Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,717
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Deegaanka Jabad Godane ee hoos taga degmada Warshiikh ayaa saakay waxaa ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-Shabaab. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalku uu billowday kadib markii kooxda Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaankaasi. Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si degdeg ah uga hortagay weerarka, waxaana la sheegay inay jab culus gaarsiiyeen kooxda weerarka soo qaaday. Sidoo kale, ilo amni ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah goobihii ay Al-Shabaab ka soo qaadeen weerarka. Ilaa iyo hadda ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac, hase yeeshee xaaladda guud ee deegaanka ayaa lagu soo warramayaa mid deggan, iyadoo ay ciidamadu wadaan howlgallo amni oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada. Mas’uuliyiinta dowladda ayaa la filayaa inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan dagaalka iyo natiijadiisa saacadaha soo socda. Source: goobjoog.com
  2. Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah odayaasha, isimada iyo cuqaasha dhaqanka ee Dowlad-goboleedka Puntland, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka. Odayaasha uu la kulmay madaxweynaha aya waxaa hoggaaminayay Boqor Burhaan Boqor Muuse, kuwaasi oo ka qayb galay, xafladdii caleemo-saarka madaxda maamulka Waqooyi Bari oo shalay ka dhacday Laascaanood. Ugu horreyn Xasan Sheekh ayaa hoggaanka dhaqanka ku adkeeyey in ay qaataan doorkooda muhiimka ah ee ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka, isaga oo ku bogaadiyay doorkooda soo jireenka ah ee isku haynta bulshada Soomaaliyeed. Dhankooda, Boqorka iyo Isimada dhaqanka ee uu la kulmay Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey, dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo daadajinta nidaamka dowliga ah. Sidoo kale waxa ay muujiyeen dareen Soomaalinino iyo sida ay ugu taagan yihiin in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada. Dhanka kale waxaa kulankan ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda, taliyaha ciidanka Booliska iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Puntland. Madaxweynaha ayaa horay ula kulmay odayaasha dhaqanka ee Waqooyi Bari, isaga oo kala hadlay dadaalka ay galiyeen dhismaha maamulkaas, wuxuuna kusii adkeeyay midnimada bulshada, xasillinta nabadda iyo horumarinta dowlad-dhiska. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Jimcihii gaaray Laascaanood halkaas oo uu kaga qeyb-galay munaasabad lagu caleemo-saaray madaxweynaha Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa oo shalay ka dhacday gudaha magaaladaasi. Booqashada Madaxweynaha ee Laascaanood ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed. The post Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay isimada Puntland? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  3. Wafdi uu hogaaminaayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng. Maxamed Xasan Cabdulle, ayaa ka qayb galay Madasha Caalamiga ah ee Cuntada iyo Beeraha (GFFA) iyo Shirka 18-aad ee Wasiirrada Beeraha Adduunka oo lagu qabtay magaalada Berlin ee Dalka Jarmalka. Agaasimaha Guud ayaa Shirka Wasiirrada ku matalayay Gobolka Bariga Afrika, halkaas oo uu khudbad muhiim ah ka jeediyay, isagoo si faahfaahsan u soo bandhigay xaaladda biyaha iyo waraabka ee Soomaaliya, baahiyaha deg dega ah ee jira iyo fursadaha maalgashi ee ka banaan beeraha iyo waraabka. wxuuna si gaar ah hadalkiisa ugu adkeeyay mudnaanta Soomaaliya ee horumarinta nidaamyada cuntada, isaga oo tixraacay Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo muhiimadda ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga dalka. Shirkan oo ay ka soo qayb galeen wasiirrada beeraha ee 59 Dal, ayaa si wadajir ah la iskula gartay muhiimadda horumarinta kaabayaasha biyaha iyo wax soosaarka beeraha, doorka biyaha ee nolosha iyo dhaqaalaha iyo caqabadaha ka dhashay isbeddelka cimilada, kororka tirada dadka, wasakheynta deegaanka. Soomaaliya waxay mar kale muujisay ka go’naanshaheeda xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo balaarinta xiriirka ay la leedahay suuqyada caalamiga ah si loo xaqiijiyo kobac dhaqaale ee dalka iyo sugnaanta cuntada. Source: goobjoog.com
  4. Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday deegaanka Iji oo ku yaalla xadka uu gobolka Shabeellaha Dhexe la wadaago gobolka Hiiraan kadib markii ay weerar fool xumo ah ku qaadeen maleeshiyaad hubeysan oo tegay halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka oo ka yimid dhinaca gobolka Hiiraan ay dab qabadsiiyeen qaybo kamid ah deegaanka, waxayna gubeen guryo ay daganaayeen dad shacab ah. Sidoo kale, waxa ay boobeen hanti fara badan, iyaga oo sidoo kale cagta mariyay beero ku yaalla deegaankaasi. Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa ka warbixiyay xaaladda, wuxuuna sheegay inuu jiro khasaaro baaxad leh. “Tuulo Iji waayay meesha ay wax ka dhaceen guryihii waa la gubay hanti waa la dhacay wax loo reebtay ma jiraan waxaana saas yeeshay qolo kasoo jeedda dhanka Hiiraan” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in dagaal xooggan uu ka qarxay gudaha deegaanka, isla markaana u dhexeeyo laba beelood oo ood wadaag ah, taas oo uga sii dareysa xaaladda ka taagan Iji oo ku yaalla xadka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. “Deegaanka waxaa saaka ka socda dagaal wuxuu u dhexeeyaa laba beelood oo ood wadaag ah, xaaladdana faraha ayay ka baxday” ayuu mar kale yiri. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarka iyo dagaalka xigay. Marar badan ayay colaadda beelaha kusoo noq-noqotay xadka labada gobol ee HirShabelle, waxaana guul-darreystay dadaallo nabadeed oo horay loo sameeyay. The post Dagaal beeleed ka qarxay Sh/Dhexe iyo guryo lagu gubay appeared first on Caasimada Online.
