Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Wasaaradda Shaqada, horumarinta Shaqaalaha iyo Isboortiga DKMG ah oo loo magaacaabay agaasime cusub

 

Talaado, 25 Janaayo, 2011 (HOL) – Xaflad lagu qabtay Muqdisho, Isniintii shalay, ayaa waxaa xilka agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada, horumatinta shaqaalaha iyo isboortiga kula wareegay Aweys Sheekh Haddad, oo ka yimid dalka Ingiriiska, gaar ahaan magaalada London.

 

Xafladda, xil wareejinta ah, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka wasaaraddan C/nuur Macallin Maxamuud, agaasimayaasha waaxaha wasaaradda iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.

 

"Waxaan maanta (Isniintii), i soo gaartay warqad lagu soo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda, waxaana xilkan loo magacaabay Aweys Sheekh Haddaad, oo inooga yimid dalka Ingiriiska," ayuu yiri C/nuur Macallin, oo hadalkiisa ku daray.

 

"Xilku waa wareegto, horay waxaa noola shaqeynayay agaasimayaal guud oo ka kala yimid saddex wasaaradood oo kala ah wasaaradda shaqada, wasaaradda arrimaha bulshada iyo wasaaradda isboortiga, kuwaasoo la isku daray lagana dhigay hal wasaarad, waxaana xilka agaasimaha guud ee wasaaradda nasiib u yeeshay walaalkeen Aweys."

 

agaasime2.jpg

 

Wasiirka, oo la dardaarmayay agaasimaha guud ee wasaaradda, ayaa yiri: "Dardaarankeyga koowaad ee ku wajahan agaasimaha guud, waa inuu la yimaado howlkarnimo, hufnaan, caalad iyo wax qabad muuqda, oo aynku ku faani karno."

 

Mudane Aweys Sheekh, oo isaguna xafladda ka hadlay, ayaa sheegay inuu kaga mahadcelinayo wasiirka dardaaranka uu u soo jeediyay iyo dhiirrigelintooda ku aadan howsha loo xilsaaray.

 

"Waxay maanta ii tahay, maalin taariikhi ah oo aan aad ugu faraxsanahay in dalka iyo wasaaraddan la iigu soo dhaweeyo, ayna igu soo dhaweeyaan aqoonyahanno ku shaqeeynaya xilligan adag dalka gudihiisa, aniguna iyaga ayaan kusoo biiray, runtii waxaan ku kalsoonahay inaan la imaan doono shaqo hufan iyo talo-wanaag," ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada, horumarinta shaqaalaha iyo isboortiga.

 

agaasime1.jpg

 

Ugu dambeyn, agaasimaha cusub, wuxuu sheegay inuu ku rajo-weyn yahay inuu u guto howshiisa si waafaqsan sharciga dalka u dagsan, isagoo ka codsaday xubnaha kale ee dowladda inay gacan ku siiyaan sidii uu howshiisa u gudan lahaa.

agaasime.jpg

agaasime3.jpg

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Muqdishu can withstand anything and everything that is thrown at it: be it AS n Xisbul hebel RPGs,machine guns and their terrorist hand made grenades; American, Xabashi and their stooges with their air strikes and artillery fire; AMISOM madfac and finally soccer and basketball balls. It is truly the best city in the Horn of Africa and still the most beautiful city in Somalia bar none! All day everyday!

-----------------------

HORYAALKA 36AAD EE SOMALIA: Kooxda SITT Dallo oo ku tumatay Horseed FC

Talaado, January 25, 2011(HOL): Kooxda K/cagta ee SITT Dallo ayaa galbta ku tumatay kooxda Horseed, waxana ciyaartii labada kooxood ku dheeleen garoonka University ee magaaladda Muqdisho 4-0 guushu ku raacday SITT oo ku ciyaarta magaca diyaaradda Dallo Airlines.

 

Qeybii hore ciyaarta waxaa lagu kala nastay 0-0, hase ahaate markii la iskugu soo laabtay qeyabtii labaad ayaa difaaca kooxda Dallo Maxamed Xasan Cali wuxuu gool madax ah u saxiisay kooxdiisa daqiiqadii 48-aad, waxaana gool labaad 11 daqiiqo kaddib raaciya laacibkood Daahir Amiin.

