-
Content Count
213,405 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Madaxweynaha iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb-galaya shir ay dalalka Carabta iyo Islaamka ay kaga hadlayaan weerarkii ay dhawaan Israel ka fulisay magaalada Dooxa ee dalkaasi. Weerarkan oo Israel ku beegsatay madax sare oo ka tirsan ururka dhaq-dhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa imanaya kadib markii Trump uu digniin u diray kooxda wada-xaajoodka ee Xamaas, xilli uu ku riixayay xabbad-joojin cusub. Mareykanka ayaa si isdaba joog ah ugu eedeeyay Xamaas inay carqaladeyneyso wada-xaajoodyada. Dhanka kale, Israel ayaa lagu eedeeyay inay dhowr jeer hakisay wada-hadallada. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarka dhanka cirka ah ee ay ciidamada Israel ka fuliyeen gudaha magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, kaas oo ay ka dhalatay xaalad adag. Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu caddeeyay mowqifka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in falkaasi ay u aragto mid gar-darro ah oo si toos ah uga hor imaanayo shuruucda caalamiga ah, maadaama ay waxyeelo gaartay guryo ay daganaayeen dad rayid ah. Sidoo kale wasaaradda ayaa walaac xooggan ka muujisay saameynta weerarradan ay ku yeelan karaan xasilloonida gobolka Khaliijka, maadaama ay abuureen xiisado horleh. Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isla maalintaas khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani oo uga tacsiyeeyay weerarka ay Israel ka geysatay magaalada Dooxa, isaga oo u caddeeyay in Soomaaliya ay si buuxda ugu garab taagan tahay Qatar, difaaca madax-bannaanideeda iyo amnigeeda qaranka. Weerarka kaddib, Xamaas waxay sheegtay in kuwa la beegsaday ay ka doodayeen soo jeedintii ugu dambeysay ee Trump. Kooxda waxay intaas ku dartay in weerarku “uu xaqiijinayo, shaki la’aan, in Netanyahu iyo xukuumaddiisu aysan doonayn in la gaaro wax heshiis ah ayna si ula kac ah u doonayaan inay fashiliyaan dhammaan fursadaha jira ayna carqaladeeyaan dadaallada caalamiga ah.”
-
Raaskambooni (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Jubbaland, gaar ahaan qaybta ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa howl-gal ballaaran ka wada deegaanka Raaskambooni. Howl-galkan ayaa waxaa si gaar ah ciidamadu uga sameeyeen dhulka howd ah ee hoos yimaada deegaanka Raaskambooni ee degmada Badhaadhe, gobolka Jubbada Hoose. Howl-galka oo ay fuliyeen cutubka Hanqadh ayaa ka dhacay tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla Raaskambooni. Intii lagu guda jiray, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay daawooyin iyo agab kale oo lagu tuhunsan yahay in ay halkaasi kaga tageen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiisha hoggaamisa ciidamada sirdoonka Jubbaland ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisu ahaa in laga hortago weerarro qorsheysan oo kooxdaasi ku doonayeen inay ku qaadaan saldhigyada ciidamada iyo xarumo kale oo muhiim ah. Maalmihii la soo dhaafay, ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Sirdoonka Qaranka ayaa si joogto ah uga waday howlgallo amni xaqiijin ah deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo, iyagoo bartilmaameedsanaya goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan dagaalyahannada Al-Shabaab. Hoggaanka ciidamada ayaa ku tilmaamay howl-galadan kuwo hordhac u ah qorshayaal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga, isla markaana muujinaya go’aanka Jubbaland ee ku aaddan in gebi ahaanba la ciribtiro khatarta Al-Shabaab loona sugo nabadda shacabka. Howl-galkan ayaa qeyb ka ah bartilmaameedyada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa shacabka iyo Saaxiibada Caalamka, ay kula dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab.
-
Doorashada duqa degmada Gaalkacyo ee dhinaca dowlad goboleedka Puntland oo maanta ka dhacday xarunta maamulka degmada ayaa noqotay mid ay hareeyeen buuq iyo gacan ka hadal. Doorashadan ayaa ahayd mid ay si weyn indhaha ugu hayeen shacabka magaalada iyo xisbiyada siyaasadda Puntland, maadaama Gaalkacayo ay tahay magaalo istaraatiiji ah oo xudun u ah ganacsiga iyo siyaasadda gobolada dhexe. Inta lagu guda jiray wareegii koowaad ee doorashada, waxaa dhacay gacan ka hadal kooban oo dhex maray xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka, taas oo keentay in codbixintu dib u dhacdo muddo kooban. Si kastaba ha ahaatee, guddiga doorashada ayaa ku guuleystay inay xaaladda dejiyaan, iyagoo kaashanaya ciidamada booliska ee goobta joogay, waxayna doorashadu gashay laba wareeg, iyadoo ugu dambeyntii uu ku guuleystay Xildhibaan Xuseen Dambalas, oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Puntland ee KAAH. Xildhibaan Dambalas ayaa helay codad badan oo ka sarreeyay musharixiintii kale, taasoo ka dhigtay duqa cusub ee Gaalkacayo oo ah magaalo sanadihii dambe wajahaysay culaysyo dhinacyada adeegyada dowliga ah iyo kaabeyaasha nolosha bulshada ah. Source: goobjoog.com
-
Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa maanta lagu soo afjaray kiis dil ah oo muddooyinkii la soo dhaafay xiisad ka dhex abuuray laba beelood oo deegaanka ku wada nool. Heshiiska lagu soo gunaanaday xurguftii ka dhalatay kiiskaas ayaa lagu gaaray gogol nabadeed oo ay hormuud ka ahaayeen odayaasha dhaqanka, culimada iyo maamulka deegaanka. Xalinta kiiskan ayaa ku dhammaatay in la bixiyo mag dhan 210 halaad oo geel ah, taasoo ah magta dhaqanka Soomaaliyeed, iyo in la siiyo laba gabdhood oo godob-reeb ah si loo adkeeyo heshiiska iyo xiriirka labada beel. Sidoo kale, waxaa la kala qaaday laba qori oo dirir-reeb ah si loo xaqiijiyo in colaaddaasi aysan dib u soo laaban, waxaynq odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka goobta ka hadlay tilmaameen in heshiiskani uu yahay mid soo celinaya nabadda, isku-duubnida iyo wada noolaanshaha bulshada Buuhoodle. Maamulka degmada iyo saraakiil amni oo ka qeybgalay madasha ayaa ku baaqay in la ilaaliyo heshiiska oo aan dib loogu noqon colaad iyo xurguf. Goobjoogayaashii xafladda ayaa dhankooda sheegay in farxad weyn laga dareemay magaalada, maadaama heshiiskan uu soo afjarayo muran muddo dheer saameyn ku lahaa bulshada deegaanka. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka ee Somaliland ayaa soo saartay habraac cusub oo socdaalka, kaasi oo si toos ah uga hor imanaya go’aankii kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo hanaanka fiisaha ka dhigay hab online ah (e-Visa). Habraacan cusub ee socdaalka Somaliland ayaa dhigaya in dadka kasoo degaya garoomada maamulka ay fiisaha soo gelitaanka ku bixiyaan gudaha garoomada ee maamulkaasi, ee uu ka mid yahay garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa Maamulka Somaliland ayaa noqonaya maamulkii labaad ee si rasmi ah uga horyimaada nidaamka cusub ee dal-ku-galka Soomaaliya ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Hay’adda Socdaalka ee Somaliland ayaa sidoo kale shardi uga dhigtay qofka ajnabiga ah ee imanaya deegaanadeeda in uu haysto tigidhka labaashada ee safarka iyo in la helo cid damiin ah oo qaada mas’uuliyadiisa. Qodobada kasoo baxay hay’adda socdaalka ayaa u dhigan sidan: 1. In qofka uu haysto Passport waqtigiisa dhicitaanku ay ka hadhsan tahay lix bilood iyo ka badan. 2. In qofku uu haysto tigidhkii labaashada ama tigidhkii safarka. 3. In uu caddeeyo in uu haysto dhaqaalihii uu ku joogi lahaa muddada uu Somaliland ku sugan yahay. 4. In la helo cid lagala xidhiidho ama Hotel uu ballan ka sii qabsaday. 5: Dadka asal ahaan Soomaaliga aha ama qurba joogta Soomaalida ah loogama baahna caddayn maaliyadeed ama tigidh noqosho. 6. Dadka soo degayaa waa in ay bixiyaan lacagta Fiisaha soo geli taanka oo ah mid lagu bixinayo goobaha ay Somaliland ka soo galeen. Si kastaba, qofka wata baasaboorka shisheeye ee ku socda Somaliland iyo Puntland ayaa haatan ku qasbanaanaya inuu bixiyo labo lacagood oo dal ku gal ah mid ka e-Visa ee dowladda federaalka iyo midka garoomada labadaas maamul looga baahan yahay. Puntland iyo Somaliland ayaa u arka go’aanka cusub ee dowladda federaalka mid looga leexsanayo lacago ay hore u qaadi jireen maamulladan. Inkastoo tani ay kordhinayso culayska dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool.
