Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Mas'uul sheegay in qaar ka mid ah askartii ka dambeeyay dhacdadii dadka lagu dilay ee Isbitaal Banaadir la xiray

Khamiis, 03 Feberaayo, 2011 (HOL) – Guddoomiyaha maxkamadda ciidanka DKMG ah, G/dhexe Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo ka hadlay dhacadii ay dadka badan ku dhinteen ee Isniintii todobaadkan ka dhacday illinka hore ee isbitaal Banaadir, ayaa sheegay in la qabtay qaar ka mid ah askartii ku lugta lahaa, lana horkeeni doono sharciga.

 

"Cid walba oo lug ku yeelata dhacadaaas, waxaa sharciga ayaa lala tiigsan doonaa, iyadoo aan loo eegayn darajada ay leedahay iyo xilka ay dowladda ka hayso," ayuu yiri G/dhexe Xasan Muun-gaab.

 

Guddoomiyaha maxkamadda ciidammada, wuxuu sheegay in askarta lasoo xiray lagu soo qabtay howlgallo ay sameeyeen ciidammada nabadsugidda DKMG ah iyo kuwa booliiska, ayna weli socdaan baaritaanno ku aaddan sidii lagu soo qaban lahaa inta harsan.

 

"Askartii fallkaas ka dambeysay qaarkood waxay ku jiraan xabsiga dhexe, dhawaan ayaana maxkamad la horkeeni doono, waxaana lagu fulin doonaan wixii uu sharcigu ku xukumo," ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidammada.

 

"Sharci ayaan ku shaqeynaa, waana dhammaatay xilligii qofka awoodda leh ama darajo ahaan sarreya laga leexan jiray, midka jilicsanna sharciga lala tiigsan jiray, cid walba oo dhacdadan lug ku yeelata waa la maxkamadeyn doonaa, si isku mid ah ayaana loola dhaqmi doonaa," ayuu yiri G/dhexe Muun-gaab.

 

Guddoomiyuhu, wuxuu dowladda ka codsaday inay u saarto baaritaanka arrintan guddi ka badan kuwa hadda loo saaray, si dhacdadan loogu sameeyo baaris culus, loona ogaado halka rasmi ahaan laga soo abaabulay.

 

Hadalka mas'uulkan, ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu guddi wasiiro ah u saaray baarista falkan oo ay ku dhinteen 17-qof, ayna ku dhaawacmeen tiro kor u dhaafaysa 50-qof.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

English version

-------

 

SOMALIA: Somali Anti-Corruption and Democracy Initiative (SACDI) launched in Mogadishu

A new initiative called Somali Anti-Corruption and Democracy Initiative (SACDI) has officially lunched at ceremony held in Mogadishu, Somalia. The event, which brought together a number of high ranking politicians, legislators, journalists and other intellectuals have welcomed the initiative with profound gratification and called it “timely and effective”.

 

Dr. Farhan Ali Mohamoud, the director of the organization, and former ministry of information, told the reporters that the initiatives’ core objective is to curb the pervasive corruption and promote democracy in Somalia, a central elements Somalia has lacked for the past 20 years.

 

Abdi Hashi Abdullahi, member of the parliament, welcomed the new program of fighting corruption and development democracy and he added that it’s needed to come in to use in Somalia.

 

Pro, Mohamed Omar Dalha, a legislator of TFG, spoke at the ceremony and lengthily talked about the need for this initiative in Somalia and calls it “appropriate and useful for Somalia”.

 

Pro, Mohamed Abdi Mohamed Gandi, a veteran of Somali MP, told the media that Somalia has ranked the most corrupted country on the global, according to Corruption Index. He further argued that democracy in Somalia is in very dare situation and people were recklessly tortured in many respect of the society.

 

Member of civil society organizations, including women movement and youth organization have welcomed the program and recognized the significance of combating the widespread corruption and promoting democracy in Somalia.

 

Somali had no central government since 1991 after the collapse of Siad Barre’s regime.

 

Abdi Yusuf and Siyad Roble contribute this report

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xukuumadda KMG ah oo markii ugu horreysay ka hadashay go'aankii baarlamaanku ku kororsaday xilligiisa shaqo

 

Isniin, 07 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xilli kororsiga ay xildhibaannada baarlamaanku sameysteen toddobadkii hore, waxaana mas’uul u hadlay xukuumadda uu sheegay in go’aankaas uu yahay mid lagu fududaaday oo aan laga fiirsan.

 

“Anigu go’aanka baarlamaanka kama hadli karo, waayo waxaan ahayn xildhibaan, balse jidka loo maray xilli kororsiga ayaa ahaa mid laga qurux badan yahay, waxayna ahayd in arrintaas wadatashi lagala sameeyo hay’adaha kale ee xukuumadda,” ayuu yiri C/rashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah golaha wasiirrada xukuumadda.

 

Xiddig wuxuu sheegay inay ahayd in xubnaha baarlamaanku ay muddo kordhinta kala hadlaan xukuumadda maadaama ay iyadu tahay hay’adda fulinta, isagoo intaas ku daray in xilli krodhintu ay ahaan lahayd mid la isla wada ogyahay.

