Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

1593-full-so.jpg

 

Dowladda oo sheegtay inay hormarineyso Afka Soomaaliga.

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Wasaaradda Waxbarashadaha Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku dadaali doonto sidii loo dayactiri lahaa goobaha waxbarashada ee kuyaala Magaalada Muqdisho iyo hormarinta Luuqada afka Soomaaliga.

 

ww%20barbarinta%205.jpg

 

Wasiirka wasaarada Waxbarashadaha Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumada KMG Soomaaliya C/nuur Sheekh Max’ed ayaa sheegay in Wasaaradiisa muhiimada ay saari doonto sidii ay u hormari laheyd luuqada Soomaaliyeed iyo Manhajkii Soomaaliya.

 

Waxaa uu sheegay Wasiirka Waxbarashada in ay dayactiri doonaan iskuulaadka bur bursan ee kuyaala dalka islamarkaana ay kusoo celin doonaan adeegyadii waxbarasho ee ay qaban jireen, isagoo tilmaamay in iskuulaadkaasi ay hoostagi doonaan wasaarada waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda KMG Soomaaliya.

 

C/nuur Sheekh Max’ed waxaa uu balan qaaday in xukuumadda Farmaajo ay xooga saari doonto sidii ay u hormari laheyd tacliinta Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay la kaashaanayaan arinkaasi daladaha kala duwan ee ka jira dalka sida uu yiri.

 

Hadalkaani ayaa waxaa uu jeediyay Wasiirka wasaarada Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda KMG Soomaaliya C/nuur Sheekh Max’ed xili uu la wareegayay xilka wasaarada Waxbarashada kadib munaasabad ka dhacday hargaha iyo saamaha iyadoo xilka wasaarada waxbarashada uu wareejiyay Wasiirka Hore ee waxbarashada C/nuur Macalin Max’uud.

 

Wasiirka Maanta Wasiirka Xilka Wasaarada Waxbarashada oo halkaasi hadlay ayaa waxaa uu ku dheeraaday ka hadlida marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay wasaarada Waxbarashadaha iyo wax u qabsoomay inta uu xilkaasi hayay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ciyaarytoyda Xulka gobolka Banaadir oo Lagu Soo Dhoweeyey Muqdisho

 

dsc05637.jpg

dsc05648.jpg

dsc05652.jpg

dsc05654.jpg

dsc05662.jpg

 

Ciyaartoydii Gobolka Banaadir ee ku soo guuleystay koobka 18aad ee Gobollada ee lagu soo gabagabeeyay Magaalada Garowe ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho.

 

Wafdi ay qeyb ka yihiin Ciyaartoyda gobolka banaadir oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo masuuliyiin ka tirsan Xirirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa maanta ka soo degay garoonka Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho oo ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka socotay wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga iyo xubno ka socda maamulka gbolka Banaadir.

 

Ciyaartoyda ayaa xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay Hotelka Naasahablood II, ee magaalada Muqdisho waxaana halkaas hadalo ka jeediyay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xubno kale.

 

Wasiirka Dhallinyarada ayaa sheegay in tartanka furtaankiisii uu tagay Wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Xidig gabagabadiina uu wakil u ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Tarsan, wuxuuna sheegay in xiriirka kubadda cagta, Ciyaartoyda gobolka iyo maamulkaba ay wasaaraddu u qaban doono xaflad gaar ah.

 

Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan" ayaa u mahad celiyay Maamulka Puntland iyo shacabka re Garowe, wuxuuna sheegay in Madaxweyne Faroole uu sanadka dambena marti qaaday koobka hase yeeshee uu ku dadaali doono isagoo kaashanaya shacabka in ammaanka magaalada la hagaajiyo sanadka dambena Muqdisho lagu qabto kulanka tartanka ciyaaraha gobollada dalka. ;)

 

Dadaal dheer ayuu sheegay Guddoomiyuhu in uu u gali doono sidii loo soo celin calaa Astaamihii magaalada Muqdisho ay caanka ku ahayd iyo kaalintii ay uga jirtay dalka, wuxuuna tilmaamay in ammaan darrida ka jirta ay sabab u noqotay in xuquuqdeedii ay qaataan magaalooyin kale oo nabdoon.