-
Feeryahanadda Soomaaliyeed ee caanka ah Ramla Ali ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde. Dadweyne tiro badan, dhalinyaro isboorti iyo mas’uuliyiin dowladeed ayaa ku sugnaa garoonka si ay ugu muujiyaan taageerada iyo bogaadinta ay u hayaan guulihii taariikhiga ahaa ee ay ka soo hoysay caalamka. Ramla Ali ayaa dhowaan ku guuleysatay bilad dahab ah oo taariikhi ah, taas oo ka dhigaysa gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee gaarta heerkan sare ee feerka caalamiga ah. Soo laabashadeeda dalka ayaa u muuqata mid dhiirigelin weyn u noqonaysa dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha doonaya inay galaan ciyaaraha heer caalami. Mas’uuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa sheegay in Ramla Ali ay tusaale u tahay sida dadaal iyo go’aan adag loogu gaari karo guul, xilli Soomaaliya ay dib u dhis ku waddo qeybaha isboortiga. Waxaa sidoo kale lagu wadaa in ay la kulanto dhalinyarada feerka iyo kooxaha ciyaaraha si ay waayo-aragnimadeeda ula wadaagto. Source: goobjoog.com
-
Ceeldheer (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa gelinkii dambe ee shalay gudaha degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku soo bandhigay hub iyo maxaabiis laga qabtay kooxda Al-Shabaab. Maxaabiista nolosha lagu soo qabtay oo labo nin ahaa ayaa la hor keenay warbaahinta, iyagoo garbo duub u xiran. Maxaabiistan ayaa lagu soo qabtay dagaalkii Jimcihii ka dhacay degmada Ceeldheer. Saraakiisha soo bandhigay maxaabiistan Shabaabka ayaa ballan-qaaday in si habboon loola dhaqmi doono inta lagu wareejinayo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Xafladda lagu soo bandhigay maxaabiista iyo hubka laga furtay kooxda Al-Shabaab waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Maxamed Dhagaweyne, Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Saahid Jaamac Faarax Jareere iyo saraakiil kale. Waxaa isla goobtaas abaalmarin lacageed lagu guddoonsiiyay askari la sheegay inuu ka hortagay gaari ay kooxda Al-Shabaab kasoo buuxiyeen walxaha qarxa, kaas oo lagu doonayay in lagu weeraro degmada Ceeldheer. Weerarkii Jimcihii ay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Ceeldheer ayaa lagu tilmaamay midkii ugu weynaa ee kooxdaasi ku soo qaaday tan iyo markii degmadaas laga xoreeyay sanadkii 2022. Dagaalka Ceeldheer oo markii hore ku bilowday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa waxay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kala hortageen difaac adag, iyadoo jab culus gaarsiiyeen cadawga. Dagaalkaasi oo socday muddo saacado ah, waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo loo geystay xubnaha weerarka soo qaaday, iyadoo dowladdu soo bandhigtay muuqaallo meydad ay sheegtay inay halkaasi uga carartay kooxdu. Ciidanka ayaa dagaalkan ku dilay in ka badan 60 xubnood oo Shabaab ah, iyagoo sidoo kale gacanta kusoo dhigay maxaabiis ay ku jiraan horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka, sida ay sheegtay dowladdu.
-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Jarmalka ayaa soo saartay war-murtiyeed ay muwaadiniinta dalkooda ku wargelinayso siyaasadda cusub ee socdaalka ee ku saabsan dhulka isku magacaabay Somaliland. Aqbalidda Visa On Arrival Wasaaraddu waxay sheegtay in muwaadiniinta Jarmalka ee u socdaalaya magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Berbera, Burco iyo Ceerigaabo ay heli karaan dal-ku-gal (Visa On Arrival) marka ay ku soo degaan garoomada diyaaradaha ee magaalooyinkaas. Tani waxay meesha ka saartay shuruuddii ahayd in ay codsadaan E-Visa Soomaaliya kahor inta aanay soo safrin. Dhanka kale, Wasaaradda Jarmalku waxay muwaadiniinteeda uga digtay xaaladaha amni, caafimaad iyo nololeed ee ku adag gobolka, iyadoo sheegtay in adeegyada caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ay aad u liitaan. Waxay kula talisay muwaadiniinteeda inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah oo ku aaddan ammaankooda iyo caafimaadkooda inta ay ku sugan yihiin gudaha Somaliland. Go’aankan Jarmalka ayaa loo arkaa inuu jabinayo xeerka madax-bannaanida Soomaaliya, maadaama fiisaha rasmiga ah ee dalka Soomaaliya uu hoos yimaado dowladda Federaalka ee Muqdisho. Aqbalidda fiisaha gaar ahaaneed ee Somaliland waxay dhalisay dood ku saabsan faragelin sharciyeed iyo sida ay saamayn ugu yeelan karto xiriirka labada dal. Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Puntland ayaa xaqiijisay in mar kale Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu raadinayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashada soo socota, isla markaana ay ololihiisa ku muujisay Hawlgalka Calmiskaad. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo warkan xaqiijiyay, ayaa ololaha ahaan u adeegsaday Hawlgalka Calmiskaad ee ciidamada difaaca Puntland kula dagaallamayaan maleeshiyada argagixisada ah ee Daacish. Wasiirku waxa uu isbarbar dhig ku sameeyay Madaxweynihii ugu horreeyay Puntland, Korneyl Cabdullaahi Yuusuf, iyo Madaxweyne Siciid Deni. “Dowladda Puntland: gacanta difaaca, gacanta horumarka. Puntland waxay u diyaarsan tahay samatabixinta dawladnimada Soomaaliyeed, sidii ay hore ugu samatabixisay xilligii Madaxweyne hore, Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Mar kale, Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, wuxuu samatabixin doonaa dawladnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir. Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Deni si rasmi ah ugu tartami doono xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashada soo socota, isagoo ku adkeeyay: “Xilligan ma jiro hoggaamiye Soomaaliyeed oo waxqabadkiisa la hubo, marka laga reebo Saciid Cabdullaahi Deni. Sidaas darteed, Soomaali maanta Saciid Cabdullaahi Deni bay u baahan tahay.” Doorashadii madaxweynenimada Soomaaliya ee dhacay bishii May 2022, Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu ahaa mid ka mid ah musharrixiinta ugu saameynta badan. Wuxuu gaaray wareegii saddexaad ee doorashada, isagoo ka mid noqday saddexda musharrax ee ugu dambeeyay, isaga oo ay wehliyeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Inkasta oo Deni uu taageero ballaaran ka helay xildhibaanno badan iyo saameyn weyn ku lahaa saaxadda siyaasadda, haddana wuxuu ku haray wareeggii ugu dambeeyay. Doorashadaas waxaa ugu dambeyn ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxaamuud, oo noqday madaxweynihii labaad ee Soomaaliya dib loogu doorto. Si kastaba, Sanadihii ugu dambeeyay, waxaa jiray khilaaf siyaasadeed oo joogto ah oo u dhexeeyay Xukuumadda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Puntland ayaa si cad u dhaliilaysay Dowladda Federaalka, iyadoo ku eedeysay in Villa Somalia ay ku tumaneyso dastuurka iyo nidaamka federaalka, ayna ku dhaqmeyso siyaasad awood urursi ah oo aan la wadaagin dowlad-goboleedyada. Khilaafkaas ayaa horseeday in Puntland ay xiriirka u jarto dowladda federaalka, kuna dhowaaqdo in ay u dhaqmeyso sida dal madax-banaan oo kale. Sidaas darted, ma cadda sida Saciid Deni uu uga qeyb qaadan karo nidaam doorasho oo ay hogaamineyso dowladda federaalka.
