nugul isbeddel kasta oo cimilo. Xilli-roobaadyada guga iyo deyrta ayaa lafdhabar u ah nolosha dadka ku tiirsan beeraha iyo xoolaha. Marka midkood baaqdo, saamayntu waa mid degdeg ah oo baahsan. Haddii labada xilli ay iskumar ama si isku xigta u baaqdaan, abaartu waxay isu beddeshaa musiibo qaran. Isbeddelka Cimilada iyo Roobabka oo Yaraada Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee abaaraha soo noqnoqda waa isbeddelka cimilada ee caalamiga ah. Heerkulka adduunka oo kor u kacaya, badaha oo kululaanaya, iyo isbeddelka ku yimaada wareegga hawada ayaa si toos ah u saameeya roobabka ka da’a Soomaaliya. Cilmibaarisyo badan ayaa muujinaya in roobabkii Geeska Afrika ay noqdeen kuwo aan la saadaalin karin: mar way da’aan si xaddhaaf ah, marna gebi ahaanba way baaqdaan. Dhacdada La Niña, oo si joogto ah u soo noqnoqotay sannadihii u danbeeyay, ayaa door weyn ka qaadatay yaraanta roobabka. Tani waxay keentay in dhawr xilli-roobaad oo iskuxiga ay baaqdaan, taasoo adkaynaysa fursad ay dadku dib ugu soo kabtaan. Sidaas darteed, abaartu ma aha mid hal mar wax burburisa, balse waa mid wiiqda awoodda bulshooyinka ay ugu adkaysan karaan musiibooyinka danbe. Abaarta iyo Habnololeedka ku Tiirsan Dhaqashada Xoolaha Dadka Soomaaliyeed intooda badan, gaar ahaan reermiyiga, waxay noloshooda ku tiirsan tahay xooladhaqashada. Xooluhu waa hanti, cunto, dhaqaale iyo astaan bulsho. Marka abaartu timaaddo, saamaynta ugu horraysa waxay ku dhacdaa daaqa iyo biyaha. Xoolaha ayaa nuglaada, cudurro ayaa ku dhaca, ugu danbayntiina tarabtarab bay ugu le’daan saamaynta abaaraha. Marka xooluhu le’daan, khasaare dhaqaale oo kaliya ma aha, balse waa burbur nololeed oo dhammaystiran. Xaaladdan ayaa sababta in qoysas badan ay ka guuraan degaannadoodii, una barakacaan magaalooyinka ama xeryaha barakacayaasha (IDP Camps). Barakacaasi wuxuu abuuraa dhibaatooyin kale oo bulsheed, sida shaqa-la’aan, cunta-yari, iyo culays ku yimaadda adeegyada aasaasiga ah ee magaalooyinka. Beeraha iyo Bedqabka Cuntada Abaartu waxay si toos ah u wiiqdaa bedqabka cuntada (food security). Beeraha Soomaalida oo inta badan ku tiirsan waraabka biyaha roobka, si gaar ah kuwa ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa si gaar ah ugu nugul saamaynta abaaraha soo noqnoqda. Marka roobku yaraado ama baaqdo, waxsoosaarka dalagyada sida galleyda iyo masagada ayaa hoos u dhaca. Tani waxay keentaa cuntayari, qiimakoror, iyo in qoysas badan aysan awoodin inay helaan cunto ku filan. Saamayntan ayaa sii adkaata maadaama Soomaaliya ay ku tiirsan tahay cunnooyin dibedda laga keeno. Marka abaartu timaaddo, awoodda waxsoosaarka gudaha ayaa hoos u dhacda, halka qiimaha cuntada dibedda laga keeno uu kordho, taasoo sii xumaysa xaaladda dadka nugul. Doorka Maamulxumada iyo La’aanta Kaabayaasha Inkasta oo cimiladu door weyn ka ciyaarto, haddana maamulxumo iyo kaabayaasha oo liita ayaa sii adkeeya dhibaatada. Soomaaliya muddo dheer ma lahayn nidaam xooggan oo maareeya biyaha, keydiya biyaha roobka, ama ka-hortagga abaaraha. Webiyo badan oo dalka mara sida Shabeelle iyo Jubba ayaa inta badan daadad sameeya ama engega, halkii loo maamuli lahaa si joogto ah oo faa’iido leh. Maahmaah Soomaaliyeed oo arrintaas tilmaamaysa ayaa tiraahda: “aqoolxumo abaar ka daran.” Sidoo kale, la’aanta qorshe qaran oo waara oo lagula tacaalo isbeddelka cimilada ayaa ka dhigaysa in jawaabta abaartu noqoto mid ku kooban gargaar degdeg ah, halkii ay ahaan lahayd mid ka-hortag iyo u diyaargarow ku salaysan. Abaarta oo Noqotay Xaalad Bulsho oo “Caadi ah” Sababta abaaruhu u noqdeen wax “caadi ah” ma aha in dhibaatadu yaraatay, balse waa