 

Ciyaartoyda gobolka Banaadir ayaa wejigooda ka muuqanaayay farxad badan iyadoo ay wateen koobka ay kusoo guuleysteen,waxaana galbiyey masuuliyinta ku sugeysay garoonka.

 

 

RM

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inaan garoonka Muqdisho looga dhoofi karin baasaboorkii hore ee Soomaaliya

gaafow.jpg

 

Axad, 02 Jannaayo, 2011 (HOL) − Dowladda Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay sheegtay inaan looga dhoofi karin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho baasaboorkii hore ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in lagu dhoofi karo oo keliya baasaboorka cusub ee E-Passaport.

 

"Waxaan keennay Muqdisho, makiinadihii sameynayay baasboorka, ugu badnaanna qofka wuxuu ku helayaa marka uu dalbado baasaboor cusub saddex maalmood, marka ma jirto sabab loogu dhoofo baasaboorkii hore ee Soomaaliya," ayuu yiri taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya Gen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo maanta la hadlya saxaafadda Muqdisho.

 

Gen. Gaafow, wuxuu sheegay in sababta makiinadaha sameeya baasaboorka loo keenay Muqdisho ay tahay, in shacabka Soomaaliyeed loo fududeeyo inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku helaan baasaboor ay ku dhoofi karaan.

 

"Ma jiro, qof aan ka aqbali doonno inuu baasaboorkii hore kaga dhoofo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waa in la ogaado in la joojiyay, qofkii dhoof rabana uu dalbado baasaboorka cusub," ayuu yiri taliyaha oo sheegay in Soomaalida dibadaha dalka ku nool ay u fududeeyeen helintaanka baasaboorka cusub ee Soomaaliga.

 

waaxda%20socdaalka%2018.JPG

 

Baasaboorka ay sheegtay DKMG ah in lagu dhoofayo ayaan laga ogoleyn maamulka Somaliland oo sheegtay inay Soomaaliya inteeda kale ka go'day, iyadoo boqolaal qof ay bil walba isaga dhoofaan Muqdisho iyo Somaliland, waxaana maamulkaas uu sheegay inay xiri doonaan qofkii baasaboorka cusub kusoo gala deegaannadooda.

 

Waa markii ugu horreysay, oo ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqdo in baasaboorkii hore ee Soomaaliga aan looga dhifi karin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo ah midka keliya ay gacanta kaga hayso garoommada Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Shirkii Golaha Xukuumadda Federaalka [faahfaahin+ sawiro]

 

January 3, 2011

 

 

Afhayeenka xafiiska xukuumadda Federaalka Cabdi Xaaji Gobdoon ayaa saxaafadda uga waramay shir ay isugu yimaaadeen golaha wasiiraddu, Warka afhayeenka ayaa u dhignaa sidan

Isniin, 03.01.2011——-Shir golaha Wasiirada xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay isugu yimaadeen kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa looga dooday dhowr qodob oo uu ugu horeeyo in howlaha muhiimka ah ee xukuumada lagu soo koobo 5 qodob oo kala ah.

 

golaha3.jpg

golaha1.jpg

golaha2.jpg

 

1. Inay ammaanka wax ka qabato

2. Inay fuliso dowlad wanaag

3. Inay hirgeliso Dastuurka

4. Inay dib u heshiisiinta dardargeliso

5. In wax laga qabto Arrimaha gargaarka Bani’aadamimada

 

Dood dheer kadib golaha wasiiradu waxay isku raaceen in xooga la saaro dhiirigelinta qodobadaasi.

 

Golaha wasiiradu waxaa kale oo ay ka doodeen qodob ku saabsan la dagalanka musuqmaasuqa iyo cirib tirka sidaasi darteed, guluhu wuxuu isku raacay in la sameeyo guddi heer qaran oo ka howlgala la dagaalanka musuq maasuqa.

 

Qodobka saddexaad ayaa looga dooday sameynta xeer hoosaad u gaar ah golaha Wasiirada kana kooban 11 qodob oo ay ka mid ahaayeen xushmeynta iyo illaalinta Dastuurka Federaalka KMG ah oo ay balan qaadeen goluhu inay si daacadnimo ah u fulinayaan, soo celinta kalsoonida shacabka, hagaajinta dowlad wanaaga, illaalinta maslaxada guud ee Diinta, Dalka iyo dadka iyagoo ogolaaday inay ku dhaqmayaan dhamaan qodobadaasi xeerka u ah golaha Wasiirada.

