Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeybgalay Pakistan (SAWIRRO)

 

minister3.jpg

Sabti, January 15, 2011(HOL): Wasiirka Waxbarshada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Soomaaliya Dr. Cabdinur Sheikh Maxamed Maxamud ayaa ka qeybgalay shir ay soo qaban qaabisay COMSTECH (Guddiga Wasiirrada waxbarashada, Sayniska, iyo Teknoologiyada ) oo ay ka soo qeyb galeen wasiirada waxbarshada ee dalalka ku abtirsada ururka OIC (ururka dowladaha Islaamka) iyo madaxda dalladaha waxbrashada ee adduunka, ururada ay ka mid yihiin Islamic Development Bank (IDB), Islamic Educational, Scientific and Cultural Organization (ISESCO) iyo kuwa kale.

 

Wasiirku waxa uu warbxinno siiyey dhiggiisa ka socday dowladaha ka soo qeybgalay kulanka isagoo hoosta ka xariiqay horumarka waxbarasho ee ka socda Soomaaliya iyo caqabadaha horyaala dowladda si ay u gudato xilkeeda ku aadan waxbarshada ummadda Soomaaliyeed. Wasiirku wuxuu ku nuuxnuuxsaday in ay dowladdiisu muhiimad sarreysa siinayso dhaqan gelinta iyo tiigsashada himilooyinka caalamiga ah ee loo yaqaan Millennium Development Goals (MDG) gaar ahaan helitaanka waxbarasho tayo leh oo loo siman yahay oo gaarta Soomaaliya oo dhan.

 

Minister.jpg

Inta uu ku sugnaa magaalada Islamabad, Dr. Maxamud wuxuu la kulmay madax kala duwan oo ay ka mid yihiin wasiiro waxbarasho, madaxda hay’adaha iyo dalladaha waxbarshada oo ay ka mid yihiin madaxda Islamic Development Bank iyo ururo kale oo muhiim ah oo taakuleeya waxbarashada dowladaha xubno ka ah ururka OIC.

 

Dr. Maxamud waxa kale ee uu ka qeybgalay xaflad ay soo abaabuleen ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barata dalka Pakistaan iyo madaxda safaaradda Soomaalida ee Pakistan. Dr. Maxamud isagoo la hadlaya ardayda ayuu wuxuu soo gaarsiiyey tahniyad uu ka sido dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Ahmed iyo Ra’iisal Wasaare Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo.

 

Wasiirku waxa uu dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda waxbarasho ee dalka Pakistan, kuna guubaabiyey ardayda in ay dadaalkooda waxbrasho kordhiyaan oo ay ku soo laabtaan dalkooda marka ay dhameystaan waxbarshadooda kaasoo u baahan aqoontooda iyo khibradahooda si loo haqabtiro baahida ba’an ee ka jirta dalkooda hooyo. Wasiirku waxaa kale uu la kulmay madaxda wasaaradda waxbrashada ee dowladda Pakistan iyo Jaamacadda Islaamka ee caalamiga ah oo arday Soomaliyeed oo badan ay wax ka bartaan. Dr. Maxamud waxa uu la qeybsaday madaxdaas caqabooyin hortaagan waxbarshada arday badan oo Soomaali ah oo ay heshiis ka gaareen sidii loo xalin lahaa.

 

minister2.jpg

minister1.jpg

minister4.jpg

 

Ali Sheikh Abdullahi

Safaaradda Soomaaliya

Islamabad, Pakistan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Waxaa lagu soo gabo-gabeeyay caasimadda dalka Norway ee Oslo shir laba maalmood socday kaasoo ay soo qaban qaabiyeen daladda (Nordic Union of Somali Peace and Development Organisations) oo ah dalad ay ku mideysan yihiin afar urur oo Soomaaliyeed kuwaasoo ka kala dhisan dalalka Norway, Swedan, Denmarka iyo Finland.

 

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya sida wasiirka arrimaha dibadda Maxamed C/laahi Oomaad, Safiirka Soomaaliya ee Yurub Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde), Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duwa magaalada Maxamuud Axmed Nuur Tarzan iyo wasiiru dowlaha xafiiska ra`iisal wasaaraha Sahra Maxamed Cali Samatar.