 

Weeraryahanka kooxda Dallo Maxamed Cabdi Nuur oo ka faa’iideysanaya isku dhexyaaca iyo kalsoonidarad difaaca Horseed ayaa 7-daqiiqo gudahood wuxuu ka dhalaliyay laba gool oo cajiib ahaa, waxaana ciyaartas guud ahaan 90-kii daqiiqo ku soo idlaatay 4-0.

horyaal1.jpg

Maadaama kooxda Horseed ay ku ciyaarto magaca ciimada xooga dalka, waxaa garoonka niyad uga baxay guddoomiyaha kooxda, ahna taliyaha ciidamada qalabka sida General C.kariim Yusuf Dhaga-badan, oo u soo daawasha tagay ciyaarta.

 

Tababaraha kooxda Horseed Cumar Maxamuud ayaa laga dareemayay inuu aad uga xumaa guuldaradda iyo bur-burkii kooxdiisa ku habsatay.

 

Dhiggiisa kooxda Dallo Maxamed Cali ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay guusha uu ka gaaray ciyaartii ugu horeysay ee horyaalka, wuxuuna sheegay inay ciyaar wanaagii galabta ay soo bandhigeen uu noqdon doono mid aan hoos u dhicin.

 

Horyaalka 36-aad oo Jimcihii soo billowday ayaa berri la nasan doonaa, iyadoo maalinta khamiista ah kooxda ku ciyaarta magaca dakadaha dalka ee Dakadaha FC ay ciyaar kulul la yeelan doonto kooxda Supper Shell, waxaana ciyaartaas soo gali doontaa 3:30 galabnimo.

horyaal3.jpg

horyaal2.jpg

horyaal4.jpg

horyaal.jpg

 

 

Faarax Blue

fblue@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xukuumadda KMG Soomaaliya oo ka hadashay rasaas ay ciidammada AMISOM ku fureen dad shacab ah

 

Arbaco, 26 Janaayo, 2011 (HOL) – Dowladda Soomaaliya, ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay aad uga xun tahay falkii uu ciidammada AMISOM, ku dhaawaceen shalay afar qof oo shacab ah, kaddib markii ay rasaas kula fureen meel ku dhow saldhiga ay ka daggan yihiin Muqdisho oo uu shil ka dhacay.

 

"Marna u dulqaadan-meyno, waxyeelada shacabkeena Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Halkan waxaa u joognaa waa ilaalintooda," ayuu warsaxaafadeedka ku yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.

 

Wasiirka Gaashaandhiggaa, wuxuu sidoo kale sheegay in ku-xigeenka taliyaha ciidanka AMISOM Gen. Cyprien, uu raalli-galin buuxda ka bixiyay dhacdadii, isla markaana uu caddeeyay in la xiray askarigii falkaas geystay iyo taliyahiisiib, ayna socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo wixii kallifay falkaas.

 

Dowladda Soomaaliya, oo ka talisa qaybo yar oo ka tirsan Muqdisho, ayaa sheegtay inaysan u duqaadanayn in shacabka rayidka ah lagu laayo waddooyinka degmooyinka ay ka taliso.

 

Ciidammada AMISOM, oo dowladda ka difaaca weerarrada kaga imaada dhinacyada kasoo horjeeda, ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay jawaab tan oo kale ah ka bixiyaan fal ay ciidammada AMISOM ku dileen dad shacab ah.

 

Sannadkii lasoo dhaafay, ayay ciidammada AMSIOM rasaas ay fureen ku dileen dad shacab ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, inkastoo aysan dowladda KMG ah ka hadlin falkaas, waxaase raalligelin ka bixiyay taliyaha guud ee AMISOM.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Aqoon-isweydaarsi looga hadlayay nabadda iyo joojinta colaadaha oo Muqdisho lagu qabtay

dhaqan%20(1).JPG

dhaqan%20(8).JPG

Arbaco, 26 Janaayo, 2011 (HOL) – Aqoon-isweydaarsi hal-ku-dhiggiisu ahaa doorka nabadda ee odayaasha dhaqanka, joojinta colaadaha iyo gargaaridda dadka ay abaaruhu waxyeelleeyeen, ayaa maanta hoteelka saxafi ee Muqdisho loogu qabtay 150 oday dhaqameed.

 

Waxaa soo qabanqaabisay aqoon-isweydaarsigan hay'adda UYS, waxaana furay guddoomiyaha hay'addaas Ciise Xasan Diinax, wuxuuna si kooban uga hadlay doorka ay odayaashu ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, loogana baahan-yahay inay soo celiyaan kaalintii ay bulshada ku dhex lahaayeen.

