Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho ka dhoofay iyagoo ku sii jeeda Mareykanka

 

farmaajo.jpg

 

Isniin, Maarso 07, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho iyagoo kusii jeeda dalka Mareykanka si ay uga qaybgalo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka dhacaya xarunta Qarammada Midoobay ee New York.

 

"Safarka ra'iisul wasaaraha wuxuu ku saabsan yahay ka qaybgalka kulan hal maalin ah oo looga hadlayo arrimaah dalka Soomaailya oo Khamiista ka dhacaya xarunta Qarammada Midoobay ee New York," ayuu yiri ra'iisul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar oo saxaafadda uga wabixiyay safarka ra'iisul wasaaraha.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in shirka looga hadli doono xilliga kala guurka ee dowadda iyo dardargelinta taageerada ay beesha caalamka siiso dowladda Soomaaliya, balse inta uu socdo lagu wado in mudane Farmaajo uu ka warbixiyo xaaladda uu dalku ku sugan yahay, waxqabadka dowladda iyo taageerada bani'aadamnimo ee loo baahan yahay.

 

Safarka ra'iisul wasaaraha ayaa noqonaya kii labaad oo uu ugu dhoofo Mareykanka tan iyo markii uu xafiiska loo magacaabay, isagoo horay uga qaybgalay shir looga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya oo ka dhacay xarunta Qarammada Midoobay.

 

Ra'iisul wasaaraha oo wax ku bartay kana shaqeeyay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in inta uu ku sugan yahay halkaas uu kulammo gaar-gaar ah la yeesho madaxda kasoo qaybgalaya shirka sida u sheegay Oomaar.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo wax laga weydiiyay muddada uu qaadan doono safarka ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay inaan la garan karin, balse sida ugu dhaqsiyaha badan uu ra'iisul wasaaruhu ugu soo laaban doono gudaha dalka.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee DKMG ah oo maanta deeq raashin ah ka qaybiyay Degmada Wardhiigleey

gargaar1.jpg

Isniin, Maarso 07, 2011 (HOL) – Waxaa manta deeq raashiin ah la gaarsiiyay dadka ku nool degmada Wardhiigleey oo isugu jira barakacayaal iyo dad horay u daganaa degmadaas, kuwaasoo ay lasoo gudboonaatay xaalado nolol xumo iyo raashin la'aan ah.

 

Deeqdan raashinka ahaa ayaa waxaa ka qaybiyay degmada Wardhiigleey guddiga gurmadka abaaraha oo maalmaahan dambe ku howlanaa qaybinta raashinka ay ka heleen wadamada Imaaraadka Carabta.

 

Raashinkan deeqda ah ee loo qaybiyay dadka dhibaateysan ee ku nool Wardhiigley ayaa isugu jirtay bur, bariis, caano boore iyo baasto, iyadoo mas'uuliyiinta guddiga ay ku qaybinayeen tiro kaarar ah oo ay dadka raashinka la siiyay horay loogu qaybiyay.

 

Muuse Faarax Maxamuud oo ka mid ah mas'uuliyiinta guddiga ayaa saxaafadda uga warbixiyay qaabka ay ku bixinayeen raashinka isagoo sheegay inay deeqdan horay uga bixiyeen degmooyinka ay dowladdu maamusho qaarkood haddana ay ku talo-jiraan inay degmooyinka harsan ka bixiyaan.

gargaar2.jpg

 

"Waxaan maanta degmada Wardhiigley ka qaybinaynaa deeqdan raashinka ah oo ay guddiga horay uga heleen wadan ka mid ah kuwa carabta, waxaana horay uga soo qaybinay degmooyinka Wadajir, Dharkeynley iyo Xamar-weyne," ayuu yiri Muuse Faarax.

 

Sidoo kale, waxaa xarunta degmada Wardhiigley oo ahayd halka lagu qaybinayay deeqda raashinka ah ka hadashay guddoomiyaha degmada Wardhiigley Deeqo C/qaadir Axmed, iyadoo sheegtay inay halkaan isugu yimaadeen dad haysta kararka ay guddiga ku qaybinayeen raashinka iyo dad aan haysan oo ka tirsan deegaannada horay looga soo qaybiyay.

