Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Carab iyo balanqaad - miyeeysan ogeyn in Illah carrabkooda ku cadaabayo - haddaysan ka midho dhalan balamahooda.:(

 

Has one else also noticed that there is always an event or another that over shadows the Somalis predicament - this time it was the Tunisian alleged revolution.

 

What else is there other than to tie the old good gunta and keep good old hope alive.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Shir Amaanka Somalia looga hadlay oo ku soo dhamaaday Djibouti

 

Shirkan oo ay dowladda KMG ah uga qayb galeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdishakuur Sh Xasan Faarax, R/wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Iskaashiga Caalamka Cabdiweli Maxamed Cali, Wasiirka Cadaaladda Abyan, Taliyaha Milatariga, Taliyaha Booliiska iyo Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga ayaa ahaa mid xasaasi ah oo si weyn loogu gorfeeyay arrimaha amaanka Soomaaliya.

 

Waxaa dhanka Ururada Caalamiga ah iyana ka soo qeyb galay Ururka Midowga Afrika (AU),Safiirro ka socda dalalka deeqaha bixiya,AMISOM, Masuuliyiinta IGAD, EASF iyo Kooxda caalamiga ee qeybta amaanka, iyadoo abaabulka shirkani ay ka dambeysay Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa xafiiskeeda Soomaaliya.

 

Shirkan oo ahaa kii 7-aad Arrimaha Amaanka ee Qaramada Midoobay soo qaban qaabiso waxaa bayaan laga soo saaray lagu sheegay in Soomaaliya lagu taageerayo fududeynta Wakaaladaha Arrimaha bin’aadanimada iyo dhameystirka Arrimaha amaanka shirkii Djibouti ee ay ku ballameen TFG-da iyo Bulshada Caalamka.

 

Shan qodob ayaa ahaa kuwa ugu muhiimsan ee la sheegay in laga taageerayo Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid yihiin Horumarinta Ciidanka Booliska, kuwa Milatariga,Ciidanka Badda,Ciidanka Cirka iyo qorshayaasha amaanka dowaladda Soomaaliya oo tababarro dhameystiran laga siin doono.

 

Waxa uu shirkan yimid kadib markii R/wasaaraha dowladda KMG ah Maxamed Farmaajo uu ka dalbaday Qaramada Midoobay in loo qabto shir arrimaha amaanka dalkiisa looga hadlayo, kaas oo la qaban doono bishiiba mar.

 

Warbaahinta Xogsheeg / Djibouti

Miiska Warqabadka

E. xogsheeg@hotmail.com / xogsheeg@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Farmaajo oo la Kulmay Berlusconi

 

Ra'iisul-wasaaraha Somalia, Max'ed C/aahi Farmaajo oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa la kulmay Ra'iisul-wasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi.

 

Farmaajo ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay VOA kulankaasi kaddib, ayuu ku sheegay inuu kulankaasi Berlusconi uga warbixiyay xaaladda Somalia ay ku sugan tahay, gaar ahaan waxqabadka xukuumaddiisa cusub iyo waxay damacsan tahay inay qabato.

 

Farmaajo, wuxuu sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen wax-kaqabashada mushkillada Somalia.

Ra'iisul-wasaaruhu wuxuu sheegay in Berlusconi uu ka aqbalay sidii Talyaanigu uu wax uga qaban lahaa door fiicana uga ciyaari lahaa xal u helida Somalia.

 

Wareysiga VOA la yeelatay R/wasaare Farmaajo dhagayso.

 

farmajoitaly2.jpg

farmajoitaly3.jpg

farmajoitaly.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

img_4365.jpg

Khamiis, 20 Janaayo, 2011 (HOL) – Dowladda Soomaaliya, ayaa safiir cusub u magacowday dalka Suudaan, kaasoo Axaddii toddobaadkan xaflad ka dhacday madaxtooyada dalka Suudaan ugu gudbiyay warqadihiisii aqoonsiga danjirenimo madaxweynaha dalkaas Cumar Xasan Al-bashiir.

 

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fariisanaya dalka Suudaan Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Al-bashiir uu ka aqbalay aqoonsigiisa danjirenimo, ayna kasoo qaybgaleen xafladda looga guddoomay aqoonsigiisa danjirenimo madax ka tisran dalkaas.

