Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Naafada Ciidanka Xoogga Dalka soo xusuusiyay Saxiixii ay Mushaarka ku qaadan jireen

 

naafo4.jpg

Axad, February 13, 2011(HOL): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa galabta ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Xarunta Naafada Ciidankii xoogga Dalka Soomaailyeed ee Isbitaal Martiini taasoo mushaar lagu siinayay Ciidankaasi Naafada ah.

 

Sidoo kale, munaasabadan waxaa joogay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Marwo Sahra Maxamed Cali, Agaasimaha Guud ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Abuukar Daahir Cismaan iyo saraakiisha Ciidanka Xooga.

 

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, ahna Wasiirka Gaashaandhigga ayaa yiri “Waxaa maanta farxad weyn inoo ah in Ra’iisul Wasaaraha iyo anigoo ah Wasiirkii Gaashaandhigga aan xaruntiina idinku soo booqano haddii aad tihiin Naafadii Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, taasina waxay ka turjumeysaa ahmiyadda weyn ee Xukuumadda uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Mudane Farmaajo ay siineyso taakuleynta iyo daryeelka iyo dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, si loo sugo tiirarka dowlad-nimada, loona xoojiyo amniga, kala dambeynta” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Fiqi oo intaas ku daray in xukuumaddu aaney marna ilaawi doonin ciidankii difaaca Qaranka Soomaaliyeed xubnohooda ku waayay.

 

naafo3.jpg

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isna la hadlay Naafada ayaa sheegay inuu ugu horreyntii u mahadcelinayo golihiisa Wasiirada oo uu sheegay in dhamaantood ay la qabaan fikradda ah in ahmiyadda koowaad la siiyo dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka iyo daryeelkooda.

 

“Muhiimada koowaad waxa weeye inaan ugu horreyn taakuleyno ciidankii ku naafoobay dagaaladii 77 taasoo jawaab u ah marka aan idin taakuleyno kuwa haatan habeen iyo maalin furimaha dagaalka ku jira ee caddowga ka horjeeda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in Naafada xoogu ay mudan yihiin xusuus gaar ah.

 

“Waxaan ballanqaadnay dowladdan cusub iyo madaxweynaha dalka inaan muhiimad gaar ah siinno ciidamada, sababtoo ah iyagaa ammaanka soo celin kara, Amnigii marka la helana Qarannimadii ayaa soo noqoneysa” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xusay in dhibaatadu ay ka taagneyd in xukuumadihii wadanka soo maray ay xaqiri jireen mudnaanta ciidanka Qaranka.

 

naafo6.jpg

 

“Dhibaatadu waxay ka taagneyd in la xaqiro ama aan la tixgelin ciidanka sidoo kalena aan la tixgelin lana daryeelin ciidankii u naafoobay dalkooda, adinka oo aan la idin tixgelinna wax hagaagi kara ma jiraan, maxaa yeelay ciidanka hadda jooga idinkaa tusaale u ah” ayuu mar kale yiri Mr. Farmaajo.

 

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu u sheegay Naafada Ciidanka xoogga dalka in galabta hortiisa lagu siin doono mushaarkii ugu horreeyay ee xukuumaddiisu siiso Naafada Xoogga, isagoo yiri “Insha allahu waxaan rajeynayaa in aysan noqon bishii ugu dambeysay oo aad mushaarkan qaadataan, waxaana rajeynayaa in bil kasta aad qaadataan” ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo noqday Ra'iisal Wasaarihii ugu horreeyay oo Xarunta ay Muqdisho ku degan yihiin ku booqda Naafada Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Ciidanka mushaarka loo bilaabay maanta ayay tiradoodu dhammeyd 97 ruux oo hadda ka nool Naafadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo intooda badani ay ku socdeen Kursiga lugaha leh ee ay dadka naafada ah ay isticmaalaan, halka kuwa kalena ay biro ku boodayeen, waxaana jiray 250 kale oo ka tirsan Naafada oo degan qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in tallaabada xigtana ay mushaar siin doontaan ciidanka ku dhaawacmay ama ku naafoobay dagaallada haatan ay dowladdu Federaalku kula jirto kooxaha Nabad iyo dowlad-diidka ah.