 

Ugu dambeyn, qaybinta raashinka loo qaybinayay dadkan tirada badan ayaa kusoo gaba-gabowday jawi daggan, iyadoo ayan jirin wax qalalaase ah oo dhacay ayna ammaanka sugayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

gargaar.jpg

gargaar3.jpg

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boqolka maalmood ay qabsatay xukuumadda Farmaajo maxaa uga qabsoomay

 

Maanta (07.03.2011) waxay ku egtahay 100-kii maalmood ee xukuumadda KMG ay qabsatay in ay wax uga qabaneyso arrimo badan, kaddib markii dhamaadkii sanadkii hore ay baarlamaanka hor tagtay.

 

Halkaan waxaan ku soo gudbineynaa qeyb ka mid ah waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda.

 

Caddaaladda.

 

 

 

Sidoo kale xukumadda ayaa horumar ka sameysay dhinaca caddaalada oo markii ugu horeysay xukuno qisaas ah lagu fuliyay ilaa dhowr askari oo horay u dilay askar kale iyo dad rayid ah, halka xukunno badan oo madani ah ay dhaceen, taas oo ka mid ah horumarka ay sameysay dowladdu.

 

Tallaabadan ayaa yareysay isku dhacyo ciidamada Dowladda ku dhex mari jiray dowladda mar haddi ay xaqiiqsadeen in aan la ogolaaneynin in umadda la xasuuqo ama Fitno la abuuro.

 

Rag hubeysan oo lagu eedeeyay in ay rasaas ku fureen dad dhigayay dibad bax nabadeed ayey xukuumaddu balan qaaday in cadaaladda la hor geynayo, ayadoo xabsiga ku heysa dadkaasi, .waxayna xukuumaddu Caafimaad dalka dibediisa ah u qaadday qaar kamid ah dadkii ku dhawacmay falkaasi iyo shilal kale oo magaallada ka dhacay.

 

Dib-u-heshiisiinta.

 

 

 

Xukuumadda KMg ah ayaa wafdi heer wasiir ah oo uu hoggaaminayay R/lwasare ku xigenka ahna wasiirka qorsheynta Dr. C/wali Maxamed Cali u dirtay gobolka Mudug oo ay ka jireen colaado u dhaxeeyay Beelo walaalo ah, waxayna ku guuleysteen in ay heshiis dhex dhigaan maleshiyo beledyo dagaalkoodu sababay dhimashada in ka badan 40 ruux.

 

Xukuumadda ayaa albaada u furtay mucaaradka, waxayna wadahadal la galaan maleeshiyada Al-shabab inkastoo ay ku gacan seyreen Dagaal Oogayaasha waaweyn haddana waxaa fursadaasi ka faa’iideystay in ka badan 70 dhalinyaro ah oo ka tirsanaa kooxdaasi, kuwaasoo ay xukuumaddu soo marisay safka dowladda, dhinaca cafimaadka ayaa lagu guuleystay in dib loo furo cusbitalka Martini oo si toos ah uga shaqeeya daryeelka ciidamada qalabka sida ee Soomaliya halka horay loo geyn jiray goobo si gaar ah loo leeyahay.

 

Dhaqaalaha.

 

Intii lagu guda jiray 100-ka maalmood ayay xukuumaddu dejisay Miisaaniyad Sanadeed uu dalku leeyahay taas oo keentay in Ciidamada qalabka sida ee Soomaliya iyo dhamaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladduba ay bil weliba joogto u helaan xuquuqdooda si loo dardar geliyo howlaha qaranka.

 

Sidoo kale Xukuumaddu waxay hagaajin ku sameysay Maamulka Hay’adaha ku shaqada leh dhaqaalaha, waxaa la magacaabay Agaasime Guud oo cusub oo Wasaaradda Maaliyaddu ay yeelatay, sidoo kale waxaa la hagaajiyay dhamaan hoggaanka Ilaha dhaqaalaha, sida Dekadda Muqdisho, Garoonka diyaaradaha iyo Bangiga Dhexe.

 

Tallaabooyinkaan waxay dhaliyeen in uu kor u kaco dhaqaalaha ka soo xarooda Ilaha dhaqaalaha ee dalka oo Afar laab kor aaday sida uu sheegay wasiirka warfaafintu.

 

Dhinaca Bani’aadamnimada.

