Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Bayern Munich and Liverpool won the blockbuster matchups in the Champions League on Tuesday. Micky van de Ven might have already scored the competition’s goal of the season. Source: Hiiraan Online
  2. The Palestinian group Hamas handed over the remains of another Israeli hostage to the International Committee of the Red Cross (ICRC) late Tuesday under its ceasefire agreement with Israel. Source: Hiiraan Online
  3. Kenya has launched an aggressive campaign to expand its footprint in the high-value UK and European tourism markets through its participation at the World Travel Market (WTM) in London. Source: Hiiraan Online
  4. Zohran Mamdani ayaa ku guuleystay tartanka lagu hoggaaminayo magaalada ugu weyn Mareykanka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP, Zohran ayaa noqonaya muslimkii ugu horeeyay ee Maayir ka noqda Magaalada ay ku noolyihiin 8.4 milyan oo qof, taasoo ah xarun dhaqaale iyo dhaqan oo leh magac iyo miisaan caalami ah. Geesta kalena Haweenayda Ghazala Hashmi, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa loo doortay Gudoomiye ku-xigeenka gobolka Virginia, waxay noqonaysaa haweeneydii ugu horeysay ee Muslim ah ee loo doorto xil heer-gobol ah gudaha Maraykanka. Source
  5. Madaxweyne ku xigeenkii ugu awoodda badnaa dhammaanba Madaxweyne ku xigeennadii soo maray taariikhda Maraykanka Dick Cheney ayaa ku geeriday carriga Maraykanka isaga oo jira da’da 84 sano. Waxa uu Maraykanka Madaxweyne ku xigeen ka soo ahaa intii u dhaxaysay 2001-dii ilaa 2009-kii wakhtigaas oo ahayd xilligii madaxweynaha uu ahaa George W. Bush waana wakhtigii ay dhaceen duullaanadii uu Maraykanku ku qaaday waddamadii Ciraaq iyo Afghanistan. Dick Cheney waxa uu ka mid ahaa dadkii Bush ku qanciyey duullaankii Ciraaq ee 2003-dii isaga oo ku dooday in uu Saddaam ka dambeeyey qarxayadii 11 September. Qoyskiisu waxa ay sheegeen in uu u dhintay xanuun dhanka wadnaha ah isaga oo Wadnaha laga beddelay sannadkii 2012-kii. Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad culus ayaa ka dhalatay xilka qaadis lagu sameeyay taliyihii saldhigga booliska Dayniile, Axmed Yalaxow, kaas oo lagu bedday Gaashaanle Dhexe Liibaan Shidane oo horay usoo noqday taliyaha saldhigga Dharkenley. Xildhibaan Faa’isa Maxamed Jayte oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay isbeddalka lagu sameeyay taliska saldhigga booliska degmada Dayniile, waxayna ku eedeysay inuu ka dambeeyo taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi. Faa’isa ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka loo soo magcaabay taliyaha cusub uu yahay in lagu boobo dhulka dadka shacabka ah, uuna fuliyo amarrada la siinayo, sida ay hadalka u dhigtay. “Haddii magafe Macallin Mahdi uu sida dhaxal u heysan karo kursiga Taliyaha Gobalka Banaadir Taliyaha saldhiga Dayniilana xilka uga qaado dadka rayidka ah aan boobo ee ogolow waa la arkaa” ayaa qoraalkeeda ku tiri Fa’iiso Maxamed Jayte. Dhankiisa, Yaasiin Fiidshe oo kamid ah dhalinyarada deegaanka ayaa si adag uga falceliyay magacaabista taliyaha cusub, wuxuuna tilmaamay inuu yahay nin horay uga qayb qaatay barakicintii lagu sameeyay shacabkii ku dhaqnaa xaafadda Siinaay ee magaalada Muqdisho. “Taliyaha saldhigga Degmada Dayniile ayaa loo magacaabay G.dhexe Liibaan Shidane waa sarkaal Siinaay burburintiisa ka qey-qaatay jirdilna u geystay dad shacab ahaa” ayuu isna yiri Yaasiin Fiidshe. Dayniile ayaa waxaa indhowaanahan ka taagneyd xiisad culus oo ka dhalatay dhul ku yaalla degmadaasi oo ay dowladdu amartay in laga guuro, balse shacabka ay ka biyo diideen, waxayna sameeyeen dibadbaxayo sababay inay isku dhacaan iyaga iyo ciidanka amniga. Tani ayaa sidoo kale keentay in mucaaradku ay ka dhigtaan Dayniile, Tarabuunka iyo Siinaay in ay noqdaan meelihii ay qorsheeyeen inay ku qabtaan dibadbaxyadooda, balse aysan suuragelin, sababo la xiriira ammaanka iyo diidmo ka timid dhinaca Villa Soomaaliya. The post Xiisad culus oo ka dhalatay xilka qaadistii taliyaha saldhigga Dayniile appeared first on Caasimada Online.
  7. Su’aashan ayaa si xoog leh uga dhex yeertay hool ku yaalla Muqdisho, iyadoo suxufiyiin, diblomaasiyiin, iyo u doodayaal xuquuqda aadanaha ay isugu yimaadeen aqoon-is-weydaarsi hal maalin ah oo cinwaankiisu ahaa “Badbaadada Dijitaalka iyo Caddaaladda Jinsiga: Soo Afjaridda Ciqaabla’aanta Dembiyada ka Dhanka ah Suxufiyiinta.” Aqoon-is-weydaarsigan waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SOMWA), iyadoo taageero ka heshay UNESCO, waxaana lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee lagu Soo Afjarayo Ciqaabla’aanta Dambiyada ka Dhanka ah Suxufiyiinta, iyadoo lagu baaqay in la xoojiyo ilaalinta haweenka saxaafadda ee wajaha hanjabaado sii kordhaya — ha ahaadeen kuwo dijitaal ah ama jireed. Furitaanka shirka, Agaasimaha Fulinta ee SOMWA, Maryan Seylac, ayaa kulanka ku furtay farriin xoog leh: “Weerarka lagu qaado suxufiyiintu waa weerar lagu qaaday runta, isla xisaabtanka, iyo xaqa shacabka u leeyahay inay ogaadaan xaqiiqda.” Seylac waxay xustay xaaladda adag ee haweenka suxufiyiinta Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in warbixintii ugu dambeysay ee SOMWA ay diiwaangelisay koror aad u weyn oo ku yimid aflagaadada iyo hanjabaadaha onlaynka ah ee lagu beegsado haweenka warfidiyeennada ah. “Weeraradani waxa loogu talagalay in lagu aamusiiyo laguna tirtiro codadka haweenka ee goobaha bulshada,” ayay tiri, iyadoo ku dardaarantay in marka haweenka saxafiyiinta la aamusiiyo, dimuqraadiyaduna ay dhaawacanto. SOMWA waxay soo bandhigtay natiijooyin muujinaya in rabshadaha dijitaalka ah ee lagu hayo haweenka suxufiyiinta Soomaaliyeed ay yihiin kuwo baahsan, shakhsiyan ujeeddo leh – hanjabaado, aflagaado, iyo weerarro jinsiyeed oo inta badan lagu beegsado aqoonsigooda halkii laga beegsan lahaa shaqadooda. Sida laga soo xigtay UNESCO, in ka badan 73% haweenka suxufiyiinta adduunka ayaa la kulmay hanjabaado onlayn ah, kuwaas oo mararka qaar isu beddela weerarro jireed. Warbixinta SOMWA ee 2025 waxay muujisay in hal ka mid ah saddex haween saxafi Soomaaliyeed ay la kulmaan aflagaado dijitaal ah sanad walba — inta badan iyadoo loo marayo ololeyaal been abuur ah oo lagu dhaawacayo sumcaddooda shaqsiyeed. Seylac waxay ku baaqday iskaashi u dhexeeya dowladda, bulshada rayidka, iyo shirkadaha tiknoolajiyada si loo sugo meelaha dijitaalka ah: “Isla qalabka lagu faafiyo nacaybka ayaa noqon kara kuwa lagu mideeyo, lagu difaaco, laguna xoojiyo. Waa inaan tiknoolajiyada u adeegsannaa caddaalad iyo isgarabtag.” Farriinteeda waxa ku raacay Mr. Sam Thomas, Ku-xigeenka Safiirka Safaaradda Britain ee Muqdisho, kaas oo ammaanay SOMWA hoggaankeeda iyo dadaalkeeda. “Caddaalad dib u dhacday waa caddaalad la diiday, waana in la soo afjara ciqaabla’aanta,” ayuu yiri. Wuxuu xaqiijiyay in Dowladda