 

Sidoo kale madaxda dowladda ee kasoo qeyb galay shirkan ayaa waxaa ay kulamo la qaateen masuuliyiin ka socda dowladaha Nordiga, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo soomaaliya khuseeya.

 

G1.jpg

Qodobo ay ka mid yihiin in loo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaaraha ku haysta gudaha dalka iyo la dagaalanka xagjirnimada ayaa kasoo baxay shirkan, waxaana madaxda dowladda ay baaq cod dheer iyo mid gaabanba u dirtay beesha caalamka kaasoo ay gurmad ugu dalbeyso shacabka abaaruhu soo food saareen.

 

Gabo-gabadii shirka ayaa waxaa ay madaxda dowladdu la qaateen kulan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida ee magaalada Oslo, kuwaasoo ay warbixino iyo talooyin ku siiyeen jaaliyadda Soomaalida ee Norway.

 

Ugu dambeyn waxaa shirka loogu mahadceliyay ururka G-10 oo u matala jaaliyadda Soomaalida Norway daladda "Nordic Union of Somali Peace and Development Organisations", waxaana lagu amaanay sida kartida leh ee ay u raadinayaan mideynta qurbajoogta Soomaaliyeed ee shakigu kala dilay.

 

Waa shirkii labaad ee ceynkan oo ka dhaca dalka Norway, waxaana kan kiisa xiga marti galin doona dalka Finland, sida ay ka dhawaajiyeen masuuliyiinta daladda "Nordic Union of Somali Peace and Development Organisations".

 

Wariyayaasha:

 

Deeq C/laahi

Xuseen Madoobe

deeqow25@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

There is nothin Cali Dheere can do to stop this tournament

 

Kooxda Kubadda Koleyga Heegan oo taagan Final-ka Koobka Koobabka Jen. Daa’uud (SAWIRRO)

 

HeeganVNationlink_10-11_08.JPG

 

Kooxda Kubadda Koleyga Heegan oo taagan Final-ka Koobka Koobabka Jen. Daa’uud (SAWIRRO)

 

 

Isniin, January 17, 2011 (HOL): Koobka koobabka ee Jen. Daa`uud oo galay Semi-Final ayaa si habsami leh uga socda Muqdisho, ciyaar kulul oo xiiso badan ayaa waxaa isku haleelay kooxaha Heegan iyo Nationlink. 60-39 guusha waxay ku raacday kooxda Heegan oo tiigsatay Final.

 

Ciyaartan ayaa ahayd mid aad u xamaasad badan oo labada kooxood ay ku soo bandhigeen ciyaar aad u adag oo si weyn la isku jilbo murxay, ka hor inta aysan bilaaban ciyaarta waxaa warbaahinta qaar ka mid ah ciyaaryahanada Heegan ka cabireen in ay si weyn ugu durdurin doonaan kooxda Nationlink, waxaana arinkaas caro weyn ka muujiyay Nationlink xiddigaha u ciyaara oo soo bandhigay ciyaar aad loo jeclaystay iyagoo qeybihii ugu horeeyay ciyaarta si weyn ula qeybsaday kooxda Heegan oo ay ka muuqdaan ciyaaryahano waayo arag ku ah kubadda koleyga.

 

Kooxda Heegan oo ka faa`ideysanaysa xiddigahayda waayo aragga ah ayaa qeybihii ugu danbeeyay waxay la yimaadeen qibradooda tuurashada saddexda dhibcood [3 points] waxayna shabaqa ku hubiyeen tiro dhibco oo quusisay waqtigii ugu danbeeyay xiddigaha Nationlink oo wacdaro iyaguna ka muujiyay ciyaartan.

HeeganVNationlink_10-11_126.JPG

 

Guud ahaan ciyaartan ayaa waqtigii loogu talagalay ku soo idlaatay 60-39 oo ay guusha ku raacday Heegan oo iminka xaqiijisay ciyaaraha kama danbeysta waxayna sugaysaa cidda soo baxda kulanka Dekedda iyo Plasma University oo dhacaya 18/1/2011.

