-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Source: Hiiraan Online
-
Bosaso (HOL) — A military base operated by the United Arab Emirates in the Somali port city of Bosaso is being used as a transit point for Colombian mercenaries fighting in Sudan’s civil war, according to a joint investigation by The Guardian and Colombian outlet La Silla Vacía. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho, Soomaaliya – 12ka Oktoobar 2025 – Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona muddo laba maalmood ah si looga hadlo Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee Soomaaliya (2025-2030). Kulankan ayaa isugu keenay wakiillo ka kala socda wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, iyo sidoo kale shirkadaha isgaarsiinta, si ay dib u eegis iyo turxaan bixin u sameeyaan khariidadda dhijitaalka ah ee dalka oo lagu horumarinayo koboc loo dhan yahay, hal-abuurnimo iyo adeegyo casri ah. Mudane Mustafa Almahdi, oo ah Sarkaalka Barnaamijyada ee Xafiiska Carabta ee ITU, oo ka hadlay furitaanka, ayaa xaqiijiyay taageerada ITU ee aragtida dhijitaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta qaranka iyadoo loo marayo teknoolajiyadda. Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka hadlay furitaanka Wadatashiga, ayaa sheegay in istaraatiijiyadda ay tahay calaamad muujinaysa tallaabo muhiim ah oo lagu gaarayo horumar dhijitaal oo waara, taasoo muujinaysa sida dalkeennu uga go’an tahay dhismaha nidaam dhijitaal ah oo adkeysi leh oo loo dhan yahay. Wuxuu sidoo kale xoojiyay muhiimadda iskaashi xooggan oo dhex-mara dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo bah-wadaagta horumarka si loo hirgeliyo loona sii wado waaritaankiisa. Dhankiisa, Mudane Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali), Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, ayaa tilmaamay in Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ay noqon doonto hagaha guud ee mideynaya dhammaan hindisayaasha la xiriira ICT-da ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka. Wuxuu sidoo kale xusay sida ay dowladdu uga go’an tahay isku-duwidda siyaasadaha, maalgelinta kaabayaasha dhijitaalka ah, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha si loo dardargeliyo adeeg bixinta iyo kobaca dhaqaalaha. Inta lagu guda jiro labada maalmood ee wada-tashigu socdo, ka-qaybgalayaashu waxay ka doodi doonaan aragtida dhijitaalka ee Soomaaliya, tiirarka istaraatiijiyadda, iyo qorshaha hirgelinta, iyagoo xoogga saaraya qaab-dhismeedka maamul, hababka maalgelinta, iyo waafaqsanaanta istaraatiijiyadeed ee Ururka Midowga Afrika (AU) iyo Bulshada Bariga Afrika (EAC). Wada-tashigan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee Soomaaliya ay ku xoojinayso maamulka dhijitaalka ah iyo dardar-gelinta horumarka dhijitaal ee loo dhan yahay. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay xariga agaasimayaal warbaahineed oo maanta lagu xiray magaalada Muqdisho. Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed oo sheegay sida uu uga xun yahay xarigaan ayaa dalbaday in si deg-deg ah loo sii daayo Agaasimaha Himilo TV, Axmed Maxamed Aaden iyo Agaasime Ku-xigeenkiisa, Khadar Cabdiraxiin Ibraahim. “Waxaan aad uga xumahay tacadiyada joogtada ah ee lagu hayo warbaahinta gudaha kuwaas oo maalin walba la diiwaangeliyo iyadoo la isku dayayo in la aamusiyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan codkayga ku biirinayaa baaqyada lagu dalbanayo in si deg-deg ah loogu sii daayo Agaasimaha Himilo TV iyo Agaasime Ku-xigeenkiisa oo maanta si sharci darro ah loo xiray.” Shariifka ayaa madaxda dowladda ugu baaqay ilaalinta dastuurka, oo uu sheegay inuu si buuxda u dammaanad qaadayo warbaahinta xorta ah. “Madaxda dowladda iyo Hay’addaha amniga waxaa saaran waajib qaran, maadama dastuurka dalkeenu uu si buuxda u dammaanad qaadayo warbaahinta xorta ah iyo badqabka Suxufiyiinta,” ayuu yiri. Sidoo kale, Xisbiga Himilo Qaran ayaa faafin rasmi oo uu soo saaray si adag ugu cambaareyay xariga iyo handadaad uu sheegay in lagula kacay agaasimeyaasha warbaahineed ee la xiray, kuwaas oo gudanayay waajibaadkooda shaqo ee saxaafadeed. “Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa hay’adaha amniga iyo masuuliyiinta xukuumadda inay joojiyaan cabburinta warbaahinta xorta ah iyo xariga sharci darrada ah ee loo gaysanayo weriyeyaasaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga Himilo Qaran Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran: Xisbiga Himilo Qaran waxa uu si adag u cambaareynayaa xariga iyo handadaadda lagu kacay agaasimaha telefishinka Himilo TV Axmed Maxamed Aaden & agaasime ku-xigeenkiisa Khader Cabdiraxiin Ibraahim, kuwaas oo gudanayay waajibaadkooda shaqo ee saxaafadeed. Falkaan wuxuu qayb ka yahay ku xadgudubka xorriyadda hadalka iyo warbaahinta xorta ah ee ay caddeysatay xukuumadda Federaalka ah oo si qaldan u adeegsanaysa ciidamada amniga iyo awoodda dowladda. Xisbiga Himilo Qaran wuxuu aaminsan yahay in Saxaafaddu ay tahay codka bulshada waana tiir muhiim u ah dimuqraadiyada, dowladnimo ku dhisan cadaalad, isla-xisaabtan iyo hufnaan waxaana dowladda saaran waajibaad cad si loo ilaaliyo badqabka suxufiyiinta. Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa hay’adaha amniga iyo masuuliyiinta xukuumadda inay joojiyaan cabburinta warbaahinta xorta ah iyo xariga sharci darrada ah ee loo gaysanayo weriyeyaasaha Soomaaliyeed. Ugu dambayn, waa in si deg-deg ah xorriyadooda loogu siiyo weriyeyaasaha la xiray wuxuuna xisbigu mar kale xusuusinayaa madaxda xukuumadda Federaalka ah inay ilaaliyaan sharciga iyo dastuurka oo dammaanad qaadanaya xorriyatul qowlka & madax-bannaanida warbaahinta. The post Mucaaradka DF oo dalab deg-deg ah kasoo saaray agaasimeyaal la xiray appeared first on Caasimada Online.
-
Kabul (Caasimada Online) – Tobannaan dagaallame ayaa ku dhintay iska hor imaad xuduudeed oo habeenimadii dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan, sida ay labada dhinacba sheegeen Axadda maanta ah. Waa dagaalkii ugu cuslaa ee dhexmara labada dal ee deriska ah tan iyo markii Taalibaan ay la wareegtay awoodda Kabul. Ciidanka millateriga Pakistan waxay sheegeen in 23 askari oo ka tirsan looga dilay iskahorimaadka. Halka Taalibaan ay sheegtay in sagaal qof oo dhankooda ah ay dhinteen. Xiisadda ayaa sii korortay kaddib markii Islamabad ay ka dalbatay Taalibaan inay tallaabo ka qaaddo maleeshiyaadka kordhiyay weerarrada ay ka geystaan gudaha Pakistan, iyadoo sheegtay inay ka soo howl galaan saldhigyo ay ku leeyihiin Afghanistan. Maamulka Taalibaan, oo awoodda la wareegay 2021-kii, ayaa beeniyay in maleeshiyaad u dhashay Pakistan ay ku sugan yihiin dhulkooda. Dhinac walba wuxuu sheegtay inuu khasaare aad uga badan gaarsiiyay dhinaca kale, iyagoo aan soo bandhigin wax caddeyn ah. Pakistan waxay sheegtay inay dishay in ka badan 200 oo dagaallameyaal Taalibaan iyo xulafadooda ah, halka Afghanistan ay sheegtay inay dishay 58 askari oo Pakistani ah. Si madax bannaan looma xaqiijin karo tirakoobyadaas. Duqeymaha Pakistan oo sababay weerarro jawaab celin ah Khamiistii, Pakistan waxay duqeymo cirka ah ka fulisay Kabul iyo suuq ku yaalla bariga Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiisha amniga Pakistan iyo Taalibaan, taasoo horseedday weerarro aargoosi ah oo ay qaadday Taalibaan. Pakistan si rasmi ah uma aysan qiran duqeymahaas cirka ah. Ciidamada Afghanistan ayaa Sabtidii xilli dambe rasaas ku furay fariisimo xuduudeed oo ay leedahay Pakistan. Pakistan waxay sheegtay inay kaga jawaabtay rasaas iyo madaafiic. Labada dalba waxay sheegteen inay burburiyeen fariisimo xuduudeed oo uu lahaa dhinaca kale. Saraakiisha amniga ee Pakistan ayaa baahiyay muuqaal ay sheegeen inuu muujinayo fariisimaha Afghanistan oo la beegsanayo. Iska horimaadku wuxuu inta badan istaagay subaxnimadii Axadda, sida ay sheegeen saraakiisha amniga ee Pakistan. Laakiin deegaanka Kurram ee dalka Pakistan, rasaas goos goos ah ayaa weli socotay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka iyo dadka deggan. Wasaaradda gaashaandhigga ee Afghanistan ayaa horay u sheegtay in howlgalkoodu uu dhammaaday saqdii dhexe ee xilliga dalkaas. Kabul waxay Axaddii sheegtay inay joojisay weerarrada kaddib codsi uga yimid Qatar iyo Sacuudi Carabiya. Labada dal ee Khaliijka Carbeed ayaa soo saaray bayaan ay walaac kaga muujinayaan iska horimaadyada. “Ma jirto wax khatar ah oo ka taagan meel ka mid ah dhulka Afghanistan,” ayuu yiri afhayeenka maamulka Taalibaan, Zabihullah Mujahid, Axaddii. “Imaarada Islaamiga ah iyo shacabka Afghanistan waxay difaaci doonaan dhulkooda, waxayna ku adkeysanayaan difaacaas.” Mujahid wuxuu sheegay in dagaalku uu weli ka socdo meelaha qaar. Isgoysyada xuduudda oo la xiray Saraakiisha Pakistan ayaa Axaddii sheegay in Pakistan ay xirtay goobaha looga gudbo xuduudda dhererkeedu yahay 2,600 km (1,600 mayl) ee ay la wadaagto Afghanistan, xuduuddaas oo ah mid lagu muransan yahay oo xilligii gumeysiga loo bixiyay Khadka Durand, taasoo uu jeexay gumeystihii Ingiriiska sannadkii 1893-kii. Labada isgoys ee waaweyn ee xuduudda Afghanistan, ee Torkham iyo Chaman, iyo ugu yaraan saddex isgoys oo kale oo yaryar, oo kala ah Kharlachi, Angoor Adda iyo Ghulam Khan, ayaa la xiray