 

Qarammada Midoobay, Mareykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo dalala y ka mid yihiin Mareykanka, Taliyaaniga iyo Ingiriiska ayaa toddobaadkan cambaareeyay go’aankii ay xildhibaannada baarlamaanka xilligooda shaqo ku kororsadeen.

 

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore kulan ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxay muddo saddex sano ah ku kororsadeen xilliga ay shaqeynayaan, iyadoo mudanayaashu ay ku adkeysanayaan in go’aankoodaas uu sharciga waafaqsan yahay.

 

Hadalka kasoo baxay wasiirka ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo xukuumaddu ay kaga hadasho xilli kororsiga ay sameysteen xubnaha barlamaanka Soomaaliya marka bisha Ogotoosto ee sannadkan uu dhammaado xilliga dowladda KMG ah.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dowladda Soomaaliya oo wax laga xumaado ku tilmaantay dagaallada ka dhacaya Deegaanka Kalshaale ee Gobolka Cayn.

Isniin, February 07, 2011(HOL): Warsaxaafadeed ay soo saartay Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya oo uu ku saxiixnaa Xafiiska warfaafinta ee Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay aad uga xun tahay dagaallo ka bilowday deegaanka Kalshaale ee Gobolka Cayn.

 

Warsaxaafadeedkan ayay Xukuumadda ku sheegtay in uusan dagaalkaas wax macno ah lahayn, isla markaana ay ku boorrineyso dhinacyada uu u dhaxeeyo in ay joojiyaan, ayna ka wada xaajoodaan sidii caadadu ahayd waxyaabaha dhaliyay dagaalkan ka dhex bilowday.

 

“Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, haweenka iyo dhalinyarada degaanadaasi waxaan ku boorineynaa inay u istaagaan sidii loo joojin lahaa xiisada dhalisay gacan ka hadalka, xukuumada Federaalka ah waxay damaanad qaadeysaa dhankeeda inay qaado dedaal kasta oo lagu daminayo xiisada”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya.

 

“Goboladaasi waxay ka mid yihiin gobolada xasiloon ee dalka Soomaaliya, xukuumaduna wey ka walaacsan tahay in gobolo hor leh oo dalka ah ay dagaalo iyo xasilooni darri ka dhacaan” ayuu lagu gunaanaday warsaxaafadeedkan.

 

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha

media@opm.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Waraysi: Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG…

 

dhageyso

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amaanka Qaranka DFKMG Soomaaliya Cabdishakuur Sh. Xasan oo aan wareysi dhinacyo kala duwan taabanaya oo aan kula yeeshey Hoteel Kempinski ee Caasimadda dalka Jabuuti 22/01/2011, oo socdaal ku yimid dalkaasi, waxa u qabsoomey wasaaradiisa intii uu xilka hayey, waxa ay kaga duwan yahay wasiiraddii hore, hadalada ka soo yeerey maamul goboleedka Putland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Febraayo 7, 2011

 

Magaalada Bristol ee dalka UK ayaa noqotay magaaladii ugu horre-ysay ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed u qabta xaflad ay ku dhiirigelinayaan, isla markaana ay dhaqaale ugu ururinayaan. Habeenkii hore oo aheyd habeen ay bilow u aheyd in shacabku garab istaago ciidamada xooga dalka ayaa waxaa soo buux dhaafiyey halkii ay kadhaceysay xaflada ee shacab soomaaliyeed iyadoo ay sidoo kale fadhiyeen masuuliyiin katirsan DKM ee Soomaaliya iyad-oo uu kusoo dhaweyey furitaankii barnaamijka Gudoomiyaha Jaaliyada Soomalida ku dhaqan Bristol Mudane Cabdi Macow. Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) oo ah Lataliyaha Ra'iisul Wasaaraha ayaa goobjoog ahaa.

 

Bristol.jpg

 

Intaa kadib waxaa isna lagu soo dhaweeyey Afayeenka Ahlu Sunna waljamaaca´Mudane Maxamed Abuukar Xuseen oo looyaqaan Awliyo Dadweyne isagoo ugu horeynba sheegay in caawa dad bad-an ay isweydiinayaan in masuuliyiin katirsan Dowlada iyo Culumaaudiinka Ahlusunna ay barnaamij mida kwada qeyb qaadanayaan isagoo shegay in Ciidamada Xooga dalka yihiin mid aan qofna u

adeegin dalka waardiyihiisana ah wuxuuna soo qaatay dalalka Masar iyo Tunisa oo uu shegay in Ciidamadooda Milataroga ay bad baadiyeen halka buu sheegay in Ciidamadii Xooga Dalka ee dalkeenu lahaa ay kala direen kuwa uu sheegay in maalin lala xisaamtami doono.

 

Bristol1.jpg

Awliyo ayaa kadib halkaa katiriyey Sugaan aad loola qiirooday kuwaa oo sara ukicisay dareenkii shacabkii madasha fadhiyey suugaantaa oo midi dhaanta aheyd kuna saab saneyd ciidanka xooga dalka oo uu afayeenku u alifay halka mida kale ay ku beegneyd alshabaab oo harsi iyo hoyaad udiidan umada soomaaliyeed isagoo amaan iyo bogaadin usoo jeediyey gudaga soo abaabulay ee

jaaliyada soomalida Bristol oo uu ku tilmaamay in ay daah fureen kudayasho wanaagsan.