naafo.jpg

naafo5.jpg

naafo2.jpg

naafo7.jpg

 

Garaad Salaad Xirsi

media@opm.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Siminnaar looga hadlayay dhibaatooyinka lagu hayo haweenka Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay

haween%20(2).JPG

Isniin, 14 Feberaayo, 2011 (HOL) – Siminaar ay soo qabanqaabisay hay'adda CCD ayaa 150-haween ah maanta loogu qabtay Muqdisho, loogana hadlayay dhibaatada ay haweenka Soomaaliyeed qabaan, ayaa haldhig looga dhigay 'aan raacno quluubteenna toosan'.

 

Haweenkii ka qaybgalay siminaarkan ayaa waxaa ka mid ahaa haween xildhibaanno ah, kuwo ka socday urrurada haweenka Soomaaliya, haweenka gobolka Banaadir, dalladda ururrada bulshada rayidka ah gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

 

Xildhibaan Caasho C/llaahi Ciise oo ka mid ahayd haweenkii ka socday baarlamaanka ayaa hadal ka jeediyay furitaanka siminaarka, waxayna isweydiisay su'aal ahayd: "Dhibaatada haweenka Soomaaliyeed haysata mala qabaan haweenka ku nool dalalka Islaamka?", waxayna xildhibaanaddu sheegtay in dhibaatada haweenka Soomaaliyeed lagu hayo ay ka hortegi karaan haddii ay isku duubni muujiyaan.

 

Sidoo kale waxaa halkaas khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedisay guddoomiye ku-xigeenka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, ahna ku-simaha guddoomiyaha ururkaas Canab Xasan Cilmi oo sheegtay in maanta oo ku beegan 14-ka Febraayo kuna beegan maalinta isa-salaanka adduunka ay ku bedelanayaan "Maalinta nabad jacaylka".

haween%20(4).JPG

"Anagu jacaylkeena waa nabad," ayay tiri Canab Xasan Cilmi oo sheegtay in maanta haweenka Soomaaliyeed waxay ugu jecel yihiin ay tahay dalkooda oo nabad ah, iyadoo sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay ahaayeen gabdhaha ugu qaalisan adduunka, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in doorkaas dib loo soo celiyo, iyadoo waalidiinta, gaar ahaan hooyooyinka ugu baaqday inay gabdhahooda ka ceshadaan kuwa ku ciyaaraya mustaqbalkooda.

 

Guddoomiyaha haweenka hay'adda CCD, Sahra Maxamuud Amiin oo iyaduna hadal kooban ka jeediyay siminaarka ayaa ugu horreyntii u mahad-celisay madaxda iyo maamulka hay'adda CCD dadaalka ay ku bixinayaan sidii ay haweenak Soomaaliyeed isugu keeni lahaayeen si ay aayahooda uga hadlaan, sidoo kalena ay uga tashan lahaayeen sidii dalkooda iyo dadkooda looga saari lahaa dhibaatada haysata, iyadoo sidoo kalena u mahadcelisay haweenka siminaarka ka qaybqaaadanayay.

 

Madaxdii halkaasi khudbadaha kala duwan ka jeediyay waxaa ka mid ahayd xildhibaan Caasho C/llaahi Qayaad oo sheegtay inay welwel ku heyso dhibaatada lagu hayo haweenka Soomaaliyeed, waxayna haweenka ugu baaqday inay u istaagaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen ka hortagga dhibaateynta haweenka.

haween.JPG

Muddadii ay socdeen khudbadaha furitaanka siminaarka ayaa waxaa halkaasi qaar ka mid ah haweenka ay ku soo bandhigeen gabayo, buraan-burro, hal-ku-dhigyo ka tarjumayo sidii haweenku ay uga bixi lahaayeen dhibaatada u gaarka ah, nabad la'aanta iyo boobka gabdhaha aan qaan-gaarin, Waxayna suugaantooda ku cabireen sida looga hortegi karo arrimahaas foosha xun ee bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan haweenka lagu hayo.

