Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Dawladda oo Ka Hadashay Heshiiska Saracen

Dawladda Somalia ayaa shaaca ka qaadday faahfahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiis ay la gashay shirkada gaarka ah ee Saracen.

 

Shirkaddan oo xaruunteedu tahay magaalada Beirut ee dalka Lubnan ayaa kala shaqayn doonta DKMG, tababrka Booliska iyo ciidamada nabad sugidda.

Waraysi gaar ah oo uu wasiirka maaliyadda ee DKMG, Xuseen Cabdi Xalane uu siiyay laanta af Soomaaliga ee VOA, ayuu ku sheegay in heshiiskan la saxeexay dabayaaqadiibishii October ee sannadkan, iyada oo uu qalinka ku duugay Madaxweyne Sh Shariif Sh Axmed. sida u VOAda u xaqiijiyay wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane

Dhinaca shirkadda Saracen International, waxa heshiiskan u saxeexay Sarkaalka u qaabilsan hawlgalinta, Lafras Luitingh.

Sida heshiisku dhigayo, waxa ay shirkaddan gaarka ahi ka caawin doontaa DKMG la dagaalanka argagxisada, tababarka ciidanka booliska.

Sidoo kale, waxa ay Saracen kala shaqayn doonta dawladda Somalia, Ilaalada madaxda sare, iyo sugidda ammaanka goobaha lagu dhigayo munaasabadaha kala duwan.

Faahfaahin dheeraad ah oo sheekdan la xiriirta ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

 

http://www.voanews.com/somali/news/Dawladda-oo-Ka-Hadashay-Heshiiska-Saracen-112351524.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Taliska Booliska oo ka warbixiyay howlgalo laga sameeyay Muqdisho.

 

December 25, 2010

 

1361-full-so.jpg

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Taliska Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta ka warbixiyay howlgalo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya Maalmihii lasoo dhaafay ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka ciidamada booliska dowladda KMG Soomaaliya C/laahi Xasan Bariise oo saxaafadda kula hadlayay Saldhiga 4-irdood ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka warbixiyay xaaladda amaan ee gobolka Banaadir iyo howlgalo maalmihii lasoo dhaafay ay ciidamada dowladda ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Afhayeenka ayaa waxaa uu sheegay in maalmihii u dambeeyay ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya kooxaha dhibaatooyinka ka gaysta degmooyinka dowladda ay gacanta ku hayso iyo raga kula bisan dareeska ciidanka, kuwaasi oo dhac u gaysta dadka rayidka ah.

 

C/laahi Xasan Bariise waxaa uu sheegay in Maxkamadda ciidanka qalabka sidda ee dowladda KMG ay wado dar dar xoog leh oo ay wax kaga qabanayso ciidamada dhibaatada u gaysta dadka rayidka ah, isagoo tilmaamay in ciidamo ka tirsan dowladda KMG islamarkaana ku edeysan dhibaataynta dadka rayidka ah lasoo hor istaajin doono Maxkmad.

 

Ugu dambeyn Afhayeenka ciidanka booliska dowladda KMG ayaa waxaa uu sheegay in si wayn la isugu haleenkaro amaanka degmada X/weyne oo uu tilmaamay in maalmihii u dambe ay ciidamada dowladda KMG howlgalo ka sameeyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

:D

-------

December 25, 2010

 

Jaamacadda Carabta oo sheegtay in ay dhiseyso wasaaradaha Dowlada

Jaamacadda Carabta ayaa sheegtay in ay dowladda KMG ee Soomaaliya ay ka taageeri doonaan dhismaha wasaaradda Muhiimka ah ee Dowladda.

 

Wakiilka Jaamacadda carabta u fadhiya dalka Soomaaliya Maxamed C/lla Idriis oo maanta booqday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ay dhismo ku socdeen waayadaan ayaa hadalkaasi ka sheegay iSagoo soo dhaweeyay howlaha dib u dhiska ah ee dalka laga wado.

 

“Hadii uu Alle idmo Jaamacada Carabta Waxa ay bixineysaa dadaallo ay ka qeyb qaadaneyso dhismaha wasaaradda arrimaha dibadda, caafimaadka iyo wasaaraddaha kale ee dalka, waxaana arrintani ay ka timid xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta oo dalalka Carabta kula dardaarmay in Somalia ay kala qeyb qaataan dib u dhiska iyo dayactirida dhismaha burburay ee Somalia iyo tababaridda suxufiyiin iyo diblamasiyiiin Somalia ah” ayuu yiri Danjire Maxamed C/lla.

 

“Waad ku mahadsan tihiin booqashadan maanta aanu ku nimid halkan waxaan alle weydiisaneynaa in Somalia aan ku saacdidno wixii aan awoodno maxaa yeelay Somalia waa qeyb ka mid ah dowlada Carabta wixii aan ku taageernaana waa wax aan ku taageernay Jaamacadda Carabta waxaana rajeyneynaa in aan kordhino dadaallada aan ku bixineyno Somalia” ayuu sii raaciyay.

