Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Somalia arrests 10 Indian sailors in Mogadishu

 

 

Somali police say they have arrested 10 Indian sailors in the Somali capital of Mogadishu.

 

Police spokesman Abdullahi Hassan Barise says they are under investigation and the police will release a statement shortly.

 

Businessman Bashir Hassan says the men were arrested because Somali businessmen had chartered their vessel, the Muskan, to carry charcoal from the ports of Barawe and Kismayo. Both ports are controlled by Islamist insurgents trying to overthrow the weak UN-backed government.

 

Hassan says the 10 were handcuffed today and taken to Mogadishu's central prison.

 

Last year the government banned the export of charcoal. Burning trees to make charcoal is one of the few ways to make money in arid, poverty-stricken Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ka ambabaxay Muqdisho

 

safar1.jpg

Talaado, 11 Janaayo, 2011 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Max'ed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Muqdisho ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Mareykanka, oo ay uga qaybgalaan shir Qarammada Midoobay ay uga hadlayso Soomaaliya.

 

"Safarkeygu, waa mid ku wajahan dalka Mareykanka, gaar ahaan New York, waxaan uga qaybgeli doonaa shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan dib u dheshiisiinta iyo ammaanka dalka," ayuu yiri Farmaajo.

 

Ra'iisul wasaaruhu, wuxuu sheegay in shirkan oo furmi doona 14-ka bishan uu socon doono laba maalmood, uuna rajeynayo inuu ku dhammaado si guul ah, isagoo xusay in xukuumadda uu hoggaaminayo ay tahay mid haysata kalsoonida caalamka.

safar.jpg

"Shirkan, wuxuu kaga badalan yahay shirarkii hore, caalamku wuxuu ku qanacsan yahay sida ay ku shaqeynayso xukuumadda cusub, waayo waxay ku guuleysatay inay baabi'iso musuq-maasuqa iyo inay bixiso mushaaraadka ciidammada," ayuu yiri Farmaajo.

 

Wafdiga ra'iisul wasaaraha, waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiyay xubno ay ka mid yihiin; wasiirka Difaaca C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax iyo wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta C/kariin Xasan Jaamac.

 

Ra'iisul wasaaruhu, wuxuu sidoo kale sheegay in shirka uu ka qaybgalayo looga hadli doono kordhinta ciidammada AMISOM oo dowladda ka difaaca weerarrada kaga yimaada kooxaha hubeysan, iyo howlgalkooda Soomaaliya.

 

Safarkan, ayaa noqonaya kii labaad oo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu dalka dibaddiisa ugu ambabaxo, tan iyo markii xilkan loo magacaabay, isagoo safarradii hore ku tagay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo dariska la ah Soomaaliya.

safar5.jpg

Dhanka kale, waxaa isla maanta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ka dhoofay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar, iyagoo kusii jeeda dalka Norway oo ay uga qaybgalayaan shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayo.

 

Wafdiga Oomaar, ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) iyo wasiiru dowlaha xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

safar3.jpg

safar4.jpg

img_2849.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dowlada oo maalintii 2-aad soo bandhigtay Maleeshiyaad isu soo dhiibay

 

Dowlada KMG ah ayaa maanta soo bandhigtay Dhalinyaro ka tirsanaa Shabaab oo isa soo dhiibay.

 

Dhalinyaradan isu soo dhiibtay gacanta dowladda KMG Soomaaliya oo tiradoodu gaarayso ilaa iyo lix ruux islamarkaana ay maanta soo bandhigtay ha’adda Nabad Sugida Qaranka ayaa ah kuwa haatan ku faraxsan sida diiran ee loo soo dhaweeyey, waxaana ay dhamaantood hoosta ka xariiqeen in ay ka go’antahay la shaqeynta ciidamad Qaranka Soomaaliyeed.

 

Afhayeenka Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka korneel Ibraahim Cumar Aadan oo goobta lagu soo badhigay 6-daasi dhalinyarada ah ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey qaabka ay dhalinyaradasi uga soo tageen kooxihii ay markii hore ka tirsanaayeen, iyo sida ugu suurta gashay in ay dowlada isu soo dhiibaan.

 

Korneel Abuukar Cumar Aadan waxa uu xusay in dhalinyaradaani ay ka soo carareen dhibaatada lagu hayey iyo tan shacabka Soomaaliyeed loo geysanayo, isagoo intaa ku daray in ay u sameeyeen Saldhig lagu xareeyo dhalinyarada ka soo tagaya Maleeshiyaadka Shabaab.

 

Sidoo kale qaar ka mid ah dhalinyaradasi isu soo dhiibtay gacanta dowladda Soomaaliya oo halkasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin ku soo biiritaanka dowladda, ayna ka go’atahay sidii dhalinyarada kale ee ay maleeshiyaadkasi qalden ay ugu soo biirin lahaayeen dhinaca dowladda.

 

Waxa kaloo dhalinyaradaan ay tilmaameen in waxyaabaha ku kalifay in ay ka soo tagaan kooxdaasi ay ugu wacantahay kadib markii ay u dulqaadan waayeen dhibaatada joogtada ah ee ay kooxdasi ku hayaan umadda Soomaaliyeed.

 

Mahad Max’ed C/llahi oo ahaa horjoogihii dhalinyaradaasi watay iyo Caadil Max’ed Sabdow oo isna ka mid ah dhalinyarada saakay isa soo dhiibtay ayaa waxa ay sheegeen in ajaanib u dhashay wadamada Kenya iyo Pakistan ay tababaro kala duwan siiyaan dhalinyarada ay Maleeshiyaadka Al-shabaab qaldayaan ayna doonayaan in ay ku sii huriyaan dagaalada aan dhamaadka lahayn ee ay kooxdasi ka waddo Soomaaliya.

 

Arintaan ayaa ku soo aadaysa xilli hay’adda Nabad Sugida Qaranka ay maalinkii shalay soo bandhigeen 7- dhalinyaro ah oo kooxdaasi kasoo tagay waxaana isa soo taraya maalinba maalinta ka dambeysa dhalinyarada iskood isu soo dhiibaya gacanta dowladda kadib markii ay arkeen dhibaatada ay kooxdasi ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Qodax Qorax;686717 wrote:
Why dont you ask former PM Geedi for some caawimo, he is 50 years old and has 50 miljoen dollars. Or ask Abdiqasim Salat what he has done with the 300 miljoen dollar Carab support, or ask all the other tuugs from Muqdishu who have been robbing the money which was meant to rebuiold the nation.

