-
Content Count
215,327 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dawlad Goboleedka Puntland iyo Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku metela maamulkaas ayaa magaalada Garowe ka soo saaray go’aanno ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo si adag u cambaareeyey falkii 1-dii Maarso 2026 looga hor istaagay diyaarad siday mudanayaal iyo mas’uuliyiin ku wajahnaa Puntland. Shirku wuxuu falkaas ku tilmaamay mid ka dhan ah sharciga iyo xorriyadda socdaalka, isagoo eedeynta dusha ka saaray madaxda sare ee dowladda Federaalka. Dhinaca kale, Puntland waxay si cad u sheegtay inaysan aqoonsanayn wax kasta oo ka beddel ah oo lagu sameeyo Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee 2012-ka, iyadoo ku dooday in hannaanka hadda loo marayo wax ka beddelka uu yahay mid sharci-darro ah oo baal-san heshiisyadii lagu dhisay dowladnimada Soomaaliya. Waxay kaloo hoosta ka xariiqeen in muddada xil-haynta ee Golayaasha Baarlamaanka Federaalka ay ku eg tahay 14-ka Abriil 2026, halka muddada xil-haynta Madaxweynaha ay ku eg tahay 15-ka Maajo 2026, iyagoo uga digay madaxda qaranka inay isku dayaan muddo kororsi ama tallaabooyin keeni kara firaaq dastuuri ah. Go’aankan waxaa si wadajir ah u ansixiyey 30 xildhibaan oo ka tirsan DFS, kuwaas oo isugu jira Senatarro iyo Xildhibaanada Aqalka Hoose, iyagoo sheegay inay qayb ka noqon doonaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya haddii aan xal laga gaarin doorashooyinka dalka. Source: goobjoog.com
-
Dagaalka bariga dhexe oo ku billowday weerarkii Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iran 28-kii bishii Febraayo ayaa waxaa sii socda aargoosiga Iiraan, waxaana sii kordhaya khasaaraha iyo burburka. Iiraan iyo xoogagga maleeshiyada taabacsan Tehraan ayaa ilaa hadda bartilmaameedsaday saldhigyada milatari iyo kaabayaasha rayidka ee Kuwayt, Sacuudiga, Cumaan, Baxrayn, Qatar, Urdun, Iimaaraadka iyo Ciraaq, kuwaas oo martigeliyay saldhigyada Mareykanka, iyo sidoo kale mid ka mid ah saldhigyada Ingiriiska ee Qubrus. Dagaal lagu bartilmaameedsaday goobo badan oo ka yimid deriskeeda xuduudka la leh ilaa Jasiiradda Carabta, ayaa Turkigu wuxuu mid ka mid yahay waddamada naadirka ah ee aan laga maqlin seeriga digniinta bixiya. Khubaro la hadashay laanta Turkiga ee BBC ayaa sheegtay in inkasta oo ay martigelinayaan ciidamada Maraykanka, haddana Turkigu uusan bartilmaameed u ahayn Iiraan, sababtoo ah waa xulafada NATO. Khubarada ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in xiriirka wanaagsan ee Ankara iyo Tehran uu yareynayo suurtagalnimada aargoosiga. Turkiga ayaa hadaladiisa ugu dambeeyay ku dhaleeceeyay weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil, iyo sidoo kale aargoosiga Iiraan labadaba. Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa 28-kii Febraayo sheegay in Ankara ay dardargelin doonto dadaalkeeda diblomaasiyadeed. Edogan waxa uu yiri, “Haddii ay garashada iyo caqligu shaqayn waayaan, haddii aan meelna laga siin diblomaasiyadda, gobolkeenu waxa uu halis u yahay in lagu jiido goob dab ah. Haddii Iran ay weerarto Turkiga, waxay wajihi doontaa dhammaan dalalka NATO” Sinan Ülgen, Madaxa Xarunta Daraasaadka Dhaqaalaha iyo Siyaasadda Dibadda (EDAM), ayaa ku nuuxnuuxsaday in waxa Turkiga ka soocaya waddamada kale ee Iiraan ay bartilmaameedsato ee gobolka ay tahay xubinnimada NATO. Isagoo qiimeynaya arrimaha ugu dambeeyay,ayuu Ülgen u sheegay BBC “Weerarkan oo kale wuxuu si buuxda u hoos galayaa qodobka 5 ee NATO. Sidaa darteed, haddii Iiraan ay qaaddo weerarkan, waxay la kulmi kartaa cadaawad uga timaada dhammaan dalalka NATO”. Marka loo eego mabda’an oo ah mabda’a aasaasiga ah ee NATO, weerar lagu qaado hal waddan oo xubin ah ayaa loo tixgeliyaa weerar lagu qaaday dhammaan xubnaha, waxaana la hawlgeliyaa habka difaaca wadajirka ah. Sida laga soo xigtay Ülgen, Iran waxay ka labalabeyn doontaa inay ballaariso aagga colaadda iyadoo bartilmaameedsanaysa saldhigyada Mareykanka ee Turkiga. ” Iiraan ma rabto in ay furto wajhad dheeraad ah oo ku taal aaggeeda juquraafi ahaan dhaw iyada oo weerareysa Turkiga. Uma maleynayo in ay rabto in ay ka careysiiso waddan sida Turkiga oo kale ah, oo leh awood ciidan oo leh awood sare oo uu isaga cabin karo”. “Sidaas darteed, waxaan qabaa in suurtagalnimada weerar toos ah oo Iiraan ay ku qaado Turkiga ay aad u hooseyso”. Ülgen waxa kale oo uu ku nuuxnuuxsaday in Saldhigga Cirka ee Incirlik ee Adana aan loo isticmaalin weerarada ka dhanka ah Iran. Oral Toğa, oo ah cilmi-baare ka tirsan Xarunta Cilmi-baarista Iran (IRAM), ayaa sidoo kale aaminsan inaysan u badneyn in Tehran ay ku darto bartilmaameedyada Turkiga weerarradeeda aargoosiga ah. Isaga oo la hadlaya BBC Turkish, Toğa waxa uu arrintan ku sameeyay qiimayntan soo socota: “Hadii aysan koox ka tirsan Iiraan aysan iskeed u qaadan hindisahaas, taas oo aan u arko inaysan dhici doonin, uma maleynayo in Iiraan ay hadda weerar ku qaadi doonto dal NATO ka tirsan oo ay arrimaha sii murjin doonto”. Toğa waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Turkiga iyo Iiraan, oo wadaaga soohdin dhan 534 KM, ay leeyihiin meelo uu midba midka kale ku tiirsan yihiin, wuxuuna intaa ku daray: “Iraaniyiinta, gaar ahaan muddadii ka dambaysay geeridii Madaxweynihii hore Ebrahim Raisi, waxay si joogto ah u raadinayeen iskaashi istiraatiiji ah oo ay la yeeshaan Turkiga”. “Uma maleynayo inay bedelayaan khadkaas u jeexan ama ay la aadi doonaan jiho kale”. Xigashada Sawirka,Eren Bozkurt/Anadolu Agency/Getty Images Qoraalka sawirka,Hanaanka difaaca cirka ee Patriot oo yaalla saldhigga Incirlik Saldhigyada Incirlik iyo Kürecik Turkiga ayaa sheegay in hawada iyo saldhigyada dalkaasi oo ay sidoo kale ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka aan loo adeegsan weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan. Bayaan ay soo saartay 28 Febraayo xarunta Disinformation Combat Center (DMM) ee xiriirka la leh Agaasinka Isgaarsiinta ee Madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in Turkiga “uusan ogolayn hawadiisa iyo waxyaabaha la xiriira in loo isticmaalo ujeeddooyin hawlgal” colaad kasta ama dagaal kasta oo aysan dhinac ka ahayn”. Qoraal kale bishii Maarso 2-deedii, DMM waxay beenisay eedeymaha ah in saldhiga ciidamada cirka ee Incirlik la weeraray, iyadoo sheegtay sidan: “Ma jiro saldhigyo ciidan oo uu wadan ku leeyahay Turkiga, hawada, dhulka iyo badda, xarumaha ciidamada ee Jamhuuriyadda Turkiga gabi ahaantood waxay hoos yimaadaan madax banaanideeda iyo koontaroolkeeda”. “Ma jiro wax weerar ah oo ka dhan ah dalkeenna, qoraallada la isku dayay in lagu muujiyo Turkiga inuu qayb ka yahay colaadaha gobolka waa isku day cad oo been abuur ah”. Saldhigyada ugu caansan ee ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Turkiga waa Incirlik iyo Saldhigga Radar ee Kürecik ee Malatya. Sida laga soo xigtay xogta ku jirta websaydka Incirlik Air Base, habka dhismaha xaruntan militariga waxaa bilaabay 1951 koox lagu magacaabo US Engineering Group. Sannadkii 1954-tii, waxaa heshiis kala saxiixday Shaqaalaha Guud ee Turkiga iyo Ciidanka Cirka