in ay soo noqnoqotay ilaa ay dadku la qabsadeen. Markii bulshadu mar walba la kulanto abaar, gaajo iyo barakac, dareenka dhiifoonida ayaa hoos u dhaca, warbaahintuna mararka qaar dan kama muujiso sida hore. Tani waa khatar kale oo weyn, maadaama ay yaraynayso feejignaanta iyo dadaalka lagu raadinayo xal waara. Maxaa la Samayn Karaa? Si loo joojiyo in abaartu noqoto xaalad joogto ah, waxaa loo baahan yahay isbeddel ballaaran. Maarayn hufan oo kaydinta biyaha ah, sida dhisidda ceelal, balliyo iyo keyd roobeed, iyo horumarinta beeraha u adkaysan kara abaaraha ayaa muhiim ah. Sidoo kale, xog-ururin iyo digniino hore (early warning systems) oo ku salaysan tegnolojiyada casriga ah ayaa gacan ka geysan kara yaraynta khasaaraha. Dhanka kale, wacyigelin bulsho, taageero nolol-abuur leh, iyo xoojinta doorka dawladda iyo hay’adaha maxalliga ah ayaa lagamamaarmaan u ah xal waara. Gunaanad Abaaraha soo noqnoqda ee Soomaaliya ma aha kuwo mar kasta kedis ah, balse waa natiijo ka dhalatay isbeddelka cimilada, degaanka oo la xaalufiyay, in xoolaheenna iyo beeraheennu ku tiirsan yihiin roobabka, iyo maamulxumo muddo dheer jirtay. In abaartu noqoto wax “caadi ah” waa halis kale oo muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo isbeddel dhab ah. Haddii aan laga gudbin hannaanka ka-falcelinta ku dhisan, lana gaarin qorshe waara oo ka-hortag ku salaysan, abaartu waxay sii ahaan doontaa caqabad weyn oo ku hor gudban horumarka nololeed iyo xasilloonida dhaqandhaqaale ee bulshada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Magaalooyin ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya, sida Gaalkacyo iyo Guriceel, ayaan maanta laga soomin bisha Ramadan, kaddib markii aan halkaas laga xaqiijin aragtida bisha cusub. Maamullada deegaanka iyo culimada diinta ee magaalooyinkan ayaa sheegay in aan la helin marag sugan oo muujinaya in bisha Ramadan la arkay, sidaas darteedna la go’aamiyay in la dhammaystiro 30-ka maalmood ee bisha Shacbaan. Dadweynaha ku nool deegaannadan ayaa lagu wargeliyay in soomidda ay si rasmi ah u bilaaban doonto maalinta berri ah. Inkasta oo ay jireen dad kooban oo raacay ku dhawaaqii laga soo saaray meelo kale oo dalka ah, haddana inta badan shacabka Gaalkacyo iyo Guriceel maanta way furnaayeen, waxaana si caadi ah u furnaa maqaayadaha iyo goobaha ganacsiga. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa xalay kulan wadatashi ah la yeeshay Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo kala ah Ahmed Mohamed Islaam iyo Said Abdullahi Deni. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo sidii si wadajir ah loogu wajihi lahaa arrimaha mudnaanta u leh dowlad-dhiska, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya. Hoggaamiyeyaasha ayaa ka wada hadlay baahida loo qabo xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada, si loo dardargeliyo dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, loona adkeeyo wada shaqeynta dhinacyada amniga. Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay caqabadaha amni ee ka jira qaybo ka mid ah dalka, iyadoo la isla gartay in loo baahan yahay qorshe mideysan oo lagu wajahayo khataraha argagixisada iyo qalalaasaha, si loo xaqiijiyo badqabka shacabka iyo sugidda xasilloonida guud. Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay la-shaqeynta Dowlad-Goboleedyada, isla markaana ay muhiim tahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Madaxweynaha Ahmed Mohamed Islaam iyo Madaxweynaha Said Abdullahi Deni ayaa dhankooda muujiyay diyaar garowgooda ku aaddan in ay door muuqda ka qaataan dadaallada lagu xoojinayo dowlad-nimada iyo amniga dalka. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa qoraal.uu ku faafiyay baraha bulshada waxa uu hambalyo u diray bulshada reer Somaliland waxana qoraalka madaxweynahu uu u dhignaa sidan hoos ku xusan. Shacabkayga qiimaha leh ee Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibaddaba, waxa aan dhammaantiin idinku hambalyeynayaa Curashada Bisha Barakaysan ee Soon -Ramadaan 1447 Hijriya / 2026. Waa bil fadli iyo naxariis huwan oo uu Allah SWT innoo hibeeyey, si aynu ugu xoojinno cibaadadada, toosin naf iyo qalbi lehna u sameynno, una raadsanno dembi-dhaaf iyo ajar labanlaab ah. Bishani waa xilli aynu xoojinno Alle ka cabsiga, samafalka, is-cafis-ka iyo isu damqashada dhexeeenna ah; waa wakhti aynu sare ugu qaadno qiyamka walaaltinimo, wadajirka iyo isku duubnida bulshadeenna. Shacabkayga sharafta leh, Waxa aan idinku boorrinayaa in aynu bishan barakaysan ku muujinno isku-tashi iyo is-kaalmayn dhab ah; in aynu garab istaagno dadka danyarta ah, qoysaska nugul, iyo muwaadiniinta ay saameeyeen duruufaha nololeed, gaar ahaan abaaruhu. Taageeridda iyo taakuleynta walaalaheen waa waajib diini ah iyo mid qaranba ah. Ramadaan waa bil aynu ku adkeynno midnimadeenna, ku xoojino nabaddeenna, kuna kobcinno akhlaaqda iyo qiyamka suubban ee diinteennu ina farayso. Waa fursad aynu ku dhisno bulsho isku duuban oo ku tallaabsata horumar’, barwaaqo iyo wada-noolaansho. Ugu dambayn, waxa aan Alle SWT ka baryayaa in uu innaga aqbalo Soonka, Salaadda iyo camalka khayrka ah; kana yeelo bishan mid nabad, barako iyo bash-bash ku waabariisata dalkeenna iyo dadkeenna. Soon wanaagsan. Qaran News
-
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta safar ugu baxay magalaada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Madaxweyne Cirro ayaa xadhiga ka jari doona mashaariic ay ka mid yihiin ballaadhin korontada Berbera oo ah mashruuc muhiim ah oo Baanka Adduunku maalgeliyay iyo dhisme cusub oo loo dhisay dawladda hoose ee Berbera. Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa magacaabey maamulka Wakaaladda Biyaha ee caasimadda Hargeysa . Sida oo kale Madaxweynaha ayaa magacaabey Madaxa Unugga Xidhiidhinta, dardargelinta Mudnaanta iyo Waxqabadka Hay’adaha Xukuumadda oo lagu aasaasay Xeer Madaxweyne. Qaran News
-
DAR ES SALAAM, TANZANIA – War hadda naga soo gaaray magaalada Dar es Salaam ayaa sheegaya in Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), Danjire Ilyaas Cali Xasan, uu maanta ku wareejiyay go’aankii rasmiga ahaa ee dowladda Soomaaliya loogu oggolaaday daabacaadda baasaboorka EAC iyo naqshaddiisa farsamo Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane General Abdulahi Sheikh Ismail “Fartaag” iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Mudane Mustafa Sheekh Axmed Dhuxulow. Tallaabadan muhiimka ah ayaa dabo-socota heshiisyo ay shalay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania, waxayna oggolaanaysaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u billaawdo daabacaadda baasaboorka EAC laga bilaabo bishii December 2026. Arrintan ayaa dowladda Soomaaliya u ah guul diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, taas oo horseedi doonta is-dhexgal ballaaran oo dhexmara waddamada gobolka iyo fududeynta isu-socodka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhex safra dalalka ururka Bariga Afrika. Guushan ayaa sidoo kale xoojinaysa kalsoonida lagu qabo dukumiintiyada socdaalka Soomaaliya, iyadoo naqshadda cusub ee baasaboorka ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay si buuxda ugu biirtay nidaamka socdaalka ee casriga ah ee ka shaqeeya gobolka Bariga Afrika. Source: goobjoog.com