 

Wuxuu kaloo goluhu isku raacay in dabogal lagu sameeyo dhamaan hay’addaha dowladda heshiisyadii ay horay u galeen, ayna u soo gudbiyaan muddo 3 cisho gudaheed ah heshiisyada xafiiska Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

 

Sidoo kale, Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed wuxuu dhegeystay dacwad uu xeer ilaaliyaha Qaranku ku soo oogay Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux kaasoo codsanaya in xasaanadda laga qaado kadib markii uu si sharci ah ku galay dekeda Muqdisho, dood dheer kadib golaha waxay isku raaceen in guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyo arrintaasi.

 

Ugu dambeyntii golaha Wasiiradu waxay dhegeysteen warbixino ay u soo jeediyeen Wasiiro ka soo laabtay safaro dibadda.

 

Xafiiska Afhayeenka Xukuumada

Cabdi Xaaji Gobdon

E-mail: media@opm.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka sheegay xaflad xil wareejin ah in wasiirradu la yimaadaan waxqabad muuqda

 

agaasin4.jpg

Arbaco, 05 Janaayo, 2011 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa ugu baaqay wasiirrada xukuumadda inay la yimaadaan howl wanaagsan, muddada yar ee u harsan xukuumadda.

 

"Shaqo dowladeed, waa wax isbadal ah. Aniga waxaan xafiiska joogayaa muddo sideed bilood ah, waxaa la yaabaa markaas kaddib inaan shaqo kale hayo, sidaas daradeed waxaan weydiisanayaan wasiirrada iyo shaqalaaha dowladda in mudada ay xilka hayaan ay la yimaadaan howlkarnimo," ayuu yiri Farmaajo oo ka hadlay xaflad xil wareejin ah oo ka dhacay xafiiskiisa.

 

agaasin3.jpg

 

Xafladdan, ayaa waxaa xilalka kula kala wareegayay agaasimihii hore ee xafiiska ra'iisul wasaaraha Suudi Siciid Suudi iyo agaasimaha cusub Abuukar Daahir Cismaan (Baalle), kuwaasoo iyaguna hadallo ka jeediyay goobta.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuu kula dardaarmay mas'uulka cusub ee xilka la wareegayay inuu la yimaado howlkarnimo, isagoo ka codsaday xubnaha kale ee dowladda inay la shaqeeyaan si uu u guto xilka culus ee loo dhiibay.

 

Mudane Siciid Suudi, oo ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xilka ku wareejiyo saaaxiibkiis cusub Abuukar Baalle, isagoo xusay inuu yahay mas'uul howlkar ah oo xilkan gudan kara, uuna la shaqeynayo.

 

agaasin7.jpg

Agaasimaha cusub ee xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, oo isaguna xafladda uu xilka kula wareegay ka hadlay, ayaa sheegay inuu kaga mahadcelinayo Farmaajo sidii uu ugu dhiirrigeliyay inuu dalka kusoo laabto una shaqeeyo dalalka iyo dadka.

 

Ugu dambeyn, agaasimaha cusub, wuxuu sheegay inuu ku rajoweyn yahay inuu u guto howshiisa si waafaqsan sharciga dalka u dagsan, isagoo ka codsaday xubnaha kale ee dowladda inay gacan ku siiyaan sidii uu howshiisa u gudan lahaa.

agaasin2.jpg

agaasin1.jpg

agaasin5.jpg

agaasin.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xukuumadda Soomaaliya oo la dagaallameysa Musuqmaasuqa. War-saxaafadeed.

 

00%20627.jpg

 

Muqdisho – Jannaayo 6, 2011) - Wasiirka Maaliyadda iyo Lacagta, Mudane Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay in xukuumaddu si xooggan ula dagaallameyso musuqmaasuqa iyo maamuldarrada

maaliyadeed, isagoo ku boorriyay shaqaalaha dowladda inay ka qeybqaataan ololahan.

 

Wasiirka oo ka hadlayay aqoonis-weydaarsi hal maalin soconayay oo loo qabtay Agaasimeyaasha Guud ee dhammaan wasaaradaha, wuxuu ka codsaday inay ku shaqeeyaan miisaaniyadda 2011ka ee bishii la soo dhaafay ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Wasiirku wuxuu u sheegay ka-soo-qeybgalayaasha in musuqmaasuqa lagula dagaallami karo hufnaan iyadoo si adag loo raacayo waxyaabaha ku xusan miisaaniyadda iyo in si wanaagsan loomaamulo.