UK ay sii wadi doonto taageerada xorriyadda saxaafadda iyo difaaca suxufiyiinta, iyadoo maalgelinaysa tababaro, wacyigelin iyo iskaashi. Wuxuu xusay suxufiyiin Soomaaliyeed oo la dilay, sida Amun Cabdullaahi, oo sanadkii hore lagu dilay sababo la xiriira warbixinteeda. “Magacyadooda iyo sheekooyinkooda waa in aan la illaawin,” ayuu yiri. Thomas wuxuu sidoo kale tilmaamay caqabadaha jira – laga bilaabo sharciyada xaddidan ilaa dhaqamada bulshada ee keenaya takoorka. “Haweenka saxafiyiintu waxay wajahan culays labajibbaaran: hanjabaad sababta shaqadooda iyo rabshado jinsiyeed sababta ay haween u yihiin,” ayuu yiri. Wakiilka UNESCO, Misako Ito, ayaa sheegtay in tan iyo 2006, in ka badan 1,800 suxufi lagu dilay caalamka, iyadoo 90% kiisaskaas aan weli la xallin. Waxay xustay in Soomaaliya weli tahay mid ka mid ah dalalka ugu khatarsan ee suxufiyiinta. Wakiilka OHCHR, Kirsten Young, ayaa tiri: “Marka suxufiyiinta la aamusiiyo, xadgudubyada xuquuqda aadanaha waa la qariyaa.” Waxay xustay in xiritaanka 75% xarumaha hal-meel ah ee taageera dhibbanayaasha rabshadaha jinsiyeed ay yareeyeen helitaanka caddaaladda iyo macluumaadka. Wakiilka UN Women, Rukaya Mohamed, ayaa sheegtay in dijitaalka uu yahay “seef laba af leh.” “Xorriyadda hadalka waa arrin xuquuqda haweenka ah,” ayay tiri. “Haweenka suxufiyiinta Soomaaliyeed waxay dib u qeexayaan hoggaanka, awoodda iyo sheekada bulshada.” Waxay ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga dowladda, shirkadaha tiknoolajiyada, iyo bulshada rayidka si loo ciqaabo xadgudubyada onlaynka, loona kordhiyo wacyigelinta dijitaalka ee haweenka iyo gabdhaha. “Aan ka dhigno tiknoolajiyada mid awood siineysa haweenka saxafiyiinta — waa inaanan mar dambe la aamusiin loona hanjabin,” ayay tiri. Soomaaliya weli waxay dib u dhiseysaa nidaamkeeda sharci iyo siyaasadeed. Xeerarka hadda jira sida Xeerka Ciqaabta ee 1962 iyo Xeerka Warbaahinta ee 2016 kama hadlaan dembiyada dijitaalka ama jinsiga ku saleysan. Si kastaba ha ahaatee, Xeerka Ilaalinta Xogta (Data Protection Act 2023) waa tallaabo wanaagsan oo mamnuucaya isticmaalka xun ee xogta shaqsiga. Khubaradu waxay ku taliyeen: in lagu daro qodobo sharciyeed oo si gaar ah u xusaya rabshadaha dijitaalka ah ee jinsiga ku saleysan, in la xoojiyo awoodda garsoorka iyo booliska ee kiisaskan noocan ah, iyo in la hubiyo in xeerka ilaalinta xogta lagu dabaqo si jinsiyad-u-janjeera leh. Haweenka suxufiyiinta marka ay la kulmaan hanjabaado onlayn ah, helitaanka caddaaladdu aad buu u kooban yahay. Waxaa la soo jeediyay in la dhiso unugyo gaar ah oo baaraya dambiyada dijitaalka ah, oo ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda iyo Booliska, islamarkaana la tababaro garsoorayaasha iyo dacwad-oogayaasha si ay u maareeyaan caddaymaha dijitaalka ah. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdullaahi Xayir, ayaa sheegay in Soomaaliya mudnaanta siineyso xorriyadda saxaafadda iyo badbaadada suxufiyiinta. Wuxuu xusay in wasaaraddu diyaarisay hindise siyaasadeed oo lagu maareynayo isticmaalka baraha bulshada, kaas oo dhawaan la horgeyn doono Golaha Wasiirrada. Markii shirka la soo xirayay, Maryan Seylac waxay tiri: “Haweenka suxufiyiinta ma aha dhibanayaal la ilaalinayo – waa hoggaamiyeyaal mudan in la taageero. Waa sheekeyaal dhisaya mustaqbalka Soomaaliya.” Ereyadeedu waxay xambaarsanaayeen ruux adkeysi iyo rajo. Ilaalinta haweenka suxufiyiinta Soomaaliyeed waa waajib akhlaaqeed iyo shuruud dimuqraadi ah. Waxay ku soo gunaanadeen ereyadii saxafiga Kenyan-ka ah Salome Sakwe: “Aamusinta hal haweeney saxafi ah waxay la mid tahay aamusinta kumannaan haween ah.” Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnihii mucaaradka ee dhawaan heshiiska la gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed guud oo ay uga hadleen doorashooyinka iyo xaaladaha ku geedaaman. Xubnahan oo ka baxay Madasha Samatabixinta ayaa ku dhawaaqay Isbaheysiga Dimuqraadiga Soomaaliyeed oo ay ku mideysanyihiin Cumar Cabdirashiid, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Mursal, Daahir Maxamuud Geelle iyo siyaasiyiin kale ayaa ku taliyey in bil kale dib loo dhigo qabashadda doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir. Siyaasiyiintan oo qayb ka ah ololaha doorashooyinka ayaa soo jeediyay in doorashada gobolka Banaadir ee qof iyo codka ah la qabto 30-ka December 2025, si ay waqti u helaan ururrada siyaasadda ee is-diiwaangeliyay. “Kadib shirkiisii joogtada ahaa ee Isbaheysiga Dimuqraadiga Soomaaliyeed (SDA) waxaa lagu taliyay in doorashada gobolka Banaadir la qabto 30-ka December 2025” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay u baahan yihiin waqti ku filan oo ay ku diyaariyaan liiska musharrixiinta uga qayb-galaya tartamada ka dhacaya degmooyinka gobolka Banaadir, si ay ugu diyaargaroobaan doorashooyinkaas oo ah kuwo adag. Guddiga doorashada ayay sidoo kale ugu baaqeen inuu soo saaro jadwal rasmi ah oo qeexaya ololaha iyo kaar qaadashada taageerayaasha xisbiyada ka qayb-galaya tartanka. Dhinaca kale, waxa ay ka hadleen is hortaagga lagu sameeyay urruraddooda, si ay u gaaraan xarumaha maamul-goboleedyada, iyaga oo guddiga ugu baaqay inuu jawaab deg-deg ah ka bixiyo arrintaasi, si wax looga qabto maamullada haatan hortaagn xisbiyada. “Isbaheysiga Dimuqraadiga Soomaaliyeed (SDA) wuxuu sidoo kale usoo jeediyay Guddiga Doorashooyinka Qaranku in uu jawaab ka bixiyo is hor-istaagga ay sameeyeen maamul goboleedyada qaarkood iyaga oo u diiday in ururrada siyaasaddu ka howl-gelaan, kana furaan xafiisyada xisbiyadooda degmooyinka ay maamulaan” ayaa mar kale lagu yiri. Ugu dambeyn Isbaheysiga Dimuqraadiga Soomaaliyeed oo ay ku mideysanyihiin 23 urur ayaa farriin u diray shacabka gobolka Banaadir iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqeen inay diyaargaroobaan kana qaybgalaan doorashooyinka bilaabanaya. The post Mucaaradkii la heshiiyay Xasan oo soo saaray dalab la xiriira doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