ee Mareykanka, kaasoo ahaa in si wadajir ah loo isticmaalo saldhigga cusub. Isticmaalka saldhigga waxaa go’aamiya “Heshiiska Difaaca iyo Iskaashiga Dhaqaalaha” (DECA) ee ay kala saxiixdeen Mareykanka iyo Turkiga 1980-kii. Asal ahaan waxa loo yaqaan “Adana Air Base,” xarunta waxaa loo beddelay “Incirlik” 1958, magaca ay ilaa hadda isticmaasho. Wasaaradda Difaaca waxay ku nuuxnuuxsatay in saldhigan uu yahay mid ay leeyihiin ciidamada Turkiga (TSK) oo ay leedahay Jamhuuriyadda Turkiga. Saldhigga Raadaarka Kürecik ee degmada Akcadağ ee Malatya waa xarun digniin hore bixisa oo la aasaasay 2012 oo xiriir la leh NATO. Xaruntan oo taliskeedu ku yaallo Diyarbakır Air Base, ayaa loo xilsaaray inay u gudbiso ogaanshaha iyo dabagalka xogta khataraha hawada fog ee nidaamka Terminal High Altitude Area Defence (THAAD) oo ku yaala Romania iyo Poland. Madaxweynihii Iiraan ee xilligaas Mahmoud Ahmadinejad ayaa bayaan uu soo saaray sanadkii 2011 ku dhaleeceeyay aasaaska saldhigga, isagoo ku andacoonaya in xaruntan loo dhisay si Israa’iil looga ilaaliyo weerarrada gantaallada ee suurtagalka ah ee Iiraan. Kadib hawlgaladii milatariga Israa’iil wixii ka dambeeyey weeraradii Xamaas ee Oktoobar 7, 2023, dhaqdhaqaaqayaasha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in labada saldhigba loo isticmaalay in lagu taageero Israa’iil, waxayna abaabuleen mudaaharaadyo ay ku dalbanayaan in la xiro. Suurtogalnimada dad badan oo qaxa ayaa ah mid fog Saamaynta suurtagalka ah ee Turkiga ee dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil, iyo Iiraan waxaa ka mid ah khatarta qulqulka qaxootiga ee soohdinta Iiraan. Turkiga iyo Iiraan ayaa ku dhawaaqay 2 Maarso inay si wadajir ah u hakiyeen isku socodka rakaabka ee xuduudahooda. Wasiirka ganacsiga Ömer Bolat ayaa sheegay in labada dal ay u ogolaan doonaan muwaadiniintooda inay soo laabtaan. Sida laga soo xigtay Agaasimaha EDAM Sinan Ülgen, xaaladda ugu xun ee Türkiye waa … Degenaansho la’aan ka dhalata Iiraan oo dhalin karta dhaqdhaqaaq ballaaran oo dhanka xuduudaha ah, si la mid ah tii Ciraaq iyo Suuriya ka dhacday waagii hore. “Waxay ila tahay inaan u aragno adkaynta kontarooladan xuduudaha inay tahay tillaabada koowaad” ayuu yiri Ülgen. Oral Toğa, oo ah cilmi-baare ka tirsan IRAM, ayaa sheegay in cabbirkan sidoo kale lagu qiimeeyo aragtida Iran. “Intii ay xoogga saari lahayd xakameynta kuwa soo galaya iyo kuwa ka baxaya xuduudaheeda, Iran waxay dooneysaa inay xakameyso xaaladda gudaha dalka”. Isagoo tixraacaya faallooyinka iyo wararka ku saabsan qulqulka qaxootiga ee baraha bulshada iyo saxaafadda, Toğa wuxuu yiri, “Arrintu hadda aad ayay uga fog tahay socdaalka, gaar ahaan socdaalka ballaaran” wuxuuna sameynayaa qiimeyntan soo socota: “Ma filayo haajirid aad u ballaaran mustaqbalka dhow iyo kan dhexe, dagaal sokeeye ayaa lagama maarmaan noqon lahaa in taasi dhacdo”. “Hadda shuruudo dagaal sokeeye kama soo ifbixin Iiraan”. Qaran News
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in Moscow aysan weli arag wax caddeyn ah oo muujinaysa in Iiraan ay horumarinayso hub nukliyeer, xilli Mareykanka iyo Israa’iil ay sii wadaan weerarro ka dhan ah Tehran. Lavrov ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu kula yeeshay dhiggiisa wasiirka arrimaha dibadda ee Brunei magaalada Moscow. Wuxuu sheegay in horumarinta hub nukliyeer ay ahayd sababta ugu weyn, haddii aysan ahayn sababta keliya, ee loo cuskaday dagaalka ka dhanka ah Iiraan. “Weli ma aragno wax caddeyn ah oo muujinaya in Iiraan ay samaynayso hub nukliyeer, taas oo ahayd sababta ugu weyn ee dagaalka,” ayuu yiri Lavrov. Lavrov wuxuu sidoo kale sheegay in saameynta weerarrada lagu qaaday Iiraan laga dareemayo guud ahaan gobolka, isaga oo tilmaamay in dalalka Carabta ay wajahayaan khasaarooyin dhaqaale iyo dhimashooyin rayid. Ruushka ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, isaga oo ku celceliyay in tallaabada ugu horreysa ee lama huraanka ah ay tahay in la hakiyo dhammaan ficillada sababa khasaaraha rayidka. “Sida tallaabo aan shuruud lahayn oo koowaad, waa in aan sameynaa wax kasta oo suurtagal ah si loo joojiyo falalka sababa dhimashada rayidka,” ayuu yiri Lavrov. Wasiirka Ruushka ayaa sidoo kale tilmaamay wararka la xiriira duqeyn lagu soo waramayo in lala beegsaday dugsi ku yaalla koonfurta Iiraan, ayadoo warbaahinta dowladda Iiraan ay ku eedeysay Israa’iil iyo Mareykanka inay duqeeyeen dugsi gabdho oo ku yaalla magaalo ku taalla koonfurta Iiraan, taas oo la sheegay inay ku dhinteen in ka badan 160 qof. Aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu gaarsiin doono Iiraan walaaca ay qabaan hoggaamiyeyaasha Carabta ee ku saabsan weerarrada ka dhanka ah kaabeyaasha shidaalka ee gobolka. Source: goobjoog.com
-
Hordhac Kooban Gobolka Gedo ma ahan oo kaliya degaan ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, balse waa xudunta juquraafi ahaaneed ee uu ku kulmo saddex-xagalka dalalka Soomaaliya, Itoobiya, iyo Kiiniya. Muhiimadda gobolkan, gaar ahaan degmada Doolow, waxay ka dhalatay kaalinteeda dhuleed ee ay u leedahay loollanka amniga ee Geeska Afrika. Gedo waxay noqotay marinka ugu weyn ee ay ciidamada shisheeye, gaar ahaan kuwa Itoobiya, u adeegsadaan inay ku galaan gudaha Soomaaliya, taas oo beddeshay qaabdhismeedka maamulka, amniga, iyo nolosha dadka degaanka muddo ka badan saddon sano. Joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gobolka Gedo ma ahan mid ku yimid si kedis ah, balse waa natiijada isbeddelladii ka dhashay burburkii Dawladdii Dhexe ee Soomaaliya 1991kii iyo soo bixitaankii dhaqdhaqaaqyada hubaysan. Laga soo bilaabo dagaalkii Agoosto 1996, markii ciidanka Itoobiya ay si toos ah u yimaadeen Luuq iyo Doolow, gobolku wuxuu noqday “saaxad tijaabo” u ah siyaasadda amniga ee Itoobiya (National Security Doctrine), taas oo ku dhisan in khatar kasta oo kaga timaada dhanka Soomaaliya looga hortago gudaha dalka Soomaaliya kahor intaysan u gudbin xuduudda Itoobiya. Warbixintan waxay si qotadheer u baari doontaa taariikhda qallafsan ee joogitaankaas, laga bilaabo weeraradii hore ee ka dhanka ahaa ururkii Al-Itixaad ilaa maanta oo ay Itoobiya qeyb ka tahay howlgalka ATMIS iyo kuwa ka baxsan. Waxaan milicsan doonnaa sababta degmada Doolow ay u noqotay “furaha” ama saldhigga aan laga guurin ee ciidanka Itoobiya, iyo saamaynta ay taasi ku leedahay madaxbannaanida maamulka gobolka Gedo iyo xiriirka diblamaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa. Falanqayntani kaliya ma taabanayso dhinaca milatariga, balse waxay sidoo kale iftiimin doontaa saamaynta bulsho iyo dhaqaale ee uu gobolku dhaxlay, iyadoo la eegayo mustaqbalka Gedo, xilli uu dalku qorshaynayo inuu gebi ahaanba la wareego amnigiisa qaranka. Weerarkii Agoosto 1996 Taariikhdu markay ahayd 9-kii Agoosto 1996, cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Itoobiya oo wata boqolaal gaadiidka dagaalka ah iyo diyaaradaha qumman ee “Helicopters-ka” ayaa si xooggan uga soo tallaabay xuduudda ay Soomaaliya la wadaagaan, iyagoo bartilmaameedkoodu ahaa degmooyinka Luuq iyo Doolow. Weerarkan oo ahaa kii ugu horreeyay ee baaxaddiisa leh