 

Mr. Diinax, wuxuu sheegay in aqoon-isweydaarsiyadan oo saddex qeybood ahaa uu midkan yahay kii ugu dambeeyay ee loo qabto odayaasha dhaqanka. Waxaana odayaashu oo koox-koox ah ay uga doodayeen qodobbada uu ku saleysnayaa iyagoo soo gudbinayay fikaradahooda ku aadan qaabka loo nabadeyn karo dalka, loona joojin karo colaadaha, isla dadka loogu fidin karo gargaarka ay u baahan yihiin.

dhaqan%20(2).JPG

dhaqan%20(9).JPG

dhaqan.JPG

Sidoo kale, aqoon-isweydaarsigan waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxgarad, siyaasiyiin, aqoonyahanno, iyo marti sharaf kale, waxaana xubnihii khudbadaha ka jeediyay ka mid ahaa xildhibaan Cali Maxamed Seeko, oo ugu horreyntii u mahad-celiyay hay'adda UYS oo suuro-gelisay inay isku keento dadka waxgaradka ah, si ay u soo celiso doorkii ay ku lahaayeen bulshada iyo dhalinta nabadda.

 

"Dad badan oo aan aniga ka mid ahaa, waxay aamin-sanaayeen in hay'addani aysan waxba u qaban bulshada, laakiin maanta waxaa caddaatay kaalinta ay ku leedahay arrimaha nabadda, waxaana ka codsanayaa inay 15-kii maalmood oo kastaba ay mar qabato aqoon-isweydaarsigan oo kale," ayuu yiri xildhibaan Cali Seeko, oo ku daray intaas in waddanka uu burburay una baahan yahay in nabaddiisii lasoo celiyo, sidaasi daraadeedna odayaasha halkaasi isugu yimid looga baahan yahay inay iyagu door muuqda ku yeeshaan ka miro-dhalinta yoolka la hiigsanayo.

 

Dhinaca kale, odayaasha halkaas ka jeediyay khudbado, ayaa waxaa ka mid ahaa: caaqil Xasan Cilmi Yaxye, C/llaahi C/lle Wehliye, Nabadoon Maxamed Sheekh Axmed, iyo guddoomiyaha guddiga beesha Habar-gidir Abuukar Sheekh Cusmaan "Abuukar Ganey", waxayna dhammaantood siyaabo kala duwan uga hadlay fikradana lasoo jeediyay mudadii uu socday aqoon-isweydaarsiga, waxayna ka codsadeen hay'adda UYS, inay kordhiso seminaarrada odayaasha dhaqanka iyo nabadoonnada si loo xoojiyo doorka ay ku leeyihiin dib u soo celinta nabadda bulshada.

 

Odayaasha, ayaa ka hadlay xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka Soomaaliya, iyagoo ka codsaday dhinacyada isku haya Soomaaliya, inay ogolaadaan inay furaan jidadka si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameynta ku yeesheen ee ku nool gobollada fog-fog iyo kuwa dhow ee Soomaaliya.

dhaqan%20(3).JPG

dhaqan%20(7).JPG

dhaqan%20(4).JPG

dhaqan%20(5).JPG

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya oo shaqada ka raacadeeyay shirkadda Saracen International

 

Xukuummadda kmg ee Soomaaliya oo horey shaaca uga qaaday in’ay xiriirka u jari doonto shirkadda Saracen International oo laga lee-yahay dalka Maraykanka, ayaa waxaa maanta laga mamnuucday in’ay ka hawl-gasho dalka Soomaaliya.

 

Raa’isal Wasaaraha dowladda kmg ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Maxamed “Farmaajo” oo maanta kullan balaaran la-yeeshay Golaha Wasiiradiisa ayaa wuxuu shaqada uu ka raacadeeyay shirkadda Saracen, oo dalka ka hawl-gelli jirtay.

 

Farmaajo ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maanta wixii ka dambaayaahi ay shirkadaasi ka hawl-gelli kareyn gudaha dalka Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in’ay fahmi waayeen waxay ay tahay shirkadaasi oo ah shirkad gaar loo-lee yahay.

 

Sidoo kale Raa’isal Wasaaraha dowladda Soomaaliya Maxamed C/Laahi Maxamed “Farmaajo”

ayaa wuxuu kaloo uu sheegay in dalka Soomaaliya ay ka mamnuuci doonaan, shirkado kale oo iminka dalka ka hawl-galla, isagoo intaasi ku daray in’ay iminka ku wadaan baaritaano.

 

Dhanka kale talaabadaan uu Farmaajo shaqada uu uga joojiyay shirkada Saracen International ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay xubno kamid ah Golaha Wasiirada ee dowladda Soomaaliya, oo kullankani goob joog ka ahaa.