 

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Ibraahim Xuseen Cali [Roombo] ayaa warbaahinta u sheegay in Finalka uu dhici doono 21/1/2011 oo ku beegan maalinta Jimcaha ah.

 

Daawashada Ciyaarta ayaa waxaa ka soo xaadiray madaxda GOS iyo XSKK, Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish], Guddoomiye ku xigeenka Xasan Axmed Cabdi [Xasan {Elman}, Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [Roombo], Abanuur Abati Abanuur oo xubin ka ah guddiga fulinta XSKK, Guddiga Olambikada Gobolka Banaadir Md. C/xakiim, Kaaliyaha Xoghayaha guud ee GOS Maxamed Cabdoow, Xoghayaha guud XSKL Cawil Nuur Magan iyo taageerayaasha Kubadda Koleyga.

 

HeeganVNationlink_10-11_05.JPG

HeeganVNationlink_10-11_04.jpg

HeeganVNationlink_10-11_10.JPG

HeeganVNationlink_10-11_014.JPG

HeeganVNationlink_10-11_015.JPG

 

Said Ibrahim Hussein (BUUNA)

buuna@isboorti.com

Isboorti.com Managing Editor

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Yaa rabo inuu basketball nala ciyaaro? just give us the cup ahead of the tournament kick off, waxba ha is ceebeynina. You have been warned (any gobol that want take on Banadir that is).

HeeganVNationlink_10-11_08.JPG

Karate tournament xataa la imaada, trophy-ga unukaa leh....:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somali Government strengthening its Security Sector with the aid of Japan and UN partners

 

UNPOS.gif

 

 

For Immediate Release

PRESS RELEASE 01/2011

 

 

Djibouti, 17 January 2011 – Special Representative of the United Nations Secretary-General for Somalia, Augustine P. Mahiga, today thanked the Government of Japan, UN partners and regional organizations for their support to the Transitional Federal Government at an inauguration ceremony for the training of 500 Somali police recruits. Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed and Ismail Omar Guelleh, President of Djibouti, were also in attendance for the event which took place at the Djibouti Police Academy.

 

“Restoration and sustainability of security is one of the key pillars on which the Djibouti Agreement is based. It is also one of the priority transitional tasks of the Transitional Federal Government (TFG) for promoting stability, creating a wider space for political outreach and reconciliation, supporting the constitution-making process and facilitating reconstruction and development,” Ambassador Mahiga said.

 

Sharif_Mahiga_Djibouti.jpg

 

Commending the Government of Djibouti for its partnership and cooperation with UNPOS, Ambassador Mahiga held up Djibouti as “an outstanding example of support by regional actors--providing a conducive political environment for the Djibouti Agreement to be implemented, including the building of institutions as well as having the unique advantage of being near Somalia, with the same culture and a common language.”

 

He expressed his gratitude to the Government of Japan for “its significant contribution of 10 million dollars to the UNPOS Trust Fund for security sector institutions, without which this new project and training would not have been possible.”

 

In addition to providing stipends and salary for six months, funding from the Japanese-sponsored UNPOS Police project is helping to meet the cost of equipment such as specialized police vehicles, communications equipment and the reconstruction and rehabilitation of police infrastructure in Mogadishu.

 

The Ambassador acknowledged the support of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) Civil Police Unit and the Somali Police Force Senior Management Team for their efforts in making the training possible.

 

“Security in Somalia is one of the main challenges and we need a well-trained, disciplined force with high morale, to be able to provide sustenance to our security forces and their families and to motivate them with regular stipends,” Ambassador Mahiga said.

 

He said that UNPOS will continue to step up efforts to mobilize resources to pay the Somali security forces and that the UN’s international partners, including bilateral organizations such as the African Union (AU), the European Union (EU), Intergovernmental Authority on Development (IGAD) and the United States will continue to provide support to the TFG for the development of the Security Sector in Somalia, but responsibility ultimately lies with the Government.