tan iyo burburkii 1991, wuxuu gebi ahaanba beddelay hannaankii amniga ee gobolka Gedo. Itoobiya waxay xilligaas ku dooday in ururka Al-Itixaad Al-Islaami uu khatar ku yahay nabadgelyadeeda gudaha, ka dib markii lagu eedeeyay inay ka daNbeeyeen qaraxyo ka dhacay Addis Ababa iyo iskudaygii dil ee uu ka badbaaday Wasiirkii Gaashaandhigga Itoobiya, Tamerat Layne, bishii Luulyo, 1996. Markii ay ciidamada Itoobiya gudaha u soo galeen bishii Agoosto 1996, waxay dagaal qaraar oo wejiya badan leh la galeen xoogaggii Al-Itixaad ee ku sugnaa degmada Luuq iyo degaannada hoos yimaada. Dagaalkaas, oo ahaa kii ugu horreeyay ee baaxaddiisa leh tan iyo burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, wuxuu horseeday in Itoobiya ay isticmaasho hubka culus si ay u burburiso xeryaha tababarka iyo bakhaarrada hubka ee ururkaas. Dabayaaqadii bishii Agoosto 1996, Itoobiya waxay ku guulaysatay inay gebi ahaanba la wareegto gacan ku haynta Luuq iyo Doolow, iyadoo weerarkaas uu noqday casharkii ugu horreeyay ee ay Itoobiya u dirtay kooxaha hubaysan ee Soomaaliya, iyaga oo muujiyay in Addis Ababa ay diyaar u tahay inay “gacanta dheer” u adeegsato amnigooda gudaha. Gabagabadii hawlgalkii Agoosto 1996, Itoobiya ma aysan noqon mid gebi ahaanba isaga baxday gobolka, balse waxay Doolow ka dhigatay barkontorool iyo saldhig ay ka ilaaliso dhaqdhaqaaqa xuduudda. Faragelintani waxay gebi ahaanba beddeshay hannaankii amniga ee gobolka Gedo, maadaama ay Itoobiya go’aansatay inay abuurto aag difaac (Buffer Zone) oo ka bilaabma Doolow si ay uga hortagto in fawdada Soomaaliya ay u gudubto dhankooda. Tobankii sano ee u danbeeyay ilaa laga soo gaaro sanadkan 2026, joogitaankaas wuxuu u xuub-siibtay mid joogto ah oo saamayn ku yeeshay siyaasadda, dhaqaalaha, iyo nolosha dadka degaanka, taas oo Doolow ka dhigtay “gaashaanka rasmiga ah” ee ay Addis Ababa kaga gaashaamato khataraha kaga imaanaya koonfurta Soomaaliya. Geeddisocodkii 2006 iyo Dhismihii “Derbiga Amniga” Toban sano kadib, bishii Diseembar 2006, ciidamada Itoobiya waxay markale Gedo u isticmaaleen marinka ugu weyn ee ay ku qabsadeen inta badan koonfurta Soomaaliya si ay meesha uga saaraan Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah. Muddadaas u dhexaysay 2006 illaa 2009, degmada Doolow waxay u xuub-siibatay xarunta ugu weyn ee saadka (Logistics Hub) ee loogu talagalay ciidanka Itoobiya ee ku dhowaad 50,000 askari ahaa ee ku kala firirsanaa gobollada Soomaaliya. Inkasta oo ay Muqdisho ka baxeen 2009kii, haddana marnaba ma aysan ka bixin Doolow, iyagoo u arkayay inay tahay “derbi difaac” (Buffer Zone) oo ka ilaalinaya in fowdada Soomaaliya ay u gudubto dhanka gobolka Soomaalida ee Itoobiya. Sababta ugu weyn ee ay Itoobiya ugu dhegen tahay Doolow waxay salka ku haysaa juquraafiyadda biyaha iyo dhulka. Degmada Doolow waxay ku taallaa barkulanka labada webi ee Dawa iyo Ganaane, waana goob dhul ahaan u furan oo u sahlaysa Itoobiya inay si fudud askarta iyo gaadiidka uga soo rarto dhanka magaalada Dollo Ado ee Itoobiya. Inay gacanta ku hayaan buundada Doolow waxay Itoobiya siinaysaa awood ay ku xannibi karaan ama ku furi karaan dhaqdhaqaaq kasta oo ciidan ama ganacsi oo u kala goosha labada dal, taas oo ah awood istiraatiijiyadeed oo aysan Addis Ababa diyaar u ahayn inay ka tanaasusho xilligan. Markii uu soo baxay ururka Al-Shabaab sannadkii 2007, Itoobiya waxay beddeshay qaabkeedii amniga. Bishii Janaayo 2012, iyadoo la dareemayo khatarta kooxda Al-Shabaab (AS), ciidamada Itoobiya waxay markale ballaariyeen joogitaankooda Gedo. Istiraatiijiyaddoodu waxay ku dhisnayd “dagaalka kahortagga ah”, taas oo macnaheedu yahay inay AS kula dhex dagaallamaan gudaha Gedo (Doolow, Luuq, iyo Baardheere) intii ay ka sugi lahaayeen inay weerarro ka gaystaan gudaha Itoobiya. Doolow waxay noqotay xarunta laga hago sirdoonka iyo hawlgallada gaarka ah ee lagula socdo dhaqdhaqaaqa kooxda AS ee ku dhow xuduudda. Kalaqeybsanaanta Ciidanka: AMISOM iyo Non-AMISOM Tan iyo bishii Janaayo 2014, markii Itoobiya ay si rasmi ah ugu biirtay howlgalka AMISOM, waxaa gobolka Gedo la geeyay ciidan ku dhow 4,395 askari oo ka mid ah tirada guud ee hawlgalka Midowga Afrika. Ciidankan oo loo yaqaanno “Sectory 3” iyo “Sector 6,” waxay fadhiyo waaweyn ku leeyihiin degmooyinka Baardheere, Ceelwaaq, iyo qeybo ka mid ah Garbahaarey. Taliyaha ugu sarreeya ee ciidankan hadda (2024-2026) waa Jeneraal Yilma Merdassa iyo saraakiisha hoos taga ee hoggaamisa guutada 3aad. Ujeeddada ciidankan loo keenay waxay ahayd inay gacan ka gaystaan nabad-ilaalinta iyo la dagaallanka kooxda AS, iyaga oo hoostaga amarka Midowga Afrika, balse waxay inta badan ku xayiran yihiin gudaha saldhigyadooda, iyagoo aan fulin hawlgallo tan iyo markii dibuhabaynta ATMIS ay bilaabatay bishii Abriil 2022. Dhanka kale, waxaa Gedo ku sugan ciidanka loo yaqaanno “Non-ATMIS” oo ah kuwa ugu awoodda badan, tiradooduna ay ka badan tahay 10,000 ilaa 15,000 askari oo si isdabajoog ah xuduudda uga soo tallaaba. Ciidankan waxay si toos ah uga amarqaataan Taliska Ciidanka Difaaca Itoobiya (ENDF) ee ku yaalla magaalada Godey, taliyahooda guudna waa Jeneraal Birhanu Jula. Ma jiro waqti rasmi ah oo ay dalka soo galeen, balse waxay Doolow iyo Luuq ku sugan yihiin tan iyo weerarkii Agoosto 1996, iyagoo sii xoogaystay bishii Diseenbar 2006 iyo bishii Nofeenbar 2011. Ciidankan ma hoostagaan shuruucda caalamiga ah ee ATMIS, waxayna Doolow u isticmaalaan xarun ay kaga taliyaan gobolka oo dhan, iyagoo gacanta ku haya garoonka diyaaradaha iyo buundada istiraatiijiga ah ee magaaladaas. Taariikhda joogitaanka ciidanka Itoobiya ee Gedo ma ahan mid nadiif ah, balse waxay xambaarsan tahay diiwaan madow oo gaboodfallo ah. Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu xumaa waxay ahayd bishii Agoosto 1996, markii duqaymo ka dhacay Luuq ay ku dhinteen dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Sidoo kale, bishii Diseembar 2018, ciidanka Itoobiya ee Non-ATMIS ayaa magaalada Baydhabo ka soo qabtay musharrax Mukhtaar Roobow, taas oo dhalisay rabshado ay ku dhinteen dad badan, iyadoo ciidankaas ay ka soo gudbeen Doolow. Gobolka Gedo gudihiisa, waxaa la diiwaangaliyay dhacdooyin isugu jira dilal qorshaysan iyo barakicin; tusaale ahaan, bishii Febraayo 2020, ciidanka Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inay garab siiyeen dagaallo ka dhacay agagaarka xuduudda oo barakiciyay kumannaan qoys, iyadoo aan marnaba lagula xisaabtamin gaboodfalladaas maadaama ay ku joogaan magaca “amniga xuduudda.” Marka la gaaro dabayaaqada sannadkan 2026, kalaqeybsanaanta labadan ciidan waxay noqon doontaa caqabadda ugu weyn ee hortaalla madaxbannaanida Soomaaliya. Iyadoo ciidanka ATMIS ee Baardheere la filayo inay dalka ka baxaan, haddana ma jirto calaamad muujinaysa in ciidanka Non-ATMIS ee Doolow iyo Luuq ay qorshaynayaan inay ka baxaan saldhigyadooda ay deggen yihiin tan iyo 1996. Xaaladdan waxay Doolow ka dhigtay meel “go’doon” ka ah xukunka dawladda dhexe, halkaas oo taliyayaasha Itoobiya ay go’aamiyaan cidda geli karta iyo cidda ka bixi karta gobolka. Haddii aan la helin heshiis caalami ah oo lagu kala