Axaddii, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka. Duqeymaha cirka ee Pakistan waxay ku soo beegmeen booqasho naadir ah oo uu hoggaamiye ka tirsan Taalibaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Amir Khan Muttaqi, uu ku tagay dalka India, taasoo keentay in India ay Jimcihii ku dhawaaqdo inay sare u qaadayso xiriirka. India waa dal ay Pakistan is hayaan muddo dheer, waxaana socdaalkaasi uu walaac ka dhaliyay Islamabad. The post DAGAAL ka dhex qarxay Afghanistan iyo Pakistan iyo boqolaal qof oo ku dhintay appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Woqooyi Bari Soomaaliya ayaa shaaciyay in maanta ay heshiis cusub wada gaareen dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya. Sida uu shaaciyay telefishanka maamulka Waqooyi Bari, heshiiskan ayaa ku qotoma iskaashi amni oo labada dhinac yeelanayaan, kaasi oo la gaaray kadib kulamo ay yeesheen mas’uuliyiin ka socotay labada dhinac. “Kulan lagaga tashanayo iskaashiga amniga labada dawladood aya dhex maray masuuliyiinta Dawladda Waqooyi Bari iyo wefti sare oo ka socda Dawlad Deegaanka Soomaalida. Masuuliyiinta labada dhinac ayaa isku raacay muhiimada ay leedahay kor u qaadista amniga iyo ilaalinta nabadda mandiqadda,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta maamulka. Mas’uuliyiinta labada dhinaca ayaa isla qaatay iskaashi amni oo ku qotoma ilaalinta danaha amni iyo nabad-galyo ee labada dowladelood, iyadoo la gaaray illaa 6 qodob oo muhiim ah. Qodobada la gaaray ayaa waxay kala yihiin: Iskaashi buuxa oo ku aaddan sugidda amniga xuduudda dheer ee ay wadaagan labada dowladood Iskaashi dhex mara hay’ahada amniga labada dowladood Isweydaarsiga xogaha iyo wadaaga macluumadka amni Ka hortagga tahriibka iyo tahriibinta Ka hortagga denbiyada abaabulan Joogtaynta kulamada amni ee masuuliyiinta labada dhinac Ugu damebyntiina, Masuuliyiinta dowlad deegaanka ayaa bogaadiyey maamulka cusub ee Waqooyi Bari, dhankooda mas’uuliyiinta dowladda Waqooyi Bari ayaa ka mahad-celiyey iskaashiga amni, ganacsi ee dowladda deegaanku la leedahay Waqooyi Bari. Iskaashigan cusub ayaa imanaya xilli ay dhawaan maamullada Somaliland iyo Puntland ay magaalada Nairobi ku gaareen heshiis ku qotoma iskaashi amni, kaasi oo loo fasiray “mid labada maamul ugu midoobayaan diidmada maamulka cusub ee Waqooyi Bari”. Heshiiska Nairobi ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo ay gaaraan maamullada Puntland iyo Somaliland. Labada maamul ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashiga amniga, nabadda iyo horumarinta bulshada. Shirkan oo ay ka qayb-galeen wasiirro iyo saraakiil sare oo ka kala socday labada dhinac ayaa lagu falanqeeyay xaaladda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan sida loo xoojin karo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo iskaashiga dhinacyada la-dagaalanka argagixisada. Bayaanka ayaa sidoo kale xusay in labada dhinac ay isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga amniga badda, iyadoo diiradda la saarayo la-dagaalanka dambiyada badda iyo tahriibka. Waxaa lagu heshiiyey in la dhiso guddiyo amni oo wadajir ah si loo xaqiijiyo bad-qabashada iyo isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee dhex-marta xeebaha labada maamul. Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa si weyn iskugu soo dhawaaday kadib markii ay dowladda federaalka u dhaqaaqday dhismaha maamulka Waqooyi Bari, oo ay u aragto maamul ay uga adkaan karto maamulka uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo muddo uu ka dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed xooggan. Heshiiska Nairobi ayaa haatan xoojinaya cilaaqaadka Somaliland iyo Puntland, iyadoo labada maamul ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo soo afjaro colaadihii ka dhacay Ceerigaabo iyo deegaannada hoos yimaada, lana fududeeyo dib-u-celinta dadka barakacay, iyadoo dadka deegaanka loogu baaqay ka qeyb qaadashada dadaallada lagu xoojinayo deganaanshaha. Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey in la xoojiyo isu-socodka bulshada iyo ganacsiga, lana hirgeliyo kaabayaal dhaqaale oo kor u qaada xiriirka ganacsi ee labada dhinac. The post Kadib heshiiskii Nairobi, Waqooyi Bari oo shaacisay heshiis iskaashi oo ay la gashay… appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mudane Abiy Ahmed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo la dhiirri-gelinayo iskaashiga horumarineed ee ku salaysan daris-wanaagga iyo is-ixtiraamka, si waafaqsan danaha wadajirka ah ee labada dal, madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay xasilloonida Gobolka iyo mideynta dadaallada lagu cirib-tirayo