 

“Madaxweynaha dalka Suudaan, wuu iga guddoomay warqadaha safiirnimo, wuxuuna iga wareystay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, ammaanka iyo bani’aadamnimada,” ayuu yiri safiirka cusub.

 

Danjiraha, ayaa sheegay in safaaraddu ay ka shaqeyn doono sidii ay uga war-hayn lahayd xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee wax-ka-barta dalka Suudaan iyo Soomaalida kale ee dalkaas daggan, isagoo sheegay inay ka caawin doonaan dhinaca safarrada.

 

Xukuumadda Soomaaliya, ayaa horraantii bishan u magacowday danjiraheeda cusub ee dalka Jabuuti, C/raxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade), kaasoo warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda dalkaas, iyagoo safiirka cusub ee Suudaan uu noqonayo kii labaad ee loo magacaabo dal Afrikaan ah.

 

img_4369.jpg

 

Dowladda Soomaaliya, oo xilligeedu uu ku eg-yahay bisha Ogoosto ee sannadkan, ayaa wadda qorshayaal ay ku xoojinayso xiriirkeeda siyaasadeed ee dalalka caalamka, kuwaasoo ay ugu horreeyaan magacaabista safiirro cusub, iyo booqashooyin dibadeed.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Kooxda Kubadda Koleyga Dekedaha oo soo gaartay Final-ka Koobka Koobabka Jen. Daa’uud

dekedaha2.jpg

 

Arbaco, January 19, 2011(HOL): Koobka koobabka ee Jen. Daa`uud oo galay ugu danbeeyay waxaana ciyaar Semi-Final ah oo aad u xiiso badan isaga horyimid kooxaha Dekedaha iyo Plasma University. 61-49 waxay guusha ku raacday kooxda Dekedaha oo sidaas Final kula istaagtay Heegan.

 

Ciyaartan oo aad u xiiso badnayd ayaa waxay labadan kooxood ku soo bandhigeen xirfad leh firfircooni iyo ciyaar wanaag iyadoo qeybihii ugu horeeyay labadan kooxood ay muuqatay in marba koox ay hogaanka dhibcaha la wareegayso, Laakiin jawiga ciyaarta waxay isbedeshay markii tababaraha kooxda Dekedda uu garoonka soo geliyay xiddigihii uu ku dhaartay ee Mandela iyo Siid Cali Kukaay oo la soo baxay dardar aad u xoogan oo ay shabaqa kooxda Plasma ku asqeysiiyeen dhibco badan.

dekedaha4.jpg

dekedaha.jpg

 

Kooxda Plasma oo isku dayo badan samaysay ayaan u suragelin iyadoo fursadahii ay heli lahaayeen intooda badan ku lumiyay Reboundka oo ay la dhaafi waayeen kubaddaha ay helaan.

 

Si kastaba ciyaartan oo si qurux ay uga haleen intii daawatay ayaa waxay ku soo idlaatay 61-49 oo ay guuhsha kula hoyatay Dekedda oo ciyaarta kama danbaysta ay isku dhici doonaan kooxda sida weyn ay u xafiiltamaan ee Heegan, 21/1/2011 oo ku beegan maalinta Jimcaha ayaana loo balansan yahay kulankan xiisaha badan.

 

Daawashada Ciyaartan ayaa waxaa ka soo xaadiray madaxda GOS iyo XSKK, Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish], Guddoomiye ku xigeenka Xasan Axmed Cabdi [Xasan {Elman}, Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [Roombo], Abanuur Abati Abanuur oo xubin ka ah guddiga fulinta XSKK, Kaaliyaha Xoghayaha guud ee GOS Maxamed Cabdoow, Agaasimaha waaxda Isboortiga Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maye [Walker], Guddimiyaha Olambikada Gobolka Banaadir Md. C/xakiim Axmed Cali, Guddoomiyaha XSF Xaaji Coloow, Guddoomiyaha XSKL Prof. Maxamed Cali Caloow, Guddoomiye ku xigeenka XSKL Maxamed Abuukar Xiiray [Libery], Xoghayaha guud XSKL Cawil Nuur Magan iyo taageerayaasha Kubadda Koleyga.

dekedaha1.jpg

dekedaha3.jpg

dekedaha5.jpg

dekedaha6.jpg

 

Isboorti.com Managing Editor

Said Ibrahim Hussein (BUUNA)

buuna@isboorti.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra'iisal Wasaaraha Talyaaniga

 

som-italy2.jpg

 

Jimco, 21 Janaayo, 2011 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mohamed C/llaahi Mohamed (Farmaajo) , ayaa xalay kulan kula yeeshay Roma dhiggiisa dalkaas Silvia Berlusconi. Kulankan ayaa ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Palazzo Chigi. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waa dalkii ugu horreeyey Yurub uu booqasho uu ku tago, tan iyo intii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaarenimo.

