Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Where are the Shababis? maxaa haysaan oon boota iyo xasuuq ahayn?

 

Kooxda Kubadda Koleyga Heegan oo ku guuleysatay Koobka Jen. Daa`uud

koob2.jpg

Sabti, January 22, 2011(HOL): Koobka koobabka ee Jen. Daa`uud ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho iyadoo ciyaartii kama danbaysta ay isugu yimaadeen kooxaha Heegan iyo Dekedda, 61-52 waxa ay guusha ku raacday kooxda Heegan.

 

Ugu waxaa ciyaartoyda labada kooxood la hadlay Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [Roombo] wuxuu kula dardaarmay inay muujiyaan ciyaar wanaag iyo asluub, wuxuuna labada kooxood ku booriyay in ay taageerayaasha kubadda koleyga u soo bandhigaan ciyaar aad u xiiso gelisa.

 

Intaasi ka dib waxaa bilaabatay ciyaar aad u kulul isla markaasna ku dheehan xamaasad, iyadoo labadan kooxood ay yahiin kuwo si weyn u xafiiltama, qeybihii hore ee ciyaarta ayaa waxaa ay u muuqatay inay kubadda qeybsanayaan oo marba koox ayaa dhibcaha la wareegaysay, qeybihii danbe gaar ahaan shantii ugu danbeysay waxaa xaaladdu noqotay in kooxda Dekedda ay iska qasaariyeen tuurasho badan oo ay isku dayeen, halka kooxda Heegan ay ka faa`ideysteen tuurashada xorta ah fursadihii ay u heleen. iyadoo labada kooxood ciyaaryahanada ugu muhiimsan laga saaray garoonka ka dib markii ay qaladaad “Fouls” badan ay galeen.

koob3.jpg

Si kastaba, ciyaarta oo ay ka soo qeybgaleen taageero aad u baaxad weyn ayaa sababtay in qaar badan oo taageerayaal ah inay u suragelin daawashada ciyaarta, ka dib markii uu garoonka ka buuxsamay.Ciyaarta ayaana waqtigii loogu talagalay lagu kala baxay 61-52 oo ay koobkan ku difaacatay kooxda Heegan.

 

Ciyaartan waxaa garsoora Mustaf Maxamed, Abuukar Muudeey iyo Zakariye Macalin, Score Borad Yuusuf Cabdi, Saacadda Maxamed Xasan Fiidoow.

koob12.jpg

Daawashada Ciyaartan ayaa waxaa ka soo xaadiray madaxda GOS iyo XSKK, Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish], Guddoomiye ku xigeenka Xasan Axmed Cabdi [Xasan {Elman}, Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [Roombo], Abanuur Abati Abanuur oo xubin ka ah guddiga fulinta XSKK, Guddoomiyaha Degmada Xamar jajab Cashiir Cabdi Nuur, Kaaliyaha Xoghayaha guud ee GOS Maxamed Cabdoow, Guddimiyaha Olambikada Gobolka Banaadir Md. C/xakiim Axmed Cali, Guddoomiyaha XSF Xaaji Coloow, Guddoomiye ku xigeenka XSKL Maxamed Abuukar Xiiray [Libery], Xoghayaha guud XSKL Cawil Nuur Magan, Guddoomiyaha Naadiga Dekedda Eng. Cabdi Jiinoow Calasoow iyo taageerayaasha Kubadda Koleyga.

 

koob.jpg

koob10.jpg

koob8.jpg

koob4.jpg

koob7.jpg

koob11.jpg

koob9.jpg

The Champs!

 

Isboorti.com Managing Editor

Said Ibrahim Hussein (BUUNA)

buuna@isboorti.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xukuumadda oo ka hadashay qorshaheeda ciidamada hubka wata

 

0%2038%20a.jpg

 

Ku simaha R/wasaaraha Soomaaliya ahna wasiirka gaashaandhigga ee xukuumada KMG soomaaliya Mudane C/xakiin Max’uud Xaaji Fiqi oo shalay la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in xukuumaddu aysan ogolaan doonin in ciidamado ka tirsan Dowladda ay si qorshe la’aan ah u maraan waddooyinka magaalada.