-
SANAAG, Somalia – Authorities in Somalia’s semi-autonomous Puntland state have launched an investigation after a well-known traditional elder was killed in a mysterious airstrike, regional police confirmed. The attack has stirred fear and confusion in a region already struggling with complex security challenges. Omar Abdullaahi Abdi, a respected community elder known locally as a Caaqil, died when three missiles from an unidentified warplane struck his vehicle. The attack took place near the village of Jiicaanyo in the Sanaag region as he was driving alone toward the town of Badhan. Puntland police said local pastoralists witnessed the strike. A senior officer described the aftermath as devastating. “We found the vehicle and the deceased’s body at the scene, which was heavily damaged,” the officer told reporters. “A preliminary investigation confirmed that he was driving the car alone when it was hit.” The officer added that the car was targeted by an aircraft that fired “three missiles,” though the source of the plane remains unknown. “The investigation is still ongoing, and the final results will be announced later,” he said. Family demands answers The victim’s family has rejected any suggestion of mistaken identity, insisting he had no links to extremist groups. His brother, Ali Abdullaahi Abdi, made an emotional appeal for clarity. “We only have the bones of the Caaqil… he never had any contact with the wanted groups,” he said. “We are waiting for a clear answer from the Puntland government.” Police noted that the elder was an active community figure who had recently attended a government-led conference in Bosaso on developing the Sanaag region, underscoring his civic role. No group has claimed responsibility, and Puntland has not assigned blame. However, airstrikes in Somalia are most commonly carried out by US Africa Command (AFRICOM) in support of the Somali Federal Government, usually targeting Al-Shabaab or ISIS militants. According to monitoring groups like Airwars, AFRICOM has conducted multiple airstrikes in Puntland, including operations with local forces against an ISIS faction entrenched in the Cal Miskaad mountains on the Bari–Sanaag border. Still, the targeting of a civilian elder is highly unusual. Locals in the Ceelbuh district, where the strike occurred, said this was the first attack of its kind in their area, leaving residents shaken and questioning the intelligence behind the strike. The role of a Caaqil In Somali society, a Caaqil is a traditional elder who mediates disputes, fosters reconciliation, and upholds the clan-based governance system—a cornerstone of community life, as recognized by institutions such as the European Union Agency for Asylum. The killing of such a figure threatens to undermine social trust and weaken local governance structures. As the investigation continues, residents of Sanaag—and the family of Omar Abdullaahi Abdi—are left waiting for answers, struggling to understand how a man of peace became the victim of a military strike.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshey safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Richard H. Riley oo ay wehliyaan ku xigeenkiisa Justin Davis iyo Matthew Younger oo ah Madaxa Siyaasadda ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka. Labada dhinac ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Sheekh Aadan Madoobe. Danjir Richard H. Riley oo madasha ka hadlay ayaa gudoomiyaha Baarlamaanka ku amaanay labada qodob oo uu goluhu wax ka qabtay, gaar ahaan meelmarinta sharciyada muhiimka u ah dowladnimada iyo xoojinta hay’adaha dastuuriga ah ee dalka. Safiirka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Mareykanka uu garab istaagi doono dowladda iyo shacabkeeda, si loo adkeeyo dowladnimada Soomaaliya. Dhankiisa, Sheekh Aadan Madoobe oo isna hadalka qaatay ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay kaalinta ay ka qaadato dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Waxaa kale oo ay labada dhinac ay isku raaceen la sii adkeeyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan, si looga faa’iideysto fursadaha muhiimka ah. Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageera Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dhinaca milatariga, isaga oo sidoo kale ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska maamulka Puntland ayaa faah-faahin hordhaca ah ka bixiyay baaritaanka ay wadaan ee ku aadan duqeyntii shalay lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibraahim oo kamid ah waxgaradka gobolka Sanaag. Booliska ayaa sheegay in duqeynta ay si gaar ah uga dhacday aagga degaanka Jiicaanyo oo ka tirsan degmada Ceelbuh, isla markaana lala beegsaday gaari uu watay Nabadoonka oo xilligaas kusoo jeeday dhanka degmada Badhan. Sarkaal sare oo u hadlay Booliska ayaa sheegay in marxuumka uu kaligiisa saarnaa baabuurka, isla markaana ay goobta ugu tageen isagii iyo gaarigii oo isku basbeelay. “Meeha waxaan ugu tegnay gaarigii iyo maydka marxuumka oo burbur wayn uu gaaray, xubno gaar ah oo is haysta ama la garan karno inay yihiin xubno bani’aadan aanay ku jirin. Baaris hordhaca ah oo ay sameeyeen ciidamada Boolisku waxaa la ogaaday in marxuumka oo watay gaari uu ahaa kaligii, una socday degmada Badhan” ayuu yiri saraalka Booliska. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in diyaarad dagaal ay duqeysay baabuurka, isla markaana ay marxuumka la heshay saddex gantaal, balse ma shaacin dalka laga leeyahay diyaaradda. “Duqeyntaas oo ay arkayeen dadka deegaanka oo xoolo dhaqato ah waxay ahayd diyaarad la beegsatay saddex gantaal gaariga Nabadoonka Cumar Cabdullaahi Cabdi. Nabadoonku beryahaan wuxuu ku sugnaa Badhan, Ceelbuh iyo Boosaaso oo uu qayb ka ahaa odayaashii ka qayb-galay shirkii dowladda ee lagaga hadlayay horumrinta Sanaag” ayuu mar kale yiri. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in weli baaristu ay sii socoto, isla markaana natiijada kama dambeysta ah ay dib ka shaacin doonaan. Dhinaca kale Cali Cabdullaahi Cabdioo la dhashay marxuumka ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in qoyskiisa iyo bulshada deegaanka ay sugayaan jawaab cad oo ku saabsan cidda ka dambeysay weerarka iyo sababta loo beegsaday Caaqilka. “Lafaha Caaqilka oo keli ah ayaan haynaa, cid kalena lama socon, weligiina xidhiidh lama yeelan kooxaha la raadinayo. Dowladda Puntland ayaan war cad ka sugeynaa,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi. Duqaymaha diyaaradeed ee laga fuliyo gudaha Soomaaliya waxaa inta badan sameeya ciidamada Mareykanka ee howlgalka AFRICOM, kuwaas oo horay uga caawiyay Puntland weerarro ka dhan ah kooxda Daacish intii uu socday dagaalkii Buuraha Calmiskaad. Dhacdadani waxay dhalisay isweydiin badan oo ku saabsan sababta gaariga Caaqilka loo bartilmaameedsaday, maadaama walaalkiis uu sheegay in uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada. Si kastaba, Geerida Caaqil Cumar ayaa si weyn u saamaysay bulshada ku nool Ceelbuh iyo nawaaxigeeda. Dadka deegaanka ayaa muujiyay cabsi iyo walaac ka dhashay dhacdadan, taas oo ahayd duqayntii ugu horreysay ee noocan oo kale ah ka dhacda gobolka Sanaag.
-
Doha (Caasimada Online) – Markii ay Israel Talaadadii shaacisay inay qaadday duqeyn ay ku beegsanaysay hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ku sugan Qatar, waxaa si layaab leh bayaannada rasmiga ah uga maqnaa magaca hay’adda sirdoonka ee Mossad. Sida ay wargeyska Washington Post u sheegeen laba qof oo Israeli ah oo xog-ogaal u ah arrintan, kuwaasoo codsaday inaan magacyadooda la shaacin, sababtu waxay ahayd in Mossad ay diidday fulinta qorshe ay toddobaadyadii u dambeeyay dejisay. Qorshahaas wuxuu dhigayay in la adeegsado sirdoon dhulka jooga si loo khaarajiyo hoggaamiyeyaasha Xamaas. Ka-gaabashada hay’adda ee ku aaddanayd hawlgalka dhulka ayaa aakhirki saamaysay qaabka weerarka loo fuliyay, iyo suuragalnimada guusha uu gaari karay. Waxay kaloo arrintani ka tarjumaysay iska-caabbin ballaaran oo ka dhex jirtay hay’adaha ammaanka Israel, taasoo ku wajahnayd hawlgal uu amray Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu. In kasta oo saraakiisha amniga Israel ay guud ahaan isku raacsan yihiin hadafka ah in la ugaarsado oo aakhirka la laayo dhammaan hoggaamiyeyaasha Xamaas, oo ay ku jiraan kuwa dibadda jooga, haddana qaar badan ayaa shaki geliyay xilliga la doortay. Saraakiisha Xamaas waxay ku shirayeen dalka Qatar, oo ah xulafo muhiim ah oo Mareykanku leeyahay, waxayna ka baaraan-degayeen soo jeedin ka timid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku saabsanayd heshiis lagu sii deynayo la-haystayaasha Gaza, kaasoo lagu beddelanayo xabbad-joojin. Halkii ay adeegsan lahayd sirdoonka Mossad, waxay Israel maalintii Talaadada u weecatay qorshe labaad: kaasoo ahaa inay dirtay 15 diyaaradood oo dagaal si ay meel fog uga soo tuuraan 10 gantaal. Xamaas ayaa sheegtay in duqeyntaas cirka ah ay ku guul-darraysatay in lagu dilo hoggaamiyeyaal sar-sare, oo uu ku jiro hoggaamiyaha rasmiga ah ee dhaqdhaqaaqa, Khalil al-Hayya. Taas beddelkeeda, Xamaas waxay sheegtay in duqeyntu ay dishay dhowr qof oo ay qaraabo yihiin iyo kaaliyeyaal la socday wafdiga, iyo weliba sarkaal u dhashay dalka Qatar. Saraakiisha Israel ayaa illaa hadda ka gaabsaday inay si fagaare ah shaaciyaan qiimayntooda ku aaddan natiijada ka dhalatay weerarka, inkastoo qof xog-ogaal u ah hawlgalka uu yiri “Israel ma aysan helin cidii ay doonaysay.” Ma cadda in hawlgal dhulka laga fuliyo uu guul weyn soo hoyn lahaa iyo in kale. Sannadkii hore, sirdoonka Mossad ayaa bam ku xiray qolka jiifka ee hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh ee magaalada Tehran, halkaasoo uu ku geeriyooday. “Markan, Mossad diyaar uma ahayn inay hawlgalka dhulka ka fuliso,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka Israel ee xog-ogaalka u ah arrintan, isagoo intaa ku daray in hay’addu ay u aragtay Qatar inay tahay dhex-dhexaadiye muhiim u ah wadahadallada lala galo Xamaas. Qof kale oo Israeli ah oo la socday diidmada hay’adda ayaa isna su’aal geliyay xilliga uu Netanyahu doortay. “Waan heli karnaa sannad, labo, ama afar sano kaddib, Mossad-na way garanaysaa sida loo sameeyo,” ayuu yiri qofkaas oo Israeli ah, isagoo ula jeeday khaarajinta qarsoodiga ah ee lagu beegsanayo hoggaamiyeyaasha Xamaas meel kasta oo ay dunida ka joogaan. “Maxaa hadda loo fulinayaa?” Dhowr sarkaal ayaa sheegay in Netanyahu, oo u muuqda inuu isku diyaarinayo duullaan dhinaca dhulka ah oo ballaaran oo uu ku qaado magaalada Gaza, ay suuragal tahay inuu ka daalay ama ka quustay wadahadalladii xabbad-joojinta.
