Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,405
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xukuumadda Puntland ayaa ka hortimid hannaanka fiisaha danabaysan oo dowladda Soomaaliya ku soo rogtay dhammaan dadka ku safraya baasaboorrada shisheeye oo dalka imaanaya. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo shaaciyay mowqifka Puntland ee ku saabsan arrintan ayaa sheegay in aysan Puntland u hoggaansami doonin hannaankan cusub ee dowladda Soomaaliya ku soo rogtay dadka sita baasaboorrada shisheeye ee imaanaya Soomaaliya. Wasiir Caydiid wuxuu sheegay in qof kasta oo baasaboor ajnabi ah sita oo imaanaya garoomada Puntland in sidii hore looga qaadayo lacagtii fiisaha, islamarkaana aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid, waxaana uu xusay in ay heshiis u baahan tahay haddii la rabo in wax laga beddelo arrintaasi. Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka in ay isbaaro hawada dhigatay si ay u samayso dhaqaale urursi iyo boobka hantida shacabka isagoo caddeeyay in Puntland aysan aqbali doonin in dadka kasoo degaya garoomadeeda laga qaado waxa uu ugu yeeray “lacago baad ah” oo dowladda dhexe dooneyso inay ku ururiso magaca fiiso. PUNTLAND POST The post Puntland oo ka hortimid hannaanka fiisaha Online-ka ah oo dowladda Soomaaliya hirgelisay appeared first on Puntland Post.
  2. The High Court in Kiambu has ordered the release of 15 former officers drawn from the now-disbanded Special Service Unit (SSU), Kenya Wildlife Service (KWS), and the National Intelligence Service (NIS), who are facing charges of murdering two Indian nationals and their Kenyan driver. Source: Hiiraan Online
  3. Three Children Killed in House Fire in Burco, Somaliland Hargeisa (HOL) — Three siblings were killed in a house fire on Monday afternoon in the Jarmalka neighborhood of Burco, the capital of Somaliland’s Togdheer region, residents and witnesses said. The blaze broke out around 1:00 p.m. while the children’s mother had briefly left the home to charge her phone at a nearby shop. By the time she returned, the house had been engulfed in flames. Witnesses told local media that one child was trapped inside the burning house, while two others were pulled out alive but later died from their injuries. “I was sitting here, next to the house, and I smelled the fire and ran away. There was nothing we could do about it, and the fire department arrived too late,” one neighbor told an online channel. “The children burned for about three hours.” Residents blamed Burco’s fire service for failing to respond quickly, saying fire brigades are often stationed in only one area of the city and struggle to reach emergencies on time. This is not the first such incident in the neighborhood. Locals say previous fires have also caused damage and casualties, underscoring concerns about the city’s emergency preparedness. Source: Hiiraan Online
  4. Garowe (HOL) — Puntland has rejected the Federal Government of Somalia’s newly launched electronic visa system, accusing Mogadishu of overstepping its authority by attempting to control entry into regional territories. Source: Hiiraan Online
  5. Addis Ababa (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud has urged the international community to scale up climate finance “at an adequate scale and on appropriate terms,” stressing that Africa’s development and global decarbonization are inseparable. Source: Hiiraan Online