 

Ugu dambeyn, ka qeyb-galayaasha siminaarka oo isu qaybiyay lix kooxood, ayaa si gooni-gooni ah uga jawaabayay hal su'aal oo ahayd sida ugu habboon ee haweenka ay uga bixi karaan dhibaatada lagu hayo.

 

Khudbaddii xiritaan siminnaarka ayaa waxaa jeedisay Canab Xasan Cilmi oo ku hadlaysay ururrada haweenka kasoo qaybgalay siminaarka, iyadoo ammaan iyo bogaadin u jeedisay ka qaybgalayaasha siminnaarka iyo sida ay fikiradahooda ugu jeediyeen sidii ay dhibaatada uga bixi lahaayeen.

haween%20(6).JPG

haween%20(7).JPG

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Hay'adda DBG oo maanta deeqa dawo ah ku wareejisay Isbitaallada Madiina iyo Banaadir ee Muqdisho

DBG4.jpg

Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Hay'adda Daryeel Bulsho Guud (DBG) ayaa maanta deeq dawo ah oo ka timid dalka Jarmalka ku wareejisay isbitaallada Madiina iyo Banaadir, iyadoo ay sheegeen mas'uuliyiinta hay'adda inay dawooyinkan qaybta ka harsan ku wareejin doonaan isbitaallada Dayniile iyo Keysanye toddobadka soo socda.

 

"Deeqadan dawada ah oo culeyskeedu yahay 14-mitric-tone waxaa soo dhiibtay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Jarmalka, waxayna ku kacday 400,000 Euro, iyadoo loogu talogalay in lagu taakuleeyo isbitaallada Madiina, Banaadir, Dayniile iyo Keysaney, hay'adda DBG ayaana loosoo marsiiyay," ayuu yiri agaasimaha hay'adda Daryeel Bulsho Guud Cumar Colaad Axmed.

 

Mr. Coalad wuxuu sheegay in maanta ay dawadan qaybteedii ugu horreysay ku wareejinayaan isbitaallada Madiina iyo Banaadir oo ku yaalla qaybaha ay dowladdu ka maamusho Muqdisho, maalinta Sabtida ah ee soo socotana ay qayb kale oo ka mid ah dawadan ku wareejin doonaan isbitaallada Dayniile iyo Keysaney oo ku yaalla qaybaha ay Xarrakatul Shabaab ka maamusho Muqdsiho.

DBG5.jpg

"Hay'adda DBG waxay Soomaaliya ka-howl-billowday sannadkii 1992-kii, tan iyo xilligaasna maalin kama aysan bixin dalka, waxayna bishii Jannaayo sannadkii 2004 ay isku badashay hay'ad maxalli ah oo ay maamulaan dad Soomaali ah," ayuu yiri Cumar Colaad.

 

Xafladda lagu wareejiyay dawadan oo ka dhacday hoteelka Saxafi ee Muqdisho, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin ka socday maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda caafimaadka xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo ay soo dhaweeyeen xubnahaas dawada ay DBG ku wareejisay isbitaallada Muqdisho.

 

"Cid walba oo shacabka waxtarta waan uga mahadcelinaynaa, markhaati ayaana ka nahay in DBG ay gargaar u fidiso shacabka Soomaaliyeed sida biyo dhaamin," ayuu yiri Warsame Maxamed Joodax oo ka socday maamulka gobolka Banaadir.

 

Sidoo kale, mas'uulkan wuxuu ugu baaqay hay'adaha kale inay ku daydaan DBG oo ay dadka gargaar u fidiyaan, isagoo sheegay in hay'addii dadka taageerta ay u mahad-celinayaan kuwii aan taageerinna ay taariikhdu xusi doonto.

