-
Content Count
213,126 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Moscow (Caasimadda Online) – Dowladda Ruushka ayaa ku eedeysay ciidamada Israa’iil inay ka danbeeyeen oo sabab u noqdeen diayarad milateri oo laga soo riday Ruushka, taasoo ku sugneyd Badda Dhexe ee dhow magaalada Ladiqiya ee dalka Syria. Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa shaacisay in diyaaradda oo ahayd nooca sahanka ee IL-20 ay ku jirtay duulimaad caadi ah, isla markaana ay isku qariyeen diyaarado dagaal oo Israa’iil leedahay, kuwasoo gadaasheeda gantaalo ka riday iyadoo weerarraya magaalada Ladiqiya ee dalka Suuriya. Ciidamada difaaca Cirka ee Suuriya Gantaallo ugu jawaabay diyaradaha dagaalka Israel oo ahaa nooca F-16, taasoo keentay in gantaallaha SAM-200 ay haleelaan diyaaradda Ruushka oo ay saarnaayeen 15 askari oo Milateriga Ruushka ka mida, kuwaasoo ku dhintay diyaaradda dhacday. Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa caddeysay inay Israel mas’uul ka tahay geerida ciidamada Ruushka, ayna ku kacday fal caddownimo ah, iyadoo aan weerarka ay qaaday ku wargelin taliska Ruushka ee ay iskaashiga leeyihiin, waxayna ku hanjabtay inay jawaab munaasib ah ka bixin doonto falka gardarrada ah ee Israel. Dowladda Ruushka ayaa u yeertay safiirka Israel u fadhiya magaalada Moskow, iyadoo la gaarsiiyey go’aanka Ruushka lagana dalbaday caddeyn degdeg ah. Caasimada Online Xafiiska Moscow Caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee kala fadhiya Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa xilalkii ka qaaday dhamaan Madaxdii Galmudug ka hor Ahlu Sunna. Kulan maanta magaalada Dhuusamareeb ay ku yeesheen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa waxa ay kaga doodeen mooshinka ka yaalla Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug. Xildhibaannada fadhiya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay xilka ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir. Baarlamaanka qeybta fadhida Cadaado ayaa xilka ka qaaday Madaxweynaha Galmudug Amxed Ducaale Geelle iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Xareed Cali Xareed. Kulan Xildhibaannada Galmudug ee Fadhiya Dhuusamareeb ay maanta ku yeesheen Magaaladaasi waxaa ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen qofkii ugu dambeeyay afarta qof ee ugu sarreysa Galmudug kaas oo ah Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Carrabeey. Xildhibaano gaaraya 97 ayaa maalin kahor waxa ay mooshin ka dhan ah u gudbiyeen ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug oo xildhibaano ku shiray maalmo kahor Cadaado ay sheegeen inay isagaba xilka ka qaadeen. Xildhibaanada Galmudug ayaa Maxamed Xaashi Cabdi Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxa ay ku eedeeyeen inuu meel kaga dhacay dastuurka Galmudug, ku tumashada xeer hoosaadka iyo inuu gabay waajibaadkiisa shaqo. Xareed Cali Xareed oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in kulanka ay soo xaadireen ilaa 140 mudane ayna u codeeyeen xilka qaadista Madaxweyne ku xigeenka Galmudug islamarkaana aanay jirin cid ka aamustay. Khilaafka Galmudug waxaa ka hadlay Maamul Goboleedyada iyo Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Dowladda Federaalka ah. Maamul Goboleedyada War-saxaafadeed ay soo saareen maanta waxaa ay dowladda dhexe ugu baaqeen in ay faragelinta ka joojiso Galmudug,islamarkaana Ciidamada qaranka aan loo adeegsan arrimaha ka jira Galmudug. Marka laga aragti qaato Khilaafka Galmudug,qofka kaliya ee hadda xilka haya waa Madaxa Xukuumadda Galmudug Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo khilaafkan sheedda kala socda maaddaama uu u dhaxeeyo Galmudugtii hore. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa markale soo saaray war-murteed ka kooban todoba qodob oo ay kaga hadleen inta badan arrimaha ka taagan maamulka Galmudug. War-murteeed ayaa lagu sheegay in ay muuqato dhaqdhaqaaqyada aan waxba dhisayn ee la jaan-qaadaya baaqii Madaxweyne farmaajo ee ahaa waxaan kala shaqeynaynaa Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Galmudug iyo Hirshabelle “Danta Guud”. Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada federaalka ee ku sugan Galmudug aan loo adeegsan hab ka baxsan himilooyinka iyo xayn-daabka dastuurka, lagana feejignaado in ay ku milmaan xiisadaha siyaasadeed ee taagan. Hoos ka akhrido war-murtiyeedka Cambaaraynayaa afduubka ay aragaggixisada Alshabaab u geysteen odayaasha deegaanka Galmudug, wuxuuna ku baaqayaa in mudnaanta koowaad la siiyo samatabixnta odayadaa, meelna looga soo wada jeesto la dagallanka Alshabaab. Mar kale bogaadinayaa meel-marinta heshiiskii ay gaareen Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, kaas oo ay goobjoog ka ahaayeen Dawlada Federaalka, Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleeyada iyo Xubno Beesha Caalamka ka mid ah. Goluhu wuxuu ku baaqayaa in Dawlad Goboleedka Galmudug loo madaxbanneeyo hirgelinta heshiiskaas, lagana daayo wax alla wixii caqabad ku ah fulinta heshiiskaas. Goluhu wuxuu baqdin ka qabaa in xiisadda siyaasadeed ee Galmudug ka socota ay ku qotonto, daliil cadna u tahay cabashooyinkii farahgelinta qaawan ku saabsanaa ee uu Goluhu horay ugu soo jeediyey Dawlada Federaalka ah. Waxaana muuqanaysa in dhaqdhaqaaqyada aan wax dhisayn ee socda ay ka jaan-qaadayaan baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ee uu Munaasabadddi Furitaanka Golaha Shacabka si cad ah ugu ballan-qaaday Guddoomiyeyaasha Golayaasha Baarlamaanka Galmudug iyo HirShabelle “in uu kala shaqeyn doono” wax uu Madaxweynuhu ku sheegay “Danta Guud”. Goluhu wuxuu Dawladda Federaalka ah xusuusinayaa in danta Galmudug iyo tan Soomaaliyeedba ay ku jirto midnimada shacabka Galmudug, iyo wadajirka hay’adahooda Dastuuriga ah, wuxuuna ku baaqayaa in si daahfuran loogu dul-shaqeeyo sharciyada iyo Dastuurka Dawlad Goboleedka Galmudug ay ku midoobeen Goluhu, isagoo cuskan Qodobbada 48aad & 50aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliyeed, dibna u milicsanaya Qod. 4.2 (1) ee Warmurtiyeedkii Shirweynaha 3aad ee Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Soomaaliyeed, wuxuu si adag ugu baaqayaa in degdeg loo joojiyo faraggelinta qaawan ee ay laamaha Dawladda Federaalka ahi ku hayaan Dawlad Goboleedka Galmudug, wixii khilaafaad ah ee jirana loo xalliyo qaab dastuur iyo xaajaysi ku dhisan. Goluhu wuxuu si gaar ah uga digayaa in ciidamada Federalka ah sida Xoogga Dalka iyo NSSQ (NISA) ee ku sugan Dawlad Goboleedka Galmudug, iyo ciidamada Dawlad Goboleedka Galmudug midnaba loo adeegsado hab ka baxsan himilooyinka iyo xayn-daabka dastuuriga ah ee waajibaadkooda, lagana feejignaado in ay ku milmaan xiisadaha siyaasadeed ee taagan. Goluhu wuxuu diyaar u yahay in sidii horayba u dhici jirtey, uu gacan ka geysto xallinta iyo soo af- aridda khilaafka taagan, isagoo la kaashanaaya cid alle ciddii arrintaa wanaag ku biirinaysa. 7- Ugu dambayn, Goluhu wuxuu culimada diinta, aqoonyahaniinta, waayeelka dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ku boorrinayaa in ay u indhofurraadaan jihada uu dalkani ku socdo iyo khataraha ku xeeran masiirka umaddiisa. DHAMMAAD. PUNTLAND POST The post Akhriso: Dowlad goboleedyada oo federaalka ku eedeeyay faragalin appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay guddiga dhexdhexaadin dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda ee Aqalka Sare ee shalay gaaray Magaaladaasi. Madaxweynaha oo Khudbad ka jeediyay kulan ka dhacay Magaalada Kismaayo oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanada Aqalka Sare waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka baxday ballamo badan oo ay horay ula galeen dowlad goboleedyadda. Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay heyso 173 Kuntineero oo rasaas ah oo lagu soo iibiyay lacag ay bixisay Dowladda Sucuudiga isla markaasna aan ilaa hadda lagala tashan maamulada waxna aan laga siin. Waxaa uu xusay in Jubbaland ay ka jiraan dhibaatooyinka ugu badan ee dagaalka Al-Shabaab. Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuldareystay hoggaaminta Howlgallada ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay u diiday maamulada Saanadii loogu tala galay in Shabaab lagu dagaallamo . Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale tilmaamay in saanad dhan 173 Conteernar in ay taallo Magaalada Muqdisho, waxaana u sheegay in hubkaasi uu gacanta u galay Shabaab. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka kasoo baxay Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Soomaaliya.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shirkadda cabitaannada sameysa ee Coca-Cola ayaa waxaa si weyn loogu yaqaannaa sameynta cabitaanno ay ku jiraan maaddada Caffeine-ta, hasayeeshee shirkadda ayaa haatan waxa ay u muuqanaysaa inay doonayso inay tijaabiso maadada kale ee xashiishadda. Sida ay sheegayso warbaahinta BNN Bloomberg ee saldhigeedu uu yahay dalka Canada, shirkaddan wayn ee cabitaannada sameysa ee Coca-Cola ayaa waxa ay wadahadal ku jirtaa shirkadda maxalliga ah ee soo saarta xashiishadda ee Aurora Cannabis, si ay u sameeyaan cabitaan xashiishad lagu daray. Cabitaankaasi ayaa la sheegay inaanan loogu talagelin in macaamiisha ay ku sarkhaamaan hasayeeshee waxaa looga gol-leeyahay in xannuunka uu ka baabi’iyo. Shirkadda ayaa waxa ay diidday inay arrintaasi ka hadasho balse waxa ay sheegtay in ay si dhaw ula socoto suuqa cabitaannada xashiishadda. “Sida shirkadaha kale ee ka shaqeeya cabitaannada, waxaannu si dhaw ula soconnaa kobaca cabitaannada lagu daro xashiishadda gaar ahaan maadada Cannabidiol-ka, kuwaas oo qeyb ka ah cabitaannada caafimaadka loo cabo ee dunida laga isticmaalo,” waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan ay soo saartay shirkadda Coca-Cola. Maadada Cannabidiol-ka asal ahaan waa xashiishad, waxa ay gacan ka gaysataa jebinta xanuunka iyo caabuqyada ku dhaca bini’aadamka, hasayeeshee malahan wax saameyn ah oo ay qofka ku reebayso. Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa xilli dalka Canada uu isu diyaarinayo inuu raaco dhabbihii ay mareen qaar ka mid ah gobollada Mareykanka kuwaas oo sharciyeeyay in xashiishadda madadaalo ahaan loo isticmaali karo, kaddib sanado dawo ahaan loo isticmaalayay. Tallaabadaasna waxa ay horseedday in ay aad u bataan shirkadaha arrimahaas ka shaqeeya iyagoo weliba soo jiitay shirkado waa weyn oo maalgeliya.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku beenisay sheegasho maalmo ka hor kasoo yeertay dowladda Itoobiya oo aheyd in duqeyn ay ku dishay tobanaan dagaalyahanno oo ciidameeda ka tirsan. Mas’uul katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in aysan jirin wax duqeymo ah oo ay lakulmeen ciidamadooda isagoo warka kasoo yeeray Itoobiya ku tilmaamay been aan sal iyo raad laheyn. Idaacadda Al-Andalus oo wareysatay Mas’uul ka tirsan Al-Shabaab oo aysan magaciisa sheegin ayey waydiisay waxa ka jira warka kasoo yeeray Dowladda Itoobiya ee ah in duqeyn xagga cirka ah ku dishay 70 askari oo katirsan Shabaab? “Warkaas Xabashidu sheegtay waxba kama jiraan sida muuqata dhaqankii Kenyaatiga ayay bilaabeen ee lagu yaqaanay in aysan wax aanan jirin ama dhacdo aananba dhicin iska sheegtaan, marka warkaas wax jira ma ahan, Meel ay diyaaradahoodu nagu beegsadeen iyo ciidan ay naga dileen midna ma jirto” ayuu yiri Mas’uul katirsan Al Shabaab. Gen. Yilma Merdassa oo kamid ah saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaa 15-kii September 2018 u sheegay warbaahinta Afka dowladda ku hadasha ee Fanabc in duqeyn diyaaradeed ay ku dileen 70 katirsan dagaalyahannada Al Shabaab . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa looga hadlay Khilaafka hadda ka taagan Maamulka Galmudug. War-saxaafadeedka waxaa loogu baaqay dowladda dhexe in ay joojiso faragelinta sidoo kalena Ciidamada Xoogga iyo kuwa Galmudug aan loo adeegsan khilaafka ka taagan Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay dowlada Jabuuti ayaa lagu eedeeyay in Hubka sharci darada ah ay soo galiso gudaha Somalia kuwaa oo si sahlan ugu gacangala maleeshiyaadka Al-Shabaab. Hubkan oo noocyo kala duwan leh ayaa la sheegay in si fudud ay ku helan Al-Shabaabka, iyagoo u adeegsada gumaadka ay ku hayaan shacbiga iyo dagaalka ay kula jiran dowlada Somalia. Warbixin ay soo saartay sharkadda laga leeyahay Dalka Ingiriiska ee EXX Africa, ayey ku sheegtay in saraakiil ka mid ah dowladda,Ganacsato iyo xubno kale ay si dadban hub sharci darro ah ku geliyaan Soomaaliya. Dowladda Jabuuti oo ka duuleysa eedeymaha Hub galinta Somalia ayaa iska fogeysay warbixinta EXX Africa, waxa ayna tilmaantay inaanu jirin Hub sharci daro ah oo ay galiso Somalia. Qoraal ka soo baxay Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayuu ku difaacay dalkiisa waxa uuna waxkama jiraan ku sheegay eeda loo jeedinayo ee ku aadan Hubka sharci darada. Wasiir Maxamuud ayaa sheegay inaanu raad laheyn warbixinta laga diyaariyay Jabuuti islamarkaana dalkiisa uu ka go’anyahay nabadda iyo deganaanshaha Gobolka. Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in baahinta warkaasi loo helo cadeymo, waxa uuna ka gaabsaday inay suuragal tahay in Ganacsatada dalkiisa ay si qarsoodi ah Hubka ugu soo raraan Somalia. Haddalka, Wasiir Maxamuud ayaa kusoo beegmaya xili EXX Africa ay muujisay in cadeymo hubaal ah ay u heyso in dowlada Jabuuti ay Hubka si sharci daro ah ku galiso Somalia.
-
Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Soomaaliyeed ayaa war murtiyeed ka soo saarey Xaaladda Qasan ee Galmudug iyo Kaalinta Dawladda Federaalka ah. Qoraalka dowlad goboleedyada waxaa uu u qornaa sidan: Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Soomaaliyeed wuxuu si dhow ula socdaa xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Dawlad Goboleedka Galmudug ka soo cusboonaatay. Goluhu isagoo aad uga walaacsan xaaladda sii murgeysa ee Dawlad Goboleedka Galmuug, ayuu u-kuur gal iyo wada-tashi ballaaran ka dib: 1. Cambaaraynayaa afduubka ay aragaggixisada Alshabaab u geysteen odayaasha deegaanka Galmudug, wuxuuna ku baaqayaa in mudnaanta koowaad la siiyo samatabixnta odayadaa, meelna looga soo wada jeesto la dagallanka Alshabaab. 2. Mar kale bogaadinayaa meel-marinta heshiiskii ay gaareen Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, kaas oo ay goobjoog ka ahaayeen Dawlada Federaalka, Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleeyada iyo Xubno Beesha Caalamka ka mid ah. Goluhu wuxuu ku baaqayaa in Dawlad Goboleedka Galmudug loo madaxbanneeyo hirgelinta heshiiskaas, lagana daayo wax alla wixii caqabad ku ah fulinta heshiiskaas. 3. Goluhu wuxuu baqdin ka qabaa in xiisadda siyaasadeed ee Galmudug ka socota ay ku qotonto, daliil cadna u tahay cabashooyinkii farahgelinta qaawan ku saabsanaa ee uu Goluhu horay ugu soo jeediyey Dawlada Federaalka ah. Waxaana muuqanaysa in dhaqdhaqaaqyada aan wax dhisayn ee socda ay ka jaan-qaadayaan baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ee uu Munaasabadddi Furitaanka Golaha Shacabka si cad ah ugu ballan-qaaday Guddoomiyeyaasha Golayaasha Baarlamaanka Galmudug iyo HirShabelle “in uu kala shaqeyn doono” wax uu Madaxweynuhu ku sheegay “Danta Guud”. 