 

Ra’iisul wasaaraha Maxamed Farmaajo, ayaa warbixin kooban ka siiyay Berlusconi xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, dib-u-heshiisiinta, gar-gaarka bani’aadanimo, horumarka ay xukuumadda cusub ku tallaabsatay iyo sida loogu baahanyahay in caalamku ay kala shaqeeyaan dowladda Soomaaliya iyo arrimo fara badan oo ay ka mid tahay sidii muddada u hartay dowladda KMG ay u dhameystiri lahayd dhammaan howlaha horyaalla.

 

Silvio Berlusconi, ayaa sheegay inay aad iyo aad uga xun yihiin dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya, wuxuuna ballanqaad buuxda siiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, oo uu yiri aniga ayaa si shaqsi ah arrimaha Soomaaliya ugu soo jeesanaya, isla markaana uu sheegay inay kordhinayaan dhammaan taageeradooda dhanka siyaasadda iyo dhaqaalahaba.

som-italy1.jpg

 

som-italy3.jpg

 

Mudane Berlusconi, waxuu sheegay inay wax ka qabanayaan dhanka gargaarka bani’aadanimo iyo horumarinta dalka, sida mashaariic cusub iwm.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Taliyaaniga waxuu sheegay inuu hadda wixii ka danbeeya xiriirka labada dal iyo sidii ay Talyaaniga gacan weyn u siin lahaayeen dowladda Soomaaliya ayna ka wada-shaqeyn doonaan.

 

Sidoo kale, arrimaha labada ra’iisul wasaare ay kawada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa sidii loo-soo-celin lahaa xiriirkii qotada dheeraa ee taariikhiga ah. Arrimaha kale ee laga wada hadlayna waxaa ka mid ahaa amniga, argagaxisada caalamiga ah iyo arrimaha burcad-badeedka.

 

som-italy4.jpg

 

:D

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abaayo macaan, well done. keep us informed of all the developments.

 

I admire your conviction and loyalty for the Somali cause. If all Somali's were like you, we would have found a solution

for the status quo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Thanx Q. ;)

---------

 

Somali Football League kicked off in Mogadishu

Horyaal2.jpg

 

by Farah M. Ali (Blue)

Hiiraan Online

Friday, January 21, 2011

 

 

 

Somali Football League kicked off.Somali Football League 2010-2011 kicked off today as tens of thousands filled University Stadium in Mogadishu for the first time in four years, despite the conflict that is still forcing people to flee their homes in and around the capital.

 

30 minutes of the opening ceremony was followed by the first game of the league between Banaadir Telecom and Heegan FC which ended 1-0.

 

Heean went on to win the game by one goal to nil. Jabril Hassa put one in the 88th minute – when the game was on the verge of heading to a goalless draw and sent his team to lead the League.

 

“The chance came and I took it, I am happy about the goal and I want to score more a great goals" said Hassan how is also Somali U 20 forward.

 

The league holders Banaadir Telecom were today clearly the more aggressive and dangerous side, but they failed to get shot on goal. The defensive strategy worked for Heegan and kep clean sheet.

 

Horyaalka1.jpg

 

Post match inteview Heegan manager Abdi Kus hails hialed his sides performance “It's always important to win the first match of the League, my boys made some mistakes first half of the game and responded much better in the second half” he stated

 

“My players are young. this gives them energy and motivation”

Ali Buu, Banaadir coach said that he is disappointed with the result.

 

“Of course I am disappointed, and the players are as well. We had a lot of the ball but didn’t make a lot of it and Heegan defended with heart.

 

“We looked vulnerable defensively”

 

“Heegan were better side today , and i have to congratulate, because they really did well and won the game” he said.

 

On Monday the giants of Elman FC and Savana FC will face each other, while SITT Dallo will take on Horseed FC on Tuesday.

 

The Somali Football League is just eight teams and was first created and played in 1951.