  9. Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay qaraar cusub oo ay u gudbisay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu doonayo in lagu qaado cunaqabatayntii saarneyd Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharaa, kaas oo lagu wado inuu toddobaadkan booqdo Aqalka Cad si uu ula kulmo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump. Qaraarkan oo ay heshay wakaaladda Reuters, ayaa sidoo kale ku talinaya in laga qaado cunaqabataynta Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Suuriya, Anas Khattab. Inkasta oo aan la cayimin goorta la coddeyn doono, haddana si uu u dhaqan galo qaraarkani wuxuu u baahan yahay ugu yaraan sagaal cod oo oggolaansho ah iyo in aysan diidin midkoodna dalalka leh xuquuqda diidmada qayaxan (veto) ee kala ah Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Faransiiska iyo Britain. Maraykanka ayaa bilihii la soo dhaafay ku cadaadinayay Golaha Amaanka in la dabciso ama la qaado cunaqabataynta saaran Suuriya, si loo fududeeyo wada-hadallo siyaasadeed iyo xiriir diblomaasiyadeed oo cusub oo lagu dhisayo nabadda dalkaas. Isbeddelkan ayaa imaanaya kadib 13 sano oo dagaal sokeeye ah, waxaana bishii December ee sanadkii hore xilka laga tuuray madaxweynihii hore Bashar al-Assad, ka dib markii uu ku guuldareystay inuu iska difaaco weerar degdeg ah oo ay fuliyeen xoogagga mucaaradka ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Axmed Al-Sharaa. Madaxweynaha cusub Axmed Al-Sharaa iyo Wasiirkiisa arrimaha dibadda Anas Khattab ayaa labaduba ka mid ahaa shaqsiyaadkaas la cunaqabateeyay, hase yeeshee sanadkan guddiga cunaqabataynta ee Qaramada Midoobay ayaa si joogto ah u siiyay rukhsado safar oo u sahlayay Al-Sharaa inuu safarro dibadeed sameeyo, taas oo ka dhigan in xitaa haddii qaraarka cusub aan la ansixin ka hor Isniinta, uu si sharci ah u booqan karo Washington. Bishii May ee sanadkan, Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka, isagoo sheegay inuu qaadi doono cunaqabatayntii uu dalkiisu saaray Suuriya, taas oo calaamad u noqotay isbeddel ballaaran oo ku wajahan xiriirka Washington iyo Dimishiq. Source: goobjoog.com
  10. Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay falka naxdinta leh ee arxan darrada ah ee lagula kacay gabar yar oo lagu magacaabo Samiira Cabdikariim Maxamuud, oo 11 jir ah, kaas oo ka dhacay deegaanka Xingalool ee hoos yimaada gobolka Sanaag, taariikhdu markay ahayd 30-kii Oktoobar 2025. Falkaas foosha xun ayay Wasaaraddu ku tilmaamtay mid ka dhan ah bani’aadanimada iyo xaqa carruurta ee ay leeyihiin inay ku noolaadaan jawi nabad iyo xorriyad leh, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda. Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in falalka noocan ahi ay yihiin kuwo u baahan in si adag looga hortago, ayna tahay waajib diini ah iyo mid sharci in carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed laga difaaco tacaddiyada noocaas ah. Wasaaradda ayaa u mahadcelisay maamulka iyo ciidanka booliska Puntland, kuwaas oo qaaday tallaabo degdeg ah oo lagu soo qabtay eedeysanayaasha la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen falkaas. Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ku baaqday in cadaaladda la marsiiyo dadkaas, si loo xaqiijiyo in dambiyada noocan ahi aysan soo noqon mustaqbalka. Dhanka kale, Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa si adag u cambaareysay falal kale oo xadgudubyo ah oo lagula kacay hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed, kuwaas oo dhowaan ka dhacay deegaano ka tirsan Galmudug iyo Bartamaha dalka. Wasaaraddu waxay sheegtay in falalkaasi yihiin kuwa lid ku ah diinta Islaamka, dhaqanka suuban iyo xuquuqda aadanaha. Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan culimaa’udiinta, odayaasha dhaqanka, hay’adaha bulshada iyo warbaahinta, inay kaalin muuqata ka qaataan wacyi-gelinta bulshada, loogana hortago falalka xadgudubyada ah ee haweenka iyo carruurta lagu hayo. Sidoo kale, wasaaraddu waxay ugu baaqday hay’adaha garsoorka iyo kuwa amniga in ay si degdeg ah u qaadaan tallaabo sharci ah oo adag si loo ciqaabo dadka geysta dambiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta, iyadoo carrabka lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda dadka nugul. Source: goobjoog.com
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ku xoonsanyihiin oo ay garab yaacayaan badiba warbaahinta ka hawl gasha Afrika siiba Kiiniya xiligii uu ku sugnaa halkaasi. Mid ka mid ah wariyayaashaa ayaa sheegay in uu d ugu farxay in uu madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu ka qaaday sawiro qiimo leh oo uu in badan u taagnaa Wariye cararaaya si uu sawir uga qaado madaxweyne Cirro Gabadh wariye ah oo sawir ka qaadaysa madaxweyne Cirro Qaran News
  12. Siyaasi Jaamac Shabeel oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa maanta ka degay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari. Siyaasi Shabeel oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa saaka halkaas ka soo raacay diyaarad qaad siday, wuxuuna ka soo degtay gegeda diyaaradaha Laascaanood, halkaas oo soo dhaweyn kooban loogu sameeyay. Jaamac Shabeel ayaa dhawaan sheegay in uu tegayo magaalada Laascaanood, si buu yiri loo siidaayo maxaabiista ciidamada Somaliland ee halkaas ku xiran. Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa aad u taageeray qadiyadda Laascaanood, xilligii uu maamulka Somaliland duqeynta ka gaysanayay magaaladaas. PUNTLAND POST The post Jaamac Shabeel oo ka degay Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  13. Kuala Lumpur (Caasimada Online) — Waxaa sii kordhaya walaaca dhinaca amniga ee Malaysia, kaasi oo ka dhashay hawlgallo la sheegay in sirdoonka Israel ee Mossad ay ka fulisay dalkaas, kuwaas oo isugu jiray xarig heersare ah, hawlgallo qarsoodi ah, iyo weerarro dhinaca internet-ka ah, arrimahaas oo heegan sare geliyay hay’adaha ammaanka ee qaranka. Dhacdooyinkan ayaa sii huriyay walaaca laga qabo suurtagalnimada in sirdoonka Israel ay soo dhex galeen dalkaas, taasoo keentay in booliiska iyo saraakiisha dowladda ee waddankan oo ah mid ay Muslimiin u badan yihiin, ay si dhow ula socdaan xaaladda. Dalka Malaysia xiriir diblomaasiyadeed lama laha Israel. Kiiska ugu caansan ayaa la soo gabagabeeyay Febraayo 2025. Muwaadin u dhashay Israel oo lagu magacaabo Shalom Avitan ayaa lagu xukumay toddoba sano oo xarig ah, ka dib markii uu qirtay eedeymo la xiriira hub haysasho. Avitan, oo 39 jir ah, ayaa la xiray March 27, 2024, isagoo ku sugnaa hoteel ku yaal Kuala Lumpur. Wuxuu Malaysia ku soo galay baasaboor Faransiis ah, waxaana laga helay lix bistooladood iyo 200 oo xabbadood oo rasaas ah. Xarigiisa ka dib, Taliyaha Guud ee Booliiska Razarudin Husain ayaa sheegay in hay’adaha ay baarayaan suurtagalnimada basaasnimo. Taliyaha booliiska ayaa xusay in Avitan uu “halis” ku noqon karo madaxda Malaysia ama xubnaha Xamaas. In kasta oo warbaahinta Israel ay ku warrantay in Avitan uu ahaa xubin ka tirsan burcad dambiilayaal ah oo beegsanayay qof ay is hayaan, haddana maxkamadaha Malaysia way sii wadeen dacwadda. Qirashada dambiga ee Avitan ee Febraayo 26, 2025, waxay horseedday xukunka toddobada sano ah. Qareenkiisa ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in xukunku uu ka bilaabanayo taariikhdii la xiray ee March 2024. Dhowr qof oo u dhashay Malaysia, oo ay ku jiraan lamaane isqaba, ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad ku saabsan in la sheegay inay hubka siiyeen Avitan. Booliisku waxay sheegeen in hubka laga soo galiyay dalka Thailand. Soo dhex-galka Israel ee Malaysia Kiiska Avitan waa kii ugu dambeeyay ee silsilad hawlgallo ah oo looga shakisan yahay in Mossad ay