  6. Waxaa suuragal ah in UK ay joojiso fiisooyinka la siiyo dalalka aan ogoleyn in ay la galaan heshiisyada lagu celinayo muhaajiriinta, sidaasina waxaa sheegtay wasiirka cusub ee arrimaha gudaha UK. Shabana Maxamuud ayaa hadalkan ka sheegtay kulan ay ku martigelisay maanta xoghayaha arrimaha gudaha Mareykanka iyo wasiiro ka socda Australia, New Zealand iyo Canada. Kulankooda waxa uu ku saabsanaa sida ay xogta sirdoonka ku wadaagayaan isbahaysiga Eyes ee dalalkan. Eyes waa isbahaysi sirdoon oo shantan wadan xogta ku wadaagaan. Wadahadaladan ayaa ku soo aaday iyadoo dowladda uu haysto cadaadis la xiriira sidii ay ku yareyn laheyd tirada muhaajiriinta doomaha kaga soo gudbeysa badda u dhexeysa UK iyo Faransiiska. Sabtidii ayaa waxay aheyd maalintii ugu horeysay ee si buuxda u shaqeyso Shabana ilaa markii xilka loo dhiibay, waxaana UK soo galay 1,097 qof. Waxay aheyd tiradii ugu badneyd ee soo gasha dalkan. Hadalkii ugu horeeyay ee ay jeediso Shabana ilaa markii xilka loo dhiibay oo aheyd Jimichii ayey ku sheegtay in mudnaanta koowaad ay siineyso in ay “adkeyso ammaanka” xuduudaha UK. Mar ay ka hadleysay arrimaha dibadda waxay sheegtay, “Waxaan qabnaa in ay jiraan meel layska kaashado, gaar ahaan sida loola dhaqmayo dalalka aan dib u qaadan muwaadiniintooda, marka waxaan xaqiijin doonaa in aan awood u helno in aan ku celino dalalkaas dadka aan xaqa u laheyn in ay joogaan wadamadeena”. Mar ay ka hadleysay dalalka diida in ay dadkooda qaataan waxay sheegtay Shabina in ay taas ka hadleen shanta dalka ee ku wadajira Eyes sidii ay ku sameyn lahaayeen tallaabo isku xiran. “Dhankeena waxaa suuragal ah in aan mustaqbalka jarno fiisooyinka marka waxaan ka fileynaa in dalalkaas ay ciyaarta qeyb ka ahaadaan oo ay sharciga raacaan, haddii hal muwaadin uusan xaq u laheyn in uu joogo dalalkeena, waa in ay dib u qaataan”. Tiradii la socotay doontii yareyd waxay ka dhigeysaa dadka doonyaha yar yar ku imaaya UK in ay ka bataan 300,000 sanadkan sida lagu sheegay xogta wasaarada arrimaha gudaha. Shabana waxay tiradaas ku sheegtay mid aan la aqbali karin. Tirada imaaneysa UK ee doonyaha yar yar ku soogleysa sanadkan waxay kordheen 37 boqolkiiba sida ay sheegeen falanqeysyayaasha wakaalada wararka PA. Shabana Maxamuud waxay kulan la yeelatay xoghahaya arrimaha gudaha Mareykanka Kristi Noem oo madax u ah qeybta socdaalka Mareykanka iyo hay’ada kastamka ee loo yaqaan ICE, waxayna kaalin weyn kaga jirtay dadaalka maamulka Trump ee lagu kordhinayo dadka la ma saafurinayo. Waxybaaha kale ee kulankooda looga hadlay ee ka mid aha ajandaha waxaa ku jiray xadgudubyada galmo ee carruurta ee ka dhaca internet-ka iyo faafista maandooriyaha Obiyoodis. Kulanka waxaa joogay wasiirka arrimaha badqabka Canada Gary Anandasangaree, wasiirka arrimaha gudaha Australia Tony Burke iyo wasiirka arrimaha gudaha Zealand minister Judith Collins. Shabana Maxamuud waxay sheegtay in ay rajeyneyso in laysku raaco tallaabooyin cusub oo lagu “ilaalinayo xuduudaha shanateena wadan ee saaxiibada ah iyadoo si adag loola dhaqmayo kuwa dadka tahriibiya. Shabana Maxamuud waxay hore u aheyd wasiirka cadaalada, waxaana laga dhigay wasiirka arrimaha gudaha kaddib markii uu raysalwasaaraha sameeyay iskushaandheyn weyn oo ka timid markii la badalay Yvette Cooper. Wasiirka difaaca UK, John Healey, ayaa Axadii xaqiijiyay in dowlada ka fiirsaneyso in ay xarumaha militeriga u isticmaasho meelo la dajiyo magangalyo-doonka. Tallaabadan ayaa u muuqata in dadka laga bixinayo hoteelada hadda la dajiyo. Wuxuu kaloo sheegay in habab kale ay mas’uuliyiintu ka fakarayaan oo noqonaya “noocyo cusub oo guryo ah”. Bbcsomali Qaran News