 

Sidoo kale wasiiru dowlaha arrimaha Dibadda Maxamed Cali Xaamud oo ka hadlay xarunta wasaaradda ayaa u mahad celiyay dadkii soo badbaadiyay dhismaha wasaaradda isagoo sheegay in mustaqbalka la siin doono abaal marin.

 

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya xarunteeda waxaa dayactirkeeda maal gelisay Dowladda Talyaaniga oo TFG ka caawisay qarashka lagu dayactirayo wasaarado dhowr ah, waxaana hadda la hagaajiyay qeybaha ay ka kooban tahay wasaaraddu marka laga reebo qeybta Tababarka Diblomaasiyiinta iyo qeybo kale oo kooban.

z220%206.jpg

z220.jpg

z220%203.jpg

z220%205.jpg

z220%207.jpg

z220%2012.jpg

z220%209.jpg

z220%2013.jpg

photo by cabdiqadar catoosh

 

Source: RM

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

DOWLADA KMG AH AYAA DABAGAL KU SAMEEYSAY HISHIISKA SARACEN INTERNATIONAL WAR SAXAAFADEEDNA KA SOO SAARTAY.

 

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa faahfaahin dheeraad ah looga bixiyay mowqifka xukuumadda ee ku aaddan heshiiskii ay la gashay shirkadda Saracen International.

 

Warkan oo kasoo baxay xafiiska wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa lagu sheegay inuu iftiimin u baahan yahay, xiriirka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo shirkad Saracen International, iyo weliba howlaha ay shirkaddaas ka qabanayso dalka.

 

Warsaxaafadeedku wuxuu u qornaa sidan:

 

Waxaa jiray jawaabo laga bixiyay su’aalaha saxafiyiinta, wareysiyo iyo qoraallo arrintan ku saabsan oo lagu saleeyay macluumaad aan dhammeystirneyn ama aan sugneyn xilligaas.

 

Haddaba, maanta waxaan rajeyneynaa inaan arrinta kala caddeyno, oo aan idinka iyo caalamkaba idinla wadaagno macluumaad sax ah oo sugan, kaddib markii aan dib u eegnay documentiyo badan oo arrintan la xiriira, isla markaana la hadalnay dhinacyada ay khuseyso.

 

1. Kulammadii uu yeeshay Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee maalmihii Talaadada 21 December 2010 iyo Khamiista 23 December 2010, waxa uu uga dooday arrinta ku saabsan heshiiska ay wada galeen dowladda Federaalka KMG ah ee Somalia iyo shirkadda Sacacen International.

 

 

2. Heshiiska TFG iyo Saracen International dhexmaray waa mid ka horreeyay xukuumadda hadda jirta, sidaas darteed waxa doodad Golaha Wasiiradu ku aadanayd dib u eegidda iyo turxaan bixinta heshiika si loo hubiyo in uu yahay mid u adeegayaan danta Shacabka Soomaaliyeed.

 

 

3. Heshiiska waxaa dhinaca dowladda KMG ah u saxiixay wasiirka maaliyadda oo sidoo kale ahaa isla Wasiirkii Maaliyadda ee xukuumaddii hore.

 

 

4. Heshiiska aan la galnay Saracen International kuma xusna wax howlo ah oo laga qabanayo dowlad goboleedka Puntland.

 

 

5. Baaritaan dheer ka dib waxaan xaqiijineynaa in dowladda Federaalka KMG ah aysan haba yaraatee gelin heshiis wax yeelleynaya qaraarrada Golaha Ammaanka QM.

 

 

6. Haddaan nahay TFG waxaa xil naga saaran yahay sugidda ammaanka shacabkeenna, waxaanna u baahannahay gacansiinta Beesha Caalamka si aan ugu guuleysanno ujeeddooyinka aan higsaneyno.

 

 

7. Howlaha shirkaddani fulineyso waxaa maalgalinaya dowlado muslim ah oo aan Soomaaliya ka lahayn dano gaar ah, aan ka ahayn in ay shacabka iyo dowladda Soomaaliya ka caawiyaan sidii ay uga bixi lahaayeen dhibaatooyinka soo daashaday labaatankii sano ee tagtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Sakiin marwalba oo codeyn laga rabo baarlamaanka dibada wadanka ha loo diro :D:D:D

 

Baarlamaanka Federaalka oo Ansixiyey Miisaaniyada 2011-ka

 

December 30, 2010

 

Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ansixiyey miisaaniyada sanadka 2011-ka kadib kulan ay maanta ku yeesheen xarunta golaha Shacabka.