 

 

DBG6.jpg

Wasiirk ku xigeenka wasaaradda caafimaadka DKMG ah Cismaan Libaax oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan deeqda dawada ah ee ay DBG ku wareejisay isbitaallada Muqdisho, isagoo sheegay in hay'ad walba oo Soomaali ah looga baahan yahay inay shacabka taageerto.

 

Agaasimaha isbitaalka Banaadir Dr. C/risaaq Cali Xasan oo isaguna hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa sheegay inay ka guddoomeen hay'adda DBG deeqda dawada ah, isagoo sheegay in dawo oo keliya aanay isbitaalladu u baahnayn, balse sidoo kale ay u baahan yihiin gargaar intaas ka badan.

 

Duniyo Cali Maxamed oo u hadashay isbitaalka Madiina ayaa iyaduna sheegtay inay uga mahadcelinayaan hay'adda DBG dawada ay ku wareejisay, waxayna xustay in dawadan aysan ahayn markii ugu horreysay oo DBG ay soo gaarsiiso isbitaalkooda.

 

Ugu dambeyn, waxaa saxaafadda la tusay afar gaari oo ay saarnaayeen dawooyin kala duwan, kuwaasoo loo kexeeyay dhinaca isbitaallada loogu deeqay, waxaana xubnaha u hadlay labada isbitaal ay isla qireen in dawadan la soo gaarsiiyay xilli ay baahi weyn u qabeen.

DBG3.jpg

DBG1.jpg

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Danjire Maxamed Cali Ameerika oo maxaabiis Soomaali ah ka sii daayay Xabsi ku yaalla Mombasa

 

maxaabiis1.jpg

Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur (Amerika) ayaa ku guuleystay inuu xabsi ku yaalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya ka sii daayo dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa.

 

Safiirka oo la hadlay HOL ayaa sheegay in maxaabiista lasii daayay oo dhallinyaro u badan berri subax aroorta hore loo qaadi doono xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab, isagoo xusay in hay'adda UNCHR ay ogolaatay inay siiso kaararka qoxootinimada.

 

"Waxaan saakay la kulmay taliyaha ciidanka booliska Mombasa, kaddibna waxaan la kulmay dhalinyaradii Soomaaliyeed ee la siidaayay, waxaan u soo diyaariyay baabuurtii lagu qaadi lahaa," ayuu yiri danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya.

 

Ambassador Amerika, wuxuu sheegay in taliyaha booliiska Mombasa uu ka codsaday in lagu daro gaadiidka dhallinyarada galbinaya ciidammo gaarsiiya xeryaha qoxootiga si aysan mar kale u dhicin in lagu qabto jidka.

 

maxaabiis.jpg

Safiirka ayaa sheegay in muddo dhowr casho ah uu ku sugnaa Mombassa si uu u sii-daayo maxaabiistan Soomaalida oo u badan dhallinyaro aad u da' yar, kuwaasoo ciidamada Kenya ay qabqabteen iyagoo dalkaas ku galay si sharci darro ah.

 

Ma ahan markii ugu horreysay oo danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya uu ka sii daayo maxaabiis ku xiran dalka Kenya, waxaana dhawaan sidoo kale uu ku guuleystay inuu xabsiyo ku yaalla Mombasa ka sii daayo tiro maxaabiis Soomaaliyeed ah.

maxaabiis2.jpg

maxaabiis3.jpg

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

"Haween ayaan ku dareynaa Garsoorka dalka"

 

Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda FKMG Soomaaliya Mudane C/llaahi Abyan Nuur ayaa sheegay in wasaaraddu ay qorsheynayso tababarro la siiyo haweenka si ay hay’daha garsoorka dalka uga qaataan kaalintooda.