Bristol2.jpg

Barnaamijka lagu tageerayo Ciidamada xooga Dalka ayaa waxaa qadka taleefanka soogalay Abaan duulaha Ciidamada Xooga Dalka oo isago aad ugu qiirooday Fikirkan isagoo sheegay in intii abaa-bushay ay lamid yihiin Sadax iyo tobankii leegada wuxuuna usheegay Dhaga badan in caawa uu ugu bishaareynayo Reer Bristol in Ciidan Xoogan ay dhisan yihiin dhawana indhahooda ay wax ku

arkidoonaan iyadoo Sacab uu is qabsaday guud ahaan madasha barnaamijka Tageerada uu kas-ocday wuxuuna sheegay Abaanduuluhu in Ciidamada qalabka sida aysan cidna rabin in uu dhismo wuxuuna sheegay intan dhisan Ciidamada Xooga Dalka uu yahay qofka u istaagay Madaxweyne DKMG Shiiq Shariif.

 

Bristol5.jpg

Kasoo qeybgalayasha oo iyagu shucuur wadaniyadeed ay kamuuqatay ayaa udhag raaricinayey qudbooyinka masuuliyiinka kala duwan iyadoo markaa kadib lagu soo dhaweeyey lataliyaha Raiisulwasaraha xaga warfaainta iyo isgaarsiinta Mudane Injineer Yariisow oo isagu sacab lagu soo dhaweeyey isagoo halkaa kajeediyey qudbad uu kaga hadlaayey sida ay ugu dhabar adeegeyso DKMG in ay xaaladan adag dalka kasaarto, wuxuu kaloo sheegay in uu isagu yahay reer ingiriiska talaabadana ay farxad u tahay in ay ay bilaabaan isagoo sheegay in uu xalay uu soo gaaray dalkan isla markiibana lagu wargaliyey barnaamijkan kadibna usoo socdaalay in uu kaqeybgalo,Injireen Cabdiraxmaan Yarisow ayaa sidoo kale sheegay hadii ay yihiin DKMG in waxna ay ka guul gaareen waxna ay udhiman yihiin dowladana tahay mid in ay miradhaliso uheelan.

 

Bristol4.jpg

Injireen Yariisow oo dhowr jago wasiir oo kala duwan kasoo qabtay Xukuumadii Cumar Cabdi ras´-hiid ayaa hadalka kusoo dhaweeyey Raiisul wasaare Maxamed Farmaajo oo isagu qadka taleefanka ku jiray kasoo mar qura ay is badashay shucuurta kasooqeybgalayasha oo aan fileyn in munaasa-badan tabarucaadka Ciidamada Xooga Dalka uu qadka talefanka kagasoo qeybgalo Raiisulwasare farmaajo waxaana lagu soo dhaweeyey sacab iyo mashxarad isagoo ku bilaabay mahad naq uu umahadcelinaayo shacabka dhageysanaya wuxuuna raiisulwasaare ku tilmaamay kuwa soo abaa-bulay howshan kuwa ay tariiqda xusi doonto isagoo ku dheraaday in wadaniyadii laheli karo soom-aalidana ay tahay dad fir fircoon waxkastana kagaara halka ugu danbeysay hadey ahaan laheyd ayuu yiri ganacsi aqoon xitaa qabiilka ayu yiri sidaa la`ajligeed wadaniyada hadii lagu duwo

ayuu yiri waxey kagaarayaan halka ugu danbeysay.

Bristol3.jpg

Raiisulwasaare Farmaajo ayaa sheegay in dalkeenu leeyahay qeyraad kala duwan loona baahan yahay in qofwalbaa uguntado sidii xaaladan adag looga saarilahaa loogana baahan yahay ayuu yiri in la`isku duubmo sidii aan dhibkan uga bixi laheyn wuxuuna sheegay in wagii hore ciidamada kii

dhaawacma ama dhinta beshiisa ay duugan jirtay ama daaweyn jirtay lakiin maanta migudbay ayuu yiri waxaana meel saarnay intaas in aan qabano isagoo sheegay in ay ku howlan yihiin in ay must-aqbalka soo celiyaan xarumihii agoonta iyo meelihii waxbarashada, waxana hadalka raiisulwasar-aha laga dareemayey in uu aad ugu qiirooday sida wadaniyada leh ee shacabka soomaliyeed ay isugu yimaadeen una tabarucayaan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

 

Bristol6.jpg

Munaasabadan tabarucaadka ciidamada xooga dalka ayaa waxaa kahadlay dadyow kala duwan kuwaas oo ay ku jireen saraakiil ciidamada xooga dalka katirsanaan jiray sida Kornel Maxamed Adan oo hadala qiira badan kajediyey,waxaa xaflada kaga muuqanayey caruur sidata caagag ay ku uru-urinayaan tabarucaadka Ciidamada Xooga Dalka waxaana ay talaabadan noqoneysaa mid albaabka ufureysa in gud ahaan soomalida qurbaha joogta ay ku daydaan soomalida ku dhaqan Bristol oo iyagu isku xilqaamay in ay lacag u uruuriyaan Ciidamada Xooga dalka oo ubaahan shacabka soom-aaliyeed si ay uhantaan Ciideena cadowgu bahala galeenka kadhigtay.