 

Shirkadda Saracen International ayaa waxaa la-garan waayay cidda dhabta ah ee heshiiska la-gashay, iyadoo ay jah-wareer fara-badan ay dhalisay, ciddii heshiiska lasoo saxiixatay shirkadaan oo laga lee-yahay dalka Maraykanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Typical and proud.

--------------

 

Maamulka G/Banaadir oo maanta xariga ka jaray xarumo cusub

banadirxarigjar.jpg

 

 

Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 27-Janaayo-2011

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay islamkraana xariga looga jaray dib u dayactir lagu sameeyay xaruntii maamulka degmada X/jajab iyo kawaankii Malaayga ee degmada X/weyne oo dhawaan ay dib u habayn ku samaysay hay'adda UNDP ee Qaramada Midoobay ayaa manta lagu kala qabtay xarunta degmada X/Jajab iyo Kawaanka Malaayga ee degmada X/weyne.

 

Guddoomiyaha degmada X/weyne C/llaahi Ibraahim Sahal Gardhuub oo goobta xariga looga jaraayay dhismaha cusub ee Kawaanka Malaay goobjoog ka ahaa ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyay ku amaanay hay'adda dhismahan fulisya iyo intii gacanta ka geeysatay.

 

“Taariikhda duugowda iyo mida taagan baa xusiye Tarsan yaan loogu tagin”, ayuu tix gabay ah ku yiri C/laahi Ibraahim Sahal guddoomiyaha degmada X/weyne.

 

Sidoo kale Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo isaguna halkaa hadal ka jeediyay ayaa sheegay in uu uga mahadcelinayo cidkasta oo dadaal ku bixisay dib u habaynta lagu sameeyay dhismaha Kawaanka Malaayga ee X/weyne iyo xaruntii Degmada X/jajab, waxaana uu gudoomiyuhu wacad ku maray in aaney jiri doonin cid laga aqbalaayo in dhismahan si aan danta umada ahayn ugu ciyaarta.

 

Wuxuu sheegay in sharciga lamarsiin doono cidii isku daysa arrinkaa, isagoona dhanka kale ballan qaaday in wixii ka dhiman ee awoodiisa uu maamulku dhamaystiri doono.

banadirxarigjar1.jpg

Arintani ayaa qeyb ka ah dadaalka maamulka Gobolka Banaadir ee uu hormuudka u yahay mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu ugu jiro dib u soo nooleeynta adeegyadii bulshada ee ku burburay dagaalada dalka ka soconaya, taas oo horay uu wacad ugu maray intii karaankiisa inuu dib usoo nooleyn doono.

 

Maamulka G/Banaadir oo uu hogaamiyo mudane Tarsan ayaa tan iyo waqtigii lasoo doortay waxa uu heerba heer soo gaarsiiyay wax ka qabashada adeegyadii guud ee dalka kuwaasoo horay u bur-buray, waxaana maamulku wali ku howlan yahay howlaha nadaafadda iyo dayactirka waddooyinka dhexmara degmooyinka G/Banaadir kuwaasoo horay ay dadku dhibaato ugu qabeen.

banadirxarigjar3.jpg

 

 

banadirxarigjar2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

:D:D

-------

 

HORYAALKA SOOMAALIYA: Kooxaha Savana iyo Banadir Telecom o0 isla dhaafi waayay

 

Kooxda%20Savana.jpg

Jimco, January 28, 2011(HOL): Kooxaha Savana FC iyo Banadir Telecom ayaa galabta bar-bar dhac 0-0 ku kala baxay ciyaartii ay iska horyimaadeed garoonka Jaamacadda ee magaaladda Muqdisho ee ka tirsaneyd horyaalka 36-aad ee wadanka Soomaaliya.

 

Kooxda Savana ayaa guud ahaan ciyaarta maamulaneysay, iyadoo dhowr jeer sigtay shabaqa kooxda Banadir Telecom, maadaama ay weerar cir iyo dhul ah ku soo qaadeen difaaca kooxda Telecom, hase ahaatee difaacyada Banadir waxay muuiyeen dadaal xoog leh oo ay iskag cabiyeen handadaadii wiilasha Savana.

 

Ciyaaryahanka kooxda Banadir Telecom C/llaahi C/raxmaan Jaamac ayaa ciyaarta laga saaray (roose la siiyay) daqiiqadii 89-aad, kaddi markii uu ku kacay fal ka baxsan anshaxa ciyaarta.

 

Kooxda%20Banaadir%20Telecom.jpg

Kooxd Banadir Telecom ee difaacaneysa horyaalka loo tartamayo ayaa laga daremayay hoos u dhac xoog leh, iyadoo tababaraha kooxdaas Cali Maxamed Absuge (Cali Buu) uu berri ciyaartooydiisa la qaadan doono kulan ay ku baarayan waxyaabaha sababay hoos dhaca xoog leh ee kooxda la soo dersay.