-
MUQDISHO – Wararka naga soo gaaraya dhismaha Hotel Decale ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow uu halkaas ka furmay kulan ballaaran oo qado-sharaf ah, kaas oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ugu sameeyay xubnaha sare ee Golaha Mustaqbalka. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa yimid kadib markii ay siyaasiyiinta Goluhu gaareen hotelka, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyay. Inkasta oo kulanku u muuqdo mid maamuus iyo qado ah, haddana xogta hoose ayaa xaqiijinaysa inay socdaan wada-hadallo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo isbeddellada dastuurka ee xilligan taagan. Kulankan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim u ah isku soo dhowaanshaha dowladda iyo mucaaradka, iyadoo weli aysan dhicin wax kulamo tan iyo markii ay Muqdisho soo gaareen golaha Mustaqbalka. Source: goobjoog.com
-
Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, saraakiil Turki ah iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaaray deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo dib dejin loogu sameeyey qoysaskii ay guryahoodii dumiyeen kooxda Al-shabaab intii uu socday dagaal ciidamada dawladda iyo kooxdaas dhowaan deegaanka ku dhex maray. Sida ay masuuliyiintu sheegeen Dawladda ayaa markii ay Kooxdu ka saartay deegaanadaas waxay shacabka u balan qaaday in dib loogu dhisi doono guryihii ay Al-Shabaab ka burburiyeen, si looga shaqeeyo dib u soo kabashada bulshada. Dadka deegaanka ayaa lagu wareejiyay guryo cusub oo loo dhisay, kadib guryahoodii ay burburiyeen kooxdii Al-Shabaab deegaannadaas laga saaray. Sidoo kale, waxaa la gaarsiiyay raashin iyo adeegyo gargaar oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah ee ku nool deegaannadaas, si loo xoojiyo nolol maalmeedka bulshada, loona dardargeliyo dib u dhiska deegaannada xorta ah. Source: goobjoog.com
-
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Urdun, Imaaraadka, Qatar, Indonesia, Pakistan, Masar iyo Turkiga ayaa si adag u cambaareeyay go’aan ay gaartay Israa’iil oo lagu doonayo in qaybo ka mid ah Daanta Galbeed si rasmi ah loogu aqoonsado “dhul Israa’iil ah”. Dalalkan ayaa sheegay in tallaabadan oo oggolaanaysa in markii ugu horreysay tan iyo 1967 si sharci ah loo diiwaangeliyo lahaanshaha dhulka ku yaalla Daanta Galbeed ay si cad u jebinayso sharciga caalamiga ah, isla markaana ay halis gelinayso dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu gaaro xalka laba dowladood ee u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israa’iil. Wasiirradu waxay ku adkeeyeen bayaan wadajir ah in wax kasta oo beddelaya xaaladda sharci iyo siyaasadeed ee dhulka la haysto ay yihiin kuwo sharci-darro ah, isla markaana ay sii hurinayaan colaadda, khalkhal gelinayana rajadii laga qabay nabad waarta oo ka hirgasha Bariga Dhexe. Sidoo kale, waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo quwadaha waaweyn, in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu joojinayo go’aankan ay Israa’iil qaadday, isla markaana lagu ilaaliyo xuquuqda shacabka Falastiin iyo heshiisyadii caalamiga ahaa ee horey loo gaaray. Dalalkan ayaa mar kale ku celiyay taageeradooda buuxda ee dhismaha dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, caasimaddeeduna tahay Qudus Barigeeda, taas oo deris nabadeed kula noolaan karta Israa’iil. Go’aankan ay Israa’iil ku doonayso ballaarinta iyo sharciyeynta lahaanshaha dhulka la haysto ayaa lagu tilmaamay mid sii fogeynaya rajo kasta oo laga qabay xal siyaasadeed oo waara, isla markaana khatar ku ah xasilloonida guud ee gobolka. Source: goobjoog.com