ka fulisay gudaha Malaysia, kuwaas oo walaac geliyay saraakiisha. Bishii Oktoobar 2022, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Malaysia ayaa shaaca ka qaadday in sirdoonka Mossad ay u adeegsadeen muwaadiniin reer Malaysia ah fulinta qafaalasho. Sida ay ku warameen wargeyska New Straits Times iyo taleefishinka Al-Jazeera, kooxda hawlgalka fulisay waxay September 28 afduubteen barnaamij-sameeye Falastiini ah oo ka yimid Gaza. Waxaa lagu magacaabay Cumar al-Balbaisi. Nin kale oo Falastiini ah ayaa baxsaday oo booliiska ku wargeliyay. Warbixintu waxay sheegtay in ninka la geeyay guri dalxiis, la garaacay, lagana wareystay muuqaal fogaan arag ah, iyadoo ay wareysanayeen rag la rumeysan yahay inay yihiin Israa’iiliyiin. Ragga wax wareysanayay ayaa la sheegay inay al-Balbaisi wax ka weydiiyeen xiriirka lagu eedeeyay inuu la leeyahay Xamaas iyo khibraddiisa dhinaca jabsiga internet-ka. Tan waxaa ka mid ahaa guul la sheegay inuu ka gaaray jabsiga nidaamka difaaca gantaalaha Israel ee loo yaqaan Iron Dome sanado ka hor. Sirdoonka Malaysia, oo la sheegay inay kaalmo ka helayeen Turkiga, ayaa soo badbaadiyay al-Balbaisi 24 saac ka dib. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Falastiin ayaa si fagaare ah ugu mahadcelisay hay’adaha Malaysia kashifaadda “unugga Mossad.” Baaritaanno la sameeyay ayaa lagu soo waramayaa inay daaha ka rogeen in unuggaas uu sidoo kale basaasayay garoomada diyaaradaha iyo shirkadaha elektaroonigga ah ee dowladda. Malaysia, oo si weyn u dhaliisha siyaasadaha Israel, wax xiriir diblomaasiyadeed ah lama laha Israel, waxaana ku nool ilaa 600 oo qaxooti Falastiini ah, sida ay sheegtay hay’adda UNHCR. Sanadkii 2018, injineer Falastiini ah oo lagu magacaabi jiray Fadi al-Batsh ayaa lagu toogtay magaalada Kuala Lumpur, dilkaas oo ahaa shirqool ay Xamaas ku eedaysay Mossad. Israel way beenisay eedeyntaas. Dilkii al-Batsh ee 2018, oo ahaa injineer koronto oo 35 jir ah, ayaa weli ah tixraac muhiim ah oo loo aaneeyo walaaca amni ee hadda jira. Al-Batsh waxaa dilay labo nin oo bistoolado ku hubeysan oo mooto watay, xilli uu u socday salaadda subax. Garabka militariga Xamaas ayaa sheegtay inuu ahaa xubin iyo taliye ka tirsan. Wasiirkii difaaca Israel ee xilligaas, Avigdor Lieberman, wuxuu beeniyay inay Mossad ku lug lahayd. Laakiin wuxuu sheegay in al-Batsh uu ahaa khabiir ku takhasusay gantaalaha uuna ahayn “qof quman.” Weerarrada Internet-ka iyo walaaca dadweynaha Indha-indheyntan muuqata ee Israel ee Malaysia waxay soo gaartay dhinaca internet-ka. Xarunta Isku-dubbaridka iyo Taliska Internet-ka Qaranka (National Cyber Coordination and Command Centre) ee dowladda ayaa mowjad weerarro internet ah la xiriirisay mawqifka siyaasadeed ee Malaysia ee ku aaddan dagaalka Gaza. Shirkadaha la beegsaday ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid yihiin shirkadda weyn ee isgaarsiinta ee Maxis, shirkadda saliidda timirta ee Aminia, iyo xarunta gobolka ee shirkadda weyn ee teknoolajiyadda ee Dell. Hawlgalladan looga shakisan yahay Mossad ee Malaysia waxay ka ballaarteen beegsiga jireed waxayna u gudbeen mid dhijitaal ah. Dhacdooyin yaryar ayaa sidoo kale kiciyay walaaca dadweynaha. Bishii Oktoobar 2025, booliiska magaalada Malacca waxay baareen gaari nooca raaxada ah oo ay ku dheggan tahay istiikar ku qoran afka Cibraaniga. Istiikarka waxaa ku qornaa “Malaysia waa dhulkeenna hooyo.” Darawalka oo ah 59 jir reer Malaysia ah, wuxuu sheegtay inuu istiikarka iibsaday 13 sano ka hor. Wuxuu sheegay inuu beddelay qoraalkii asalka ahaa oo ahaa “Israel” una beddelay “Malaysia.” In kasta oo ay hay’aduhu raadinayeen khubaro ku xeel dheer luqadda, hadana dhacdadan waxay muujisay shaki badan oo dadweynaha ka dhex dhashay. Dowladda ayaa si taxaddar leh ula tacaalaysa arrintan. Ra’iisul Wasaare Anwar Ibrahim ayaa bishii Juun 2024 sheegay in Mossad-ka Israel ay ka dhex shaqeyso dalka iyadoo soo mareysa shabakado tahriibiya hubka iyo mukhaadaraadka, sida ay warbaahintu tebisay. Wuxuu xusay in qaar ka mid ah muwaadiniinta loo adeegsaday basaasnimo. Si kastaba ha ahaatee, saraakiishu waxay ka cabsi qabaan in hadal haynta xad-dhaafka ah ee warbaahinta ay kicin karto argagax ama ay wiiqi karto xasiloonida gudaha ee dalkan oo ay kuwada nool yihiin qowmiyado kala duwan. Ilo dhinaca amniga ah ayaa sidoo kale ka digay dadka badan ee soo galootiga iyo qaxootiga ah ee dalka ku nool oo kor u dhaafaya 3 milyan. Qaar badan oo ka mid ah waxay la kulmaan xaalado dhaqaale oo liita waxayna “u nugul yihiin in la askareeyo.” In kasta oo uusan jirin xiriir diblomaasiyadeed, labada dal waxay leeyihiin ganacsi yar oo qarsoodi ah. Si kastaba ha ahaatee, Malaysia waxay bishii Diseembar 2023 shirkadda maraakiibta Israel ee Zim ka mamnuucday dekeddeheeda. Dowladdu waxay sii waddaa inay ku baaqdo in Israel laga saaro Qaramada Midoobay, iyadoo ku sababeynaysa ku xadgudubka sharciga caalamiga ah. The post Sirdoonka Mossad oo gilgilay Malaysia – Maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.
  14. Ku dhowaad 10 qof oo ku dhintay diyaarad ku burburtay Mareykanka Dab xooggan ayaa ka holcaya gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka kadib markii diyaarad xamuul ah ay ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Louisville ee gobolka Kentucky fiidnimadii Talaadada, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolkaasi. Ugu yaraan 7 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay dhinteen. Muuqaallo laga soo duubay goobta ayaa muujinaya holac iyo qiiq kasoo baxaya diyaaradda xilli ay isku dayeysay inay kacdo. Ugu yaraan 11 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka. Diyaaradda ayaa qaraxday xilli ay ka duushay garoonka caalamiga ah ee Louisville Muhammad Ali. Guddoomiyaha gobolka Kentucky Andy Beshear ayaa sheegay in saddexda shaqaalaha diyaaradda ay u badan tahay inay ka mid yihiin dadka dhintay, wuxuuna intaas ku daray. Saraakiisha ayaa ka digay in dadka ay “dhaawacyo aad u culus” ka soo gaareen dhacdada, dhimashaduna ay sii Bbcsomali Qaran News
  15. Zohran Mamdani oo ah nin Muslim ah ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashada duqa magaalada New York ee dalka Mareykanka. Zohran Mamdani oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa noqday duqii ugu horreeyay ee Muslim ah oo magaalada New York loo doorto, sidoo kale Mamdani oo 34 jir wuxuu noqday qofkii ugu da’da yaraa ee magaladaas mayar ka noqda muddo qarni ka badan. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka soo horjeeday Mamdani, isagoo taageerayay guddoomiyihii hore ee gobolka New York, Andrew Cuomo oo si madax banaan u tartamayay. Zohran Mamdani ayaa asal ahaan ka soo jeeda Hindida dalka Yugaandha, wuxuuna aad u taageeraa qadiyadda Falastiiniyiinta. PUNTLAND POST The post Nin Muslim ah oo ku guuleystay duqa New York appeared first on Puntland Post.