 

 

 

Xafiiska Muqdisho ee cisaleey.com iyo wararkii ugu danbeeyay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somalia Prime Minister’s speech - the University of Rome 3

20.Jan.2011

 

'Governance and Development of Institutional Capacity-Building in Somalia'

 

Introduction.

 

It is a privilege to address you all at this esteemed faculty. Thank you Professor Annarita Puglielli, I am honoured to be invited as a guest speaker by this prestigious University.

 

I am pleased that your University is conducting studies on Somali Language and cultural projects. I hope to see qualified support for your endeavour by Italian general public and by the Italian Government.

The relationship between Somalia and Italy is long and fascinating. But we are all of a new gener-ation and perhaps our tendency is to look back at those colonial days with a mixture of anxiety and fondness.

 

Somalis are proud of their connection with Italy and whilst it is the unavoidable truth that our country has descended to ruin, and that much of the Italian legacy has been destroyed, from these ruins, with your help once again, we can rise and re-form a strong and forward thinking nation.

We could spend the whole of this time today looking back through history trying to determine the causes of our problems, but the truth is that the solutions lie in the here and now.

 

We are now almost exactly 20 years since the overthrow of Said Barre, and the perceived starting point for our current troubles. In that time Somalia has been wracked by anarchy and chaos.

 

Almost every Somali has been hurt, physically or emotionally. There is no one who has not been affected. Our people are exhausted and desperate. Poverty, fighting and chaos are exhausting.

 

Our people are surviving on wits and raw courage.

 

Mogadishu is not a pretty sight, but I can say to you that there is a glimmer of hope. For out of those ruins emerge stories of heroism and people simply
determined not to be defeated
.
I see a city trying to burst into life and it is that which inspires me to help.

ITALY%20UNIVERSITY2%5B1%5D.JPG

ITALY%20UNIV4%5B1%5D.JPG

ITALY%20UNIV3%5B1%5D.JPG

ITALY%20UNIVERSITY%5B1%5D.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xildhibaan Shariif Maxamed "Kama daaleyno inaan gacan siino Ardayda waxbaraneysa"

 

booqasho_shangani14.JPG

booqasho_shangani9.JPG

Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kormeer ku aaday Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Shariif Qullateen oo kuyaala Degmada Shangaani.

 

Iskuulkani uu maanta Booqday Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Xildhibaano iyo Oday dhaqameedyo iyo sidoo kale Maamulka DKMG ah ee Degmada Shangaani oo katirsan Gobolka Banaadir.

 

Soo dhaweynta ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Shangaani Ibraahim Maxamed Mukhtaar (Babaay) isaga oo sheegay in xildhibaan Shariif Maxamed sayidii ay si aad ah ugu mahadcelinayaan isla markaasina ay ku amaanayaan kaalinta wanaagsan ee uu kaga jiro bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna ku amaanay hawlaha samafal ee mar waliba uu u qabto Shacabkiisa.

booqasho_shangani15.JPG

Sidoo kale waxaa ka hadlay goobta Xildhibaan Caamir Axmed Maxamed (Shakeeti) oo sheegay in ay Xildhibaankooda ahna walaalkooda si diiran u soo dhaweynayaan kuna amaanayaan kaalinta lama ilaabaanka ah ee uu ka qaato mar waliba taakuleynta dadka dhibaateysan iyo u gargaarida dhibaneyaasha.

 

Waxa uu ku amaanay kaalinta uu ka geystay socoshada hawlaha Iskuulka Shariif Qullateen ee Degmada Shangaani iyo dhiiragelinta Mar waliba uu u sameeyo Ardayda wax ka barata Iskuulka.

 

Waxa uu dhaliilay Xildhibaan Caamir Hey'adaha Waxbarashada u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo kuwa Gudaha dalka ka shaqeeya intaba isaga oo xusay in dhowr jeer hey'adaha Waxbarashada u qaabilsan Qaramada Midoobay ay u geeyeen waraaqo codsiyo badan ah si iskuulka socoshadiisa gacan looga geysto laakiin aysan hal mar xittaa u soo jawaabin.

 

Xildhibaan Caamir sidoo kale waxa uu ku dhaliilay Hey'adaha Waxbarashada u qaabilsan Qaramada Midoobay in iskuulka intii la furay xittaa marna aysan kormeer ku imaanin in ay taakuleeyaan iskaba daayee isaga oo arrintaasina ku tilmaamay wax aad looga xumaado.

 

Iskuulka maalgelintiisa iyo socodsiinta hawlihiisa ayuu sheegay in ay gacan weyn ka geystaan Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid iyo sidoo kale Jaaliyadaha Banaadiriga ee dibadaha kudhaqan maadaama hey'adihii wabarashada ee ay isku haleynayeen ay wax ka waayeen maadaama iskuulka uu yahay waxbarashadiisa mid lacag la'aan ah.

 

Intaasi kadib waxaa goobta ka hadlay Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid oo sheegay in iskuulka Kormeerka uu kuyimid aysan u aheyn markii ugu horeysay isla markaasina si aad ah uu ugu mahadcelinayo Maamulka Degmada Shangaani iyo Guud ahaan Mas'uuliyiinta suuragelisay in iskuulka uu sii shaqeeyo.

 

Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid waxa uu tibaaxay in marnaba uusan ka daali doonin dhiiragelinta dhinaca waxbarashada wixii awoodiisa ahna uusan la hari doonin oo uu horey u sii wadi doono maadaama ardaydu ay yihiin mustaqbalka Dalka Soomaaliya.