 

Wasiirka oo ka hadlay xaflad ay shalay dhigteen haweenka ku jira barlamaanka oo Muqdisho ka dhacday ayaa sheegay in haweenku aysan helin xuquuqda uu siiyay dastuurka dalka, ayna muhiim tahay in ay qeyb ka noqdaan dhammaan hay’adaha dastuurka dalka.

 

Mudane C/llaahi Abyan Nuur wuxuu ballan qaaday in wasaaraddu ay fulin doonto qorshe dhow oo haween ay uga mid noqonayaan Garsoorka dalka, taas oo muhiim u ah haweenka Soomaaliyeed.

 

Xildhibaan Khadija Diiriye oo kulankaasi ka hadashay ayaa ayana sheegtay in haweenku aysan wada helin xuquuqda ay ku leeyihiin Dowladda, waxay sheegtay in toban iyo laba boqolkiiba uu dastuurku siiyay haweenka hase yeeshee hadda ay heystaan kala bar tiradaasi, waxayna sheegtay in ay muhiim tahay in dadaal badan lagu bixiyo sidii loo heli lahaa xaqaasi.

 

Xildhibaano badan oo qaarkood ay xilal muhiim ah dalka ka soo qabteen ayaa ka qeyb galay kulankaasi, sida R/wasaarihii hore Xasan Abshir Faarax, R/wasaare ku xigeenkii hore C/waaxid Cilmi Goonjeex iyo xubno kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Isbitaal Martiini oo dib loo howl-galiyay

 

Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 14-Febraayo -2011

martini.jpg

 

 

Masuuliyiin farabadan oo ka tirsan DFKG Soomaaliya ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay furitaanka Isbitaal Martiin ee magaalada Muqdisho.

 

R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Xaji Fiqi, wasiirka Caafimaadka Dr. Aadan X Ibraahim Daud, wasiirk ku xigeenka Caafimaadka Cumar Libaax iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa kasoo qeyb galay xaflad loo sameeyay dib u howlgalinta Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

 

Qudbado kala gadisay oo ay soo jeediyeen madaxdii halakasi maanta ka hadashay ayaa dhamaantood u mahadceliyay shaqsiyaadkii xafiday qeybo badan oo ka mid ah dhismaha Isbitaalka Martiini kaasoo hoy u ahaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay qaar katirsan ciidankii naafada xoogga dalka Soomaliyeed ee ku wax-yeeloobay dagaalkii 1977- dhex maray Soomaalia iyo Ethiopia.

 

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ku dheeraaday muhiimada uu Cusbitaalkan maanta lahowl galiyay ee Martiini u leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuna sheegay in maamulkiisu uu qeyb weyn ka qaatay dib usoo nooleynta Cusbitaal Martiini.

martini1.jpg

 

 

Guddoomiye Tarsan ayaa sidoo kale kula dardaarmay masuuliyiinta gacanta ku haya Cusbitaalka in ay ku dadaalaan ilaalinta badqabka Isbitaalka kasoo uu sheegay iney kawada faa`iidayaan dhamaanba dadweynaha, wuxuuna carabka ku dhiftay in loo baahanyahay in si wada jir ah loo ilaaliyo dhismaha iyo qalabka Cusbitaalka kuwas oo ah danguud.

 

Sidoo kale Guddoomiyahah Gobolka Banaadir ayaa waxa uu tilmaamay in maamulkiisa uu garab taagnaan doono sii socoshada iyo ka warqabka Cusbitaalka kaasoo uu ku tilmaamay in dib u howl galintiisa 20-sano kadib ay ka faa`iideysan doonaan si lacag la’aan ah qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaliyeed islamarkaana sidoo kale uu Isbitaalku qeyb xoogan ka qaadan doono caafimaadka Ciidamada qalabka sida ee Soomaliyeed.