argagixisada, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, daris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhambaal hambalyo usoo direy shacabka Soomaaliyeed, kaas oo ku aaddan maalinta qiimaha badan ee Calanka dalkeenna. Madaxweynaha ayaa ugu horreyn tilmaamay in maalinta 12 Oktoobar ay ahmiyad weyn u leedahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed maadaama oo ay ku beegan tahay markii la gardaadiyey Calankeenna oo ah astaan ka turjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimadeenna. “Maanta waa maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku beegan tahay markii 71 sanno ka hor halyey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda,” ayuu yiri Madaxweynaha. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, difaaca dalkooda iyo ilaalinta danaha qarankooda, si loo ilaaliyo dhaxalka awooweyaasheenna, jiilasha danbe na loogu diyaariyo mustaqbal wanaagsan. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa isna dhankiisa sheegay in maalintani ay tahay mid qiimo weyn ku leh ummadda Soomaaliyeed, oo ay ku beeggan tahay markii maanta oo kale sanadkii 1954-tii la gardaadiyey Calanka Jamhuuriyadda oo ah astaan ka tarjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. “Hambalyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, xuska maalinta Calanka Soomaaliyeed waa astaan u taagan wadajir iyo midnimada bulshadeenna,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza. Waxa uu intaas kusii daray “Gobannimada Soomaaliyeed ee aan maanta ku naaloonayno waxa ay ku timid halgankii ay galeen geesiyadii u istaagay difaaca, sharafka iyo karaamada ummaddeenna, si aan u xaqiijiyo mirihii ka dhashay gobannimada ay dhaliyeen geesiyaashaas, waa in aan dhammaanteen u midownaa cadowga dalkeenna u diiddan nabadda iyo horumarka.” Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ilaashadaan guushii uu dhiigga badan u daatay ee dalkeennu loogu dhaliyey xornimadiisa, kana gudbaan wax kasta oo keenni kara kala qeybsanaan iyo midnimo la’aan bulsho. The post Maxay tahay farriinta ay Xasan Sheekh iyo Xamza usoo direen shacabka? appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada caasimadda u ah dalka Madagascar ee Antananarivo ayaa maanta martigelisay mudaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeedo maamulka Madaxweyne Andry Rajoelina, waxaana dibedbaxyada qeyb ka ah cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalkaas, ka dib markii ay diideen amarradii la siiyay. Dibadbaxyadan, oo ay hoggaaminayaan dhalinyarada ku dhiirraday kacdoonnada “Jiilka Z” (Gen Z) ee ka curtay Kenya iyo Nepal, ayaa markii ugu horreysay maanta buuxiyey Fagaareha May 13 ee caasimadda Antananarivo, halkaas oo ay isugu yimaadeen kumannaan qof oo dalbanayay in Rajoelina xilka iska casilo. Booliska ayaa isku dayay inay dadka kala eryaan, iyagoo adeegsaday bambooyin iyo sunta dadka ilmada ka keenta, balse durba waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan guutada gaarka ah ee CAPSAT, oo hore kaalin weyn uga ciyaaray soo bixitaankii Rajoelina ee siyaasadda sanadkii 2009. Ciidamadan oo muuqaal ay duubeen ku faafiyay ku faafiyay baraha bulshada ayaa ugu baaqay dhammaan milatariga, booliska iyo ciidamada daraawiishta inay is abaabulaan, ayna diidaan amarrada lagu farayo inay rasaas ku furaan shacabka. “Aan mideyno awooddeena, hana u noqonina kuwo lacag lagu kireysto si ay u toogtaan walaalahooda,” ayay yiraahdeen ciidamadan oo ku sugan xerada Soanierana ee duleedka caasimadda. Waxay kaloo ugu baaqeen ciidamada ku sugan garoonka diyaaradaha inay joojiyaan dhammaan duullimaadyada, halka kuwa kale ee ku sugan xeryaha gudaha dalka laga dalbaday inay diidaan amarrada saraakiishooda sare.” Wararka qaar ayaa sheegaya in guutada CAPSAT ay ku dhawaaqday in ciidamada qalabka sida ee dalka hadda ay iyadu hoos tagaan, inkastoo aan weli la helin xaqiijin rasmi ah oo arrintaas ku saabsan. Kacdoonka socda ayaa soo xoogaystay tan iyo 25-ka Sebteembar, waxaana uu daba socdaa caro ka dhalatay kororka sicirka nolosha, jarista biyaha iyo korontada, iyo eedeymo la xiriira musuqmaasuq iyo maamul xumo. Madagascar, oo ah jasiirad ku taalla Badweynta Hindiya, ayaa mar kale wajahaysa xaalad siyaasadeed oo kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafka u dhexeeya ciidamada iyo dowladda uu isu beddelo qalalaase milatari oo cusub. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhambaal u dirtay dowladda Qatar iyo shacabkeeda, kadib kulan maanta ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaagay dhambaal tacsi rasmi ah oo ay dowladda Soomaaliya u direyso dowladda iyo shacabka walaalaha Qatar, kadib shilkii gaari ee naxdinta lahaa ee ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar. Shilkaas ayaa waxaa ku geerida saddex muwaadin oo u dhashay Qatar iyo dhaawaca qaar kale. Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiirka u xaqiijiyay in Soomaaliya ay marwalba garab taagan tahay walaalahooda Qatar. Kulanka labada mas’uul ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay Dowladda iyo shacabka aannu walaalaha nahay ee Qatar, uga tacsiyeyneysaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid muwaadiniin u dhashay dalkaas oo ku geeriyooday shil gaari oo saaka ka dhacay meel ku dhow magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan alle uga rajeynayaa in uu u naxariisto intii dhimatay, kuwa dhaawaca ahna uu bogsiimo degdeg ah siiyo.” Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay sida Soomaaliya ay mar kasta ugu garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Qatar, isaga oo ku ammaanay kaalinta muuqata ee ay Qatar ka qaataan taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dalkeenna. Si kastaba, Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir diblomaasiyadeed oo aad u wanaagsan. Qatar ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna ka fulisa dalka mashaariicyo kala duwan. Sidoo kale waxay xukuumadda Dooxa door muuqda ka qaadata taageerada ciidamada iyo dhanka arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya. The post Sawirro: DF oo dhambaal u dirtay Qatar kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda ayaa maanta Baydhaba ku soo bandhigay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo isa soo dhiibay, sida ay sheegtay hay’addu. Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in ay isa soo dhiibeen illaan 12 xubnood, kuwaas oo lagu soo bandhigay magaalada Baydhaba, iyada oo sawirradooda lasoo bandhigay Raggan ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa qeybaha jabhadaha, amniyaadka, aruurinta lacagaha baadda, iyo xisbada, sida ay shaaca ka qaaday hay’adda Nabad Sugidda. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in xubnahan ay kasoo howlgaleen inta badan gobollada, ayna ka qayb qaateen howlgallo iyo dagaallo kala duwan oo ay kooxda fulisay. Qaar kamid ah raggan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay dib ula midoobaan dadkooda, ayna dalbanayaan cafis guud. Waxaa kale oo ay sheegeen inay uga soo baxeen Ururka Al-Shabaab dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, ayna qudhooda u adkeysan waayeen xaaladda ay ku sugnaayeen, kahor inta aanay kasoo tagin kooxaha Khawaarijta. Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana weeraro iyo qaraxyo ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi. Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa horay sidana oo kale usoo bandhigtay maleeshiyaad badan oo kasoo goostay Al-Shabaab, waxaana la marsiiyay habraacyo ay dowladdu dajisay, kadibna waxaa loo sii gudbiyaa xarumaa gaarka ah ee dhaqan celiska oo muddo lagu hayo. The post Shabaabkii ugu badnaa oo u soo gacan galay DF + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha badan ee Calanka dalkeenna. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maalinta 12 Oktoobar ay ahmiyad weyn u leedahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed maadaama oo ay ku beegan tahay markii la gardaadiyey Calankeenna oo ah astaan ka turjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimadeenna. “Maanta waa maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku beegan tahay markii 71 sanno ka hor halyey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, difaaca dalkooda iyo ilaalinta danaha qarankooda, si loo ilaaliyo dhaxalka awooweyaasheenna, jiilasha danbe na loogu diyaariyo mustaqbal wanaagsan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal lagu beegsaday sarkaal horay uga tirsanaa ciidanka Xoogga dalka, kaas oo lagu magacaabo Col. Cali Xuubeey, kadib markii hub iyo gaadiid uu lasoo galay Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa weeraray Col. Cali Xuubeey, xilli uu ku sugnaa aagga Xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, waxayna kala wareegeen gaadiid dagaal oo uu watay, sarkaalkan oo xilal kala duwan soo qabtay, gaar ahan dhanka HirShabelle. Gaadiidka la gala wareegay ayaa waxaa ku buufsanaa astaanta ciidanka Xoogga dalka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo lagu kalsoonaan karo. Col. Cali Xuubeey oo qudhiisa oo qoraal kooban soo saaray ayaa caddeeyay in lasoo weeraray, balse waxa uu ku goodiyay in maalinteeda uu sugayo, isla markaana aanu ka hari doonin cidda kala wareegtay gaadiidka. Arrintan ayaa u muuqata mid