You do the asking, I will wait for the answers.

FYI: Tuug wuu buxaa meelwalba, or should I say "muggers"... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho – Jannaayo 11, 2011) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa in ka badan 20meeyo carruur iyo dhallinyaro ah dib ugu celisay qoysaskooda iyo bulshadaba kaddib markii ay ka soo baxsadeen kooxda al-Shabab oo qasab ah ku askareysay. Qaar ka mid ah dhallinyarada ayaa magangelyo iyo deegaanba ka helay guri ay siisay Xukuumaddu. Xukuumadda ayaa tallaabadan qaadday iyadoo ay sii kordhayaan tirada dhallinyarada ka soo baxsaneysa kooxda dowladnimo-diidka ah ee Al-Shabaab.

 

Dhallinyarada ayaa la kulmay mas’uuliyiinta Xukuumadda, iyagoo loo ballanqaaday in Xukuumaddu cafis u fidineyso qofk kasta oo faraha kala baxa dagaallada, isla markaana doonaya inuu dalka ugu noolaado isagoo muwaadin nabadda jecel. Dhallinyaradan iyo carruurta waxay la soo kulmeen dhibaatooyin badan oo da’dooda ka weyn. Iyagoo u warramayay Raadiyo Muqdisho, waxay ka sheekeeyeen wixii ay u soo joogeen.

 

“Wax xiriir ah lamaynaan lahayn qoysaskeena intii aan ka tirsaneyn Al-Shabaab. Waxaan nalagu qasbay inaan sameyno ama goobjoog u ahaano falal arxan-darro ah oo mararka qaarkood ka dhan ah dad ka tirsan qoysaskeena.”

 

Waxaa si xowli ah u sii kordhaya tirada waalidinta la’ carruurtooda meel ay jaan iyo cirib dhigeen. Xukuumaddu waxay si qoysaskaas kala shaqeyn doontaa sidii ay dib ugu heli lahaayeen carruurtoodii laga kaxaystay.

 

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isagaarsiinta, Mudane C/kariim Xasan Jaamac ayaa yiri:“Xukuumaddu way soo dhoweyneysaa dhallinyarada, waxayna ka caawin doonta sidii ay nolol caadi ah dib ugu billabi lahaayeen. “Waxaan weydiisaneynaa beesha caalamku inay gacan nagu siiyaan sidii carruurta iyo dhallinyarada looga badbaadin lahaa in laga dhigo xag-jir, iyadoo la siinayo fursado dhaqaale iyo kuwo waxbarasho iyo barnaamijyo wacyigelin ah.”

 

Haatan Raadiyo Muqdisho waxaa ka baxa barnaamijyo loogu talogalay in lagu wacyi-geliyo dhallinyarada ay kooxda Al-Shabaab marin-habaabisay.

 

Maleeshiyada Al-Shabaab waxay inta badan askar ahaan u qortaan carruurta maadaama carruurta si sahlan maskaxda looga qabsan karo, iyadoo carruurtu la socon khataraha jira iyo waxa xun iyo waxa fiican. Marka ay dambi galaan waxay ku qasbanaadaan inay ku tiirsanaadaan kooxdii askareysay iyagoon baxsan karin, ugu dambeyntana khatar ku ah naftooda iyo bulshada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Midowga Afrika oo tababar Kenya ugu bilaabay saraakiil ka tirsan DKMG

 

 

Nairobi: (Sh. M. Network) Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay bilaabeen in qorsho lagu tababarayo ciidamada booliska dowladda KMG Soomaaliya kaasi oo ka dhacaya wadanka Kenya.

 

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Ururka Midowga Afrika, 192- sargaal oo isugu jira heerka hoose iyo heerka dhexe oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa tabar ay gacan ka gaysanayso AMISOM uu ugu bilowday xero tababar oo lagu magacaabo Wildlife Training Iskuul oo ku taala deegaanka Manyani ee dalka Kenya.

 

Bayaanka ayaa waxaa uu intaasi ku daray in dowladda Kenya ay ku deeqday in qaar ka mid ah saraakiisha ciidamda dowladda KMG Soomaaliya lagu tababaro xeradaasi, kuwaasi oo la dagaalami doono Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta wadanka Soomaaliya.

 

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Boubacar Diarra, ayaa waxaa uu sheegay in wax shaki uusan ku qabin tabaarayaasha dhinaca booliska ah ee ka socda xerada Kenya inay yihiin dad qibrad sare u leh howlaha tababaridda.

 

Baoubacar Diarra waxaa uu intaasi ku daray in saraakiisha dowladda ee lagu tabarayo xero ku taala dalka Kenya in la siin doono casharo la xiriira, howlaha booliska, ilaalinta xuquuqda aadanaha, loojistakada iyo maareynta dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya.

 

Sida ku cad waa jibaadka ciidamda AMISOM, AMISOM waxaa loo xilsaaray tababaridda ciidamda dowladda KMG Soomaaliya iyo ilaalinta ilaha muhiimka oo ay dowladda KMG leedahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

One more safar to report.

 

Wasiirka Wafaafinta, boostada iyo isgaarsiinta DKMG ah oo safar ugu ambabaxay dalalka Kenya iyo Cummaan

 

Arbaco, 12 Janaayo, 2011 (HOL) − Wasiirka wafaafinta, boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xasan Jaamac, ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo kusii jeeda dalalka Kenya iyo Cummaan oo uu shirar kaga qaybgalayo.

 

"Safarkeygu, wuuxu ku wajahan yahay dalalka Kenya iyo Cummaan, waxaanse ku hormarayaa magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, oo aan kulammo kula yeelanayo maalinta Jimcaha ah hay'adaha Qarammada Midobay," ayuu yiri Mr. Jaamac.

 

Wasiirku wuxuu sheegay, inaysan cidna ku wehlin safarka uu kaga dhoofayo magaalada Muqdisho, balse uu magaalada Nairobi kaga biirayo xoghayihii joogtada ahaa wasaaradda warfaafinta.