  7. The success of a new regional framework on child protection will depend on how much governments commit in financing, regional child welfare experts have said. Source: Hiiraan Online
  8. Newcastle United midfielder Sandro Tonali scored an injury-time winner as Italy snatched a dramatic victory over Israel in a nine-goal World Cup qualifying thriller. Source: Hiiraan Online
  9. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/09/de91c1b3e16a59266b4c8fd25ddfe775.mp4 Qaran News
  10. KAMPALA, Uganda (HOL) — Uganda beat Somalia 2–0 on Monday at Mandela National Stadium to move to 15 points in Group G of Africa’s World Cup qualifying, keeping the Cranes level with Mozambique and strengthening their bid for the playoff route with two matches to play. Source: Hiiraan Online
  11. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨) 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐔𝐠𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝, 𝐔𝐠𝐚𝐚𝐬 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐬𝐡𝐢𝐢𝐝 𝐔𝐠𝐚𝐚𝐬 𝐑𝐨𝐨𝐛𝐥𝐞 𝐔𝐠𝐚𝐚𝐬 𝐃𝐨𝐨𝐝𝐢. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa gurigiisa magaalada Boorama ku booqday Ugaaska Guud, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi. Kulankan oo ahaa mid taariikhi ah oo muhimmad iyo mudnaan gaar ah lahaa, ayaa lagu lafa-guray arrimo muhiim ah oo taabanaya nabadda, wadajirka ummadda iyo horumarka dalka, waxa lagaga wada hadlay doorka soo jireenka ah ee uu Ugaaska Guud ku leeyahay dhismaha Qaranka JSL iyo ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu Ugaaska ku bogaadiyey hoggaamintiisa xikmadda iyo xasilloonida ku dhisan, isaga oo xusay in hoggaamada dhaqanku ay yihiin tiir muhiim ah oo lagu ilaaliyo wada-noolaanshaha iyo wadajirka shacabka Somaliland. Dhankiisa, Ugaaska Guud, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad naqay booqashada uu ugu yimid, sidoo kalena bogaadiyey dadaallada uu Madaxweynuhu ugu jiro adkaynta nabadda iyo horumarinta dalka, isaga oo Ugaasku ballan qaaday in bulshada ballaadhan ee uu Ugaaska u yahay ay si buuxda u garab taagan yihiin Qarannimada iyo Dawladnimada Somaliland. Waxa xusid mudan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uu xilligii ololaha doorashada Madaxtooyada uu ku ballan qaaday in Ugaaska Guud, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble uu dalkiisa si nabad, xushmad iyo karaamo leh ugu soo noqon doono. TAASINA WAA BALLAN QAAD KALE OO UU FULIYEY MADAXWEYNE CABDIRAXMAAN CIRRO. ALLAA MAHAD LEH Xuseen Aadan Cige (Deyr) Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