  5. Warsheekh Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay saaka dagaal-yahaanno ka tirsan Al-Shabaab ah ku qaadeen saldhig ku yaalla duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo qaraxyo ku bilowday. Saldhigan oo ay daganaayeen ciidamada dowladda ayaa waxaa aroornimadii hore ee saaka weerarka ku eekeysay kooxda Al-Shabaab, kadibna waxaa xigay dagaal toos ah oo ilaa iyo hadda ka socda halkaasi, kaasi oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalka oo ah mid xooggan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow aan illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin karin. Al-Shabaab oo qoraal ku baahisay barahooda bulshada ayaa sheegtay inay la wareegtay saldhigga ay weerartay, isla markaana khasaare culus ay gaarsiisay ciidankii ku sugnaa halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay. Dhankooda saraakiil u hadashay dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Khawaarijta, waxayna intaasi ku dareen in dagaalka ay ku dileen maleeshiyaad badan. Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashada labada dhinac, waxaana weli xaaladda duleedka magaalada Warsheekh ay tahay mid aad u kacsan, waxaana ka socda dagaalka, iyadoo gurmadyo ay helayaan labada dhinac. Inta badan Al-Shabaab ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda. Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii uu dambeeyay ay argagixisadu culeys soo saartay aagga degmada Warsheekh, waxaana maalmo kahor ay sidaan oo kale u weerartay deegaanka Jabad Godone oo ay gacanta ku hayaan ciidamada milatariga Soomaaliya. The post Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday duleedka Warsheekh appeared first on Caasimada Online.
  6. Washington (Caasimada Online) — Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii ku shaaciyey inuu canshuuro cusub oo ciqaab ah kusoo rogi doono siddeed dal oo Yurub ah, isagoo tallaabadan ku tilmaamay mid aargoosi u ah diidmadooda ku aaddan damaca Mareykanka ee iibsashada jasiiradda Greenland — arrintaas oo halis gelineysa inuu dillaac weyn ku yimaado xiriirka xulafada muhiimka ah ee NATO. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu Trump ku shaaciyay in Mareykanku uu laga billaabo 1-da bisha Feberaayo 10% canshuur dheeraad ah saari doono badeecadaha ka yimaada dalalka Denmark, Norway, Sweden, Faransiiska, Jarmalka, Ingiriiska, Netherlands, iyo Finland. Wuxuu ka digay in canshuurtaasi ay sii kordhi doonto illaa 25% marka la gaaro 1-da bisha Juun, haddii aanay dalalkaas aqbalin heshiis uu ugu yeeray iibsashada “dhameystiran oo buuxda” ee ay dowladda Mareykanka kula wareegeyso Greenland. Damac dhuleed Trump ayaa dib u soo nooleeyay dadaalkiisa muddada dheer soo jiitamayay ee ku aaddan hanashada jasiiradda weyn ee Arctic-ga, isagoo ku doodaya inay leedahay qiimo istiraatiijiyadeed oo sii kordhaya maadaama loolanka awoodaha waaweyn uu u sii fidayo dhanka waqooyi. Wuxuu tilmaamay goobta ay ku taallo iyo kheyraadka macdanta ee ceegaaga, isagoo ku sifeeyay in gacan ku haynta Mareykanka ee jasiiradda ay tahay “arrin lama huraan u ah amniga qaranka.” Greenland waa dhul iskiis isku maamula oo ka tirsan Boqortooyada Denmark, taas oo gacanta ku haysa arrimaha difaaca iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee jasiiradda. In kasta oo siyaasiyiinta jasiiraddu ay guud ahaan taageersan yihiin in mustaqbalka ay qaataan madaxbannaani, haddana madaxda maxalliga ah iyo dowladda Denmark labaduba waa ay diideen fikradda ah in Mareykanku la wareego. Hanjabaadda canshuurta ee madaxweynaha ayaa beegsaneysa qaar ka mid ah saaxiibada ugu dhow Washington, iyadoo khilaaf dhuleed si toos ah loogu xirayo ganacsiga ka dhexeeya labada dhinac ee badweynta Atlaantigga. In kasta oo Trump uu xeeladdan horey u isticmaalay si uu tanaasul uga helo dhinacyo kale, haddana dhif ayay ahayd inuu u adeegsado isbahaysi udub-dhexaad u ah sida NATO. Hadalladan ayaa durba dhaliyay caro dadweyne. Sida ay werisay wakaaladda Reuters, magaalada Copenhagen, in ka badan 20,000 oo qof ayaa isugu soo baxay bannaanka safaaradda Mareykanka, iyagoo ku dhawaaqaya “Greenland iib ma ahan” islamarkaana sita boorar ay ku qoran yihiin “Gacmaha kala baxa Greenland.” Magaalada Nuuk, kumanaan qof ayaa socod ku maray waddooyinka iyagoo daba socda Ra’iisul Wasaaraha Greenland, Jens-Frederik Nielsen, waxayna lulayeen calanka Greenland si ay u muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan isku day kasta oo Mareykanku ku doonayo inuu ku go’aamiyo mustaqbalka jasiiradda. Sida ay wararku sheegayaan, bannaanbaxayaasha ayaa sidoo kale ku maadeysanayay Trump, iyagoo xirtay koofiyado u eg kuwa uu caanka ku yahay balse lagu qoray halkudhigyo la beddelay sida “Make America Go Away”. Saaxiibo isku dhacay Khilaafkan ayaa billaabay inuu wax ka beddelo xaaladda amniga ee gobolka Arctic-ga. Sida ay qortay Reuters, dhowr dal oo Yurub ah ayaa askar kooban u diray Greenland kadib codsi kaga yimid Denmark, iyadoo Copenhagen ay dooneyso inay muujiso adkeysi iyo iskaashi ay la leedahay xulafadeeda xilli uu sii kordhayo walwalka laga qabo hadallada Trump. Wafdi ka socda Koongareeska Mareykanka ayaa toddobaadkan u safray Copenhagen si ay isugu dayaan “qaboojinta xiisadda,” kadib markii Trump uu diiday inuu meesha ka saaro inuu xoog u adeegsado la wareegidda dhulkaas. Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa ka digay in tallaabo kasta oo milatari oo Mareykanku ku qaado dhul xiriir la leh xubin ka tirsan NATO ay burburin doonto xeerarka iyo mabaadi’da isbahaysiga. Hanjabaadda ugu dambeysa ee canshuurta ayaa kordhinaysa culeyska, waxayna ku qasbeysaa caasimadaha Yurub inay miisaamaan u dhexeeya in aargoosi ganacsi la sameeyaan iyo baahida loo qabo in laga hortago inuu burburo isbahaysiga. Aqalka Cad weli ma shaacin faahfaahinta baaxadda canshuuraha, noocyada badeecadaha gaarka ah ee la saarayo, ama haddii ay jiraan waxyaabo laga reebay — kuwaas oo dhammaantood go’aamin doona saameynta dhaqaale iyo jawaabta siyaasadeed ee ka imaan doonta dhinaca kale ee Atlaantigga. The post Trump oo tallaabo culus ku beegsaday 8 dal oo Yurub ah appeared first on Caasimada Online.
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Odayaasha, Isimmada iyo Cuqaasha Dowlad-goboleedka Puntland oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse. Isimadan iyo waxgaradkan, ayaa magaalada Laascaanood uga qayb-galay Munaasabaddii caleemo-saarka Madaxda Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hoggaanka dhaqanka ku adkeeyey in ay qaataan doorkooda muhiimka ah ee ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka, isaga oo ku bogaadiyay doorkooda soo jireenka ah ee isku haynta bulshada Soomaaliyeed. Dhankooda, Boqorka iyo Isimada dhaqanka ee uu la kulmay Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey, dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo daadajinta nidaamka dowliga ah, iyaga oo muujiyey dareenka Soomaalinino iyo sida ay ugu taagan yihiin in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada. Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaanka dhaqanka Puntland, waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Puntland. Source: goobjoog.com
  8. Puntland ayaa soo bandhigtay maxaabiista ajaanibta ah ee argagixisada Daacish looga qabtay howlgalka Calmiskaad, kuwaas oo u kala dhashay dalala Turkiga, Sacuudiga, Itoobiya, Morooko, Yemen, Siiriya iyo Tansaaniya. Maxaabiistan ajaanibta ah oo tiradooda gaarayso kontomeeyo (50), waxaa bar ka mid ah (25) ay u dhasheen dalka Soomaaliya deriska la ah ee Itoobiya, sida ka muuqata shax ay soo bandhigay dowladda Puntland. Dalka Morooko ayaa liiska kaalinta labaad kaga jira, waxaana ka soo muuqday ku dhawaad tobon xubnood oo dalkaas u dhashay, halka Yemen iyo Tansaaniya ay ku jiraan kaalimaha ku xiga. Qaarada Yurub waxaa kaga jira dalka Turkiga oo ay ka soo muuqdeen labo xubnood oo dalkaas u dhashay, sidoo kale dalalka Khaliijka waxaa ka soo muuqday hal xubin oo Sacuudiga u dhashay. PUNTLAND POST
  9. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Laascaanood kulan kula qaatay qaar ka mid ah isimada dhaqanka Puntland, kuwaas oo ka qaybgalay caleema-saarkii madaxda Waqooyi Bari. Isimada uu la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh waxaa hoggaaminayay Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxaana ka mid ahaa Suldaan Siciid Maxamed Garaase. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu isimada kala hadlay midnimada dalka iyo xoojinta nabadda, iyaguna ku boggaadiyeen dhismaha maamulka Waqooyi Bari. Kulanka waxaa ka qaybgalay wasiirka arrimaha gudaha Cali Yuusuf Cali Xoosh, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Faarax Nuux, taliyaha ciidanka booliska Gen. Asad Diyaano, Gen. Jimcaale Jamaac Takar iyo siyaasi Xasan Shire Abgaal. PUNTLAND POST
  10. African Union (AU) must allow Somaliland to be a Sovereign and independent State amid failure to stop Ugandan President Yoweri Museveni’s dictatorship and rigging of elections. Friday, 16th January, 2026 By Zweli Martin Dlamini When Israel announced that it was formally recognizing Somaliland as an independent and Sovereign State a few weeks ago, the African Union (AU) was quick to rebuke what it described as foreign interference in the affairs of the African continent while disregarding the incompetence in promoting democracy and, holding dictators accountable. Yoweri Museveni, the Ugandan dictator who has been in power for forty(40) years, switched-off the internet ahead of elections this week and subsequently, the Elections Commission released preliminary results suggesting that, he is leading in the Presidential elections. But despite these clear acts of vote rigging, the AU will recognize him as a legitimate President of Uganda even after undermining democratic principles and/or the will of the people. The African Union has a huge responsibility in this regard to ensure that, member State subscribe and uphold the founding principles and values of the organization previously known as the Organization of African Unity (OAU), allowing dictators