saaro labadan awoodood, Gedo waxay sannadka 2026 wixii ka danbeeya geli doontaa xaalad hubanti-la’aan ah, iyadoo ciidanka qaranka Soomaaliyeed ay ku adkaan doonto inay la wareegaan xuduudda Doolow inta ay halkaas fadhiyaan askar si toos uga amarqaata Addis Ababa. Loollanka Siyaasadda: Muqdisho, Kismaayo, iyo Addis Muddadii u dhexaysay 2019 ilaa 2022, Doolow waxay noqotay fagaaraha loollanka siyaasadeed ee u dhexeeya dawladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland. Itoobiya waxay xilligaas door muhiim ah ka ciyaartay inay taageerto ciidamadii dawladda Federaalka ee la geeyay Gedo, iyadoo Doolow u adeegsatay inay tahay goobta lagaga hortago saamaynta maamulka Kismaayo. Joogitaankooda Doolow wuxuu u oggolaanayaa Itoobiya inay noqoto “Garsooraha rasmiga ah” ee loollanka awoodda ee gobolka Gedo, iyadoo marba dhinac u janjeerta hadba siday danteeda qaranku ku jirto. Dhanka kale, mudadii u dhexaysay 1996 ilaa 2026, joogitaanka milatariga Itoobiya wuxuu Gedo ka gooyay ganacsigii ay la lahayd Muqdisho, wuxuuna ku xiray suuqa Itoobiya. Degmada Doolow waxay hadda u shaqaysaa sidii magaalo ka tirsan dhaqaalaha Itoobiya, halkaas oo lacagta “Birr”-ta iyo badeecadaha Itoobiya ay yihiin kuwa ugu xooggan. Itoobiya waxay u aragtaa in iskuxirka dhaqaale ee Gedo uu yahay dammaanad amni; haddii dadka degaanku ay noloshoodu ku xirnaato Itoobiya, waxaa yaraanaya fursadda ay ku taageeri karaan kooxo ka horjeeda Addis Ababa, waana sababta ay milatarigu u ilaaliyaan dhismaha suuqa weyn ee xuduudda. Mustaqbalka Gedo iyo Doolow: Maxaa Dhici Doona 2026 wixii ka Danbeeya? Marka la gaaro dhammaadka sannadkan 2026, waxa uu qorshuhu yahay in gebi ahaanba la soo afjaro hawlgalka ATMIS, taas oo macnaheedu yahay in ciidanka Itoobiya ee hoos taga Midowga Afrika ay tahay inay dalka ka baxaan. Si kasta ha ahaatee, caqabadda ugu weyn ee hortaalla degmada Doolow waa ciidanka Itoobiya ee “Non-ATMIS” (kuwa aan hoos tegin Midowga Afrika), kuwaas oo ku sugan Gedo tan iyo bishii Agoosto 1996. Itoobiya waxay u muuqataa inay ku adkaysanayso joogitaanka ciidankan si ay u ilaashato “Gaashaanka Addis Ababa,” taas oo abuuri karta iska-hor-imaad diblamaasiyadeed oo u dhexeeya Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya haddii aan la helin heshiis cad oo ku saabsan amniga xuduudaha. Mustaqbalka Gedo wuxuu si weyn ugu xiran yahay sida ay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland u xaliyaan khilaafkooda muddada dheer soo jiitamayay. Tan iyo markii ciidanka Itoobiya ay Doolow ka dhigteen saldhigga looga arrimiyo Gedo, gobolku wuxuu ahaa mid u qeybsan dhawr maamul oo iska-soo-horjeeda. Sannadkan 2026, haddii Itoobiya ay daciifiso saamaynteeda, waxaa la filayaa in loollan xooggan uu dhex maro ciidanka qaranka iyo kuwa degaanka ee taabacsan Kismaayo. Degmada Doolow waxay noqon doontaa barta laga go’aaminayo cidda gacanta ku dhigi doonta hoggaanka gobolka, maadaama ay tahay isha dhaqaalaha iyo amniga ee ugu muhiimsan gobolka Gedo. Dhanka kale, welwelka ugu weyn ee shacabka Gedo iyo Beesha Caalamka ayaa ah in ka-bixitaanka ciidanka Itoobiya ee Doolow ay abuurto “aag maran” oo ay ka faa’iidaystaan kooxda AS. Maadaama kooxda ay hadda gacanta ku hayaan degaanno badan oo ku teedsan Gedo, Doolow waxay u muuqataa inay tahay caqabadda kaliya ee ka hortaagan inay u gudbaan xuduudda Itoobiya. Haddii aan la dhisin ciidan Soomaaliyeed oo tayo leh oo si buuxda ula wareega saldhigyadii la dhisay tan iyo 1996, mustaqbalka Gedo ee sannadka 2026 wuxuu noqon karaa mid wajahaya loollan cusub oo dhiig badani ku daato. Ugudanbayntii, tan iyo markii uu bilowday weerarkii Agoosto 1996, Doolow waxay cashar u noqotay siyaasadda Soomaaliya; waa goob muujisay in meeshii ay ka maqnaato awoodda qaranka, ay buuxinayso awood shisheeye oo danteeda ka horraysiisa. Gedo iyo Gaashaanka Addis Ababa waxay hadda yihiin isgoys taariikhi ah. In Doolow ay ku laabato gacanta Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ama inay sii ahaato “derbi difaac” u ah Itoobiya waxay ku xirnaan doontaa go’aannada adag ee laga gaaro amniga Geeska Afrika inta ka dhiman sannadkan 2026. Source: goobjoog.com
-
Photos by Gage Skidmore under a Creative Commons license | Illustration by Miru Osuga/CREW Donald Trump Jr. and Eric Trump have met with high-level officials from eight foreign governments as the Trump Organization expands aggressively worldwide during President Trump’s second term. The meetings highlight the corruption risks of a president who owns a global business while in office: separate from the foreign policy of the Trump administration, the president’s sons are conducting undisclosed meetings with foreign leaders with the end goal of putting money in the president’s pocket. Don Jr. and Eric Trump have met with foreign leaders from Serbia, Hungary, the UK, Qatar, Vietnam, Saudi Arabia, Somaliland and Israel during the president’s second term. In 2024, the Trump Organization reportedly earned at least $87 million in business income through Trump-branded international projects alone, demonstrating the immense wealth the family is making from the pursuit of these foreign developments. Twenty-two Trump-branded developments are in the works internationally. Despite the clear conflicts of interest posed by the president’s sons doing business abroad while their father conducts U.S. foreign policy, Eric Trump has suggested that their past efforts to avoid the appearance of corruption weren’t worth it. In October 2024, he told the New York Times, “The first term we did everything imaginable to avoid any appearance of impropriety, and frankly, we got crushed anyway…We can’t just sit out in perpetuity, and I won’t.” In March 2025, Donald Trump Jr. met with Serbian President Aleksandar Vučić to discuss “economic and political relations.” The Trump Organization was involved in a controversial development in Belgrade at the time. In April, Don Jr. met with Hungarian Foreign Minister Peter Szijjarto in Budapest, reportedly to expand the Trump Organization’s business in the region. Around the same time as those trips, in March, Eric Trump traveled to Scotland to meet First Minister John Swinney. A Swinney spokesperson explained that the meeting was about the Trump family’s business interests in the country, which include two golf courses, and “Scotland’s investment potential.” Then in April Eric Trump appeared alongside Qatari Minister of Municipality Abdullah bin Hamad bin Abdullah Al Attiya at a signing event for a new Trump development, in a deal involving Qatar’s sovereign wealth fund. In May, Eric Trump and Vietnamese Prime Minister Phạm Minh Chính both took part in a groundbreaking ceremony for a Trump development in Vietnam, which the government had agreed to fast-track. During that same visit, Eric Trump also met with city officials about the possibility of a Trump development in Ho Chi Minh City. In October, Don Jr. traveled to Saudi Arabia, where he spoke at Crown Prince Mohammed bin Salman’s annual investment forum, calling investment opportunities in the region “spectacular.” He was seen sitting