  12. Danjire Cabdixakiim C.C. Camay: “Soomaaliya waxay dhowraysaa xuquuqda Itoobiya si ay uga faa’iidaysato kheyraadkeeda dabiiciga ah. Waa sababta ay u diidday qaraarkii Masar iyo Jaamacadda Carabta oo ka soo horjeeda danaha Itoobiya iyo Gobolka Bariga Afrika guud ahaan.” Muqdisho (Faallo) — Baraha bulshada Soomaali badan ku faradirirto (sida Twitter (oo hadda X ah) waxaa shalay aad u saameeyay dabbaaldeg Garoowe ka dhacay ku saabsan biyoxireenka Itoobiya oo dhowaan la furi doono. Wasiirka Arrimmaha Gudaha ee Puntland Cabdi Faarax Siciid ‘Juxaa’ ayay dad badan ku dhaliileen inuu sheegay inuu saami ka iibsaday biyoxireenka Itoobiya. Inuu ka hiilliyay Masar ayaa Juxaa lagu eedeynayaa. Juxaa ma aha syaasi la dhacsan xiriirka Masar iyo Soomaaliya, laakiin laguma eedeyn karo inuu ka hiillinayo Masar haddii uu saami ka iibsaday biyoxireenka Itoobiya. Wasiir Juxaa waxaa la saaray eedda ay leeyihiin Madaxda heer federaal oo taageersan biyoxireenka Itoobiya dhisatay. Siyaasadda arrimmaha dibedda ee Soomaaliya ku aaddan biyoxireenka waxay weli ku salaysan tahay taageerista in Itoobiya yeelato biyoxireen saamaynaya sida webiga Niil (Nile) u gaaro Masar. Kala-maan: Madaxweyne Farmaajo lama dhaliilin markii uu Itoobiya la saftay si ay biyoxireen saamaynaya Masar u samaysato. Sanadkii 2020kii Safiirkii Soomaaliya u joogay Itoobiya Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camay ayaa Itoobiya la wadaagay mowqifka Soomaaliya ka leedahay biyoxireenka Itoobiya. “Soomaaliya waxay dhowraysaa xuquuqda Itoobiya si ay uga faa’iidaysato kheyraadkeeda dabiiciga ah. Waa sababta ay u diidday qaraarkii Masar iyo Jaamacadda Carabta oo ka soo horjeeda danaha Itoobiya iyo Gobolka Bariga Afrika guud ahaan” ayuu Danjire Camey u sheegay shirkadda warbaahinta FANA oo ay dowladda Itoobiya leedahay. Maxaa Madaxweye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loogu eedeyn waayay sida cad uu ula saftay Itoobiya 2020kii. Madaxweyne Xasan Sheekh waxba weli kama beddelin siyaasadda Soomaaliya ku aaddan in Itoobiya dhisatay biyoxireen. Siyaasadda dowladda Soomaaliya ku aaddan Itoobiya waxba iskama beddelin. Sanadkii 2022kii, markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqday Eritreeya, wuxuu taageeray heshiiskii isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika uu 2018kii soo bandhigay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo Muqdisho booqanayay. Abiy Ahmed wuxuu taageero weyn ka helay Soomaaliya si uu ugu dhiirrado dhammaystirka biyoxireenka uu dhowaan furi doono. Magaca cayayaaka baraha bulshada (CBB)’ waa magac lala helay dadka loo bixiyay. Cayayaan caqli ma laha, laakiin dhibaato ayuu geystaa. Cayayaanka noocan ah waxaa ka mid ah kaneecada, diqsiga, baranbarada, kutaanta iyo injirta. Mar hore ayaa laga digay halista baraha bulshada oo loo doonto warar ama ra’yi si dheellitiran oo xaqsoor leh loo soo bandhigo. Hadda la yaab ma laha in qofku maqlo “hebel baraha bulshada ayuu ku cayayaanoobay!” © Puntland Post, 2025 The post Wasiir Juxaa ma taageerin biyoxireenka Itoobiya, Dowladda Soomaaliya ayaa 2020kii taageertay appeared first on Puntland Post.
  13. Mogadishu (PP News Desk) — Two major airlines frequently used by Somalis and foreign nationals travelling to Somalia have fully complied with the visa requirements set by the Federal Government of Somalia. Both Flydubai and Ethiopian Airlines have published information on their websites for passengers travelling to the Federal Republic of Somalia. The new regulations also apply to Somalis holding foreign passports, who were previously able to obtain entry clearance on arrival. Passengers must now obtain an electronic visa in order to board a flight to Somalia. © Puntland Post, 2025 The post Ethiopia Airlines and Flydubai Comply with Somalia Visa Requirements for Foreign Passengers appeared first on Puntland Post.