to rig elections, persecute the opposition and restrict access to information at the critical time of elections, undermines the legitimacy of the organization. Indeed, one of the fundamental and founding objectives of the AU as outlined in the Constitutive Act of the African Union, is to promote democracy and human rights in accordance with the African Charter on Human and People’s Rights but, the organization is turning into a group of dictators with absolutely no regard for democracy. What Museveni did ahead of the elections by switching-off the internet before indirectly announcing himself as the President-elect through the captured Ugandan Elections Commission, will set a bad precedent, other dictators within the continent will just switch-off the internet, restrict access to information and then, rig the elections. The onus is upon the African Union to prove its legitimacy and commitment to democratic principles and values, recognizing Museveni as the legitimate President would mean, the AU is failing to hold member States and dictators accountable. Ugandan President Yoweri Museveni (pic:Ugandan Watchdog). Qaran News
  11. Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad dheer ka jeediyay Laascaanood ayaa ka hadlay arrimo la xiriira maxaabiista ay weli kala haystaan maamullada Waqooyi Bari iyo Somaliland oo horay ugu dagaalamay gudaha magaaladaasi. Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in lasii daayo maxaabiista xiran, isla markaana laga wada shaqeeya nabadda deegaanka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay ka shaqeyneyso sidii ay maxaabiista isku dhaafsan lahaayeen labada dhinac, si xorriyadooda ay u helaan wiilasha Soomaaliyeed ee ilaa maanta xiran. “Waxaan idin-ku garab istaageynaa sii wadida nabadda iyo dib u heshiisinta oo ay ugu horreyso is-weydaarinta maxaasbiista ku xiran labada dhinacba. Xorriyadda wiilasha Soomaaliyeed ee dhan kasta ku xiran cudur daar looma haayo sii xirnaantooda” Waxaa kale oo uu kusii daray “Sidaas daraadeed Dowladda Federaalka waxay u istaagi doontaa idinkuna garab siin doontaa, cid kasta oo daneyneysana ay garab ugu tahay in wiilashadaasi ay xorriyaddooda dib u helaan”. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa shacabka Waqooyi Bari ku amaanay dadaalkooda iyo halganka ay geliyeen midnimada dalka, isaga oo xusay in ay caddeyn u tahay in aan la kala goyn karin Soomaaliya. Dhinaca kale, waxa uu soo hadal qaaday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isaga oo sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in dhul kamid ah Soomaaliya ay u adeegsato danaheeda gurracan. “Waxaan halkan ka caddeynayaa inaan dadka Soomaaliyeed iyo dunida aad u xaqiijiseen in aanay Soomaaliya kala go’i karin, waxaad halkan farriin uga direysaan anne aan idin-ku raacsanahay Netanyahu oo dhulka reer Falastiin xoog ku haysta hor istaagsan dowladdooda waxaan cod dheer ku leeyahay marna suurtagal ma’aha in Israa’iil ay Soomaaliya dhexdeeda ka sameysato dowlad fulisa istaraatiijiyaddeeda gurracan” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh. The post Xasan oo go’aan kasoo saaray maxaabiista ay kala haystaan Waqooyi Bari iyo Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  12. Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay xafladda caleema saarka madaxweynaha dowlad-goboleedka Waqooyi Bari oo lagu qabtay magaalada Laascaanood ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada Jubaland iyo Puntland. Xamza ayaa marka hore shaaca ka qaaday in uusan madaxweyne u aqoonsaneen Axmed Madoobe oo ay weli isku hayaan siyaasadda dalka, iyaga oo horay ugu kala tegay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Jubaland. Sidoo kale wuxuu nasiib darro wayn ku tilmaamay in madaxweyne Saciid Deni uu ka maqnaado Laascaanood, Qoor Qoorna uu tego, isaga oo la dareen ah shacabka Waqooyi Bari oo u istaagay midnimada dalka. “Madaxweyne Qoor Qoor waa fadhiyaa laakiin Deni ma fadhiyo kan kale anigu madaxweyne uma aqaano balse waxa ay ahayd Deni inuu fadhiyo waa nasiib darro wayn taariikhdaa meel ayay ku qormeysaa” ayuu yiri Xamza. Waxaa kale oo uu inaas sii raaciyay “Inuu Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) fadhiyo Denina uu maqan yahay waxbaa is-daba maray Soomaalinimo timid waxaan ka baxnay jees-jeeskii iyo qoy qoyskii, waxaan aadnay fikir iyo caqli”. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ay jiraan dad siyaasiyiin ah oo kasoo horjeedo dowladnimada iyo horumarka dalka, isla markaana xilligan adag la safanayo cadowga ummadda Soomaaliyeed. “Kuwa Soomaali ah oo hangoola ah ayaa meel kasta ka buuxa oo lugta saa inoogu qabanayo oo cadowga innoo lag-daya” ayuu mar kale yiri Xamza. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan Jubaland iyo Puntland oo uu horay khilaaf culus ugala dhexeeyay dowladda federaalka ay ka horyimadeen go’aanka Villa Somalia ee dalka looga cayriyay dowladda Imaaraadka Carabta. The post Daawo: Xamza oo weerar culus ku qaaday Deni iyo Axmed Madoobe appeared first on Caasimada Online.