 

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in xukuumadda ay tallaabo ka qaadi doonto maleeshiyaad uu sheegay in qaab beeleed oo kale ay u shaqeeyaan, kuwaas oo loo qorsheeyay in in lagu biiriyo ciidanka XDS ee xareysan.

 

Mudane C/xakiin ayaa sheegay in Dowladdu ay xareyneyso dhamaan ciidamada, bannaanadana aan lagu arki doonin ciidamo, isagoo sheegay in muhiimaddu ay tahay in askartu ay ku jiraan xeryahooda haddii aysan wadin howl gal.

 

Ciidamada ayuu sheegay in loo sameynayo wacyi gelin ku saabsan in ay joojiyaan Qaadka oo waqtigooda iyo noloshoodaba Qatar ku ah, isagoo tilmaamay in Qaadku uu cuuryaamiyay shaqadii laga rabay ciidamada.

 

Xukuumadda ayuu sheegay in ay waddo qorshe ku aaddan Qaadka oo dhibaato ku haya dhammaan umadda Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasaarada Howlaha guud oo dib u soo nooleeyneysa Naadigii LLPP

 

 

Kulan looga hadlayay dib u soo nooleeynta Naadigii LLPP Jenyo ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaarada Howlaha guud iyo dib u dhiska.

 

Kulankan ayaa waxaa maanta isuguyimid Agaasimaha guud ee Wasaarada Hawlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Eng Faarax Geedi iyo Saciid Jaamac Qoorsheel oo ahaa ciyaaryihaanadii ka tirsanaa kooxda facaweeyn ee LLPP Jeenyo iyo Mas’uuliyiin kale, ayaa looga hadlay sidii dib loogu soo nooleeyn lahaa Naadigii LLPP ee Wasaarada Howlaha guud.

 

“Wasaaradda Howlaha guud waxa ay ahmiyad siineeysaa dib u soo nooleeynta kooxdii Jeenyo ee ku ciyaari jirta magaca Wasaaradda, qorshaha Boqolka Maalmod ee Xukuumada ayeeyna ka mid tahay” ayuu yiri Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi Eng Faarax Geedi u waramay Radio Muqdisho.

 

Dhinaca kele Ciyaaryahankii hore ee Naadigaasi Saciid Jaamac Qoorsheel ayaa soo dhaweeyay go’aanka Wasaarada ee ku saabsan dib u soo nooleeynta Naadigii LLPP.

 

Tallabadan ayaa qeyb ka ah dadaalada ay Dowlada KMG ah ugu jirto dib u soo nooleeysta Sportigii dalka gaar ahaan kooxihii caanka ka ahaa dalkeena sida Naadigii Jeenyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta" waan joogteeyn doonna soo saaridda Wargeyska Dalka

 

Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa sheegtay in ay joogteeyn doonto soo saarida Wageyska Dalka oo todobaadkiiba mar soo baxo, iyadoo Wargeesyka dalka cadadkiisi ugu horeeyay shalay la sao saaray isla markaana ay ku dadaali doonto tayeeynta Wargeeska.

 

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/kariin Xasan Jaamac ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta Boostada, iyo Isgaarsiinta ay dadaal u gashay soo saarida Wageyska dalka oo casri ah, isla markaana xambaarsan macluumaad waxtar u leh Bulshada Soomaaliyeed oo baahi u qaba helida Wargeys ay akhristaan.

 

“Waregeyska Dalka oo cadadkiisii ugu horeeyay uu soo baxay shalay, waxaa uu soo bixi doonaa todobaad kasta, sidoo kale waxaan rajeeynayaa inaan dhawaan diyaarino Madbacadii Qaranka oo daabacda Wargeyska, buugaagta, iyo waraaqaha ay isticmaalaan Wasaaradaha Dowlada, taas oo waxtar ballaaran u leh Bulshada, dadaalkaasina waa uu socdaa” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/kariin Xasan Jaamac oo wareeysi siiyay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyada Soomaaliya.

 

Maalintii shalay ayaa magaalada Muqdisho lagu arkay Wargeyska Dalka oo cadadkiisii ugu horeeyay shalay soo baxay, kaas oo ah mid casriya oo xambaarsan macluumaad xiisa badan oo ay jecleysteen dhammaan dadkii nasiibka u helay in ay akhristaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Good, weligood yaan la siin lacag. They are useless.