  16. Munich (Caasimada Online) — Xeer-ilaaliyeyaasha Jarmalka ayaa hor istaagay tarxiilidda ninkii weerarka ka geystay magaalada Würzburg ee loo celin lahaa Soomaaliya, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen. Ninkan, oo saddex qof ku dilay weerar ba’an oo middi loo adeegsaday sannadkii 2021, ayaa ku sii jiri doona daryeel caafimaadka dhimirka ah muddo aan la cayimin, iyadoo laga cabsi qabo inuu Jarmalka dib ugu soo laabto. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Munich ayaa ku dhawaaqay in sii deynta ninkan, Cabdiraxmaan Jibriil, si loo tarxiilo aysan suurtagal ahayn “si loo ilaaliyo badqabka dadweynaha guud.” Warbixin ay khubaro diyaariyeen ayaa lagu ogaaday inay jirto “khatar sare oo ah inuu dib ugu soo laabto Jarmalka” haddii la tarxiilo. Xeer-ilaalintu waxay intaa ku dartay in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay u badan tahay inay sii deyn doonaan, taasoo abuuraysa halis ah “fal-dambiyeedyo kale oo culus.” Weerarkii Würzburg wuxuu dhacay 25-kii Juun, 2021. Cabdiraxmaan Jibriil wuxuu middi weyn ka soo qaatay dukaan weyn oo qaybo badan leh, waxa uuna dilay saddex haween ah (oo da’doodu kala ahayd 24, 49, iyo 82 jir), waxa uuna dhaawacay sagaal qof oo kale. Bishii Luulyo 2022, maxkamad ayaa go’aamisay inuusan dambi ahaan mas’uul ka ahayn kaddib markii laga helay cudurka ‘paranoid schizophrenia’, waxayna amartay in si aan xad lahayn lagu hayo xarun caafimaadka dhimirka ah, sida ku cad diiwaannada maxkamadda. ‘Weli waa khatar’ Wuxuu ku sii jiri doonaa qaybta caafimaadka dhimirka ee maxkamaddu amartay oo ku taal isbitaal ku yaal Lohr, oo u dhow Würzburg. Xafiiska xeer-ilaalinta Munich wuxuu sheegay in weli loo arko inuu khatar ku yahay bulshada. Xafiiska Gobolka Bavaria ee Magangalyada iyo Celinta (Bavarian State Office for Asylum and Repatriation) ayaa hore u baaray suurtagalnimada in la tarxiilo ninkan Soomaaliga ah. Tallaabadaasi waxay u baahnayd oggolaanshaha xeer-ilaalinta, taasoo hadda si rasmi ah loo diiday. Qareenkiisa difaaca ee ay maxkamaddu u magacawday, Hanjo Schrepfer, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Jarmalka ee Dpa inuu u arko go’aankan mid “sax ah” oo “ku habboon.” Schrepfer wuxuu sheegay in ay qasab tahay in lala socdo horumarka daweynta ninkan. Wuxuu intaa ku daray, “sida saxda ah,” in daweyntu aysan weli bilaaban karin sababtoo ah eedeysanuhu “weli ma qiran dambi.” Weerarkii 2021-kii Weerarku wuxuu billowday abaare 5:00 galabnimo gudaha dukaanka Woolworth ee ku yaal fagaaraha Barbarossaplatz ee Würzburg. Ninkii weerarka gaystay, oo xilligaas 31 jir ahaa, ayaa middi weyn oo jikada ah ka soo qaatay khaanad wuxuuna tooreeyeeyay dadkii wax ka dukaameysanayay. Wuxuu dilay saddex haween ah: Steffi W., oo 24 jir ahayd, taasoo u dukaameysaneysay dhar arooska saaxiibaddeed; Christiane H., oo 49 jir ahayd, taasoo u dhimatay iyadoo gaashaan u ahayd gabadheeda 11-jirka ah; iyo Johanna H., oo 82 jir ahayd, oo la sheegay inay isku dayday inay soo farageliso. Kaddib dukaanka ayuu ka baxay oo uu weeraray dadkii jidka marayay, isagoo dhaawacay sagaal qof oo kale, kuwaasoo dhowr ka mid ah uu soo gaaray dhaawac halis gelin kara noloshooda. Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu ku dhawaaqayay “Allahu akbar,” taasoo dhalisay cabsi markii hore laga qabay in falku lahaa ujeeddo argagixiso. Dad rayid ah oo goobjoog ka ahaa ayaa ku eryaday kuraas iyo ulo, wayna hareereeyeen. Askari boolis ah ayaa lugta ka toogtay kaddibna waa uu xiray. Taariikhda Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Jibriil wuxuu Jarmalka yimid bishii Maajo 2015 isagoo ka yimid Talyaaniga, xilligaas oo ay jirtay xiisaddii qaxootiga ee Yurub. Wuxuu dalbaday magangalyo, isagoo sheegay in maleeshiyaad Islaamiyiin ah ay ku silciyeen Soomaaliya. Mas’uuliyiinta ayaa diiday codsigiisii magangalyada balse waxay siiyeen ilaalo hoosaad — oo ah xaalad la siiyo dadka aan u qalmin magangalyo balse la kulmi kara dhibaato culus haddii dib loo celiyo. Weerarka ka hor, wuxuu ku noolaa xarun dadka aan hoyga lahayn oo lagu hayo oo ku taal Würzburg, wuxuuna lahaa diiwaan muujinaya gacan ka hadal iyo dhaqan aan la fahmi karin. Wuxuu dhowr jeer dad kale ugu hanjabay mindiyo. Bilo ka hor dilka uu geystay, isbitaal ayaa muddo kooban la dhigay qaybta cudurrada dhimirka kaddibna waa la sii daayay. Maxkamadeyntiisii 2022, xeer-ilaalinta iyo khubarada maxkamaddu waxay sheegeen inaysan helin wax caddeyn ah oo muujinaya xiriir argagixiso. Khubarada qiimeynta ku sameeyay ayaa ka marag kacay inuu qabay cudurka ‘paranoid schizophrenia’ uuna la kulmayay “maqal codad aan jirin” ama “codad gudaha ah” oo ku amrayay inuu dil geysto. Maxkamaddu waxay go’aamisay inuusan dambi ahaan mas’uul ka ahayn falka, waxayna amartay in si aan xad lahayn lagu hayo xarun caafimaadka dhimirka ah oo si adag loo ilaaliyo, beddelkii xabsi la gelin lahaa. Go’aankan toddobaadkan ka soo baxay xeer-ilaalinta ayaa hor istaagaya tarxiiliddiisa wuxuuna ku sii haynayaa daryeelka caafimaadka dhimirka ee Jarmalka, iyadoo lagu saleynayo qiimeynta khatarta ee socota. The post JARMALKA oo go’aan lama filaan ah ka gaaray Soomaaligii fuliyey weerarkii Würzburg appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay kiisas kala duwan oo dhawaan ka dhacay gobollada Sanaag iyo Galgaduud, kuwaas oo lagula kacay carruur iyo dumar Soomaaliyeed. Bayaanka Wasaaradda ayaa waxaa ugu horreyn si xooggan loogu cambaareeyay falkii arxan darrada ahaa ee lagula kacay Samiira Cabdikariin Maxamuud oo 11 jir ahayd, taas oo dhawaan dhibaato xooggan loogu gaystay deegaanka Xingalool ee gobolka Sanaag. Wasaaradda ayaa sheegtay in falkaas uu muujinayo in la buriyay xuquuqda carruurta ay u leeyihiin in ku noolaaan meel ka nabadoon tacaddiyada iyo xadgudubyada. “Falka naxtinta leh ayaa ah mid ka dhan ah bani’aadanimada, islamarkaana si cad u burinaya xuquuqda carruurta ee ay u leeyihiin inay ku noolaadaan bulsho nabad ah oo ka xor ah tacaddiyada iyo xadgudubyada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda. Sidoo kale, waxay ugu baaqday laamaha amniga Puntland oo soo qabtay eedeysanayaasha inay tallaabo ka qaadaan, ayna si deg-deg ah u horgeeyaan maxkamadda ku shaqada leh. “Wasaaraddu waxay ku boorineysaa hay’adaha cadaaladda in eedeysanayaasha si degdeg ah loo horgeeyo sharciga, lana marsiiyo ciqaabta uu sharcigu dhigayo” ayaa lasii raaciyay. Dhinaca kale, Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa ka hadashay dhibaatooyinka soo noqnoqday ee ka taagan gobollada dhexe, gaar ahaan dilalka loo gaysanayo haweenka iyo carruurta oo kusoo badanaya deegaannada maamulka Galmudug. Waxa ay ugu baaqday bulshada inay taxadar sameeyaan, isla markaana ay soo wargeliyaan laamaha amniga cid kasta oo dhibaato ku ah carruurta iyo haweenka deegaanka. “Wasaaraddu waxay ugu baaqeysaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada inay feejignaadaan, islamarkaana si degdeg ah usoo sheegaan cidkasta oo lagu tuhmayo in lagu tuhmayo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta”. Waxaa kale oo ay ku dartay “Waxaa muuqata kororka kiisaska noocaan ee soo noqnoqday saddexdii bilood ee u dambeeyay, taasoo u baahan in si wadajir ah looga hortego”. The post Maxay DF ka tiri falkii loo gaystay Samiira iyo tacaddiyada ka socda Galmudug appeared first on Caasimada Online.