 

Farah M. Ali (Farah Blue)

Somalia+East and Central Africa Football Writer.

Email: fblue@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somalia / Italy's new peacemaking efforts

 

 

By: Italy - Ministry of Foreign Affairs

Friday, January 21, 2011

 

 

 

 

ROME, Italy - The meeting's main objectives are to underscore the importance of Italy's commitment to fostering a resolution to the crisis in Somalia, examine the prospects of the Federal Transitional Institutions, and to stress the need for the Mogadishu government's concrete commitment to re-establishing peace in the country. Minister Frattini, who considers the Somalia dossier one of Italy's top foreign policy priorities, will also be present at Berlusconi's encounter with Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmajo”.

The meeting, convened on the request of Somalia, is taking place seven months prior to the end of the Mogadishu Federal Institutions' transition period. Premier “Farmajo” has set up a more manageable government than those of the past (17 ministers), and will probably ask Italy and the international community for support in involving the most cooperative part of the Somali Diaspora in bringing peace back to the country.

 

Italy, as the ministry's Director General for the Countries of Sub-Saharan Africa, Rosa Anna Coniglio, explained, “will have to evaluate” relations with Somalia, and the Somali premier must “clarify what his plans are” for the final seven months of his mandate, which should close the transitional phase and lead to stable institutions and a legitimate government, as envisaged in the 2008 Djibouti Accord. The present Somali government will have to complete “concrete steps” in the implementation of what are known as the “transitional tasks”, i.e. a national reconciliation strategy, development of governance capacity and re-instatement of essential services for the people. And Italy “will do everything necessary to help, with the understanding, however, that “ownership of the process must be Somalia's”.

 

The Somali premier's mission to Rome follows one to New York, where he held meetings behind closed doors with the Security Council, and is Mohamed Abdullahi Mohamed's first visit to Italy since taking up his post, confirming that Italy is considered a key partner in the Horn of Africa and an indispensible interlocutor in the process of stimulating and steering the international community's support for Somalia's stablisation.

 

Italy plays an advocacy role within the EU framework on behalf of the organisation's greater role in this process. Minister Frattini has involved the EU in a profound reflection on Somalia and sent papers to its Special Representative for Foreign Policy Catherine Ashton containing concrete proposals that have been examined in the External Affairs Council.

 

On the financial front, €27 million euro has been earmarked for two years, to be divided among: the Italia-Africa peace facility (a fund managed through the African Union and that presents Italy with projects to fund); support for AMISOM (the AU's military mission in Somalia); support for Somali governance (ministries of foreign affairs, interior, communications, and Radio Magadishu); the Italian Cooperation's water, healthcare, education and anti-drought programmes.

 

On the theme of piracy, it is Italy's belief that, in addition to the forces at sea (currently engaged in two naval missions in the Horn of Africa, for the NATO and the UN), it is necessary to develop the coastal regions that pirates are sailing from. Italy has also proposed the establishment of a special ad hoc tribunal for pirates, as well as for the terrorists that control half of Somalia.

 

Source: Italy - Ministry of Foreign Affairs

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Tifow- Furayaashii safaaradda iyo kii guriga safiirkaba gacanteena ayey soo galeen

 

Bonn, Germany (Calanka.com) - 22-Janaayo-2011

 

Xaflad aad u sareysa ayaa lagu qabtay safaaradda ay Soomaaliya ku lahayd dalka Jarmalka, magaalada Bonn, taas oo berigii hore lagu shaqeyn jiray intii aan caasimada laga wareejinin magaalada Bonn oo aan loo guurin caasimada dalka Jarmalka ee Berlin halkaas oo ay hada safaaraddu ku shaqeyso.

 

Xafladaasi oo ka dhacday wejiga hore ee Safaaradda ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad aad u fara badan kuwaas oo kala daggan magaalooyinka Köln, Bonn iyo Troisdorf.

 

Goobta xafladda ayaa lagu xardhay qalabka hidaha iyo dhaqanka soomaalida iyo 2 calan oo kala ah kan soomaaliya iyo midka jarmalka.

safaradjarmal4.jpg

 

Ugu horeyn waxaa halkaasi aayado Qur`aan ah ka akhriyay macalin Xuseen Islaw Indhooy iyadoona intaa kadib codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Dalka Jarmalka Maxamuud Maxamed Tifow.