 

Kulanka maanta ayaa waxaa shir gudoominaayay Kusimaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey,waxaana kasoo qaybgalay mudaneyaal tiradooda lagu sheegay 286-mudane.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maalmo kahor loo qaybiyey qoraalka ay soo gudbisay Xukuumada oo ku aadan miisaaniyada 2011-ka ayaa guda galay codbixinta.

 

Codbixinta kadib ayaa lagu dhawaaqay natiijada,waxaana 281-Xildhibaan ansixiyeen miisaaniyada,4-kamid ah waa ay diideen halka hal mudane uu ka aamusay.

 

Gudoonka Baarlamaanka ayaa soo xirey Kalfadhiga,waxaana ay sheegeen in sidaas lagu ansixiyey Miisaaniyada Dawladda ee sanadka 2011-ka.

 

Wasiirka Maaliyada ee Xukuumada Farmaajo Mudane Xussein Cabdi Xalane ayaa maalmahaan horyimid Baarlamaanka iyadoo uu sharaxaad ka bixiyey miisaaniyada oo kudhow $100-milyan doolarka maraykanka.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay in ay tahay markii u horeysay Baarlamaanka la horkeeno miisaaniyad.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

4. Heshiiska aan la galnay Saracen International kuma xusna wax howlo ah oo laga qabanayo dowlad goboleedka Puntland.

 

 

5. Baaritaan dheer ka dib waxaan xaqiijineynaa in dowladda Federaalka KMG ah aysan haba yaraatee gelin heshiis wax yeelleynaya qaraarrada Golaha Ammaanka QM.

 

 

Hmmmmmmmmmmmmm ,,,, intéressant

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xukuumadda Soomaaliya oo ururinaysa xogo ku saabsan himilooyinka kun-guurada horumarka Soomaaliya

 

Khamiis, 30 December, 2010 (HOL) − Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay si rasmi ah u billiowday dadaal lagu soo ururinayo xog ku saabsan horumarka illaa iyo haatan laga sameeyay sidii loo gaari lahaa himilooyinka horumarka ee Kun-guurada Soomaaliya.

 

Barnaamijkan lagu ururinayo xogaha ku saabsan horumarka Soomaaliya, ayaa waxaa looga dhawaaqay xaflad loo qabtay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya Arbacadii shalay ahayd.

 

Ujeeddada howshan loo qabanayo, ayaa lagu sheegay inay tahay sidii loo qiimeyn lahaa heerka aan ka taaganahay himilooyinka la higsanayo, isla markaana loo ogaan lahaa caqabadaha lala kulmay. arrimahan waxay himilooyinka ka dhigi doonaan ubucda bar-tilmaameedka ee horumarka ay sameynayaan dhammaan dhinacyada ku shaqada leh oo ay ka mid tahay Xukuumadda KMG ah.

 

Ra'iisul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka qorsheynta iyo xirirka caalamiga ah C/weli Maxamed Cali, ayaa yiri: "Iyadoo, sanadka 2015 ee loo asteeyay in la gaaro himilooyinka uu soo dhow yahay, ayaan waxaan bilowday ururinta xogo ku saabsan horumarka laga sameeyay himilooyinka, waxay muhiim u tahay tallaabo kasta oo la qaadayo. Marka aan helno xogtaas, dhinacyada ay khuseyso oo dhan waxay dowladda kala shaqeyn doonaan sidii himilooyinka wax looga qaban lahaa."

 

"Tallaabadan, waxay marqaati u tahay sida ay xukuumadda Soomaaliya uga go’an tahay inay ka shaqeyso sidii loo gaari lahaa himilooyinka iyo ujeeddooyinka Qaran, gaar ahaan himilooyinka kun-guurada," ayuu wasiirku hadalkiisa raaciyay.

 

Himilooyinka horumarka ee kun-guuradu, ayaa ah ballanqaadyo ay sameeyeen dhammaan dalalka caalamka, sidii ay isaga kaashadaan lahaayeen hirgelin is-taraatiijiyado looga gol-leeyahay in sare loogu qaado tayada nolosha muwaadiniinta.

 

Waxaa himilooyinka lagu sheegay inay kala yihiin:

 

1.Cirib-tirka saboolnimada iyo baahida xad-dhaafka ah

2. In la helo waxbarashada aasaasiga ah ee caalamiga ah

3. Dhiirri-gelinta sinnaanta ragga iyo dumarka

4. In la yareeyo dhimashada carruurta

5. In sare loo qaado caafimaadka haweenka

6. In lala dagaallamo HIV/AIDS, duumada iyo cudurrada kale

7. In la dhowro deegaanka

8. In la sameeyo iskaashi caalami ah ee dhinaca horumarka.

 

Warbixin looga hadlayo horumarka la sameeyay, buug-yare ka hadlaya xaqiiqooyin iyo tirooyin ku saabsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo dokomintiyo kale ayaa laga qeybiyay xafladda.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somalia keen on cooperation with Iran's private sector

 

Tehran - Somalian Parliament Speaker Sharif Hassan Sheikh Aden said on Wednesday that his country calls for the Iranian private sector to play active role in his country's economic projects.