 

"Hay'adaha Qarammada Midoobay, waxaan kala hadli doonaan sidii loo gargaari lahaa dadka ku dhibaateysan Soomaaliya iyo sidii howlaha dowladda loo dardagelin lahaa," ayuu yiri wasiirka wafaafinta oo la hadlay saxaafadda intii uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 

Dhanka kale, wasiirku wuxuu sheegay in 17 illaa 18-ka bishan, uu kaga qaybgeli doono dalka Cummaan shir looga hadlayo tiknolojiyada warbaahinta iyo isgaarsiinta dalalka Carabta, isagoo sheegay inay kasoo qaybgeli doonaan dalalka carabta, laguna soo bandhigto doono isbadalka tiknolojiyada.

 

Safarka wasiirka wafaafinta, ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay ay Muqdisho ka ambabaxeen laba wafdi oo ay kala hoggaaminayaan ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo ra'iisul wasaare ku xigeenka aha wasiirka arrimaha dibadda, kuwaasoo shirar looga hadlayo arrimaha Soomaaliya uga qaybgalaya dalalka Mareykanka iyo Norway.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in ciidammada dowladdu ay la dagaalami doonaan Xarrakatul Shabaab

 

Khamiis, 13 Janaayo, 2011 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in ciidammada dowladdu ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku weerari doonaan goobaha ay maamusho Xarrakatul Shabaab.

 

"Ciidammada dowladda oo tiradoodu tahay 8,00 askari, waxay sida ugu dhaqsiyaha badan ku bilaabi doonaan dagaal ay la galaan Xarrakatul Shabaab, si ay dib ugu soo celinayaan ammaanka dalka," ayuu Farmaajo ku sheegay wareysi uu xalay siiyay wakaaladda wararka Mareykanka ee AP.

 

Mudane Farmaajo, wuxuu beesha caalamka iyo Mareykanka ka codsaday inay kordhiyaan gargaarka ay siiyaan DKMG Soomaaliya, si dowladdu ay ugu suurogasho inay dib u soo celiso ammaanka dalka, ayna ka hortagto in argagaxisadu ay ka dhigato Soomaaliya saldhig ay ka duulaan.

 

"Waxay u muuqataa hadda, inaan ka guuleysannay dagaalkii bara-bogaandadii ku dhisnaa," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray: "Dadku waxay rumeysanayaan oo keliya in dalka lagu soo celiyo ammaan."

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, oo wax ku bartay dalka Mareykanka, ayaa sheegay in xukuumadda uu madaxda u yahay ay dib u habeyn ku sameysay ciidammada, ayna siiyeen mushaaraadkooda. Tiradooduna ay haatan tahay 8,000-askari, ayna qorshayaan in 1,000-askari oo kale ay u diraan Uganda, si loosoo tababaro.

 

"Maalmihii ugu dambeeyay, niyadda ciidanku way sarreysay, waxaana rajeynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan au u wajihi doonaan cadowgooda, si dhaqso badan - si dhaqso badan - si dhaqso badan," ayuu Farmaajo ku sheegay wareysigiisa.

 

Balse, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuu xusay in haddii aysan dowladdiisu helin taageero dhaqaale oo caalam ah, aysan shaqeyn karin. Isagoo sheegay in deeqda caalamka ay soo marto Qarammada Midoobay, dowladdiisuna ay ka hesho dekedda iyo garoonka 1-Milyan oo Dollar bishiiba.

 

"Waan soo dhaweynaynaa deeqaha nala siiyo.... laakiin beesha calaamka, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo Mareykanka − waxaan ka codsanaynaa inay sare u qaadaan gargaarka ay siiyaan Soomaaliya," ayuu yiri Farmaajo.

 

Ra'iisul wasaaruhu, wuxuu sheegay in argagaxisada caalamiga ah, waa sida uu hadalka u yiriye, ay leeyihiin xiriir ay dhaqaale isku siiyaan, ayna Soomaaliya u diraan dagaalyahanno shisheeye ah.

 

"Marka aad doonayso inaad ka hortagto koox, waxaad u baahan tahay inaad hesho dhaqaale la mid ah midka ay helaan," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuu sheegay in tirakoob la sameeyay lagu ogaaday in 80% shacabka Muqdisho ku nool ay taageersan yihiin dowladda, halka uu sheegay in 7% shacabku ay taageersan yihiin Al-shabaab, ayna dhawaan u soo goosteen dhinaca dowladda 40-dagaalyahan oo ka tisranaa Xarrakatul Shabaab.

 

"Dadka qaarkood, waxay leeyihiin marka ay dowladdu weerarro ku qaado Xarrakatul Shabaab, waxaa kasoo goosanaya tiro dagaalyahanno ah oo intaas ka badan," ayuu Farmaajo ku sheegay wareysiga uu siiyay wakaaladda wararka ee AP.

 

Bishii lasoo dhaafay, ayaa waxaa midoobay Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam oo si wadajir ah dowladda uga soo horjeeda, iyadoo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu sheegay in taasi aysan waxba ka badalayn siyaasadda dowladda, ayna weli u aqoonsan yihiin 'cadowga nabadda".

 

"Dowladdu, waxay dagaal ka doorbidaysaa wadahadal iyo dib u heshiisiin, waxaana helnaa taleefoonno badan oo rag dhexdhexaadiyeyaal ah ay soo diraan, balse haddii Al-shabaab ay dagaallada sii waddo, waxaan adeegsan doonnaa awood," ayuu yiri Maxamed C/llaahi.

 

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuu ku boorriyay Mareykanka inuu Soomaaliya ku taageero dhaqaale, saanad ciidan iyo fikir siyaasadeed, oo la mid ah kuwa uu ku taageero dalka Afgaanistaan, maadaama labada dal ay xalaadahoodu isku mid tahay.

 

Wuxuu sheegay, in Soomaaliya iyo Afgaanistaan ay ka jiraan dowlado aan awood badan lahayn, isagoo yiri: "Haddii ciidammada NATO ay Al-Qaacida kaga adkaadaan Afgaanistaan, waxay u soo cararayaan Soomaaliya, maxaa yeelay waa goobta keliya oo ay awoodi karaan inay dib isugu habeeyaan, waayo kama jirto dowlad dhexe oo awood leh."