 

Xildhibaan Shariif sidoo kale waxa uu sheegay in xilligani oo wadanka uu kujiro xaalad aad u dhib badan gaar ahaan da'yarta Soomaaliyeed ay heysato Dhibaatooyin aad u xoogan ladoonayo in si aad ah loogu dadaalo sidii ay wax u baran lahaayeen maadaama maskaxdooda ay weli fresh tahay maadaama dalka uu kajiro da'yar fara badan oo maskaxda laga badalayo.

booqasho_shangani16.JPG

booqasho_shangani17.JPG

booqasho_shangani10.JPG

Ugu dambeyntii waxa uu ka mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay Iskuulka Shariif Qullateen ee Degmada Shangaani, wuxuuna halkaasi hadiyado kala duwan uu ku guddoonsiiyay ardayda Iskuulka iyo sidoo kale macallimiinta taasi oo ay maamulka Iskuulka iyo macallimiintooda oo ay u dheertahay ardayda ay si aad ah ugu farxeen.

 

Gabagabadii waxaa hadlay Maamulaha Iskuulka Mudane Cusmaan oo ammaan ballaaran u soo jeediyay Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid kuna amaanay kaalinta muuqata ee uu uga jiro Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliyeed gaar ahaan dhanka taakuleynta Bulshada Soomaaliyeed.

 

Kormeerka inta uu ku guda jiray Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid ayaa waxaa ku wehliyay Xildhibaan Maxamed Sheekh Cali Obo, Duqa Culumada Beesha Aala-faqiih Maxamed Bin Cali (Uunsane), Guddoomiyaaha Degmada shangaani Mudane Babaay iyo Mas'uuliyin kale.

 

Booqashada uu maanta Xildhibaan Shariif ku aaday Iskuulkani kuyaalla Degmada Shangaani ayaa qeyb ka ah hawlo indho indheyn oo arrimaha Samafalka ku aadan oo Xildhibaankani uu kawado maalmahani magaalada Muqdisho.

booqasho_shangani7.JPG

booqasho_shangani3.JPG

booqasho_shangani2.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

“Dawladda TFG waxay xor u tahay siyaasadeeda in ay maamusho” Waraysi Wasiirka Gaashaandhigga DFKMG

 

Wasiirka Gaashaandhiga DFKMG Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo aan waraysi kula yeelanay magaalada Jabuuti oo booqasho ku yimid ayaa sheegay in “Dawladda TFG ay tahay dawlad xor u ah in ay ayaaheeda maamusho oo ka taliso aayaheeda, shacabkeedana maamusho oo xor u ah in ay siyaasadeeda maamusho”.

Wasiirku waxa uu waraysiga kaga hadlay in dhibaatooyinka Soomaaliya soo gaaray ay qayb weyn ka ahayd burburkii ay ku dhacay ciidamadii dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in xukuumadda hadda jirta ay ku dadaaleyso sidii dib loogu dhisi lahaa ciidanka, isla markaasna la siiyo mushaharka, lana daryeelo askarta ay soo gaaraan dhaawaca iyo bukaankooda iyo in kuwa dhinta reerohooda la daryeelo oo mushaharkii sidoodii loo siiyo. Waxana uu muujiyey in maamuladii hore aysan muhiimad weyn siin ciidamada, isagoo sheegay in ay arrinta dib u dhiska ciidanku ay u baahan tahay waqti oo ay hadda dhigayaan aasaaskii.

Markii aan weydiinay in dhibaato weyni ka jirto xagga badda Soomaaliya, Cabdixakiim Fiqi waxa uu sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay u dhisi lahaayeen ciidamadii badda, isagoo muujiyey in ay wadahadal u socdaan dalal arrintaas ka caawinaya.

Caqabada hortaagan arrimaha badda Soomaaliya in wax laga qabto waxa ka mid ah in aysan jirin imkaaniyaad ku filan iyo nabad gelyada dalka oo aan sugnayn, ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga DFKMG.

Wasiirku waxa uu qiray in dhibaatada Soomaaliya ay qayb ka tahay faragelinta kaga imanasa shisheeyaha ama bannaanka.

 

Waxa kale oo uu ka hadlay kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda xukuumadda DFKMG oo uu ku tilmaamay in ay u adeegaan kooxo shisheeye oo doonaya in ay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig (base).

 

Dhageyso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Golaha Wasiirada ee Dawladda Kumeelgaarka ah oo Shir aan Caadi ahayn Isugu Yimid

 

Golaha Wasiirada ee Dawlada kumeelgaarka ah ayaa maanta isugu yimid shir aan caadi ahayn, shirka ayaa looga hadley xaaladda abaarta ee ka taagan Soomaaliya, sidoo kale waxaa goluhu wax iska weydiiyey colaada ka taagan Kalshaale ee gobolka Cayn waxayna baaq nabadeed u direen dhinacyada ku dagaalamay halkaas.

 

Sidoo kale shirkii maanta ayaa Raysalwasaare Farmaajo soo jeediyey in labada bilood ee soo socota mushaharaka golaha wasiirada midkiiba laga jaro 500$, si gargaar loogu fidiyo dadka abaaruhu aafeeyeen, waxaana shirkii maanta ee golaha wasiirada lagu soo bandhigey saddex agaasime guud oo ay yeelanhayaan qaar kamid ah wasaaradaha hoostaga xukuumadda Farmaajo.