  18. New York (Caasimada Online) – Zohran Mamdani ayaa loo doortay duqa magaalada ugu weyn Mareykanka ee New York City Talaadadii, taasoo soo gabagabeysay sare u kac lama filaan ah oo uu gaaray sharci-dejiyahan 34-jirka ah. Guushan oo ahayd mid u soo hoyatay garabka bidixda fog ee xisbiga Dimoqraadiga, Mamdani wuxuu kaga adkaaday Guddoomiyihii hore ee gobolka New York Andrew Cuomo iyo Curtis Sliwa oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga. Mamdani waa inuu hadda la tacaalaa baahiyaha aan dhammaadka lahayn ee magaalada ugu weyn Ameerika, ayna tahay inuu fuliyo ballanqaadyadii ololaha ee waaweynaa, kuwaasoo ay dadka dhaliilaa ku sifeeyeen kuwo aan dhab noqon karin. Guushan, ayuu Mamdani oo ah hanti-wadaag dimoqraadi ah, wuxuu magaciisa kaga qori doona taariikhda isagoo noqonaya duqii ugu horreeyay ee Muslim ah ee magaalada, kii ugu horreeyay ee kasoo jeeda Koonfurta Aasiya iyo kii ugu horreeyay ee ku dhasha Afrika – Wuxuu ku dhashay Uganda. Wuxuu sidoo kale noqon doonaa duqa ugu da’da yar ee magaalada soo mara muddo qarni ka badan marka uu xafiiska la wareego 1-da Janaayo. Sare u kaca lama filaanka ah ee Mamdani waxay xoojineysaa aragtida Dimoqraadiyiinta ku boorrinayay xisbiga inuu soo bandhigo musharraxiin badan oo bidix fog ah, halkii la isugu tagi lahaa kuwa dhexdhexaadka ah iyadoo la rajeynayo in dib loo soo ceshado cod-bixiyayaasha is-bedbeddela ee xisbiga ka fogaaday. Wuxuu durba la kulmay eedeymo kaga yimid Jamhuuriyiinta, oo uu ku jiro Madaxweyne Donald Trump, kuwaasoo ku sifeeyay inuu yahay halis iyo wejiga waxa ay ku tilmaameen Xisbi Dimoqraadi oo xagjir ah. Hase yeeshee, dadka qaar ayaa eedeymahan u arkay Islaam naceyb lagu soo dhex-qariyey dhaliil siyaasadeed. Tartankan wuxuu sababay soo bixitaankii ugu ballaarnaa ee cod-bixiyeyaal doorasho duq magaalo ah muddo ka badan 50 sano, iyadoo in ka badan 2 milyan oo reer New York ah ay codadkooda dhiibteen, sida uu sheegay Guddiga Doorashooyinka ee magaalada. Ololaha Mamdani ee shacabka ka dhex yimid wuxuu diiradda saarayay nolosha la awoodi karo, shakhsiyaddiisa soo jiidashada lehna waxay meesha ka saartay isku-daygii soo laabashada siyaasadeed ee Cuomo. Guddoomiyihii hore, oo is-casilay afar sano ka hor kaddib eedeymo la xiriira faraxumeyn galmo oo uu weli dafirsan yahay, ayaa waxaa hareeyay mowqifyadiisii hore intii uu tartanku socday, waxaana lagu dhaliilay inuu waday olole diiradda saarayay dhaliisha. Waxaa sidoo kale la is-weydiinayaa sida uu ula macaamili doono Trump, oo ku hanjabay inuu la wareegi doono magaalada, isla markaana xiri doono oo tarxiili doono Mamdani haddii uu guuleysto. Mamdani wuxuu ku dhashay Uganda, halkaasoo uu ku qaatay carruurnimadiisii hore, balse wuxuu ku soo barbaaray magaalada New York City wuxuuna muwaadin Mareykan ah noqday sanadkii 2018. Mamdani wuxuu ololihiisa ku bilaabay isagoo ah sharci-dejiye gobol oo aan si weyn loo aqoon, xitaa magaalada New York City gudaheeda. Markii la galayay is-reeb-reebka xisbiga Dimoqraadiga, Cuomo ayaa loo arkayay inuu yahay kan ugu cadcad, isagoo caan ka ahaa isla markaana lahaa xiriiro siyaasadeed oo qoto dheer. Fursadaha Cuomo waxaa sii xoojiyay markii duqii xilka hayay ee Eric Adams uu ka haray tartanka isreeb-reebka, xilli uu la tacaalayay cawaaqibka kiis musuq-maasuq oo heer federaal ah, kaasoo markii dambe meesha laga saaray. Laakiin intii uu tartanku socday, shakhsiyadda dabiiciga ah ee Mamdani, muuqaalladiisa baraha bulshada ee soo jiidashada leh iyo barnaamijkiisa dhaqaale ee shacabka ku wajahan ayaa kiciyay cod-bixiyayaasha magaaladaas oo caan ku ah nolosha qaaliga ah. Wuxuu sidoo kale bilaabay inuu soo jiito dareenka dadka dibadda ka jooga markii magaciisa la sii bartay. Ugu dambeyn, Mamdani wuxuu isreeb-reebka kaga adkaaday Cuomo qiyaastii 13 dhibcood. Guddoomiyihii hore wuxuu ololihiisa dib ugu soo laabtay isagoo ah musharax madax-bannaan doorashadii guud, wuxuuna ballanqaaday inuu la imaan doono hab firfircoon. Si kastaba ha ahaatee, inteeda badan ololihiisu wuxuu diiradda saarayay weerarka mucaaradkiisa. Marxaladdii ugu dambaysay ee tartanka, wuxuu ku andacooday in doorashada Mamdani ay keeni doonto in Yuhuuddu ay dareemaan ammaan-darro. Dhanka kale, taageerayaal ayaa buux dhaafiyay isu-soo-baxyadii Mamdani, wuxuuna qabtay munaasabado madadaalo ah, oo ay ku jiraan tartan wax-raadsi ah iyo tartan kubadda cagta ah oo heer bulsho ah. Cuomo wuxuu sidoo kale is barbardhigay khibraddiisa dheer ee dhanka dowladda iyo Mamdani oo wax ka yar shan sano ku jiray sharci-dejinta gobolka. Laakiin guddoomiyihii hore wuxuu isaguna wajahayay culeysyo siyaasadeed oo u gaar ah, iyadoo mucaaradkiisu ay dib u soo kiciyeen eedeymihii faraxumeynta galmo ee horseeday is-casilaadiisa, iyo sidoo kale go’aammadiisii xilliyadii hore ee intii uu socday cudurka COVID-19. Sliwa, oo ah aasaasaha kooxda roondada dembiyada ee Guardian Angels, ayaa ku dhibtooday inuu taageero helo isagoo ah Jamhuuri ka tartamaya magaalo ay si weyn u maamulaan Dimoqraadiyiinta. The post Mamdani oo ku guuleystay New York – Cunsuriyiinta Mareykanka oo laga adkaaday appeared first on Caasimada Online.
  19. Magaalada ugu weyn dalka Mareykanka ee New York ayaa yeelatay Duq cusub, kadib markii Zohran Kwame Mamdani uu ku guuleystay doorashadii dhowaan ka dhacday halkaas. Guushiisa ayaa ka dhigtay Muslinkii ugu horeeyay ee abid loo doorto Duqa magaalada New York, taas oo calaamad u noqotay isbeddelka siyaasadeed iyo bulshada magaaladaasi oo caan ku ah kala duwanaanta iyo isu-tanaasulka diimeed. Zohran Mamdani, oo hore u ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Gobolka New York, ayaa ku guuleystay codad badan oo ka tarjumaya kalsoonida shacabka magaalada, isagoo si weyn ugu kasbaday taageerada bulshada Muslimiinta, dhalinyarada, iyo dadka laga tirada badan yahay ee New York. Doorashadiisa ayaa loo arkaa mid xoojinaysa codka muhaajiriinta iyo bulshada diimaha kala duwan ee ku nool Mareykanka. Zohran Mamdani waxa uu ku dhashay magaalada Nairobi ee dalka Kenya sanadkii 1991, balse wuxuu ku barbaaray New York kadib markii qoyskiisu u guureen Maraykanka. Hooyadiis waa fannaanadda caanka ah ee Mira Nair, halka aabihiis uu yahay Mahmood Mamdani, oo ah aqoonyahan iyo bare caan ah oo u dhashay Uganda, wuxuuna wax ku bartay Bowdoin College, halkaas oo uu ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha iyo siyaasadda. Kahor inta uusan si rasmi ah siyaasadda ugu biirin, Mamdani wuxuu ka shaqeyn jiray arrimaha bulshada, isagoo u ololeyn jiray cadaaladda guryaha, xuquuqda muhaajiriinta, iyo sinaanta jinsiyadda. Sanadkii 2020, waxaa loo doortay xildhibaan gobolka New York, halkaas oo uu caan ku noqday hal-ku-dhiggiisa siyaasadeed ee ah: “Dadku waa in ay helaan awood ay noloshooda ku dhistaan, ee ma aha in awooddu ku ekaato dadka hantida leh.” Mamdani waa Muslim cibaado badan, wuxuuna marar badan sheegay in diinta Islaamka ay dadka barayso adeegga bulshada iyo caddaaladda. Guushiisa ayaa waji-gabax ku ah Madaxweyne Trump oo dhowaan dadka magaalada Newyork ku dhaliilay inuu guddoomiye u yahay nin muslim ahi, balse bulshada magaalada New York ayaa qabkiisii hal bacaad lagu dhisay ka dhigay. Source: goobjoog.com
  20. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay kiis kufsi ah oo dhawaan ka dhacay degmada Xingalool oo ka tirsan gobolka Sanaag ee Puntland. War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa si adag loogu cambaaraysay fal arxan darro ah oo lagula kacay gabar yar oo 11 jir ah, kaas 30-kii Oktoobar ka dhacay degmada Xingalool. Wasaaradda ayaa sheegtay in falkan yahay mid ka dhan ah bni’aadanimada, isla markaana si cad u burinaya xuquuqda carruurta ee ay u leeyihiin in ay ku noolaadaan busho nabad ah oo ka xor ah tacaddiyada iyo xadgudubyada. Dowladda Federaalka ayaa uga mahadcelisay maamulka iyo ciidanka Booliska Puntland dadaalka ay muujiyeen ee ku aadan qabashada eedeysanayaal loo haysto kiiskan, iyadoo ku boorisay hay’adaha caddaaladda in eedeysanayaasha si degdeg ah loo hor keeno sharciga. Dhanka kale Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraysay falal kala duwan oo lagula kacay hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, kuwaas oo ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaaalka oo ka hadashay kiis ka dhacay Puntland appeared first on Puntland Post.