----------

 

Xukuumada Malta oo ka qaybqaadanaysa tababarrada la siinayo ciidammada dowladda KMG Soomaaliya

Axad, 23 Janaayo, 2011 (HOL) – Xukuumadda Malta, ayaa shaacisay inay ka mid noqonayso dalalka tababarka siinaya ciidammada dowladd KMG ah, iyadoo saddex sarkaal oo ciidammadeeda ay tageen dalka Uganda, si ay tababar siinta ciidammada DKMG ah uga qaybqaataan.

 

Warbixin, arrintaan ku saabsan oo shalay uu daabacay wargeyska Times of Malta ee kasoo baxa jasiiradda Malta, ayaa lagu sheegay in saraakiishan ay ku biirayaan howsha Midowga Yurub ee lagu tababarayo ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

"Tababarkan, waa markii labaad oo Malta ay ka qaybqaadanayso, tababarkii waxaa bishii April ee sannadkii hore lagu tababaray 200-askari oo Soomaali ah," ayaa lagu yiri warbixinta uu wargeysku daabacay.

 

Saraakiishan Malta ka socda, waa tababarayaal ay isku koox noqonayaan saraakiil ka socda dalka Irland, waxayna tababarro siin doonaan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ee lagu tababarayo dalka Uganda.

 

Qorshaha, lagu tababarayo ciidammada dowladda Soomaaliya, ayaa ah qaraar ay Qarammada Midoobay kaga codsatay Midowga Yurub, inay ku tababaraan ciidanka Soomaalia, kaasoo tirsigiisu yahay 1872, lana soo saaray sannadkii 2009.

 

Ciidammada la tababarayo, ayaa la sheegay in laga doonayo inay soo celiyaan ammaanka iyo kala dambeynta Soomaaliya, kaddib qalalaase muddo 20-sano ka badan ka taagnaa dalka Soomaaliya.

 

Malta, ayaa sheegtay inay horay uga qaybqaadatay howlo uu Midowga Yurub ka fuliyay deegaanka Gori ee dalka Joorjiya, halkaasoo ay sheegeen inay u direen 250-tababarayaal ah, xiligii uu dalkaas ka goosatay Koonfurta Ossetia, saraakiishaasoo bixiyay tababarro isugu jira kuwo ciidan, sida warbixinnada loo ururiyo iyo sida loo sugo ammaanka.

 

Sidoo kale, Malta waxay sheegtay inay tan iyo bishii November ee sannadkii 2008, ay qayb ka ahayd howgalka la dagaalanka burcadbadeedda ee Soomaaliya, kaasoo lagu magacaabo Atlanta. Iyadoo sannadkii hore 2009, ku dartay 12-nin oo ka mid ah ciidammada badda dalkeeda markab laga leeyahay dalka Holland oo qayb ka ah howlgalka la dagaalanka burcadbadeedda.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Scores arrested in Mogadishu crackdowns

 

The security forces of Somali transitional federal government have apprehended nearly 50 people after conducting the largest crackdown in parts of the Somali capital Mogadishu since November last, witnesses said on Sunday.

 

Security forces of the Somali Transitional Federal Government (TFG) apprehended approximately 50 people after conducting the largest crackdown since November in parts of the Somali capital Mogadishu.

 

 

Search and raid operations came in response to overnight grenade attacks on several Somalia’s security positions in a TFG run district of Wabari in southern Mogadishu.

 

A witness, who spoke on condition of anonymity for security reasons, told All Headline News that after wrapping up raids about 11:00 am local time that more policemen, accompanied by military vehicles, have flooded several neighborhoods of Mogadishu’s Wabari area.

 

He stated that they were searching almost every house in the district and have taken a number of young Mogadishu people, mostly young men, into custody in connection with insurgent activities.

 

All business, commerce and vehicle traffic were put on hold during the search operations, according local residents.

 

On Saturday night, gunmen attacked several police stations in Mogadishu, it is still unknown if there were police casualties.

 

All Headline News made contact with Somali government police officers concerning the issue but all have declined comment at this time.