-
Washington (Caasimada Online) – Qof ka tirsan kooxda hoose ee Trump, saaxiib soo jireenna la ahaa Charlie Kirk, ayaa u sheegay warbaahinta The Grayzone sida isbeddelkii ku yimid aragtida hoggaamiyihii muxaafidka ahaa ee la dilay ee ku aaddanayd saamaynta Israel uu uga dhashay cadaadis hoose oo kaga yimid xulafada Netanyahu, kaasoo ku reebay caro iyo cabsi. Ilo-wareedkan ayaa sheegay in welwel uu ku dhex faafay maamulka Trump ka dib markii la kashifay hawlgal basaasnimo oo u muuqday in Israel ay ka dambaysay. Sida uu sheegay saaxiibka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, Charlie Kirk waxa uu horraantii sanadkan diiday dalab uga yimid Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, kaasoo ahaa in loo diyaariyo dhaqaale aad u badan oo cusub oo ka imanaya taageerayaasha Sahyuuniyadda oo lagu shubo hay’addiisa Turning Point USA (TPUSA), oo ah ururka dhalinyarada muxaafidiinta ee ugu weyn Ameerika. Ilo-wareedkan ayaa u sheegay The Grayzone in shakhsigaas saamaynta lahaa ee Trump taageersanaa ee geeriyooday uu aaminsanaa in Netanyahu isku dayayay inuu ku cabsi geliyo si uu u aamuso, xilli uu billaabay inuu si fagaare ah uga hadlo su’aalana ka keeno saamaynta xad-dhaafka ah ee Israel ku leedahay Washington, uuna dalbaday in la siiyo fursad dheeraad ah oo lagu dhaliili karo. Todobaadyadii ka horreeyay dilkiisii 10-kii Sebtembar, Kirk waxa uu nacayb weyn u qaaday hoggaamiyaha Israel, isagoo u arkayay “nin is-xoogayn jecel,” sida uu sheegay ilo-wareedku. Kirk wuxuu ka carooday wixii uu ku arkay gudaha maamulka Trump, halkaasoo Netanyahu uu doonayay inuu shakhsi ahaan u maamulo go’aannada shaqaale ee madaxweynaha, uuna hub ahaan u adeegsanayay shakhsiyaad Israel daacad u ah sida deeq-bixiyaha bilyaneerka ah ee Miriam Adelson, si uu Aqalka Cad ugu hayo gacantiisa. Sida laga soo xigtay saaxiibka Kirk, oo isaguna xiriir la leh Madaxweyne Donald Trump iyo kooxdiisa soke, Kirk waxa uu si adag uga digay Trump bishii Juun ee la soo dhaafay inuu duqeeyo Iran isagoo fulinaya danaha Israel. “Charlie wuxuu ahaa qofka keliya ee taas sameeyay,” ayuu yiri, isagoo xusuusanaya sida Trump uu “ugu qeyliyay” oo uu si caro leh u soo afjaray wadahadalkii. Ilo-wareedku wuxuu aaminsan yahay in dhacdadaasi ay maskaxda Kirk ku xaqiijisay in madaxweynaha Mareykanka uu galay gacanta awood shisheeye oo shar ah, uuna dalkiisa u horseedayo isku dhacyo isdaba-joog ah oo masiibo ah. Bishii xigtay, Kirk waxa uu bartilmaameed u noqday olole joogto ah oo qarsoodi ah oo cabsi-gelin iyo caro aan la qarinayn ah oo uga imanayay xulafada maal-qabeennada ah ee awoodda leh ee Netanyahu – shakhsiyaad uu ku tilmaamay “hoggaamiyeyaal” iyo “dano-wadaag” Yuhuud ah. “Wuu ka baqayay iyaga,” ayuu ku nuuxnuuxsaday ilo-wareedku. Khilaafka TPUSA iyo Israel Kirk waxa uu ahaa 18 jir markii uu aasaasay TPUSA sanadkii 2012. Tan iyo markii la aasaasay, xirfaddiisa waxaa hore u riixayay deeq-bixiyeyaal Sahyuuniyiin ah, kuwaasoo lacag ku qubayay ururkiisa da’da yar iyagoo soo marinaya hay’ado muxaafidiin cusub ah sida David Horowitz Freedom Center. Wuxuu sannadihii la soo dhaafay abaal-gud uga dhigay taageerayaashiisii maal-qabeenka ahaa isagoo si aan kala joogsi lahayn u faafinayay khudbado ka dhan ah Falastiiniyiinta iyo Islaam-nacaybka, isagoo aqbalayay safarro dacaayad ah oo uu ku tagayay Israel, iyo isagoo si adag u cabburinayay xoogagga waddaniyiinta ah ee ku loollamayay taageeradiisa Israel intii lagu jiray munaasabadaha TPUSA. Laakiin markii uu weerarka xasuuqa ah ee Israel ku haysay marinka Gaza ee go’doonsan uu kiciyay kacdoon aan hore loo arag oo ka dhex dhashay goobaha garabka midig ee Mareykanka, halkaasoo hadda keliya 24% ka mid ah Jamhuuriyiinta da’da yar ay u janjeeraan dhanka Israel marka loo eego Falastiiniyiinta, Kirk wuu is beddelay. Mararka qaar, wuxuu raacayay mowqifka Israel, isagoo faafinayay warar been abuur ah oo ku saabsan carruur ay Xamas madaxa ka goysay 7-dii Oktoobar, sidoo kalena dafirayay macluusha lagu soo rogay dadweynaha Gaza. Hase yeeshee, isla mar ahaantaas wuxuu u tanaasulayay taageerayaashiisa, isagoo si fagaare ah isu weydiiyay in Jeffrey Epstein uu ahaa sirdoon u shaqeeya Israel, isagoo su’aal geliyay in dawladda Israel ay u oggolaatay weerarradii 7-dii Oktoobar inay dhacaan si ay u gaarto yoolal siyaasadeed oo fog, iyo isagoo ku celcelinayay hadallo ay yaqaaniin dhaliilihiisa ugu weyn ee garabka midig, sida qofka wararka internet-ka ka tabiya ee Nick Fuentes. Bishii Luuliyo ee sanadkan, shirkiisii TPUSA Student Action Summit, Kirk wuxuu madal siiyay dadka garabka midig ee heerka hoose si ay uga muujiyaan caradooda ku aaddan gacanta birta ah ee siyaasadeed ee Israel ku hayso maamulka Trump. Halkaas, waxaa ka hadlay shakhsiyaad hore uga tirsanaan jiray Fox News sida Tucker Carlson iyo Megyn Kelly, ilaa majaajiliistaha Yuhuudda ah ee ka soo horjeeda Sahyuuniyadda ee Dave Smith, kuwaasoo cambaareeyay weerarka dhiigga badan ku daatay ee Israel ku haysay Marinka Gaza ee go’doonsan, ku tilmaamay Jeffrey Epstein inuu ahaa sirdoon u shaqeeya Israel, ayna si fagaare ah ugu maadeysteen bilyaneerrada Sahyuuniyiinta ah sida Bill Ackman oo ay ku sheegeen inay “ku baxsadaan khiyaanooyin” inkastoo aysan lahayn “xirfado dhab ah.” Shirkaas ka dib, Kirk waxaa lagu weeraray farriimo qoraal ah iyo wicitaanno taleefan oo xanaaq badan oo uga imanayay xulafada maal-qabeennada ah ee Netanyahu ee Maraykanka, oo ay ku jiraan qaar badan oo maalgelin jiray TPUSA. Sida uu sheegay saaxiibkiisii soo jireenka ahaa, deeq-bixiyayaasha Sahyuuniyiinta ahi waxay Kirk ula dhaqmeen si quursi leh, iyagoo asal ahaan ku amrayay inuu ku soo laabto khadkii hore. “Waxaa loo sheegayay waxa aan loo oggolayn inuu samayso, taasina way ka careysiinaysay,” ayuu yiri saaxiibka Kirk. Hoggaamiyaha dhalinyarada muxaafidka ah kuma ekaan oo keliya inuu ka fogaaday dabeecadda colaadeed ee wada-xiriirka, laakiin sidoo kale wuxuu “ka naxay” falcelinta adag. Sheekada saaxiibkan waxay la jaanqaadaysaa tan faalleeyayaal badan oo garabka midig ah oo xiriir la lahaa Kirk. “Waxaan u malaynayaa, aakhirkii, Charlie wuxuu marayay isbeddel ruuxi ah,” ayay tiri Candace Owens, oo ah qof saameyn ku leh dhanka muxaafidka oo si cad uga soo horjeesatay Israel kadib 7-dii Oktoobar, iyadoo ka hadlaysay dilka saaxiibkeed. “Waan ogahay, wax badan ayuu ku jiray. Waxaa jiray cadaadis badan, wayna igu adag tahay inaan daawado dadkii cadaadiska saarayay oo haddana sheegaya waxyaabaha ay sheegayaan.” “Waxay doonayeen inuu wax walba waayo sababtoo ah wuxuu beddelay ama xitaa wax yar ka beddelay aragti. Runtii waa wax i xanuujinaya.” Kirk wuxuu u muuqday mid si cad u xanaaqsan intii lagu guda jiray waraysi uu 6-dii Agoosto siiyay wariyaha muxaafidka ah ee Megyn Kelly, isagoo ka hadlayay farriimaha hanjabaadda ah ee uu ka helayay madaxda waaweyn ee taageersan Israel. “Waxay noqotay mid lama filaan ah: ‘Oh, Charlie: naguma jiro.’ Sug hal daqiiqo—maxay ka dhigan tahay ‘naguma jiro,’ dhab ahaan? Anigu Mareykan baan ahay, okay? Dalkan ayaan matalaa,” ayuu yiri, ka hor inta uusan la hadlin kooxaha awoodda leh ee Sahyuuniyadda ee dhibayay. “Markasta oo aad si gaar ah iyo si fagaare ahba shakhsiyaddeena su’aal gelisaan—taasoo aan ahayn mid gooni ah, way fiicnaan lahayd haddii ay ahaan lahayd hal farriin, ama laba; waa tobannaan farriimood—markaas ayaan billaabaynaa inaan niraahno, ‘hooy, doonta halkan ku jooji,'” ayuu Kirk sii raaciyay. “Marka runta la sheego, qaar ka mid ah saaxiibbadayda Yuhuudda ee wanaagsan waxay yiraahdaan, ‘ma nihin kulligeen sidaas’… Laakiin kuwani waa hoggaamiyeyaal. Waa danayestayaal.” Wuxuu intaas ku daray isagoo u cabanaya Kelly, “Waxaan haystaa awood yar… oo aan ku dhaliili karo dawladda Israel marka loo eego dadka reer Israel laftoodu. Taasina runtii waa wax aad iyo aad loola yaabo.” Mid ka mid ah waraysiyadiisii ugu dambeeyay, oo uu la yeeshay qofka ugu saamaynta badan Israel ee Maraykanka, Ben Shapiro, Kirk wuxuu mar kale isku dayay inuu soo qaado arrinta cabburinta lagu hayo dadka dhaliila Israel. “Saaxiib ayaa si xiiso leh iigu yiri: ‘Charlie, okay, waxaa ku diidnay warbaahinta arrimaha COVID, xiritaannada, Ukraine, iyo xuduudda,'” ayuu Kirk u sheegay Shapiro 9-kii Sebtembar. “Waxaa laga yaabaa inaan sidoo kale isweydiinno: warbaahintu ma waxay si buuxda u soo bandhigaysaa runta marka ay timaado Israel? Waa su’aal kaliya!” Sida uu sheegay saaxiibka soo jireenka ah ee Kirk, carada uu Kirk u qabay Netanyahu iyo u ololeeyayaasha Israel waxay ku faafaysay kooxda soke ee Trump. Xaqiiqdii, waxay yiraahdeen, madaxweynaha laftiisu wuxuu ka baqayay carada Netanyahu, wuxuuna ka cabsanayay cawaaqibka ka dhalan kara inuu ka horyimaado. Sannadkii la soo dhaafay, qofkan ka tirsan kooxda hoose ee Trump waxaa u sheegay xiriiro uu ku leeyahay Aqalka Cad in ilaalada madaxda ee Secret Service ay laba jeer oo kala duwan qabteen shaqaale ka tirsan dawladda Israel oo qalab elektaroonig ah ku rakibaya baabuurtooda gurmadka degdegga ah. In kasta oo The Grayzone aysan awoodin inay sheekadan ka xaqiijiso Secret Service ama Aqalka Cad, haddana dhacdo noocan oo kale ah ma ahan mid aan hore u dhicin. Runtii, sida lagu sheegay warbixin ku soo baxday Politico oo soo xiganaysa saddex sarkaal oo hore oo Mareykan ah, qalab basaasid taleefan ah ayaa waxaa dhigay sirdoon reer Israel ah “meel u dhow Aqalka Cad iyo goobo kale oo xasaasi ah oo ku yaal Washington” dhammaadkii xilligii koowaad ee Trump sanadkii 2019. Ra’iisul Wasaarihii hore ee UK, Boris Johnson, wuxuu dhacdo la mid ah ku xusay buuggiisa xusuus-qorka, isagoo qoray in kooxdiisa amnigu ay ka heleen qalab dhegeysi musqushiisa wax yar ka dib markii Netanyahu uu isticmaalay musqushiisa gaarka ah. Aragtida ah ‘Israel ayaa ka dambaysay’ Kirk waxaa la dilay 10-kii Sebtembar ee sanadkan, waxaana lagu dhuftay hal xabbad oo uu soo riday dabley u muuqday inuu saarnaa saqafka dhisme 200 oo mitir u jira. Waxaa la toogtay isagoo fadhiya hortooda kumanaan qof oo isugu soo baxay Jaamacadda Utah State ee Orem, Utah, taasoo ahayd lugtii koowaad ee socdaalkiisii American Comeback Tour. Muuqaalka Kirk oo la dhacaya saameynta xabbad qoorta kaga dhacday isla markii uu billaabay inuu ka jawaabo su’aal ku saabsan dadka jinsigooda beddelay ee xasuuqa gaysta ayaa laga yaabaa inay ahayd muuqaalkii dilka ee ugu naxdinta badnaa—oo hubaal ah kii ugu faafitaanka badnaa—taariikhda aadanaha. Waqtigan xaadirka ah ma jirto wax caddayn ah oo muujinaya in dawladda Israel ay ku lug lahayd dilka Kirk. Si kastaba ha ahaatee, taasi kama hor istaagin kumanaan isticmaala baraha bulshada inay mala-awaalaan in aragtiyaha isbeddelayay ee Kirk ee arrintan ay si uun gacan uga gaysteen dhimashadiisa. Markii qoraalkan la daabacayay, in ka badan 100,000 oo isticmaale Twitter/X ayaa like saaray qoraal uu 11-kii Sebtembar soo dhigay qofka saamaynta leh ee xorta ah ee Ian Carroll kaasoo ku dhawaaqayay isagoo ka hadlaya Kirk, “Wuxuu ahaa saaxiibkood. Nolosheeda asal ahaan iyaga ayuu u hibeeyay. Iyaguna waxay ku dileen qoyskiisa hortooda. Israel hadda iskeed ayay is toogatay.” Qaar badan oo horumarinaya aragtidan aan la xaqiijin ayaa tilmaamay qoraal Twitter/X ah oo uu soo dhigay Harrison Smith, oo ah shakhsi ka tirsan shabakadda taageerta Trump ee Infowars, isagoo sheegay 13-kii Agoosto – ku dhowaad bil ka hor dilka Kirk – in “qof u dhow Charlie Kirk uu u sheegay in Kirk uu aaminsan yahay in Israel ay dili doonto haddii uu ka soo horjeesto Israel.” Mala-awaalka baahsan ayaa gilgilay Tel Aviv, halkaasoo Netanyahu lagu qasbay inuu si cad u beeniyo in dawladdiisu ay dishay Kirk intii lagu jiray waraysi uu 11-kii Sebtembar siiyay NewsMax. Muuqaalkaas wuxuu ahaa mid ka mid ah dhowr waraysi iyo bayaan oo Ra’iisul Wasaaruhu u hibeeyay Kirk dilkiisa ka dib, isagoo isku dayayay inuu dhaxalka hoggaamiyaha muxaafidka ah ee geeriyooday u qaabeeyo si buuxda oo taageersan Israel. Ololahan weyn ee xiriirka dadweynaha wuxuu dhacay xilli uu Netanyahu wado olole milatari oo toddoba jiho ah, oo ay ku jiraan dilal isdaba-joog ah oo gobolka ka dhacay kuwaasoo kii ugu dambeeyay uu gaaray bartamaha Qatar, oo ah dal xulufo la ah Mareykanka. Netanyahu wuxuu markii ugu horreysay u soo duceeyay Kirk 3:02 PM galabnimo 10-kii Sebtembar, daqiiqado ka dib markii uu warka toogashadu soo baxay. Tan iyo markaas wuxuu qoray saddex qoraal oo kale oo ku saabsan Kirk, isagoo xitaa ka go’ay golaha wasiirrada dagaalka ee Israel si uu galabnimadii 11-kii Sebtembar ugu xuso hoggaamiyaha muxaafidka ah Fox News. Intii lagu guda jiray waraysigaas, Netanyahu wuxuu ku dadaalay inuu si dadban u sheego in cadowga Israel ay mas’uul ka ahaayeen dilka Kirk, inkastoo xaqiiqdu aheyd in aan la magacaabin eedeysane ama aan la haynin waqtigaas. “Islaamiyiinta xagjirka ah iyo midowgooda dhanka bixidn—waxay inta badan ka hadlaan ‘xuquuqda aadanaha,’ waxay ka hadlaan ‘xorriyadda hadalka’—laakiin waxay adeegsadaan rabshad si ay isugu dayaan inay meesha ka saaraan cadowgooda,” ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u sheegay Harris Faulkner. Qoraal uu 10-kii Sebtembar soo dhigay Twitter/X oo uu ugu baroordiiqayay Kirk, Ra’iisul Wasaaraha Israel wuxuu sharraxay wada-hadal taleefan oo uu dhowaan la yeeshay Kirk. “Waxaan la hadlay laba toddobaad ka hor oo keliya waxaanan ku casuumay Israel,” ayuu Netanyahu ku dhawaaqay. “Nasiib darro, booqashadaasi ma dhici doonto.” Lama xusin in Kirk uu diiday casuumaadda—si la mid ah sidii uu u diiday dalabkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in lagu buuxiyo khasnadda TPUSA deeqo ka imanaya kooxdiisa maal-qabeennada Yuhuudda Mareykanka ah ee uu adeegsado. Markii qoraalkan la daabacayay, nin 22 jir ah oo deggan Utah ayaa la xiray ka dib markii la sheegay inuu qirtay dilka Kirk. Dadweynuhu waxaa laga yaabaa inay dhowaan ogaadaan ujeeddooyinka dhabta ah ee gacan-ku-dhiiglaha la eedeeyay. Laakiin ka dib baxsadkii hore ee toogtaha iyo taxane khaladaad ah oo ay sameeyeen hay’adaha fulinta sharciga ee federaalka, qayb weyn oo ka mid ah dadka Mareykanka ayaa laga yaabaa in aysan weligood rumaysan sheekada rasmiga ah. Sidoo kalena weligood ma ogaan doonaan halka uu isbeddelka Kirk ee ku aaddan Israel u horseeday. Afar maalmood ka hor dilka, waxaa si fagaare ah u soo muuqday caro dhex taallay faalleeyayaasha taageersan Israel intii lagu jiray waraysi uu Fox News la yeeshay Ben Shapiro kaasoo weerar naxdin leh ku qaaday Kirk isagoon magacaabin. “Dhibaatada ‘dallad weyn’ waxay tahay in ay ka dhallan karto in ay gudaha ku jiraan dad badan oo majaajilaystayaal ah,” ayuu Shapiro u sheegay wariyaha Fox ahna ilaaliyaha kale ee afkaarta Sahyuuniyadda ah Mark Levin, isagoo u muuqday inuu dhaliilayay TPUSA. 24 saac gudahood dhimashadii Kirk kadib, Shapiro wuxuu ku dhawaaqay inuu billaabayo socdaal hadal-jeedin ah oo jaamacadeed, isagoo ballanqaaday: “Waxaan ka sii wadi doonnaa makarafoonkaas dhiiggu ku yaallo meeshii uu Charlie kaga tagay.”