Wuxuu qiray in maadaama uusan jirin miisaaniyad la meel-mariyay ay dhalisay dal-daloollo

dhinaca nidaamka maaliyadda ah.

 

Habka ugu wanaagsan ee lagula dagaallami karo musuqmaasuqa in haggaamiyeyaashu tusaale

noqdaan, haggoomiyeyaashuna waxaa ugu horreeya agaasimaha guud. Nasiib wanaag, inaga oo ay na hoggaaminayaan Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha waxaa siyaasad ahaan naga go’an inaan la dagaallano musuqa, waxaana la weydiisanayaa agaasimeyaasha inay go’aankaasu beddelaan ficil.

Horraantii toddobaadkan ayaa Raysal-wasaaraha Soomaaliya waxa uu ka codsaday dhammaan

wasiirrada inay mudaanta siiyaan arrimaha dowlad wanaagga iyo hufnaanta. Wuxuu Raysalwasaaruhu sheegay in la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo dadaallada sare loogu qaadayo hufnaanta iyo dowlad wanaagga inay naga caawinayaan inaan si wanaagsan u bixinno dhaqaalaha awalba aad u yaraa, isla markaana loo duwo adeegyada iyo dadka u baahan.

 

Golaha wasiirradu wuxuu sidoo kale isla oggolaaday dhammaan wasiirrada, wasiirudowlayaasha iyo wasiir-ku-xigeennada inay saxiixaan sharci anshaxeed iyo weliba inay Xafiiska Raysal-wasaaraha u soo gudbiyaan hantida ay leeyihiin.

Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

Wasaaradda Warfaafinta,

Boostaha & Isgaarsiinta

Xafiiska Xiriirka Warfaafinta

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

LOL@afhayeenka... safiirka dawlada u fadhiya SOL ayaan ahay....lol..I'm on the payroll (jk)....:D:D

Halaga doodo yaa diidan...

 

p.s. Somaligeyga has improved, marka I aint complaining...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Shirkadda SKA oo faah faahisay howlaheeda Shaqo

 

1783-full-so.jpg

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Warsaxaafadeed kasoo baxay Shirkadda SKA ee ka howlgasha garoonka diyaaradaha ee International Aadan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu faah faahiyay howlaha shaqo oo ay ka hayso garoonkaasi.

 

Warasaxaafadeedkaan oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyay Idaacadda Shabelle ayaa lagu xusay in Shirkadda SKA ay tahay Shirkad Caalami ah oo si gaar ah looleeyahay, waxaana howlaha shirkada qabato ay ka mid yihiin sida lagu sheegya Warsaxaafadeedka qalabaynta, Tayeenta iyo socodsiinta howlaha shaqo ee Airpor-ada.

 

Sidoo kale Warsaxaafadeedkaasi ayaa lagu sheegay in Shirkadda Xarunteed wayn ay ku taalo Dalka isu-taga Imaaraadka Carabta, iyadoo Warsaxaafadeedkaas lagu tilmaamay in Shirkadda aysan wax shaqo ah kulahayn howlaha amaan iyo Maamul ee ka dhexjira gudaha Airpor-ka Muqdisho.

 

Warasaxaafadeedka kasoo baxay Shirkadda SKA ayaa lagu soo bandhigay cida bixinaysa qorashka ku baxaya dhismaaha haatan ka socda gudaha Airpor-ka magaalada Mudisho, waxaana ay shirkadda ay ka dhawaajisay in dhaqaaalaha ku baxay Airpor-ka ay jeebkeeda ka bixinayso Shirkadda SKA.

 

SKA ayaa waxaa ay Warsaxaadeedkeeda ku xustay in Shirkadda ay dib qarashkeeda u ceshan doonto markii howlaha shaqo ee Airpor-ka ay dhameyso, taasi oo ay ku tilmaameen xiliga ay soo gaca dhigtaan diyaarado farabadan.

 

Ugu dambeyntii Shirkadda SKA International ayaa Warsaxaafadeedka ku sheegtay in dalka Soomaaliya hadii maalgashi lagu sameeyo ay gacan ka gaysan karto nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this