next to the crown prince later during the conference. In January, Eric Trump reportedly met with Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi on the sidelines of the World Economic Forum in Davos to hear investment pitches. The meeting was also attended by Israeli President Isaac Herzog. The Trump family’s staggering indifference to blurring the lines between politics and corporate interest once again demonstrates how Trump’s presidency is being used to enrich himself and his family rather than serving the needs of the American people. Photos of Eric Trump and Donald Trump Jr. by Gage Skidmore under a Creative Commons license. Source Citizensforethics Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii dowladda Federaalka ku celisay diyaarad siday xildhibaano ka tirsan labada aqal iyo dad rayid ah oo u socday magaalada Garowe. Madaxweyne Deni oo caawa hadal jeediyay ayaa tallaabadaas ku tilmaamay xadgudub dastuuri ah ah mid bini’aadanimo oo lagu kacay muwaadiniin Soomaaliyeed, gaar ahaan muwaadiniin reer Puntland. Wuxuu sheegay in arrintan ay dhaawacayso dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana haddii ay sii socota keeni karta in la aamini waayo nidaamka duulimaadyada dalka. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay dacwad arrintan la xiriirta u gudbin doonaan hay’adaha duulimaadyada iyo maxkamadaha ay quseyso ku xadgudubka nafta bini’aadamka. Madaxweyne Deni ayaa mas’uuliyiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugan ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ay deegaanadooda ku iman lahaayeen xildhibaanada ku xayiran garoonka diyaaradaha Muqdisho. PUNTLAND POST
-
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa ruqsaddii duulimaadyada kala noqotay shirkadda diyaaradaha Daallo. Puntland waxay ku eedeeysay shirkadda Daallo in ay laba jeer khatar gelisay muwaadiniin iyo mas’uuliyiin reer Puntland, islamarkaana ay jebisay xeerarka iyo shuruucda duulista rayidka. Arrintan waxay timid, xilli maanta diyaarad ay leedahay shirkadda Daallo laga celiyay garoonka diyaaradaha Garowe, taas oo siday qaar ka mid ah xildhibaanada Puntland ku matala labada aqal ee baarlamaanka Federaalka. Sidoo kale 1-dii bishii hore ee Febraayo waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho laga celiyay wafdi Puntland ah oo la socday diyaarada Daallo, kuwaas oo ka duulay Garowe. PUNTLAND POST
-
Wasaaradda Duulista Hawada Sare ee Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga qaaday shirkadda diyaaradaha Daallo Airlines ruqsaddeeda duulista gudaha deeganada maamulka Puntland. Qoraal kasoo baxay maamulka wasaaradda ayaa lagu sheegay in diyaaradda shirkadda Daallo ay laba jeer “khatar gelisay muwaadiniin iyo mas’uuliyiin reer Puntland,” isla markaana ay jebisay xeerarka iyo shuruucda duulista rayidka. Diyaaradda la xiray waxaa saarnaa qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo kusii jeeday magaalada Garowe, taasoo xaaladda ka dhigtay mid si weyn looga hadlay. Wasaaradda ayaa tilmaamtay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo ammaanka rakaabka iyo shaqaalaha duulista, iyadoo lagu adkaynayo in dhammaan shirkadaha diyaaradaha ee ka hawlgala Puntland ay raacaan shuruucda iyo xeerarka hawada sare. Saameynta tallaabadan waxay u muuqataa mid ku yeelan karta jadwalka duulimaadyada iyo safarka muwaadiniinta, iyadoo weli aan la helin jawaab rasmi ah oo ka timid shirkadda Daallo. Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, ayaa qoraalkeeda ku aaddan geerida hoggaamiyihii sare ee Iran, Ali Khamenei, waxa ay mar kale ku cambaaraysay weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil, intii lagu jiray wadahadalladii dublamaasiyadeed ee Tehran iyo Washington ee ku saabsanaa barnaamijka nukliyeerka ee Iran. Weerarradii ugu dambeeyay ayaa dhacay iyadoo Cumaan ay dhexdhexaadinaysay wadahadallo u dhexeeya Washington iyo Tehraan, iyadoo wareeggii ugu dambeeyay ee wadahadallada lagu qabtay Geneva 26-kii Febraayo. Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Abbas Arakchi ayaa sidoo kale bayaan uu soo saaray ku sheegay in dariiqa Khamenei “uu sii socon doono”. Qaran News
-
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐨𝐝𝐚𝐲𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐚𝐥𝐚-𝐚𝐫𝐚𝐠𝐭𝐢 𝐝𝐮𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐧𝐬𝐡𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐮 𝐃𝐡𝐞𝐱𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐊𝐃𝐐 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐬𝐛𝐢𝐠𝐚 𝐊𝐀𝐀𝐇 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta iskugu yeedhay kulan dhexdhexaadin ah oo u dhexeeyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL (KDQ) iyo Xisbiga KAAH, si xal looga gaadho murankii ka dhashay go’aankii uu soo saaray KDQ JSL ee la xidhiidhay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, gaar ahaan dookhii (option) tirada goobaha diiwaangelinta, kaasi oo sababay in Xisbiga KAAH uu hakiyo wadashaqayntii uu la lahaa KDQ. Wada hadal iyo dhexdhexaadin dheer oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha JSL kaddib, labada dhinac waxa ay si rasmi ah u soo af-jareen kala-aragti duwanaanshihii u dhexeeyey, waxana ay si wadajir ah ugu mahadnaqeen Madaxweynaha JSL doorkii muhiimka ahaa ee uu ka qaatay isu soo dhaweynta Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL (KDQ) iyo Xisbiga KAAH. Haddaba, si loo sii amba-qaado hawlaha baaxadda leh ee horyaalla KDQ iyo Axsaabta Siyaasadda, labada dhinac waxa ay isla qaateen qodobbadan soo socda: 𝟏. In si rasmi ah dib loogu soo celiyo wadashaqayntii u dhexeysay KDQ iyo Xisbiga KAAH. 𝟐. In arrimaha farsamo ee salka u ahaa is-mari-waaga labada dhinac ay si firfircoon uga wada shaqeeyaan guddi farsamo oo ka kooban labada dhinac. 𝟑. Si loo sii ambaqaado dhamaystirka arrimaha weli qabyada ah; in labada dhinac ay isugu yimaaddaan kulan kale, marka laga soo gudbo Ciidul-Fitriga, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay leedahay dhaqan togan oo soo jireen ah oo ku dhisan in murannada Siyaasiga ah lagu xalliyo wada-hadal, isu tanaasul iyo in aan xalka laga raadin dibedda, balse xalku uu ka dhex abuurmo gudaha dalka. Qaran News
-
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in amar ka yimid Muqdisho lagu celisay diyaarad ay leedahay shirkadda Daallo oo ka degi lahayd garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe. Wuxuu sheegay in diyaaradu qaadi lahayd dad shacab ah oo u socday Cumrada, kuwaas oo uu xusay in qaarkood meelo fog fog ka yimaadeen, islamarkaana dhowr maalmood joogeen magaalada Garowe. Wasiir Caydiid waxa uu tilmaamay in aysan ogayn sababta loo celiyay diyaarada oo Muqdisho ka soo qaaday xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Federaalka oo u socday Garowe. Dhanka kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ka hadlin sababta loo celiyay diyaarada u socotay Garowe ee qaadi lahayd dadka u socday Cumrada. PUNTLAND POST
-