  21. MUNICH, Germany — German prosecutors have blocked the deportation of the Würzburg attacker to Somalia, officials confirmed. The man, who killed three people in a 2021 stabbing rampage, will remain in psychiatric care indefinitely over fears he might return to Germany. The Attorney General’s Office in Munich announced on October 31 that releasing the man, Abdirahman Jibril A., for deportation is not possible “for the protection of the general public.” An expert report found a “high risk of his re-entry to Germany” if he were deported. Prosecutors added that authorities in Somalia would likely release him, creating a risk of “further serious criminal offences.” The Würzburg attack took place on June 25, 2021. Abdirahman Jibril A. took a large knife from a department store, killed three women (aged 24, 49, and 82), and wounded nine other people. In July 2022, a court found him not criminally responsible due to a diagnosis of paranoid schizophrenia and ordered his indefinite commitment to a psychiatric facility, according to court records. Attacker ‘remains a danger’ He will remain in the forensic psychiatric ward at a hospital in Lohr, near Würzburg. The Munich prosecutor’s office said he is still considered a danger to society. The Bavarian State Office for Asylum and Repatriation had explored the possibility of deporting the Somali man. That move required the prosecutor’s consent, which has now been formally denied. His court-appointed defense lawyer, Hanjo Schrepfer, told the German press agency dpa that he considers the decision “correct” and “appropriate.” Schrepfer said the progress of the man’s therapy must be monitored. He added that, “strictly speaking,” therapy cannot yet start because the defendant “still has not admitted guilt.” The 2021 attack The rampage began around 5:00 p.m. inside a Woolworth on Würzburg’s Barbarossaplatz. The attacker, then 31, took a large kitchen knife from a shelf and stabbed shoppers. He killed three women: Steffi W., 24, who was buying a dress for a friend’s wedding; Christiane H., 49, who died shielding her 11-year-old daughter; and Johanna H., 82, who reportedly tried to intervene. He then left the store and attacked people on the street, wounding nine others, several of them life-threateningly. Witnesses said he yelled “Allahu akbar,” prompting initial fears of a terrorist motive. Bystanders chased him with chairs and sticks, cornering him. A police officer shot him in the leg and arrested him. Attacker’s background Abdirahman Jibril A. arrived in Germany from Italy in May 2015 during the European refugee crisis. He applied for asylum, saying Islamist militias in Somalia persecuted him. Authorities denied his asylum request but granted subsidiary protection — a status for people who do not qualify for asylum yet face serious harm if returned. Before the attack, he lived in a homeless shelter in Würzburg and had a record of violent altercations and erratic behavior. He had threatened others with knives several times. Months before the killings, a hospital briefly committed him to a psychiatric ward and later released him. At his 2022 trial, prosecutors and court experts said they found no evidence of terrorist links. Assessors testified that he had paranoid schizophrenia and experienced “auditory hallucinations” or “internal voices” that commanded him to kill. The court ruled him not criminally responsible and ordered indefinite commitment to a secure psychiatric facility rather than prison. This week’s decision by prosecutors blocks his deportation and keeps him in German psychiatric care based on the ongoing risk assessment. The post Germany blocks deportation of Würzburg attacker to Somalia appeared first on Caasimada Online.
  22. Kuala Lumpur, Malaysia — Malaysia security fears grow over alleged Mossad activity following a series of high-profile arrests, covert operations, and cyberattacks that have placed the nation’s security agencies on high alert. The incidents have fueled concerns over potential Israeli intelligence infiltration, prompting heightened scrutiny from police and government officials in the Muslim-majority nation, which does not have diplomatic relations with Israel. The most prominent case concluded in February 2025. Israeli national Shalom Avitan was sentenced to seven years in prison after pleading guilty to firearms charges. Avitan, 39, was arrested on March 27, 2024, at a Kuala Lumpur hotel. He had entered Malaysia on a French passport and was found with six handguns and 200 rounds of ammunition. Following his arrest, Inspector-General of Police Razarudin Husain said authorities were investigating the possibility of espionage. The police chief noted Avitan could be a “threat” to Malaysian leaders or members of Hamas. While Israeli media reported Avitan was a criminal gang member targeting a rival, Malaysian courts proceeded. Avitan’s guilty plea on February 26, 2025, led to a seven-year sentence. His lawyer told Reuters the sentence would run from the date of his March 2024 arrest. Several Malaysians, including a married couple, were also indicted for allegedly supplying the weapons to Avitan. Police said the firearms were smuggled from Thailand. Israeli infiltration in Malaysia The Avitan case is the latest in a pattern of suspected Mossad operations in Malaysia that have alarmed officials. In October 2022, Malaysia’s Ministry of Home Affairs revealed that Mossad agents had used Malaysian nationals to conduct a kidnapping. According to reports in the New Straits Times and Al-Jazeera, the operatives abducted a Palestinian computer programmer from Gaza on September 28. He was identified as Omar al-Balbaisi. A second Palestinian man escaped and alerted police. The report said the man was taken to a chalet, beaten, and interrogated via video call by men believed to be Israelis. The interrogators reportedly questioned al-Balbaisi about his alleged links to Hamas and his expertise in hacking. This included his reported success in hacking Israel’s Iron Dome missile defense system years prior. Malaysian intelligence, reportedly with Turkish assistance, rescued al-Balbaisi 24 hours later. The Palestinian Interior Ministry publicly thanked Malaysian authorities for exposing the “Mossad cell.” Investigations reportedly revealed the cell was also spying on airports and government electronic companies. Malaysia, a vocal critic of Israeli policies, has no diplomatic ties with Israel and is home to about 600 Palestinian refugees, according to the UNHCR. In 2018, Palestinian engineer Fadi al-Batsh was shot dead in Kuala Lumpur in an assassination Hamas attributed to Mossad. Israel denied the accusation. The 2018 assassination of al-Batsh, a 35-year-old electrical engineer, remains a key reference point for the current security fears. Al-Batsh was killed by two gunmen on a motorcycle while walking to dawn prayers. Hamas’s military wing claimed him as a member and commander. Israel’s then-defense minister, Avigdor Lieberman, denied Mossad involvement. But he stated al-Batsh was a rocket expert and “no saint.” Cyberattacks and public anxiety This apparent Israeli eye on Malaysia has extended to the digital realm. The government’s National Cyber Coordination and Command Centre linked a wave of cyberattacks to Malaysia’s political stance on the war in Gaza. Targeted companies reportedly include telecom giant Maxis, palm oil firm Aminia, and the regional headquarters of IT giant Dell. These suspected Mossad operations in Malaysia have broadened from physical to digital targets. Smaller incidents have also stoked public anxiety. In October 2025, police in Malacca investigated a pickup truck bearing a Hebrew sticker. The sticker read “Malaysia is our homeland.” The 59-year-old Malaysian driver claimed he bought the sticker 13 years ago. He said he changed the original wording from “Israel” to “Malaysia.” While authorities sought linguistic experts, the incident reflected heightened public suspicion. The government is handling the issue with caution. Prime Minister Anwar Ibrahim stated in June 2024 that the Israeli Mossad was active in the country through weapons and drug smuggling networks, according to media reports. He noted some citizens had been recruited for espionage. However, officials fear that excessive media focus could incite panic or undermine domestic stability in the multi-ethnic nation. Security sources have also warned about the country’s large population of over 3 million immigrants and refugees. Many face poor economic conditions and are “easy prey for recruitment.” Despite the lack of diplomatic ties, the two countries have a small underground trade. However, Malaysia barred the Israeli shipping company Zim from its ports in December 2023. The government continues to call for Israel’s expulsion from the UN, citing violations of international law. The post Malaysia security fears grow over alleged Mossad activity appeared first on Caasimada Online.