 

Wuxuu ugu horeyn safiirku si wada jira u salaamay dadkii halkaa isugu yimid, wuxuuna uga mahadnaqay sida ay waqtigooda qaaliga ah ugu soo hureen in ay ka soo qeyb-galaan Xafaladaan.

safaradjarmal3.jpg

 

Intaa ka dib waxa uu safiirku halkaa ku soo bandhigay qoraal ka soo baxay Maxkamadda Jarmalka, kaas oo lagu sheegayo in furayaashii safaaradda iyo gurigii safiirkaba laga bilaabo maanta lagu soo celiyay gacanta safiirka, waxayna Maxkamadu amar buuxa ku bixisay in aan cid gaara laga iibin karin hanti umadda Soomaaliyeed ka wada dhexeyso.

 

Danjire Tifow isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri Intii aan aniga la ii soo magacaabin ayeey 2 nin oo ka tirsanaa safaarada waxa ay si hoose oo qarsoodi ah uga iibiyeen nin Jarmal ah, aslkiisa horena ka soo jeedo Dalka Giriiga, kaasi oo ay labadaasi nin ka qaateen lacag hor-maris ah oo gaareysay 147000€", wuxuuna intaa raaciyay in nasiib wanaag markii la soo magacaabay uu arintaasi ka daba tagay.

 

safaradjarmal2.jpg

 

Safiirka ayaa sheegay in uu arrintani ku dacweeyay Wasaarada Arrimaha Dibada Jarmalka iyo Maxmadaba isagoona ugu dambeyn ku guuleystay.

 

"Maantana sida aad hortiina ku arkeysaan furayaashii Safaarada iyo kii Gurigaba gacteena ayeey ku soo noqdeen", ayuu yiri safriika oo intaa ku daray in ay tahay maalin faraxad leh maadaama ay xaflada joogto Ruqiyo Cali Xoosh oo ahayd gabar Dipolomaasiyad ah oo wax badan ka soo shaqeysay Safaaradda.

safaradjarmal1.jpg

 

Xafladaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaa qeybta ugu weyn lahaa Cabdulaahi Yalaxow oo ah Oday Soomaaliyeed oo deggan magaalada Bonn tan iyo 1974, isagoona u kaashaday arrintan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Bonn.

 

safaradjarmal5.jpg

 

Cabdirashiid Shaam

Bonn, Germany

shaamabdi977@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasaaradda haweenka oo la kulantay Haweenka gobolka Banaadir.

Wasaaradda haweenka iyo daryeelka qoska ayaa maanta la kulantay haween ka kala socda 16ka degmo ee gobolka Banaadir kuwaas oo ay wasaaraddu kala hadashay arrimo ku saabsan Hormarinta Haweenka.

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka iyo Daryeelka Qoyska Marwo Faadumo Xasan Cali ayaa maanta xafiiskeeda kulan kula yeelatay haweenka gobolka Banaadir kaas oo looga wada hadlay sidii Haweenka gobolka looga dhigi lahaa kuwo ku xiran wasaaradda, ayadoo qorshuhu yahay in la isku xiro haweenka Soomaaliyeed iyo wasaaradda si loo hormariyo xaaladaha ay ku nool yihiin hawenka Soomaaliyeed.

 

Marwo Faadumo Casan Cali oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in shirkaan looga hadlay sidii Haweenku ay isaga kaashan lahaayeen hormarinta noloshooda iyo waliba wax ka qabashada xaaladda waddanka ka jirta, ayadoo laga dooday dhinacyada caafimaadka hooyada, abaaraha ka taagan waddanka iyo waliba Ammaan darrada jirta.

 

Haweenkii ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan samata bixinta dalka iyo in ay dowrkooda ka qaataan gurmadka abaaraha iyo dib u heshiisiinta.

 

Qaar ka mid ah haweenkaasi ayaa Buraanbur ka jeediyay kulanka, ayagoo soo dhaweeyay dadaallada ay wasaaradda haweenku waddo ee la isugu keenayo laguna muujinayo kaalinta ay haweenku ku leeyihiin dalka.