Madaxweynayaasha Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa wadatashi ugu yeertay xildhibaanada labada aqal ee Federaalka ku matala dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland. Madaxweyne Deni ayaa kulan wadatashi ah oo la sheegay in looga hadli doono xaaladda sharci iyo siyaasadeed ee hannaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ku casumay xildhibaanada labada aqal ee Federaalka, kaas oo berri oo taariikhdu ku beegan tahay 2-da bisha Maarso ka dhacaya Garowe. Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa warqad uu u diray xildhibaanada labada aqal ku matala Jubaland ku sheegay in ay ka soo qaybgalaan kulan wadatashi ah oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, kaas oo berri ka dhacaya magaalada Kismaayo. Qaar ka mid xildhibaanada labada aqal ku matala Puntland iyo Jubaland ayaa maanta Muqdisho ka baxay, kuwaas oo u kala safray magaalooiynka Garowe iyo Kismaayo, waxaana ku jiray mudanayaal muxaafid ahaa oo hadda ku biiray mucaaradka. Sidoo kale madaxweyne Deni oo shalay dib ugu soo noqday xunta Puntland ee Garowe, waxaa la socday tiro xildhibaano ah oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Federaalka. PUNTLAND POST
-
Maamulka Somaliland ayaa cambaareeyey weerarada ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku qaaday dalalka Khaliijka ee Imaaraadka, Sacuudiga, Qadar, Baxreyn, Kuwayd iyo Jordan. Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo la soo dhigay barteeda X (hore loo oran jiray Twitter) ayaa lagu yiri “Xukuumadda Somaliland, waxa ay si adag u cambaaraynaysaa duqaymaha ay dawladda Iiraan ku bartilmaameedsatay Imaaraadka Carabta, Dawladda Qadar, Dawladda Kuwayd, Boqortooyada Baxrayn, Boqortooyada Sacuudiga iyo Boqortooyada Haashim ee Jordan”. “Somaliland waxay si buuxda u garab taagan tahay dalalka Khaliijka Carabta, iyadoo diidaysa gardaradan khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka” ayaa raaciyay bayaanka. PUNTLAND POST
-
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa si rasmi ah kulan wadatashi ah isugu yeeray xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland. Casuumaddan oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha 1-dii bishaan Maarso 2026, ayaa ujeeddadeedu tahay in xildhibaannada lagala tashado xaaladda guud ee siyaasadda dalka, iyadoo kulankuna uu ka dhacayo magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubaland maalinta berri ah oo ku beegan 2-da Maarso. Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada uu Madaxweyne Axmed Madoobe ku doonayo inuu ku xoojiyo wadatashiyada ku saabsan masiirka deegaanka iyo xiriirka kala dhexeeya dowladda federaalka, xilli dalku marayo marxalado siyaasadeed oo muhiim ah. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u sheegtay inaysan soo saarin warqad baraha bulshada lagu faafiyay, taasoo cinwaan looga dhigay “Soomaaliya oo dib u xaqiijisay taageerada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.” Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa tilmaamtay in warqaddaasi tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, islamarkaana aysan jirin wax xiriir rasmi ah oo dowladda Soomaaliya ay arrintaas la gashay Iiraan. Dowladda ayaa dadka shacabka ah ku boorisay inaysan ku dhaqmin warar aan la xaqiijin, isla markaana ay raacaan ilo rasmi ah. Tani waxay ka dambeysay kadib markii warar been abuur ah ay ku faafeen baraha bulshada, kuwaasoo sababay jahawareer iyo su’aalo ku saabsan siyaasadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya. Dowladdu waxay cadeysay in xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya uu ku dhisan yahay is-afgarad iyo wadahadal rasmi ah, isla markaana aysan jirin wax tallaabo ah oo dowladda ay qaadday oo la xiriira taageerada Iiraan. Source: goobjoog.com
-
An Air Force Patriot missile system was deployed at a local park during Taiwan’s annual Han Kuang military exercise last year. Credit…I-Hwa Cheng/Agence France-Presse — Getty Images The Trump administration has delayed announcing a package of arms sales to Taiwan valued at billions of dollars to avoid upsetting Xi Jinping, China’s leader, ahead of President Trump’s planned trip to Beijing in April, U.S. officials said. The weapons sale, which includes air-defense missiles, is in an advanced stage. Senior Republican and Democratic lawmakers approved the package after the State Department sent it to them in January for informal review. However, since then, the sales package has languished in the State Department, the officials said. Administration officials have told some involved in the approval of the sale that the White House ordered agencies not to move forward to ensure that Mr. Trump has a successful summit with Mr. Xi, one official said. Another official said the package has a total value of about $13 billion, compared with the $11 billion sale that the Trump administration announced in December. The U.S. officials spoke to The New York Times on the condition of anonymity to discuss sensitive diplomatic and security matters. The State Department said it does not comment on pending arms sales. “This administration has been very clear that the enduring U.S. commitment to Taiwan continues, as it has for over four decades,” it said in a statement. The White House referred questions to the State Department. The topic of U.S. arms sales to Taiwan came up in a Feb. 4 call between Mr. Trump and Mr. Xi, according to a summary of the conversation from Chinese state news organizations. “The U.S. must handle arms sales to Taiwan with extreme caution,” Mr. Xi told Mr. Trump, according to the summary. Mr. Xi also warned Mr. Trump that the U.S. position on Taiwan was “the most important issue in China-U.S. relations” and that China “will never allow Taiwan to be separated from China.” Click this Click to read the full story
-
Hoggaamiyihii ugu sarreeyay dalka Iiraan Ayatollah Cali Khamenei ayaa lagu dilay weerarka cirka ee Maraykanka iyo Israa’iil, sida uu xaqiijiyay Telefishinka Qaranka Iiraan. Sidoo kale waxaa weerarada Maraykanka iyo Israa’iil lagu dilay Abdolrahim Mousavi oo ahaa madaxii ciidamada qalabka sida ee Iiraan. Warbaahinta dawladda Iiraan ayaa sidoo kale xaqiijisay in la dilay taliyihii Ilaalada Kacaanka General Mohammad Pakpour. PUNTLAND POST
-