4. Goluhu wuxuu Dawladda Federaalka ah xusuusinayaa in danta Galmudug iyo tan Soomaaliyeedba ay ku jirto midnimada shacabka Galmudug, iyo wadajirka hay’adahooda Dastuuriga ah, wuxuuna ku baaqayaa in si daahfuran loogu dul-shaqeeyo sharciyada iyo Dastuurka Dawlad Goboleedka Galmudug ay ku midoobeen 5. Goluhu, isagoo cuskan Qodobbada 48aad & 50aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliyeed, dibna u milicsanaya Qod. 4.2 (1) ee Warmurtiyeedkii Shirweynaha 3aad ee Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Soomaaliyeed, wuxuu si adag ugu baaqayaa in degdeg loo joojiyo faraggelinta qaawan ee ay laamaha Dawladda Federaalka ahi ku hayaan Dawlad Goboleedka Galmudug, wixii khilaafaad ah ee jirana loo xalliyo qaab dastuur iyo xaajaysi ku dhisan. Goluhu wuxuu si gaar ah uga digayaa in ciidamada Federalka ah sida Xoogga Dalka iyo NSSQ (NISA) ee ku sugan Dawlad Goboleedka Galmudug, iyo ciidamada Dawlad Goboleedka Galmudug midnaba loo adeegsado hab ka baxsan himilooyinka iyo xayn-daabka dastuuriga ah ee waajibaadkooda, lagana feejignaado in ay ku milmaan xiisadaha siyaasadeed ee taagan. 6. Goluhu wuxuu diyaar u yahay in sidii horayba u dhici jirtey, uu gacan ka geysto xallinta iyo soo af- aridda khilaafka taagan, isagoo la kaashanaaya cid alle ciddii arrintaa wanaag ku biirinaysa. 7- Ugu dambayn, Goluhu wuxuu culimada diinta, aqoonyahaniinta, waayeelka dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ku boorrinayaa in ay u indhofurraadaan jihada uu dalkani ku socdo iyo khataraha ku xeeran masiirka umaddiisa Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka dalka ayaa si kulul uga hadlay awoodaha Al-Shabaab ee dib usoo laabanaya tan iyo markii isbedel uu ka dhacay dalka. Xildhibaan Fiqi oo kamid ah guddiga difaaca ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kusoo xoogeysanayaan dalka isla markaana ay dib ula wareegen deegaano badan oo ay faarujiyeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM. Axmed Fiqi, waxa uu tilmaamay in degaanada ay Shabaab dib ula wareegeen ay ka mid yihiin degaano muhiim ah oo bulshada ku nool diyaar ay u yihiin iney helaan nidaam dowli oo sax ah balse ay dib u helaan nidaamka Shabaab. “Anigu ma garan karo danta ku hoos qarsoon in Al-Shabaab lagu fiirsado dhibta ay ku heyso dalka, suuragal maaha inay dib u qabsadaan deegaano sanado badan ka hor laga saaray” “Dowladu waa inay bulshada u sheegtaa sababta ku khasbeysa inay gacmaha ka laabato dagaalka Al-Shabaab, waxan u qaadan doonaa in qorsho laga leeyahay haddii aan laga jawaabin arinkan” Xildhibaan Axmed Fiqi waxa uu sidoo kale Saraakiisha dowlada iyo kuwa AMISOM ku eedeeyay ineysan qorshe u sameyn degaanada ay Al-Shabaab kala wareegan taasi oo keenta sida uu sheegay in Shabaab ay dib u qabsadaan. Xildhibaan Fiqi waxa uu intaa raaciyay in ka guddi ahaan ay hayan xogo ku saabsan in degaanada ay Shabaab dib ula wareegaan in ay ku dhinteen askar badan, balse dowlada Somalia ay ka dhigto kuwo nool oo howlo ku maqan. “Askar ku dhintay dagaal ayey dowladu qarineysaa waxaan fahmi la’ nahay sababta loo qarinayo askari u dhintay dalkiisa oo aan qaris u baahneyn” Sidoo kale, Axmed Fiqi oo kaalmaha koowaad uga jira Xildhibaanada mucaaradka ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay la imaado qorshe lagu badbaadinayo dhulka laga saaro Al-Shabaab iyo kan ay heystaan. Hadalka Axmed Fiqi ayaa kusoo beegmaya xil uu shalay sheegay in dowlada Somalia ay safrisay 2000 oo askari xili wadanka uu u baahan yahay ciidamo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (HOL) - A combined joint task force of the Somali National Army (SNA) and Jubbaland forces killed 11 members of Al-Shabaab terror group near Beled-Hawo town of Gedo region. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa waxaa kusii kordhaya dhaliilaha ay u jeedinayan Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta rajada ka qaba in isbedel laga dhaqan galiyo dalka. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka ayaa kamid ah Xildhibaanada dhaliilaha u jiidinaya dowlada Somalia waxa uuna tilmaamay in dowlada Madaxweyne Farmaajo ay aad uga gaabisay wadahadalka Somaliland. Xildhibaan Xuseen Carab waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay qaab khaldan u wajaheyso wadahadalka Somaliland oo uu sheegay inuu yahay mid gaabis ku imaaday. Xildhibaan Xuseen ayaa sheegay in madaxda hadda jirta ay ku ololeeyeen in ay wax ka qabanayaan damaca Somaliland iyo gooni isu taagga islamarkaana wadahadal lagu dhameynayo wixii tabasho ah ee ay qabto Somaliland. Xildhibaan Xuseen waxa uu tilmaamay in dowladd Federaalka aysan ilaa hadda qaadin hal tallaabo oo la isku dayayo in xal looga gaaro ama dib loogu billaabo wadahadalka dowladda dhexe iyo Somaliland. Xil. Xuseen Carab ayaa yiri “Anigu halka arrin aan ku dhaliilayo DF Somalia waa mid cad oo u baahan wax ka qabasho waana in dib loo furaa wadahadalka Somaliland” “Waa nasiib daro in dowlada Somalia aysan qaadin hal talaabo oo lagu raadinayo wadahadalka Somaliland, ballanka waxa uu ahaa in laga dhabeynaayo la hadalka Somaliland balse waxaa ii muuqata inaanu wali dhicin” “Waxaan hubaa in la hadalka Somaliland ay dowladu u abuuri karto jawi degan oo lagu soo xiro galinkaro Somaliland, waa inaanu marka hore helnaa madax ay ka go’an tahay wadahadalka” Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in dowlada Somalia aysan jadwalka ku darsan in xal waara laga gaaro khilaafka, waxa uuna su’aal ka keenay sida uu arinku noqon karo marba haddii aan wadahadal lala galin Somaliland oo diyaar ah. Haddalka Xildhibaan Xuseen Carab ayaa kusoo beegmaya xili dhawan ay Somaliland soo dhaweysay wadahadal ay la gasho Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan Tuulada Baarey ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in aanay haysan dalag ay beertaan, islamarkaana Labadii sano ee lasoo dhaafay aanay waxbo tabcan, kadib markii dalagii a beerteen la tageen fatahaadda Wabiga Shabelle. Macalin Suleymaan waxa uu ka mid yahay dadka ku dhaqan Tuulada Baarey, wuxuu u sheegay Goobjoog News, in aanay waxbo beeran, beerihii oo dhanna uu kasoo baxay coos. Waxa uu sheegay in ay u baahan yihiin gurmad in loo fidyo si loo caawiyo dadka beeraleyda ah ee Tuuladan ku dhaqan maadaama aanay aqoon meel ay u barakacaan. Suleymaan ayaa ka dalbaday dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle in ay lasoo gaaraan qalabka wax lagu beerto iyo makiinadii ay beeraha ku falan lahaayeen. Sanadkan ayeey dadka Shabellaha Dhexe waxay aad u beerayeen Bariiska, iyadoo Tuuladanna ay ka mid ahayd kuwa ugu wax soo saarka badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Si Soomaaliya looga xaqiijiyo dhanka xasiloonnida waa in la maal-geliyo helitaanka Teknoolojiyad casri ah, si aanu u dhicin marnaan xagga amniga ah, sidaasi waxaa sheegay Simon Mulongo oo ah ku-xigeenka u qeybsanaha guddoomiyaha midowga Afrika. Arrintan waxaa uu ka sheegay xilli uu ka hadlay siminaar labo maalin ahaa oo looga hadlayey sida Teknoolojiyadda ay qeyb uga qaadan karto sugidda amniga. “AMISOM waxaa ay shaqeysaa xilliyo dhib badan, waxaa ayna ku shaqeysaa bey’ad aad u horumarsan” sidaasi waxaa yiri Mulongo, isaga oo intaasi raaciyey in loo baahanyahay waddooyin lagu helo afkaar cusub, oo horumarsan. Simon Mulongo waxaa uu carabta ku adkeeyey inay muhiim tahay in la helo qaab lagu sugi karo ammaanka ciidamada AMISOM xilliyada ay ka baxayaan xeryada iyo goobaha ay deggan yihiin. Simon waxaa uu sidoo kale qabaa in Teknoolojiyadda ay muhiim u tahay ladagaalanka argigixiso, gaar ahaan xilliga kala-guurka. Ciidamada AMISOM ayaa la doonayaa inay amniga si tartiib ah ugu wareejiyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ay horay u saareen 1,000 askari. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulankooda Saddexaad ee Kalfadhiga Afaraad waxay maanta kaga hadli doonaan arrimaha ammaanka magaalada Muqdisho. Kulankoodii shalay ayeey xildhibaannada waxay si aad ah uga hadleen amniga caasimadda oo faraha kasii baxaya. Maanta waxaa sii socon doona doodda amniga ee xildhibaannada golaha shacabka, waxaana la filayaa in xildhibaanno dhowr ah ay hadlaan. Inta badan xildhibaanadii shalay hadlay waxay sheegeen in xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre ku fashilantay wax ka qabashada amniga Muqdisho. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo garaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in deegaano hoostaga Gobolka lagu laayay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Maleeshiyaadka ayaa la soo sheegayaa in lagu laayay inta u dhexeysa Degmooyinka Beledxaawo iyo Garbahaarey ee Gobalka Gedo. Leysmada maleeshiyaadkan ayaa ka danbeysay Kadib markii ciidamo ka tirsan Daraawiishta maamulka Jubbaland ay weerar ku qaaaden fariisin ay ku leeyihiin Degmooyinkaasi. Taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland Jamaal Xasan Farey oo la hadlaayay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in weerar ay ku dileen maleeshiyaadka ay ku qaaden fariisin ay ku sugnaayeen. Taliyaha ciidamada ayaa sheegay in 5 askari ay ku geeryooden dagaalka ,halka ay ku dhaawacmeen 7 askari oo uu ku jiro Cabdi Cabdullaahi oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka. Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dagaalka uga dileen 11 dagaalamayaal oo ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana ay ka gubeen gaadiid. Dagaalka maleeshiyada lagu laayay ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan Hogaamiyaha maamulka uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe waxaa ka dhacay shir ballaaran oo looga hadlayey amniga guud ee gobolkaasi. Canab Axmed Ciise oo ah guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka Hirshabelle ayaa hadal ay halkaasi ka jeedisay waxay u sheegtay in loo baahan yahay furista wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho. Waxa ay sheegtay in shacabka ay gabeen kaalintii ugu weyneyd ee ahayd iney soo sheegaan dadka ka midka ah Al-shabaab. ‘Shacabka ayaa xiray wadadan, sababtoo ah waxa ay qariyeen dhagar qabayaashii, haddii walaalkaa yahay, wiilkaaga yahay, ama isku qabiil tihiin ha qarin oo adiga kuma deynayee” ayeey tiri Canab. Dhanka kale, saraakiisha kale ee ka qeybgalay shirkan ayaa sheegay iney ka gio’an tahay dib u furista wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar. Al-shabaab ayaa marar badan jidka u galay kolonyo ay la socdeen mas’uuliyiin Hirshabelle ah, waxaana taasi ay keentay iney xiranto isku socodkoo wadadan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Urur goboleedka IGAD ayaa Soomaaliya u ogolaaday inay qeyb ka noqoto dalalka ciidamada nabad ilaalinta ah u diraya dalka Koonfurta Suudaan, arrintan ayaa ka dambeysay shir aan caadi aheyn oo ay yeesheen September 12. Si loo ilaaliyo dhaqangalka heshiiska ay kala saxiixdeen xukuumadda iyo mucaaradka Koonfurta Suudaan ayey ogolaatay IGAD inay geytso halkaas ciidamo ka socda dalalka Sudan, Uganda, Djibouti iyo Soomaaliya. Qoraal ka isniintii ka soo baxay xafiiska IGAD ayaa lagu sheegay in Soomaaliya iyo Djibouti loo ogolaaday inay qeyb ka noqdaan ciidamada nabad ilaalinta ee loo dirayo koonfurta Suudaan. Waxaa kale oo qoraalka ku jirtay “IGAD waxaa ay ka codsan-doontaa gola ammaanka in dib loo eego heshiiska nabad ilaalinta IGAD ee RPF iyo in loo ogolaado dalalka Sudan, Uganda, Djibouti iyo Somalia inay ciidamo u diraan Koonfurta Suudaan”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