 

“The security process is a long-term one. It is one of the essential tasks of the TFG to gain legitimacy, trust and credibility of its citizens as well as the international community. At the end of the day, it is up to the TFG to take up the ownership and the responsibility for its own country.”

 

Source: UNPOS

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweynaha Soomaaliya oo Jabuuti kaga qeybgalay xaflad tababar loogu furayay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya (SAWIRRO)

 

tababar%20(4).JPG

 

Isniin, 17 Janaayo, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kaga qaybgalay dalka Jabuuti xaflad tababar loogu furayay 500-askari oo ka tirsan ciidanka booliiska dowladda Soomaaliya.

 

Xafladdan, oo ka dhacday dugisga tababarka booliiska ee Jabuuti, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, madaxweyanaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ra’iisul wasaarihiisa Dileyti Maxamed Dileyti, ergayga xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Augustine Mahiga iyo xubno kale oo ka socday beesha caalamka.

 

“Dowladda Soomaaliya, waxay u baahan tahay in gacan laga siiyo tababarka ciidanka, si ay ugu guuleysato soo celinta amamanka, runtiina waan ku faraxsanahay in ciidammada ka tirsan booliiska Soomaaliya tababar looga furo dalka Jabuuti,” ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif.

tababar%20(2).JPG

tababar%20(3).JPG

tababar%20(1).JPG

 

Madaxweyne Shariif, wuxuu si aad ah uga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca ammaanka, isagoo sheegay in dowladda ay u qorsheysan tahay inay dib u dhis ku sameyso ciidammada, si ay suurogal u noqoto inay dib u hanato ammaanka guud ee dalka.

 

Ciidammada tababarka loo furay, ayaa waxay isugu jireen rag iyo dumar, iyadoo madaxweyne Shariif uu aad ugu ammaanay ciidanka booliiska inay soo celin karaan ammaanka, wuxuuna kula dardaarmay inay dhexda xirtaan inta ay tababarka ku jiraan.

 

Madaxweynaha dalka Jabuuti, oo isna ka hadlay xafladda, ayaa ugu baaqay ciidammadii loo furay tababarka inay gacan ka geystaan soo celinta ammaanka Soomaaliya, wuxuuna xusay inay ka go’an tahay dalkiisa inuu tababarro u qabto ciidammada DKMG ah.

 

tababar.JPG

 

Danjire Mahiga, oo isna xafladda ka hadlay ayaa sheegay, in dhaqaalaha lagu tababarayo laguna qalabayenayo ciidammadan ay bixisay dowladda Jabbaan, ayna u rajeynayaan ciidanka inay ku guuleystaan tababarka loo furay, isagoo intaas ku daray in caalamku uu isha ku hayo Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan oo kulan la yeeshay dhiggiisa Magaalada Oslo Fabian Stang

 

tarzan1.jpg

 

Talaado, 18 Janaayo, 2011 (HOL) – Duqa magaalada Oslo Fabian Stang ayaa kusoo dhaweeyey dhiggiisa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, magaalada Oslo ee dalka Norway.

 

Kulanka labadan mas’uul, ayaa ka dhacay xarunta lagu bixiyo biladda nabadda (Nobel Prize), ahna xafiiska duqa magaaladda Oslo Mr. Fabian Stange, iyagoo kaga hadlay kulankooda xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Norway.

 

Kulankan, ayaa daba-socday shir labo maalmood ka socday magaalada Oslo, kaasoo ay ka qayb galeen wafdi ka socdo dowladda Soomaaliya oo uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda, ahna ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Max'ed Cabdulaahi Omaar, wasiiru-dowlaha xafiiska ra'iisul wasaaraha Sahra Maxamed Cali Samatar iyo safiirka Soomaalia u fadhiya Midowga Yurub ahna safiirka Soomaaliya u jooga dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

 

tarzan.jpg

 

Shirkan, soo ay soo qaban-qaabiyeen urur ay ku midoobeen afar urur oo ka kala dhisan Norway, Sweden, Finland iyo Denmark, iyadoo sanadkan 2011, marti loo ahaa ururka G10 ee ka dhisan Norway.