  23. Hargeisa, Somalia — Somaliland’s president has asked Turkey for “fair” treatment in its relations, a pointed request highlighting Ankara’s deep strategic ties with Somalia, which claims the self-declared republic as its territory. President Abdirahman Mohamed Abdillahi “Irro” delivered the message to Turkey’s Consul General, Ozan Pekin, during a meeting at the presidential palace in Hargeisa on Monday, according to a statement from Irro’s office. The meeting is part of a broader diplomatic push by President Irro, who took office in December 2024, to secure international partnerships for Somaliland. The region declared independence from Somalia in 1991 but has not gained formal recognition from any country. Turkey’s Somalia policy Turkey is a primary military and economic partner of the Federal Government of Somalia in Mogadishu, a relationship that underpins Ankara’s policy in the Horn of Africa. According to official statements and reports from international bodies, Turkish investment and aid to Somalia have exceeded $1 billion since a landmark 2011 visit by President Recep Tayyip Erdoğan. The two nations further cemented the partnership in early 2024 by signing a 10-year defense and economic cooperation agreement. It grants Turkey authority to defend Somalia’s coastline—which Mogadishu says includes Somaliland’s—and to explore offshore oil and gas. During Monday’s meeting, President Irro sought to position Somaliland as a separate and reliable partner, independent of Ankara’s commitments to Mogadishu. According to the presidency, Irro stressed that Somaliland was not “in the least upset” by the extensive support Turkey provides to Somalia. “Somaliland deserves to be treated fairly by Turkey,” Irro stated, describing his nation as an “independent, peaceful, and democratic country” that is “genuinely ready for cooperation with the international community.” The meeting, also attended by Deputy Consul Anil Koray Kocaman, focused on strengthening diplomatic, trade, and investment relations, as well as development projects that Turkey carries out in Somaliland. Turkey pledges increased aid Consul General Pekin, who began his diplomatic posting in Hargeisa in September 2025, thanked Irro for the reception and relayed warm greetings from President Erdoğan and Foreign Minister Hakan Fidan, according to the statement. Pekin reportedly praised the new administration for recent domestic achievements. These included “pacifying the Eastern Regions,” a reference to stabilization efforts following conflict, the “successful” conclusion of the Erigavo Peace Conference, and a recent Somaliland Investment Conference. He described these as “important successes that show the political and leadership maturity of Somaliland.” Crucially, the consul appeared to acknowledge Hargeisa’s central complaint, according to the presidential statement. “The consul noted that Turkey’s aid had previously been very low, considering the important role the Republic of Somaliland plays in the Horn of Africa,” the statement said. In response, Pekin pledged to “work actively” to strengthen the relationship and increase the “efficiency and development aid” that the Turkish government allocates to Somaliland. The Somaliland presidency said the meeting concluded with “understanding and new optimism” for strengthening cooperation. The post Somaliland president seeks ‘fair’ ties in Turkey meeting appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda caalamiga ah ee Certi Trust ayaa baaritaan madax-bannaan ku soo sameysay systemka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka, iyada oo soo bandhigtay warbixin guud oo ay ku sheegtay in lagu kalsoonaan karo dhammaan qalabka doorashada ee guddiga. Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in baarista lagu sameeyay qalabka ay ku timid, kadib dalab ka yimid qaar kamid ah ururada siyaasadda, si loo hubiyo hufnaanta doorashooyinka qof iyo codka ah. “Waxaan howlgelinay Company madax bannaan oo naga siiyay inaan shaqa gelin karno qalabka doorashada, wuxuuna dalabkaas ka yimid ururrada siyaasadda qayb kamid ah waxayna dalbadeen in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qalabka oo laba qaybood ah qaybta diiwaangelinta iyo qaybta xaqiijinta qofka diiwaangashan” ayuu yiri Cabdikariin. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in shirkadda sameysay baarista ay kusoo baxday imtixaan, isla markaana natiijada ay ku gaareeyn guul wayn oo la taaban karo. “Labada qaybood waxaan u magacownay Company oo kasoo baxay saddex shirkadood oo aan tartan siinay, waxaana maanta ku guuleysanay in ummadda Soomaaliyeed aan usoo bandhigno natiijada” ayuu sii raaciyay. Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay muddada ku dhow sanadka ee ay ka shaqeynayeen howlaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta dadweynaha, isaga oo sheegay inay ka gaareen horumar la taaban karo. “Walaalayaal haddii aan nahay Guddiga Madaxa bannaan Doorashooyinka iyo Sohdimaha 11 bilood ayaa noo dhammaatay waxaa noo hirgalay inaan darbiyo fara badan jabino oo ay ugu horreyso inaan diiwaangelinay ururro kor u dhaafayo lixdan” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu. Dhankiisa Maareeyaha Hay’adda Dhowrista Xogta Qaranka, Mudane Maxamed Cali Coloow oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in lagu kalsoonaan karo guddiga iyo system-kaba. “Maanta waxaa xaqiiq noqotay in Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu yahay guddi lagu kalsoonaan karo systemka diiwaangelinta codbixiyeyaasha kadib markii baaris madax-banaan lagu sameeyay” ayuu isna yiri Maareeye Maxamed Cali Coloow. The post Baaris madax-bannaan oo lagu sameeyay qalabka doorashada + Natiijada appeared first on Caasimada Online.
  25. Dadka magaalada Minneapolis ayaa dooranaya maayirka magaalada, taas oo laga yaabo in Omar Fateh oo ah senatar Soomaali–Mareykan ah, ka dhigto duqii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ee magaaladan hoggaamiya. Doorashadan waxaa ku tartamaya 15 musharax, waxaana lagu go’aaminayaa halka ku kala jiraan qiimaynta musharaxiinta, iyadoo Fateh uu la tartamayo Jacob Frey, oo ah duqa haatan xilka haya oo laba jeer lasoo doortay. Cumar Fateh, oo 35 jir ah, wuxuu taariikh sameeyay 2020 markuu noqday Senatarkii ugu horreeyay ee Soomaali–Mareykan ah ee Minnesota. Ololihiisu wuxuu diiradda saaraya qiimaha nolosha, sida xasilinta kirada guryaha, iyo in kor loo qaado mushaaraadka shaqaalaha. Ololaha Fateh ayaa xoog yeeshay bishii July, markii uu helay taageerada xisbiga DFL, balse taageeradaas ayaa dib looga noqday sababo la xidhiidha cillado farsamo oo ku yimid nidaamka codbixinta. Go’aankaas ayaa cadho dhaliyay, taageerayaashiisuna waxay ku eedeeyeen xisbiga inuu cadaadis uga yimid kooxaha doonaya in la ilaaliyo Frey. Fateh wuxuu ku tilmaamay arrintaas dagaal u dhexeeya dadka hoose iyo dadka maalqabeenka ah. Warbaahinta Mareykanka ayaa Fateh u bixisay “Mamdani of the Midwest”, iyagoo barbardhigay Zohran Mamdani, siyaasiga Muslimka ah ee u taagan duqa New York City. Labadooduba waxay wadaagaan aragtiyo ku saleysan caddaaladda bulsho, in la helo guryo la awoodi karo, iyo dib-u-habaynta ammaanka bulshada. Dhanka kale, Frey, oo 44 jir ah, wuxuu ku faanayaa in uu soo celiyay deganaanshaha magaalada Minneapolis, isagoo soo bandhigay hoos u dhaca dilalka ka dhici jiray magaalada , iyo fulinta heshiisyada maxkamadeed ee dib-u-habaynta booliska. Ka qaybgalka Soomaalida iyo Bariga Afrikaan ayaa door weyn ku yeelan kara natiijada, iyadoo xaafadaha Cedar-Riverside, Ventura Village, iyo Phillips la filayo inay muujiyaan ka-qaybgal sare. Fateh waxaa taageeraya Xildhibaan Ilhan Omar, ururo shaqaale, iyo xubno golaha deegaanka ah, wuxuuna ololihiisa xoogga saarayaa ganacsiyada Soomaalida iyo bulshada muhaajiriinta. Tan iyo markii uu ololaha bilaabay, Fateh wuxuu wajahayaa hanjabaado Islaam naceyb ah iyo weerarro internet-ka ah, balse wuxuu sheegay inuusan ka baqayn. Dhanka kale, Frey waxaa taageeraya Guddoomiyaha Minnesota Tim Walz iyo ururo ganacsi, kuwaas oo xoojinaya ololihiisa dhaqaale. Haddii Omar Fateh guuleysto, wuxuu noqon doonaa Soomaaligii ugu horreeyay ee duq ka noqda magaalo weyn oo Mareykan ah, taas oo noqon doonta guul taariikhi ah oo muujinaysa koritaanka iyo saamaynta bulshada Soomaalida ee Minnesota. Source