 

“Sidaad ka warqabtaanba Isbitaal Martiini 20-kii sano ee lasoo dhaafay waxaa dhex daganaa ciidankii naafada xoogga dalka iyo qoysaskooda, waxaan ku howlanahay inana siino guryo inagoo tiro koob rasmi ah ku sameynay caddadka Qoysaska dhex dagan Isbitaalka, waana ka saari donaa gudaha Isbitaalka si habsami usocodka howlaha caafimaad ee uu Isbitaalku bixininayo ay habsare oo caalami ah u noqdaan", ayuu yiri gudoomiye Tarzan.

 

Wuxuu sheegay in aan meel cidlo ah looga tagi doonin qoysaska gudaha Isbitaalka dagan oo ay siinayaan qoys kasta boos ay dagaan kaasoo ay kala kaashanayaan hayada caalamiga ah si loogu dhiso qoys waliba booska la siinay.

martini2.jpg

 

Wasiirka Gaashaandhiga oo halkaas isna qudbad gaaban ka jeeday ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay dib u howlgalinta Martiini Hospital muddo dheer kadib, wuxuuna mahad balaaran ujeediyay madaxdii iyo masuuliyiintii kala duwaneyd ee gacanta ka geesatay .

 

Dr. Aadan Xaaji Ibraahim Daauud wasiirka caafimaadka DFKG ayaa isna dhankiisa sheegay iney aad ugu faraxsan yihiiin dib u holwgalinta Isbitalka Martiina isagoona sheegay in Isbitaalku uu fulin doono dhamaanba adeegyada caafimaad ee ala duwan si lacag la’aan ahna uu ugu adeegi doono shacabka Soomaliyeed, wasiirka caafimaadka ayaa sidoo kale xusay in Isbitaal Martiini uu yahay halka uu ku dhashay R/wasaaraha hada talad haya ee Maxamed C/laahi Farmaajo.

 

Ugu dambeyntii xaflada dib uholw galinta Isbitaalka Martiini ayaa kusoo gaba gaboowday jawi nabadeed, waana markii ugu horeysay ee DFKG ay suurto galiso Isbitaal si lacag la’aan ah ugu adeegi doono shacabka Soomaaliyeed kuwaasoo ay ragaadiyeen dagaalo aan dhamaad laheyd tan iyo burburkii dowalddii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre horaantii sagaashimaadkii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Marwo Sahro M. C. Samatar oo deeq lacageed gaarsiisay Bukaannada ku jira isbitaalka Madiina

 

bukaanno.jpg

Axad, February 27, 2011(HOL): Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa maanta deeq lacageed gudoonsiisay Bukaanada ku jira Isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho, waxaana Wasiirka ku wehelinayay qeybinta lacagtan Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Mudane Dr. Maxamuud Sheekh Xasan (Akhi), Xiiriyaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo urur goboleedka IGAD Cali Cabdi Wardheere (Cali yare) iyo weliba qaar ka mid ah gabdhaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

 

Lacagtan oo ay tiradeedu dhameyd 30 Milyan oo Shillinka Soomaaliga ah ayaa waxaa la guddoonsiiyay ku dhowaad 200 oo Bukaan oo ku jira Isbitaalka Madiino waxaana mid mid loogu gacangelinayay iyaga oo jiifa sariirahooda.

 

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Marwo Sahro M. C. Samatar ayaa u sheegtay weriyeyaasha inay booqasho gabaan ugu yimaadeen Bukaanada ku jira Isbitaalka iyaga oo ka wakiil ah Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha si ay ula qeybsadaan dareenkooda isla markaana ay soo gaarsiiyeen lacag “Xukuumadeenu aad ayay uga xuntahay dhibaatooyinka maalin kasta soo gaaraya shacabkeena, waxaana idiin cadeyneynaa in dowladdu ay dalka ka saari doonto kooxaha nabadiidka ah oo dhibaatada ku haya shacabka” ayay tiri Sahro oo intaasi ku dartay inay Alle uga baryayaan in inta dhimatay u naxariisto kuwa dhaawaca ahna Caafimaad deg deg ah siiyo.