 

Hoos ka akhri warsaxaafadeedka oo dhamastiran

 

War-saxaafadeed Shirka Golaha Wasiirada

 

10.02.2011——-Waxaa maanta shirkii caadiga ahaa isugu yimid golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya kulankaasi waxaa guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

 

Golaha waxaa loo qeybiyay Agende ay soo diyaarisay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxayna ugu horeyntii goluhu ka doodeen dagaalka ka dhacay degaanka Kalshaale iyagoo u jeediyay baaq inay si dhaqso ah u joojiyaan dhiiga dadka walaalaha ah dhexdooda ka qubanaya, waxaa kale oo goluhu ka codsaday dhinacyadaasi in caqliga iyo maskaxda taliso, mas’uuliyiinta, oday dhaqameedyada, Culimaa’udiinka iyo inta kale ee bulshada ka tirsan inay u istaagaan sidii hab nabadeed loogu dhameyn xiisadaasi gacan ka hadalka dhalisay.

 

Golaha Wasiiradu kolkaa kadib, waxay ka wada hadleen abaaraha dalka ka jira oo ay ugu horeyntii warbixin ka dhegeysteen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo ka hadlay guddiga Qaranka ee gurmadka Abaaraha halka ay wax u marayaan wuxuuna Wasiirku sheegay inay jiraan deeqo soo gaaray guddiga si wanaagsana dedaalkoodu u socdo.

 

Guddoomiyaha shirka, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa isagoo ku hadlaya magaca golaha Wasiirada wuxuu ka codsaday Guddiga Gurmadka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha in wixii la hayo ee deeq ah si deg deg ah loo gaarsiiyo dadka tabaaleysan lana kordhiyo dedaalka lagula xiriirayo Soomaalida gudaha, Dibadda, Hay’addaha iyo dhamaan beesha Caalamka si loo helo kaalmo ku filan abaaraha ka jira dalka. Wuxuuna si gaar ah uga codsaday in biyo la gaarsiiyo dadka tabaaleysan.

Qaar ka mid ah golaha Wasiirada ayaa soo jeediyay in hay’addaha Dowladda mas’uuliyiintooda oo ay ugu horeeyaan golaha Wasiirada iyo Shaqaalaha Dowladda inay ka qeyb qaataan taakuleynta loo fidinayo dadka ay abaaruhu ku dhufteen. Ra’iisul wasaaraha oo talo soo jeedinta Wasiirada guddoominayay ayaa sheegay in muddo labo bilood ah xubnaha golaha Wasiirada bishiiba laga jaro mushaarkooda $500 (Shan boqol oo Dollar), sidoo kalena shaqaalaha dowlada laga jaro %5 (Boqolkiiba shan), iyadoo dhamaan xubnaha goluhu ay isku raaceen arrintaasi.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha u soo jeediyay magacaabis Agaasimeyaal guud oo ay Wasiiradoodu hindise ahaan u soo jeediyeen kuwaasoo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa dood iyo falanqeyn kadib waxay isku raaceen.

 

1. Mudane C/llaahi Sheekh Maxamed Axmed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah,

2. Mudane Maxamuud Maxamed Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha

3. Mudane Muuse Faarax Xeyd, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

 

Kolkaa kadib, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu hadalka siiyay Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta oo warbixin golaha ka siiyay heshiiska .SO oo ah Astaanta Internetka ee Soomaaliya oo ay shirkadda GMO Registry Int. u filineyso khidmad Wasaaradda qeybteeda Boostada iyo Isgaarsiinta oo ku saabsan arrimaha Farsamada ee la xiriira Astaanta Internetka Soomaaliya. Waxayna goluhu cod u qaadeen heshiiskaasi iyagoo ansixiyay.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha wuxuu golaha u sheegay inay tacsi gashay Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Marwo Maryam Qaasim Axmed oo walaalkeed geeriyooday isagoo tacsi tiiraanyo lehna u diray qoyskii, iyo eheladii uu ka gaariyooday marxuumkaasi, waxayna u rajeeyeen inuu Eebe naxariistiisa jano siiyo.

 

Xafiiska Afhayeenka Xukuumada FKMG ah

Mudane Cabdi Xaaji Gobdono

media@opm.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

darwiish%20(2).JPG

darwiish%20(9).JPG

Khamiis, February 10, 2011(HOL): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ay wehliyaan Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Maxamed Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdishakuur Sh. Xasan Faarax ayaa booqday Taliska Ciidanka Daraawiishta oo xarun u ah ciidamo lagu soo tababarayay muddo labo sano ah qeybo kala duwan oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa isugu jira, gaar ahaana Tuulada Carmo ee gobolka Bari.