 

Dhinaca kale xiriirka K/cagta ee Somali Football Federation (SFF) ayaa berri go’aankii ugu dambeeyay ka qaadanaya kooxda Dekedaha, kaddib markii ay diiday inay ka soo qeyb gasho horyaalka socda, iyadoo aan garoonka soo xaadirin ciyaartii ay shalay la yeelan laheyd kooxda Supper Shell.

 

Guddoomiyaha kooxda Dekada Cabdi Jiinoow Cadoow ayaa hore u aflagaadeeyay xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, midka qaaradda Africa ee CAF iyo kan adduunka ee FIFA, isagoo ku eedeeyay inay ku qaldan yihiin aqoonsiga guddoomiyaha xiriirka K/cagta Soomaliya Saciid Maxamuud Nuur (Mukambe) oo uu ku yahay mucaarad xoog leh.

 

Waxaa dhici karta in go’aanka xiriirka K/cagta ee berri la sugayo inuu noqdo in guud ahaan kooxda Dekadaha laga tir-tiro liiska kooxaha xiriirka u diiwangashan ee 25 kooxood.

horyaalka%20(1).jpg

 

Faarax Blue

fblue@hiiraan.com

 

http://www.hiiraan.com/news/2011/Jan/wararka_maanta28-12358.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Tababar lagu xoojinayay doorka haweenka ee nabadda iyo dib u heshiisiinta oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho

 

haween%20(5).JPG

haween%20(7).JPG

haween.JPG

Axad, 30 Janaayo, 2011 (HOL) – Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Saxafi maanta lagu qabtay tababar ku saabsan doorka ay haweenku ka qaadan karan nabadda iyo dib u heshiisiinta, waxaana ka qeyb-galay ururrada haweenka Soomaaliyeed, mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah iyo marti sharaf kale.

 

Siminaarkan, oo ay kasoo qayb-galeen 130 haween ah, oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaa ugu horreyntii furay guddoomiyaha hay'addda UYS Ciise Xasan Diinax, oo sheegay in siminaarkan uu yahay qaybta labaad ee loo qabto haweenka, kaasoo kor loogu qaadayo doorka ay haweenku ka qaadan karaan nabadda iyo dib u heshiisiinta.

 

Mr. Ciise, wuxuu ka codsaday ka qaybgalayaashii inay muddo hal daqiiqo ah xusaan haweenkii ku geeriyooday dhibaatooyinkii dalka ka dhacay labadii sano ee lasoo dhaafay, kuwaasoo qaarkood dhintay iyagoo ku jiray howlo dalka lagu horumarinayo.

 

haween%20(3).JPG

haween%20(2).JPG

Sidoo kale, Diinax wuxuu ka hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka taagan, isagoo sheegay in loo baahan yahay in loo guntado sidii dadkaasi loogu gurman lahaa, isagoo xusuusiyay in haweenku door muuqda kasoo qaataan xoreyntii dalka oo ay dahabkoodii iibiyeen, haatanna la joogo xilligii ay ka qaybqaadan lahaayeen sidii loo samata bixin lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.

 

Xubnihii, halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Raxma Daahir Maxamed oo u mahadcelisay hay'adda UYS ee soo qabanqaabisay siminaarka haweenka ka kala yimid qaybaha bulshada, waxayna ku boorisay haweenkii tababarka ka qaybqaatay inay u sii gudbiyaan bulshada ay ka yimaadeen waxyaabihii ay kororsadaan.

 

Sidoo kale, waxaa hadashay xildhibaanad Caasho C/llaahi Ciise, xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad, Luul Warsame, Xaawo-kiin Cali Maxamed, Cafoon Wehliye Siyaad, Faadumo Axmed Geeddi, kuwaasoo dhammaantood sheegay in haweenku ay yihiin kuwa maanta samata-bixin kara shacabka dhibaateysan.

 

Waxay sidoo kale, sheegeen in haweenku ay yihiin kuwa ka hortegi kara dhibaatooyinka dalka ka dhacaya iyo caruurta dagaallada loo adeegsanayo, waxaana haweenkii tababarka ka qaybgalay loogu baaqay inay sanduuq dhaqaale ururin ah furan, si dhaqaalaha kusoo dhaca loogu gargaaro dadka ku dhibaateysan guud ahaan Soomaaliya.

haween%20(4).JPG

haween%20(1).JPG

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra'iisul wasaare Farmaajo oo aqbalay guddiga gurmadka abaaraha Soomaaliya oo dhawaan la magacaabay

 

Isniin, 31 Janaayo, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta aqbalay guddiga gurmadka abaaraha Soomaaliya oo uu dhawaan soo magacowday wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka.