bukaanno%20(3).jpg

Guddoonsiinta deeqdan ayaa waxay ku soo beegantay xilli dhaawacyo tiro badan la dhigay todobaadkii ugu dambeeyey Isbitaalka Madiino maadaama ay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya wadano dagaal ka dhan ah kooxaha nabadiidka ah.

bukaanno%20(2).jpg

bukaanno%20(4).jpg

bukaannoo.jpg

 

Garad Salad Hersi

Press Officer office of the Prime Minister

media@opm.gov.so

Mobile: +252-615536608

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Expats Return To Somalia In Hopes Of Aiding Change

Part 1 of 4 series

 

Monday, February 28, 2011

 

Somalia has not had an effective central government in two decades of civil war.

A new Cabinet took office in November in the capital, Mogadishu, and it's loaded with Somali-Americans. Some have given up quiet lives in the U.S. suburbs to try to turn around one of the world's most dangerous countries.

 

Abdulkareem Jama is the Somali transitional federal government minister of information, posts and telecommunications. He used to work in IT management for Congressional Quarterly Press. Jama grew up in Mogadishu before the war, when it was a beautiful seaside city.

 

Like many Somalis, he left, eventually settling in Northern Virginia. One day, Somali President Sheik Sharif Sheik Ahmed asked him to join Somalia's transitional government.

 

"I told my wife and she thought I was nuts," Jama says. But they talked it over and decided he should return and try to make a difference. Jama is one of eight Somali-Americans in the Cabinet of 19.

 

Their task is overwhelming.

 

Foreign Policy magazine puts Somalia at the top of its list of failed states. Transparency International calls it the most corrupt. Jama says the new government is trying to change that.

Ships arrive each day at the port of Mogadishu carrying cars, televisions and emergency food. But the port had never collected more than $900,000 a month in taxes because of graft. Jama says the government reshuffled the port administration and — voila — monthly revenue jumped to $ 2.5 million — a record.

 

But changing habits in Somalia is hard.

 

Read the rest at NPR

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ay dhoont noow weer to boost dis, bat eniwej, hiya it is.

____________________

 

DFKMG oo Magaca ka bedeleysa Dugsigii Xaawo Taako

 

taako.jpg

 

Tallaabo iila muuqata gaf laga galayo taariikhda iyo halgankii dadkii dhiiggooda u daadiday Dalka iyo Dadka Somalia ayay dawladda magac ahaanta haattan u jirta qaadatay waa go'aan la ii sheegay inuu ka yimid madaxwaynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uuna soo marsiiyay Wasiirkiisa Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Dr C/nuur Sheekh Maxamed, sida aan ka xogsaday saraakiil ka tirsan waxbarashada .

 

Xaawa Cismaan (Xaawa Taako) oo lagu garto halgankii la dagaallanka Gumaysiga waxay ka mid tahay astaamaha xornimo u dirirka Dalka, Dawladdihii xalaasha ahaa waxay u sameeyeen xasuus waarta waxaa kaalinta xasuus reebka dadkii halganka usoo galay dalka kaalin mug leh ku lahaan jirtay wasaaradii waxbarasho.

 

Maanta oo ay dawladda Soomaaliya isugu soo aruurtay afar xaafadood oo xamar ka mid ah ayay go, aan ku gaartay inay magacii iyo maamuuskii ka xayuubiso Xaawo Taako , wasaaradda waxbarashada ayaa maaggan inay Iskoolka Xaawa Taako ka dhigto xarun lagu xanaaneeyo Caruurta Agoonta ah , waxaa la ii sheegay inuu Madaxwayne Shariif u sheegay Wasiirka Tacliinta inuu Iskoolkaas u bixiyo Prof Caddow, wasiirkii Tacliinta ee Shaamoow lagu dilay Qarax .