 

In November, the transitional federal government of Somalia arrested more than 75 people linked to the Al Shabaab militant group following days of rampant violence and insurgency in parts of government-controlled areas of Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Shariif oo furumaha booqday.SAWIRRO

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqday Furumaha ay ciidamada Dowladdu ku sugan yihiin ee magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha ayaa kormeeray Warshadda Caanaha iyo Isbitaalka Xoogga oo ay ciidamada Dowladdu difaac uga jiraan isagoo soo maray fariisimo kale oo degmada Hodon ka tirsan.

 

Cutubyo ka tirsan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayuu salaam ka qaatay Madaxweynaha oo ku labisnaa Tuutaha Ciidamada, waxaana warbixin halkaasi ku siiyay saraakiisha ciidamada ee ku sugan jiidda dagaalka.

 

Hadal gaaban oo uu siiyay Radio Muqdisho ayuu ku sheegay in socdaalkiisu uu dhiirri gelin u yahay ciidamada, isla markaana uu qeyb ka yahay dardar gelinta howlaha ammaanka ee dalka.

 

Ku simaha R/wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay booqday fariisimaha ciidamada Dowladda ee ay uga jiraan difaaca, ayagoo warbixino ka qaatay saraakiisha ciidamada eek u sugan halkaasi.

 

 

img_1595.jpg

 

img_1577.jpg

 

shariif-aaga%20(1).JPG

 

shariif-aaga%20(2).JPG

shariif-aaga%20(5).JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 24-Janaayo-2011

 

Ciidamada dowladda oo maanta baaritaan ka sameeyay ex-control Afgooye

cidanbaritan.jpg

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo tiro badan ayaa maanta soo buux dhaafiyay Ex-control Afgooye, halkaasoo ay ka sameeyeen baaritaano ay ku adkeynayeen amniga.

 

Gaadiidka kala duwan iyo dadka lugeeya ee istocmaala nawaaxiga Ex-control Afgooye ayaa lagu sameeyay baaritaanada.

cidanbaritan2.jpg

 

Taliyaha ciidamada maanta sameeyay baaritaanadan Axmed Cabdullaahi oo saxaafadda kula hadlay Ex-control Afgooye ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amaanka goobaha ay gacanta ku hayso dowladda ee Muqdisho.

 

Waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada noocaan ah tan iyo inta laga xaqiijinayo amniga.

 

Dhowr jeer oo hore ayaa Ex-control waxaa ay ciidamada dowladdu ku qabteen hub lagu siday gaadiid kuwaasoo loo gudbiyay dhanka kooxaha kasoo horjeeda dowladda.

 

cidanbaritan1.jpg

 

Si kastaba amniga degmooyinka ay gacanta ku hayso dowladda ayaa mudooyinkan dambe noqday mid la isku haleyn karo, iyadoona uu wax weyn ka badalay maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya ciidamada kala duwan ee dowladda.

 

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli sidoo kale baaritaano ay ka sameeyeen ciidamada dowladda degmooyin ka mid ah gobolka Banaadir sida degmada Waaberi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Garoonkaan 2KM ma gaaraa horta? :D

 

Kooxda Elman 1-0 uga adkaatay Savana FC

ElmanFC.jpg

 

Isniin, Monday, January 24, 2011 (HOL) - Kooxda adag ee Elman FC ayaa galabta 1-0 uga taqalustay dhiggeeda Savana, kaddib markii ay labada kooxood iskaga horyimaadeen ciyaartiii ugu horeysay ee horyaalka K/cagta Soomaaliya ee ka garoonka Jaamacadda ee magaaladda Muqdisho.

Goolka qura ee guusha waxaa kooxda Elman u dhaliyay laacibkeeda Qaasim Siidoow Xasan (Baaruud), isagoo laad aad u xoog badnaa dhaafsiyay goolhayaha kooxda Savana, kaddibna shabaqa dhex dhigay kubada cajiib aheyd.

Qeybtii hore ciyaarta waxa lagu kala nastay 0-0, iyadoo goolkaas Elman uu dhashay daqiiqadii 62-aad ee qeybtii dambe ee ciyaarta.

 

Guushan Elman waxay farxad weyn u tahay tababaraha cusub ee kooxda Elman Yuusuf Ali (Yu Ali), maadaama kulankan uu ahaa kulankiisii ugu horeeyay ee isagoo macallin u ah kooxda Elman uu guuleysto.