  13. Hordhac Kooban Magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda Dawladgoboleedka Soomaaliyeed ee Waqooyibari, waxay maanta martigelinaysaa mid ka mid ah booqashooyinkii ugu miisaanka cuslaa ee abid soo mara dalka Soomaaliya. Iyada oo lagu dhex jiro jewi siyaasadeed oo aad u kacsan, kana duwan kuwii hore, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisalwasaare Xamse Cabdi ay cagta dhigeen dhul xorriyaddiisa ku soo ceshaday dhiig iyo halgan. Socdaalkan ma ahan mid maamuus oo qura, ee waa farriin diblomaasiyadeed oo loo dirayo dunida oo dhan, goor Geeska Afrika ay ka socdaan isbahaysiyo cusub iyo loollan siyaasadeed. Go’doominta Soomaalilaan Safarka taariikhiga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay magaalada Laascaanood waxa uu soo afjaray sheegashadii soddonka sano jirtay ee maamulka Soomaalilaan, taas oo ku dhisnayd inay gacanta ku hayaan dhammaan xuduudihii Maxmiyaddii Hore ee Ingiriiska. Joogitaanka Madaxweynaha ee caasimadda Dawladgoboleedka Waqooyibari, waxay caddayn u tahay in Hargeysa aysan xukumin xuduudihii 1960kii, iyada oo indhaha caalamka iyo wafuudda weheliya Madaxweynaha ay arkeen in Soomaalilaan ay tahay maamul ku kooban qeybo ka mid ah Waqooyiga, balse uusan ahayn maamul dhan oo xuduudihiisii wada maamula. Tallaabadan waxay meesha ka saartay khariidaddii khayaaliga ahayd ee ay Soomaalilaan dunida ka iibinaysay, iyadoo hadda la arkay xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn. Booqashadan ayaa ku soo beegmaysaa xilli xasaasi ah oo uu soo baxay warka ku saabsan in Israa’iil ay aqoonsi u fidisay maamulka Soomaalilaan, tallaabadaas oo loo arkay mid loogu dhowaanayo heshiisyo qarsoodi ah oo lagu wiiqayo xasilloonida Geeska Afrika. Inkasta oo iskudaygaas uu dhacay, haddana maamulka Hargeysa ma helin wax taageero diblomaasiyadeed ah oo intaas dhaafsiisan, ilaa haddana ma jiro dal kale oo ku dhiirraday inuu raaco waddada ay qaadday Israa’iil. Tani waxay marqaati u tahay in aqoonsigaas uu yahay mid go’doon ah oo aan wax raad ah ku lahayn sharciga caalamiga ah ama rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Xiriirka diblomaasiyadeed ee Dawladda Federaalku la leedahay dunida Islaamka iyo quwadaha waaweyn ayaa noqday derbi adag oo hortaagan goonigoosadka. Socdaalka Madaxweynaha ee Laascaanood waxay muujinaysaa in xuduudaha Soomaaliya ay yihiin kuwo mid ah, laga bilaabo Lawyacadde illaa Raaskaanbooni, iyadoo Beesha Caalamku ay hadda u aragto midnimada dalka inay tahay furaha nabadgelyada gobolka. Go’doominta Soomaalilaan ee dhinaca diblomaasiyadda waxay keentay in saaxiibbadii caalamiga ahaa ee Hargeysa ay hadda u weecdaan dhinaca federaalka, maadaama sharciyadda dhabta ah ay taallo meesha calanka buluugga ahi ka lulayo. Ugu danbayn, safarkan waxa uu dhiirrigelin weyn u yahay dadka ku nool gobollada waqooyi ee rumaysan midnimada, isagoo muujinaya in dawladdu diyaar u tahay inay gaarto degaan kasta oo ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaalida. Tallaabadani waxay dhabarjab ku tahay qorshayaasha lagu doonayay in lagu kala qeybiyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna xaqiijinaysaa in go’aanka masiiriga ah ee dalka uu ka yimaado Muqdisho iyo maamullada hoostaga. Laascaanood maanta ma ahan oo kaliya caasimad gobol, balse waa astaan muujinaysa guuldarrada mashruuca goonigoosadka iyo guusha qarannimada Soomaaliyeed. Durdurka Diblomaasiyiinta Magaalada Laascaanood waxay maanta isu beddeshay xarun diblamaasiyadeed oo caalami ah, iyadoo noqotay barta ay ku kulmeen indhaha siyaasadda geeska Africa. Waxaa Madaxweynaha ku weheliya ama ku soo biiray wefdi heer sare ah oo ka socda dalka Jabuuti, kuwaas oo calaamad u ah walaalnimada iyo garab-istaagga hiilka leh ee Jabuuti u fidisay madaxbannaanida iyo dhowrista midnimada Soomaaliya. Booqashadan heerka sare ah waxay hoosta ka xariiqaysaa in Jabuuti ay u aragto maamulka Waqooyibari inuu yahay qeyb muhiim ah oo kamid ah nidaamka dawladnimada Soomaaliya, taas oo daciifinaysa iskuday kasta oo lagu go’doomin lahaa gobolka. Sidoo kale, waxaa goobta soo gaaray safiirro iyo wakiillo miisaan culus leh oo ka kala socda dalalka Turkiga, Sacuudi Carabiya, iyo Suudaan. Turkiga, oo ah saaxiibka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya, ayaa joogitaankiisu yahay farriin cad oo ku saabsan taageerada dibudhiska iyo amniga gobolka, halka Sacuudi Carabiya ay matalayso cududda caalamka Islaamka iyo garab-istaagga midnimada Carabta. Dalka Suudaan, inkasta oo uu dhibaatooyin gudaha ah la tacaalayo, haddana wakiilladiisa Laascaanood yimid waxay muujiyeen muhiimadda ay leedahay in la dhowro qarannimada Soomaaliya, iyadoo isbahaysigan ballaarani uu muujinayo in dunida Islaamka uu u dhabarjeediyay mashruuca goonigoosadka. Joogitaanka safiirradan caalamiga ah waxay dhabarjab weyn ku tahay iskuday kasta oo lagu goynayo gobollada waqooyi ee dalka, waxayna xoojinaysaa sharciyadda Maamulka Waqooyibari ee hoostaga Dawladda Dhexe. Safarkan waxa