 

Wuu mudan yahay Caddow in loogu magac daro iskool iyo wax ka wayn laakiin ma qurxana in Hooyadii dhiigeeda u daadisay Ummadda Somaliyeed iyadoo waliba hor taaggan Gumaysi Gaamuray dalka iyo dadkana xoog ku haysta in magaceeda loo tir tiro taasi waxay hordhac fiican u noqon kartaa in gurboodka yar yar si sahlan looga masaxo taariikhdii halganka xornimo u dagaallankii mudda dheerna aan soo harsanay asii maanta naga maqan tahay oo aan heer ka xun kii maantaa xaawo uu Gumaysiga arxanka daran ku daadiyay dhiiggeeda .

 

Ma filayo inay Xukuumadda haattan Villa Somalia daggan haysato dhaqaale xumo ay ku dhisto xarun agoomeed magacii la doono markaa ha loo baxshee laakiin waxaa dhab ah in Magaca Iskoolka Xaawa Taako doorintiisu tahay gaf wayn oo laga galay halgankii xornima u darirkii lagu Dhaliyay J. Soomaaliya, in la doooriyo magaca iskoolka Xaawo Taako wuxuu ka dhigan yahay astaanta Qaranka oo la badalay. Xaawo waa astaan qaran una taagan halgankii xoraynta dalka.

 

_______________

 

Qoraalka waa tifaftiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soomaalina, however, will love to read this:

 

"SOMALI NATIONAL TV (SNTV) was OFF AIR in 20 years but today i'm telling you friends the TV will be on air next week... Thank God we're coming back. Soon i'll tell you guys where you can watch it Frequency and stuff..."

 

That is what the host of Wargelin Show posted on his facebook page. He is in Xamar.

 

risomcal.gifrisomcal.gifrisomcal.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Somali president accepts credentials of Indian ambassador

 

“I am very blessed with the acceptance of His Excellency, President Ahmed and we shall soon start of our mission in our embassy in Mogadishu” the ambassador said."

 

Somalia’s embattled president, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, on Sunday accepted the credentials of Ambassador Shri Sibabrata Tripathi, the Indian ambassador to the republic of Somalia.

clearpxl

 

Ahmed congratulated the new ambassador and wished him much success with his mission inside Somalia.

 

Later, Mohammed Abdullahi Omar, the foreign minister of Somali's transitional federal government and the Indian ambassador held a joint press conference in Mogadishu’s Villa Baidao where the president has a temporary office as the nation is in a state of war against the militant group al Shabaab.

 

Mr. Omar said the Indian government has officially re-opened its embassy in Somalia after more than 20 years.

 

He said that he will do his best to foster greater improved relations between the east African nation of Somalia and India.

 

India is the second government in less than two months to re-establish its embassy in Somalia.

 

Ambassador Shri Sibabrata Tripathi, India's ambassador to the republic of Somalia has history of working in several African nations, such as Kenya, Egypt, Uganda and Madagascar .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

'Arab League is ready to repatriate Somali refugees from Libya’ TFG minister

 

MOGADISHU – The transitional government of Somalia has said that the Somalia refugees in Libya would be repatriated by the Arab league to be save from the up rising violence in Libya.

 

Abdiweli Mohamed Ali, the deputy Prime Minister and international contact minister of the Somali government had held press conference in Mogadishu on Sunday evening said that the Arab League responded a call of the Somali government to deploy the Somali refugees experiencing difficulties in Libya.

 

The minister said that more than 2000 Somali refugees were in Libya and lived in difficult conditions pointing out that the people would be airlifted from whole country very soon.

Mr. Abdiweli called for the Somali people to be ready for repatriating and returning back to their homeland to be saved from the violence going on in Libya reiterating that Arab League would simplify their deployment back to Somalia.

The Minister called for the Libyans not to harm the Somali people reached there for reasons relating in search of better live and peace as they left from their war-torn country.

The statement of the transitional government of Somalia comes as most of the states in the world continued airlifting and deploying their families from Libya where deadly demonstrations against the Libyan government continued since mid February.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this