 

Dowladda Soomaaliya, waxaa xilligeedii shaqo uu ku eg-yahay bisha Ogoosto ee sannadkan 2011, iyadoo ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo uu sheegay in dhaqaalaha ay dowladdu hesho ee 1-Milyan ee Dollar ah uusan u dhigmin dhibaatada ay la tacaalayso.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdihso, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Boqlaal ka tirsan saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliya oo tababar ciidan looga furay dalka Kenya

 

Khamiis, 13 Janaayo, 2011 (HOL) − In ka badan 200 oo saraakiisha booliiska dowladda Soomaaliya ka tirsan, ayaa tababar soconaya saddex bilood, laguna baranayo shuruucda, looga furay xerada Manyaani ee dalka Kenya, sida ay sheegeen xubno ka tirsan ururka Midowga Afrika.

 

Saraakiisha, ayaa waxaa ku jira shan haween ah. Waxaana tababarkan lagu sheegay mid sare loogu qaadayo aqoonta ciidanka, iyadoo la barayo sharciga booliiska, sida baaritannada loo sameeyo iyo sida ay shacabka ula dhaqmi lahaayeen.

 

"Qaar ka mid ah booliiska Soomaaliya, waxaa haysa aqoon la'aan. waayo waxay ku dhex shaqeeyaan dagaallo," ayuu yiri furitaankii tababarkan ka sheegay Steven Kasiima oo ah madaxa tababarka.

 

Tabarbarkan, ayaa imaanaya iyadoo Qarammada Midoobay ay dhawaan beesha caalamka ka codsatay inay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan arrimaha dalka Soomaaliya. Xilli ay dowladda Soomaaliya dagaallo maalinle ah kula jirto Xarrakatul Shabaab.

 

Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya, Mr Stefano Dejak, oo ka hadlay tababarkan, ayaa yiri: "Tababarkan, wuxuu kaalin ka qaadanayaa in ciidammada Soomaaliya ay dib u dhaliyaan ammaanka dalkooda, sidoo kalena wuxuu ka saacidayaa dalalka Afrika in Soomaaliya ay arrimaheeda xalliso, iyadoo aanay jirin faragelin shisheeye."

 

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Mr Abubakar Diarra, ayaa isna ku tilmaamay tababarkan inuu yahay mid dib loogu habeynayo qaab-dhismeedka iyo howlaha ciidammada booliiska Soomaaliya.

 

"Shaciga iyo maamulka ma ahan kuwo ay ilaalin karto beesha caalamka, waxaa ilaalin kara oo keliya ciidammada booliiska Soomaaliya," ayuu yiri Diarra, oo isaguna ka hadlay tababarka saraakiisha booliiska Soomaaliya looga furay dalka Kenya.

 

Dalka Uganda, ayaa waxaa sidoo kale tababar uu uga socdaa 3,000 ciidammada Soomaaliya ka tirsan, sidoo dalka Jabuuti, ayaa isagana wuxuu qayb ka yahay dalalka ay tababarrada uga socdaan ciidammada dowladda Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Put your money where your mouth is, Mr Farmajo

-------

Somalia's PM says 8,000 troops will start attacking al-Qaida and insurgents soon

 

Thursday 13 January 2011

By: Edith M. Lederer

 

 

Somalia's new prime minister said Wednesday night that 8,000 government troops will start waging attacks on Islamist insurgents and al-Qaida terrorists "very, very soon."

 

Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali-American educator, also said in an interview with The Associated Press that increased U.S. and international support for his government is essential to end Somalia's lawlessness and prevent terrorists from continuing to use the country as a safe haven.

 

He also warned that nearly 2.5 million Somalis in both Islamist and government-controlled areas are on the verge of starvation and said some have already died. He urged immediate global help to prevent even more deaths than in the 1992 famine when 500,000 people died, saying the United Nations and other donors weren't doing enough.

 

The United Nations said in early December that despite fragile improvement in 2010 because of two good rainy seasons, Somalia still had 2 million people in crisis, including nearly 1.5 million displaced people. It said floods, drought and armed conflict disrupt access to health care, food, clean water and education but nearly 2 million people in Somalia received food assistance during 2010.

 

Somalia has not had an effective government since 1991 when warlords overthrew longtime dictator Mohamed Siad Barre and then turned on each other, plunging the country into chaos and anarchy. The weak U.N.- and U.S-backed transitional government, established in 2004, and a poorly resourced African Union peacekeeping force control only a small slice of Mogadishu and haven't been able to push past the firing lines of Islamist insurgents who are set up only a few blocks from the presidential palace.

 

Since his 18-member Cabinet of Somali technocrats who had been living abroad was approved in late November, Mohamed said he spoken on the radio to let people know his government is honest and professional and will be transparent and accountable — unlike its predecessors. He also pledged to fight corruption and promote national reconciliation.

 

"It looks like now we are winning the propaganda war," the prime minister said. "People are believing ... that we're really serious and came back home to affect change."

 

Mohamed pointed to a recent poll in Mogadishu showing 80 per cent support for the government and just 7 per cent for opposition groups, and the defection of some 40 youths from the Islamist group al-Shabab, Somalia's most dangerous, "without firing any bullet."

 

"Some people are saying as soon as we start waging some attack we may see a lot of defectors," he said. "Definitely, it will happen very, very soon."

 

Last month, al-Shabab and the second major Islamist group, Hizbul Islam, ended a long feud and merged.

 

Mohamed said his government's policy remains the same to these "enemies of peace."

 

The government would prefer dialogue and reconciliation and has received "a lot of phone calls" from middle-ranking members of both groups, he said, but if fighting continues it will use force.

 

Mohamed said there has been progress in reorganizing Somali troops who were recently paid. The 8,000-strong force will include some 1,000 troops who will be returning from training in Uganda soon, he said.

 

"For the last couple of days, their morale is high, and I hope they effectively face their enemy very, very soon," Mohamed said.

 

The prime minister stressed, however, that without financial support, his government can't function.

 

While the international community donates "a lot of support" to Somalia, he said, the funds go through the United Nations and the government only has the revenue from the port and the airport, less than $1 million a month.

 

"We appreciate all their contributions but ... we are appealing to the international community — U.S., European Union, Arab League — to step up to the plate to do more," Mohamed said.

 

He said the international terrorists are well financed and have "a great network" that sends foreign fighters to Somalia.

 

"In order to face them effectively, you have to have the same resources they have," Mohamed said.

 

"The more Somalia remains the way she is, definitely that's where international terrorism wants to be," he warned.