 

Wasaaradda haweenka iyo daryelka Qoyska ayaa kulamo noocaan oo kale ah u qabatay Ururrada haweenka ee ka jira gobolka Banaadir iyo guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Haweenka iyo carruurta, waxaana kulamada noocaan ah looga hadlaa arrimo ku saabsan wacyi gelinta Qoyska iyo waliba Hormarinta Hooyada iyo dhallaanka.

zzzzzzz2000.jpg

zzzzz2001.jpg

zzzz2002.jpg

 

CABDIQADAR CATOOSH

RM

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Nolosha Soomaalida Dalka Liibiya

Safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa sheegay in Soomaalidu ay si xor ah hadda ugu nooshahay dalkaasi, dowladduna ay tixgeliso.

 

Soomaalida ku dhaqan dalka Liibiya ayaa lagu soo warramayaa inuu hoos u dhacay cadaadiskii dhanka sharciga ee uga iman jiray ciidamada ammaanka ee dalkaasi.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya Ambassador Cabdulqaadir Maxamed Wacays oo magaalada Tripoli ugu warramay wariyaha VOA-da ee Yurub Cabdisalaam Ibraahim Hareri mar uu socdaal ku gaaray dalkaasi ayuu kaga warramay in xaaladda Soomaalida ay wax weyn iska bedeshay tan iyo markii isaga loo magacaabay xilka safiirnimo.

Safiirka ayaa sheegay in ay dowladda Liibiya kala xiriireen sidii looga sii dayn lahaa boqolaal Soomaali ah oo ku xir xirneyd xabsiyada dalkaasi, wuxuuna sheegay in aanu wakhtigan jirin qof Soomaali ah oo u xiran arrimaha la xiriira sharciyada socdaalka.

Dalka Liibiya waxaa ku nool Soomaali gaareysa 1,500 oo u badan dhalinyaro kuwaasoo noloshooda ka soo saarta gudaha dalkaasi.

 

Dhageyso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Safaaradda Soomaalida ee Turkiga oo xabsiyada ka sii deysay Soomaali.

 

dscn1003.jpg

 

Safaaradda Soomaliyeed ee dalka Turikaga ayaa xabsiyada dalkaasi ka sii deysay dad Soomaaliyeed halka boqolaal kale ay caddeysay in aysan ahayn Soomaali.

 

Kormeer ay saraakiil ka tirsan Safaaraddu ay ku sameeyeen xabsi ku yaalla gobolka Edirne oo dhaca xuduudda Turkiga iyo Gireegga oo ay ku xirnaayeen 5 gabdhood oo Soomaali ah iyo ajaanib kale oo sheegatay in ay yihiin Soomaali, waxayna safaaraddu caddeysay in aysan dadkaasi ahayn Soomaali.

 

War ka soo baxay safaaradda oo la soo gaarsiyay radio Muqdisho ayaa lagu sheegay in mihaajiriinta ka timaada qaaradda Afrika ay marka yimaadaan Turkiga ay sheegtaan Soomaali, taas oo dhalisay in xabsiyada dalkaasi lagu sheego in ay ku jiraan Soomaali badan, ayadoo warka lagu ballan qaaday in ay u taagnaan doonto caddeynta arrintaasi.

 

Sanadkii tagay ee 2010 waxaa la diiwaan geliyay in 2600 oo Soomaali ah ay xabsiyada dalkaasi galeen ayagoo sharci darro dalka ku soo galay, taas oo lagu daray dad Afrikaan ah oo sheegtay in ay Soomaali yihiin.

 

“waxa ay safaaraddu tusaale u soo qaadatey 115 qofood oo markaa xabsiga Soomaali ahaan ugu jirey balse ay Soomaali ka noqdeen 5 qofood oo weliba qabdho ah, booliisku arrinkaa waa ay u garaabeen” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Safaaradda Soomaalida ee dalka Turkiga.

 

Sidoo kale masuuliyiinta safaaradda Soomaalida ee dalka Turkga ayaa booqday xabsi la sheegay in ay ku xirnaayeen boqolaal dad Soomaaliyeed oo ku yaalla magaalada Istanbuul, waxaana halkaa loogu tegay 7 qofood oo Soomaali ah iyo Afrikaan kale oo magaca Soomaaliyeed sheeganayay.

 

Safaaradda ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dadaallada ay ku baadi goobeyso dadka Soomaaliyeed eek u jira xabsiyada dalkaasi, ayadoo dowladda ka kaashan doonta sidii loo sii deyn lahaa.

 

00%201%20a.jpg

01%20a.jpg

0%201000%20a.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this