 

 

Abaaro baahsan oo ku dhuftay dalka, oo dhalisay in ay dad badani dhintaan, xukuumadda KMG ayaa dadaal dheer u gashay sidii wax looga qaban lahaa, R/wasaare Farmajoayaa magacaabay guddi ka kooban 15 xubnood oo gargaar gaarsiiyay dadka tabaaleysan.

 

Sidoo kale Xukuumaddu waxay baaq u dirtay beesha Caalamka, Qaramada Midoobay, Dowladaha Carabta iyo shacabka Soomaaliyeed, kaas oo lagu caawinayo dadka ay abaaruhu ay ku heystaan gudaha dalka, arrintaas waxaa ka jawaabay dalalka Qaar oo gargaar keenay, halka kuwo kale la sugayo.

 

Ammaanka.

 

 

Xukuumaddu waxay waqti gelisay hagaajinta Ciidamada Qalabka sida ee dalka, waxaa tababar loo furay Ciidamo, gudaha iyo dibadda dalka, waxaa la hagaajiyay maamulka ciidamada, waxaana la magacaabay saraakiil noqota hoggaanka ciidamada, ayadoo la saxay Liiska Ciidanka.

 

Waxaa meesha laga saaray kooxihii ammaan darrada ka waday magaalada Muqdisho, ayadoo la uruuriyay Askartii Dowladda ee waddooyinka lagu arki jiray, taasna ammaanka magaalada ayay wax ka bedeshay.

 

Ciidamada Dowladda ayaa fashiliyay dhowr isku day oo ay maleeshiyaadka Shabaab ku qarxin lahaayeen goobo muhiim ah iyo xarumo ay ku badnaayeen dad shacab ah, waxaana la soo qabtay dhagar qabayaal badan oo ku howlanaa falal ammaanka lid ku ah.

 

Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM, waxay magaallada Muqdisho ka fuliyeen howl gallo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab, waxayna la wareegeen goobo ay horay maleeshiyaadku ugu sugnaayeen, waxaa ka mid ah xarunta wasaaradda Gaashaandhigga iyo goobo kale oo ka mid ah waddada Warshadaha.

 

Sidaa si la mid ah, Ciidamadu waxay howl gallo ka sameeyeen gobollada dalka, waxay la wareegeen Degmada Beledxaawo, Luuq, Ceel Waaq iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Gedo.

 

Sidoo kale waxay howl gallo noocaan oo kale ah ka sameeyeen gobollada Hiiraan iyo Galguduud, waxayna la wareegeen deegaano ay maleeshiyaadku ku sugnaayeen oo ay hadda si nabad ah ay ku maamulayaan Ciidamada Dowladda.

 

Arrimaha dibadda.

 

Xukuumaddan waxay ku guuleysatay in ay caalamka ka hesho Taageero Diblomaasiyadeed, waxayna muujisay xiriir wanaagsan oo lagu qanci karo, ayadoo ka qeyb gashay shirar caalami ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, ayadoo hor dhigtay caalamka Qorshayaal cad cad oo ku wajahan howlaheeda, kuwaas oo lagu qancay.

 

Waxaa lagu guuleystay in Jaaliydaha Soomaaliyeed ee dibadda ku nool laga dhaadhiciyo in ay taageeraan dowladda KMG, kuwaas oo dhaqaale u uruuriyay dowladda kaddib markii ay ku qanceen wax qabadkeeda, dowladdu waxay ka qeyb gashay shir ay abaabuleen jaaliyadaha Soomaaliyeed oo ka dhacay Finland kaas oo looga hadlay xaaladda dalka.

 

Beesha Caalamka ayaa isku raacday in la taageero Dowladda Soomaaliya oo loo aqoonsaday in ay dagaal kula jirto Argagixiso caalami ah, waxayna Dowladdu guddoontay Taageero ay u fidiyeen dowlado dhowr ah oo ku saabsan dhinacyada ammaanka iyo Bani’aadamnimada.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay Jaamacadda Carabta ka dhaadhiciso in Dalka Liibiya laga daadgureeyo dadka Soomaaliyeed eek u dhibaateysan, taas oo ay aqbashay Jaamacadda Carabtu, waxaana dadkaas la geynayaa dalka Suudaan si ay uga badbaadaan Qalalaasaha ka taagan Liibiya. Sidoo kale Jaamacadda Carabta ayaa Tababar siisay Dimlomaasiyiin Soomaaliyeed oo shahaado Caalami ah ka qaatay magaallada Muqdisho Siminaar loogu qabtay, kuwo kalena waa la sugayaa.