 

darwiish%20(7).JPG

darwiish%20(3).JPG

darwiish%20(4).JPG

darwiish.JPG

darwiish%20(6).JPG

darwiish%20(5).JPG

darwiish%20(8).JPG

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi khudbad ugu jeediyay ciidanka Daraawiishta oo ay tiradoodu dhameyd 500 oo Askari isagoo u sheegay in laga sugayo waajib adag, kaasoo ah xoreynta dalka iyo amni ku soo celinta. “Waqti badan ayaa la idin geliyay, waad soo tababarateen, waajib culus ayaana la idinka sugayaa, dhanka xukuumadeydana wey ku dedaaleysaa sidii aad xuquuqdiina Askarnimo u heli laheydeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ku adkeeyey ciidankaasi in aysan waxyeelleyn dadka shacabka ah balse ay gacan qabtaan “Qofka dumarka ah ee waayeelka ah haddii aad aragtaan gacan qabta, oday waayeel ah haddii aad aragtaana sidoo kale gacansiiya, balse ha furanina, haddii kale waxaad noqoneysaan dambiilayaal aan ku camal falin wixii la soo baray”.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale Askartan xasuusiyay in dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin kooxo Soomaali ah oo Nabad iyo dowlad-diid ah kuwaasi oo uu sheegay inay kaashanayaan dagaalyahano Ajnabi ah oo ka soo hayaamay dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Afganistan iyo Jejniya, loogana baahan yahay inay ka saaraan dalka.

 

Saraakiisha hoggaamisa ciidankaasi Daraawiishta ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in muddo labo sano ah aaney wax mushaar ah qaadan ayna xukuumada ka rajeynayaan inay si deg deg ah ugu bilowdo mushaar, waxaana Ra’iisul Wasaaraha oo ka jawaabaya arrinkaasi uu u balan qaaday inay helayaan xuquuqdooda.

 

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa salaam sharaf ka qaatay ciidamadii uu soo booqday, isagoo mid mid u gacan qaaday, uguna hambalyeeyey dedaalkooda.

 

Garaad Salaad Xirsi

OPM. Press Officer

media@opm.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Maaliyada iyo Lacagta DKMG ah oo Martiqaad u sameeyay Ciyaartoydii Qaranka

 

Sabti, 12 Feberaayo, 2011 (HOL) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo lacagta DKMG ah Mukhtaar Sheekh Shuute Sheekh Shariif ayaa maanta martiqaad u sameeyay Ciyaartoydii hore ee Qaranka Soomaaliyeed, kuwaasoo wasiir ku xigeenku uu horay uga mid ahaa.

 

Kulankan oo wasiirku uu ku sheegay inuu yahay mid ay dib isugu xusuusanayaan ciyaartoydii hore ee Qaranka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya e Muqdisho.

 

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirka wasaaradda arrimaha bulshada shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo isboortiga C/nuur Macallin Maxamuud, wasiir ku xigeenkiisa C/rashiid Maxamuud Xirsi, agaasimaha guudee wasaaraddan Aweys Sheekh Xadaad, ku xigeenka agaasimaha guud ahna agaasimaha wasaaradda maaliyadda iyo lacagta C/llaahi Yuusuf Maxamed iyo Guddoomiyaha GOS ee Gobolka Banaadir.

ciyaartoy.jpg

Ciyaartoyda wasiir ku xigeenku uu casuumay ayaa waxay kala ahaayeen:

 

Xasan Maxamed Nuur (Xasan Raas), Naadigii Minishiibiyo

Maxamed Muuse Samatar, Naadigii Jeenyo - LLPP

Aweys Weyne, Naadigii Badda

Ismaaciil Malaaq Abuukar, Naadigii Batroolka

Cumar Gedo, Naadigii Horseed

Maaxi Bilaal Maye, Naadigii Jeenyo - LLPP

C/asiis Siidow Maxamed (Kuluu), Naadigii Gadiidka

Daa'uud Diiriye Fiidse (Macalin), Naadigii Gadiidka

Maxamed Sheekh Axmed, Naadigii Madbacada

Axmedey Hilowle Maxamuud, Naadigii Jeenyo - LLPP

Mulki Nuur Muudey, Naadigii Jeenyo - LLPP

Malyuun Nuur Muudey, Naadigii Jeenyo - LLPP

Dhool Maxamed Cabdi, Naadigii Somali-fruit

Biibto Axmed Jimcaale, Naadigii Badda

Faadumo Aweys Maxamed, Naadigii Jeenyo - LLPP

Jaamac Mayow Jaamac, Naadigii Batroolka

Cabdalla Cumar Ceelle (Quuq), Naadigii Batroolka

Geediyo Cali Abshir, Naadiyadii Warshadaha iyo Horseed

Hodan Maxamed Xaaji, Naadigii Horseed

Faadumo Cali C/raxmaan, Naadigii Heegan

Daahir Axmed Cali (Macalin), Naadigii Heegan

Sayid Cabdi Xaaji, Naadigii Badda

C/qaadir Axmed Xuseen (KooKow), Naadigii Jeenyo - LLPP

Macallin C/risaaq Nuur, Naadigii Somali-ta

Abuukar Maxamed C/raxmaan (Macalin), Naadigii Somali-ta

C/raxmaan Xuseen Bulac, Naadigii Madbacadda

Nuur Cabdi Xaaji, Naadigii Horseed

ciyaartoy4.jpg

Dhanka kale, kulankan ayaa noqday mid ciyaartoyda hore ee Qaranka, waxay ku sheegeen inay xaaladooda nololeed aad u adag tahay, iyadoo soo jeediyay inay u baahan yihiin waxqabad muuqda.