  14. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/09/96ade5c76d25d58062212dad2c94ed33.mp4 Qaran News
  15. Degmada Buur Hakaba ee ku taalla Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa todobaadkaan ku biirtay magaalooyinka leh garoomada diyaaradaha gudaha Soomaaliya , kadib markii si rasmi ah xarigga looga jaray garoon diyaaradeed oo cusub. Furitaanka garoonkan waxa uu ka dhigan yahay horumar muhiim ah oo dhinaca isku xirka gobollada ah, iyadoo bulshada deegaanka ay si weyn u soo dhaweeyeen. Sababta loo baahan yahay garoomo cusub Sanadihii la soo dhaafay, Soomaaliya waxaa ku soo batay dhismaha garoomo diyaaradeed oo gudaha ah. Tani waxay ku timid sababo dhowr ah: • Amniga: Safarka dhulka ayaa khatar badan noqday sababo la xiriira ammaanka iyo xaaladda waddooyinka oo burbursan tan iyo burburkii dowladdii militariga hore. • Baahida socdaalka degdegga ah: Diyaaradaha Gudaha waxay fududeeyaan in dadka si dhaqso ah ugu kala gooshaan gobollada, gaar ahaan ganacsatada iyo dadka adeegsanaya safarrada caafimaadka iyo waxbarashada. • Fursadaha ganacsi: Garoomo badan waxay kobciyeen dhaqaalaha magaalooyinka ay ka dhismayaan, iyagoo fududeeyay ganacsiga iyo isku xirka bulshada. Munaasabadda furitaanka Munaasabadda lagu furay garoonka Buur Hakaba waxaa xarigga ka jaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo safar diyaaradeed ku gaaray degmada. Waxaa sidoo kale goobta joogay Maareeyaha Duulista Hawada, Axmed Macallin Xasan, iyo wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed. Dadweyne aad u faraxsan ayaa ka qeyb galay munaasabadda, iyagoo muujiyay sida ay ugu riyaaqeen garoon cusub oo ay helaan. Faa’iidooyinka la filayo • Isku xirka bulshada: Dadka reer Buur Hakaba waxay hadda si toos ah ugu safri karaan magaalooyinka kale iyagoo aan ku tiirsanayn waddooyin burbursan. • Dhaqaale koror: Ganacsatada deegaanka iyo kuwa safarka ku yimaada ayaa abuuri kara dhaqaale cusub, gaar ahaan hoteelada, adeegyada gaadiidka iyo suuqyada deegaanka. • Fursad mustaqbal: Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku baaqay in reer Buur Hakaba gacan ka geystaan sidii garoonkan loogu horumarin lahaa heer caalami ah. Furitaanka garoonka diyaaradaha ee Buur Hakaba waa tallaabo ka tarjumeysa soo kabashada kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya. Inkasta oo caqabadaha amni iyo dayactir weli jiraan, haddana garoomo noocan ah waxay bulshada siinayaan fursad ay ku helaan isku xirnaan, ganacsi iyo horumar bulsho. Source: goobjoog.com
  16. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub (EU) u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro, ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub. Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeeyey danjiraha cusub, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada, nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska dalka. Dhankeeda, Danjire Di Mauro, oo uga mahadcelisay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen, ayaa xustay in ay sii xoojin doonto iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha mudnaanta u leh labada dhinac. Inta badan dalalka Midowga Yurub ay dhawaan ku xiray Shuruud dhaqaallihii ay siin jireen Soomaaliya iyagoo sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay aqbasho Dib u celinta qaxootiga sharci la’aanta ku ah dalalka Yurub. Source: goobjoog.com