 

Duqa magaaladda Muqdisho Tarsan iyo dhigiisa Fabian, ayaa ka-wada-hadley arrimo ay ka mid yihiin: hormarinta biyaha, nadaafadda magaaladda Muqdisho, xarumaha dab-damiska iyo tabaar lasiiyo dadka howlahan ka shaqeeya, waxaana Fabian uu balan qaaday inay ka caawin doonaan waxyaabaha ay aqoonta u leeyihiin xaga la talinta iyo farsamadda.

 

Ugu dambeyntii, Tarzan ayaa wareeg kusoo maray xarunta Nobel Prize (biladda nabadda) lagu bixiyo, isagoo halkaa warbixin ku siiyey warbaahinta kuna sheegay inuu bilowday wada-shaqeyn cusub oo dhexmarta labada caasimadood ee Muqdisho iyo Oslo.

tarzan2.jpg

tarzan3.jpg

 

Nuxur Documentary Team

nuxur1@gmail.com

Oslo, Norway

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

As Al Shabaab intensifies its fighting and moves to muzzle Somalis displaced by ongoing war, hundreds of Mogadishu residents on Wednesday participated in a large demonstration against the militant group.

 

 

Chanting anti-Al Shabaab slogans, raising placards written with “We don’t want the mad and cruel militants” and “Stop harassing and intimidating people and open access for the needy Somalis to get assistance,” demonstrators marched down roads in Mogadishu’s government-controlled districts..

 

Speaking through a megaphone, Habibo Adow, a Somali woman, talked to the demonstrators, saying they had come together to express their feelings as the country suffers through severe droughts and Al Shabaab blocks aid agencies from helping needy Somalis.

 

“We are calling on world nations to act quickly to help the Somali transitional federal government dislodge Al Shabaab militants and assist the drought affected people,” Adow said.

 

Warsame Mohammed Jodah, the deputy mayor of Mogadishu, told the crowd that complaints of internally displaced persons have increased in the last few years after Al Shabaab banned more than 20 agencies from operating in southern and central Somalia.

 

Jodah said the administration of the Benadir region is committed to prevent and remove obstacles preventing relief agencies from providing assistance.

 

It is the second anti-Al Shabaab demonstration in Somalia in less than 48 hours.

 

On Tuesday, dozens of local residents in the village of El-arfid in the Middle Shabelle region in southern Somalia demonstrated after fighters loyal to Al Shabaab torched several bags of maize.

 

Witnesses told a local radio station that at least 50 local inhabitants were arrested by Al Shabaab during the protest.

 

The militant group has since declared a curfew in the village.

 

610x.jpg

 

Read more: http://www.allheadlinenews.com/briefs/articles/90031373?Mogadishans%20demonstrate%20against%20Al%20Shabaab#ixzz1BVXMunkt

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dowladda oo UNICEF ku wareejisay Gaari ay Shabaabku ka dhaceen

 

uni.jpg

 

 

Munaasabad hey’ada UNICEEF lagula wareejinayay gaari horey ay u bililiqeysteen maleeshiyada Alshabaab oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan doowlada KMG ah ayaa maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha caalimga ah ee magaalda Muqdisho.

 

Munaasabaddaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayna ka soo qayb galeen xubno kala duwan oo uu ugu horeeyo ku simaha wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ahna wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Ibraahim ***** Yarow, gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Max’ud Caddow, Maareeyaha Hay’adda duulista iyo Saadaasha hawada Max’uud Sh Cali Dable Beylood, Taliyaha hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Janaral C/laahi Gaafow Max’uud iyo xubno kale oo munaasabaddasi lagu casuumay.

 

Gudoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Cali Max’uud Caddow oo ugu horeyn halkasi ka hadlay ayaa sheegay in 17-kii bishii May ee sanadkii 2009-ka ay maleeshiyaadka koxda Al-shabaab si xoog ah uga kaxeysteen xarunta hay’adda UNICEF ee magalada Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe xilligaasi oo ay Shabaabku si xoog ah ku galeen xarunta gobolkasi ee Jowhar.