-
Booqashada Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, uu ku tagay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, iyo booqashadiisi gaarka ahayd ee Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa waxay muujinaysaa jihada cusub ee ay Xukuumadda Somaliland higsanayso ee ku salaysan Diblomaasiyad dhaqaale oo xooggan iyo xidhiidh ganacsi oo sii fidaya. Kulanka uu la yeeshay Safiirka Somaliland ee Itoobiya, Amb. Aadan Geedi Qayaad, waxa uu xambaarsanaa farriin cad oo ahayd mid muujinaysa in xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid dan-wadaag ah oo sal adag ku fadhiya. Itoobiya oo ah waddan muhiim u ah Somaliland marka la eego juqraafi ahaan, dhaqaale ahaan iyo istaraatiijiyad ahaanba, waxa xoojinta iskaashiga labada dal noqon karaa fure lagu gaadho horumar dhaqaale oo waara. Kulankan ayaa si gaar ah diiradda u saaray xoojinta ganacsiga iyo kor u qaadista doorka safaaraddu ay ku leedahay horumarinta danaha dhaqaale ee Somaliland. Diblomaasiyadda casriga ah waxay ka baxday xudduudaha siyaasadda oo kaliya, waxayna si dhab ah ugu adeegtaa horumarinta dhaqaalaha, kobcinta maalgashiga, iyo iskaashiga ganacsiga. Waa arrin la bogaadinayo in wasaaradihii hore loogu yiqiin arrimaha siyaasadda oo kaliya ay hadda si dhow ula shaqeeyaan wasaaradaha dhaqaalaha si loo gaadho hadaf qaran oo midaysan. Wasiirka iyo weftigiisa oo ay ku wehelinayeen masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan, waxay muujinayaan sida ay xukuumadda Somaliland uga go’an tahay in ay hawlgeliso dhammaan hay’adaha diblomaasiyadeed si ay uga shaqeeyaan danaha qaranka, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, dalxiiska iyo fursadaha maalgashi ee gobolka. Waxay booqashadani noqonaysaa mid iftiiminaysa dadaallada joogtada ah ee lagu doonayo in Somaliland ka hesho summad dhaqaale iyo mid maalgashi oo kor u qaadda kobaca gudaha iyo xidhiidhka caalamiga ah. Qaran News
-
Ciidanka difaaca Puntland oo maanta weerar laba jiho ah ka fuliyay togga Baallade ayaa gacanta ku dhigay keydkii dawooyinka iyo agabka Caafimaadk ee kooxda Daacish ku lahayd degaanka Lugta Tirciil oo ka tirsan togga Baallade. Taliska Ciidanka PMPF oo warkan soo saaray ayaa xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland oo fuliyay hawlgal laba jiho ah ay la wareegeen saldhigyo difaac adag ka samaysan oo kooxda Daacish ku lahayd Lugta Tirciil ee togga Baallade, halkaasi oo ay ka heleen keydkii dawooyinka iyo agabka caafimaadka ee kooxda. “Ciidanka Difaaca Puntland oo weerar labbo jiho ah ku qaatay Talisyada kooxda Daacish ee Lugta Tirciil ayaa la wareegay gacan ku haynta talisyadaas, sidoo kalena ciidanku kooxda Daacish ka qabteen mid ka mid ah kaydadkooda Daawada iyo Agabka Caafimaadka” ayuu u dhignaa warkan ka soo baxay Taliska PMPF oo kamid ah ciidamada difaaca Puntland. “Halyeeyada Ciidanka Difaaca Puntland oo ku guda-jira dhamaadka wajjiga 4aad ee Hawlgalka Hilaac ayaa si dardar leh ku wada duulanka kooxda Daacish lagaga sifeynaayo Togga Baallade ee Buuraleyda Calmiskaad, waxa ayna ciidanku Habeen iyo Maalinba fulliyaan hawgallo qorsheysan oo lagu bartilmaad u ah goobaha tirada yar ee kooxda Daacish kaga hartay Buuraleyda Calmiskaad” ayuu sii raaciyay Warkaasi. PUNTLAND POST The post Baallade: Ciidamada difaaca Puntland oo maanta qabtay keydkii dawooyinka kooxda Daacish appeared first on Puntland Post.
-
This policy brief addresses why a strategic partnership between the United States and the Republic of Somaliland benefits U.S. national security, economic interests, and geopolitical goals in the Horn of Africa. Somaliland’s strategic position along the Gulf of Aden and near the Bab El-Mandeb Strait offers Washington a valuable opportunity to strengthen its regional influence, counteract entities opposed to its interests, such as China and extremist groups, protect vital maritime trade routes, and enhance counterterrorism efforts. Recognizing Somaliland would also correct a long-standing historical injustice against its people and establish a reliable democratic partner in an unstable region. With increasing bipartisan support in Congress and the Senate, along with Somaliland’s strong governance, security record, and untapped resource potential, this brief recommends that the United States officially recognize Somaliland’s statehood, strengthen regional stability, enhance counterterrorism cooperation, and gain access to key infrastructure such as Berbera Port and Airport. Laasgeeel policy bref now Download Qaran News
-
Ciidanka Booliska dowladda Puntland oo kaashanaya odayaasha degaanka ayaa gacanta ku dhigay eedaysane Maxamed Dulyar oo saaka laba nin ku dilay degaanka 22-aad oo dhinaca bari ka xiga magaalada Garoowe. Warkan waxa xaqiijiyay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal oo ku guulaystay soo qabashada eedaysane Maxamed Dulyare oo loo haysto dilka labada marxuum, waxaana dhacdadan lala xiriiriyay muran dhuleed oo ka taagnaa bogcado ku yaalla degaanka 22-aad ee degmada Garoowe. Eedaysane Maxamed Dulyare ayaa loo gudbiyay xabsiga weyn ee Garoowe, waxaana baaris kaddib la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loo mariyo, sidaan ka xigannay Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal. PUNTLAND POST The post Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay eedaysane saaka laba qof ku diley duleedka Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa uga digay Qatar Arbacadii in ay waajib ku tahay in ay ” erido mas’uuliyiinta Xamaas ama ay cadaaladda hor keento”. “Waxaan leeyahay Qatar iyo dhammaan dalalka ay gabaadka ka dhigtaan argagaxisada: waa in aad ka saartaan ama aad hor keentaan sharciga, haddii kale innagaa sidaa sameyn doonna,” ayuu Netanyahu ku yiri muuqaal laga sii daayay xafiiskiisa. Dhankiisa ayaa wasiirka gaashaandhigga Israel Katz wuxuu yiri, “Siyaasadda amniga Israa’iil waa caddahay: gacanta dheer ee Israa’iil waxay talaabo ka qaadi doontaa cadawgeeda meel kasta, ma jirto meel ay ku dhuuntaan.” Waxa uu intaa ku daray in haddii madaxda Xamaas ay aqbali waayaan Shuruudaha Israa’iil ee ku aaddan soo afjaridda dagaalka, oo ay ugu horreeyaan sii deynta dhammaan la haystayaasha iyo in hub ka dhigis, in la baabi’in doono, Gazana waa la burburin doonaa,” ayuu yiri. Qatar: Waa nala khiyaamay Qatar ayaa Netanyahu uga jawaabtay war qoraal ah oo si adag u qoran oo soo baxay subaxnimadii hore ee Khamiista, waxayna cambaareysay hadalkii Netanyahu ee ahaa in dalka uu martigelinayo xafiiska Xamaas, oo ay ku sifeysay “ka fiirsi la’aan”. Ra’iisul wasaaraha Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna yiri “Ma hayo erayo aan ku muujiyo sida aan uga xunahay weerarkan, waa argagaxiso dowladeed, waa nala khiyaanay Qatar waxa ay sharaxday in “Netanyahu uu isku dayayo in uu wiiqo fursad kasta oo xasilooni lagu heli karo iyo fursad kasta oo nabadeed,” ka dib weerarkii “bareerka ahaa” ee uu ku qaaday hogaamiyayaasha Xamaas ee Dooxa. Waxa ay sidoo kale xustay in si cad loo og yahay in madaxda Qatar ay kulamo la qaateen madaxda Xamaas, taasoo qeyb ka ah doorka Qatar ee dhex dhexaadinta colaada ka taagan bariga dhexe. Doha waxay sharaxday in “wax walba oo ku saabsan kulanka ay si fiican u garanayaan Israa’iiliyiinta iyo Maraykanku, ma ahan wax aan qarineyno. Qiil loogama dhigi karo argagixiso ayaad marti galisaan”. Dhankeeda, Xamaas ayaa xaqiijisay badqabka hogaamiyayaasheeda iyo ergada wada xaajoodka, kuwaas oo lala beegsaday duqaymaha Israa’iil ee magaalada Dooxa Talaadadii. Dhaqdhaqaaqa ayaa weerarka ku tilmaamay isku day “khiyaano ah”, “dambi aad u fool xun, iyo xad gudub bareer ah oo ka dhan ah xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah”. Waxay xustay in lix qof la dilay, oo uu ku jiro wiil uu dhalay mid ka mid ah hogaamiyayaasheeda sare iyo madaxa wada xaajoodka Khalil al-Xayya, agaasimihii xafiiskiisa, saddex saaxiibbadiis ah, iyo sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Qatar oo geeridiisa Qatar xaqiijisay. Reuters Hadal aan caadi ahayn oo xasaasi ah ayuu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku muujiyay sida uu uga xun yahay weerarka Israa’iil ay ku qaadday caasimadda Qatar ee Dooxa, kaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan ururka Xamaas, xilli uu warfidiyeenada kula hadlayay Washington, inkastoo uu ku nuuxnuuxsaday in “ciribtirka Xamaas ay tahay hadaf mudan in la raadiyo”. Trump ayaa horay ugu adkeystay in Israa’iil aysan siinin ogeysiis ku filan ka hor inta aysan weerarin si ay Qatar uga digto ka hor inta aysan goori goor tahay. Weerarkan ayaa dhaleeceyn xooggan waxay uga timid Dooxa oo martigelineysa saldhig weyn oo militariga Mareykanku leeyahay, iyadoo Masar iyo Mareykanka ay dhexdhexaadinayaan Israa’iil iyo Xamaas dagaalka ba’an ee 23-ka bilood ka socda Qaza. Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha dibadda, Maxamed bin Cabdulraxmaan Al Thani, ayaa sheegay in waddankiisu “xaq u leeyahay inuu ka jawaabo” uuna qaadi doono dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si uu uga jawaabo. Safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa isku dayay in uu qiil ka bixiyo duqeymaha Arbacadii, isagoo yiri, “Weerarka ma ahayn mid Qatar ku wajahan, balse wuxuu ahaa mid loola dan lahaa Xamaas.” Waxa uu intaa ku daray oo uu ku daray war-saxaafadeedka: “Mar walba kama shaqayno danaha Maraykanka, waanu la shaqaynaa, waxayna na siiyaan taageero muuqata, taas waanu ka mahad celinaynaa, laakiin mararka qaarkood waxaanu qaadanaa go’aanno, kadibna waxaan ku wargelinaa Maraykanka”. Qatar oo dib u qiimaynaysa kaalinteeda wadahadallada Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa Arbacadii sheegay in dalkiisa uu dib u eegayo ka qayb galka dhexdhexaadinta ee wadahadalka xabad joojinta ee Qaza ka dib markii Israa’iil ay weerartay. Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al Thani ayaa sidaa ku sheegay wareysi uu siiyay CNN, isagoo ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu “waqti luminayo oo kaliya”. Al Thani waxa uu intaa ku daray in Dooxa ay “dib u qiimaynayso wax walba” oo la xiriira doorka ay ku leedahay wadahadalada xabad joojinta mustaqbalka, ayna Washington kala yeelanayso “wadahadal aad u faahfaahsan” sidii hore loogu socon lahaa. Weerarka Dooxa iyo sii deynta la haysteyaasha Al Thani ayaa sheegay in weerarka Israa’iil ay ku bartilmaameedsatay hogaamiyayaasha Xamaas ee ka dhacay magaalada Dooxa uu burburiyay fursadihii lagu sii deyn lahaa la haystayaasha Qaza, wuxuuna ku baaqay in cadaalada la horkeeno Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu. “Waxay ila tahay wixii uu Netanyahu sameeyay shalay inuu baabi’iyay rajo kasta oo laga qabay la haystayaashan,” ayuu raaciyay. Qatar ayaa aheyd dhexdhexaadiyaha ugu weyn ee dagaalka socday ku dhawaad labo sano, waxaana ra’iisul wasaaraha uu ku tilmaamay joogitaanka Xamaas ee Dooxa mid muuqda. Al Thani ayaa sheegay in uu la kulmay mid ka mid ah qoysaska la haystayaasha subaxnimadii Talaadada ee Israa’iil ay beegsatay mas’uuliyiinta Xamaas ee dalkiisa, isaga oo sharraxay in “qoysasku ay ku tiirsan yihiin dhexdhexaadintan oo aysan rajo kale ka qabin.” Dhankiisa safiirka Israa’iil u fadhiya Maraykanka Yehiel Leiter ayaa u sheegay Fox News in haddii Israa’iil aysan ku dilin hogaamiyayaasha Xamaas duqeynta cirka ah ee ay ku qaadeen Qatar Talaadadii, ay guulaysan doonto marka xigta. Bbcsomali Qaran News
-
Isaga oo ka hadlaya xubnaha Xamaas ee lagu bartilmaameedsaday weerarkii Talaadadii ka dhacay Dooxa ayaa madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog waxa uu sheegay in weerarradu ay ahaayeen kuwo laga ma maarmaan u ah “in dadka qaar laga meesha laga saaro haddii aysan diyaar u ahayn in ay heshiis helaan”. Waxa uu sheegay in Israa’iil ay doonayso in dagaalka la joojiyo, waxaanu uu ku dooday in go’aanka Xamaas uu ku xidhan yahayin hal qof oggolaado ma diido taasi oo meesha ka saarayso suurtogalnimada heshiis la gaadho. “Haddii aad rabto in aad hore u socotid, waa in aad meesha ka saartaa qaar ka mid ah dadka aan doonaynin in ay heshiis qaataan,” ayuu yidhi. Bbcsomali Qaran News
-
Xukuumadda Puntland oo xaadirtay Shirweynaha Cimilada Waddamada Afrika oo ka qabsoomay dalka Itoobiya ayaa sheegtay in ay Shirkaasi uga qeyb-gashay si madax-bannaan oo ay adeegsatay magaca dowladda Puntland. Wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo hoggaaminayay mas’uuliyiinta Puntland ku metelay Shirka Cimilada Afrika ayaa sheegay in aysan qeyb ka ahayn Wefdigii Soomaaliya ka socday ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, balse magaca Puntland kaga qeyb-galeen Madashaasi. Maxamed Faroole wuxuu intaasi ku daray in ay Shirka ka qeybiyeen buug ku saabsan Saamaynta Isbeddelka Cimiladu ku yeelatay degaannada Puntland, kaasi oo ay Madaxda Afrika iyo deeq-bixiyaashii Caalamka u dhiibeen, si ay faham buuxa uga qaataan Xaaladda Isbeddelka Cimilada ee Puntland. Wasiir Faroole ayaa sidoo kale sheegay in wefdigii Puntland shirar doceedyo la yeesheen Madaxdii Afrika ee Shirka ka qeyb Gashay, waxaana uu intaasi raaciyay in Puntland guul kala soo hoyatay tegitaankii Shirka Cimilada Waddamada Afrika ee ka dhacay dalkaasi Itoobiya. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay si madax-bannaan uga qeyb gashay Shirkii Cimilada Afrika oo lagu qabtay dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 Fadhigii 34-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. Qodobbada maanta lagaga wada hadlay Fadhigii 34-aad waxa ka mid ahaa: 𝟏. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga lixda Gobol ee dalku uu sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasilooni darro ah nooc kasta oo ay tahayba oo ka jira lixda Gobol ee Dalka. Dhinaca kale, Wasiir Cabdalle waxa uu si mug leh ugu Wasiirka iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha sida ay mar walba ugu dedaalaan dhiirrigelinta kulamada Ciyaaraha iyo is-dhexgalka Dhallinyarada, taasoo qayb weyn ka ah amniga iyo xasilloonida bulshada. 𝟐. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚, 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay dedaal badan oo ay samaysay Wasaaraddu gashay kadib, in guud ahaan hawlaha Dakhli ururinta Qaranka ee odoroska bisha September 2025-ka ay u socdaan sidii loogu talo galay. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in ay si habsami leh u socdaan daraasadaha iyo qorshayaasha lagu xoojinayo Dhaqaalaha Dalka taasoo ay horseed ka yihiin Guddida sare ee Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalahu waxa uu sheegay, iyada oo lala kaashanayo Hay’adda Caymiska Qaranka JSL, in la Caymin doono dhammaan Gaadiidka Dawladda. 𝟑. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac oo ah Xubin ka tirsan Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in dedaallada Gurmadka Abaaruhu si wacan u socdaan, gaar ahaan qaybinta deeqaha raashinka oo la gaadhsiiyey meelaha ay ka jiraan baahiyaha ugu badani. Wasiirku waxa kale oo uu Golaha u sheegay in Guddidu ay mudnaan gaar ah siinayso Dayactirka Ceelasha Biyaha iyo Qodista Ceelal cusub oo laga hirgelin doono Gobollada ay jirto xaalad biyo yaraan ahi. Wasiir Sheekh Cabdullaahi-Baashe waxa uu Golaha u sheegay in meelo badan oo ka mid ah Gobollada Bariga dalka uu Roobku ka da’ay, balse ay weli biyo yaraani ka jirto degaanno badan oo Bariga Dalka ah, gaar ahaan Bariga Gobolka Sanaag. 𝟒. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥-𝐤𝐮-𝐠𝐚𝐥𝐤𝐚-𝐅𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 (𝐕𝐢𝐬𝐚 𝐎𝐧 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐚𝐥-𝐕𝐎𝐀): Waxa ka warbixiyey Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda, Mudane Fu’aad Axmed Nuux. Wasiirku waxa uu Golaha Wasiiradda siiyey warbixin qoto dheer oo la xidhiidha Hirgalinta Siyaasada Dal-ku-galka Furan (Visa On Arrival Policy), kaasi oo Rakaabka u soo safraya Somaliland u suurto-galinaya in ay dal-ku-galka ka qaadan karaan Madaarka Cigaal ee Hargeysa iyo Madaaradda kale ee Dalka JSL. Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in Siyaasadda cusub ee Xukuumaddu ay meesha ka saarayso Caqabadihii ay rakaabku kala kulmi jireen Dal-Ku-Galka ay diyaaraduhu waydiiyaan dadka Somaliland u soo dhoofaya. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in uu qoraal rasmi ah ugu gudbiyay Siyaasadda cusub dhammaan Shirkaddaha Diyaaradaha ee ka hawl-gala Madaaradda Somaliland. Ugu dambayntii, Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ayaa si cad u qeexay in shuruucda socdaalka ee ka soo baxa Hay’adda Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha ee JSL ay yihiin kuwa ay diyaaraduhu ku maamuli doonaan ama ay waafajin doonaan qof kasta oo u soo safraya Somaliland. 𝟓. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐢𝐜𝐢𝐫-𝐁𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐧𝐮𝐚𝐫𝐲 𝐢𝐥𝐚𝐚 𝐀𝐮𝐠𝐮𝐬𝐭 𝟐𝟎𝟐𝟓-𝐤𝐚: Waxa ka warbixisay Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi. Wasiirku waxa ay Golaha warbixin iyo muuqaal guud ka siisay Xaaladda Sicir-Bararka Dalka 8-dii bilood ee ina dhaafay, iyada oo la adeegsanayo Halbeegga Sicirka Badeecadaha iyo Adeega (Cunsumar Price Index) oo ay Wasaaradda Qorshayntu si joogto ah u soo saarto bil walba ayaa ah mid waafaqsan heerarka caalamiga ah xogtiisna sugan tahay. Wasiirku waxa ay Golaha la wadaagtay heerarka iyo Boqollayda Sicir-Bararka, sida: * Isbeddellada Sicir-Bararka guud, * Cuntada gaar ahaan Khudaarta, * Tamarta iyo Shidaalka, * Sicir-Bararka Badeecadaha iyo Adeegyada, * Sababaha ugu weyn ee Sicir-Bararka, Haddaba, Qaran ahaan si wax looga qabto Sicir-Bararka, Wasiirku waxa ay soo jeedisay talooyinkan: 1. In kor loo qaado wax soo saarka dalka, si loo yareeyo ku tiirsanaanta cuntada dibadda, 2. Dib-u-habaynta Tamarta dalka iyo dhiirrigelinta Tamarta la cusboonaysiin karo, 3. Ilaalinta Siyaasadda Xasiloonida Qiimaha Lacagta iyo ka hortagga hoos u dhaca Shilinka Somaliland. 𝟔. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐟𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐞𝐞 𝐮𝐮 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐨𝐨𝐫𝐚𝐦𝐞: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta, Mudane Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle: Wasiirradu waxa ay Golaha u sheegeen in safarradii shaqo ee uu M/weynuhu ku tagay Gabiley (6 &7 .09.2025) iyo Boorame (8 &9 .09.2025) ay guud ahaanba ahaayeen kuwo ku soo dhamaaday guulo la taaban karo, iyada oo bulshada ku nool gobolladaasi ay muujiyeen taageero ballaadhan iyo kalsooni ku qabaan Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad. Labada Wadiir waxa ay Golaha u sheegeen in intii Madaxweynaha iyo wefgigiisu ay Safarrada Shaqo ku joogeen Gabiley iyo Boorame kulamo toos ah lala yeeshay Maamulka Gobollada, ka Degmooyinka, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo madax-dhaqameedka Gobollada Gabiley iyo Awdal. Dhinaca kale, intii uu Madaxweynuhu ku guda jirnay safarrada shaqo ee Gabiley iyo Boorame waxa uu dhagax-dhigay ama uu xadhiga ka jaray Mashaariic Horumarineed oo tiro badan (biyaha, caafimaadka, waxbarashada, ciyaaraha, kaabayaasha dhaqaalaha, wax-soo-saarka) oo muhiim u ah nolosha bulshada reer Gabiley iyo Boorama. 𝟕. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐞𝐞𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐨𝐨𝐥𝐜𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫-𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐢𝐢 𝐮 𝐝𝐚𝐦𝐛𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Dr. Cumar Shucayb Maxamed. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Banka Qoolcaday uu ka mid yahay kaydadka dabiiciga ah ee ugu muhiimsan dalka, kaasoo faa’iidooyin badan u leh nolosha Xoolaha, bulshada, dhaqaalaha iyo deegaanka. Wasiirku waxa uu sheegay in ay Xukuumaddu Banka Qoolcaday u aragto mashruuc ku dayasho mudan oo u baahan in si wadajir ah loo ilaaliyo loogana faa’iidaysto. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
The U.S. House Select Committee on the Chinese Communist Party has praised Somaliland for resisting Beijing’s influence in the Horn of Africa, noting that closer ties with the Horn of Africa nation could strengthen U.S. security and diplomatic objectives in the region. In a post on X (formerly Twitter), the committee said: “Somaliland has resisted Chinese influence that has penetrated the Horn of Africa, and is one of only two governments in Africa that recognizes Taiwan. Strengthening cooperation with Somaliland is a productive step in advancing America’s security and diplomatic objectives in the Horn of Africa and countering Beijing’s ever-growing presence in the region.” China continues to back Somalia’s government diplomatically and economically, opposing any recognition of Somaliland’s independence. Despite Beijing’s repeated calls for Somaliland to sever ties with Taiwan, Somaliland has expanded its partnership with Taipei, establishing reciprocal representative offices in 2020. Trump and U.S. Lawmakers Signal Stronger Support During a press conference with the leaders of Azerbaijan and Armenia, U.S. President Donald Trump was asked about Washington’s approach to Somaliland. He replied: “We’re looking into that right now. Good question, actually, and another complex one, but we’re working on that right now — Somaliland.” U.S. lawmakers have also urged stronger engagement. Senator Ted Cruz (R-TX) has encouraged Trump to consider recognition, while House Select Committee leaders John Moolenaar and Chris Smith have called on the State Department to “distinguish Somaliland” in its Africa policy. Analysts emphasize Somaliland’s strategic location along the Gulf of Aden, bordering the Bab el-Mandeb Strait, one of the world’s busiest maritime chokepoints. This position gives Somaliland outsized importance for controlling trade routes between the Red Sea and the Indian Ocean. U.S. engagement with Hargeisa could therefore secure a critical strategic foothold in the region, enhancing America’s security and influence in the Horn of Africa. Since 1991, Somaliland has made remarkable strides in governance, stability, and development. These achievements have earned recognition from U.S. lawmakers, who view Hargeisa as a reliable and strategically valuable partner in a volatile region. Source Horndiplomat Qaran News
-
Xog Muhiim ah. Shirkadda Google Map waxa loo gudbiyey xog khaldan oo ku saabsan (Somaliland Map & territories) Hadaba qof kasta waa inuu u gudbiyaa xogta saxda ah iyo xaqiiqada dhabta ah ee somaliland map historical and territories . Tag Google Map-ka ka Dib waxaad taaban doontaa profile setting ka sii dooro feedback and report issues ka Dib ku gudbi xogta saxda ah mhdsnid.. Somaliland’s map shows it occupies the historical territory of former British Somaliland, an area roughly 176,120 sq km in the Horn of Africa, bordering the Gulf of Aden, Ethiopia, and Djibouti. It comprises six administrative regions: Awdal, Sahil, Maroodi-Jeeh, Togdheer, Sanaag, and Sool. Historically, this region was a key trade hub, with ancient cities involved in the spice trade, and was a British protectorate before a brief independence in 1960. Map and Territory Geography: Somaliland is located in the eastern part of the Horn of Africa. Area: It covers approximately 176,120 square kilometers (68,000 sq mi). Borders: It borders Djibouti to the west, Ethiopia to the south, and has maritime borders with Yemen across the Gulf of Aden. Capital: The capital city is Hargeisa. Administrative Regions Somaliland is divided into six administrative regions, which are further divided into 22 districts. Awdal, Sahil, Maroodi-Jeeh, Togdheer, Sanaag, and Sool. Historical Context Ancient Trade: In the classical era, cities like Malao (Berbera) were important trade centers, trading myrrh and frankincense. British Protectorate: From the late 19th century, the area was a British protectorate, known as British Somaliland. Independence: On June 26, 1960, British Somaliland became briefly independent as the State of Somaliland. Siciid Abdil Qaran News