  17. Madaxweynaha Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ku dhawaaqey in la jabiyey qiimaha laydhka Magaalada Borama iyada oo uu ka dhigay 0.59. Sidoo kale madaxweynahu waxa uu qiimo dhimis xoogan ku smeeyay biyaha oo uu ku dhawaqay in laga dhigay Shantii foosto ee biyaha aah 11kun oo shilinka Somaliland ah. Madaxweyne Cirro waa madaxweynahii ugu horeeyay ee Somaliland soo mara ee shicibka u jabiya laydhka iyo biyaha isla markaasina arimo badan wax ka qabtay mudadii yarayd ee ù xilka hayay arintaasi oo umadda reer Somaliland farax galisay. Qaran News
  18. NAFTU WAA NAQAS MARUUN BAY ISKA BAXDAAYE MAXAA KAA HORREEYA MASUUL. Mawdku waa lama huraan waxaynu ku mashquuksannay tacab adduunyo iyo guryo qurux badan fooqyo dhaadheer iyo dumar qurux badan iwm. Ninkaagii libaaxa ahaa ee laga jiifsanwaayay waxaad ku danbaynaysaa cad bakhtiya oo qadhmuun (mayd) laga wis wiso oo afka, sanka, dhegaha, meel kasta cudbi laga gelyo, waxa lagugu ridayaa qabrigii isla markiiba walaalahaa iyo saaxibadaa iyo qabiilkaagii manjarafado ciid ah ayay kugu boobayaan waaba lagu aasay, halkaasna lagaaga tegay, waxa yaalla camalkaagii masuuliyadii nafta ilaahay uu ku geliyay iyo waxaad ku camal fashay. Madaxweynaha, xildhibaanka, wasiirka, taajirka, guurtida, xaasakaaga ubadkaaga dhammaan masuuliyad wixii aad ku fashay shar iyo khayr abaal marintoodii ayaa halkaas kaaga bilaabmaysa malaa’iig aan waxba illaawin ayaa shaqadoodii kaa qabsanaya oo ku siinaya camalkaagii naxariis iyo ciqaab kuu ahaaba. Waxaan uga socdaa qormadan Kuwan laga fadhiyi waayay ee iyagoo kooxo ah dadkii isu qaybiyay, kuwii ka horreeyay ee halligmay ee uu ilaahay qabtay miyay illaaween immisaa qof is mahadiyay oo takrifalay si xun ilaahay uu u qabtay, bal dib u xusuusta sida dadka kibra ee takri fala uu ilaahay ula dhaqmo. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
  19. Waxaa maanta si rasmi ah loo xalliyay Khilaaf iyo is-marin-waa ka taagnaa qabsoomidda doorashada guddoonka ururka Al-gabbal oo ay ku midaysan yihiin dowladaha hoose ee degmooyinka Puntland Duqa caasimadda Garoowe, Geeddi Axmed Tuurre oo hadda si KMG ah u haya xilka guddoomiyaha ururka Al-gabbal ayaa isku dayay in dib u dhigis ku sameeyo doorashada guddoonka ururkaasi, balse degmooyinkii kale ayuu taageero uga waayay qorshihiisi dib u dhigista, taasi oo keentay is-marin-waa ka dhashay arrintaasi. Intaasi kaddib, Madaxtooyada Puntland ayaa soo fara-gelisay is-marin-waagii taagnaa, iyadoo Madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor uu maanta shir la yeeshay dhammaan mas’uuliyiinta degmooyinka ku midaysan ururka dowladaha hoose ee Al-gabbal, si uu u xalliyo murankii taagnaa. Madaxweyne ku xigeen Lugatoor ayaa kaddib markii uu dhegeystay dooddii ka taagnayd qabsoomidda doorashada, waxaa uu go’aamiyay in doorashada guddoonka Ururka Al-gabbal si rasmi ah u qabsoonto maalinta Arbacada ah ee Todobaadkan oo ku beegan Saadanbe, sidan ka xiganay ilo wareedyo goob-joog ahaa. PUNTLAND POST The post Duqa caasimadda Garoowe oo ku fashilmay dib u dhigistii doorashada ururka Al-gabbal appeared first on Puntland Post.