 

Warfaafinta.

 

 

Xukuumadda KMG ayaa ku guuleysatay in dib loo soo celiyo wargeyskii Dalka, oo muddo aan soo bixin, kaas oo laga qeybiyo Dalka Kenya iyo Soomaaliya, ayadoo qorshaha dhow uu yahay in la gaarsiiyo Jabuuti, Minnesota (USA) iyo Dubai.

 

Xukuumadda KMG ayaa todobaadkaan gudahiisa (Jimcaha) hawada soo gelin doonta TV-ga Qaranka Soomaaliyeed, waxaa la diyaariyay hadda Stuudiyihiisa iyo waliba qalabkii uu ku shaqeyn lahaa, ayadoo tababarro la siiyay shaqaalihii ka shaqeyn lahaa.

 

Waxaa qabyo ah oo gacanta lagu hayaa, Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Madbacaddii Qaranka, Tiyaatarkii Qaranka iyo Hagaajinta Fanka iyo Fannaanka (Hobollada Waaberi). Xukuumaddu waxay ku guuleysatay in ay mushaar siiso Fanaaniinta Waaberi. Waxaa sidoo kale la sameeyay Gaadiid lagu xiray cod baahiye kaas oo ka qeyb qaadanaya wacyigelinta Bulshada iyo Ciidamada.

 

Xukuumadda KMG ayaa ku guuleysatay in la howl geliyo furaha Internet-ka ee .SO (dot SO), waxaana la sameeyay E-mailo ay leedahay dowladda Soomaaliya oo ku dhamaada .gov.so, ayadoo wasaarad kasta loo sameeyay Cinwaanadaasi. Furaha Internetka waxaa ka jiray madmadoow badan, dhawaana waxaa la filayaa in dhammaan dadku ay isticmaalaan.

 

Waxbarashada.

 

 

Xukuumadda KMG ayaa dalka keentay Minxootin badan oo waxbarasho, waxaana la wadaa in Ardayda Soomaaliyeed looga faa’iideeyo fursadahaas oo u sahlaya in dalka dibaddiisa ay wax ku bartaan ayadoo si caddaalad ah loo maamulayo.

 

Xukuumaddu waxay xalisay Caqabado heystay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barata dalka Pakistaan, waxaana halkaa booqday Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo tacliinta sare oo dowladda Pakistan kala hadlay arrintaas oo hadda meel wanaagsan mareysa.

 

Xukuumaddu waxay Agab waxbarasho siisay Dugsiyo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo qeybiyay arday waxbaraneysa iyo maamullada Iskuullada.

 

 

Caafimaadka.

 

Xukuumadda KMG ayaa 100-kii maalin ee la soo dhaafay ku guuleysatay hergelinta adeegyo badan oo caafimaad, waxaa dib loo howl geliyay Isbitaalo uu ka mid yahay Martiini, waxaa Daawo la guddoonsiiyay Isbitaallada Magaalada Muqdisho, ayadoo dalka dibaddiisa loo qaaday dad badan oo Ciidan iyo shacab isugu jira.

 

Xukuumaddu waxay markii ugu horreysay soo iibsatay Qalab caafimaad oo iminka wax loogu qabto dad, ayadoo arrintaasi ay kaalin mug leh ka qaadatay adeegga caafimaad ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale xukuumaddu waxay xarumo caafimaad ka furtay Furumaha dagaalka ee ay ciidamadu ku sugan yihiin, si loogu gargaaro Askarta iyo dadka ay dagaalladu waxyeeleeyaan, taas oo aan dhicin muddooyinkii la soo dhaafay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay inay diyaarisay ruqsadaha ganacsiga

 

Talaado, 08 Maarso, 2011 (HOL) – Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Maxamuud Cabdi Ibraahim (Garweyne) ayaa maanta sheegay inay diyaarisay ruqsadaha ganacsi ee shirkadaha iyo ganacsatada caadiga ah, isagoo sheegay in shirkad iyo qof aan haysan aysan dalka ka shaqeysan karin.