uu meesha ka saaray caqabadihii diblamaasiyadeed ee hortaagnaa horumarka gobolka Sool, isaga oo dhabbaha u xaaraya in mashaariicda horumarineed ee hay’adaha caalamiga ah ay si toos ah u soo gaaraan Laascaanood. Isu-imaatinkan diblamaasiyadeed waxa uu farriin kamadanbays ah u dirayaa cid kasta oo aaminsan in Soomaaliya lagu kala qeybin karo aqoonsiyo shisheeye, waxaana muuqata in magaalada Laascaanood ay hadda noqotay xarunta laga hago masiirka midnimada dalka. Cayrintii Imaaraadka Carabta Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa gaaray meeshii ugu hoosaysay ka dib markii dalka laga cayriyay wakiilladii Imaaraadka, iyada oo lagu eedeeyay faragelin ka dhan ah madaxbannaanida dalka iyo taageero ay siiyeen mashaariicda lagu kala qeybinayo midnimada Soomaaliya. Taas beddelkeeda, booqashada Laascaanood waxaa ku weheliya Madaxweynaha Taliyaha Kulliyadda Turkisom, taas oo muujinaysa in Soomaaliya ay hadda u weecatay xulufo ciidan oo lagu kalsoonaan karo. Isbahaysigan cusub ee Turkiga wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay amniga gobollada Waqooyibari, maadaama Turkigu uu bixiyo tababarka iyo qalabaynta ugu tayada sarreeya ee ciidamada qaranka, kuwaas oo hadda loo diyaarinayo inay sugaan xuduudaha dalka iyo difaaca midnimada. Dhanka kale, saamaynta ka bixitaanka Imaaraadka ee gobolka waxay meesha ka saartay hubanti la’aantii dhinaca amniga, iyadoo Dawladda Federaalku ay hadda haysato fursad ay si toos ah ugu maamusho qorshayaasha difaaca ee Sool iyo Sanaag iyadoo kaashanaysa saaxiibada dhabta ah. Joogitaanka saraakiisha Turkiga ee gudaha Laascaanood waa farriin cad oo loo dirayo maamulka goonigoosadka ah iyo xulufadiisa, taas oo muujinaysa in difaaca Waqooyibari uu hadda qeyb ka yahay qorshaha guud ee difaaca qaranka Soomaaliyeed. Tallaabadan ayaa dhabaha u xaaraysa in ciidamada deegaanka ee Waqooyibari lagu biiriyo nidaamka rasmiga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka, si loo sugo nabadgelyada iyo horumarka gobolka. Gunaanad Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Laascaanood waa mid ka turjumaya “xaqiiqada cusub ee Soomaaliya.” Waa farriin ku socota kuwa ku hamminaya kalagoynta dalka iyo kuwa aqoonsiyada sharcidarrada ah bixinaya: in Soomaaliya ay saaxiibbo dhab ah leedahay, shacabka reer Waqooyibarina ay doorteen midnimada iyo nidaamka dawladnimada. Laascaanood maanta ma ahan oo kaliya caasimad gobol, ee waa wadnaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu go’aaminayo midnimada iyo mustaqbalka dalka. Source: goobjoog.com
  14. Labada dal ee Somaliland iyo Israel waxa ay iska kaashanyaan sidii ay u sugi lahaayeen amaanka biyo mareenka Baabul Mandab. Hawl fiican ayaa socota yaan wakhti la iskaga luminin ka hadalka Somaliland iyo Israel. Amnigu waa suganyahay bad iyo bariba. Qaran News
  15. Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku dhawaaqay in Laascaanood ay tahay caasimada midnimada Soomaaliya, isaga oo shacabka reer Waqooyi Bari uga mahadceliyay dadaalka wayn ee ay muujiyeen. Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xafladdii maanta lagu caleema saaray madaxweyne Cabdulqaadir Firdhiye ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay qorantay taariikh cusub oo guul u ah dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu sii xoojiyay midnimada dalka, isaga oo ku baaqay in loo istaaga difaaca qaranka. “Dalkeenna iyo dadkeenna waxaa maanta u sameysmay taariikh kale oo cusub oo ku korortay kuwa maanta la tiriyay waa taariikh naga gudbineysa kala qaybsanaantii sababta u ahayd isticmaarkii inoona gudbineysa midnimada dalkeenna iyo dadkeenna” ayuu khudbadiisa ku yiri Madaxweynuhu. Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Waxaan rabaa maanta inaa halkan mar kale ka xoojiyo oo ku dhawaaqo magaalada Laascaano inay tahay magaaladii midnimada, waa astaantii midnimada waa astaantii Soomaalinimada hadda kadib caasimada midnimada ayaa loo aqoonsan doonaa”. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isaga oo sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in dhul kamid ah Soomaaliya ay u adeegsato danaheeda gurracan. “Waxaan halkan ka caddeynayaa inaan dadka Soomaaliyeed iyo dunida aad u xaqiijiseen in aanay Soomaaliya kala go’i karin, waxaad halkan farriin uga direysaan anne aan idin-ku raacsanahay Netanyahu oo dhulka reer Falastiin xoog ku haysta hor istaagsan dowladdooda waxaan cod dheer ku leeyahay marna suurtagal ma’aha in Israa’iil ay Soomaaliya dhexdeeda ka sameysato dowlad fulisa istaraatiijiyaddeeda gurracan” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh. Horay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hortimid heshiiska Somaliland iyo Israa’iil, waxayna sameysay dadaallo diblumaasiyadeed oo guuleystay, maadaama dalal waa wayn iyo ururo caalami ah ay kasoo horjeesteen xadgudubka Israa’iil ee madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Laascaanood u aqoonsaday inay noqoto… appeared first on Caasimada Online.