 

SavanaFC.jpg

 

“Waan ku faraxsanahay guusha aan ka gaarnay ciyaartii galabta ee Savana, runtiina billow wanaagsan ayay aniga iyo ciyaartooydaba u tahay” ayuu yiri laacibkii hore ee khadka dhexe ee kooxda Elaman Yu Ali oo isla markaana ah tababare ku xigeen xulka qaranka K/cagta SOomaaliyeed ee The Ocean Starts.

Tababaraha kooxda laga badiyay ee Savana Maxamed Jaylaani Ajeeloow ayaa markii ciyaartu dhammatay wuxuu ciyaartooydiisa kula hadlay qolka labiska ee garoonka Jaamacadda, wuxuuna yiri “Ha wal-walinina, waxaan guulo xoog lah gaari doonaa ciyaaha soo socda, waana ku dagaallami karnaa kulmada kale, guulo wax ku ool ah ayaan gaari karnaa haddii niyad wanaageena aan adkeysano, horyaalkuna waa biloow”

 

Iyadoo kumanaan taageerayaal ah ay galab kasta u soo daawasha tagaan garoonka ciyaaruhu ka socdaan ayaa berri waxaa ciyaar adag dhex mari doontaa kooxaha SITT Daallo iyo Kooxda Horseeed FC, waxaana ciyaartaas billaaban doontaa 3:30 galabnimo.

 

Farah Blue

fblue@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Nice Oba!

---------

Harvard Kennedy School Alumnus Helps Fill Leadership Void in his Native Somalia

 

logo.ksg.gif

 

 

by Doug Gavel

Tuesday, January 25, 2011

 

 

Abdiweli Ali MPA 1999 has spent his academic career researching economic growth and development, public finance and international trade. In recent years, his focus has shifted primarily to the effect of institutions on economic growth within countries and regions. Now Ali has the opportunity to apply what he has learned as he assumes office as the new Deputy Prime Minister of the Transitional Federal Government of Somalia.

 

harvard-kennedy-school-alumnus-helps-fil

 

The country has a troubled recent history plagued by the aftereffects of colonialism, religious conflict and civil war. But now, the nation is experiencing a relative peace as the new government takes shape and new leaders emerge to tackle the many economic and political challenges facing it, its citizens, and its neighbors.

 

“The biggest challenge that Somalia is facing is the collapse of state institutions. The economic infrastructure is completely destroyed. The rule of law is quite tenuous including the emergence of radical groups and piracy,” says Ali, who also serves as the nation’s Minister of Planning and International Cooperation. “Twenty years of civil strife is too long and the Somali people are ‘sick and tired of being sick and tired.’”

 

Ali was born and raised in Somalia and attended Somali National University in Mogadishu as an undergraduate student. His mother still lives there, as do his brothers and sisters. Supplemental to his work as an associate professor of economics at Niagara University, Ali has spent much time in his native country in recent years, assisting with public finance management and helping draft the nation’s Reconstruction and Development Plan (RDP) on the heels of the disruptive civil war.

 

 

 

Somalia’s transitional government has much work to do, Ali says, especially in the area of security and national reconciliation.

 

“The new government has a strategic vision to fight all extreme elements in Somalia. The new government is training a new Somali army with the help of additional forces from the African Union funded by the United Nations and other stakeholders of Somalia,” he says. “We are also undertaking national reconciliation efforts to unite the Somali people and to inculcate in them that the preservation of Somali unity is of paramount importance. Only with unity can Somalia come back to its former self.”

 

Ali, who received the Joel Leff Fellowship while at HKS, believes that his work in Mogadishu will be enhanced by his Kennedy School education, saying that his time at Harvard was “instrumental on my political outlook, particularly in my perspective on the economical and political challenges facing developing countries including fragile states like Somalia.”

 

He fondly recalls serving as a Teaching Fellow for then-professor David T. Ellwood and former professor Theodore Panayotou, and he remarks how the Forum speaker series affected him profoundly, allowing he and other students to hear from and meet with many esteemed world leaders in an intimate setting.

 

Despite the tremendous obstacles facing the country, Ali is confident that stability is attainable, economic development can occur, and Somalia could become a thriving African nation once again.

 

“I have a realistic expectation that the situation in Somalia will improve soon and quickly…I am quite confident that Somalia will soon be back to the community of nations,” he says.

 

Source: Harvard Kennedy School

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this