 

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ruqsadaha ay ganacsatada loogu talogalay inay shirkadaha doonaya inay dalka ka shaqeystaan ay soo doonan karaan ruqsadahaas oo ah kuwo howlahdooda u fududeynayo, isagoo sheegay in arrintan ay ka mid tahay wixii ay qabteen 100-maalmood ee ay xukuumaddu qabsatay.

 

“Ma jiro qof ama shirkad ku ganacsan karta dalka iyadoo aan haysan ruqsad ganacsi,” ayuu yiri wasiirka gancsiga iyo warshadaha Soomaaliya oo sheegay in tani ay tahay qorshe ay wasaaraddu ku doonayso inay ku sharciyeyso ganacsiga dalka.

 

Sidoo kale, agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha C/llaahi Xayir Ducaale oo isaguna ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay yin wasaaraddu ay diyaarisay dhammaan shuruucdii looga baahnaa ganacsiga dibadda iyo kan gudaha iyo laysannadii ganacsiga.

 

Agaasimuhu wuxuu sheegay in laysannada ay diyaariyeen ay u qaybsanaan afar nooc oo kala ah: midka soo dajinta, midka dhoofinta, midka soo dajinta iyo dhoofinta isugu jira iyo mid gaar ah, isagoo sheegay in ganacsatada iyo shirkadaha caalamka ay laysannadaas qaataan haddii ay doonayaan inay dalka ka ganacsadaan.

 

Sidoo kale, agaasimuhu wuxuu sheegay in diyaariyeen foomamka wax lagu canshuuro, kuwaas ay ka mid yihiin kuwa lagu waxyaabaha kasoo daga garoommada dekedaha, kuwa wax lagu soo dajiyo iyo weliba kuwa lagu canshuuro gancsiga isaga gudba xuduudaha.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Soomaalidii ugu horreysay oo laga saaray Liibiya oo la gaarsiiyay magaalada Sharmal-Sheekh ee dalka Masar

 

 

Talaado, Maarso 08, 2011 (HOL) – Soomaalidii ugu horreysay oo laga daadgureeyo dalka Liibiya ayaa shalay la gaarsiiyay magaalada Sharmal-Sheekh ee dalka Masar, iyadoo ay tallaabadan noqonayso middii ugu horreysay oo qoxootiga Soomaaliyeed looga saarayo dalka Liibiya.

 

Markab nooca xamuulka ah ayaa ka qaaday 1000-qof oo ku xayirnaa dalka Liibiya dekedda magaalada Bengazi, waxaana ku jiray 33-qof oo ah Soomaalidii ugu horreeysay oo laga saaro dalka Liibiya, iyadoo la geeyay magaalada xeebta ku taal ee dalka Masar si ay uga badbaadaan colaadda ka socota dalkii ay horay ugu noolaayeen.

 

Soomaalida laga daadgureeyay dalka Liibiya ayaa waxay u badnaayeen caruur iyo haween tan iyo markii ay rabshaduhu billowdeen ku xayirnaa magaaladaas oo ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka ah.

 

Magaalada Bengazi oo mucaaradka Liibiya ay awood badan ku leeyiiin ayaa waxaa ku harsan in ka badan 90-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo la sheegay inaysan ka bixi karin guryaha ay ka daggan yihiin magaaladaas.

 

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay Axaddii toddobaadkan sheegtay inay ka heshay ururka Jaamacadda Carabta ballanqaad looga saarayo qoxootiga Soomaalida ah ee ku xayiran dalka Liibiya,m kuwasaoo dhibaatooyin kala duwan la kulmay.

 

Soomaalidan laga saaray dalka Liibiya ayaa waxay ku biirayaan 6,610-qof oo Soomaali ah oo qoxooti ku ah dalka Masar, iyadoo la rajeynayo in Soomaalida kale ee weli ku xayiran dalka Liibiya la geeyo dalka Suudaan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Waan arkay, thnx. :)

-------------------

 

Xukuumadda Soomaaliya oo soo dhaweysay ra’yi ururintii ugu horreysay oo muddo 20 sano ah la sameeyo

 

Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay xog ururin lagu sameeyay dadweynaha Soomaaliyeed oo ay Sabtida toddobaadkan soo bandhigay Hoyga Saxafiyiinta Muqdisho (Muqdisho Media House), iyadaoo sheegtay in tani u taagan tahay tallaabo loo qaaday dimoqoraadiyad dhab ah oo waddanka ka dhacda.