Suuqyada caalamka iyo dhaqaalaha dalalka soo koraya ayaa wajihi doona khatar weyn maalinta Isniinta ah ee soo socota, kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu xaqiijiyay in ciidamada Mareykanku ay billaabeen hawlgallo milateri oo waaweyn oo ka dhan ah dalka Iiraan. Tallaabadan ayaa si weyn u kordhisay xiisadda ka taagan mid ka mid ah marinnada tamarta ee ugu muhiimsan dunida. Saameynta Caalamiga ah iyo Sicirka Shidaalka Isbeddelada ugu horreeya ee suuqyada ayaa durba laga dareemay dhanka tamarta, iyadoo ganacsatadu ay ka cabsi qabaan in carqalad ay ku timaado silsiladda isku-xirka ganacsiga caalamiga ah: Sicirka shidaalka ceyriin ee Brent ayaa toddobaadkan ku xirmay meeshii ugu sarreysay muddo 7 bilood ah, isagoo gaaray ilaa $73 halkii foosto, waxaana uu kordhay qiyaastii 16% tan iyo billowgii sanadkan. Ganacsatada tamarta ayaa hadda saadaalinaya in qiimuhu uu dhaqso u gaari karo $80 haddii carqalad ay ku timaado xaddiga shidaalka ee suuqyada la keeno. Qiyaastii 20% shidaalka ceyriin ee caalamka laga ganacsado ayaa maalin kasta mara Marinka Hormuz ee ku dhow Iiraan, taas oo u dhiganta ilaa 13 milyan oo foosto oo shidaal ah maalin walba. Culeyska Gaarka ah ee wajaha Soomaaliya Maadaama Soomaaliya ay tahay dal gebi ahaanba ku tiirsan badeecadaha iyo shidaalka dibadda laga soo dejiyo (Import-dependent), xiisaddan caalamiga ah ayaa la filayaa inay si xawli ah dalka uga dhex abuurto saameyn taban oo dhowr jiho ah: Sicir-barar ku yimaada Raashinka: Badeecadaha Soomaaliya yimaada, gaar ahaan raashinka daruuriga ah sida bariiska, burka, iyo sokorta, waxay dalka ku soo galaan maraakiib. Xiisadda Bariga Dhexe waxay si toos ah u kordhinaysaa kharashka daabulka iyo ceymiska maraakiibta (Shipping & Insurance), taas oo keeni doonta in ganacsatadu ay qiimahaas dheeriga ah saaraan macmiilka ugu dambeeya. Sare u kaca Qiimaha Shidaalka, Korontada & Gaadiidka: Shidaalka oo suuqyada caalamka ka qaaliyooba ayaa si degdeg ah looga dareemi doonaa kaalmaha shidaalka ee dalka. Tani waxay culeys dhaqaale ku noqon doontaa qiimaha korontada (oo inta badan ku shaqeysa matoorada naaftada) iyo sidoo kale kharashka gaadiidka dadweynaha sida Bajaajyada, basaska iyo xamuulka gobollada isaga goosha. Culeyska Qoysaska Danta Yar: Iyadoo uusan jirin kobac dhaqaale oo gudaha ah ama mushaar kordhin la jaanqaadi karta isbeddelkan, sicir-bararkan dibadda ka imanaya wuxuu culeys nololeed oo horleh dusha u saari doonaa qoysaska Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka xoogsatada ah ee dakhligoodu hooseeyo. Digniinta Khubarada Dhaqaalaha Nigel Green, oo ah aasaasaha iyo maamulaha guud ee deVere Group oo ka mid ah shirkadaha la-talinta maaliyadeed ee ugu weyn caalamka, ayaa sheegay in halista ka jirta juquraafigaas ay hagi doonto qiimeynta hantida caalamka. “Shidaalku uma baahna in si dhab ah loo joojiyo si qiimuhu si xooggan isugu beddelo; kharashka ceymiska, beddelidda waddooyinka maraakiibta, iyo keydinta taxaddarka leh oo keliya ayaa adkeyn kara rajadii laga qabay helitaanka shidaalka,” ayuu yiri Mr. Green. Wuxuu xusay in haddii shidaalku uu kordho $10 ilaa $15 foostadii, ay taasi dib u soo celin doonto cadaadiska sicir-bararka ee dalalka horumaray iyo kuwa soo korayaba, taas oo adkeyn doonta shaqada bangiyada dhexe ee caalamka. Dhaqaalaha waddamada shidaalka soo dhoofsada, gaar ahaan Aasiya iyo Afrika, ayaa dareemi doona culeys degdeg ah haddii qiimaha shidaalku uu ka sarreeyo $80. Ugu dambeyn, khubarada ayaa aaminsan in caddaynta halka ay xiisaddu u biyo-shuban doonto (inay noqoto dagaal daba-dheeraada iyo in kale) ay go’aamin doonto in arrintani ay ku ekaato uun koror kooban oo ku yimaada qiimaha tamarta ama in ay isu beddesho caqabad weyn oo dhanka sicir-bararka ah oo wajaha dhaqaalaha adduunka. Source: goobjoog.com
-
Ka dib markii maamulka Iiran uu ku dhawaaqay in la dilay Ayatollah Ali Khamenei, xiisadda Bariga Dhexe ayaa si weyn u korortay, taasoo keentay in Safaaradda Mareykanka ee Djibuti ay muwaadiniinteeda u dirto digniin degdeg ah. Safaaradda ayaa sheegtay in gelitaanka Camp Lemonnier, oo ah saldhigga ugu weyn ee Mareykanka ee Bariga Afrika, uu hadda xaddidan yahay kaliya shaqaalaha muhiimka ah ee hawlgalka, iyadoo laga cabsi qabo in falal ka dhashay xiisadda Bariga Dhexe ay khatar ku noqdaan saldhigga. Muwaadiniinta Mareykanka waxaa lagu booriyay inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, la socdaan wararka gudaha iyo kuwa caalamiga ah, ka feejignaadaan digniinaha SMS ee shirkadaha isgaarsiinta Djibouti, wataan aqoonsi sax ah, dib u eegaan qorshahooda amniga shaqsiyeed, u sheegaan qoyska iyo asxaabta xaaladdooda. Waxaa suurtogal ah in kooxda Xuutiyiinta ah ay qayb ka noqoto khataraha ka dhalan kara xiisadda Bariga Dhexe, gaar ahaan ka falcelinta dhimashada Ayatollah Ali Khamenei. Xuutiyiinta, oo taageero ka helaan Iiraan, waxay horey u muujiyeen awoodooda weerarro caalami ah oo ay ku beegsanayaan danaha Mareykanka iyo saaxiibadiisa, waxaana saldhigga Camp Lemonnier uu noqon karaa bartilmaameed suurtogal ah. Source: goobjoog.com
-
Cali Xuseen Khamenei wuxuu 19-kii Abriil 1939-kii ku dhashay magaalada Mashhad, isagoo ka soo jeeda qoys wadaaddo Shiico ah oo danyar ahaa. Yaraantiisii wuxuu bilaabay xifdinta Qur’aanka Kariimka ah, isagoo markii dambena ku biiray dugsiyo diini ah sida Madrasada Nawab, halkaas oo uu ku bartay cilmiga Fiqiga, Tafsiirka iyo luqadda Carabiga. Ugu dambayntii, wuxuu gaaray darajada ‘Ijtihad’ (oo ah heerka ugu sarreeya ee aqoonta diinta), isagoo kaddibna bilaabay inuu wax dhigo buugaagna qoro. Laga soo bilaabo 1963-dii, Khamenei wuxuu door muhiim ah ka qaatay dhaqdhaqaaqii looga soo horjeeday xukunkii Boqor Mohammad Reza Pahlavi. Wuxuu qayb ka ahaa abaabulka hawlo qarsoodi ah oo lagu taageerayay fariimihii Ayatollah Ruhollah Khomeini, taas oo sababtay in dhowr jeer la xiro intii u dhexaysay 1965-kii ilaa dabayaaqadii 1970-yadii. Mar ayaa xitaa lagu xukumay in saddex sano loo masaafuriyo gudaha dalka, hase yeeshee Kacaankii 1979-kii ayaa ka hormaray, wuxuuna durba ku biiray hoggaanka nidaamkii cusbaa. Kaddib guushii Kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979-kii, Khamenei si degdeg ah ayuu uga dhex muuqday saaxada siyaasadda, isagoo xubin ka noqday Golaha Difaaca Qaranka, sidoo kalena noqday wakiilka Wasaaradda Gaashaandhigga. Bishii Juun 1981-dii, wuxuu ka badbaaday isku-day dil isagoo khudbad ka jeedinaya Masaajidka Abu Dhar ee Tehran; si xun ayuu u dhaawacmay balse wuu ka soo kabtay. Isla sanadkaas bishii Oktoobar, Khamenei waxaa loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah, xilkaas oo uu hayay laba xilli doorasho ilaa 1989-kii, xilli uu dalku ku jiray dagaalkii dhiigga badani ku daatay ee u dhexeeyay Iiraan iyo Ciraaq. Intii uu xilka madaxweynenimada hayay, waxaa la aasaasay Golaha Ogaanshaha Danta Nidaamka (Majma‘ Tashkhis Maslahat al-Nizam) si loo xalliyo khilaafaadka sharci-dejinta, isagoo isagu noqday guddoomiyihii ugu horreeyay ee Golahaas. Kaddib geeridii aasaasihii Kacaanka Ruhollah Khomeini sanadkii 1989-kii, Golaha Khubarada ayaa Khamenei u doortay Hoggaamiyaha Sare ee dalka. Dastuurka ayaa wax laga beddelay xilligiisii si loo xoojiyo awoodda xilka loo yaqaan “Wilaayat al-Faqih al-Mutlaqa” (Hoggaaminta Guud ee Faqiih-ga). Xilkan ayaa Khamenei siiyay awood aan la xaddidi karin oo uu ku maamulo dalka, isagoo gacanta ku dhigay:• Taliska guud ee ciidamada qalabka sida.• Go’aaminta siyaasadda guud ee dalka (Gudaha iyo Dibaddaba).• Magacaabista jagooyinka ugu muhiimsan dalka iyo hay’adaha garsoorka. Khamenei wuxuu caan ku ahaa mowqifkiisa adag ee ka dhanka ah Mareykanka iyo Israa’iil, isagoo inta badan ku tilmaami jiray inay yihiin shayaadiin, isla markaana diiday in wax saameyn ah ay ku yeeshaan dalkiisa. Taageerayaashiisu waxay u arkaan halyey xasilayay nidaamka Kacaanka xilliyo adag, halka dhaliilayaashuna ay ku eedeeyaan inuu abuuray nidaam gacan-bireed ah oo cabburiya mucaaradka .Ayatollah Ali Khamenei waxaa lagu xusuusan doonaa inuu ahaa tiirka ugu dambeeyay ee Kacaankii Iiraan, iyo ninka sii adkeeyay nidaamkii uu dhidibbada u taagay aasaasihii isaga ka horreeyay. Ugu dambayn, noloshiisii ka soo bilaabatay danyarnimada ee ku dhammaatay hoggaamiyaha ugu awoodda badan Iiraan, waa taariikh isku dhafan oo xambaarsan—diin, kacdoon, iyo awood siyaasadeed oo si adag loo xajistay tobanaan sano. Source: goobjoog.com