  20. Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Wadada Soobe, oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay. Wadadan oo xiriirisa Hoggaanka Dambi-baarista Booliska Soomaaliyeed (CID) ilaa Isgoyska 14-ka Oktoobar, oo sidoo kale loo yaqaanno Soobe, ayaa ka mid ah waddooyinka istaraatiijiga ah ee caasimadda. Intii lagu guda jiray munaasabadda xarig-ka-jarka, Guddoomiyaha ayaa xusay in Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ka go’an tahay in muwaadiniinta lagu celiyo adeegyada ay xaqa u leeyihiin, iyadoo loo marayo maamul daahfuran oo cashuurta shacabka ku beddelaya adeeg muuqda. “Wadadan maanta aan xarigga ka jarayno waxa lagu saleeyay qorshe casri ah oo aan ku xaqiijinayno in marinnada bullaacadaha ay si toos ah ugu shubmaan badda, isla markaana la diyaariyay marinno loogu talagalay xarkaha korontada iyo tubooyinka biyaha. Arrintan waxa ay muujinaysaa sida aan hor-tebinta u siinnay in aan tayada iyo waaridda adeeggan hormuud uga dhigno shaqadeena.” ayuu yiri guddoomiye Dr. Muungaab. Duqa Muqdisho ayaa waxa uu sidoo kale ku nuux-nuuxsaday in Dowladda Hoose ay sii wadi doonto hirgelinta mashaariic la mid ah kan maanta la hirgeliyay, si bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku dhaqan caasimadda, ay u helaan adeegyo kaaba horumarka. Source: goobjoog.com
  21. Raysalwasaaraha Ukrayn ayaa sheegay in dhismaha ugu weyn ee dawladda Ukrayn ee ku yaalla Kyiv, markii ugu horraysay la garaacay. Yulia Svyrydenko ayaa sheegtay in saqafka sare ee dhismaha iyo dabaqa sare lagu baabi’iyay waxa u ugu yeedhay “Weerarrada cadowga”. Ugu yaraan afar qof ayaa lagu dilay weerarkaasi oo ay ku jiraan ilmo socod barad ah iyo gabadh da’ yar, kaddib markii dhismo ka kooban sagaal dabaq lagu weeraray degmada Svyatoshynsky ee magaalada Kyiv, sida ay saraakiishu sheegeen. Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay in tiro badan oo diyaarado iyo gantaallo laga soo riday dalka Ruushku ay qayb ka ahaayeen weerarkii habeenkii ugu dambeeyay. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in weerarrada is daba joogga ah ay khasaare ka geysteen magaalooyinka Zaporizhzhia, Kryvyi Rih iyo Odesa, iyo sidoo kale gobollada Sumy iyo Chernihiv. Source bbcsomali Qaran News
  22. Ciidamada Dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo ayaa xiray xarunta maamulka degmada, kadib markii ay sheegeen in muddooyinkii dambe ay ku jireen xaalad mushahar la’aan ah,waxayna hor istaageen shaqaalihii maamulka degmada, iyagoo u diiday in ay gudaha xarunta galaan. Xiritaanka xarunta ayaa abuuray jahawareer ku yimid adeegii bulshada, maadaama shaqaalaha kale ee degmada oo ay ku jiraan kuwa nadaafadda iyo maamulka ay ku qasbanaadeen in ay dibadda joogaan. Cabashadan cusub ayaa imaneysa xilli Puntland guud ahaan ay ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ahi ka hadleen mushaharka oo aan si joogto ah loo siin, inkasta oo Wasiirka Maaliyadda Puntland uu shalay ku adkeystay hadal uu jeediyey in dhammaan ciidamada iyo shaqaaluhu ay si joogto ah u helaan xuquuqdooda. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowladda Hoose ee Gaalkacyo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mushahar la’aantu saameyn toos ah ku yeelatay noloshooda iyo tan qoysaskooda, islamarkaana aysan suurtagal ahayn in ay sii gutaan waajibaadkooda iyagoo aan helin xaqoodii.Xaaladda ayaa noqotay mid xiisad dhalisay, waxaana la filayaa in madaxda Puntland ay ka jawaabaan cabashada soo noqnoqotay ee ciidamada iyo shaqaalaha dowladda hoose, si looga hortago in khilaafka uu saameeyo adeegyada bulshada ee degmada. Source: goobjoog.com