 

Guddigan, oo ka kooban 20-xubnood, ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay mudane Ibraahim Xabeeb Nuur, waxaana xubnaha ugu cad-cad ka mid ah Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow oo ka mid ah culummada sida weyn looga yaqaan Soomaaliya.

 

"Guddiga gurmadka abaaraha, waxaan ugu talogalnay inay soo ururiyaan xogta ku saabsan dhibaatooyinka ay abaaruhu geysteen iyo inay dhaqaale lagu taageero uga raadiyaan caalamka," ayuu ka yiri wasiirka arrimaha gudaha C/shakuur Xasan Faarax xafladdii guddigan lagu ogolaaday.

 

Wasiirku, wuxuu sheegay in guddigan, looga baahan yahay inay qiimeyn kusoo sameeyaan waxyeellada ay abaaruhu geysteen, ayna markaas kaddib qorshey u sameeyaan sidii ay ay gargaarka u gaarsiin lahaayeen dadka dhibaateysan.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isaguna ka hadlay xaflada, ayaa sheegay inuu guddigan aqbalay, wuxuuna hay'adda WFP, u jeediyay eedeyn ah inay ka gaabisay inay dadka abaaruhu sameeeyeen ay gargaar siiso.

 

"Dalka dhibaatooyin badan ayaa ka jira, waxaana la qisaayasaa in 2.5-milyan oo qof ay khatar ugu jiraan inay xoolahooda iyo naftooda ku waayaan abaarta taagan, horay ayaana caalamka qaylo dhaan u gaarsiinnay," ayuu yiri Ra'iisul wasaare Farmaajo.

 

Wuxuu, sidoo kale sheegay in hay'adda WFP, aysan sidii laga rabay gargaar u gaarsiin dadka ku dhibaateysan guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya, balse ay hadda u dirayaan farriin, taasoo ah inay sida ugu dhaqsiyaha badan gargaar ku gaarsiiso dadka dhibaateysan.

 

"Waxay ahayd, inay mar hore keenaan gargaar, waayo waxaan aragnaa calaamado muujinaya in abaartu ay aad u nugleysay dadka ku nool gobollada Soomaaliya oo dhan," ayuu yiri Farmaajo.

 

Mudane Ibaahim Xabeen Nuur, ah guddoomiyaha guddigan ayaa sheegay in muddo 48-saac gudahood ah, ay kusoo gudbin doonaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaaladaha abaareed ee dalka ka taagan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xisbi loogu magacdaray Dimuqraadiyada iyo la dagaalanka musuqmaasuqa oo Muqdisho looga dhawaaqay

 

Warfaafinta_jpg.jpg

sniin, 31 Janaayo, 2011 (HOL) – Xisbi cusub oo lagu magacaabo, Barnaamijka Dimuqraadiyadda iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa (Somali Anti-corruption and Democracy Initiative), ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay in qorshe howleedkiisu uu yahay mid looga hortagayo musuqmaasuqa ka taagan Soomaaliya.

 

Xisbigan, ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya, xildhibaan Farxaan Cali Maxamuud, isagoo sheegay in muddo lix bilood gudadhood ah uu kusoo dhisi doono xubnaha xisbigan, sidoo kalena uu kusoo diyaarin doono xeerarka shaqo ee barnaamijkan.

 

"Waxaan la dagaalamaynaa, musuqmaasuqa ka taagan Soomaaliya. Runtiina waxaa markhaati u ah musuqmaasuqa dalka ka jira, in Soomaaliya ay sannad walba kaalinta koowaad ka gasho dalalka uu musuqmaasuqu hareeyay," ayuu yiri mudane Faraxaan.

 

Mudanuhu, wuxuu sidoo kale sheegay in ujeeadoodu aysan ahayn mid ay dano gaar ah ka leeyihiin, balse ay ugu talogaleen inay si sharci ah wax u saxaan, iyagoo kaashanaya cid walba oo kasoo horjeeda musuqmaasuqa iyo wax isdaba-marinta.

 

"Dhibaatada dalkeenna ka jirta, ma ahan mid eersanaysa madfaca dhacaya, balse madfaca waxaa sababay musuqmaasuqa, waayo cid walba oo mas'uul noqota sidii ay doonto ayay awoodda dalka ugu takri fashaa, waana taas midda dhalisay dhibka maanta taagan," ayuu yiri xildhibaan Farxaan.