 

Warsaxaafadeed ay soo saartay DKMG ah ayaa lagu sheegay in ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed ‘Farmaajo’ uu soo dhaweeyay ra’yi weydiintii ugu horreysay intii ka dambeysay 1991-dii, isagoo sheegay in tani ay tusayso markii ugu horreysay sida aadka u weyn ee dadka reer Muqdisho ay isagu raacsan yihiin dib-u-dhiska dowladda iyo sida ay u rabaan habka doorashooyinka xogta ah iyo dimuqraadiyadda.

 

"Tani waa baraarujin u baaqaysa shacabka oo dhan. In badan baa nala moodsiin jiray inaynu nahay ummad kala qaybsan. Iminkase way noo muuqataa waxa ay u ooman yihiin shacabkeenna," ayuu yiri Farmaajo.

 

"Imanka dadka reer Muqdisho way garan karaan halka ay aragtida inteeda badani jirto. Waxaynu arki karnaa in waxa ina mideeya ay aad uga badan yihiin waxa ina kala geyn kara. Waxaan shaqsi walba weydiisanayaa inuu laba-jibbaaro dadaalkiisa ku aadan dib-u-dhiska dalka naga wada dhexeeya, maxaaa yeelay waa waxay cid walba doonayso. Ra’yi weyndiinta waxay heeryada ka rogeysaa cabsidii iyo cadaadintii ina soo daashatay oo imanka waxaynu maqli karnaa codka dadka caadiga ah," ayuu hadalkiisa raaciyay.

 

Ra’yi weydiintan oo ay shaacisay Mogadishu Media House oo ah xarun saxaafadeed madax-bannaan ayaa noqonaysa hay’addii ugu horreysay muddo 20 sano ah oo weydiisa dadka ku dhaqan caasimadda waxay aaminsan yihiin. Ra’yi weydiintan oo la qaaday laba jeer oo kala ah bishii Jannaayo iyo bishii November 2010, ayaa muujisay in tobankii qof dadka reer Muqdisha ah ay sagaal ka mid ah rumeysan yihiin in dowladdu tahay mid matasha Soomaaliya, halka afar-duleel, saddex ay rabi lahaayeen mustaqbalka dowlad ku timaadda doorasho xor ah oo ay dadku codkooda dhiibtaan iyada oo la tartamayo.

 

Cilmi baaristan ama ra'yi ururintan oo ka dhacday degmooyinka caasimadda oo ay ku jiraan meelaha ay maamusho Xarrakatul Shabaab ee ku teedsan jidka isku xira Afgooye iyo Muqdisho.

 

"Dowladda Soomaaliya waxaa ka go'an fulinta rabitaanka shacabka sida ku cad baaritaankan la sammeeyay ee tibaaxayay doonista shacabka ee ah inay helaan dowlad dimoqoraaddi ah oo la doortay oo ka mid ah ahdaafta ay dowladdu u xusul duubayso maadaama ay soo dhawdahay dhammaadka xilliga kalaguurka", ayuu yiri mudane Farmaajo oo haatan ku sugan dalka Mareykanka.

 

Warsaxaafadeedka dowladda ayaa lagu yiri: "Haddaba ra’yi ururinta ayaa waxay inoo caddeynaysaa in dagaallada socda aysan ahayn wax ay dadku doonayaan, balse xaqiiqdu ay tahay in 75% shacabka ay si aad ah u diideen colaadaha aan dhammaadka lahayn."

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

TFG Welcomes First Mogadishu's Opinion Polls

Somalia's transitional federal government has fully welcomed the first opinion polls conducted in Mogadishu and surrounding areas for the first time in twenty years.

 

The Transitional Government of Somalia has warmly welcomed Saturday's release of polling data from Mogadishu, saying this represents a big step on the path to true democracy in the country.

 

Prime Minister Mohammed Abdullahi "Farmajo" hailed the first proper poll since 1991. He said it demonstrates for the first time that the overwhelming majority of Mogadishu citizens agree on the fundamentals of rebuilding their state, including an overwhelming desire for democracy and popular elections.

 

"This is a wake-up call to the whole nation. For a long time we were led to believe that we were a divided people. Now we see that only a small, violent and aggressive minority stands between us," the Prime minister said in an emailed statement.