 

Mohamed urged the United States to give Somalia the same financial, economic, military and diplomatic support that it gives to Afghanistan saying both countries face the same issues — international terrorism, and weak or no central government.

 

If NATO-led forces in Afghanistan defeat al-Qaida, he warned, "they're going to go to Somalia, because that's where they can find a place to reorganize, because of lack of central government, effective government."

 

The mandate of the transitional government runs out in August.

 

What happens after that, Mohamed said, "is a million dollar question," adding that the government is still brainstorming about different options.

 

Source: AP

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

tfgsomalia.jpg

 

Waxaa SomaliTalk.com soo gaarey nuqul warqad uu Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo u qoray Mahiga oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey.

 

Warqaddaas oo Farmaajo kaga warbixiyey qorshaha xukuumaddiisa qodobada uu kaga hadlay waxaa kamid ah:

 

- In Xukuumadda FKMG qiimayn ku samaynayso sida ay suurtagal ku tahay in Soomaaliya ay sharciyayso ama dhaqan geliso xeerka caalamiga ah dadka gala falal dembiyeedka ee loo yaqaan "Rome Statute of the International Criminal Court"

- In la samaynayo Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa oo awood loosiinayo in baaritaan ku sameeyaan oo magacaabaan isla markaasna ceebeeyaan xubnaha ama kooxaha lagu helo musuqmaasuqa.

- In xilliga xukuumadda FKMG in uu ku egyahay Agoosto 2011. Taas oo Farmaajo sheegay in Hay'adaha DFKG ay wajahayaan arrintaas oo uu ku tilmaamay xasaasi.

- iyo qodobo kale oo ay ka mid yihiin Ammaanka, burcad badeedda, argagaxisada, dibu heshiisiinta, caddaalada, Dastuurka Qabyada ah...

 

Haddaba qormadii warqadda oo kooban hoos ka akhri:

 

Ammaanka

 

Ugu horayn Farmaajo waxa uu ka hadlay in xukuumaddiisu "ay garwaaqsan tahay muhiimadda ammaanka". Isagoo ka mahad celiyey joogitaanka Ciidamada Afrikaanka ee AMISOM iyo inuu soo dhaweynayo Golaha Ammaanka kordhintii ciidamada AMISOM in la gaarsiiyo 12,000 askari, isagoo sheegay in DFKMG jiritaankeeda iyo horumarkeedu ku taagan yahay AMISOM.

 

Waxana uu intaas raaciyey in xukuumaddiisu fahamsan tahay in ciidamo aan Soomaali ahayni aysan ahayn xalka, isla markaasna ay mar hore bilaabeen in ay tababaraan ciidamo Soomaaliyeed oo ay qorteen.

 

Laakiin waxa uu qiray in ay jiraan dhibaatooyin soo wajahay "ciidamada (ay xukuumaddu qoratay) waxaa soo wajahay dhibaatooyin kadhashay mushaharo la'aan, oo in badanoo dhallinyaro ah oo ciidamadaas ka mid ah ay ka huleeleen ama aysan soo xaadirin. Qaar kale oo aan badnayn inay ku biireen cadawgayaga," ayuu yiri Farmaajo, waxana uu intaas raaciyey "Mushar si loo helona waxaan la dagaalamaynaa musuqmaasuqa, taas oo hawl badan u baahan."

 

Burcad-Badeedda iyo Argaggaxisada

Waxa kale oo uu ka hadlay burcad badeedda oo uu tilmaamay in sannadkii 2008 ay xeebaha Soomaaliya ka dhaceen 111 weerar oo ay qaadeen burcad badeed Soomaaliyeed, kuna qafaasheen 42 markab. Waxana uu arrin layaab leh ku tilmaamay in isla xilliga ay weeraradaasi dhacayeen in xeebaha Soomaaliya ay ilaalinayeen maraakiib ilaalo ah oo lagu bixiyey $40 million, taas oo uu yiri ma aha arrin la aqbali karo. Waxa kale oo uu ka hadlay "argagaxisada" oo uu sheegay in ay cambaaraynayaan argagaxisada noocii ay doonto ha noqotee.

 

Musuq Maasuqa

Farmaajo waxa uu si xooggan uga hadlay musuqmaasuqa, gaar ahaan waxa uu sheegay in uu beesha caalamka ku raacsan yahay musuqmaasuqa xukuumaddii ka horeysey, isagoo arrinataas ka hadlayey waxa uu qoray: "Beesha caalamku waxay ka walaacsanaayeen xisaabtan la'aantii xukuumaddii hore ee KMG iyo sida ay u maaraysay lacagaha," waxana uu raaciyey in ay walaacaas la qabaan beesha caalamka.

 

Waxa kale oo uu sheegay in xukuumaddiisu ay samaynayso guddi aad u awood badan oo la dagaalama musuqmaasuqa. Guddigaas oo awood loosiinayo in baaritaan ku sameeyaan oo magacaabaan isla markaasna ceebeeyaan xubnaha ama kooxaha lagu helo musuqmaasuqa. Guddigaas oo dadka lagu helo musuqmaasuqa keeni doona maxkamad, lana ciqaabi doono sida sharcigu qabo qofkii musuqmaasuq lagu helo.

 

 

Adeegyada iyo guddiyo

Waxa kale oo uu ka hadlay in uu yareeyey xukuumadda iyo in loo baahan yahay in la bedelo qaabkii xukuumaddu u shaqayn jirtey. Iyo in la sameeyey guddiyo madax bannaan kala duwan. Waxana uu xusay arrimaha la xiriira dhaqaalaha. Isagoo sheegay in ay xoogga saarayaan arrimaha la xiriira lacagta oo uu yiri jaah wareer ayaa ka jira lacagta Shillinka Soomaaliga.

 

Dib u heshiisiinta

Farmaajo waxa uu warqadda uu u qoray Mahiga ku xusay in dib u heshiisiinta Soomaalidu aysan weli dhamaystirnayn maadaama, ayuu yiri "Kooxaha fallaagada ah ay bannaanka ka taagan yihiin nidaamka nadabadaynta inkasta oo la isku deyey in la soo dumo.

 

Waxana uu xusay in xukuumaddu ay hadda haysato fursad maadaama ayuu yiri "ay Xisbul Islaam isu dhiibeen Al-Shaabaab, ayna rajaynayaan inbadani in ay garwaaqsadaan in nabaddu ay tahay dariiqa xalka qaran." Waxana uu xusay in xukuumaddu ay heshiis la gashay Puntland iyo Ahlu Sunna wal jamaaca oo ay qadarinayaan heshiisyadaas.