  16. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta kulan la qaatay taliyeyaasha ugu sarreeya ciidamada Puntland iyo wasaaradda amniga. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay amniga iyo difaaca Puntland, sidoo kalena ciidanka lagu boggaadiyay howlgalkii Hillaac ee Calmiskaad iyo diyaar-garowga holwgalka Onkod ee Calmadow. Kulanka waxaa ka qaybgalay taliyaha difaaca Gen. Aadan Cabdi Xaashi, taliyaha Booliska Gen. Muumin Cabdi Shire, taliyaha Asluubta Gen. Saxardiid, taliyaha qaybta gobolka Nugaal, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda amniga, maamulka Nugaal iyo mas’uuliyiin & saraakiil kale. Kulanka ayaa yimid, kaddib markii xalay ciidamada ka tirsan daraawiishta Puntland ay weerareen saldhigga dhexe ee magaalada Garowe, shaqaaqadaas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale kulankan wuxuu ku soo aaday, xilli shalay Taliye Muumin uu digniin u jeediyay ciidamada ku biiray dowladda federaalka ee Danab iyo PSF oo hadda qaarkood ku sugan yihiin Laascaanood, kuwaas oo uu ugu baaqay in ay hubka u soo celiyaan Puntland iyo haddii kale tallaabo laga qaadi doono. PUNTLAND POST
  17. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in munaasabadda ka dhacday magaalada Laascaanood ay tahay taariikh cusun oo u qormaysa ummadda Soomaaliyeed, isla markaana calaamad u ah ka gudbidda raadadkii kala qoqobka iyo kala qeybsanaantii ka dhaxashay gumeysiga. Madaxweynaha ayaa xusay in waqtigii laga hadlayay kala qeybsanaanta gobollada dalka iyo aragtidii ahayd in qeybo ka mid ah Soomaaliya ay gumeysan jireen dalal kala duwan ay si rasmi ah u dhammaatay, isagoo caddeeyay in baalkii fikirkaas uu maanta soo xirmay. Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay tahay hal dal, hal ummad iyo hal mustaqbal, isla markaana aan la aqbali karin wax kasta oo dib u soo nooleynaya kala qeybintaas taariikhiga ah. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u bogaadiyay hoggaanka iyo shacabka Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay kuwo si cad u diiday kala qeybsanaanta ummadda Soomaaliyeed, kana istaagay midnimada, wadajirka iyo dowladnimada dalka. Wuxuu sheegay in doorka ay qaateen Waqooyi Bari uu tusaale u yahay sida looga hortagi karo fikir kasta oo dhaawacaya midnimada qaran. Intii uu khudbadda jeedinayay, Madaxweynaha ayaa magaalada Laascaanood si rasmi ah ugu dhawaaqay inay tahay Caasimadda Midnimada Soomaaliya, isagoo sheegay in booqashadiisa iyo munaasabaddan ay farriin cad u dirayaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, taas oo ah in Soomaaliya ay ka gudubtay marxaladihii kala qeybsanaanta una jeeddo mustaqbal ku dhisan wadajir iyo isku tashi. Source: goobjoog.com
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ciidamadii ugu badnaa kusoo bandhigtay gobolka Sool, kuwaas oo dhameystay tababar ay muddo ku qaadanayeen halkaasi. Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qayb-gaay taliyaha guud ee ciidanka qaranka Somaliland, mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Cirro iyo madaxda gobolka. War kasoo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidamadan oo gaaraya in ka badan lix kun oo askari ay ku biiri doonaan ciidanka difaaca, isla markaana loo carbiyay howlaha sugida amniga iyo difaaca qarankooda. Shalay ayaa sidoo kale, madaxweynah khudbad uu jeediyay wuxuu shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan difaaca Somaliland, maadaama ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland. Soo bandhigidda ciidamadan ayaa kusoo aaday, xilli maanta magaalada Laascaanood ay ku sugan yihiin madaxda sare ee dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ka qayb-galaya xafladda caleema saarka madaxweynaha Waqooy Bari Cabdulqaadir Firdhiye. Somaliland ayaa si weyn uga carootay tallaabadan, waxayna ku tilmaamtay daadaansi ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya. Si kastaba, xiisadda labada dhinac ayaa haatan mareysa meeshii ugu xumeyd, waxaana socda dagaal al xiriira arrimaha diblumaasiyadda oo laga dareegay gobolka iyo caalamka. The post Somaliland oo ciidankii ugu badnaa kusoo bandhigtay Sool appeared first on Caasimada Online.