daba socota digniintii dhawaan kasoo baxday Taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gebi ahaan mamnuucay in la is ticmaalo gaadiidka ciidanka, astaantooda iyo dareeska intaba. War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in qof kasta oo lagu qabto isagoo si sharci-darro ah u adeegsanaya dareeska, astaamaha ama darajooyinka Ciidanka Xoogga Dalka laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan xeerarka ciidamada iyo sharciga dalka. Digniintan ayaa u muuqata mid ku socota siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku sugan Muqdisho, maadaama ciidamo badan oo ka tirsan Xoogga Dalka ay hadda ilaaliyaan siyaasiyiin mucaarad oo ku beel ah. Sidoo kale, waxaa jira ciidamo kale oo aan ka tirsaneyn Xoogga, balse adeegsada dharka iyo gaadiidka u eg kuwa CXDS. Si kastaba, Sarkaalka hadda lagu bilaabay howlgalka ayaa kamid ah xubnaha aadka ugu dhow mucaaradka, gaar ahaan Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed. The post DF oo weerar ku qaaday sarkaal hub culus lasoo galay Muqdisho kadibna… appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxmauud ayaa saaka goor sii horreysay ka dagay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo uu kula kulmi doono Abiy Axmed. Safarkan oo aan horay loo sii shaacin ayaa lasoo warinayaa in Madaxweynuhu kaligiis u baxay, wuxuuna diyaarad gaar ka qaatay Muqdisho, isaga oo ka dagay Addis Ababa. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada-hadli doono arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, daris wanaaggga iyo xaaladda gobolka. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada dhinac ay sidoo kale kulankooda diiradda ku saari doonaan xaalada Jubbaland, si xal loogu helo khilaafka taagan ee labada dhinac, kasoo kasii daray markii dhawaan lagu kala kacay wada-hadalladii u dhexeeyay labada dhinac. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegaya in Abiy uu Xasan ku qancinayo in wada-hadallada sii socdaan, si ay u miro dhalaan wada-hadallada bilowday ee aan illaa hadda aan laga gaarin wax natiijo ah. Waxaa kale oo suuragal ah in Madaxweynaha Soomaaliya uu cagta soo mariyo dalka Kenya, isaga oo wada-hadallo kuwaan lamid ah uu lasoo yeelan doono William Ruto. Kenya ayaa door muuqdo oo dhex-dhexaadin ah ku lahayd, wada-hadalladii ka dhacay Ksimaayo, waxaana goobjoog ahaa taliyaheeda sirdoonka, inkastoo markii la kala kacay uu dib ugu laabtay caasimada Nairobi. Sidoo kale, xogta ayaa intaasi kusii dareysa in qorshuhu yahay in mar kale la’is arko, lana sii amba qaado wada-hadallada, waxaana horay sidaas ugu ballamay Dowladdda Federaalka iyo Jubbaland oo dhawaan warsaxaafadeedyo kasoo saaray wada-hadalladoodii. Safarkan lasii qorsheeyay ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan xukuumadda Soomaaliya ay waddo qorshe culus oo au ku dooneyso in maamul cusub oo ka madax banaan Jubbaland ay ka dhisto Gedo, kaas oo haysta sharciyadda dowladda. Si kastaba, ha’ahaatee lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaana la eegi doonaa halka ay ku dambeeyaan dadaallada socda ee ay qaybta ka yihiin waddamada dariska ah ee Kenya iyo Itoobiya. The post Xog: Xasan oo ka dagay Addis Ababa + Qorshihiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka muujisay murugo iyo tacsi tiiraanyo leh oo ay u dirtay Dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Qatar, kaddib shil gaari oo xanuun badan oo saaka aroortii hore ka dhacay meel u dhow magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar, kaas oo sababay geerida saddex xubnood oo ka tirsan Diwaanka Amiirka ee Qatar iyo dhaawaca labo kale. Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda uga garab taagan tahay hoggaanka, dowladda iyo shacabka Qatar, iyadoo alle uga baryeysa inuu naxariistii janno ka waraabiyo kuwii geeriyooday, dhaawacyadana si degdeg ah u bogsiiyo. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay qorshe cusub oo lagu dhisayo waddooyin muhiim ah oo ku yaalla deegaanada Somaliland, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu hormarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka. Wasiirka Hawlaha Guud ee Dowladda Federaalka, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in mashruuc cusub lagu dhisi doono waddo isku xirta magaalooyinka Saylac iyo Boorama ee gobolka Awdal. Wasiirka ayaa tilmaamay in sahankii waddadan la soo gabagabeeyay, islamarkaana ay hadda diyaar u yihiin in la bilaabo dhismaha. Dr. Cilmi ayaa intaa ku daray in sidoo kale ay socdaan qorshayaal lagu dhisayo waddooyin kale oo muhiim ah sida jidka Oodweyne iyo Hargeysa isku xira, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha guud ee horumarinta waddooyinka dalka. Wasiirka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa xusay in wasaaraddiisu ka shaqeyso dhammaan gobollada dalka iyada oo aan cidna laga reebin, isagoo yiri: “Dowladdu waxay u adeegtaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, Somaliland-na waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.” Si kastaba ha ahaatee, lama oga sida maamulka Somaliland, oo sheegta in uu yahay dal madax bannaan, uga falcelin doono qorshahan dowladda federaalka ah ee Muqdisho ay ku dhisayso waddooyin ku yaalla deegaanada ay iyagu maamulaan. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo dib u eegis taariikhi ah ayaa iftiiminaysa doorka Al-Qaacida ee “Dagaalkii Muqdisho” 3–4 October 1993, khasaaraha milatari ee Maraykanka, iyo sida dhacdadu u beddeshay jihada siyaasadda dibadda ee Washington sannadihii xigay. Qoraalka, oo lagu daabacay The National Interest, ayaa xusay in ugu yaraan 10 xubnood oo Al-Qaacida ah ay ka taageereen dagaalyahannada Soomaaliyeed ee Jeneraal Caydiid dagaalka ka dhacay caasimadda. Tani waxay la jaanqaadaysaa sheegashooyin hore oo ka yimid khubaro amni iyo saraakiil CIA ah oo sheegay in shabakadda Osama bin Laden ay tababbar farsamo siisay maleeshiyada la-dagaallamay Maraykanka. Asalka howlgalka wuxuu ka bilowday gargaarka bini’aadannimo ee ay horseedeen marines-ka Mareykanka dhammaadkii maamulka George H. W. Bush, si looga hortago gaajada ka dhalatay burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre iyo dagaalladii sokeeye. Markii Bill Clinton xafiiska yimid 1993, howlgalka waa la ballaariyey, iyadoo US Army Rangers iyo DELTA Force lagu amray in ay beegsadaan hoggaamiyeyaasha dagaalka ee lagu eedeeyay xadgudubyada, gaar ahaan kooxda uu hoggaaminayay Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid. Howlgal maalmeed lagu bartilmaameedsaday kulan hoggaamineed oo magaalada dhexdeeda ka dhacay ayaa isu beddelay dagaal culus. Laba diyaarad oo nooca Black Hawk ah ayaa la riday, 18 askari oo Mareykan ah ayaa dhintay, ku dhowaad 80 waa ku dhaawacmeen, duuliyihii Mike Durantna waa la qabsaday. Pentagon wuxuu hore uga digay khatarta hawlgalka, balse taageero gaashaandhig lama bixin. Kaddib, Aqalka Cad wuxuu doortay bixitaan degdeg ah, taas oo dhalisay dood siyaasadeed oo gudaha ah. Khubarada amniga ayaa tilmaamay in farsamadii lagu riday Black Hawk-yada, oo ahayd in RPG lagu dhufto diyaaradaha si hoose u duulaya, ay ahayd xeelad Al-Qaacida ka soo baratay dagaalkii ka dhanka ahaa Soofiyeetka ee Afghanistan 1980-meeyadii. Osama bin Laden ayaa hadallo uu ka jeediyay kadib sheegay in ujeeddadiisu ahayd “ceebeyn fagaare ah” si loo abuuro “Somalia Syndrome,” oo la mid ah kalsooni-yaraan siyaasadeed ee ka dhalatay jabkii Mareykanka ee dagaalka Vietnam. Saameynta siyaasadeed ee dhacdada waxay dhaaftay Soomaaliya. Fadeexaddii Muqdisho ayaa gundhig u noqotay ka fogaanshihii Maraykanka ee faragelinta xasuuqii Rwanda 1994, inkastoo siyaasadda Washington ay mar dambe dib ugu noqotay faragelin, iyadoo ku lug yeelatay Balkans iyo, dabadeed, dagaalladii Afghanistan iyo Iraq kadib weerarradii 9/11. Qoraaga The National Interest ayaa ku dooday in khaladaadkii qorshaynta iyo qiimaynta dagaal-yahannadii Muqdisho dib ugu soo noqdeen “Global War on Terror,” balse heer ballaaran. Warbixintu waxay soo jeedisay saddex cashar oo muhiim ah. Midda koowaad, kala saarid cad oo u dhexeysa hawlgallada gargaarka iyo kuwa militari, si aan looga beddelmin dhexdhexaadnimo una noqon bartilmaameed colaadeed. Midda labaad, qiimayn sax ah oo ku saabsan awoodda cadowga iyo deegaanka dagaalka, gaar ahaan dagaal-xeerarka magaalooyinka. Midda saddexaad, diyaarinta sahay iyo taageero gaashaandhig oo ku filan hawlgallada khatarta sare leh, si looga hortago go’doomin iyo khasaaro badan. In kasta oo Maraykanku dagaalka ku sababeeyay khasaare culus oo soo gaaray dhinaca Soomaalida, dhacdadu waxay dhaawacday sumcaddii milatari ee Washington xilligii ay ku faani jirtay “quwada koowaad” ee dunida. Taasi waxay siineysay Al-Qaacida dhiirogelin iyo dhiiranaan soo jiidatay taageerayaal cusub, iyadoo abuuraysa sheeko ku saabsan “Maraykan warqad ah.” Soddon sano kadib, Dagaalkii Muqdisho wuxuu weli u taagan yahay xusuus murugo leh oo laba dhinac leh, midda bini’aadannimo ee asalka ahayd iyo midda militari ee kusoo rogmeysa. Waxaa ka dhashay su’aalo ku saabsan goorta iyo sida loo kala hormariyo gargaarka, danaha amni, iyo xadka faragelinta. Waxaa kale oo uu xasuusinayaa halista ay leedahay in lagu dhaqaaqo hawlgallo adag iyadoo aan lahayn faham qoto dheer oo “deegaanka iyo cadowga ah”, ama aan la