 

"Now people in Mogadishu can know where the majority view sits. We can see that we have more that unites us than divides us. I ask everyone to redouble their efforts towards healing and rebuilding our shattered country, for this is what we all want. Polls like this lift the veil of fear and oppression so that we can hear the views of ordinary people," he added.

 

The poll was released by the Mogadishu Media House, an independent media centre. It was the first in 20 years to survey attitudes in the capital city. Carried out in two sessions in January and November 2010, it showed that 9 out of ten Mogadishans regarded TFG as the legitimate government of Somalia. Seventy-five percent wished in future for a government "chosen by the people in free and transparent elections."

 

The research was carried out in all the districts of the capital, including areas of the city under the control of the armed opposition groups and the Afgooye corridor. The TFG controls at least 60% of Mogadishu, providing a safe haven to 80% of the capital's population.

 

"The TFG is committed to safeguarding the people's clear wish, as demonstrated by the poll for a democratically elected government. It is working towards that objective as we near the end of the transitional period," he said. He added that the calls for reform and popular participation sweeping North Africa and the Middle East were proof that democracy is not incompatible with Islamic principles.

 

The Prime Minister recalled that in June 2010, the leader of the extremist opposition group, Al Shabab, Ahmed Abdi Godane, had declared that "democracy is something Allah made unlawful, and someone else cannot make it lawful. If people fight till everyone is killed, that is much easier than legalizing the devil's principles such as constitutions." He said that the Mogadishu poll showed that the jihadists were far removed from the popular will of the people. "In fact, 75% of the people surveyed indicated strong displeasure with the extremists and their policies," he added.

 

He called on the extremists to put down their arms and to join the peace process. Seventy percent of the population recognized that the TFG was making "a great deal of effort" in reaching out to the opposition.

 

The poll revealed that hunger is the most pressing issue in Somalia. He called on the extremists to rescind their policy of denying people access to food provided by international aid agencies. He called on the international community to do more to ensure that the drought ravaging the country will not lead to a catastrophic famine.

 

"The TFG and our partners at the AU Mission in Somalia (AMISOM) stand ready to facilitate the provision of any aid to hungry people in all areas of the country," he said.

 

The poll showed that a clear majority of respondents supported the initiatives of the international community, including AMISOM in furthering the peace process as well providing healthcare and humanitarian services to the people. Seventy-five percent rated AMISOM and the AU as friends of the Somali people.

 

The PM also noted that the TFG is making great progress in re-establishing financial institutions and creating a culture of accountability and transparency. This would help the country's economy recover and provide jobs, education and services. Seventy-two of the respondents in the poll had identified unemployment, lack of electricity and education as critical concerns.

 

The Farmajo government has only been in power for three months but has re-opened the country's Central Bank. It has produced a national budget for the first time in 20 years, and streamlined financial reporting systems. A recent report by the International Crisis Group showed that, "TFG has been making serious attempts in recent months to inject professionalism and transparency into the revenue collection and management system. They have strengthened internal mechanisms governing dispersal of government money and create a more open and accountable fiscal system."

 

Shafi'i Mohyaddin Abokar is the NewsBlaze Somalia reporter. Contact him through NewsBlaze.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

China vows to promote Somali peace process

 

Wednesday, March 09, 2010

 

 

 

UNITED NATIONS (Xinhua) -- China supports the Somali peace process and would help to promote the political process of the war-torn African country, Chinese UN Ambassador Li Baodong, who holds the rotating Security Council presidency for March, said here Wednesday.

At a meeting with Mohamed Abdullahi Mohamed, Prime Minister of the Somali Transitional Government, at the UN headquarters in New York, Li briefed him the preparatory work of a Security Council open debate on Somalia scheduled for Thursday.

 

Li said China has always supported the Somali peace process, and supported the transitional government to promote the political process and national reconciliation under the framework of the Djibouti Agreement, a UN-facilitated peace process that began in 2008.

 

He said the Security Council debate will focus on seeking an appropriate solution to the Somali issue through a comprehensive strategy.

 

Abdullahi spoke highly of Somalia-China relations and China's initiative to hold the open debate. He also expressed the hope that China could continue to play a key role in the process of promoting the resolution of the Somali issue.

 

Source: Xinhua

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this