New Zealand is a vision of beauty and home to 4.7 million Kiwis with 7,000 Somali Kiwis making up that total. The Somali Kiwis have found it difficult to integrate themselves into the New Zealand culture and society, especially recent Somali immigrants. Source: Hiiraan Online
-
Khilaaf xoogan ayaa ka dhex qarxay Wasaaradda degaanka iyo isbadelka cimiladda iyo Hay’adda biyaha, Tamarta iyo khayraadka dabiiciga Dawlada Puntland ee PASSWEYN markii ay isku qabsadeen mashruuc biyo xireeno ah oo uu midowga Yurub ka fulinaayo degaanada Puntland. Qoraal ay soo saartay Hay’adda PSSAWEYN ayaa lagaga codsaday hay’adda fulinaysa mashruucan ee GIZ inay joojiso mashruucaas maadama ay wasaaradda degaanku doonayso inay si sharci daro ah ku fuliso mashruucaas, waxayna hay’adani sheegtay inay iyadu xaq u leedahay fulinta mashaariicda noocana. Mashruucan uu degaanadda Puntland ka hirgelinaayo midowga Yurub ayaa ku lammaansanaa mashruucii fashilmay ee dhismaha wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacayo. Xildhibaan Cabdikariim Shaacuur oo ka hadlay khilaafka Wasaadda Degaanka iyo Hay’adda PSSAWEYN ayaa Madaxweynaha Puntland Cabdwal Gaas ku eedeeyey inuu isagu ka dambeeyo khilaafkan uuna hay’adda PSSAWEYN ka gacan siiyey inay qorto qoraalkan lagu codsanaayo joojinta mashruuca, xildhibaanka ayaa ku eedeyey Madaxweyne Gaas inuu doonaayo in la masuq-maasuqo mashruucan sida ka dhacday wadada Garowe iyo Galkacayo waa sida uu yiriye. Siday doontaba ha ahaate mashruucan oo ku kici lahaa ku dhawaad labba milyan oo doolar ayaa u muuqda mid fashil qarka u saaran maadama ay hirgelintiisa ku muransan yihiin labba hay’adood oo Dowli ah, mana muuqato dadaal ay xukuumadda Madaxweyne Gaas ku xalinayso khilaafka taagan. PUNTLAND POST The post Mashruuc kale oo uu Midowga Yurub ka hirgelin lahaa Puntland oo qaar u saaran inuu fashilmo appeared first on Puntland Post.
-
Warar dheeraad ah baa saaka waxa ay ka soo baxayaan dagaal ka dhacay gobolka Gedo, Koonfurta Soomaaliya. Dagaalka oo qaatay dhowr saacadood oo shalay ah ayaa ka dhacay meel Ku dhow degaanka Geedweyne oo u dhaxeeya degmooyinka Dooloow iyo Luuq ee isla gobolka Gedo. Ilo wareedyo ku sugan gobolka Gedo ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in dagaalka uu yimid markii ciidamada dowladda Jubbaland ee xubinta ka ah dowladda dhexe ay weerar ku ekeeyeen goob ay ku sugnaayeen Xarakada Alshabaab. “Weerarka wuxuu ka dhacay meel ku dhow Geedweyne oo u dhaxeysa Dooloow iyo Luuq waxaana halkaas Xarakada ay ku qaadaysay “Zakada” xoolaha marka ciidankii Dooloow ee weeraray goobtaas baa ay ka war heleen iyagii ayaa weerar kala hor yimid” ilo wareedyo ayaa u sheegay Goobjoog News. Khasaare dhimasho iyo dbaawac ayaa ka dhashay dagaalkani waxaana dhintay ku dhowaad 20 qof oo labada dhinac ah iyo dhaawaca oo lagu soo warramayo in intaas uu ka badan yahay. Mareegta Goobjoog News waxaa loo xaqiijiyay in mid kamid ah saraakiishii u sarreeysay ciidanka Jubbaland ee Dooloow ka baxay uu dagaalkaasi ku geeriyooday. Dhanka kale, saraakiisha Jubbaland iyo maamulka gobolka Gedo oo aan la xiriirnay si dagaalka aan wax kaga weydiinno ayaa inooga cudur-daartay inay warbixin naga siiyaan, iyagoo ballanqaaday inay dib naga la hadli doonaan. Xaaladda halka lagu dagaallamay ayaa saaka oo Talaado ah mid deggan oo aan wax dagaal ah ka jirin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mamman Nur, a senior figure in the Nigerian militant group Boko Haram, reportedly has been killed by some of his own colleagues. Source: Hiiraan Online
-
Police in Mandera have arrested four people in connection with last week’s killing of two residents by demonstrators in Elwak town. Source: Hiiraan Online