 

Caddaaladda Xilliga Kala Guurka

Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Kumeel Gaarka ah waxa kale oo qoraalkiisa kaga hadlay arrinta la xiriira caddaalada iyo maxkamadda Caalamiga ah ee la saaro dadka gala faldembiyeedka dagaalka (International Criminal Court). Waxana uu si gaar ah u tibaaxay in xukuumadduusa ay qiimayn ku samaynayso sida ay suurtagal ku tahay in Soomaaliya ay sharciyayso ama dhaqan geliso xeerka caalamiga ah dadka gala falal dembiyeedka ee loo yaqaan "Rome Statute of the International Criminal Court" (FG. Xeerkaas tirada dalalka saxiixay ke eeg dhanka hoose ee bogga).

 

Xilliga Kumeelgaarka kaddib

Farmaajo waxa kale oo uu xusay in xilliga xukuumadda FKMG uu ku egyahay Agoosto 2011. Waxana uu sheegay in Hay'adaha DFKG ay wajahayaan arrintaas oo uu ku tilmaamay xasaasi. Waxana uu muujiyey in golaha baarlamaanku ay arrintaas kala shaqaynayaan xafiiska Madaxweynaha si loo soo bandhigo qorshe jihaysan oo ku saabsan xilliga kumeelgaarka marka uu dhammaado.

 

Dastuurka

Warqadda uu u qoray mahiga waxa kale Farmaajo kaga hadlay arrinta dastuurka oo uu sheegay inkasta oo dastuurkaas qabyada ah lagu soo wareejiyey xukuumadda hadana in ay ku jiraan waxyaabo badan oo su'aalo ka taagan yihiin. Waxana uu yiri "Inkasta oo beesha caalamku ay maalgelin badan ku bixiyeen diyaarinta dastuurka qabyada ah haddana xubnaha guddigii (loo xilsaaray) waxbadan kuma lahayn, taas oo hoos u dhigtay tayada dastuurkaas qabyada ah. Waxaana weli su'aalo ka taagan yihiin nidaamka la qaadanayo in uu noqdo nidaam Baarlamaani ah mase nidaam madaxweyne ama nidaam laba gole ama hal gole baarlamaan ama in la qaato dastuurkii 1963 oo wax laga bedeley. Waxana uu sheegay in arrinta dastuurku ay tahay waxa ugu horeeya ee u qorshaysan xukuumadiisa.

 

Waxana uu Farmaajo qoraalkiisa ku gabagabeeyey in Soomaalidu ay diyaar u yihiin nabadgelyo dhexdooda ah, deriskooda iyo adduunka.

 

Warqadda oo Af-Ingriisi ku qoran ka akhri http://somalitalk.com/2011/jan/roadmap_tfg.pdf

 

FG. Xeerka loo yaqaan "Rome Statute" ee ka dhanka ah faldebiyeedyada Caalamiga ah waxaa 17 July 1998 lagu ansaxiyey shir caalami ah oo lagu qabtay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga. Waxaana xeerkaasi dhaqan galay 1 July 2002. Ilaa hadda bishan Janaayo 2011 dalalka xeerkaas dhaqan geliyey tiradoodu waa 114 dal, waxaa intaas dheer in 34 dal ay saxiixay balse aan weli dhaqan gelin. Soomaaliya iyo Itoobiya waxay ka mid yihiin 55 dal oo aan weli saxiixin oo dhaqan gelin xeerkaas loo cuskado dadka gala fal dembiyeedyada sida xasuuqa shacabka ee dagaaladda ka qayb qaata. Akhri Xeerka Caalamiga ee Faldembiyeedka (http://treaties.un.org/)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somalia's Government Plans Regulations, Taxes for Mobile-Phone Operators

 

Bloomberg

By Sarah McGregor

Friday, January 14, 2011

 

Somalia will start governing its untaxed and unregulated telecommunications industry to boost growth and investment, said Information, Posts and Telecommunications Minister Abdulkareem Jama.

 

The government has drafted rules for managing mobile-phone frequencies, phone numbers and interconnection agreements, a system in which telecommunications operators carry cross-network traffic, Jama told reporters today in Nairobi, the capital of neighboring Kenya.

 

Somalia’s Finance Ministry is finalizing the details of a tax to be introduced to the industry, he said. Both proposals must be scrutinized by lawmakers before going into force, Jama said, without providing a timeline. “It will be something that will not discourage investment,” he said. “We don’t intend to over-regulate or over-tax.”

 

Somalia’s Western-backed government has been battling insurgents, including the al-Shabaab militia that has pledged loyalty to al-Qaeda, since 2007. Most of southern and central Somalia has been seized by the insurgents, while the government, led by President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, controls only parts of Mogadishu.

 

The country hasn’t had a functioning central administration since the ouster of former dictator Mohamed Siad Barre in 1991. Small-scale mobile-phone operators set-up businesses in the country and began to flourish amid the chaos, said Jama. The Horn of Africa nation currently has 11 licensed telecommunications companies.

 

‘Cheap Rates’

“Rates are cheap and service is available everywhere,” he said. “This is a success story. The intention of the government is to encourage this investment and do everything possible to allow this to grow faster.”

 

The government plans to connect Somalia to an underground fiber-optic cable that links east and southern Africa known as Eassy, enabling domestic operators to switch from slow and unreliable satellite connections, Jama said.

 

There are no official statistics on the amount of revenue the telecommunications business generates or the number of mobile-phone users in Somalia on account of the disorganization of the industry at present, said Jama.

 

To contact the reporter on this story: Sarah McGregor in Nairobi at smcgregor5@bloomberg.net.

 

To contact the editor responsible for this story: Paul Richardson at pmrichardson@bloomberg.net.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xukuumadda oo rajo ka muujisay dhaqan galka heshiisyo lala galay Turkiga

 

Friday 14, 2011

 

 

Xukuumadda KMG ah ee Soomaliya ayaa rajo wanaag ka muujisay in ay si dhaqso ah u dhaqan galaan heshiisyo dhinaca ciidamada ah oo ay dowlada Soomaliya la gashay wadanka Turkiga kuwaasi oo dhawaan la horgeyn doono baarlamanka Soomaliya.