 

Cali max’uud Caddow ayaa hoosta ka xariiqay in gawaarida ay markii hore ahaayeen labo hayeeshee haatan ay si nabad gelyo ah ku soo badbaadiyeen mid ka mid ah gaawaaridaasi , isagoo intaa ku daray in ay ku dadaali doonaan sidii hantida kale ee Dowladda iyo kuwa hay’adaha ay horey maleeshiyaadka koxda Al-shabaab u boobeen dib ugu soo celin lahaayeen kooxahasi boobka geystay.

 

Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Md Ibraahim ***** Yarow oo isna munaasabadasi ka hadlay ayaa talaabadasi ku tilmaamay mid aad u wanaagsan islamarkaana ay gaarigaasi ku wareejinayan madaxa hay’addda nabad gelyada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaramada Midoobay ee marka magaceeda loo soo gaabiyo loo yaqaan UNDSS, Jorge Fuentes.

 

Ugu dambeyntii waxaa halkasi ka hadlay madaxa ha’adda UNDSS Jorge Fauntes oo arinkasi uga mahadceliyey dowladda KMG Soomaaliya iyo intii gacan ka geysatay.

 

“Mahadsanid Mudane Wasiir, anigoo ku hadlaya magaca hay’adda UNICEF waxaan dowladda ka guddoomay gaarigaan oo ay dib noogu soo celisay, aad baad u mahadsan tahay mudane wasiir adiga iyo gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe aad baad u mahadsantihiin” ayuu yiri Jorge Fuentes.

 

Maamulka Gobolka Sh/dhexe ayaa noqonaya maamulkii ugu horeeyey ee dib u soo celiya mid ka mid ah gawaarida ay hay’adaha Samafalku lahaayeen ee ay kol hore maleshiyaadka Al-shabaab boobka u geysteen.

 

:cool::cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Shirkii Jaamacadda Carabta oo lagu go’aamiyay in taageero ballaaran loo fidiyo dowladda Soomaaliya

 

 

Khamiis, 20 Janaayo, 2011 (HOL) – Hoggamiyeyaasha Jaamacadda Carabta ayaa warmurtiyeed ay Arbacadii shalay kasoo saareen shirkii ay ku yeesheen magaalada Sharmal-Sheekh ee dalka Masar, ku baaqay in si muuqata looga qaybqaato horumarka iyo nabad soo celinta Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha hay’adaha dowladda iyo dib u heshiisiinta.

 

Madaxda Carabtu, waxay isku raaceen in xubnaha ururka ay bixiyaan dhaqaalihii horay loogu yaboobay dowladda Soomaaliya, taasoo lagu ballanqaaday shirkii ka dhacay magaalada Sirta ee dalka Liibiya sannadkii hore.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar, Axmed Abul-Qayt, ayaa sheegay in go’aannadii kasoo baxay gabagabadii shirkii shalay, laga soo saaray in laga hortago faragelinta ay kooxaha argagaxisada ah ka wadaan gudaha dalalka Carabta, laguna baaqay in si deg-deg ah lagu xalliyo khilaafyada ka taagan dalalka Carabta.

 

Hoggaamiyeyaasha Carabta, ayaa sidoo kale warmurtiyeedkooda ku sheegay in si wadajira ah looga hortago dagaallada ay wadaan kooxaha ay ugu yeereen argagaxisada iyo faragelinnada shisheeye, iyagoo sheegay in dhibaatooyin kala duwan ay kooxahaas ku hayaan guud ahaan caalamka, gaar ahaan dalalka Carabta.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka mid ahaa madaxdii shirka ka qaybgalay, isagoo hadal uu shirka ka jeediyay ku sheegay in dowladdiisu ay la tacaalayso sidii nabadda Soomaaliya kusoo celin lahayd, wuxuuna gacan weydiistay dalalka Carabta.

 

Ugu dambeyn, go’aannada shirka, ayay madaxda Carabta ku muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin falalka burcadbadeednimo, gaar ahaan kuwa ka dhaca biyaha dalalka Carabta qaarkood. Iyagoo ku baaqay in dalalka Carabta ay isku garbsadaan sidii ay burcabadeedda uga hortegi lahaayeen.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaiya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this