 

"Waxaa jira qaar ka mid ah ciyaartoydii Qaranka Soomaaliya oo gaajo u dhintay, intii uu dalka hagaasanaana ahaa geesiyaal Soomaaliya u soo hoyay guulo fara badan, laguna tilmaami jiray libaaxyadii Afrika, marka waxaan dowladeenna ka codsanaynaa wax qaban muuqdo," ayuu yiri Axmadey Hilowle oo ka mid ahaa ciyaartoydii Qaranka oo kulanka ka hadlay.

 

Wasiir ku xigeenka oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inuu ugu deeqayo xafiis u shaqeynaya ciyaartoydii hore ee cuslaatay ee Qaranka Soomaaliya, iyadoo ay ciyaartoydu magacowdeen guddiga xafiiskaas ka shaqeyn lahaa, kuwaasoo kala ah:

 

1. Cabdulle Cumar - Guddoomiye

2. Maxamed Muuse Samatar - Guddoomiye ku-xigeenka koowaad

3. Dhool Maxamed Cabdi - Guddoomiye ku-xigeen labaad

4. Jaamac Mayow Jaamac, mas'uulka maaliyadda

5. Axmadey Hilowle - Xoghayaha guud ee guddiga

ciyaartoy5.jpg

Ugu dambeyn, ciyaartoyda ayaa sheegay haddii ay wax-qabad helaan inay ka go'an tahay inay tababarro siiyaan ciyaartoyda da'yar ee Soomaaliyeed, ayna kasoo saari doonaan ciyaartoy dalka guulo u soo hoya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Siminaar ku saabsan sidii loogu midoobi lahaa badbaadinta dalka iyo dadka oo maanta Muqdisho lagu qabtay

odayo%20(10).JPG

Sabti, 12 Feberaayo, 2011 (HOL) – Siminaar ay goobjoog ka ahaayeen 150 oday-dhaqameed ayaa maanta lagu qabtay Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana siminaarkaas oo ay soo qabanqaabisay hay'adda CCD kasoo qayb-galay odayaal-dhaqameed, waxgaradka, nabaddoonno, culumaa'udiinka iyo odayaasha dhaqanka beelaha ******.

 

Guddoomiyaha golaha dhaqanka beelaha ****** Maxamed Xasan Xaad oo furitaankii siminaarka khudbad kooban ka jeediyay ayaa sheegay in siminaarrada noocaan oo kale ah ay muhiim u yihiin odayaasha beelaha ****** si ay isugu weydaarsadaan sidii ay uga bixi lahaayeen dhibaatada gaarka u noqotay degaannada beelaha ******, wuxuuna u mahad-celiyay hay'adda CCD.

 

"Beelaha ****** waxay leeyihiin dhul baaxad leh oo caasimaddii dalka ay ka mid tahay, mar haddii deegaankaas leeyihiin waxaa daba-taalla inaan loo deynayn," ayuu yiri Xaad oo sheegay in siminnaarkan oo kale aan horay logou qaban waxgaradka beelaha ******, isagoo intaas ku daray in dadka dhibaatada kawada dalka ay ku cibro-qaataan wixii ka dhacay dalalka Carabta.

odayo%20(3).JPG

Siminaarka xubnihii kasoo qeyb galay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha dalladda ururrada bulshada rayidka gobolka Banaadir Muxyadiin Xasan Afrax, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha ****** Jimcaale Maxamuud Nuur (Jeebweyne), afhayeenka beelaha ****** Axmed Diiriye Cali, guddoomiyihii hore ee degmada Baladweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso), wakiilka imaamka ****** Islow Maxamed Yuusuf, wakiilka ugaaska ****** Shariif Xuseen Jilicow iyo waxgarad kale.

 

Afhayeenka beelaha ****** Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in dad aan ****** ahayd ay dhibaato kawadaan degaannada beelaha ******, isagoo sheegay in taas ay ku dhacday midnimo la'aanta beelaha ****** iyo tafaraaruq ku dhex jira, hase yeeshee waxa uu sheegay in ****** markaan u soo jeestay sidii uu isaga dulqaadi lahaa heeryada dulsaaran.

odayo%20(7).JPG

odayo%20(2).JPG

Guddoomiyaha dalladda ururrada bulshada rayidka gobolka Banaadir Muxyadiin Xasan Afrax oo khudbad ka jeediyay siminaarka ayaa sheegay inuu isagu soo jeedinayo in beelaha ****** ay sameystaan maamul goboleedyo si ay uga baxaan dhibaatada taalla dhulkooda, wuxuuna sheegay in deegaannada ****** dadkii daganaa ay isaga barakaceen, waxaana xubnihii hadlay ka codsaday hay'adda CCD inay garab ku siiso sidii ay ugu guuleysan lahaayeen himiladooda.

 

Mas'uuliyiintii ka hadlay siminaarka waxaa kaloo ka mid ahaa Aadan Garaase, Islow Maxamed Yuusuf, Shariif Xuseen Jilacow, Imaam C/llaahi Khaliif Rooble iyo xubno kale, kuwaasoo sheegay in haddii ****** midoobo uu xalka Soomaaliya si dhaqso ah ku imaanayo.

odayo.JPG

odayo%20(9).JPG

odayo%20(5).JPG

odayo%20(8).JPG

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this