  23. Ciidamada Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa saaka xirtay xaruntii degmada, islamarkaana shaqaalihii u diiday in ay gudaha u galaan xarunta, si ay waajibkooda shaqo u gutaan. Xubno ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Gaalkacyo oo tegey xaruntii degmada ayaa dib uga soo laabtay waxaana laga soo xigtay in ciidamado ka tirsan degmada oo mushaar la’aan ka cabanaya qabsadeen halkaasi oo ay ka celinayaan shaqaalaha in ay gudaha u galaan. Shaqaalaha iyo ciidamada Puntland ayaa dhawaanahan wajahaya xuquuq la’aan, waxaana wasiirka Maaliyadda oo maalin ka hor su’aal laga weydiiyay uu sheegay in dhismaha waddooyinku ay ka muhiimsan yihiin xuquuqda shaqaalaha, taasi oo dhalisay falcelin xooggan oo baraha bulshada qabsatay. Dhinaca kale, Siyaasi Guuleed Saalax Barre oo qoraal ka soo saaray mushaar la’aanta xukuumadda madaxweyne Deni ku samaysay shaqaalaha iyo ciidamada difaaca Puntland ayaa ka dalbaday dowladda in au sida ugu dhakhsaha badan u bixiso xuquuqda ka maqan shaqaalaha iyo ciidamada. “Shaqaalaha iyo ciidamadu waa lafdhabarta dawladnimada iyo difaaca dalka. Waxaan ku baaqaynaa in xuquuqdooda si degdeg ah loo bixiyo, lana dejiyo hannaan sharci oo ka hortaga dib u dhac iyo ku tumasho dambe inaysan dhicin, sidoo kalana lala xisaabtamo masuuliyiyiinta masuulka ka ah dayacan , oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Deni” ayuu yiri Guuleed Saalax. Wuxuu sidoo kale ka digay sii socoshada duudsiinta xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada oo uu ku tilmaamay mid sii adkaynaysa xaaladda iyo duruufaha nololeed ee qoysaskooda, taas oo horseedi karta niyad jab, habacsanaan maamul iyo amni xumo, sida haddaba dhacda in ciidamo duruufaysan ay xirtaan waddada dheer ee laamiga ah. PUNTLAND POST The post Puntland: Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo saaka qabsaday xaruntii degmada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  24. Qunsuliyadda dowladda Itoobiya ee magaalada Garoowe ayaa xaflad hordhac ah u qabatay munaasibadda Xarig-jarka Biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ka hirgelisay webiga Niilka, kaasi oo dhawaan si rasmi ah loo daah-furayo. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ka kooban xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, duqa Degmada, shirkado ganacsi iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay xafladda hordhaca u ah munaasibadda furitaanka Biyo-xireenka Abaay. Xafladdan ay soo qaban-qaabisay qunsuliyadda Itoobiya ee ku taalla caasimadda Puntland oo uu hoggaaminayey kusimaha Qunsulka Safaaradda, Mudane Yidnekachew Tekle A, waxaa Intii ay socotay lagu soo bandhigay hiddo-dhaqameedka kala duwan ee dalka Itoobiya. Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda iskaashiga Puntland iyo Itoobiya ee dhinacyada kala duwan Sida; siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Waxaa si gaar ah loo tilmaamay kaalinta muuqata ee Itoobiya ka geysatay dagaalka lagula jiro argagixisada Daacish. PUNTLAND POST The post Garoowe oo lagu qabtay Xaflad hordhac u ah daah-furka Biyo-xireenka Itoobiya ka hirgelisay webiga Niilka appeared first on Puntland Post.
  25. Four-time world champions Germany struggled for more than an hour against Northern Ireland before scoring twice in three minutes in the second half to earn a 3-1 victory in their 2026 World Cup qualifier on Sunday. Source: Hiiraan Online