 

The Somalian parliament speaker made the remarks in a meeting with Iran's Commerce Minister Mehdi Ghazanfari.

 

Highlighing Iran's significant role in regional and global developments, he said level of trade between the two countries should keep up with the current political ties.

 

Civil war in Somalia has created a very tough situation for expansion of economic cooperation but Somalia under the current circumstances seeks to broaden relations with the Islamic Republic of Iran, he said.

 

The Iranian commerce minister said for his part that Iran would help develop economic cooperation, banking cooperation, support the private sectors, prepare the ground for active presence of Iranian contractors, set up exhibitions, and sign memorandums of understanding in agriculture and fisheries with Somalia.

 

IRNA 2010

Zawya.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweynaha DKMG, Sh Shariif Sh Axmed, oo waraysi gaar ah siiyay VOA.

 

president_somalia_0610.jpg

 

Waraysigan oo dhinacyo badan taabaanaya waa la yeeshay Madaxaweyne Sh Shariif Sh Axmed, Madaxa laanta af Soomaaliga ee VOA, Cabdiraxmaan Yabarow.

Madaxweynaha ayaa ka hadlaya arrimo ay ka midyihiin waxqabdka xukuumadda labadii sano ee u dambeeyay, hawlgalka AMISOM, heshiiska Saracen iyo arrimo kale.

Barnaamijka oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

 

http://www.voanews.com/somali/news/Martida-Makrafoonka-iyo-Sh-Shariif-Sh-Axmed-112733869.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Cleaning day :D

1567-full-so.jpg

 

SAACID organization carries out sanitary activities in Mogadishu

 

MOGADIAHU (Sh. M. Network) - SAACID, non-governmental organization, started hygienic and sanitary activities in more than 10 districts in the Somali capital Mogadishu, Shabelle stringer reported on Saturday.

 

Commencing on November 7th, 2010, some 1,100 SAACID employees are extensively operating in Mogadishu in an effort to collect all rubbish and trash from roads and neighborhoods of Benadir region, the stringer added.

 

It is actively carrying its hygienic and sanitary task in the districts of Darkenly, Wadajir, Waberi, Hodan, Howlwadag, Hamar Jab-jab, Shangani, Bondhere and other districts where garbage, trash, rubbish and little trees are full of and that can hamper the health of the society.

 

Most of the employees engaged in the hygienic mission are women who paid by SAACID with $US 4 per a day each person which means every employee gets $ US 120 per a month.

 

The organization uses two rented big trucks for removing wastage and garbage from the Mogadishu public places.

 

SAACID, so far, successfully cleaned Beerta Market, Bo’ le Market, Hamar-weyne and Hamar Jab-jab, where some of its roads blocked by hills that is formed by rubbish.

 

The organization had also provided 5 nurses intended to cure the employees if they face any health problem during the sanitary services.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa maanta qalab caafimaad oo ay Dowladu soo iibsatay looguna talagalay Cisbitalka Martiina gudoonsiiyay Wasaarada Caafimaadka ee Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya.

 

Munaasadii lagu wareejinayay Dawadaasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada, Xildhibano iyo Mas’uuliyiin kale.

 

Madaxweyne Sh. Shariif oo halkaasi hadalo qiimo leh ka soo jeediyay ayaa tilmamay in Dowladu ay u howlgeleeyso sidii loo hurumarin lahaa adeegyada Caafimaadka, Dawadana ay Dowladu soo iibsatay, iyadoo ay ku jiraan qalab caafimaad.

 

R/wasaare Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay ahmiyada ay bulshada u leegahay horumarinta adeegyada caafimaadka dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay in ay Dowladu wax ka qaban doonto Xarumaha Caafimaadka ee ka howlgala Muqdisho, si bulshadu ay u hesho adeegyo caafimaad oo dhameystiran.

 

Wasiirka wasaarada caafimaadka oo halkaasi ka hadlay kadib markii lagu wareejiyay Dawada iyo qalabka caafimaad oo ay soo iibsatay Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsaday in Wasaardiisu ay ka soo dhalaali doonto howlaha caafimaad ee loo igmaday.

 

Cisbitalka Martiini oo ka mid ahaa Cisbitaalada ugu da’ada weyn magaalada Muqdisho ayaa Dowlada KMG ah ku guuleeysatay in ay dib u dayactir wanaagsan ku sameeyso si dib logu soo nooleeyo adeeyadii caafimaad ee uu bulshada u qabanjiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this