 

Sidoo kale xildhibaanku, wuxuu sheegay inay la xisaabtami doonaan mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya, si loo saxo khaladaadka jira, isagoo xusay inay la shaqeyn doonaan dhammaan hay'adaha kala duwan ee dowladda, sida baarlamaanka, kuwa sharciga.

 

"Barnaamijkaan, waa mid aan uga hortagayno musuqmaasuqa. Waxaan ku talo-jirnaa inaan sameyno qorshe howleed shan sano illaa toban sano ah oo wax looga qabanayo musuqmaasuqa Soomaaliya ka jira," ayuu mudane Farxaan ka sheegay hadal uu ka jeediyay furintaankii xisbigan cusub.

 

Xaflada furitaanka, waxaa kasoo qaybgalay xildhibaano ay ka mid ahaayeen Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo horay u soo noqday wasiirka difaaca Soomaaliya, Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Cabdi xaashi C/llaahi iyo xubno kale oo isugu jiray, bulshada rayidka, fanaaniin, aqoonyahanno iyo marti-sharaf lagu casuumay xafladda.

 

Wasiirkii hore ee warfaafinta DKMG ah, wuxuu sheegay inay u kaashan doonaan la dagaalanka musuqmaasuqa bulshada rayidka ah, isagoo xusay in habka ay raaci doonaan uu yahay mid sharciyeed, balse aysan jiri doonin inay meel cidlo ah qof ka eedeeyaan.

 

"Sababta, aan xisbigan ugu dhawaaqnay waa inaan u dagaalano in dalka uu ka baxo musuqmaasuqa, sidoo kalena uu qof walba oo Soomaali ah uu helo xuquuqdiisa guud iyo middiisa gaarka ah," ayuu yiri xildhibaan Farxaan.

 

Gabagabadii khudbaddiisa, oo ahayd tii ugu dheereyd ee laga jeediyo xafladii lagu furay xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay, ayuu ku sheegay inay xoogga saari doonaan in madaxda dalka loogula xisaatami lahaa howlahooda, si kutakri-fal awoodeed iyo mid dhaqaale ay meesha uga baxdo.

 

Beesha Calaamka, shacabka Soomaaliyeed, hay'adaha wuxuu ka codsaday inay ka geystan gancan sidii uu barnaamijkan ku guuleysan lahaa, isagoo sheegay in hadafka ugu dambeeya ee ay higsanayaan uu yahay in dalka lagu hago dimuqraadiyad iyo cadaalad.

 

Xildhibaannadii kulanka, kasoo qaybgalay oo iyaguna hadallo ka jeediyay xaflada ayaa waxay soo dhaweeyeen xisbiga, iyagoo sheegay inay ku garab-taagan yihiin xildhibaan Farxaan, iyagoo ka codsaday xildhibaanka, inuu qorshaha ku darsado, sidii uu uga hadli lahaa musuqmaasuqa caalamku ku hayo dalka Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Hay'adda CCD oo Odayaal-dhaqameeyo ugu furay Muqdisho siminaar ku saabsan Nabadda

 

ccd%20(7).JPG

Arbaco, 02 Feberaayo, 2011 (HOL) – Hay'adda CCD, ayaa maanta uga furtay hotel Saxafi ee Muqdisho 150 oday-dhaqameed siminnaar ku saabsan nabadda. Waxaana furitaanka siminnaarkaas kasoo qayb-galay xildhibaanno baarlamaan, iyo marti sharaf kale, kuwaasoo khudbado kala duwan u jeediyay ka qaybgalayaashii siminnaarka.

 

Siminnaarkan, ayaa waxaa khudbado ka jeediyay xildhibaannada kala ah: Xasan Cali Warento, Salaad Cali Jeelle iyo C/llaahi Axmed Garuun, kuwaasoo xusay in oday-dhaqameedyadu ay yihiin kuwa keliya ee qayb ka qaadan kara nabadda iyo in lagu soo hago jidka wanaagsan dhallinyarada dagaallada wada, waxayna xildhibaannadu ku boorriyeen odayaashii kulankaas soo xaadiray, inay xaafadaha Muqdisho ku qabtaan wacyi-gelinno loga ku saabsan in dagaallada la joojiyo, lana horumariyo nabadda.