-
Jabuuti (Caasimada Online) — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii ay dowladda Israa’iil dhowaan ugu aqoonsatay Somaliland qaran madax-bannaan, isagoo ka digay in tallaabadani ay wiiqayso xasiloonida Geeska Afrika, isla markaana ay sii hurinayso loolanka awoodeed ee gobolka. Wareysi xasaasi ah oo uu siiyay joornaalka Jeune Afrique cadkiisa bisha Maarso, ayuu Geelle ku muujiyay sida uu uga naxay go’aankii ay dhamaadkii bishii Diseembar xukuumadda Tel Aviv ku aqoonsatay maamulka gooni-isu-taagga ah. Madaxweyne Geelle ayaa ku eedeeyay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu inay marinka xasaasiga ah ee Badda Cas ka leedahay ujeeddooyin aan marnaba kuwa nabadeed ahayn. Hoggaamiyaha Jabuuti ayaa sidoo kale dhaliil culus dusha uga tuuray dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, isagoo dalkaas Khaliijka ku tilmaamay “marinka” iyo “hormuudka” ugu weyn ee Israa’iil ay ku timaado gobolka. Wuxuu xusay in Imaaraadku uu gacan weyn ka geystay in la gaaro heshiiskan diblomaasiyadeed, isagoo ku andacooday in Abu Dhabi ay ahayd ciddii bilowday qorshaha aqoonsiga Somaliland, kadibna ay Israa’iil si degdeg ah uga faa’iideysatay fursaddaas. Geelle ayaa Imaaraadka ku eedeeyay inuu gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas ka wado isbeddello istaraatiijiyadeed oo sii qoto-dheereynaya khilaafaadka jira, isagoo intaas ku daray in Abu Dhabi ay faragelin qalalaase xambaarsan ku hayso dalalka Yemen, Suudaan, Soomaaliya, Chad, iyo Liibiya. Heshiiska aqoonsiga Somaliland ayaa waxaa si wadajir ah u saxiixay Netanyahu, Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Gideon Saar, iyo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro). Netanyahu ayaa xilligaas sheegay in Israa’iil ay iskaashi degdeg ah la yeelan doonto Somaliland dhinacyada beeraha, caafimaadka, teknoolajiyadda, iyo dhaqaalaha, isagoo heshiiskan ku sifeeyay mid ku qotoma ruuxda “Heshiisyadii Abraham”. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markiiba si kulul u cambaareysay ku dhawaaqista Israa’iil, iyadoo ku tilmaantay tallaabo sharci-darro ah iyo weerar bareer ah oo lagu oo qaaday madax-bannaanideeda dhuleed. Dhanka kale, Madaxweyne Geelle ayaa ka digay cawaaqibka istaraatiijiyadeed ee ka dhalan kara arrinta magaalada xudunta u ah is-qabqabsiga ee Berbera, taas oo leh deked biyo qoto-dheer oo ku taalla Gacanka Cadmeed. Wuxuu muujiyay cabsida uu ka qabo in Israa’iil ay halkaas ka sameysato saldhig milateri si ay awood ugu yeelato agagaarka marinka muhiimka ah ee Baab al-Mandab. Sidoo kale, wuxuu ka digay in madaxda Somaliland ay xukuumadda Netanyahu dartiis u sameyn karaan tanaasulaad siyaasadeed oo xad-dhaaf ah, isagoo xusay inay suurtagal tahay inay siiyaan wax kasta oo uu dalbado si ay aqoonsi u helaan. Geelle ayaa xiriirka kala dhexeeya Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Cirro”, ku tilmaamay mid qabow, isagoo xaqiijiyay inuu shakhsiyan diiday inuu qaabilo. Wuxuu intaas ku daray in inkastoo xuduudda dhulku ay furan tahay, haddana si buuxda loo joojiyay isku-socodkii duulimaadyada hawada ee u dhexeeyay Jabuuti iyo Somaliland. Ugu dambeyn, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku dooday in muddo 34 sano ah ay madaxda Somaliland raadinayeen aqoonsi qiimo kasta ha ku kacee, taas oo uu xusay inay hadda khatar ku tahay midnimada Soomaaliya, isla markaana ay jabinayso mabaadi’da Midowga Afrika iyo shuruucda caalamiga ah. Wuxuu si adag u naqdiyay qaab-dhaqankaas, isagoo sheegay in hoggaamiyeyaasha Somaliland ay u muuqdaan kuwo diyaar u ah inay aqbalaan gacan kasta oo loo soo taago, xitaa haddii ay tahay gacanta sheydaanka, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in taasi aysan marnaba ahayn mowqifka dowladda Jabuuti. The post Geelle oo weerar ku qaaday Somaliland iyo Imaaraadka, kana diiday Cirro in uu qaabilo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) — Xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay degmada Buurhakaba ayaa eedeymo culus u jeediyay ciidamada milateriga Itoobiya ee qaybta ka ah hawlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika, iyagoo ku eedeeyay inay faragelin qaawan ku hayaan arrimaha siyaasadda gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed. Qoraal rasmi ah oo taariikhdiisu ku beegan tahay 27-kii Febraayo 2026, loona diray Guddoomiyaha Midowga Afrika, ayay saddexda xildhibaan ee kala ah Saadaad Maxamed Nuur Caliyoow, Fowsiyo Maxamed Sheekh, iyo Maxamed Cali Xasan, ku caddeeyeen in ciidamada Itoobiya ee ka hawlgala aagga loo yaqaan Qaybta 3-aad (Sector 3) ay cadaadis xooggan saarayaan maamulka degmada Buurhakaba. Mudanayaasha ayaa sheegay in ciidamadu ay dayaceen waajibaadkoodii aasaasiga ahaa ee sugidda amniga, beddelkeedana ay dhex-quuseen oo ay faragelinayaan arrimo siyaasadeed oo heer degmo ah. Xildhibaanada ayaa uga digay taliska Midowga Afrika in ficilada noocan ah ay si weyn u dhaawici karaan kalsoonida ay shacabku ku qabaan hawlgalka nabad-ilaalinta, isla markaana ay kasii dari karaan xaaladda amni iyo midda siyaasadeed oo markii horeba ahayd mid aad u jilicsan. “Ciidamada amniga ee loo igmaday inay difaacaan dadka rayidka ah, dalkana xasilshaan, ma ahan inay qayb ka noqdaan qaabeynta jiheynta siyaasadda,” ayay mudanayaashu si adag ugu xuseen warqaddooda. Sidoo kale, xubnahan baarlamaanka ayaa carrabka ku adkeeyay in mowqifka siyaasadeed ee ka taagan Buurhakaba uusan ahayn mid ku kooban maamulka degmada oo qura, balse uu yahay mid ay wadaagaan wakiilada la doortay, odayaasha dhaqanka, jilayaasha bulshada rayidka ah, siyaasiyiinta, iyo laamaha amniga ee deegaanka. Warqadda ayaa dib u milicsatay dhacdooyinkii doorashadii maamulka Koonfur Galbeed ee sanadkii 2018-kii, xilligaas oo ciidamada Itoobiya lagu eedeeyay inay si toos ah lug ugu lahaayeen xariggii Mukhtaar Roobow oo ahaa musharrax madaxweyne. Xildhibaanada ayaa tilmaamay in dhacdadaas ay wali bulshada dhexdeeda ku abuureyso kalsooni darro iyo shaki qoto dheer. Dhanka kale, mudanayaasha ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda bani’aadannimo ee kasii dareysa gudaha Buurhakaba. Waxay iftiimiyeen go’doominta saaran degmada, carqaladeynta lagu hayo duulimaadyada rayidka iyo kuwa sida gargaarka bini’aadantinimo, iyo saameynta abaar ba’an oo deegaanka ku dhufatay taas oo keentay biyo-yari baahsan oo saameysay nolosha dadka. Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war ah ama jawaab rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Itoobiya ama taliska hawlgalka Midowga Afrika oo ku aaddan eedeymahan culus ee loo jeediyay ciidamadooda. The post ITOOBIYA oo far-gelin ku billowday arrimaha siyaasada gudaha ee Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
2b19029e0c5b2197c8b106ca25ec305c_1772331762726 Qaran News