 

Ku simaha R/wasaaraha ahna R/wasaare ku xigeen C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in heshiiskan oo looga faa’iideysan doono dib u dhiska ciidanka Qalabka sida ee dalka ay ka soo gabagabowday dhinaca Turkiga haddana loo baahan yahay in Soomaalidu ay maraan waddadii lagu dhaqan geli lahaa.

 

Baarlamaanka Turkiga ayuu sheegay in uu ansixiyay Heshiiskaan dhex maray xukuumadaha Ankara iyo Muqdisho, halka Baarlamaanka Soomaaliya loo geyn doono dhawaan si ay u ansixiyaan.

 

R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Fiqi ayaa sheegay in qorshaha xukuumaddan ay ugu horreyso wax ka qabashada Ammaanka dalka, sidaa darteedna loo baahan yahay in ciidamada la habeeyo, xoojiyo isla markaana aqoontooda kor loo qaado, taas oo uu sheegay in ay meel wanaagsan mareyso.

 

Golaha wasiirada ayaa shalay fadhi ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku ansixiyay heshiiskaan ay Dowladda Turkigu la gashay Soomaaliya, ayadoo dhawaan la hor geyn doono mudanayaasha Baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

 

RM

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

RA’IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA: “80% dadka Muqdisho waxay ku nool yihiin degmooyinka ay dowladda gacanta ku heyso, dhawaanna waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin isbedel muuqda keeni doona”

farmaajo-un.jpg

 

Jimco, January 14, 2011(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada New York oo uu ku sugnaa ayaa wuxuu sheegay in dowladdiisa ay wax weyn ka qaban doonto xaaladda Dalka, gaar ahaan Ammaanka iyo dib u heshiisiinta, wuxuuna carrabka ku dhejiyay in ay dowladdiisa dooneyso in ay ciribtirto Al-Shabaab oo sida uu yiri xiriir la leh argagixiso dibadda ah.

Wuxuu codsi xooggan u jeejiyay caalamka oo uu ka codsaday in ay gargaar deg deg ah la gaaraan dad gaaraya 2.5 Milyan oo ku macluulsan gudaha Soomaaliya. Kaddib wuxuu sheegay in Xukuumaddiisa oo ka kooban 18 Wasiir oo aqoon iyo tayo leh ay ka shaqeyneyso dib u heshiisiinta, ayna ku shaqeyneyso maamul-wanaag. Wuxuu intaas ku daray in Xukuumaddiisa ay dooneyso ina y dalka ka xoreyso xoogagga ka soo horjeeda oo taageerada caalamka la’aanteed aysan wax weyn ka qaban Karin.

 

Wuxuu ka hadlay heshiis ay Xukuumaddii hore la gashay shirkad Saracen International oo ammaanka qaabilsan, wuxuuna caddeeyay in ay arrintaas dhawaan caddeyn doonaan, wuxuuna ku gaabsaday in uu xafiiska joogo ilaa hadda 50 maalmood.

farmaajoun1.jpg

Waxaa la weydiiyay sida ay ugu sahlanaaneyso ina y la dagaallamaan Xoogagga ka soo horjeeda, wuxuuna sheegay in ay dib u qaabeeyeen, isla markaana mushaarooyin siiyeen muddo sanado ah, niyaddoodana ay hadda wanaagsan tahay, diyaarna ay u yihiin ay wajahaan sida uu u yiri cadawgooda.

“80% dadka Muqdisho waxay ku nool yihiin degmooyinka ay dowladda gacanta ku heyso, dhawaanna waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin isbedel muuqda keeni doona oo dhinaca ammaanka ah”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed oo tilmaamayay inta ay Xukuumaddiisa ka xukunto Magaalada Muqdisho.

 

Abaaraha Soomaaliya ayaa wax laga weydiiyay, wuxuuna sheegay in ay dhibaato xooggan oo abaareed ka jirto Soomaaliya, wuxuuna codsi u jeediyay caalamka oo uu ka dalbaday in uu gargaar deg deg ah la soo gaaro dadka abaaraha la dhibaateysan.

 

“Ilaa iyo hadda waxaa na soo gaaray hal Markab oo uu noogu deeqay dalka UAE oo aan uga mahadcelineyno kaalmadaas, waxaana caalamka ka rajeyneynaa in ay gargaar midkaas la mid ah na soo gaarsiiyaan”ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed.

 

PM%20with%20Susan%20Rice%20(US)1.jpg

 

Waxaa wax laga weydiiyay dhalinyaro Al-Shabaab ka soo goosatay oo dowladda isu soo dhiibay iyo sida ay arrintaas ku suurtagashay, wuxuuna yiri “Arrimahaas waa qeyb ka mid ah howsha aan ku jirno, kaliya ma ahan in dagaal wax lagu wado, waxaan raadineynaa maslaxad iyo sidii soomaaliya aan nabad ugu soo dabaali lahayn, taasi waxay noo soo suurtagelisay in Al-Shabaab ay dhalinyaro badan ka soo goostaan, dhawaanna waxaan rajeyneynaa in ay Dhalinyaro kale ka soo goostaan waayo Al-Shabaab waa Argagixiso oo dhalinyarada xoog ku qafaasha, annagana waxaan dhahnay waxaan idin siineynaa waxbarasho ee ka soo taga, taasina wey dhacday”.

Waxaa la weydiiyay labo su’aalood oo muhiim ahaa kuwaasi oo kala ahaa cidda UN-ka u joogta Soomaaliya maadaama ay jireen saraakiil Soomaaliyeed oo isku qabsaday metelaadda Soomaaliya ee UN-ka iyo su’aasha kale oo ahayd in waqtiga dowladdan uu ku egyahay August 11 2011, sidaas darteed waxa ay sameynayaan, labadaas su’aalood wuxuu kaga jawaabay Ra’iisal Wasaaraha.

 

“UN-ka waxaa noo jooga Danjire , maantana halkan ayuu ila joogay, arrintaas oo mid khaas ah, waxaan u xalin doonnaa si khaas ah. Arrinta ku saabsan waqtiga dowladda ee sii dhamaanaya, waxaan ka fekereynaa wixii aan yeeli lahayn August 11 2011 kaddib, bilaha soo socda ayaan ogaan doonnaa, isla markaana caddeyn doonnaa dariiqyada noo furan ”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed.