 

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle, oo khudbad jeediyay, ayaa sheegay in odayaashu ay udub dhexaad u yihiin dhalinta nabadda iyo ka hortagga colaadaha, isagoo sheegay in haddii odyaashu ay isku duubni muujiyaan inay kooxaha iskasoo horjeeda ku qancin karaan inay dagaallada joojiyaan.

ccd%20(6).JPG

ccd%20(8).JPG

C/llaahi Axmed Garruun, ayaa isna sheegay in dhallinyaraa ay yihiin kuwa loo adeegsanay colaadda dalka ka taagan, ayna oday-dhaqameeyadu yihiin kuwii ku guuleysan lahaa inay isbadal ku sameeyaan dhallinyarada, wuxuuna xusay in dhibka dalka ka taagan uu yahay iyadoo isbadal muuqda lagu sameeyay dhaqankii Soomaalidu ay lahayd, sidaasi daraadeedna looga baahan yahay oday-dhaqmeedka inuu taas ku baraargo.

 

Nabadoon Khaalid Cabdi Jimcaale, oo ka mid ahaa odayaashii kulanka ka qaybgalay oo hadlay, ayaa isaguna sheegay in odayaashu yihiin awooddii dhallinyarada ka duwi lahayd jidka ay ku taagan yihiin ee lagu hurinay colaadaha, wuxuuna sheegay in sidoo kale odayaashu ay awood u leeyihiin inay dhallinyarada ka dhaadhiciyaan inay nabadda ka shaqeeyaan.

 

Gabagabadii furitaanka siminaarka, ayaa waxaa kaloo ka hadlay nabaddoon Shariif Xuseen Jilacow, Sheekh Muuse Caga-weyne, Ugaas Warsame Cali Suuley, nabaddoon Mahad Axmed Xaashi iyo Sheekh Axmed Maxamuud Jilicow oo dhammaantood siyaabo kala duwan uga hadlay baahida maanta loo qabo in dalka iyo dadka lagu soo dabbaalo nabad iyo xasillooni waarta, taasoo horseed u noqon kara in la helo dhallinyaro nabadda ka shaqeysa.

ccd%20(2).JPG

ccd%20(10).JPG

ccd%20(9).JPG

ccd%20(1).JPG

ccd.JPG

ccd%20(5).JPG

ccd%20(3).JPG

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaailya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Golaha Wasiirada Dawladda Federaalka oo Ka Dooday Arimo Kala Duwan

 

Waxaa maanta shir isugu yimid Golaha Wasiirada Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya iyadoo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyadoo looga dooday shirka qodobo badan.

 

Ugu horeyntii golaha Wasiiradu waxay ka doodeen Qormo ay soo gudbiyeen guddi heer wasiiro ah oo horay loogu xil saaray kuna saabsan Hab-raaca marxaladda kala guurka ah iyo qorshe howleedka dowladda iyo sida ugu haboon ee goleyaasha Dastuuriga ah ee qaranka uga gudbi karaan marxaladda dhamaadka waqtiga dowladda Federaalka KMG ah ee ku eg bisha Augost 2011 dood dheer kadib, goluhu wuxuu isku raacay in dib loogu soo celiyo muddo yar gudaheed.

 

Golaha Wasiirada waxaa kale oo ay maanta ka doodeen dib u habeynta Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradadaha, waxaana la soo hor dhigay 4 musharax oo u tartamayay xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, dood dheer kadib waxay isku raaceen in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda loo magacaabo Drs. Marwo Amina Sheekh Cismaan oo aheyd Agaasimaha waaxda Miisaaniyadda ee Wasaaradda Maaliyadda laga soo bilaabo 2006 illaa xilligan, bare macalin-na ka ah Kulliyadda dhaqaalaha ee Jaamacadda Muqdisho.

 

Golaha Wasiirada waxay ka hadleen shilkii ka dhacday isgoyska Baanadir arrintaas oo dood kadib loo xil saaray Guddi heer Wasiiro ah oo qaban qaabiya sidii dadkii ku dhaawacmay shilkaasi ee aan dalka gudihiisa waxba looga qaban Karin loogu qaadi lahaa dalka Jabuuti si loogu soo daweeyo, iyadoo sidoo kalena ay dowladdu taakuleyn doonto dadka dhaawacyada fudud qaba kuwo dhintayna waxay u direen tacsi iyagoo sheegay in fiiro gaar ah loo yeelan doono.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo golihiisa Wasiirada ayaa mahadnaq ballaaran u jeediyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Dowladdiisa iyo shacbiga aan walaalaha nahay ee Reer Jabuuti oo mar waliba walaalahooda Jahmuuriyadda Soomaaliya la garab taagan hiil iyo hooba aan kala go’a laheyn.

 

Afhayeenka Xukuumada

 

Mudane Cabdi Xaaji Gobdon

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this