  19. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si kulul u dhaliilay maamullada Puntland iyo Jubbaland, xilli uu ka hadlayay munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo ka dhacday magaalada Laascaanood. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa nasiib-darro ku tilmaamay maqnaanshaha Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, isagoo sheegay in ay ahayd in uu ka soo qeyb galo munaasabadda caleema-saarka, maadaama ay ka tarjumeysay midnimo qaran iyo wada-shaqeyn siyaasadeed. Wuxuu xusay in maqnaanshaha Deni uu yahay deyn siyaasadeed oo lagu leeyahay hoggaanka Puntland, islamarkaana aan la aqbali karin in hoggaamiye maamul goboleed uu ka baaqsado munaasabad qaran oo muhiim ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadal toos ah u adeegsaday kala duwanaanta mawqifka hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, isagoo yiri: “Qoor Qoor waa fadhiyaa, laakiin Deni ma fadhiyo. Kan kale Madaxweyne uma aqaano, laakiin Deni inuu fadhiyo ayay ahayd.” Hadalkan ayaa si cad u muujinaya sida ay Dowladda Federaalka u aragto ka-qeybgalka iyo sharcinimada hoggaamiyeyaasha qaar. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inuusan Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) u aqoonsanayn Madaxweyne, taas oo sii xoojisay khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, gaar ahaan arrimaha la xiriira sharciyadda hoggaanka iyo hannaanka doorashooyinka. Source: goobjoog.com
  20. Over 6,000 Military soldiers have completed training in the Sool Region of Somaliland Qaran News
  21. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre, madaxweynaha Galmudug Axmex Qoorqoor iyo madax kale oo ka socota dowladda federaalka ayaa maanta magaalada Laascaanood uga qeybgalay munaasabadda caleemo-saarka nadaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye). Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qaybgalay safiiro iyo wakiillo ka socda dowladaha Jabuuti, Turkiga, Sacuudiga, Suudaan, Kenya, Dowladda Deegaanka Soomaalida iyo marti sharaf kale. Madaxda iyo marti sharafta kala duwan ee ka qaybgalay munaasabadda caleemosaarka madaxweyne Firdhiye iyo ku xigeenkiisa ayaa khudbado ka jeediyay goobta. PUNTLAND POST
  22. Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb-galay xafladda caleema saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari ayaa loo gudbiyay dalab culus oo la xiriira inuu ku dhawaaqo dhismaha maamulka Awdal State oo haatan si xooggan loogu ololeynayo. Wasiirka howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya Ayuub Ismaaciil oo munaasabadda ka hadlay ayaa madaxweynaha gaarsiiyay farriin uu ka siday shacabka Awdal, wuxuuna ugu baaqay inuu tixgeliyo rabitaankooda, si ay u helaan maamul hoostaga dowladda dhexe. “Waxaan rabaa mudane madaxweyne meeshan maanta ah ummadda Soomaaliyeed horteeda ah inaan adiga iyo xukuumadaada kaaga soo jeediyo farriin ka socota shacabka reer Awdal oo ah inaad u dhisto maamul hoostaga dowladda federaalka oo ah Awdal State” ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud. Sidoo kale, waxaa codsigaan xoojiyay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Cali Maxamed Geeddi oo isna hadalka qaatay, wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu usoo jeesto arrimaha gobolka Awdal. “Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kaaga dhiman howlaha qiimaha badan oo ay waddo dowladda aad hoggaamineyso gobolka Awdal, codsi ayaana halkan laga soo jeediyay aniguna waa ayiday cid lagu dulmi maayee xaq waayay” ayuu yiri Ra’iisul wasaare hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi. Dhankiisa Faarax Macallin oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya, kana qay-galay munaasabadda ayaa sidoo kale madaxweynaha kula taliyay inuu aqoonsado Awdal State, isla markaana uu geeyo ciidanka Xoogga dalka. “Madaxweyne gobolka Awdal aqoonso garab istaag u muuji ciidan qaranka ka socdana gay oo saldhiggiisa leh” ayuu isna yiri Faarax Macallin. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa xoogeysanayay ololaha ku aaddan sidii maamul loogu dhisi lahaa gobolka Awdal oo ay kasoo cusboonaaday xiisad u dhexeeya ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka, waxaana gobolkaasi kusoo noq-noqday kacdoono iyo dibadbaxyo ay dhigayaan shacabka. The post Xasan oo loo gudbiyay dalab la xiriira dhismaha Awdal State appeared first on Caasimada Online.
  23. Guddiga Doorashooyinka Uganda ayaa ku dhawaaqay natiijooyin horudhac ah oo ka soo baxay doorashada Madaxweynaha dalka, kaddib markii la tiriyay codadka ka yimid 93.61% goobaha codbixinta guud ahaan Uganda. Sida uu guddigu sheegay, Madaxweynaha xilka haya Yoweri Kaguta Museveni ayaa helay 7,643,778 cod, taas oo u dhiganta 71.88% codadka la tiriyay ilaa hadda. Musharraxa ugu weyn ee mucaaradka, Robert Kyagulanyi Ssentamu oo loo yaqaan Bobi Wine, ayaa isna helay 2,601,150 cod, una dhiganta 24.46%. Musharraxiinta kale ee doorashada ka qaybgalay ayaa si wadajir ah u helay 389,156 cod, taas oo ah 3.66% wadarta guud ee codadka saxda ah ee la tiriyay. Guddiga Doorashooyinka ayaa sidoo kale shaaciyay in wadarta guud ee codadka la dhiibtay ay ka badan yihiin 10.8 milyan, iyadoo weli la sugayo natiijooyinka kama dambaysta ah ee ka imanaya goobaha yar ee harsan. Doorashadan ayaa loo arkaa mid si weyn muhiim ugu ah mustaqbalka Uganda, maadaama ay imaaneyso xilli uu dalku wajahayo caqabado dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga ah. Qaybaha kala duwan ee bulshada Uganda iyo beesha caalamka ayaa muujinaya rajada ah in natiijooyinka kama dambaysta ah ay horseedi doonaan nabad, midnimo iyo horumar waara oo dalka oo dhan gaara. Guddiga Doorashooyinka Uganda ayaa sheegay in natiijooyinka kama dambaysta ah lagu dhawaaqi doono marka la dhammeystiro tirinta codadka goobaha harsan, isla markaana ay ku baaqeen in dhammaan dhinacyadu ay muujiyaan deggenaansho iyo ixtiraam sharciyadda doorashada. Source: goobjoog.com