haysan qalab iyo qorshe baxsad oo dhammaystiran. Dhacdadaas ayaa weli lagu qiimeeyaa cashar ku saabsan isku xirnaanta xeeladaha dagaal, halista siyaasadda, iyo saamaynta muuqaalka awoodda ee go’aannada Washington. The post CIA, Al-Qaacida iyo dagaal-kii Muqdisho ka dhacay ee abid beddelay Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Marinka Qasa waxaa soo hagaagaysa nolosha dadka, waxaana soo gabagaboobay dagaal lagu hoobtay iyo gumaad muddo labo sano ah ka socday halkaas, ka dib markii ay dhowaan Xamaas iyo Israa’iil heshiis rasmi ah kala saxiixdeen. Taasi waa warka ugu weyn ee dunidu hadal-hayso, waana waa cusub oo Qasa u beryay iyo wacaal farxad leh, balse gudaha Qasa weli xabad ayaa ka dhacaysa oo koox hubeysan oo Israa’iil taageerto, calanka iyo dhalashadana la wadaaga ayaa Xamaas dagaal toos ah kala horyimid. Kooxdan oo uu hoggaamiyo nin lagu magacaabo Yasir Abu Shabab ayaa ka dagaalamaya magaalooyinka Khaan Yuunis, Jabaaliya iyo Rafax, halkaas oo xiisado hubeysan ay dib uga qarxeen kadib saxiixii heshiiska joojinta dagaalka ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Xamaas. Kooxdan uu hoggaamiyo Yasir Abu Shabaab ayaa lagu sheegay mid si toos ah ama si dadban u heshay taageero hub iyo agab ciidan ah oo ka timid Israa’iil, ayadoo ay xukuumadda Netanyahu horay ugu faantay inay saanad militari ku biri-taartay si ay Xamaas ula dagaallamaan. Kooxdan ayaa ah jabhad hub casri ah haysata oo ay adagtahay in si fudud loo soo afjaro, balse taageertada shacabka ayaa Xamaas u fududayn karta inay kooxdaas gacan bir ah ku qabato. Dhanka kale, qoyska hoggaamiyaha kooxdan Yasir Abu Shabaab ayaa hore u sheegay in “dhiiggiisu uu bilaash yahay”, isla markaana lagu dili karo meeshii lagu arko, taasoo muujinaysa heerka nacaybka ee asaga iyo kooxdiisa loo qabo. Si kastaba, Abu Shabaab ayaa isagu ku dooday in ujeeddadiisu ay tahay in Qasa laga badbaadiyo xukunka kali-taliska ah ee Xamaas, isagoo ku andacoonaya in asagoo calanka Falastiin wata uu doonayo isbedel siyaasadeed oo Xamaas meesha looga saaro. Dagaalkan cusub ayaa durba saameyn ku yeeshay xaaladda amni ee xaafadaha Qaar , gaar ahaan Jabaaliya, iyo Khaan Yuunis, balse Xamaas ayaa wacad ku martay inay kooxdaas degdeg u soo afjari doonto. Si kastaba ha ahaatee Israa’iil ayaa u muuqatay in duqeymaha Qasa ay mudadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay ku barbar waday abuurista kooxo fakir ahaan u taageersan oo u fududeeya ka takhalusidda Xamaas, oo noqday yool aan lagu guulaysan. Source: goobjoog.com
-
Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda ee ku sugan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta ku dhigay laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kusoo socday magaalada Muqdisho, si ay weeraro uga fuliyaan. Saraakiisha amniga oo ka hadlay qabashada labada nin ayaa sheegay in wareysiyo laga qaaday ay ku qirteen in loo soo diray Muqdisho, si ay u dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda qabashada raggan ayaa ku timid xooraansi ay sameeyene ciidanka, kadibna uu xigay howlgal loo fuliyay si xirfadeysan. “Howlgalka Ciidanku sida xeeladeysan u fuliyeen ee lagu qabtay dhagarqabayaasha ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee isku dayaya inay carqaladeeyaan amniga iyo xasilloonida Dalka” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidanka Xoogga Dalka oo dedaal ugu jira difaaca shacabka ayaa markale muujiyay feejignaan, karti iyo geesinimo ay kaga hortegayaan dhagar kasta oo cadowgu soo maleego, taas oo cadeyneysa sida Ciidanku ugu heellanyihiin sugidda amniga iyo badbaadada shacabkooda”. Qabashada xubnahan ka tirsan Al-Shabaab ayaa kusoo aadeysa, iyada oo todobaadkii hore ay kooxda Muqdisho ka fulisay weerar si xeeladeysayn loo qorsheeyay oo ay ku beegsatay Godka Jilacow, kadib markii uu gudaha u galay gaari Cabdi Bile ah oo loo soo ekeysiiyay kan gaadiidka Hay’adda NISA, kadibna waxaa sidaas gudaha kusii galay rag hubeysan. Al-Shabaab ayaa u muuqata in haatan ay xoogga soo saareyso gudaha caasimada oo bilihii lasoo dhaafay ka caaganeyd weerarada argagixisada, waxaana tan iyo markii uu dhacay weerarkii Godka Jilacow, lasii xoojiyay amniga iyada oo lasii laba jibaaray howlgallada. Waxaa sidoo kale, la kordhiyay dhaq-dhaqaaqa ka socda daafaha Muqdisho iyo labada Shabelle, halkaas oo ay dowladdu gaysay ciidamo dheeraad ah oo suga amniga. Howlgalladaas ayaa sidoo kale lagu qabtay degmada Awdheegle iyo deegaanno kale oo ay horay u joogeen Al-Shabaab, kana soo abaabuli jireen weerarradooda halista ah. The post Rag ay Shabaab usoo direen Muqdisho oo la qabtay appeared first on Caasimada Online.