 

PM%20and%20Ban%20Ki-Moon1.jpg

Su’aasha ugu dambeysa ee la weydiiyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ahayd in markii xilka loo magacaabay uu sheegay in 100-ka maalmood ee ugu soo horreeya ay wax badan qaban doonaan, in uu weli rajadaas qabo iyo in uu rajadaas dhigay, Alle rajada nagama qaado, waxa lagu nool yahay waa rajo, boqolkii maalmood maanta waxaa laga joogaa 49, waxyaabo badan waan qabannay, waxyaabo bandanna waa noo harsan yihiin, waxyaabaha aan qabannay waxaa ka mid ah in aan dadka Soomaaliyeed u sheegnay in ay dowladdan dowladdoodii tahay oo aan isku xirnay dadka dibadda jooga iyo kuwa gudaha jooga, waxaan qabannay in aan Ciidankeeda mushaar siinnay muddo dheer kaddib,haddana ay diyaar u yihiin in ay cadawgooda wajahaan, waxaan dib u heshiisiin dhex dhignay beelo walaalo ah oo ku dagaallamay gobollada dhexe, kuwaasi oo wada hadal kaddib heshiis gaaray.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Soomaaliya oo la kulmay ardayda Soomaaliyeed ee Pakistan

 

Abdinuur_Pakistan.jpg

 

Sabti, January 15, 2011 (HOL) - Kulankan oo uu soo qaban qaabiyey Ururka Guud Ee Ardayda Soomaaliyeed Ee Pakistan (UGAS) ayaa waxaa uu iskugu jiray mid soo dhaweyn ah iyo mid kala xog qaadasho ah. Kulankan, ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey wasiirka wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sarre ee DKMG Soomaaliya, mudane Prof/Dr. Cabdinur Sheekh Maxamed iyo waliba siihayaha safaaradda Soomaliya ee Pakistan, mudane Cali Sheekh Cabdullaahi oo isna ka mid ahaa marti sharafta kulankan.

 

Abdinuur_Pakistan1.jpg

Soo dhaweyn ka dib, ayaa waxaa kulanka hadalka u furay guddoomiyaha ururka guud ee ardayda Soomaaliyeed mudane Mursal Cabdillahi, oo dhammaan u mahad celiyey marti sharafta guud, iyo gaar ahaan wasiirka iyo siihayaha safaaradda. Wasiirka ayaa labadii maalmood ee ugu dambeyse waxa uu ku sugnaa magaalada Islamabad, ee caasimadda wadanka Pakistan, sidii uu u xaliyo dhibaatada heysata ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata wadankan Pakistan. Dhibaatada ayaa waxa ay tahay, ka dib markii ardayda Soomaaliyeed ee wadankan wax ka barta ay dawladda Pakistan weydiisay in ay la yimaadaan warqadda la yiraahdo (EQUIVALENCE LETTER) oo ay macnaheedu tahay “Warqad cadeeneyso shahaadada ay wataan ardaydaan in ay u dhiganto shahaadada wadanka Pakistan”, taas oo u keentay arday fara badan in ay ku waayaan waxbarashadoodii lagana buriyo jaamacaddii ay dhiganayeen.

 

Siihayaha safaaradda Soomaaliya ee wadanka Pakistan, mudane Cali Sheekh Maxamed, ayaa faah faahin dheer ka baxshay arrintan iyo dhibkeeda, kadibna waxaa uu hadalka ku soo dhaweeyey Wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sarre, mudane Prof/Dr.Cabdinur Sheekh Maxamed, oo sifiican uga mahad celiyey sida wanaagsan oo ay Soomaalinimadu ku jirto oo ay usoo dhaweeyeen ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata wadankan Pakistan.

 

Abdinuur_Pakistan2.jpg

Wasiirka ayaa hadalka qaatay asagoo ka warbixiyey, intii uu ku sugnaa Islamabad, waxa u suurto galay iyo waxa u qabsoomay arrintan. Wasiirka ayaa waxaa uu ardayda Soomaaliyeed ee wadankan Pakistan wax ka barta u sheegay in asaga iyo dawladda Pakistan ay arrinkan ka wada xaajoodeen iskuna afgarteen in ardayda Soomaaliyeed ee hadda waxbarashadooda wadata loo sameeyo waxa la yiraahdo (ENDORSEMENT) oo ah in ay si fiican iskugu ayideen labada dawlad, arrintana mar dambe aysan kusoo noqon aradyda hadda waxbarashadooda wadata. Sidoo kale, wasiirku waxaa uu sheegay in dawladda Soomaaliya ay midayndoonto shahaadooyinka kala duwan ee kasoo baxa wadanka gudihiisa, wasaaradda waxbarashadana hawshaas mar dhaw ay ku dhaqaaqi doonto. Intaas, markii uu yiri wasiirka ayaa waxaa is qabsaday casab masraxii uu kulanka ka socday ama (Auditorium) ee jaamacadda, taasoo sii farxad gelisay wasiirka.

 

Kadibna, xoghayaha ururka guud ee ardayda Soomaaliyeed (UGAS) mudane Cabdifitaah Ahmed Sheekh (Baardheere) ayaa waxaa uu wasiirka uga warbixiyey waxyaabaha uu qabto urukaan iyo sabaha loo aas aasay. Warbixin dheer ka dib, xogyahaya uruka UGAS ayaa mahad aanan lasoo koobi Karin uu u mahad celiyey wasiirka iyo sida uu isugu soo hawlay hawshaan, muddo dheer taagneeyd.

 

Ugu dambeeyntii Mudane, Prof/Dr. Cabdinur Maxamed Sheekh, ayaa waxaa uu noqonayaa wasiirkii ugu horeeyey ee isku soo hawla, kana daqnada dhibaatada heesato ardayda masaakiinta ah ee Soomaaliyeed waxna ka baranayo wadanka Pakistan. Ardayda ayaana waxa ay bogaadin u jeediyeen dawladda DKMG Somaliya ee uu raysul wasaare u yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, dadaalada ay ka wado wadanka, ayagoona fariimo iyo dardaaranba u jeediyey wasiirka mudane Prof/Dr. Cabdinur Maxamed Sheekh.

 

Khadar Axmed Shire

Islamabad-Pakistan

kadar51@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this